Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,144
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. African Union Mission in Somalia (AMISOM) said on Monday that it has carried out training of 100 police officers on ways to mitigate potential terrorist threats at checkpoints. Source: Hiiraan Online
  2. Aqoonyahan Maxamed Maxamuud Caalim ayaa sheegay in dowladda dhexe laga doonayo in si daah furan u dhisto guddiga la dagaalanka musuq maasuqa. Waxa uu sheegay Caalim in guddigan tiro ahaan aan laga dhigi Sagaal xubnood, balse la gaarsiiyo illaa 50 qof oo ka kooban qeybaha kala duwan ee bulshada. Dowladda ayuu sheegay iney tahay tan laga baarayo Musuqa, sidaasi darteedna xubnaha guddigan muhiim yihiin iney ka yimaadaan maamul goboleedyada, culimada, dhallinayarada iyo Haweenka. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/WAREEYSI-MAXAMED-MAXMUUD-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Golaha amniga Jubbaland ayaa kulankoodii Billaha ahaa waxay kaga hadleen arrimo u badan dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab, iyaga oo isku raacay in la xoojiyo. Sarreye Gaas Yuusuf Xuseen Dhuumaal oo ah la taliyaha dhanka amniga ee madaxweynaha Jubbaland ayaa saxaafadda u sheegay waxyaabihii la isku raacay. Waxa uu tilmaamay in la isku raacay in la xoojiyo lana dardargeliyo howlgallada ka dhanka ah Jubbaland iyadoo la gaashanaya dowladda federaalka iyo cid walbo oo gacan ka geysaneysa. Sidoo kale, Dhuumaal ayaa sheegay in golaha amniga Jubbaland isku raacay in la adkeeyo amniga deegaannada lagala wareegay Al-shabaab, sidoo kalena la qabto deegaanno kale oo hor leh. Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ayaa howlgallo ka wada deegaanno ka mid ah Jubbooyinka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Muqdisho (Caasimada Online)-Xukuumada Somalia ayaa si rasmi ah u joojisay ka ganacsiga daawada loo isticmaalo cudurka TP-da oo saa’id loo kala iibsado. Wasiirka caafimaadka xukuumadda federaalka Somalia Fawsiyo Abuukar Nuur, oo soo saartay amarka lagu mamnuucay isticmaalka daawada ayaa sheegtay in cudurka TP-da uu si weyn fara ba’an ugu hayo dadka Soomaaliyeed ee bukaanka u ah. Waxa ay sheegtay wasiir Fowsiyo oo la hadashay VOA-da daawooyinka laga ganacsado ee TP-da ay uga sii dartay in cudurka uu bulshada ku dhex faafo, islamarkaana ay adkaato daweynta dadka uu soo ritay cudurkan. “TP-da waa cudurada ugu badan ee Soomaalida aadka u saameeya, waxaa naga kaalmeeya dawadooda, bukaanada dawooyinka la siiyo ee cudurkan waa daawo lacag la’aan ah, laakiin Soomaaliya waxaa ka jira dawooyin aan sax aheyn oo dalka la soo geliyo, Soomaaliya cudurkan aad ayuu u hayaa”. Ayay tiri wasiirka caafimaadka. Wasiiradu waxa ay sheegtay iyada oo arrimahaasi oo dhan laga hortagayo in dowladda Somalia ay ku dhawaaqday inay joojisay ka ganacsiga daawada cudurka TP-da. Wasiir Fowsiyo waxa ay sheegtay in Dawooyinka Cudurka Qaaxada uu bilaash yahay islamarkaana laga helo karo Goohaba caafimaadka sidaas darteedna ay sharci darro tahay in laga ganacsado. Sidoo kale, waxa ay sheegtay in isbitaallada Dowladda ay la wareegayaan isla markaana ku shaqeyneyso dowladda sida ay xustay. Si kastaba ha ahaatee, waxaa ay Wasiiraddu sheegtay in inta badan Isbitaallada Dowladda ay gacanta ku hayaan shaqsiyaad ama Hay’ado aan dowli ahayn,kuwaas