-
Content Count
211,254 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Maamulka Somaliland ayaa si cajiib ah kaga hadlay cunaqabateynta hubka ee muddada sanadka ah lagu kordhiyay dowladda Soomaaliya, kadib qoraal kasoo baxay golaha amaanka ee Qaramada Midoobay. War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa lagu sheegay inay taageersan yihiin cunaqabateynta hubka ee mudada sanadka ah loo kordhiyay, sida qoraalka lagu sheegay. Waxay qoraalka ku taageereen warbixintii laga gudbiyay dowladda Soomaliya, waxaana ay sheegeen in Soomaaliya awood iyo xirfad aysan laheyn inay xakameyso hubka gacanta u gala. Sidoo kale Somaliland ayaa sheegtay in hubka loo gacan geliyo dowladda Soomaaliya uu qatar weyn ku tahay Somaliland iyo dalalka deriska la ah Soomaaliya, sida qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda lagu sheegay. Somaliland ayaa walaac ka muujisay dowladaha hubka Siiya dowladda Soomaaliya, waxaana ay sheegeen inay qatar tahay in kooxaha argagixisada ay gacanta ku dhigaan, taasina halis kale ay ka imaan karto. Ugu dambeyn waxay sheegeen in cunaqabateynta hubka uu u wanaagsan yahay amaanka gobolka loona baahan yahay in lasii kordhiyo ilaa dowlad awood badan ay ka imaaneyso. Waxay IGAD iyo caalamka ka dalbadeen inay ka shaqeeyaan dib usoo celinta wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland, taasi oo ay sheegeen in amaanka gobolka wax weyn uu ka tari doono. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa booqasho dhiiri-gelin ah ugu tagey Ciidamo ka tirsan Booliska, kuwaa oo loo diyaarinayo qorshaha sugidda Amniga Caasimadda. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa mid mid u weydiiyay Ciidamada Xaaladdooda Nolaleed iyo mid Tabar intaba, isagoo warbixinno ka dhageystay macalimiinta tabarka siinaya ciidankan loo diyaarinayo sugidda Amniga. Xoghayaha Gobolka Banaadir Cumar Cabdirisaaq Xuseen oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Khayre uu u kuur-galayay Xaaladaha Ciidamada iyo tababarada ay qaadanayaan. “Ra’iisul wasaaraha JFS waxuu kormeer ku tagay xarumo kala duwan oo ay ku tababaranayaan Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya oo ku yaalla Gobolka Banaadir, waxuuna kormeer ku soo maray xarunta Dugsiga tababarka Janaraal Kaahiye, isagoo u mahad-celiyay Macalimiintii tababarka bixinayay”ayuu yiri Xoghayaha Gobolka Banaadir Cumar Cabdirisaaq Xuseen Mudane Cumar Cabdirisaaq Xuseen ayaa sheegay in ay jiraan Ciidamo u xareysan sugidda Amniga Caasimadda oo dhawaan lagu wado in ay soo qalin-jabiyaan kuwaa soo la wareegaya Amniga. “Sidaad ka warqabtaan waxaa jira Ciidammo u xaraysan sugidda Amniga Caasimadda oo dhawaan soo qalin-jibin doona, kuwaas oo aan rajeyneyno in ay la wareegaan Amniga guud ee Caasimadda oo aan rajeyneyno in wax weyn uu iska badalo”ayuu raaciyay Xoghayaha Gobolka Banaadir Mudane Xasan Cali khayre oo ay wehliyaan Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Calaamiga ah ee Soomaaliya Xildhibaan Jamaal Maxamed Xasan, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Bashiir Cabdi Maxamed (AMERICO), Xoghayaha Gobolka Banaadir Cumar Cabdirisaaq Xuseen iyo Saraakiil kale ayaa sidoo kale kormeer ku tagay qaar kamid ah Isgoysyada Gobolka Banaadir. The post R/w Kheyre Oo kormeeray Ciidamo loo diyaarinayo amniga Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee BFS oo u warramamayay Shabelle ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyinka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliyeed. Xildhibaan Dalxa ayaa ugu baaqay madaxda sare ee Koonfur Galbeed in ay si cadaalad ah uga shaqeeyaan doorashada maamulkaasi. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in giddiga qaban qaabada doorashada looga baahan yahay in ay dardar galiyaan howlaha shaqo ee loo igmaday, si uusan markale dib u dhac ugu imaan waqtiga loo qoondeeyay doorashadaasi. Doorashada Koonfur Galbeed ayaa la filayaa in ay qabsoonto 28-ka bishan Novmber, taas oo ay u taagan yihiin musharraxiin dhowr ah. The post Xildhibaan Dalxa Oo ka hadlay doorashada K/ Galbeed appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamada amaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay waxyaabo looga shakiyay inay yihiin qaraxyo la farsameynayay iyo ruuxii ku howlanaa. Howlgalka ayay ciidamada amaanka ka sameeyeen degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, waxaana lagu qabtay ruux ku howlanaa sameynta waxyaabaha qarxa iyo qalab mobeylo u badan oo qaraxyada laga hago. Xaafadda Nageyle ee degmada Kaaraan ayaa baaritaanka laga sameeyay, waxaana saraakiisha ay sheegeen inay ku raad joogaan dad kale oo looga shakisan yahay inay arintaan ku lug lahaayeen. Waxaa hadda ruuxaan uu ku xeran yihiin saldhiga degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir iyadoo ay baaritaan uu ku socdo, sida saraakiisha ciidamada ay sheegeen. Ciidamada dowladda ayaa muddooyinkaan ka waday degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir baaritaanka amaanka lagu xaqiijinayo, inkastoo mararka qaar ay degmada ka dhacaan falalka dilka ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Safiirka cusub ee dowladda Mareykanka u soo magacawday Soomaaliya Donald Yukio Yamamoto bogaadiyay horumarka ballaaran ee ka socda gudaha dalka. Mr Yamamoto ayaa ku amaanay dowladda federaalka Soomaaliya, sida ay uga go’antahay abuuritaanka siyaasadda dibadda, arrimaha dhaqaalaha iyo amniga. Sidoo kale waxa uu ballan qaaday in dowladda Mareykanku ay garab taagnaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya C/qaadir Axmed Kheyr oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay arrimahaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/cod-turki.mp3 The post Mareykanka Oo bogaadiyay horumarka ka socda Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
-
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa saaka safarkiisi u horreeyay tan iyo markii uu xilka qabtay ugu baxay dhinaca magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer. Madaxweyne Biixi ayaa sida wararku sheegayaan ku wajahan gobolada lagu muransanyahay ee Sool iyo Sanaag,balse waxaa la filayaa in uu ku hakado xarunta gobolka Togdheer ee Barco. Socdaalka madaxweynaha ayaa lagu sheegay mid loogu kuur-galayo xaaladda gobolada bari ee Somaliland,waxaana degaannada uu booqanayo kamid ah dhulka lagu muransanyahay ee Sool iyo Sanaag. Labada gobol(Sool&Sanaag) ayaa u kala qeybsan Puntland iyo Somaliland,hase yeeshe dhinac walba wuxuu sheegtaa in isagu goboladaasi ka taliyo. Gobolka Sool oo kamid ah meelaha la qorsheeyay in uu booqdo madaxwenuhu ayaa waxaa in mudda ah ka aloosan xiisad colaadeed oo u dhexaysa labada maamul,taas oo markii horeba ka qaraxday amar uu bixiyay mudane Biixi. Ciidamada Puntland iyo Somaliland ayaa in ka badan 10 bilood isku’ horfadhiyaa degaanka Tukaraq halkaasoo dagaallo qaraar ku dhex mareen tan iyo markii Somaliland qabsatay tuuladaasi 8 Jennaayo 2018. Waxaa jirta cabsi ay dadka degaanku ka qabaan in Muuse Biixi mar kale sabab u noqdo dagaal ka dhex qarxa ciidamada is-hor fadhiya,haddii uu booqdo gobolka Sool. PUNTLAND POST The post Muuse Biixi oo mar kale sabab u noqon kara dagaal dib uga qarxa Tukaraq appeared first on Puntland Post.
