Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,415
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Gudomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md Dr. Cabdiraxman Maxamed Cabdilahi (Cirro) oo wali ku dhexe jira safarkii samawade WADDANI-UK ayaa maanta wuxuu kulan laqaatay xildhibaano ka tirsan barlamaanka dalalka eurpe iyo uk kulanka ayaa lagaga wada hadlay waxyaabo badan oo khuseeya arimaha jamhuuriyada somaliland gudomiye cirro xaga xisbiga waddani waxaa ku wahelinaayey gudomiyaha xisbiga waddani uk mudane maxamed cali kulankaas maanta magaalada london ku dhex maray dr cirro iyo xidhibaanada isugu jiray barlamaanada europe iyo dalka uk ayaa si fiican laysula fahmay arimihii lagaga wada hadlay. Source
  2. (SLT-Hargeysa)-Saldhigii Millatari ee Dalka Imaaraadka Carabtu ku furanayeen magaalada Berbera ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa la sheegay in la furi doono Bisha June ee sannadka fooda innagu soo haya,siday laga weriyeen ilo diblomaasiyadeed. Sidaasna waxa lagu sheegay warbixin uu maanta daabacay Warsidaha Bloomberg ee dalka Maraykanka oo Wakaallada Wararka Somaliland ee SOLNA, ka soo xigatay qormadan. Warku wuxuu intaas ku daray saldhiga Millatari ee Imaaraadka hawlaha uu qaban doono ay ka mid tahay inuu ilaaliyo xeebaha Somaliland. Saldhigan Millatari ee Imaaraadku ayaa la weriyey inu u ilaalin doono marsada Berbera iyo xeebta Somaliland oo dhererkeedu yahay 800 oo Km. Danjirihii hore ee Somaliland u fadhiyey Imaaraadka carabta, Md. Baashe Cawil Cumar, ayaa bayaamiyey in budhcad baddeedu ay maraakiib ka qafaasheen xeebaha Somaliland bishii March ee kal-hore. Safiir Baashe Cawil ayaa waraysi lagaga qaaday Hargeysa ku sheegay in millatariga Imaaraadka carabtu ay taageeri doonaan gobolka oo dhan, isla markaana ay la tacaali doonaan Budhcad baddeeda, kalluumaysiga sharci darrada ah iyo sunta lagu daadinayo badaha . Mr. Baashe waxa uu xusay in dalka Imaaraadka Carabtu noqday xuddunta ganacsiga gobolka, sidaas darteedna aanay arrintaasi u suurtogeli karin haddii aanay ilaalin ganacsiga badaha iskaga gooshaya. Waxa kaloo Baashe Cawil caddeeyey in saldhiga Berbera oo cabirkiisu yahay 42 km oo laba jibaaran uu iskugu jiro saldhig millatari iyo laba madaar,waxaanu xaqiijiyey in mid ka mid ah labadaas madaar uu boqolkiiba lixdan dhammaaday. Source
  3. Baydhabo (Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka ee Koonfur Galbeed ayaa waxa ay maanta dib u dhigeen doorashadii maamulkaas ee la sugayey in ay 17 bishan ka qabsoonto magaalada Baydhaba. Tallaabada odayaasha ayaa ku soo aaday maalin kaddib markii ay iyaguna is-casileen 13 xubnood oo ka tirsanaa gudigii doorasha oo ay ku jiraan gudoomiyihii iyo ku xigeenkiisii, kuwaas oo ka cawday fara-gelin ay sheegeen in dowladda dhexe ay ku hayso. Sidaas darteed, muxuu dastuurka Koonfur Galbeed ka qabaa tallaabada ay qaadeen odayaasha, sharci ahaanse dib ma dhigi karaan dastuurka? Aqri qodobada dastuurka ee arrintaas qeexaya. Qodobka 60-aad: Waajibaadka golaha dhaqanka waxaa ka mid ah. A) – ka shaqeynta nabadda iyo maslaxadda umadda Koonfur Galbeed Soomaliya. B) – Horumarinta dhaqanka suuban iyaga oo ku saleynaya shareecada Islaamka, iyagoo ka fogaanaya siyaasadda. C) – Xilliga kala guurka ah odayaasha dhaqanka waxa ay marjac u noqon karaan markey la soo gudboonaato xaalad golayaasha dowladda, oo ay ugu yeeraan golayaasha ama mid ka mid ah. D) – Golaha dhaqanka waxa ay noqon karaan garsoor lagu go’i karo markii loo baahdo. Sidoo kale xarafka E ee qodobka 60-aad ee dastuurka ayaa caddeynaya mid ka mid ah owoodaha golaha dhaqanka ee Koonfur Galbeed Soomaaliya. E) – Golaha dhaqanka waxaa laga talo galinayaa arrimaha waaweyn ee masiiriga ah markii ay baahi timaado. Marka lagu salleeyo dastuurka Koonfur Galbeed iyo awoodaha uu siiyey Golahiisa dhaqanka, waxaa kuu soo bexeysa in tallaabadii ay maanta qaateen ay ahayd mid sax ah, maadaama Koonfur Galbeed ay gashay xaalad siyaasadeed oo cakiran, odayaashuna yihiin marjac lagu noqdo. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
