-
Content Count
211,244 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Guriceel ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ayaa ku warramaya in saaka dhaq dhaqaaqyo Ciidan laga dareemayo deegaano ka tirsan gobolkaasi. Dhaq dhaqaaqyada oo ah kuwa xoogan ayaa ka socda nawaaxiga degmada Guriceel ee gobolkaasi. Waxaana la sheegay in dhaq dhaqaaqyadu ay yihiin kuwa iska soo horjeeda, una dhexeeya Ciidamada dowladda iyo Dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab. Dadka deegaanka ayaa cabsi ka muujinayo in dagaallo ay ka qarxaan halkaasi, kuwaas oo durbo bilaabay barakac xoogan. Muddooyinkii dambe Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa howlgallo ka dhan ah Al Shabaab ka waday gobollada Mudug iyo Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. The post Dhaq dhaqaaqyo Ciidan Oo ka socda gobolka Galgaduud appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Addis Ababa)-Colonel Gebregziabher Alemseged oo ku magac dheeraa (Gebre Dilla) balse Soomaalidu ay u taqaan Colenel Gabre ayaa xabsiga loo taxaabay shalay iyadoo loo haysto dambiyo kala duwan. Gabre oo hore u ahaa taliyihii ciidamada Ethiopia ee dalka Soomaaliya kadibna noqday lataliyaha dhinaca siyaasada ee urur goboleedka IGAD balse laga ceydhiyay bishi June ee sannadkan ayaa loo haystaa dambiyo la xidhiidha ku xad gudub xuquuqda aadanaha ee gobolka ay Soomalidu degto ee dalka Ethiopia iyo inuu ku lug lahaa banaanbaxyadii rabshadaha watay ee dadka badan ku dhinteen ee ka dhacay magaalada Jigjiga. Sidoo kale Colonel Gabre oo sanado badan xaruntiisu ahayd magaalada Muqdisho ayaa loo haystaa inuu ka iibiyay hub qeybaha kala duwan ee isku haysta siyaasada Soomaaliya. Dowlada Ethiopia ayaa dhowaan bilowday inay sharciga horgeyso saraakiishii ciidamada iyo kuwa rayid ah ee ee gabood falada ka geystey dalka Ethiopia sanadihii la soo dhaafay iyadoo xabsiga la dhigey saraakiil hore xilal uga soo qabatay ciidamada Ethiopia halka kuwa kalana weli la raadinayo. Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa soo dhoweysay xariga Colenel Gabre waxaana bartiisa Twitterka ku sheegay agaasimaha warfaafinta Madaxtooyada Cabdi Nuur Maxamed in xariga Col Gabre uu yahay mid muujineysa sida ay dowlada Ethiopia uga go’an tahay in ay ka shaqeyso xasiloonida Geeska Afrika. Source
-
(SLT-Tanzania)-Midowga Yurub ayaa dib u eegis ballaaran ku samaynaya siyaasadihiisa ku aaddan dalka Tanzania sababo la xiriira wax uu Midowgaasi ku tilmaantay “Xuquuqda aadanaha iyo sarraysta Sharciga oo sii xumaanaya”. Bilihii u dambeeyey, waxaa hoggaanka madaxweyne John Magufuli soo foodsaaray eedaymo gudaha ah iyo kuwo caalami ah oo la xiriira cabburinta mucaaradka iyo afqabashada xorriyadda hadalka. Tallaabadan ugu dambaysay ee ay qaadeen deeq bixiyeyaasha reer galbeedku ee ay uga golleeyihiin inay si qoto dheer u qiimeeyaan xiriirka ay la leeyihiin Tanzania la yaab kuma noqoneyso madaxweyne Magufuli. Horaantii bishan, Midowga Yurub ayaa u yeertay ergaygeeda Tanzania, taas oo ay uga jawaabayso ugaarsiga lagu hayo dadka isku jinsiga ah ee is guursada. Isniintii, Baanka Adduunka ayaa ka laabtay dayn waxbarasho oo gaaraysa $300 oo milyan oo Tanzania la siin lahaa, sababo la xiriira siyaasadda lagu muransan yahay ee ay Tanzania gabdhaha da`da yar ugu diidday inay iskuulka ku laabtaan marka ay dhalaan kaddib. Maalintii shalay ahayd, Denmark, oo ka mid ah dayn bixiyeyaasha ugu waaweyn ee Tanzania daymaha siiya ayaa ku dhawaaqday inay joojisay $9.8m oo gargaar ah oo ay siin lahayd Tanzania. Xiriirka gurracan ee u dhaxeeya Tanzania iyo diblumaasiyiinta ayaa u muuqda inuu meel xun gaaray, kaddib markii Paul Makonda oo saaxiib dhow la ah madaxweyne Magufuli, isla markaana ah duqa magaalada caasimadda ah ee Dar es Salam uu sheegay inuu u xil saari doono koox ugaarsata dadka isku jinsiga ah ee is guursada. Dowladda ayaa sheegtay in Makonda uu fekerkiisa cabirayay, taas oo aan ku salaysnayn siyaasadda dowladda. Tallaabooyinkii adkaa ee uu Magufuli uga hortagayay musuqmaasuqa sanadkii 2015 markuu talada dalkaas qabtay ayaa soo jiidatay indhaha caalamka, balse dadka wax falanqeeya ayaa ku doodaya in dulqaad la`aanta uu u hayo mucaaradka iyo warbaahinta ay carqaladayn karto kalsoonida ay reer galbeedku ku qabaan maamulkiisa. Dagaalkan u dhaxeeya Magufuli iyo beesha caalamka ayaa dharbaaxo kulul ku ah dhaqaalaha Tanzania, iyadoo ku dhowaad kala bar qorshe maaliyadeedka dalkaas uu ka yimaado gargaar dibadda uga yimaada. Source
-
Muqdisho ( Sh. M. Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Subax-171118.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Muqdisho)-Waddamada Soomaaliya, Liibiya iyo Afqaanistaan ayaa noqday meelaha ugu halista badan caalamka, sida lagu sheegay daraasad cusub oo khariidad loogu sameynayay dadka dunida u socdaala. War bixintan oo ay si wada jir ah u soo saareen hay’adda caalamiga ah ee caafimaadka iyo nabad galyada ee SOS iyo hay’adda la socodka khataraha adduunka ayaa musaafuriinta loogu sheegayay xaaladaha ka jira meelaha ay safarrada ku tagayaan sannadka foodda nagu soo haya ee 2019-ka. Dalalka ku yaalla qaaradda Yurub ee kala ah Finland, Norway iyo Iceland ayaa loo aqoonsaday iney yihiin meelaha ugu nabdoon ee loo safri karo. Liibiya, Afqaanistaan, Soomaaliya iyo Suuriya ayaa dhammaantood safka hore ka galay meelaha uu khatarta dhimashada iyo waxyeellooyin kaleba kala kulmo karo qofka. Liiska dalalka ayaa la isugu xijinayay sida ay u kala halista badanyihiin, iyadoo dalalka ugu hooseeyana ay yihiin kuwa ugu khatarta yar. Waxyaabaha ugu badan ee diiradda la saarayay ayaa ah xaaladaha caafimaadka, amniga iyo nabadgalyada waddooyinka. Dhinaca Caafimaadka Dalalka Africa ee sida gaarka ah ay caafimaad darradoodu aad ugu sarreyso ayaa lagu sheegay