Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wasaaradda Gaadiidku waxay doonaysa inay wasaaradeeda ka dhigtay meel dakhli soo saarta, balse ma fahansana nidaamkii macmiisheedda u ilaalin lahayd ee iyaduna u faa’iidi lahayd, marka doonayso inaad dadka cashuur ku soo rogto waxa la qiimeeya waxay awoodi Karin balse hadii aad u fikirto nolosha aad ku nooshahay inay dadkoo dhami ku nool yihiin oo waxa aad bixin karto dadkoo dhami bixin karaan, waxa kala waaqic noqonaya adiga iyo dadkii aad maamulaysay, taasina waxay abuuraysa in dawladnimadaba cuqdad laga qaado. Wasaaraddu inta shay ee ay lacag ku soo rogtay ila eeg oo waliba cid gaar ah kooto loogu xidhay, liisankii madbacad qaranku ma daabacayso oo shirkadii hore uu baa wasaaraddu ka dhigtay waax ka mid ah, waraaqdii caafimaad dhakhtar laga dhex samaystay wasaaradda oo ka qaalisan cisbitaaladii kale, waxa la sameeyey buug wasaaradu leedahay oo imtixaan dadka laga qaadayo oo iyaduna lacag ah. Buuga imtixaanka lagaga qaadayo waxa laga siinaya shan dollar, dhiiga iyo indhaha dhakhtar baa wasaarada lagu dhex samaystay oo toban dollar laga qaadayo oo hadii cisbitaalka weyn waraaq ka soo qaadato lagama yeelayo waa qasab in waraaqda cisbitaalka laga dhex furtay wasaaradda ka goosataa, taarikaddii cusub marka lagu siinayo 115 dollar baa laga qaadaya, taarikadaadiina aad hore u iibsatayna waa laga qaadaya, arrimahaasi oo dhan waxay cadibaad ku tahay shacabka danyarta ah ee intaas oo kooto ee lacag ku bixinayso aan awoodi Karin. Buugan shanta dollar waxa ku qoran ee calaamadaha ah meel walba waa laga helaa waxay ahayd uun inaad imtixaanka gasho uun, waraaqda dhakhtarka cisbitaalka guud ee Hargeysi shan dollar buu ka qaadaya, wasaaraduna Toban dollar, taasina waa khalad . Talabaad wasiirku maalintii uu daahfureyey taarikada cusub waxa uu xaflada ka sheegay lix boqol oo kun oo shSL lagu bedelayo , haseyeeshee dadkii taarikada cusub doontay markii lixdii boqol dooneen inay bixiyaan waa laga diiday waxaana lagu yidhi waa milyan iyo boqol iyo konton SHSL, markii aanu xafiiska waydiinaynay sababta intii wasiirku xaflada la sheegay looga badiyey, waxay ku doodeen in la diidana in dadku ku kacaan oo laga soo horjeesto ayaa lacagta loo yareeyey balse lacagta rasmigii waa 115 dollar, maalintii kale ee liisamada waxa uu sheegay in buuga imtixaanku bilaash yahay, hadana imika waa shan dollar, waxa kale oo uu wasiirku sheegay in baabuurta Vitz ka aanay gobolada u kala bixi Karin oo dadkii xaafadahoogu arabsiyo ama abaarso yaallay waa la diiday inay kaantaroolka dhaafaan, maanta waaxa uu sheegay in gaadiidkaasi hore looga joojiyey inay gobolada u kala safraan la diiday uun inay rakaab u qaadaan gobolada balse qofkii kaligii u baxaya gobolada la ogol yahay, iyadoo aynu ogayn in kaantaroolka dadka laga joojinayey wixii wata VITZ oo xiitaa dad duleedka Hargeysa ku umalayey oo soo qaadayey loo diiday qasabna ku noqotay inay gaadhi kale qofkii kireysto.arrimahaasi oo dhan waa jahawareer uu wasiirku isagoo ka fiirsan ku kacay dadkan cadibaad ku ah. W/Q: Barkhad-ladiif Mohamed Omar Source
  2. (SLT-Riyad)Lataliyihii hore ee Yaasir Carafaat, ayaa sheegay indhimashadii Yaasir Carafaat, aysan ahayn mid dabiici ah oo ay ahayd mid la soo qorsheeyay asagoona shirqoolkaas ku eedeeyay in ay ka dambaysay boqortooyada Sucuudi Carabiya. Bassam Abu Sharif, oo ah lataliyihii hore ee Yaasir Carafaat, ayaa intaasi sii raaciyay mar uu wareysi gaarka siinayay wargayska Shebab, ee ka soo baxa dalka Falastiin, in madaxwaynihii hore ee dalkamareykanka George W. Bush, uu xiriir lasoo sameeyay madaxda boqortooyada kadib markii uu kulan uu usoo idlaaday ra’iisul wasaarahii hore ee Israel, Ariel Sharon, iyo qaar kamid ah madaxda sucuudiga oo kawada hadalayay qaabkii loo qaarijin lahaa Mr Araf. Abu Sharif, ayaa hoosta ka xariiqay in wax shaki ahuusan ka qabin in hogaamiyaasha Riyadh, ee waqtigaasi ay lahaayeen amarka lagu dilay Yaasir Carafaat, waqti ay iskaga dhigayeen in ay u ololeenayaan xalinta khilaafka Falastiin iyo Israel iyo waliba in la helo labo dowladood oo kala madaxbanaan. “Sharon ra’iisul wasaarihii hore ee Israel, waxa uu aqalka cad kulan kula qaatay madaxwaynihii