-
Content Count
213,146 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramadda Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Nicholas Haysom ayaa maanta oo Axad ah gaarey magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland. Haysom oo soo dhawaynta Madaarka Cigaal kadib loo galbiyey dhinaca Madaxtooyadda ayaa kulan gaar ah wuxuu la yeeshay Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi, oo ay kawada hadleen arrimo badan. Qodobadda ay mas’uuliyiinta isla gorfeeyeen waxaa qayb ka ah cilqaadka maamulka Hargeysa kala dhaxeeya dowladda Soomaaliya,gaar ahaan dib usoo celinta wadahadallada hakadka ku jira, colaadda Somaliland iyo Puntland ee Tukaraq iyo amniga. Qoraal lagu soo daabacay barta rasmiga ah ee Twitter-ka ku leeyahay Howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa intaas lagu daray in madaxda ay isla eegeen arrimo ku xeeran amniga gobolka horumarka iyo colaada Tukaraq. “Isagoo ku sugan Hargeysa, mar sii horeysay oo maanta, wakiilka UN-ka, Nicholas Haysom, wuxuu la kulmay Madaxwaynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, oo ay kawada hadleen arrimo kala duwan oo ay ku jiraan, xiriirka dowlada Soomaaliya, amniga gobolka, horumarka iyo muranka kala dhaxeeya deriskoosa Puntland ee Tukaraq,” ayaa lagu yiri warka. Safarka Nicholas Haysom ee Hargeysa ayaa kusoo aadaya xili uu shalay oo Sabti ahayd uu Garowe ay ku kulmeen Madaxwayne Cabdiwali Gaas, oo ay isla faaqideen arrimo ku xeeran colaada Sool, qaabka loo xalin karo iyo khilaafka dalka ka jira. Tan iyo markii ay ciidamada Somaliland dagaal kula wareegeen Tukaraq oo ay dagaalo goos-goos ah ay ka dhaceen dhowr jeer, waxay beesha caalamka cadaadis ay ku saareysay dhinacyadda inay miiska wada hadalka yimaadaan si loo qaboojiyo xiisadda. Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo markii kulankaasi dhammaaday Warbaahinta la hadlay ayaa faah-faahiyey waxyaabaha sida gaarka ah ay uga wada-hadleen madaxweynaha iyo wakiilka xoghayaha guud ee qaramada midoowe waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yiri, “Waxa laga wada hadlay dhawr arrimood oo muhiim ah oo ay ka mid tahay arrinta nabadgelyadu, is-kaashiga Qaramada Midoobay iyo Somaliland, arrimo la xidhiidha wada-hadalka Somaliland iyo Soomaaliya iyo amuuro kale oo labada dhinacba danaynayeen.” Haysom ayaa sidaan oo kale maamulka Puntland kala hadlay sidii loo soo gabagabeyn lahaa Dagaalka Deegaanka Tukaraq oo ay isku hor fadhiyaan dagaalyahano ka kala socda maamulka Puntland iyo Somaliland.
-
Wasiirkii hore ee Amniga Dowlada Federaalka Cabdirsaaq Cumar Maxamed oo iminkana ah Xildhibaan Federaalka soomaaliya ayaa shaaca wuxuu ka qaadey in Al-shabaab aysi toosa ula wareegeen hogaanka NISA, Wasiirkii hore wuxuu sheegey in Shaqsiyaad aad loo yaqaan oo waligood si hoose oo niyad ah u taageeri jirey Al-shabaab ay hada madaxka yihiin Ha’yada sirdoonka Dowlada Federaalka Soomaaliya ee loosoo gaabiyo NISA. Hadalka Wasiirka ayaayimid ka dibmarkii Masuuliyiinta hada u taliya NISA ay hor istaageen Qandaraasyo uu wasiirku horey u saxiixay, qandaraasyadaasoo joojintoodu ay jaanis wanaagsan u tahay Al-shabaab. Wasiirkii hore ee Amniga ayaa muujiyey inuu ka walwal san yahay xaalada amaan ee Dalka maadaama hay’adii Sirdoonka loo gacan galiyey amaba ay Alshabaab la waregeen, Wasiirku wuxuu shaaca ka qaaday in shaqsiyaadka hada ugu sareeya NISA ay yihiin kuwii Suuqyada la yaagnaan jirey Dacaayadaha lagu taageerayo Al-shabaab, qaarkoodna ay dhaqaale ku caawin jireen. Wararka ay Warbaahinta Puntlandi helayaan waxay kaloo sheegayaan in dhowaan Taliye Booliis loomagacaabay wiil ay raysal wasaaraha iskuheyb yihiin, isla markaasna kamid ahaa dadka u ololeeya Al-shabaab, wiilkaan loo magacaabay taliyaha Booliska xaafad ka tirsan Muqdisha ayaa wuxuu la dhashay Shiikh Yusuf Gacal “Kaba ku tukade” oo jago weyn ka hayaa hogaanka