-
Mid kamid ah murashixiinta u taagan xilka madaxweynaha ee maamulka K/galbeed ayaa walaac ka muujiyey in doorashada madaxweyne ay ku dhacdo waqtigii loo qabtay. Xasan Ibraahim oo ka mid ah musharraxiintan ayaa u sheegay Goobjoog News, in xilligii doorashada la qaban lahaa lagu dhammeeyey khilaaf iyo is qabqabsi. Waxa uu tilmaamay in ka musharraxiin ahaan iney qiyaasayaan in doorashada la qabto bilowga sanadka cusub ee 2019. Dowladda federaalka Soomaaliya ayuu ku dhaliilay iney kaalin ka qaadatay dib u dhaca doorashadan, sidoo kalena ay waddo ineysan doorashada si xalaal ah u dhicin, waa sida uu hadalka u dhigaye. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/MUSHARAX-KOONFUR-GALBEED.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho ( Sh. M. Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Subax-181118.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Xildhibaan ka tirsanaa golihii degaanka waqooyiga Gaalkacyo ee Puntland ayaa ka hadlay kala diristii uu madaxweyne Gaas ku sameeyey golahaasi. Cabdi waaxid Axmed Maxamed oo ka tirsanaa golahaasi ayaa u sheegay Goobjoog News, iney soo dhoweynayaan kala diristii uu madaxweyne Gaas ku sameeyey. Waxa uu sheegay in madaxweynaha uu sharci u haysto inuu kala diro, iyaguna ay la shaqeyn doonaan cid walbo oo lasoo magacaabo. Sidoo kale, xildhibaankan ayaa sheegay in aanay wax dhibaato ah ahayn in shaqada laga diro, una arkaan iney tahay gudashada waajib madaxweyne Gaas saarnaa. Halkaan hoose ka dhageys: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/XILDHIBAAN-KA-TIRSAN-GOLAHA-DEGAANKA-GAALKACYO.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa kala direy golahii deegaanka ee magaalada Gaalkacyo, wuxuuna dhanka kale xilkii ka qaaday duqii magaaladaasi Maxamuud Yaasiin Tumey. Gaas ayaa sheegay in muhiim ay tahay in ay shacabka Gaalkacyo helaan isbedallo dhanka maamulka ah, iyadoo aanay sabab kale jirin. Shacabka ku dhaqan magaalada Gaalkacyo gaar ahaan dhanka maamulka Puntland ayaa aad u hadalhaya arrintan. Arrintan uu madaxweyne Gaas sameeyey ayaa imaaneysa xilli Puntland isku diyaarineyso doorashooyinka baarlamaanka iyo midda madaxweynaha. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/WAR-CALI-CEYN-1-1.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay kormeeray xarumo ciidamada dowladda Soomaaliya ay tababar ku qaadanayaan, waxaana ciidamada ay ahaayeen boolis cusub oo la doonayo inay amaanka xaqiijiyaan. Saraakiil ka tirsan ciidamada xooga dalka ayaa qeyb ka ahaa kormeerka Kheyre uu ku tagay magaaladaxeryaha ciidamada amaanka ay tababarka ku qaadanayaan kuwaasi oo loo diyaarinayo inay xaqiijiyaan amaanka caasimadda. Xarumaha ay booqashada ku tageen waxaa kamid ah Iskuul Boliisiyo halkaasi oo ciidamo badan oo booliska kamid noqonaya maalmahaan uu tababar kaga socday halkaasi, waxaana uu Kheyre dardaaran u jeediyay ciidamada uu halkaasi kula kulmay. Xoghaayaha Maamulka Gobolka Banaadir Cumar Cabdirisaaq oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ra’iisul wasaaraha dalka uu doonayo in dhawaan ciidamada tababarka loosoo xiray ay la wareegaan amaanka caasimadda. Marar badan ayaa ciidamo cusub lagu wareejiyay amaanka magaalada Muqdisho waxaana dhacayay falal amaanka liddi ku ah, waxaana la ogeyn waxa ciidamadaan cusub oo dhaliyaro u badan ka badali doonaan amaanka caasimadda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan ayaa waxay kormeer ku sameeyeen xerooyinka ciidanka xoogga dalka ku leeyihiin magaaladaasi. Taliyaha qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka, Jeneraal Maxamuud Maxamed Macallin Koronto ayaa hoggaaminayey saraakiishan, waxaana ay u kuurgalayeen xaaladda amniga ee magaaladaasi. Sidoo kale, saraakiishan ayaa doonayey iney la socdaan xaaladda guud ee ciidanka xoogga dalka iyo howlahooda shaqo. Waxay saraakiishan la kulmeen ciidankii Westland ee dhowaan lagu daray ciidanka xoogga dalka, waxaana saraakiisha ciidankaan dalbadeen in la qalabeeyo. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Taliska-Ciidamada-kormeer-Hiiraan-by-ziyaad-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasaaradda Arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa markale ku dhiiratay in ay faraha la gasho kiiska warihii sida arxan daradda ah ay Sucuudigu ugu dileen qunsuliyadda ay ku leedahay Istanbul. Hore ayey ahayd markii ay bulshada Soomaaliyeed dhabanno hays ku noqotay bayaankii ay Wasaaradda Khaarajigu ku garab istaagtay Sucuudiga iyada oo ku lumisay ixtiraamkii ay dowladda Turkiga u haysay Somalia. Hase ahaatee, xilli loo baahnaa in la saxo qaladkii hore, ayey haddana dowladda markale dhiiqo iyo siyaasad arrimo dibadeed aan jid iyo jiho lahayn ku dhaqaaqaday! Qoraalka wasaaradda ayaa yimid maalin kadib markii sirdoonka Mareykanka ee CIA-da ay xaqiijiyeen inuu Maxamed Bin Salmaan amray dilka Sacuudiga, taasi oo meesha ka saartay sheegashadii Sacuudiga ee ahayd inuusan waxba ka ogeyn. Isla subaxii xigayna waxaa soo baxay warka wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya. Intii ay Soomaaliya cambaareyn lahayd Sacuudiga waxay sheekada u leexisay mala’waalka Riyadh ee ah in dad aan amar ka qaadan Bin Salmaan ay dilka fuliyeen. Hadaba sawir ceynkee ah ayuu hab dhaqankaas ka bixinayaa dowladda? Caadiyan, dowladda meelaaha laga eego in ay gudo ballaarantay waxaa ka mid ah sida ay u maareyso daneheeda qaran ‘National Interest” yeelkeede, waxaa su’aal ah, dan qaran oo sidee ah ayaa dowladda ugu jirta in loo dhaanteeyo dowlad kale? Waliba loogu darnaado dal xiiir sokeeyo kaala dhexeeyo? Marka aad si fog u daristo tallaabooyinka ay Wasaaradda Arrimaha dibedda qaadeyso, waxaa kuu soo baxaysa in koox aan qayyim (Values) iyo fogaan arag (Vision) lahayn. Taas waxaa kuu caddeysa, in ay la yaab tahay in dowladda oo dhan laga waayey qof ku dhiiradda oo Wasaaradda Arrimaha dibedda qabta, oo ka hor-tagga qoraalada aan loo meel dayin ee kasoo baxaya. Dowladda waxay ka mid tahay dowlado kooban oo ku shaqaaeya kaash, oo wixii la doono la marsado. Waxaa taas daliil u ah markaad u fiirsato qoraaladeeda waxay kusoo aadaan marka xaalad adag ay Sacuudiga haysto, oo ay raadinayaan taageero noocee doontaba ha noqotee. Waxaa jirta xan sheegeysa in Sucuudiga uu gumeysi iyo afduub siyaasadeed ku sameeyey siyaasaddii arrimaha dibedda Soomaaliya, oo uu siduu doono u isticmaalayo, isaga oo adeegsanaya kaash iyo “waxaan idinka celineynaa Imaaraadka” oo faro kulul ku haya dowladda. Tuhunkaas waxaa xaqiijiya booqashadii uu Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Kheyre ku tegay dalkaas, oo sida aan horey u sheegnay dhalisay inuu ka aamuso xafladdii furitaanka dekedda Berbera ee DP World, kadib lacag uu soo qaatay W/Q: Istar Cali Mataan Toronto, Canada Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Trump: Washington Waxaa Ay Sheegi-doontaa Dilaaga Khashoggi
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Kadib maalin markii ay CIA-du sheegay inuu dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ku lug lahaa dilka Jamaal Khashoggi isla markaana uu ahaa ninka amray ayuu dhankiisa sheegay madaxweynaha Mareykanka Donald John Trump in dalkiisa uu sheegi-doonno cidda dishay Khashoggi 2 maalin gudahood. Donald Trump waxaa uu natiijada CIA-da ku tilmaamay mid waqtigeeda ka soo hor martay, laakin waxaa uu intaas raaciyay inay macquul tahay. Madaxweynaha Mareykanka waxaa uu sidoo kale ka hadlay inuu heli-doono warbixin ku saabsan cidda dishay iyo waxa ka dhalan kara, 2 maalin gudahoodna uu ku shaacin-doono. Donald Trump waxaa la sheegayaa inuu doonayo inuu ilaaliyo heshiisyada uu la galay Sacuudiga, laakin hey’adaha Mareykanka sida Congersska waxaa ay doonayaan in runta la ogaado. Goobjoog News Source: goobjoog.com -
Baydhaba (Caasimada Online) – Sida ay Caasimadda Online shaacisay waxaa uu dagaal aan waxba la’isula harin, oo kuraas la isla dhacay uu ka dhacay golaha baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed. Dagaalkan ayaa sida la sheegay ka dhashay kaddib markii ay xubnaha baarlamaanka ku murmeen ansixita gudiga doorashada. Dhawaan ayey ahayd markii ay inta badan guddigii hore ee doorashada is wada casileen iyaga oo u sababeeyey faragalin qaawan oo ay ku hayso xukumadda u hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Kheyre. Hadaba maxaa laga fahmi karaa dagaalka barlamaanka Baydhabo ka dhacay? Xubnaha ku dagaalamay golaha baarlamaanka Koonfur Galbeed waxa ay direen farriin ah in wali xukumadda aysan ka waan toobin tuhunka iyo dareenka xun ay bulshada maamulkaas ka muujiyeen faragalinta. Sida ay ilo xog ogaal ah Caasimadda Online u xaqiijiyeen, baarlamaanka isu gacan qaaday shalay ay inta badan ka cabanayey faragalinta xukuumadda Xassan Cali Kheyre ay ku hayso arrimahooda masiiriga ah. Wali ma cadda in sanadkan doorasho lagu wada qanco ay ka dhici doonto Baydhabo maadama xukumadda ay weli qas ka wado doorashada oo ay dooneyso in musharaxiinta ay wadato ku soo baxaan. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan la socodka cunaqabataynta hubka ee Ereteriya iyo Soomaaliya ee UN Monitoring Group, ayaa toddobaadkan soo bandhigay warbixintoodii sannadlaha ahayd, oo arrimo badan looga hadlay. Warbixintaas ayaawaxa ku jira qaybo Somaliland ka hadlaya, gaar ahaan waxa ay kooxdani aad culayska u saartay saldhiga ay dawladda Imaaraadka Carabta ka dhisanayso magaalada Berbera. Kooxdan UN Monitoring Group, waxay iyadoo ka hadlaysa saldhiga Imaaraadka ee Berbera ay sheegtay inay dawladda Somaliland ka waayeen jawaab celin ku saabsan saldhiga Imaaraadka Carabta ee Berbera oo ay su’aalo ka weydiiyeen. 2 February 2018, ayay kooxdu sheegtay inay Somaliland u soo direen qoraal ay kaga hadlayaan in dhismaha saldhigaas Berbera uu ka hor-imanayo cunaqabataynta hubka, iyadoo kooxdu xustay in caawimo kasta oo dhinaca ammaanka ah ee hay’adaha Somaliland uu u baahanayo inay ogolaansho ka helaan guddiga sida uu dhigayo qodobka 11, farqadiisa (a) ee qaraarka ay golaha ammaanka Qaramada Midoobay soo saareen sannadkii 2013. Waxa kale oo ay UN Monitoring warbixintooda ku sheegeen inay Somaliland sidoo kale weydiiyeen halka uu marayo dhismaha saldhigaasi, “Ilaa hadda, kooxdu may heli wax jawaab ah.” Ayay tidhi warbixinta Qaramada Midoobay. Laakiin kooxda waxa u jawaabtay dawladda Imaaraadka Carabta. Warbixintu waxay tidhi “5 June 2018, waxa ay kooxdu taar u dirtay Imaaraadka Carabta, iyadoo raadinaysa warbixin la xidhiidha aasaaska saldhiga iyo balaadhinta dekedda Berbera. 7 September, Imaaraadka Carabta ayaa ku soo jawaabay sidan, “Imaaraadka Carabtu wuxuu la galay Somaliland heshiis si uu u horu-mariyo oo u maaamulo dekedda Berbera. Dhammaan heshiisyadii lala galay gobolada Soomaalida waxa loo galay iyada oo laga duulayo awoodaha dastuuriga ah ee ay leeyihiin madaxda goboladaasi, iyada oo looga dan leeyahay in lagu guulaysto amni, degenaansho iyo badhaadhe ay gaadho Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo dadkeedu.” Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Difaaca baarlamaanka ee dalka Kenya ayaa sheegay in dhismaha darbiga xuduuda ay la wadaagaan dalka Soomaaliya uu si wanaagsan kaga socdo halka laga dhisayo. Guddiga ayaa warbixin ku sheegay in ciidamada difaaca Kenya ay la shaqeeyaan dadka dhismaha wada, waxaana xildhibaanada ay safar ku tageen magaalada Mandheera si ay u hubiyaan sida howsha u socoto. Xildhibaanada ayaa u kuurgalayay sida darbiga dhismahiisa u socdo, caqabadaha jira iyo aalada casriga ah ee loo baahan yahay si darbiga loo dhameystiro. Guddoomiyaha guddiga difaaca Kenya Katoo Ole Metito ayaa sheegay inay u kuurgalayeen aragtida shacabka ay ka qabaan in ciidamada Kenya ay ka baxaan gudaha dalka Soomaaliya, ayna qiimeynayeen sida howsha darbiga u socoto. Xildhibaanka Bariga Mandheera laga soo doorto Xildhibaan Cumar Sala ayaa ka hor sheegay baarlamaanka in dadka deegaanka Mandheera ay doonayaan in ciidamada Kenya laga saaro Soomaaliya, iyadoo ay ugu wacan tahay weeraro badan oo argagixiso ah. Guddoomiye ku xigeen magaalada Mandheera Maxamed Caraay ayaa sheegay in tan iyo markii la dhisay Darbiga aysan jirin weeraro Al Shabaab ay ka fuliyeen magaalada Mandheere ee dalka Kenya. Ingineero kamid ah ciidamada Difaaca Kenya ayaa sheegay in la dhisay 12 Km oo darbiga ah, taasina ay keentay in la xaqiijiyo inay difaac adag u noqon karto ciidamada difaacaya dhanka xuduuda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland ayaa badalay Mowqifkoodii adkaa ee la xiriiray inay heshiis la galaan dowladda Soomaaliya, kadib markii ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Cali Maxamed Geedi uu wadahadal ugu tagay magaalada Kismaayo. Badalida Mowqifka Jubbaland ayaa ka dhigan in dowladda Soomaaliya ku guuleysan karto inay saaxiib dhow la wada noqoto maamul goboleedyada oo Jubbaland iyo Puntland ay ugu adkaayeen. Wuxuu sidoo