Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,415
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dalku Marxalada Umarayo Laguma Daawan Karo Madaxwayne. Dalku Wuxu Ubaahnyahay Horumar Waa In Madaxwayne Biixi Uu Qadaa Talaabo Kaste Oo Dalka Horumarinasa Hadii Kale Waa in Aan isla Bakhtiyaynaa waxaa Ina Haysta Dhibatooyn Farabadan -Dhibatadii Abaarta Oo Ina Haysata Wali -Xoolihii Oo Gabi ahaanba Inaga Dhamada. -Hayadihii Oo Uwareegay Dhincaas iyo Somalia . -Somalia Oo Dawladhii Dunida Iyo ——-Hayadihiiba Tiri Anaga Nasoo Mara. -Xidhiidhkii Arimaha Dibadda oo Wiiqmay -Sixir bararkii Oo Wali Ina haysta -Gaabis ka Muuqda Bulshada iyo Dawladaba. -Jabahadii Caare oo Halkeedi ah -West Burco Clan oo Waxtirsanaya. Waxaa Laga Bixi Karaa oo Qudha Dhibatoyinkaas. -Madaxwaynaha Oo Wax ka qabta Arimahaas.Dag dag Gobolada Bari Ugu Baxdaa. -Furataa Gogol Wada Tashi ah -Tashiga Bulshada Oo badsado. -Ismail Hure iyo Mujahid Ina Mire Ood Golahaaga Wassirada Ku Soo Darto. Sidee Dalkan Dhaqaale Loogu Raadshaa loona Joojiyaa Sixir Bararka -Waa in Khbaro Dawladu Doontaa Ka Tala bixya Sida Sixir bararka loola Tacaalo Kuwaaso Ka soo Shaqeeyey Wado Sixir Bararku Saameyey. -Wadamada Jaarka ah iyo Dunidaba Baaq Caawimo Udirsanaaa -Waa in Deeqa Somalia Qaybteena Aan Soo Dhicsanaa -Waa in Gudi Maqaam sare ah Loo Kala Dira Dunida . Waa in Dawlada Amaradeedu Shaqaysaa. By Aqoonyahan Rajab Ismail Salah. Hargeisa Somaliland 00252-63 4416899 Rajab03@Hotmail.com Source
  2. War Deg deg ah oo kooban oo hada Warbaahinta Puntlandi.com kasoo gaaray Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa sheegay in Madaxweyne Shariif Xasan Sheikh Aaden uu aqbalay iscasilaada ay iscasileen Xubno ka tirsan Gudiga Doorashada Koonfur Galbeed oo goor dhaweyd is casilay. Sida uu Warka naga soo gaaray Waxaa iyana soo kordhaya xubnaha is casilaya oo ka tirsanaa Gudiga Doorashada. Sargaal ka tirsan Madaxtooyada Koonfur Galbeed oo la hadlay Puntlandi.com ayaa yiri ” Madaxweyne Shariif isagoo dareensan culayska shaqaaqada lagu hayo Gudiga Doorashada wuxuu aqbalay iscasilaadooda”” Sida Muuqata Doorashada Koonfur Galbeed ee lagu waday iney dhacdo 17/11 waxaa hada soo wajahay jahawareer Siyaasadeed. Puntlandi.com Source
  3. (SLT-Hargaysa)Guddoomiyaha Xisbiga Mucaarid ah ee WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa jawaab adag ka bixiyay hadalo dhawaan ka soo yeedhay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Gudoomiye Cirro waxa uu ku eedeeyay Madaxweyne Biixi inaanu daacad ka ahayn Kulamadii kala duwanaa ee ay yeesheen islamarkaana uu dheel dheel iyo ciyaar uun uga jeeday, waxa uu nidar ku galay inaanu kulan dambe keligii la yeelan doonin, isagoo sidoo kalena sheegay inay masuuliyadda Madaxweynaha tahay oo lagala xisaabtami doono inay doorashada Golayaasha Qaranku wakhtigooda ku qabsoomaan. Gudoomiye Cirro oo ku sugan Dalka Ingiriiska ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa “Maamuladdii kala dameeyay ee Somaliland Soo maray midba duruufihiisa ayuu lahaa,laakiin dhaliilo intii hore ka badan ayaa Xukuumaddihii kala dambeeyay ee Kulmiye Shacbigu usoo jeedinayay,hadii ay tahay Midnimada Shacbiga, hadii ay tahay Dhinaca Amniga, haddii ay tahay Dhaqaalaha, inta dhaliilo faro badan ayay shacbigu hadh iyo habeen soo jeedinayaan in badani wax way ka jiraan Soo jeedimahaasi Shacbiga ka imanaysaa iyo dhaliilahaasi”ayuu yidhi gudoomiye Cirro oo u waramay Universal tv. Sidoo kale gudoomiye Cirro waxa uu sheegay in masuuliyada doorashadu ay saaran