-
Content Count
211,244 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha dowladda Puntland,Dr. Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) ayaa maamul ku-meel-gaadh ah u magacaabay,degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug,kadib markii uu kala diray Golihii degaanka degmadaasi. Laba digreeto oo caawo ah ka soo baxay xafiiska madaxweynaha,kuna taariikhaysan 17 November 2018, ayaa midda kowaad lagu kala diray Golihii degaanka Gaalkacyo,halka tan labaadna si ku-meel-gaadh ah loogu magacaabay guddoomiye iyo ku xigeen cusub. Kala-dirista Golihii degaanka Gaalkacyo ayaa loo cuskaday,tala-soojeedin ka timid wasaaradda Arrimaha gudaha dowladda Puntland oo caddaysay, in ay hanan-waayeen shaqadii loo igmaday,sida ku xusan digreetada kowaad ee madaxweynaha. Dhinaca kale, madaxweyne Gaas ayaa si ku-meel-gaadh ah guddoomiyaha cusub ee degmada Gaalkacyo u magacaabay Yaasiin Cabdisamad Cumar,halka ku xigeenkiisa loo magacaabay,Maxamed Cabdinaasir Cigaal,sida ku cad digreetada labaad. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Madaxweynaha Puntland oo maamul ku-meel-gaadh ah u magacaabay Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha Idaacadda Shabelle ee ku xiran website-keena waxaan halkaan hoose aan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos ka dhageyso http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Habeen-171118.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa xabsiga kasoo daayay ganacsade kasoo jeeda Galmudug, kaasi oo dhawaan maxkamad ay ku xukuntay dil toogasho ah. Cabdirisaaq Xuseen Tahliil, oo ah ganacsadaha xabsiga laga sii daayay ayaa maxkamada magaalada Boosaaso waxay ku eedeysay inuu ka tirsan yahay Al-Shabaab, waana sababta xukunka dilka loogu riday. Wadahadal dhexmaray Galmudug iyo Puntland ayaa lagu heshiiyay in xabsiga laga sii daayo Mr Tahliil, waxaana wadahadalka ugu badan yeeshay guddoomiyaasha labada maamul ee magaalada Gaalkacyo. C/risaaq, waxaa mrkii lasoo daayay kadib maanta laga soo dajiyay garoonka diyaaradaha e magaalada Muqdisho, iyadoo aan la ogeyn ujeedada dhabta ah ee ka dambeysa in la keeno magaalada Muqdisho. Cabdirisaaq Tahliil ayaa waxaa xili habeen lagala baxay Gurigiisa oo ku yaalla Magaalada Gaalkacyo, iyadoona waxyar kadib Qabashadii Cabdikariin Sheekh Muuse (Qalbi-Dhagax) uu kasoo muuqday Maxkamad ku taalla Puntland, waxana Puntland ay ku xukuntay dil toogasho. Maalmo ka hor ayey aheyd markii Dibadbaxyo Rabshado Wata oo ay dhigeen boqolaal shacab ah oo careysnaa,kaasi oo ka dhacay Koonfur Magaalada Galakacyo,isla markaana ay uga soo horjeedeen xukunka dilka ah ee Maxkamadda Puntland ay ku xukuntay Cabdirisaaq Tahliil. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Qaran News
-
Parliament’s Defence committee has said construction of the Somalia border wall is going well. The committee yesterday commended the Kenya Defense Forces work, as MPs toured Mandera to check on the progress of the wall. It includes walls, fences, other barriers and high-tech devices. Committee chairman Katoo Ole Metito said they were collecting views from residents on whether to withdraw the KDF from Somalia. Mandera East MP Omar Sala had petitioned Parliament, saying residents wanted KDF withdrawn from Somalia due to many terror attacks. Al Shabaab militans say in person and on their websites that they will attack Kenya until KDF is withdrawn from Somalia. The Defence committee is also hearing views from residents on proposed compenstion for families of victims who die from terror attacks. Resident Suleiman Adan said security has improved since the wall was constructed. “There have been no attacks for the past year unlike in the past when al Shabaab attacked up to 10 times a week,” he said. Deputy Governor Mohamed Arai agreed. Defense PS Saitoti Torome said the delegation will take residents’ concerns to the Cabinet for consideration. He said Kenya’s proximity to Somalia was leaving it vulnerable to al Shabaab attacks. KDF engineers said 12 kilometres of the wall have been built in the past year and expressed confidence the work will be fast-tracked. They the barbed wire fencing is fitted with heavy wire mesh and concrete poles. A three-metre trench has been dug and a patrol road has been built. Two kilometres of the barrier have not been built near Bula Hawa in Somalia due to encroachment by Somalia nationals. County commissioner Kutswa Olaka said the ministries of foreign affairs of Kenya and Somalia were consulting about illegal structures built along the common border. Others attending the Defence MPs’ forum included Mavoko MP Patrick Makau, Tharaka Nithi woman representative Beatrice Nkatha, Nelson Koech (Belgut), Dido Raso (Sako )and Maj Aden Bashir (Mandera North). Source: The Star