Al-shabaab. Hay’ada Sirdoonka ee NISA ayaa sanadii ugu dambeysay waxay noqotay mid burburtay aadna loo curyaamiyey marka loo eego qaabkii ay u shaqayn jirtey, waxaa shaqada laga eryey 60% ciidankii sirdoonka ee NISA, shaqadeedana waxaa hada lagu soo koobay mid siyaasad oo qura. Sargaal horey uga tirsanaa NISA oo Puntlandi la hadlay wuxuu yiri “Al-shabaab baa NISA u qayishay xididana ka siibtay,si tartiib ahna way u burburiyeenoo hawaday ka saareen” Tuhun noocaan ah waxaa horey u qabay fartana ugu fiiqay Maamul Goboleedyada oo aakhirkii go’aansadey iney iyagu samaystaan Ciidan Qaran iyo Ha’yad Sirdoon oo ka dhaxaysa Maamul Goboleedyada. Puntlandi.com Kismaayo
-
Ergeyga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey uu u soo dirsadey Arimaha Soomaaliya Mudane Nicholas Haysom ayaa maanta wuxuu Hareysa kula kulmey Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Mudane Muuse Biixi. Masuuliyiinta oo ah markii ugu horaysay ee ay kulmaan ayaa waxay kawada hadleen Xaalada guud ee Gobolka, Xiriirka Hargeysa iyo Villa Soomaliya iyo Dhanka Amaanka. Ergeyga Gaarka ah ee QM Nicholas Haysom ee dhowaan loosoo magacaabay shaqadaan kadib markii wakhtigu ka dhamaadey ni kii isaga ka horeeyey ayas todobaadkaan wuxuu booqasho isbarasho ah ku Marayay Maamulada Soomaliya Wuxuuna horey usoo booqdey Muqdisho, Baydhabo, Kismaayo iyo Garowe. Safarkiisa maanta ee Hargeysana wuxuu diirada ku saaray Xaalada amaan ee Maamulka Soomaaliland iyo sidii looga wada shaqayn lahaa in Colaadah Gobolka Sool lagu dhameeyo Wadahadal. Puntlandi.com Garowe
-
Muuse Biixi iyo Nicholas Haysom Wakiilka cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliaya Ambassador Nicholas Haysom iyo wafdi uu hogaamninayo ayaa maanta magaalada Hargeysa kulan kula qaatay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Kulanka Nicholas Haysom iyo Muuse Biixi Cabdi ayay kaga wada hadleen arrimo dhowr ah oo kamid ahaayeen xiriirka Somaliand iyo Qaramada Midoobay, colaada Tukaraq, wada hadalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland iyo arrimo kale. Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo markii kulankaasi dhammaaday warbaahinta la hadlay, ayaa faah-faahiyey waxyaabaha sida gaarka ah ay uga wada-hadleen Muuse Biixi iyo Nicholas Haysom, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yiri, “Waxa laga wada hadlay dhawr arrimood oo muhiim ah oo ay kamid tahay arrinta nabadgelyadu, is-kaashiga Qaramada Midoobay iyo Somaliland, arrimo la xiriira wada-hadalka Somaliland iyo Soomaaliya iyo amuuro kale oo labada dhinacba danaynayeen.” Sidoo kale Wakiilka cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliaya Ambassador Nicholas Haysom oo isaguna si kooban uga hadlay kulanka uu Muuse Biixi la qaatay, ayaa si hufan uga mahadceliyey fadhigaas iyo waxyaabaha ay labada dhinac isla soo qaadeen, waxana uu hoosta ka xarriiqay inuu kulankaasi ahaa mid yididiilo cusub oo miro dhal leh keeni kara. Kulankan Nicholas Haysom iyo Muuse Bixii waxaa ku wehelinayey Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirrada arrimaha dibadda, Dr. Sacad Cali Shire iyo gudaha Maxamed Kaahin Axmed iyo wasiirkii hore ee maaliyadda Somaliland Xuseen Cali Ducaale (Cawil). Wakiilka cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliaya Nicholas Haysom iyo wafdi uu hogaamninayo ayaa shalay kulan kula qaatay magaalada Garowe Madaxweyne Gaas oo ay kawada hadleen arrimaha siyaasadda Soomaaliya, wada shaqaynta dowladda dhexe iyo maamulada dalka iyo colaada Tukaraq. Waa markii ugu horeysay oo Wakiilka cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliaya Nicholas Haysom uu booqasho ku taga maamulada dalka Soomaaliya tan iyo intii la magacaabay. PUNTLAND POST The post Nicholas Haysom iyo Muuse Bixii oo kulmay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga Cabdirisaaq Maxamed ayaa ku tilmaamay