Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,244
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Addis-ababa) Madaxweynaha dowlad degaanka soomaalida Itoobiya ayaa waxaa uu magaalada Addis Ababa kulamo kula yeelan doonaa madax ka tirsan dowlada degaanka Oromia iyo dowlada dhexe ee Fedaraalka Itoobiya. Kulankaan ayaa waxaa looga hadli doonaa sidii xal waara looga gaari lahaa isku dhacyada u dhaxeeya soomaalida Iyo Oromada ee ka taagan xadka labada gobol ay wadaagaan oo bilihii la soo dhaafay dad badan lagu dilay. Saraakiil ka tirsan madaxtooyada magaalada Jigjiga ayaa xaqiijiyay in madaxweyne Mustafe Muxumad Cumar uu wado dadaalo loogu gurmanayo dadka ka barakacay magaalada Moyale colaadii ka dhacday. Dowlada dhexe ee Itoobiya ayaa bilihii la soo dhaafay dhankeeda baaqyo is daba joog ah ka soo saareysay arintaan waxaana la ogeyn waxa ay ka badali doonto kulamada uu madaxweynaha dowlad degaanka soomaalida Itoobiya uu la yeelan doono hogaamiye yaasha gobolka Oromia. Source
  2. Bosaso-[Puntland Post] Magaalada Bosaso ayaa maanta lagu soo dhaweeyey musharax Madaxweyne Puntland Khaliif Ciise Mudan oo kamid ah musharixiinta u taagan xilka madaxtinimda Puntland 2019. Boqallaal dadwayne ah oo ruuxayay calamo iyo boorar ay ku xardhanyihiin hal ku dhigyada musharax Khaliif Ciise Mudan ayaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Magaaladda Bosaso. Waxaana sida oo kale soo dhaweyntiisa ka qeyb galay maamulka degmada Bosaso ,iyo qaar ka mid ah saraakiisha ciidamadda dawlada . Musharax Khaliif Ciise Mudan oo goob fagaara ah kala hadlay boqolaal shacab ah oo soo dhaweyntiisa ka qeybgalay waxa uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay soo dhaweynta uu kala kulmay bulshada Bosaso islamarkan uu kulamo la yeelan doono qeybohooda kala duwan. Musharax Khaliif Ciise Mudan ayaa soo dhaweyntiisa si,aad ah looga dareemayay malmihii la soo dhaafay magaaladda Bosaso ee xarunta ganacsiga Puntland. Cabdiqani Boos Puntland Post The post Musharax Khaliif Ciise Mudan oo Bosaso lagu soo dhaweeyey appeared first on Puntland Post.
  3. Jabuuti (PP) ─ Safiirka dalka Jabuuti u fadhiya ee Qaramada Midoobay, Maxamed Saciid Ducaale ayaa sheegay in muranka dhulka ah ee u dhexeeya Dowladaha Jabuuti iyo Eritrea lagu ballamay in la isla aado Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ, kaddib markii Jabuuti ay ka codsatay Golaha Ammaanka inay ka taageeraan sidii loo xallin lahaa muran xuduudeedka kala dhaxeeya dalka Eritrea. Danjiraha ayaa sheeay n dalkiisu doonayo in xal kama dambeys ah loo helo khilaafka soohdinta ee kala dhaxeeyo dalka Eritrea iyo in lagu kala baxo qaanuunka dowliga ah. “Xukuumadda Jabuuti waxay Golaha Ammaanka ee QM ugu yeertay iyadoo kaashaneysa taageerada Xoghayaha Guud in labada dhinac ay muranka ku xaliyaan si nabad ah oo cid kale ay dhex-dhexaadiso sida maxkamadda ICJ,” ayuu yiri danjire Ducaale. Sidoo kale, Dowladda Jabuuti ayaa horay u sheegtay in arritna murankaan dhalisay ay qayb ka tahay lahaanshaha Jasiiradda Doumeira iyo 13-Askari oo Jabuutiyaan ah oo weli lagu la’yahay gacanta Xukuumadda Asmara. Hadalkan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo Golaha Ammaanka ee QM ayaa ku dhawaaqeen dhawaan inay cunna-qabateyntii hubka ay ka qaadeen Eritrea, kaddib markii dowladdaha Somalia iyo Itoobiya ay codsadeen in laga qaado. Ugu dambeyn, Isbedelka ka dhacay Geeska Afrika ayaa waxaan weli si rasmi ah uga soo muuqan Dowladda Jabuuti oo dagaal culus ay isla galeen Eritrea oo ay ku murmeen lahaanshaha dhul ballaaran oo xuduudda labada waddan ku yaalla. PUNTLAND POST The post Jabuuti oo sheegtay inay Dowlada Eritrea ka Dacweynayso Maxkamadda Caalamiga ee ICJ appeared first on Puntland Post.