-
A federal judge has freed a Somali immigrant who was held for nine months in a New Hampshire jail. The New Hampshire ACLU contends Immigration and Customs Enforcement unlawfully detained 45-year-old Abdigani Faisal Hussein. The Portland, Maine, resident was released from the Strafford County Jail on Thursday. The ACLU says Hussein entered the country lawfully in 1996 as a Somali refugee. ICE detained him in March because he was convicted in 2002 and sentenced to probation for possessing khat, a mild stimulant grown in East Africa that’s illegal in the U.S. The ACLU’s Immigrants’ Rights Project in New Hampshire brought the action that led to Hussein being reunited with his family. Twain Braden, one of his lawyers, said a similar case is being decided by the U.S. Supreme Court. Source: AP
-
This is the first time in 40 years that Somalia is holding a boxing tournament. Years of insecurity and uncertainty meant the sport was relegated to the background. “The reasons we are organizing this boxing tournament after 40 years may include the fact that the country’s situation is better, whether in terms of security or politics, we think there is a real change’‘, said Awil Gelle Ahmed, Second Vice President of the Somali Boxing Federation. For locals, the contest is a sign of good things to come. They are hopeful that more young people will take part in the sport. “I love boxing so much and my coach made me fall in love with this sport to be a well-known boxer”, said Somalian boxer, Kashmir Abdirahim Abdalla. “Today, I am very happy with this tournament, something we have been missing for many years, and we hope the tournament will produce more boxers’‘, said Mohamed Ahmed Abdullahi a spectator. Recently, Somalian born Ramla Ali represented her native Somalia in the International Boxing Association Women’s Boxing World Championships, becoming the first boxer to do so. Many years ago, Ali’s family fled Mogadishu after her brother died due to a grenade explosion outside their house. The family sought asylum in England after a first stop to Kenya on a rickety cramp boat, according to firstpost.com. Somalia’s capital Mogadishu has suffered years of explosions killing several and regularly claimed by armed group, al-Shabab. Source: Africanews.com
-
Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta Warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka gudoomay safiirka cusub ee Dowladda Mareykanka ay usoo magacawday Soomaaliya, Donald Yukio Yamamoto. Madaxweyne Farmaajo ayaa tagay Xarunta ciidamada AMISOM ee Muqdisho ee loo yaqaanno Xalane oo ku taal xeyndaabka sida aadka ah loo ilaaliyo ee Garoonka Diyaaradaja Xamar, halkaasoo wada-hadallo kooban kula qaatay Donald Yamamoto. Xarunta Villa Somalia ayaa qoraal ay baraha Bulshada soo dhigtay waxay ku sheegtay in madaxweynaha Soomaaliya uu maanta warqadaha Aqoonsiga ee danjirenimo ka guddoomay Donald Yamamoto, iyadoo aan warbixintaan lagu xisin halka arrintani ka dhacday. Tani waxay noqonaysaa markii ugu horreysay oo Madaxweyne Soomaaliyeed uu Waraaqaha aqoonsi danjirenimo uu Xalane ama safaarad dhexdeed kaga guddoomo safiir waddan kale uu u soo magacabaay Somalia. Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Somalia, C/salaan Hadliye ayaa sannadkii 2016-kii, Waraaqaha aqoonsiga wuxuu safaarada Mareykanka ee Xalane uga guddoomiay Safiirkii hore Mareykanka Micheal Schwartz oo is casilay 2017-kii. Ugu dambeyn, Tallaabadan ayaa waxaa laga bixiyay faallooyin kala duwan iyadoo shacabka qaarkood ay ku tilmaameen mid sumcad-xumo daran u horseedayso Somalia, halka kuwo kalena ay sheegeen in sababtu ay tahay iyadoo aan dublamasiyiinta Mareykanka ah loo ogoleyn inay soo dhaafaan Xalane. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo Qaaday Tallaabo aanay horay u qaadin Madaxdii ka Horreysay appeared first on Puntland Post.