iney yihiin Suudaanta Koonfureed, Niger, Ivory Coast iyo Sierra Leone. Dalalka kale ee caafimaad darradooda laga deyriyay ayaa waxaa ka mid ah Ciraaq, Lubnaan, Venezuela iyo Kurriyada Waqooyi. Dhanka kale waddamada ay xaaladdooda caafimaad aadka u wanaagsantahay ayaa lagu sheegay iney kala yihiin kuwa qaaradda Yurub iyo waddamada kale ee kala ah Canada, Mareykanka, New Zealand iyo Japan. Dalalka Brazil, Shiinaha iyo ruushka ayaa loo tix galiyay in khatartooda caafimaad ay sii kordheyso. Dhinaca Amniga Marki la eego dhinaca amniga, waddamada ay khatarta xad dhaafka ah ka jirto ayaa lagu tilmaamay iney yihiin Afqaanistaan, Suuriya, Yemen, Liibiya, Soomaaliya Suudaanta Koonfureed iyo Mali, kuwaasoo usii kala halis badan sida ay u kala horreeyaan. Meelaha ugu caansan ee dalxiiska loo tago sida Mexico, qaar ka mid ah dalalka la isku yiraahdo Caribbean-ka iyo qeybo ka mid ah Hindiya ayaa lagu tilmaamay iney khatarta ku badantahay. Hase ahaatee meelaha uu amnigooda aad u wanaagsanyahay ayaa lagu sheegay dalalka Denmark, Switzerland, Slovenia, Iceland, Greenland iyo Finland. Nabadgalyada waddooyinka Marka laga soo tago qaaradda Africa, waddamada kale ee halista ugu badan ee waddooyinka iyo shilalka gaadiidka ay ka jiraan ayey warbixintan ku sheegtay iney yihiin Brazil, Bolivia, Sucuudiga, Iiran iyo Kazakhstan. Qeybtan, dalka Mareykanka ayaa ka galay meel dhex dhexaad ah. Inta badan dalalka Yurub ayaa lagu qeexay iney aad ugu yartahay khatarta dhinaca waddooyinka waxaana la mid ah waddamada Japan, Australia iyo Zew Zealand. Source
-
(SLT-Washington)-Wararka ka imaanaya dalka Maraykanka ayaa sheegaya in Waaxda Cadaaladda ee dalkaas ay diyaarinayso dacwado kadhan ah aas aasaha barta internet-ka ee WikiLeaks, Julian Assange. Mr Assange ayaa sanadkii 2012-kii u cararay safaaradda Ecuador ay ku leedahay London si uu uga baxsado eedaymo waqti dheer loo haystay oo la xiriira xad gudub dhanka galmada ah halkaas ayuuna joogay asagoo cabsi ka qaba in loo gacan galiyo Maraykanka. Ma cadda waxa ay noqon doonaan dacwadaha uu wajihi doono Mr Assange. Si kastaba ha ahaatee, baadhitaanka Maraykanka uu wado ee ku aaddan faragalinta Ruushka ee la sheegay in uu ku sameeyey doorashooyinkii Maraykanka ayaa soo jeediyey in WikiLeaks ay sirdoonka Ruushku u adeegsadeen in ay ku faafiyaan macluumaad la jabsaday. Hay’adaha sirdoonka Maraykanka ayaa sheegaya in Ruushku uu uga gollahaa faragalinta doorashada in Donald Trump uu ka caawiyo sidii uu ugu guulaysan lahaa doorashadii 2016-kii. Ruushka ayaase beeniyey dhammaan eedaymahaas. WikiLeaks ayaa daabacday kumanaan farriimood oo dhanka internet-ka ah oo laga jabsaday xisbiga Dimuquraadiga intii uu socday tartankii madaxtinimada ee u dhexeeyey Mr Trump iyo Hillary Clinton. Ma cadda in ay jiraan wax dacwado ah oo kadhan ah Mr Assange oo la gudbiyey. Mid kamid ah qareenada Mr Assange ayaa u sheegay wargayska the Guardian in qof lagu dacweeyo xog sax ah oo uu daabacay ay tahay” waddo halis ah oo kadhan ah dimuquraadiyadda” ” Warka sheegaya in dacwado fal dambiyeed laga gudbiyey Mr Assange waa mid walaac leh oo hawtul hamag ah” ayuu yiri Barry Pollack Warbaahinta Maraykanka ayaa sheegaysa in saraakiisha Maraykanku ay aad ugu kalsoon yihiin in Mr Assange la xiro oo lagu maxkamadeeyo Maraykanka. Horraantii sanadkan xukuumadda Britain ayaa sheegtay in Ecuador ay kala hadlayso waxa uu mudan doono Mr Assange. Madaxweynaha Ecuador Lenin Moreno ayaa sheegay in aanu u “garaabayn” hawlaha uu wado Mr Assange wuxuuna ku tilmaamay in uu yahay “dhagax kabahooda galay” Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Maamulka Degmada Beledxaawo ayaa dhawaan amar kusoo rogay xaasaska Al Shabaab ee ku nool degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, iyaga oo lagu amray inay maalmo gudahood isaga baxaan degmada. Wararka aan ka heleyno degmada Beledxaawo ayaa sheegaya in Al Shabaab oo arintaasi ka jawaabaya ay go’doomiyeen degmada Beledxaawo, sida ay baahisay Idaacadda Dalsan oo dadka deegaanka soo xiganeysa. Al Shabaab ayaa dhawaan la sheegay inay ku hanjabeen inay go’doomin doonaan degmada, maadaama ay ku sugan yihiin tuulooyin hoostaga degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, iyadoo taasi hadda ay u muuqato inay ka dhabeeyeen. Wararka ayaa intaasi ku daraya in Al SHabaab go’doomintooda la dareemay kadib markii ay diideen in waxyaabaha muhiimka u ah shacabka la geliyo degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo. Dadka deegaanka ayaa sheegaya in culeeskaasi ay wajaheen gaadiidleyda alaabta Bagaashka ah geyn jirey degmada Beledxaawo, waxaana taasi ka dhalatay sara u dhac laga dareemayo qiimaha raashiinka la iibiyo. Al Shabaab ayaa degmooyin Dhowr ah oo ku yaala Bakool, Baay iyo Hiiraan go’doomiyay, waxaana arintaan ku cusub degmada Beledxaawo ay dhibaato ku noqon doontaa dadka deegaanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Warkeeyska ku hadla afka kooxda Daacish ee lagu magacaabo Al-Naba ayaa lagu qoray fariin digniin ah oo loo dirayo saraakiisha Al-shabaab ee Soomaaliya. Afhayeen u hadlay kooxda Daacish ee uu soo xiganayo warkeeygska ayaa waxa uu sheegay in ay la socdaan dhibaatooyin ay Al-shabaab ku hayaan Ciidamadooda. Waxa uu sheegay in ay qaadayaan tilaabo kasta oo ay isaga difaacayaan dhibaatooyinka kaga imaanaya Al-shabaab. ” Tani micnaheedu ma ahan in aan ka baqaneeyno Al-Shabaab Ama ay Daciifnimadeena Tahay laakiin waxaan war galineeynaa dadka Soomaaliyeed jawaabta Daacishna waa ay soo socotaa” ayuu yiri afhayeen u hadlay Daacish. Sidoo kale warkeeyska ayaa sheegay in Al-shabaab ay doonayaan in ay ka hor istaagaan Daacish in dhaq dhaqaaqyo ay ka sameeyaan Soomaaliya. Puntland Post The post Kooxda Daacish oo u digtay Al-Shabaab appeared first on Puntland Post.