  4. Muqdisho (PP) ─ War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Somalia (UNSOM) ayaa lagu cambaareysay xayiraad iyo weerar lagu qaaday kolonyo ay leedahay Qaramada Midoobay meel u dhexeysa magaalooyinka Cadaado iyo Gaalkacyo iyo 03-dii bishan. Kolonyadan ayaa waxaa la socday ciidammo boolis ah oo ka tirsan Koofurta Gaalkacyo gelinkii dambe ee Sabtidii, Waxaana meel u jirta 5km magaalada Cadaado ku joojiyay ciidan sheeganayay inay yihiin Boolis balse ma jirin hal askari oo dareeska ciidamada xirnaa. Blasé, waxay diideen inay gudbaan gaadiidka Qaramada Midoobay oo ay la socdeen koox ka tirsan shaqaalaha Qaramada Midoobay kuwaasoo gogol xaar u ahaa booqashada saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay oo booqan lahaa magaalada Dhuusomareeb. Sidoo kale, waxaa lagu xusay qoraalka in markii saraakiisha QM ay go’aan-sadeen inay dib ugu laabtaan magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa dhacday in baabuur ay saarnaayeen maleeshiyada ay rasaas ku fureen kolonyadii QM, balse ma jirin wax dhaawac ah oo soo gaartay ciidamada amaba gaadiidka ay la socdeen shaqaalaha Qaramada Midoobay. “Weerarkii loo geystey kolonyada Qaramad Midoobay ma aha wax la aqabali karo,waxaana ugu baaqeynaa Maamulka Galmudug iyo Dowlada Federalka in lala xisaabtamo maleeshiyaadka rasaasta ku furay saaxibadeen, weerar noocaan oo kale ahna laguma qaadin shaqaalaha Qaramada Midoobay waqti dheer.”ayuu yiri wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee qaramada midoobay dalka Soomaaliya Nicholas Haysom. Dhanka kale, War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ay waajib tahay inay helaan shaqaalaha Qaramada Midoobay marino xor ah oo ay maraan shaqaalaha Qaramada Midoobay. “Waa inay awood u helaan gudashada waajibaadkooda shaqo ee UNSOM iyo shaqaalaha QM,sanduuqyada iyo barnaamijyada iyagoo aan halis ugu gelin in la rasaaseeyo sabab la’aan.” Ugu dambeyn, Maamulka Koonfur-galbeed ayaa sheegay in baabuurtaan oo ahaa kuwo xamuul ah aysan garanayn shixnadda saaran, isla markaana ay baaritaan ku sameynayaan. PUNTLAND POST The post Xafiiska QM ee Somalia oo ka hadlay Gaadiid ay leeyihiin oo lagu Weeraray Cadaado appeared first on Puntland Post.
  5. (SLT-Hargaysa) Hogaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa faah faahin ka bixiyey qaar ka mid ah faalooyinka laga bixiyey buuga uu dhawaan soo bandhigay ee Miyiga ilaa Madaxtooyada. Hogaamiyaha Waddani waxa uu cadeeyey inaanu ujeedo xun ka lahayn waxyaabaha uu kaga hadlay madaxweynihii hore ee somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo. Hogaamiye Xirsi oo qoraal uu arintaas kaga hadlay soo dhigay bogiisa Facebook ayaa waxa uu ku yidhi:- Haddaan ujeedo xun ka leeyahay markaanu kala tagnay soo kala horjeednay ee labada xisbi kala ahayn baan Siilaanyo weerari lahaa markaa Xaasha iima qorshaysna inaan Siilaanyo marnaba wax ka sheegaa qofkii isagu wax ka sheegaya ee Hadalka duwaya waa Meesheeda. Buuggu wuxuu xanbaarsan yahay Nuxurka aan ugu talo galay waa Xusuus qor, Noloshaydii iyo taariikhda intii aan ka xasuusto Dalkayga iyo Dadkayga, anigoo uga jeeda xusuus qor (Biography) waxaan ugu talo galay inaan Daabacadii koobaad soo saaro Mustaqbalkana sii wado. Aan ku saxee Xiska iyo Xusuustu waa kala gaar, Xiska aniga Buuggayga kuma qorna Xisku waa Miirka iyo Maanka, Miirka iyo Maanka Siilaanyo Ilaa maalintuu Kursiga joogay ilaa maalintaan ka tegay wuxuu ahaa Taam, Xusuusta Banii-aadamku korbay u kacdaa marna hoos bay u dhacdaa, labada shay ee Sababaa waa marka qofka shaqo badani ku furanto, inuu kala xusuustaa hoos bay u dhacdaa marka da’adiisu korodhana hoos bay u dhacdaa maan sheegin beersanteeje-ka ama 10% baa ma 50% baa maan sheegin manaan qiyaasi karayn, anniga hoosbay u dhacday maalintaan 20-jirka ahaa iyo maanta xusuustaydu isku si maaha adigana waxaa laga yaaba inaan xusuustaadu isku si ahayn. Haddaan ujeedo xun ka leeyahay markaanu kala tagnay soo kala horjeednay ee labada xisbi kala ahayn baan Siilaanyo weerari lahaa markaa Xaasha iima qorshaysna inaan Siilaanyo marnaba wax ka sheegaa qofkii isagu wax ka sheegaya ee Hadalka duwaya waa Meesheeda. Source
