-
Content Count
211,244 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
In xeer loo sameeyo hay’adda duulimaadka rayidka ah ee Soomaaliya waxa ay uga dhigan tahay:- A – Wuxuu xaqiijinayaa lahaanshaha adeegan in uu gooni u ahaado kaliya dowladda Soomaaliyeed. B – Wuxuu ka hortagayaa in hawada Soomaaliyeed shirkado ama dalal shisheeye la hoos geeyo. C – Wuuxuu saldhig u yahay hanashada iyo ilaalinta xuduudaha hawada Soomaaliyeed. D – Wuxuu fure u yahay la soo wareegida maamulka hawada Soomaaliya ee maanta ay gacanta ku hayso hay’adda ICAO iyo shirkado kale oo laga leeyahay dalal kale. Ayadoo oo sharcigan uu leeyahay muhiimaddaas oo dhan, ayaa hadaba waxaa ayaandarro ah in sharcigii intaas oo himilo ah laga sugayey in uu hirgaliyo muddo dheer in wasiirka gaadiidka uu maanta baarlamaanka horgeeyo wax sharci la mood ah, oo mugdi galinaaya dhamaan himilooyinka kor ku xusan, keeni karana hadduu hirgalo in hawadeena ay gobol gobol u kala go’do ama shisheeye loo gacan geliyo. Sharci la moodkan wuxuu ka kooban yahay 1- Qayb laga soo xaday sharciyada duulimaad ee dalal kale. 2 – Qayb laga soo minguuriyay xeer ciqaabeed(Criminal low), iyo 3 – Qayb sahlaysa in aviation-ka dalkeena loo gacan galiyo ama ay la wareegaan shirkado shisheeye. Waxaa kale oo ayaandarro in wasiiradii soo maray wasaarada gaadiidka ay afduubteen adeegaan oo ay ku ganacsadaan, kuna faanaan amaba ka been sheegaan la soo wareegidda hawada Somalia. Sidoo kale, waxaa ayaandarro ah in ay iska indho tiraan in adeegan uu yahay astaan qaran (Somali Civil Aviation Authority), uuna yahay ilaaliyaha xuduudaha hawo ee dalkeenu leeyahay, sidoo kale uu yahay adeeg la falgalo dhammaan adeegyada qaran ee dal uu leeyahay sida ganacsiga, socdaalka, caafimaadka, ciidamada (Cirka iyo dhulkaba). Hadaba waxaa muhiim ah in labada aqal ee dowlada, ay xeer ku sheegaan loo soo gudbiyay hoos u eegaan oo ay bar bar digaaan 1- Xeerkii tirsigiisu ahaa Lam XASH/42/184/90 oo ay hore u ansaxiyeen baarlamaankii dowladii AUN Maxamed Siyaad Barre ee la ansaxiyay 25/9/1990-kii, 2 – Sharcigii ay diyaariyeen khubaradii aviation-ka, iyo 3-kii ICAO u diyaarisay baarlamaanka Somalia in ay mas’uuliyadeeda kula wareegto. Dhamaan xeerarkaan kor ku xusan waxay fure u noqon karaan badbaadada adeegaan iyo u diyaariinta sharci ka turjumi kara dhammaan himilooyinka aan kor ku soo xusnay, Sharcigaasi, oo keeni karo in dowladeenu kula soo wareegto mas’uuliyadda hawada dalkeena oo qaybta ugu muhiimsan maanta ay ICAO gacanta ku hayso, qaybta kalena gacanta ugu jiro shirkado dalal shisheeye. Haddaba sharcigan qaldan iyo midka saxda ah, waxaa sharxaya aqoonyahan Maxamed Abuukar Nuur, oo ah khabiir dhinaca duulimaadka ah.
-
Maanta waxay saxaafadaha Soomaalodu sheegayeen in Xabsi la dhigay Gebregziab Alemseged Abraha oo Soomaalidu ugu yeeri jireen Janaraal Gabre. Warbaahinta Puntlandi.com oo u kuur gashay Wararkaan baaritaana ku sameysay ayaa waxaan ogaaney in Warkaan wax xaqiija la wasyey. Saraakiil ka tirsan Dowlada Itoobiya oo ka warheyn lahaa hadii la xiray Jendraal Gabre oo aan wax ka waydiiney warkaan waxay sheegeen ineysan maqal xariga Jeneraal Gabre. Jenaral Gabre oo ahaan jiray Sargaalkii watay Ciidanka Itoobiya Markay koonfurtaSoomaaliya ay Soo galeen ayaa Soomaalida qaar ku eedeeyaan inuu faraha kula jiray Siyaasada Soomaalia. Puntlandi.com Adis ababa Source
-
Qaran News
-
Dunnida aan ku noolnahay Damac-shisheeye kama dhamaado. Aadanaha wuxuu isdheer yahay garashada iyo dadaalka. Adduunka maanta waa sidii maqsin quraa oo kale; wixii galbeedka ka dhaco, Bariga durbadiiba waa gaaraa! Maanta ma ahan maalinkii dhag kaliya shacabka wax ka maqli jireen, maanta ma ahan maalinkii garashada dhami shaqsi gaar ah loo nisbeyn jiray “ Aabihii Garashada” “Guulwadoow”! Waxaa xaqiiq ah in Gobolkeena uu isbedel ka dhacay, laakiin in badan oo inaga mid ah aywaaga la-noolyihiin riyooyinkii qayaaliga ahaa. Kuwaa waxaba ka daran kuwa doonayo inay maanta soo jeedka ku riyoodaan. Riyooyinkaas waxaa ugu qosolka badan; Adigoo gabay mas’uuliyadii gaarka kuu aheyd inaad ka guul sheegato hoolaan laguu idman. “ Nabbadgalyada Geeska Afrika”! Aduunka qorshaa lagu meel maraa. Culumada Bulshada waxeey yiraahdiin” hadaad bilaa qorsha tahay ogoow qorsho