-
In ka badan 10 kun oo qoys kana barakacay colaadaha weli ka jira gobalka Sool ayaa ka cabanaya cunno la’aan iyo caafimaad darri. Qoysaskaas ayaa Goobjoog u sheegay in qeyb yar oo iyaga kamid ah gargaar aan badneyn la gaarsiiyay,balse dadka intooda badan aan waxba aysan helin. 17 goobood oo kala duwan ayey ku kala nool yihiin qoysaskan, waxaana gargaar la gaarsiiyay Lix ka mid ah meelaha ay ku barakaceen qoysaskan, iyagoo dalbanaya in la caawiyo si noloshooda loo badbaadiyo. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/FAARAX-DUBBAD.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ethiopia arrests General Gabre over suspicion of war crimes
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Ethiopian police arrested a notorious army general on Friday on a warrant from the new government which wants him to face charges of war crimes committed in Ethiopia’s Somali state, police said. Col. Gebregziabher Alemseged has been accused of having been involved in atrocities by the army in Ethiopia’s Somali state during the former regime’s reign. Alemseged also faces separate charges including inciting the recent deadly uprising against the government in the Somali region’s capital Jigjiga following the arrest of the former regional leader Abdi Mohammed Omar in August that killed dozens of people. According to Ethiopian officials, the infamous colonel had maintained a closer relationship with Omar who is currently facing war crime charges and appeared in court sessions several times in recent months. During Omar’s reign, human rights groups have documents hundreds of people were killed by state terrorism, including many who are still registered as disappeared. Col. Gebregziabher Alemseged had also led the Ethiopian army sent into Somalia to topple an Islamist administration in Mogadishu and rescue the Western-backed transitional government at the end of 2006. He has since become a powerful figure in Somalia’s political circles despite subsequent complaints by Somali leaders who have accused him of meddling in the country’s internal affairs and that he maintained closer secret relationships with regional leaders locked in a bitter political challenge with the central government. The complaints by Somali leaders have led to the sacking of Alemseged by Intergovernmental Authority on Development for which he was its political advisor and Addis Ababa’s point man under the former regime in Somalia in June. The London-based Amnesty International accused Alemseged’s troops in Somalia of killing civilians and committing atrocities, including slitting people’s throats, gouging out eyes and gang-raping women in violence that rights groups said killed over 10,000 people across the country. His arrest comes just days after the Ethiopian police discovered a mass grave containing at least 200 bodies along the border between the strife-torn Oromiya and Somali regions, as parts of investigations into crimes allegedly committed by the former Somali region’s leader. According to officials, the recent discovery of the mass grave and follow-up investigations by police had allegedly incriminated Col. Alemseged, in a case that has reportedly prompted his arrest. He is among dozens of senior army generals and mid-rank commanders arrested in connection with war crimes and corruption by Ethiopia’s new government under the reformist prime minister Abiy Ahmed in recent weeks. Source: HOL The post Ethiopia arrests General Gabre over suspicion of war crimes appeared first on Shabelle. View the full article -
Degmada B/xaawo ee gobolka Gedo ayaa waxaa si rasmi ah uga dhaqan galay ammar uu soo rogay maamulka degmadaasi, kaas oo ahaa xaasaska iyo carruurta ay dhaleen Al-shabaab in ay degmadaasi isaga baxaan, inkasto odoyaal iyo waxgaradka deegaanka maamulka uu ka diidey aamarkaasi in laga laabto. Al-shabaab oo ka jawaabaya ammarka uu dul dhigay maamulka Baladxaawo xasaskooda iyo carruurtooda ayaa iyagana waxay xayiraad adag kusoo rogeen gaadiidka xamuulka ah ee soo galaya degmada iyo midka baxaya. Mid ka mid ah haweenka deggan Baladxaawo oo la hadashay goobjoog ayaa sheegtay ammarka kasoo yeeray maamulka B/xaawo in uu cabsi iyo walwal uu ku abuurayo dadka deegaanka, iyadoo sheegtay in durbaba deegaanka laga dareemayo culeysyo ka imaanaya dhanka Al-shabaab. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/Amarkii-uu-soo-saarey-Maamulka-Baladxaawo-oo-ka-dhaqan-galay-degmadaasi.mp3 Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi, ayaa maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, isaga oo ka shaqeynayay isku soo dhawaanshaha Jubbaland iyo dowladda Dhexe. Kulamo kala duwan oo uu la qaatay masuuliyiinta Jubbaland ayaa waxaa kadib xubno maamulka kamid ah ay ku dhawaaqeen inay diyaar u yihiin wadahadal ay la galaan dowladda Soomaaliya. Wasiirka Waxbarashada Jubbaland Maxamed Ibraahim Maxamuud, ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay ogolaadaan in Soomaaliya ay horey u socoto oo aan dib loo laaban sida uu sheegayna aqbalayaan wadahadalka dowladda Dhexe. Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Jubbaland Cabdi Baaleey Xuseen ayaa dhankiisa isagana sheegay in muhiim ay tahay in laga wada shaqeeyo horumarka dalka Soomaaliya. Waxay sheegeen in marnaba aysan diyaar u aheyn in dhibaato la abuuro,hayeeshee ay diyaar u yihiin in Jubbaland ay qaadato tabasha kasta oo ay qabto dowladda Federaalka Soomaaliya. Hadalkan ka soo yeeray Mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland ayaa ku soo aadaya xilli weli uu jiro khilaafka u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada Qaar. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Kenyan troops in Southern Somalia have been accused of laxity to block Al-Shabaab from gaining millions of USD of revenues from charcoal smuggling in Somalia. The UN Monitoring Group on Somalia and Eritrea said Al-Shabaab continues to reap substantial revenues from charcoal smuggling in southern Somalia. A new report by UN points out that UN monitors were “not assisted by Amisom” when they attempted to inspect charcoal stockpiles and port facilities at Kismayo in July. Those installations at the ports of Kismayo and Buur Gabo are maintained by Kenyan Defense Forces (KDF) soldiers operating under the auspices of the African Union Mission in Somalia (AMISOM). The group said Al-Shabaab makes at least $7.5m from “taxation” at checkpoints in the Middle Juba and Lower Juba regions. “Due in part to these charcoal-related profits, Shabaab “generates more than enough revenue to sustain its insurgency,” the monitors say. The regional administration of Jubbaland is also said to get profit from the charcoal trade, which is prohibited by UN Security Council resolutions. “Investigations by the Group have determined that these illicit charcoal exports have been taxed by the Jubbaland administration at an average rate of more than $5 per bag, generating more than $15m in annual revenue for Jubbaland,” states the report reviewed by the Security Council on Wednesday. The post Charcoal still smuggled from KDF-controlled Somalia zones appeared first on Shabelle. View the full article