mareykanka Bush, oo u sheegay in uusan awood u laheen in weerartoos ah uu ku qaado Carafat, maadaamada uu dagaal kula jiray ururadii xurnimadoonka ahaa ee Falastiiniyiinta u dagaalamayay sida Xamaas taas badalkeedana dilka Carafaat ay u fuliyaan Boqortooyada Sucuudiga”. Lataliyihii hore ee Yaasir Carafaat, ayaa intaas uu sii raaciyay in intaasi kadib Bush, uu xiriir lasoo sameeyay madaxdii boqortooyada sucuudiga oo ay isla meel dhigeen shirqoolkii lagu qaariyay hogaamiyihii hore ee ururka xurnimada doonka falastiinyiinta Yaasir Carafaat. Abu Sharif, lataliyihii hore ee Yaasir Carafaat,ayaa waxa uu waraysiga uu bixiyay sidoo kale uu ku sheegay in uu haatan qorsheenayo in uu qoro Buuk cusub oo uu doonayo in uu ku soo aruuriyo dhamaan shirqooladii lagu dilay Yaasir Carafaat. Hogaamiyaasha kale ee shirqoolka lagu dilay ayaa waxaa kamid ah Sheikh Ahmed Yassin, oo ahaa hogaamiyihii hore ee dhaq dhaqaaqa ururka Xamaas, waxaa uuna 2004’tii ku dhintay duqaymo ay u gaysteen diyaaradaha Israel. Mahmoudal-Mabhouh, oo sidoo kale kamid ahaa hogaamiyaasha sar sare ee ururka Xamaas ayaa 2010’kii lagu dhax qaarihiyay hotel uu ka daganaa magaalada Dubai, ee iskutaga dalka Imaaraatka Carabta. Yaasir carafaat waxa uu ahaa hogaamiye si wayn uga soo horjeeday maamulka Israel tan iyo 1960’kii waxaana 11’kii November 2004’ tii uu ku dhintay isbitaal ku yaalo meel u dhaw caasimada dalka Faransiiska ee Paris, ayadoo da’diisu tahay 75’sano jir. Source
  3. Qahaira (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan oo ku sugan magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa ka hadlay mooshinka ay xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ka gudbiyeen madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Cabdiqaasim ayaa sheegay in wadanka uu ka jiro isbadal balaaran loona baahanyahay in dalka aanan dib loo celin, oo mooshin iyo wax la mid ah waqti looga lumiyo. Waxa uu sheegay in haddii ay jiraan waxyaabo qaldan sida heshiisyada madaxweynaha uu la galay dalalka deriska, ay tahay in laga wada-xaajoodo oo la eego. Mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa ugu baaqay dhamaan xildhinaabada inay muujiyaan isku duubni, sidoo kalana ay ka shaqeeyaan horumarka waddanka. Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa sheegay in Shacabka Soomaaliyeed aysan haatan diyaar u ahayn in dalka loogu celiyo wadadii burbur. Wareysigan wuxuu siiyey warbaahinta qaranka, hoos ka dhageyso. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/12/Cabdiqaasim-Salaad-Xasan-.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. MD MADAXWEYNE DHIBATOYINKA AFEEYEY W.WAXBARASHA SOMALILAND WAA 10 KAN ARIMOOD. W/Q CABDI CAWIYE Waxaa xaqiiq oo sida dayaxa u cad in SOMALILAND waxbarshadeedii halkii ugu hoosaysay marayso iyadoo dugsiyadii dawladu ay qaarkood maryaan in ay iskoodba isku xidhaan markii cid ardey keensanaysa la waayey. Su’aashu waxay tahay maxaa loo tegi waayey oo waalidiintu caruurtooda u gayn waayeen? Jawaabtu waa waxay ka waayeen tacliin uu ilamhoodu barto waayo nidaamkii waxbarshada ayaan gabi ahaanba jirin. 1. BAHDA DABAGALKA DUGSIYADA IYO NIDAAMKA WAXBARASHADA U XIL SAARAN. Waxa laf-dhuun gashay Ku noqotag oo ragaadisay tacliinta SOMALILAND gabi ahaanba hawlwadeenada wasaarada waxbarshadu qaarkood gaar ahaan bahda loo xil saaray dabagalka iyo kormeerka waxbarshada. inkastoo dugsiyada gaarka ahi ka nidaam iyo waxbarshaba fiicanyihiin dadkiina ay u noqdeen isha kaliya eey ay ku badbaadeen xaga waxbarshada. Bal hadda aynu dhawr tusaale oo Ku saabsan kormeerka wasaarada waxbarashada aan iftiimiyo B). Marka la arko macalim daalay oo da, hayso ama bukaan socod ah ama in badan maamulayasha dugsiyadu ka cawdeen oo khaatiyaan ka dhigay ayaa la yidhaahdaa waarKORMEERKA INAGAGA DARA waa xaqiiq biyo kama dhibcaana oo qofkasta oo bahda waxbarshada Ku jiraa uu ogyahay. T) . Marka kormeerka loo diro dugsi ma tagaan ilaa inta bishu bilanayso waxayna ku beegaan mar lacagta ardeyda laga ururinaayo ma galaan fassalada ma eegaan in ardeydan wax loo dhigay iyo in kale ma eegaan in uu macalimkani sito cashar diyaarin iyo in kale (lesson preparation) sida ay u socdaan waxay u tagaan maamulaha dugsiga