  4. Guriceel (Sh.M.Network) – Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in shil gaari oo khasaaro geystay uu ka dhacay inta udhaxeysa degmooyinka Guriceel iyo Balanbale. Gaariga shilka galay oo rog-maday ayay wararku intaas ku darayaan inay saarnaayeen Odayaal dhaqameedyo, kuwaasi oo kusii jeeda degmada Balanbale si ay ugu biiraan waan-waan lagu xalinayo xiisad beeleed halkaasi ka taagan. Lama soo warin hadii ay jirto dhimasho, balse, inta la xaqiijiyay afar Odayaal ayaa ku dhaawacantay, kuwaasi loo qaaday Isbitaalo ku yaala magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel, si loogu soo daaweeyo. Ma cadda sababta keentay shilkaan gaari, hasa yeeshee, dhacdooyinka noocaan ah ee laga soo wariyo gobolkada dalka Soomaaliya waxaa keena gawaarida oo si xowli ah loo kaxeeyo iyo burburka wadooyinka. Hoos ka dhageyso warka oo Cod ah http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Cali.mp3 The post Shil khasaaro geystay oo ka dhacay bartamaha Soomaaliya appeared first on Shabelle. View the full article
  5. Guriceel (PP) ─ Ugu yaraan laba ruux ayaa ku dhintay, tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen dagaal culus oo saakay deegaan ka tirsan gobolka Galguduud ku dhexmaray ciidammo ka kala tirsan Ahlu-sunna iyo Al-shabaab. Wararka ayaa waxay sheegayaan in dagaalkan oo ka dhacay deegaan lagu magacabao Galangole oo 80-km u jira degmada Guriceel uu billowday markii ciidammo ka tirsan kuwa Ahlusunna ay weerareen xoogag ka tirsan Kooxda Al-shabaab oo deegaankaas ku sugnaa. Sidoo Kale, Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in ciidamadii Kooxda Al-shabaab ay deegaanka isaga baxeen markii hore, basle ay dagaal rogaal-celin ah kusoo qaadeen deegaankaas, ayna la wareegeen deegaanka. Dadka ku nool deegaanka uu dagaalku ka dhacay ayaa sheegay in dagaalku uu socday muddo kooban, ayna deegaanka haatan ku sugan yihiin xoogag ka tirsan Al-shabaab oo horay u joogay, ciidamadii Ahlu-sunna ay goobta ka tageen. Mas’uuliyiinta maamulka Galmudug ayaan weli ka hadlin dagaalka Gobolkaas ku dhexmaray ciidammo ka kala tirsan Ahlusunna iyo Al-shabaab, waxaana tani ay qayb ka tahay is-ugaarsiga u dhexeeya xoogagga labadan dhinac ka kala tirsan oo muddo fog dagaalamayay. Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa waxay weli gacanta ku haysaa deegaanno ka tirsan gobolka Galguduud, kuwaasoo qaarkood ay culus ay ku dhexmareen ciidamada Ahlusunna oo ay isku hayaan gacanta ku haynta Gobolkaas. PUNTLAND POST The post Dagaal ciidamo ka tisran Ahlu-sunna iyo Al-shabaab ku dhex-maray Gobolka Galguduud appeared first on Puntland Post.