  6. (SLT-Ankara)-Wasiirka arrimaha dibedda Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa maanta sheegay in dowladdiisa ay hayso xog cusub oo ku saabsan dilka weriyaha Sacuudiga Jamaal Khaashuqji, islamarkaana ay dadweynaha usoo bandhigi doonaan caddeymaha, kadib markii baadhitaanka kiiskan lasoo geba gebeeyey. Isaga oo ka hadlayey dalka Japan, oo uu safar ku joogo, ayaa Cavusoglu waxa uu weriyayaasha u sheegay in Turkiga ay Sacuudiga iyo dalalka kale ee danaynaya arrintan siiyeen fursad ay ku arkaan caddeymaha. Khaashuqji ayaa geeriyooday labadii October kadib markii uu galay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul. Cavusoglu ayaa sheegay in kadib wada-hadallo dhowr ah oo dhex maray boqor Salmaan-ka Sacuudiga iyo madaxweynaha Turkiga Erdogan, in Turkiga uu rumeysan yahay in boqorka uusan wax lug ah ku lahayn dilka. Hase yeeshee Cavusoglu ayaa yidhi inay caddahay in 15-ka nin ee Turkiga u tagey inay dilka fuliyaan aysan kaligood sameeeyeen ficilkan, sidaas darteedna baarayaasha ay doonayaan inay ogaadaan qofka amarka siiyey. Ilaa hadda lama hayo meydka Khaashuqji, waxaana wiilashiisa oo Axadii la hadlay taleefishinka CNN ay ka codsadeen Sacuudiga inay keenaan meydka, si loogu aaso magaalada barakeysan ee Medina. Dhinaca kale sarkaal Turkish ah ayaa u sheegay wargeyska Daily Sabah ee Turkiga in khabiir kiimiko oo lagu magacaabo Ahmad Abdulaziz al-Janobi iyo khabiir qabailsan suntan, Khaled Yahya al-Zahrani ay Sacuudiga usoo direen qunsuliyadda intii u dhaxeysay 11-kii ilaa 17-kii October, si ay u qariyaan caddeymaha dilka. Source
  7. Baydhabo (Caasimadda Online) – Iyadoo wakhtiga loo qorsheeyay iney dhacdo doorashada madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed ay ka harsan yihiin 11 maalmood oo qura ayaa waxaa cirka isku shareeray xiisado hareeyay suurtagalnimada iney doorashada qabsoonto xilligii loogu tala galay. Guddoomiyihii guddiga doorashada Koonfur Galbeed iyo xubno kale oo guddiga ka tirsan ayaa iska casilay xilalkoodii, ka dib markii sida ay sheegeen ay howshooda ka qabsan waayeen “faragalin ay ku eedeeyeen dowladda federaalka”. Shir jaraa’id oo is casilaaddaas looga dhawaaqayay ayaa waxaa xalay Baydhabo ku qabtay Guddoomiyaha guddiga Xildhibaan Carfo Ibraahim Aadan oo ay wehlinayeen xubno kale oo uu ka mid yahay afhayeenka guddigaasi. Waxa ay dhaliil culus u jeediyeen madaxda dowladda federaalka oo ay ku eedeeyeen iney “magaalada Muqdisho u kaxaysteen dhammaan xildhibaannadii baarlamaanka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed”. Tallaabadan ayaa sida muuqata dhabar jab weyn ku noqonaysa qabanqaabada iyo diyaar garowga doorashada madaxweynaha oo ay ku tartami doonaan murashaxiin fara badan oo saameyn siyaasadeed ku leh gobolka. Tan iyo markii uu sii xoogeystay ololaha doorashada gobolkaas waxaa soo baxayay warar sheegaya iney jiraan lacago lagu bixinayo qaar ka mid ah murashaxiinta, ayadoo dowladda dhexena lagu dhaliilay iney si toos ah u garab taagan tahay murashaxiinta qaarkood, hase ahaatee BBC-da si rasmi ah uma xaqiijinin arrimahaas. Cabdirashiid Khaliif ayaa ra’yi ahaan qaba in dowadda dhexe ay leedahay awood ay ku sameyso maamul ay raali ka tahay. “Dowladdu iney musharaxiin wadato arrin qarsoodi ah ma aha. Iney dad taageersan tahay ceeb ma aha laakiin ma aha iney awooddeeda dul dhigto gobolkaas iska nugul. Haddii ay awood adeegsato way suurta galin kartaa in maamulka loo dhiibo cid walba oo ay iyadu rabto, taasna wax aan khasaare ahayn kama faa’iideyso. Dowladda dhexe si ay sumcad uga kasbato caalamka waa iney yeelato bisayl siyaasadeed, sidii horayba Aadan Cadde loogu yaqaannay”. Dhanka kale, Magaalada Baydhabo ayaa wakhti xaadirkan la ciir ciireysa ololaha siyaasadeed ee ay sameynayaan shakhsiyaadka danaynaya doorashada, taasoo aan iminka la hubin in wakhtigeedii ay ku qabsoomi doonto iyo in kale. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