oo ay sheegtay in laga wareejinayo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Taliska ciidanka xasilinta magaalada Garoowe ayaa ka hadlay howlgallo ay maalmihii ugu dambeeyey ka sameeyeen magaaladaasi. Jeneraal Muxyadii Axmed Muuse oo ah taliyaha ciidanka xasilinta Garoowe ayaa sheegay in marnaba aan la aqbali doonin dhallinyarada dhibka ku hayso magaalada. Wuxuu tilmaamay taliyaha in hadda ay dad kusoo qabteen howlgalladii ay sameeyeen, kuwo kalena ku raadjoogaan. Sidoo kale, taliyaha ayaa sheegay in dhallinyarada dhibka geysata islamarkaana ka cararta magaalada usoo qaban doonaan waalidkii dhalay. Waxaa Garoowe si aad ah ugu soo batay falalka amni darri, iyadoo dhallinyaro mindiyo ku hubeysan ay dhib ku hayaan dad shacabka ah. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/Cod-Taliyaha-sax-ah.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Golaha degaanka waqooyiga magaalada gaalkacyo ayaa ku eedeeyay madaxada ugu sareeysa Puntland in ay boobayaan hantida dowladdii dhexe Soomaaliya oo ay ka mid tahay Xeradii siinaay ee ciidanka xoogga dalka. Xildhibaan Ibraahin Jabriil Ciise oo kamid ah golaha degaanka waqooyiga gaalkacyo ee puntland ayaa sheegay in dhulkaas lagu wado iib iyadoo cidba meel ay jaratay, waxa uu sheegay in hantida maguurtada ah ee dowladdii dhxe aysan sax aheyn in shaqsiyaad ay iibsadaan. Waxa uu tilmaamay in sidoo kale iibka xeradan ay kaalin ka geysanayaan waxgarad iyo ganacsato Puntland ah. Madaxda Puntland ayuu sheegay iney wax kala socdaan arrintan, islamarkaana ay si gaar ah ugu eedeynayaan madaxweyne Gaas uu dhulkaasi bixiyey. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/Xildhibaan-Ibraahim-Jibriil-Ciise-Golaha-deegaanka-gaalkacyo-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. It’s well known by now that President Donald Trump isn’t particularly popular in Europe: He has withdrawn from the Paris climate accord and the nuclear pact with Iran, imposed punitive tariffs on steel and aluminum imports from the European Union, and questioned nato’s usefulness. For a bloc that functions (or doesn’t, if you ask its critics) through unanimity and consensus building, Source: Hiiraan Online
  8. MOGADISHU (HOL) – Unidentified gunmen shot dead four Ethiopian refugees in Bossas, the commercial capital of the northern Somalia semi-autonomous of Puntland, officials said Monday. Source: Hiiraan Online
  9. MOGADISHU (HOL) – Unidentified gunmen shot dead four Ethiopian refugees in Bossas,Puntland the commercial capital of the northern Somalia semi-autonomous of Puntland, officials said Monday. Source: Hiiraan Online
  10. ome 852,000 children aged between six and 17 years are out of school this year, the Education ministry has said. Source: Hiiraan Online
  11. The handmade house, which has been the epicenter of celebrations and weekly meetings for community members, will soon close for the winter. Source: Hiiraan Online
  12. The image of the bodies of US soldiers being dragged through a street in Mogadishu after their Black Hawk helicopter was shot down are seared into the memories of a generation. Source: Hiiraan Online
  13. The Somali government on Monday called on Iraq to launch urgent investigations into a ship carrying 200,000 bags of charcoal smuggled out of the Horn of Africa nation. Source: Hiiraan Online
