-
Content Count
213,239 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal ayaa wada dadaaladii u dambeeyay ee uu ku xalinayo xiisada ka dhalatay kala diridii Guddiga Maaliyadda ee uu sameeyay Guddoomiye kuxigeenka 1aad, taasoo sababtay in maalmo hakad ku yimaado Fadhiga Baarlamaanka. Warar ku dhow dhow Xarunta Villa Hargeysa ayaa sheegaya in Guddoomiye Mursal uu la kulmay Kuxigeenadiisa, Xildhibaanada labada dhinacyo iyo Madaxda sare ee dalka, isagoo kala hadlay sidii xeer jajab siyaasadeed lagu xalin lahaa kala diridaas, maadaama qaab sharci ah aan markii hore loo marin. Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ka gaabsaday inuu ka hadlo kala dirista Guddigii Maaliyadda ee uu ku dhaqaaqay guddoomiye ku xigeenka koowaad C/weli Ibraahim Muudey ayaa ka hor yimid ciidamada ay dowladda Federaalka geysay magaalada Baydhaba, wuxuuna taageeray xaqa uu Musharaxa Mukhtaar Roobow u leeyahay inuu tartamo. Xogta la helay ayaa sheegeysa inay dood adag dhex martay Madaxweyne Farmaajo Guddoomiye Mursal, taasoo ku saabsaneyd xaaladda doorashada K/Galbeed iyo kala dirista Guddiga Maaliyada, iyadoo madaxweyne Farmaajo uu su’aal ka keenay waxa iska bedelay qorshihii ay isla meel dhigeen ee Doorashada K/Galkbeed..?, waxaana dood dheer kadib guddoomiyaha Baarlamaanka uu aqbalay in mar kale taageero qorshaha doorashada madaxda dowladda ee K/Gabeed. Kala dirista Guddiga maaliyadda ayaa sidoo kale uu aqbalay Guddoomiye Mursal, isagoo sheegay inuu magacaabi doono Guddi cusub oo Maaliyadeed, laakiin warbixin uu siin doono Golaha Baarlamaanka Sabtida, taasoo lagu faahfaahinayo arinta Guddiga muranka ka dhashay. Arrinta ugu muhiimsan ee Guddoomiyaha Baarlamaanka ka helay doodii uu la galay madaxweyne Farmaajo ayaa ahayd in xil loo magacaabo la-taliyihiisa saameynta badan ku leh, ahna kaaliyihiisii xillgiii uu safiirka ka ahaa Turkiga ee C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac), taasoo loo ogolaaday, basle aan din loogu celin doonin Hay’adda NISA. Xildhibaan C/risaa Axmed Maxamed oo ka mid ah xubnihii Guddiga Maaliyadda ayaa sheegay in markii hore lagu fududaaday kala dirida Guddiga, isla markaana aan loo marin hab sharci ah oo xeer hoosaadka uu qabo. “Waxaa rajeynayaa in arrintaas xal laga gaaro, Guddoomiyaha iyo kuxigeenadiisa waa ka heshiiyeen in arrin xal siyaasadeed lagu dhameeyo, maadaama aan markii hore aysan jirin xeer loo cuskaday kala dirida Guddiga, waxay ku xiran tahay sida guddiga heshiis u noqdaan”ayuu yiri Xildhibaan C/risaaq. Waxaa uu sheegay in Guddiga Maaliyadda oo labo u kala jabay ay sabab u aheyd arrin siyaasadeed oo ka socotay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, isla markaana ay aheyd arrin la rabay in guddiga lagu kala dhantaalo. “Guddoomiyaha wuxuu na yiri waa idinku soo war celinayaa, arrinta anigaa siyaasiyan u soo dhameynayo”ayuu yiri Xildhibaan C/risaaq Axmed Maxamed. Kala dirida Guddiga Maaliyadda ayaa waxa ka dhashay doodo sharciyeed oo ku aadan in Guddoomiye kuxigeenka 1aad aanu u marin qodobada xeer hoosaadka, isla markaana aanu awood u laheyn inuu kala diro. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Wafdi uu hogaaminayo gudoomiyaha aqalka sare ee dalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa goordhow gaaray magaalada Kismaayo. Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ka amba baxay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho waxaana ku sii sagootiyay xubno katirsan dowlada Soomaaliya. Cabdi Xaashi Cabdullaahi ka hor inta aanu ka amba bixin garoonka Muqdisho hadal kooban uu siiyay wariyaasha ayuu faah faahin uga bixiyay safarka uu ku tagayo Kismaayo. “Aniga iyo Wafdi aan hoggaaminaayo waxaan aadeynaa Kismaayo Jubbaland, waxaan u aadeynaa waa tii aan hawl soo wadnay meel gabo gabo ah ayeey mareysaa, waxaan rabnaa markaasi in aan xoogga dadka marka hore cid waliba inaynu aragno oo dalkeena sidii si nabad ah oo mid ah wax u dhaqaajin laheyn in aan soo dhiraan dhirino. Ayuu yiri Cabdi Xaashi. Gudoomiyaha Aqalka sare ayaa lagu wadaa in uu Kismaayo kula kulmo madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe. Aqalka sare ee dalka ayaa ku howlan dhameeynta qilaafka u dhaxeeya Dowlada dhexe ee Soomaaliya iyo maamul goboleedyada. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Gudoomiyaha Aqalka sare oo gaaray Kismaayo appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Xoogaga Al-Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose ay ku xirtay dad shacab ah iyo xubno ka barbar-dagaalama. Wararka ayaa intaas ku daraya in arrintani ka dambeeysay markii looga shakiyay inay wax ka ogaayeen duqayn lala beegsaday goob ay kooxda ku qaadi jirtay canshurta oo Awdheegle ku taalay. Qaar kamid ah dadka degaanka oo sababo amni uga gaabsaday in la baahiyo magacyadooda ayaa u sheegay Idaacadda Shabelle in dadka xabsiga loo taxaabay ay tiradoodu gaareyso wadar ahaan Tobban ruux. Dhowaan ayay ahayd markii dowlada Mareykanka ay sheegatay inay ku dishay afar kamid ah xoogaga Al-Shabaab weerar dhinaca cirka ah oo ay ka fulisay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose. The post Al-Shabaab oo dad ku xirtay Shabeellaha Hoose appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dil ay maleyshiyo hubeysan ka geysteen degaanka Bali-busle ee gobolka Mudug. Dilka ayaa ka dambeeyay markii ay ragga hubeysan ugu tageen Marxuumka hoygiisa halkaasi oo ay ku toogteen. Ma cadda sababta ka dambeysay dilka ruuxa oo la sheegay inuu ahaa Xoolo dhaqato kamid ahaa dadka degan Tuuladda. Ma jiro wax hadal ah oo ku saabsan dilkaan oo kasoo baxay masuuliyiinta maamulka Puntland oo uu hoostago degaanka Bali-busle. Degaano iyo degmooyin ka tirsan dalka waxaa laga soo wariyaa dhacdooyinka noocaan ah, xili ay badankooda salka ku hayaan Aanooyin Qabiil. The post Maleyshiyo hubeysan oo qof ku dishay G/Mudug appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Kal-fadhigii 25-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 06/12/2018, waxa lagaga dooday Maalgashiga iyo horumarinta dalku la wadaagi karo adduunka intiisa kale, iyadoo goluhuna warbiximo ka dhegeysteen, wasiirrada, arrimaha gudaha iyo horumarinta Maalgashiga. Goluhu waxay warbixin amniga la xidhiidha ka dhegaysteen wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, waxaanu wasiirku ku dheeraday adkaynta nabadgelyada dalka iyo qorsheyaasha ka hortaga falalka dhalinyarada caadaystay dhibaataynta ay habeenkii ka geystaan magaalooyinka qaarkood. Sidoo kale wasiirka wasaaradda Horumarinta Maalgashiga, ayaa warbixin ka siiyey golaha wasiirrada safarro shaqo oo uu ku soo maray dalka dibeddiisa, kuwaas oo la xidhiidha mashaariicda maalgashi ee dalku ku talaabsanayey mudooyinkii u danbeeyey iyo sidii shacab iyo xukuumad ba loogu diyaar garoobi lahaa mashaariicda maalgashi ee dalka kusoo wajahan, iyada oo indhaha caalamku kusoo jeedaan waddanka, danaynayaanna khayraadka dihin ee Jamhuuriyadda Somaliland. Ugu danbayn waxa uu madaxweynuhu golihiisa wasiirada ku adkeeyey in ay dardargeliyaan mashaariicdii horumarineed ee uu kasoo dhagax-dhigay gobolladii uu safarka ku soo maray, isla markaana ay dhammaystiraan dhammaanba mashaariicdii hore uga socday gobollada dalka. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Source