tahay madaxweyne Muuse Biixi waxaanu yidhi “Qaranka waxaa hogaaminaya oo sida dastuurku sheegayo ka masuul ah Madaxweynaha, Doorasho inuu qabtana Madaxweyaha ayuu xilkeedu saaran yahay,wixii dhaliil ah ee Dib u dhaceeda ku yimaadana isaga ayaa ka masuul ah, annagu doorashada diyaar ayaanu u nahay Xisbi ahaan, Mana aha markii u horaysay ee komishanka la soo jeediyo in la badelo, Xisbiga KULMIYE 2009-kii waxa uu soo jeediyay in Komishanka la badelo isaga oo aan waliba doorasho qaban, waxa uu soo jeediyay in Doorashadii deenka iyadoo markaa diyaar ahayd in dib loo dhigo, labadii arimoodba waa uu aqbalay Madaxweynihii wakhtigaasi Daahir Riyaale Kaahin, Muu odhanin Maxkamadda Ha tagaan, Markaa waxaan qabaa Sabab kasta oo ay Doorashadu dib ugu dhacdo masuuliyadeeda Cidi la wadaagi mayso, Madaxweynaha ayaa iska leh”. Dhinaca kale gudoomiye Cirro ayaa faah faahin ka bixiyey siyaasada uu xisbiga Waddani kula dhaqmayo xukuumada “waxa laga yaabaa in Dadka Qaarkood ay yidhaahdaan WADDANI dawladda wuu ku kacsan yahay, laakiin waxaan sheegayaa inaan Toban jeer la kulmay Madaxweynaha, Anigoo keliday ah iyo anaga oo Xisbiyo ah ama Xisbiga WADDANI kelidiis ah, intaa waxaanu kala hadlaynay dee arimo qaran uunbay ahaayeen, Doorashooyinku ka mid ayay ahaayeen, haseyeeshee Waxaa ayaan daro ah Maalintii dhawayd ee BBC-du waraysiga ka qaaday Madaxweynaha, waxaa ka muuqatay Madaxweynaha Hadalkiisa ama Nuxurkiisu ahaa Kuma khasbani wixii talo ah ee ay soo jeediyaan Xisbiyadda Mucaaridka ahi, taas macnaheedu waxa weeyi inaannu qiime weyn siinaynin Waxaasi oo kulamo ah ee lala yeeshay Macnahiisu waxa weeyaan uun sidaan anigu u fahmay “ii kaalaya aan isla kiin sawiro, taydana waan ku soconayaaye”, taasina arin Suurtagalaysa maaha, anigu shakhsiyan waxaan hadda u sheegayaa dhamaan shacbiga reer Somaliland, anigu shaqsiyan laba jeer ayaan la kulmay Madaxweynaha, Markaan dhagaystay hadalkiisii maalintii dhawayd iyo qiimaha uu siinayo Gudoomiyayaashu inay la kulmaan iyo Axsaabtu waxaa iiga muuqata inaanay Macno badan u samaynayn la kulankoodu, markaa Shakhsiyan waxaan go’aansaday inaanan mar saddexaad keligay Madaxweynaha la kulmin”. Ayuu hadalkiisa ku soo gabo gabeeyay. Source
  4. Baydhabo (Sh.M.Network) – Gudoomiyihii Guddiga doorashooyinka maamulka Koonfur Galbeed Carfo Ibraahim Aadan ayaa iska casilay xilkii uu hayey, kaasi oo loo magacaabay dabayqaadda bishii hore ee sanadkaan. Ma cadda sababta ka dambeysa sababta is-casilaadda Gudoomiyaha, taasi oo kusoo aadaysa xili doorashooyinka Madaxwaynaha dowlad goboleedkaan ay ka harsan tahay 12 maalmood oo qura lana filayo inay dhacdo 17-ka bishaan November. Carfo oo ah mudane ka tirsan Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo warbaahinta kula hadlay magaalada Baydhabo wuxuu ka dhawaajiyey hadadalo kala duwan oo ay salka ku hayso inuu ka tago xilkii Gudoomiynimo. Is-casilaada Gudoomiyaha ayaa imaaneysa xili maanta oo Isniin ah uu Guddiga ubilaabay diiwaan-gelinta murashaxiinta, waxaana ugu horeeyay Mukhtaar Roobow, kaasi oo uu Carfo kamid ahaa madaxdii shahaada siisay Roobow. The post Gudoomiyihii Guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed oo is-casilay appeared first on Shabelle. View the full article