oo aad laysku bartay waxaana la yidhaahdaa maanta maxaad haysaa isaguna isagoo dhoola cadaynaaya ayuu u dhiibaa wixii uu karaayo. Kormeerka oo kaliyana maaha waxa sidaa sameeya waa badi masuuliyiinta ka hawl gala wasaarada ee Ku qoran dabagalka iyo nidaamka dugsiyada. Kormeerka IYO hawl wadeenada wasaarada badankooda inta ugu badan waxaad Ku arkeysaa maqaayada wasaarada horteeda waqti kasta ma jiro nin wax baadhaya ma jiro mid wax usoo faaiideynaaya barayaasha ma jiro mid fikir cusub soo wada mid waliba wuxuu Ku sugayaa qadada. Xalkeeduna waa in la tayeeyo oo intii daashay loo qoro mushaharkooda oo la nasiyo, Laguna badalodad aqoon u leh supervisionka iyo hanaanka togan ee nidaamka waxbarshada. 2). Agabka waxbarshada oo lagu tagri falo lana lunsado Ma jiro dugsi dawladeed oo agab waxbarasho la geeyey oo sidii uu ahaa ardeydii loogu bandhigo. Waxa heshiiya maamulka dugsiga iyo qaarka mida wasaarada masuuliyiinteeda. Alaabta la keeno waxbarshada toddobaadka dambe waxaad Ku arkaysaa iyadoo suuqa kaaryoone ama Masaajidka CALI MATAAN hortiisa lagu xaraashayo. Qisso aan usoo joogay Intii aan Hemma lagu wareejin buugaagta iibkooda ayaan buugaag maadada carabida ah oo 200 buuga ayey dad meel hargeysa ka baxsan oo dugsi gaara furaayey igu yidhaahdeen meesha CALI MATAAN la yidhaa nooga soo iibi buugaagta carabidaee Manjahka Somaliland ee fasalada intaa iyo intaa. Waxaan goor subaxa oo khamiisa u jarmaaday goobtii buugaagta lagu hayey markii aan u tegey ninmankii buugaagta iibinaayey oo niman reer koonfur ah ahaa ayaan Ku idhi buugaagta carabida ee fasaladaa ma haysaa. Wuxuu iigu jawaabay ” haa aboowe waan hayaa meeqa aa rabtaa”. Waxaan Ku idhi ilaa 200 oo xabbo. Wuxuu igu yidhi ” Maanta kuuma wadda heli karaayo lkn Berri alaseeyda waad iga heli”. Anigoo halkii taagan ayuu Nin kale Ku yidhi ” waraa hebel orodoo la hadal kii wasaarada yaqaanay.” Aadbaan ula yaabay ereyada ninkaasi yidhi. Waxaan Ku idhi walaal oo wasaaradu maxay ahayd lala hadlaayo miyaad i xidhaysaa!!!!. Wuxuu iigu jawaabay “may buug ayaan kasoo qaadaynaa”. Macnaha inaad ila fahanteen ayaa is moodsiinayaa. Aaaax aadbuu jidhku ii dubaaxiyey oo aan uga dhiidhiyey sida loo galaayo asadkii iyo hantidii ubadka reer Somaliland wax cabasho ahna kama aan gudbin waayo xiligaa dawladu waxay ahayd la carar wixii aad qaadi karo. Anigoo qisooyin aan u soo taagnaa 15 sanno ee aan macalinka ahaa sida qisadii dugsiga Gaandi iyo booqashii wasiir SAMSAM iyo ardeydii oo ka cabanaysa agab la’aan iyo sidii indhaha loogu mariyey alaabtii loo qoondeeyey dugsiga oo kuwii la socday ay yidhaahdeen Mudane wasiir alaabtii dugsiga waanagii u qoondaynay lkn wali looma soo rarin hadda 2 bilood ka hor ayaa sidii la ii xaqiijiyey ayaa maalinba shay lagu qayili jirey oo la iibin jirey waana marag madoon. Dadkii falalkaa Ku kacay cirka may tegine imikaba waa hawlwadeeno waxbarsho oo ka tirsan MOE. Aadbaan idiin fogeeyey oo idiin dham’iyee sheekadaa awgeede aan kusoo noqdo mawduucii aan ka hadlaayey. Waxaan odhan karnaa meesha u baahan in la saxo waxaa kow ka ah kormeerka waa in laga dhigaa kormeerka dugsiyada dhalinyaro firficoon oo tababar iyo aqoonba u leh kormeerka iyo hanaanka wax dhigista iyo daba galka ardeyga. 3. guddoomiyayaasha waxbarashada iyo xaalkooda La soco 8 qaybood ee dambe maqaalada dambe Qalinkii iyo diyaarintii Cabdi Cawiye Phone: 063 4115877 telesom Shaywaal12@gmail.com Qaran News
  5. Xildhibaannadii golaha shacabka ee 9-kii bishan keenay mooshinka xil ka qaadista madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta ku celiyey in sidiisii u jiro mooshinka, iyaga oo madaxweynaha u soo jeediyey inuu u hoggaansamo sharciga. Xildhibaannada qaar ayaa sidoo kale soo-jeediyey, in inta mooshinka xilka-qaadista ee xildhibaanadu soo gudbiyeen barlamaanku uga codaynayaan in uusan sameyn karin qodobada soo socda: a) In wax heshiis ah uusan geli karin. b) In uusan qofna magacaabi karin xilna ka qaadi karin. c) In uusan dalka ka bixi karin inta dacwadaadu dhinac uga dhacayso. Sida ku qoran dastuurka KMG ah ee 2012-kii, qodobka 92aad ee maxkamadeynta iyo maamuus ka qaadista madaxweynaha, haddii lagu eedeeyo khiyaano-qaran, arrimo xadgudub ku ah