Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,146
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Bosaso[Puntland Post]-Mid kamid ah beelaha Dega Puntland ayaa si rasmi ah u shaciyay Magacyada Xubnaha u matalaya Golaha wakiilada ee Puntland 2019. Nabadoonada ayaana kulanka ku soo bandhigay Magacyada shaqsiyaadkaasi oo kala ah Dr Yaasiin Cartan Mxamed iyo General Cabdi Cismaan Firdhiye. Waxa sida oo kale kulanka laga soo jeediyay hadlo u badan dardaaran kaas oo xildhibaanada beeshu ay kula dar daarmayeen in ay umada u shaqeeyan iyagoona Ale uga baryay in uu u fududeeyo xilkan ay qadeen. The post Mid kamid ah beelaha Dega Puntland ayaa si rasmi ah u shaciyay Magacyada Xubnaha u matalaya xildhibaanad ee Puntland appeared first on Puntland Post.
  2. Muqdisho (Caasimadda Online) – Gaari Cabdi bile ah oo ay saarnaayeen askartaan ayuu qabsaday qaraxa oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso, xilli Kolonyada ciidanka ay ku soo socdeen Magaalada Muqdisho gudaheeda. Afar ruux ayaa ku geeriyootay oo mid ka mid qof shacab ah uu yahay, halka saddex kalena ay yihiin ciidan la socday gaari cabdi bile ah, kadib markii qarax lagula eegtay deegaanka Waydoow ee duleedka Muqdisho. Masuuliyiin ka tirsan Maamulka deegaanka Garasbaaley ee duleedka Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in saddex askari oo Alpha Group ay dhinteen, sidoo kalena laga cabsi qabo rasaasta ay fureen ciidanka dad inay ku dhinteen. Ciidanka qaraxan lala eegtay oo ka tirsan Alpha Group ayaa u soo socday Muqdisho, kadib markii ay ka yimaadeen Gobolka Shabellaha hoose. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. Wararka naga soo gaaraya degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada magaaladaasi ay gacanta ku dhigeen gaadiid loo maleynayo in ay sidaan hub. Saraakiisha Cadaado ayaa sheegay in gaadiidkan oo ah ilaa 6 gaadiidka Xamuulka lagu qabtay halka laga soo galo magaalada Cadaado. Wariye Xasan Axmed Qasaaro oo ku sugan magaalada Cadaado ayaa soo sheegaya in gaadiidkaasi iminka ay baaritaano ku wadaan ciidamada amaanka, isaga oo sheegay in ay jiraan warar sheegaya in gaadiidkaan ay u socdeen magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug. Hoos ka dhageyso wareysi aan la yeeshay wariyaha Cadaado ku sugan. https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/11/Wareysi-Cadaado.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Gadiid loo maleynayo in ay hub sidaan oo lagu qabtay Cadaado appeared first on Puntland Post.
  4. Wasaarada Shaqada, shaqaalaha, dhalinyarada iyo cayaaraha ee dowlada Puntland, ayaa sheegtay inay ku guulaysatey diyaarinta siyaasadaha xeerarka iyo habraacyada maamulka shaqaalaha dawladda Puntland iyo sidoo kale diyaarinta siyaasada horuumarinta dhalinyarada. Agaasimaha guud ee wasaaraddaas, Axmed Cabdalla Tigaana ayaa sheegay inay xeerarkaan dhammaantood mareen golayaasha kala duwan ee dawladda Puntland, ayna bilaabanayso fulintooda iyo baahinta siyaasadaha iyo xeerarka maamul. Tigaana, ayaa u mahad celiyay dhamaan shaqaalaha wasaaradda oo muujiyey dedaal iyo hufnaan aqooneed taas oo u horseeday guulaha wasaaradu gaashey. Waxaa si gaar ah agaasimuhu ugu mahad celiyay wasiirka iyo wasiir kuxigeenka sida kalsoonida leh oo ay u maareeyeen hawlahan shaqo awood buuxda iyo kalsoonina ku bixiyeen in la hir geliyo howshaan adag ee juhdiga badan lagu bixiyay.. Puntlandi.com
  5. Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya haddana ah xildhibaan katirsan Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta ka soo muuqday fadhigii Baarlamaanka ee ka dhacay xarunta golaha shacabka ee Muqdisho. Kulankii Baarlamaanka ayaa ahaa kii kulanka 21-aad kalfadhigiisii-4aad ee uu shir gudoominayay gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Amb Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Ajendaha kulanka aya ah aqrinta koowaad mashruuc sharci ku saabsan xuquuqda liil-tirka ( dheyma nololeedka) siyaasiyiinta dowladda iyo sii wadista dooda iyo ansixinta xeer hoosaadka golaha shacabka. Proff Jawaari ayaan ka soo muuqan kulamada Baarlamaanka tan iyo markii uu xilkaasi iska casilay 9-kii Apr , 2018 . Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Jawaari oo Kulankii Baarlamaanka muddo kadib ka soo muuqday. appeared first on Puntland Post.
