Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,415
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Taliyaha ciidanka Puntland S/Guuto Cabdishukri Cabdullaahi, ayaa shaaciyay inay dowladda Puntland galayso dagaal lagu difaacayo midnimadeeda, lagunasoo celinayo dhulkeeda. Hadalkaan ayuu ka sheegay, kadib markii uu maalintii shalay xilka kala wareegay taliyihii ciidanka Daraawiishta Punland, sareeyo guud Siciid Dheere. Halkaan ka daawo. Puntlandi.com Source
  2. Ilhan Omar ayaa ku guulaysatay tartanka gobolka 5th ee Minnesota, waa qofkii ugu horreeyay oo Soomaali ah oo ka mid noqda Aqalka Congress-ka ee dalka Mareykanka, waxa ay guushaasi ka gaartay doorashaddii dhexe ee Mareykanka ee shalay dhacday. Ilhaan Cumar ayaa bedeshay Keith Ellison oo ahaa Muslimiinkii ugu horreeyay ee ka mid noqdo Aqalka Congress-ka ,islamarkaana kasoo galay dhanka Minnesota. Ilhaan Cumar ayaa taariikh samaysay iyada oo noqonaysa gabadhii ugu horreysay ee loo doorto Congress-ka oo Soomaali ah. Waxa ay sidoo kale noqonaysaa mid ka mid ah haweenka ugu horreeyay ee Muslimka ah ee loo doorto Congress-ka. Waxa ay ka socotay Xisbiga Dimoqraadiga ah, waxaana la aaminsan yahay in guusha Ilhaan ay soo dedejisay Caddaadiska lagu haayo dadka Muslimiinta ah ee ku nool dalka Mareykanka. Ilhaan Cumar oo 35 sano jir ah ayaa taariikh sameysay kadib markii ay noqotay qofkii ugu horreeyay oo Soomaali ah oo Xildhibaan ka noqdo dalka Maraykanka sanadkii 2016-kii. Waxay Soomaaliya ka qaxday xilligii dagaalka sokeeye iyadoo 8 sano jir ah, Afar sano oo ay ku nooleyd Xeryaha Dhadhaab, kadib waxa ay gashay Mareykanka iyadoo 12-sano jir ah. Halkaan ka daawo iyadoo ka hadlaysa dareenkeeda. Puntlandi.com Source
  3. Wasiirada Amniga Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada ayaa maanta shir uga furmayaa magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah Jubaland. Golaha ayaa ka kooban Dowlad Goboleedyada kala ah; Puntland,Jubaland,Koonfur Galbeed iyo Galmudug,waxaana ay shirkan kaga arrinsanayan dhismaha ciidamo isku’dhaf ah oo u gaar ah,sida lagu go’aamiyay shirkii ay Garoowe ku yeesheen madaxda Golaha Iskaashiga. Shirkan ayaa la filayaa in lagu dhiso ilaa 4 kun oo ciidamo isku’dhaf ah,kuwaas oo ay saami siman u qeybsanayan afarta Dowlad Goboleedk ee Kismaayo ku shiraya. Dhammaan wasiirada Amniga Golaha Iskaashiga ayaa haatan ku sugan magaalada Kismaayo,waxaana sida qorshuhu yahay goor dhow furmi doona shirka. PUNTLAND POST The post GIDG Dowlad Goboleedyada oo dhisanaya Ciidamo gaar ah appeared first on Puntland Post.
  4. Ilhaam Cumar oo asalkeedu Soomaali yahay iyo Rashida Tlaib oo kasoo jeeda Falastiin ayaa noqday labadii gabdhood ee ugu horeeyey ee Muslima oo kamid noqda Congress-ka Maraykanka. Ilham iyo Rashida Rashida ayaa kasoo baxday Gobalka Michigan iyadoo siweyn ugu guuleysatay codadkii laga dhiibtay gobalkaas halka Ilhaam kasoo baxday Gobalka Minnesota ee ay Soomaalida ku badan tahay waxayna si xoogan uga adkaatay musharixii la tartamaayey. Dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan siweyn ayey ugu farxeen guusha Ilhaam Cumar oo ah mid tariikhiya, waxaana baraha bulshada qabsaday hambalyada loo diraaya Congress Ilhaam Cumar maadama loo arko inay taariikh baal dahaba ku qoran usoo jiidey umadda Soomaaliyeed. Ilhaam ayaa Wadanka Maraykanka tagtay iyadoo 14-sano jirta kadib dagaaladii sokeeye ee ka dhacay Soomaaliya, waxayna horay usoo noqotay xildhibaan katirsan baarlamaanka Gobalka Minnisota. PUNTLAND POST The post Ilhaam Cumar iyo Rashida Tlaib oo noqday labadii gabdhood ee muslima oo kamida noqda Congress-ka Maraykanka appeared first on Puntland Post.