-
Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xalay waxa ay howlgal ballaaran ka sameeyeen qaar ka mid ah xaafadaha magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan. Goob jooge la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in ciidanka ay galayeen qaar ka mid ah guryaha ku yaalla magaaladaasi. Waxaa jirta dad badan oo ay ciidanka kusoo qabteen howlgalkaan, kuwaa oo la geeyey saldhigga magaalada B/weyne. “Ciidamada waxay howlgalladan ka sameeyeen xaafado dhowr ah, waxaa la soo qabtay dad u badan dhallinyaro oo la geeyey saldhigga” sidaasi waxaa inoo sheegay goob joogaha. Saraakiisha ammaanka magaalada B/weyne weli kama aanay hadal howlgalka ay ka sameeyeen magaalada B/weyne. Waxa uu howlgalkaan daba socdaa kadib markii maalmihii lasoo dhaafay ay magaalada B/weyne ka dhaceen falal wax u dhimaya amniga guud ee magaaladaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Washington DC (Caasimada Online) – Hay’adda sirdoonka dhexe ee Mareykanka ee CIA, ayaa go’aamisay in dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan uu amray dilka suxufi Jamaal Khaashuqji, taasi oo burineysa doodda Sacuudiga ee ah in Bin Salmaan uusan waxba ka ogeyn dilka, waxaa sidaas werisay Washington Post. Qiimeynta ay sameysay CIA-da, ayaa ah tii ugu xoogganeyd ee Bin Salmaan si toos ah ula xiriirineysa dilka Jamaal Khaashuqji, oo labadii October ka dhacay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul. Ayada oo go’aanka gaareysa, ayaa CIA-da waxa ay darastay ilo-sirdoon oo dhowr ah, oo ay ku jiraan taleefon uu Khaalid Bin Salmaan, oo la dhashay Maxamed Bin Salmaan, islamarkaana ah safiirka Sacuudiga ee Mareykanka u diray Khaashuqji.’ Khaalid ayaa u sheegay Khaashuqji inuu tago qunduliyadda oo uu kasoo qaato waraaqahiisa furiinka, si uu u guursado gabadha u calmaneyd ee reer Turkey, isaga oo u damaanad qaaday inaan wax dhib ah la gaarsiin doonin. Ma cadda haddii Khaalid ogaa in Khaashuqji la dili doono, hase yeeshee waxa uu taleefonka ku diray codsiga walaalkiis Maxamed Bin Salmaan, sida ay leedahay Washington Post. Wada sheekeysiga ayaa waxaa dhageystay CIA-da. Fatimah Baeshen, oo ah afhayeenka safaaradda Sacuudiga ee Washington ayaa sheegtay in Khaalid iyo Khaashuqji aysan ka hadlin wax ku saabsan inuu Turkiga aado. Khaashuqji ayaa deganaa Mareykanka. Waxa ay intaas ku dartay “qiimeynta CIA-da waa been abuur. Waxaan maqleynay oo weli maqalnaa sheekooyin kala duwan, ayada oo weli aan la hayn caddeymo sal leh.” Qiimeynta CIA-da ee ku lug lahaanshaha dilka, ayaa waxaa sidoo kale saldhig looga dhigay in Maxamed Bin Salmaan oo ah ninka sida dadban u xukuma dalka, uu wax kasta la socdo, xitaa waxyaabaha yaryar. “Go’aanka la isku raacsan yahay ayaa ah inaysan arrintan dhacdeen ayada oo aanu Maxamed Bin Salmaan ka war-hayn” ayuu yiri sarkaal la hadkay Washington Post. Go’aanka CIA-da ay gaartay ee ku lug lahaanshaha Maxamed ee dilka Khaashuqji ayaa sidoo kale waxaa waafaqsan akhbaaraadka ay hayaan dowlado kale oo u badan kuwa Yurub, kuwaas oo go’aamiyey in howl-galka uusan dhici kareen la’aanta Maxamed Bin Salmaan. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis Caasimada@live.com
-
Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa waxa ay sheegayaan in dib ay u dhacday doorashada madaxtinimo ee maamulka Koonfur Galbeed oo lagu waday in halkaasi maanta ay ka dhacdo. Wararka ayaa intaasi waxa ay ku darayaan in doorashada aanay qabsoomeeynin maanta oo Sabti ah oo ku beegan 17-November oo aheyd xiligii loo balansanaa in ay dhacdo. Sababaha ugu weeyn ee doorashada ay dib ugu dhacday ayaa lagu sheegay in ay tahay is casilaada xubnihii guddiga doorashooyinka ee is casilay. Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in maanta lagu wado in dib la magacaabo guddiga doorashooyinka maamulkaasi islamarkaasina ay ansixiyaan xildhibaanada baarlamaanka Koonfur Galbeed. Dib u dhaca doorashada maanta ku timid wali kama hadlin sii hayaha madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ahna gudoomiyaha Baarlamaanka maamulkaasi Cabdiqaadir Shariif Sheekhunaa Maye. Dib u dhaca doorashada Koonfur galbeed ayaa aheyd mid horay loo sii saadaalinayay. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Doorashada Koonfur Galbeed oo dib u dhacday appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay dhawaan la wareegeyso Isbitaallada ku yaalla magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, si loo hubiyo, ayey tiri, tayada caafimaada ee dalka. Wasiirka caafimaadka iyo daryeelka bulshada dowladda Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in xukuumadda Soomaaliya ay wado qorshayaal ay ugu yaraan kula wareegeyso laba isbitaal oo ku yaalla Muqdisho. Waxa ay sheegtay in kaliya muhiimada ay aheyd in la ansixiyo Hindise Sharciyeedka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka, si fowdada ay u yaraato, sidoo kalena ay dowladda awood u leedahay inay la wareegto maamulka Isbitaalada qaar ee ku yaalla magaalada Muqdisho. “Isbitaallada waan la wareegeynaa si tartiib tartiib ah, waana rajeyneynaa, waxa ay noqon doontaa in dadka Soomaaliyeed ay adeeg tayo leh oo caafimaad ka helaan dalka gudihiisa ayay tiri Fowsiya Abiikar Nuur. Hoos ka dhageyso codka Wasiirka Caafimaadka https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/11/Wasiirka-Caafimaad.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa markale golaha amaanka ee Qaramada Midoobay kaga dacwootay dowladda Imaaraatka Carabta oo faragelin ku heyso Soomaaliya. Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Amb Abuukar Cusmaan ayaa ka dalbaday golaha amaanka inay go’aan ka gaaraan Xad gudubta Imaaraatka uu ku hayo xayiraada hubka ee Saaran Soomaaliya. Danjiraha ayaa golaha u gudbiyay in Imaaraatka hub badan ay gelinayaan Somaliland, taasi oo xad gudub ku ah madax banaanida iyo xayiraada hubka ee saaran Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay. Wuxuu sidoo kale xad gudub ku tilmaamay dhismaha saldhiga Berbera ee Imaaraatka oo horey golaha labada aqal ee baarlamaanka ay go’aan cad kaga gaareen in shirkadda DP World aysan dhisan karin saldhigaasi. Danjiraha ayaa sidoo kale sheegay in xayiraada hubka ee saaran Soomaaliya uu ku xadgudbayo Imaaraatka, maadaama maamulada qaar uu siiyay hub dowlada aysan la socon. Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraatka ayaa xumaaday waxii ka dambeeyay markii dowladda ay garoonka diyaaradaha ka celisay dhaqaalo badan oo Imaaraatka uu doonayay in Muqdisho lasoo geliyo, waxaana kadib xigay guuritaanka Imaaraatka uu ka guuray Muqdisho. Xiriirka labada dowladdood ayaa sidoo kale xumaaday markii xulufada Sacuudiga ay xiriirka u Jareen dowladda Qatar, dowladda Soomaaliyana ay ka biyo diiday inay go’aankaasi raacdo, iyadoo dhexdhexaad ka noqotay xiisadda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay sababta ka dambeysay in kooxda Dabagalka Cunaqabateynta Hubka ee Somalia loogu diiday inay ogaadaan keydka hubka ee dowladda Soomaaliya. Lataliyaha Amniga ee madaxweynaha Soomaaliya Cabdi Saciid Muuse ayaa ku daabacay bartiisa Twitter-ka in aysan jirin dad dibadda ka yimaada inay siday doonaan ka yeelaan goobaha xasaasiga ah ee dowladda. Hadalkaasi ayaana Jawaab u ahaa warbixinta kooxda ay u gudbisay golaha amaanka ee Qaramada Midoobay oo aheyd in marar badan laga hortaagay ogaanshaha keydka hubka si ay warbixin kaga sameeyaan. Keydka hubka ee dowladda ee ku yaala xerada Xalane ayay sheegeen in loo diiday inay sawiro ka qaataan ama ay la galeen kaamirooyinka wax duuba, sida warbixinta lagu sheegay. Warbixinta ayaa waxaa ay ku sheegeen in xafiiska lataliyaha Madaxweynha uu saddex jeer u oggolaaday in ay galaan Bakhaarrada keydka Hubka ee Soomaaliya laakiin uu labo jeer oo kale u diiday. Intii u dhaxeysay February ilaa May 2018 Kooxda dabagalka waxaa ay sheegeen in Keydka Hubka ee Soomaaliya ku soo arkeen 27,000 oo Qoryaha RPG7 ah,kuwaas oo yaallay Bakhaar saqafkiisa sare la dacaytiray, sidoo kalena darbiyada Bakhaarka la xoojiyay,waxaana howshaas dayactirka ah qabatay Hay’adda Miina Baarista ee Main Action. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Booliska Jubbaland ayaa digniin u diray dadka baraha bulshada ku faafiya warar ay u arkaan inay yihiin kuwo looga been abuurayo Jubbaland. Taliyaha ciidamada booliska ee Gobolka Jubbada Hoose Gaashaanle Sare Maxamed Naasir Guuleed, oo saxaafadda la hadlayay ayaa sheegay inaysan marnaba aqbaleyn dadka baraha bulshada ku qora wararka la xiriira Jubbaland. Taliyaha ayaa intaasi ku daray inay jiraan dad badan oo warar beena buur ah ku qora baraha Bulshada gaar ahaan Barta Facebook, waxaana uu sheegay inay garbaashi doonaan cid walbaa oo arimahaasi ay ku qabtaan. “Waxaan rabaa inaan u sheego cid kasta oo wadada Sharciga ah la leexato in tallaabo laga qaadi doono, kuwa xun xun ee Facebook wax ku qora waxan u sheegayaa in aanan ka yeeli doonin oo karbaash baa u yaalla” ayuu yiri Taliyaha. Jubbaland ayaa maalmihii ugu dambeeyay digniino kala duwan u jeedineysay dadka mucaaradi kara maamulka Axmed Madoobe ee Jubbaland. Ciidamadda Amaanka Jubbaland ayuu sheegay inay la xisaabtami donaan qof kasta oo faafiya Warar been Abuur ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Sida lawada filayo in ay dalka kadhacdo doorasho 2020-ka ayaa ah qorshaha ugu weyn ee dowladda federaalka horyaalla, guddiga doorashooyinka qaranka ayaa loo igmaday in ay fuliyaan qabashada doorashada 2020-ka, iyadoo lawada ogsoon yahay duruufaha kala duwan ee dalka kajira iyo heerka wacyiga siyaasadda dalka gaarsiisan yahay, waxaa kaloo xusid mudan in si durugsan loo fahmo awoodda fulineed ee guddiga doorashooyinka qaranka uu leeyahay iyo baahiyaha ay qabaan. Caqadaha ku hor dadban guddiga doorashooyinka qaranka ayaa ah mid ka baxsan itaalka guddigu leeyahay, filashada natiijo siyaasayadeed ee umadda soomaaliyeed ku qanci karaan ayaanan la-jaan-qaadi karin baahiyaha baaxadda leh ee guddiga doorashooyinka qaranka ku gadaamman, duruufaha dhaqaale ee guud ahaan dalka kajirta iyo khibrad yarida qabashada doorashooyinka qof iyo cod dalka ka qabsoonta, waxaa sii wehliya saan barashada hay’adaha dowliga curdanka ah ee dalka ka dhisan gaar ahaan guddiga doorashooyinka qaranka. Caqabaha hortaagan qabsoomidda doorashada 2020-ka, waxay u qaybsantahay shan qaybood oo kala ah, awoodaha guddiga doorfashooyinka leeyahay, fahamka shuruucda doorashooyinka, dhismaha xisbiyada billawga ah, wacyigalinta bulshada colaadaha kasoo baxaysa, iyo amni xumada dalka kajirta, waxaa qasab ah in la dul- istaago shantan mushkiladood ee u baahan xal u helid kahor inta aysan qabsoomin doorashooyinka 2020-ka. Guddiga madaxa bannaan ee dooraahooyinka. Haqab-tirka baahiyaha horyaalla GMDQ ayaa ah u dub-dhexaadka gudashada waajibaadka dastuuriga ah ee loo igmaday, oo ay ugu horreyso helidda dhaqaale ku fillan oo ay ku fuliyaan howlaha doorashooyinka, duruufaha haysta GMDQ waxaa kamid ah helista qubaro iyo aqoonyahanno ku xeel dheer howlaha doorashooyinka ee wadamada dagaallada sokeeye soo mareen ama weli kudhexjira, islamarkaan khibrad mug weyn u leh geeddi- socodka qaran-dhiska wadamada bulshooyinkiisa kala irdheysan yihiin. Caqabadaha GMDQ haysta waxaa ka mid ah, ballaarinta xarumaha, qorista shaqaalle kufillan iyo tababaridda howl-wadeennada GMDQ, qabashada doorashooyinka waxaa aasaas u ah in maamulada dalka kajira raali ka yihiin in GMDQ ay ka howlgalaan dhammaan goobaha ay ka taliyaan maamul goboleedyada, iyo in ay helaan dammaanad-qaad buuxa, islamarkaana GMDQ u madax bannaan yihiin qabasashada howlahooda. Sharciga doorashooyinka. Fahamka shuruucda doorashooyinka iyo sharciga axsaabta siyaasadda ayaa ah sharciyo ku adag in xisbiyadu fahmaan ama ay u hoggaansamaan si xisbiyadu uga qeyb galaan tartanka doorashada 2020-ka, qodobada ugu adag sharciga doorashada ayaa liddi ku ah heerka awoodda dhaqaale oo ay xisbiyadu gaarsiisan yihiin, sida bixinta qidmadda(Shan boqol iyo konton kun oo doolar) $550,000 ee ah diiwaangalinta musharaxiinta 275-ta xisbiyada iyagoo isu dheellitiraya beelaha soomaaliyeed si ay u helaan matalaad simman, qodobadan ayaa ah shuruud caqabad weyn ku noqon kara xisbiyada. Axsaabta siyaasadda waxaa waajib ku ah in ay buuxiyaan shuruudaha sharciga axsaabta kahor inta aysan ka qaybgalin tartanka doorashada, oo ay ugu muhiimsan tahay in Xisbi walbaa uu la yimaado ugu yaraan 10,000 oo ruux kana kala imaanaya 9 gobol oo ka mid ah 18 gobol oo uu waddanku ka kooban yahay, sharciga doorashooyinka 2020-ka oo aan Dimuqraaddiyadeysnayn iyo buuxinta shuruudaha sharciga axsaabta oo ay ku adagtahay in xisbiyadu dhammeystiraan ayaa ah shuruuc adag oo aanan ku habbooneyn wacyiga siyaasiga ah ee dalka kajira. Dhismaha Xisbiyada. Xisbiyada siyaasadda waxaa aas-aasaya dad ku midoobay aragti siyaasadeed iyo mid maamul oo ay doonayaan in ay ku dabbaqaan dalka marka ay ku guuleystaan tartanka doorashada, dhismaha xisbiyada waxaa ugu horreeya isu imaatinka siyaasiyiinta doonaya in ay dhaqan galiyaan afkaartooda siyaasadeed si ay ugu heshiiyaan qaab-dhismeedka xisbiga iyo shuruucda tiirarka xisbiga dhexdiisa