  5. Baydhabo (Caasimada Online) – Inta badan xubnaha guddiga doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay inay is-casileen, taasi oo jahwareer ku tuureysa doorashada la qorsheeyey inay 17-ka bishan ka dhacdo magaalada Baydhaba. Xubnaha is-casilay ayaa waxaa ka mid ah xildhibaan Carfo Ibraahim Aadan, oo ahaa Guddoomyihii Guddiga Doorashada ayaa sheegay in sababta uu isku casilay ay tahay faragelin ku heyso dowladda Federaalka Soomaaliya. Waxaa sidoo ku dhawaaqay inuu is-casilay guddoomiye ku xigeenkii guddiga doorashada Koofur Galbeed Mahad Maxamed Ciise. Warar ka ayaa sheegaya in xubno ka tirsan guddiga doorashada oo gaaraya 11 xubnood saxaafada kula hadlay magaalada Baydhabo ay shaaciyeen inay iska casileen xilka xubinimada Guddiga doorashada Koofur Galbeed. Is-casilaada Guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa iyo xubnaha kale, oo aheyd mid kadis ah ayaa waxaa la aaminsan yahay inay ka dambeysay kadib markii ay soo baxeyn warar sheegayo inuu Shariif Xasan is casili rabo. Guddoomiyihii Guddiga doorashada Koonfur Galbeed ee Maanta is casilay Carfo Ibraahim Aadan ayaa Maanta waxa uu shahaadooyinka musharaxnimo guddoonsiiyay ilaa Saddex musharax oo u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed. Guddomiyaha is casilay ayaa la aaminsan yahay inuu xiriir dhow la leeyahay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan, wuxuuna galabta isku dayey inuu Guddiga doorashada ka dhaadhiciyo in dib loo dhigo, balse waxaa ka hor yimid fikirkaas illaa 15 kamid ah Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed oo ku adkeystay inay doorashada dhicid doonto waqtiga loo qabtay. Xaalada magaalada Baydhabo ayaa isha lagu wada hayaa maadaama 12 maalin ay ka dhiman tahay waqtiga lagu balamay inay dhacdo doorashada madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
  6. Gudoomiyihii Gudiga Doorashada Koonfur Galbeed Carfe Ibraahim Macalin iiyo ku xigeenkiisii Mahad Ciise ayaa ku dhawaaqay iney iscasileen waxayna sabab uga dhigeen Weerar ay Villa Soomaamiya kusoo qaadeen Doorashada Koonfur Galbeed. Madaxweyne Shariif ayaa Maanta wuxuu sheegey in Doorashadii Koonfur Galbeed ay xukuumada Federaalku khalkal iyo jahawareer galiyeen ayna Carqalad qaawan ku hayaan. Iscasilaada Xubnaha ka tirsan Gudiga ayaa shaki weyn galineysa iney dooradha dhacayso iyo in kale iyadoo balanta Doorashadu ahayd 17 bishaan November. Madaxweyne Shariif Xassan Sheikh Aaden ayaa maanta wuxuu muujiyey in faragalinta Villa Soomaaliya ay ku hayaan Magaaladiisa ay hada gaartey in Amaankii iyo ololihii Doorashaduba ay khalkhal galaan. Puntlandi.com kala soco wararka rasmiga ah ee Baydhabo ka imaanaya. Puntlandi.com Baydhabo Source
  7. Muqdisho (Sh.M.Network) – Madaxwaynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Farmaajo] ayaa wuxuu warqadaha aqoonsi ee safiirnimo uu ka gudoomay Danjiraha cusub ee dowlada Finland usoo magacowday dalka mudane Eric Lundberg. Munaasabada gudoomida warqaadaha oo ka dhacday xarunta dalka looga arrimiyo ee Madaxtooyadda waxaa goobjoog ka ahaa masuuliyiin ka tirsan dowladda oo uu ku jiro Agaasimaha dhinac warbaahinta ee Villa Soomaaliya. Dowladda Finland ayaa kamid ah dalalka saaxiibada dhow la ah dalkeena xili ay qaabishay Qaxooti Soomaaliyeed oo aad ubadan, kuwaasi oo gaarey wadankaan Yurub ku yaala markii qarxay dagaalka sokeeye ee laga soo kabanayo. Danjiraha cusub oo ay soo magacowday Finland ayaa ku biiray safiirno dhowr ah, kuwaasi oo uu Madaxwayne Farmaajo ka gudoomay waraaqadahooda tan iyo markii uu xafiiska la wareegay, taasi oo muujineysa inuu soo noqonayo xiriirka caalamak iyo Soomaaliya. The post MD Farmaajo oo warqadaha ka gudoomey danjiraha cusub ee Finland appeared first on Shabelle. View the full article