  5. Washington ( Sh. M. Network )-Ilhaan Cumar oo ah Gabar Soomaaliyeed, kana tirsan xisbiga Dimoquraadiga ee dalka Mareykanka ayaa ku guuleysatay doorashada Aqalka Congress-ka Mareykanka, waxaana ay noqoneysaa Qofkii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee xil mansabkaas leh ka qabata dalkaasi. Ilhaan Cumar ayaa qaxootinimo ku gashay Mareykanka, waxayna horay u soo noqotay mid ka mid ah Xildhibaanada wakiilada qalka Hoose gobolka Minnesota ee dalkaasi. Hase’ahaatee Ilhaan ayaa haatan fariisan doonta Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Mareykanka. Soomaalida ku nool gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa si weyn u soo dhaweeyay guusha ay gaartay Ilhaan Cumar. The post Ilhaan Cumar Oo ka mid noqotay Aqalka Congress-ka Mareykanka appeared first on Shabelle. View the full article
  6. (SLT-Washington)Ilhan Cumar, Hodan Xasan, iyo Maxamuud Nuur ayaa ku guuleystay doorashooyinkii ay ka galeen gobolka Minnesota, iyada oo Ilhan Cumar ay ka mid noqon doonto Aqalka Hoose ee Congress-ka Maraykanka, halka Hodan Xasan iyo Maxamuud Nuur ay ka mid noqon doonaan Aqalka Hoose ee baarlamaanka gobolka Minnesota. Dhinaca kale, Keith Ellison oo horay u ahaa xubin ka tirsan Aqalka Hoose ee Congress-ka Maraykanka ayaa u dhow inuu ku guuleysto xilka Xeer Ilaaliyaha Guud ee gobolka Minnesota oo uu u tartamayey. Guud ahaan doorashada, labada xisbi ayaa kala qeybsaday labada aqal ee Congress-ka, iyada oo Dimoqraadigu uu qaatay Aqalka Hoose, Jamhuuriguna uu sii xajistay Aqalka Senate-ka. Source
  7. (SLT-Beijing) Bilyaneerka iyo aasaasaha Microsoft Bill Gates ayaa waxaa uu gacanta ku haya saxaro ku jirta dhalo, xilli maanta uu ku sugnaa magaalada Beijing. Waxaa uu khudbad ka jeedinayay xaflad lagu soo bandhigayay Suuli cusub oo casri ah oo aan biyo u baahneen. Hay’adda samafalka ee Bill & Melinda Gates ayaa ku kharash gareeysay lacag ka badan $200 milyuun oo doolar cilmi baaris lagu sameeyanayay Suuligaan taas oo qaadatay muddo toddobo sano ah. Waxaa masraxa lagu soo bandhigay agab loogu talagay nadaafadda, kuwaas oo baabi’inaya bakteeriyada khatarta ah sidoo kalana ka hor tagaya cudurada. Agabkaan ayaa sidoo kale kala saaraya saxarada iyo biyaha suuliga “Waxaan dhihi karaa 10 sano ka hor waligay kuma fikirin in aan wax badan ka ogaado saxarada”,ayuu Mr Gates ku kaftamay intii lagu guda jiray shirka. Ganacsadahaan ayaa waxa uu furayay xaflad 3 maalmood soconaysa oo ka dhacaysa dalka Shiinaha-taas oo uu ka soo qeyb galay hogaamiye Xi Jinping. Mashruucaan ayaa looga gol leeyahay in isbedel lagu sameeyo suuliga. Mr Gates ayaa sidoo kale agabkaan la soo bandhigay ku tilmaamay in uu yahay hormarkii ugu muhiimsanaa ee la gaaro ku dhawaad laba boqol oo sano. Madaxa Microsoft ayaa dhalada saxarada ay ku jirto ee dhiniciisa taalay ku tilmaamay in ay ku jirto 200 oo tirilyan oo rotavirus ah… 20 bilyan oo bacteeriya ah iyo 100,000 oo ah ukumaha aan isha qaban. Sida ay sheegtay Hay’adda Caafimaadka Aduunka ee (WHO) ilaa 2.3 milyan oo qof oo dunida ku nool ayaan weli haysan adeegyada aasaasiga ah ee nadaafadda. Waxa ayna arintaan sababi kartaa cudurada sida daacuunka, shuban biyoodka iyo santariyada. Source
