Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,234
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxwayne muuse biixi cabdi wuxuu wasiirka arimaha dibadda u magacaabay wasiirkii hore ee waxbarashada, una magacaabay wasiirka arimaha dibadda, iyadoo si deg deg ah xilkii loogu wareejiyay. Waxaa geeska Africa ka socda siyaasad sedex gesood ah tasoo ay daadihinayaan sedexda hogaamiye ee kala ah ra’iisal wasaaraha Ethiopia, madaxwaynaha Eretria iyo madaxwaynaha Somalia. Madaxwayne muuse isagoo ka xun arimaha ka dhacaya geeska, waxaa kusoo xidhantay siyaasadii arimaha dibadda ee jamahuuriyada Somaliland, wuxuuna miciin saday inuu magacaba wasiir kazoo jeeda darafyada Somaliland. Dowlada Ethiopia waxay ahayd mid gacanta ku haysa mas’uuliyinta ka madaxda ah Somalia iyo Somaliland, kuna kharash garayn jirtay dhaqaale xoogan, maamul walba oo jirana ay ku lahayd qunsul ka hawl gala, ula jeedada ugu wayna waxay ahayd sidii ay mustaqbalka Somalia gacanta ugu dhigi lahayd, Ra’iisal wasaaraha Ethiopia Mr abiy wuxuu xidhiidhka u jaray maamuladii ka jiray Somalia iyo Somaliland wuxuuna kala baxay qunsuladii u fadhiyay, wuxuuna xooga sarayaa sidii Somalia iyo Ethiopia ay u midoobi lahayeen, qorshaha ugu wayna wuxuu yahay inuu helo saxiix laba degmo badeed oo kala ah degmada marka somalia iyo degmada saylac oo ka tirsan Somaliland. Wuxuuna sheegay Mr Abiy deked la kiraystaa inaysan macna wayn samaynaynin balse loo baahan yahay dekedo ay wada leeyihin Somalia iyo Ethiopia, Iyadoo aynu ogsoonahay in dekada berbera Ethiopia laga siiyay share dhan 19%, halkaana waxaa ka cad sidii uu u saxiixay maxamaed siyaad bare safer eriya inuu farmaajana saxiixay laba degmo badeed oo kamid ah wixii la isku oran jiray Somalia, waxaana marqaati ma doon u ah in diradhaba gudaheeda calanka Somalia uu ka dhex lulanaya gidaarada iyo meheradahana lagu buufiyay, halka wixii la isku oran jiray somaliyana calanka Ethiopia magaala kasta ka lusho, ayna muujinayso inuu xoogaysanayo is dhex gal siyaasadeed oo ka dhex socda labada dal. Ra’iisal wasaaraha Ethiopia xidhiidhkii qotada dheraa ee u dhaxeeyay Somaliland iyo Ethiopia si diplumaasiyadaysan ayuu u jaray, balse madaxwayne muuse arinka wuu u qadan waayay, isku dayo badan oo ay Somaliland samaysay siday kusoo celin lahayd xidhiidhkii Somaliland iyo Ethiopia umay suurta galin. Madaxwayne muuse isagoo ka duulaya arimaha, dhaliila badana ay uga yimadeen bulshada qaybaheeda kala duwan wuxuu magacaabay wasiir faratoon oo ah wasiir ay ku adagtahay inuu la jaan qaado arimaha ka socda geeska. Guntii iyo gunaanadka ka madaxwayne mustaqbal ahaan waxaan u arkaa inay Somaliland u baahan tahay siyaasiyin fur furan kuwasoo aqoon dheraad ah u leh siyaasada Somaliland. awaadan5@gmail.com Source
  2. Waxa inta badan goobaha la isugu yimaaddo magaalada Hargeisa laga hadal hayaa magacaabis isku shaandhayn reer hebel booskee ayaa loo dhiibay.halkaas oo reero ama bulsho aan ogayn la hafrayo magacoodii oo laga dhigayo sidii ay masaariif ka qaadan jireen xilka ama wasaarad uu qof uga masuul ahaa qaranka taas oo gef ku noqonaysa umadd dhan sharafteed. Inta badan qofka xil loo magacaabo waxa laga dareemaa farxad iyo rayn rayn wuxuu jecel yahay in hambalyo la yidhaahdo wuxuu u qaattaa in magaciisii sare u kacay ama uu yahay qof aad muhiim u ah oo aan laga maarmayn waxana suurto gal ah inuu xaflado ay lacag badani ku baxdo qabsado sidii dhacday sannadihii ina dhaafay halkaas waxa laga fahmayaa inuu qofkani ku haliilayo xoolaha umadda una arkayo jaaniskii uu ka faaiidaysan lahaa Hantida umadda ka dhaxaysa halkii ay ka ahayd inuu dareemo in Culays ku soo kordhay oo war war muujiyo oo ku ducaysan lahaa in xilka ilaahay ku asturo. Waxa wacnaan lahayd in isla xisaabtan adag uu la kulmo hadhow marka uu xilka ka tagayo. Waxa kaloo dhacda in qofka xil laga qaadaa isu arko qof lagu xad gudbay ama dukaan uu lahaa laga qaaday ama gabal baas u dumay oo wajigu madoobaanayo halkii ay ahayd inuu u arko in xil laga furtay ama shaqadu meertoba tahay oo aanu kaligii lahayn ee isaguna uu wakhti hayay maantana qof kaloo walaalkii ahi ku wareegayo. Waxa iyaduna jirta in qofka naawilayay xil haddii uu waayo uu miijyo niyad xumo uu rajada guud ku cabbirayo dareenkiisa hoose ee isaga u gaarka ah. Waxa iyaduna aan meesha ka maqnaan Karin haddii qofka kal jeclaysi xil loogu dhiibo ama hebel ayaa waday la yidhaahdo isagoo aan u qalmin meesha loo magacaabay waa Musuq waa (Corruption) oo magacaabista lafteeda ayaa musuq ah inuu hadhow isaguna wax musuqo la yaab ma leh waana waxyabaha keena Cawaaqib xumada ama ay ku lunto kalsoonida lagu qabo dowladnimadaba. Waxa kaloo xusid mudan iyadoo hab farsamo loo eegayo oo qofkii meesha ku haboonaa la tixgelinayo ayaa haddana waxa khasab ah in la xeeriyo qaab dhismeedka Bulshada (Social context)illayn geed qallooc ku baxay maalin keliya lama toosin karo waxay u baahantahay process waana in la muujiyo inuu jiro hab awood qaybsi oo cid kastaaba iska dhex arkayso muraayadda dowladnimo. Waxyaabahan oo surma-seegto keena iyo qaar kaloo badan waxay muujinayaan inaan inta badan la fahamsanayn xikmaddii dowladnimada loo samaystay oo ay dadkii war war ku abuurtay waxa la yidhaa dadku ma haysto nabad ama ma deggana inta uu war war ku furanyahay ee uu leeyahay dowladnimo kuma maqna qalloca Dowladnimada galay ayaa soo bilaabmay tan iyo intii ay Somalia xornimada qaadatay 1960kii oo aan la helin dowlad ama xukun la mahadiyo. Hase ahaattee ay ahaayen xukuumadihii kala danbeyay qaar faraha lagaga gubtay. Si kastaba ha ahaatee waxa lagu maarayn karaa arrin kastaba is qancin iyo daah furnaan ay xukuumaddu muujiso inay mar kasta qancin diyaar u ahaato dadkna isku waddo dadweynaha waxa la gudboon inay beddelaan qaabka fikirka (Attitude) waa inay aragtidooda ku ifiyaan xagga wax qabadka oo ay xukuumadda kula xisaabtamaan wax qabad xagga Waddooyinka bur buray.Caafimadka.Sidii loo heli lahaa biyo nadiif ah iyo kaabayaasha dhaqaalaha waxa dhacda had iyo jeer in sawirka gudaha dalka ka jiraa yahay muraayadda laga daalacan karo Siyasadda arrimaha dibadda ee waddan kasta leeyahay. Wa billaahi towfiiq Rashiid Odowaa khadarsalaan@gmail.com Source
  3. Anigoo Ku Hadlaya Magaca Dhalin Yata Beesha East Burco Clan Waxaan Leeyahay Xukuumaddu Inay Cariigsato, Cadhada Umaddana Kiciso Oo Nacayb Ku Abuurto Dadka Muwaadinka Ah Ma Aha,Waar Arrintan Oo Kale Halis Teeday Leedahay Ee Hablaha Arrintooda Wax Ha Laga Qabto. Haddii Xukuumadii U Dhegoolaysay Dadka Lagu Gabbood Falay, Dee Xeer Dhaqan Oo Beelaha Kala Xidhaa Jira’e, In Waxgaradkii,Madaxdii Dhaqanka,Abwaanadii,Dhalin Yaradii,Aqoon Yahankii Beesha Ninka Aflagaadada Geystay,Sidii Xukuumadii Oo Kale Iyana Geestooda U Aamusaan Ma Ahayn. Sidani Gobanimo Ma Aha…Walaahay Reer Somalind Dhaqan Xumada Aan Ku Arkay Khaasatan Beelaha Isaaqa Ismaan Odhan Jirin Dabci Noocaasi Ah Bay Leeyihiin.. Bal Fiiri Beel Kastaa Marka Iyada Wax Lagu Sameeyo Ee Ay Gef Tabanayso Ayuunbay Danteeda Ka Hadashaa Oo Qanjaha Karisaa. Haddii Cid Kale Gardarro La Wada Arkayo Oo Badheedh Ah Lagula Kaco,Mafrashyada Waa Lagaga Hadli,Oo Waa La Odhan Walahay Arrinkaasi Waa Qalad, Laakiin Sheekh Iyo Shariif Iyo Mid Aqoon Yahan Sheegta,Qof Si Caddaan Ah Uga Badheedhaya Oo Mediaha Ku Caddaynaya Ciddii Xaq Darada Waday,Weligaa Arki Maysid, Beel Heblaayo Waxaanu U Aragnaa In Arrinkaa Lagaga Khaldan Yahay Ee Halooga Garaabo,Gefkana Ha Laga Daw Mariyo,Ma Arkaysid.. Sheedda Kore Ayaa Laga Daawadaa Tiiyoo Laysku Jabayo Taasina Inama Dhaqayso, Waa Munaafaqnimo. kolkaan Intaa ka imaado. Xukuumadu Ma Waxay Rabtaa In Fadeexada Iyo Cayda Buugga Lagu Qoray,Ee Haweenka Lagu Bahdilay Ay Weligeedba Mediaha Ku Dhex Wareegto Taariikh Xumadaasina Cid Walba Gurigeeda Ugu Tagto. Haa Dabcan Sidaasay Rabtaa, Taasina Waa Gardaro Cadaan Ah,Waa Edeb Darro,Waa Fal Dhaqan Xumo Ah. Haddii Aan Qorshaheedu Kaas Ahayn, Maxay Tahay Sababta Hoggaanka Dalku Dhegaha Uga Furaystay, Ee Hablaha Iyo Hooyooyinka Ka Cawday Aflagaadada Loo Geystay Loo Daw Marin Waayay, 6-Da Bilood Ee Arrinkaasi Taagnaa. Dadku Xaq Bay Ugu Leeyihiin Inay Xukuumadda Inay Cabashadooda Dhegaysato Oo Wixii Daw Loogu Leeyahay Aqbasho, Wixii Aan Loogu Lahayna Daliil Qanciya U Sheegto. Dhalinyaro,Waayeel,Aqoon Yahan,Haween,Madaxdii Dhaqanka Dal Iyo Debed Arrimaha La Dhibsaday Ee Cid Waliba Ka Qaylisay. Ma Waxay Leedahay Xukuumaddu Sax Ma Aha Ee Dadkaa Waalan Oo Ninka Cayda Diiwaanka Ku Qoray Baa Saxan. Haday Sidaa Xukuumada Muuse Biixi Iyo Golihii Dhaqanka Ee Guurtidu Qabaan,Dee Waa Inay Dadka Ka Qanciyaan Oo Lagu yidhaa Waa Khaldan Tihiin Oo Sidaas Baa Ku Khaldan Tihiin. Hadii Kalena,Diiwaan Cay Iyo Fadeexad Lagu Qoray Haweenku Ma Geyaane Buuggaa Waa In Laga Cidhib Tiara Dhulka Oo Dab La Qabadsiiyo. Xasan Cilmi Cawaale………Hargysa abdinacfi2013@gmail.com Source
  4. Siciid Maxamuud Xirsi(Diraac) oo kamid ahaa xubnaha muhiimka ah ee guddiga doorashooyinka ku-meel gaarka ah ee dowladda Puntland ayaa Khamiista maanta ah xilkii iska’casilay. Warqadda is-casilaadda oo lagu wargeliyay madaxweynaha Puntland,guddoomiyaha Baarlamanka iyo guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ku-meel gaarka ah ee Puntland ayuu Mr Diraac ku sheegay arrimaha uu isu’casilay. “Anigoo ah Mr, Saciid Maxamuud Xirsi Diraac,, kana mid ahaa guddiga doorashooyinka Puntland ee TPEC waxaan taariikhda kor ku xusan iska casilay xubnimadi guddiga doorashooyinka Puntland duruufo iyo arrimo aniga uu gaar ah. waxaan u mahadcelinayaa guddigii iyo shaqaalihii aan soo wada shaqaynayay” ayuu yidhi Diraac Guddiga doorashooyinka ku meel-gaarka ah ee Puntland oo mudda laba sano ah shaqeynayay ayaa ku fashilmay in ay Puntland gaarsiiyaan doorasho qof iyo cod ah sannadka 2019,waxaase mar kale Baarlamanku wakhtiga u kordhiyay 14 bishii Agoosto ee sannadkan,si ay uga sii shaqeeyan doorashooyinka Golayaasha degaanka. Dhinaca kale Baarlamanku wuxuu xilligaasi go’aamiyay in doorashada madaxtinimada Puntland ee sannadka 2019 ay ku dhacdo hab-beeleedka 66 xildhibaan. PUNTLAND POST The post Xubin ka tirsanaa guddiga doodashooyinka Puntland oo is-casilay appeared first on Puntland Post.