  6. Ciidanka xeebaha dalka Japan ayaa baadigoob xooggan ugu jira raadinta jasiirad ku luntay ag-agaarka xeebaha waqooyi, kadib markii ay qarsoontay iyadoo aaney cidina dareemin, arrintan oo keenaysa isbedel ku yimaadda khariidada dalka Japan. Jasiiraddan ayaa muhiimad istiraatiijiyadeed u leh dalka Japan, waxey ku dhex qarsoontay biyaha hoostiisa badda Okhotsk, dhanka waqooyi ee gobolka Hokkaido ee xuduudda Japan iyo Ruushka. Jasiiradda “Esanbe Hanakita Kojima“, waxey ka mid ahayd 158 jasiiradood oo dalka Japan ku yaalla oo aaney cidina daganeyn, xukuumadda Japan ayaa diiwaangelisay 4-sano ka hor si ay calaamad ugu noqoto xuduuda goboleedka badda ee ay dalka Ruushka la leeyihiin. Qaanuunka dowladiga ah ayaa sheegaya in jasiiradaha ay suuraggal tahay in loo diiwaangeliyo calaamadeynta xuduud goboleedka, waa marka ay muuqato, arrintan oo baqdin gelinaysa dalka Japan, halka biyaha goboleedka uu sii nuqsaamayo. Dadka deegaanka ugu dhow ee Sarufutsu, kuma aaney baraarugin jasiiraddan iney indhaha ka qarsoontay, taas oo kiiloomitir barkii u jirta deegaankooda. Cilmibaare Japanese ah oo la yiraahdo Hiroshi Shimizu ayaa khatarta ka dhawaajiyay mar uu booqnayay deegaan ka dhowaa jasiiradda oo safar dhanka badda uu ku bixinayay, isagaana wargeliyay dowladda dalkiisa inuu la’yahay halkii ay ka xigtay Jasiiradda “Esanbe Hanakita Kojima“. Dowladda ayaana xilli dambe ogaatay inaan jasiiradda la hayn oo ay indhaha ka qarsoontay isla markaana halkii ay ku taallay xitaa aan la hayn. Jasiiraddan ayaa waxaa baadi goob ugu jira oo raadinaya ciidanka xeebaha badda, si loo xadeeyo halkii ay ku taallay, si ay uga ilaashadaan xuduud goboleedka badda ee dalkooda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Guddoomiyihii hore ee golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa maanta ka soo qeyb-galay kulanka golaha shacabka. Xildhibaan Cabdi Shire cayaarjecel oo kulanka ka hadlay ayaa soo dhoweeyey isaga oo intaasi raaciyey inuu mudanyahay in la soo dhoweeyey, oo wuxuu ku shaeegay “Qaamuus”. Kulanka oo ay goobjoog yihiin 156 xildhibaan ayaa waxaa shir guddoominaya guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan. Ajendaha kulanka aya ah aqrinta koowaad mashruuc sharci ku saabsan xuquuqda liil-tirka ( dheyma nololeedka) siyaasiyiinta dowladda iyo sii wadista dooda iyo ansixinta xeer hoosaadka golaha shacabka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Baydhabo (Caasimadda Online) – Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed waxaa ka socoto diyaar-garowgii ugu dambeeyay ee olaha doorashada maamulkaan, taasi oo loo madal-san yahay 17-ka bishaan. Guddiga doorashadda oo shalay kulamay waxay soo saareen shuruudaha laga doonayo murashax kasta oo ay kamid tahay bixinta lacag diiwaan-gelinta ah ragga laga rabo 20 kun oo dollar, halka dumarku laga doonayo 10 kun oo dollar. Sida laga soo xigtay qoraal uu Guddigu soo saarey, murashaxkasta waxaa looga baahan yahay in Fadhiga lagu dooranayo Madaxwaynaha xiga ee Koonfur Galbeed uu ka hor-jeedo 200 nuqul oo kamid ah barnaamijkiia siyaasadeed. Murashaxiinta ayaa waxaa ku jira labo xubin oo taageero ka helaya Villa Soomaaliya, kuwaasi oo kala ah; Wasiirka Tamarta mudane Lafta-gareen, oo aan wali is-casilin iyo Taliyihii hore ee NISA, Xuseen Calool Kuus. Si lamid ah waxaa doorashada ka qaybgalaya Mukhtaar Roobow oo kamid ahaa aas-aasayaaha kooxda Al-Shabaab, iyo Madaxwaynaha waqtiga ka dhamaaday ee Shariif Xasan oo dib udoorasho rajaynaya. Dadka ka faalooda siyaasada ayaa rumeysan in doorashada Koonfur Galbeed ay go’aan ka gaari karto mustaqbalka Madasha Iskaashia Dowlad goboleedyadda oo uu haatan Gudoomiye ka yahay Shariif Xasan. Sababta ayey ku doodeen in hadii Shariifka uu kusoo baxo doorashada ay ka dhigan inuu sii jiri karo Gollaha iyo olalahiisa ka dhanka ah Villa Soomaaliya, balse ay ku xiran tahay inay doorashada kusoo baxaan Cabdiwali Gaas iyo Axmed Madoobe oo culeys wajahay dhankooda. Balse, hadii Madaxwayne Shariif looga guuleysto doorashada oo uu kusoo baxo murashax ay wadato Villa Soomaaliya waxay ka dhigan tahay inay waayeen hogaamiyaasha maamulada xubin muhiim u ahaa, maadaama Shariifka uu saamey ku leeyahay go’aamada Gollaha. Wararka laga helayo Baydhabo waxay sheegayaan in Murashaxiinta ay wadaan kulamo ay kalsoonida ua raadinayaan Xilldhibaanada, iyaga oo sameysanaya Isbaheysiyo ay rabaan inay ku galaan doorashada. Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa yimid Muqdisho si ay kulan ula yeesheen Afhayeenka Gollaha Shacabka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, iyaga oo kawada hadlay arrimo ku xeeran doorashooyinka. Macluumaadka ayaa intaas ku daraya in kulan qarsoodi ay yeesheen Murashax Roobow Iyo Shariif Xasan, taasi oo dhalisay in la meel-mariyo Afhayeenkii hore ee Shabaab, inkasta oo aan la hubin hadii ay isbaheysi sameysteen. Xigasho: Garoowe Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
  9. Cadaado (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Cadaado ayaa sheegaya in ciidamada amaanka ee degmadaasi ay gacanta ku dhigeen lix gaari Candho-meed ah oo ku wajahnaa degmada Dhuusomareeb. Gaadiidkaasi oo ku xayiran duleedka degmada Cadaado ayaa waxaa wararka ay sheegayaan inay saaran yihiin Kunteenaro hub ay ka buuxaan, sida wararka soo baxaya ay sheegayaan Ma jiro masuul ku sugan magaalada Cadaado oo arintaan xaqiijiyay, balse gaadiidkaan ayaa ka yimid dhanka magaalada Gaalkacyo, wuxuuna ku wajahnaa magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud. Arintaan ayaa aad looga hadal hayaa magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, waxaana socdo sidii loo xaqiijin lahaa in gaadiidka waxa saaran yihiin hub iyo inkale. Lama oga halka gaadiidka ay hubka kasoo qaadeen iyo cidda uu rasmi ahaan ugu socday hubkaasi, waxaana madaxda magaalada Cadaado ka gaabsadeen inay faahfaahin dheeri ah bixiyaan ka hor baaritaanka inta uusan dhamaan. Warar Caasimada Online heshay ayaa sheeaya in gaadiidka sidoo kale ay saaran yihiin dhar ciidan, ay ka yimaadeen dhanka magaalada Boosaaso ee gobolka Bari. La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah Caasimada Online Xafiiska Cadaado Caasimada@live.com
  10. Ergeyga Gaarka ah Ee Qaramada Midoobeey Uqaabilsan Arimaha Soomaaliya Nichalas Haysom ayaa waxa uu ka digay Xasarada Siyaasadeed Ee ka dhex Aloosan Dawlada Dhexe iyo Dawlad Gobolleedyada ay Caqabad ku noqoto Caawimaadii Soomaaliya lasiin jiray. Xafiiska UNSOM waxa uu ku baaqay in la dedajiyo dhameynta Xiisadaasi,si loo bad baadiyo Dadka Soomaaliyeed iyo Dalka Dib usoo kabashada ku jira. “Waa Maxay Xilligaan waxa keeni kara in la is khilaafo,Siyaasada waa la iskaga hor imaan karaa,balse maahan inay gaarto heerkaan oo kale,ayuu yiri Danjire Haysom”. Waxa uu ugu baaqay Dawlada Federaalka Soomaaliya iyo Xubnaha Maamul Gobolleedyada Horboodaya Ee Dawlada Dhexe hoos yimaada inay xal raadinta socota udhego nuglaadaan. Isagoo ka hadlayey Baydhabo ayuu sheegay in ay wadaan wada hadal ay la qaadanayaan Madaxda Dawlad Gobolleedyada loona dhageysto Tabashada ay qabaan kadibna ay Dawlada Federaalka ay la kulmi doonaan Xubnaha ugu sareeya si xal waara loo gaaro. Waxa uu Nicholas Haysom ku taliyey ka hor Doorashada Bishaan ka dhaceysa Kala barkeeda Magaalada Baydhabo in la heshiiyo si qalbi furnaan loo tartamo oo dalka loo bad baadiyo iyo Dalkaba. Shariif Xasan Sheekh Aadan oo la kulmay Nicholas Haysom iyo fransisco Madiera waxa ay kawada hadleen Arimaha Doorashada 17 Bishaan dhaceysa iyo Khilaafka ka dhaxeeya Dawlada Federaalka Soomaaliya,balse aan la shaacin wixii la isku afgartay. Ugu dambeyn Xafiiska Qaramada Midoobeey Ee Arimaha Soomaaliya UNSOM waxa uu ku cel celinayaa in Xal laga gaaro Muranka Siyaasadeed Ee Madaxda Dawlada Dhexe iyo Maamul Gobolleedyada ka dhex taagan,si loo sii ambaqaado Siyaasad hufan iyo Duulaanka Xarakada Al Shabaab Lagu Xoreynayo oo sii socda. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post QM “Khilaafka Dowlada iyo maamul goboleedyada caqabad ayey ku noqotay caawinadii Soomaaliya la siin jiray” appeared first on Puntland Post.