Duul kale dejistay ayaad ku hoos jirtaa” sida muuqato Damacii Ethiopia isma bedelin ee hogaankii uunbaa isbedelay. Abiy Ahmed wuxuu ku shaqeeya qorsho qoran, wuxuu miisaan wax ku saara; Danta Dalkiisa. Wanaagiisa waa mid u gaar ah Dalkiisa. Inuu hogaankeen u dhoola cadeeyo kama tarjumeyso ineey dhagartii suushay. Waxaa ii muuqato maanta In Ethiopia ee ku jirto casri dahabi ah, sababtoo ah hamigii ahaa dhul iyo Dadba boob ayaa u rumoobi rabo. Waxeey maanta heesataa kuwa shaarka ka Soomaali ah, laakiin quluubta ka Ethiopian ah. Maanta waxaa Dalkeena ka jirto; Waddaniyad afka baarkeed ah. Duufaanta socoto waa mida inaga qaaday garashadii aheyd; Xigto iyo xigaal. Masalan, Eritrea iyo Djibouti yaa xigto ah? Iskusoo wada xeeri; Dalkeena maanta hiilo ayuu rabbaa. Ogoow damaca shisheeyaha ma yaqaan xigto iyo xigaal. Waxaan kusoo koobayaa biyo inteysan kusoo gaarin ayaa leyska moosaa! W/Q:Abdullahi Mahdi #MadashaKulmiye #OgaalAragFog Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Ku soo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Isbahaysiga xukuumadaha Muqdisho, Addisababa Iyo Asmara ayaa bilihii la soo dhaafay si xowli ah ku socday, arrintaas oo siyaabo kale duwan lagaga hadlay dhowr jeer oo hore. Dhowaan waxaa jiray siyaasado isdiidan iyo kuwa wada socda oo ku saabsan wadamo kamid ah geeska Afrika sida Soomaaliya, Itoobiya, Jabuuti iyo Eratariya ayaa arrintaas waxaa nala fallanqeeyay siyaasiyiin iyo aqoonyahanno Soomaaliyeed. Dooddani waxaa naga la qeyb galaya Garyaqaan Cabdiwaaxid Cabdullaahi Warsame iyo Danjire Maxamed Maxamuud Caalim oo ka faallooda siyaasadda arrimaha Soomaaliya iyo tan gobolka. Qodobada lagu lafa guray doodda waxaa kamid ah arrinta cunaqabataynta laga qaaday Eratariya iyo falcelinta Jabuuti. Waxaa sidoo kale doodda lagu dul istaagay, hadalkii RW Itoobiya Abiy oo ahaa in mustaqbalka dhow Soomaaliya, Eratariya iyo Itoobiya ay yeelanayaan hal madaxweyne. HOOS KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/DOOOD.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Buurdhuubo (Caasimada Online) – Taliska ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa u diiday madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe inuu tago degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo. Taliyaha ururka 4, qeybta 43 ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya, Cabdi Raxmaan Ibraahim Maxamuud oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Axmed Madoobe uusan soo caga-dhigi karin Buurdhuubo. Waxaa uu sheegay taliyaha in garoonka diyaaradaha Buurdhuubo ay joogaan ciidamada militariga Soomaaliya, islamaraaana deegaankaasi aysan imaan karin mas’uuliyiinta ka tirsan maamulka Jubaland. Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in Axmed Madoobe uu dhibaato ku wado dowladda federaalka Soomaaliya, islamarkaana arrintaasi aysan u dulqaadan karin. Ciidamadii ugu badnaa ayaa la sheegay in la geeyay garoonka diyaaradaha ee degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo, si looga hor-tago in Axmed Madoobe uu halkaas yimaado. Arrintan ayaa waxaa ay ku soo beegmaysa xilli khilaaf siyaasadeed uu u dhexeeyo dowlada federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland, inkasta oo aysan caddeyn in madaxda sare ee dowladda ay arrintan ku lug leeyihiin. Dhowaan ayaa sidoo kale Axmed Madoobe loo diiday inuu tago degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
-
(SLT-Nairobi)Waajibaadka aanu u xilsaaran nahay ayey ka mid tahay horumarinta xidhiidhka Ganacsi ee JSL la wadaagto dalka iyo shacabka Kenya, si aanu uga *****no bartilmaameedkii Madaxweynaha JSL.” ayaa lagu bilaabay. Qoraal bartiisa Facebook uu ku baahiyey shalay Safiir-Xigeenka xafiiska JSL ee Kenya Md Ayaanle Salaad Diiriye iyo xogo dheeraad ah oo u siiyey weriye Maxamuud Walaaleye ayaa dhignaa sidan: Wasiirka Ganacsiga dalka Kenya Md Peter Munya oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Md Baashe Cawil Cumar iyo hawlwadeeno ka tirsan xafiiska Safaarada JSL ee Kenya ayaa lagaga hadlay dardargelinta xidhiidhka Ganacsi ee labada wadan iyo labada shacab wadaagaan. Kulanka oo labada dhinac arrimo kala duwan ku falanqeeyeen, isla markaana is-afgar wanaagsan ku gaadheen ayaa qeyb ka ah kulamo guud ahaan