-
Content Count
211,144 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Safaaradda Soomaaliya ee Sudan welin waxaa ka taagan dhibaato lagu hayo ardayda Soomaaliyeed ee Sudan wax ka barata, iyadoo hada laga qaado lacago baad ah ama Laaluush. Safaaradda maxay aradaydu uga baahan yihiin? Sida lagu yaqaano shaqada safaarad waa in mawaadinka Safaaraddaas ay matasho laga ilaaliyo wax kasta oo dhibaato ah, hase yeeshee Safaaradda Soomaalidu ku leedahay Sudan howshaas maqabayee eeardayda ayaa lagu cadaadiyaa weliba xilka iyaga lagu matalo ayaa lagu handadaa sida ay telephone ka iigu sheegeen ardayda qaar kamida oo Baasabooraddii lagu heysto ku dhowaad Sanad. Aradyga Soomaaliga ah ee Baasaboorka Soomaaliya dalbada waxaa laga qaadaa lacag dhan $165 Dollar safaaradaha kale ardayda wadamada kale lacagtan oo kale lagama qaado oo ugu qaalisan dalabka Baasaoorka Soomaaliya, laaluush qasab ah ayaa lag qaada ardayda waana $70 Dollar tasoo wadarta ka dhigaysa $ 235 dollar “Qali sanaa” Baasaboorku kaaga sii darane lamaba helaayo. Warkaan qeybtiisu tahay laaluush bixin ayaa ayaa ka jaawaabtay waxaana nala hadlay Cabdalla oo ah howlwadeen katirsan Safaaradda “kuwa aan Baasaboorka la siin ee uu ka maqan yahay waxa ay mafkast aflagaadeeyaan Safaaradda iyo shaqadeeda kuwo arday ah ayaa la dagaalanaa oo xitaa tahriibka ka ganacsada kuwana shahaado aan sax aheyn ayey sameystaan waanku dhibtoonay mamulidda arday” Ardayda ila hadashay badankood waxa ay sheegeen in cabashadooda aa waxaba laga qaban tan iyo markii Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre uu Suudaan tagay. Goor sii horeysay warbaahinta waxaa loo sheegay war ahaa in loo yeeray dhammaan shaqaalaha Safaaradda si xal loogu helo cabashada ardayda, xal lama gaarin weli. Markii howl wadeenadda Safaaradda loo yeeray kadib waxaa la sheegay in shaqaalaha isbadal lgu sameeyey hase ahaatee Ardaydu waxa ay leeyihiin weli qaskii aa ka dacwoonay ayaa taagan. Shaqaalihii la sheegay in la badalay miyaa shaqeeya Mise? 79 arday oo suudaan jaamacado kala duwan ka dhigta ayaa Goobjoog News u sheegay in weli howl wadeenaddii ayka dacwoodeen aan isbadal muuqda lagu sameyn. Waxaa dadkii laga cabanayey ee weli shaqeey kujira laba howl wadeen oo magacyadooda lagu soo koobay Cabdullaahi iyo Seynab. Si dhammaan dhibaatooyinka safaaradda Soomaaliya ee Suudaan ardaydu ayka tirsanayaan looga gudbo waxaa lagama maarman ah in safaaraddu qabato howshii loo igmaday, ardayduna ay muujiyaan ixtiraam ku aadan dulqaad ay u yeeshaan sugidda Baasaboorka maalmo ama bilo hadba inta uu ka maqnaado. Cali Aadan Muumin Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde ayaa Maalintii Arbacada waxaa lagu qabtay lacago dollar been abuur ah oo aad u badan, taas oo la doonayey in laga dhoofiyo halkaas, sida ay ilo-wareedyo u sheegeen Caasimada Online. Qaar ka tirsan howlwadeenada Garoonka oo diiday in magacooda loo isticmaalo warbixintaan ayaa Shabakadda Caasimada Online u xaqiijiyey in Gaaroonka lagu qabtay lacagtaas, islamarkaana la xiray dadkii waday. Illo wareedyadaas ayaa sidoo kale xaqiijiyey inay lacagtaas gaareysay ilaa dhowr boqolaal oo kun oo Dollar waxaana dhoofin rabay Ganacsato Soomaaliyeed, oo kusida boorsooyinka lagu safro markii la qabanayey. Sida xogta aan ku helnay waxaa xiran dhammaan ganacsatadi howshaas loo qabtay oo hadda u xiran Dowladda Soomaaliya isla markaasna waxaa hadda ku socdo baaritaan lagu ogaanayo halka lacagtaas loo waday iyo Meesha lagu daabacay. Ilaa hadda si rasmi ah looma ogo halka lacagtaas loo waday iyo tirada xaqiiqda ah oo ay aheyd balse warar hordhac ah oo aan helnay ayaa xaqiijinayo in lacagtaas lagu sameeyey Makiinado yaalo Magaalada Muqdisho. Dowladda Soomaaliya ayaa hadda gacanta ku heyso lacagtaas waxaana la filayaa in Saxaafadda loosoo bandhigo marka uu soo dhamaado baaritaanka lagu hayo ganacsatadii lacagtaas lagu qabtay. Amaanka Garoonka Muqdisho iyo baaritaanada ayaa si weyn loo adkeeyey tan iyo markii ay Kooxda Al-Shabaab qorsheeyeen weerar uu sameeyey Ismiidaamiye rabay inuu qarxiyo mid kamid ah Diyaaradaha isticmaalo Garoonkaas. Sidoo kale garoonka waxaa joogo qubaro dhanka baaritaanada qaabilsan oo ajaanib ah kuwaas oo si weyn uga qeyb qaato baaritaanada waxyaabaha laga dhoofinayo Garoonka iyo kuwa lasoo dajinayo. Wixii warar ah ee arrintaan kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
A court in Wajir postponed hearing of a gang-rape case after a witness failed to turn up. Source: Hiiraan Online
-
Garoowe (Caasimada Online) – Taliska ciidamada xasilinta magaalada Garoowe ayaa ka warbixiyey howlgal ay ciidamadu ka sameeyeen magaaladaasi iyo sidoo kale dagaal xalay ka dhacay magaalada Garoowe. Howlgalka ayaa inta uu socday waxay ciidamadu la kulmeen weerar sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira. Sarreeyo Guuto Muxudiin Axmed Muuse oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamadu ay gacanta ku dhigeen waxyaabaha maanka dooriya, sidoo kalena iska difaaceen rag hubeysan oo doonayey in ay ciidanka ka qabsadaan waxyaabihii howlgalka lagu qabtay. Waxa uu taliyaha sheegay in dagaalkii xalay ku geeriyootey haweeney xabad wiifto ah ugu tagtay hoygeeda sidoo kalena dhanka askarta ay Labo qof ka dhaawacantay. Taliye Muxudiin ayaa sheegay iney ku raad joogaan cid walbo oo weerarkaasi ka dambeysay, isaga oo tilmaamay in weerarkii xalay ay soo qaadeen dad doonaya in magaalada lagu dhex iibiyo Qamrada iyo Xashiiska. Ammaanka magaalada Garoowe ayaa habeennadii ugu dambeeyey faraha kasii baxayey, waxaana magaalada ka dhacay rasaas qaarkeed la ogeyn waxa ay ahayd iyo burcad dhac geysaneysay. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