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Faafaahino kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal khasaaro gestay oo xalay ka dhacay tuulada Hareer-tuur oo qiyaastii 9 KM u jirta dagmada Beled-xaawo ee gobolka Gedo. Dagaalka oo u dhaxeeyay ciidamada maamulka Jubaland iyo xarakada Al-Shabaab ayaa lagu waramayaa in la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan. Ciidamo fara badan oo ka tirsan maamulka ayaa la sheegay in dagaalka ay qaadeen isla markaana ay ku sii jeedeen sida la sheegay deegaanka Cara-case oo ku xoogan tahay kooxda Shabaab. Waxyeelada uu sababay dgaalkaasi ma cadda, marka laga soo tago qoraal ay Al-Shabaab ku baahisay barteeda ay wararka ku faafiso. Sida ay illo wareedyo dadka degaanka ay ay usheegeen idaacadda Shabelle, ku dhawaad Shan Askari oo uu ku jiro sarkaal sare ayaa Jubbaland looga dilay iska hor-imaadka uu keenay dagaalka. Xarakada Al-Shabaab dhinaceeda waxay tilmaamtay in dagaalka ay ugu geystay dowlad goboleedkaan khasaaro culus, inkasta oo aanu jirin illaa iyo haatan masuul ka tirsan Jubbaland oo ka hadlay. Wararkii ugu dambeeyay ee aynu ka helayno meesha ay wax ka dhaceen waxay tibaaxaysaa in tuuladda xaaladeedu ay tahay mid degan. The post Khasaaro ka dhashay dagaal culus oo ka dhacay Gedo appeared first on Shabelle. View the full article
-
Adis Ababa (Caasimadda Online) – Shir lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Adis Ababa ee Caasimadda Itoobiya ayna ka qeybgaleen Taliyayaasha Waddamada ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya,Guddiga amniga iyo siyaasadda ee Midowga Afrika, Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Qaramada Midoobey, Midowga Yurub iyo Hay’daha daneeya Soomaaliya ayaa looga hadlay qorshaha AMISOM ay uga baxeyso Soomaaliya inta u dhaxeysa 2019 ilaa 2021ka. Shirkan waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka kala socday Waddamada kala ah; Burundi,Jabuuti, Ethiopia, Kenya, Nigeria, Sierra Leone, Uganda iyo Zambia. Waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Guddiga amniga iyo siyaasadda Midowga Afrika Smail Chergui, waxaa shirkan lagu ansixiyay Qorshe Howleed ay taliyayaasha qeybaha AMISOM ee Soomaaliya u dejiyeen habka ay AMISOM kaga baxeyso Soomaaliya, sida amaanka loogu wareejin karo dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo qodobo kale. Shirka markii uu furmay Madaxa howlgalka AMISOM ee Soomaaliya Francisco Madeira, ayaa ka qeybgalayaasha shirka u sharraxay xaaladda Soomaaliya ee hadda jirta. SHirka lagu qabtay Adis ababa ayaa lagu taageeray Dukumiinta lagu diyaariyay qorshe howleedka AMISOM kaas oo shirar looga hadlayay lagu qabtay Muqdisho iyo Nairobi. Qodobada ugu muhiimsan ee ka soo baxay ayaa ah in la taageeray Dukumiintigaas, sidoo kalena loo gudbinayo golaha amaanka ee Qaramada Midoobey si ay dood uga yeeshaan qorshe howleedka una mmeel mariyaan. Waxaa kale oo shirkaasi qodobada ka soo baxay ka mid ah in Dowladda Federaalka ah laga dalbaday in ay dhisato Ciidan tayo leh oo ku filan,kuwaas oo amaanka dalka kala wareegi kara howlgalka AMISOM marka la gaaro sanadka 2021ka. Caasimada Online Xafiiska Adis Ababa Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland waxay waxba kama jiraan ku tilmaamtay hadallo ka soo yeedha murashaxiinta doorashada madaxwayne ee maamulka Puntland kaasi oo ah; in ay soo celin doonnaan gobolada Sool iyo Sanaag haddii ay ku guuleystaan xilka. Saleebaan Cali Koore wasiirka biyaha Somaliland waxa uu sheegay in kuwii hore iyo kuwa hadda (murrashaxiinta xilka madaxwayne) ay hadaladaasi odhan jireen aanay se waxba ka suurto gelin, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Gudiga xiriirka howl-galada malateri ee ururka Midowga Afrika ayaa magaalada Addis Ababa ee xarunta Ethiopia kusoo gebagabeeyay shir looga hadlayey qorshaha ciidamada AMISOM uga baxayaan dalka 2021-da. Shirkaasi oo uu gudoominayey gudoomiyaha gudiga