Dastuurka ama sharciyada kale ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaa golaha shacabka la horgeynayaa Hindisaha xilka-qaadista Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka, waxaa golaha hor-keeni kara ugu yaraan saddex dalool hal dalool (1/3) xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, Maxkamadda Dastuuriga ayaa galaysa dhageysiga eedeyntu inay sal leedahay, haddii ay go’aamisana saddex dalool labo ee labada aqal ee Baarlamaanka ayaa Madaxweynaha xilka ka qaadaya. Dastuurkan KMG ah inkasta oo aan loo codeyn, kuma xusna sida ay noqoneyso xaaladda madaxweynaha iyo waxa ku dhacaya awoodahiisa, laakin dastuurkii 1960-kii ayaa arrintaas ka hadlay. Dastuurkii 1960-kii, waxaa ku caddaa sida laga yeelayo qaadista dacwooyinka dembiyada liddiga ku ah madaxweynaha iyo xubnaha dowladda iyo cidda keeneysa. Qodobka 76aad, faqradiisa 5aad ee dasruurkaas waxaa ku qoran waxyaabaha madaxweynaha lagu maxkamadeyn karo iyo habraaca loo marayo sida khiyaamo qaran. Qodobka 76, faqrada (5)- Ansixinta dacwad ku oogid ee khiyaamo Qaran oo wayn ama tallaabo isku day oo liddi ku ah nidaamka Dastuurka ama oggolanaasho in la bilaabo tallaabo sharci ka qaadid ee dembi kuna saabsan debmi kale ee kasta waxay u baahanayaan in si deg-deg ah loo laalo awoodaha Madaxwaynaha. Xildhibaannada mooshinka keenay, waxaa ay madaxweyne Farmaajo ku eedeeyeen: qiyaano-qaran, inuu ku xadgudbay dastuurka qaranka, sharciyada kale ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, ku xadgudbay ilaalinta karaamada aadanaha, Ku tuntay laalinta xaquuqda eedeysanaha, xeerka habka ciqaabta Soomaaliyeed, mabaadi’da federaalka heerarka kala duwan, mabaadi’ida ciidamada amniga,inuu ku gardarooday saraakiil sirdoon, inuu jabiyay xeerka cibaaqta ciidamada qalabka iyo inuu ku tuntay qaraarrada golaha Shacabka!! Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Kulankan oo ay isugu yimaadeen Odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Mogadishu Clan ayaa waxaa lagu taageeray dowladda federaalka Soomaaliya. Sidoo kale kulankan ayaa waxaa looga horyimid Mooshinkii laga gudbiyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo. Afhayeenka Odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Mogadishu Clan Nabadoon C/nuur Axmed Diiriye oo ka hadlay madasha ayaa ka digay in Mooshinkani lagu dumiyo DFS. Nabadoon C/nuur Axmed Diiriye ayaa shaaca ka qaaday in ay dhIibaato hor leh ka dhalan karto arrintani, loona baahan in qaab sharci ah lagu dhameeyo. Dhankiisa Nabadoon Muxudiin Xasan Afrax oo ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed ayaa madaxda dalka ka dalbaday in ay is ixtiraamaan, islamarkaana aysan dib u dhigin horumarka haatan ay hiigsaneyso Soomaaiya. Ugu dambeyn gudgoomiyaha Odayaasha Dhaqanka Beelaha Mogadishu Clan Maxamed Xasan Xaad ayaa ugu baaqay madaxda dowladda in ay wax weliba ku dhameeyaan wada hadal. Nabadoon Xaad ayaa hoosta ka xariiqay in ay diyaar u yihiin ka Dhaqan ahaan xalinta khilaafkaasi. The post Odayaasha Dhaqanka Oo ka horyimid Mooshinka Madaxweynaha appeared first on Shabelle. View the full article
  7. Ceerigaabo ( Sh. M. Network )-Boqolaal Shacab ah ayaa maanta Banaanbax lagu taageerayay Madaxweynaha Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Caabdullahi Maxamed Farmaajo, sidoo kalena ka dhan ahaa Mooshinkii laga gudbiyay ka dhigay gobolka Sanaag ee Waqooyiga Soomaaliya Dibadbaxa oo ahaa mid ballaaran ayaa waxa uu ka dhacay degmooyin iyo deegaano hoos yimaada gobollkaasi. Qaar ka mid ah dibadbaxayaasha oo la hadlay Warbaahinta ayaa muujiyay , sida ay uga xun yihiin Mooshinka laga gudbiyay Madaxweyne Framaajo. Shalay ayey aheyd markii Dibadbax kan la mid ahaa uu ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo ay dhigeen qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan gobolka Banaadir. The post Banaanbax lagu taageerayay Farmaajo Oo ka dhacay Sanaag appeared first on Shabelle. View the full article