MOGADISHU (Caasimada Online) — The Islamist group Al-Shabab fighters have seized control of key areas near Bal’ad town, some 30km north of Somali capital Mogadishu. The group’s masked militants flooded to three villages near the town on Saturday after Somali army forces and African Union troops suddenly pulled out, a witness said. He says heavily armed Al-Shabaab fighters had re-seized all Mukay, Dheere and Yaaq areas near Bal’ad town. “Hundreds of gun-toting Al-Shabab fighters have moved back into in villages near Bal’ad town without fighting or firing a single shot after the coalition forces withdrew”, he said. He says the Islamist group’s fighters raised its flags inside the areas and started to preach to residents and warning to collaborate with Somali forces and African Union troops. It remains unclear the withdrawal made by Somali army forces backed African Union peacekeepers in Somalia. The group was ousted from the capital, Mogadishu, in August 2011, but still has a presence in large areas of southern Somalia and often stages attacks across Somalia. Somalia has remained in the grip of on-again, off-again violence since the outbreak of civil war in 1991. Al-Shabaab, which is waging an insurgency against the Somali government, has recently suffered several significant blows, losing most of its strongholds in southern and central to Somalia army and and African Union troops. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno degmada Balcad ee duleedka magaalada Muqdisho, ayaa waxa ay sheegayaan in deegaano hoos yimaada Degmadaas, ay la Wareegeen dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab. Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay la wareegeen deegaanada lagu magacaabo Yaaqle, Dhagaxow, Kooreebe iyo tuulooyin kale,halkaasi oo ay Ciidamada dowlada Soomaaliya ay ku lahaayeen saldhigyo. Dad ku sugan Balcad ayaa waxa ay sheegeen in Ciidamadii dowladda ee ku sugnaa deegaanada maanta Al-Shabaab ay Wareegeen ay isaga baxeen, isla markaana ay u soo ruqaan sadeen dhanka Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe. Sidoo kale waxaa la sheegay in shabaab ay goob fagaaro ah ay isugu keeneen dadkii ku noolaa deegaanada ay gacanta ku dhigeen,isla markaana khudbad u jeediyay. Dhinaca kale Degmada Balacd ayaa waxaa ka socda abaabul dagaal oo dhanka al shabaabkii la wareegay deegaanada hoos yimaada degmadaas. Maamulka degmada Balcad iyo kan Gobolka Shabeellaha Dhexe weli kama hadlin la wareegitaanka Al-Shabaab ee deegaano ka tirsan Shabeellaha dhexe. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
MOGADISHU (Caasimada Online)–Somalia’s semi-autonomous state of Puntland says its forces have captured an assortment of weapons and ammunition from the breakaway Somaliland soldiers following an ambush attack. Puntland military said its forces launched a surprise attack on Somaliland forces near Tukaraq town in Sool region, north of Somalia. It’s not yet clear the exact figures of the casualties on both warring sides, apart from the seizure of assortment of weapons and claims. Somaliland, a self-declared state, internationally considered to be an autonomous region of Somalia. There was no immediate comment from Somaliland over the claims made by Puntland. The tension in Tukaraq has been simmering in the past months after Somaliland troops seized control of the strategic town following an incursion against Puntland Defense forces. Earlier this year, the outgoing of UN’s envoy for Somalia, Michael Keating called on leaders of both states on a mission to de-escalate the tension and avert bloodshed in the already volatile region. However, Puntland and Somaliland fought sporadic battles since 2002 over the control of disputed regions in northern Somalia. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) iyo Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka ayaa ka wada hadlay ballaarinta Sohdimaha ay Caasimaddu leedahay. Duqa Muqdisho ayaa tilmaamay baahida loo qabo in Caasimaddu ay sii ballaarato, maadaama xiligan ay ku nool yihiin tiro aad uga badan waqtiyadii hore, isagoo xusay in bulshada Caasimaddu ay tallo ahaan u soo jeediyeen in la gaarsiiyo labada Wabi ee Balcad iyo Afgooye. “Maadaama uu dalku yahay Federaalka, Caasimadduna ay ka ballaaratay intii hore waxaa muhiim ah in laga wada-xaajoodo mustaqbalka sidii loo gaarsiin lahaa sohdinta hadda jira labada Wabi ee Balcad iyo Afgooye”. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa uga mahadceliyey guddiga Madaxa-bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka doorka ay ka qaadanayaan federaaleynta dalka, gaar ahaan sidii bulshadu u noqon lahayd kuwa faham u leh hannaanka federaalka. Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa sheegay ahmiyadda ay arrimahan u leeyihiin wadatashiga dadweynaha, si go’aanada la qaadanayo u noqdaan kuwa ku saleysan rabitaanka bulshada. Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka Mudane Khaliif Cabdikariin Maxamed ayaa warbixin ka siiyey Duqa Muqdisho howllaha uu guddigu qabto, isagoo faah faahin dheerna ka bixiyey shaqooyinka muhiimka ah ee horyaalla, gaar ahaan sameynta sohdimaha maamullada dalka.