amaanka iyo nabad gelyada ee Midowga Afrika Ismaciil Chergue, ayaa diirada lagu saaray sidii ciidamada nabad-illaalinta ay waqti go’an ugu hayaan Soomaaliya. Wakiilka ururka Midowga Afrika uqaabilsan arrimaha Soomaaliya ahna madaxa howl galka AMISOM oo halkaasi hadal ka jeediyey ayaa xusay in meel wanaagsan ay mareyso qorshahaasi. Francisco Madeira, ayaa xusay inay dar-dargelin doonan taageerada ay siiyaan xoogaga dowlada Federaalkaa ah ee Soomaaliya, si ay ugu wareejiyaan mas’uuliyada amniga dalka. Kulanka ayaa waxaa sidoo kale ka soo qayb galay taliyayaasha ciidamada dalalka Afrika ee ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya oo kala ah; Burundi, Jabuuti, Ethiopia, Kenya, Nigeria, Sierra Leone, Zambia iyo Uganda. Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sannadkii hore 2017-kii wuxuu soo saaray qaraar ciidamada midowga Afrika ee AMISOM kaga baxayaan wadanka Soomaaliya marka la gaaro sannadka 2021-ka. The post Shir ku saabsan bixitaanka AMISOM oo lagu qabtay Itoobiya appeared first on Shabelle. View the full article
-
Guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka Puntland ee uu magacaabay madaxweyne Gaas ayaa maanta shaaciyay shuruudaha looga mid noqon karo Baarlamaanka iyo jadwalka la qabanayo araajida xubnaha u tartamaya Golaha wakiilada cusub. Shuruudaha oo sida guddigu sheegay laga tixraacay Dastuurka dowladda Puntland ayaa waxay kala yihiin. In uu yahay muwaadin Puntland ah, muslim ah, guta waajibaadka diiniga ah, xilkas ah, anshax wanaagsan, miyirkiisu dhanyahay, da’diisu aanay ka yareyn 30 sano. In aan xuquuqdiisa muwaadinimo xukun maxkamadeed lagaga laalin, 5-tii sano ee la soo dhaafay. In uu leeyahay aqoon dugsi sare ama waayo aragnimo u dhiganta. In uu keensado habraacii soo xulista xubinnimada xeerkiisa. In uu keensado shahaado dugsi sare iyo wax u dhigma. In uu keensado labo sawir iyo taariikh nolaleedkiisa. Guddiga ayaa dhinaca kale sheegay in qabashada araajida dadka doonaya xubinnimada Baarlamanka ay bilaabanayso 10 bishan December,kuna egtahay 15 isla bishan December. PUNTLAND POST The post Guddiga khilaafaadka ee uu magacaabay Madaxweyne Gaas oo soo saaray shuruudo iyo jadwal appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Maamulka Jubbaland ayaa wuxuu si wayn ugu diyaar-garoobayaan soo dhawaynta wafdi ka socday Aqalka Sare ee Baarlamanka Soomaaliya. Wafdiga oo saacadaha nagu soo food leh gaari doona Kismaayo ayaa waxaa hogaaminaya Afhayeenka Gollaha, Cabdi Xaashi Cabdullaahi. Amaanka magaalada ayaa si wayn loo adkeeyay waxaana ay ciidamo gaaf-wareegayaan gudaha iyo daafaha caasimad goboleedka Jubbada Hoose. Ujeedka socdaalka Wafdiga ayaa la sheegay in ay tahay sidii loo sii amba-qaadi lahaa xalinta khilaafka dowlada iyo maamulada xubnaha ka ah. The post Ciidamada Jubbaland oo adkeeyay amniga Kismaayo appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland Sareeyo Guuro Cabdillaahi Fadal Iiman ayaa xilkii ka qaadey taliyihii hawl-galinta ciidanka Booliska Cabdiqani Ciise Maygaag (Ganay ) , oo xilkan loo magacaabey Bilo ka hor Doorashadii Madaxtooyada Somaliland ee dhacday 13.11.2017. Cabdillaahi Fadal Iiman ayaa xilkan u magacaabey Mas’uul hore xilkan u hayey kaas oo ah Maxamuud Ducaale isla markaana ahaa masuulkii ka horeeyey taliyahan maanta xilka laga qaadey. Source
-
