-
Content Count
211,244 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Xildhibaanaza Koonfur Galbeed oo maanta isugu yimid iney ansixiyaan Gudiga Doorashada Ayaa dagaal gacan ka hadal ah uu dhexmaray. Xildhibaanada qaarkood ayaa ku doodaya in Faragalin xoogan ay ku hayso Dowlada Federaalku oo iyadu xitaa saameyn ku leedahay Xulista Gudiga Doorashada. Wasiir ka tirsan Federaalka ayaa dhex fadhiyey Xildhibaanada xiliga uu buuqu bilowday. Waxaa maanta qorshuhu ahaa in la meel mariyo Gudiga cusub ee Doorashada si loo gudo galo howlihii doorashada laakiin taasi wali ma aysan dhicin oo wali buuq ayaa ka dhex taagan Baarlamaanka. Puntlandi.com Baydhabo Source
-
Waabaa saddex arday Isku fasal ahaayeen, oo isku dugsina dhigan jireen. Maalintii dambe ayaa mid ka mid ah isaga oo iskuulkii usoo socda ayaa waxaa ka lumay shillinkii uu nusu saaca ah u watay, mid ka mid ah saaxibadii ayaa soo gaadhay oo weydiiyey wuxuu raadinayo? Wuxuu u sheegay in shilling ka lumay oo uu shillinkaas raadinayo. Ninkii ardayga ahaa saaxiibkiisii kale kama tegine shillinkii ayuu la baadi goobay, aad bay labadii arday shillinkii u baadi goobeen, hasa yeeshee waa waayeen. Markii ay quus ka istaageen ayey iska tageen, oo dugsigii iska aadeen. Maanta oo dhan markii ay shillinka raadinayeen waa arkayeen mid ardaydooda ka mid ah, oo sida sanamka wadada dhexdiisa taagan oo aan juuq jaaq toona lahayn. Hasa yeeshee kuma aysan darsan oo marba dhinac ayey ka dhaafeen. Markii ay dugsigii aadeen, ayaa kii meesha taaganaa isna ka daba tagay oo dugsigii aaday. Markii ay dugsigii tageen ayuu macalinkii yidhi war xaggee ku Habsaanteen oo aad xiisada kaga soo daahdeen, ayuu mid kasta gaarkiisa u weydiiyey. Kii shillinku ka lumay ayaa hadalkii bilaabay oo yidhi; “Macalin shilinkii aan u soo qaatay nusa saacaha ayaa iga lumay, kaas ayaan raadintiisa ku habsaamay”, Kii labaad ayaa isna hadalkii qaatay oo yidhi “Ana macalin waxaan ku habsaamay ninkan saaxiibkay ee shillinku ka lumay ayaan shillinka la baadi goobayey oo aan la raadinayey”, Kii saddexaad ayaa la weydiiyey war adna xaggaa ku habsaantay? Wxuu ku jawaabay “macalin waxaan ku habsaamay aniguna, ninkan saaxiibkay Shillinkii ka lumay ayaan ku taagnaa oo aan ka qarinayey”. Haatan arrinta icitraafka Soomaaliland Isaaq wuu ka lumay oo wuu raadinayaa, Geda-buursina waa la baadi-goobayaa saaxiibkii, Hartina waa ku taagan yahay oo wuu qarinayaa. W/Q: Maxamed Cabdicasiis Cali Jiidaal “Maan-Quudiye” (KAFTAN BILAA TURXAAN AH) jidaal2016@gmail.com Source
-
salaan kadib waxaan halkan idin ku soo gudbinayaa maqaalkii labaad ee aan ka qoro nolosheena iyo samaynta xanuunada aynu gacmaheena ku abuurano. waxaa igu kaliifay inaan qoro maqaalkan cabashada aynu ka cabayno xanuuno badan sida;(gaastari,dhiikar,macaan,sanboor,hargab,faalig,iwm) xanuunadan ayaan aaminsanahay inaan gacmaheena ku abuurano sababtoo ah markaad aragto meelaha aan ku cuntayno(restraunts ) ama cunatada aynu cunno intaba waxaa ka muuqata tayo la’aan,nadaafad darro. hadaba waxaan tilmaami doonaa oo aan fasiridonaa qodobo badan oo aan ka qaadi karno xanuunada gacmaheena aan ku abuuranay (allah haynaga badbaadiyo ); 1: Isnadiifin la’aan jirta:inbadan waxaaad aragteen dadkeena oo la daalaadhacaya xanuuno badan oo halis ah iyo kuwa kale oo ayla noolyihiin waxaad sidoo kale aad ku aragteen indhihiina meherada aynu ka cuntayno in ay tahay meelo aan aad loo nadiifin, waxaan ogsoonahay inay dadkeenu iska indhatiraan waxa saxda ah ee udaran nafteena ,nadaafadeena,caafimaadkeena iyo iwm. nadaafaduna waa qayb kamid ah iimaanka; nabigeenu (scw) inbadan ayuu inooga waramay nafteena iyo wanaageeda sidoo kale waxa uu inoo tilmaaamay nadaafada,jidhkeena cuntadeena guryaheena iyo meesha marba aynu ku suganahay. hadaba waxaa halkaa ka caadaanaysa inlaga qaadikaro xanuuno badan kuwaas oo u muuqda inaan gacmaheena ku abuuranay . 2:Mudalab iyo Kariye;(waiter and cooker) waa meel kalo oo astaaan cad u ah in laga qaadikaro xanuuno badan waaayo?! Agabka iyo labiskooduba waxaaad ka dheehan kartaa uskag ka muuqda dharkiisa jirkiisa,iyo qaabka shaqadiisa oo aan nadiif kusalaysnayn. hadaba akhristow ma ila aragtay dhacdan (Haa/Maya) qofka bani aadamka ah waxaa waajib ku ah in uu isnadiifiyo iskana nadifiyo dhammaan wasakh kasta oo saamayn ku yeelan karta nolosheena. sharcigeenuna waa sharci dhamays tiran oo Allah inooga waramay waxkasta oo nafteena badbaado iyo khasaaraba u ah sidoo kale nabigeenu(scw)waa inooga waramay diinteeena iyo wanaagyada nadaafadu leedahay. 3:Hudheelada hortooda iyo guryaha hortooda: Hudheelku waa meesha laga cunteynaayo waxaana waajib ah inuu cuntada iyo alaabta lagu cuntaynaayo iska nadiifiyo iyo dhamman degaanka uu kufadhiyo huteelku hadba waxaad aragteen in laga dheehan karo wasakh badan oo kamuuqata meesha uu hudheelku degenyahay oo haday ahaato meesha lugu faraxasho, kuraasida, meelaha la istaagayo,iyo jikada wax lugu karinaayo.