-
Iyadoo weli ay jirto Hadalheyntii ku aadaneyd Gabood Falkii loo geystey Mawaadin Marxuum Axmed Mukhtaar Saalax ( Axmed Dowlo) ka dib markii inta la diley lana Gubey marka waxaa la sheekeystey nin Saaxiibkey ah oo ay Deris ahaayeen Axmed Dowlo waxaa uu ii sheegey in uu ahaa nin Weyn looga yaqaaney Xaafadda welina lahaa Asxaab iyo Saaxiib badan sidoo kale Axmed wuxuu nin Deeqsi ah oo hadana Kaftan badan. “Xaafadaan ayuu ku dhashey muddo dheer baan Deris ahayn waxaa uu u dhaqdhaqaaqi jirey Caruurtiisa iyo Carurta adeerkii isaga ayaan waxay Quutaan u soo dhicin jirey marka Dhacdaan Shaqasiyan aad baan uga naxay waayo Axmed Dowlo waxan kala qayb galey Guurka Sadex Haween ah oo ka soo jeeda Beelaha Shiikhaal, Sacad oo Caruur hore ugu dhaley balse kala tageen hadda waxaa uu qabey Laba Haween mid ay tahay Gaaljecel “Axmed Markii uu wiilka adeerka u ahaa uu gabadhaan Jeclaadey wuxuu ku doodi jirey maxaad noogu diideysaan aniga ayaa soo guursadey reero idinka Laf weyn waa sida uu ku Kaftami jirey Axmed Dowlo hase yeeshee Axmed waxaa uu ka qayb galey kulamo badan oo lagu Xalinayey Guurka Ruqiyo iyo Maxamed Cabdiramaan iyadoo inta aan la diley waxaa uu u Gogol Fariistey Wiilka uu adeerka u yahay hase yeeshee waxaa uu Goob joog u ahaa Dhacdooyin Xiriir oo lagula kacay Qoyskiisa “ ayuu yiri waxaa uu sii raaciyey “ Falka Axmed Dowlo marka uu dhacay waxaa dhowr maalmood Xiran Hooyada Dhashey Gabadha waxaan la waayey Cid damiinata, waxaana Maalinkii Khamiista Falka Dhacay ayaa Labada Dhinaca looga yeerey Maxkamada hase Yeeshee intii Maxkamada lagu maqnaa ayaa Koox kale Taageersan Mowqifka Hooyada waxay soo weerareen Axmed Dowlo, iyadoo inta uu socdey Weerarka Axmed Dowlo Waa iska caabiyey hase yeeshee Nabar Gaadmo ah oo lala heley ayaa sababatey in uu Dhulka ku dhaco ka dib Shiidaal lagu bilbiley oo Taraq lagu Shido” ayuu yiri Saaxiibkey oo inta raaciyey “Inta uu socdey Dilka ayaa waxa Dhacay in Haweeney ka mid ahayd Dadkii dilka ka qayb qaatey markey aragtey in Xaalka faraha ka baxay ayey ku Dhaqaaqdey in ay wax ka damiso Dabkii lagu shidey Axmed Dowlo , waxaa markiiba goobta yimid Ciidamo Booliska oo Xirey intii Dil Wadareedkaas ka qayb qaadatey waxaana Bulshada u sheegaya in Hooyada Gabadha Dhashey maalinka uu Dilka Dhacayey ay Xiran tahay hase yeeshe Abaabulka qayb ku la lahayd waxana Kiiska u Xiran Lix Qof oo shan ka mid ah ay ahaayen Fuliyayaashii ee Labada Dhinac ee Reerka ” Intii Axmed Dowlo uu ku jirey Qaboojiyaha Isbitaalka Digfeer ayaa Aabaha Dhaley Wiilka waxaa u la kulmey nin Turki ah oo isbitaalka ka shaqeeya waxaana looga turjumey Dhibaatada loo geystey Axmed Dowlo waxaana loo sheegey in Wiil uu adeer u ahaa oo loo diey Gabar u jeclaadey markaasuu Ninkii Turkiga ahaa waxaa uu la soo boodey “Falkaas aad baan uga Xumahay ee Maxaad nooga soo doonaeysey Gabar Turki ah anagaa ku siin lahayne“ Isku soo duubo Axmed Dowlo waxa lagula kacay Fal aad u Fool Xun waana Dhacdo ma Hadho sidaa Darteed waxaan Dhihi lahaa in Dadkii ka dambeeyey Falkaas Hayb Sooca ah in Cadaaladda la horkeeno ama diyo ay bixiyaan Beeshii dhibka Geystey si la isugu Calool Fiyoobaado islamarkaana uu u Guuleysto Guurka Ruqiya Maxamed Cabdiraxmaan W/D Amiin Yuusuf Khasaaro E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk Tel 00252615532494
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Cabdi Kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo safar ku jooga Magaalada Hargaysa ee Somaliland, ayaa sheegay inuusan tagi doonin Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Qalbi Dhagax ayaa sheegay Muqdisho inay joogaan dad aad u wanaagsan oo ka dareen celiyay ficilkii dowladda Madaxweyne Farmaajo ay ugu gacan gelisay Itoobiya, balse wuxuu sheegay inuusan dooneyn tagista Muqdisho iyo la kulanka madaxda dowladda. Wuxuu sheegay inuu tagi doono Magaalooyinka ka mid ah Puntland, gaar ahaan Magaalada Boosaaso iyo deegaanada Galmudug, halkaasi oo uu sheegay inay suuragal ay tahay xittaa in safarkiisa dhanka dhulka ah uu ku mari doono. “Boosaaso, ayaan tagayaa kadib safar dhanka dhulka ah, safarkeyga Puntland ku xiga Galmudug ayuu noqonayaa Cadaado illaa Dhuusamareeb, ma cadeyn karo Muqdisho in aan toos u tagaayo, Muqdisho waxaa jooga dad Somali ah oo aad iyo aad u fiican oo karaamo badan iyo golihii Baarlamaanka oo sharaf badan aan u haayo oo qadiyadeydii aad u difaacay, intaba waa ay mudan yihiin in aan soo salaamo, laakiin ma doonaayo qoladaa