- 
				Content Count213,415
- 
				Joined
- 
				Last visited
- 
				Days Won13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
- 
	Halka Ummadu ka Aamusan tahay,Sool iyo Dhibaatada ka jira , Mucaaradkana Tooshkoodu yahay mid Muuse uun laygu ifinaayo . Madaxweynaha JSL Md Muuse Bixi Cabdi waa markii labaad uu meel fagaare ah kaga hadlo Dagaalkii ka dhacay Gobolka Sool Koonfurtiisa iyo dhibaatadii ka dhalatay ee Naf bax iyo Dhaawac ba leh . Waxa Howl gal ah oo Xukumadiisa Guud ahaan ba iyo ta Ummada JSL oo la taaban karto ku dhawaaqday ama kaga qayb qaadanayso xal-uhelida dhimaabada ka dhacaday Gobolka Sool Koonfurtiisa wali ma jirto . Waa marki ugu horeysay ba la odhan karraa ee sidani ay dhacdo , Meesha waxa ka dhaceen iyo Ummada isku shufbeeshayba waa Ummadii Jamhuriyad Somaliland inay labo isu keen -raacan ma ahayn waxii lagu yiqiin Ummadeena iyo sharafeeda . Tolow marka Madaxweynaha Arinkiisu ma “Qawda maqashii oo waxba ha u qaban baa” Ma uu iska Aamusnaado sidaa ayaa u wanaagsan lahayd! Waayo Aranita sidaa u Qadhaadh ee aanu wax howl gal ah ka gelin inuu ka hadlo ma qurux badana. Sidaa Ummaduba uga amusan tahay ayaa la gudboon Madaxweynaha iyo Xukumadiisa ba . Mucaradkii iyaguna waxay noqdeen kuwo Tooshkoodu yahay inay Xukumada Muuse uun ku shidaan oo wax kasta oo soo foodsara Qaranka dhinac kast ha noqotee waxay u haysatàn inaan Xil-kasareyn ka howl galkeeda iyo u dhaqaadiida ba. Taasi ma noqon karto Mucaarad sugan oo Aqoon ,karti, Hagar baxa Qaranku ka muuqdo ee waa Mucaraad ah u adeegaya Danta shiekhsiga iyo sheega shada waxa aan dhab ahayn oo aan muuqan oo aan dhaqaaq iyo damqasho ,lex-jecelo la,aan ku isugu soo Biyo – shubaneysa . Waxa ummada wax Garadka iyo da,ayarat iyo inta damiirka dadnimad lihi shaqaynaayo in si wada jir ah loogu gurmado Arinta Maanta Dalkeena gudihiisa ka dhacaday ee Soomaalidii Koonfurta iyo Galbeedka iyo kuwii Wajeer ,Madheeri inooga horeeyen gurmadkoodii iyo soo ba gaadheen walina goobta aan lagu heyn wax Jamhuuriyada Somaliland ah . Iyado laba kaalmood oo waa weyn aynu kaga qayb qaadan karno oo kala ah. In Madaxweynuhu dul-dhigoo Cidan ka Qaranka oo mug iyo Miisaan leh xasiloonida iyo kala dabeynta gacan wax ku ool ah ka geysta inta ay socoto waan waanta iyo su soo jiidka Labada Beellood ee Walaha ee dhibaatadu dhexartaya Wuufuda kale duwan ee Gurmad ah ee halka yimi dhinac kasta oo ay ka yimaadeen ba ka dhex wadaan isla mar ahanata doonayan in xal oo helo dhibaatad so oaf-jarkeeda , halkaana karam iyo haykalka Nabada iyo Dawladnimada Jamhuuriyad Somaliland waxay tahay iyo halka ay mareyso si dadban oo cilmiyeeysan loo dareensiiyo Soomalida kala duwan ka kala timi saddex Meelood oo Somaalidu degto oo kala Kiiniya ,Ethopia Soomaaliya . Halka kale wax in Gurmadka oo mid Ciidan ,Ummadeed iyo midka guud ahaaneed oo Heer Qaran ah iyadan in lagu dhaqaaqo balse Madaxdii iyo Ummada Haldoorkeed wali wax u dhaqaaqay lama arko marka laga tegi waayo mid meelah asago Hudheel fadhiya hadal ku yidhi mooyaan sida Madaxweyne Muuse Bixiiyo xukumadiisiba Ficilkood iyo aqoontodu kartiidood.Masuuliyadii dhameyd ee sareyd wax meel ka muuqda ama isu xilqaama aan la kareyn maba la maqleyn ilaa iyo haatan la joogo . Waxa arinkeeni ku soo afmeer maya sheegasho iyo hadal meel laga yidhi taasina Qaran ahaan ma wanaagsan guuldarro inoo horseedo mooyiye . Gebo-gebadii Gunaanka Ummadu waxay leedahay Muuse bixi ma waxanu ku moodna mise waxaan loo noqon doonin ! , Waa intii codkood iyo Cuduuda dul-dhigay dhaqaale inuu hogaanka Dalka, qabto ee waa inta mudan inay dibu eegis ku sameeyaan waxay tacabkoodii dhalay Maanta Xerro u jira . Marka ummad waxa la gudboon inay dib u eegis ku sameeyaan . Hadii Madaxdii Qaranku Haraabkii la sheegay iyo isku quful noqotay ,Mucaaradkuna noqdeen kuwo dhibaatooyinka Qaranka soo foodsaaray ka yihiin kuwo Moogan kana dareen waxyaabah Mucaardnimadood adkeynaya kana dhigaya kuwo u leylyan inay hantaan hogaanak dalka kuna soo badhigaan Hufanaantood iyo himiladooda Aqooneed Karti Waayo-aragnimo . Abokor Mohamud abokorm@Hotmail.co.uk Bolton UK Waa Billahi Towfiiq Source
- 