(waxaana laga qaadikaraa xanuuno aynu gacmaheena ku abuuranay). Guryaheena waxaan aragna inaynu ku horqubno uskagyada iyo wasakh kasta oo aan kasoo qufno hadhowna waxaa ay kaqaadi karnaa xanuuno aan ku abuuranay gacmaheena. haweenkeena,caruurteena,dadka dariiqa maraaya intaba saamayn ayuu ku yeelan karaa oo waxaa sifud looga qaadikaraa xanuuno ay kamid yihiina (hargab,sanboor iwm , allah haynaga badbaadiyo ) 4:Biraha isgaadhsiinta shirkadaha (Towers) Waxaa jirta halis weyn oo baaxadeeda leh oo aan bulshadu ka warqabin Lana odhan karo waa dilaaga qarsoon .Waxaa jira cuduro aan daawo lahayn oo bulshadeenu maalin kasta U dhimanayso. dawlad iyo shicibtoona cidi ka hadlayn, waana biraha dhaadheer ee isgaadhsiinta oo xaafad walba laga dhex taagay, shirkaduhuna ma daneeyaan wixii bulshada dhibaataynaaya waxa kaliya ee ay eegaan waa lacagta yar oo kasoogalaysa. Cudurka ay aadka U sababeen biraha isgaadhsiintu waxaa ka mida ilmaha oo dhinta isagoongaadhin xiligii dhalmada ama noqda ( DHICIS), waana mid aad iyo aad ugu badan bulshadeena, qoyskasta ood waraysato waxay kuu sheegayaan inuu jiro qof ilmihii ka dhintay intuuna gaadhin xiligii dhalmada.Aduunka waxa mamnuuc ah in biraha isgaadhsiintu laga taago meel bulshadu dagantahay ama udhawdahay, waxa laga fogeeyaa in ku dhawaad ‘1KM’ iyadoo lagu lifaaqo bir layidhaahdo (LED) tasoo yaraysa dhibaatada fidida (radio active) ka. Bal u fiirsoo shirkada isgaadhsiintu waa kuwa ugu badan ee ka faa’iida bulshada xaga lacagta.Waxa bulshada kasoo gala lacag gaadhaysa malaayiin dolar bishii, kamanay fikirin Inay bulshadooda danyarta ah ee bilaa cilmiga ah ka qabtaan ama ka badbaadiyaan dhibaa tadooda balaaran. ALLAH mooyee cid ka badbaadisa bulshada danyarta ah dhibaatadan MA jirto. Maqaal kani ma soo koobikaro dhamman xanuunada aan gacmaheena ku abuuranay lakiinse waxa uu tuse iyo dhiirigaliye u yahay aqoonyahanka fadhiidka noqday ee gabay shaqadoodii (dhakhaatiirteena ah) waxaa loo baah naa bahda dhakhaatiirta in ay ka soo saaraan cilbaadhis balaaran oo faaido u leh diinta dadka iyo dalkaba. Waa billaahi towfiiq Halhaystaydu waa: Ka tallaabso seeraha, dhanka libinta soo aad QORE:Mohamed basher Hassan(AYMAN) Tell:063-6483645/065-9345261 Email:mo#bashiir23@gmail.com Source
-
Sheekaba sheeko ayay keentaaye, Waxaa bari deganaa goob barwaaqo iyo nabad maasheysay koox jiir ah, waxa mar danbe ku soo biiray koox kale oo nabada goobtu soo jiidatay. Way ku tarmeen nabad iyo caano ku maaleen, hase yeeshee waxa xaalkii is badalay markii bisadi soo ag degtay, ee ay midho midhaysatay, dhawr bay ku quraacatay dhawr kale oo jiirka ka mid ahna way ku qadaysay, intii kalana way ku cashaysay. Mid kasta oo ka mida jiirka deegaanku wuu dareemay halista la soo daristay, Odayaashii, haweenkii iyo dhalinyaradii baa iclaamiyey shir ballaadhan oo lagaga tashanayo arrintan ku soo korodhay. Markii lagaadhay maalintii loo ballan sanaa shirka waxa gudoomiyay odaygii ugu da,da waynaa jiirka, wuxuu yidhi “waad ogtihiin oo ma lihin awood aynu iskaga celino bisada waxaase loo baahan yahay in la fikiro, maskaxda la tuujiyo oo lala yimaado xeelad inaga bed baadisa baladan laynoo soo diray, shirkiina wuu furan yahay”. Waxaa markiiba farta taagey mid ka mid ah aqoon yahankii oo hadalkii la wareegay. Waxaanu yidhi guddoomiye, “Bisadu intay soo dhabacato bay mar qudha daf ina soo tidhaahdaa inagoo baraad la, bay mid inaga mida latagtaa, haddii aynu si uun ku garan lahayn markay soosocoto waynu ka carari lahayn oo godkeena baynu isku shubi lahayn”. Midka mid ah dhallin yaradii baa hadalkii la wareegay wuxuu yidhi aniga oo tixraacaya hadalka saaxiibkay waxaan soo jeedinayaa gudoomiye in bisada aan goorta u gelino koor, sidaas baan ku ogaanaynaa markay xageena u soo dhaqaaqdo oo aan ka tabaabushaysan karnaa, mar qudha baa sacab, mashxarad iyo sawaxanku is qabsaday, sax sax allelehe waad heshay loo noqon maayo bay ku dhawaaqeen iyaga oo jibbaysan. Iyada oo sidii la tuban farxad iyo riyaaq oo gudoomiyihii ku dhawaaqay in u shirku xidhan yahay baa waxa albaabka ka soo galey jiir shirka ka habsaamay oo hurdo latagtey hadda uun socda, markaas buu waydiiyey waar maxa dhacay mee shirkii?. Markii loo waramay wuxuu ku yidhi waar fikirku ma xumee yaa fulinaaya, yaa bisada koorta qoorta u galinaaya?!!. Hadaba shirkan jiirku wuxu I xasuusiyay balan-qaadyo tiro badan oo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Iyo xisbigiisa KULMIYE ay u sameeyeen shacab waynaha ku dhaqan jamhuuriyada Somaliland wakhtigii lagu jiray olalaha doorashada madaxtinimo, muuse biixi mar walba oo uu fagaarayaasha ka hadlayo wuxu inoo sheegayaa waxa loo baahan yahay in dalkeena laga qabto dhinac kaste oo ay ahaataba, hada odaygu waxqabad isaga looga fadhiyay oo loo baahnaa inuu qabto ayuu shacabka ku canaananayaa maxaa loo odhan jiray muuse go’aan qaadasho ayuu leeyahay. Arinta lala amakaagsan yahay ayaa ah markii dhawaan madaxweynuhu sameeyay isku shaan-dheyn hadal badan dhalisay oo uu wasiirkii maaliyada u dhiibay inaaderkii Sacad Cali shire oo aan ogayn siduu ugu fashilmay siyaasadii arrimaha dibada halka uu Odaygii Faratoona u dhiibay wasaaradii arrimaha dibada, somaalidu qofka ay maqasha kala quusato ayay geela u dirtaa? Gobolkii balaadhnaa ee sanaag jabhado ayaa ka dilaacay, badhan puntland ayaa fara-baas ku haysa, farmaajo ayaa siyaasadii arrimaha dibada weerar aan gabasho lahayn inagag haya, sicir-bararkii ayaa xadhkaha goostaay, xilalkii ugu mihiimsanaa waxaa haysta beesha madaxweynaha, shaqo la’aan, wax-qabad la’aan, wasiiradii ayaa laba laba isku haysta oo maalin walba aan warbaahinta ka aragnaa laba masuul oo madaxa iskula jira oo is haysta IWM, alle ha sahlee Xaaladuhu waa wax soo yucan !!! Gunaanadkii madaxweynahuhu balankii uu inagaga baxay wax badan oo uu inoo balan-qaadayna waxba kama socon, waxan kula talin lahaa laba mid uun, inuu madaxweynuhu imika sidan wax ka badalo iyo inuu sida ugu degdega badan isu casilo, hadii odaygu uu xaladahan indhaha ka daawado waxa dhici kacdoon dadweyne isagana ceeb iyo fool-xumo ayaa ka raaci. Waxaa Qoray: Axmed-kaafi Saleebaan Carab Axmedsalo123@gmail.com Burco/somaliland Source