-
Washington (Caasimada Online) – Wargeyska The Washington Post waxa uu maanta daabacay wareysi ay la yeesheen Haweeney u dhalatay dalka Masar, taasi oo sheegtay inuu si qarsoodi ah u guursaday Saxafigaasi, dhowr bilood ka hor inta aan lagu dilin Qunsulliyadda Sacuudiga ee magaalladda Istanbul ee dalka Turkiga. Haweeneyda waxay magaceeda ku soo koobtay H. Atr, iyadoo codsatay inaan magaceeda oo dhamaystiran la shaacinin sababo Ammaankeeda iyo Shaqadeeda. Waxay tilmaamtay inay munaasabadda Nikaaxa si qarsoodi ah loogu qabtay Washington, iyadoo aysan ka war qabin Xaaskiisa Turkishka ee Khadiija Cengiz iyo xubnaha Qoyska Jamaal Khaashuqji, waa sida ay hadalka u dhigtay. Waxay Wargeyska Washington u soo bandhigtay caddaymaha Nikaaxa iyo Sawiro ay la gashay Jamaal Khaashuqji. Haweeneyda Masaarida waxay codsatay Ka Xaas Mulim ahaan in la siiyo Xuquuqdeeda oo buuxda iyo in loo ictiraafo inay tahay Xaaskii Saxafigaasi. Dhinaca kale, mid ka mid ahaa saaxiibada khaaska ee Saxafigaas oo codsaday inaan magaciisa la shaacinin waxa uu u sheegay Waregeyska The Washington Post inuu goobjoog ka ahaa Munaasabaddii uu Jamaal khashoggi ku mehersaday Haweeneyda Masaarida ee haatan isa soo bandhigtay inay tahay Xaaskii Jamaal Khaashuqji. Baraha Twitter-ka ayaa la soo dhigay Sawiradda iyo magaca haweeneydaas, oo lagu sheegay Xannaan. Xigasho: Washington Post Waxaa Turjumay: Ustaad Nuradin Abuubakar
-
Muqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta ka qeybgalay dardargelinta Ololaha Is-xilqaanka ee Matxafka Qaranka. Matxafka Qaranka ayaa dhowaan laga saaray dad shacab ah oo muddo daganaa, iyadoo uu kamid yahay goobaha lagu dhisayo Barnaamijka Is-xilqaan. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo boqolaal dadweyne iyo qaar ka mid ah shaqaalaha Dowladda Hoose kula hadlay goobta uu ololahu ka socday ayaa bulshada ugu baaqay in gacmahooda ay ku dhistaan dalkooda, isagoo uga mahadceliyey isu-soo baxan lagu nadiifinayo dibna loogu dhisayo goobtan taariikhiga ah. Eng. Yarisow ayaa ku ammaanay shacabkii horey u daganaa Matxafka Qaranka sida ay ugu dhego-nuglaadeen baaqii loo jeediyey, isla markaana ku banneeyey waqtigii lagu hashiiyey si dib u dhis loogu bilaabo. Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay cid walba oo degan hantida danta guud in ay banneeyaan si dib loogu adeeggo bulshada Soomaaliyeed. “Isxilqaamayaashu gacan waxay kaga qeyb qaadanayaan howlaha bilicda, faya-dhowrka iyo dib-u-dhiska goobaha muhiimka ah, waana barnaamij ujeedkiisu yahay gacantaada ku dhiso dalkaaga, waad u jeedaan maantana waxaan dardargelinay dib-u-hagaajinta Matxafka Qaranka.” Ugu dambeyn, Duqa Muqdisho ayaa kula dardaarmay Shaqaalaha Gobolka Banaadir ee maanta qeybta ka ahaa Ololahan Isxilqaan in ay hormuud ka noqdaan ka qeyb qaadashada barnaamijyada dib loogu dhisayo dalka, isagoona tilmaamay in ay waajib ku tahay in ay tusaale wanaagsan u noqdaan shacabka Soomaaliyeed si ay dalkooda u dhistaan. PUNTLAND POST The post Maamulka Banaadir oo Dar-dargeliyay olole dib loogu Dayac-tirayo Matxafka Qaranka appeared first on Puntland Post.