  8. Baydhabo ( Sh. M. Network )-Waxaa xalay kulamo siyaasadeed oo iska soo horjeeda ay siyaaba kala duwan ka dhaceen gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Kulamadan ayaa waxa ay u dhaxeeyeen Xildhibaano ka tirsan BFS, Mas’uuliyiin ka mid ah madaxda maamulka K/ Galbeed iyo xubno ka tirsan guddiga doorashada maamulkaasi. Intooda badan waxaa diirada lagu saaray kulamadani xaaladda Koonfur Galbeed, gaar ahaan arrimaha doorashada iyo sidii ay ugu qabsoomi laheyd waqtigii loogu talagalay. Dhinaca kale Nabadoon Axmed Xaaji Dulmidiid oo ka mid ah waxgradka deegaanada Koonfur Galbeed oo la hadlay Shabelle ayaa baaq u diray dowladda Soomaaliya. Nabadoon Dulmidiid ayaa ka codsaday madaxda DFS in ay tallaabo ka qaadaan cidkasto oo marin habaabineysa shacabka maamulkaasi, gaar ahaan Odayaal uu sheegay in shalay Baydhabo ay uga dhawaaqeen in dib loo dhigo doorashada Madaxweynaha K/ Galbeed. Halkan hoose ka dhageyso Codka. The post Kulamo iska soo horjeeda Oo Xalay ka dhacay M/ Baydhabo appeared first on Shabelle. View the full article
  9. Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Subax-071118.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  10. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa sii adkaanaya xaaladda Siyaasadeed ee doorashada Koofur Galbeed waxii ka dambeeyay markii shalay odayaasha dhaqanka ay ku dhawaaqeen in dib u dhac uu ku yimid doorashada Koonfur Galbeed. Odayaasha dhaqanka ayaa sheegay in wax walbaa oo ka dhaca Koonfur Galbeed ay masuuliyadeeda qaadeyso dowladda Soomaaliya oo ay sheegeen inay dhaqaalo badan ku bixineyso doorashada Koonfur Galbeed. Waxaa socdo kulamo xal loogu raadinayo xiisadda doorashada Koonfur galbeed oo xumaatay waxii ka dambeeyay markii xubnaha ugu badan ee guddiga ay u dhawaaqeen doorashada. Xubnaha ka haray guddiga doorashada ayaa u muuqda inay la safan yihiin dhanka dowladda, waxaana ay sheegeen inaan maalin lagu dari doonin waqtiga doorashada loo madalsanaa. Xildhibaanada Koonfur Galbeed ee loo jeedinayay eeda ugu badan ayaa ka jawaabay eedaha loo jeediyay, waxaana ay sheegeen in magaalada Muqdisho ay u yimaadeen latashi ay la sameynayeen guddoomiyaha Baarlamaanka oo Koonfur Galbeed kasoo jeeda. Xildhibaan Ilyaan Xasan Cali oo kamid ah xildhibaanada ku sugan magaalada Muqdisho lana kulmay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, ayaa sheegay iney dib ugu laaban doonaan Baydhabo doorashadana ay dhaceyso waqtiga loo balamay. “Anagaa Xildhibaanada Koofur Galbeed ah, waxaana na casuumay guddoomiyaheena baarlamaanka, wada tashi ayaana u nimid guul fiican ayaana ka gaarnay, dibna ayaan u laaban doonaa” “Guddoomiyaha baarlamaanka maadaama uu kasoo jeedo Koofur Galbeed isagaa na casuumay, doorashadana sidii loogu talo ayayna u dhaceysaa, Odayaasha dhaqanka meel ay doorasho kasoo galayaana malahan, waa Muhiim in la kala saaraa siyaasadda iyo dhaqanka, doorashadana maalin laguma darayo”ayuu yiri xildhibaan Ilyaas. Waa wali taagan xiisadda siyaasadeed, lamana oga sida saacad walbaa ay wax isku badali karaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Ilhan Cumar oo ah gabar Soomaaliyeed ayaa loo doortay xubin kamid ah Aqalka hoose ee Congress-ka Maraykanka doorashadii dhexe ee dalkaasi shalay ka dhacday. Ilhan oo 36 sano jir ah ayaa taariikh sameysay ka dib markii ay noqotay qofkii ugu horreeyay oo Soomaali ah oo xubin ka noqda Aqalka hoose ee Congress-ka dalkaasi. Dhinaca kale Hodan Xassan iyo Maxamud Nuur labaduba Soomaali ah ayaa ku guulaystay Aqalka hoose ee Baarlamanka gobolka Minnesota,sida ay sheegtay warbaahinta Maraykanka. Dadka Soomaaliyeed ee dunida dacalladeeda ku nool ayaa si weyn u bogaadiyay guusha ay doorashada dhexe ee Maraylanka ka soo hoyiyeen saddexdan qof ee Soomaalida ah,islamarkaana qaxootiga ku galay dalkaasi. PUNTLAND POST The post Ilhan Cumar oo loo doortay xubin kamid ah Congress-ka Maraykanka appeared first on Puntland Post.