The security forces of Somalia’s Federal Government have conducted a massive operation in the southern strategic city of Baidoa head of the presidential election slated for December 19. The house-to-house sweep came following separate grenade attacks in the town amid rivalry between the candidates vying for the Southwest State presidency. The election was delayed three times. Several people were rounded up during the operation in connection with the latest bomb attacks in Baidoa, according to the local police, saying the city’s overall security is no improving accordingly. The officials in Baidoa say the upcoming election will fair and credible despite allegations of interference from the Federal Government of Somalia which is allegedly backing some candidates. Former Al-Shabab deputy leader, Mukhtar Robow is among the aspirants in the race for the top seat. The post Somali troops launch massive sweep in Baidoa ahead of election appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Khubaro Daraasaysa cilmiga Jiyoolajiga gaar ahaan khayraadka shidaalka ayaa waxa ay sheegeen in guud ahaan wixii hore la isugu odhan jiray Soomaaliya (Somaliland iyo Somalia) uu ku jiro shidaal badan oo noocyadiisa kala duwan ahi sida Batroolka iyo Gaasta dabiiciga ahba iyaga oo sheegay in shirkado badani wakhtigan xiisaynayaan in ay shidaal ka soo saaraan Somaliland iyo Soomaaliyaba iyaga daboolka ka qaaday xogo la helay oo muujinaya goobaha illaa hadda lagu wado in shidaal badani ku jiro. Khubaradani waxa ya sheegeen in calaamado badan oo la helay ay muujinayaan in shidaal badani ku jiro dhinaca Soomaaliya marka lagu horreeyo badda Soomaaliya ee Indian Ocean. Astaamahaasi oo ay ka mid yihiin badda salkeeda oo uu ka soo siimoobo (seepage), uuna ka soo burqado isagoo dareere ah ama hawo ah ah. Dayax-gacmeedyada baadha dhulka ayaa waxay ku arkeen badda Soomaaliya meelaha qaar inuu siimowgaasi ka jiro. Taasi waxay ka mid tahay daliilaha tusinaya baadhayaasha in badda salkeeda dhulka ahuu khayraad dabiici ah oo badani yaallo. Dhinaca Somaliland baadhitaanadii sannadihii ugu dambeeyey laga sameeyey oo ay shirkado badani ka wadeen ayaa lagu ogaaday in oogada dhulka laga dheehan karo goobo badan oo gaas dabiici ahi ku jiro sida Gobolada Togdheer iyo Oodweyne. Halka dhinaca xeebta Gobollada Saaxil, Maroodi-jeex Awdal iyo Salal-ba ay ka jiraan shidaal noocyo kala duwan ahi. Baadhistii dhinaca dalka Soomaaliya laga sameeyay 2014-2015 ee Soma Oil and Gas iyo tii ka dambaysay ee Spectrum Geo sammaysay (2015-2016) ayaa caddayn buuxda u noqday (Potential) botenshiyaalka (mugga loo maleeyo inuu ku jiro) shidaalka. Waxaa la arkay 3 aag (basin ama shidaal-fadhiisin) oo leh qaababkii iyo dhagaxdii shidaalka dhali lahaa, jidad kii uu ku siimoobi lahaa (migration pathways), dhagaxii kaydin lahaa iyo daboolladii isku dahaari lahaa si u fakanin. Saddexda aag waa Badda Galmudug, Badda Baraawe illaa Warsheikh iyo aagga Webi Jubba meeshuu badda kaga-darsamo. Taas waxaa loo tarjumi karaa biyaha ku beegan maamul-goboleedyada Jubbaland, Koonfur Galbeed, Banaadir, Hirshabelle iyo Galmudug. Baadhista (Geo-physical) jiyo-fisikadeed intaas ayaa laga sammeeyay. Hore botenshiyaalka shidaalka ee badda Soomaaliya waxaa sheegay Hay’adda Mareekanka ee Sahanka Joolojiyeed (United States Geological Survey – USGS) markay qiyaaseen inta ku jirto shidaalka badda Bariga Afrika (min Mozambique , Tanzania, Kenya iyo Soomaaliya) inay ka badan tahay 28 bilyan oo fuusto shidaal dareere ah. Shirkadaha badda Soomaaliya sahmiyay sida ENI (1977 – Garacad-Mare-1), ExxonMobil (1982/83), Shell 1989/90), Total (2001), iyo Soma Oil and Gas (2014/15) dhammaan waxaa u soo if-baxay in shidaal ku jiro badda hoos teeda. Arag tidaas waxay ku salaysan tahay baaristii ballaarnayd oo ay sameeyeen. Shirkadaha Somaliland iyo Soomaaliya heshiisyada la galay ama raba inay la galaan way badan yihiin. Shell-ExxonMobil ayaa ugu horraysay oo iyadu waxay la galeen Soomaaliya heshiis waagii Dowladdii Siyaad ee Diktatooriyadda ee Maxamed Siyaad Barre, November 1988 kaasi oo laga baadhay dhinaca Somaliland. Shirkadaha