  6. Muqdisho (Sh.M.Network) – Wafuud kala duwan oo isugu jirta Odayaal dhaqameed, Siyaasiyiin iyo madaxda maamulka Galmudug ayaa gaarey degaano ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya. Ujeedka ayaa lagu sheegay si ay uga qaybgalayaan kulamo la doonayo in xal loogu raadiyo xiisad beeleed ka oloolsan tuulooyin ku dhow degmada Balanbale ee gobolka, taasi oo udhaxaysa Beelo walaalo ah. Xiisada ayaa waxay sababtay khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac ah, waxaana loogu baaqay inay joojiyaan dagaalada, xili ay socdaan dadaalo la doonayo in gabi ahaanba lagu soo afjaro. Waan-waanta haatan socoto ayaa waxaa la rajaynayaa inay kasoo baxaan qodobo miradhal ah oo soo gabagabayn kara xiisadda taagan taasi oo ay ku baxeen daminteeda dhinacyo kala duwan, oo madaxda Galmudug ay ku jiraan. The post Kulamo lagu xalinayo xiisad beeleed oo ka socda Galgaduud appeared first on Shabelle. View the full article
  7. Bosaso[Puntland Post]-Musharraxa xilka Madaxwaynaha Puntland Injineer Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye ayaa $50,000 (konton kun oo doollar) ugu deeqay guddiga loo xil saaray dayactirka waddada laamiga ah dhex marta magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Musharraxa ayaa sheegay inay waajib tahay in laga qayb qaato mashaariicda danta guud gaar ahaan dhismaha waddooyinka, isagoo xusay in jidkani aad muhiim ugu yahay isu socodka dadka iyo gaadiidka ee magaalada Boosaaso. Injineerku wuxuu dhinaca kale ballan qaaday haddii loo doorto xilka Madaxwaynaha Puntland in uu dayactir ku samayn doono dhammaan jidadka halbowlaha u ah isku xirka iyo ganacsiga deegaannada Puntland. Sheekh Maxamad Macallin oo ku hadlayey afka Guddiga Dayactirka Jidka Boosaaso ayaa uga mahadceliyey musharraxa gacanta uu ka gaystay mashruucan, isagoo Ilaah uga baryey in deeqdan beddelkeeda uu miisaanka xasanaadka ugu kordhiyo. Musharrax Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye ayaa weli ku guda jira socdaalka uu ugu magac daray ‘Tashi iyo Tabasho’. Socdaalkan ayaa ah mid musharraxu ugu kuur gelayo xaaladda guud ee dalka islamarkaana uu kula tashanayo qaybaha kala duwan ee bulshada. Cabdiqani Boos Puntland Post-Bosaso The post Musharrax Jebiye oo $50,000 ugu deeqay Dayactirka Wadada halbowlaha u ah ee Bosaso appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho (Sh.M.Network) – Saraakiil ka tirsan ciidanka xooga dalka Soomaaliya iyo taliyaal ciidan gaar ahaan Ururka 48aad, guutada 10aad, qaybta 43aad ayaa kulan waxay ku yeesheen magaalada Buurdhuubo ee gobolka Gedo. Kulanka ayaa waxay kaga hadleen arrimo la xiriira in masuuliyiinta maamulka Jubbaland aanu imaan karin degaanada iyo degmooyinka gobolkaasi, oo hoos-yimaada dowlad goboleedkaan. Cabdiraxmaan Muxumad oo kamid ah saraakiisha oo u waramay warbaahinta ayaa sababta ku sheegay in masuuliyiinta Jubbaland ay caadeysteen inay u udiidaan garoonka Kismaayo kasoo degista masuuliyiinta iyo taliyaasha ay dowladdu soo dirto. Hoos ka dhageyso warka oo Cod ah http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Qani.mp3 The post Masuuliyiinta Jubbaland oo laga mamnuucay gobolka Gedo appeared first on Shabelle. View the full article