-
Warar dublamaasiyadeed oo Puntlandi heleen maanta ayaa sheegay in Safiirka Cusub ee Maraykanka u qaabilsan Arimaha Soomaaliya Donald Yukio Yamamoto uu kulankii uu maanta la qaatay Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed abdulaahi Farmaajo ay ka wada hadleen Sababta uu durba Maraykanku u joojoyey Mushaarka Ciidamada Soomaalida ee Muqdisho. Sida aan xogta ku helnay Safiirku wuu ka gaabsadey inuu sababeeyo Lacagta ay goosteen laakiin wuxuu xaqiibiyey in lacagta la jaray. Maadaama uu Safiirku ku cusub yahay shaqada wuu ka gaabsadey inuu ka warbixiyo sababta ay Dowlada Maraykanku uay Mushaarka uga jareen Ciidamada Muqdisho. Puntlandi.com Muqdisho Source
-
(SLT-Hargeysa)-Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa bedeshay qunsulkii u qaabilsanaa Somaliland Brigader General Berhe Tesfaye, ka dib muddo ku dhow toban sannadood oo uu Addis Ababa u joogay Hargeysa. Danjire Berhe, ayaa toddobaadkan dhammaaday wuxuu ka ambo baxay caasimadda Somaliland ee Hargeysa, isagoo ku sii jeeda magaalada Addis Ababa ee xarunta dalkiisa, waxaana la filayaa inuu dhawaan magaalada Hargeysa soo gaadho qunsulka lagu bedelay oo aan weli si rasmi ah magaciisa loo shaacin. Qunsulka ayaa hawlihii xafiiska uu madaxda ka ahaa ee Addis Ababa wuxuu ku wareejiyay masuuliyiinta kale ee tirsanaa xafiiskiisa, waana nidaamka ay safaariiradu xilka u wareejiyaan, waxaana la filayaa in diblomaasiga lagu bedelay uu dhawaan soo gaadho caasimadda Hargeysa. Danjire Berhe Tesfaye, ayaa mudadaas tobanka sannadood ku siman ee uu ahaa qunsulka Itoobiya u fadhiya Somaliland, wuxuu si weyn uga qayb qaatay xoojinta xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya ee ku salaysan dhinacyada kala duwan. Dawladda Itoobiya ayaa bishii hore ee Oktoobar waxay dib ugu yeedhay in ka badan 90 diblomaasi oo muddo dheer shaqaynayay oo Addis Ababa u joogay dunida, kuwaas oo uu danjire Berhe Tesfaye ka mid ahaa, waxaanay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya talaabadan ku sheegtay inay ka mid tahay firfircooni ay doonayso inay wasaaradu geliso shaqadeeda arrimaha dibadda. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan la socodka cunaqabataynta hubka ee Ereteriya iyo Soomaaliya ee UN Monitoring Group, ayaa shalay soo bandhigay warbixintoodii sannadlaha ahayd. Warbixintaas oo uu Geeska Afrika, soo akhriyay waxa ku jira qaybo Somaliland ka hadlaya, gaar ahaan waxa ay kooxdani aad culayska u saartay saldhiga ay dawladda UAE ka dhisanayso magaalada Berbera iyo dagaaladii dhex maray ciidamada Somaliland iyo maamulka Puntland ee ka dhacay Tukoraq. Waxa warbixintan ka muuqata inuu maamulka Puntland kaga dheereeyay dawladda Somaliland faafinta dacaayadka ka dhanka ah Somaliland, halka ay kooxdu Somaliland ka weyday wax jawaab ah oo ku saabsan dacaayada Puntland. Kooxdan UN Monitoring Group, waxay iyadoo ka hadlaysa saldhiga UAE ee Berbera ay sheegtay inay dawladda Somaliland ka waayeen jawaab celin ku saabsan saldhiga Imaaraadka Carabta ee Berbera oo ay su’aalo ka weydiiyeen. 2 February 2018, ayay kooxdu sheegtay inay Somaliland u soo direen qoraal ay kaga hadlayaan in dhismaha saldhigaas Berbera uu ka hor-imanayo cunaqabataynta hubka, iyadoo kooxdu xustay in caawimo kasta oo dhinaca ammaanka ah ee hay’adaha Somaliland uu u baahanayo inay ogolaansho ka helaan guddiga sida uu dhigayo qodobka 11, farqadiisa (a) ee qaraarka ay golaha ammaanka Qaramada Midoobay soo saareen sannadkii 2013. Waxa kale oo ay UN Monitoring warbixintooda ku sheegeen inay Somaliland sidoo kale weydiiyeen halka uu marayo dhismaha saldhigaasi, “Ilaa hadda, kooxdu may heli wax jawaab ah.” Ayay tidhi warbixinta Qaramada Midoobay. Laakiin kooxda waxa u jawaabtay dawladda Imaaraadka Carabta. Warbixintu waxay tidhi “5 June 2018, waxa ay kooxdu taar u dirtay Imaaraadka Carabta, iyadoo raadinaysa warbixin la xidhiidha aasaaska saldhiga iyo balaadhinta dekedda Berbera. 