  8. (SLT-Hargeysa)-Ururka Qareenada Somaliland Oo Eedaymo Culus U Soo Jeediyay Ciidammada Booliska Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  9. The United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM) condemns the obstruction and attack on a convoy of UN vehicles that occurred along the road between the cities of Galkayo and Adaado in Galmudug state on Saturday, 3 November. The convoy was accompanied by a dozen police officers from South Galkayo in the late afternoon of Saturday when it was stopped some five kilometres outside Adaado at a checkpoint manned by eight men claiming to be police officers. None of the individuals wore police uniforms, but they refused to grant passage to the convoy that was carrying a team of UN personnel assigned to make preparations for an upcoming visit to Dhusamarreb by UN officials. After the UN officials decided to abort the mission and head back to Galkayo, a truck carrying militiamen drove through the checkpoint and opened fire on the UN convoy. None of the members of the convoy was injured nor were any of the UN vehicles damaged in the shooting incident. “Last week’s attack on a UN convoy is unacceptable, and we call on the authorities in Galmudug state and the Federal Government to hold accountable those militiamen who opened fire on our colleagues. Such an attack has not happened to the UN in Somalia for a very long time.” said the UN Secretary-General’s Special Representative for Somalia, Nicholas Haysom. “United Nations personnel must be granted free passage throughout Somalia at all times. They must be able to implement the mandates of UNSOM and UN agencies, funds and programmes without running the risk of being fired upon for no justifiable reason.” The post UNSOM Condemns Unprovoked Shooting on UN Convoy in Galmudug State appeared first on Shabelle. View the full article
  10. Cadaado (Caasimadda Online) – Xafiiska Qaramada Midoobey ee Arrimaha Soomaaliya ayaa cambaareeyay weerar lagu qaaday Kolonyo Gaadiid ah oo ay la socdeen shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobey kuwaas oo lagu rasaaseeyay jidka u dhaxeysa Cadaado iyo Galkacyo Sabtigii 3-Nov-2018 Qoraal ka soo baxay Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in weerarka oo dhacay 3dii Bishan loo geystay kolonyo ka mid ahaa Gaadiidka Qaramada Midoobey oo diyaarinayay booqashadii ergayga xog-hayaha QM ee Soomaaliya Nicholas Haysom oo booqan lahaa Dhuusamareeb, Kolonyada waxaa la socday tobaneeyo saraakiil boolis ah oo ka socday Koonfurta Gaalkacyo. Warka ka soo baxay Xafiiska Nicholas Haysom,waxaa lagu xusay in 8 Nin oo aan heysan dharka Booliska laakiin isku sheegay Boolis ay Kolonyada ku joojiyeen inta u dhaxeysa Cadaado iyo Gaalkacyo,markii Kolnyada loo diiday in ay gudbaanna ay go’aansadeen in ay dib ugu laabtaan Gaalkacyana Gaari ay Ciidanka goobta joogay ay wateen looga furay Rasaas aan khasaare nafeed geysan. Kolonyada waxaa la socday tobaneeyo saraakiil boolis ah oo ka socday Koonfurta Gaalkacyo saacadihii dambe ee galabnimadii Sabtida markii lagu joojiyay bar-koontarool oo shan kiiloomitir banaanka ka ah Cadaado ayna joogeen sideed rag ah oo sheeganayay inay yhihiin saraakiil boolis. Midkoodna ma xirnayn dharka/lebiska booliska, laakiin waxay diideen inay marin siiyaan kolonyada oo gelbinaysay koox shaqaale QM ah oo loo xil-saaray gogol-xaarka booqasho ku wajahnayd Dhusamareeb oo madaxda QM ku tegi lahayd halkaas. Kadib markii saraakiishii QM go’aansadeen inay baajiyaan hawsha [socdaalka shaqo] oo ay dib ugu laabtaan Galkacyo, ayaa gaari xamuul qaad ah oo ay saarnaayeen maleeshiyaad wuxuu soo dhexmaray barta kontorool wuxuuna rasaas ku furay kolonyadii QM. Ma jiro qof kamid ah xubnaha kolonyada oo ku dhaawacmay, mana jirto waxyeelo kasoo gaartay gaadiidka QM dhacdadaasi rasaasaynta ah. “Weerarkii todobaadkii hore loo geystay kolonyada QM ma aha wax la qabali karo, waxaana ugu baaqaynaa madaxda dowlad goboleedka Galmudug iyo Dowladda Federaalka ah inay la xisaabtamaan maleeshiyaadkii rasaasta ku furay saaxiibadeen. Weerar noocaas oo kale ah looma geysan Qaramada Midoobay ee Soomaaliya muddo aad u fog.” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Haysom. “Shaqaalaha Qaramada Midoobay waa in loo ogolaado inay si xor ah ku dhexmaraan Soomaaliya waqti kasta. Waa inay awood u helaan gudashada waajibaadka shaqo ee UNSOM iyo hey’adaha QM, sanduuqyada iyo barnaamijyada iyagoo aan khatar ugu gelin in la rasaaseeyo sabab la’aan.” Nicholas Haysom ayaa dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Maamulka Galmudug ka codsaday in ay la xisaabtamaan ciidankaas,waxaana uu qoraalkiisa ku sheegay in fal noocan ah uusan waayadan ka dhicin degaannada Soomaalida. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Wasaaradda Waxbarashada iyoTacliinta Sarre ee Dowlada Puntland ayaa sagootisay 120 qof oo isugu jira arday ka qalin jabisay dugsiyada sare Puntland iyo shaqaale dowladdeed, kuwaas oo dalka Ethiopia looga helay deeqo waxbarasho oo isugu jira Master iyo Bachelor. Munaasabad lagu sagootinayay ardaydaan oo ka dhacay xarunta Wasaarada dhexe ayaa waxaa kasoo qeyb galay masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka waxbarashada dowladda Puntland, Wasiir Dowlaha Waxbarashada , Agaasimaha guud iyo Agaasimaha Xafiiska Tacliinta sare Puntland Maxamed Axmed Warsame (Shirdoon)ayaa sheegay in waxbarashadu tahay hanti Islamarkaana qofkii ku dadaala uu helayo miraha iyo natiijada uu usoo halgamay, Isagoona uga digay ardeyda inaysan ku fakarin tahriib iyo waxyaabaha mukhaadaraadka ah. Wasiir Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Puntland Yaasiin Cabdi Seed ayaa kula dardaarmay ardeyda inay kafaa,iideystaan fursadaan oo uu sheegay inay tahay mid dahabi ah oo aysan helin dadkoo oo dhan, Wuxuuna kula balamay 120 ardey ee deeqda waxbarasho loogu diray dalka Ethiopia inay dalkooda wax usoo bartaan Islamarkaana la qabsadaan Jawi ahaan iyo Dhaqan ahaan-ba wadanka ay u socdaan. Wasiirka waxbarashada dowladda Puntand Dr. Abshir Yuusuf Ciise oo ugu dambayn hadlay ayaa sheegay dowladda Puntland inaydadaal xoogan ugu jirto in kor loo qaado fursadaha waxbarshada ardayda dugsiyada sare iyo shaqaalaha dowladda. Wasiirku wuxuu ardayda ku booriyay inay ku dadaalaan waxbarashadoooda islamarkaana aysan ku mushquulin waxyaabo kale sida tahriibka oo uu ku tilmaamay dhibaato weyn oo maanta haysata dhalinyarada Puntland. Puntlandi.com Source
  12. Muqdisho (Sh.M.Network) – Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in Dowlada Federaalka Soomaaliya ay la socoto dad rayid ah oo waxyeelo kasoo gaartay dhacdadii ay ku lug lahaayen ciidamadda AMISOM ee saaka ka dhacday degmada Huriwaa ee Gobalka Banaadir, iyadoona baaritaano ay socdaan sida lagu sheegay War kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta oo sidan u qornaa:- “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay la socotaa dhacdo ay dad rayid ah waxyeello ka soo gaartay oo ka dhacday degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir, taas oo ay ku lug leeyihiin ciidanka Nabad Ilaalinta AMISOM. Dowladda Soomaaliya iyo saaxiibadeeda Caalamka waxaa ka go’an la dagaallanka Alshabaab iyo wixii la hal maala, sidoo kalena waxaa dowladda ka go’an dhowrista bad-qabka shacabka Soomaaliyeed oo ah kan dartiis dagaalka loogu jiro. Dowladdu waxa ay waddaa baaritaan la xiriira dhacdada maanta, iyadoo bulshada la wadaagi doonta wixii ka soo kordha, waxeyna Ka xuntahay waxyeelo gaarta shacabka Soomaaliyeed. Amisom gaar ahaan kuwa dalka Burundi ayaa saakay qof oo shacab ah kudliay inta u dhaxaysa Ex kontorool balcad iyo soos ee degmada Hiliwaa”. The post DFS oo baareysa dhacdo ay ciidamada AMISOM ku dileen 4 ruux appeared first on Shabelle. View the full article