kale ee xamar joogta in aan is aragno.” Ayuu yiri Qali Dhagax. Muddo sanad ah ayaa laga joogaa markii dowladda Itoobiya loo gacan geliyay C/kariin Qalbi Dhagax oo ka tirsan Jabhada ONLF, iyadoo dhiibistiisa dowladda Somaliya si wayn ugu fashilantay. Sanad kadib Qalbi Dhagax oo xuriyadiisa dib u helay, ayaa damaashaad ku maraya Gobolo badan oo ka mid ah Somaliya iyo dalalka dariska la’ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Taliska ciidamada xasilinta magaalada Garoowe ayaa ka warbixiyey howlgal ay ciidamadu ka sameeyeen magaaladaasi iyo sidoo kale dagaal xalay ka dhacay magaalada Garoowe. Howlgalka ayaa inta uu socday waxay ciidamadu la kulmeen weerar sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira. Sarreeyo Guuto Muxudiin Axmed Muuse oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamadu ay gacanta ku dhigeen waxyaabaha maanka dooriya, sidoo kalena iska difaaceen rag hubeysan oo doonayey in ay ciidanka ka qabsadaan waxyaabihii howlgalka lagu qabtay. Waxa uu taliyaha sheegay in dagaalkii xalay ku geeriyootey haweeney xabad wiifto ah ugu tagtay hoygeeda sidoo kalena dhanka askarta ay Labo qof ka dhaawacantay. Taliye Muxudiin ayaa sheegay iney ku raad joogaan cid walbo oo weerarkaasi ka dambeysay, isaga oo tilmaamay in weerarkii xalay ay soo qaadeen dad doonaya in magaalada lagu dhex iibiyo Qamrada iyo Xashiiska. Ammaanka magaalada Garoowe ayaa habeennadii ugu dambeeyey faraha kasii baxayey, waxaana magaalada ka dhacay rasaas qaarkeed la ogeyn waxa ay ahayd iyo burcad dhac geysaneysay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax ayaa maanta waxaa lagu soo dhoweeyay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Qalbi Dhagax oo ka mid ah jabhadda ONLF ayaa ka yimid magaalada Hargeysa oo maalmihii ugu dambeeyey ku sugnaa, waxaana safarkiisan ku wehlinaya xubno kale oo jabhaddaasi ka tirsan. Waxaa lagu wadaa in halkaasi uu kula kulmo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland oo uu kala hadli doono arrimo dhowr ah. Qalbi Dhagax ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Hargeysa wuxuu ka hadlay in safaradda uu ku marayo gobollada dalka ku tagi doono Muqdisho, wuxuuna sheegay in hadda aanay taasi qorshaha ugu jirin. Waxa uu tilmaamay inuu tagi doono magaalooyin ka mid a Puntland iyo Galmudug. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
MOGADISHU (Caasimada Online)— Somali journalist, Munasar Mohamed, a senior humanitarian reporter based in Somali capital Mogadishu, said he had been receiving threatening phone calls and text messages since the past few days. Mohamed says the callers, apparently a group of men from a family involved in killing of Ahmad Mukhtar, a father of 12 kids, who was burned to death after his nephew marrying a girl from their “major clan” in Mogadishu. The victim was from one of the “minority clans” in Somalia. He said the men were warning him of ‘dire consequences’ after he reported the case of Ahmad Mukhtar. “I am always threatened to be killed by a group of men, whom I have suspected to be from the family, who burned Ahmad Mukhtar to death over his nephew marrying a girl from their “major clan”, he said. “How did you dire to publish our case and who allowed you to film it? In that case, you have to die”, the callers threatened, according to Somali journalist Mohamed. “It will not be tolerated if you act as the mouthpiece of minority clans in Somalia”, the callers said during a phone conversation with Mohamed. Mohamed called on Somali Union Journalists and other International Journalists Rights to do whatever his life could be saved. I’m facing death threats after apparent call to group of men over reporting killing of Ahmad Mukhtar, a father of 12 kids, who was burned to death after his nephew marrying a girl from their “major clan” in Mogadishu. Here is the report I have done .https://t.co/ntUHUTYroq pic.twitter.com/U2GQMEWRoL — Munasar Mohamed (@MunaserMohamed) September 29, 2018 Somalia is one of the most dangerous countries for media workers, 59 journalists have been killed since 1992, soon after a civil war began in the Horn of Africa nation, according to the Committee to Protect Journalists. It’s not entirely clear who has been killing journalists, but, Al-Shabab rebels, warlords, criminals, and even government agents all could have reasons. Somali journalists frequently receive threats. But police rarely investigate them or adequately protect reporters. The deadliest country for journalists in 2015 was Syria, where 14 were killed, followed by France with nine, according to the Committee to Protect Journalists. Around the world, 72 journalists were killed in 2015 and 10 have been killed so far this year. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa AMISOM ayaa maanta howlgal ka billaabay wadada isku xirta wadada isku xirta magaalada B/weyne iyo degmada Buulo-burde. Ulajeedka howlgalkan ayaa ah in la furo wadadan oo muddo bada u xayiran tahay Xarakada Al-shabaab. Ciidamada Itoobiya ee AMISOM ayaa ugu horreyn ku baxay maanta wadadan, waxaana xigay kuwa xoogga dalka iyo ciidanka Jabuuti.W Waxay hadda ku sugan yihiin meel 20 KM u jirta magaalada B/weyne, iyadoo saraakiisha ammaanka sheegeen in ay isku furi doonaan Buulo-burde iyo B/weyne. Wadadan ayaa ahayd mid xayiran, iyadoo muddo badan aanay adeegsan dadka shacabka ah, waana waddo Laami ah oo muhiim ah. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xildhibaannad golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa kulan looga hadlayo xeer-hoosaadka golahan ku leh magaalada Muqdisho. Kulankan maanta waxaa soo xaadirey 156 xildhibaan, waxaana shir guddoominayey guddoomiyaha golaha shacabka, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan. Xildhibaannada ayaa ka doodaya xeer-hoosaadka golaha shacabka oo wax ka bedal lagu sameeyey. Kulankan maanta socda ayaa baaqday Arbacadii aynu kasoo gudubnay, kadib markii uu buuxsami waayey Kooramka xildhibaannada. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
MOGADISHU (Caasimada Online)–A total of thirty (30) Individual Police Officers (IPOs) deployed in Somalia under the AU Mission, will leave the Horn of Africa country at the weekend, after a year-long tour of duty. The officers who performed specialized roles, were decorated with medals today, in recognition of their outstanding performance and contribution to Somalia’s stabilization. “You came here with your skills and you have been good ambassadors in terms of discipline. You have represented your countries very well, your families and the AU,” visiting Sierra Leonean Assistant Inspector-General of Police, who is also the Director of Peacekeeping Operations in Sierra Leone, Gloria Tarawally, told the outgoing police officers, during a medal awards ceremony held in the Somali capital of Mogadishu. She urged the officers from Kenya, Zambia, Uganda and Sierra Leone, to use the experience and knowledge they have gained in Somalia, to the benefit of their countries. “As you go back, don’t forget the experiences you have learnt from the SPF (Somali Police Force),” she noted. In her remarks, AMISOM Acting Police Commissioner, Ms. Christine Alalo, underscored the important role the IPOs play in transforming the Somali Police into a formidable force, capable of carrying out professional policing activities. “You came to Somalia specifically to help build the capacity of the country, a country that we all know is coming out of war. It needs the support of African brothers and sisters,” the deputy police commissioner said. Present during the medal awards ceremony were among others, the AMISOM Police Operations Coordinator Daniel Ali Gwambal and the AMISOM Police Coordinator of Reforms and Restructuring, Maxwell Chikunguru. Individual Police Officers are deployed in Somalia from the Police Contributing Countries to AMISOM; to train, mentor, and advise the Somali Police Force on day-to-day operations. The officers also co-locate and work hand-in-hand with their Somali counterparts, at various police stations in Mogadishu and the regional states PRESS RELEASE
-
Bosaso-Puntland Post]-Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi dhagax oo ka tirsan ururka ONLF ayaa maanta soo gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Garoonka diyaaradaha ee Boosaaso waxaa kusoo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan Puntland,Nabadoono iyo dad weyne watay calanka jabhada ONLF. Markii uu soo gaaray Boosaaso ayuu Cabdikariin Qalbidhagax la hadlay dadkii soo dhaweeyay isagoona sheegay in Boosaaso uu u yimid sidii uu ula kulmi lahaa dadkii ka xumaa xirigiisi waxan sida oo kale uu uga mahad celiyeye soo dhaweynta ay u sameeyen. Cabdiqani Boos Puntland Post-Bosaso The post Qalbi dhagax oo u mahad celiyey Shacabka Bosaso appeared first on Puntland Post.