madaxda safaaradu mudooyinkii u dambeeyey la yeelanaysay madax kala duwan oo xukuumada Kenya, wakiilada Wadamada Qaadhaan-bixiyeyaasha, Saaxiibada Somaliland iyo kuwa jecel horumarkeena. Dalka Kenya oo ka mid ah dalalka caalamka ee xidhiidho taariikhi ah & saaxiibtinnimada la wadaagi jiray muddo dheer Somaliland iyo shacabkeeda ayaan isla qaadanay sidii loo sii horumarin lahaa. Gebagebadii qoraalka safaarada JSL ee dalka Kenya ka soo baxay ayaa lagu sheegay, Waxaan sii wadi doonnaa in aan la shaqeyno oo aan wax badan wada qabsano, sababoo ah, Waajibaadka aanu u xilsaaran nahay ayey ka mid tahay horumarinta xidhiidhka Ganacsi ee JSL la wadaagto dalka iyo shacabka Kenya, si aanu uga *****no bartilmaameedkii Madaxweynaha JSL. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa kulan saacado qaatay la yeeshay wasiirka arrimaha dibadda Kenya Haweeneyda lagu magacaabo Monica Juma. Kulanka ayaa yimid kadib markii masuuliyiintaan ay isku arkeen magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, halkaasi oo uu ka socdo Shirka gaarka ah ee 20-aad ee Golaha Fulinta ee Midowga Afrika oo ka furmay Addis Ababa. Labada wasiir arrimo dibadeed ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa isla soo hadal qaaday dadaalada nabadeed ee ka socdo dalka Soomaaliya iyo sidii Kenya u labo jibaari laheyd taageerada nabadeed ee dalka Soomaaliya. Waxay sidoo kale ka wada hadleen wanaajinta xiriirka labo geesoodka ah ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, sidoo kale horumarinta iskaashiga labada dal ayay isla soo hadal qaadeen. Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa dhigiisa Kenya kaga mahadceliyay doorta dowladda Kenya ay ku leedahay howlaha nabadeynta ee ka socdo dalka Soomaaliya. Arrimaha amaanka iyo nabad galyada Geeska Africa ayaa lagu soo hadal qaaday shirka gaarka ahaa ee u dhaxeeyay labada wasiir, waxaana wasiirada ay balanqaadeen inay si wanaagsan iskaaga kaashan doonaan la dagaalanka argagixisada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Addis-Ababa (Caasimada Online) – Col. Gebregziabher Alemseged Abraha, oo ay Soomaalida ay u baqaan Jeneral Gebre ayaa lagu warramaya in xabsiga loo diray, sida ay baahisay qaar ka mid ah warbaahinta dalka Itoobiya. Taleefishinka ESAT ee dalka Itoobiya ayaa shalay baahiyey in Gebre laga qabtay oo lagu xiray duleedka magaalada caasimadda ee dalka Ethiopia. Sida taleefishinka uu baahiyey, Gebre ayaa loo haystaa eedeymo ay ka mid yihiin inuu ku lug lahaa rabshado ka dhacay gobolka Soomaalida Itoobiya iyo inuu hub ka iibiyey kooxo ku sugan gudaha dalka Soomaaliya. Dowladda Ethiopia weli si rasmi ah uma xaqiijin warkan. Sidoo kale, Caasimada Online si madax banaan uma xaqiijin karto. Si kstaba, madaxtooyada Soomaaliya ayaa xaqiijisay in Gebre la xiray, waxaana qoraal arrintaas ku saabsan bartiisa twitter-ka soo dhigay agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Cabdinuur Maxamed. “Waa war wanaagsan in kolonaylkii caanka ahaa ee Gebre lagu xiray Itoobiya. Waa nin muddo fog ku lug lahaa faro-gelinta iyo arbashaadda Soomaaliya. Xarigiisa waxa uu muujinayaa in Itoobiya ay ka go’an tahay xasiloonida Geeska Afrika” ayuu yiri Cabdinuur. Arrintaan ayaa kusoo aadeyso xilli uu dhawaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sheegay inay Dowladda Itoobiya joojisay faragelinta ay ku heysay dalka Soomaaliya Col. Gebregziabher Alemseged Abraha, ayaa dabayaaqadii June laga ceyriyey xilkii uu ka hayey urur goboleedka IGAD, ee ahaa la-taliyaha sare ee arrimaha siyaasadd ee xoghayaha fulinta IGAD. Gebre oo mar ahaa sarkaalka ugu sarreeya ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya, ayaa mas’uul ka ahaa dilka iyo xasuuqa kumanaan Soomaali ah, iyo inuu iska horkeeno kooxaha Soomaalida ee siyaasadda isku diidan Halkan ka daawo warka ESAT ee xariga Gebre. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Waddamada Soomaaliya, Liibiya iyo Afqaanistaan ayaa noqday meelaha ugu halista badan caalamka, sida lagu sheegay daraasad cusub oo khariidad loogu sameynayay dadka dunida u socdaala. Warbixintan oo ay si wada jir ah u soo saareen hay’adda caalamiga ah ee caafimaadka iyo nabad galyada ee SOS iyo hay’adda la socodka khataraha adduunka ayaa musaafuriinta loogu sheegayay xaaladaha ka jira meelaha ay safarada ku tagayaan sannadka foodda nagu soo haya ee 2019-ka. Dalalka ku yaalla qaaradda Yurub ee kala ah Finland, Norway iyo Iceland ayaa loo aqoonsaday iney yihiin meelaha ugu nabdoon ee loo safri karo. Liibiya, Afqaanistaan, Soomaaliya iyo Suuriya ayaa dhammaantood safka hore ka galay meelaha uu khatarta dhimashada iyo waxyeellooyin kaleba kala kulmo karo qofka. Liiska dalalka ayaa la isugu xijinayay sida ay u kala halista badanyihiin, iyadoo dalalka ugu hooseeyana ay yihiin kuwa ugu khatarta yar. Waxyaabaha ugu badan ee diiradda la saarayay ayaa ah xaaladaha caafimaadka, amniga iyo nabadgalyada waddooyinka. Marka laga soo tago qaaradda Africa, waddamada kale ee halista ugu badan ee waddooyinka iyo shilalka gaadiidka ay ka jiraan ayey warbixintan ku sheegtay iney yihiin Brazil, Bolivia, Sucuudiga, Iiran iyo Kazakhstan. Qeybtan, dalka Mareykanka ayaa ka galay meel dhex dhexaad ah. Inta badan dalalka Yurub ayaa lagu qeexay iney aad ugu yartahay khatarta dhinaca waddooyinka waxaana la mid ah waddamada Japan, Australia iyo Zew Zealand. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
shirka la joojiyay Ciidamada amaanka gobolka Nugaal ayaa galabta joojiyay shir ka socday Hotelka New Rays ee magaalada Garowe. Shirka la joojiyay waxaa soo qaban-qaabiyay Golaha Runta iyo Cadaaladda, waxaana ka qeyb galay masuulyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, odoyaal dhaqan iyo waxgarad kale. Warqada casuumadda shirka waxaa markii hore lagu soo qoray “Qado sharaf odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka kale ee reer Puntland”, balse sida ay dad ka qeyb galay oo codsaday in aan magacooda la xigan u sheegeen PUNTLAND POST looga hadlay arrimo siyaasadeed oo aan markii hore loo sheegin, sidoo kale waxay sheegeen in xiliga shirka la joojiyay uu ahaa gabo-gabo. Dhanka kale saraakiil ka tirsan ciidamada amniga gobolka Nugaal ayaa u sheegay PUNTLAND POST in ujeedada shirkan loo joojiyay ahayd in uusan ogolaansho ka haysan Guddiga amniga gobolka. Bishii Octoober ee sanadkan ayaa war ka soo baxay maamulka gobolka Nugaal lagu sheegay in Garowe lagu qaban karin shir aan ogolaansho looga haysan Guddiga amniga gobolka. Maahan markii ugu horeysay oo shir ay ku lug leedahay federaalku la joojiyo, dhawaan ahay ahayd markii Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Gaas oo dalka ka maqan uu amar ku bixiyay in la joojiyo, kulan uu soo agaasimay wasiirka Qorshaynta iyo Xidhiidhka caalamiga ah ee Soomaaliya oo lagu qaban lahaa Garowe. Golaha Runta iyo Cadaaladda ayaa ah Gole ay dhawaan magaalada Garowe ka asaaseen siyaasiyiin reer Puntland ah. PUNTLAND POST The post Puntland: Ciidamada amniga oo joojiyay shir ka socday Garowe appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Dalalka Soomaaliya, Libya iyo Afghanistan ayaa noqday dalalka ugu khatarta badan Dunida oo dhan, sida lagu shaaciyay daraasad cusub oo ku aaddan waddamada loo safro dunida. Daraasadda oo ay si wadajir ah u soo saareen hay’adda caafimaadka iyo nabad-galyada ee SOS iyo hay’adda la socodka khataraha adduunka ayaa musaafuriinta loogu sheegayay xaaladaha ka jira meelaha ay safarada ku tagayaan sannadka foodda nagu soo haya ee 2019-ka. Waddamada Yurub ee kala ah; Finland, Norway iyo Iceland ayaa iyagana loo aqoonsaday inay yihiin dalalka ugu nabdoon Dunida ee loo safri karo, halka Waddamada Somalia, Libya, Afghanistan iyo Syria ayaa safka hore ka galay meelaha uu khatarta dhimashada iyo waxyeellooyin kaleba kala kulmo karo qofka. Sidoo kale, Liiska waddamadan ayaa la isugu xijinayay sida ay u kala halista badan yihiin, iyadoo dalalka ugu hooseeyana ay yihiin kuwa ugu khatarta yar caalamka oo dhan. Waxyaabaha ugu badan ee sida gaarka ah diiradda loo saaray ayaa waxaa ka mid ah; xaaladaha caafimaadka, amniga iyo nabad-galyada waddooyinka iyo kuwo kale oo muhiim ah. Dalalka Afrika ee sida gaarka ah ay caafimaad darradoodu aad ugu sarreyso ayaa lagu sheegay inay yihiin; South Sudan, Ivory Coast, Sierra Leone iyo Niger. Waxaa kaloo liiskan ku jira dalalka; Ciraaq, Lubnaan, Venezuela iyo North Korea. Waddamada kale ee xaaladooda caafimaad ay aad u wanaagsan tahay ayaa lagu sheegay inay kala yihiin dalalka; Canada, Mareykanka, New