kale mowqifkaan ka dhigan yahay in Jubbaland ay noqon karto maamulka Seddexaad ee toos ula heshiiya dowladda Soomaaliya, marka laga yimaado Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed. Sidoo kale wuxuu ka dhigan yahay in dowladda Soomaaliya ku guuleysatay inay badasho Jubbaland oo meesha ugu adag ka taagneyd iskaashiga dowlad goboleedyada maadaama Kismaayo lagu qabanayay shirarka maamulada. Waxa kaliya ee u haray ayaa ah maamulka Puntland waxaana C/Welli Gaas ku furan doorasho la filayo inay dhawaan ka dhacdo magaalada Garowe. Markii Madaxweyne Shariif Xasan oo heshiis la galay dowladda Soomaaliya waxaa yaraatay awoodii badneyd ee golaha iskaashiga dowlad goboleedyada, waxaana hadda heshiis aan badneyd dowladda kula jiro madaxweyne Xaaf. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimad@live.com
-
Nairobi (Caasimada Online) – Saraakiisha booliska Kenya ee ku sugan Xuduuda Kenya iyo Soomaaliya ayaa u fududeeyay Ismiidaamiyaal Al Shabaab ah bishii Febraayo ee sanadkaan inay isqarxiyaan kadib markii ay laaluush ka qaateen, sida lagu sheegay warbixin ay baahisay Qaramada Midoobay. Warbixinta ayaa si cad u sheegaysa sida ciidamada amaanka Kenya ay si joogto ugu qaataan laaluush toos ah oo gaaraya meesha ugu hooseysa oo ah 20 dollar, oo ay ka qaadanayaan kooxaha argagixisada si ay iyaga u waxyeeleeyaan. Warbixinta The Somalia Report 2018, oo Khamiistii ay baahiyeen Guddiga dabagalka cunaqabateynta saaran Eritrea iyo Somalia ayaa shaaca ka qaaday sawirka aysan u qalmin ciidamada amaanka ee dalka Kenya, waxaana lagu shaaciyay sida kooxda Al Shabaab oo saldhigooda yahay Soomaaliya ay joogto uga gudbaan xuduuda si ay u dilaan Kenyanka. Tusaale ayaan, baaritaan lagu sameeyay weerar fashilmay oo dhacay bishii Febraayo ee sanadkaan ayaa lagu ogaaday in kooxda Al Shabaab ee ka howlgasha xuduuda Kenya iyo Somalia ay shan jeer muddo seddex bilood ah kasoo gudbeen xuduuda, iyaga oo ciidamada amaanka Kenya siiyay laaluush gaaraya 20 Doolar. Afar kamid ah Al Shabaab oo ay qabteen waaxda la dagaalanka Argagixsada ee Booliska kadib howlgal dhacay ayaa la geeyay magaalada Nairobi ee dalka kenya, kuwaasi oo siyaabooyin kala duwan loo wareystay. Booliska Kenya ayaa baaritaan ay sameeyeen bishii Febraayo ee sanadkaan waxay ku qabteen labo ruux oo looga shakiyay inay Al Shabaab la shaqeeyaan, oo kala ahaa Cabdimaajid Xasan Aadan iyo Maxamed Naane Cusmaan oo waday gaari ay ka buuxeen waxyaabaha qarxa, waxaana ay doonayeen inay gudaha Nairobi la galaan. 4 Febraayo ee sanadkaan Shan kamid ah Al Shabaab ayaa ka gudbay xuduuda dhanka degmada Ceelwaaq, iyaga oo ka gudbay halka ciidamada ay joogeen, waxaana kadib ay maalmo kadib tageen magaalada Ceelcadde. Ku dhawaad 50,000 oo doolar ayaa kooxda dabagalka ee Eritrea iyo Somalia ay ku qiyaaseen lacagta Al Shabaab ay u adeegsadeen laaluushida ciidamada booliska Kenya si xuduuda ay kaga gudbaan. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
Inaa lilaahu wa inaa ileyhi raajiciin. Waxaa Allaah ha u naxariistee Caawa oo Sabti ah 17.11.2018 ku geeriyootay Magaalada Århus ee cariga Denmark Marxuumad Shukri Yusuf Nuur-Cadood. Jaaliyada Somaaliyeed iyo mid Puntland ee Dalka Denmark siiba mida Magaalada Århus waxay Tacsi tiiraanyo xambaarsan u dirayaan dhamaan qoyska Reer Yusuf Nuur Cadood, Ehelkii iyo Asxaabtii geeridaa naxdinta leh ee ku timid Marxuumad Shukri Yusuf Nuur Cadood, waxayna Allaah uga baryaan qoyskaa ay ka baxday Marxuumadu inuu Ebbe Samir iyo Iimaan ka siiyo, Marxuumadana waxay Ilaah uga tugayaan inuu dembi dhaaf siiyo, Naxaristii Jano-nana ka waraabiyo. Source
-
Becoming a president through a tribal election is at best a temporary joy, a few days celebration before cycles of weakness and failure reverse direction. Elections are just contests between candidates, which generally end in the defeat of one contestant. Democratic countries see elections as the epitome of civilisation; and they still acknowledge their essentiality, which again proves that healthy competition does not escalate clashes and conflicting ideas. Elections are meaningless without national spirit. Each country has a character, which is what arouses the emotions of every citizen in times of elections. A tribe is Somaliland character. It is a