  13. Qarax xoogan oo ahaa nooca Miinada dhulka lagu aaso ayaa ciidamada AMISOM waxaa lagula eegtay Isgoyska Ex-koontorool Balcad ee magaalada Muqdisho. Qaraxan ayaa wax uu khasaare xoogan uu ka soo gaaray kolonyadii ay wateen Ciidamada AMISOM. Markii uu qaraxa haleelay ciidanka ayaa waxa ay bilaabeen in ay si toos ah ay u toogtaan dadkii ka ag dhawaa goobtii uu qaraxa ka dhacay . Afar ruux ayaa ku dhintay toogashadii ay sameeyeen ciidamada AMISOM ,mana jirto ilaa iyo hada cid ka hadashay oo dowladda farmaajo ka tisan . Ehelada dadkii ay dileen ciidamadan ayaa sheegay in aan la aasi doonin dadkan ilaa cadaalada la keeno ciidamadii falkan ka dambeysay . Source
  14. Shir Jaraa’id oo ay qabteen Odoyaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed ayay ku sheegeen in Doorashadii Koonfur Galbeed Dib loo dhigay. Odoyaashu waxay Saxaafada u aqriyeen Qoraal fheer oo ay Warsaxaafadeed ahaan usoo wada diyaariyeen , Waxayna Yiraahdeen sidaan.. “Waxaa la qorshaynayay in Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ay dhacdo 17 November, Waana Doorashadii ugu horaysay oo Mudanayaasha Baarlamaanku ay dooranayaan Madaxweyne,Wayna ka duwan tahay Doorashadii hore ee Odayaasha dhaqanka iyo Ergo ay soo xuleen ay doorteen Madaxweyne, intaas kadib waxaa dhacday in Doorashadii la filayay iney dhacdo 17 November ay faragalin qaawan ku soo qaadey Dpwlada Federaalka, Faragalintasoo ah in ay qaar kamida Murashixiinta ay usoo dhiibeen lacago farabadan ayba qaar la safteen,Waxas intaas dheer Laaluush iyo iney Xildhibaanadii Koonfur Galbeed ay Xamar daabuleen ayna Laaluush siisay iyadoo Xukuumada Federaalku amar ku siisay iney doortaan Musharax ay Iyagu(Villa Soomaaliya) wataan. Sidaas awgeed waxaan go’aan ku gaaray in Doorashada dib loo dhigo.” Go’aanka Odoyaashu gaareen ayaa difaacaya taageerayana sababtii ay xalay isugu casileen Gidiga Doorashada iyo Hadalkii Madaxweyne Shariif ee ahaa in Villa Soomaaliya ay qas iyo Fowdo ka baxsan Dimoqoraadiyada ay ka wadaan Baydhabo . Dhanka kalena lama sheegin wakhtiga doorashada dib loo qabanayo. Puntlandi.com Source
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Midowga afrika gaar ahaan kuwa Burundi ayaa saakay waxa ay agagaarka Isgoyska ex-koontorool Balcad ku dishay Afar ruux oo la sheegay inay ahaayeen dhamaantood Shacab. Dilka ayaa yimid kadib markii kolonyo ay la socdeen Ciidamada AMISOM qarax miino lala eegtay,isla markaana rasaas ay fureen Ciidamada AMISOM ay dadkaasi ku dhinteen. Waxay kaloo sheegeen haddii dowladda Soomaaliya Cadaalada ay horkeeni waydo ciidamada AMISOM ee laayay dadkaasi shacabka ah in si deg deg ah go’aan ay u qaadanayaan oo ay iska dhicinayaan ciidanka Burundi. Magacyada dadka AMISOM ay laayeen, ayaa waxa ay kala yihiin. Qaasim Daahir Khayre Darawal Xasan Yuusuf Siyaad Darawal Cali Shire Ugaas Darawal Axmed Maxamud Bajaajle Darawal Ehelada dadkii ay laayeen ciidamada AMISOM, ayaa waxa ay sheegeen falkaasi inay gaysteen ciidanka Burundi oo ka tirsan AMISOM,waxayna ka dalbadeen dowladda Soomaaliya in Cadaalada la horkeeno dadkii ka dambeeyay falkaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ayaa maanta magaalada Garoowe waxa uu kula kulmay wefti uu hogaaminayo safiirka midowga yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mr. Fulgencio Guiz Garido. Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdiwali Gaas ayaa sheegay in ay ka wada hadleen safiirka dhammaystirka wadada Gaalkacyo – Garoowe oo dhismeheedu meel wanaagsan marayo, Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay inaanay waxba ka jirin warar kutiri-kuteen ah oo sheegaya in masharuuca wadadu istaagey, isla markaana waxa uu xaqiijiyey Madaxweynuhu in midowga Yurub ay wadada u raadinayaan lacago dheeraad ah oo ay ku dhammaystirayaan dhismaheeda. Halkan ka dhegayso. Madaxweynaha iyo Danjiraha Sawiiro. Source