  11. Ciidamada Daraashiinta dowlad goboleedka Jubaland oo kaashanaya cutubyo ka tirsan Xoogga dalka ayaa maalmahan hawlgallo ka wada degaanno hoosyimaada degmada Jamaame ee gobolka Jubada hoose. Hawlgallada ayaa lagu baacsanayaa malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo ku sugan tuulooyin iyo degaanno hoostaga degmadaasi Jamaame,waxaana la soo sheegaya in khasaare kala gaaray labada dhinac,inkastoo aan si madax-bannaan loo xaqiijin karin khasaarahaasi. Wakaaladda Wararka SONNA oo xiganaysa saraakiil ciidan ayaa saaka soo werisay in ilaa 12 ka tirsan malayshiyaadka Al-shabaab lagu dilay meel u dhow degaanka Araare oo kamid ah meelaha hawlgalku ka socdo. Sidoo kale wakaaladdu waxay intaasi ku dartay in saanad ciidan laga furtay Al-shabaab,hase yeeshee ma sheegin khasaaraha gaaray dhinaca ciidamada militariga Soomaaliya iyo Jubaland. Ciidamada xoogga dalka oo ay wehliyaan Daraawiishta Jubbaland ayaa ku wajahan degmada Jamaame ee gobolka Jubada hoose, halkaas oo ay Al-shabaab mudda sannado ah ka talinaysay. PUNTLAND POST The post Hawlgallo ka socda nawaaxiga degmada Jamaame ee Jubada hoose appeared first on Puntland Post.
  12. Baydhabo (Caasimadda Online) – Caadiyan siyaasi u carareya mansab siyaasadeed hadal macaanidu waa xeeladda helitaanka hiwaayadiisa, laakiin qormadan gaaban waxaa ugu gol leeyahay in aan tilmaamo fahamkeyga khudbadii Mukhtaar Roobow uu u jeediyay dadweynihii u badnaa dhalinyarada Baydhabo. Siyaasiyiinta ku jir olole, khubadbadahooda waxaa ka buuxa ereyo macaan oo ay kamid yihiin; balan qaad, yabooh iyo qorshiyaal inta badan loogu talo gelin in la fuliyo laakiin lagu dabanayo maskaxda codbixiyeyaasha, waxaana dhibaato ku noqota sidii u fulin lahaayeen balamihii ay qaadeen ka hor helitaanka mansabkaas siyaasadeed ama jagadaas. Dhibaatada ka dhalata balan qaadyo been ah oo ay sameeyeen xilliga ololaha doorashada ayaa maanta caqabad ku ah siyaasiyiin badan oo xilal kala duwan haya ama soo qabtay Soomaaliya iyo guud ahaan caalamka, taasina waxaa keeni karto labo arrimood; in uu siyaasiga xil doonka ahi uusan wax badan kala socon deegaanka uu xilka ka raadinayo uu waxyaabo badan ku fududaayo ama in uu kast u sameeyo oo ay ka tahay aad ku gaartid dantaada. Hadal gaaban oo u jeedo leh ayuu Mukhtaar Roobow u mariyay dadkii halkaas ku sugnaa, iigama muuqan balan qaadyo mucziyo ah ama waali ah, marka aan sidaa leeyahay waxa u jeedaa Roobow waxaa uu diiradda saaray mowduuca waxbarashada maadaama uu la hadlaayay bahda waxbarashada. Taasi ayaana I bidhaamisay in uu yahay hoggaamiye hadal yaqaan ah. Diiradda Intii uu la hadlaayay dadkii goobta joogay waxaa uu khudbadiisa ku kooban waxbarashada iyo waxaa uu ka damacsan yahay, marka uu ku guuleysto xilka madaxweyne ee Koofur Galbeed, isagoo sheegay in uu arday iyo macalinba yahay isla markaana qorshihiisu yahay kobcinta iyo baraarinta waxbarashada deegaanada Koofur Galbeed. Waxaa uu tilmaamay in waxbarashadu tahay waxa keliya lagu gaaro horumar adduun iyo aakhiro ayna ka go’an tahay u adeegida iyo adeegsiya aqoonta, in la sameyn doono maktabad weyn oo laga heli karo duruusta Diiniga iyo tan maadiga iyo tayeynta waxbarashada sare ama jaamacadaha magaalada Baydhabo. Aqoonta iyo xukunka Mukhtaar Roobow, waxaa uu balan qaaday marka la doorto in uu u yeeri doono dhammaan aqoonyahnada reer Koofur Galbeed dal iyo dibad meel kasta oo ay joogaan isla markaana dowladdiisa ay hogaamin doonaan dad aqoon yahno ah oo ummaddu aaminsan tahay kuna kalsoon tahay. Waxaa uu xusay in qof kasta kaalintiisa ka ciyaari doono dowladda uu yegleeli doono marka la doorto, “qofkii qalin wax ku tari kara waa rabnaa, qofkii qori ku dagaalami kara waa rabnaa qofkii talo ama qorshe wax ku difaaci karana waa diyaar,” ayaa hadaladiisa kamid ahaa Roobow. Waxayna tahay arrin xiiso badan sababtana waxaa weeye, maamulka Koofur Galbeed iminka haya ayaan looga baran soo dhoweynta aqoonyahnada, Roobow wuxuu fahamsan yahay qiimaha