  5. Muqdisho (Caasimadda Online) – Cabdiqani Saciid Carab oo ahaa guddoomiyihii xiriirka kubbadda dalka Soomaaliyeed ayaa iminka mar kale loo doortay in uu sii ahaado afarta sano soo socota ka dib markii uu helay 33 cod oo gacantaanka ah. Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine) oo isna ahaa gudoomiye ku xigeynka 2-aad ayaa loo doortay afarta sano soo socota in noqod guddoomiye ku xigeynka Koowaad ,isagoo helay 33-cod gacan taag ah. Cabdullahi Sheikh oo horay u ahaa guddoomiye ku xigeynka 1-aad ayaa isna loo doortay guddoomiye ku xigeynka labaad ka dib markii uu helay 33 cod. Waxaa hoolka doorashada ku sugan ergo ka socota maamul Goboleedyada Hirshabeele, Jubaland, Galmudug, Puntland, Gobolka Banaadir, madaxa ka socota FIFa, CAF iyo maamulada kooxaha kubbadda cagta dalka Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Gorfaynta Buugga “Miyi Ilaa Madaxtooyada” Socdaalkaygii guusha Qoraaga Buugga: Xirsi Cali Xaaji Xasan Hordhac Ilaa iyo intii buugga Miyiga ilaa Madaxtooyada lasoo bandhigay wuxuu bulshada ka dhax abuur doodo iyo hadal hayn aad u balaadhan, dadkuna siyaabo kala duwan ayay oga falceliyeen. Dadka badankoodu meelo lasoo gooyooyay ayay baahinayeen, kadib waxaan go’aansaday in aan buuggaa akhriyo kadibna wixii aan ku arko aan fikirkayga ka dhiibto, waxay iga qaadatay muddo 5 cisho ah in aan bilow ilaa dhammaad ku akhriyo buuggan. Qoraaga buuggu, mar waraysi laga qaaday, wuxuu soo dhaweeyay qorayaasha, isaga oo sheegay in ay yihiiin cidda ugu habboon in ay dhaliili karto ama wax ka sheegi karto. Waxaan ka cudur daaranayaa in aanan caddeyn Karin taariikhaha iyo dhacdooyinka uu qoraagu inala wadaagay sida uu u sheegay in ay tahay si ka duwan sidii ay u dhaceen, taana waxay u furantahay cidkasta oo ay qoraaga shaqo ka dhaxaysay laakiin kaliya waxaan dul istaagi doonaa meelaha aan isleeyahay in wax laga yidhaahdo ayay u baahan yihiin. Waxaa iyaduna xusid mudan in ay aad u adag tahay in qoraal kooban laga sameeyo buug sidan u qaraweyn. Inta aan falanqaynta buugga Miyiga ilaa Madaxtooyada ku jiro waxaan ku koobnaan doonaa wixii uu qoraagu inala wadaagay oo kaliya, waxa buugga ku qoran iyo shakhsiyadda qoraagu waa kala laba, dad badan waxaa iskaga khaldan shakhsiyada qofka iyo fikirkiisa, in badanna xaggii ay fikirkiisa ama ficilkiisa dhaliili lahaayeen qofka ayay wax ka sheegaan. Maalintii koowaad ee aan bilaabay akhrinta buugga aniga oo meel shaah laga cabbo buugga ku akhriyaya ayuu nin aanu is garanaynay ila soo fadhiistay, kadib wuxuu igu yidhi “ ma inankii fashilmay ayaad buuggiisa sidataa”, waxaan waydiiyay muxuu ku fashilmay ?! kadib wuxuu iigu jawaabay “ ma ninka buuggiisa waxaa iyo waxaa ku qoray”, waxaan waydiiyay buugga maad akhriday?, kadibna wuxuu iigu jawaabay “ maya”…… waxaad dareemaysaa sida dadkeenu ku-tiri ku-teenka iskaga qaataan ee ay dadka ugu xukumaan. In aan ku idhaahdo hebeloow/heblaayooy shalay been ayaad ii sheegtay iyo in aan ku idhaahdo beenaale/beenalay ayaad tahay aad ayay u kala duwan tahay, haddaad qof ku tidhaa been ayaad ii sheegtay ficilkiisa ayaad sheegtay laakiin beenaale ama beenalay ayaad tahay waa shakhsiyada qofka ama ahaantiisa oo aad ku gaftay. Sidaa darteed Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ah qoraaga buuggan shakhsiyadiisa iyo buuggani waa kala laba, wixii uu inala wadaagay ayaan xoogga saari doonaa aniga oo xusi doona meelaha aan u bogay, meelaha faahfaahin u baahan iyo meelaha aan dhaliilay. Ugu horreyn waxaan bogaadin u dirayaa qoraaga buugga oo ku dhiirraday in uu furo baab cusub oo taariikhda Soomaalida ku yar ama aan horeba u dhicin, taasi oo ah in uu inooga warramo khayr iyo shar intii uu siyaasada ku jiray wixii uu u soo joogay iyo wixii cid kale uga warrantay. Sidoo kale wuxuu ku dhiirraday in uu noloshiisa intii ugu badnayn uu inooga warramo taasi oo aan inta badan dhaqankeena ka dhicin. Waxa kale oo aan ku bogaadinayaa qoraaga buugga wakhtiga intaa leeg ee uu galiyay buuggan. Waa xu Waxaan aad u cambaareynayaa oo aan waliba dhaliilayaa xatooyadii lagu sameeyay buugga ee isaga oo Softi ah baraha bulshada la wareejiyay, waa dhaqan aad u liita in wax-soosaarka dadaalka, maskaxda, soojeedka iyo aduunka intaa leeg ee la galiyay aayar cidi dadka u qaybiso, xatooyada qoraalka ama xuquuqda lahaanshaha oo lagu xadgudbaa waa dambi weyn oo maxkamado la isla tiigsado laakiin innagu heerkaa maynu gaadhin. Qofka qoraalkaa qaybiyay waxaanu dareemin culayska uu leeyahay buug la qoro iyo inta qofka ka gasha, mar waad ururinaysaa, mar waad qoraysaa, mar tifaftir iyo hagaajin ayaad ku hawllan tahay, marna adduunkii lagu daabici lahaa ayaad ka warwaraysaa. Tognaanta Buugga iyo Qoraaga Qoraaga buuggu wuxuu furfuridda hore ee buugga ku xusay in ay ku dhalatay in uu buug qoro sanadkii 1999 wakhtigaasi oo uu ku hawllanaa nolol maalmeedkiisa, laakiin hamigaasi wuxuu u rumoobay 2018 markii uu soo saaray buugga Miyiga ilaa Madaxtooyada. Buuggani waxa uu u badan yahay dhiirrigalin iyo in akhristaha da’da yar uu dareemayo in inta meel aan waxba oollin laga dhaqaaqo meel fog la gaadhi karo, Xirsi Cali Xaaji Xasan wuxuu ku dhashay Miyi, isaga oo markii uu sannaddo yar jirayna hawshii Miyiga ee xoolo raacidda bilaabay, markii uu garaadsaday taariikhduna marayso 1974 waxa ku habsaday deegaanka Somaliland gaar ahaan gobollada bariga abaar dad iyo duunyaba saameysay oo Dabadheer la odhan jiray, dadkii waxaa loo guray koonfurta Soomaaliya gaar ahaan Jubbooyinka, qoraaga buugga qoyskiisii waxaa la dajiyay meel Dujuuma la yidhaahdo, qoraaga buuggu muddo dheer ayuu ciyaalnimo iyo waxbarashada hoose ku qaatay halkaa. Qoraaga buuggu sifiican ayuu qeexay abaartii Dabadheer iyo sidii ay Somaliland dadkii ku noolaa u saameysay, dadka uu aadka uga mahad sheegay inkasta oo uu yaraa wakhtigaa waxaa ka mid ahaa Ismaaciil Cali Abokor oo dawladdii Kacaanka ku jiray ahaana nin kasoo jeeda deegaannada, waxa uu qoraagu ku dheeraaday in uu sabab u ahaa gurmadkii dadkaa loo fidiyay, Milatarigii Soomaaliya ayaa uu sidoo kale ku tilmaamay in ay si naf-hur leh dadka ugu gurmadeen inkasta oo markii dambe kuwii barigaa dadka u gurmanayay ay xasuuq u gaysteen shicibkii ay ahayd in ay ilaaliyaan. Qoraaga buuggu waxa uu sidoo kale cutubka 5aad ku faahfaahiyay guuldaraddii Soomaaliya isaga oo tilmaamay in ay sabab u ahayd dagaalkii 1977kii iyo wadaadadii la laayay, dagaalka ayaa uu qoraagu ku tilmaayay dagaal jibbo ku dhisnaa oo aan laga fiirsan, isaga oo xusay in khasaarihii ugu weynaa uu gaadhay dadkii kasoo jeeday waqooyi iyo gobollada dhexe ee Soomaaliya . Qoraaga buuggu wuxuu si faahfaahsan uga hadlay halgankii hubaysaa ee xaq u dirirka ahaa ee SNM, wuxuu sheegay in uu isagu kusoo biiray 1987 isaga iyo nin la odhan jiray Cabdiraxmaan Cismaan Xaaji Axmed –Ifiso- ayaa Itoobiya dhuumasho ugu tallaabay, qoraaga buuggu wakhtigaa wuxuu ahaa nin gaaban oo caato ah laakiin jecel in uu dadkiisa iyo dalkiisa u halgamo, waxaa caqabad ku noqotay in la aqlabo maadaama oo loo arkayay in uu yahay nin da’yar , nasiib wanaag dhawr cisho ka dib Dhibbooga ayaa la qoray, waxa uu muujiyay firfircooni iyo karti uu ciidankii jabhada kula qabsado taasi oo meesha ka saartay “waa nin yar”. Halkaa waxaa ka muuqata in ay SNM ahaayeen urur aan ku shaqaysan dhallaanka sida Jabhadaha aduunka qaarkood ka dhacday in ay ciyaalka Askar u qortaan. Qoraaga buuggu waxa uu ka qayb qaatay dagaallo lagu qaaday ciidamadii Siyaad Barre waxaanu buugga ku xusay dhacdooyin ay ugu muhiimsanayd maalin naftiisu halis gashay oo Kaare jiidhay. Markii wadanka la xoreeyay qoraaga buuggu wuxuu qaatay go’aan raganimo leh isaga oo kala doortay in uu noqdo dayday qoriga ku xoogsada oo balwadaha dhax jibaaxa iyo in uu noqdo qof jira oo shaqaysta/ waxbarta oo qayrkii dhaafa. Go’aankaa uu maalintaa qaatay waa ka sababay ama horseedka u ahaa Xirsiga ilaa Madaxtooyada maamulay, qoraaga buuggu ugu horreyntii waxa uu bilaabay waxbarasho mid maaddi ah iyo mid diini ahba, wuxuu bilaabay Quraanka iyo tafsiirka isaga oo culimadii ugu waaweynayd Burco hoos fadhiistay. Qoraaga buuggu wuxuu doorbiday in uu xammaasho, wuxuu ka shaqeeyay dukaan uu isagu lahaa iyo Caawiye-Mudalab. Meelaha guushiisa horseedday ayay ahayd in uu ku qanci waayay meel iska fadhiisasho wuxuuna doorbiday in uu xammaasho. Kadib wuxuu ka shaqeeyay Fooniye kaasi oo sababay in uu Dahabshiil u wareego, marka aad akhrido buuggan waxaad garwaaqsanaysaa in uu Xirsi ahaa nin aad u firfricoon oo shaqadiisa ka adag, markii uu Hargeysa iyo shaqada Dahabshiil u soo wareegay caqabado ay ka mid ahaayeen in uu aqoonsado macmiilkiisa ayaa waajahday; markii dalka lagu soo noqday haba yaraatee may jirin wax aqoonsi ah oo dadku siteen, Xirsi wuxuu muujiyay in uu la yimaado hab uu arrinkaa ku xaliyo waxaanu bartay madaxda/salaadiinta/ganacsatada reeraha dega Hargeysa si uu macmiilkiisa u hubiyo. Shaqooyinka ugu badan ee uu qoraaga Buuggu qabtay waxaa ku lamaan Dahabshiil, meel hoose ayuu ka bilaabay, laakiin muddo dheer oo uu u shaqaynayay waxaa muuqata in uu muujiyay dadaal, Samir, hawlkarnimo iyo sumcad, wuxuu shaqada Dahabshiil ka bilaabay Fooniye, Karraani Xafiiska Hargeysa, Maamulaha Hargeysa B, Khasnajiga guud, Kaaliyaha IT ga, Maamulaha IT ga, Project Manager, la Taliyaha CEO, Xubin Boardka iyo maamulaha guud ee Somtel, dhammaan xilalkaa wuxuu qoraaga buuggu muujiryay hawlkarnimo, hindise iyo hal-abuur. Markii uu qoraaga buuggu