	Hordhac: Nabad iyo bariido wacan, waxaan qormadan kooban kusoo qaadanayaa mid kamid ah Xaafaddaha aadka u da’da weyn ama qadiimiga ah ee ay ka aasaasantay Magaalada Hargeysa, waa Xaafada SIINAAY oo ka tirsan Degmada qadiimiga ah ee A/Dhagax. Afeef: Waxaan ka afeefanayaa in qoraalkaygan aan loo arag mid ceeb iyo wax-xun ka sheegid ku ah Xaafadda iyo dadka degan ee loo arko mid toosi iyo hogo-tusaaleyn u ah cida uu ku socodo, isla markaana baraarujin iyo wax-ogeysiin u noqodo inta ka dhaayaha la’a dib u dhaca baahsan ee ku habsaday Xaafad wakhtiyo badan ka hor ahayd Caasimmad magac iyo muuq ku dhex lahayd gudaha Hargeysa. Waxay ahayd ku dhawaad 10 sano kahor markii goob fadhi ku dirir ah oo aanu iskugu nimi dhaliniyaro badan oo markaas waxbarasho kasoo dareertay ku lafo-gurnay kuna doodnay horumarka ka jira gudaha Hargeysa iyo xaafadeheeda kala duwan, intii aan doodaas wadnay waxaa tiraba dhawr jeer dhagahayga kusoo dhac-dhacaayey erayo ku saabsan xaafadda SIINAAY oo tilmaamayey in xaafadaha kale ee Degamada qadiimiga ah ee Axmed dhagax iyo guud ahaan Degmooyinka Hargeysa si aad iyo aad ah uga dambeyso, gaar ahaan kaabayaasha Bulshadda sida Biyaha, Wadooyinka, Laydhka, Adeegyadda Suuqa iyo Waxbarashadda intaba, laakiin nasiib xumo dheg uma jalaqsiinin oo weliba waxaan ku doodaayey in dawladii markaas jirtay ay cidhib dambe iyo cadaadis ku hayso Xaafadaas. Maxaa Isbedelay: Aniga oo aan ku dhawaad 10 sano wakhti habeen ah dhex marin maalin ay hawl iyo ujeedo culusi iga gasho mooyaane, ayaan xalay ujeedo u yeeshay in aan Xaafadda halka ugu dambeysa ee Masalaha iska galaan tago, waa abaaro 10:00 habeenimo waxaanan ka dhaqaaqay suuqa oo ahaa mid saxmad, buuq iyo xidhiidhi badan ah, waxaan qabsaday toobiyaha waddada weyn ee dhexmarta Degmada Axmed dhagax ilaa gooladda looga leexdo Xaafadda SIINAAY, suuqa ilaa gooladda oo ah bar bilawga Xaafadda SIINAAY waxaan ku dhex jirnay aniga iyo laba dhalinyaro ah oo kale saxmad iyo suuq, waxaanan arkaynay ilaa 10:30 kii habeenimo ganacsiyadda kala duwan iyo adeega bulshadda oo si fiican u socoda, waxaan goobaha shaaha iyo sharaabka laga cabo ku dhaafaynay dhalinyar aad u badan oo caweynaaya isla markaana raxan raxan u fadhida, laakiin bar bilawgii xaafadda maxaa xiggay. Bar bilawgiiba waxaa ii muuqday sida aadka u ba’an ee ay u burbursantahay waddada weyn ee dhexmarta Xaafaddaas qadiimiga ah, halka baabuurta wadooyinka kale maraysaa u kala leeyihiin laba haad oo is weydaaranaaya, waddada Xaafadda SIINAAY lagama yaqaano oo darawaliinta wata baabuurtu midba midka kale isaga ayaa u taraafik ah, sababtuna waa burburka waddada oo mudadii 28 sanadood ee Somaliland jirtay aan hal mar dayacaad lugu sameynin, dhismaha wadadaas waxaa ugu dambeysay sidaan maqlay xukumadii dhacaday ee Siyaad Barre, markii aan xaafadda hore u galay waxaan ka waayey hal hudheel cunto ah oo aniga iyo dhalinyartii kale ee ila socotay aanu ka casheyno, hudheel iyo cunto waa meel dhawe waxaa gabaabsi nugu noqoday shidaalkii gaadhiga oo qiyaas ahaan aan ugu talo galay in kaalmaha shidaalka ee Xaafadda SIINAAY aan kaga shubto laakiin nasiib daro hal kaalin oo furan waan ka waayey, hadda ha illaabin saacaddu waa 10:30kii habeenimo, in mudo ah markii aanu kor iyo hoos kolba u raacayney waddada burburka iyo rafaadka badan waxaa naga goostay oo bilaa shidaal naga noqoday gaadhigii aanu wadnay, waa Madow mugudi gudcur ah aad moodid, wadadda waxaa iftiiminaaya midh midh laabado yaryar oo ka baxaaya gudaha goodhiyo yaryar ama kolayo qaad oo nin iyo laba sii fadhiyaan, ma amaan daro ayaa xaafadda ka jirta waa maxay go’doonka iyo bandawgan saaran xaafadu?, waxaan su’aashaas weydiiyey mid kamid ah dhalinyartii ila socotay oo goob ganacsi ku leh Xaafadda gaar ahaan meheradaha waddada kasoo horjeedda, waxaanu iigu jawaabay in xaafaddu Makka oo Xajku kuyaal ka amaan badantahay laakiin ay sidani dabeecad u tahay dadka xaafadda degan. Mudo kadib waxaanu iska soo saarnay mid kamid ah dhalinyartaydii wada socotay si uu shidaal noogu doono bar bilawga xaafadda oo ah gooladda(goolada xariir), laakiin nasiib daro waxaanu weynay Bus ama taxi aanu saarno wiilkii shidaalka noodoonaayey, waa nasiib daro kale oo nugu habsatay, waxaanan qariib ku noqonay isla xaafadaydii, intii aanu Bus-ka ama Taxi-ga raadineynay waxaanu xaafaddaas Magaca qadiimiga ah leh ka dhex weynay hal Caffateria, ama goob ganacsi oo dhalinyartu iskugu timaado si aanu shaah uga cabno ugna nasano, kaaga darane waxaaba albaabadda loo laabay intii yareyd ee ka furnay ee goobaha ganacsiga oo u badnaa dukaano yaryar, waxaanay xaafadii sii noqotay madow iyo iftiin la’aan, hadda xasuuso oo Biyo la’aan iyo waddo la’aana hore ayaan kuugusoo sheegay, waxaan ka weynay hal xamaam(musqul) oo aanu ku xaajo gudano, musqul maxaanu kaba raadin waxaaba iskusoo hadhay sadexdaydii