  8. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacadda Shabelle ee ku xiran website-keena waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Habeen-051118.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  9. Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Isniinta maanta ah oo ku beegan 05 November 2018, qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay wefti uu hogaaminayo safiirka midowga yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mr. Fulgencio Guiz Garido. Madaxweynaha Puntland ayaa safiirka iyo weftigiisa la qaatay kulan gaar ah oo ay ku wehelinayeen masuuliyiin ka tirsan goleyaasha Dowladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, kadibna si wada jira ula hadlay warbaahinta. Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa ugu horayn sheegay inay Puntland kusoo dhoweynayaan weftiga uu hogaaminayo safiirka midawga Yurub ee Soomaaliya Mr. Fulgencio Guiz Garido, Madaxweyna ayaa xaqiijiyey inay weftiga ka wadahadleen wanaajinta xidhiidhka midawga Yurub ee Soomaaaliya gaar ahaan Puntland, dhammaystirka wadada Gaalkacyo – Garoowe iyo arrimo kale oo muhiim ah. “waxaa maanta sharaf weyn noo ah inaan halkan ku qaabilo wefti uu hogaaminayo Danjiraha midawga Yurub iyo weftiga uu hogaaminayo, waxa ay u yimaadeen inay nagala hadlaan xidhiidhka ka dhexeeya Puntland iyo EU, shaqoyinka tirade badan ee EU ka hayso Puntland, shaqooyin badan oo ay ka hayaan dhanka waxbarashada iyo kaabayaasha dhaqaalaha’’ ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland. Sido kale Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa tilmaamay in ay ka mid ahayd waxyaabihii ugu muhiimsanaa imaanshahooda dhammaystirka wadada Gaalkacyo – Garoowe oo dhismeheedu meel wanaagsan marayo, Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay inaanay waxba ka jirin warar kutiri-kuteen ah oo sheegaya in masharuuca wadadu istaagey, isla markaana waxa uu xaqiijiyey Madaxweynuhu in midowga Yurub ay wadada u raadinayaan lacago dheeraad ah oo ay ku dhammaystirayaan dhismaheeda. “dhammaystirka mashariic badan ayey u yimaadeen weftigu oo ay ugu horayso dhismaha wadada Gaalkacyo – Garoowe oo beryahan aad ka maqlayseen wararka beenta ah ee sheegaya in mashruucii wadada lumay, waxaas wax ka jiraa ma jiraan been iyo kutiri-kuteen ayey ahayd, waxay maanta halkan idiinku sheegi doonaan in mashruucu sidii uu ahaa loo hirgelinayo oo weliba ay lacago dheeraad ah u raadinayaan una soo heleen mashruucuna sidii loogu talagalay u hirgelidoono madaama uu muhiim u yahay isu socodka Soomaaliya oo dhan uma aha Puntland keliya, sidoo kale waxaan ka wadahadalay mashaariic badan oo dhan walba ah oo ay dhowaan soowadaan iyo arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan siyaasadda cakiran ee hadda jirta’’ ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland. Dhinaca kale Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Mr. Fulgencio Guiz Garido ayaa dhankiisa sheegay inuu ku faraxsan yahay markiisii ugu horaysey inuu yimaado Puntland, waxa uu tilmaamay inay Madaxweynaha ka wadahadleen xidhiidhka wanaagsan ee Puntland iyo mudawga Yurub, mashariicda horumarineed ee ay ka wadaan Puntland, maalgashiga, mashariic cusub oo ay soo wadaan, wadada Gaalkacayo – Garoowe oo uu xusay in dhismaheedu meel wanaagsan marayo, waxaana uu tilmaamay inay dedaal dheer ugu jiraan dhammaystirka wadadaasi oo muhiim u ah guud ahaan Soomaaliya, isla mar ahaantaana waxa uu marlabaad dul istaagay in mashruuca wadada Gaalkacyo – Garoowe dardar gelin doonaan dhismaheeda una dhammaystiri doonaan sida ugu macquulsan. PUNTLAND POST The post Midowga Yurub oo beeniyay in joojiyeen mashruuca dayac-tirka wadada Garoowe iyo Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