madaxda iminka haysa talada hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka ee NISA in ay yihiin Al-Shabaab. Hadalka Xildhibaan Cabdirisaaq ayaa ku soo aadaya saacado kaddib markii ay NISA boggeeda Twitter-ka ku shaacisay in ay hakisay qandaraasyo MAALAAYIIN dollar ah oo hore uu Cabdirisaaq u bixiyey. Qoraalka Wasiirkii hore ee amniga Cabdirisaaq ayaa sidan u dhignaa “Sheekada Murugada ah ayaa ah in hay’adeenna sirdoonka ay madax u yihiin shaqsiyaad xiriir xooggan la leh Al-Shabaab, isla dadkii buunbuunin jiray Al-Shabaab, siin jiray dhaqaalaha oo dhisay amniyaadka ayaa ah kuwa lagu aaminay in ay la dagaalamaan.” Qoraal kan ka horreeyey oo uu isla Twitter-ka soo dhigay ayuu Cabdirisaaq ku tilmaamay in NISA isu bedeshay NSS-tii Kacaanka oo lagu baqdin galiyo siyaasiyiinta. “NISA oo Masuul xil horay u hayay si daahfurana xilkaas ugu wareejiyay Masuulkii xilka kala wareegay in aay dacaayad raqiis ah baraha bulshada soo dhigaan 2 sano ka dib iyado loga gol leeyahay in la isku cabsi geliyo. Waxaa nasiib darro ah in NISA iskubedeshay NSStii kaligitaliska” NISA ayaa sheegtay qandaraasyada la hakiyey loo gudbiyey hanti-dhowrka guud ee qaranka, si’ uu u baaro uguna gudbiyo hey’adaha ay khuseyso, kuwaas oo kadib qaadi doona tallaabo ka dhan ah. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, oo ka tirsan NISA, ayaa Caasimada Online u sheegay in qanadaraasyada la hakiyey ay yihiin kuwa raashinka ee hay’adda NISA, kuwaas la siiyey shirkad uu wasiirka wax ka leeyahay. Sida ay sheegeen xubno ka tirsan NISA, oo codsaday inaan la magacaabin, qandaraaska ayaa bishii ku kacaya 300 oo kun oo dollar, wuxuuna socday muddo saddex sano, oo kasoo billaabata intii Cabdirisaaq Cumar uu ahaa wasiirka amniga Soomaaliya ilaa waqtigan, oo la hakiyey qandaraasyada. Baaritaanka NISA ay sameysay ee lagu hakiyey qandaraaska, ayaa waxaa lagu ogaaday in muddadaas ay hay’adda uga baxday qandaraaska lacag 10 milyan oo dollar ah. Shirkadda qandaraaska la siiyey, ayaa waxa ay NISA ogaatay, sida ay sheegtay, inay si wadajir ah u leeyihiin wasiirkii hore ee amniga Cabdirisaaq Cumar iyo nin seedigiis ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Iyadoo ay horey Maamul Goboleedyadu ay eedeymo xoogan usoo jeediyeen Wasiirka Maaliyada Soomaaliya Cabdiraxmaan Xuseyn Beyle ayaa waxaa iyana xigey eedeyntii shalay ay Xisaabiyaha Guud ay Wasiirka ku eedeysay Musuqmaasuqa, taasi ayaa hada daaha ka qaadey warar kala duwan oo sheegaya in wasaarada Maaliyada iyo Masiiliyiin sar sare ay ku lugleeyihiin musuqmaasuq baaxad weyn oo ka socda Guud ahaan Hay’adaha Dowlada. Warar dublamaasiyadeed oo hada soo gaaray Warbaahinta Puntlandi.com ayaa sheegaya in Wasaaradu ay baajisay kulamo maalmaha soo socda ay la yeelan lahayd Qaar ka mid ah Hay’ado ka socda Deeq bixoyaasha, Waxaa iyana hada Villa Soomaaliya ka socda abaabul xoogan oo lagu daboolayo fadeexdaan dhaqaale ee Wasiirka Maaliyada lagu eedeynayo. Dhanka kalena warar aan helayno ayaa sheegaya in Xisaabiyaha Guud Faadumo Cusmaan Faarax uu wasiir Beyle uu horay uga digay iney farahalasoo gasho shaqadiisa, digniintaan wasiirka ayaa timid kadib markii Xisaabiyaha guud ay ka war heshay ama ogaatay lacago fara badan oo shaqsiyaad gaara ay kala bexeen koontada Dowlada,iyo Kharashaad lagahelay deeqbixiyaasha oo loo isticmaalay meelo aan loogu tala galin, kharashaadkaasoo loo sameeyey waraaqo faaliso ah. Wasiirka Maaliyada ayaa hada wuxuu wadaa dadaal xilka looga qaadayo Xisaabiyaha guud, kulan uu shalay la yeeshay Masuuliyiin ka socda Villa Soomaaliya ayaa u muuqda midkiiska lagu daboolayo iyo in uusan kiiskaan ku saabsan Musuqmaasuqa lagusoo eedey wasaarada Maaliyada uusan wax u dhimin dhaqaale hada laga sugayo Bankiga Caalamka World Bank, laakiin sida aan Warar kale ku helnay Xisaabiyaha Guud waxay warqad u qortay Dhowr wadan oo deeq bixiyaasha Soomaaliya taageera ka mid ah si ay u hakiyaan wada shaqaynta ay la leeyihiin Wasaarada Maaliyada ilaaa laga gun gaarayo xisaab xir ay iyadu wado oo ku salaysan tuhun Musuqmaasuq. Wasiirka Maaliyada ayaa isna hada wada dadaal uu doonayo inuu degdeg ku meelmariyo miisaaniyada Dowlada ee 2019-ka kasoo, miisniyada uu wasiirku soo diyaariyey waxaa kamid ah lacago faro badan oo loogu tala galay dhismaha Ciidan qaran, Dhismaha hay’adaha Dowliga ee Gobolada dalka. Apunatlandi.com Muqdisho