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa si KMG ah gudoomiyaha Xisbiga Midowga Nabadda iyo Dimuqraadiyadda loogu doortay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Shiekh Maxamuud, xisbigaas oo la filayo in uu maalinta Khamiista ah si rasmi ah shaaca looga qaado. Xisbiga cusub waxaa ku midoobay saddex Xisbi oo kala ah Daljir, xisbiga Peace and Development Party (PDP) iyo kutladda Horusocod iyo waliba siyaasiyiin kale. Tallaabadan ayaa ka dhigan in 80 xildhibaan iyo ka badan ay ka mid yihiin xisbigan maadama Daljir ay ku leeyihiin labada gole xubno, PDP oo ahaa Daamjadiid iyo waliba Horusocod oo ay sameysteen xubno ka tirsan golaha shacabka. Dhaq dhaqaaqa Xisbigan waxa uu si weyn u saamenyn doonaa dowladda ay hoggaamiyaan Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Raisul Wasaare Xassan Cali Kheyre, waxaana suurta-gal ah laba dhibaato oo xisbigan uu ku noqon karo dowladda 1 – Mooshin Xisbiga cusub oo hadda haysta aqlabiyadda Baarlamaanka waxa ay abuuri karaan mooshinno ka dhan Ra’iisul Wasaaraha, gudoomiyaha baarlamaanka ama Madaxweynaha. Waxa ay haystaan sida la sheegay 80 xildhibaan, taasi oo macnahaeedu yahay inay mooshin kasta oo ay doonaan ay si deg deg ah u gayn karaan baarlamanka. Ka sokow xildhibaanada ay haystaan, waxaan shaki ku jirin inay heli karaan xildhibaanno kale, oo dowladda kasoo horjeeda. Sidaas darteed layaab ma noqon doonto haddii toddobaadyada ama bilaha soo socda aan maqalno mooshin la geeyey baarlamanka. 2 – Xoojinta Maamul Gobolleedyada Iyada oo uu hore u jiray khilaaf xooggan oo u dhexeeyey dowladda Federaal-ka Soomaaliya, hadana waxa uu Xisbigan siin karaa awood Dowlad Gobolleedyada oo lagu tuhmayey in ay horeba xubno ka mid ah soo kiciyeen kana dambeeyeen war murtiyeedkii Kismaayo ee dowladda dhexe xiriirka loogu jaray. Waxaa sidoo kale aan xog ku helnay in dhammaan madaxda xisbiyada mucaaradka ay tagi doonaan shirka madax goboleedyada ee 10-ka October ka furmaya Garoowe, isbaheysina la dhisan doonaan madax goboleedyada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Xog gaar ah oo ay Caasimada Online heshay ayaa sheegaya in dowladda federaal-ka Soomaaliya ay gebi’ahaanba la wareegtay gacan ku haynta ammaanka magaalada Baydhaba oo la filayo in bisha dambe ay doorashada madaxtinimada Koonfur Galbeed ka dhacdo. Baydhaba oo ah xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa amnigeeda xooggiisa suga ciidamada Amison gaar ahaan kuwa ka socda dalka Itoobiya. Hase ahaatee, intii ay ciidamada Itoobiyanka ah ku sugnaayeen Baydhaba waxa uu taliskooda hoos tegi jiray saraakiisha Itoobiyaanka ah, gaar ahaan Tigrayga, kuwaas oo ay soo magacaabeen taliskii hore ee Ethiopia ee qowmiyadda Tigrayga oo iminka meesha laga saaray. Taas, waxa ay sabab u noqotay in uu maamulka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo u adeegsaday caburinta siyaasiyiinta ka soo jeeda Koonfur Galbeed iyo waliba in uu ka amar qaadan waayo dowladda dhexe ee Sooomaaliya. Si kastaba, saraakiisha Tigrayga ayaa lagu warramayaa in iminka la beddelay, lana keenay kuwa ka amar qaadanaya dowladda federaalka, kadib markii arrintaas ay dowladda xiriir kala sameysay ra’iisul wasaare Abiy Ahmed. Caasimada Online Xafiiska Baydhaba Caasimada@live.com