-
(SLT-Hargaysa)Boqor Raabi Yuusuf Cabdillaahi oo ka mid ah Madax-dhaqameedka waaweyn ee Somaliland gaar ahaan kuwa Gobolka Maroodi-jeex ayaa si culus oo adag uga hadlay xaaladda dalku maanta marayo isaga oo dhaliilo culus u soo jeediyey Madaxweyne Muuse Biixi iyo xukuumaddiisa kana hadlay arrimo badan oo uu Boqorku baaq ka diray. Boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi oo Caasimadda Hargeysa ugu warramay Telefishanka SAAB TV waxa uu yidhi: “Umadda Somaliland waxaanu sheegayaa in maanta sida wax loo wadaa aanay si munaasab ah aanay ahayn. Wixii dhacay waad og tihiin. Waxa taagan waad aragtaan iyo sida wax u socdaan. Waxaad ogtihiin in aanu dalkii gacanta innoogu jirin ee tababarro ka socdaan oo cido kale wax waddo. Kutladdii meesha qabsatay in ay xaafadland ka dhigeen waddankii. Waxaan leenahay Xaafad-land haloo sheego dadka. Dadka intiisa kale waxaanu ku baraarujinaynaa in ay tashadaan oo ay dalkooda u taliyaan. In ay sida imika wax yihiin ay ka baddalaan wax oo aanay macquul ahayn Madaxtooyada ayaan raranayaa. Maaliyadda waxaan keensanayaa inaadeerkay. Maxkamadda waxaan keensanayaa inaadeerkay. Ciidankana waxaan u dhiibanayaa inaadeerkay. Ku socon maayo dalku wax walba waxaan u dhiibanayaa inaadeerkay. Meel walba ilmaadeeraday baan u dhiibanayaa, xaafadda ilmaadeeraday baa leh magaalada ilmaadeeraday baan leh madaxtooyadana waxaan u raranayaa xaafadayadii adeer waxaasi socon mayso. Dadka iyo umadda reer Somaliland waxaan u sheegaynaa in aanay waxaasi ahayn wax soconaya marnaba. Hargeysa waxa ay leedahay Madaxtooyo. Waxa ay leedahay Gurigii State House ka la odhan jiray iyo Hargeysaba cidda baloodhaysatay waanu naqaanaa oo dibbaanu ka soo sheegi doonaa sida ay uga kala qaataan kirada iyo cidda la dejiyey. cid kasta oo hantida umadda maydhaantay waxaanu u sheegaynaa intii Siilaanyo hayay iyo inta imikaba in laga daba tagi doono oo ay dhamaantood xaaraan tahay waxa lagu bixiyay. Umadda waxaasi uma cuntamayaan oo ma soconayaan. Berbera in labada xaafadood qaybsadaan waxaanu ka yeelayno maaha. Dalkeenii maanta sida uu u socdaa si la aqbali karo ma aha. Umaddana waxaanu u sheegaynaa in ay ku baraarugaan in dalkoodii ay hoos u eegaan maanta. Nabad-galyadooda ilaashadaan. Wada jirkooda ilaashadaan oo nooca wax loo wado aanay aqbalin. Inta uu halka isa soo taago in uu yidhaa inaadeerkay baa wax walba ii fulinaya. Inanka yar ee sida gofahana u naaxay ee halka isa soo taagay ee lahaa haddii aanu wadada madaarka samayno gurigooda ayaa qaaliyoobi doona oo 30-kun noqon doona imika tobanka kun ah. Waxaasi ma wax la qaataa. Dadka reer Somaliland ee danaynaya ee aan waxaa shuraako la ahayn in ay tashadaan oo ay aqbalaan xisbiyadu waxa ay soo jeediyeen”. Boqor Raabi Yuusuf Cabdillaahi oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi: “Xaafaddan Maxamed Mooge dadkii u kacay ee cashuurtoodii la cunay oo cashuurtoodii guryaha lagu dhisanayo ee yidhi waxaanu samaysanaynaa maamul oo jeelasha ku jira oo durba lagu ilaaway. Waxaanu leenahay bilaa shuruud halagu soo daayo. Dadka kale ee toban tobanka sano lagu xukumay ee reernimada loo xukumay ee cadaawadda loo xukumay ha helaan xorriyadooda. Waxa la ii sheegayay saxaafadda in la bartilmaameedsaday waxaanu leenahay wax la aqbali karo ma aha. Waxaan maqlayay dhibaatada lagu hayo SAAB TV iyo Wargeyska FOORE waxaanu leenahay waar saxaafaddu waa xor oo ma jirto cid cabudhin kartaa. Dhulka wixii baxay waxaanu ku soo samayn doonaa qoraal. Haddii ay dhulka madaarka tahay iyo ay meelo kale tahayba. Waxa la ii soo sheegayay Madaarka inankii yaraa ee joogay in isagana laga eryey oo loogu sheekeeyey wax aan caruurta loogu sheekayn. Madaarka dadkii laga qaaday dhulkooda bannaan oo ahaa dhawr iyo toddobaatan qof. Waxaan leeyahay dhulkoodii haloo celiyo. Dadku xaq bay u leeyihiin in ay dhulkoodii helaan. Waanan ku garab taaganahay annaga ayaana hor galayna”. Ayuu yidhi Boqor Raabi. Source
-
Baydhabo (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegayo inuu buuq ka taagan yahay howlka Shirarka ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo Maanta la filayey in lagu ansixiyo Guddiga Doorashada Maamulkaas. Xildhibaanada Koonfur Galbeed ayaa isku khilaafay ansixinta Guddiga Doorashada maamulkaas oo Maanta la filayey in lasoo dhameystiro. Sida aaan wararka ku heleyno Xildhibaanada ayaa gacanta iskula tagay waxayna isku garaageyn Kuraasta kadib muran ka dhashay ansixinta Guddigaas oo lasoo sheegayo in Xubnaha intooda badan ay wadato Dowladda Federaalka. Xarunta uu Shirka ka socdo ayaa waxaa goobjoog ka ah Wasiiru Dowladaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Dowladda Soomaaliya. Waxaa la arkayey Xildhibaanada oo feertamayo iyo kuwa isla dhacayo Kuraas, waxaana Xildhibaanada dagaalka ku jiro kamid ahaa kuwa haweenka ah oo la arkayey iyagoo kuraas la dhacayo kuwa ragga ah. Maanta ayaa loo ballansanaa in la dhameystiro Guddiga Doorashada oo 11 xubin oo kamid ah ay dhawaan is casileen, waxaana muuqato inay arrintaas ka taagan tahay muran aad u badan lamana qiyaasi karo sida ay kusoo dhamamaan doonto. Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idiin soo gudbin doonaa Inshaa Allah. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
-