-
The whole world has been shocked by this grotesque killing’ – Kate Allen Amnesty International today renamed the street outside the Saudi Arabian embassy in central London as “Khashoggi Street” to mark a month since the Saudi journalist Jamal Khashoggi was murdered in the Saudi consulate building in Turkey. A mock “Khashoggi Street” sign was erected near the gates of the Saudi embassy, exactly one month after CCTV cameras last recorded the journalist entering the consulate building in Istanbul. Mr Khashoggi was reportedly strangled moments after entering the building, though the details of what happened to him remains clouded in doubt amid numerous claims, counter-claims and denials. The Saudi Arabian public prosecution has said that Khashoggi died after a “fist-fight”, a finding that Amnesty has dismissed as “not trustworthy”. Amnesty has called for a UN investigation into the killing. Kate Allen, Amnesty International UK’s Director, said: “The whole world has been shocked by this grotesque killing, and it’s vital that we don’t let the outrage fade away without justice being done. “We need to see Jamal Khashoggi’s killers brought to justice – not only those who actually carried out the murder, but those who ordered it and knew it was about to happen. “Contrary to claims made by the Saudi Crown Prince and others, Saudi Arabia hasn’t been ‘reforming’, it’s been rounding up critics and activists in a brutal human rights crackdown. “The UK needs to completely re-appraise its relationship with Saudi Arabia, moving on from its failed softly-softly ‘engagement’ approach to one where ministers raise human rights openly and frankly with their counterparts in Riyadh. “One thing Britain urgently needs to do is halt all further arms sales to the Saudi Arabia and other members of the military coalition in Yemen.” Conflict in Yemen In the past three-and-a-half years, the Saudi-led military campaign in Yemen has seen numerous incidents where coalition bombs and missiles have struck Yemeni hospitals, food depots, marketplaces, civilian buses, factories and funeral halls. The UN assesses that the “majority” of the thousands of Yemeni civilian deaths are a direct result of this aerial barrage, while thousands more have been injured. Meanwhile, armed Houthi opposition groups have also indiscriminately shelled residential areas of towns and cities. Human rights crackdown in Saudi Arabia The killing of Jamal Khashoggi comes in the midst of a serious crackdown on human rights defenders and dissidents in Saudi Arabia. Since September 2017, when the authorities launched a wave of arrests targeting activists, writers and religious clerics, Amnesty has been able to verify 20 arrests. Some of those detained are now facing trial before the country’s notorious counter-terrorism court. Meanwhile, in May this year there was a fresh intensification of the crackdown, with at least 12 women’s rights activists detained, including the prominent “right to drive” campaigner Loujain al-Hathloul. These continue to be detained without charge and may face lengthy prison terms following trials before the counter-terrorism court. In the past months, several more people have been detained for peacefully exercising their rights to freedom of expression, association and assembly, and may now face a death penalty following the public prosecution’s call for the death penalty in their first trial session. This includes reformist cleric Sheikh Salman al-Awda and women’s rights activist from Saudi Arabia’s Shi’a minority, Israa al-Ghomgham. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka ka imaanayo Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Taliyaha Booliska degmadaasi xilkii laga qaaday isla markaasne Taliye kale loo magacaabay degmadaasi. Canjeex ayaa diiday xil ka qaadista lagu sameeyay, waxaana maalmahan dambe taagnaa muran ka dhashay xil ka qaadista canjeex lagu sameeyay oo soo jiitamaayay. Ugu dambeyn waxaa Saldhiga Kaaraan loo magacaabay Cabdi Sheekh Ciise Axmed Gacal oo ku magaca dheer Cabdi Kumi, wuxuuna la dhashay Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise Kaba Kudukade oo ah Gudoomiyaha Shabaab ee Gobolka Shabellaha dhexe. Sarkaalkaan oo ka tirsan ciidamada Booliska Somaliya ayaa noqonaya Taliyaha cusub ee Degmada Kaaraan, inkastoo Kaaraan ay adag tahay sida uu ula qabsado. Degmada Kaaraan ayaa waxaa ku badan ciidamo Militari ah oo hab beeleed u abaabulan iyo ciidan aanan ka tirsaneyn dowladda oo hub isaga dhex sita Degmadaasi. Taliyihii Saldhiga Degmada Kaaraan ee xil ka qaadista hore lagu sameeyay, balse diiday Canjex wuxuu ku sugan yahay deegaanka Gubadleey ee duleedka Magaalada Muqdisho. Isbadalkaan lagu sameeyay Taliyaha saldhiga booliska degmada Kaaraan ayaa imaanayo iyadoo maamulka Gobolka Banaadir uu wado darder cusub oo uu ku doonayo in uu ku xasiliyo amaanka degmooyinka Gobolka uu ka koobanyahay. Caasimada Online Xafiiska-Muqdisho Caasimada@live.com
-
Committee to Protect Journalists (CPJ) 2018 Global Impunity Index spotlights countries where journalists are slain and their killers go free Source: Hiiraan Online
-
Qaran News
-
London (Caasimadda Online) – Dowladda Ingiriiska ayaa markii ugu horeysay si waadax ah uga hadashay habka ay Maamulka Somaliland Beesha Caalamka uga helo karto Ictiraaf. Dowladda Ingiriiska ayaa si rasmi ah u sheegtay in Ictiraafka Somaliland uu ku xiran yahay inay ku heshiiyaan iyada iyo dowladda Federaalka Soomaaliya. Wargeyska Financial Times (FT) ee ka soo baxa London waxa uu bilowgii isbuucan Warbixin dheer ka qoray dadaalka Ictiraaf-raadiska Somaliland iyo Aragtida Dowladda Britain ee Yoolka lagu gaari karo Ictiraafkaasi. Afhayeenadda Waaxda Arrimaha Dibedda ee UK oo la hadashay Wargeyska FT waxay sheegtay inay Dowladda Britain rumeysan tahay inay u taallo DFS iyo Soomaaliland si ay u gaaraan Mustaqbal Wadajir ah iyo inay dalalka Gobalka iyo Jilayaasha dalalkaasi kaalin hoggaamin ka qaataan Natiijada Heshiiska ee Dowladda Federaalka iyo Somaliland. Sida uu Wargeyska FT u sheegay Khabiir Axmer Sulaymaan oo ka tirsan Aqalka Chantam House ee London arrintaan ayaa waxaa isku raacsan dhammaan Dowladaha Reer Galbeedka. Ururka Midowga Afrika (AU) iyo Dalalka Gobalka uma muuqdaan inay qaadi doonaan tallaabada u dambaysa ee Ictiraafka SL ilaa uu wada-xaajoodka DFS iyo SL ka gaaraan heshiis Mustaqbal Wadajir ah. Wadahadalada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland ayaa istaagtay tan iyo markii uu dalka Madaxweyne ka noqday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana sabab u ah inuu wadahadalka istaago go’aanka ay dowladda ka qaadatay maalgashiga Dekadda Berbera. Somailand ayaana si cad u sheegtay inaysan Dowladda Federaalka la fadhiisan doonin inta ay faragelinta ka deeneyso dowladda Dhexe sida ay hadalka u dhigeen. Dhawr jeer ayaa waxaa fashilmay wadahadal la doonayey inay labada dhinac yeeshaan, haddana ma jirto ififaalo muujinayo in la wada fadhiisan doono. Caasimada Online Xafiiska-Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)- Puntland waa maamul goboleedka ugu faca weyn Soomaaliya, ugu dhaqaalaha badan uguna nidaamka wanaagsan. Qofka Puntland maamulaya waxaa uu gacanta ku haya nidaam