  9. Muqdisho (Sh.M.Network) – Fahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dagaal culus oo saacado qaatay kaasi oo ciidamo ka tirsan dowlada oo ay wehliyaan kuwa Galmudug iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ku dhex-maray degaanka Goolagoole oo qiyaastii 80 KM ujira degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud. Dadka degaanka ayaa sheegay in dagaalka uu geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaarey dhinacyadda dagaalamay xili dhimashada ay gaarsiiyeen saddex, iyaga oo dhaawaca ku tilmaamay inay gaareyso afar kale. Wararka ayaa intaas u daraya in ciidanka dowladda ay dagaalka ku qabsadeen tuulooyin horleh oo gobolka ka tirsan, kuwaasi oo ay horey sugnaayeen xoogaga Al-Shabaab oo dhankooda lasoo warinayo inay haatan wadaan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay Aagaasi ka sameynayaan. Dagaalkaan ayaa wuxuu kusoo aadaya xili mudooyinka dambe ay saraakiisha ciidamada xooga dalka ee ku sugan degaanka maamul goboleedka Galmudug ay ku cel-celinayaan inay qaadi doonan guluf balaaran, kaasi oo ay Al-Shabaab kaga saarayaan tuulooyinka ay joogaan gobolka. The post Dagaal culus oo dhex-maray ciidanka DFS iyo AlShabaab appeared first on Shabelle. View the full article
  10. Muqdisho ( Sh.M.Network) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/warka-Duhur-16112018.mp3 The post Dhageyso: Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  11. Washington (Caasimada Online) – Golaha Senate-ka Mareykanka ayaa u codeyn doono sharci lagu ciqaabayo Dowladda Sacuudiga kaasi oo la xiriira dagaalka Yemen iyo dilkii Wariye Jamaal Khaashuqji oo ka dhacay magaalada Istanbul, sida uu sheegay xildhibaan ka tirsan Golaha. “Goluhu waxay u codeyn doonaa ka hor dhamaadka sanadkan, sharci lagu raadinayo in lagu joojiyo dhamaan taageerada Sacuudiga ee dagaalka Yemen” waxaa sidaasi yiri Senator Bob Corker, oo ah guddoomiyaha guddiga xiriirka dibadda ee Senate-ka. Wuxuu sidoo ka sheegay inay suuro gal tahay in mooshin laga keeno u codeynta hanaanka looga hortagayo hubka ay iibiso xukuumadda Riyaad, sida uu xildhibaanka cadeeyay. “Aqalka sare waxay raadinayaan hanaan lagu tusayo Sacuudiga, waxa ku dhacay Wariye Jamaal iyo arinta la xiriira hanaanka ay Yemen la doonayaan”sidaasi ayuu hadalkiisa kusii daray Mr Bob. Dilkii Wariye Jamaal oo dhacay labadii bishii lasoo dhaafay ayaa sare u qaaday walwalka Golaha Senate-ka , sidoo kale waxaa walwalka aqalka kor u qaaday dagaalka Yemen, gaar ahaan dilka dadka rayidka ee ka dhashay weerarada Sacuudiga. Lindsey Graham oo aqalka sare ku matala xisbiga Jamhuuriga ayaa sheegay in golaha ay ka doodayeen cunaqabateyn ka dhan ah Sacuudiga, taasi oo ka dhalatay dilkii Jamaal Kashoqji “Maxamed Bin Salmaan waa ruux aan lagu kalsoonaan karin oo aan degeneyn”ayuu hadalkiisa kusii daray Mr Graham. Caasimada Online Xafiiska Washington Caasimada@live.com
  12. Waxa ay aheyd doorashadii 7-aad ee xiriirka kubbadda cagta dalka waxaan markale ku guulaystay C/qani Saciid carab oo horay u ahaa gudoomiyaha ,isagoo iminka sii hogaamindoona afarta sano ee soo aadan Waxaa kasoo qeyb galay madax ka socotay FIFA,CAF,maamulka Goboleedyada,Hirshabeele,Koonfur Galbeed,Jubaland,Puntland,Galmudug,Gobolka Banaadir wasaarada ciyaaraha iyo dhalinyarada iyo gudooomiyaasha kooxaha kubbadda cagta heerka 1-aad,2-aad iyo 3-aad C/qani Saciid carab ayaa helay 33-cod oo gacantaaga ah wuxuuna sheegay afartan soo aadan in uu wax badan ka badali doono heerka kubbadda cagta dalka iyo in uu dhameystiridoono howlihii u qorshaynaa Suleymaan Waaberi oo ah gudoomiyaha xiriirka kubbadda cagta dalka Jabuuti kana socday xiriirka kubbadda cagta qaarada Afrika ee CAF ayaa sheegay in Soomaaliya ay gaarto horomar wanaagsan