Zealand iyo Japan. Halka Waddamada Brazil, Shiinaha iyo Ruushka ayaa loo tix-galiyay in khatartooda caafimaad ay sii kordheyso. Dhanka kale, Marka la eego dhinacyada Amniga, Waddamada ay khatarta xad-dhaafka ahi ka jirto ayaa lagu tilmaamay inay yihiin Afghanistan, Syria, Yemen, Libya, Somalia, South Sudan iyo Mali, kuwaasoo u sii kala halis badan sida ay u kala horreeyaan. Goobaha ugu caansan ee Dalxiiska loo tago sida; Mexico, Qaar ka mid ah dalalka la isku yiraahdo Caribbean-ka iyo qaybo ka mid ah Hindiya ayaa lagu tilmaamay inay khatarta ku badan tahay. Balse meelaha uu amnigooda aad u wanaagsan yahay ayaa lagu sheegay; Denmark, Switzerland, Slovenia, Iceland, Greenland iyo Finland oo dhammaantood ku yaalla Yurub. Qaaradda Afrika marka laga tago, Waddamada kale ee halista ugu badan ee waddooyinka iyo shilalka gaadiidka ay ka jiraan ayaa lagu sheegtay Brazil, Bolivia, Sucuudiga, Iiran iyo Kazakhstan. Iyadoo qaybtan uu Mareykanku ka galay meel dhexe. Ugu dabeyn, Inta badan waddamada Yurub ayaa lagu qeexay inay aad ugu yar tahay khatarta dhinaca Waddooyinka, waxaana la mid ah dalalka Japan, Australia iyo Zew Zealand. PUNTLAND POST The post Somalia oo ka mid noqotay saddexda waddan ee ugu halista badan caalamka oo dhan appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Nairobi)Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Dalalka KENYA iyo Soomaliya ayaa kulan yeeshay. Kulankan oo ahaa mid dhinac socda Shirka gaarka ah ee 20aad ee Golaha Fulinta ee Midowga Afrika oo ka furmay Addis Ababa. Intii kulanku socday oo ahaa mid soo dhaweyn diirran uu Wasiir Cawad kala kulmay dhiggiisa Kenya ayaa labada dhinacba waxa ay muujiyeen rajo wanaagga wadahadalka dhexmaray. Labada dhinac waxay carabka ku adkeeyeen muhiimadda uu leeyahay kulankooda oo diirrada lagu saarray xoojinta xidhiidhka laba geesoodka iyo horumarinta iskaashiga oo dhinac kastaba leh, iyada oo loo sii marayo Guddiga Iskaashiga Wadaagga ah ee Soomaaliya iyo Kenya, si la mid ah waxaa fadhiggaasi lagu faaqiday arrimaha ammaanka iyo nabadgelyada Geeska Afrika iyo howlgalada AMISOM. Kenya ayaa kamid ah waddamada ay ciidamadu ka joogaan Dalkaasi Soomaliya. Source
-
Madaxweynuhu marka uu cusub yahay waa inuu sanadkiisa u horeeya dardar cusub iyo wax qabad badan sameeya, isla markaana goboladii uu markii uu codka u baahna marayey ee uu wax qabadka u ballan qaaday ku noqdaa isagoo waxna qabtay waxna ugu bushaaraynaya inuu qabanayo, isagoo dadkii doortay u mahad celinaya soona ogaanaya nolosha dhabta ah ee ay ku nool yihiin si uu qorshaha dambe ugu darsado waxa loo qabanayo. Sanad ka bacdi waa inuu ku faanni kara gobolkasta oo uu marayo waxa uu ka hirgaliyey, tusaale hadii aan usoo qaato madaxweyne Siilaanyo safarkii ugu horeysay wuxuu baxay bishii Octobar,2011-kii 16 bilood ka dib markii arkay inuu dadkii hor tagi karo oo waxna xadhiga ka jari karo waxna dhagax dhigi karo. Waxaanu lugtiisii u horeysay ku tagay Jiida hore ee ciidanka qaranka ka dibna wuxuu soo maray gobolada bariga oo mashruucii ugu balaadhnaa ka fulinayey jidka dheer ee Burco iyo Sanaag isku xidha, halka galbeedkana uu ka fuliyey jidka Gabilay iyo Boorama isku xidha. Madaxweyne Silaanyo sanadkiisii kowaad ayuu qabtay wixii uu todobadda sanadood ee kale la qaban lahaa amaba KULMIYE ku faaanyey wakhtigiii ololaha,waxaana shaqadaasi adag u hirgaliyey rag calculus oo hore loo soo tijaabiyey oo uu ku kalsoon yahay ayuu shaqada u dhiibay, taas ayaa keentay in mar kaliya gobol walba shacab iyo dawlad wada socdaa hirgaliyaan wadooyin badan, iyadoo deegaan walba u balan qaadaysa hadii shan KM oo waddo ah dhistaan iyaguna ugu darayaan shan kale, taasina waxay keentay inay bulshaddu ku tartamaan wax qabad xaga wadooyinka ah. Hadabba, madaxweyne Biixi waxa u dhamaaday hal sanno walina shacabku may dareemin wax qabad la taaban karo, sababta ugu weyn ee uu uga maagayaa inuu booqdo goboladana waxaan jirin wax uu shacabkii doortay la hortago. marka laga reebo jidka Ceerigaabo oo meel fiican maraya oo in badan ku dareen iyo wasaarada Beeraha oo wax soo saarkii dalka si wanaagsan u wadda. Madaxweynuhu sanadkiisii kowaad wuu ogaaday wasiirka uu u baahan yahay ee wax qabanaya iyo ka aan waxba qaban, hadda loo baahan yahay inuu seefta la dhex qaado oo mid walba ku amaal marayo waxa uu shacabkiisa u qabtay. Source