  16. 1998-kii si looga hortago in Soomaaliya ay midowdo xiligaa oo ay ku jirtay marxalad burbur ah, dowladii Itoobiya ee Tigreega hogaaminayay waxey u soo jeedisay urur goboleedka IGAD oo wadamada Geeska Africa ku midoobeen in lix qabiil maamul goboleed loo kala qeybiyo Soomaalida. 20-sano kadib Ergayga xilka ka sii dagaya ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating ayaa Golaha Amaanka ka jeediyay hadalkiisii ugu dambeeyay waxaana uu yiri “ kaliya waxaa dhisan maamul goboleedyo Federalka Soomaaliya katirsan, waaxana ugu dambeysay Hirshabelle, laakiin majiro nidaam dhameystiran oo Soomaaliya ka dhisan” Danaha siyaasiyiinta baahan waa waxa dhibaatada ku haya nidaamka Federalka Soomaaliya, waxey doonayaan iney noqdaan maamulo kamadax banaan dowladda Dhexe ee Soomaaliya oo dhowr jeer ay xiriirka u jareen, awoodo dheeri ah ayey isa siiyaan sida iney toos ula macaamilaan dunida inteeda kale iyagoo u soo bandhigaya Kheyraadka Soomaaliya kawada dhaxeeya. “ Soomaaliya waa iney wax ka faa’idaa isbadalla bulsho iyo midka dhaqaale ee ka socda wadamada Geeska Africa, waa xiligii ay Soomaaliya kaalinteeda ka ciyaari laheyd oo doorkeeda ka qaadan laheyd masraxa gobalka iyo kan dunida” sidaasi waxaa Wargeyska The Star u sheegay Mohamed Ahmed Jimale oo ah Gudoomiyaha Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed. Waxba kama oga Soomaali badan soo jeedintii Itoobiya ee IGAD oo laga soo abaabulay magaalada Addis Ababa, sidoo kale lama oga khudbadii Xayla Salaasa uu ka jeediyay magaalada Qabri Dahar oo dhacda dowlad deegaanka Soomaalida sanadii 1956-dii xiligaa waxa uu Xayla Salaasa sheegay in Soomaaliya lagu dari doono Itoobiya, taa oo Itoobiya u sahleysa iney isticmaasho badda iyo dhulka Soomaaliya. Nidaamka Federalka ee Soomaaliya laga dhisay waa fikrad katimid Itoobiya ee ma ahan mid ay xal u aragtay Soomaalida, madaxda maamul goboleedyada waxey aad u jecelyihiin iney kulan la qaataan madaxda Kenya , Itoobiya, Amiirada Carbeed ee Imaaradka Carabta / Sacuudiga iyo Ajaanibta kale ee danaha kaleh Soomaaliya. Midowga Yurub waxa uu amaanay maamul goboleedyada sidoo kale taageero ayuu meel u saaray wuxuuna la kulmiyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo shirar caalami ah ayaa dhamaantood madaxda Soomaalida la isugu keenay sidaas ay tahayna kama muuqan farxad iyo ka faa’ideysiga fursadaha wanaagsan ee Federalka uu leeyahay, balse waxey noqdeen siyaasiyeen is fiirsada. Weji Cusub Shaxda is eedeynta waxey u egtahay mid dhamaan rabta, Dowladda Soomaaliya waa mid awood leh waxaa garab taagan dowlado shisheeye, Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Kheyre waxey noqdeen madax khiyaali ah, maxaa yeelay waxaa saameyn ku yeeshay isbadalka ka socda geeska Africa oo lama filaan ku noqday. Dowladda Soomaaliya waxey iska diiday in Khilaafka kala dhaxeeya madaxda maamul goboleedyada lagu xaliyo magaalooyinka Addis Ababa ama Nairobi, waxaana fariin cad ay ku noqotay koox walba oo dano gaar ah ka laheyd u kala gar qaadida Soomaalida. Ugu yaraan ololaha loogu talagay in Soomaaliya lagu burburiyo ee ku dhisan qabiil qaatay Federalka wuxuu u egyahay mid sii lumaya, waxaana maamul goboleedyada Soomaaliya ay lumiyeen quruxdii ay lahaayeen iyagoo cadow u arkay dowladda Federalka Soomaaliya. Soomaaliya mar walba nasiib ayeey leedahay oo waxaa ku dhirirsan xeebta ugu dheer Africa dhul qani ahna