ku biiray Komishanka qaranka wuxuu xusay in uu ahaa qof dhiirran oo jecel in dhex laga ahaado hawsha la qabanayo, wuxuu xusay in laysku dayay In la laaluusho laakiin uu si dadban uga cudur daartay madaxweynihii wakhtigaa Daahir Rayaale Kaahin una sheegay in ay shaqadiisu tahay in uu dhex u ahaado xisbiyada, ugu dambeyntiina markii uu arkay in Komishanku yihiin dad jilicsan oo la laaluushi karo hawshoodana aan sidii loogu talo galay u gudanayn uu go’aan saday in uu iska casilo, go’aankaasi wuxuu ahaa mid wanaagsan waayo haddii aad ummad u shaqaynayso oo aad dareento in hawshii laguu igmaday aanad sideedii u gudan karin in aad isberi yeesho oo aad meesha ka tagto intii aad la walaaqan lahayd. Qoraaga buugga tani fursad uu mucaarid adag ku noqdo ayay u sahashay wuxuu la saftay xisbiga Kulmiye oo uu u arkayay in uu yahay mid siyaasadiisa iyo barnaamijkiisa uu la jaanqaadi karayo. Markii xisbiga Kulmiye uu ku guuleystay doorashadadii madaxtooyada ee sanadkii 2010 qoraaga buuggu fursad fiican ayuu helay, waxa uu nasiib u yeeshay in uu la shaqeeyo Madaxweyne siilaanyo, waxaa xusid mudan in Siilaanyo u ahaa qoraaga buuggan macalin siyaasideed iyo hage uu ku daydo, sheeko kaste oo siyaasadda ku saabsan qoraaga buuggu siilaanyo ayuu ka hubinayay waayo-aragnimo iyo taariikh dheerna wuu ka guntay, tiro malaha meelaha uu ku xusayo qoraagu shakhsiyadda iyo wanaagga uu u hayay Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo), intuu Jabhada, Mucaaridka iyo madaxweynaha ahaaba. Qoraaga oo xusaya Siilaanyo waxaa uu yidhi “ … arrinta saddexaad ee ii xaqiiqowday waxay ahayd: in Axmed Siilaanyo uu yahay nin hoggaamiye soo saari kara mustaqbalka! Waxaa ii caddaatay inuu yahay hoggaamiye i gacan qaban kara. Waxaa ii xaqiiqowday in Siilaanyo uu yahay hoggaamiye aan eegayn heballada ay bulshada magacooda iyo muuqadaba taqaanno, balse eegaya oo ku xulanaya tayada kartida, aragtida iyo afkaarta uu qofku la yimaaddo, da’da uu doonaba ha ahaadee…” Qoraaga buuggu wuxuu ahaa nin aad ugu dhega-nugul, wakhti badan galiya sidii uu Madaxweynaha uga caawin lahaa hawl-maalmeedkiisa, ballamaha iyo macluumaadka soo gaadhayaba. Intii uu hayay xilka “Chief of Cabinet” iyo Wasiirka madaxtooyada wuxuu muujiyay hoggaaamin uu dadaal galiyay, waxaa warbaahinta ku batay magaciisa iyada oo lagu tuhmaayay awood dheeraad ah ama in uu dalkaba xukumo. Sida muuqata wuxuu ahaa nin shaqadiisa yaqaan oo waliba ballamaha ilaaliya shaqadiisana u daacad ah, guulaha muuqday ee uu qoraaga buuggu ku dhiirraday waxaa ka mid ahaa dib u qaabeynta Haayadda waddooyinka oo dhistay waddada isku xidha Kalabaydh ilaa Boorama, Kala baydh Ilaa wajaale oo ku-dhac iyo dhiirranaan lagu galay iyada oo aan wakhtigaa loo haynin adduun lagu dhiso. Guusha ugu weyn ee qoraaga buugga Miyiga ilaa madaxtooyadu uu gaadhay waxa ay ahayd in uu Madaxweynaha ku qanciyo fulinta ballantii ahayd waddada isku xidha Burco ilaa Ceerigaabo. Dad badan waxay la ahayd dad riyoonaya laakiin riyadaasi dhab ayay noqotay markii la dhagax dhigay ka dib. Bogga 309-310 wuxuu qoraagu ku xusay sheeko ku saabsan in iyaga oo bariga Hargeysa waddo laga dayactirayay jooga uu gaadhi qaad wadaa jiidhay meeshii la sameynayay isaga oo xawaare dheer ku socda maqlina waayay ciidankii waddada ilaalinayay, ka dib inta ay istaageen isku dayay in ay laba askari oo qoryo sita budud ku eryadaan, qoraaga buugga oo wakhtigaa ahaa wasiirka madaxtooyadu wuxuu isku dayay in uu nimankii qaadka waday maslaxo laakiin way maqli waayeen, askartii oo dib uga siqaya isla markaana habranaya ayuu wasiirku ku dhiirrigaliyay hadday mar dambe idinku soo durkaan tuugtu, ka dib askartii ayaa ku dhiirratay in ay istaagaan isla markaana qoraaga buuggan ayaa ciidan degdeg ah dalbaday, nimankiina markay dareemeen in xaaladu ku adag tahay ayay bilaabeen in ay sasabaad iyo is dhul-dhig bilaabaan. Dawladnimo aan haykalkeeda lahayn oo inan yar oo ciyaal xaafad ahi askari qori sita dhagax ku eryado meel ma gaadhi karto, waxaan aaminsanahay in uu go’aankaa iyo dhiirrigalintaa ku saxsanaa. Qoraaga buuggu waxa uu fursado u helay in uu la safro madaxweynaha, waxa uu la kulmay madax sarsare oo adduunka caan ka ah sida Madaxweynaha Turkiga, raysal wasaarihiii Ingiriiska ee David Cameron, Raysal wasaarihii Ethiopia, Madaxweynaha Jabuuti, madaxda carabta, sida Imaaraadka, Sucuudiga iyo Kuwayt. Waxaa xusid mudan in marar badan ay go’aamo adag qaateen oo ku diideen arrimo la doonayay in Somaliland lagu muquuniyo. Qoraaga buuggu wuxuu horseed ama hormood u ahaa wadahadaladii Somaliland iyo Soomaaliya isaga oo markii ugu horaysay waxay qoraaga buugga gurigiisa ku kulmeen nin la yidhaa Faarax Giindhe oo dhalasho ahaan kasoo jeeday Muqdisho, waxayna isla qaateen in uu ukala dab qaado Soomaliya iyo Somalland sidii ay u wada hadli lahaayeen. Dhammaan dadaaladii, shirarkii iyo kulamadii u dhaxeeyay Somalia iyo Somaliland qoraaga buuggu wuxuu ka ahaa udub dhaxaad ah. Qoraaga buugga waxyaalaha aan aadka ugu bogay waxaa ka mid ah in uu yahay nin dhaqanka Soomaaliga iyo Suugaanta sifiican u qayaan, wuxuu meelo badan kusoo xiganaa abwaan iyo sugaan badan, isaga laftiisuna waa Hal-abuur Suugaanta tiriya, waxaa buugga ku jira tixo fara badan oo uu ku sawirayo ama ku sheegayo xaalado markaa jiray. Tabnaanta iyo Dhaliisha Buugga Cutubka koowaad ee buugga waxa uu qoraagu magac oga dhigay: “Heshiishkii Ilaalinta Somaliland iyo hagardaamadii gumaysiga”, wuxuu qoraagu ka hadlayaa taariikho aad u fog laga bilaabo 1839 ilaa 1900, waa taariikhda aanu usoo joogin, waxayna u baahan yihiin xigasho iyo tixraac, qoraaga buuggu muu xusan meesha uu ka keenay, inta oo kaliya maahee meelo badan ayuu qoraagu xusayaa odhaahyo dhiirigalin u badan oo uu kasoo xigano qoraayo iyo dad hore, dhammaan waxkasta oo lasoo xigtaana kama maarmaan in la xuso magaca qoraha, taariikhdii la daabacay, ciwaanka buugga, meesha lagu daabacay iyo cida daabacday iyo IWM, sidaad buugga u akhriyayso ayuunbuu dhammaanayaa, buug taariikh ka sheekaynaya oo aan lahayn wax tixraaca aniga wuxuu iila muuqdaa dhaliil wayn oo uu qoraagu u baahan yahay in uu saxo. Qoraaga buuggu wuxuu xusay xiligii ay dhacday abaartii Dabadheer in loo daabulay koonfurta, markay taariikhdu ahayd 1987 ayuu sheegay in uu Somaliland kusoo laabtay kuna biiray SNM, waxaa u dhaxaysa muddo dhan 13 sano, qoraagu ma cadayn mudada intaa leeg ma Kaamkii la dajiyay ayuunbay joogeen mise meelo kale ayuu ku noolaa se intaa muxuu qaban jiray?. Qoraaga buuggu wuxuu sheegay in uu waxbarashadiisii ugu horaysay ka bilaabay iskuul la odhan jiray Ganaane oo ku yaalay meesha la yidhaa Dujuuma, isaga oo xusay in uu kusoo dhammaystay marxalad adag inta badan aasaasiyaadka waxbarashada. Qoraagu muu cadayn xalkee ayuu ka gaadhay. Markale qoraaga oo sii wada waxbarashadiisii wuxuu yidhi “ inkasta oo ay jireen dagaaladdii sokeeye oo inta badan saamayn xun ku lahaa dalka guud ahaan, gaar ahaan degaannadyadii, haddana iskuul gaar loo leeyahay oo ku yaalay magaalada Burco oo la odhan jiray Universal waxaan ka bilaabay inaaan barto luuqada Ingiriisida, teebka iyo maaraynta xafiiska, maadama oo marba marka ka dambaysa dalku sii wanaagsanaanayay xagga nabadgelyada iyo degganaanshaha, waxay ii saamaxday in aa sii wato waxbarashadaydii dalka gudihiisa iyo debaddiisaba oo aa waxbarasho ugu baxay dalka Hindiya iyo UK ilaa aan ka gaadhay Derajada labaad ee Jaamacadda Master, walina aan wado oo aanan joojin waxbarashadii”. Waxaa iswaydiin mudan qoraaga buuggu sababta aanu taariikhdiisa waxbarasho u faahfaahin, Ganaane oo dugsi hoose ahaa ayuu inooga bilaabay, muu xusin meesha uu dugsi sare ku qaatay, kadib Universal ayuu galay oo uu ka bartay luuqada, teebka iyo maaraynta xafiiska. Wuxuu aaday Hindiya; hindiya ma degree ayuu ka qaatay?,intee inleeg ayuu joogay?, ilaa London iyo Master ayuu haddana inaga geeyay, masterta London waa noocmaa, kuliyadee ayay ahayd?, Jaamacadu se tee ayay ahayd?, qoraaga buuga waxaa looga baahan yahay in uu halkaa faahfaahiyo si akhristaha ay macno buuxa ugu samayso. Bogga 153 qoraagu wuxuu ku xusay in intii u dhaxaysay 1991-2007 aanu xelin jaanis iyo fursad uu siyaasada ku galo, isaga oo ku sababeeyay in uu wakthi dadkuba fawdo ku jiro, ama isagu aanu da’ahaan buuxinin shardigii ku xidhnaa. Waxaa iswaydiin leh ilaa 2007 fawdada qoraagu sheegay ee lagu jiray maxay ahayd?. Bogga 181, qoraaga buuggu wuxu ku sheeg 30 august 2010 in subaxnimadii hore ay la soo hadashay marwada madaxweynuhu iyadoo naxdini ka muuqato hadalkeeda, waxayna u sheegtay in arrini soo korodhay oo uu uyimaado, kadib isaga oo naxsan ayuu baxay, markii uu gaadhay gurigii madaxweynaha marwadu waxay u sheegtay in madaxweynaha ay xaaladi kusoo korodhay oo uu yidhi waan iscasilayaa, sababta oo ah in madaxweynuhu wuxuu ka werwersanaa xasuustiisa oo hoos u dhacday, balse ugu dambayntii uu madaxweynuhu uu go’aankii ka noqday markii ay qoys ahaan gaar u wada hadleen. Qodobkani oo ahaa kii ugu hadalnaynta badnaa waxaa iswaydiin leh, ma inta aayar uun lala soo hadlay qoraaga buugga iyo Maxamuud Xaashi oo ku wehelinayay ayaan waxba la weydiin?, qoyska aan marwada ahayn ee markii la joogtay qoyska madaxweynu yay ahaayeen?