-
Taariikhdu waa dhacdooyin is qora, Xukuumad walibana waxay gashato ayaa taariikhda u gala shacabkuna midhaheeda ayuu gurtaa. Xukuumada Muse Biixi waxay la curatay humaaq qabyaaladeed, Colaado degaan iyo cadaawe Siyaasadeed oo degamsan.Dawladnimaduna waa dad iyo dal dhis ( Nation Building ) Hadaba Xukuumadda oo hada Sanadkii hore u dhamaaday bal aynu Miisaanka Saarno maxaa u qabsoomay ? Maxayse ku ribatay ? Waxaa u qabsoomay mudo xileedkii Sanadka ahaa dhawr qodob: 1- Tiro koobkii shaqaalaha dawlada oo ay ku guuleysatay taa soo caagleyaal badan meesha ka saartay 2- Shaqaaqadii Ceel-Afweyn oo ay soo afjartay, Taa soo demisay Colaadihii labada beelood ee is diriray. 3- Mashruucii shaqo qaran ( National Services ) oo ay ku dhawaaqday laakiin laga dayriyey sifaha loo shaaciyey 4- Dhiiri gelinta wax-soo saarka beeraha dalka oo ay kor u qaaday, taa soo dalag badan la rajeynaayo inuu soo go’ sanadkan. 5- Gurmadkii Duufaandii ku habsaday gobolada Xeebaha qaarkood oo ay dadaal badan muujisay. 6- Kaabeyaashii dhaqaalaha oo qaar laga soo celiyey shirkadaha kala ah : GTS, SICP, GOP, Sahal Global, Somaliland ID Card, Moon light, Global Tech Solution and Horn Africa Facility.laakiin weli faanoole fari kama qodna oo hadaan dhamaan illihii dhaqaalaha ee la boobay aan qaranka loo soo celin waxaa loo qaadanayaa qowda maqashii waxna how qaban. Waxay ku fashilantay Xukuumadu oo aanay weli waxba ka qaban qodabadan tirada badan ee hoose: 1- Sicir bararkii iyo qiimihii Shilinka Somalilaan oo sidiisii ah oo weli baaxaa degaaya 2-Rojooyinkii Doorashooyiinkii isbarkanaa oo dib u dhacay farsamo xumo xukuumadeed awgeed 3- Xeerarkii Saami qeybsiga oo ilaa hada aan xal loo helin,taa soo xukuumadu iska dhego martay baaqyadii beelaha darafyada 4- Dalkii oo yeeshay Jabhado hubeysan oo cadowgii Somalilaan babada soo geliyey 5-Goleyaashii qaranka oo wada mudo dhaafay taa soo wiiqday dimuqraadiyadii yareyd ee aduunka laga iibin jiray 6- Albaabkii keli ahaa ee itoobiya oo ahaa albaabkii Somalilaan Caalamka ka geli jirtay oo hada Somalilaan ku soo xidhmay 7- Kala qaybsanaantii shacabka ee ay reebtay haraatidii doorashadii madaxtooyada oo sii maqaarsiibatay. ilaa hada xukumadu waxba kama qaban mideynta shacabka. 8- Qorsheyaashii Horumarinta Higsiga qaranka ee NDP2 oo aan dhudhun lagu cabirin meersina la tolin 9- Mashaariicdii Dawladaha hoose ee JPLG ( Joint programme ) oo aan la falkin oo Fadhiid wada noqday 10- Dhamaan Mashaariicdii horumarineed ee shirkada DPWorld ku balan qaaday oo been iyo afka baarkiisa wada noqda 11- Caqabado badan oo xaga sharciga ah oo Xukuumada soo wajahay taasoo keliftay in ay adkaato in lafuro Dastuurka dalka si saami qaybsiga laysugu afgarto. 12- Hab macaamilaadkii gaar ka ahaa ee Somalilaan loola dhaqmi jirey ( Somaliland especial arrangements ) oo meesha ka baxay muddadaa sanadka ah 13- Khilaaf cakiran oo debeda u soo baxay oo ragaadiyey wasaaradihii muga lahaa iyo haydihii dawlada qaarkood sida Wasaarada Maaliyada V Xisaabiyaha guud ee qaranka..Gudoomiyaha Baanka dhexe V Agaasimaha guud ee Baanka. Wasiirka Gaadiidka V Maareeyaha Hayada Wadooyinka. Wasiirka Beeraha V Hayada ka hortaga Afooyinka iyo Gudoomiyaha Hayada Barakacayaasha V Gudoomiye ku xigeenka isla hayadaa oo isaga oo aan xilkiiba laga qaadin Gudoomiye kale la dul keenay. Waxaa Xukuumada Muse biixi ka muuqata in aany laheyn aragti Siyaasadeed oo dheer iyo biseyl Siyaasadeed oo ka mudh bixi kara dabeylaha Siyaasadeed ee dalka iyo mandaqadaba ka jira. Sidaa daraadeed hadii aanay dib u eegid iyo dib u qiimeyn mug leh ku sameyn Caqiidadeeda Siyaasadeed ee ku wajahan duruufaha dalka ka taagan waxaa sii kordhaaya cabsida shacabka Somaalilaan ay ka qabaan waayaha cakiran iyo daruufaha colaadeed ee maanta dalka dul hoganaayaa in ay u horseedi karaan dalka colaad beeleedyo hor leh iyo burbur dhaqaale oo saameyn taban ku yeelan kara dawladnimada Somaalilaan. Waxaa Xukuumada Muse Biixi looga fadhiyaa: Xaq-dhowrida wada lahaanshaha dawladnimada, Cadaalad uqaybinta midhaha dawladnimo iyo in ay soo celiso yuhuuntii iyo wax wada lahaanshihii qaranimo. Waxaa looga fadhiyaa balan fulin iyo daahfurnaantii ay ku balan qaaday ( accountability and transparency ). Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs) Qalinkii : A/rahman Fidhinle Qoraa Madax banaan Intensive ED BD PA United Kingdom London inafidhinle@gmail.com Source