wada-soconay, gaadhkii baabuurta xaafadda iyo dhawr kolay oo qaad lugu iibinaayey, aakhirkii waxaanu helnay wiil aanu saaxiibo nahay oo degan xaafadda oo suuqa kasoo baxaayey si uu hurdo yimaado oo aanu u dirsanay shidaal, ilaa intii uu nosoo qaadayeyna waxaanu sidii derbi jiifka dhex fadhiisanay derbiyadda madow ee soo eegaayey waddada, SIINAAY waa xaafad aad u weyn laakiin ayaan daradda haysta ayaa waxaa kamid ah in xaafado badan oo isla xaafadda kamid ahi ay saqiiraan oo magacyadoodii rasmiga ahaa baaba’aan sida Xaafadda Faarax Nuur, Xaafadda Maan-deeq, Xaafadda Dugsiga Cali Jaamac, Gooladda Xariir iyo xaafada xero-awr, intaba waxaa loogu yeedhaa Siinaay, mana laha goob tilmaameedyo rasmi ah oo lugu kala saaro ama lugu kala garto hal-bawlayaasha(streets)ka xaafadda, taas oo ka xafadihii kale ka dhigtay in ay noqodaan SIINAAY, Waxayna meesha ka saartay xaafadu xaafado kale oo ka tirsan isla Degmada, sababtuna waa magaca xaafadda oo qadiimi ah. SIINAAY, waxay ku taal koonfurta Magaaladda Hargeysa, waxaa nashaqdeyey oo quruxiyey qaab dhismeedka xaafadda iyo jidadka dhex-mara, Maayirkii ugu dambeeyey xukumadii Madaxweyne Siyaad Barre, waa Bile rifle oo ka dhigay xaafad wadooyin waaweyn leh, wuxuu Bile rifle kala saaray dhismayaasha iyo wadooyinka waxaanu u sameeyey meel waaweyn (Parking) oo goobaha ganacsiga loogu talo galay si baabuurta loo dhigto, laakiin maanta nasiib daro waxaas oo dhami waxay noqodeen kuwo baa’bay waxaana kasii muuqda raadadkii hore ee xukumadii xiligaasi u nashaqadeysay. Maxaa SIINAAY sidan ka dhigay: 1.Dadka Xaafadda: Siinaay waxaa sidan ka dhigay dadka degan xaafadda, dadka degani waxay ka gaabiyeen horumarkii xaafadda, inkasta oo dhawaanahan xaafadda meelo kamid ah shacabku ka dhisteen wadooyin iyo horumar muuqda, haddan maanta sidii laga filaayey xaafadda umay horumarin, qofkastaana waxa uu ka dhigtay goob loosoo hurdo doonto oo laga shaqo tago oo keliya, waxaanan hubaa in inbadan oo kamid ahi xitaa hurdo aanay usoo doonteen ee ay dantu ku kalifayso guryahoodii oo kuyaala xaafadda. 2.Ganacsatada Kasoo Jeedda Xaafadda: Ganacsatada xaafaddu waxay inta badan ganacsigoodii waaweynaa ee camiraada iyo quruxda u noqon lahaa xaafadda u rareen suuqa iyo goobo kale oo ay ka door bideen, waxaa nasiib daro ah in SIINAAY oo qadiimi ah, habeenba hadii uu galo aanad ka helahayn goob waxbarasho, goob shidaal, goob cunto, goob musqul ah, taxi, goob shaah, goob timo-jare iyo goobo badan oo daruuri u ah xaafadda, waxay dhamaan dadka xaafadu adeega usoo doontaan suuqa weyn ee Hargeysa, waxay dhamaan caruurta xaafadu aadaan dugsiyo kale oo kuyaal magaaladda, waana xaafada keliya ee Magaalada Hargeysa aan lahayn dugsiyo waaweyn ama jaamacado wax lugu barto. 3.Xubnaha Golaha Dawlada Kaga Jira Ee Xaafada Lagasoo Doortay: waxaa dayacay oo noqoday kuwo lagu khasaaray dhamaan xubnihii goolaha deegaanka ee lagasoo doortay xaafadda, waxayna noqodeen kuwo irbad aan dun gelin oo keligood shaqaysta, waxay dhoob-dhoobi kari waayeen waxba yaanay quruxine waddooyinka xaafadda dhex-mara, waxay noqodeen kuwo aan lala xisaabtami, sidoo kale kuwa kujira gola wakiiladda ee xaafadda lagasoo doortay waxay noqodeen kuwo iskadaa in wax u qabtaane xitaa qaar badani aanay usoo hurdo tegin oo kireeyey guriyihii xaafadda ay ku lahaayeen, Wasiiradda magaca dadka xaafadda ku jooga xukumadda ee xaafadu saamiga ku heshay waxay noqodeen kuwo iyaguna iskagaba guuray oo Masalaha sare ee Degmada A/dhagax ka dhistay guryo waaweyn iyo bangalooyin, isla markaana aan maanka iyo maskaxda kuba haynin cidii ay matalayeen iyo halkii lagasoo taageeray. 5.Qurbo-jooga Xaafadda: Qurba jooga xaafadu waxay noqodeen kuwo wakhtiyadda Ololaha, colaadaha iyo mixnadda u adeega shacabka, laakiin ay ku yartahay u adeeegista horumarka iyo kaabayaasha bulshadu. Nin kasta ama qof kasta oo hanti iyo lacag haysta oo qurba joog ahi waxa uu bixiyaa xiliyadda uu dantiisa fiirinaayo laakiin way ku yartahay in uu bixiyo xiliga isagana ay sadaqada u tahay, dadkiisa iyo dalkiisana horumarka ay u tahahay. 4.Dhalinyarta Aqoonyahanada ah Ee Xaafadda: Gebo-gebadii waxaa dib u dhaca xaafadda iyo nolol la’aanta ka jirta u sabab ah dhalinyarta aqoonyahanda ah ee xaafadda oo aniga laftarkaygu aan kamid ahay, waxayna noqodeen kuwo ka hadla wax kasta oo dalka ka jira laakiin iska ilaabay mugdiga iyo dulmiga ay xaafadoodu ku sugantahay, ma jiraan ama waa kuwo aad u yar tiro ahaan dhalinyar is-xil qaanta oo dadka xaafada iyo ganacsatadaba baraarujiya, ma jiraan dhalinyartii camiri lahayd hadii goobo suuqyo ah laga sameeyo xaafadda, ma jiraan ardaydii wax kabaran lahayd xaafada hadii goobo waxbarasho laga furo, sidoo kale ma jiraan haweenkii ka adeegan lahaa hadii suuqyo lagafuro xaafadda, taasina waa nasiib daradda ugu weyn ee xaafaddaas haysata. “SIINAAY, Caasimadii saqiirtay ee shacabkeedu duugeen habeen madow, waxay Hargeysa inteeda kale ka dambeysaa 20-sano” Wabilahi tawfiiq. Mr. Hamse Bashe (Wiyeer-yare) Qoraa / Saxafi madax banaan E-mail: Xamse18@gmail.com www.wiyeeryare.blogspot.com www.twitter.com/wiyeeryare www.facebook.com/wiyeeer Hargeysa -Somaliland Source