  10. (SLT-Hargeysa)-Madax-dhaqameedka ka mid ah guddiga guud ee beelaha habar-jeco oo ka hadlay nin xalay lagu dilay deegaanka Ceel-afweyn, Halkan hoose ka DAAWO Source
  11. Baydhabo (PP) ─ Guddoomiyihii guddiga doorashooyinka maamulka Koonfur-galbeed Soomaaliya, Xildhibaan Carfo Ibraahim Aadan ayaa goor-dhaw ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu hayay. Xildhibaan Carfo oo shir jaraa’id k qabtay Baydhabo ayaa sheegay in sababta uu isku casilay ay ku timid fara-gelinno uu sheegay in Dowladda Federaalka ah ay ku hayso doorashada Koonfur-galbeed oo dhacaysa 17-ka bishaan. Tallaabada uu guddoomiyuhu isku casilay ayaa imaanaysa kaddib markii uu maanta shahaadada doorashada uu qaatay Sheekh Mukhtaar Roobow Cali oo horay uga tirsanaa Al-shabaab, kana mid ah xubnaha doorashada Koonfur-galbeed ku tartamaya. Sidoo kale, Warar aan la hubin ayaa sheegaya in Madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed Shariif Xasan Sh. Aadan uu ka tanaasulay ka Qayb-galka tartanka doorashada maamulka Koonfur-galbeed, inkastoo aysan jirin wax faahfaahin ah oo intaas dhaafsiisan. Magaalada Baydhabo ayaa dhawaanahan waxaa ka socday diyaar-garow loogu jiro doorashada dhici doonta dhammaadka bishan, waxaana xilkaan ku tartamaya in ka badan labaatan qof oo ay ku jirto haweeney doonaysa inay xilka qabato haddii loo doorto. Dhanka kale, Is-casilaadda guddoomiyaha guddiga doorashada Maamulka Koonfur-galbeed ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli dhawaanahan si aad ah looga dalbanayay Dowladda dhexe ee Somalia inay fara-gelinnada ka dayso doorashada. Ugu dambeyn, Wixii warar ah ee kasoo krodha is-casilaadda guddoomiyaha guddiga doorashada Maamulka Koonfur-galbeed, waxaad kula socon doontaan wararka soo socda ee Puntland Post. PUNTLAND POST The post Guddoomiyihii Guddiga Doorashooyinka ee Maamulka Koonfur-galbeed oo Is-casilay appeared first on Puntland Post.
  12. Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta warqadaha ka guddoomay Danjiraha Dowladda Finland ay u soo magacaawday Soomaaliya Mudane Erik Lundberg. Danjire Erik ayaa Madaxwweynaha Jamhuuriyadda u gudbiyey farriin uu uga siday Madaxweynaha dalkiisa Mudane Sauli Niinistö. Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Danjire Siciid Xaaji Maxamuud oo goobjoog ka ahaa munaasabaddan ayaa xusay taariikhda xiriirka labada dal iyo muhiimadda ay leedahay in la dardar-geliyo iskaashiga saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Finland. “Dalka Finland waxaan la wadaagnaa xiiir saaxiibtinimo oo ku suntan wakhtigii Soomaaliya ay xurriyadda qaadatay, maadaama ay ka mid ahaayeen dalalkii ugu horreeyey ee ictiraafa madaxbannaanideena. Sidoo kale waxa ay na garab taagnaayeen wakhtiyadii burburka iyagoo gacan ka gaysta ilaa haatan arrimaha caafimaadka, waxbrashada iyo gargaarka xaaladaha bini’aadantinimo.” Ayuu yiri Xoghayuhu. Ugu dambeyn, Danjire Erik Lundberg ayaa uga mahadceliyey Farmaajo ka guddoomidda warqadahiisa aqoonsi ee Safiirnimo, isagoona tilmaamay in dalkiisa ay muhiim u tahay joogtaynta xiriirka labada dal iyo inuu noqdo mid ku saleysan iskaashi iyo xaqiijinta danaha labada shacab ee dalalka Finland iyo Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha DF oo Warqadaha Aqoonsiga ka Guddoomay Danjiraha Cusub ee Finland appeared first on Puntland Post.