ah, waxaa kaloo kamid ah tiirarka dhismaha axsaabta biseylka iyo heerka aqoonta siyaasiyiinta askumaysa xisbiyada, islamarkaana awood dhaqaale u leh suuq-gaynta aragtida xisbiyada iyo qarashaadka ku baxa xafiisyada xisbiyada, xisbiyada hanaqaadka ah ee dalka ka abuurmaya ayaa u nugul u hoggaansanaanta hanaanka dimoqraafdiga ee xisbiyadu lagu dhisayo, koboca xisbiyada ayaa ah mid u baahan muddo ay uga qaangaaraan murannada xisbiyada socod-baradka ah ay la kulmaan, si ay u xambaaraan masuuliyadaha qaranka. Wacyi-galinta bulshada. Heerka wacyiga siyaasadda ee bulshada ayaa ah mid saamayn badan ku leh dagaalladii sokeeye ee dalka soo maray, islamarkaana ka dhex abuuray shaki iyo is aaminaad la’aan daahisay geeddi socodka qaran-dhiska mudada dheer soi jiitamayay, damqashada xanuunka dhaawaca gaaray ruuxda qaranka ayaa ku xayn-daabay bogsiinta nabarrada gaaray damiirka iyo garaadka umadda soomaaliyeed, maamuladii dalka soo marayna marnaba iskuma howlin burcad-isu-marinta laabta walaalaha soomaaliyeed ee kala irdhoobay mudada fog. Wacyi-galin siyaasadeed kaliya laguma abuuri karo kalsoonida umadda laga doonayo in ay aqbasho xalaalnimada tubta qaran-dhisidda lagu howlanaa 18 sanno ee lasoo dhaafay, waxaana daliil u ah sida bulshada u saluugsanayd cadaaladda maamulada dalka soo maray ama kajira, sidaas darteed waxaa lagama maarmaan ah in wacyi-galinta siyaasadda lagu billaabo baridda dhammaan shruucda doorashooyinka, iyo kan axsaabta si ay ufahmaan wadiiqadda loo marayo ka qaybgalka siyaasadda, waxaa ay bud-dhig u tahay wacyi-galinta siyaasadeed ee lagu yag-leelayo qarannimada. Xaaladda amni. Xaaladda amni xumo ee dalka ka taagan ayaa ah mid marag-madoonto ah, dagaallada argagaxida ay ka wadaan dalka wuxuu hor istaagay dhammaan horumarka nololeed iyo kan dowladeed, islamarkaana shacabka ka quusiyay suurtagalnimda in laga gaaro guul dhammaystiran ururada argagaxisada wadanka jooga. Ciidamada qalabka sida ee JFS ayaa hareeyay caqabado gaarsiisan heerka ugu hooseeya, mushaar yari, qalab yari, iyo tayada la’aanta maamul ee ciidanka, duruufahan oo sabab u noqday in aysan kufilnaan dagaallada lagaga hortagayo argagaxisada iyo sugidda amniga qaranka guud ahaan. Dhowridda nadab galyada xilliyada doorashooyinka ay dhacayso ayaa u baahan cudud amni oo la,isku halayn karo iyo ciidan u carbisan ilaalinta habsami u socodka hannaanka doorashada iyo dhowridda hab-dhaqanka dimoqraaddiga ah ku sallaysan isla markaana ciidamadu ixtiraamaan aragtiyaha kala duwan ee xisbiyadu leeyihiin, masuuliyadaha amni iyo tan xaq-dhowrka ee kuxeeran qabsoomidda doorashada ka dhacaya dalka 2020-ka ayaa kabaxsan khibradda iyo awoodda ciidamada qalabka. Gunaanad. Xal uhelidda caqabadah iyo duruufaha kor ku xusan ayaa u baahan muddo ku filan si loo gutto waajibka dastuuriga ah ee ah in doorasho qof iyo cod ah dalka kadhacdo, sidaas darteed waxaa habboon in dib loo dhigo qabashada doorashada 2020-ka muddo labo sanno ah, si dalku dib ugu noqonin ismari-waayadii siyaasadeed ee ku horgudbanaa dhismaha qaranka Soomaaliyeed sannadihii nadhaafay. Mahadsanid. W/Q: Abdirahim Ahmed dhageey C.a.dhagey@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Ku soo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Arar kooban Bishii lixaad ee sanadkaan 2018 ayaa madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada waxay ku heshiiyeen in dalka ay ka dhacdo doorasho u qof kasta oo soomaaliya codkiisa u dhiiban karo si xor , xaal ah iyo cabsi la’aan. Madaxda soomaaliyeed waxay go’aamiyeen in la qaatay hanaanka doorasho ee saami-qeybsiga ku dhisan. Qormadaan waxaan si kooban ugu soo bandheynaa suurgalnimada doorasho hal iyo cod ku dhisan oo ka dhacada dhamaan gobolada iyo degmooyinka dalka iyo habka awood qeybsiga ee 4.5 loo yiqaano. Waxaan sidoo kale qormadaani ifineysaa fursadaha iyo ciladaha uu leeyahay nooca doorasho ee la qaatay. Doorasho hal cod iyo qof ah. Marka la eego dhibaatooyinka amni, dhaqaale iyo siyaasadeed, waxaa muuqeynaysa in sanadka 2020 aaney dalka dhici karin doorasho fursad siiney qofkasta oo muwaadin qaangaadh ah. Waxaa dhici kara waa dhoorasho ka wanaagsan tii dadbaneyd ee dhacday sanadkii 2016 laguna soo doortay xubnaha baarlamaanka 10aad ee hadda shaqeynaya. Waxaa jira waxyaabo asaas ama lagama maarmaan u ah iney dhacdo doorasho guud oo fursad u siineysa qofkasta oo muwaadin ah, isla markaana buuxiyey shuruudihii codbixiyenimada. Waxyaabaha lagama maarmaanka u ah dhicitaanka doorasho dadweynuhu miyi iyo magaalaba ka qayb geli karaan waxaa ka mid ah: Tirakoob Qaran: si doorasho xor iyo xalaal ah u dhacdo waan in dadka dalka ku dhaqan iyo qurba joogtaba la tiriyaa/tirakoobaa. Ogaansha tirada muwaadiniinta dalka waxay laga lagama maarmaan u tahay qorsheynta iyo jaangoynta doorashada iyo kuraasta baarlamaanka dowladda federalka. Markaad xaaladda dalku ku jira eegtid waxaa kuu soo baxaysa inaaney suurgal ahayn in la qabto doorasho hal qof iyo hal cod ku dhisan. Xaaladaha siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ayaan ogalaaneyn in dadweynaha soomaaliyeed xiligaan la tirakoobo, taasi waxay na garansiineysaa in doorasha la sugayaa aaney noqon doonin mid qofkasta siineysa fursad uu codkiisa/codkeeda si xor ugu dhiibato. Haddii uu hirgalo nooca doorashada saami- qeybsi xubnaha baarlamaanka , waxaa doorashada ka qeyb-geli doona tira kooban oo dadka magaalooyinka ku nool ah. Degaan Doorasho La’aan: markaa la sameeyo tirakoob qaran (National Census ) ee mudiniinta, waxaa la jaangooyaa tirada xildhibaanada ay yeelaneyso degmo iyo gobol kasta oo dalka ka mid ah. Maadaama deegaano badan oo dlaka ma mid ah ay ku jiraan gacanta ururka Alshahab iyo maamulka Somalilandna oo sheegtay inuu gooni u go’ay, suuragal maahan in deegan (Constinuency) xildhibaan kasta laga soo doorto la saameeyo, waayo dalku waa kala xirxiran yahay. Diiwaan Gelinta Codbixiyeyaasha: si doorasho xor iyo xaal ah ay u dhacdo waxaa lagama maarmaan ah in la diiwaangeliyo codbiyeyaasha ku dhaqan dalka gudihiisa iyo dibadiisa. Diiwaangelin ka dib qof kasta wuxuu xaq u yeelanayaa in la siiyo aqoon muujinayo inuu diiwaangashan yahay uuna awood u leeyahay inuu codeeyo. Shaqada diiwaangelinta doorteyaashu waa mid aad u dhib badan oo u baahan waqti iyo dhaqaale badan. Marka loo fiirsada duruufaha ka jira Soomaaliya, waxaa lagu doodi karaa in dhamaan dadka jecel ama diyaarka u ah iney codkooda dhibtaan aaney heli doonin karaka aqoonsiga ee codbixinta. Waxaa keliya la yeeli karaa in tiro shacabka ka mid laga diiwaangeliyo meelaha la tegi karo. Awood qeybsiga Beelaha: Maadaama aan la tirakoobin dadka soomaaliyeed, waxaa khasab noqoneysa inaan laga guurin habka hadda lagu dhaqmo ee 4.5 kaasoo beeluhu waxa ku qeybsadaan. Tirinta dadweynuhu waxay lagama