tradition that is over and above the psyche of every individual. For this a tribe never disapears from Somaliland culture. It is a national disease that always affects all social and political issues. In times of political power struggle, Somalilanders always tweak the meaning of election to eliminate contest and invite conspiracy as the alternative attribute. In elections, they manipulate the votes. In politics, they miss the point and manage political issues without discipline. Politics without discipline brings out the fear of the unknown, the most dangerous territory in human psychology. Fear never limits the danger of the despairing politics. Despair creates distrust and disunity. Somaliland appetite for discord and disunity is unmistakable. There is no disunity without aggression. No aggression takes place in Somaliland without tensions of tribalism. A tribal war must still be going on somewhere in Somaliland. A political tribal election is not a planless march to the gates of presidency and priviliges. Neither caution nor precaution is of any use. Only the desire to build a tribal dynasty plays the role. In tribal politics, nationalism is not the issue. There is no point being a nation if you do not want nationalism. Tribalism is patently the number one enemy of nationalism. It is what actually inspires the whole population to fight for a lower cause. The ruling behavior of the current Somaliland presidency is just a manifestation of that lower cause. Low thinking is the other face of lower cause. Here is a further condition. Elections whose result is fashioned by money and tribal card have two non-negotiable demands: Nepotism and Privileges. Public theft and abuse of power, the favaurite weapons of tribal politics, are the keys to both nepotism and privileges. A collusion stressing and stipulating the two non-negotiable demands are made when some tribes politically unite to elect one particular presidential candidate. What is interesting to know is “who Muse Biixi has become” after ascending to the nation’s highest position? Has he demonstrated an aptitude that is different from the primitive thoughts of tribalism? Statistically speaking some people argue Colonel Muse has become greater than the greatest and better than the best when special consideration is given to in how he handles Somaliland. Some others assert that Colonel Muse Biixi has become an “empty vessel.” Presidency is no bed of roses. It is terribly noisy and a tiring profession at that. It is where presidents become boorish once the hurly-burly is done. Even pies and pancakes that marshal to surface cannot maintain health. Symptoms of aging, wrinkles, emotions down, fatigue, frustration, visionless approach, and tauted nerves appear on the faces of some presidents, particulatly those who need ability and skill to find solutions for the pressing issues, characteristics indicating that failure is inevitable. Failure is the distance between bedtime story and a wake-up call. The former starts with when we regurgitate the old and think it is new and then lull ourselves to sleep. The latter starts with when we think ahead to address a new dawn and insist to know what we don’t know yet. Colonel Muse Biixi has become a victim of his own political party programme. His political narrative has just run and renewed Kulmiye’s old course and has not been able to find a further chapter to his own administration saga. There is no strong intellectual team in the Colonel’s administration, a team of high calibre that can take the nation out of its tight situation. Nor is there any serious thinking being made by Muse on how to fashion and form an alternative delivery system when he assumed the power of the state. The wonderment is what Kulmiye’s tribal politics made Colonel Muse learn from the presidency: “Foes and friends.” Friends are those tribes who are with the president and foes are those tribes who challenge and criticize polices and plans the president makes. The desire to be politically allied with the tribes that voted in favor of the elected president overtaks the idea to welcome the foes, the tribes who voted against. The imperative to impress both factions through adult supervision and restorative polices