wey ku fadhisa, waxaana Dowladda Soomaaliya ay heshay fursad ay kaalin weyn kaga qeyb qaadato heshiisiinta Eritrea iyo Djibouti. Itoobiya iyo Kenya majecla in Soomaaliya midowdo oo xoog yeelato, laakiin waxba uma dhimi karaan hadii Soomaalida dhexdeeda isku tashato. Itoobiya waxey soo dhameysatay Somaliland oo xeriir dibloomaasi u ogolaatay sanadii 1991-kii, waxaana ay ka caawisaa qalabka iyo tababarada Militery ee maamulka Hargeysa, waxaana marwalba Itoobiya ay raadisaa sidii Muqdisho iyo Hargeysa ay u kala noqon lahaayeen labo dowlad oo kala madax banaan, iyadoo wali Somaliland ay raadineyso aqoonsi caalami ah. Jimcaale oo ah gudoomiyaha jaamacadda Umadda ayaa markale yiri “ khilaafka u dhaxeeya Dowladda Federalka iyo maamul goboleedyada ma dhamaanayo ilaa laga dhameystiro dib u eegista dastuurka oo qeexaya awoodaha” Jimcaale ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay mustaqbalka Dalka waxaana uu sheegay in Soomaaliya laga dhiganayo mashruuc aan dhamaan oo shisheeyaha wataan, sidoo kale wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa mar yiri “ Soomaaliya waa mashruuc” “ Ma rabo inaan dhaleeceeyo awoodaha shisheeye maxaa yeelay anaga ayaa ogolaanay in aan noqono mashuur aan dhamaan, ilaa laga helo madax dhab ah Soomaaliya dhibkaan kama baxeyso” Jimcaale ayaa hadalkan yiri. Masiibada xalka la mooday Nidaamka Federalka ee Soomaaliya wuxuu ku noqday caqabad waana dowladii ugu dambeesay ee qaadata nidaamkan iyadoo dadkeedu ay hal yihiin, ma jirin baahi loo qabay in la dhiso Federal. Federalismka waxaa loogu talagalay in uu isbadal wanaagsan ku soo kordhiyo siyaasaddam dhaqaalaha iyo dhibaatada amniga ee dalka ka jirta, dhamaantood meesha ayey ka baxeen oo mid walba xal gooni ah buu rabaa, waa dhib cusub oo Soomaalida loo abuuray. Soomaalida uma aysan codeyn Federalism-ka, xitaa kuma aysan iman dalab ka yimid dowladii xiligaa jirtay, waa natiijo ka dhalatay danaha Itoobiya iyo Kenya ay ka leeyihiin Soomaaliya. Aqoonyaho badan oo Soomaaliyeed ayaa su’aal ka keeniyay nidaamkan waxaana ay sheegeen in uu shaqo kaga u abuurayo kumanaan qofood dal dhaqaalihiisu ay ka yimaadaan deeq bixiyaal caalami ah. Danjire Micheal Keating hadaladiisii ugu dambeeyay waxaa kamid ahaa “ Soomaalida iyaga ayaa xalisan kara dhibkooda” Hogaamiyihii hore ee Itoobiya Mangeste Xayle Maryam waxa uu Soomaaliya u arkaa cadowga kaliya ee wadankiisu leeyahay,. “Soomaaliya waxey u sii kala qeyb sami doontaa lix maamul goboleed oo ka sii faracma shanta maamul ee hadda jirta, wada shaqeynta dowladda Federalka wey soo afjarmi doontaa ilaa inta ay ka heshiineyso Soomaalida” sidaas ayaa lagu yiri maqaal lagu daabacay wargeyska the Star. W/T: Abdiaziz Hassan Ibrahim (Loyal) Gmail: Abdiazizh99@gmail.com Xigasho: The Star
  17. Sida laga wada dharagsan yahay, bisha dambe doorasho ayaa ka dhici doonta Koonfur Galbeed, oo waxaa dhammaaday waqtigii madaxweyne Shariif Xasan. Doorashadan waxa ay wajiyo badan u leedahay dowladda federaal-ka ah ee uu hoggaamiyo Maxamed Cabduulaahi Farmaajo. Doorashada waxa ay ku soo aaday xilligii ugu fiicnaa ee ay dowladda dhexe rabi lahayd maadama bil laga joogo goortii ay maamul gobolleedyadu xidhiidhka u jareen dowladda dhexe, kadib shir ay ku yeesheen magaalada Kismaayo. Dhinaca kale doorshada kuma koobna Koonfur Galbeed oo waxaa iyaguna doorasho gali doona Maamulada Puntland, Jubbaland iyo Galmadug, inkasta oo qaarkood ay naga xigaan bilo. Hase ahaatee, halbeegga guusha Nabad iyo Nolol waa doorashada ka dhici doonta Koonfur Galbeed sababaha hoose dartood. 