-
Content Count
211,144 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa ka hadlay dilkii dhowaan magaalada Muqdisho loogu geystay Axmed Dowlo, oo ay dileen reerka gabar uu guursaday wiil uu adeer u yahay oo kasoo jeeda beesha Jareerweyne. Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa sheegay in jinsiga oo la isku takooro ay tahay arrin umadda aysan ka tageyn,oo weligiis socon doona, uuna yahay nooc ka mid ah kufriga. Xasan Daahir Aweys ayaa sheegay in dhibkii dhacay ee lagu gubay Axmed Dowlo ay ka darneyd wixii ka dambeeyey ee ahaa qaabkii loo maareeyey dhacdadaas, oo uu sheegay inay tahay wax yaab leh in gabar hooyadeed xiran tahay la yiraahdo waxaa loo samaynaa aroos qaran. Xasan Daahir waxa uu ku baaqay in dadkii falkan geystay ee dilay kadiban gubay Axmed Dowlo, la mariyo waxa ay mudan yihiin laguna qaado shareecada Islaamka, balse waxa uu shaki geliyey in dowladda Soomaaliya ay fulin karto xukun noocan ah. “Gabdhaha marka ay shahwadu ku dhegto lama karo, mana aragto qof aan ahayn qofka ay jeclaatay, laakiin marka ay shahwadu ka dgeto ayay maskax yeelan doontaa, mana dhaqmi doonto” ayuu yiri Xasan Daahir Aweys. Hoos ka daawo Xasan Daahir, oo marka hore ka hadlay Sheekh kale oo ku geeriyoody Dhuusomareeb, kadibna ka hadlaya.
-
Dood cilmiyeed looga hadlay faa’iidooyinka iyo dhibaatada Geedka ay Soomaalida qaarkood u taqaano (Cali Garoobka) ayaa lagu qabtay Xarunta Jaamacadda Benaadir ee Magaalada Muqdisho. Kuliyadda Beeraha ee Jaamacadda Benaadir ayaa soo qaban-qaabisay dood cilmiyeedkan oo ahaa mid aad u xiise badan, waxaana ka qeyb qaatay aqoonyahano wax ka dhiga Jaamacadaha dalka qaarkood iyo khubaro ku taqasusay arrimaha beeraha iyo degaanka oo ka howlgala heyaddo maxali ah iyo kuwo caalami ah oo muddo dheer ka soo shaqeynayey mashaariicdii dhinaca beeraha ee dalka laga fuliyey. Waxaa dood cilmiyeedkan si weyn loogu faaqiday, taariikhda geedkan, xiliga la soo geliyey Somalia, faa’iidooyinkiisa hababka ugu haboon ee looga faaiideysan karo iyo sida looga gaashaaman karo dhibaatooyinka uu wato. Qaar ka mid ah khubaradii ka qeyb qaatay Dood cilmiyeedkan ayaa sheegay in geedka Cali garoobka magaciisa rasmiga ah uu yahay (Prosopis Juliflora) halkii ugu horeysay ee caalamka lagu arkayna ay ahayd Koonfurta qaarada Amerika boqolaal sano ka hor, waxayna intaa ku dareen in geedkan uu yahay mid adkeysi badan oo ku baxa cimilo walba inkastoo uu aad ugu fiican yahay dhulka kuleylaha ah. Daraasad la sameeyey ayaa lagu ogaaday sida khubaradu sheegeen in geedkan xididiisa ay dhulka hoos u galaan 30-35 mitir si uu u helo biyo iyo macaadin ku filan taasoo sababtay inuu adkeysi u yeesho abaaraha iyo roob la’aanta. Khubarada ayaa intaa ku daray in Geedkan uu ku fiday meelo badan oo caalamka ka tirsan haba ugu badnaatee dalalka India iyo Australia, markii ugu horeysayna sanadkii 1950-kii uu Somalia keenay nin ingiriis ah oo la oran jiray Dawsan kaasoo ku beeray degaanka Buloxaar oo Magaalada Berbera ku dhow, iyadoo sanadkii 1980kii ay Koonfurta Somalia keentay heyadda FAO, si ay uga faaiideystaan Qaxootigii ka dhashay dagaalkii 77, iyadoo sidoo kalena loo adeegsaday bacaad-celintii dowladii Kacaanku ka sameysay degaano ka tirsan gobolka Sh/hoose. “Geedkan faa’iidooyin badan oo aan la soo koobi karin ayuu leeyahay, dhakhso ayuu u baxaa, mar walba waa cagaar, xoolaha mirihiisa cuna wey ka caano iyo hilib badan yihiin kuwo kale, xitaa isagoo qoyan dhuxul ayaa laga dhigan karaa, tiirar wax lagu dhisto ayaa laga sameeyaa, waxaa loo adeegsadaa, bacaad celinta iyo difaaca degaanka wuxuuna ka hor tagaa Nabaad guurka” ayuu yiri Prof. Max’ed Cali Shiikh Cabdi oo ah Hormuudka Kuliyadda beeraha ee Jaamacada Benaadir oo ka mid ahaa khubaradii dooda ka qeyb qaadatay. Waxaa sidoo kale dood cilmiyeedkan lagu soo bandhigay dhibaatooyinka geedka Cali Garoobka oo ay ka mid yihiin caleentiisa oo Xoolaha badanaa aysan jecleyn, inuu qabsado dhul beereedka iyo dhulalka la deggan yahay, dhaawac ay qodaxdiisu dadka iyo xoolaha u geysato iyo iyadoo ay aad u adkaato in laga ciribtiro dhulka uu ka baxo. Waxaa sidoo kale la sheegay magacyo kala duwan oo degaanada Soomaalida looga yaqaano geedkan sida Cali garoob, Geed Yuhuud, Garan-waa, keligii noole iyo kuwo kale, waxayna khubaradu waxba kama jiraan ku tilmaameen feker qaldan oo keenay in Soomaalida