Adis Ababa (Caasimadda Online) – Shirka 66aad ee aan caadiga aheyn ee urur goboleedka IGAD, kaas oo shalay November 16, 2018-kii lagu qabtay Adis Ababa, waxaa laga soo saaray 20 qodob oo la xiriiray hirgelinta hannaanka dib u heshiisiinta Koonfurta Suudaan iyo xaaladda Soomaaliya. Haddaba, waxaan idiin soo turjunay dhammaan qodobadii laga soo saaray war-murtiyeedkaas. Arrimaha Koonfurta Suudaan: Waxaa uu dib u jaleecday war-murtiyeedkii ka soo baxay shirkii aan caadiga aheyn ee 33aad ee madaxda IGAD ay ku yeesheen Adis Ababa 12th September 2018, laguna saxiixay heshiiska the R-ARCSS. Waxaa uu soo dhoweeyey warbixinnada ergeyga IGAD ee South Sudan iyo madaxa KMG ah ee JMEC ay ka soo saareen hirgelinta heshiiska Koonfur Suudaan ee R-ARCSS, iyada oo la dhiirigeliyey inay sii wadaan dadaallada iyo taageerada ay siiyaan hannaankaas. Waxaa uu sidoo kale, soo dhoweeyey horumarka laga gaaray hirgelinta heshiiska R-ARCSS tan iyo markii la saxiixay 2 bil ka hor iyo sida loo dhisay hey’ado arrimahan ka shaqeeya, waxaa kale oo Secretariat-ka IGAD iyo ergeyga gaarka ah loogu baaqay inay dhameystiraan dhaqan-gelinta howlaha, wax walbana lagu qabto waqtihii loogu talo-galay, sida heshiiska ku qoran. Waxaa la ammaanay dabaal-deggii maalinta nabadda uu marti-geliyey madaxweyne Salva Kiir 31-kii October 2018, ayna ka soo qeyb-galeen kooxaha R-ARCSS iyo madaxda IGAD iyo kullamada hirgelinta ee ka dhacay Juba. Waxa la is tusay baahi loo qabo in hiil iyo hooba lagu kabo hirgelinta R-ARCSS iyo inay hoggaanka ka faa’ideystaan taageero siyaasadeed, midda dadka iyo xataa dhaqaale si loo hirgeliyo heshiiska iyo inay nabad iyo horumar ka dhalato Koonfurta Suudaan. Waxaa la soo dhoweeyey gacanta dhaqale ee dowladda Koonfurta Suudaan fidisay, waxana loogu baaqay inay lacag kale ku bixiso hirgelinta heshiiska RARCSS; Waxaa la ammaanay taageerada ururrada iyo dalalka AU, UN, EU, China, Japan, the Troika (USA, UK and Norway) iyo dhammaan kooxaha kale ee taageera nabadda Koonfurta Suudaan, waxaana loogu baaqay inay gacan ka geystaan hirgelinta heshiiska RARCSS; Waxaa loogu baaqay kooxaha inay ilaaliyaan Kootada dumarka ee 35% ah, oo dhinac walbo lagu dabaqo, si loo helo lahaanshiyo, loona hubiyo in guul laga gaaro hannaanka dhismaha dowladda Koonfurta Suudaan. Waxaa loogu baaqay Midowga Afrika iyo kooxda Troika inay magacabaan hey’adaa kala ah Independent Boundaries Commission (IBC) iyo Technical Boundaries Committee (TBC, si ay u bilaaban howlihii loo igmaday. Waxaa la faray ergeyga IGAD inuu baadi-goobo kooxaha Koonfurta Suudaan ee aan weli saxiixin R-ARCSS, sidii ay qeyb uga noqon lahaayeen hirgelinta iyo kor-joogteynta, ciddii diidana loo aqoonsado kuwoo caqabad ku ah hannaanka. Waxaa la faray Secretariat-ka IGAD inay war-muriyeedkan ku tarjumaan luqdaha looga hadlo Koonfurta Suudaan si dad badan u dareemaan lahaanshiyo, bulshada gudaha joogtana ay uga qeyb-qaataan hirgelinta. Arrimaha Soomaaliya; Waxaa si fiican loo ammaanay warbixinta ergeyga IGAD ee Soomaaliya, waxaana la xoojiyey kalsoonida lagu qabo dowladda Soomaliya ee la xiriirta xaqiiqinta degenaanshiyaha dalka. Waxaa la qiray dib u soo kabashada dhaqaalaha iyo warbixintii dhowwaan soo saartay hey’adda International Monetary Fund (IMF)-ta iyo kalsoonida ay muujiyeen ganacsatada iyo qeybaha kale. Waxaa la is tusay baahida loo qabo in hiil iyo hooba lala garab istaago dib u dhiska hey’adaha dowliga ah, waxaaba beesha caalamka loogu baaqay inay taageeraan dadaallada arrimahaas loogu jiro. Waxaa naga go’an in aan sii wadno, qeybna ka sii ahaanno dadaallada hannaanka nabadeynta gobolka guud ahaan, gaar ahaanna Koonfurta Suudaan iyo Soomaaliya. Dib-u-habeynta IGAD: Waxaa loo dib dhigay shir ka dhici-doona Djibouti December 2018, waxaana la faray Secretariat-ka IGAD inay ka shaqeeyaan howlaha loo baahanyahay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Addis Ababa ( Sh. M. Network )-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Marwo Danjirad Monica Juma, kulan doceed dhinac socda Shirka gaarka ah ee 20aad ee Golaha Fulinta ee Midowga Afrika oo ka furmay Addis Ababa. Intii kulanku socday oo ahaa mid soo dhoweyn diirran uu Wasiir Cawad kala kulmay dhiggiisa Kenya ayaa labada dhinacba waxa ay muujiyeen rajo wanaagga wadahadalka dhexmaray. Labada dhinac waxay carabka ku adkeeyeen muhiimadda uu leeyahay kulankooda oo diirrada lagu saarray xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo horumarinta iskaashiga oo dhinac kastaba leh, iyada oo loo sii marayo Guddiga Iskaashiga Wadaagga ah ee Soomaaliya iyo Kenya, si la mid ah waxaa fadhiggaasi lagu faaqiday arrimaha ammaanka iyo nabadgelyada Geeska Afrika iyo howlgalada AMISOM. The post Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Oo kulan la yeeshay Dhiggiisa Kenya appeared first on Shabelle. View the full article
-
Addis Ababa ( Sh. M. Network ) – Jeneraal Gabre oo ah Taliyihii hogaaminayay ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya kusoo duulay 2006 ayaa lagu xiray Addis Ababa. Booliska ayaa xabsiga dhigay Gabre, iyadoo amarka lagu xiray uu kasoo baxay sida la sheegay Xukuumadda Abiy Axmed, waxaana lagu wadaa in maxkamad lasoo taago. Gabre ayaa loo haystaa dembiyo ka dhan ah bini’aadanimda oo uu ka geystay gobolka Ismaamulka Soomaalida dalka Itoobiya xilligii uu Cabdi Illey Madaxweynaha ka ahaa. Gabre ayaa waxay hay’adda Amnesty ku eedeysay inuu ka dambeeyo dilal iyoo tacadiyo kala duwan oo ciidanka Itoobiya ka geysteen dalka Soomaaliya. The post Gabre oo lagu xiray dalka Itoobiya appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay isbedelka siyaasadda geeska afrika iyo saamaynta uu ku yeelan karo Somaliland. Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in xilka laga qaadi doono Madaxweyne Muuse Biixi haddii uu wadi karo waayo Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay waxaa wali ka socdo kulamo kala duwan oo ay yeelanayaan sii hayaha xilka madaxweynaha Koofur Galbeed iyo xildhibaanada Maamulkaasi. Musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha ayaa sidoo kale kulamo la qaatay masuuliyiin ka tirsan Beesha caalamka iyo xildhibaanada Koofur Galbeed, waxaana dhamaan kulamadaasi looga hadlay sidii loo dardar gelin lahaa qorshaha doorashada Koofur Galbeed. Maanta oo ay ku beegan tahay 17 Novembar ayaa horey loo qorsheeyay inay dhacdo doorashada Koofur Galbeed, balse waxaa dib loo dhigay ilaa dhamaadka bishaan, si loo dhameystiro xubnaha guddiga doorashada. Maanta gelinka dambe ayaa sida qorshaha uu yahay la filayaa in la dhameystiro kuraasta ka banaan guddiga doorashada Koofur Galbeed, si loosii qabto dhamaan howlaha ka horeeya doorashada. Wararka qaar oo soo baxaya ayaa sheegaya in la isku khilaafsan yahay dadka ka mid noqonaya guddiga doorashada, maadaama xubnaha qaar ay doonayaan in dib loosoo celiyo kuwii horey isku casilay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
The 11th Extraordinary Session of the Assembly of Heads of State and Government of the African Union (AU) opened today at the AU headquarters in Addis Ababa, Ethiopia. Among the issues to be discussed at the two day-the summits include the AU institutional reform process including reform of the AU Commission, the mandate of the AU Development Agency (AUDA) and financing the Union. The 20th Extraordinary Session of the Executive Council of AU was held 14th – 15th November 2018. Leaders from 45 countries are expected to attend the summit. The post AU meeting opens in Addis Ababa, Ethiopia appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare ayaa joojisay deegaameyn cusub oo laga yagleelayay deegaanka Laasa Dacawo ee gobolka Saaxil. Wasiir Shukri waxay sheegtay in masuuliyiin xukuumadda ka tirsani ay hawshani deegaameynta cusub gacanta ku hayaan, waxaanay uga digtay in aanay wax hawla ka qaban karinn halkaasi. Wasiirku waxa ay tilmaantay in goobtaasi laga samaynayay deegaamaynta oo keyn aheyd laga jaray dhirtii, islamarkaana geed weyntii ku taalay xididda loo siibay, taasina ay tahay ayaandarro. Wasiirka wasaaradda deegaanku marwo Shukri Xaaji Ismaaciil waxay sidan ka sheegtay mar ay hawlo shaqo u tagtay deegaanka Laasa Dacawo ee gobolka Saaxil. Iyadda oo arrimahaasi ka hadleysayna waxay tidhi “Waad aragtaan halkani waa dhul cusub oo dhirtii ku taalay la xasuuqay, dhirtii waa weyneyd oo dhan waa laga wada dhammeeyay, deegaameyn cusub ayaa ka socota aniga maskaxdeyda maba galeyso, maayirka oo arkay, badhasaabkii degmadda oo arkay haddana waxba kama qaban karno, haddii sida la sheegayo la leeyahay masuuliyiintii dawladda ayaa deegaanmeyntan cusub sameysanaya maxaa dadka masaakiinta ah loo sheeganayaa, halagu kala tago weeyaan, suuragelimeyso inta nin madax ahi yimaado inuu yidhaaho waxaasi oo dhira ayaan xasuuqay. Lo’ daaqaysa ayaannu ugu tagney goobtan, dhul badan oo bannaan oo wax beerashada ku hanboon ayaa jira, maxaa buurtan Garba-diir hoosteeda laga soo dooney, waxani wax shaqeynaya maaha, waana laga guurayaa.” Sidoo kale marwo Shukri waxaa ay xustay in 7 milyan oo lacag ah lagu ganaaxo qofkii geed qoyan jara waxaanay tidhi “Halka geed ee la gooyay ayaanu todoba milyan dadka aanu ka qaadnaa, talaabo sharciga waafaqsan oo arrintooda la xidhiidha ayaa laga qaadaya. Halka geed 7 milyan ayaa magaalada Hargeysa lagaga qaada, wadanka dawladd ayaa ka talisa oo loo sheegayaa” Source
-
Cyprus ( Sh. M. Network )-Gudoomiyaha Golaha Shacabka Amb Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Oo Maalmahanba Booqasho Ku Jooga Isaga Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Jamhuuriyadda Turkiga Ee Waqooyiga Cyprus ayaa la kulmaya madaxda Cyprus. Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Ayaa La kulmey Madaxweyne Mustafa Akinci, Ra’isulwasaare Mudane Erhurman, iyo Ra’isulwasaare ku-Xigeenka ahna Wasiirka Arimaha Dibada Mudane Kudret Özersay ee dalkaan. Kulankoodi ayaa waxaa ay diiradda ku saareen xiriirka ka dhaxeeya Cyprus iyo Soomaaliya,iyo sidii loo adkeyn lahaa xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya. Sidoo kale Wuxuu Ka qeyb galay Munaasabadda 35-Sano guurada aasaaska Jamhuuriyadda Turkiga Ee Waqooyiga Cyrprus. Waxaa ku wehliya socdaalkiisa xubno ka tirsan Golaha SHacabka ee Baarlamaaka Federaalka Soomaaliya. The post Guddoomiye Mursal Oo la kulmay madaxda Cyprus appeared first on Shabelle. View the full article
-
Addis Ababa ( Sh. M. Network )-Hoggaamiyeyaasha wadamada Qaaradda AFrika ayaa shir muhiim ah uga furmayaa magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya,waxaana Soomaaliya uga qeybgalaya wafdi ka socda dowladda Soomaaliya. Mudane Mahdi Maxamed Guuleed raiisul wasaare kuxigeenka Xukuumadda Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan dalka Itoobiya Soomaaliya u matalaya shirka madaxda Afrika ay leeyihiin. Ajandayaasha diiradda lagu saarayo shirkani waxaa kamid ah isbedel iyo dib u habayn lagu sameeyo Ururka,si loo horumariyo hoalaha horyaala,sidoo kale waxaa laga hadlaya arrimaah aamniga,siyaasadd aiyo dhaqalaha Ururka Midowga Afrika. Dalka masar ayaa lafilayaa in dhawaam uu qabto hoggaanka,waxaana haatan haaya madaxweynaha Ruwanda Paul Kagame,kaasi oo gadaal ka riixaya isbedelo in la sameeyo. Madaxweynayaasha wadamada Afrika qaarkood ayaa imaanaya,halka kuwa kalena ay soo dirsanayaan wasiiradood aarrimaha dibadda. Wadamada madaxweynayaashooda