7 September, Imaaraadka Carabta ayaa ku soo jawaabay sidan, “Imaaraadka Carabtu wuxuu la galay Somaliland heshiis si uu u horu-mariyo oo u maaamulo dekedda Berbera. Dhammaan heshiisyadii lala galay gobolada Soomaalida waxa loo galay iyada oo laga duulayo awoodaha dastuuriga ah ee ay leeyihiin madaxda goboladaasi, iyada oo looga dan leeyahay in lagu guulaysto amni, degenaansho iyo badhaadhe ay gaadho Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo dadkeedu.” UN Monitoring Group, waxa qayb kale oo ka mid ah warbixinteeda ay kaga hadleen dagaaladii ka dhacay tuko-raq, waxaanay sheegeen in Somaliland ay qabatay 14 ka mid ah maleeshiyaadka Puntland, halka ay Puntland qabatay 3 askari oo Somaliland ah. “7 ka mid ah askartaas Puntland waxa lagu daweeyay Hargeysa, halka toddobada soo hadhayna loo dhaadhiciyay xabsiga Hargeysa, sida uu sheegay Madaxweynaha Somaliland, qoyaskooda ayaa loo ogolaaday inay arkaan.” Ayay tidhi warbixintu. Laakiin waxay kooxdu sheegtay inay heshay warbixino sheegaya in la jidh dilay askar Puntland ah oo ay dileen ciidamad Somaliland 24 May 2018, “Iyagoo kaga aarsanaya dilka taliye Somaliland ah.” Ayay tidhi warbixintu, waxaanay iyadoo sheegaysa inay ka weyday Somaliland wax jawaab ah oo ku saabsan eedayntan kooxdu tidhi, “Markii aanu qoraynay, UN Monitoring wax jawaab ah kamay helin taar ay u dirtay Somaliland 6 September 2018,”, taarka ayaa ku saabsanaa inay Somaliland ka jawaabto eeddaas Puntland. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Golaha ammaanka Qaramada Midoobay ayaa dawladda Soomaaliya ee Madaxweyne Farmaajo ka diiday in Soomaaliya laga khafiifiyo cunaqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya. Laakiin taas bedelkeed waxa ay golaha ammaanku cod aqlabiyad ah cunaqabayntii kaga qaadeen Ereteriya oo ay saarnayd toban sannadood. Qaraar uu golaha ammaanku shalay soo saaray wuxuu cod buuxa ugu ansixiyay in Ereteriya laga qaado cunaqabaynta, waxase ay sheegeen golaha ammaanku inay cusboonaysiiyeen cunaqabayntii hubka ee saarnayd Soomaaliya. Golaha ammaanka ayaa sheegay in kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan la socoshada cunaqabataynta hubka ee Ereteriya iyo Soomaaliya ay ku guul daraysteen in ay keenaan caddaymo lagu xoojiyo eedaymaha Eritrea loo soo jeediyay. Tallaabadan golaha ammaanka ee Qaraamda Midoobey ayaa meesha ka saaraya cunaqabatayntii Eritrea ka saarnayd soo iibsashada hubka, shaqsiyaad dhaqaalahooda la xannibay iyo xayiraaddii dhanka socdaalka. Laakiin waxay golaha ammaanku sheegeen inaanay ku qancin qaraar ay dawladda Soomaaliya iyo dalal la saaxiib ahi soo hordhigeen golaha oo ah in laga khafiifiyo cunaqabataynta hubka ee Soomaaliya saaran, waxaanay golaha ammaanku sheegeen inaanay Soomaaliya weli buuxin shuruudo lagaga qaadi karo cunaqabataynta. Talaabadan ayaa faashil diblomaasiyadeed ku ah dawladda Madaxweyne Farmaajo oo weyday awood diblomaasiyadeed oo la miisaan ah dedaalka ay Itoobiya u gashay in Ereteriya laga qaado cunaqabataynta saarnayd. Source
-
Baydhabo (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegayo in magaaladaas laga dareemayo taageero uu Shariif xasan Shiikh Aadan oo ahaa mudaxweynihii hore ee Maamulkaas uu u fidinayo Musharaxa Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur. Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan oo dhawaan heshiis la galay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa waxaa lasoo sheegayaa inuu heshiiskii uu galay ay kamid aheyd inuusan taageeri karin Musharixiinta Koonfur Galbeed. Shariif Xasan ayaa fuliyey laba qodob oo kamid ah Qodobadii uu Dowladda ku heshiiyey oo kala ahaa inuu xilka iska casilo isla markaasna uusan isisoo sharixin, balse wuxuu si cad u jabiyey qodobkii ahaa inuusan taageeri karin musharixiinta Maamulkaas. Wasiiradii iyo Xildhibaanadii sida weyn u taageersnaa Shariif Xasan ayaa la arkayaa iyagoo taageerayo Roobow Abuu Mansuur oo ah wadaad dhawaan kasoo baxay Kooxda Al-Shabaab iskuna soo taagay Xilka madaxweynimo ee Koonfur Galbeed. Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegayo inuu Shariif Xasan uu ka taageerayo Roobow dhanka Maaliyadda inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin arrintaan. Shariif Xasan ayaa la sheegay inuu dhawaan Dowladda Soomaaliya ka qaatay lacag Laba Malyan oo Dollar ah si uu uga haro madaxtinimada Koonfur Galbeed. Dowladda Soomaaliya ayaa wadato Musharax Lafta Gareen, wuxuuna cadaadis xooggan kala kulmayaa Roobow oo heysto tiro badan oo ka tirsan Xildhibaanada Koonfur Galbeed. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