appears not to come into Colonel’s mind. So, in whose side, then, does the fault lie? Fault neither lies in friends nor in foes, but in the president who thinks opposition party as the usual suspects. The observation is that Colonel Muse Biixi looks now like the tailor who insists that one-size-fits-all. That is a politics of one-man-show, not a contest to determine the fate of this land. Somaliland fostered in a volatile game played in an open ground. It is, therefore, of paramount importance to keep the key stakeholders together to resolve conflicts collectively and address the future impact of the conflicts through the practical implementation of restorative practices. If the imagination to think ahead is left with Colonel Muse, such initiative is the best option, but if otherwise becomes true, the question that arises is: Which faction will be driven out first, the foes or the friends, since insiders realise in their final analysis that differences between all stakeholders exist? Indications are such that Colonel Muse will finally place his consuming flair and flamboyance in the safe custody of his political coach, whose behaviour on the sidelines, consequently, was reassuringly bizarre. Muse Biixi is under pressure that compels him to respect Kulmiye’s conditioned politics. The rainbow coalition wants to win. The interesting thing is what the eastern rainbow block are doing. They are playing measured, thoughtful and sometimes thought-provoking politics as if the tempest in their arteries has been bottled in conditioned doctrine and disciplines. They are going to kill one stone with two birds. They never give up. The great puzzle, however, is the opposition parties. Nothing is more restorative than a wake-up call. Their leaders must admit that words, as the old saying puts it, without action never to heaven go. Since 1991, defenders at the highest level of Kulmiye party were routinely hacking to hurt opposition’s political leader’s knees or ankles, very often breaking them. Kulmiye party tests the tensile strength of what the opposition parties are prepared to accept. Mujahids, goes the saying, never die; they just fade away. Unless their career includes a tendency to take stands in the side in which their bread is buttered. Our economy policy is bleak; our demostic mandate is bleak; our foreign policy bleak and fraught with disasters; our vision for Somaliland is even bleaker still. Sool and Sanaag regions seem to be getting out of Somaliland souvereign. What is going on? People want to know. By: Jama Falaag Somaliland, Hargeisa. jamafalaag@gmail.com As per usual the opinions expressed in this articale are those of the author and do not reflect the opinions of qarannews.com Qaran News
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacadda Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Bar__Qubanaha-171118.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Washington)Wargeyska The Washington Post waxa uu maanta daabacay wareysi ay la yeesheen Haweeney u dhalatay dalka Masar, taasi oo sheegtay inuu si qarsoodi ah u guursaday Saxafigaasi, dhowr bilood ka hor inta aan lagu dilin Qunsulliyadda Sacuudiga ee magaalladda Istanbul ee dalka Turkiga. Haweeneyda waxay magaceeda ku soo koobtay H. Atr, iyadoo codsatay inaan magaceeda oo dhamaystiran la shaacinin sababo Ammaankeeda iyo Shaqadeeda. Waxay tilmaamtay inay munaasabadda Nikaaxa si qarsoodi ah loogu qabtay Washington, iyadoo aysan ka war qabin Xaaskiisa Turkishka ee Khadiija Cengiz iyo xubnaha Qoyska Jamaal Khashoogi, waa sida ay hadalka u dhigtay. Waxay Wargeyska Washington u soo bandhigtay caddaymaha Nikaaxa iyo Sawiro ay la gashay Jamaal Khashoggi. Haweeneyda Masaarida waxay codsatay Ka Xaas Mulim ahaan in la siiyo Xuquuqdeeda oo buuxda iyo in loo ictiraafo inay tahay Xaaskii Saxafigaasi.. Dhinaca kale, mid ka mid ahaa saaxiibada khaaska ee Saxafigaas oo codsaday inaan magaciisa la shaacinin waxa uu u sheegay Waregeyska The Washington Post inuu goobjoog ka ahaa Munaasabaddii uu Jamaal khashoggi ku mehersaday Haweeneyda Masaarida ee haatan isa soo bandhigtay inay tahay Xaaskii Jamaal Khashoggi. Baraha Twitter-ka ayaa la soo dhigay Sawiradda iyo magaca haweeneydaas, oo lagu sheegay Xannaan. Source