Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,244
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha cusub ee dowladda Maraykanku u soo magcawday Soomaaliya Mudane Donald Yukio Yamamoto. Danjiraha sucub mudane Yamamoto ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka uga mahadceliyey ka guddoomidda waraaqaha aqoonsiga, isaga oo sheegay in dowladda Maraykanku ay Soomaaliya ka caawin doonto dhinacyada horumarka, amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada. Madaxweyne Farmaajo ayaa dhankiisa danjiraha cusub u mahadceliyey, isaga oo ku soo dhaweeyey Soomaaliya, una ballan qaaday in dowladda Soomaaliya ay la shaqayn doonto. The post Madaxweynaha JFS Oo warqadaha ka guddoomay danjiraha Maraykanka appeared first on Shabelle. View the full article
  2. (SLT-Laascaanood)-Wasiirka Arrimaha Gudaha JSl Maxamed Kaahin Axmed oo ay Weheliyaan Wafti Wasiiro ah iyo Gudida Nabadaynta golaha guurtida , Maamulka Heer Gobol iyo Heer degmo ee Gobolka Sool ayaa saaka Si rasmiya u Dhagax dhigay Dhismaha Waddo laamay ay oo isku xidhi doonta Madaarka iyo Magaalada Laascaanood. Dhismaha Jidkan Laamayga Ah oo dherer ahaan Dhan 5KM ayaa loogu magac daray Garaad Ismaaciil Ducaale Road. mashruuca dhismaha wadadan ayaa waxaa maalgalintiisa iska kaashaday sanduuqa horumarinta midawga yurub iyo Xukuumada Somaliland kaasi oo dhismihiisa fulin doonto shirkada dhismaha ee shire construction company. Source
  3. Boosaaso ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo gobolka Bari ayaa ku warramaya in maanta Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Puntland Qarax lagul eegtay inta u dhexeysa degmada Boosaaso iyo Buuraha Galgala ee gobolkaasi. Qaraxa oo ahaa nuuca Miinada dhulka lagu aaso ayaa la sheegay in lala bartilmaameedsay Gaadiid ay la socdeen Ciidamadaasi. Inta la ogyahay illaa 3 Askari ayaa ku dhaawacantay qaraxaasi, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo wareedyo ku sugan halkaasi. Ciidamada Qaraxa lala eegtay ayaa la sheegay in ay ka soo ambabaxeen dhanka Buuraha Galgala, kuna soo jeedeen magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland. Dhinaca kale Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qaraxan, sida ay ku baahiyeen barahooda Internet-ka. Al Shabaab ayaa warkan ku sheegay in qaraxaasi ay ku dileen Askar iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada maamulkaasi, sida ay hadalka u dhigeen. Inta badan Dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab ayaa weeraro gaadma ah iyo qaraxyo la beegsada Ciidanka Puntland ee ka howlgallo buuraleyda G/ Bari ee Puntland. The post Faah faahinno ka soo baxaya qarax ka dhacay Gobolka Bari appeared first on Shabelle. View the full article
  4. Addis Ababa ( Sh. M. Network )-Ra”iisul wasaaraha dalka Itoobiya Dr.Aby Ahmed ayaa maanta si rasmi ah u furay kulan ay ka qeybgaleen Madaxda dalalka Midowga Afrika oo ka dhacay magaalada Adis-ababa ee dalkaasi. Dr.Aby Ahmed oo halkaasi ka jeediyay khudbaddii furitaanka ,waxa uu soo dhoweeyay madaxdii ka qeybgashay shirkaasi , isagoo ka warbixiyay in la sii ambaqaado qodobada muhiimka ah ee loo baahan yahay in Qaaradda Afrika ay ku tallaabsato . Ra”iisul wasaaraha Itoobiya, waxa uu caddeeyay in ay lagama maarmaan tahay wada shaqeyn laga yeesho aayaha Qaaradda, gaar ahaan sidii loo abuuri lahaa jewi nabadeed iyo kor u qaadidda dhaqaalaha. Madaxweynaha dalka Rwanda Paul Kagame ahna guddoomiyaha Midowga Afrika ee sanadkaan ayaa sheegay in hadafka isbadalka loo baahan yahay uu yahay in la helo Afrika oo xoogan, isla markaana dadkeedu ay helaan mustaqbal wanaagsan . Kulankaasi waxaa kaloo ka hadlay Moussa Faki Mahamat, oo ka mid ah la guddoomiyaasha guddogga midowga Afrika, isagoo faahfaahiyay dhaqdhaqaaqyada isbadalada loo baahan yahay. The post Shirka Midowga Africa Oo ka Furmay magaalada Addis Ababa appeared first on Shabelle. View the full article