-
Shirweynihii sannadlaha ahaa ee Jaaliyada Guud ee Puntland ee Dalka Denmark ayaa lagu qabtay magaalada Århus, kaas oo lagu doortay Gudida iyo Gudoomiyaha Cusub ee hogaamin doona Jaaliyada Puntland ee Denmark mudada 2 sano ee soo socda Mudane Abshir Xasan Sheekhdoon Shirkaas oo looga hadlay laguna soo bandhigay hawlihii iyo qorshayaashi gudiga Jaaliyadu ay soo qabteen mudo xilyeedkii ay gacanta ku hayeen gudoonka Jaaliyada. Gudoomiyihii hore ee Jaaliyada Puntland ee Denmark Mudane Siciid Dhimbiil ayaa hadal uu ka jeediyey madashii shirka ku dheeraaday hawlihii shaqo, samafal, isku xir bulsho ee Gudida iyo dhamaan xubnaha Jaaliyadu soo qabteen, iskana kaashadeen mudadii ay xilka hayeen. Gudoomiye Siciid Dhinbil ayaa sheegay in xilku yahay meerto, dimuqraadiyaduna ina bareyso in shaqada bulshada loo hayaa ku hormari karto, iskaashi, wada-yashi iyo in dhiig cusub iyo xoog cusub oo fresh ah mar walba talada iyo waxqabada lagu kabo. Gudoomiye Siciid Dhimbiil ayaa xusay in mudadii ay xilka hayeen isaga iyo gudigii la shaqeynaayey ay ku guuleysteen in ay Jaaliyada Puntland ee Denmark ku caan baxdo in ay noqto Jaaliyad Samfal, oo mar walba safka hore uga jirta hawlaha isku xirka bulshada iyo Tabarucaadka shacbiga tabaaleysan ee ku dhaqan Puntland iyo guud ahaan Somaaliya. Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay ku guuleysteen in maamulka Jaaliyada ka leexiyaan dhaqan xumadii Jaaliyadaha Somaalida kuwo Puntlandba lagu yaqaano ee ah in ay noqdeen ” ONE MEN SHOW ” oo ah in Jaaliyadaha shaqsiyaadka maamulaa ka dhigtaan hanti ay iyagu si gaar ah u leeyihiin, oo jeebka ay ku wataan, ama NGO ay ku shaqeystaan, isla markaan kaga tuugsadaan dawladaha loo martida yahay. Gudoomiyaha ayaa sheegay in dhaqan xumadaasi ay keentay in Jaaliyaduhu noqdaan meel laga xoogsado, oo hal qof ama koox gaara ah gacanta ugu jirta mudo aad u dheer,isla markaana Bulshooyinka ka dhex abuura dagaal, Qabyaalad iyo isqabqabsi joogta ah, iyadoo aad arkayso hal magaalo oo yar oo 300 urur ama Jaaliyadood ka dhisan yihiin, oo dhamaantood ku tuugsanaayaa in ay Somalia ka wadaan boqolaal mashruuc oo wada been ah, dhamaantoodana waxay ay tartan ugu jiraan, waxay dhacaan, waxay xadaan, iyo in ay Telefishinada ka soo muuqdaan, si ay xilal uga helaan Dalkii Hooyo. Gudoomiyahihii Hore ee Jaaliyada ayaa soo jeediyey in Bulshooyinka Somaaliyeed ee Qurbuhu u kacaan oo la dagalmaan dhaqan xumadaa iyo ceebta ay magaca Somaaliyeed ku soo kordhiyeen Jaaliyaha daneysiga loo furtay, isagoo xusay in ay muhiim tahay in xitaa xogtooda lala wadaago hayadaha tuugsiga loo tago iyo warbaahinta wadamada loo martida yahay. Sidoo kale wax garadka Jaaliyada oo rag iyo dumarba lahaa ayaa hadalo mahadnaq iyo soo dhaweynba leh uga soo jeediyey munaasibada Gudidii hore ee Jaaliyada iyo Gudida Cusub ee loo dooryay Gudoonka Jaaliyada Puntland, iyadoo goobtaas Shahaado sharaf lagu gudoonsiiyey Gudoomiyihii hore ee Jaaliyada Siciid Dhimbiil iyo dhamaan xubnihii hore ee Gudida Jaaliyada. Gabogabadii waxaa shirka soo xiray oo xilkii lagu wareejiyey Gudoomiyaha Cusub ee Jaaliyada Puntland Mudane Abshir Xasan Sheekh Doon iyo Gudiga Cusub ee Jaaliyada, iyagoo u mahadnaqay Bulshada Jaaliyada ee codkooda kalsoonida ah siiyey, iyagoo balan qaaday in ay hore u sii wadi donaan hawlihii shaqo,isku xir bulsho iyo samfal ee Jaaliyadu ay caanka ku aheyd mudada dheer. Xafladii Doorasha Gudoomiyaha Cusub Jaliyada puntland Denmark Source
-