iyagana ay taageeridoonaan is badalka iyo geedi socodka wanaagsan ee xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya Gudoomiyaasha xiiirada kubbadda cagta Maamul-Goboleedyada oo lagu casuumay doorshadan ayaa sheegay in maanta meesha laga joogo laga anbaqaado sanadaha soo aadan ay iyaga door wacan ku yeelandoonaa doorashooyinka ceeynka oo kale si gobolada ay u gaarto horomarinta kubbadda cagta Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine) oo horay u ahaa gudoomiye ku xigeynka labaad ayaa afarta ee soo aadan loo doortay gudoomiye ku xigeynka 1-aad,halka C/llahi Sheekh Nuur Axmed oo isna ahaa sanadihii laga soo gudbay gudoomiye ku xigeynka 1-aad loo doortay gudoomiyaha xigeynka 2-aad waxayna labadooda heleyn min 33-cod,iyagoo si wadajir sheegay in ay ka shaqeyndoonaan horomarinta ciyaaraha wax badan ay soo kordhin doonaan afarta sano ee soo aadan Waxaaa xubanaha Fullinta loo doortay oo la shaqeyndoona gudoomiyaha iyo ku xigeynadiisa Abuukar Isloow Xuseen,Cabdisamad Shiikh Qaasim,Yaxye Maxamed Abuukar (Aayoow),Cumar Maxamuud Nuur (Mugaambe)iyo C/laahi Cusmaan Daami horay waxa ay ugu soo qeyb qaateyn horomarinta isboortiga Bahda ciyaaraha dalka ayaa maamulka cusub ee xiriirka kubbadda cagta ka warsugaya horomaro kala gedisan oo xaga gudaha iyo dibada si dalkeena uu ula jaanqaandoono wadamada ku hormay ciyaaraha Halkaan Ka Daawo Qaabka Ay U Dhacday Doorashadii 7-aad Ee Xiriirka Kubbadda Cagta W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  13. Muqdisho (Sh.M.Network) – Halkaan ka Dhageyso Barnaamijka maxaa ka run ah wixii la sheegay? Hoos riix si aad u Dhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Bar___-Maxaa-Ka-Run-Ah-Wixii-La-Shegay-16112018-web.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka maxaa ka run ah wixii la sheegay? appeared first on Shabelle. View the full article
  14. Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaal xoogan oo saacado badan socday uu ka dhacay gobolka Galgaduud, kaasi oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al Shabaab. Dagaalka ayaa bilowday xalay Saq dhexe, waxaana la isla gaaray waaberigii saaka, iyadoo ugu dambeyn ciidamada dowladda ay deegaano cusub ka saareen ciidamada Al Shabaab, sida dadka deegaanka ay xaqiijiyeen. Ciidamada Meletariga iyo kuwa Galmudug oo iskaashanaya ayaa deegaano dhowr ah oo hoostaga degmada Guriceel kula dagaalamay ciidamada Al Shabaab, waxayna ka saareen tuulooyin dhowr ah. Deegaanka Goola Goole oo kamid ah deegaanada hoostaga degmada Guriceel ayaa waxaa la wareegay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Galmudug oo isbaheysanaya. Xiisad dagaal iyo dhaqdhaqaaq ciidan ayaa laga dareemayaa gobolka, gaar ahaan deegaanadii xalay ilaa saaka lagu dagaalamayay, iyadoo ciidamada dowladda ay doonayaan inay isku balaariyaan deegaanada Al Shabaab ka joogaan Duleedka Guriceel. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Jabuuti ayaa golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ka dalbatay inay taageeraan sidii loo xalin lahaa murun xuduudeedka kala dhaxeeya dowladda Eritrea, haddii lagu guul dareystana ka taageeraan sidii maxkamada ICJ dacwad kaga furan lahaayeen. Safiirka Jabuuti ee Qaramada Midoobay Amb Maxamed Saciid Ducaale, ayaa sheegay in dowladda Jabuuti ay dooneyso in xal kama dambeys ah laga gaaro murun xuduudeedka u dhaxeeya dalalka Eritrea iyo Jabuuti. “Djibouti waxaa ay golahu ugu yeertay iyada oo kaashaneysa taageerada xogheyaha guud