qaarkood ay geedkan ula baxaan (Geed Yuhuud), iyagoo xusay in geedkan uusan aheyn kii uu Nabigu NNKH sheegay inuu qarinayo Yuhuuda marka ay la dagaalamaan Muslimiinta xiliga Aakhiru zamanka ama dhamaadka dunida. Gebagebadii waxaa la soo jeediyey qodobo iyo talooyin ku saabsan sidii dhibaatoyinka uu geysto loo yareyn lahaa, dhinaca kalena sare loogu qaadi lahaa ka faa’iideysigiisa iyadoo la dhowrayo degaanka. Guddoomiyaha Jaamacadda Benaadir Prof/Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo ka hadlay munaasabada ayaa bogaadiyey ka qeyb galayaasha dood cilmiyeedkan oo uu sheegay iney si saraxaad leh oo aan horey loo arag uga hadleen geedka Cali garoobka. “Inkastoo geedkan uu dhibaatooyin geysto haddana faa’iidooyinkiisa ayaa ka badan sida ay inoo sheegeen khubaradii ka qeyb qaadatay dood cilmiyeedkan, sida aan ognahay Soomaalidu geedkan waxay ka aaminsan yihiin feker qaldan oo ah in dhibaato mooyee uusan faaiido laheyn, taasna waxaa sabab u ah aqoon darida ka heysata, si ay uga faaiideystaana wacyi gelin badan ayaa loo baahan yahay” ayuu yiri Dr. Dalmar oo u mahad celiyey ka qeyb galayaashii doodan iyo kulliyadda Beeraha oo soo qaban-qaabisay. Senator Prof. Cismaan Max’uud Dufle oo ka mid ah xubnaha aqalka sare ee Baarlamanka Somalia oo isna munaasabadan ka hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu riyaaqay sida cilmiyeysan ee khubaradu sharaxaada uga bixiyeen geedka Cali garoobka iyo waxtarkiisa isagoo soo jeediyey in nuxurka dood cilmiyeedkan laga sameeyo buug, lana gaarsiiyo bulshada si ay uga faaiideystaan. Gebagebadii kulankaas waxaa ka hadlay agaasimaha guud ee Wasaarada beeraha Xukuumada federaalka Somalia Prof. Max’uud Maxamed Max’uud oo khubarada ka qeyb qaadatay dood cilmiyeedkan ku amaanay sida hufan ee ay uga hadleen geedka Cali garoobka, isagoo dhinaca kale sheegay in Wasaaradiisu ay dejineyso qorsheyaal la xiriira sidii looga faa’iideysan lahaa geedkan iyo kuwa la mid ah. Khubarada iyo aqoonyanada ka hadlay doodan ayaa waxaa ka mid ahaa Prof. Max’ed Cali Shiikh Cabdi oo ah hormuudka Kuliyadda beeraha ee Jaamacada Benaadir, Dr. Ismaaciil Caanoos, Max’ed Mayow Cabdulle, C/qaadir Nuur Hadafow, C/llaahi Cumar Max’uud, Eng. C/qaadir Cumar, Maxamed Aadan Geelle, Maxamed C/salaan, Dr. Axmed Cilmi Guure, Maxamed Ibraahim iyo kuwo kale.
-
MOGADISHU (Caasimada Online)–Somalia’s l Intelligence says its security forces arrested an Al-Shabaab bomb expert, following security operation in the capital of Mogadishu. The spy agency said in a Twitter feed, the operation was carried out at Ex-control area in the capital where the suspected bomb expert had been detained. “We carried out an operation in which our security forces arrested senior Al Shabaab operative, who was in charge of bomb explosives”, the agency said. There was no immediate comment from Al Shabaab over the claims. Somali security forces arrested several group’s Amniyat operatives in the capital for the past weeks. Amniyat are al-Shabab’s elite forces tasked with intelligence gathering, assassinations and explosions. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
LONDON (Caasimada Online) — The UK, Somalia, Italy and Ethiopia brought together international partners in support of Somalia’s security, political and economic reforms. Minister for Africa Harriett Baldwin co-hosted the meeting at the UN General Assembly in New York, with Foreign Minister Ahmed Isse Awad of Somalia, State Minister Hirut Zemene of Ethiopia and Enzo Moavero Milanesi, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of Italy. Alongside senior government representatives, UN Secretary General Antonio Guterres, AU Peace and Security Commissioner Chergui and Neven Mimica, EU Commissioner for International Cooperation and Development attended. Minister Baldwin praised the bravery and positive impact of African Union Mission in Somalia (AMISOM) troops and the Somali forces who are fighting against Al Shabaab and restoring stability to the country. She emphasised the importance of a successful transition of responsibility for Somalia’s security to its own forces. A rushed withdrawal, without sustainable and predictable funding in place, would jeopardise the fragile progress made over recent years. During her visit to Kenya (30 August 2018), the Prime