Golaha shacabka oo kulankooda maanta ay soo xaadireen ilaa 155 xildhibaan ayuu wasiirka maaliyadda ee JFS Cabdiraxmaan Beyle hor-dhigay miisaaniyadda 2019-ka. Wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Beyle ayaa ugu horeyntii waxaa uu xildhibaannada golaha shacabka u sharaxay miisaaniyadda 2019-ka, isaga sheegay inay noqon-doono $340 Milyan halkii sanadkii hore ka aheyd $274.6. “Miisaaniyadda waa mid isku jaan go’an, waxa na soo gala waxaa ay u qeybsamaan 3 qeybood: Waxaa weeye Canshuuro iyo dakhli kale oo waddankeenna gudahiisa aan ka soo uruurinno,…qeybta xigta waa kabidda oo caawimaad dunida iyo qeybta 3aad oo ah mashaariicda ay hey’adaha caalamiga nagu caawiyaan, marka laga reebo mashaariicda waa wax Xamar laga soo uruuriyey, miisaaniyadda kuma jiraan kuwa dowlad goboleedyada”. Waxaa sheegay Beyle. Mr. Beyle waxaa uu difaacay qoondada ku korortay caafimaadka iyo waxbarashada, oo tan hore ay ku korartay 6 Milyan halka waxbarashada oo lagu kordhiyey 4 Milyan oo iskuullo iyo Macalimiin ku bixi-doonta. Xildhibaan C/rashiid Xidig oo ka mid ahaa xildhibannadii hadlay waxuu soo-jeediyey in la hubiyo mushaarka ciidamada iyo shaqaalaha kale ee dowladda “2019-ka, miisaaniyaddan Xogta aan heyno, waxaa naloo sheegay ayna ku jirin sidii sanadkii hore oo kale, wax shaqaale cusub ah oo la qorayo”. Guddoomiye ku xigeenka koowaad mudane C/weli Sheekh Ibraahim (Muudeey) oo shir guddoominayey ayaa sheegay in guddiga maaliyadda iyo miiisaaniyadda ee Golaha Shacabka laga doonayo in ay ka soo shaqeeyaan miisaaniyaddan ka dibna aqrinta labaad ay soo diyaariyaan. ” Arrintaan waxaa ka soo shaqeynaya guddiga inoogu xil saaran arrimaha maaliyadda iyo miisaaniyadda oo aan ka sugeyno iney noo keenaan xisaab xirka 2017 iyo meelaha dhaliilaha laga jeediyay ka dib ayaa xildhibaan walbo fursad loo siinaya inuu ka doodo maadaama maanta aqrin koowaad ay tahay”. ayuu yiri guddoomiye Muudeey. Dhanka kale, xildhibaanada golaha Shacabka ayaa ansixiyay hindise sharciyeedka dhismaha hay’adda dadka naafada ah oo maray aqrinta saddexaad. Haddaba, Goobjoog News, Waxaa Horay Ugu Soo Gudbisay Akhristayaasheeda Faah-faahinta Miisaaniyadda Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa soo saartay qoaraal kale oo la xiriira dilka suxufiga Sacuudiga ee Jamaal Khaashuqji, kaasi oo ay ku taageereyso boqortooyada Qoraalka oo Carabi lagu qoray, islamarkaana lasoo dhigay barta twitter-ka ee wasaaradda ayaa lagu yiri “Dowladda federaalka Soomaaliya waxay soo dhoweeneysaa baaritaanka dacwad oogaha guud ee Sacuudiga, kaasi oo dad loogu xiray kiiska dilka suxufi Jamaal Khaashuqji” Qoraalka ayaa intaas ku daray “Soomaaliya waxay tani u aragtaa tallaabo jihada saxan loo qaaday oo lagu raadinayo xaqiiqda kiiskan”. Qoraalkan ayaa ah kii labaad ee Soomaaliya ay ku taageerto Sacuudiga, marka ay timaado kiiska dilka Jamaal Khaashuqji, ayada oo Soomaaliya qoraaal midkan la mid ah bil ka hor uga digtay waxa ay ugu yeertay handaadda ka dhanka ah Sacuudiga. Sida la ogyahay qoraalka dowladda Soomaaliya ayaa u dhacaya mid boqortooyada Sacuudiga iyo xubnaha xukunka haya loogu dhigayo inaysan wax shaqo ah ku lahayn kiiska. Si kastaba Hay’adda sirdoonka dhexe ee Mareykanka ee CIA, ayaa go’aamisay in dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan uu amray dilka suxufi Jamaal Khaashuqji, taasi oo burineysa doodda Sacuudiga ee ah in Bin Salmaan uusan waxba ka ogeyn dilka, waxaa sidaas werisay Washington Post. Qiimeynta ay sameysay CIA-da, ayaa ah tii ugu xoogganeyd ee Bin Salmaan si toos ah ula xiriirineysa dilka Jamaal Khaashuqji, oo labadii October ka dhacay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul. Halkan ka aqri warkaas. Hoos ka arag warqadda maanta kasoo baxday wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta waxaa uu warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha cusub ee dowladda Maraykanku u soo magcawday Soomaaliya Donald Yukio Yamamoto. Danjiraha Yamamoto ayaa madaxweyne Farmaajo uga mahadceliyey ka guddoomidda waraaqaha aqoonsiga, isaga oo sheegay in dowladda Maraykanku ay Soomaaliya ka caawin doonto dhinacyada horumarka, amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada. Madaxweyne Farmaajo ayaa dhankiisa