  8. Nairobi ( Sh. M. Network )-Kulan ku dhexamaray M/ Nairobi ee xarunta dalka Kenya wafdi ka kala socda wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya iyo hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa looga hadlay isbedalka iyo horumarka kobaca dhaqaalaha Soomaaliya. IMF ayaa marka hore bogaadisay kobaca dhaqaalaha oo ay sheegatay in haatan uu ka hana qaaday dalka Soomaaliya. Sidoo kale hay’adda ayaa ku amaantay dowladda Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo, sida ay uga go’an tahay kobcinta dhaqaalaha dalka. Hadalkan ayaa imaanaya, xilli shalay wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle uu sheegay in IMF ay la dhacsan tahay hanaanka haatan ay wax ku wadaan, islamarkaana ay isku fahmeen dhammaan sharuudaha Deyn Cafinta Sooomaaliya. The post IMF Oo bogaadisay kobaca dhaqaalaha Soomaaliya appeared first on Shabelle. View the full article
  9. Madaxweyne-xigeenka Puntland Camay oo si kale u dhigay Dacwad uu ka gudbiyey Cabdiweli Gaas Qaran News
  10. Amaawiir Ka soo Baxay Laba Wasiir Oo Xukuumadda Muse Biixi Ka Tirsan Oo Jahawareer Iyo Saluug Dawladnimo Umaddu Ku Dhaliyay + Noocyada Amaradaasi Iyadoo ay Xukuumadda uu hogaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ay hadda sanad jirsatay ayaa keli ah waxa laga hayaa mudadaasi ay jirtay amaro isburinaya oo kasoo baxaya Hay’addaha Dawladda kuwaasi oo jahawareer iyo Saluug dhinaca Dawladnimada ah ku abuuraya Bulshada. Arimaha ugu layaabka badan ayaa waxa ka mid ah in Hay’addaha Dawladda qaarkood ay toodii oo dayacan ay isku qaadaan meelo kale oo ay amaro dul dhigaan waana dhacdooyinka mudooyinkan dambe aad loo maqlo ee aadka uga Dhaka faariyay bulshada. Waxa ay soo saaraan amaro layaableh oo aan ka tarjumayn shaqadii rasmiga ahayd ee loo igmaday ama ay Qaranka u xilsaarnaayeen,waxaaba dhacdaba in Hay’addahaasi ay tii loo xilsaaray dayacan tahay oo meel kale oo aanay hawli uga oolin ay isku qaadaan, waana dhacdooyinka mudooyinkan dambe ugu badan ee laga arko Wasaaraddaha Qaarkood. Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland oo ugu horayn Qaranka uga Xil saaran Gaadiidka iyo jidadka oo talaabada koowaad ee laga eegayay inay qaado ay ahayd marka loo kaco dhinaca gaadiidka inay xadido dhaq dhaqaaqa Gaadiidka Dawladda oo wakhti walba lagu arko faras-magaalaha Hargeysa iyo Gobolada dalka ayaa waxa ay dhawaan isku qaaday oo ay soo saartay amar umaddu fahmi wayday oo ay dul dhigtay gaadiidka yar yar ee VITZ loo yaqaan ee dadka gaar ka ahi ku shaqaystaan ee Takaasida ah, waxa ay wasaaraddaasi gaadiidkaasi ku amartay inaanay Gobolada iyo Degmooyinka ukala gooshi Karin, waxa uu Amarkaasi abuuray buuq iyo sawaxan waxaana xabsiyada lagu guray dirawalo ka biyo diiday kuwaasi oo qaarkood u caraabi jireen intay caasimada maalintii ka shaqaysa gobolada dalka ee dhaw dhaw, waxaanu amarkaasi ku noqday caqabad. Dhinaca kale Wasaaradda Waxbarashada Somaliland oo Qaranka uga xil saaran Tayaynta Dugsiyadda Dawladda oo ugu horayn laga sugayay inay Albabaada u furto dugsiyada Dawladda ee xidhan iyo inay boodhka ka jafto ayaa durba waxay Shalay isku qaaday oo ay soo saartay amaro aan laga filayn oo u muuqda Gale ka fuul xumo, waxa ay joojisay furashada Dugsiyo Cusub oo gaar loo leeyahay iyo in wax balaadhin ah lagu sameeyo kuwo hore u jiray. Ma Xuma in amarkaasi oo kale la soo saaro laakiin Waxa la iswaydiinayaa miyaanay ka haboonayn inay Wasaaraddu ugu horayn ku talaabsato waxa ay umaddu ka sugaysay ee uu Waliba wakhtigii Ololaha Madaxweyne Muuse balan Qaaday inuu tayayn doono Waxbarashada Dugsiyadda Dawladdaasi kuwaasi oo aanay Xukuumaddu waxba ka qaban muddaasi ay jirtay, islamarkaana Duruufo adag iyo xaalado laga argagaxayaa ay hoy u noqdeen Dugsiyada Dawladda. Labadan Amar ee kasoo kala baxay Labadan Wasaaraddood Ayaa Ka Dhigan, Tiisaba Daryeele Ayaa Tukale Ku Dara, Gaadiidkii Dawladda Oo Saqda Dhexe Suuqyada Wareegaya Iyo Dugsiyadii Dawladda Oo Albaabadu U Xidhan Yihiin oo aanay xiitaa soo eegi Karin Masuuliyiinta Wasaaradda oo ay indhaha ka qarsanayaan. Qaran News