1 – Awoodda Axmed Madoobe oo daciifi doonta Haddii dowladdu ku guuleysato xaqiijinta in doorashada Koonfur Galbeed looga adkaado Shariif Xasan, uuna ku soo boxo hoggaamiye iyada daacad u ah ama danta qaran ka shaqeeya waxa ay fursad fiican u heli doontaa sidii ay meesha uga saari lahayd Axmed Madoobe oo qudhiisa culuys iyo kacdoon bulshada reer Jubbaland ah la daalaa dhacaya. Sababtu waxay tahay dowladdu waxay heli doontaa kalsooni ay doorashada Jubbaland ku faro-gelin karo, una xaqiijin karto in Axmed Madoobe uusan ku shuban. 2 – Puntland oo go’doon siyaasadeed filan karta Hadii ay dowladdu ku guuleysato doorashada Baydhaba, sida kor ku xusan waxa ay fursad u heli doontaa in ay is bedel ka sameyso Jubbaland, taas oo go’doomin siyaasadeed ku keeni karta Puntland – waa haddii uu Gaas waqtiga dheereysto ama soo booxo hoggaamiye ku aragti ah. Shariif Xasan iyo Axmed Madoobe oo meesha ka baxa, waxay burburin doontaa isbaheysiga dowlad goboleedyada ee hadda awooddooda ku xiran tahay iskuduubnidooda. Si kastaba, haddii uu soo boxo mid ka duwan oo danta qaran u jan jeera, waa guul weyn oo dowladnimada u soo hoyatay. 3 – Hir-Shabeele iyo Galmudug waxay arki doonaan tusaale. Haddii ay dowladda u hir-galaan labada qorshe eek or ku xusan, maamullada ka taliya GalMudug iyo HirShabelle, waxa ay ku noqon doontaa Weysha gowrac, dibgiga ha ku quustee. Guusha ay dowladda ka gaadho Koonfur Galbeed ee dhabbaha u xaartay guulaha kale ee Jubbaland iyo Puntland, cibro qaadasho ayey ugu filnaan doontaa labada Maamul ee GalMudug iyo HirShabeelle. Waxaa xusid mudan in labadan maamulba ay ka tabardarran yihiin maamullada kale marka la eego in si fudud lagula tacaali karo, waayo waxay ka kooban yihiin beelo badan oo is-diidan, oo haddaba madaxdooda qaar ka mid ah ayaa dowladda raacsan, ha ku timaado hab beeleed ama mid dan shaqsiyeedba. W/Q: Mustafa Ahmed Suleymaan Boorama, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in shaqada laga eryay qaar kamid ah Ilaalada gaarka ahaa ee Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre. Ilaalada shaqada laga eryay ee la socday Ra’isul wasaaraha ayaa la xaqiijiyay inay ka tirsanaayen qeybta dharcadka ee gaarka ah, waxaana lasoo sheegayaa in shaqadooda ay ku waayen muran dhexdooda ah. Muranka ay shaqada ku waayen ayaa la xaqiijiyay inuu salka ku hayo is qabqabsi ka dhashay cida noqon laheyd madaxa amniga dharcada la socta Ra’isul wasaaraha taa oo soo dadajisay shaqo ka eryinta shaqsiyaadkas. Xubno kamid ah shaqsiyaadka la eryay ayaa damac ka galay xilka uu hayo Madaxa amniga Ra’isul wasaaraha, iyadoo goortii lagu fahmay laga eryay shaqada. Xilka leysku hayo ayaa waxaa horay u faarujiyay madaxii amniga Ra’isul wasaare Xasan Cali Khayre Ayuub Cali Farey oo goostay xili uu kamid ahaa wafdi dibadda u raacay Ra’isul wasaaraha. Xogtu waxa ay muujineysaa in ilaaladaasi iminka lagu wareejiyay xarunta dowladda hoose ee Gobolka Banaadir, halkaa oo ay ka shaqeyn doonaan maadaama ay waayen shaqadooda. Sidoo kale, Ra’isul wasaare Kheyre oo dacwad ku saabsan eryinta Ilaalada la gaarsiiyay ayaa ka gaabsaday inuu faragalin