  12. Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku leh kulankoodii caadiga ahaa. Ajendaha kulanka oo aan helnay ayaa ah Akhrinta Koowaad ee Hindise sharciyeedka Duulista iyo Hawada, waxaana sidoo kale ay xildhibaannada akhrinta Labaad marsiinayaan mashruuca Liil tirka. Ammaanka guud ee xarunta golaha shacabka ayaa ah mid aad loo adkeeyey, iyadoo shaqada mudanayaasha golaha shacabka ay maalmahan dambe dar-dar ku socoto. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Somaliland Axmed Daauud Geeddi ayaa wuxu si toos ah u soo dheegtay warqad uu qoray xisaabiyaha guud ee qaranka ee Soomaliya taas oo uu ku socodsiinayo Wasiirka Horumarinta Maaliyadda ee Somaliland Mudane Yuusuf Maxamed Cabdi. Warqaddan uu xisaabiyuhu soo qoray ayaa waxay ka danbeysay ka dib markii uu wasiirka horumarinta maaliyadda mudane Yuusuf Maxamed Cabdi uu wax ka bedel ku sameeyay shaqaalaha ka hawl gala xafiiska xisaabaadka qaranka, isaga oo uu xisaabiyuhu sheegay in aanay Xisaabaadka Qaranku ka mid ahayn wasaaradda maaliyadda iyada oo laga wada war hayo in uu xisaabaadku ka tirsanaa wasaaradda maaliyadda tan iyo intii dalka lagu soo noqday. Xisaabiyaha guud ee qaranka ee Somaliland ayaa waxa uu u dooday si la mid ah sidii uu xisaabiyaha guud ee Soomaaliya ula doodday wasiirkiisa maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle. Dhinaca kale, xisaabiyaha guud ee qaranka ee Somaliland Axmed Daauud Geeddi ayaa waxa ay u egtahay in uu kaga dayanayo xisaabiyaha qaranka Somalia dagaalka ay ku hayso wasiirkiisa maaliyadda ee Soomaaliya taas oo wax u dhimaysa wada shaqaynta Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda iyo wasaaradaha kale, sida ay sheegeen dadka arrintan dhaliila, maadaama oo ay xisaabaadka qaranku u qaabilsantahay qaranka lacag-sii-daynta taas oo ay ka dhalatay in aanay wasaarado badan ku adkaato in loo sii daayo lacagihii ay ku fulin lahaayeen hawlaha shaqo ee u yaalla. Marka laga yimaaddo caqabadaha kala duwan ee uu xisaabiyaha guud ee qaranku ku hayo wasaaradaha Somaliland ee dhinaca lacag sii daynta, hadana, warqadda uu ka soo dheegtay xisaabiyaha guud ee Soomaaliya waxay hoos u dhigaysaa doodda Somaliland ee ah inay tahay qaran, madax-banaan. Isku eeg labada warqad, midda kowoaad waa tan xisaabiyaha guud ee Soomaaliya, tan labaadna waa Somaliland Qaran News
  14. Maanta oo Arbaco ah ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu soo gaaro wasiirka difaaca dowladda Turkiga iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo. Waxaa wafdigan ka mid ah taliyaha ciidanka xoogga dalka Turkiga, madaxa hay’adda TIKA iyo saraakiil kale. Waxa ay kulamo la qaadan doonaan mas’uuliyiin DFS oo ay ka wada hadli doonaan arrimo dhowr ah. Turkiga ayaa saaxiib dhow la ah Soomaaliya, waxaana dalka ay ka hirgeliyeen mashaariic badan oo horumarineed. Warkaan wixii kusoo kordhaan kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool ayaa sheegaya in ciidamo Ethiopian ah oo wata gaadiidka dagaalka ay gaareen deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolkaasi. Ciidamada ayaa la sheegayaa inay halkaasi u tageen nabad ilaalin ahaan, kadib markii deegaanada Saax Dheer, Dhumayga iyo Doocmo ay ku dagaalameen maleeshiyaad halkaasi wada daga oo dirirtooda muddo kusoo laalaabatay halkaasi. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in ciidamada Ethiopia uu hogaaminayo Garaad Kulmiye oo kamid ah wafdi ka yimid dowlad deegaanka kuwaasi oo doonayo inay dhameeyaan dagaalka soo kusoo noqnoqday deegaankaasi. Xildhibaan Indho Indho oo kamid ah golaha wakiilada Somaliland ayaa soo dhaweeyay in ciidamada Ethiopia ay kala dhex galeen maleeshiyaadka ku dagaalamaya deegaanka Dhumayga. Laakiin Qaar kamid ah xubnaha golaha wakiilada ayaa walaac ka muujiyay in ciidamadaasi ay tagaan deegaanada gobolka Sool oo marar badan ay dagaalo ka dhaceen. Wafdi uu hogaaminayay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ayaa shalay gaaray deegaanada maleeshiyo beeleedyada ku dagaalameen, isaga oo doonayo in xal waara laga gaaro colaada deegaanka. Madaxweynaha Somaliland Muuse biixi ayaa dhawaan shaaciyay inay soo dhaweynayaan cid walbaa oo ka qeyb qaadaneyso dhameynta colaadka u dhaxeyso maleeshiyaadka ku dagaalamaya Dhumayga iyo Saax Dheer. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. Guddomiye Cirro Oo Kulan Meeqam sare leh La qaatay Xildhibaano Ka Tirsan Barlamaanka Yurub & UK+Sawirro Gudomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md Dr. Cabdiraxman Maxamed Cabdilahi (Cirro) oo wali ku dhexe jira safarkii samawade WADDANI-UK ayaa maanta wuxuu kulan laqaatay xildhibaano ka tirsan barlamaanka dalalka eurpe iyo uk kulanka ayaa lagaga wada hadlay waxyaabo badan oo khuseeya arimaha jamhuuriyada somaliland gudomiye cirro xaga xisbiga waddani waxaa ku wahelinaayey gudomiyaha xisbiga waddani uk mudane maxamed cali kulankaas maanta magaalada london ku dhex maray dr cirro iyo xidhibaanada isugu jiray barlamaanada europe iyo dalka uk ayaa si fiican laysula fahmay arimihii lagaga wada hadlay. Qaran News
  17. Wararka ka imaanaya gobolka Sool ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay gaareen ciidamo badan oo Itoobiyaan ah, kuwaasi oo doonaya iney kala dhexgalaan beelo walaalo ah oo dhowaan ku dagaallamay deegaanno ka mid ah gobolkaasi. Ciidamadan ayaa tagay sida la sheegay deegaannada Dhumay iyo Saax-dheer, halkaasi oo dagaallo culus ay ka dhaceen. Waxay ciidamadaan la socdaan Garaad Kulmiye oo ah nabadoonka Somali State oo dhowaan isna yimid gobolka Sool si nabad loo kala dhex-dhigo beelahan. Dhowaan ayeey ahayd markii madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu sheegay iney soo dhoweynayaan cid walbo oo nabad ka dhex dhalineysa beelahan ku dagaallamay Sool. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa ka jira jahwareer siyaasadeed, iyadoo xalay illaa saq dhexe magaaladaasi ka soconayeen kulamo gaar gaar ah. Xubnihii ka haray guddiga doorashada ayaa waxay sheegayaan in doorashada la qaban doono 17-ka bishan, iyadoo la ogyahay in kala bar ay guddigaasi iska casishay. Sidoo kale, xubnahan waxay sheegayaan in lasoo dhammeystiri doono xubnaha guddiga doorashada ka harsan, islamarkaana waqtigeeda ay doorashada ka dhici doonto. Waxgaradka K/galbeed oo shalay hadlay waxay tilmaameen in iyaga oo adeegsanaya awoodooda dastuuriga ah ay dib u dhigeen doorashada maamulkaasi. Waxay waxgaradkan sheegeen in dowladda dhexe ay min Shan Kun oo doolar siisey xildhibaannada baarlamaanka K/galbeed ee ku sugan magaalada Muqdisho. Siyaasad ahaan Baydhabo ma degana, xilli walbana waxaa la filan karaa iney soo kordhaan warar dheeraad ah oo ku aadan arrimaha doorashooyinka. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxii ka dambeeyay shirkii ka dhacay magaalada Kismaayo oo uu xumaaday xiriirka dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada, waxaa jiray fursado dowladda ay ka faa’ideysan kartay. Maadaama inta badan xubnaha golaha iskaashiga ay kusoo wajahan yihiin doorashooyin, waxaa jiray fursaddo dhowr ah oo dowladda u banaanaa, laakiin Ciyaartii ugu horeysay ayaa muuqata inay ku guul dareysteen. Shariif Xasan Sheikh Aadan, oo ah shaqsi si weyn loogu yaqaan kala gedinta ciyaarta Siyaasadda Soomaaliya, ayaa farsamo cajiib ah kaga badbaaday dabin ay dowladda Soomaaliya la damacsaneyd 17 November. Dowladda ayaa caqabad koowaad kala kulantay kadib markii xildhibaanadii ugu badnaa ay keentay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo loo xilsaaray guddoomiyaha baarlamaanka inuu kala hadlo arimaha doorashada. Xasan Cali Kheyre, ayaa dhankiisa xildhibaanada kulmay magaalada Muqdisho, iyadoo xildhibaanada la dajiyay mid kamid ah hoteelada ku yaala magaalada Muqdisho. Arintaasi waxay noqotay fursad uu helay Musharaxa ay doonayeen inuusan kusoo laaban hogaanka siyaasadda Koofur Galbeed. Doorashooyin xiga ayaa la filayaa inay ka dhacaan Jubbaland iyo Puntland, waana labo maamul oo shaqsiyaadka hogaamiya aysan isku wanaagsaneyn dowladda Soomaaliya. Arinta la isweydiinayo ayaa ah in madaxda dowladda ay ku waano qaadan doonaan haab ciyaareedkii ay kaga adkaan waayeen Shariif Xasan Sheikh Aadan oo hadda taagan meel lala gorgor tami karo, halka markii hore uu gacan ku gabad ahaa. Mase Qaab ciyaareed cusub ayay ku wajahi doonaan Axmed Madoobe iyo Cabdi Welli Gaas oo bilooyi ka dib iyagana deegaanadooda doorashooyin ay ka dhici doonaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Berbera (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in uu bartamaha sanadka soo socda ee 2019-ka shaqo billaabi doono Saldhigga Milatari ee ay ka dhiseyo Magaalada Berbera. Wargeyska Bloomberg ayaa oo soo xiganaya saraakiil ka mid ah dowladda Imaaraadka Carabta iyo mas’uuliyiin ka mid ah Maamulka Somaliland ayaa sheegay in saldhigga uu si rasmi ah u shaqo billaabi doono Bisha June ee sanadka soo socda. Waxa ay saraakiishaas u sheegeen Wargeyska in Saldhigga dhismahiisa mar hore billowday islamarkaana lagu xiray hadda qalabka wax basaasa sida Kaamirooyinka loo yaqaan CCTV ee dhaq dhaqaaqa lagala socdo. Waxaa kale oo ay sheegeen in Saldhigga lagu xiray Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee iyana xambaarsan Kaamirooyinka kuwaas oo ilaalin doona masaafo dhan 800km oo ah hareeraha Saldhigga ee Badda,waxaana laga hortagayaa kalluumeysiga sharci darrada ah,Burcad Badeedda iyo waxyaabaha kale ee caqabad ku noqon kara shaqada Saldhigga. Abdulla Darwish, oo ah Agaasimaha Sharikadda Dhismaha ee Sharjah ,ayaa sheegay in sharikaddiisa ay ku guuleysatay qandaraaska dhismaha saldhigga oo ku kacaya $90Milyan oo doollar islamarkaana ka hor bisha June ay shaqada dhameyn doonaan. Wakiilkii hore ee Somaliland u joogay Dubai Baashe Moorgan ayaa isaguna sheegay in Saldhigga lagala soconayo dhaq dhaqaaqa gacanka Baabal Mandab,Kanaalka Zuweys, Dekadda Casab ee Eritrea oo uu Imaaraadka maamulo sidaasna uu saldhigga ku noqonayo mid uu ka faa’ideysto Gobolka oo dhan. Wargeyska Bloomberg ayaa isku dayay in arrintan uu sidoo kale wax ka weydiiyo Dowladda Itoobiya,waxaana Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya Males Alem uu ka jawaabi waayay labo wicitaan iyo labo farriin qoraaleed oo uu Wargeyska u diray. Caasimada Online Xafiiska Abu Dhabi Caasimada@live.com