  17. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid ayaa si faah-faahsan u sharraxay sababaha xilka looga qaadi karo komishanka doorashooyinka Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  18. Ilaa 1500 oo qoys oo ka barakacay dagaaladi bishii hore ka dhacay deegaanka Dhumay ee Koonfurta gobolka Sool ayaa la gaarsiiyey Gargaarkii u horeeyey oo ah raashin, gogol iyo bustayaal, deeqdan waxaa soo diray Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida ee Ethiopia Mustafe Cagjar. Gudoomiyaha deegaanka Dhumay Faarax Barre ayaa Puntlandi.com usheegay in ay jiraan kumanaan qoys oo wali aan wax gargaar ahi gaadhin marka laga tago 1500 ee hadda raashinka iyo googosha helay. Wuxuu sheegay in dadku baahiyo badan wali ay qabaan wax ka horeeyey gargaarkan hadda la keenayna aysan jirin, wuxuuna baaq u diray cid walba oo gacan ka gaysan karta caawinta dadkan barakacay. Deegaanada lagu barakacay oo kala duwan ayaa dadka ku barakacay waxa ay gaarayaan ilaa 6000 oo qoys oo ka barakacay 7 deegaan oo ay wada degaan labada beelood ee Dhumay ku dagaalamay dadka barakacay ayaa ku arooray ilaa 9 kaam oo kala duwan oo qaar kood dhacaan gudaha xadka Ethiopia. Gudoomiyaha Deegaanka dhumay Source
  19. Bilada is daad-raacinta iyo is dhaafinta , Badhaani Bilada abaabulka iyo orodka , madaalaha xisbiyada ambassador safina. Bilada adkaysiga iyo aragtida Muniir Axmed Cigaal . Bilada hormuudka jeegaanta Yaasiin Olol . Bilada fanka iyo fanaaniinta seerbiya . Bilada inanta sanadka khadra halgan . Bilada falsafada iyo fogaan araga , dharbaan . Bilada fariidnimada Sharmaarke Abdi Laki Qaloonbi . Bilada aftahan nimada faysal jama geele . Bilada doobabka mohamed mirre ( ilka case ) W/Q: Ahmed Nour Guruje Source
  20. Allahayw muxuu farnji-gani nacas fariideeyey oo nimaan aabihii maali jirin looma aamino’e. Somalidda baa waxay aad ula yaabeen, mid aan goror-ba illaah maskaxdda ugu shubin haba-yaraatee, sidda kan wasiir ku sheega ” Hablo caaye ” oo maqlay uun wax siyaasad la yidhaaho baa jira, dabeed waa caqli gab iyo dhaqankii-siiye isku dhex tuuray, mawjado aanu ka dabaalan akrin, intuu ku haftay, cid ka saarta la’, ka dib-na siddii awr dabarkii goostay, oo ay labadda dhun-dhun mid-ba in yari ka sii laalaado, iska salaqsa-naaya, bay sidan kan oo kale arkeen, dabeed waxay isu qiyaaseen, nin aad cod-kiisa uga dheerayn jirey, oo ku soo korey nool aad u hoosaysa, maalin maalmaha ka mid ah isaga oo iska silicsan, reer hebel awgeed, xil lagu raray aanu qaadi karin, ka bacdina mar qudha uun fadha-booday isaga oon dheg la qabto lahayn, iskuna halay-naaya kii khaladka ugu dhiibay, mansuuli-yadan waashay ee baradda ka saartay, akhristaw balaayo-na u barasho lehe, ilayn meel uu ka qabto iyo aqoon uu u leeyahay mid-na ma jirtee, waa ka siddii ciyaartii la odhan jirey dhan walba u bood, miyirkii ka halaabay ee meela sal la dhigi waayey, ilayn farsamo u garan-maayo’e, wax uu xeeri-nayaana ma jirto’e. Nimco waliba nuqsaan-teedda bay leedahay, wuxu ka qaaday kibir iyo isla weyni, halkii uu ka ducaysan lahaa, dabeed waa kuwa ugu maah-maahay, iyaka oo ku cabiraaya murtidda ah “Sabool dibiray iyo dameero sayax daaqay-ba way danaani-yaan”. Waxan uga socdaa waxa weeye. Waxa wacan nin-kan wixii dirtay, in ay u fasilaan shaqadda saxaafadda iyo war-baahintu waxa ay tahay ama ay qabato, waa haddii ay iyaka laf-toodu fahansan yihiin, oo ay dhaamaane, waa kan oo ku dhex waalaye. qofku marka loo egmado wax aanu filanayn, wax buu is moodaa oo fiririq-diisa baa laga baxaa, ilayn waa wax aan wax la waydiin jirine, bal adba eesh-qiyaasak. markuu xafiiska soo galo-ba waa amar cusub. Tiro-ba ilaa 20 wareegto baa laga hayaa, intii shaadhka aanu lahayn loo geliyey, intii hore-ba soo dhaaf, hadda wuxu isla maanta soo saaray, wax uu ku sheegay wareegto, oo uu ku dacweynaayo Tv-yadda ka hawl-gala maamulka, ka sidaas ah, ka wax u dirtay saw kama sii dara ( subxaana- laahiye), Alla-doori hadalka wuu yaqaan waana ka agnaaye, wuxu ina