… inkasta oo aanu macluumaadkani aanu u muuqan wax sir ah qoraaguna xusay uun in xasuusta madaxweynuhu hoos u yara dhacday haddana fikirkayga markaan eego dhaqankeena qoraaga buuggu may ahayn in uu dhacdadaa ku daro waayo wakhtigii ku haboonaa may ahayn, sababtuna waa qoraalka iyo hufnaanta oo aynaan baran, sidoo kale waxay saamayn taban ku yeelan kartaa mustaqbalka qoraaga ee dhinaca siyaasadda. Qoraagu wuxuu buugga ku xusay in ay kulan kula qaateen William Hague Addis Abeba, kulankaa watfiga Somaliland waxay kala hadleen xoghayaha arrimaha dibada Ingiriiska laba qodob oo kala ahaa in Ictiraafka Somalialand Ingiriisku gacan ka siiyo iyo in kaabayaasha dhaqaalaha laga caawiyo Somaliland gaar ahaan shidaal qodista. William Hague labadii arrimood ee ay kala hadleen wuxuu ka waydiiyay laba su’aalood; 1. Haddii ay Somaliland ictiraaf hesho ma caqabad ayuu ku noqonayaa mise xal ayuu u noqonayaa arrimaha murugsan ee Soomaliya? 2. Haddii aad shidaal lasoo baxdaan ma horumar ayuu idiin keeni karaa mise dib u dhac?. Su’aasha hore waftigu way ka jawaabeen waxayn sheegeen in ictiraafka Somaliland hesho marnaba aanu caqabad ku noqon doonin Somalia laakiin ay dhici karto inay xal u noqoto. Hadda su’aashaa labaad wixii ay kaga jawaabeen qoraaga buuggu muu ilaaway? Waayo buugga kuma taal wixii ay kaga jawaabeen. Bogga 321 qoraagu wuxuu sheegay in ay caqabad ahayd qisaasta uu sharciga Illahay iyo sharciga Somaliland ba dhigayeen, dad tiro badan oo uu ku qiyaasay 100-150 oo dil u xidhnaa waxaa adkaatay in la qisaaso, qoraaguna wuxuu ku sababeeyay in ay u muuqan karto xasuuq… waxaa iswaydiin leh dad dil lagu xukumay haddii qisaasta lagu fuliyo ma xasuuqbaa?, mayna ahayn wixii Illahay iyo sharciga Somaliland ba ina fareen?. Inkasta oo dadaal la galiyay tifaftirka iyo higaada buugga haddana meelaha qaar waxaad ku arkaysaa khalalaad aan u malaynayo in ay tahay wax u dhuuntay sida: Qoraagu markuu ka hadlaayo ooryaha Eebe ku galaday iyo caruurta wuxuu sheegay in uu guursaday 3 dumar ah, gabadha koowaad oo koos la yidhaa waxay u dhashay 12 caruur ah oo kala 5 wiil iyo 7 gabdhood, gabadha labaad oo la yidhaa Saynab waxay u dhasahay 6 caruur ah oo kala ah 2 wiil iyo 4 gabdhood, gabdha saddexaad oo la yidhaa faadumo waxay u dhashay 4 caruur ah oo kala ah 4 wiil iyo 1 gabadh. Gabadhaa u dambaysa xisaabtin caruurta wax ayaa ka khaldan, waayo faadumo 4 caruur ah ayay dhashay haddan waxaa qoran ( 4 wiil iyo 1 gabadh) isku gaynta caruurta qoraagu dhalay waa 22 sida uu qoraaga buuggu sheegay, laakiin haddii inta sare la isku geeyo waa 23, markaa waxaa suuragal ah in xaaska ugu damabysa ee faadumo la khalday caruurteeda. Meelaha erayada khaldan waxaa ka mid ah;Harumar, awwodaha(bogga 263), BBc( bogga 279), (Siilaanyo Sheekh Shariif, bogga 254 ) iyo qaar kale oo badan oo aanan qorin. Gunaanad Buuggan oo aan wakthi galiyay waxaan u arkay hogaamin dabiici ah oo uu leeyahay qoraaga buuggu,karti iyo dadaal fara badan, wuxuu sidoo kale dhiirigalin u noqon karaa dhallinyaro fara badan oo niyad jab iyo shaqo la’aan isku dhiibay, sidoo kale siyaasiyiinta waxay noqon karaa tusaale in ay bulshada la wadaagaan go’aamada iyo waayo aragnimada siyaasadeed ee ay dhaxleen. Waxaan meesha ka maqnayn in uu buuggu leeyahay dhaliilo aan xusay iyo kuwa kale oo laga soo heli karaba, haddii dib loo daabaco buuggani ka maarmi maayo xigashooyin iyo tixraacyo buugga tayadiisa kordhiya. Waxaa dib u eegis u baahan taarikhaha iyo kala horaynta cutubyada qaar ama isku xidhka dhacdooyinka iyo sheekooyinka buugga si uu u xiiso galiyo akhristaha. Ugu dambayna qoraaga buugga waxaan u soo jeedin lahaa in buugaagta dambe ee uu balan qaaday aad u faahfaahiyo dhacdooyinka cida ku wehelinaysay waayo buuggan qoraaga ayaa u badan go’aan gaadhida badanaaba dhacdooyinka ku jira. Guuleed Axmed Xaashi Gaaxnuug2013@gmail.com Qaran News
  7. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo xalay ka hadlayey xiriirka dalalka geeska Afrika ayaa sheegay in isaga iyo Abiy Axmed ay ka wada hadleen sidii ay labada dal u yeelan lahaayeen iskaashi dhaqaale, mid siyaasadeed iyo mid amni. Haddaba, aqoonyahanno la hadlay Goobjoog News ayaa baa’biyey hadalka madaxweyne Farmaajo iyaga oo sheegay in aaney jirin cid isaga wakiilatay, isla markaana aanu awood dastuuri ah u laheyn inuu galo wax heshiis siyaasadeed ah, arrintaasina ay u taalo shacabka Soomaaliyeed iyo cidda ay doortaan. Guddoomiyaha machadka Hiraal Institute Xuseen Macalin Maxamuud oo arrinkan ka hadlay wuxuu sheegay in siyaasadda ay tahay mid gudaha ah, oo ku saabsan madaxbannaani , oo aan laga geli karin heshiis “Dalalka waxaa ka dhaxeeyo oo ay ka wada hadli karaan xiriir diblomaasiyadeed, oo ah xiriirka arrimaha dibadda, Laakin siyaasadda waa local arrimaha gudaha ah, taasi oo ku dhisan madaxbannaani, lagama galo wadahadal”. Xuseen Macalin Maxamuud waxaa uu intaas ku daray in haddii loo raaco hadalka madaxweyne Farmaajo ay ka dhigantahay labo arrin oo khatar ah “Marka hadalkan Farmaajo ee ah iskaashi siyaasadeed waa labo arrin midkood uun: Waa wax isku darsigii uu horay u sheegay Abiy Axmed inay run tahay ama inay tahay siyaasaddeena soo farageli, oo dadka ii caburi, oo fasax la siinaayo”. Dhinca kale, Mursal Saney, Agaasime ku-xigeenka machadka Heritage ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo aanu ku imanin doorasho shacab, isla markaana aanu geli karin heshiisyo siyaasadeed “Shacabka masoo dooran 3-dan mas’uul, mid waa kaligii-taliye, labada kalana doorasho kuma iman, midowga siyaasadeed inta aan la sameyn, waa inay khubaro fariistaan, oo la darso, siyaasadda go’aan uma gaari qof siyaasasi ah, waa mid shacabka u taalo, marka ka hadalka iskaashi siyaasadeed, mid meesha ku jirto ma aha”. Agaasime ku-xigeenka machadka Heritage, Mursal Saney, waxuu qabaa inay shacabka ay leeyihiin go’aanka kadib marka ay ogaadaan waxa lagu shuraakoobayo “Marka laga hadlaayo iskaashi siyaasadeed waa Shuraako, siyaasad shirko ma gasho, waa in shacabka ogaadaan waxa lagu shuraakoobayo”. Guddoomiyaha machadka Hiraal Institute Xuseen Macalin Maxamuud iyo Mursal Saney, Agaasime ku-xigeenka machadka Heritage waxaa ay labadaba soo qaateen midowga Yurub oo ay sheegeen in si loo midoobo wada hadal badan laga galay, shucuubtana raalika ahaayeen, lana ogaa wax la isku darsanayo iyo wax kale. Goobjoog News, Source: goobjoog.com
  8. Cabdiqani Saciid Carab oo ahaa guddoomiyihii xiriirka kubbadda dalka Soomaaliyeed ayaa iminka mar kale loo doortay in uu sii ahaado afarta sano soo socota ka dib markii uu helay 33 cod oo gacantaanka ah. Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine) oo isna ahaa gudoomiye ku xigeynka 2-aad ayaa loo doortay afarta sano soo socota in noqod guddoomiye ku xigeynka labaad,isagoo helay 33-cod gacan taag ah. Cabdullahi Sheikh oo horay u ahaa guddoomiye ku xigeynka 1-aad ayaa isna loo doortay guddoomiye ku xigeynka labaad ka dib markii uu ahaa helay 33 cod. Waxaa hoolka doorashada ku sugan ergo ka socota maamul Goboleedyada Hirshabeele, Jubaland, Galmudug, Puntland, Gobolka Banaadir, madaxa ka socota FIFa, CAF iyo maamulada kooxaha kubbadda cagta dalka La soco, Warbixin Dhameystiran Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Muqdisho (Caasimada Online)-Ururka Al Shabaab ayaa xog dheeraad ah ka bixiyay shaqsiyaadkii ka dambeeyay weerarkii hotel saxafi ee magaalada Muqdisho, kaasi oo sababay dhimashada inka badan 30 ruux. Al Shabaab ayaa maanta markale baahiyay wareysi ay ka qaadeen sidey sheegeen ruuxii labaad ee ka dambeeyay weerarkii Hotel Saxafi ee magaalada Muqdisho, waxaana ruuxaasi Al Shabaab uu ku biiray sanadkii 2011. Magaca ruuxa labaad ayay Al Shabaab ku sheegeen Mukhtaar Maxamed Ibraahim Salagle, waxaana uu ka dhashay Beesha Ogaadeen, sida lagu baahiyay baraha Al Shabaab u faafiya Wararka. Da’diisa, ayaa lagu sheegay 47 sano jir, waxaana uu kamid ahaa ragii weeraray hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho maalmo ka hor. Al Shabaab ayaa inta badan baahiya wareysi ay sheegaan inay ka qaadaan ragga weerarada ismiidaaminta ka geysta magaalada Muqdisho iyo gobolada kale ee dalka Soomaaliya. Mr Salagle ayaa Degmada Salagle ku dhashay sanadkii 1969, waxaana uu kamid noqonaya dadka da’da ah ee fuliya weerada Al Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Telesom ayaa ku guulaystay agaasimaha ugu saamaynta badan Qaaradda Afrika dhinaca teknoolajiyadda iyo isgaadhsiinta sannadka 2018. Munaasabad ay ka Qayb Galeen 14000 oo qof oo ka dhacday Magaalada Capetown, ee Dalka Koonfur Afrika ayaa Gudoomiyaha Shirkadda Telesom, Cabdikariim Maxamed Iid, loogu Aqoonsaday inuu Yahay Hoggaamiyaha ugu Wanaagsanaa uguna Saamaynta Badnaa hoggaamiyeyaasha Shirkadaha Tiknoolojiyadda iyo isgaadhsiinta Qaarada Africa, qiimayntii u dambaysay ee la sameeyay sannadkan 2018 “CXO of the year 2018”. Warkan oo faah-faahsan goor dhaw kala soco Somalilandtoday.com Source