dhisan oo u baahan in lasoo hormariyo. Shacabka reer Puntland waxaa ay doonayan in la dhiso xisbiyo siyaasadeed iyo in ay iyagu codkooda toos u dhiibtaan oo ay doortaan hogaamiyahooda. Qofka loo doorto madaxtinimada Puntlad waxaa uu xafiiska jooga muddo 5 sanno ah. Puntland ma’ahan sida ay dadka qaarkii u arkaan. Waa maamul ay wali si dadban u ilaaliyan isimada dhaqanka. Bisha Janaayo ee sanadka soo aadan 2019, waxaa Puntland ka dhacaya doorasho madaxweyne, waxaana ilaa hada socda hardan xoogleh ,iyadoo durba lasoo calaamadeeyay labada musharax ee ugu cadcad. Madaxweynaha tallada haya Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa doonaya inuu soo noqdo markale, waxaa la aaminsan yahay inuu dhowr shaqo oo muhiim ah qabtay intii uu xafiiska joogay laakiin marka la eego waxyaabihii uu balan qaaday xiligiisii ololaha 30% xitaa ma qaban. Balse, aragti aruurinta warbaahinta madaxabanaan ayaa Gaas ka dhigeysa mid markale ku cadcad inuu soo baxo waxaana loo sababeynaa saddex arimood. 1-Imaarate-ka oo bixinaya qarashka lagu dooranaayo. 2-Cumar Cabdirashiid oo gadaal ka taageeraya. 3-Gacanta uu ku lee yahay xulista xildhibaanada. Cabdi Faarax Siciid Juxa waa ninka labaad ee ugu cadcad doorashada madaxtinimada ee Puntland, waa wasiirkii hore ee waxbarashada Puntland, wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya, madaxii waxbarashada ee xafiiska EU ee Soomaaliya iyo saxafi hore. Arragti aruurinta warbaahinta madaxabanaan ayaa Juxa ka dhigeysa ninka ugu adag ee wajihi kara Cabdiweli Gaas ,dhowr arrimood ayaa loo sababeynaya inuu Juxa yahay qofka ugu dhow ee badali kara Cabdiweli. 1- Rabitaanka Shacabka Puntland. 2-Ardaydii uu waxbarashada u diray oo xildhibaano u sharaxan. 3-Aragtidiisa siyaasadeed oo cad. 4-Xogogalnimadiisa Puntland iyo Dowlada dhexe. 5-Ganacsatada oo isaga taageersan. 6-Inuu Puntland gaarsiinaayo doorasho qof iyo cod ah. Sidoo kale musharaaxiinta Siiciid Cabdulaahi Deni, Faarax Cali Shire iyo Jabiye ayaa ka mid ah shanta musharax ee ilaa hada la aaminsan yahay inuu midkood noqon doona madaxweynaha xiga ee Puntland. Caasimada Online Xafiiska-Garoowe Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa xilka ka qaaday guddoomiyihii degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir C/kariin Cali Kaar oo horey saxaafada uga shaqeyn jiray. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Guddoomiye C/raxmaan Yariisow uu xilkaasi u magacaabay ruux kamid ah shaqaalaha gobolka Banaadir oo lagu magacaabo Mahad Cabdi Caraale. Mahad Caraale, ayaa sanadihii u dambeeyay kamid ahaa shaqaalaha gobolka Banaadir, waana ruux dhalinyaro ah oo firfircoon. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa horey xilalka uga qaaday guddoomiyaashii Degmooyinka Daayniile, Shangaani iyo Waaberi, waxaana degmooyinka qaar wali haya guddoomiyaashii la shaqeyn jiray Thaabid Cabdi. Guddoomiye kasta oo loo soo magacaabo Gobolka Banaadir ayaa xilalka ka qaado Guddoomiyaashii hore degmooyinka u hayey wuxuuna meesha keensadaan Guddoomiye ay saaxiibo yihiin. Tan iyo markii Yariisow Xilkaan loo magacaabay wuxuu xilkii ka qaaday dhawr guddoomiye iyadoo aan mararka qaar la xusin sababta xilka looga qaado iyo dambiga ay galeen. Caasimada Online Xafiisa Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Kadib Markii madaxweynaha Soomaaliya uu magaalada Jubba ee dalka Sudan ka sheegay in dowlad goboleedyada ay faragelin ku hayaan siyaasadda arrimaha dibadda ayna doonayaan inay siyaasada ku lug yeeshaan ayaa arintaasi waxaa ka jawaabay dowlad goboleedyada. Wasiirka Dastuurka Koofur Galbeed ahna Afhayeenka golaha iskaashiga Dowlad goboleedyada Cabdullaahi Sheikh Xasan oo la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku ixtiraamaan siyaasadda arrimaha dibadda. Afhayeenka, ayaa cadeeyay in dowlad goboleedyada kaliya arrimaha dhismayaasha waddooyinka iyo horumarinta