-
Garoowe (Caasimadda Online) – Maamulka Puntland ayaa sheegay in dagaal dhexmaray Ciidamada Maamulka Somaliland iyo iyaga ay hub uga furteen. Saraakiisha Ciidanka Puntland ayaa sheegay in weerarka ay ku qaadeen Ciidanka Somaliland uu ahaa mid ay jidka ugu galeen. Waxaa ay Saraakiisha Puntland sheegteen in dagaalka uu ka dhacay agagaarka degaanka Tukarraq ee Gobolka Sool. Ciidamada Puntland ayaa ku faanay in Ciidanka Somaliland oo qorsheynayay weerar ka dhan ah kuwa Puntland ay jidka u galeen sidaasna uga furteen Hubkii iyo Rasaastii ay ku dagaal tagayeen. Somaliland wali kama hadlin sheegashada Maamulka Puntland ee la xiriirta in ay hub ka furteen Ciidamada Somaliland. Dhinaca kalena ma jirto cid ka madaxbanaan Puntland oo xaqiijisay sheegashada Maamulka Puntland. Halkaan hoose ka daawo sawirada:
-
Madaxweynaha Puntland Cabdiwali maxamed Cali Gaas ayaa saacadaha soo socda ku soo wajahan magaalada Garowe ee xarunta Puntland, kadib safar uu saaka kaga soo kicitimay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Madaxweyne Gaas ayaa ka soo ambabaxay magaalada Boosaaso xilli maalin ka hor ay ciidamo ka tirsan Puntland weerareen Jeelka weyn ee magaaladaas oo ay qabsadeen ciidamo ka gadoodsan mushaar la’aan, waxaana ka dhacay khsaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Sidoo kale Boosaaso waxaa ka dhacay intii Madaxweyne Gaas ku sugnaa dilal qorsheysan oo la la beegsaday askar ka tirsan ilaaladiisa iyo dad shacab ah. Madaxweyne Gaas ayaa safarka uu Boosaaso kaga soo kicitimay ku soo hakaday magaalada Qardho oo uu joogay qadiiqado, kadib wuxuu u soo ambabaxay magaalada Garowe oo saacadaha soo socda uu soo gaari doono. Madaxweynaha Puntland iyo inta badan xukuumadiisa ayaa ka maqnaa caasimada safar isbuucyo qaatay oo ay ku soo mareen gobolada Sanaag iyo Bari. Warkan oo faahfaahsan dib ayaan u daabici doonaa. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Gaas oo ku soo wajahan Garowe appeared first on Puntland Post.
-
Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka Xaliimo Ismaaciil Yarey ayaa sheegtay in uusan guddiga doorashada laheyn qorshe Labaad oo ka bedalan midka lagu ballamay ee ahaan in dalka laga sameeyo doorasho qof iyo cod ah Iyadoo ka qeybgalaysayBarnaamijka Hiigsi ee ka baxa Idaacadda iyo Tv-ga Goobjoog ayey hoos u dhigtay shakiga dadku ka qabaan in ay dhici karto doorasho iyo inkale sanadda 2020-ka Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka waxa ay sheegtay in diyaar u yihiin waxyaabaha loo baahan yahay badankood si ay doorashooyin u dhacaan. Jiritaanka heshiis siyaasadeed, diyaarsanaanta guddiga doorashada, diiwaangelinta xisbiyada iyo diiwaangelinta codbixiyaha oo ay billaabayaan ayey sheegtay in ay tahay calaamadaha muujinaya in doorashadu dhaceyso. Waxey tilmaantay in ay jiraan degaanno badan oo soomaaliya ka mid ah oo ay doorashooyinka si nabadgalyo ah uga dhici karaan. “Mar hore ayaan kasoo gudubnay su’aasha la xiriirta doorasho qof iyo cod ah madhici kartaa mise madhici karto, dadka Soomaaliyeed oo aan degaannadooda ugu tagnay waxey rabaan in ay doorasho dhacdo” “Waxaan darasnay oo aan soo aragnay wadamo badan oo muddo aad u kooban markii ay colaado kasoo baxeen qabsaday doorasho, ma aha in aan sii taagnaano 18 sano kadib doorasho maqabsan karno ee aan odayaal ku noqonno”.Xaliimo Ismaaciil yarey ayaa sidaasi tiri. Waxaay sheegtay in ay jiraan siyaasiyiin la