danjiraha cusub u mahadceliyey, isaga oo ku soo dhaweeyey Soomaaliya, una ballan qaaday in dowladda Soomaaliya ay la shaqayn doonto. Haddaba, Waa Kuma Donald Yukio Yamamoto? Donald Yukio Yamamoto waxaa uu ku dhashay Seattle, Washington 1953-dii, isaga oo ka qalin-jabiyey Columbia University. Shaqo badan ayuu ka soo qabtay arrimaha dibadda waxaa ka mid ahaa: Kaaliyaha xogheyaha arrimaha dibadda September 3, 2017-July 23, 2018 iyo sarkaal sare oo howl-galay Kabul, Afgaanistaan, 2014–2015. Yamamoto, waxaa uu aqoon fiican u leeyahay gobolkan geeska Afrika, waxaa uu horay u ahaa Madaxa howgalka Soomaaliya(2016) , Safiirka Mareykanka ee Itoobiya (2006–2009), Safiirka Mareykanka ee Djibouti (2000–2003), iyo sidoo kae Safiirkooda Eritrea (1997–1998). Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga Somaliland Ciise Axmed Xawar ayaa ku margaday in uu jawaab waafi ah ka bixiyo warbixin qaramada midoobay soo saartay. Warbixintan qaramada midoobay soo saartay ayaa Somaliland ku eedaysay inay jidh-dil u gaystay maxaabiis reer Puntland ah oo lagu soo qabtay dagaalkii Tuke-raq, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa maanta si qarsoodi ah u fureysa dhisme la ballaariyey oo dib loo habeeyey, kaasi oo noqon doona waxa dadka qaar ay ugu yeereen safaaradda Mareykanka ee Muqdisho, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online. Xaruntan ayaa ka dhigi doonta howlgalka diblomaasiyeed ee Mareykanka ee Soomaaliya mid ku sugan Muqdisho, waxaana ka shaqeyn doono shaqaale kooban. Howl-galka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa iminka dhex degan safaaradda Mareykanka ee Nairobi. Saraakiisha Mareykanka waa ay diidan yihiin in ka hadlaan ujeedada dhismahan, waxaana ay sidoo kale u muuqdaan kuwa aan ugu yeereen safaarad ama qunsuliyad. Si kastaba, astaan muujineysa muhiimadda dhismahan, ayaa ah imaanshaha safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto, oo fadhigiisu yahay Nairobi, kaasi oo la filayo inuu maanta xariga ka jaro dhismahan. Saacado ka hor, ayaa madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxa uu waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Donald Yamamoto. Wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka ayaa diiday inay weriyayaasha u ogolaato munaasabadda furitaanka. Mareykanka wax safaarad ah kuma lahayn Soomaaliya, tan iyo sanaddii 1991-kii markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya. Dhismaha Mareykankan ayaa ku dhex-yaalla xarunta Xalane, ee garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde, oo amnigeeda sida aadka ah loo sugo. Mareykanka waa ay diidan yihiin inay dhismahan cusub ugu yeeraan safaarad ama qunsuliyad hase yeeshee waxaa loo dhisay in loo adeegsado hab diblomaasiyeed. Mareykanka, Shisheeyaha iyo Soomaalida ka shaqeysa garoonka Muqdisho iyo Xalane ayaa ugu yeera “safaaradda”. Ma cadda haddii calanka Mareykanka maanta laga taagi doono dibedda dhismahan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha cusub ee dowladda Maraykanku u soo magcawday Soomaaliya Donald Yukio Yamamoto. Danjiraha sucub mudane Yamamoto ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey ka guddoomidda waraaqaha aqoonsiga, isaga oo sheegay in dowladda Maraykanku ay Soomaaliya ka caawin doonto dhinacyada horumarka, amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada. Madaxweyne Farmaajo ayaa dhankiisa danjiraha cusub u mahadceliyey, isaga oo ku soo dhaweeyey Soomaaliya, una ballan qaaday in dowladda Soomaaliya ay la shaqayn doonto. Madaxweynaha iyo Yamamoto ayaa ku kulmay xarunta Xalane. Inta badan Diblomaasiyiinta Mareykanka ayaa loo ogoleyn inay soo dhaafaan garoonka diyaaradaha Muqdisho, sababo amni awgeed. Kadib la kulanka madaxweyne Farmaajo, Yamamoto ayaa xariga ka jari doono dhisme la ballaariyey oo dib loo habeeyey, kaasi oo noqon doona waxa dadka qaar ay ugu yeereen safaaradda Mareykanka ee Muqdisho, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online. Halkan ka aqri warkaas. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com