maarmaan ka dhigi lahayd in kuraasta baarlamaanka loo qeybiyo tirada dadweynaha ku nool degmooyinka iyo goboladda dalka. Maadaama doorashadu aaney bedelayn habkii beelaha ku dhisnaa, ma noqon karto mid buuxineysa shuruudaha tartanka furan ee demoqaraadiyadda. Doorashada Saami Qeybsiga Metalaada Noocan doorasho waxaa isticmaala dalal badan oo reer Yurub ah iyo wadamo kale oo badan, waana mid ku dhisan saami qeybsi (Proportional Representation) iyo tartanka xisbiyada badan (muliti party system). Noocaan doorasho waxay qeexaysaa: Qaacida doorasheedka dalka: waxaa jira qaacidooyin badan oo loo adeegsado sida loo tiriyaana codadka dadweynihii doorashada ka qeyb galay iyo sida kuraasta baarlaanka ay u kala helayaan xisbiyada tartanka ka qeybgalay. Qeybinta kuraasta: Sida kuraasta loogu qeybinaayo degmooyinka iyo deegaanada ay doorashadu ka dhacday, waa haddii doorashadu ay ku saleysan tahay Deegano, tusaale haddii degmadiiba loo qoondeeyo saddex (3) kursi, xisbiyadu waxay ku tartamayaan kuraasta xildhibaannada degmo kasta. Arrintaan in la hirgaliyo ma sahlana, waayo haddii la yiraahdo dowladda goboleed kasta ha laga dhigo degmo doorasho xildhibaanadii hore looga soo doortayna halaga soo doorto, xisbiyaduna ha u tartamaan, maxaa laga yeelayaa gobolada waqooyin ee doorashado aaney ka dhicin Karin? Codbixinta iyo tirinta: Sida codbiyeyaashu ay u dhiibanaayaan codkooda una dooranayaan xisbiga iyo murashaxa ay doonayaan iyo dahfurnaanta habka codadkii la dhiibtay loo tirinaayo ayaa u baahan in si wanaagsan loo qeexo, haddii kale waxaa imaan karta muran horseeda qalalaase iyo degenaansho la’aan hor leh Cabirka saamiga qeybsiga: waxaa lama huraan ah in la jaangooyo tirada ugu yar (Threshold) ee codadka uu xisbi ku heli karo kuraas/ xubno uga qeyb gala ama ku metela baarlamaanka. Haddii aan sidaan la yeelin waxaa soo bixi kara xisbiyo yaryar oo aad u fara badan kuwaas oo aan isku hadaf ahayn abuurina kara degenaansho la’aan siyaasadeed. Habka liiska Xiran ee Saami qeybsiga baarlamaanka Habkaani wuxuu fursada u siinyaa in xisbi kasta inuu soo bandhigga 275 murashax oo ku dhisan habka awood qeybsiga ee beelaha soomaaliyeed waayadan dambe wax ku qeybsanaayeen ama 4.5. Dadweynuhu waxay kala dooranayaan xisbiyada, iyagoo tixgelinaayo ajendaha, barnaamijka iyo sumcadda/magaca dadka ku jira liiska murashaxiinta xildhibaannadda golaha shacabka. Waxaa xusid mudan in sida Liiska ay ugu kala horeeyaan ay xisbiyadda mudnaanta u kala siiyaan murashaxiinta. Tusaale ahaan haddii xisbi uu helo tiro codad saami ahaan u dhiganta 10 xildhibaan waxaa la siiyan toban qof ee ugu sareysa liiska xisbiga. Fursadaha Liiska Xiran. Habka metelaadda qeybsiga ee liiska xiran waxay leedahay faa’iidooyin badan, laakiin waxaan ka soo qaadaneynaa kuwo ugu waa weyn: Korinta Awoodda Xisbigga: habka liiska xiran wuxu awood siinayaa Xisbiyada, wuxuuna xisbi kasta codbixiyeyaashu u soo bandhigayaa barnaamijkiisa uu wax kaga qabanayo dhibaatooyinka dhaqaale, bulsho iy siyaasadeed ee dalka ka jira. Doorasho Dadweyne: Habka liiska xiran wuxuu sahlayaa in dalka inta la gaadhi karo laga qabto doorasho cod dadweyne. Waxaan tirada codka la helay loo qeybinayaa tirada guud ee baarlamaanka. Sidaas darted wuxuu yareynaa baahida loo qabi lahaa in laga codeeyo meelaha ay dowladdu talin sida goobaha ay Alshabab xukunto iyo deeganada ay soomaaliland ka maamusho. Shaxdaan hoose ku qoran ayaa muujineysa sida ay u dhici karaan Tira codbixiyeshaa Goobta deeganka codbixinta Xisbi 1 Xisbi 2 Xsibi 3 Xisbi 4 250,000 PSS 12, 500 50,000 165,000 22,500 250,000 KGS 65,720 38,480 45,000 100,800 250,000 JSS 84,000 72,000 25,000 69,000 250,000 GSS 29,000 130,000 42,000 49,000 250,000 HSS 19500 100,200 75,300 55,000 500,000 Benadir 125,000 183,000 144,000 48,000 1,750,0000 6 323,220 573,680 496,300 344,300 % Kursi 18% 51 33% 90 28% 78 20% 54 Marka 275 loo qabiyo tira guud ee codadka la dhibtay oo ah 1,750,000 waxaa xildhibaankiiba dooraneysa qiyaastii 6364 qof. Marka aad eegto shaxdan muujineysa sida xisbiyadu cod u heli karaan, waxaa kuu soo baxaysa in haddii sidaan oo kale dhacdo aan xisbina keligiis guuleysan Karin. Si loo helo in ka badan 50% waxaa lama huraan ah in xisbiyadda qaarkood dhistaan gaashaan buur. Shaxda sare ku xusan kuma saleysna dasaarad la sameeyey iyo qiyaas xog-agaalnimo, lakiin waxaan u soo qaadanay keliya tusaale iyo inaan muujino nooca doorasho la qaatay natiijada ka soo bixi karta. Xisbi weyn ama Isbahaysi: Liiska xiran wuxuu keenaa in dalka hogaamintiisa aaney u gacan gelin koox yar ama xisbi yar oo aan heli Karin taageerada shacabka. Liiska xiran wuxuu suurgalinayaa in xildhibaannada lagu doorta xisbiga ay ka tirsan yihiin. Qabyaalad Yaraan: Habkaani wuxuu yareynayaa saameynta qabiilku ku leeyahay doorashada xildhibaanka, maadama ay codbixiyaasha taageereen xisbiga iyo liiska uu soo gudbiyey keliya ee aaney dooran xildhibaankii meteli lahaa. Musuqmaasuq Yaraan: Waxaa yaraanayo musuqmaasuqa loo adeegsado doorashada xildhibaannada baarlamaanka. Maadaama aan xildhibaanka loo codeyn waxaa yaraaneysa lacagtii lagu bixin jiray odaayasha iyo ergadii wax dooran jirtay. Tartan: Habkaani wuxuu abuurayaa siyaasad xisbi oo ku saleysan tartan iyo waxqabad. Fursadda dadka awood badan yahay: Habkaan Waxaa uu fursad siinayaa dadka ka soo jeeda beelaha laga tirada badan yahay, haweenka iyo naafadda, maadama xisbi loo codeynaayo ee aan qof loo codeyneyn Fursad Xisbiyadda Yaryar: Wuxuu fursad siinayaa xisbiyada yar-yar ay ku heli karaan xubno metela barnaamijkooda siyaasadeed. Ciladaha Liiska xiran Liiska xiran wuxuu leeyahay cilado badan oo ka badan fursadihiisa. Waxaan ku soo koobi karnaa Ciladaha liiska xiran: Awoooda xisbiyadda: hanaankaani wuxu xoojinayaa awoodaha xisbiyadu ay ku magacaaban karaan qofka doonaan, kaas oo laga yaabo inaanu cod heleen haddii murashaxiinta xisbigu soo bandhigay Xiriir liita: wuxuu daciifinayaa xiriirka ka dhexeeya xildhibaanka iyo codbixiyaasha, waayo doorteyaashu codkooda ma siinayaan xildhibaanka ku qoran liiska xisbiga Awoodda hogaamiyaha xisbiga: wuxuu kor u qaadayaa awoodda hogaamiyaasha xisbiyadda,wuxuuna fursad u siinayaa inay xildhibaan ka dhigaan qofka ay doonayaan Dhaqan nacamleyn ah: waxaa aad badaneysa nacamleeya iyo u dhago nuglaanta hogaamiyaha xisbiga iyo eexda loo sameeyo kuwo muujiya inay xisbiga iyo hogaamiyaha Xisbiyo tiro badan: wuxuu soo baxaya xisbiyo fara badan oo midkoodna aanu haysan tirade laga rabay ee uu ku heli lahaa aqlabiyad. Gorgortan degenaasho la’aan siyaasadeed: Maadaama ay jiraan xisbiyo yar yar oo fara waxaa adkaaneysa in dowladda si sahlan loo dhiso, waxaan lagu mashquulaa sidii isbahaysi loo dhisilahaa, taasi waqti badan ayey dowladda ka lumisaa. Dowladda Isbahaysi : Waxaa sameys ma xisbiyo