deegaanadooda kala hadli karaan dowladaha caalamka ee doonaya inay dhisaan deegaanada dowlad goboleedyada. Balse wuxuu sheegay inaysan jirin haddana dhaceynin in dowlad goboleedyada masiirka ummada Soomaaliyeed ay kala hadlaan madaxda caalamka, sida uu hadalka u dhigay. “Siyaasadda arrimaha dibadda sida dastuurka noogu qoran, nafteeda waxay u baahan tahay inaan isla fahano, Laakiinse waxaan jirin wax ogolaanaya arrimaha dibadda dal kale in lagala hadlo maamul goboleed, horana uma dhicin haddana ma dhaceyso”. “Haddii loola jeedo Gargaarka, Horumarinta, dhismayaasha waddooyinka, Caafimaadka waxyaabahaasi oo kale wey dhici karaan in dowlad goboleedyada loo dhiso, laakiin wax shacabka Soomaaliyeed guud ahaan quseeyo dowlad goboleed lagalama hadli karo” ayuu yiri Cabdullaahi Sheikh Xasan. Khilaafka u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada ayaa xoogeystay waxii ka dambeeyay markii aad lasoo xerxeray dhaqdhaqaaqii dibadda ee ay sameyn jireen madaxda dowlad goboleedyada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno deegaanada Galmudug ayaa sheegaya inay socdaan dadaalo dib u heshiisiin ah oo madaxda dhaqanka iyo xubno ka tirsan aqalka sare ay wadaan. Shirkaan dib u heshiisiinta oo horey u baaqday ayaa waxaa la filayaa in 7 Bishaan uu qabsoomo, waxaana dadaalkaasi doorweyn ka ciyaaraya odayaasha dhaqanka iyo xildhibaanada aqalka sare ee kasoo jeeda Galmudug. Shirkaan ayaa ka dhacaya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug seddex maalin kadib, sida qorshaha uu yahay sida uu saxaafadda u sheegay Suldaan C.Naasir Jaamac oo kamid ah salaadiinta gobolka Mudug. Wuxuu sheegay in shirkaasi ay rajeynayaan inay kasoo baxaan natiijo farxad geliso shacabka Galmudug, maadaama marar badan khilaaf uu hareereeyay. Khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha Galmudug iyo ku xigeenkiisa ayaa sababay in doorashooyin ay ka kala dhacaan magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusomareeb, sidoo kale wuxuu khilaafka sababay in shaqooyinka maamulkaasi ay joogsadaan. “Gogoshaan waxaan u dhigeynaa in Galmudug Xalkeeda la helo, waana muhiim in la helo xal waara oo mid bulsho iyo mid siyaasadeed ahba, bulsho walbaa marka maamul ay dhisato waxaa wacan inay wanaagiisa ka shaqeeyaan” ayuu yiri Suldaanka. Haddii shirkaasi ay ku heshiiyaan madaxweynaha Galmudug, Guddoomiyaha baarlamaanka iyo madaxweyne ku xigeenka, waxaa meesha ka bixi doono madaxweynaha lagu doortay Cadaado iyo guddoonka baarlamaanka ee Dhuusomareeb lagu doortay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
C/raxmaan C/laahi Macallin oo ah wasiirka qorsheynta ee maamulka Hirshabelle ayaa sheegay iney adaan qorshe ay ugu talogaleen in lagu tababaro shaqaalaha wasaaradaha ee maamulkaasi. Waxa uu sheegay in hadda tababaro buuxda la siiyey agaasimayaasha guud ee xafiisyada madaxweynaha, madaxweyne ku xigeenka iyo wasaaradaha Hirshabelle. Tababaradan ayuu ku tilmaamay iney tahay mid sare loogu qaadayo tayeenta maamulka hoose, ayna sii wadi doonaan. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/WASIIRKA-QORSHEYNTA-HIRSHABEELLE-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Maxkmada Gobolka Banaadir ayaa xukuno ku riday qaar kamid ah shaqaalaha dowlada oo lagu helay musuq maasuq. 8 kamid ah shaqaalaha Dekedda Muqdisho ayaa xukuno kala duwan lagu riday. Maxkmada ayaa xukun ku riday madixii canshuuraha Dekeda Muqdisho Axmed Cabdullaahi Samow iyada oo ku xukuntay 3 Sano oo xarig ah. Sidoo kale maxkmada ayaa 7 kamid ah shaqaalaha dekedda Muqdisho ku riday min 3 Sano oo xarig ah. Dhamaan dadkaasi ayeey maxkamadu ku heshay in ay ku dhaqaaqeen musuq maasuq islamarkaasina hay’adaha amaanka ay gacanta ku soo dhigeen. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Madaxii Canshuuradaha Dekadda Muqdisho oo Xukun lagu riday appeared first on Puntland Post.