heshiisyo la galay Maamulka Muqdisho ee sheegta dowladda federaalka ah marka laga tago waxaa jira shirkado kale oo heshiisyo gaar ah oo madax bannaan la galay dowladda Somaliland iyada oo Somaliland dalkaasi Soomaaliya gaar isaga taagay sannadkii 1991 oo uu xirriyadiisa dib ugala soo laabtay. Si haddaba shirkadahan aad loogu dadaalo wax qabadooda, Soomaliland waxay u baahan tahay Sharicyo iyo Xeer-hoosaadyo is-waafaqsan, Qaab-heshiiseedka Wadaagga Soo-saarka oo isagana markiisa la jaan-qaadaya Sharciga Batroolka, Sharciga Cashuuraadka (oo aan weli jirin) iyo Sharciga Bii’ada ama deegaanka gaar ahaan ka khayraadka dabiiciga ah oo u baahan in la qoro. Dhawaan waxa kale oo soo baxay xogo sheegaya in shirkaddii ugu waynayd shirkadaha Somaliland baadhitaanka ama sahaminta shidaal kula galay oo ah GENEL ENEGRY in ay doonayso in ay si rasmi ah ugu dhawaaqdo wixii ka soo baxay baadhitaankeedii sahaminta ahaa kadibna ay ku dhawaaqdo wakhtiga rasmiga ah ee ay shidaalka qodayso oo la sheegay in ay ku beegan tahay dabayaaqada 2019 ama horraanta sanadka 2020. waxaana laga dhur-sugayaa sida xaaladdaasi ku dambayso dadkuna aad u danaynayo. Source
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Warka Duhur. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Duhur-06122018.mp3 The post Dhageyso: Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Baardheere (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Gedo ayaa ka hadlay xiisad ka jirta degmada Baardheere ee gobolka Gedo, iyadoo maamulka degmadaasi is qabqabsi uu ka dhaxeeyo. Cismaan Nuur oo ah guddoomiye ku xigeenka Gedo ayaa sheegay in maamulka Jubbaland mas’uul ka yahay waxa ka socda degmadaasi. Wuxuu sheegay guddoomiye ku xigeenkan in wasaaradda arrimaha gudaha Jubbaland usoo magacawday guddoomiye Labo shaqsi, taasina ay keentay isku dhac inuu yimaado. Cismaan ayaa ka dalbaday ciidanka xoogga dalka ee ku sugan Baardheere in aanay wax shaqo ah u ogolaan mas’uuliyiintan si looga fogaado dagaal sokeeye. Baardheere weli waxaa ka jirta xiisad, iyadoo aan si rasmi ah loo qaadin Bandowgii shalay lagu soo rogey degmadaasi. Dhowr toddobaad ka hor, madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa horey loogu diiday inuu booqasho ku tago dhowr magaalo oo ka mid ah gobolka Gedo. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Afhayeenka Guddida Diwaangelinta Ururadda iyo Anxisixinta Xisbiyada Qaranka Xasan Axmed Ducaale(Xasan Macalin), ayaa ka hadlay mooshinka ay walaaca ka muujiyeen Xisbiyada Mucaaradku ee loo gudbiyay golaha guurtida. Afhayeenka Guddida Diwaangelinta Ururadda iyo Anxisixinta Xisbiyada Qaranka Xasan Axmed Ducaale(Xasan Macalin), oo Wargeyska Geeska Afrika wax ka weydiiyey mooshinkan,ayaa ugu horeyn yidhi “Guurtiduna way soo jeedin kartaa, Wakiiladuna way soo jeedin karaan, in Xeerkan wax laga bedelo, labada Golebana xaq bay u leeyihiin, 12 xubnood oo Guurtidiya, 12 xubnood oo Wakiilada ah iyo in ka badan baa soo jeedin kara, dadweynaha ilaa toban kun oo qof oo cod bixiyayaal ah baa soo jeedin kara, wax kale oo dhibaato ah ma leh, Xeer wax laga bedelayo ayuun buu la mid yahay”. Mar aanu wax ka weydiinay inay Xukuumaddu awood u leedahay inay Xeerkan Ururadda Siyaasada mooshin ka dhan ah Golayaasha u soo gudbiso ayaa ku jawaabay“In Xeer walba wax laga bedelo, waa caadi Xukuumadduna wey soo jeedin kartaa, weyna keeni kartaa Xeerar, oo iyada ayaaba curisa, xaqna u leh, Golayaashuna waxay xaq u leeyihiin inay mooshin keenaan, oo ay mooshinkaas ku keenaan ilaa 11 xubnood iyo in ka badanba, dadweynuhuna xaq buu u leeyahay inay soo jeediyeen”. Mar aanu wax ka weydiinay walaaca ay Xisbiyada Mucaaradka ka muujiyeen Xeerkan ayaa ku jawaabay“Way kala duwan yihiin waxaasi Sharci