  21. Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka arrimaha dibadda Sudaanta koofureed iyo safiirka Soomaaliya u fadhiya magaalada Jubba ee dalkaasi Sudan, ayaa ka wada hadlay dhaqan gelinta qodobadii ay ka wada hadleen labada dal madaxweynayaashooda. Wasiirka Arrimaha dibadda Sudanta Koofureed ayaa dhowr arimood oo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka labada dalka iyo sidii loo fulin lahaa qodobadii ay ka wada hadleen labada Madaxweyne kala hadlay safiirka Soomaaliya ee Jubba. Ambassador Xuseen Xaaji Axmed ayaa sheegay in Wasiirka Arrimaha dibadda dalka Koofurta Sudan Nihal Deng uu ku soo booqday xarunta Safaarada isla markaana uu u sheegay in Madaxweynaha dalka Salva Kiir uu amar ku bixiyay in deg deg loo fuliyo dhamaanba qodobadii Farmaajo iyo Salva Kiir. Waxyaabaha labada masuul ay ka wada hadleen waxaa kamid ah arimo quseeya dadka Soomaaliyeed ee ku ganacsada dalkaasi kuwaas oo mararka qaar la kulma caqabado dhanka ganacsigooda ah. “Wasiirka ayaa nagu soo booqday xarunta Safaarada waxaan ka wada hadalnay xiriirka Soomaaliya iyo Sudanta Koofureed waxaa uu ii sheegay in Madaxweyne Salva kiir amar ku bixiyay in la fuliyo sida ugu dhaqsiyaha badan qodobada ay Madaxweyne Farmaajo ka wada hadleen waxaan rabnaa in arimahaas deg deg wax looga qabto runtii wuxuu amaan u soo jeediyay dadka Soomaaliyeed ee dalkaan ku ganacsada sida wanaagsan ee ay uga dhex muuqdaan bulshooyinka kale” ayuu yiri Danjire Xuseen Xaaji Axmed. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhawaan tagay magaalada Jubba ee caasimada dalka Koofurta Sudan waxaana uu kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi ku nool. Waxaana xiligaasi Jaaliyadda ay u soo gudbisay madaxweynaha cabasho la xiriirta in ay la kulmaan tacadiyo Madaxweynaha ayaana arintaa kala hadlay dhigiisa dalkaas Salfakiir oo balan qaaday in dowladiisu cabashooyinkaa wax ka qabaneyso si dhaqso leh. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. Wefdi heer sare ah oo ka socda dowladda Turkiga ayaa saaka booqasho ku imaanaya magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Wefdiga oo uu hoggaaminayo wasiirka Difaaca dowladda Turkiga waxaa kamid ah Taliyaha Ciidamada Xoogga dalkaasi Turkiya ,Saraakiil sare iyo madaxa Hay’adda TIKA,sida ay sheegtay wakaaladda wararka SONNA. Mas’uuliyiinta ka socda Turkiga ayaa wada hadallo la yeelan doona dhiggooda Soomaaliya, iyagoona ka shaqeyn doonaa sidii loo horumarin lahaa xiriirka ka dhexeeya hay’addaha amniga dalalka Soomaaliya iyo Turkiga. Dowlada Turkiga ayaa kaalin wanaagsan ka qaadaneysa dib u dhiska ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya,waxaana ay magaalada Muqdisho ka dhistay saldhig ay tababar tayo sare leh ku siiso ciidamada Soomaaliya iyo PUNTLAND POST The post Wasiirka Difaaca Turkiga iyo wefdi uu hoggaaminayo oo saaka booqanaya Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  23. Washington (Caasimada Online) – Madaxda Mareykanka iyo Israel ayaa wallaac ka muujiyey dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan, oo ay u arkaan in uusan xorriyad buuxda u heli doonin dhisidda xiriirka Israel iyo Carabta dariska la ah, kaddib dilkii wariye Jamaal Khaashuqji, sidaas waxaa warisay Washington Post. Ergeyga Bariga dhexe ee Donald Trump, ahna wiilka uu sodoga u yahay, Jared Khushner, waxa uu diblomaasiyiin iyo dad kale kala hadlay sida go’aanka dhaxal sugaha u saameyn karo qorshayaasha Mareykanka. Majaladdu waxa ay tiri: “Israel waxa ay noqotay mid ka hadasha sidii loo kala qaadi lahaa dilka iyo qayimka istaraatijiyadeed iyo boqortooyada.” “Wixii ka dhacay Qunsuliyadda Istanbul waa waxa aad u xun waana in lala tacaalo,” waxaa sidaas Jimcihii yiri Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu. “Hadana waxaan leeyahay waxa ay aad u muhiim u