in labada dhinac ay muranka ku xaliyaan si nabad ah, oo cid kale ay dhex-dhexaadiso sida maxkamadda cadliga adduunka ee ICJ” sidaasi waxaa sheegay Ducaale. Wuxuu sheegay Safiirka inay marka doonayaan in xalka lagu raadiyo qaab wadahadal ah, haddii ay suuro gal noqon weysana ay maxkamada ICJ dacwad ka furun doonaan si xal arimahaasi looga gaaro. Sida uu qorayo qodobka 33 ee dastuurka UN-ka, waxaa uu ogalaanayaa in dalalka muranka ka dhaxeeyo ay xal iyo qaab nabadeed u raadin karaan xuquuqdooda. Arrimaha Djibouti ku doodeyso waxaa ka mid ahaa milkiyadda Jasiiradda Doumeira iyo 13 maxbuus oo weli lagu la’yahay gacanta Eritrea. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. Addis Ababa (Sh.M.Network) – Madaxwaynaha dowlad degaanka Soomaalida, Mustafa Maxamed Cumar [Cagjar] ayaa utegay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya xal uhelista colaad kasoo cusboonaatey degaanka Mooyaalle. Cagjar ayaa lagu wadaa inuu kulan la yeesho masuuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka isaga oo kala hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee sababay dhimashada in ka badan 30 ruux, iyo dhaawac tiro kale ee Mooyaalle laga soo wariyay. Mr Cali oo ah kamid ah masuuliyiinta Oromada ee tuulada ku taala xadka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku eedeeyay Soomaalida inay doonayan dhul-balaarsi, isaga oo ku baaqay nabad iyo sidii loosoo afjari lahaa xiisada. Safarka uu Mustafa Cagjar ku tegay Addis Ababa ayaa yimid markii shir deg deg ah ay Khamiistii yeesheen Gollaha Wasiirada ee degaanka, kaasi oo qodobada looga hadlay ay kamid tahay dagaalada Mooyaale iyo sidii loo qaboojin lahaa. The post Mustafa Cagjar oo kulan la leh madaxda ugu sareysa D/Itoobiya appeared first on Shabelle. View the full article
  17. Muqdisho (Sh.M.Network) – Taliyaha ciidanka Booliska Soomaliyeed, Bashiir Cabdi Maxamed [Ameeriko] ayaa sheegay in xabsi la digay saraakiil iyo askar ka tirsan Milatariga iyo Booliska dalka. Ameeriko ayaa shaaciyay in xariga xubnahaani ay ka dambeysay markii lagu helay dambi ah inay mushaar kaga qaadan jireen dowladda darajoooyin been-abuur ah, taasi oo baaris qoto dheer lagu sameeyay. Saraakiisha iyo Askarta lasoo xiray ayuu taliye Bashiir cod dheer ku tilmaamay in lasoo taagi doono maxkamad si ay uwajahaan cadaaladda, isaga oo xusay inay kordhin doonan howlgalada noocaan ah. Shaqaalaha dowladda ee sidaan oo kale uga qaatay mushaarka ayuu taliyaha Booliska ku goodiyay inay iyagana ka dabategi doonan, islamarkaana cidii lagu heli ay gacanta kusoo dhigi doonan kadibna ay sharciga horgaynayaan. Talaabadda ayaan waxay sahleysaa in gacanta lagu soo dhigi ciidan fara badan, kuwaasi oo ka diiwaan-gishan meelo kala duwan, xili damacoodu yahay inay labo mushaar ka qaataan dowladda Soomaaliya. The post Saraakiil iyo Askar ka tirsan ciidanka DFS oo la xiray appeared first on Shabelle. View the full article
  18. Dalka Djibouti ayaa ka codsaday golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey inay ka taageeraan sidii loo xallin lahaa muran xuduudeedka kala dhaxeeya dalka Eritrea iyo inay dacwo ka furtaan maxkamadda cadliga ee International Court of Justice, haddii uu lagu guul-dareysto dhex-dhexaadinta iyo wada hadalka. Ambassador Maxamed Saciid Ducaale, oo safiirka Djibouti ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay in dalkiisa uu doonayo in xal kama dambeys ah loo helo khilaafka xadka ee kala dhaxeeyo Eritrea iyo in lagu kala