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdaullaahi Farmaajo ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter kusoo dhoweeyay tallaabo muhiim u ah Soomaaliya oo ay qaaday hay’adda lacagta adduunka ee IMF. IMF ayaa maanta shaaca ka qaaday inay soo geba gebeysay wajigi kowaad ee barnamaij dib u eegis loogu sameynay hanaanka maaliyadda Soomaaliya, kaasi oo guul ku dhammaaday. Madaxweynaha ayaa yiri “Dowladeena waxaa ka go’an inay Soomaaliya horey usii dhaqaajiso, waxaan soo dhoweynayaa qoraalka kasoo baxay IMF ee wanaagsan, kuna saabsan habka maaliyadda dalkeena. Madaxweynaha ayaa sheegay in hadalka IMF uu astaan u yahay in dadaalka dowladda iyo ballan-qaadyadii ay sameysay ay mira dhalayaan. “Waxaan sii kordhin doonaa dadaalkeena ah inaan guul ku hoggaamino shacabka Soomaaliya” Hadalka madaxweynaha ayaa imanaya ayada oo mooshin ay kasoo gudbiyeen xildhibaano ka tirsan baarlamanka Soomaaliya oo doonaya in xilka laga qaado, kaasi oo hadda 14 xildhibaan ay sheegeen in magacooda looga been abuurtay. Dhinaca kale, warka IMF ayaa guul weyn u ah dowladda oo xildhibaan horey ay ugu eedeeyeen musuq-maasuq, taasi oo u muuqata in IMF aysan ku raacsaneyn. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/laahi ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan. Kulanka oo ka dhacay Guriga uu guddoomiye Mursal uu ka dagan yahay xarunta Madaxtooyada ayaa waxaa sidoo kale Goobjoog ahaa Sanataro ka tirsan BFS. Kulanka oo muddo saacado ah qaatay ayaa waxaa diirada lagu saaray khilaafka Golaha Shacabka iyo arrimaha Mooshinka Madaxweynaha Soomaaliya. Xaaladda Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ah weli mid kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed laga dareemayo gudaha magaalada Muqdisho. The post Guddoomiyaha Aqalka Sare Oo la kulmay guddoomiye Mursal appeared first on Shabelle. View the full article
  13. Garoowe ( Sh. M. Network )-Ciidamada amaanka ee Puntland ayaa maanta is hor taagay dibadbax ay dad shacab ah ku taageerayeen Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo. Ciidamada ayaa kala eryay shacabkani oo isugu soo baxay Waddooyinka waa weyn ee magalaadasi. Dhinaca kale Wariye ka tirsan Idaacaddda Garoowe ayey Ciidanka ammaanku xireen muddo kooban, inkastoo markii danbe lasii daayay. Wariyaha ayaa la qabtay, xilli uu ku guda jiray duubista warar la xariira isku soobaxaasi dadweyne. Arrintan ayaa imaaneysa, xilli uusan hadda fiicneyn xiriirka ka dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo maamulka Puntland. The post Puntland Oo is hortaagtay dibadbax lagu taageerayay DFS appeared first on Shabelle. View the full article
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada mooshinka xilka-qaadista ka keenay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo saaray go’aan xasaasi ah oo u muuqda inay isku dayayaan inay xakameeyaan awoodda madaxweynaha. Xildhibaanadan ayaa soo saaray qoraal ay ku baaqayaana rrimo uusan madaxweynaha sameyn karin inta uu socdo mooshinka, oo go’aan laga gaarayo. Qoraalka oo facebook soo dhigay Mahad Salad ayay ku sheegeen in madaxweynaha: 1 – Inuu u hoggaansamo dastuurka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya iyo shuruucda kale ee dalka u yaalla. 2 – Inta mooshinka xilka-qaadista ee xildhibaanadu soo gudbiyeen Barlamaanku uga codaynayaan in uusan sameyn karin qodobada soo socda: a) – In wax heshiis ah uusan geli karin. b) – In uusan qofna magacaabi karin xilna ka qaadi karin. c) – In uusan dalka ka bixi karin inta dacwadaadu dhinac uga dhacayso. Qodobadan ayaa u muuqda kuwa kasii daraya xaaladda dalka, hase yeeshee ma cadda cid fulin karta ama fulin doonta dalabka xildhibaanada mucaaradka ah. Caaismada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo Xafiiskiisa Xarunta Dawladda Hoose ku qaabilay Safiirka Cusub ee Dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Mehmet Yilmaz ayaa adkeeyey xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeysa labada dal. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ugu horreyn ku soo dhaweeyey Danjiraha Cusub Caasimadda dalka ee Muqdisho ayaa warbixin dheer ka siiyey Taariikhda faca-weyn ee ay ku fadhido Muqdisho, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo xiriirka soo jireenka ah ee ay wadaagaan labada bulsho. “Xiriirka aan la wadaagno Turkiga waa mid ahmiyad gaar ah u leh bulshada Soomaaliyeed iyo sidii ay dib ugu soo kaban lahayd, Mudane Danjire ku soo dhawoow Muqdisho iyo dalkaagii labaad oo kaa rajeynaya muddada aad joogto in wax badan aad la qaban doonto. Eng. Yarisow ayaa hoosta ka xariiqay in shacabka Soomaaliyeed aysan marna ilaawi doonin abaalka Turkiga, ugana mahad-celinayaan taageerada iyo waxqabadka muuqda ee suurageliyey in waddankeena uu tallaabo horey u qaado. Safiirka cusub ee Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mudane Mehmet Yilmaz ayaa dhankiisa balan-qaaday in ay sii wadi doonaan garab istaaggooda dadka Soomaaliyeed, isagoo xusay ahmiyadda ay leedahay in la sii dardargeliyo taageerada aan shuruuddu ku xirnayn ee dalkiisa siiyo Soomaaliya. The post Duqa Muqdisho Oo la kulmay Safiirka Cusub Ee Turkiga appeared first on Shabelle. View the full article
  16. Goordhow waxaan idiinsoo gudbineynaa muuqaalka Shir jaraa’id oo ay qabteen Xildhiibanada diidan Madaxweyne Farmaajo. Shirka Jaraa’id waxay ku sheegeen in Mooshinkii ka dhanka ahaa Madaxweynaha [...] Source
  17. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Xilli indhawaanahaan dib u qaabeyn aad u sareysa lagu waday Baasaboorka Soomaaliya ayaa maanta waxaa dib u bilowaday qabashada iyo qaadashada Baasaboorka, sida ay shaaciyeen Saraakiil ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha. Tallaabadaan ayaa waxaa si aad ah u soo dhaweeyay qeybaha bulshada Soomaaliyeed oo qaarkood ay saameyn ku yeelatay mudada hakadka uu ku jiray sameynta Baasaboorkaasi. Hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadaha ayaa dib u casriyeen ku sameysay Sistamka ay ku shaqeyso, waxaana xubno ka tirsan Hay’adaasi oo aan xiriir kala sameyntay arrintaan noo xaqiijiyeen in bulshada ay u adeegaan wixii haatan ka dambeeya dareemi doonaan Adeeg hufan iyo hanaan casri ah oo ay u aayi doonaan “Waxaan sameyneynaa in aaan qurxino Sawirka ka soo muuqanaya Baasaboorka iyo naqshadiisa guud, howshaasi oo dhan waxa ay isugu biyo shubaneysaa tayaynta Baasaboorka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,Guul ayeyna noogu soo idlaatay Sidaasi waxaa Radio Shabelle u sheegay sarkaal sare oo ka tirsan hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyada Soomaaliya. Maalmihii u dambeeyay oo aan la daabicin wax Baasaboor ah,ayaa aad looga dareemayay baahidaasi qeybo badan oo Bulshada ka mid ah balse Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo ka duuleysa midaas ayaa dar dar gelisay howlaheeda ay ku dar dar galineysay Qalabka ay ku shaqeyso si ay u daboosho baahiyaha iyo cabashooyinka arrintaan la xiriirta ee sida isdaba jooga ah u soo gaareysay. Waxaana Hay’addu ugu dambeyn ku guuleysatay in maanta dib u bilowdo shaqooyinkeedii soo saarista iyo qabashada baasaboorada iyadoo maanta mashquul iyo saxmad badan laga dareemayay Xarunta Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Magaalada Muqdisho. The post Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha Oo bilowday bixinta Baasaboorka appeared first on Shabelle. View the full article
  18. Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Duhur-11122018-sx.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  19. Muqdisho (PP) ─ Mooshinkii dhawaan madaxweynaha Somalia laga keenay ayaa la sheegay inuu burburay, kaddib markii la sheegay in loo waayay kooram uu ku socon karo mooshinkan. Maalmo ka hor ayay xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Somalia oo tiradooda lagu sheegay 92-xildhibaan waxay gudbiyeen mooshin xilka looga qaadayo Madaxweyne Farmaajo, kaasoo noqonaya kii ugu horreeyay oo laga keeno Madaxweynaha Dowladda Federaalka Somalia. Balse, Tiro xildhibaanno ah oo la sheegay inay mooshinkan saxiixeen ayaa ku gacan-saray iyagoo sheegay inaysan saxiixin mooshinka oo lagu been-abuurtay, taasoo dhalisay shaki weyn. Dhanka kale, Guddoomiye ku xigeennada Baarlamaanka Federaalka ah ee Somalia ayaa waxay dood ka keeneen mooshinkan, iyagooo sheegay inaysan ka tashan iyaga iyo guddoomiye Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan, taasoo dhalisay khilaaf aan xoogeysna. Haddaba, AKHRISO Qoraal uu saaray Xoghayaha Baarlamaanka Soomaaliya, C/kariin Xaaji Cabdi Buux, taasoo la sheegay in la gaarsiiyay Guddoomiye Mursal. PUNTLAND POST The post Mooshinkii Xil-ka-qaadista Madaxweynaha DF Soomaaliya oo la sheegay inuu Burburay appeared first on Puntland Post.