Minister announced over £7m of additional funding to support AMISOM’s work. She called on the international community to join the UK in providing additional funding to AMISOM to ensure it was sufficiently funded to deliver a successful security transition. Minister Harriett Baldwin said: Somalia has a real chance for a better future. One that allows its people to flourish, provides no space for terrorist groups, and contributes to regional stability. Helping to build that future must be a truly international effort. Today I am calling on Somalia’s friends to contribute to ensure sustainable funding for AMISOM. Somalia’s Minister for Foreign Affairs and International Cooperation, His Excellency Ahmed Isse Awad said: The Federal Government of Somalia remains committed to implementing the key political, economic and security reforms that will help Somalia emerge from the many difficult years it has experienced. The support of the international community has been vital to Somalia thus far. We look forward to continued engagement and support with our international partners as we advance our reform agenda and the transfer of responsibility for Somalia’s security from AMISOM to Somali security forces. Today’s meeting also discussed Somalia’s wider state-building efforts, including recent progress on political and economic reforms. The UK is a leading partner for Somalia, and the second largest bilateral donor. This financial year, the UK will provide approximately £313m of support to Somalia, contributing to the country’s stability and helping to make a tangible difference to the lives of its poorest and most vulnerable people. During her recent visit to Kenya, Prime Minister May announced additional funding for Somalia. Over £25m will support Somalia’s efforts to build a stable and democratic political system, including future one-person-one-vote elections. Further funding of over £60m will provide lifesaving food, clean water and medicine, along with support to find stable jobs, to help over a million people cope with and recover from the impact of conflict and drought. PRESS RELEASE
-
Ciidamada ammaanka ee Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhigeen khabiir Al-Shabaab u qaabbilsanaa dhanka Miinooyinka iyo Qaraxyada, xilli uu ku dhuumaaleysanayay agagaarka Ex-koontarool Af-gooye. Howl-galkan oo ahaa mid Qorsheysan Saacadana qaatay ayaa u dhacay si taxaddar leh Habeen hore, waxanay saraakiisha Ciidamada ammaanku sheegeen inuu kusoo gabagaboobay si nabad gelyo ah oo aysan cidi wax ku noqon. Hay’adda nabad sugidda iyo sir-doonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA oo boggeeda ay Twetter-ka ku leedahay soo dhigtay warkan ku aaddan howl-galka. ayaa Shacabka ka codsatay inay si taxaddar leh ula shaqeeyaan, si looga hor tago cadawga Ummadda Soomaaliyeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in howlgal ka dhacay xaafad ka tirsan magaalada Muqdisho lagu qabtay xubin sare oo ka tirsanaa maleeshiyada kooxda Al-Shabaab. Howlgalka ayaa waxa uu ka dhacay, sida barta twitter-ka hay’adda lagu shaaciyey, xaafadda Ex-Kontorool habeenimadii xalay, isla markaana ay gacanta ku dhigeen khabiir dhinaca qaraxyada u qaabilsanaa Al-Shabaaab. Howgal saacada qaatay oo si taxadar leh loosii qorsheeyay, kana dhacay agagaarka X-koontarool Mogadishu, ayaa lagu soo qabtay xubin AS oo ahaa Khabiir dhanka qaraxyada, habeynimada 27-ka Sabtember. Howlgalka cidi wax kuma noqon. Nagu garab istaag ka hortaga cadowga. — NISA (@HSNQ_NISA) September 28, 2018 “Howgal saacada qaatay oo si taxadar leh loosii qorsheeyay, kana dhacay agagaarka Ex-koontarool Muqdisho, ayaa lagu soo qabtay xubin AS [Al-Shabaab)] oo ahaa khabiir dhanka qaraxyada, habeynimada 27-ka sabtember. Howlgalka cidi wax kuma noqon. Nagu garab istaag ka hortaga cadowga” ayaa lagu yiri qoraalka NISA. Hay’addu ma shaacin magaca xubintaas ka tirsan Al-Shabaab, sidoo kalena ma bixin faa faahin intaasi dheeraad ah oo ku saabsan howlgalka lagu soo qabtay xubin ka tirsanaa Al-Shabaab. Hay’adda NISA ayaa maalmihii dhowaa sare u qaadday howl-gallada ay ka fuliso magaalada Muqdisho, kuwaasi oo lagu soo qabtay xubno badan oo Shabaab ah. 19-kii bishan ayaa u dambeysay, markaasi oo ciidamada ay degmada Dharkeynley kasoo qabtay laba xubnood oo ka tirsanaa Amniyaatka ama