baxo qaanuunka dowliga ah. “Djibouti waxaa ay golahu ugu yeertay iyada oo kaashaneysa taageerada xogheyaha guud in labada dhinac ay muranka ku xaliyaan si nabad ah, oo cid kale ay dhex-dhexaadiso sida maxkamadda cadilga adduunka ee ICJ” sidaasi waxaa sheegay Ducaale. Sida uu qorayo qodobka 33 ee dastuurka UN-ka, waxaa uu ogalaanayaa in dalalka muranka ka dhaxeeyo ay xal iyo qaab nabadeed u raadin karaan xuquuqdooda. Arrimaha Djibouti ku doodeyso waxaa ka mid ahaa milkiyadda Jasiiradda Doumeira iyo 13 maxbuus oo weli lagu la’yahay gacanta Eritrea. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Muqdisho (Sh.M.Network) – Booliska Soomaaliya ayaa tan iyo xalay waxay dhaqdhaqaaqyo ciidan iyo howlgalo baaris ah ay kawadaan xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Howlgaladaan oo meelaha ay ka socdaan kamid tahay xaafado ka tirsan degmooyinka Yaqshid, Hodan iyo Kaaraan ayaa ka dambeeyay markii dilal qorsheysan ay siyaabo kala duwan magaalo madaxda dalka. Lama ogga hadii baaritaanka ay wadaan ciidamada lagu soo qab-qabtay Rag lagu tuhmayo inay ka dambeeyeen falalkaasi khaarijinta, mana jirto masuul ka tirsan laamaha amniga oo illaa iyo haatan ka hadlay. Horaantii todobaadkan ayay ahayd markii taliska Booliska Soomaaliyeed iyo maamulka Gobolka Banaadir ay ka codsadeen Rayidka inay kusoo war-geliyaan hadii ay arkaan kooxaha dilalka iyo falalka amniga lidiga ku ah geysta. The post Dhaqdhaqaaqyo ciidan ka socda xaafado ka tirsan Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  20. Soomaaliya waa dalka 7aad ee ugu barakacayaasha badan dunida, waxaana la sheegayaa inay gudaha dalka ku barakaceen dad lagu qiyaasay 1.1 million. Si dadkaas baahidooda loo daboolo, waxaa ay wararka sheegayaan in hey’adaha gargaarka ay heleen 65% lacagtii ay rabeen in arrimahaas wax looga qabto. Waxaa laga codsaday hey’adaha caalamiga iyo NGO-ska inay ka shaqeeyaan hagaajinta nolosha dadkaas iyo inay ka hortagaan inay qasab looga raro goobaha ay deggan yihiin. Arrimaha Banii’aadnimada waa meelaha ay ugu nugushahay Soomaaliya, waxaana socdo barakac joogta ah, oo u badan dadka ku nool bartamaha iyo koonfurta dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamada amaanka ay gacanta ku dhigeen gaari qarax ah iyo ruuxii waday. Saraakiisha ciidamada ee degmada Caabudwaaq ayaa sheegaya in gaariga ay ka buuxeen waxyaabaha qarxa, iyadoo ay durba bilaabeen baaritaan la xiriirka gaarigaasi, halka lagu diyaariyay iyo qorshaha laga damacsanaa. Ciidamada Galmudug ayaa sheegay in shaqsiyaadkii waday gaarigaasi oo aysan shaacin tiradooda inay gacanta ku dhigeen, baaritaan kadibna ay warbaahinta xog dhameystiran la wadaagi doonaan. Waxay sheegeen in saacaha soo socdo ay soo bandhigi doonaan gaarigaasi iyo dadkii la socday iyo sidoo kale ujeedada laga lahaa gaariga ay ka buuxeen waxyaabaha qarxa. Warar hordhac ah oo aan heleyno ayaa sheegaya in labo ruux ay la socdeen gaariga waxyaabaha qarxa ay ka buuxeen, iyadoo lagu qabtay koontaroolka magaalada Caabudwaaq. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. Jowhar (Sh.M.Network) – Wasaarada amniga dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa sheegtay in uu socdo qorshe lagu doonayo in lagu hubeeyo maleeshiyaad ku sugan qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha Dhexe. Wararka idaacadda Shabelle ay ka heleyso gobolka gaar ahaan xarunta madaxtooyada maamulkaan ayaa ku waramaya in ay wada kulmeen masuuliyiin ka tirsan maamulka iyo sidoo kale hogaanka Maleeshiyaadka. Maleeshiyaadka oo la magac baxay Macawiisley ayaa dagaal ka dhan ah xoogaga Al-Shabaab kawada deegaano dhac Gobolka Shabeellaha Dhexe ee koonfurta dalka Soomaaliya. Masuul ka tirsan wasaarada Amniga Hirshabelle ayaa shaaca ka qaaday in Maleeshiyaadka Macawiisleey lagu biirin doono Ciidamada maamul goboleedkan islamarkaana la siin doono qalab melatari oo ay ku howlgalaan. Ugu dambeyntii, isaga oo sii hadlaya ayuu tibaaxay masuulka uu ka go’an yahay sida uu hadalka udhigay derdergelinta howlgalada ka dhanka ah AlShaabab ee ka socda deegaanada hoos-yimaada maamul goboleedkaan. The post HirShabelle oo xoojineysa dagaalka ka dhanka ah AlShabaab appeared first on Shabelle. View the full article
  23. Cadaado (Sh.M.Network) – Wasiiru dowlaha Wasaarada amniga ee maamulka Galmudug, Mahad Xassan Maxamed oo la hadlay idaacada Shabelle ayaa shaaciyay in ciidamada amniga maamulkaan ay qabteen shabakad maleegeysay weeraro ay ka fuliyaan degmadda Caabuqwaaq ee gobolka Galgaduud. Masuulkan oo hadalkiisa sii wata ayaa daboolka ka qaaday in ragga hubeysan oo ay qabtaan uu bartilmaameedkooda uu ahaa goob lagu hayey digriga Alle oo ay ku sugnaayeen Culimaa’udiin Soomaaliyeed. Wasii Mahad ayaa sheegay in shakabada oo ka kooban labo ruux ay wateen gawaari ay ka buuxaan walxaha qarxa, kuwaasi oo uu xusay inay doonayeen inay ku beegsadaan meesha uu digriga ka socday. Ciidamada fuliyay howlgalkaan lagu soo qabtay ragaasi iyo walxaha ay siteen ayuu Wasiiru dowlaha ku amaanay ka hortega ay sameeyeen, kaasi oo uu ugu baaqay inay joogteeyaan si amniga loo sugo. Ciidamadda amniga dowlad goboleedka Galmudug ayaa waxay inta badan howlgalo lagu xaqiijinayo nabad-gelyadda ka sameeya degaanada iyo degmooyinka hoos-yimaada maamulkaan. The post Galmudug oo qabatay Rag hubeysan oo qorsheynayey Qaraxyo appeared first on Shabelle. View the full article
  24. Muqdisho (Caasimada Online)-Sida la filayay maalintii shalay ayay aheyd waqtigii loo balansanaa in shirkadda diyaaradaha Kenya Airways ay bilowdo duulimaadyo toos ah oo ay isaga kala goosheyso Muqdisho iyo Nairobi. Maamulka Diyaaradda Kenya Airways, ayaa qoraal ay soo saareen waxay ku sheegeen inay duulimaadyada ay si toos ah u bilaaban doonaan 5 December, laakiin ma aysan sheegin waxyaabaha keenay inay shalay “15 November” ka baaqdaan imaanshahooda Muqdisho. Warar aan heleyno ayaa sheegay inay jiraan dhowr arimood oo ay kamid yihiin qiimeynta wali ay sameynayaan maamulka Shirkadda Kenya Airways, iyadoo sidoo kale ay qiimeynayaan rakaabka ay heli karaan, maadaama duulimaadkooda la filayo inuu joogto noqdo. Shirkadaha Turkish Airline, Ethiopia Airline iyo Jabuuti Airways ayaa hadda duulimaad toos ah ku yimaada magaalada Muqdisho, waxaana hadda furmaya Suuqa Diyaaradaha Soomaaliya, maadaama isbadal amaan uu jiro. Dhinaca dowladda Burundi ayaa hakisay qorshe ay u adeegsan lahaayeen duulimaadyada Tooska ee Kenya Airways, oo isaga kala gudbi laheyd Nairobi iyo Bujambuura, sida maamulka diyaarada ay sheegeen. Sababo la xiriira Diyaaradaasi oo aan lahayn qeyb u gaar ah Madaxda iyo Ganacsatada ku safri lahaa Diyaaradda nooceedu yahay Jumbo Jet, Bombardier Dash 8 Q400 ayaa dowladda Burundi ay u joojisay adeegsiga diyaaradaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  25. Muqdisho (Sh. M. Network) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Subax-16112018.mp3 The post Dhageyso: Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article