- 
	(SLT-Tukaraq) Wararka ay shabakadda Wararka Somalilandtoday ka helay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa sheegaya in maanta halkaasi ay ka jirto dhiilo colaadeed oo u dhexaysa Jamhuuriyadda Somaliland Iyo maamulka Puntland. Wararka ay helayso Somalilandtoday badan waxa ay sheegayaan in labada dhinacba saaka ay isku hub uruursanayaan si midba midka kale uu isga difaaco . Dhaq dhaqaaqan ka soo cusboonaaday deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa ku soo beegmaya xili Puntland ay ku jirto ololihii doorashada Madaxtinimada. Ciidamadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Puntland ayaa Tukaraq isku hor fadhiya mudo ku siman sagaal bilood , maalin ka hor ayay ahayd marii uu ergayga gaarka ah e Qaramada midoobay Ee Soomaaliya uqaabilsan uu kala hadlaya xaalada Tukaraq madaxweyne Muuse Biixi Cabdi . Isagoo sidoo kalena Garoowe kula kulmay Madaxweyne Cabdi Wali Gaas . Somalilamdtoday/Hargaysa/Office Source
- 
	(SLT-Cameron) Dawladda Cameroon ayaa billowday hawlgal ballaadhan oo ay ku baadi goobeyso 79 caruur ah oo laga qafaashay iskuul ku qaal qeyb ka mid ah dalkaasi. Rag hubeysan ayaa carruurtan ka qafaashay iskuulkan oo ku yaal Bamenda ee woqooyi galbeed dalkaasi. Ardayda badbaaday ayaa ka hadlay qaabka ay kooxda afduubka gaysatay u baareen iskuulka oo ay u xusheen ilmaha ay qafaasheen. Dowladda Cameroon ayaa afduubkaasi ku eedaysay jabhad doonaysa in gobolka Ingiriiska looga hadlo ee dalkaasi uu ka go’ dalka intiisa kale. Jabhadda ayaa beenisay inay afduubka geysatay. Baraha Bulshada ee Cameroon ayaa waxaa lagu faafiyay muuqaal la rumaysan yahay in mid ka mid ah afduubayaasha uu ka duubay carruurta. Waxa ay carruurtu ku dhawaaqayaan, waxaa laga watay iskuulka wiilasha ee Amba, mana ogi halka aan lku suganahay. Kooxaha gooni u goosadka ah ayaa sanadkan sare u qaaday weerarrada ay ka geysanayaanb gobolkaasi, oo shacabkiisa ay ku eedeeyaan dowladda inay six un ula dhaqanto Source
- 
	(SLT-Washington)Xisbiga mucaaradka ee dimuqraadiga ah ayaa rajaynaya inuu dib ula wereego maamulka aqalka wakiilada, halka xisbiga Republican-kana uu doonayo in ay sii xajistaan maamulidda aqalka Senate-ka. Waxaa la qabtay olole ay Obama iyo Tramp ku kala jiidanayaan Codbixiyeyaasha waxaana laga cabsi qabaa in Doorashadda ay saameeyn ku yeelato Nacayb ka dhan ah muhaajiriinta oo madaxweyne Trump uu ololihiisa ku sheegay Taageerayaasha madaxweyne Donald Trump iyo kuwa Barack Obama ayaa maalintii Axadda ah isu soo bax ballaaran sameeyay. “Talaadada ayaad codbixinta u dareereeysaan oo aad codkiina dhiibanaysaan,” ayuu Mr Trump u sheegay taageerayashiia. Maalmihii ugu dambeeyay Mr Trump ayaa aad uga hadlayay arrimaha socdaalka dalkaasi. Source
- 
	In ka badan 150 dhalinyaro tahriibayaal Soomaaliyeed oo ku dhibaataysnaa dalka Libya, ayaa dib loogu soo celinaya Soomaaliya Arbacada berri ah,ee ku beegan 7November 2018. Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub, Danjire Cali Saciid Fiqi, ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga ku sheegay, in dhalinyaro gaaraysa ilaa150 oo ku dhibaataysnaa dalka Libya dib loogu celin doono Soomaaliya maalinta Arbacada ah. Safiirka ayaa intaasi raaciyay, in soo celinta dhalinyarada ay iska’ kaashadeen dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha IOM iyo UNHCR,hase yeeshee faahfaahin kama bixin magaalooyinka ay dhalinyaradaasi ka joogan dalka Libya. Sidoo kale safiirka ayaa u mahadceliyay hawl-wadeennada safaaradda Soomaaliya ee waddanka Libya, oo uu ku bogaadiyay kaalinta ay ka qaateen, soo celinta dhalinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi ku dayacnaa. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post In ka badan 150 dhalinyaro Soomaaliyeed oo dib loogu soo celinayo dalkooda appeared first on Puntland Post.