  11. Muqdisho (Caasimada Online)-Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa muddo sanad ah ku kordhiyay Cunaqabateynta hubka iyo dhoofinta Dhuxusha ee saaran Dalka Soomaaliya. 15 xubnood ee golaha amaanka ayaa sheegay in Al Shabaab ay dhaqaalo badan wali ka helaan dhoofinta dhuxusha oo mamnuuc ka ah dalka Soomaaliya, waxaana taasi ay qasabtay in muddo sanad ah lagu kordhiyo cunaqabateynta. Arinta ayaa kusoo aadeysa iyadoo golaha ay cunaqabateynta ka qaadeen dalka Eritrea oo xiriir wanaagsan uu hadda kala dhaxeeyo dalalka Soomaaliya iyo Ethiopia oo ah dalalka arintaan u ololeeyay. Warbixin ay gudbiyeen guddiga dabagalka Cunaqabateynta hubka ee Saaran Soomaaliya ayaa lagu sheegay in wali Soomaaliya ay kamid tahay dalalka Suuqyada lagu kala iibsado hubka. Waxii ka dambeeyay burburkii dowladdii Dhexe waxaa Soomaaliya saarnaa cunaqabateynta hubka, iyadoo hadda laga qaaday Dowladda Eritrea, waxaana muddada sanadka ah Somalia ku socon doono qiimeyn kale. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. (SLT-Hargeysa)-Suldaanka guud ee beelaha Arab Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo ka Hadley munaasibad lagu caleemo saraayey suldaan ka mid noqon doona madax dhaqameedka Arab ayaa waxaa uu ka Hadley isbdel uu sheegay in uu ku yimid guud ahaan dhaqankii Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  13. (SLT-Hargeysa)-Maalinimadii Dorraad oo kale 13-kii Bishan November sannadkii 2017, maalin Isniin ah ayay shacabka Somaliland u dareereen doorashadii Madaxtooyada Somaliland oo ay ku tartameen Xisbiyada KULMIYE, WADDANI iyo UCID oo ay Musharraxiin u kala ahaayeen Muj. Muuse Biixi Cabdi, Ambassador Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi iyo Eng. Faysal Cali Waraabe taasi oo ahayd doorashadii saddexaad ee Si dimuquraadi ah shacabka Somaliland codkooda uga dhiibtaan marka aynu ka hadlayno ta gaar ahaan Madaxtooyada, waxaana laga joogaa muddo sannad iyo laba maalmood ah. Shacabka Somaliland oo doorasho walba oo ay u dareeraan xisaabaad gaar ah u leedahay, mar walbana rajo ka qaba in ay kaga baxaan dawlad xumada, Musuqmaasuqa iyo duruufaha adag ee dhinaca nolosha ee ay la deriska ahaayeen tan iyo markii dalka lagu soo laabtay ayaa waxa shacabku mudadaasi sannadka ah ee durba ka soo wareegtay maalintii ay codkooda dhiibteen waxa ay is waydiinayaan waxa ay doorashadaasi ka badashay noloshooda, waxa dalka u kordhay, waxa ka dhacay iyo halka ay ku dambaysay rajadii ay ka qabeen in ay arkaan is baddalka ay u oomanaayeen. Muddo Bil ah kadib maalintaasi ay shacabku codkooda dhiibteen waxa hannaan dastuuri ah xilka Madaxtinimo ula wareegay Muuse Biixi Cabdi oo ahaa Musharaxiii isagu doorashada ku guulaystay, Wargeyska Foore waxa uu haddaba faallo qoto dheer oo taxane ah ku milicsan doonaa waxa mudadaasi sannadka ah Madaxweyne Muuse Biixi uga qabsoomay ballan qaadyadii uu ololaha doorashada ku galay iyo dareenka shacabku ka qabo ee wakhtigan taagan. Buuggii ololaha siyaasadeed ee uu xisbiga KULMIYE ku galay Doorashadii 2017 oo Halku-dheggiisu ahaa “Berri Maanta Ka Fiican….Horaa Loo Soconayaa” waxa uu ka koobnaa 7 Tiir oo waaweyn oo kala ah: Tiirka 1aad: Arrimaha Bulshada Tiirka2aad: Amniga Iyo Nabadda Tiirka 3aad: Dhaqaalaha Tiirka 4aad: Garsoorka Iyo Caddaaladda Tiirka 5aad Siyaasadda Arrimaha Dibadda Tiirka 6aad Horumarinta Maamul Wanaagga Tiirka 7aad Deegaanka Iyo Is-Baddalka Cimilada Inkasta oo haddaba Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo xukuumaddiisu Gu’ Jirsadeen haddana waxa lagama maarmaan ah in fuudhka la saaro mudadaasi sannadka ah waxa u qabsoomay iyo sida xaaladda dalku maanta tahay, inkasta oo qiimaynta wax-qabadka xukuumaddu ku dhamays tirmi doonto haddii Alle innagu simo dhammaadka muddo xileedkiisa, haddana waxa aan isku dayi doonaa maadaama Hal dalool durba u dhammaaday shantii dalool ee la doortay waxa aan qormadeena koowaad ku eegi doonaa Tiirka koowaad ee Ballanqaadkii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo wadciga dalka maanta yaalla iyo sida wax uga qabsoomeen. Xisbiga KULMIYE qodobka koowaad ee ballan qaadkiisa waxa uu kaga hadlay waxa uu ka qaban doono qoodbo ay ka mid yihiin waxbarashada, Caafimaadka, Biyaha iyo Warbaahinta. Waxbarashada: Inkasta oo Madaxweyne Biixi ballan qaadkiisa waxbarashada ku sheegay in uu tayayn doono heererka kala duwan ee waxbarashada sidoo kalena uu samayn doono sanduuq cilmi-baadhista iyo hal-abuurnimada lagu kobciyo, waxa is waydiin leh waxa uga qabsoomay mudadaasi sannadka ah ballan qaadkaasi. Xaqiiqadu waxa ay tahay in tayadii waxbarashada dawladda ee sii wiiqmaysay tan iyo xukuumaddii hore, in mudadaasi sannadka ah ee uu talada joogay wax ka sii dhaca mooyee aanay waxba u kordhin illaa maanta dadkii danyarta ahaa iyo kuwii kaleba ay dugsiyadii dawladda gabi ahaanba ka amba baxeen oo ay ubadkoodii dugsiyada gaarka ah ula miciinsadeen iyada oo aanay xukuumadda cusubi la iman wax alla wax qorshe ah oo ay wax kaga qabanayso hoos u dhaca weyn ee ku habsaday tacliintii dawliga ahayd. Dhinaca Hal-abuurnimada iyo sanduuqa Madaxweynuhu sheegay waxba wali ugama aanay qabsoomin marka laga reebo 14 dhallinyaro ah oo hablo iyo wiilal isugu jira oo la yimid hal-abuur iyo hindise wax soo saar kuwaasi oo uu Bishii April kula kulmay xafiiskiisa. Wax-qabad ha joogee Nuxurka kulankaasi waxa uu kaliya ahaa kulan dhiirri gelin afka ah iyo bogaadin aan dhaafsiisnayn in xukuumaddu dhallinyaradaasi barbar taagan sidaana ay guryahoodii ugu laabteen kadib sawiro ay Madaxweynaha la galeen iyo qasriga Madaxtooyada oo ay soo arkeen. Caafimaadka: Dhinaca Caafimaadka tiirkan koowaad ee ballan qaadkii Madaxweynaha waxa ku jira in uu dalka ka dhisi doono 5 Cisbitaal sidoo kalena uu dardar galin doono adeegyada caafimaad ee dalka. Mudadaasi sannadka ah waxba ugama qabsoomin Madaxweynaha iyo xukuumaddiisa arrinkan waxaanu caafimaadku dalku marayaa meeshii ugu hoosaysay. Dhismaha shantaa cisbitaal oo aanay xataa xukuumaddu hadal hayn waxa ka sii daran kuwii dhisnaa oo qaarkood albaabada loo laabay, daawada iyo adeegyada ay bixiyaana intooda badan gabaabsi yihiin. shacabka danyarta ahi waxa ay lacago ku bixiyaan adeegyada caafimaadka ee goobaha dawladda haddana ma helaan adeeg ay ku hagar baxaan meelaha dalku maanta ugu liitana waxa ka mid ah caafimaadka oo inta ladan ee wax haystaa kaliya ay heli karaan adeeg caafimaad oo qaali ah oo ay bixiyaan Cisbitaallada gaarka loo leeyahay ama qaarkood dibadaha u tagaan sida dalalka Turkiga iyo Hindiya. Warbixinadii caafimaad ee ugu dambeeyey waxa ay muujinayaan dhiillada adeeg-xumada caafimad ee dalka, daawooyinka tayada xun iyo xaaladaha hooyada iyo dhallaanka oo ah cidina uma maqna ceelna uma qodna. Gabo-gabada qodobka Caafimaadka ee Tiirka koowaad ee Ballan-qaadka madaxweynaha waxa ku xusan in gabogabada sannadka 2022 in muwaadin kasta oo reer Somaliland ahi heli doono adeeg caafimaad oo casri ah. Akhriste hal sano oo sidan ku dhaafay Madaxweynuhu Afarta dambe maku gaadhi doonaa qorshahaasi olole ee u muuqday laab la kaca iyo malo awaalka. Biyaha: Tiirkan koowaad iyo dhinaca Biyaha, waxa ballan qaadka Madaxweynuhu ahaa in uu wax ka qaban doono Biyo la’aanta baahsan ee dalka Miyi iyo Magaaloga isaga oo sheegay in uu muddo xileedkiisa dalka ka qodi doono 350 ceel Biyood isaga oo sheegay in uu muhiimadda siin doono gobolada Biyo la’aantu ka jirto. Haddii taasi ahayd ballan qaadkii Madaxweynaha iyo xisbigiisa KULMIYE maxaa mudadii sannadka ahayd dhinaca Biyaha laga qabtay? Waxa xaqiiqo ah in aanay xukuumaddu iska daa hal ceele, hal tallaabo aanay hore uga qaadin halkii hore. Haddii 350-ka Ceel ee uu ballan qaaday loo qaybiyo muddo xileedka Madaxweynaha oo dhan 5 sano waxa sannadkiiba Madaxweynaha laga rabay in uu qodo 70 Ceel. Maxaa haddaba 2018-ka kaqabsoomay 70-kii ceel ee laga rabay Madaxweynaha. Iska daa in Madaxweynuhu Biyo la’aantii dalka ka jirtay wax ka qabtee intii hore ayaa sii xumaatay. Tusaale waxa kuugu filan Caasimadda Hargeysa oo muddo dheer harraad culus qabtay in maalintii Madaxweynuhu xilka la wareegay qiimaha foostada ay Biyoolayaashu siinayeen 12-kun oo shilin oo xukuumaddii ka horraysay ku soo rogtay in ay maanta marayso 25-kun oo shilin Somaliland ah oo u dhiganta $2.5. halka intii yarayd ee biyaha suququlka ku heli jirtay saacadihii loo sii dayn jiray biyuhu ay sii yaraadeen. Qiimihii Halka Miter-Cubic ooh ore u ahaa 9500 oo shilin laga dhigay maanta 14,500 oo SH/SL. Ma waxbaa sii xumaaday mise waxbaa hagaagay mudadaasi Madaxweynaha iyo xukuumaddiisu talada haysay halkeese ballan qaadkaasi ku dambeeyey. Warbaahinta: Sidoo kale Tiirkan koowaad waxa uu ballan qaadkiisa xisbiga KULMIYE ku xusay in uu awoodayn doono warbaahinta dalka kana shaqayn doono xorriyadda saxaafadda sidoo kalena uu hir gelin doono kulliyad lagu barto saxaafadda. Muddadaasi haddaba sannadka ah ee Madaxweyne Muuse Biixi joogay talada dalka waxa si weyn hoos ugu sii dhacayay xidhiidhkii warbaahinta iyo dawladda ka dhaxeeyey. Xukuumadda KULMIYE waxa ay sii wadday tacadiyadii warbaahinta qaarkeed, iyada oo ay maanta hawada ka baxeen in ku dhaw 5 Wargeys oo maalinle uga soo bixi jiray Caasimaddu, sababo ay xukuumaddu doorkeeda ku lahaydna hawada uga maqan kadib markii ay xataa wargeysyadaasi waayeen biilashii yaraa ee ay ku tiirsanaayeen. Waxa toddobaadadii ugu dambeeyey oo kali ah hadal hayntoodu taagnayd hanjabaddii iyo cago-juglayntii wasiirka Warfaafintu kula kacay Telefishanada STAR iyo SAAB. Iska daa in xukuumadda Muuse Biixi sida ballan qaadkeeda ka muuqata dhisto kulliyad saxaafadeede waxa qarka u saaran in ay dhaqaale la’aan u xidhanto dadaalkii ay Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Jaamacadda Hargeysa kaga hir-geliyeen kulliyad saxaafadda ah oo sannadkii labaad imika ardaydu galeen taasi oo dhaqaalaha ku baxaya sannadka koowaad ay bixisay dawladda Ingiriisku wixii intaa ka dambeeyana aan loo hayn wax ay ku shaqayso illaa imikana aanay xukuumaddu waxba ku darsan. Dhinaca kale Xukuumaddii hore ee Madaxweyne Siilaanyo waxa ay ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA u ballan qaaday in ay dhul siiso si looga dhiso Xarun waxbarasho oo saxaafadda loo dhiso. Guddoomiyaha SOLJA oo toddobaadkan ka hadlayay shirweynihii Warbaahinta Somaliland waxa uu sheegay in wax uga qabsoomay arrintaasi ha joogtee ay Madaxweynaha maanta xilka haya ka waayeen ballan ay kula kulmaan si ay arrinkaasi wax uga waydiiyaan. La Soco Tiirka 2aad Source