ku sameeyo howsha ka socta xafiisyada ka hooseeya ee ka shaqeeya amaankiisa. Si kastaba ha ahaatee, waxaa iminka la kordhiyay tirada Ilaalada dharcada ah ee lasocta Ra’isul wasaare Kheyre, kadib markii lagu biiriyay xubno hor leh oo laga soo kala xulay Hay’adaha amaanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ka qeyb galaayay barnaamij loogu magac daray daah furnaanta maaliyadeed ee dalka ayaa u digay mas’uuliyiinta ka tirsan dowlada iyo Siyaasiyiinta isku daya inay ka dabatagaan shaqsiyaadka u xiran musuq-maasuqa. Ra’isul wasaare Xasan Cali ayaa daahfurka barnaamijka ka sheegay in xukuumadiisu aysan u dulqaadan doonin in dad Soomaaliyeed ay xabsiyada ugu daba tagaan dadka u xiran arrimaha la xiriira masuq maasuqa. “Anagu ma aqbaleyno inaad faragalisaan shaqsiyaadka u xiran musuqa, dowlada ayey u xiran yihiin iyada ayaana looga danbeynayaa howshooda” Ra’isul wasaare Kheyre, waxa uu faray hay’addaha ammaanka iney xabsiga dhigaan maxkamadahana u gudbiyaan cid walbo oo lagu helo arrimo la xiriira musuq maasuq. Kheyre, waxa uu xusay in xukuumadiisa aysan aqbali doonin wax isdaba marin iyo in hantida qaranka loo adeegsado dano gaar ah. Waxa uu intaa raaciyay in Hay’adaha amniga ay mar u qabaan inay xiraan isla markaana la xisaabtamaan xitaa mas’uuliyiinta isku dayeysa inay marmarsiyo u sameeyan kiiska loo heysto kuwa musuqa dhanka ka dhigtay. Waxa uu carab ***** in ay jiran dad Soomaaliyeed oo doonaya in qof dambiile ah ay ku soo daayaan qaab qabiil, balse arrintaasi aysan aqbali doonin. Dhinaca kale, mas’uuliyiint ayuu ugu baaqay inay ka fogaadan inay booqdan ama isku dayaan in kiiska danbiilayaasha dafiraan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia kusii kordhaya afduubka loo geysanayo carruurta iyo dhalinyarada da’da yar. Afduubka ka bilowday magaalada Muqdisho ee lagu hayo da’ yarta ayaa cabsi badan ku abuurtay Shacabka ku nool degmooyinka Gobalka Banaadir. Dadka lagula kaco afduubka ayaa intooda badan laga kaxeystaa goobaha cibaadada, Ganacsiga iyo banaanka kore ee guryaha, waxaana falkaasi geysta dad ku socda Mooto nooca loo yaqaan Bajaaj. Degmooyinka ugu badan ee afduubka uu ka socdo ayaa waxaa kamid ah Warta-nabada, Dharkiinley iyo Wada jir, inkastoo maamulada gacanta ku haya degmooyinkaasi aysan ahmiyad siin ilaalinta shacabka ku hoos nool. Sidoo kale, degmooyinka qaar ayaa xilliga habeenkii ah waxaa laga mamnuucay in ay maraan Mootooyinka loo yaqaano bajaajka, maadaama ay korortay afduubka loo geysto dhalinta. Maalmo un ka hor ayey aheyd markii wiil da’diisa lagu khiyaasay 11 sano jir lagu afduubtay xaafada Xamar Jadiid ee Degmada warta-nabada ee Gobalka Banaadir. Si kastaba ha ahaatee, magaalada Muqdisho oo bilo ka bogsatay falalka ceynkaan ah ayaa iminka u muuqaneysa mid mar kale marti galineysa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. At least 20 people were killed and 60,000 displaced in ethnic clashes flaring since last week in the western region of Benishangul-Gumuz. Source: Hiiraan Online