qabsaday in kuraastooda ay odayaal u sahlaan kuwaas oo aan jecleysaneyn in ay doorasho qof iyo cod ah dhacdo. “Soomaaliya waxaan qiyaaseynaa in aan ugu yaraan diiwaangalin karno 3 Milyan oo cod bixiya, marka iyadoo tii hore ay codeeyeen 14 kun hadaan hiigsigaas gaarno waxaan u aragnaa in ay tahay isbadal weyn marka hore waxaan horta rabnaa in iska gooyno qufulka ah doorasho lama sameyn karo “ Guddoomiye Xaliimo waxaa kale oo ay ka hadashay doorka Guddiga Doorashada uu ku leeyahay doorashooyinka ka dhacaya dowlad Gobaleedyada. Waxey sheegtay in ay jiraan cillado dastuuri ah oo ka dhexjira Labada heer dowladeed ee federalka iyo dowlad gobaleedyada iyadoo tusaale usoo qaadatay in dastuurrada dowlad gobaleedyada qaar ay mas’uuliyadda doorashooyinka saaraya cid aan aheyn guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaran oo sharci ahaan ka masuul ah dhammaan doorashooyinka qaran. “Hadda waxaan xoogga isugu geynay doorashada 2020ka, marka awooddeenna shaqo ayaan hadda noo saamaxeyn in aan kahadalno doorashada gobalada ayey” Guddoomiyaha ayaa carabka ku adkeysay in guddiga doorashada uu kamadax bannaanyahay siyaasiyiinta. “Dhamaan siyaasiyiinta kuwa jooga iyo kuwa kale waa noo simanyihiin, dhammaantood ayaan dooneynaa in aan noqonno kuwa firimbiga u haya ee tartansiinaya”. Axmed C/raxman Cumar Dhagna55@gmail.com Source: goobjoog.com
-
Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay cafis u fidineyso dhallinyarada dalkaasi ee ka midka ah dagaalyahannada Al-shabaab. Maxamed Biriq oo ah isku duwaha amniga gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegay in dhallinyarada gobolkaasi si gaar ah uga soo jeedda haddii ay isku soo dhiibaan muddo Saddex bil ah la cafinayo. Waxa uu sheegay Biriq iney ka warhayaan dhallinyaro deggan gobolka Waqooyi Bari Kenya, kuwaasi oo ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab. “Farriintaan waa iney gaartaa dhammaan dhallinyarada gobolka Waqooyi bari ee ka midka ah Al-shabaab, Saddex bil gudaheeda ciddii isku soo dhiibto waa la cafinayaa, waana fursad ee haka faa’ideystaan” ayuu yiri Maxamed Biriq. Dhanka kale, Biriq ayaa fariin u direy shaqaalaha dowladda ee gobolka Waqooyi Bari kuwaasi oo shaqdooda ka maqan sababo amniga la xiriira, wuxuuna tilmaamay haddii aanay imaan iney ka tashan doonaan. “Waxaan u sheegeynaa shaqaalaha dowladda iney xarumahooda kusoo laabtaan kuwooda maqan, haddii ay sii maqnaadaan waanu ka tashan doonnaa” ayuu yiri Biriq. Waxaa la aaminsan yahay dhallinyaro badan oo Kenyan ah iney ka mid yihiin dagaalyahannada Al-shabaab, qaarkoodna ka dhex dagaallamaan Soomaaliya, halka qaarkoodna ay gudaha dalka Kenya ku sugan yihiin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Bosaso-[Puntland Post]-Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo ka mid ah Xubnaha Sar sare ee Ururka ONLF ayaa hadda ka soo dagey Garoonka diyaaradaha Bosaso. Soo dhaweyntiisa ayaa si weyn waxa uga qeyb qaadanaya shacabka Bosaso iyo Masuuliyiin ka tirsan dowladda Puntland. Socdaalka uu ku Marayo degaanada Soomalida C/kariin Qalbi-dhagax ayaa ka soo bilowday Soomaliland waxaana u jeedkiisu yahay sida uu isagu sheegay mid uu shacabka soomaliyeed uga mahadcelinayo sidii ay uga xumaayeen markii lagu xiray dalka itoobiya. Cabdiqani Boos Puntland Post- Bosaso The post Qalbi Dhagax oo hadda ka soo dagey Garoonka diyaaradaha Bosaso. appeared first on Puntland Post.