imaanaya waxaa kamid ah South Africa, Zimbabwe, Botswana, Comoros, Togo and Ghana iyo kuwo kale,halka Nigeria iyo Mozambique ay kamid yihiin wadamada Wasiiradooda arriamaha dibadda u matalidoona shirkaasi. The post Hoggaamiyeyaasha Midowga Afrika Oo shir ku leh Itoobiya appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Iimaamka Masaajidka Cali Mataan ee badhtamaha magaalada Hargeysa, Sheekh Maxamed Aadan ayaa soo dhaweeyay go’aankii xukuumaddu ku xaddiday wakhtiga Cawayska ee Hotelada Dalka , waxaanu dadka kasoo horjeeda ugu baaqay inay sidiidsa u fuliyaan go’aankaas. Sheekh Maxamed Aadan ayaa khudbadiisi Jimcaha ee shalay kusoo qaatay muhiimada ay leedahay in la xaddido wakhtiga cawayska ee hotel iyo munaasibadaha xafladah ah ee lagu qabto, waxaanu xukuumadda ugu baaqay in xilliyada xafladaha la kala saaro ragga iyo dumarka islamarkaana la mamnuuco adeegsiga muusiga. “Waan taageeraynaa go’aanka Xukuumadda weliba in hore looga sii socdo oo lasii wanaajiyo ayaan runtii ku talin lahayn” ayuu yidhi Iimaamka Masaajidka Cali Mataan, Sheekh Maxamed Aadan ayaa sheegay in ay soo dhawaynayaa in xaflado aroos la qabto balse ay muhiim tahay in diinta lagu dhaqmo oo la kala saaro wiilasha iyo hablaha , isla markaana la joojiya adeegsiga Muusiga isaga oo arrintaa ka hadlaya , waxaa uu yidhi “Xaflada hala qabto qiimo badan ayey leedahay in hablaha iyo ragga la kala saaro , isdhexgalka iyo muusiga xaaraanta ah la joojiyo , hablaha inoo ilaaliya , wax IILAHAY raalli gelinaya oo ka farxinaya halla sameeyo “ Sheekh Maxamed Aadan ayaa sheegay sharaf dhac ka soo gaadhaysa haweenka marka ay kusoo lebistaan dhar aad u qurxoon oo soo jiidanaya indhaha ragga, taasina ay sababi karto in wiil caqliga ka xaddo oo meesha ay sagaal bilood ka dib ay ka dhalato in ay inantii Ilmo xaaraan ah oo habeenka caloosha u galay ay dhasho, waxaanu sheegay in muhiimadu ay tahay in hablaha la ilaaliyo. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Maamulka degmada Balcad ayaa eedeyn culus u jeediyay dowladda Soomaaliya, iyaga oo sheegay in Shacabka degmada sida Al Shabaab ay ula dhaqanto. Guddoomiyaha degmada Balcad Qaasim Cali Nuur Furdug, ayaa sheegay in ciidamada dowladda ee kusugan degmada Balcad ay dhibaatooyin badan ku hayaan shacabka doonaya inay gudaha u galaan magaalada. Sidoo kale wuxuu guddoomiyaha eedeyn u jeediyay ciidamada kusugan xerada Maslax oo ah Koontaroolka Koofureed ee Muqdisho laga soo galo marka laga yimaado dhanka degmada Balcad. Wuxuu sheegay in Gaadiidka ka taga degmada Balcad ee doonaya magaalada Muqdisho loo cadaadiyo sida inay ka yimaadeen dhul Al Shabaab ay maamulaan, iyaga oo qaarkood aanba loo ogolaan inay gudaha u galaan Muqdisho. Wuxuu talo ahaan usoo jeediyay saraakiisha amaanka in degmada Balcad iyo degmada Afgooye buundooyinka ku yaalo laga bilaabo xaqiijinta amaanka magaalada Muqdisho, oo kaliya xerada Maslax aan laga bilaabin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@Live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa in markii ugu horreysay muddo sannad ah oo uu tallada dalka hayey inuu toddobaadkan safar ugu baxo gobalada bariga Somaliland gaar ahaan gobalka Togdheer. Madaxweynaha ayaa la sheegay in uu xadhiga ka soo jari doono mashaariic gobalkaas laga hir galiyey kaas oo uu ka mid yahay dhismaha jeel Wey ee magaalada Burco. Madaxweyne Biixi ayaa tan iyo markii la doortay oo laga joogo muddo sannad ah aan wax safar ah ugu bixin gobalada Bariga Somaliland balse safar ugu baxay magaalada Borama oo uu xaflada qalin-jabinta ardey Jaamacada Camuud uu kala qeyb galay. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa hore uga baaqday in uu ka qayb-galo xafladii qalin-jabinta ee Jaamacadda Burco iyo sidoo kale xaflad lagu dhagax dhigayay ballaadhinta dekedda Berbera oo ay shirkadda DP World ku qabatay Magaalada Berber taasi oo markii hore la qorsheeyay in uu ka qayb-galo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi balse markii dambe la sheegay in uu ka baaqday. Illaa hada ma cadda In uu madaxweynuhu sii dhaafi doono magaalada Burco iyo inuu dib ugu soo laaban doona Magaalada Hargeysa. Source
-
(SLT-Istanbul)-Hay’adda Sirdoonka dalka Mareykanka ee CIA da ayaa sheegtay in Amiir Maxamed Bin Salmaan uu ka dambeeyay dilkii Wariye Jamaal Khashoggi oo 2dii bishii October ee sannadkan lagu dhax dilay gudaha Qunsuliyada Sacuudiga uu ku leeyahay dalka Turkiga magaalada Istanbul. CIA ayaa si toos ah u sheegtay in Amir Maxamed Bin Salmaan uu bixiyay amarka lagu qaarijiyay wariye Jamal, hadalkaasi oo noqonayaao mid kasoo horjeeda sheegashada Dowladda Sacuudiga ay sheegatay in Amiirka iyo gebi ahaan Dowladda Boqortooyada Sacuudiga uusan wax lug ah aysan ku laheyn dilka Wariyaha. Warka ka soo baxay hay’adda CIA da ayaa sidoo kale lagu sheegay in dilkan ay fuliyeen 15 Nin oo markii danbe ka raacay magaalada Istanbul diyaarad ay leedahay Boqortooyada Sacuudiga, iyadoo warkan uu meesha ka saarayo hadalkii uu soo saaray ku-xigeeenka xeer ilaaliyaha dalka Sacuudi Arabia oo dilka Khashoggi ka fogeeyay Amiir Suldaan. Saraakiil u hadlay CIA ayaa sheegay in natiijada baaritaankooda ay u gudbin doonaan Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalkaasi si tilaabada ku habooon ay kaga qaadaan dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan. Source
-