isbahaystay oo sidaa dowlad ku dhisan. Haddii xisbiyaddii isbahaysiga ahaa midkood ka baxo heshiiskii ay hore u wada galeen xisbiyaddu waxaa laga in dowladdu weydo aqlabiyadda baarlamaanka kadibna ay halkaa ku dhacdo. Dalka Talyaaniga ayaa ah tusaalaha ugu fiican ee ishahaysiga xisbiyada iyo degenaasho la’aanta siyaaseed ee ay keenaan. Daryeel la’aan bulsho: maadaama xildhibaanka aan cod lagu soo dooran ee xisbi uun loo codeeyey, xildhibaanku kama shaqeeyo danaha iyo mudnaanta bulshada deegaankii ku metelaayey. Xisbiyo Xagjir ah: waxaa dhici karta in xisbiyo aaminsan aragti siyaasadeed khatar ah ay codad badan helaan sidaasna ay xubno ku yeeshaan baarlamaanka, markaa ka dib ay helaan fursado ay ku abuuri karaan qalalaaso siyaasadeed. Gunaanad Nooca doorasho ee saami-qeysbiga metelaada baarlaanku waxaa lagu tilmaami karaan kan ugu haboon ee looga gudbi karo xiligaan iyo duruufaha dalka ka jira. Waa muhiim in la ogaado in nooca doorasho laga wanaagsan yahay haddii dalka duruufaha ka jira maanta laga gudbo. Nooca doorashadaan waxay fursad kooban siineysaa dadweynaha soomaaliyeed oo intooda badan aan weligood codkooda dhiiban, waxayna dalka abuuraysaa jawi horseedi ka tartan xisbiyo iyo demoqaraadiyad ka hirgasho Soomaaliya. W/Q: Dr Cabdullahi Maxamed Xersi (Qorax) Dr Cabdullaahi Maxamed Xersi (Qorax) waa aqoonyahan ku takhasusay cilmiga nabadda iyo xalinta khilaafyada haystana shahaada PhD da. Wuxuu ku noolyahay magaaladda Nairobi, dalka Kenya Email: abdullahi.qorah@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Ku soo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
CIA finds Saudi crown prince ordered Khashoggi killing – report Washington Post says Mohammad bin Salman’s brother, the Saudi ambassador to the US, advised journalist to attend Istanbul consulate The CIA has concluded that Saudi Crown Prince Mohammed bin Salman ordered the assassination of journalist Jamal Khashoggi in Istanbul, the Washington Post has reported. The Post said US officials expressed high confidence in the CIA assessment, which contradicts Saudi government assertions that he was not involved. It is the strongest assessment to date linking Saudi Arabia’s de facto ruler to the killing, and complicates Donald Trump’s efforts to safeguard US ties with one of the closest American allies in the region. The crown prince has denied any involvement or knowledge of the murder of Khashoggi, a contributing columnist for the Washington Post, on 2 October this year at the Saudi consulate in Istanbul, which he visited to get a document for his upcoming marriage to his Turkish fiancee. The White House declined to comment on the Post report, saying it was an intelligence matter. The State Department also declined to comment. The Post, citing people familiar with the matter, said the CIA reached its conclusions after examining multiple sources of intelligence, including a phone call that the prince’s brother – Khalid bin Salman, the Saudi ambassador to the United States – had with Khashoggi. Khalid told Khashoggi he should go to the Saudi consulate in Istanbul to retrieve the documents and gave him assurances that it would be safe to do so, the Post said. The newspaper, citing people familiar with the call, said it was not clear if Khalid knew Khashoggi would be killed, but he made the call at his brother’s direction. After the Post published its story, Khalid bin Salman denied telling Khashoggi to go to Turkey. He tweeted that the last contact he had with Khashoggi was via text on 26 October 2017, nearly a year before the journalist’s death. “I never talked to him by phone and certainly never suggested he go to Turkey for any reason. I ask the US government to release any information regarding this claim,” he said in his Twitter message. In a second tweet, he published what he said was his full response to the newspaper. Earlier this week Saudi Arabia said it would pursue the death penalty for five suspects charged with ordering and carrying out the killing. The Saudi public prosecutor claimed Saudi agents – including the head of forensics at the national intelligence service and members of Mohammed bin Salman security detail – had orders to abduct Khashoggi but decided to kill him when he resisted. The claim had been contradicted by an earlier Saudi finding that the murder was premeditated. Mohammed bin Salman was not implicated in the murder, a spokesman for the prosecutor said Source The guardian Qaran News
-
Washington DC (Caasimada Online) – Hay’adda sirdoonka dhexe ee Mareykanka ee CIA, ayaa go’aamisay in dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan uu amray dilka suxufi Jamaal Khaashuqji, taasi oo burineysa doodda Sacuudiga ee ah in Bin Salmaan uusan waxba ka ogeyn dilka, waxaa sidaas werisay Washington Post. Qiimeynta ay sameysay CIA-da, ayaa ah tii ugu xoogganeyd ee Bin Salmaan si toos ah ula xiriirineysa dilka Jamaal Khaashuqji, oo labadii October ka dhacay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul. Ayada oo go’aanka gaareysa, ayaa CIA-da waxa ay darastay ilo-sirdoon oo dhowr ah, oo ay ku jiraan taleefon uu Khaalid Bin Salmaan, oo la dhashay Maxamed Bin Salmaan, islamarkaana ah safiirka Sacuudiga ee Mareykanka u diray Khaashuqji.’ Khaalid ayaa u sheegay Khaashuqji inuu tago qunduliyadda oo uu kasoo qaato waraaqahiisa furiinka, si uu u guursado gabadha u calmaneyd ee reer Turkey, isaga oo u damaanad qaaday inaan wax dhib ah la gaarsiin doonin. Ma cadda haddii Khaalid ogaa in Khaashuqji la dili doono, hase yeeshee waxa uu taleefonka ku diray codsiga walaalkiis Maxamed Bin Salmaan, sida ay leedahay Washington Post. Wada sheekeysiga ayaa waxaa dhageystay CIA-da. Fatimah Baeshen, oo ah afhayeenka safaaradda Sacuudiga ee Washington ayaa sheegtay in Khaalid iyo Khaashuqji aysan ka hadlin wax ku saabsan inuu Turkiga aado. Khaashuqji ayaa deganaa Mareykanka. Waxa ay intaas ku dartay “qiimeynta CIA-da waa been abuur. Waxaan maqleynay oo weli maqalnaa sheekooyin kala duwan, ayada oo weli aan la hayn caddeymo sal leh.” Qiimeynta CIA-da ee ku lug lahaanshaha dilka, ayaa waxaa sidoo kale saldhig looga dhigay in Maxamed Bin Salmaan oo ah ninka sida dadban u xukuma dalka, uu wax kasta la socdo, xitaa waxyaabaha yaryar. “Go’aanka la isku raacsan yahay ayaa ah inaysan arrintan dhacdeen ayada oo aanu Maxamed Bin Salmaan ka war-hayn” ayuu yiri sarkaal la hadkay Washington Post. Go’aanka CIA-da ay gaartay ee ku lug lahaanshaha Maxamed ee dilka Khaashuqji ayaa sidoo kale waxaa waafaqsan akhbaaraadka ay hayaan dowlado kale oo u badan kuwa Yurub, kuwaas oo go’aamiyey in howl-galka uusan dhici kareen la’aanta Maxamed Bin Salmaan. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis Caasimada@live.com