-
Maanta oo Axad ah ayaa waxaa si rasmi ah uga bilaabaneysa magaalada Baydhabo ee gobolka Baay qabashada araajida musharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha ee maamulka Koonfur Galbeed. Waxaa la filayaa in musharraxiinta ay ka faa’ideystaan mudada loo qabtay iney isku diiwaangeliyaan, maadaama doorashada madaxweynaha K/galbeed ay kaabiga soo hayso. Shuruudaha musharraxiinta laga doonayo waxaa ka mid ah iney iska soo casilaan haddii ay xilal kale hayaan, iyadoo la ogyahay inuu musharraxiinta ka mid yahay wasiir ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya. Halkaan hoose ka dhageyso warbixin uu soo diray wariyaheena C/qaadir War-cadde. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/WARKA-WARCADDE-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Allaha u naxariistee waxaa habeenkii xalay ahaa magaalada Muqdisho ku geeriyoodey wariye C/risaaq Aadan Qoslaaye oo ka mid ahaa wariyeyaasha Soomaaliyeed kuwooda ugu magaca dheer. Qoslaaye ayaa la sheegay in uu naqaska ku xirmay, kadibna loola cararay Isbitaal, balse uu halkaasi ku dhintey, sida ay inoo sheegeen qaar ka mid ah ehladiisa. Allaha u naxariistee Meydka Wariye Qoslaaye ayaa lagu wadaa in maanta lagu aaso qabuuro ku yaalla magaalada Muqdisho. Qoslaaye ayaa horey uga soo howlgalay waraabhinnada kuwa maqalka iyo sidoo kale kuwa la iska arko intaba, wuxuuna haatan ka howlgalayey Talefishinka Kalsan. Bahda Goobjoog waxay tacsi u dirayaan dhammaan ehlada iyo qaraabada uu ka baxay C/risaaq Qoslaaye. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Yariisoow oo saaray amar cusub ayaa ku amray dadka degen xarunta Jaamacada Gaheyr ay isaga baxaan. Eng C/raxmaan Yariisow, ayaa muddo labo todobaad ah u qabtay dadka degen xarunta Jaamacadda, waxaana uu sheegay haddii ay ku bixi waayaan muddada loo qabtay in ciidamada booliska gobolka ay ka saari doonaan. Waxaa warqada kasoo baxday Xafiiska Gudoomiyaha Gobolka Banaadir lagu sheegay in dhawaan xarunta Jaamacada Gaheyr lagu bilaabi doono dhismo si loo soo celiyo Jaamaacada isla mar ahaantaasna dhisida xaruntaani ay hormuud ka ahaan doonto wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee dalka. Amar midkaan lamid ah aya horaan sidaan oo kale dhowr mar oo kala duwan lagu bixiyay in dadka dagay xarunta Jaamacada Gaheyr ay isaga guuraan balse ma uusan dhaqan gelin. Laakiin markaan waxay u muuqataa in amarkaan uu dhaqan geli doono maadama taliska Booliska Gobolka Banaadir la faray in ay ka saaran dadka degan xarunta Jaamacada wixii ka dambeeya mudada loo qabtay. Dhismayaal badan oo dowladda ay laheyd ayaa waxaa degaansaday shacabka Soomaaliyeed, waxii ka dambeeyay burburkii dowladii dhexe ee dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com