  13. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaano ka tirsan golaha wakiillada Somaliland ayaa xukuumadda Somaliland ku eedeeyay inay dayacday dhulka bariga gobolka Sanaag oo si toos ah ula wareegay maamul goboleedka Puntland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  14. Guddiga doorashada madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa maanta shahaadada diiwaan-gelinta siiyey Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur, isagoo noqday musharaxii u horeeyay ee la siiyo shahaadada musharaxnimo. Guddiga doorashada ayaa xaqiijiyay in Mukhtaar Roobow uu buuxiyay shuruudihii looga baahnaa ee Musharaxnimo, sidaas darteed uu hada yahay Musharax rasmi ah. Guddiga Doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa sidoo kale u fasaxay Mukhtaar Roobow inuu u tartami karo doorashada Madaxweynaha, maadaama uu yahay muwaadin ka soo jeeda deegaanada Koofur Galbeed, isla markaana aanay jirin dambi loo heysto oo ay Maxkamad xukuntay. Dhinaca kale, Waxaa isna warqadaha aqoonsiga murashaxnimo laga qabtay taliyihii NISA Mudane Xuseen Cusmaan Xuseen . Xuseen Cusmaan Xuseen ayaa October 13, 2018, iska casilay xilka Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka Soomaaliya (NISA) ,isagoona warqadiisa iscasillaada u gudbiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Waxaa soo xoogeysanaya wararka sheegaya inuu Shariif Xasan Sheekh Aadan ka hari doono doorashada madaxtinimada Koonfur Galbeed. Warkaan oo guuxiisu uu saacado ka hor bilaawday ayaan la ogeyn sida uu dhab u yahay. Balse waxaan dib u eegeynaa culeesyada heysta Shariif Xasan ee ku qasbi kara inuu ka haro doorashada, oo uu ku jiray dadka loo badinaayo iney kusoo baxaan. 1-Shacabka Shacabka Koonfur Galbeed ee ku sugan dalka iyo dibbada ayaa si baaxadleh u muujiyay diidmo ku aadan inuu Shariifka dib usoo laabto, waxey ku eedeyeen inuu maamulkii fadhiid ka dhigay deegaanka, waxaana ay dalbadeen isbadal. 2-Imaarate-ka Shariif Xasan waxaa uu sugayaay in lasoo gaarsiiyo lacag ka imaneysay Imaarate-ka oo uu rabay inuu doorashada ku galo, lacagtaas waxaa soo qaadi lahaa Cumar Cabdirashiid iyo Jurrile laakiin waa la waayay, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in Villa Soomaaliya iyo imaaradku ay is fahmeen. 3-Dowlada dhexe Shariif Xasan ayaa dareemay culees xoogan oo kaga yimmid Dowlada dhexe ee Soomaaliya, taas oo gadaal ka taagan labo musharax oo xoogan, waxaa xildhibaanadii Koonfur Galbeed intoodii badneyd ay joogaan Xamar taas oo ka dhigan in si walbaba aaney Shariif dooran doonin. Villa Soomaaliya ayaa go’aan ku gaartay in Shariif Xasan meesha laga saaro. 4- Musharaxiinta isbadal doonka ah Sida lagu yaqaano siyaasada Soomaaliya, mar walba musharaxiinta isbadal doonka ah waa iska hadaf, waxaana ay ka siman yihiin in laga adkaado qofka xilka haya. Shariif waxaa uu dareemaya inuu kaligiis yahay ayna adag tahay inuu soo laabto. Afartaan arrimood ayaa loo sababeyn karaa hadii uu Shariif Xasan ka tanaasulo doorashada madaxtinimada ee Koonfur Galbeed. W/Q: Xuseen Cabdullahi Aadan Baydhaba, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  16. Muqdisho ( Sh. M. Networl)-Dabley hubeysan ayaa lagu soo warramayaa in goor dhow dil ay ka geysteen deegaanka Tareedisho ee duleedka magaalada Muqdisho. Dilkan ayaa la sheegay in loo geystay Askari ka tirsanaa Ciidamada dowladda oo watay Gaari Saarif ah oo maray halkaasi. Sida ay dad Goobjoogayaal ah u xaqiijiyeen Shabelle Ragga dilka geystay ayaa Askariga ka qaatay Qoray iyo Gaarigii uu watay. Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in kooxdii ka dambeysay dilkaasi oo watay Mooto nuuca loo yaqaano Vekon-ta ay goobta isaga baxsadeen. Dilka kadib waxaa goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo durbo baaritaano ka bibaalay qeybo ka mid ah deegaanka Tareedisho ee duleedka Muqdisho. Muddooyinkii dambe waxaa gudaha Caasimadda iyo nawaaxigeeda ku soo badanayay dilalka qorsheysan ee ka dhanka ah Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya. The post Kooxo hubeysan Oo dil ka geystay duleedka Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  17. Baydhabo (Caasimada Online) – Warar aad isu soo taraya oo nasoo gaaraya, ayaa sheegaya in madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan uu ka harayo tartanka doorashada madaxweynaha ee dhacaya 17-ka bishan November. Shariif Xasan ayaa la xaqiijiyey inuusan guddiga doorashada maamulka u gudbin warqadihiisa is-diiwaan gelinta maanta, xilli shahaadooyinka la siiyey musharaxiin ay ka mid yihiin Mukhtaar Roobow iyo Cabdicasiis Lafta-gareen. Sida ay wararku sheegayaan, Shariif Xasan ayaa la filayaa inuu go’aankiisa ku dhawaaqo galabta ama berri. Xafiiska Shariif Xasan oo aan la xiriirnay ayaa diiday inay xaqiijiyaan ama beeniyaan warkan, waxayna sheegeenin laga war-sugo go’aankiisa, islamarkaana uu isaga ku dhawaaqi doono inuu musharax yahay iyo in kale. Illaa iyo hadda ma cadda sababta ku kalifaysa Shariif Xasan go’aanka noocan ah, balse wararka qaar ayaa sheegaya inuu heshiis hoose la galay dowladda federaalka Soomaaliya, oo taageereysa musharax Cabdicasiis Lafta-gareen. Xubno ku dhow Shariifka, oo aan la xiriirnay ayaa diiday inay qiraan warkan, balse waxay sheegeen in xildhibaanadii Koonfur Galbeed ay dowladda ku haysato Muqdisho, taasina ay go’aanka noocan ah ku kalifi karto inuu qaato Shariif Xasan. Ilaa lix xubnood oo ku dhow Shariifka oo aan la hadalnay ayaa waxaa ka muuqatay in warkan uu jiro, balse aysan dooneyn inay xaqiijiyaan, ka hor inta uusan Shariifka hadlin. Wixii warar ah ee kusoo kordha, waan idinla soo socod siin doonaa Insha Allah. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
  18. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka wasaaradda xidhiidhka golleyaasha Somaliland ayaa si adag uga hadlay marxuun xalay lagu dilay deegaanka Ceel-afweyn, Halkan hoose ka DAAWO Source
  19. (SLT-Hargeysa)-Maamulihii hore ee garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa Maxamed Yuusuf Ismaaciil oo loo magacaabay maamulaha madaarka Berbera ayaa yidhi meesha lay magacaabay meel jirta maaha ee waa saldhig millatari, Halkan hoose ka DAAWO Source
  20. Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Haysom iyo wakiilka midowga Afrika Amb, Francisco Madeira ayaa Gaalkacyo kula kulmay madaxweynaha Galmudug Axmed Geelle Haaf, iyagoo ka wada xaajooday arrimaha siyaasadeed iyo xiriirka dowladda federaalka ah. Source