sirdoonka Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Riyadh (Caasimada Online)-Wasiirka Arrimaha Dibada ee Sacuudiga Adel al-Jubeir oo qeyb ka ah madaxda shirweynaha Qaramada Midoobay ee magaalada New York ayaa khudbad uu shirka ka jeedinayay ku muujiyay dacwada ay dowladiisa wali ka tahay dowladah Qadar iyo Canada. Wasiir Adel al-Jubeir, ayaa sheegay in Qadar ay wli ku heyso xadgudubyo ka dhan ah sharciyada dalkiisa waxa uuna tilmaamay in aan weli xal laga gaarin khilaafka khaliijka iyo xurgufta u dhaxeysa iyaga iyo Qatar. Wasiirku waxa uu tilmaamay in khilaafka jiraa aan wax xal ah loo heli doonin illaa inta Qatar ay wax ka bedaleyso siyaasadeeda. Siyaasada Qadar ayuu sheegay inay cagsi ku tahay tan Sacuudiga, isagoona sheegay in Sacuudiga uu dulqaad badan yahay oo ay sugi karaan arrintan sanado badan. Wasiir Adel al-Jubeir, waxa uu sidoo kale khudbadiisa shirka QM kusoo qaatay Dacwada ay ka yihiin dalka Canada waxa uuna halkaa ka cadeeyay inay weli raali gelin ka sugayaan dowlada Canada oo ay horaantii sanadkan xiisadi ka dhex aloosantay. Dacwada uu Sacuudiga ka yahay Canada ayaa timid kadib markii ay ugu baaqday xukuumada Riyadh inay siideyso in badan oo kamid ah Dumarka u dooda xaquuqda haweenka Sacuudiga ee hada ku jira xabsiyada Boqortooyada Sacuudiga. Dowladaha Qadar iyo Canada ayuu Wasiirku sheegay inay ka sugayaan raali galin iyo inay wax ka bedelaan habdhaqanka Siyaasadooda.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Hiigsiga, Himilada iyo Yoolka Muwaadinka Somaaliyeed waa helitaanka xorriyad iyo ehelnimo lagu soo dhaweeyo Gobal iyo Deegaan kasta ee Soomaaliyeed. Hargeysa waxaa lagu tilmaami jiray in ay ka run-sheegid badantahay Xamar, balse waayihii danbe waxa ay ka badisay Ciyaarta Turubka Siyaasada Xamar. Hargeysa ayaa maalmahaan soo dhaweysay, martina gelisay Halgamaa Galbidhagax oo sanad ka hor Xamar u gacan-gelisay Rajiimkii hore ee Tegreega. Soo dhaweynta iyo Casuumaadu waa arin mudan Ammaan iyo Bogaadin laakin waxaa isweydiin mudan: 1-Ma Halgan iyo Somaali Jaceel baa? Mise waa fariin Siyaasadeed oo ku socota Xamar? Mise Ictiraaf-doonkii ayaa la galay halkaas? 2-Ma Qalbidhagax ayaa ugu horeeya Muwaadin Soomaaleed oo lagu soo dhaweeyo Hargeysa oo ka baxsan reer Somaliland? Mise tegi karaa Soomaali kasta waqtiga uu rabo? 3-Maxaa Hargeysa loogu xiray Halgamayaasha; Abdimaalik Col-doon iyo Naciima Abwaan Qorane tegida Xamar? Hadiise Qalbidhagax uu berri Xamar tago isna Hargeysa ma xiraysaa?. 4-Imisa Halgame ONLF oo Qalbidhagax saaxibadiis ahaa ayey Hargeysa dhiibtay una gacan gelisey Rajiimkii Tigreega? Gormee iyana Hargeysa dib loogu soo dhaweyn-doonaa? 5-Haddii Barlamaanka iyo dadka Soomaaliyeed ee Xamar ka dhiidhiyeen dhiibistii Qalbidhagax lana xisaabtameen Xukuumada Xamar! Yaa kala xisaabtamaya xukuumada Hargeysa Halgamayaashii ay dhiibeen iyo kuwa maalin kasta lagu xirayo Hargeysa? 6-Haddii nidaamkii Tegreega ee dadka afduubi jiray, xiri jiray, ciqaabi jiray, caburin jiray; cadaalada lala tiigsanayo lana maxkamadeynayo! Kuwii caawin jiray ee Soomaalida ahaa yaa Maxkamadeynaya? Mise waa Tolka ayaa lagu difaacayaa? 7-Haddii Qalbidhagax iyo saaxibadii looga sii daayey Jeelashii Tegreega Halgankii walaalahood OROMO awgiis! In uu ka shaqeeyo Walaalnimada iyo Midnimada Somaaliya miyaa la gudboon? Si looga gudbo Somaali – Somaali kale dhiibaya, Jaajuusaya, kala qeybinaya! Mise waa leey dhiibay ayuu kaar Siyaasadeed ka dhiganayaa??? W/Q. Mohamed Gacal (Dr. Gacal)
-
Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay la wareegtay 24 iskuul oo ku yaalla gobolka Banaadir, sidaasi waxaa sheegay Wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre. “Maanta waxaan ku guuleysanay inaan la soo wareegno 24 iskuul oo ku yaalla gobolka Banaadir, maanta wixii ka dambeeya, waxaa masuuliyadooda qaadeysa wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya” Iskuullada maanta wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka ay la wareegay ayaa kala ah Kaaraan, Godey, Cabdi casiis, Gaashaanle, 11 janaayo, Bartamaha, Wiil waal, Bartanaha, Yaasiin cismaan, Agoonta Boondheere, Maxamuud mire, Hanti wadaag, Howlawadaag, Xasan khaliidi, Cali xuseen, Jabuuti, Deyniile, Maxamuud Hilowle, Axmed waayeel, Ex aqoon darsed, 21 November, 20 December, Agoonta wiilasha kaaran, iyo Macalin jaamac. Dowladda ayaa dhowaan soo saartay manhaj cusub, waxaana lagu wadaa in iskuulladaas lagu bilaabo dhaqan-gelinta. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa markii ugu horeysay sheegay in lagama maarmaan ay tahay in Somalia iyo Kenya ay iska kaashtaan dhinacyada muhiimka ah. Axmed Madoobe waxa uu si gaara u sheegay inay muhiim tahay in xooga la saaro xiriirka ku qotoma Nabadgalyada, Caafimaadka iyo Xiriirka bulshooyinka ku nool soohdinta ay wadaagan Jubbaland iyo Kenya. Axmed Madoobe, ayaa dowladda Kenya ka dalbaday in ay dib u furto wakhti dhow xuduudka, si noloshu ay u noqoto mid isku xiran dadkuna ay dhaq dhaqaaq u samayn karaan. Madoobe, waxa uu sheegay in dowlada Kenya laga doonayo in waxyaabaha qaar ay u eegto baahida, waxa uuna carab ***** inuu rumeysan yahay in labada dhan midba midka kale uusan ka maarmeynin. “Kenya waxa aan ka dalbaneynaa in si dhaqsi ah ay ku bedesho go’aanka ay ku xirtay xadka kala dhexeeya Somalia, waxa aan ahmiyad u aragnaa inay muhiim tahay in la furo xadka oo dadku ay isu gooshan” Axmed Madoobe ayaa hadalkan ka sheegay Shir maalmahan ka socday magaalada Kismaayo oo lagaga hadlayay sidii wasaaradaha caafimaadka Jubbaland iyo Kenya ay isaga kaashan lahaayeen badqabka dadka ku nool degaanada xuduudka. Haddalka Axmed Madoobe ayaa kusoo beegmaya xili dowlada Kenya ay dhawaan sheegtay in maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ay gabaad ka dhigtaan xadka kala dhexeeya Somalia. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Ururka Midowga Yurub ayaa Ansixiyay Hawl-galkiisii ugu horreeyay ee taageerada Miisaaniyadeed ee uu siinayo Soomaaliya si loogu horumariyo hawlaha ka socda Dalka. Dhaqaalahan deeqda ah ayaa gaaraya 100-Milyan oo Euro oo laga dhigi doono sadexda bilood ee ugu dambaysa ee sanadka 2018-ka illaa 2021-ka, taageeradan miisaaniyadeed ayaa la marin doonaa Dowladda Federaalka iyadoo la adeegsanayo nidaamka dowliga ah. Hir-gelinta ayaa waxay bilaaban doontaa bishan Oktoobar ee sanadkan lagu jiro, kaddib marka la helo heshiis loo dhan yahay, kaasoo awood u siinaya taageero tayo wayn leh oo ay helaan Dowladda Federaalka iyo dawladaha xubnaha ka ah federaalka, yaraynta khatarta iyo xaqiijinta hanti-dhawrka iyo sidoo kale tilmaamayaasha waxqabadka si loo dhiirigeliyo dib-u-habeyn lagu sameenayo dhinacyada dhaqaalaha bulshada Maamulka, xukunka sharciga, kaluumaysiga, waxbarashada iyo howlaha kale. Mashruucan taageerada miisaaniyada ayaa sidoo kale loogu yeeray heshiiska Dawlad-goboleedyada iyo awoodda si deg-deg ah uga soo kabashada dhibaatooyinka Somalia. Midowga Yurub ayaa sheegay inuu hirgasnayo inuu taageero Federaalnimada Somalia, iyadoo loo marayo sare u kaca iyo horumarinta maaliyadeed ee ay dowlada dhexe ee Federaalka gaartay, iyada oo loo marayo Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka, wuxuu sidoo kale Midowga Yurub uu xoojinayaa heshiiska bulshada ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo dadka Soomaaliyeed iyadoo si tartiib tartiib ah u kordhinaysa doorka Maamulka Soomaalida ee bixinta adeegyada asaasiga ah. Sidoo kale, Meel-marinta barnaamijka Taageerada miisaaniyadeed ee Dalka Somalia ayaa qayb ka ah jawaab balaaran oo caalami ah oo ku saabsan hanaanka dowlad wanaaga iyo dib-u-habeeynta iyo fulinta siyaasadeed ay samaysay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Iyadoo maalin ka dib markii Bangiga Aduunka uu ku dhawaaqay barnaamijka ugu horeeya ee Kaalmaynta Horumarinta Caalamiga ah (IDA) ee Dowladda Federaalka in ka badan mudo 30 sano ah, oo u dhiganta $ 80 Milyan, iyada oo la raacayo qiimayn ku-meel-gaar ah ee IMF ee Barnaamijka Kor joogteynta Shaqaalaha (SMP). Dhanka kale, Jawaabtan wadajirka ah ee beesha caalamka ayaa u ah fursadaha cusub ee dhismaha dowlad-goboleedyada iyo qaranka ee Soomaaliya, waxay gacan wayn ka geysan doontaa kor u qaadida heerarka sareeya ee maamulka iyo la xisaabtanka Dowladda Federaalka iyo Dawladaha xubnaha ka ah Federaalka. Waxay sidoo kale gacan wayn ka geysan doontaa sii xoojinta kalsoonida caalamiga ah ee Dowladda Federaalka iyadoo loo eegayo dhisida dib u habeynta xoogan ee loogu talagalay Hay’adaha Maaliyadeed ee Caalamiga ah ee ka yaraynta deemaha lacagaha ee wadamada aan dhaqaalaha haysan ee saboolka ah. Ugu dambeyn, Midowga Yurub, oo ah deeq bixiyaha ugu weyn Somalia, waxaa