-
Gabadhu jeerkasta oo ay u diyaar garoobayso ama ka fikirto in ay uur-qaado ama ay doonayso in ay dhasho ilmo maskax ahaan, jidh ahaan iyo guud ahaan ba caafimaad qaba: waxa ku waajiba in ay ka fogaato qaadashada daawooyinka(drugs) aanu dakhtar u qorin. Daawooyinka sida marujuwaana, kokaayiin iyo methamphetamine maaha oo kaliya daawooyin ee waa maandooriyayaal khatar ku ah uur-jiifka. Sababta hooyooyinka berri looga xarrimay daawooyinku waa in loo tudho ilamaha oo mustaqbalkiisu noqonaayo “uur ku soo bukood ifka ku silic”. Daawooyinka la qaata waxay si toosa u saameeyaan uur-jiifka korriinkiisa (WHO). Haddii hooyadu sigaarka nuugto, alkoolada cabto, ama ay qaadato daawooyinka lagu sarkhaamo sida kaaffiin, marujuwaana ama kookaaayiin waxa khatar ku jira ilmaha makaanka ku jira oo ay saamayn ku yeelanayaan korriinkiisa. Sidoo kale, waxay hooyada ku keenaysaa wadna xanuun, hawa-mareenka oo xidhma, faalig iyo suuxdin joogto ah. Daawooyinka hooyadu qaadato dakhtar la’aan waxay ku keenaysaa ilamaha in uu ku qaangaadhi waayo makaanka, miisaankiisa oo isaga oo hooseeya soo dhasha, iyo hooyada oo dhicisa. Sidoo kale, daawooyinkani waxay ilmaha ku sababaan marka uu soo dhasho in xusuusta iyo feejignaantu ka yaraato. Sigaarku waa maandooriyaha ugu horreeya ee ku keena carruurtu in ay ku wafaadaan makaanka hooyada. Sidoo kale, hooyada sigaarka qiijisaa waxay ilmaha u gudbinaysaa walxo kiimikaad oo uur-jiifka ku keenta kansar iyo walxaha kansarka dhaliya ee loo yaqaanno “carcinogens”. Marka la eego warbixinta ay daabacday CDC dumarka cabba sigaarku waxay umulaan carruur qaba wadna xanuun “heart defects”, sida wadnaha oo daloola iyo haniyayaasha dhiiga wadnaha kale xidha aan si fiican isku xidhayn ama isku furayn oo looyaqaanno “regurgitation and stenosis” iyaga oo ku geeriyooda shanta sano ee ugu horraysa noloshooda. Gabadha sigaarka qiijisa waxay la kulantaa dhibaatooyin jidheed sida mandheerta oo ku dhegta iyo kancarka sambabada iyo kansarka naasaha ku dhaca. Daawo kastaa waxay khatar ku tahay gabadha uurka leh, marka laga reebo xoogaa daawooyin ah sida vitamins iyo daawooyinka dhiiga kordhiya. Gunta iyo geba gebada ilmaha uurka ku jiraa waxa uu xaq u leeyahay in uu helo degaan nabdoon, oo naxariis iyo koolkoolin leh. Hooyada uurka lihina sida ay ugu dadaalayso marka uu soo dhasho akhlaaqdiisa, marriinkiisa iyo anfacadiis ba, waxa uu xaq u leeyahay in loogu dadaalo ilmaha uurka ku jiraa in uu helo nolol wanaaagsan. Hooyaduna waa in ay la socotaa saamaynta nooca daawo ah ee ay qaadanayso si aanay gacanteeda ugu samaysan uur sagaal bilood oo rafaad ah iyo sanado kadeed ah oo nolosheeda saameeya. Sadam Osman Kaabash Biomedical scientist Hargeisa, Somaliland Degmada: Mohamed Mooge. Source
-
Baardheere (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in maanta halkaasi ay ka dhaceen rabasho ay ku dhinteen dad Shacab ah oo Banaanbax sameynaayay. Nabadoon Cali Yacquub Nuur oo ka mid ah waxgaradka degmada Baardheere ayaa Risaala u sheegay in ugu yaraan 4 qof ay dhinteen 6 kalena uu dhaawac soo gaaray ka dib markii ciidanka Itoobiya ay rasaas ku fureen dad kasoo horjeeday Gudoomiye cusub oo loo soo Magacaabay degmada Baardheere. Waxaa uu sheegay in ninka cusub ee lasoo Magacaabay Ciidanka Itoobiyaan ay taageerayaan, islamarkaana dadkii kasoo horjeeday la laayay. Nabaddoonka ayaa dowladda dhexe iyo maamulka Jubbaland ugu baaqay in wax laga qabto dhibaatada heysta ee ka timid Ciidanka dowaldda Itoobiya qeybtooda ku sugan degmada Baardheere. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/11/Wareysi-baardhere-.mp3Caasimada Online Xafiiska Garbahaarey Caasimada@live.com
-