leeyahay, qaar ka mid ah Tv-yadda war-baahinta ah, baa xidhiidh la leh Janaral Caare, oo waxan ka qaadayaa ruqsadda ay kaga hawl-galaan, maamul-Goboleedka ay askartu ka bootayso. Ayaan daranaa dhul-kaygu, aqoon daranaa dhashiisu, ilahay haduu wax siiyo, ilawsha dhawaa saboolku. doqoni kama soo rayso abid, dooc iyo dareen ma leh, weliba markay dibirto, dad iska daayo, ilhay baaanay aqoonin sida kan, siddii carsaanyadda dhan walba u ordaaya, way-se soo gabi, malaha wuxu hadeer u heesayaa, siddii Axmed cali cigaal, ” Intaan doonidda wadaayo, halkaan doona tegaayo, daruuraha guud maraayo, maxaa iga daadanaaya”, laakiin akhristaw, waxa aynaan ugu dalin-ba, oo aad ka soo qaadaa, kii la yidhi dameer malab la saaray muxuu ka yaqaanaa? Wuxu u qaadan la’yahay wax baad amri kartaa, oo cid awood kugu joojin kartaa ma jirto, maadaama uu kuu dhiibtay meesha mid aad isku daarad tihiin. Waxa-ba uu u haystaa in uu xilka uu hayo isagu iska leeyahay, waa halkii uu ka lahaa (IHN) Xaaji Adan af-qalooc tix-diisii dheerayd ee la odhan jirey Dalmar ” Kaba-tole xafiis loo tirshoo, tolan madaw jeexday, haduu taladda teel-teel u dhigo, taasi yaab ma laha’e, nin wali-ba halkii uu turqaday, taabka ku adkeeye, waash-maan kol ay Tahy, ninkii taabay meel dheregye”. Waa iska sidaase, waxa ka qasan in aanu maaumlku sidaas ahayn, lase yaabi-mayno, oo waa kaas aqoon-tiisu ku tidhi Hablaha waa la caayaa, kuwa maamulka sheega-nayaa ee is leh ummad baad hogaami-saan, waa kaas iyo wax uu isagu shir u imanaayo oo aan is dhaamin, ee ma waxad ka sugaysaan rajo, ma masakax kale baa rabbi ku soo dejinayaa?, ay waxa ku hagaaji-yaan. oo dib baa loo abuurayaa?, Caadil wuu kari karaa, laakiin-se fili-mayno. haddii kun jeer dib illaah u abuuro, in ay wax iska bedelay-aan Hablo Caaye, waa shimir duul-duul badantii la yidhdi, siday kolba geed u fuulay-saabay, marka dambe ay cagaha sakal lagashaa, ay ka bixi kari waydo, halkaana ay ugu dhamaataa. Waxan ku soo dabaalay maqaalkan, kan iyo meel xun baa is leh, oo bixiso baa wadda, waana ay shiday-saaye aynu eegno halka ay la gaadho, cid la juuq dhawri karo baaba iska yare. N.B Waash-Maan Kol Ay Tahay, Ninkii Taabay Meel Dhergeye. Qore:- Abdi-shotaly. ashotaly5@gmail.com Source
  21. Magaalo xebeedka maydh waa magaalo qadiimihi ah Waxay ka mid tahay magaaladi ka qayb ahaa dib u xoraynti somaliland ee SNM WAA magaaladi laku qaban jiray maraakibti shidaalka ahayd ee laku xoreeyey min bari ilaa galbeed Waxay ka mid ahayd hooyadi SNM Magaaladu waxay ku dhaqdhaqaaqedu ahaa xaga kaluumaysiga iyo iibka kaluunka sida Doonayaha yaman Ama kaluunka indho tooshlaha AYAA magaaladu ku furnayd , Hada intii laka joojiyey kaluumaysigi waa magaalada waxay ku yeeladay saamayn wayn Xaga dhaqaalaha ,xaga dhaqdhaqaaqa , xaga dadka xoogoda maala Ama xirfadaha kaluunka yaqaan . Afar maalmod an joogaya magaalada maydh waxaad arkaysaa meheradi oo xidhan Laashashki oo xaaxiga bada iska yaala Dadkii oo magaaladi ka haajiray oo xaga dahabka u shaqo Tagay. DADKA Qaar waxay ii sheegayn indho Toosh lihii dalka laka mamnoocay oo magaalo xebeedka lasqoray laka guranayo shirkadihi ka baayac mushdarayn jiray oo u wareegay lasqoray IYO laashashki iyo kaluumaysadadi u wareegay L aasqoray , halka dadku Lee yihiin maxa kala duway xeebaha laka mamnuucay indha Tooshlaha iyo magaalada Laasqoray , WAA in hoos loo eega arrimaha kaluunka iyo shacabki ku noola WAA run indho tooshluhu waa dabar go,ayaa , shirkadaha ka baayac mushdarayn jiray magaadada maydh ee ay ka ganacsanayey hal cariish kumay lahayn magaalada waxay dib u galiyen ka muuqdan ma jiraan waa shirkado an wax u qaban magaalada maydh macaa adeegyada aasasiga ah waxba kamay qaban jirin .markaa indho tooshluhu Hadii anu wax faa,iido u LAHAYN xaga bada iyo magaalada maydh. WAA in loo fasaxaa kaluunka kale la fasaxaa si dadaka iyo magaaladuba dib UKU so noqon lahayd kaalinti magaalo iyo noloshii dadkii ku noloshodu ku tiirsanayd. mohamedhassan3867@gmail.com Source