tahay xasilloonida aduunka, gobolka iyo aduunka, in Sucuudigu xasilooni aahaado.” “Ma aha in ficilada ceynkaas ah aynu ogolaanno in aan laga jawaabin,” Safiirka Israel u fadhiya Mareykanka, Ron Dermer ayaa u sheegay sidaas dadweyne uu la hadlayey toddobaadkii hore, isaga oo ula jeeday dilkii Khaashuqji. “Laakiin waa in aan sidoo kale taxadar u laahanno in aynaan lumin xiriir leh qayim istaraatijiyadeed.” “Waxaan qabaa in maamulka marka ay ogaadaan xaqiiqada in ay go’aan qaadan doonaan, sida ay marka hore u caddeeyaan in ficilkaas yahay mid aan la aqbali karin, laakiin sidoo kale ma aha in ay dhaxal sugaha biyaha ku tuuraan, sidaas aan u dhigno,” ayuu ku daray. Sida uu jaraa’idka wariyey, Bin Salmaan, waxa uu ahaa hormuudka si taxadar leh balse halis ah ugu fur furnaa xiriirka aan laga hadlin ee u dhexeeya Israel iyo Sucuudiga,” waxa uu intaas ku daray in mas’uuliyiinta Mareykanka ay “Rejeynayeen in uu noqon doono udub dhexaadka xiriir cusub oo dhexmara Israel iyo iyo Carabta, taas oo caawin doonta siyaasadda nabadda ee Trump.” “Aragtida Israel waxa weeye in Maxamed Bin Salmaan aad ugu wanaagsan yahay ujeedooyinkooda”, waxaa sidaas Washington Post u sheegay mas’uul ka tirsan dowladda Sacuudiga. Sidoo kale, sarkaal ka tirsan dowladda Israel waxa uu yiri in “Sucuudiga ay hadda ciyaarayaan doorkooda maadama ay ogolaadeen xiriir diblomaasiyadeed oo yar balse dhiirigalin ah bilooyinkii la soo dhaafay.” Sida laga soo xiganayo saraakiisha Israel, Sacuudi Carabiya waxa ay ishaaro u dirtay Cumaan, Imaaraadka Carabta iyo Baxreyn, kuwaas oo diidayey hagaajinta xiriirka diblomaasiyeed ee Israel. “Isbdelka maskaxeed ee gudaha Sucuudiga, anaga sida ay nala tahay, waxa ay wax badan u tiirineysaa Maxamed Bin salmaan. Waxa uu fur furnaan badan u furay albaabka iyo xiriir rasmi ah oo dhexmara wadamada gobolka.” Diblomaasi ajinabi ah oo ay soo xigatay Majaladda ayaa sheegay xilli Salmaan loo aaneenayo in uu yahay furaha sida maamulka Trump ula dhaqmayo gobolka, “Bin Salman ma sameyn doonin fur furidda baaxadda leh ee laga filayey hadda kahor, hadda, madaxda Mareykanka waxa ay go’aan ka gaarayaan waxa xiga ee ay yeeli lahaayeen.” Caasimada Online Xafiiska Qaahira Caasimada@live.com
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Khilaafka Dowlada Federaalka iyo Maamul goboleedyada ayaa saameeyay gudiga dib u eegista Dastuurka oo shaqooyin badan ka qabtay qabyo tirka Dastuurka Dalka. Senetor Xuseen Sheikh Maxamuud, Xoghayaha guddiga dib u eegista Dastuurka ayaa ka hadlay labo arin oo saameyn ku yeelatay howlaha dib u eegista dastuurka oo haatan taagan una baahan in xal laga gaaro. Xoghayaha ayaa sheegay in khilaafka dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada uu saameeyay qabyo tirka Dastuurka iyo sixitaanka qodobada qaar oo la doonayay in la tashiyo laga geliyo dowlad goboleedyada. Sidoo kale wuxuu arinta labaad ku sheegay kala aragti duwanaanshaha xukuumadda iyo xubnaha labada guddi oo uu sheegay inaysan isku aragti ka aheyn hanaanka ay shaqada u socoto. “Labo arin dartood la tashadiyii waan hakinay, Waxaana u sabab ah khilaafka dowladda iyo dowlad goboleedyada, sidoo kale waxaa na saameeyay in labada guddi iyo xukuumada aysan isku aragti ka aheyn hanaanka wax loo wado”ayuu yiri. Xoghayaha guddiga dib u eegista Dastuurka ayaa sheegay in hadda aysan socon wax shaqo ah oo la xiriirta dib u eegista Dastuurka, taasi oo saameyn ku leh doorashada soo socota ee dalka ka dhaceyso. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com