  14. “Wasaaraddan Hadda Laguu Badelay Sacadow Baryahanba Way isku….., Waliba Waad Garanaysaa Oo Dhawr Jeer Ayaan Iskugu Nimid Iyadoo Aad Loogu Buuqsan Yahay Ganacsato, Wasiiro..” Wasiir Saajin. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Somaliland Maxamuud Xasan Sacad Iidle Saajin ayaa daboolka ka qaaday sabibihii galaaftay ee uu xilkiisa ku waayay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland Yuusuf Maxamed Cabdi kaasi oo uu dhawaan Madaxweyne Muuse Biixi xil Wareejin ku sameeyay, Waxa uu Wasiir Saajin sheegay in maalmihii u dambeeyay uu Wasaaraddaasi Maaliyadda Buuq ka taagnaa islamarkaana ay maalmaha qaar ceeryoomi jirtay oo ay wasiiraddu waayi jireen meel ay kala joogsadaan. Wasiirka Ganacsiga Maxamuud Xasan Sacad Saajin ayaa sidan ka sheegay Khudbad uu Shalay ka jeediyay Munaasibad ay Shalay xilka Wasaaradda Arimaha Dibada kula kala wareegeen Wasiirkii hore ee Wasaaradaasi Sacad Cali Shire iyo Wasiirka dhawaan loo soo wareejiyay Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Fartoon),waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Prof. Yaasiin Fartoon waxaanu isnaqaanay Muddo toban bilood ah, intii hore maan aqoon, laakiinse waxaan ku bartay rag aad u karti badan, kartidana waxaa keenaysa, mid loo dhashayna way jirtaa laakiin mid khibrad badan oo ay Wadanka ku leeyihiin, Meelo badanna ay Hawlo qaranka uga soo qabteen, ayaa keenaysa Kartida, waxaan rajaynaa Prof.Yaasiin Fartoon oo aan Illaahayn ka baryayaa in Wakhtiga u isagu meesha qabtay, inkasta oo rag badan soo dadaalay, Himiladii uu wadanku raadinayay ay rumawdo” Waxa kale oo uu yidhi“Dr Sacad Hawlo badan ayuu qabtay, Waa nin Karti badan, waa nin dadaal badan, waa nin aan buuq iyo meelahaasi kujirin, waxa weeyi hawsha uu halkan ka hayay Hawl kale oo qaranka uga sii wayn oo aad u culus ayaa loo dhiibay, waxa weeyaan Dhaqaalaha wadankeenu waa mihiim, Waxa weeyaan Laba Ictiraaf ayaa jira, Ictiraaf siyaasadeed, haddii dalkaagu liito, dadkaagu liito oo shaqo la’aantu faro badato, iyada lafteedu waa Ictiraaf la’aan, aad u fog, aad iyo aad ayuu usoo dadaalay, kama fadhiisan, wuu wareegay, Muu nasan Habeen iyo Maalin wuu wareegayay, Wasaaraddo badan ayaa soo qabatay, tan imika aad tagaysana waa mid aad u mihiim ah” Ugu dambayn waxa uu yidhi “Waliba waad garanaysaa oo Dhawr goor ayaan iskugu nimid Wasaaradda Maaliyadda iyadoo la buuqayo, Ganacsato, Wasaaraddo, Wixii oo dhan ayaa isku jaajayay halkaasi Gudaha Wasaaradda Maaliyadda, Waxaan umalaynayaa Qun yar socodnimadaada Sacadow inay Aad u degi doonto Wasaaraddu, way iska Buuqsanayd Waayadanba Iyo Indhawaydba, Illaahayna hakula garab galo, Faratoona waan u ducanaynaa oo arin wayn ayaa meesha kuu taala,laakiin waayo aragnimadeedii waad leedahay”. Source
  15. “Bari Waynu Ognahay Burco Iyo Laascaanood Halka Ay Marayso, Ma Hargeysa Oo Qudha Ayaa Dawlad Noqonaysa Oo Waliba Dhinac Ah, Mataasi Ayaynu Dawlad Ku Noqnaynaa Dhab Ah?”. Muuse Biixi. (SLT-Hargeysa)-Waxaanu halkan dinku soo gudbinayaa Mid ka mid ah hadalladii ugu adkaa ee uu wakhti hore Madaxweynaha Hadda Talada Dalka hayaa Muuse Biixi Cabdi Ku Weeraray Madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal (IHU) isagoo markan ku dhaliilaya inuu taladii dalka keligii isku koobay oo aanu ciddna u joojinayn, Waxa uu sidoo kale ugu hanjabayaa in Haddii uu doorasho loo balansanaa uu qaban waayo aanu dalka jirayn ee ay xaaladi faraha ka haadi doonto, waxa kale oo uu ku dhaliilayaa in Goboladdii Bari Gacanta Somaliland kasii baxayaan, Marxuum Cigaalna talaadii dalka ku soo koobay Hargeysa oo waliba qayb kasii ah, waa sida uu u dhigay hadaladiisan hoos ku qoran oo aanu ka qornay Khudbad uu wakhtigaasi jeediyay. Akhriste bal waxa aad isla akhridaa Qaabka uu Madaxweyne Muuse Biixi oo wakhtigaa ahaa nin Mucaarad ahi ku dhaliilayay Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo qaabka ay hadda wax ujiraan ee ay Mucaaridku ku dhaliilayaan Muuse. Akhriste u fiirso oo isku macnayso kala duwanaanshiyaha Qaabka Hogaamineed ee uu Muuse hadda Dalka ku hagayo iyo inuu ka leexday wixii uu Shalay ku dhaliilayay Marxuum Cigaal ee uu ugu bootaynayay inaanay Somaliland jirayn haddii sidaa uu yeeli waayo. Waxa uu Cigaal ku dhaliilayaa markan in taladii dalku Hargeysa ku soo ururtay islamarkaana uu taladii dalka isagu isku koobay oo uu ka baxay wadatashi iyo talo wadaaggii, balse maanta oo uu Muuse Biixi hogaanka dalka hayo Sidee ayay wax yihiin, waxaasi uu Cigaal wakhtigaasi ku dhaliili jiray cashar ma ka bartay mise Waxay u egtahay “Maroodigu takarta Fuushan ma arkee, ta kale ayuu arkaa”. Muuse Biixi Cabdi oo saxaafadda kula hadlayay Magaalada Hargeysa Wakhti uu si adag uga soo horjeeday Hanaankii Hogaamineed Ee Marxuum Cigaal ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa “Maanta dadku waxay ku doodayaan laba arimood, shir qaran hala qabto iyo Dastuur ayaynu qaadanay,Distoor ayaynu qaadanay,inaynu doorasho galaabaa wanaagsan, iyada ayaa danteena ah, laakiin halbaa yaala, haddii ninkii Distoorka lagu aaminay uu yidhi aniga oo qudha ayaa wax ku fushanaya, haddii uu yidhi Distoor aniga dantayda oo qudha mooyee dan kale ma raacayo, dee ninka yidhaahda taasi ma soconayso maxaa lagu qabsan, Maxamed Xaji Ibraahim Cigaal Xisbigii UDUB ayuu abuuray, talaabadii u horaysay ee UDUB ku dhaqaaqday Ciidan ayuu kaxaystay, isagoo Ciidan reer Hargaysa ah wata ayuu Burco tagay, Xoghaya Guud ee UDUB Waxa uu yidhi, ragga aan reer Burco ahaynin haka baxeen Burco, Maandeeq oo ah Jariiradii Dawladda ayaa soo qortay”. Waxa kale oo ka mid ahaa hadaladiisa“Midda kale Bari waynu ognahay Burco iyo Laascaanood halka ay marayso maantanna Burco ayaynu tan ku samaynaynaa, Ma Hargeysa Oo Qudha ayaa dawlad noqonaysa oo waliba dhinac ah, mataasi ayaynu Dawlad ku noqnaynaa dhab ah. Nabaddu waxay ku imanaysaa marka la isqadariyo, Marka la ismaamuuso, Marka taladu meerto noqoto, “Rag waxaan ku maamuli aqaan ama ku maamuusi, Mase inaanu nahay oo talanna meerto noo tahay”, Suldaankaaga ayaan xidhayaa, oo siyaasigaaga ayaan xidhayaa,oo ninka illa hadla Taangi ayaan ku dalbanayaa oo Burco ninka aan xukumin haka baxo oo Dastuurbaan ku dhaqmayaa oo talo ayaan wadaagaynaa Somaliland kuma jirayso, yaan been la isku sheegin,Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaalow cidda aad isku halaynayso anigu magaranayo”., Isagoo kale waxa ka mid ahaa“Waxaan hadalkayga ku soo gunaanadayaa Somaliland ku dhismimayso Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo Yidhaahda Gar iyo gardaro ayaan ku soo baxayaa, Ciidanka aad dalbanayso iyo Tiknikada Xagee ayaad ka keentay, Ma ciidan ayaad Kenya iyo Raashiya kasoo iibsatay, Miyaanu ahay kii Faqash laga qabtay, Ciidanku Amar ayuu qabaa oo Halkii loo diro ayuu galaa ma noqonayso, Radio Hargeysa miyaanay Ceeb ku ahayn inay ka baxdo Heesta la yidhaa oo Waliba la iigu celceliyo “Toobiyaheena kii is hortaaga aan tooganee”, Maxamed Siyaad Barre ayaa lahaa, rag ayuu ku laayay, Wargeyska Maandeeq miyaanay Ceeb ku ahayn inay maalin walba caydo Goleyaasha Qaranka, Inna Cigaal Shalay ayaa la doortay Baritana wuu dhacayaa, Ninka Xukunka loo dhiibay ee Madaxweynaha ahi isagu waa inuu isagu xeerka iskaga bilaabaa ilaalintiisa, Meeshan waxaa muuqata awoodii la yidhi Dalka ku maamul ayaa u muuqata ninkii iga horyimaada ee Ray’yigaya diida waan cabudhinayaa oo xoog ayaan ku dhaqaajinayaa, taan diidayaa waa taas,waa in dawladda la ixtiraamaa, waa in Sharciyadda la dhawraa, waa in Dastuurka la illaaliyaa”. Ugu dambayn waxa ka mid ahaa“Ha istaago ninka leh waan kaaga lexejeclo badanahay, Xagay joogeen ragga maanta waxaasi ku hadlayaa,ee Afkii Hanti wadaagga nagula wareegaalaysanaya,ee Islaamaha iyo Odayaasha ku leh Dal ayaa la burburinayaa, waa Tuug doonaysa inay Awoodda dalka ku haystaan, Ina Cigaalna ku jahawareeriyaan, kumana fadhiyayaan, runta ayaa la iskugu imanayaa”. Source
  16. Muqdisho (Sh.M.Network) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Subax-151118-1.mp3 The post Dhageyso: Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle November 14, 20180 appeared first on Shabelle. View the full article