ka go’an ah inuu taageero waddanka si uu u gaaro himilooyinka horumarineed ee ku saleysan Qorshaha Horumarinta Qaranka, tani waxay la socotaa qaabaynta dhaqaalaha iyo ka dhaafida deynta waxay dalka u horseedi kartaa marxalad cusub oo barwaaqo ah. PUNTLAND POST The post Midowga Yurub oo shaacisay inuu Dowladda Somalia ku Taageerayo Malaayiin EURO appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo (PP) ─ Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa soo xiray shir lagaga hadlayay sidii la isaga kaashan lahaa dabar-goynta xanuunnada faafa ee deegaannada ku yaalla Soohdinnada ay wadaagan Kenya iyo Somalia. Shirkan oo maalmihii lasoo dhaafay ka socday magaalada Kismaayo oo ah xarunta maamulka Jubbaland, ayaa lagaga hadlayay sidii Wasaaradaha Caafimaadka Jubbaland iyo Kenya ay isaga kaashan lahaayeen badqabka dadka ku nool deegaanada xuduudda. Sidoo kale, Waxaa warbixinta lagu sheegay in mashruucan uu hoos-tagayo Dowlad-goboleedyada Kenya ee xuduudka la leh Jubbaland, waxaana kor ka maamulaya Wasaaradaha Caafimaadka Jubbaland iyo Kenya. Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa xusay inay muhiim tahay is-kaashiga dhinacyada Nabad-galyada caafimaadka iyo xiriirka bulshooyinka ku nool soohdinta labada dal, dhammaan Hay’adaha mashruucan fulinaya ayuu bogaadiyay, isagoo sheegay inay tahay shaqo xilligeeda kusoo aadday. Dhanka kale, Axmed Madoobe ayaa mahadcelin u jeediyay Dowlada Kenya oo garab is-taagtay shacbaka Gobolka si gaar ah wuxuu ammaanay ciidanka qaybta ka ah AMISOM ee Kenya sida ay dadaalka ugu bixiyaan dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab oo weli dhibaato ku haysa shacabka Somalia iyo kuwa Kenya. Ugu dambeyn, Bulshooyinka Xuduudaha ku nool ayuu xusay in dano badan ay ka dhexeeyaan, sidaas awgeedna Dowladda Kenya ayuu ka codsaday in ay dib u furto waqti dhow xuduudka si noloshu ay u noqoto mid isku xiran dadkuna ay dhaq dhaqaaq u samayn karaan. PUNTLAND POST The post Xuduudda u dhexeysa dalalka Soomaaliya iyo Kenya oo la codsaday in dib loo Furo appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Wasiirka Maaliyadda Somalia, C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa faahfaahin ka bixiyay Lacagaha lagu leeyahay Somalia oo gaaraya sida uu sheegay $4.5 bilyan [Afar bilyan iyo bar Doollarka Mareykanka ah]. Bayle oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay inay Dowlado dhowr ah u yimaadeen una sheegeen in Somalia ay ku leeyihiin lacago deymo ah, balse ay u sheegeen inay la yimaadaan caddaymo muujinaya saxiixyadii Dowladdii hore ee Soomaaliya, maaddaama uu dalku ka dhacay burbur, isla markaana uusan jiri keyd loo noqdo. Sidoo kale, Wasiirku wuxuu sheegay inay Waddamadaas Qaarkood ku guul-darraysteen inay keenaan caddeymo dhab ah oo lagu qanci karo, taasoo keentay inay ka jaraan kharashaadkii ay sheegteen, waxayna hadda lacagta deynta ah ka dhigeysa afar bilyan iyo bar doollar, halka ay markii hore ka ahayd shan bilyan Bilyan iyo bar. Madaxda Dowladda Somalia ayuu sheegay inay ka go’an tahay hagaajinta maamulka maaliyada si caalamku u aamino Somalia loogana cafiyo deymaha lagu leeyahay. Dhanka kale, Wada-hadallada deymaha caalamka looga cafinayo Soomaaliya ayaa dhamaanaya marka la gaaro bisha may ee sanadka soo socda 2019-ka, taasoo qayb ka noqonaysa dadaallada ay dowladdu ku doonayso in Somalia ay ku noqoto wadda aan dameyno lagu lahayn. Ugu dambeyn, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa muhiimad gaar ah siineysa hagaajinta maamulka maaliyadda dalka oo sida uu sheegay wasiirka Maaliyadad ku xiran hormar la gaaro. Haddaba DHAGEYSO: Codka Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya; https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/09/DHAGEYSO_Bayle_oo_ka_hadlay_Daymaha_Somalia.mp3 PUNTLAND POST The post Xukuumadda Somalia oo ka hadashay Deynta uu Caalamku lagu leeyahay Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