maaha, oo way khaldan yihiin iyo ma haboona, Xeerkan Ururada Siyaasaduna, Xeerarka kale ee dalka ayuu la mid yahay, Dastuurkuna waa gaar oo qaab baa loo soo jeediya, si wax looga bedelo, Xeerarkana qaab baa loo soo jeediya, si wax looga bedelo ayuu leeyahay, qaabkaasina waa qaab waafaqsan sharciga, laakiin qaabkaasi ma haboon tahay mise ma haboona waa sheeko kale, oo doodeeda ayey leedahay, laakiin xilligan aynu ka jirno ma haboon tahay in Xeerkan la soo jeediyo, waa dood kale, waxaa laga yaaba inay dadku ku kala aragti duwanaadan, laakiin waa Xeer, Sharciyana Xeerka waxbaa laga bedeli kara”. Source
-
Aqoonyahanada Beesha Amaanle ee gobolka Bari ayaa soo saaray Bayaan wada jir ah oo ay uga hadlayaan xubinta Baarlamaanka umatalaysa 2019 . Bayaalnka ayaa waxaa [...] Source
-
Shirweynaha dhaqdhaqaaqa haweenka Somaliland ayaa arbacadii waxaa uu ka furmay magaalada Hargeisa, shirkan ayey haweenka ku soo bandhigeen doonistooda la xiriirta xuquuq badan oo ay tabanayaan oo ay ugu horeyso ka qeyb galka siyaasadda. In kasta oo qaban-qaabiyeyaasha sheegeen in shirka ku koobnaa bulshada rayidka ah, hadana waxaa ka soo qeyb galay, kana hadlay mas’uuliyiin ay ku jiraan madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, wasiirka arrimaha shaqo-gelinta iyo qoyska Hinda Jaamac Gaandi iyo wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed iyaga oo balan-qaaday in arrimaha meesha laga sheegay wax laga qaban-doono, waxaa kaloo joogay dad matalyey qeybaha kala duwan ee bulshada iyo beesha caalamka. Luul Xasan Mataan oo ka tirsan guddiga qaban-qaabada ayaa Goobjoog News uga warantay ujeedka shirka, iyada oo arrinkaas ka hadleysa waxaa ay tiri “Shirka waxaa uu ahaa dhaqdhaqaaqa haweenka Somaliland, sababtuna waa markii aan ogaaney in dumarka Somaliland ay ka maqan yihiin siyaasadda iyo fulinta, horay waxaa uu madaxweyne Muuse Biixi u balanqaaday inuu haweenka siin-doono 30%, dhamaan axsaabta dalka ayaa balantaas qaaddey, tii wey dhici weydo oo wasiirrada waxaa ay haweenku leeyihiin 2 wasiir iyo wasiir ku xigeen, hal agaamise guud oo maalgeshiga iyo warashada iyo hal xildhibaan… goleyaasha waxaa ay uun gabdho ka soo baxeen Owdal, Laas-caanood iyo Ceeri-gaabo oo magaalooyinka waaweyn waa naloo diiday…markii aan waxaas aragney, ayaa keenay in dhaq-dhaqaaqan aan sameyno, waana sidii aan ula hadli laheyd ciddii ay talada ka go’eysay, waxaana shirka kasoo qeyb galay madaxweynaha iyo cid walbo oo khuseysay”. Faa’isa Ow Cali Yusuf oo iyadaha shirka qeyb ka aheyd ayaa Goobjoog News u sheegtay hankooda “waa in dumarka siyaasadda qeyb ka noqdaan, haddii ay tahay baarlamaanka, wasiirrada, agaasimayaasha iyo dowladaha hoose, maadaama ay yihiin laf-dhabar waa iney helaan matalaad, waayo waxaa jirto meelo go’aan lagu gaaryo aan lagu sheegin baahidooda, dumarku waa iney helaan dumar kale oo matala, waana taas halka aan u soconno” ayey tiri Faa’iza. Inkasta oo Somaliland ay doorashooyin ka dhici jireen 60-kii sano ee la soo dhaafay, dadkeeduna aqoon iyo ilbax yihiin hadana haweenka waa kuwoo dulman, xaqiiqooyinka jira waxaa ka mid ah: tan 1991-kii ma jirin gabadh murashax ahaan isu soo taagtay jadaga madaxweynaha iyo ku-xigeenka, ma dhicin inay haweeney noqoto Barasaab ama ay gasho golaha guurtida oo ka mid ah goleyaasha baarlamaanka kana kooban 82 xubin, xataa golaha wakiilada oo isna ka kooban 82 waxaa ay ku leeyhiin hal xildhibaan, waxaan intaas dheer weli madax loogama dhigin ama guddoomiye kama noqon mid ka mid ah kominshinnnada baarlamaanka ama kuwa kale, iskaba daa iney noqdaan xeer ilaalyaha guud ama guddoomiye maxkamade! Sawirrada Shirweynaha Dhaqdhaqaaqa Haweenka Somaliland: Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Ujeedka la shaaciyey