Shirka 66aad ee aan caadiga aheyn ee urur goboleedka IGAD, kaas oo shalay November 16, 2018-kii lagu qabtay Adis Ababa, waxaa laga soo saaray 20 qodob oo la xiriiray hirgelinta hannaanka dib u heshiisiinta Koonfurta Suudaan iyo xaaladda Soomaaliya. Haddaba, Goobjoog News, waxaa ay akhristayaasheeda u tarjuntay dhammaan qodobadii laga soo saaray war-murtiyeedkaas. Arrimaha Koonfurta Suudaan: Waxaa uu dib u jaleecday war-murtiyeedkii ka soo baxay shirkii aan caadiga aheyn ee 33aad ee madaxda IGAD ay ku yeesheen Adis Ababa 12th September 2018, laguna saxiixay heshiiska the R-ARCSS. Waxaa uu soo dhoweeyey warbixinnada ergeyga IGAD ee South Sudan iyo madaxa KMG ah ee JMEC ay ka soo saareen hirgelinta heshiiska Koonfur Suudaan ee R-ARCSS, iyada oo la dhiirigeliyey inay sii wadaan dadaallada iyo taageerada ay siiyaan hannaankaas. Waxaa uu sidoo kale, soo dhoweeyey horumarka laga gaaray hirgelinta heshiiska R-ARCSS tan iyo markii la saxiixay 2 bil ka hor iyo sida loo dhisay hey’ado arrimahan ka shaqeeya, waxaa kale oo Secretariat-ka IGAD iyo ergeyga gaarka ah loogu baaqay inay dhameystiraan dhaqan-gelinta howlaha, wax walbana lagu qabto waqtihii loogu talo-galay, sida heshiiska ku qoran. Waxaa la ammaanay dabaal-deggii maalinta nabadda uu marti-geliyey madaxweyne Salva Kiir 31-kii October 2018, ayna ka soo qeyb-galeen kooxaha R-ARCSS iyo madaxda IGAD iyo kullamada hirgelinta ee ka dhacay Juba. Waxa la is tusay baahi loo qabo in hiil iyo hooba lagu kabo hirgelinta R-ARCSS iyo inay hoggaanka ka faa’ideystaan taageero siyaasadeed, midda dadka iyo xataa dhaqaale si loo hirgeliyo heshiiska iyo inay nabad iyo horumar ka dhalato Koonfurta Suudaan. Waxaa la soo dhoweeyey gacanta dhaqale ee dowladda Koonfurta Suudaan fidisay, waxana loogu baaqay inay lacag kale ku bixiso hirgelinta heshiiska RARCSS; Waxaa la ammaanay taageerada ururrada iyo dalalka AU, UN, EU, China, Japan, the Troika (USA, UK and Norway) iyo dhammaan kooxaha kale ee taageera nabadda Koonfurta Suudaan, waxaana loogu baaqay inay gacan ka geystaan hirgelinta heshiiska RARCSS; Waxaa loogu baaqay kooxaha inay ilaaliyaan Kootada dumarka ee 35% ah, oo dhinac walbo lagu dabaqo, si loo helo lahaanshiyo, loona hubiyo in guul laga gaaro hannaanka dhismaha dowladda Koonfurta Suudaan. Waxaa loogu baaqay Midowga Afrika iyo kooxda Troika inay magacabaan hey’adaa kala ah Independent Boundaries Commission (IBC) iyo Technical Boundaries Committee (TBC, si ay u bilaaban howlihii loo igmaday. Waxaa la faray ergeyga IGAD inuu baadi-goobo kooxaha Koonfurta Suudaan ee aan weli saxiixin R-ARCSS, sidii ay qeyb uga noqon lahaayeen hirgelinta iyo kor-joogteynta, ciddii diidana loo aqoonsado kuwoo caqabad ku ah hannaanka. Waxaa la faray Secretariat-ka IGAD inay war-muriyeedkan ku tarjumaan luqdaha looga hadlo Koonfurta Suudaan si dad badan u dareemaan lahaanshiyo, bulshada gudaha joogtana ay uga qeyb-qaataan hirgelinta. Arrimaha Soomaaliya; Waxaa si fiican loo ammaanay warbixinta ergeyga IGAD ee Soomaaliya, waxaana la xoojiyey kalsoonida lagu qabo dowladda Soomaliya ee la xiriirta xaqiiqinta degenaanshiyaha dalka. Waxaa la qiray dib u soo kabashada dhaqaalaha iyo warbixintii dhowwaan soo saartay hey’adda International Monetary Fund (IMF)-ta iyo kalsoonida ay muujiyeen ganacsatada iyo qeybaha kale. Waxaa la is tusay baahida loo qabo in hiil iyo hooba lala garab istaago dib u dhiska hey’adaha dowliga ah, waxaaba beesha caalamka loogu baaqay inay taageeraan dadaallada arrimahaas loogu jiro. Waxaa naga go’an in aan sii wadno, qeybna ka sii ahaanno dadaallada hannaanka nabadeynta gobolka guud ahaan, gaar ahaanna Koonfurta Suudaan iyo Soomaaliya. Dib-u-habeynta IGAD: Waxaa loo dib dhigay shir ka dhici-doona Djibouti December 2018, waxaana la faray Secretariat-ka IGAD inay ka shaqeeyaan howlaha loo baahanyahay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulan xasaasi ah maanta ku yeelanaya xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho. Kulankaasi ayaa xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya lagu horgeynayaa miisaaniyada Dowlada Soomaaliya. Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wargaliyay in uu jiro kulanka Baarlamaanka ee maanta oo Sabti ah islaamrkaasina Xildhibaanada lagu horgeeynayo miisaaniyada dowlada ee Sanadka 2019-ka. Wasiirka maaliyada Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa ayaa hortagaya Baarlamaanka isaga oo ka codsanaya in ay ansixiyaan miisaaniyada Dowlada. Koror miisaaniyada ah ayeey sameeyay xukuumada uu hogaamiyo Ra’isilwasaare Xasan Cali Kheyre iyada oo miisaaniyadaasi ay dowlada ku shaqeeyneeyso uu yahay $340,060149 oo ay horay u ansixiyeen Golaha wasiirada. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Baalamaanka Soomaaliya oo la horgeynayo miisaaniyada Dowlada appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Eng Faysal Cali Waraabe oo si weyn kaga hadla arimaha siyaasadda Soomaaliya ayaa ka hadlay xiriirka u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo Ethiopia iyo heshiisyada ay labada dowladood wada saxiixdeen. Isaga oo la hadlayay dhalinyaro badan ayuu sheegay in Somalia hadda aysan awood buuxda u laheyn inay wax ku darsato dalka Ethiopia oo dowlad adag leh, islamarkaana shacabkiisu badan yahay. Arinta ugu adag ee aan suurogal ka dhigeyn in Somalia ay Ethiopia wax ku darsato ayuu ku sheegay inay tahay in hadda Soomaalida kala daadsan yihiin oo awood buuxda aysan laheyn, sida uu hadalka u dhigay. “Waa isaga leh Soomaaliya ayaan ku darayaa Ethiopia, ma maanta Soomaali meeleey wadan wax kula darsato miyay jirtaaba, Markaad awood leedahay ee aad dhisan tahay ayaa wadahadal la galaa, oo dal wax lagu darsadaa”. “Markaad kala daadsan tahay oo aad afar madaxweyne iyo ka