- 
	(SLT-Muqdisho)Inta la xaqiijiyay 4 qof oo rayida ayaa dhintay ka dib markii ciidamada AMISOM la sheegay in ay toogteen dadkaasi ka dib markii kolonyo ay la socdeen qarax waddada dhinaceeda la dhigay lagulla eegtay Ex control Balacad ee magaalada Muqdisho. Ehelada dadka la laayay ayaa Radio lugo badan u sheegay in ay inay aaminsan yihiin in si ula kac ah loo dilay 4-ta qof ee dhimatay kadib markii ciidammadu inta ay ka dageen gawaarida mid mid u toogteen raggan oo joogay meel aan sidaa uga fogeyn halka uu qaraxu ka dhacay. Lama yaqaano khasaaraha ciidammada gaaray marka laga reebo in labo kamid ah gawaaridooda ay waxyeelo ka soo gaartay qaraxa sida dad goobjoog ah ay sheegeen. Somalilandtoday/Muqdisho/Office Source
- 
	  Madaxwayne Kenya oo laga dalbaday joojinta kaluunka SoomaliDeeq A. posted a topic in News - Wararka Nairobi (Sh.M.Network) – Guddiga kaluumaystada maamulka Laamu ee dalka Kenya ayaa ugu baaqay Madaxwayne Uhuru Kenya in uu Mamnuuco kaluunka ay gudaha dalkaasi geeyaan ganacsatada Soomalida taas oo ay sheegeen in ay sameyn ku yeelatay kaluunka laga soo saaro gudaha dalkasi Kenya. Maxamed Cali oo ah gudoomiyaha kaluumaystada deegaanka xebedka Lamu ee dalka Kenya ayaa hoosta ka xariiqay in Kaluunka laga soo dhoofiyo dalalka Soomaaliya iyo Tanzania uu suuq la’an dhigay Koodii, islamrakaana loo baahan yahay in dowladda dhexe ee Kenya ay dalka ka mamnucdo kaluunka laga keenyo dalalka deriska la ah. Madaxwayne Uhuru Kenyatta ayaa horay uga manuucay dalka Kenya in keeno kaluunka lasoo dhoofiyo dalka Shiinaha kadib markii ay sidaan oo kale cabasho uga timid kaluumaystada reer Kenya, kuwaasi oo tibaaxay inuu saameyn dhaqaalo ku yeeshay. Ganacsatada Kaaluunka ee dalka Kenya ayaa ku eedeyay ganacsatada Soomaalida ah in ay qiimo hoose ku iibinayaan kaluunka taas oo ay ku doodayaan in hadii ay ku ibiyaan dhankooda ay ku qasaarayaan. Kenya ayaa Soomaaliya usoo dhoofisa Khaad ku kacaya malaayiin Dollar, xili aanan la saadaalin karin go’aanka uu Madaxwayne Kenyatta ka qaadanayo cabashadda uga yimid Ganacsatada ka beec-mushtarta Kaluunka. The post Madaxwayne Kenya oo laga dalbaday joojinta kaluunka Soomali appeared first on Shabelle. View the full article
- 
	Fishermen in Lamu County want President Uhuru Kenyatta to ban the sale of fish in Kenya by their counterparts from Somalia and Tanzania. The call is by at 6,000 fishermen from Kiunga and Ishakani on the border of Lamu and Somalia. Others are from Mkokoni, Kiwayu, Ndau, Faza, Kizingitini and Pate – all in Lamu East – as well as Kipungani, Shella, Matondoni and Lamu Old Town in Lamu West. DWINDLING SECTOR The fishers said it is time the government took the bold step of banning their counterparts from the two countries as they have invaded the local market. They said salvation is needed as the sector is dwindling. Led by Lamu East Fishermen Association chairman, Mohamed Ali, they noted that the invasion has left them without a market. “There is need for measures to be taken to stop Somalia and Tanzania fishermen from selling their fish in our market,” Mr Ali said. “We forced to sell our fish produce at very low prices because they are always competing with us. The president recently banned the importation of fish from China. Let him to also think of introducing rules that will prohibit foreign fishermen from invading and swarming Kenyan markets so as to save our dwindling fishing sector.” SCRAMBLE President Kenyatta banned the importation of fish from China in October. He wondered why imported fish should flood the Kenyan market at the expense of local produce. Mr Ahmed Omar, a fisherman in Kiunga on the Lamu-Somalia border, noted that their counterparts sell their fish at “very low prices”. “Fishing no longer fetches us profits. Fish buyers are scarce so we scramble for them. We are worried that this trade will soon be history if something isn’t done,” said Mr Omar. Regarding the insecurity which led to a prolonged ban on night fishing, especially in the border villages of Kiunga and Ishakani, the fishermen termed it a major hindrance to growth and expansion. EQUIPMENT The fishers also cited lack of modern equipment as a challenge to the growth of the sector. Mr Famau Kupi urged both the county and national governments to purchase modern equipment for them so they can venture into deep waters. More than 90 percent of Lamu natives directly or indirectly rely on fishing for survival but most of them still employ decades-old techniques. “We urge the governments to come to our aid. It’s only by having advanced equipment that we can reap maximum benefits from fishing,” said Mr Kupi. Mr Athman Islam, of Ishakani village, also said the trade will only expand if they are equipped with modern tools. “With modern tools, we will be able to match our competitors, especially those from Somalia and Tanzania, who seem to have everything needed for deep sea fishing. We can’t match them at the moment and that definitely means we can’t compete in the same market and win,” said Mr Islam. The post Ban fish from Tanzania and Somalia, traders tell Uhuru appeared first on Shabelle. View the full article