  17. “Waa halkii sheekadii Ba-xawaadle (Ogaadeen) ka dhex dhacdaye, Illaahay Hal diid, Ba-xawaadlena hal diidday, anniguna hal diiday….. Immika WADDANI hal diid, KULMIYE hal diiday; Guddigii Doorashooyinkuna Qaranka hal diid” Bishii February ee sannadkii1986-kii, ayaan xoolo ka saaray doon ka baxday tuulada Ceelaayo oo qiyaas dhan 27 kiilomitir u jirta magaalada weyn ee Boosaaso. Sida la ogyahay meesha la yidhaahdo Qaw oo u dhaw Ceelaayo ayaa ah xadka u dhexeeya dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, halkaas ayuunna Talyaanigu ka fadhiyi jiray dhinac, halka Ingiriiskuna joogi jiray dhinaca kale, sida xadka Lowyacado oo kale. Carabta ka ganacsata xeebaha Somaliland waxay odhan jirtay; “Ceelaayo walaaya, laakin ahluhaa belaaya.” Waxa kaloo ay odhan jireen; “Law tishti kadib mujamac roox Xiise wa Maydh wa tasamac!” Ceelaayo, Xiis, Maydh, Berbera iyo Saylac waxay ka mid ahaayeen magaalooyin waa hore (taariikh hore) la degay, sida lagu sheegay khariidadda Badda Cas oo lagu magacaabo Khariidadda Greek Periplus ee la qoray qarnigii labaad (200 AD). Sida ku cad ama ku muujisan khariidaddan Badda Cas, meesha ay hadda ku taalo magaalada Berbera waxa ku xusan magaalo la yidhaahdo; “Mallo ama Malbo.” Halka magaalo la odhan jiray “Mudno” ay ku xusan tahay meesha ay hadda ku yaalaan magaalooyinka Maydh iyo Xiis, meeshaas oo ay Soomaalidu u taqaanay magac “Maduuna.” Meesha ay hadda tahay Ceelaayo, waxa iyadana ahaan jiray Musellayn ama Mosylon. Haddaba, aan ku soo noqonnee waqtigii aan xeebta Ceelaayo ka dhoofinayey xoolaha, waxa jirta in tuulada Ceelaayo ay caan ku tahay, kuna wareegsan yihiin dhismayaal taalooyin kala waaweyn, kana dhismo ah, waana meesha ugu taalooyinka badan arladda/dhulka Soomaalidu degto. Taalooyinku waa xabbaalo-wadareedyo, waxaanna loo malaynayaa in meeshu degaan weyn ahayd waqtiyo hore. Magaalooyinka xeebaha ee hadda laga guuray waxa ka dhisan fooqyo iyo daaro hadda dumay, dadka hadda degan xeebahaasi waxay ku nool yihiin cariishyo ama guryo waabab yaryar ka samaysan. Dalxiise reer Yurub ah oo mar tegay degaanka Laas-qoray ayaa dadkii degnaa weydiiyay cidda dhistay fooqyadan dumay, kadibna waxay u sheegeen, in awoowayaashood dhiseen. Dalxiisihii reer Yurub waxa uu ku yidhi; “Oo hadda maxaa idinka waababka iyo buulashan idin dejiyey, dunidu hore ayey u socotaa ee idinku ma dib ayaad u socotaan?!” Tuulada Ceelaayo ee aan markaas joogay waxa qudha ee daaraha ka bed-qabay masaajid weyn oo la dayactiro oo aad u fiican. Haddaba, waddaad aroorta hore dadka salaadda u kicin jiray ayaa ku dhawaaqi jiray tiraabta aan madaxa uga dhigay qoraalkan; “La kala dheeree, orodse maaha.” Khayrkii loo kala dheeree, haseyeeshee oradkii olomibaga ee Mo Farah billadaha ku qaatay maaha. Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ayaa soo bogaadisay dhowaan wax lagu tilmaamay Guddiga Doorashada Madaxweynaha Maamulka Baydhabo ee Koonfurta Galbeed Soomaaliya. Cajab! Beenaw tii shan-u-roon ahayd xaggee ayey ku dambeysay Doorashooyinkii Golayaasha Deegaanka iyo Golaha Wakiilladu ee muddo dhaafay. Sheekadu ma awoowayaashayada ayaa qaban jiray doorashooyinka miyaa, oo dib ayey u socotaa? Doorashoooyinku waa balaayo xijaabka Somaliland ama waa (Fire wall) xaafaddan odaya-xunta ah ee lagu mashaqeeyey keli-taliyeyaasha ee IGAD ayey innaga hor joogsataa, haddii la waayo doorasho iyaga oo ciidammadoodu oorinayaan ayey shaqo innaga dhigan doonaan sida Soomaaliya oo kale. Waar ha loo tudho dalka iyo dadkaba oo sagaal xubnood (9) waa laga heshiin karaa oo toddobadan (7) qof ee Guddiga Doorashooyinka Qaranka, haddii aan arrintu ka sii daba dheerayn. Alla maxaa laga digay cidhib-xummaanta ka iman doonta qodobka dastuurka ee xakameeyey axsaabta ee saddex xisbi ku soo koobay. Nuqulkii loo gudbiyey labada Gole ee Baarlamanka (Guurtida iyo Wakiillada) in wax-ka-beddel lagu sameeyo qodobkaas xisbiyada oo xakamayntii laga saaray oo xukuumaddu wadatay aniga oo Guddoomiye ka ahaa Guddiga soo-jeedinta wax-ka-beddelka dastuurka intaan aftida la qaban. Waxa si badheedh ugu hor yimi xubno ugu tunweynaa Golayaasha oo ka ololeeyey wax-ka-beddelkaas, taasi waxay oggolaatay in xisbi qudhi uu daadafayn karo qabsoomidda doorashada, haddii aan soo-jeedintiisa la yeelin. Maanta WADDANI, shalay KULMIYE, berri UCID. Waxa ka daran saddexda xisbi ee markaas joogaa midna ma oggola in qodobkaas la taabto. Qoraalo hore ayaan kaga hadlay dhibaatada saddex xisbi ee kootaha loogu xidhay ka-qaybgalka siyaasadda iyo dimuqraadiyadda reer Somaliland ay u keeneen dalka oo ay ragaadiyeen geeddi-socodkii dimuqraadiyadda oo qoorta isaga duubeen isbeddelkii siyaasadda. Haddaba, inta aan wax-ka-beddel loogu samayn qodobkaas dastuurka, oo u baahan 2/3 codka mudanayaasha labada Gole ee Baarlamanku (Guurtida iyo Wakiilladu) inay ansixiyaan, si aanay doorashadu cid ugu deldelnaan ama xeerka doorashada lagu darin in murrashaxyo madaxbannaaani ay ka qaybgeli karaan doorashooyinka, taasoo hawl yar oo hal cod dheeri ah u baahan oo Golaha Wakiilladu keligood ku kooban, iyada oo Qodobka 9-aad ee dastuurka la beddelin, kaas oo sidan u dhigan. Qodobka 9aad: Nidaamka Siyaasadeed Nidaamka siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland waxa saldhig u ah nabad iyo talo-wadaag, dimuqraadiyad iyo hannaanka xisbiyada badan. Tirada xisbiyada siyaasiga ah ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland kama badan karaan saddex (3) xisbi. Faqradda labaad muran badan ayaa ku jira. Hadda halkan kuma soo qaadi karno dib-u-habaynta dastuurka iyo xeerka doorashada ee waxa loo baahan yahay xaaladda taagan sidii xal loogu heli lahaa ee doorasho u dhici lahayd oo reerkan daalay loo dejin lahaa. Mindi-mindi ku-taag ayaa xaaladdii maraysaa iyo car iyo wir. Xisbiga WADDANI hal diid; oo wuu diiday inuu doorasho ka qaybgalo haddii aan la kala dareerin Guddigan Doorashooyinka Qaranka ee hadda jira oo mid cusubi aannu iman. Xukuumadda xisbiga KULMIYE ka soo jeedaa hal diiday; in aan la kala dirin Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo aannu xilligoodii dhammaan, isla markaana aan qof walba gooni loo soo eedayn oo habka sharciga la marin. Guddigii Doorashooyinku Qaranka hal diid, inay bisinka iska qabsadaan oo istiqaalad iskood u keenaan oo xilka banneeyaan lagu kari waa oo diid. Waa sheekadii Bah Xawaadle (Ogaadeen) ee qarnigii 19naad ka dhex dacday, Haddii nabadda ceelkaan ku rido ciddi ka soo saarto Abwaan Nuur Ibraahim (Nuur-Jiir) Ilaahay hal diid, inuu walaalkay soo nooleeyo diid. Bah Xawaadle hal diiday inay walaalkay laba maggood iga siiso diiday. Anna hal diiday, inaan walaalkay laba maggood waxaan hayn ka qaato diiday. Waar qarnigii 21aad ayaan joognaa oo kasiweynay, Waxu waa qabaal, waadna kabataan’eh. Abwaan Ismaaciil Mirre Cilmi Haddaba, bal sidiriq sida arrinkani u suurtagal yahay: dhaqanka Soomaalida waxa uu ahaa ka hor inta aannu Khawaajuhu (reer Galbeedku) nashuushadayn in labadii qof ee isku qabta arrin; loo kala gooyo arrinka ay isku hayaan, si cid kastaa u guulaysato oo weji-gabax u dhicin (win-win solution). Soo jeedinta arrintan lagu furdaaminayaa waxay tahay sidan: Guddiga Doorashooyinka qaybtood ha la kala diro oo kuwa cusub ha lagu beddlo ,qaybina ha sii joogto. Xubinta dumarka ah iyo labada xubnood ee beelaha darafyada ka soo jeedaa ha sii joogeen. Afarta xubnood ee kale ee beelaha dhexe ka soo jeedaa ha la beddelo. Hadalka duulay daayoo, Reerka daalay dejaay, dejiyaay dejiyaay Abwaan Maxamed Cumar Xuseen (Huryo) Arrinta kale ee aan doonayo in aan ka hadlo waa dhibaato lale oo haysata dalka iyo dadka Somaliland, taasoo saldhig u ah sicir-bararka, waana arrinta galaafan karta dhaqaalaha dalka, haddii aan laga hortegin, arrintaasina waa labada sarif ee khuseeya lacagta doollarka. Midi waa sarifka dowladda ama sarifka cashuurta doollarka oo ah toddoba kun oo Somaliland shillin ah (7,000 SLSH) Iyo Sarifka labaad oo ah sarifka suuqa ee xukuumadda iyo shicibkaba wax lagaga iibiyo oo halka doollar ah lacag dhan toban kun oo Somaliland shillin ah ($1 la mid yahay 10,000 SLSH) Arrintaasi waxay jaha-wareer ku samaysay sarifka oo waxay keentay hoos-u-dhaca joogtada ah ee shillinka Somaliland, taas macnaheedu waxa weeye waxa la kabaa baddceedda la soo waarido boqolkiiba 40 ama (40%). Badeecaddaas oo uu ku jiro sigaarku, qaadka, cadarka, baabuurta raaxaada oo haddii quutal-darrooriga ay ku koobnaan lahayd cawo ayey noqon lahayd. Arrintaas labada sarif ah qoraalo hore ayaan ku soo qaaday. Ganacsatada qiimaha doolarka goysaa, illeyn Baanka Dhexe lacag adag ma haysto uu ku xakamayn karo qiime-barrarka doolarka, waxay had iyo goor ku dedaalaan faraq weyni u dhexeeyo sarifka ay wax ku cashuurtaan iyo ka ay wax ku iibshaan, si ay macaash badan u helaan, waa arrin caadi ah oo aan lagula yaabi karin. Qofku waa ka faa’iidaystaa daldaloolada sharciga isaga oo aan jebinayn. Hadda dawladda Federalka ah ee la aqoonsaday ee intaas jalaafadda u dhigaysa Somaliland, waxa loo soo daabacayaa lacag cusub Baanka Adduunka ayaa lacag siiyey, waxanna lagala talinayaa lacagta, oo lala dhisaya habka maamulka. Haddaba, waxa iman doonta in lacagtaas ka xoog badato Somaliland shilinka oo sida birta Itoobiya inuu qabsatay ay iyana innagu soo faafto. Haddii inta goori goor tahay aan la adkayn lacagta Somaliland oo xukuumaddu ku qaadan cashuurteed sarifka suuqu hadba inta uu joogo, haddii kale sheekadu waa, “La kala dheeree, orodse maaha.” Bal adba! Source
  18. Muqdisho (Sh.M.Network) – Maxamed Ibraahim Barre Gudoomiyaha Gobolka Sh Hoose ee Maamulaka Koonfur Galbeed ee Somaaliya ayaa sheegay in Maamulaka G Sh Hoose uu ku guuleystay qaadista isbaarooyin hor leh oo la soo dhigay inta u dhaxeysa Degmooyinka Afgooye iyo Walaweyn ee Gobolkaasi. Gudoomiyaha Gobolka Sh Hoose ayaa tilmaamay in isbaarooyinkaasi ay xanibeen isku socodkii gadiidka gobolkaasi isagoona tilmaamay in lagu guuleystay in la sii daayo gadiid ku xayirnaa Dulleedka Degmada Afgooye ee Gobolkaasi. Gudoomiye Maxamed ibraahim ayaa ugu danbeyntii sheegay in xubno ka tiran Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya ay la gaashadeen qaadista isbaarooyin la soo dhigay Deegaano aka tirsan Gobolkaasi. The post Isbaarooyin hor leh oo laga soo dhigay sh/hoose oo la qaaday appeared first on Shabelle. View the full article