aqoonta iyo cilmiga, haddii balantaas ka dhameeyo waa hubanti in uu guuleysan doono hogaankiisa. Libanta dadka kale Intii uu hadlayay waxaa ka muuqatay kalsooni iyo isla weyni la’aan, waxaa uu u mahad naqay dadkii magaalada Baydhabo ka bilaabay iskuulaadka wax laga barto iyo jaamacadaha, waxaa uu magac ***** shakhsiyaadka arrintaas ka dambeeyay, waana arrin muujinayso ahmiyadda uu siinayo in dadka bulshada ka tilmaaman loogu mahadceliyo wax ka qabadkooda, taas oo ah wax siyaasiyiinta Soomaalida badankooda looga baran. Roobow marna ma isticmaalin ereyga aniga ee waxaa uu carrabkiisa ku soo laa laabanayay ereyga ah “anaga haddii aan guuleysano” oo laga dhadhansan karo in haddii uu guuleysto la micno tahay guusha bulshada isla markaana uu rabo dadka in ay sidaa u fahmaan. Waxaa uu si aan la leex leexad laheyn, u codsaday in garabkiisa la taagnaado, isagoo tusaale u soo qaatay Ayadii SUURATUL MAA’IDA ee reer Banii Israa’iil Nabi Muuse CS ay ku dhaheen Muusow adiga iyo Rabigaaga baxa oo soo dagaalama anaga halkaan ayaa fadhineynaa, taas oo aan aheyn dhaqanka wanaagsan oo bulshada madaxdeeda la hor tagi karto. Sidoo kale, Roobow, waxaa uu u muujiyay dadka lahaansho in ay dareemaan in dalkooda ilaashan karaan madaxdooda toosin karaan haddii khalad jiro isla markaana qof hogaamiyaha ah laga rabo aragti jaheyn karta bulshada oo lagula shaqeyn karo. Waxaa kale oo aad uga muuqatay hadalkiisa in kurtiisanaanta ALLE ay fure u tahay gaaritaanka yoolka labada daarood, waana waxa looga baahan yahay in qofka hoggaamiyaha ahi uu bulshadisa u jaheeyo waddada saxda ah keeni kartana guul deg deg ah. Hadal deeqsiin Mukhtaar Roobow, waa nin aad ugu wanaagsan jeedinta khubadbado aan lagu caajisin, badanaa ma jeediyo ereyo meel ugu qoran, waxaa uu adeegsadaa xikmado iyo maahmaahyo oo uu ugu duur xulayo u jeedadiisa si loo fahmo waxa uu dadka kala hadlayo. Waxaa kale oo aad u yaqaanaa fahaamsan yahayna dhaqanka dadka Soomaaliyeed taasi ayaana u sahasha in uu markasta isticmaalo tusaalooyin kala duwan oo u jeedada hadalkiisa iftiiminaya, waxaa uu mararka qaar aad ugu qoshliyaa dadka uu u khudbadaynayo marka uu ereyo kaftan ah ku laro hadalkiisa. Roobow, waxaa uu durba muujiyay in uu la shaqeynayo marka la doorto qof aan isaga aheyn, waxaana uu ku kaftamay “ Aniga ma ahi Yaasiin anan ku jirin aqbal ma ahan” “haddii aan ku guuldareysto isla markaana la doorto qof ummadda dad u ah waan la shaqeynaynaa” ayuu yiri. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
  13. Maamulka Isboortiga Gobolka Banaadir ayaa kulan la qaatay ciyaartooyda loo soo xulay in ay matalaan Gobolka Banaadir tartanka kubbadda cagta maamul-Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2018 oo aan wali la shaacin waqtiga iyo goobta lagu qabanayo Guddoomiyaha Isboortiga Gobolka Banaadir Xasan Aadan Xaaji Yabarow Wiish oo ciyaartoyda iyo macallimiinta hogaamin doonta kula hadlay xarunta Dowladda Hoose ayaa sheegay in maamulka Gobolka diyaar ula yahay xaquuqda iyo wax kasta ay u baahanyihiin xirfadlayaasha sanadka nasiibka u yeeshay in matalaan calanka iyo shacabka maamulka Gobolka Banaadir “Waxaa idin saran waajib adag sababtoo ah sanadkan ma qaadan karno in aan ku harno heerka Groupy-ada waayo labadii sano ee nasoo dhaaftay ayaa sidaas samaynay,balse sanadkan waxaan rajaynaa in aan ka farxino shacabka gobolka Banaadir”sidaas waxaa Goobjoog News u sheegay gudoomiyaha ciyaaraha Gobolka Banaadir Xasan Aadan Xaaji Yabarow Wiish Macalimiinta sanadkan horkacaysa Gobolka Banaadir waxa ay kala yihiin Cabdi Wali Maxamed Maxamuud (Cabdi Joon), Cabdullahi Aweys Laash iyo Maxamed Abuukar Nuur Cabdi Wali Maxamed Maxamuud (Cabdi Joon) waa tababaraha kooxda Horseed,horayna waxa uu usoo maamulay kooxaha Elman iyo Dekedda,isagoo sanadkan iyo kii hore fiinalaha koobka jeneraal daa’uud soo gaaray,isagoo kala tababarayay naadiyada Elman iyo Horseed Cabdullahi Aweys Laash waxa uu ka mid yahay tababarayaasha ugu wanaagsan