- 
	The federal government of Somalia ordered South West authorities to hold the presidential elections in its scheduled time. A statement from the ministry of interior and federalism ordered the leaders of the state to hold the upcoming presidential elections in its planned time. “While fulfilling its mandate, the ministry of interior, federalism and reconciliation call on the leaders of South West authorities to hold the state’s elections in its scheduled date, 17th November 2018” the statement reads in part. The ministry insisted that no delay of the presidential election will be accepted as the mandate of the current administration is running out. “The mandate of the current administration runs up to 17th November 2018, no delay [ of the presidential elections] will be accepted” the statement adds. The statement of the ministry comes a time when the residents in South West state express concern of whether the presidential elections will held at its scheduled time following the resignation of over ten members of the electoral body including the chairman and his two deputies. The electoral committee accused the federal government of Somalia of interfering the electoral process of the regional state. So far the electoral body has registered several presidential candidates including the former deputy leader of Al-shabab, Mukhtar Robow Abu Mansur. Robow was cleared and issued a nomination certificate after he presented his papers to the electoral committee on Monday. The post Interior Minister urged Southwest leaders to hold on-time election appeared first on Shabelle. View the full article
- 
	Baydhabo (Caasimada Online) – Golaha dhaqanka Koonfur Galbeed oo ah cidda leh go’aanka kama dambeysta ee arrimaha doorashooyinka Koonfur Galbeed ayaa goor dhow waxa ay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay kaga dhowaaqeen in dib loo dhigay doorashada maamulkaasi oo la filayey iney dhacdo 17-ka bishan November. Golahan oo cuksanaya qodob ka mid ah dastuurka Koonfur Galbeed ayaa go’aamiyey in doorashadaasi dib loogu dhigay sababo la xiriira farogelinta ay sheegeen in dowladda federaalka Soomaaliya ay ku hayso doorashada. Waxa ay dowladda ku eedeeyen iney lacago laaluusha siisay xildhibaannada qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamabka Koonfur Galbeed oo loo soo daabulay magaalada Muqdisho toddobaadkii tegay.. Sidoo kale, Golahan ayaa dusha ka saaray dowladda dhexe gaar ahaan madaxda ugu sarreysa wax walbo oo dhacay oo ku saabsan doorashada. Ugu dambeyn, doorashadan ayeey sheegeen in qabashadeeda la go’aamin doono marka la helo xaalad siyaasadeed oo deggan. Hadalkooda ayaa yimid kadib markii xalay ay is-casileen inta badan xubnihii guddiga doorashada Koonfur Galbeed, oo ay ku jiraan guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa, kuwaasi oo iyagana sheegay inay isku casileen faro-gelinta dowladda dhexe. Halkaan hoose ka dhageyso go’aanka odayaasha https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/11/Malaaqyada-sax-ah.mp3Caasmada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
- 
	More than 15 Members who are part of the South West State election coordination committee have resigned on Monday. The members include the chair and deputy chair of the 13 member team tasked to oversee the regional Presidential elections scheduled on 17th this month. The resignation is linked to the clearance of candidate Mukhtar Robow Abu Mansur to run for the regional office. According to sources the members who have resigned are for the opinion that former Alshabaab second in command is barred by the constitution to run for the office and thus it is unconstitutional to give him the green light. Abu Mansour has issued a certificate of clearance on Monday amid stiff resistance by some election coordination committee members. Other Unconfirmed reports say incumbent state leader Sharif Hassan Adan who is planning to give up the race is behind the move to push for candidate Robow as his replacement. The development is a big blow to the already tense regional Presidential elections. Some candidates have previously accused the federal government leaders of direct interference. The post Southwest election commission members resign head of the polls appeared first on Shabelle. View the full article
- 
	Golaha dhaqanka K/galbeed oo ah cidda leh go’aanka kama dambeysta ee arrimaha doorashooyinka K/galbeed ayaa goor dhow waxa ay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay kaga dhowaaqeen in dib loo dhigay doorashada maamulkaasi oo la filayey iney dhacdo 17-ka bishan November. Golahan oo cuksanaya qodob ka mid ah dastuurka K/galbeed ayaa go’aamiyey in doorashadaasi dib loogu dhigay sababo la xiriirta farogelinta dowladda federaalka Soomaaliya. Waxa ay dowladda ku eedeeyen iney lacago laaluusha siisay xildhibaannada K/galbeed oo loo soo daabulay magaalada Muqdisho. Sidoo kale, Golahan ayaa dusha ka saaray dowladda dhexe gaar ahaan madaxda ugu sarreysa wax walbo oo dhacay. Ugu dambeyn, doorashadan ayeey sheegeen in qabashadeeda la go’aamin doono marka la helo xaalad siyaasadeed oo deggan. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/Malaaqyada-sax-ah.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