The government has offered a three-month amnesty to youths in Northeastern who have joined al Shabaab to surrender. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wadamada Gacanka Carbeed waxa ay isu qaabeynayaan sidii ay ku noqon lahaayeen quwado waa weyn oo saameyn ku leh Geeska Afrika, waxaana sidaas ku riixaya hal cabsi oo ay dhinaca kale ka qabaan. Alex de Waal oo maamula hay’adda cilmi baarista nabadda dunida ee taal Jaamacadda Tufts ee Mareykanka waxa uu sheegayaa in dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka ay raadinayaan xalka cabsi ay mustaqbalka ka qabaan Iran “Ku dhawaad 10 sano kahor Sucuudigu waxa uu bilaabay qorshaha maamulidda marinka badda ee baayacmuushtarka maro (Red Sea Fleet) iyo Badda Cas,” ayuu u sheegay De Waal. “Waxaa ugu wacan cabsi ay ka qabto in Iran ay xirato marinka kale ee Strait of Hormuz (Marin biyoodka u dhexeeya Iran iyo Imaaraadka) kaas oo ay baayacmuustarki ka baxaan, Sucuudigu waxa uu u baahan doonaa meel ay dhabbe ay uga maarmaan si ay Shidaalkooda u dhoofiyaan. Taas, waxa ay keentay in ay dhisaan dhuumo iyo meelo lagu sifeeyo shidaalka oo ku yaal xeebta Badda Cas, ayna diiradda saaraan marinka Bab-el-Mandeb ee Geeska Afrika dul-mara”.” Elizabeth Dickinson, oo ah fallanqeeye ku takhasustay Carabta, kana mid ah kooxda caalamiga ah ee xasaradaha aduunka (International Crisis Group), waxa ay sidoo kale qabtaa in Boqortooyada Sucuudiga ay dardar galin ku waddo ku lug lahaansheheeda siyaasadda caalamiga ah. “Sucuudiga waa deeq bixiyo weyn waxa uuna diblomaasiyadda Africa u arkaa ahmiyadda kowaad.” Elizabeth waxay sidoo kale tiri “Imaaraadka, waxa ay iyaduna isu qaabeysay noqoshada mid maalgaliye dhinaca saadka, dekeddaha iyo horumarinta ganacsiga,” ayey sharraxday. Bishii Agoosto ee sanadkan 2018, Itoobiya waxa ay ku dhawaaqday in Imaaraadka qorsheeneyso maalgashiga dhuumo dhexmara Eritrea iyo Itoobiya. Arrintan ayaa timid bil kaddib markii uu Madaxweynaha Eritrea Isias Afwerki ku soo dhaweeyey caasimadda Eritrea ee Asmara Ra’iisul Wasaaraha is bedel doonka ah ee Itoobiya Abiy Ahmed markii ugu horreeysay 20 sano kaddib. Bishii Sebteembar, muddo yar kaddib heshiis Jiddah, Afwerki waxa uu ku laabtay gacanka. Markan waxa uu u safray Abu Dhabi isaga oo wadahadallo iskaashi dhaqaale iyo maalgashi kala hadlay dhaxal sugaha. Walow labada dal ay waxyar uun ka sheegeen booqashada hadana wasiirka warfaafinta Eritrea, Yemane Meskel waxa uu Twitter-kiisa soo dhigay sawir ku saabsan kulanka labada hoggaamiye. Arrimahan oo idil waa sababaha gadaal ka riixaya loolanka cusube ee Sacuudiga iyo Imaaraadka ay ka wadaan Geeska Afrika. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
On Sept. 21, 2013, as terrorists stormed the upscale Westgate Mall in the heart of Nairobi, most Kenyans had been struggling with the implications of the fact that their deputy president, William Ruto, was on trial at The Hague, accused of committing crimes against humanity — as his boss, President Uhuru Kenyatta, would be several months later. Source: Hiiraan Online
-
Dowladda Soomaaliya waxaa uga soo hooyatay guul la taaban karo dhinaca dhaqaalaha iyada oo horumar ballaaran ka sameysay, taas waxaa caddeyn u noqotay tallaabadii uu Bangiga aduunka u bilaabay in uu Soommaaliya dib u siiyo deeq. Sida uu Bangiga shaaciyey waxa ay Soomaaliya deeq ahaan u siiyeen $80m oo loo kala qaaday $60m oo loogu talagalay dib u habaynta maaliyadda Soomaaliya, halka $20m loo qoondeeyey xoojinta awoodda dakhliga Soomaaliya. Hadaba, maxay tallaabadaas ka dhigan tahay? Go’aanka uu Bangiga qaatay waxa uu noqday mid sare u qaada niyadda Xukumadda Soomaaliya oo dhawaanba dagaal kula jirtay musuq maasuqa oo loo xiray mas’uuliyiin badan halka qaar kale looga eryey shaqadii. Taas waxa ay muujineysaa in laba melba horumar la taaban karo ay Xukumadda ka sameeysay sida 1 – In la dagaalanka musuq maasuqa oo ay dowladda ka tahay daacad Arritnta waxaa xoojiyey aaminaadda deg deg ah ee Bangiga aduunka xilli sidoo kale IMF-tu ay dowladda ku ammaantay horumarada dhinaca maaliyadda iyo daahfurnaanta la’isku haleyn karo. IMF iyo Bankiga Adduunka lacag ma daymiyaan mana siiyaan dowladaha dunida illaa ay kala yimaadaan caddeymo muujinya in habkooda maaliyadeed yahay mid ka caafimaad qaba musuq-maasuqa hoggaanka dowladda. Dowladda Soomaaliya ayaa dadaallo arrintan ku aadan wadday sanad ka badan, waxaana ay xubno badan u qabatay una xirtay kiisas musuq-maasuq. Waxaa cad in caalamka ku qanacsan yahay dagaalka dowladda ee musuq-maasuqa iyo madaxda sare aysan ku lug lahayn. 