-
Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxay sheegayaan in dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ay goor dhow la wareegeen deegaanno ku dhow degmada Balcad ee gobolka Shabellaha Dhexe. Goob joogayaal ayaa u sheegay Goobjoog News in Al-shabaab ay la wareegeen deegaannada kala ah Dhagaxow, Yaaqle iyo Kooreebe oo dhammaantood hoostaga degmada Balacd. Ciidamada xoogga dalka ayaa la sheegay in ay isaga baxeen deegaannadaasi, kadibna ay halkaasi tageen Al-shabaab. Markii ay Al-shabaab halkaasi tageen ayeey meel fagaare ah isugu yeereen dadkii deganaa deegaannada, iyaga oo halkaasi kula hadlay. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa sii kordhaaya dadaalada ay Xagjiriinta Somalia Al-Shabaab ku balaarineyso cududeeda Sirdoon ee gabi ahaan dalka Somali, gaar ahaan magaalada Muqdisho iyo Deegaanada ku xeeran. Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa culeyska saaray howlaha Sirdoonka tan iyo wixii ka danbeysay sanadii 2014 oo hoos u dhac ay ku imaaday awoodihii ay ku lahaayen magaalada Muqdisho. Al-Shabaab ayaa wixii ka danbeysay 2014 garwaaqsatay in culeys ay saarto dhanka Sirdoonka oo ay rumeysneed inay ku gaari karto qorshaheeda amni darro oo ay kawado magaalada Muqdisho. Xagjiriinta Somalia ee Al-Shabaab ayaa iminka qabta dhammaan howlihii loogu tallo galay inay qabtaan Sirdoonka Somalia, waxaana xusid mudan in daraasad la sameeyay lagu ogaaday in Sirdoonka Al-Shabaab uu ka badan yahay kan dowlada Somalia. Daraasaadka la sameeyay ayaa waxaa lagu ogaaday in Sirdoonka Al-Shabaab ay ku shaqeeyan dhammaan shaqooyinka liita iyo kuwa heerka sare ah waxaana kamid ah sida Goobaha caafimaadka, Dukaamada, Tima jarayaasha, Caseeyayaasha, kuwa wareejiy suumanka iyo boorsooyinka lacagta, kuwa riixa gaari gacanka iyo kuwa ganacsiga la fadhiya hareeraha waddooyinka iyadoo shaqooyinka noocaasi ah ay yihiin kuwo loogu tallo galay Sirdoonka Somalia oo u muuqda kuwo aan iminka u diyaarsaneyn shaqooyinka heerkaasi ah. Cadadka Sirdoonka Al-Shabaab ayaa tirro ahaan la xaqiijiyay inay ka badan yihiin kuwa dowlada waxa ayna maleeshiyadu isticmaasha dharcad ay cadadoodu u dhexeyso (4,500 ilaa 6,000) oo gabi ahaantooda ka howlgala gudaha magaalada Muqdisho marka laga soo tago tiro yar oo shaqo isbedel ah ku aada Gobolada dalka. Dharcadka Al-Shabaab ayaa waxaa qeyb ka ah Hooyooyin da’ ah iyo Carruur ku gaaf meerta hareeraha waddooyinka gaar ahaan goobaha lagu shaaho iyo maqaayadaha kuwaa oo isku muuqaal ekeysiiya dad liita oo (gacanta hoorsada). Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere ayaa gudaha sanadkaan sheegay in dadka ugu badan ee isticmaala wadada Makka Al-Mukarama ay yihiin kuwo iyaga u adeega, isla markaana ay ka badan yihiin kuwa dowlada. Sidoo kale, Sirdoonka Somalia oo aan laheyn awood dhaqaale ayaa shaqooyinkooda ku eg keliya magaalada Muqdisho waxaana ugu wacaf mooraal jab ay ka qaaden daryeel la’aanta ka heysata dhanka dowlada, halka cadowga ay la dagaalamayaan lagu bixiyo dhaqaalaha ugu badan. Daraasaadka ayaa waxaa lagu sheegay in cadadka Sirdoonka Somali uu yahay mid u dhexeeya (3,000 ilaa 4,000) oo ku eg magaalada Muqdisho. Waxaa xusid mudan in cadadka intaa la’eh Seddex meelood (Laba iyo bar) lagu biiriyay Taliska Booliska Soomaaliyeed, xili la doonaayay in la kordhiyo tirada Sirdoonka Somalia. Sidoo kale, Dowlada Somalia ayaa waxaa la gudboon inay garwaaqsato inay gabtay howshii Sirdoon ee lagu nabadeyn lahaa Somalia, taa oo lagu gaari karo u hagar bixida Sirdoonka. Si kastaba ha ahaatee Sirdoonka Somalia ayaa waxaa dhaqaalaha ugu badan ku bixiya dowlado shisheeye taa oo loo arko inay qeyb ka tahay Jahwareerka dowlada ka heysta dhanka Sirdoo Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Kismaayo (Caasimada Online)-Hoggaamiyaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe, ayaa mar kale ka hadlay awoodaha ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ku yeelanayaan guud ahaan dalka, gaar ahaan Gobolada uu maamulo. Axmed Madoobe, ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay in lagu laayo ama lagu xasuuqo Hub ay dowlada Somalia si dadban u siisay Al-Shabaab. Waxa uu xusay in Al-Shabaab ay si dhaqso ah ku helaan hubka iyo Saanada dowladda loogu deeqo sidaasi darteedna aysan macquul ahayn in Al-Shabaab laga guuleysto. Waxa uu tilmaamay inuu qaadan la’yahay in Hubka dowlada ay leedahay ay maanta isticmaalayaan Al-Shabaab, isla markaana ku gumaadayan dadka shacabka ah, sida uu hadalka u dhigay. Waxa uu sheegay in dowlada Somalia ay si cad uga gaabisay dagaalka lagula jiray Al-Shabaab, hase yeeshee uusan garan Karin ujeedka ku hoos duugan weerar qaadis la’aanta. ”Dowladu waxa ay dhagaha ka fureysatay qeyla dhaanteena waxaan u sheegeynaa in dusha aysan saran karin libin aan gaarnay” Deegaanada maamulkiisa ayuu tilmaamay in inta ugu badan ay ku jirto gacanta Al-Shabaab, waxa uuna eedaasi dusha ka saaray dowlada Somalia oo indhaha ka qabsaneysa gafka Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay. Waxa uu carab ***** Axmed Madoobe in xiligan loo baahan yahay in Al-Shabaab lagu qaado dagaal mideysan oo dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada ah. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu ugu baaqay Saraakiisha AMISOM iney ka shaqeeyaan sidii loogu guuleysan lahaa dagaalka Al-Shabaab. Docda kale, Axmed Madoobe ayaa dowlada Somalia uga digay inay dusha saarato libin aysan laheyn, waxa uuna cod dheer ku sheegay inay dhexda u xiran doonaan ciribtirka Al-Shabaabka Jubbooyinka. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com