  19. Wararka naga soo gaaraya magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay howlgallo ballaaran ka wadaan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya. Howlgalladan ayaa ah kuwo ay ciidanka ku raadinayaan rag xalay magaaladaasi ku diley mid ka mid ah nabadoonada sida weyn looga yaqaanay B/weyne. Nabadoonka la diley ayaa lagu magacaabayey Cismaan Yuusuf Ciiley, waxaana diley rag hubeysan oo goobta isaga baxay. Saraakiisha ammaanka B/weyne qaarkood oo aynu xiriir la sameennay si aan wax uga weydiinno howlgalladan ayeey ka gaabsadeen. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Baladweyne (Sh.M.Network) –Wararaka laga helayo Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay xaafada howwadaag ee Magaaladaasi lagu dilay Nabadoon caan ahaa kaasi oo lagu Magacaabi jiray Marxuum Cusmaan Xuseen Ciileey oo ka mid ahaa odiyaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan. Dabley hubeysan ayaa Nabdoonka dishay iyadoona halkaasi ay ka baxsadeen sida ay xaqiijiyeen Dadka Deegaanaka. Ciidamo ka tirsan Maamulaka hir shabelle ayaa goobta gaaray iyadoona halkaasi ka sameeyey baaritaano ay ku baadi goobayaan kooxdii falkaasi ka danbeysay. Wararkii ugu danbeeyey ee saakay ayaa sheegaya in howgallo ay ka socdaan Magaalada Baladweyne kaasi oo lagu baadi goobayo kooxdii dilka ka geysatay Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan. The post Howgallo Saakay Socda Baladweyne Ka Dib Dil xalay ka dhacay Magaaladaasi appeared first on Shabelle. View the full article
  21. (SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Soomaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay si faahfaahsan ugaga hadlay xidhiidhka cusub ee wadamada Soomaaliya,Ethiopia iyo Eritrea. Madaxweyne Farmaajo ayaa ka warbixiyay xidhiidhka dalalka Gobolka, Iskaashiga Dhaqaale ee Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya iyo mustaqbalka waxa uu Soomaaliya uga dhiganyahay heshiiska saddex geesoodka ah. Madaxweynaha ayaa sheegay in tobanaankii sano ee ugu dambeeyay Soomaaliya lagu hayay faragelin toos ah balse waxaa uu xusay in madaxda dhiggiisa uu kala hadlay in Soomaaliya laga daayo faragelinta, taasi oo keentay in la helo iskaashi balaaran oo dhex mara dalalka Geeska Afrika. “Shirkii ugu horeeyay ee saddex geesoodka ahaa waxa uu ka dhacay Asmara, Eretriya, kii labaad waxa uu ahaa isbuucii la soo dhaafay Bhar Dar Ethiopia, kan saddexaadna waxa uu ka dhici doonaa Soomaaliya, haddii uu Alle yiraahdo”. ayuu yidhi Madaxweyne Farmaajo oo shacabka u rajeeyay in iskaashigan ay wax badan ka faa’iideysan doonaan. Warkan ka soo baxay Madaxweyne Farmaajo ayaa ku soo beegmay xilli maanta Golaha Ammaanka uu isku raacay in cunoqabataynta laga qaado dalka Eritrea. Source
  22. Meenakshi Valand waxa ay ka mid tahay dadka aadka u yar ee ku nool dunida ee ilmo ku dhala habka tallaalka ama ku abuuridda minka. Aaad ayeyna arrinkan ugu faraxday. “Oohinta ayaan joojin waayey markii ay gabadhayda dhalatay. Waxaa iga dhintay lix ka mid ah carruurtayda sanadihii la soo dhaafay,” Haweeneydan oo 28 sano jir ah ayaa waxa ay ku dhashay dalka Hindiya bishii la soo dhaafay kaddib markii ay hooyadeed min ugu deeqday. Muddadii 9ka sano ahayd ee ay xaaska ahayd, Meenakshi waxa ka dhintay laba ilmood kaddib markii ay waqtikeeda dhamaysatay, afar mar oo kalana ilma ayaa ka dilmay taa oo dhaawac u keentay ilma galeenka. Lahaanshaha sawirkaGALAXY CARE HOSPITALImage captionRadha Waxa ay booqatay dhakhtar lagu magacaaba Dr Shailesh Putambekar, kaasoo madax u ah qaybta samaysa talaalka minka dumarka ee isbitaalka Galaxy Care Hospital oo ku yaala magaalada Pune. Hooyadeed oo lagu magacaabo Sushila Ben ayaa ugu deeqday minkeeda si ay gabadheeda carruur u dhasho. Tallaalka makaanka ayaa waxaa sameeyey koox ka kooban 12 dhakhtar bishii Meey ee sannadkii 2017kii. Dr Putambekar ayaa sheegay in dhiigga uu sare u kacay ayna go’aansadeen inay qaliin ku sameeyaan . Cunuga ayaa ku dhashay dhicisnimo, balse waa ay wanaagsantahay xaaladdooda caafimaad.” Waa markii ugu horreysay ee dhalma noocan ay ka dhacdo dalka Hindiya, waana markii 12 aad ee ay adduunka ka dhacdo. Taariikhda tallaalidda makaanka: Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES Dumarka lagu tallaalo makaanka ayaa waxa laga sameeyey 12 dal oo kala ah Sweden, Sucuudiga, Turkey, Mareykanka, Shiinaha, Jamhuuriyadda Czech, Brazil, Jarmalka, Serbia iyo Hindiya. Sida uu qaliinkan u shaqeeyo? Xilligii uu socdo qaliinka, xubnaha ayaanan la talaalin kaddib dumarka ma dareeman xanuun xilliga foosha. Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES Sidda ay kooxdan ka howlgala isbitaalka Galaxy Care sheegeen , lacagta ku baxaysa habkan ayaa gaaraysa 11 kun oo doolar. Balse qaliinka lagu sameeyay ee loogu tallaalay makaanka Meenakshi Wayanad ayaa ah madkii ugu horreeyay ee lagu sameeyo dalka Hindiya wax lacagna kuma aysan bixin. Sanad kaddib markii tallaalkan la sameeyey, dhakhaatiirta ayaa go’aansaday inay ku talaalan ugxaan. Dalka Hindiya oo kaliya, ku dhawaad 600 oo dumar ah ayaa isu diwaangeliyay in lagu sameeyo. Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES Baaritaan la sameeyay ayaa lagu ogaaday in nidaamkan uu yahay “mid hormar weyn laga gaaray” balse uu ubaahanyahay in si aad ay u xakameeyaan dhakhaatiirta si taxatar lehna loogu howlgalo. Waxa kaliye ee ay Meenakshi niyada ku hayso ayaa ah rajadii ay ka lahayd tillaabadan: “wax badan ayaan dhibaatooday, balse farxadayda hadda malahan wax lala barbar dhigo. Source
  23. (SLT-London)-Wasiirada dowladda Britain ayaa ansixiyay heshiiska qabya qoraalka ee ay UK kaga baxayso Midowgga Yurub. Wasiirada ayaa ansixintan sameeyay ka dib markii ay yeesheen 5 sacadood oo dood ah oo ay arrintan uga wadaxaajoonayeen. Waxa ay sidoo kale golaha wasiirada Britain ay ansixiyeen qorsha qeexaya xiriirka ay mustaqbalka yeelan doonaan UK iyo midowga Yurub. Rai’sul wasaaraha Britain Theresa May ayaa ku dhawaaqday qorshahan cusub ee ay ansixiyeen golaha wasiirada. Waxa ay Mrs May arrintani ku tilmaamtay tallaabo muhim ah oo ay si adag u rumaysan tahay in ay ku jirto danta qaranka. Rai’sul wasaaraha Britain Theresa May ayaa inta ku dartay in heshiskan uu difaacayo shaqooyiinka,ammaanka iyo sharafta dastuurka UK islamarkana uu dib u soo celinayo in Britain ay kontaroosho sharciyadeed iyo xudduudaheeda. Waxay xustay in go’aankan uu yahay khiyar adag gaar ahaan marka ay timado arrinta xuduuda waqooyiga Ireland. Madaxa gudiga baarlamaanka Yurub u qaabilsan ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub Guy Verhofstadt ayaa sheegay in heshiiskan “uu suragal ka dhigayo ka bixitaan UK ee Midowga Yurub. Mrs May ayaa lagu wadaa in maanta oo khamiis ah ay hadal ka jeediso baarlamaanka dalka Britain. Heshiikan qabyada ah ee ka bixitaanka UK ee midowga Yurub oo ka koobna 585 bog ayaa imika la daabacay. Ra’sul wasaaraha ayaa cadaadis adag oo ku saabsan heshiiska kala kulmaysa mucaaradka. Waxaa sidoo kale jiray dhaliil uga imanaysay xubno xisbigeeda ka tirsan oo iyagu tageera ka bixitaan Britain ee Midowga Yurub. Source
  24. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Jamuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka warbixiyay xiriirka dalalka Gobolka, Iskaashiga Dhaqaale ee Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya iyo mustaqbalka waxa uu Soomaaliya uga dhiganyahay heshiiska saddex geesoodka ah. Madaxweynaha ayaa sheegay in 30-kii sano ee ugu dambeeyay Soomaaliya lagu hayay fara gelin toos ah, balse waxaa uu xusay in Madaxda dhiggiisa uu kala hadlay in Soomaaliya laga daayo fara gelinta, taasi oo keentay in la helo iskaashi balaaran oo dhex mara dalalka Geeska Afrika. “Shirkii ugu horeeyay ee saddex geesoodka ahaa waxaan ku qabsanay Asmara, Eretria, kii labaad waxa uu ahaa isbuucii la soo dhaafay Bhar Dar Ethiopia, kan saddexaadna waxa uu ka dhici doonaa Soomaaliya, haddii uu Alle yiraahdo”. ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo shacabka u rajeeyay in iskaashigan ay wax badan ka faa’iideysan doonaan. The post Shirka Seddexaad ee Wadamada Geeska Afrika oo lagu qabanayo Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  25. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya,Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa soo dhoweeyay go’aanka Golaha ammaanka Qaramada Midoobay ee cunaqabateyntii saarneyd looga qaaday Eriteriya. Madaxweynaha ayaa sheegay in cunaqabateynta hubka ee saarneyd Eriteriya looga qaaday dadaal wadajir ah oo ay sameeyeen,isagoona u mahad celiyay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay. “Waxaan soo dhaweyneynaa hubka iyo bartilmaameedyada kale ee cunaqabateynta ee Eriteriya codsigeena wadajirka ah looga qaaday,Waanu uga mahad celineynaa golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC),dadaalkooda waxtarka leh,Geeska Afrika ayaa si dhaqso ah u u sameynaya horumar iskaashi iyo mid dhaqaale,” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo. Arrintan ayaa ku soo aadaysa iyadoo calaaqaadka gobolku uu soo hagaagayo, heshiis taariikhi ahna ay la galeen dalalka dariska ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya. Tallaabadan golaha ammaanka ee Qaraamda Midoobey ayaa meesha ka saaraya cunaqabatayntii Eritrea ka saarnayd soo iibsashada hubka, shaqsiyaad dhaqaalahooda la xannibay iyo xayiraaddii dhanka socdaalka. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo soo dhoweeyay xayiraadda hubka ee laga qaaday Ereteeriya appeared first on Puntland Post.