2 – In dowladda hagaajisay nidaamkii maaliyadda Soomaaliya Dowladda waxa ay uga dhigan tahay go’aanka Bankiga aduunka in ay guul ka gaadhay yoolkii ay ka lahayd hagaajinta nidaamka maaliyadeed oo kahor inta aysan xukunka qaban ahaa mid maalin cad la dhaco aadna u liitay. Xulashadii Bayle ayaa Iyana noqotay mid qeyb weyn ka qaadatay hagaajinta nidaamka dhaqaale maadama wasiirka Maaliyadda yahay shaqsi aqoon durugsan u leh dhinacaas una muuqda mid ay ka go’an tahay dhisidda haykal dhaqaale oo qeyb weyn ka ciyaara hore usocodka dalka. Qodobkan iyo midka koowaadba waxay muujinayaan inay yihiin laba arrin oo dowladda madaxweyne Farmaajo kaga duwan tahay dowladihii ka horeeyey. W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad Muqdisho, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Two blasts in El Wak town near Mandera on Thursday left 2 people confirmed dead and several others seriously injured. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore Arrimaha Dibedda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa si kulul uga hadlay falkii bahalnimada ahaa ee toddobaadkii hore qaab cunsurinimo ah loogu gubay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabay Axmed Dowlo. Yuusuf Garaad oo arrintaas ka hadlaya ayaa bartiisa Facebook ku soo qoray dhigaalkan hoose. “Mas’uul iyo Muwaaddin kasta oo Soomaali ah oo daneynaya in Soomaaliya ay hesho nabad waarta iyo caddaalad sugan, kuna tallaabsato horumar muuqda waa in uu u dhabba galaa waxna ka qabtaa ama ugu yaraan uu ka yiraahdaa dilka Allah ha u naxariistee Axmed Mukhtaar Saalax (Axmed – Dowlo). Waxaa la ii sheegay in Axmed nolosha lagu gubay xaafadda Towfiiq, Degmada Yaaqshiid, caasmiaddeenna Muqdisho Kahmiis ay bishan September ahayd 20, sannadkan 2018. Muwaaddin Axmed waxaa lagu dilay maxaad u noqotay qabiilka aad tahay! Ma isagaa doortay oo ku biiray mise Allah ayaa ka beeray? Si kale haddii aan u dhigo waxaa lagu dilay, maxaa aabbahaa kuu dhalay! In qarnigan muwaaddin Soomaali ah ay Soomaali kale nolosha ku gubto, isla markaana aan Dowladda iyo shacabkuba aanay aad uga gilgilan oo kaalinta kaga aaddan ka soo bixin si aan lala daahin, waxay diri kartaa farriin gurracan, waxayna dib noogu celineysaa casri jaahiligii ka horreeyay diinteenna. Anigu si adag ayaan u cambaareynayaa falkaas ciddi geysatay iyo cid kasta oo ka raalli ah. Madaxdeydana waxaan ka dalbayaa in ay baaritaan iyo xaqiijin ka dib ay sugaan caddaaladda.” Dihinaca kale hadalka Yusuf Garaad ayaa imaaneya xilli ay wali xiran yihiin qoyskii geystay falkaas halka dowladda Soomaaliya ay Hotel ay todobada ku qaataa dejisay labadii lamaane ee ay dhibta ka soo bilaabatay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
The full brunt of the sun pierces through the plastic roof of Hassan Noor’s one-room home in Dadaab, a refugee camp located in northeastern Kenya. Source: Hiiraan Online
-
BERLIN (Reuters) - Chancellor Angela Merkel said on the eve of talks with President Tayyip Erdogan that Germany wanted to work with Turkey economically, but added she would also raise sensitive issues of human rights and prisoners with him. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa shalay oo Taariikhdu Tahay 27/09/2018 u fariisatay dacwad ciqaabeed loo haystay Eedeysanayaasha kala ah Daahir Maxamed Nuur oo ah Agaasimaha waaxda Dib U dejinta Barakacayaasha Ee Wasaaradda Gargaarka & Maareynta Musiibooyinka iyo Maxamed Cumar Macallim oo ahaa Xoghayaha Joogtada ah Ee Wasaaradda Gargaarka oo ahaa maqane. Waxaa Maxkamadda furay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Garyaqaan Muuse Macallim Maxamed. Sidoo kale waxaa dacawada ka soo qeyb galay Xeer Ilaaliayaha Guud Ee Qaranka Dr.Axmad Cali Daahir iyo ku xigeenadiisa, waxaa kaloo goob joog ahaa Qareenada difaacayay Eedaysane Daahir Maxamed Nuur waxayna Maxkamddu guda gashay Dhagaysiga Dacwadda loo heystay Eedaysanayaasha. Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Garyaqaan Muuse Macallim Maxamed ayaa U aqriyay Eedda loo haysto Eedaysanayaasha uu goob joog ahaa Daahir maxamed nuur, waxaana dooda qaatay Xeer ilaalinta oo ku oogeysay Dacawadda loo haysto eedeysanayaasha. Qareennada difaacayay Eedeysane Daahir Maxamed Nuur ayaa sidoo kale ka difaacay Eedda lagu soo oogay Muwakilkooda kuwaas oo soo bandhigay difaacooda sharci. Ugu dambeyn Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka banaadir ayaa mar kale balamiyay dhagaysiga dacwada maalinta khamiista soo socota inta ka harsan.