badan leedahay, dal waxba laguma darsado, waxaa waxa u geynayaa waxa weeye Somaliland aan soo aaso”ayuu yiri Faysal Cali Waraabe. Wuxuu sheegay in arintaasi ay dhibaato ku tahay Soomaaliya, islamarkaana Somaliland aysan cidna aasi karin sida uu hadalka u dhigay. Dad badan oo siyaasiyiin ah iyo dadka falanqeeya arrimaha geeska Africa ayaa siyaabooyin kala duwan u dhaliilay xiriirka u dhaxeeya madaxda Ethiopia iyo Somalia iyo heshiisyada qaar oo labada dhinac ay kala saxiixanayaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Kismaayo ( Sh. M. Network )-Ciidamada difaaca dalka Kenya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Africa ee AMISOM ayaa lagu eedeeyay in weli kaalin lixaad leh ay ka qaadanayaan dhoofka sharci darrada ee Dhuxusha Soomaaliya. Warbixin cusub oo ay soo saaray guddiga la socodka xayiraada arrimaha Soomaaliya ee UN Monitoring Group ayaa lagu sheegay in deegaanada ay ku sugan yihiin Ciidanka Kenya ay yihiin kuwa ugu badan ee looga dhoofiyo Dhuxusha si qarsoodi ah. UN Monitoring Group ayaa shaacisay in Dekedda magaalada Kismaayo iyo degmooyin kale oo ku yaalla gobolka Jubbada Hoose oo ay maamulaan Ciidamada Kenya laga qaado Dhuxusha, taas oo loo iib geeyo dalalka Khaliijka Carabta. Golaha Ammaanka ee QM ayaa manuucay 2012-kii dhoofinta Dhuxusha Soomaaliya, iyagoo sheegay in dhaqaale uu ka soo galo Al Shabaab,oo dagaal kula jira dowladda Soomaaliya. Sidoo kale maamulka Jubbaland ee uu horkacayo Axmed Madoobe ayaa waxay QM ku eedeysay in uu qeyb ka yahay ka ganacsiga Dhuxusha, maadaama laga dhoofiyo xeebaha magaalada Kismaayo. Jarida iyo gubista Dhirta ayaa ka qeyb qaata abaaraha ku soo noq noqda dalka, maadaama nabaad-guur ay ka dhashaan, taas oo hay’adaha dhinac deegaanku ay ka digeen. The post Ciidamada Kenya Oo lagu eedeeyay in ay qeyb ka yihiin dhoofinta dhuxusha Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-London)-Xubnaha hormuudka u ah in Ingiriisku ka baxo Midowga Yurub ee ku jira golaha wasiirada ayaa taageero la garab joogsaday Theresa May, iyada oo ay socdaan isku dayo lagu doonayo in xilka lagaga qaado. Micheal Gove ayaa sheegay in uu kalsooni “buuxda” ku qabo May, waxaanu xaqiijiyey in aanu yeeli doonin sida dhawr wasiir oo hore iska casili dooni xukuumadeeda. Liam Fox oo isna ka tirsan xukuumadda May, ayaa xildhibaannada [xisbigeeda] ee baarlamanka ku boorriyey in ay taageeraan qorshaha heshiiska ka bixitaanka Midowga Yurub ee Ra’isal wasaaraha, waxaanu yidhi “heshiiska haatan la soo badhigay wuxu dhaamaa heshiis la’aan”. Is casilaadii Dominic Raab ka dib, waxa ay Ra’isal Wasaaruhu wasiirkeeda wada xaajoodka ka bixitaanka Midowga Yurub u magacawday wasiirkii caafimaadka Steve Barclay. Ninkaas oo ahaan jiray sarkaal sare oo bakiyada ka soo shaqeeyey ayaa taagersanaa ka bixitaanka Midowga Yurub markii aftida la qaadayey 2016-kii, welina sideedii sanadood ee uu ka midka ahaa xildhibaannada xisbiga muxaafidka ah baarlamanka ugu jira kama uu hor iman qorshayaasha dawladda. Isku shaandhaynta kooban ee ay Ra’isal Wasaaruhu samaysay waxa kale oo ay ku magacawday Amber Rudd oo haatan noqon doonta wasiirka shaqada iyo daryeelka hawlgabka, waxaana xilkaa iska casishay Esther McVey Khamiistii. BBC-da ayaa ogaatay in gudoomiyaha xildhibaannada xisbiga ugu jira baarlamanku ay suurto gal tahay in uu qabto shir ay iskugu iman doonaan wasiirada taageersan ka bixitaanka Midowga Yurub hase yeeshee heshiiska ay Ra’isal Wasaaruhu doonayso in ay saxeexdo ka webaya. Rai’sul wasaaraha Britain Theresa May ayaa ku dhawaaqday qorshahan cusub ee ay ansixiyeen golaha wasiirada. Waxa ay Mrs May arrintani ku tilmaamtay tallaabo muhim ah oo ay si adag u rumaysan tahay in ay ku jirto danta qaranka. Rai’sul wasaaraha Britain Theresa May ayaa inta ku dartay in heshiskan uu difaacayo shaqooyiinka,ammaanka iyo sharafta dastuurka UK islamarkana uu dib u soo celinayo in Britain ay kontaroosho sharciyadeed iyo xudduudaheeda. Waxay xustay in go’aankan uu yahay khiyaar adag gaar ahaan marka ay timado arrinta xuduuda waqooyiga Ireland. Madaxa gudiga baarlamaanka Yurub u qaabilsan ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub Guy Verhofstadt ayaa sheegay in heshiiskan “uu suragal ka dhigayo ka bixitaan UK ee Midowga Yurub. Heshiikan qabyada ah ee ka bixitaanka UK ee midowga Yurub oo ka koobna 585 bog ayaa imika la daabacay. Ra’sul wasaaraha ayaa cadaadis adag oo ku saabsan heshiiska kala kulmaysa mucaaradka. Waxaa sidoo kale jiray dhaliil uga imanaysay xubno xisbigeeda ka tirsan oo iyagu tageera ka bixitaan Britain ee Midowga Yurub. Source
-
(SLT-Washington)-Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday cunaqabateyn ka dhan ah 17 qof oo u dhashay dalka Sacuudiga, kuwaasi oo lagu tuhmayo inay ku lug lahaayeen dilka suxufi Jamaal Khaashuqji. Dadka cunqabateynta la saarayo waxaa ku jira Saud al-Qahtani, oo kaaliye sare u ahaan jiray dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan, iyo qunsulkii Sacuudiga ee Istanbul Mohammed Alotaibi. “Shaqsiyaadkan bartilmaameedsaday ee sida xun u dilay Jamaal Khaashuqji waa inay wajahaan cawaaqibka ficilladooda” waxaa sidaas bayaan ku yiri xoghayaha maaliyadda Mareykanka Steve Mnuchin. Cunaqabateynta ayaa waxaa la fulinayaa ayada oo la eegayo xeerka caalamiga ah ee la-xisabtanka xuquuqda aadanaha ee Magnitsky, kaasi oo lagu beegsado dadka geysta xadgudubyada xuquuqda aadanaha iyo ficillada musuq-maasuq. Warkan ayaa ahaa mid yaab leh, sababtoo ah Mareykanka inta badan sooma rogo xayiraad ka dhan ah Scauudiga. Source