  22. Ururka bulshada Soomaaliyeed ee Yurub(European Somali Assosiation) ayaa maanta oo ay taariikhdu ahayd 01-Oct-2018 warbixin ku saabsan la dagaallanka musuqmaasuqa u gudbiyeen baarlamaanka reer Yurub. Warbixinta ayaa lagu sheegay in ay muhiim tahay in la helo dad ka madaxbannaan xukuumadda federaalka oo qeyb ka noqda ciribtirka musuqa ka jira Soomaaliya. Inkastoo Madaxda ugu sarreeysa Villa Somalia sida Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ay had iyo goor ku celceliyaan in ay la dagaallamayaan musuqa ayaa haddana, waxaanan la dafiri karin in weli uu ka dhex jiro hay’ado kamid ah dowladda. Musuqa oo ragaadiyay haykalkii dowladnimo ee Soomaaliya ayaa loo aaneeyaa in 10-kii sano ee dambe sababta uu kor ugu kacay in ay tahay isagoo helin cid isku xil saartay in ay ka hortagto. Haddaba, mareegta Goobjoog News waxay la hadashay guddoomiyaha ururkani Danjire Maxamed Caalim waxaana ugu horreeyn weydiinnay waxa xilligaan ku kallifay in ay soo saaraan warbixintani la xiriirta musuqa oo baarlamaanka reer Yurub iyo xafiisyo ay ku jiraan madaxda ugu sarreeysa dowladda ay u gudbiyaan. HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/DANJIRE-MCAALIM-01-10-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ay ka dhacday duqeyn diyaaradeed. Maanta ayay ahayd markii dagaal u dhaxeeya ciidamada AMISOM(Jabuuti iyo Itoobiya) iyo ciidanka dowladda oo isku dhinac ah iyo Alshabaab uu ka dhacay wadada isku xirta magaalooyinka Baladweyne iyo Buuloburde. Ilo wareedyo ayaa Goobjoog News u xaqiijiyay in duqeynta ay fulisay diyaarad nooca Millateriga ah, lamana oga illaa hadda cidda wadday iyo dalka ay laga leeyahay. Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa la soo sheegayaa in ay ka dhasheen dagaalka iyo duqeynta. Hoos Ka Dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/duqeynta.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. Markabka oo sida shixnad dhuxul ah ayaa ka baxey deked ku taalla Koonfurta Soomaaliya iyada oo uu ku xirtey dekad ku taala dalka Ciraaq, sida laga soo xigtey Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramadda Midoobay. Danjiraha Soomaaliya ee jimciyadda quruumaha ka dhaxeeysa Abuukar Daahir, a oo war qoraal ah kasoo saarey arrinkani ayaa sheegay inay dowladdu cambaareyneyso, isagoo dhanka kale ugu baaqey hay’adda ku shaqada ah leh inay baaraan kiiska dhuxusha. Markabkani oo aan wali la sheegin halka uu ka qaadey Dhuxusha ayaa waxaa uu ku xirtay dekad lagu magacaabo Umm Qasr, iyadoo u saaran yihiin 200,000 oo Kiisha oo dhuxul ah. Safiir Baalle ayaa cambaareeyay dhammaan dhinacyada ku lugta leh dhoofinta sharci darrada ee dhuxusha Soomaaliya. Wuxuu intaas ku sii daray in arrintaan dhibaato ku tahay amniga iyo xasilloonida Soomaaliya,isagoo sheegay in dowladda Soomaaliya ay ugu baaqayso xukuumadda Ciraaq inay dedejiso baaritaannada ayna qaado tallaabo lagu cadeynayo kiiska Markabka. Dowladda Soomaaliya ayaa horraantii sanadkani 2018-ka warbixin ay soo saartay ku mamnuucday ka ganacsiga dhuxusha kaddib shir heer caalami ah oo lagu qabtey magaalada Muqdisho, kaasi oo xubno ka socdey dalalka caalamka ay ka soo qeyb galeen. Xukuumadda federaalka ah ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in dhuxusha ay u tahay Xarakada Al-Shabaab isha ugu badan oo ay ka hesho dhaqaalaha, xilli ay ka dhoofiyaan qaar kamid ah dekadaha ugu waa wayn dalka, gaar ahaan kuwa ay iyaga maamulaan. Warkaan ku saabsan in Markab dhuxul sida oo ka baxey Koonfurta Soomaaliya uu ku xirtey dekad ku taala Ciraaq ayaa sare u qaadaya walaac laga qabo in awoodda dhaqaale ee Al-Shabaab ay korodho. Goobjoog News Source: goobjoog.com