  20. Muqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo Xafiiskiisa Xarunta Dawladda Hoose ku qaabilay Safiirka Cusub ee Dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Mehmet Yilmaz ayaa adkeeyey xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeysa labada dal. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ugu horreyn ku soo dhaweeyey Danjiraha Cusub Caasimadda dalka ee Muqdisho ayaa warbixin dheer ka siiyey Taariikhda faca-weyn ee ay ku fadhido Muqdisho, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo xiriirka soo jireenka ah ee ay wadaagaan labada bulsho. “Xiriirka aan la wadaagno Turkiga waa mid ahmiyad gaar ah u leh bulshada Soomaaliyeed iyo sidii ay dib ugu soo kaban lahayd, Mudane Danjire ku soo dhawoow Muqdisho iyo dalkaagii labaad oo kaa rajeynaya muddada aad joogto in wax badan aad la qaban doonto. Eng. Yarisow ayaa hoosta ka xariiqay in shacabka Soomaaliyeed aysan marna ilaawi doonin abaalka Turkiga, ugana mahad-celinayaan taageerada iyo waxqabadka muuqda ee suurageliyey in waddankeena uu tallaabo horey u qaado. Ugu dambeyn, Safiirka cusub ee Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mudane Mehmet Yilmaz ayaa dhankiisa balan-qaaday in ay sii wadi doonaan garab istaaggooda dadka Soomaaliyeed, isagoo xusay ahmiyadda ay leedahay in la sii dardargeliyo taageerada aan shuruuddu ku xirnayn ee dalkiisa siiyo Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Duqa Muqdisho oo Xarunta Dowladda Hoose ku Qaabilay Danjiraha Cusub ee Turkiga appeared first on Puntland Post.
  21. The motion of no confidence against the President of the federal republic of Somalia does not have the required numbers to proceed, the secretary general of the Somali lower house of the people has confirmed. The secretary of the parliament, Abdikarim Hajji Bux said his office has received complaints from14 members who appeared in the submitted list without their knowledge. The legislators claimed that their names were included without their consent. Mr. Bux has notified the office of the speaker in a letter to call off the motion, saying the numbers are below the threshold. “My office has received complaints from fourteen members of the house whose names were listed in the sheet of members moving the motion against the President of the federal republic,” Bux told the speaker. “If you deduct the number (14) from the previous ninety-two (92) the result is seventy-eight (78), thus according to article 92 sub article 2 motion cannot proceed as per the constitutional requirement,” he added. The speaker of Somali parliament, ambassador Mohamed Mursal has on Sunday approved the motion to be tabled in the house for debate. Demonstrations in support of the President Abdullahi Farmajo government was staged in the capital by the section the public in Mogadishu. The post Parliament secretary says Motion against President “invalid” appeared first on Shabelle. View the full article
  22. Somalia’s Immigration Department has announced the resumption of its operations that include the processing of national identity cards and passports, after modernization of the system for several weeks. The agency informed the public at large that it will recommence normal processing of applications for renewal and issuance of new passports starting from Today, and apologized for the inconvenience. It says applicants may now submit their applications for passports through the Regional and district offices of the Immigration Service. In the past, the immigration announced it expanded its services to across the country and opened immigration offices in all the states so that it is easily accessible to all citizens. The post Somalia resumes issuance of passports appeared first on Shabelle. View the full article
  23. (SLT-Hargaysa) Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ayaa muddo saddex sanno oo xadhig ah ku xukuntay Qareen Asad Nuur Cilmi, oo Maxkmaddu sheegtay 900 dollar oo Laaluush uu ka qaatay qof dhibane ah. Asad, ayaa sidoo kale Ruqsadii Qareenimo ay Maxkamaddu kala noqotay muddo 5 sanno ah. Guddoomiyaha Maxkamadda Maroodi-jeex Axmed Dalmar Ismaaciil, ayaa sheegay in ay la dagaalamayaan musuq-maasuqa Garsoorka dhexdiisa. Shacabka Somaliland ayaa muddo dheer eedaymo musuq maasuq u jeedin jiray Garsoorka walow ay qayb ka yihiin . Source