ee lagu arkay tartanka kubbadda cagta degmooyinka Gobolka Banaadir afartii sano lasoo dhaafay horomar wacan ka sameeyay,sanadii 2014 ayuu koobka degmooyin u qaaday degmada Boondheere oo kolkaa fiinalah la dheeshay degmada Waaberi oo iminka ah horyaalka degmooyinka G.Banaadir Tababare Cabdullahi Laash waa qurbajoog waxa uu ka yimid dalka Mareykanka,isagoo sanad kasta inta u dhaxaysa bisha May ilaa December dalka u yimaado in uu caawiyo isboortiga gudaha sanadkan 2018 kooxda degmada Shibis ayuu soo gaarsiiyay heerka fiinalka ciyaaraha degmooyinka afartano sano ka dib,iyadoo bulshada reer Shibis ayay ugu Mahad celiyo darajada uu kooxdooda keenay Maxamed Abuukar Nuur waa layliyaha degmada Waaberi u sahlay labadii sano lasoo dhaafay in ay hantaan koobka degmooyinka,iyagoo ka guulaystay kooxaha Hodan iyo Shibis dadka qaar ayaa qaba saddex Macalin uu is raacay in wax badan ka badali doonaa Gobolka Banaadir “Waxa ay inoo tahay sharaf sida wanaagsan ay maamulka Gobolka Banaadir noogu dhiibney kooxda ayaa anaga si wadajir u rajaynaynaa in aan soo bandhigo wax wanaagsan oo ka farxiya maamulka,iyo taageerayaasha tirada badan ee Gobolka” waxaa sidaas inoogu waramay tababarayaasha laylinaya kooxda Gobolka Banaadir ee isku diyaarinaysa ciyaaraha Maamul-Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2018 Tartanka kubbadda cagta Maamul-Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo labadii sano lasoo dhaafay caasimada Muqdisho lagu qabtay ayay kooxda Gobolka dhaafi waasay heerka rubac dhamaadka ama (Semi-Finaalka),balse ifaalada iyo rajada ah ayaa ah in olalahan ay tiigsadaan meel wacan W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  14. Muqdisho (Caasimada Online)- Khilaafka u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo maamulada dalka Soomaaliya ayaa muddadii uu jiray wuxuu sababay inuu Yaraado wada shaqeynta dhexdooda ah. Wakiilka Ergayga Gaarka ah ee QM u Qaabilsan Soomaaliya oo qeyb ka ah dadaalada la doonayo in lagu heshiisiiyo dowladda iyo maamulada dalka ayaa sheegay in khilaafka uu sababay inuu saameeyo horumarka dalka. Wuxuu sheegay in loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo horumarinta dalka Soomaaliya iyo sidii si wadajir ah la iskula meel dhigi lahaa hanaanka doorashooyinka dalka Soomaaliya ka dhacaya sanadka 2021. Aqalka Sare ee Baarlamaanka oo matala dowlad goboleedyada ayaa dhankiisa wada dadaalada lagu dhexdhexaadinayo dowladda Soomaaliya, waxaana la ogeyn sida xaalka uu noqon doono. Madaxweynayaasha Jubbaland, Puntland iyo Koofur Galbeed oo culeesyo doorasho ay heystaan ayaa qiil kasii dhiganaya khilaafka dowladda kala dhaxeeya, waxayna taasi horseeday in musharixiin badan lagu tuhmo in dhanka dowladda ka socdaan. Ergeyga UN-ka Nicholas Haysom iyo midka Afrika Francisco Madeira ayaa todobaadkii tagay waxaa ay bilaabeen kulamo ay la yeesheen aqalka sare iyo maamullada Jubbaland, Koonfur galbeed iyo Hirshabeelle, iyaga oo iska xil saaray sidii loo xalin lahaa khilaafka dowladd dhexe iyo dowlad goboleedyada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Nicholas Haysom oo haatan ku jira socdaalka wada hadallo lagu xalinayo khilaafka u dhaxeeya dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ayaa sheegay in khilaafka labada dhinac uu caqabad ku yahay horumarka Soomaaliya. Nicholas Haysom waxaa uu intaasi ku daray in ay wadaan dadaallo lagu dhisayo dowladnimada Soomaaliya, lana doonayo inay mar kale cagaheeda isku taagto, laakin khilaafkan uu arrimahaas caqabad ku yahay. Ergeyga UN-ka Nicholas Haysom iyo midka Afrika Francisco Madeira ayaa todobaadkii tagay waxaa ay bilaabeen kulamo ay la yeesheen aqalka sare iyo maamullada Jubbaland, Koonfur galbeed iyo Hirshabeelle, iyaga oo iska xil saaray sidii loo xalin lahaa khilaafka dowladd dhexe iyo dowlad goboleedyada. Dowlad gobleedyada ayaa aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ka dalbaday inay qeyb ka noqdaan xalka isla markaana dhexdhexaadiyaan iyaga iyo dowladda dhexe. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Guddoomiyaha xisbiga Wadajir, Kamaal Guutaale ayaa sheegay in madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo uu yahay shaqsi kala hadlay, sidoo kalena uu sameeyey balan ka baxyo. Waxa uu tilmaamay in madaxweynaha waxyaabihii uu ballanqaaday ka mid hayad dib u dhiska meelaha qaraxyada ku burburaan, dadka soo sheega Al-shabaab oo lacago la siin doono, balse aanu waxbo ka qaban. Sidoo kale, waxa uu sheegay in madaxweynaha dadka uu xilalka u dhiibto ay tahay dad kasoo horjeeda waxyaabihii uu sheegayey. Dhanka kale, Kamaal waxa uu sheegay in madaxweyne Farmaajo uu hub badan geeyey magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/WAREEYSI-KAMAAL-GUUTAALE.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Muqdisho (Caasimada Online)-Hogaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kenya Xildhibaan Aadan Barre Ducaale, ayaa shaaciyay inuu wanaagsan yahay xiriirka u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo dowladda Kenya, sidii loo doortay madaxweyne Farmaajo. Somalia iyo Kenya waxaa ka dhaxeeya dacwad dhanka Badda ah oo ay furtay dowladii ka horeysay tan hadda dhisan, waxaana xildhibaan Aadan Barre uu sheegay in laga wanaagsanaa in dacwadda horey maxkamad lala aado. Wuxuu sheegay in dowladdaha aduunka ay isku qaban karaan dhanka xuduuda badda iyo dhulka, laakiin wuxuu sheegay in loo baahnaa in lagu xaliyo hanaan diblumaasiyadeed. Xuduuda u dhaxeysa Somalia iyo Kenya ayuu sheegay inay tahay mid cad oo muru uusan ka imaan karin, balse hadda waxaa jiro murun badeed u dhaxeeya dowladaha Somalia iyo Kenya. “Somalia iyo Kenya maanta mey noqonin dad jiiraan ama ah deris ah, Intaan aan garanayo badda Somalia iyo Kenya meel ayay isaga imaanayeen, xuduuda Kenya ama dhul iyo bad ha ahaado, waa mid sida maalin iyo habeen loo kala garto isaga cad” “Wadanka Somalia iyagaa dacwadda aaday waana soo dhaweyneynaa, waxaana diyaar u nahay inaan hab diblumaasiyadeed u xalino, murunka badda ee labada dowladood u dhaxeeyo”ayuu yiri Aadan Barre Ducaale. Xildhibaanka ayaa sheegay inay wali diyaar u yihiin in hanaan diblumaasiyadeed loo xaliyo khilaafka dhanka badda ee u dhaxeeya labada dowladood. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Muqdisho (Caasimada Online)-Maamulka Putland ayaa digniin u diray musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Puntland ee la tartameysa madaxweynaha waqtiga kasii dhamaanayo C/Welli Maxamed Cali Gaas. Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdi Xersi Qarjab oo warbahinta la hadlayay ayaa sheegay in marnaba aysan aqbaleyn musharax gaadiid badan la yimaadan magaalada Garowe inta olalaha doorashada lagu jiro. Wasiir Qarjab, ayaa sheegay inay iyaga masuul ka noqonayaan amaanka musharaxa doonaya inuu la tartamo C/Welli Gaas, balse aysan aqbaleyn musharax ciidamo beeshiisa ah la taga magaalada Garowe. Musharixiinta ayuu ugu baaqay inay ilaaliyaan xeerarka u degsan maamulka Puntland, isagoo sidoo kale ka digay in musharixiinta ciidamo badan yeeshaan, taasi oo uu ku micneeyay in amniga wax u dhimi karaan. “Ninkastaa oo musharax waa lasoo dhawenayaa, amnigiisa dowladda masuul ka ah, waardiyahiisa gaarka ah waa loo ogol yahay, laakiin baabuur isdaba yaacayo oo reerahiisa daba yaacayaan lama ogola, halkaan reera xukumi maayaan, waan idin soo dhaweyneynaa laakiin saxmad lama ogola” Taasi badalkeeda wasiirka warfaafinta ayaa ugu baaqay inay ka qeyb qaataan ilaalinta amaanka xuduudaha,waxaana uu sheegay inaysan aqbaleyn in musharax dhaqaalo soo qaatay inuu wax ka badalo amaanka deegaanada Puntland. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. Maamulka gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in ay deegaanno ka mid ah gobolkaasi ka bilaabi doonaan howlgallo ballaaran oo ka dhan ah Isbaarooyinka. C/fitaax Cumar oo ah guddoomiye ku dhaanka maamulka Sh/hoose ayaa u sheegay Goobjoog, iney soo gaartay cabasho badan oo ay soo gudbiyeen dadka shacabka ah. Waxa uu sidoo kale sheegay guddoomiye ku xigeenka in meelaha ay yaalaan jidgooyinka ee lagu dhibaateeyo shacabka ay sida ugu dhaqsiyaha badan cagta ku marin doonaan. Shacabka ku dhaqan gobolka Shabellaha Hoose ayuu ka codsaday iney la shaqeeyaan ciidamada ammaanka si looga sifeeyo gobolkaasi kooxaha shacabka dhiba. “Howlgallo ka dhan ah kooxaha dadka jidka u gala ee isbaarooyinka dhigta ayaan dhowaan bilaabeynaa, waxaana ka bilaabi doonaan guud ahaan gobolka, shacabka waxaan rabnaa iney gacan siiyaan ciidamada ammaanka” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka. Rag hubeysan, kuna labisan dareeska ciidanka ayaa mararka qaar dhibaato u geysta shacabka ku safraya waddooyinka gobolka Shabellaha Hoose. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Waxgaradka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa ugu baaqay Puntland iyo Somaliland iney kaalin ka qaataan sidii lagu dhammeyn lahaa colaadda gobolka Sool. Garaad Kulmiye Garaad Maxamed Garaad Dool oo ka mid ah waxgaradkan ayaa sheegay in dagaal sii socdaa aanu waxbo soo kordhineyn. Waxa uu sheegay garaadka in sidoo kale la doonayo iney Somaliland iyo Puntland ay dhankooda ka shaqeeyaan sidii xiisadaha jira loo qaboojin lahaa. “Somaliland iyo Puntalnd waxaa haboon iney xalliyaan colaaddan soo noqnoqotay, waxaana waajib ka saaran yahay cid walbo oo Soomaali ah” ayuu yiri Garaadka. Beello walaalo ah ayaa ku dagaallamay deegaanno ka mid ah gobolka Sool, iyadoo weli aanay jirin xal rasmi ah oo laga gaaray dagaalladaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaanadii ugu badnaa ee ka tirsan baarlamaanka Koofur Galbeed ayaa kusugan magaalada Muqdisho oo seddexdii maalin ee ugu dambeysay ay soo gaarayeen. Inka badan 50 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Koofur Galbeed ayaa ku sugan magaalada Muqdisho, waxaana seddexdii habeen ee u dambeysay ay kulamo la qaadanayeen guddoonka baarlamaanka iyo xildhibaanada Baarlamaanka Somalia ka tirsan. Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in kulanka xildhibaanada loogu farmuuqayay musharaxa ay dooranayaan, waxaana shaki badan uu ka dhashay cidda bixisay dhaqaalaha badan ee xildhibaanada looga keenay magaalada Baydhabo. Wararka qaar ayaa sheegaya in xildhibaanadaan loo gacan geliyay dhaqaalo cadadkiisa wali Caasimada Online aysan xaqiijin, taasi oo hordhac aheyd si ay u doortaan musharaxa dowladda dooneyso inuu kusoo baxo doorashada. Qaar kamid ah xildhibaanada oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay u yimaadeen kulamo ay kaga hadlayaan waxyaabaha u dan ah shacabka Koofur Galbeed. Magaalada Baydhabo waxaa ka socdo kulano gaar gaar ah oo ay yeelanayaan xildhibaanada tirada yar ee kusugan magaalada, waxaana ay kaga tashanayaan doorashada ka dhaceyso magaalada Baydhabo. Waa Markii ugu horey oo xildhibaano maamul goboleed oo tiridaasi gaaraya yimaadaan magaalada Muqdisho xili doorasho ay dhaceyso. Shariif Xasan ayaa dareemayaa culees badan oo kaga imaanaya dhanka dowladda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@Live.com
  22. WASHINGTON — The United States and Turkey have lifted sanctions against top officials in each other’s government in a mutual sign on Friday of warming diplomatic relations between the two NATO allies after last month’s release of an American pastor. Source: Hiiraan Online
  23. Local Islamic State affiliate claims responsibility for attack on three buses carrying Christian pilgrims Source: Hiiraan Online
  24. A satellite office of the Center for Victims of Torture will soon open in St. Cloud to serve Somali refugees affected by decades of civil war. Source: Hiiraan Online
  25. The former president has called for decency and honesty. It follows US President Donald Trump's plan to send several thousand troops to the US border in response to what Trump called a migrant "invasion." Source: Hiiraan Online