in uu magaalada Muqdisho u imaan doono siyaasi Cabdirixmaan Cabdishukuur ayaa waxaa si kulul ugu soo horjeestay qaar ka mid ah nabadoonada iyo waxgaradka Gobolka Banaadir. Siyaasiga ayaa sheegay in uu Muqdisho u imaan doono si uu u xuso sanad guurada ka soo wareegtay markii gurigiisa ay ku weerareen ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka ah dhamaadkii sanadkii tagay 2017-kii. Odeyaal dhaqameed goob joog u ahaa xallinta shaqaaqadii dhexmartay Xukuumadda iyo Guddoomiyaha Xisbiga Daljir Cabdirixmaan Cabdushukuur ayaa Caasimadda Online uga warbixiyey heshiiskii lagu dhammeeyey arrinkaas. Cadeeymo aan helnay ayaa muujinaya in Xukuumadda Soomaaliya ay bixisay lacag magdhow ah oo ku saabsan 5-tii dhalinyrada ahayd ee lagu dilay guriga siyaasiga. Sidoo kale, labada dhinac ayaa kala saxiixday qodobo ay ka mid ahayd in dowladdu ay xirto kiiska Maxkamadeed ee laga keenay siyaasi Cabdirixmaan Cabdishukuur, halka isagana laga saxiixay waraaq damaanad qaad ah. Inkastoo aanan faahfaahin dhammeystiran ka helin damaanad qaadka uu saxiixay Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir iyo shuruudaha uu u saxiixay Dowlada Federaalka ah haddan nabadoonada aan la xiriirna ayaa noo xaqiijiyey in qorshaha siyaasi Cabdirixmaan Cabdishukuur uu khilaafsan yahay heshiiskii damaanadeed ee uu kaga baxay magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska-Garoowe Caasimada@live.com
-
Nairobi (Caasimada Online)-Afduubkii dhawaan Al Shabaab ay u geysteen haweeney u dhalatay dalka Talyaaniga ayaa saameyn weyn sanadkaan ku reebaya dalxiiska gobolka Xeebta ay dadka ajaaniibta ku tagi jireen. Hoteelo iyo goobo dalxiis oo ku yaala gobolka Xeebta ayaa waayay rukumasho dadka ay sameyn jireen xiliyadan oo kale marka la gaaro bisha December, iyagoo ka faa’ideysanaya fasaxooda ciidda. Ajaaniib badan oo iska diiwaan geliyay goobo dalxiis iyo hoteelo ayaa dib kaga laabtay rukumashadii ay sameeyeen, sabab la xiriirta cabsi amaan oo ay dareemeen kadib afduubkii haweeneyda u dhalatay dalka Talyaaniga. Dhaqaalo badan ayaa Kenya ay ka heli jiray dalxiiska marka la gaaro xiligan oo kale sanad walbaa, laakiin maamulada deegaanka Lamu iyo Kalifi ayaa sheegaya in hoos u dhac dhaqaalo badan ay dareemayaan. Al Shabaab ayaa looga shakisan yahay inay haweeneyda u dhalatay dalka Talyaaniga ay ku heystaan deegaanka Boni ee dalka Kenya, waxaana socda dadaalo la doonayo in haweeneyda lagu soo daayo. Dowladda Kenya ayaa Saddex Nin oo Soomaali ah ku eedeysay Gabadha Talyaaniga u dhalatay taas oo ay dowladda Talyaaniga sheegtay in ay bad qabto islamarkaana kooxda afduubka ku heysta Gabadha iyo dowladda Talyaaniga uu wadahadal u socdo. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
Baardheere ( Sh. M. Network):-Weli waxaa Cirka isku sii shareeraya Khilaafka dhinaca maamulka ah ee ka aloosan degmada Baardheere Gobolka Gedo. Ku simaha Guddoomiyaha maamulka degmada Baardheere Aadan Siraad Maxamuud ahna Guddoomiye ku xigeenka dhinaca Amniga iyo Siyaasadda ee maamulkaas oo u warramayay Idaacadda Shabelle ayaa ku eedeeyay maamulka Jubbaland in iyagu masuul ka yihiin Khilaafka hareeyay degmadaasi. Waxa uu xusay Mudane Adan Sirad in Madaxda sare ee maamulka Jubbaland ay 2 Digreeto soo kala siiyeen Masuuliyiin maamulkaasi Baardheere ka wada tirsan taas oo u muuqata iska horkeen. Ugu dambeyn Mudane Adan Sirad Maxamud ayaa ugu baaqay dhinacyada isku haya dhinaca maamulka ee degmada Baardheere in miiska wada hadalka ku dhameeyaan murankooda islamarkaana aan loo baahneen gacan ka hadal oo dhibaato ku keenaya shacabka degmadaasi. The post Khilaafka dhinaca maamulka degmada Baardheere oo weli Cirka Isku sii shareeraya. appeared first on Shabelle. View the full article