- 
	Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa xafiiskiisa kula kulmay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya iyo Saraakiisha ugu sareysay Booliska. Wasiir Beyle ayaa sheegay in Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed uu kala hadlay muhiimada ay leedahay dar dar galinta horumarinta Canshuuraha Dalka iyo ilaalnta hantida Dadweynaha. Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in Wasaaradda Maaliyadda ay ka go’an tahay sidii Ciidammada ay bil kasta u heli lahaayeen Mushaaraadka ay xaqa u leeyihiin maadaama ay sugayaan Amniga, dagaalna ay kula jiraan Cadowga Umadda Soomaaliyeed ee Al shabaab oo Shacabka u maleega Weeraro ay ku dhibaateeyaan. Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Bashiir Cabdi Maxamed iyo Saraakiisha ayaa Wasiir Beyle Warbixin ka siiyay Amniga iyo xasiloonida ay soo hoyeen Ciidamada Booliska, iyagoona balanqaaday inay laba laabi doonaan dadaalka lagu sugayo amniga. The post Wasiir Beyle Oo la Kulmay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed appeared first on Shabelle. View the full article
- 
	Muqdisho ( Sh. M. Network )-Waxaa barqanimadii maanta banaanbax ballaaran oo looga soo horjeeday Ciidamada AMISOM uu ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir. Dibadbaxayaasha ayaa cabasho ka ahaa fal dil ah oo saaka AMISOM ay ka geysyeen Isgoyska Ex Koontarool Balacd ee degmadaasi, kadib markii qarax lagula eegtay halkaasi. Illaa iyo 4 Qof oo rayid ahaa ayaa la sheegay in ay ku dhinteen rasaas ay fureen Ciidamada Midowga frika ee AMISOM. Ehellada dadka la dilay oo Darawaliin ahaa ayaa dowladda federaalka Soomaaliya ka dalbaday in wax ka qabato arrintaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/dad-.mp3 The post Banaanbax ka dhan ah AMISOM Oo ka dhacay Heliwaa appeared first on Shabelle. View the full article
- 
	Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Duhur-06112018.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
- 
	Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay xogta ku heshay Shabakadda Caasimadda Online, waxaa Berri Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya soo gaari doono wafdi culus oo ka socdo dalka Turkiga. Wafdigaan ayaa waxaa hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga Dalka Turkiga Hulusi Akar, waxaana kamid ah wafdigan Taliyaha Ciidamada Turkiga iyo Madaxda ugu sarreyso Saraakiisha Ciidamada. Sida aan xogta ku helany, ujeedada wafdigaan ayaa ah sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dib u dhiska Ciidamada Soomaaliya. Waxaa Magaalada Muqdisho ka socdo qaban qaabada soo dhaweynta wafdigaan, waxaana la filayaa inay kulamo la qaataan madaxda ugu sareyso dalka sida Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha. Dowladda Turkiga ayaa Soomaaliya ka caawiso dib u dhiska Ciidamada waxayna saldhig weyn ka sameysteen Duleedka Muqdisho halkaas oo lagu tababaro ciidamo badan oo ay leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Dowladda Turkiga ayaa xiriir wanaagsan la leh dalka Soomaaliya tan iyo markii uu dalka madaxweyne ka ahaa Shiikh Shariif Sh. Axmed markaas uu Madaxweynaha Turkiga Erdogan safarkiisii ugu horeeyey ku imaaday Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
- 
	Muqdisho (Caasimadda Online) – Xarakada Al-shabab ayaa sheegatay in qaraxyo saaka ka dhacay magaalada Muqdisho ay ku dishay saddex ka mid ah Ciidamada AMISOM, seddex kalena ay ku dhaawacday. Qaraxyada oo saaka ka dhacay Degmada Huriwaa ayaa waxaa sidoo kale ku dhintay afar qof oo sababsaday rasaas ay fureen Ciidamada AMISOM,waxaana ku dhaawacmay saddex kale. Al-Shabaab waxaa ay sheegtay in qaraxa kowaad lagu qarxiyay Gaari booyad ah,kaddibna Ciidan dhulka u degay Qarax labaad la kulmeen halkaas oo uu khasaaraha ka dhashay sida ay sheegeen. Dadka ku sugan Xaafadda Suuqa Xoolaha ayaa saaka dhigay Banaanbax ay uga soo horjeedaan dilka Ciidanka AMISOM ay u geysteen dadka Rayidka ah. Ciidamada AMISOM ee lala eegtay qaraxyadan ayaa ah kuwa badanaa gurmadka iyo zaadka geeya xerada Maslax ee duleedka Muqdisho waxaana dhowr jeer ay la kulmeen qaraxyo noocan oo kale ah oo looga gubay gaadiid, askarna looga laayey Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
- 