  21. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa shir guddoomiyay kulanka 22-aad ee kalfadhiga 4-aad ee golaha shacabka BJFS. kulanka oo ay goobjoog ahaayeen 139 xildhibaan ayaa guddiga xuquuqul insaanka ee golaha shacabka waxa ay ku soo bandhigeen warbixinta akhrinta labaad hindise- sharciyeedka hay’adda Naafada Qaranka Soomaaliya. Guddoomiyaha guddiga xuquuqul insaanka ee golaha shacabka Xildhibaan Xaawa Yuusuf Axmed ayaa golaha usoo bandhigtay qodobada ay ku kordhiyeen hindise-sharciyeedkan iyo meelaha ay wax ka badaleen. Xildhibaanada ayay ka codsatay in xeerkan si deg deg ah lagu meel mariyo maadaama uu muhiim yahay, sidoo kalena xildhibaanada soo bandhigaan talooyinkooda. Aqrinta ka dib ayaa xildhibaanada golaha shacabka waxa ay soo bandhigeen talooyinkooda ku saabsan xeerkan iyo meelaha wax ka badalka u baahan. xildhibaanada ayaa dood ka yeeshay qodobada qaar ee ku jira hindise sharciyeedkan ee u baahan in aad loogu fiirsado. Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa sheegay in hay’addaan ay tahay mid muhiim ah loona baahan yahay in talooyin badan xildhibaanada ku daraan dhismaheeda. ” waxaa soo jeedinaya in guddiga aan kala shaqeyno sidii hindise-sharciyeedkan muhiimka ah loo dardar gelin lahaa, hay’addaan horay wey u jiri jirtay hanti Qaran iyo xuquuq ayay lahayd sidaasi darteed wa in talooyinkeena aan ku biirinaa oo fikir badan aan isweydaarsanaa si hay’adda u noqoto mid gudaha iyo dibadda ka shaqeyn karto”. ayuu yiri guddoomiye Mursal. The post BFS Oo akhrinta 2-aad marsiiyay sharciga Naafada Qaranka appeared first on Shabelle. View the full article
  22. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xilli magaalada Muqdisho laga dareemayo iney aad ugu sii yaraanayaan bisadaha dhanka kalana uu kusoo badanayo Dooliga (Jiirka) ayaa waxaa sababta dhabta ah ka hadlay xildhibaan hore oo ka tirsanaa Baarlamaanka Federalka ah. Xildhibaan Cabdi Barre Jibriil oo ah siyaasi ku sugan magaalada Muqdisho ayaa war-baahinta maxalliga ah u sheegay in Dowladda Federalka ay billowday iney dowlado shisheeye ka iibiso Bisadaha oo kamid ah xayawaanka ku nool Soomaaliya. Wuxuu sheegay in dowladdu horey u fasaxday Ugaadhii, sida deyrada, diidiinka iyo kuwa kale, haddana ay xaaladdu mareyso Bisadihii iyadoo aan la ogeyn haddii ay dowladdu dhaqaale ku qaadato iyo iney bilaash ku bixiso. Bisadaha ayaa qaali ka ah wadamada Reer Galbeedka iyadoo mararka qaar qofkii dila laga qaado lacag diyo u dhiganta sababtu waa iyagoo kasii dabar go’aya wadamadaasi. “Idinka Ugaar baad ka hadleysaane Biisadihi baa la dhoofinayaa Biisadihii, Xamar miyaad ku aragteen? baadi gooba Biisadihii baa la rarahayaa, cid ka xisaabtameysa ma leh, Baarlamaan ka gubanaya oo ka xisaabtamaya ma leh, ciiddii baa la rarahayaa waxaa Balli doogle iyo Buurhakaba laga rarahayaa ciiddii iyadoo Konteenaro ku jirta ayaa la dhoofinahayaa cid ka hadleysa ma leh” Sidaasi waxaa yiri Xildhibaan hore Cabdi Barre. Dadka qaar ayaa haatan ka cabanaya Dooliga oo ku batay Muqdisho maadaama Bisadihii la dagaalami jiray la dhoofinayo, waxaana ay Dowlada Federalka kula talinayaa mar haddii aan Bisadaha laga aaleyn in lagu daro oo isna la dhoofiyo Dooliga ama Jiirka. Ugu dambeyntii Cabdi Barre ayaa wuxuu sheegay in dalka Soomaaliya uu ku jiro marxalad adag una baahan yahay in la badbaadiyo inta goori goor tahay. Halkaan hoose ka daawo Muuqaalka  Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com