(SLT-Jabuuti)Muranka dhulka ah ee u dhexeeya dalalka Jabuuti iyo Eritrea ayaa isu bedelaya in la isla aado Maxkamada caalamiga ah ee ICJ kadib markii dowlada Jabuuti ay ka codsatay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey inay ka taageeraan sidii loo xallin lahaa muran xuduudeedka kala dhaxeeya dalka Eritrea iyo inay dacwo ka furtaan maxkamadda cadliga ee International Court of Justice. Ambassador Maxamed Saciid Ducaale, oo ah safiirka Dowlada Jabuuti ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay in dalkiisa uu doonayo in xal kama dambeys ah loo helo khilaafka xadka ee kala dhaxeeyo Eritrea iyo in lagu kala baxo qaanuunka dowliga ah. “Djibouti waxaa ay golahu ugu yeertay iyada oo kaashaneysa taageerada xogheyaha guud in labada dhinac ay muranka ku xaliyaan si nabad ah, oo cid kale ay dhex-dhexaadiso sida maxkamadda cadilga adduunka ee ICJ” ayuu yiri Ambassador Ducaale. Sida uu qorayo qodobka 33 ee dastuurka UN-ka, waxaa uu ogalaanayaa in dalalka muranka ka dhaxeeyo ay xal iyo qaab nabadeed u raadin karaan xuquuqdooda. Arrimaha Djibouti ku doodeyso waxaa ka mid ahaa milkiyadda Jasiiradda Doumeira iyo 13 askari oo weli lagu la’yahay gacanta Eritrea. Arrintan ayaa ku soo beegmeysa xilli Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ka qaaday cunoqabataynta hubka dowlada Eritrea isla markaana dalalka Soomaaliya,Itoobiya iyo Eritrea ay isbahaysi gaar ah ka sameynayaan geeska Afrika. Source
-
(SLT-Kampala) Madaxweynaha Uganda ayaa amray hawlgal ay milatarigu hoggaaminayaan oo lagu ilaalinayo ganacsiyada Shiinaha. Arrintan ayaa dabo socota kulan lala yeeshay 120 maalgashade oo Shiinays ah oo sheegay in budhcad hubaysan ay dhacaan shirkadahooda arrintaasina ay aad u soo badanayso, lagana qaatay lacago aad u badan. Tallaabooyinka uu madaxweyne Yoweri Museveni soo jeediyay waxaa ka mid ah in sare loo qaado ciidammada roondada ku sameeya xarumaha shirkadaha iyo in lagu dhajiyo kameerooyinka ammaanka. Dalka waxaa si guud ugu soo batay falal dambiyeedyada rabshadaha wata toddobaad yadii u dambeeyayna milatariga ayaa bilaabay in ay ku gaaf wareegaan agagaarka caasimadda, iyadoo ay dawladdu arrintaas ku garab wado samaynta ciidammo deegaanka ah oo cusub. Dhowaan ayaa koox baangado ku hubeysan waxa ay ka dhaceen xarun ganacsi oo ay dad shiinees ah leeyihiin iyagoo dhaawacay shan ruux oo saddex kamid ah ay ahaayeen dad ka soo jeeda dalka Shiinaha. Ganacsatada ka soo jeeda dalka Shiinaha ayaa waxa ay ku hanjabeen inay isaga bixi doonaan dalka Uganda. Source
-
(SLT-Riyadh)Dacwad oogaha sacuudiga ayaa shaaca ka qaaday in la ogaaday in sarkaal ka tirsan sirdoonka uu amray in la dilo Jamaal Khaashuqji ee uusan jirin amar ka soo baxay dhaxal sugaha boqornimada Amiir Maxamed Bin Salmaan. Sarkaalka ayaa lagula ballamay inuu saxafiga ka dhaadhiciyo in uu dalkiisa dib ugu soo laabto sida uu afhayeen sheegay. Dacwad oogaha ayaa sheegay in Khaashuqi cirbad sun ah lagu durey ka dib markii uu gacan ka hadal ka dhacay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul, 2dii Oktoobar. Wuxuu eedeymo ku soo oogay 11 qof oo uu ku eedeyey dilka, wuxuuna weydiistay in 5 ka mid ah dil lagu xukumo. Kiiska ayaa loo wareejiyey maxkamad, halka baaritaanka 10 kale oo la tuhunsanayaal ahna la sii wado. Shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Riyaad ayuu ku sheegay ku xigeenka dacwad oogaha, Shalaan bin Rajih Shalaan, in Meydka Khaashuqji lagu dhex jarjaray qunsuliyadda markii uu dhintay. Hilbihii ayaa looga dhiibay qof “shaqaale” maxalli ah, meel dibadda ah. Sawir gacmeedka qofka shaqaalaha ah ayaa la sameeyey, waxaana socda baadigoob lagu hayo halka hilbihiisa laga heli karo.Mr Shalaan ma uusan sheegin magacyada shanta ruux ee lagu eedeeyey dilka Khashuuqi. Hase yeeshee wuxuu sheegay in baaritaanku uu “dibadda soo dhigay in qofka amarka dilka baxshay uu ahaa madaxa kooxda wada xaajoodka” ee uu u diray Istanbul ku xigeenka taliyaha sirdoonka, Jeneraal Axmed al Casiiri, si loogu khasbo Khaashuqji in dib loogu celiyo Sacuudiga. “Amiirka dhaxal sugaha ah waxba kalama socon” ayuu ku sii daray dacwad oogaha iyadoo ay soo baxayeen eedeymo lala xiriirinayay in Amiirka Dhaxal sugaha ah. Amir Maxamed, wiilka boqor Salmaanka Sacuudiga, ahna ninka la aaminsan yahay inuu Sacuudiga xukumo, ayaa beeniyey inuu wax lug ah ku lahaa waxana uu ku tilmaamay dilka saxafiga dambi naxariis darro ah oo aan sinnaba qiil loogu samayn karin. Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay in “amarka dilka Khaashuqji uu ka yimid darajada ugu sarraysa xukuumadda Sacuudiga”, laakinse uusan rumaysnayn in uu boqor Salmaan bixiyey. Source