	Muqdisho ( Sh. M. Network )-Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta oo Nuqul ka mid ah uu soo gaaray Wakaalada SONNA ayaa u qornaa sidan:- Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta iyadoo gudanaysa waajibaadkeeda dastuuriga ah waxay faraysaa madaxda Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed ee Soomaaliya in doorashada dowlad goboleedka ay qabsoonto xilliggii loo asteeyey oo ah 17ka November 2018ka. Muddada xilhanyta maamulka hadda ka jira koofur galbeed waxay ku egtahay 17ka November lamana aqbali doono in ay dib uga dhacdo. Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta waxay ku dhiirri gelinaysaa guddoonka iyo xildhibaannada baarlamaanka Koonfur Galbeed in iyagoo gudanaaya waajibaadkooda dastuuriga ah ay si daahfuranna u qabtaan doorashada Madaxwaynaha Dowlad Gobaleedka waqtiga loo asteeyey ee kor ku xusan iyadoo la ilaalinayo xasiloonida iyo deganaashaha Koofur Galbeed. The post XFS Oo war ka soo saartay doorashada K/ Galbeed appeared first on Shabelle. View the full article
- 
	Qaran News
- 
	Kulan London ku dhex maray G Cabdiraxmaan Ciro iyo Garabka dhalinyarada Xisbiga Waddani ee UK Dhalinyarada Xisbiga Waddani Oo Si wayn uso dhaweyay Gudomiya Xisbiga Waddani Dr Abdiraxman Mohamed Abdilaahi Kana Wada hadlay sidii Xisbiga loo dardar galin laha Sidii loo xoojin lahaa Member ship ka Xisbiga sido kale waxa uu gudoomiyhu wuxu u mahad celiyay dhalin yaradii kala qayb qadatay doorashadii iyo muruqii ay galiyeen xisbiga Qaran News
- 
	Golaha iskaashiga ee ay ku midaysan yihiin dowlad goboleedyada;Puntland,Jubaland,Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa si adag u cambaareeyay fara-gelin ay sheegeen in dowladda Federaalka Soomaaliya ku hayso doorashada madaxtinimada Koonfur Galbeed Soomaaliya. War-murtiyeed ka kooban oo ka soo baxay golaha islaashiga dowlad goboleedyada dalka ayay ku sheegeen in ku dhowaad 100 xildhibaan oo ka tirsan Baarlamanka Koonfur Galbeed loo daad-gureeyay magaalada Muqdisho,islamarkaana lagu qanciyay in ay u codeeyan musharraxa ay wadato Villa Somalia,taasoo meesha ka saaraysa doorasho xor iyo xalaal u dhacda,sida war-murtiyeedka ku xusan. Halkaan hoose ka akhriso. Puntlandi.com Source
- 
	Dowladda federaalka Soomaaliya oo markii hore lagu tuhmayey iney farogelin ku hayso doorashada madaxweyne ee maamulka K/galbeed ayaa hadana qoraal arrimahan caddeyn u ah waxa uu kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda dhexe. Maamulka K/galbeed oo ah maamul leh Dastuur iyo sharci, sidoo kalena xaq u leh go’aan ka gaarista waqtiga doorashada ayaa hadana wasaaradda arrimaha gudaha waxay ku ammartay maamulkaasi ineysan dib u dhigin doorashadooda. Qoraalka ayaa sidan u qoran: Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta iyadoo gudanaysa waajibaadkeeda dastuuriga ah waxay faraysaa madaxda Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed ee Soomaaliya in doorashada dowlad goboleedka ay qabsoonto xilliggii loo asteeyey oo ah 17ka November 2018ka. Muddada xilhanyta maamulka hadda ka jira koofur galbeed waxay ku egtahay 17ka November lamana aqbali doono in ay dib uga dhacdo. Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta waxay ku dhiirri gelinaysaa guddoonka iyo xildhibaannada baarlamaanka Koonfur Galbeed in iyagoo gudanaaya waajibaadkooda dastuuriga ah ay si daahfuranna u qabtaan doorashada Madaxwaynaha Dowlad Gobaleedka waqtiga loo asteeyey ee kor ku xusan iyadoo la ilaalinayo xasiloonida iyo deganaashaha Koofur Galbeed. Dhammaad Source: goobjoog.com
- 
	Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweyne Gaas ayaa luminaya shacbiyada gudaha ee Puntland waxaana taas loo sababeynaya qaabka uu ula dagaalamaayo Villa Soomaaliya. Cabdiweli Gaas oo xukunkiisa ay labo bilood ka harsan tahay ayaa fure u noqday khilaafka Dowlada dhexe iyo Dowlad goboleedyada. Gaas oo ay Farmaajo saaxiib hore ahaayeen ayaan joojin inuu jilaafeeyo tan iyo maalinkii la doortay 8dii Febraayo 2017. Shacabka iyo siyaasiyiinta Puntland waxaa ay dhowr jeer muujiyeen sida ay ugu faraxsan yihiin Dowlada dhexe, laakiin marnaba Gaas masuuliyad iskama saarin rabitaanka bulshada deegaanka. Sida aan xogta ku helnay, Isimada iyo waxgaradka Puntland ayaa tiro labo jeer ah la fariistay madaxweyne Gaas iyagoo u sheegaya in uu wax ka badalo sida uu ku wajahaayo Dowlada dhexe xili ay Puntland dooneyso iney doorasho aado bisha Janaayo ee sanadka soo aadan. Isimada ayaa madaxweyne Cabdiweli ku yiri “Waqti badan iyo qarash badan ayaa Puntland uga baxayaa dagaalka Dowlada dhexe, taageero badan ayaan ku weynay oo Puntland lagu hormarin lahaa ee fadlan arrinta aan si kale u xalino” Wararka ayaa sheegaya in Gaas oo aan rajo badan ka qabin in dib loo soo doorto, uu isimada u sheegay in arrinta isaga iyo Farmaajo ay tahay siyaasad gaar ah waxaana uu sheegay in uu ka guuleysan doono. Waxaa ay odayaasha reer Puntland sheegeen in doorashada soo aadan aan looga maarmin Dowlada dhexe, laakiin waxaa muuqata inuu Cabdiweli arrintaas iska indha-tiraayo. Walaac badan ayaa ka jira qaabka ay u dhici doonto doorashada soo aadan ee Puntland. Isimada ayaa la sheegay iney ka tageen Cabdiweli iyagoo ku cel celinaya “Sidaan uma wacna Puntland”. Waxaa la aaminsan yahay in is faham-waaga Gaas iyo Isimada ay fursad siineyso musharaxiinta kale ee doonaya madaxtinimada Puntland. Saxaafada Puntland waxey sheegtay in isimadu ay waligood difaaci jireen Gaas balse hada ay ka quusteen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com