  5. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho,iyadoo uu shir guddoominaayay kusimaha guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna guddoomiye ku xigeenka koowaad mudane C/weli Sheekh Ibraahim (Muudeey) waxaa soo xaadiray 155 xildhibaan. Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ansixiyay hindise sharciyeedka dhismaha hay’adda dadka naafada ah oo maray aqrinta saddexaad. Hindise sharciyeedkan ayaa waxaa soo diyaariyay wasaarada Haweenka iyo xuquuql insaanka ee Xukuumada Soomaaliya, waxaa wax ka bedel iyo ku daris ku sameeyay guddiga xuquuqul insaanka ee Golaha Shacabka. 155 oo madasha fadhiyay ayaa cod wada ogol ah ugu codeeyay, ma jirin xildhibaan diiday ama xildhibaan ka aamusay. Guddoomiyaha guddiga xuquuqul insaanka ee Golaha Shacabka Xildhibaan Xaawa Yuusuf Axmed ayaa xildhibaanada kaga mahad celisay ansixinta iyo go’aanka wada ogolka ah oo ay qaateen. Dhanka kale Wasiirka Wasaarada Maaliyadda ee Xukuumada Soomaaliya mudane C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa xildhibaanada Golaha Shacabka sharaxaad ka siiyay miisaaniyadda dowladda 2019 oo ay wasaaradiisu soo diyaarisay. Wasiirka ayaa sheegay in isbadal weyn uu ka muuqdo sanadkan miisaaniyadda, waxa uu soo bandhigay meelaha ay u qorsheeyeen in lagu taageero miisaaniyaddaan. Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka oo kulanka ka hadlay ayaa soo jeediyay in miisaaniyaddaan lagu cadeeyo shaqaaleysiinta shaqaale cusub, keenista xisaab xirka 2017 iyo wasaaradda maaliyadda ee golaha horkeento kororka dhaqaale ee la sameeyay. Kusimaha guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna guddoomiye ku xigeenka koowaad mudane C/weli Sheekh Ibraahim (Muudeey) ayaa sheegay in guddiga maaliyadda iyo miiisaaniyadda ee Golaha Shacabka laga doonayo in ay ka soo shaqeeyaan miisaaniyaddan ka dibna aqrinta labaad ay soo diyaariyaan. ” Arrintaan waxaa ka soo shaqeynaya guddiga inoogu xil saaran arrimaha maaliyadda iyo miisaaniyadda oo aan ka sugeyno iney noo keenaan xisaab xirka 2017 iyo meelaha dhaliilaha laga jeediyay ka dib ayaa xildhibaan walbo fursad loo siinaya inuu ka doodo maadaama maanta aqrin koowaad ay tahay”. ayuu yiri guddoomiye Muudeey. The post Golaha Shacabka Oo ansixiyay hindise sharciyeed muhiim ah appeared first on Shabelle. View the full article
  6. Nairobi (Caasimadda Online) – Dowladda Kenya ayaa shaacisay magacyada saddex ka mid ah Al-Shabaab oo ay sheegtay in ay hubeysan yihiin qatarna ku yihiin Muwaaddiniinta Kenyaanka ah. Magacyada raggan ayaa lagu kala sheegay Abdalla Omar Masudi, Ismael John Otieno iyo John Muasya oo ku magac dheer Yahya Muasya. Raggan ayey dowladda Kenya sheegtay in ay ka soo kala jeedaan Gobollada Mombasa iyo Kwale ee dalka Kenya. Booliska waxa ay sheegeen in Guriga Cabdalla ay weerareen 12-kii Bishan, kana soo heleen Qori AK47 ah, iyo 30 Xabbo oo rasaas ah. Ismael iyo Yahya ayey Boolisku sheegeen in markii ugu dambeysay lagu arkay degaanka Bombolulu, ee Magaalada Mombasa, Bishii October ee la soo dhaafay. Sanadkii 2016-kii ayaa lagu xiray Lamu, waxaana la siidaayay muddo kaddib markii lagu waayay caddeymo ku filan, markaas oo lagu helay in ay u safreen Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  7. Caabudwaaq ( Sh. M. Network )-Ciidamada ammaanka ee maamulka Galmudug ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo ballaaran ka sameeyay gudaga degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa la lagu soo qab qabtay Hub iyo Darees Ciidan, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan maamulkaasi. Sidoo kale saraakiishu waxa ay sheegeen in howlgallada u jeedkoodu uu ahaa, sidii loo xaqjiiyeen amniga degmadaasi. Ammaanka Caabudwaaq ayaa maalmihii dambe ahaa mid aan xasilooneen, waxaana ka dhacayay falal liddi ku ah ammaanka magaaladaasi. The post Howlgallo ballaaran Oo laga sameeyay Caabudwaaq appeared first on Shabelle. View the full article
  8. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan oo ka mid ah mudenayaasha golaha guurtida Somaliland ayaa si weyn uga dayriyay xaaladda Somaliland ay maanta marayso, Halkan hoose ka DAAWO Source
  9. Baydgabo ( Sh. M. Network )-Xildhibaanada Baarlamaanka K/ Galbeed Soomaaliya ayaa maanta meel mariyay 15 xubnood oo loo soo xulay in ay noqdaan guddiga cusub ee qaban qaabada ee doorashada maamulkaasi. Xubnahan ayaa waxaa ku jira Haween, waxaana kulanka maanta ay Baarlamaanku ku ogolaadeen ku sugnaa mas’uuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed iyo qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee deegaanada maamulkaasi. Maxamed Xaaji Xasan Liibaan oo ka mid ah waxgradkii ka qeyb galay kulanka ayaa Shabelle uga warbixiyay magacaabista guddigan cusub oo dardar galin doona qabsoomida doorashada maamulkaasi. Dhawaan ayey aheyd markii ay is casileen xubno ka mid ahaa Guddigii doorashada K/ Galbeed, sababo la xariira fargalin ay sheegeen in lagu hayo. The post Guddiga doorashada Koonfur Galbeed Oo la magacaabay appeared first on Shabelle. View the full article
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Xiisadda Dagaal ee u dhaxeysa Al-Shabaab iyo Daacish ayaa dhibaatada ugu badan waxay kasoo gaartaa dadka shacabka ah, iyadoo labada dhinac ay dhaqalo shacabka ka doonayaan. Wargeyska Al Naba oo ah todobaadle ku hadla Afka Daacishta Syria ayaa warbixin uu ka qoray Al-Shabaabka Soomaaliya, waxaana ay sheegeen inay digniin ugu dirayaan Al-Shabaab. Digniinta ayaa aheyd in Al-Shabaab aysan ishor istaag ku sameyn howlgalada ay ka wadaan dalka Soomaaliya kooxda Daacish, waxaana muuqata in waxyaabaha la isku qabtay ay yihiin dhanka dhaqaalaha. Wargeyska oo soo xiganayay Afhayeen u hadlay Daacish, ayaa sheegay in Al-Shabaab aysan ku qanacsaneyn dhaqdhaqaaqa Daacish ee Soomaaliya, balse ay sameyn doonaan wax walbaa oo ay isaga difaacayaan weerarada Al-Shabaab. Waxa kale oo uu sheegay in Shabaab ay weeeraro ay ku qaarijiyeen Saraakiil sar sare oo Sooomaaliya wakiil ugu ahaa Hogaamiyaha Daacish Abu Bakar Al Baqdaadi ay kusoo qaadeen balse sida uu sheegay iminka la joogo xiligii ay Daacish ka aargudsan laheyd. Hadalada Daacish ee Digniinta Al-Shabaab ayaa u muuqda mid fursad u ah dowladda Soomaaliya, maadaama haddii dhexdooda isku mashquulaan ay ka faaideysan karto. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qaraxa Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM barqanimadii maanta lagula eegtay qeybo ka mid ah degmada Heliwaa ee G/ Banaadir. Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa la sheegay in lala bartilmaameedsaday kolonyo ay la socdeen Ciidamadaasi, xilli ay marayeen xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmadaasi. Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo warramayaa in qaraxaasi uu ka soo gaaray Ciidanka AMISOM. Balse ma cadda inta uu la egyahay, iyadoona sidoo kale qaraxu uu waxyeelo gaarsiiyay mid ka mid ah Gawaarida ay wateen Ciidamadaasi. Askarta AMISOM ee qaraxa lala eegtay ayaa ku sii jeeday dhanka gobolka Shabeelaha Hoose, sida ay xaqiijiyeen dad Goobjoogayaal ah. Dhinaca kale Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qaraxan, waxaana ay sheegeen in ay ku dileen 1 Askari oo ka tirsanaa Ciidamada AMISOM, sida ay hadalka u dhigeen. Dhawaan ayey aheyd qarax Miino Ciidamada AMISOM lagula eegtay agagaarka Isgoyska Ex Koontarool Balcad, halkaas oo ay ku dileen dad Rayid ahaa oo aan waxba galabsan. The post Kolonyo ka tirsan AMISOM Oo qarax lagula eegtay Heliwaa appeared first on Shabelle. View the full article
  12. Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Duhur-17112018.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  13. (SLT-Laascaanood)-Boqorka Beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa maanta soo gaadhey gobolka Sool. Waxaana boqorka meel 10 km u jirta degaanka Tuko-raq kusoo dhoweeyey wasiirka Horumarinta Biyaha Somaliland Saleebaan Cali Koore ,Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Ka Hortaga Afooyinka Dabiiciga ah iyo Kaydka Raashinka Qaranka iyo Garaadka guud ee gobolka Sool Garaad Jaamac garaad Ismaaciil. Waxa kale oo soo dhoweyntaasi qayb ka ahaa Maayirka degmadda laascaanood iyo saraakiisha ciidamada Qaranka ee degaankaasi ku sugan. Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland oo socdaalka boqorka ka hadlay ayaa sheegay in ay ka xukumad ahaan kusoo dhoweynayaan boqorka dalka Somaliland ayna la qaban doonaan hawlaha uu u socdo ee Nabadaynta beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamay dhowaan Koonfurta gobolka Sool. Source
  14. Sannad ayaa u dhammaaday Xukuumadda Muuse Biixi Cabdi. 21-November 2017-kii ayuu Koomiishanku ugu dhawaaqay Murashaxiintii KULMIYE. 14 December ayuu soo dhisay Madaxweyne Muuse Biixi Golaha Wasiirada ee sawiradooda aragtaan. Maxa dib u socday dhacay sannad gudihii ? 1. Markii kobaad tariikhda Jamhuuriyadda Somaliland waxa sannad Xileedkii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi dhacay in Dawlad dhan intay soo guurto ilaa Wasiiradeedi ay ku shiraan gudaha dhulka Somaliland, Gobolka Sanaag ayay Xukuumadda Puntland shirkoodi Wasiirada ilaa Madaxweynahoodi ku shireen, hore Somaliland umay soo marin hadana Gurigii Baarlamaanka ayaabay ka dhisanayaan. 2. Sannad xileedkii koobaad ee Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa Dalka ka dhacay iska hor imadaadi ugu dhimashada badnaa muddo tobanaan sanno ah, ammarka alle ka sokow dabac ayaa ku yimi hay’adihii ammaanka iyo xil gudashadoodi kadib markay si fudud u jabeen heshiisyada nabadeed ee Beelaha la dhex dhigo. Sababtuna waa mid qudha oo ah in aan ammarkii Xukuumadda ciddii heshiiska ka baxda lagu fulin laha ay meesha ka baxaan, taas oo baqdintii Xukuumadda laga cabsan laha aan waxba layskaga tirinayn markii fulinteeda la ogaaday. 3. Sannadkii kobaad ee xil haynta Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa beenoobay oo hal-bacaad lagu lisay noqday ballamihii ummadda lagu shubaayay sannadihii u danbeeyay iyo ololihii doorashada ee lagu wareejiyay Dekadii Berbera iyo Garoonkii Afrika ugu dheera ee Berbera. Xaqul qalin uu Madaxweynuhu badh ka aha markii Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE uu aha oo uu qaybtiisi qaatay wax ka badan ummadda ilaa hadda kama hayso mana soo gaadhin. Lama arkin Garoonkii cusbaa ee Diyaaradaha ee Berbera ee ummadda loo Sheegay in la dhisaayo. Lama hayo waddadii Wajaale ilaa Berbera ee la magacbaxday (Berbera Corridor) Dhismihii Dekeda cusub oo ballantu ahayd inta ka horaysa sannadka Madaxweynaha u dhammaaday ha sheegin. 4. Sicir-bararka silciyay ee sameeyay guud ahaan shacbiga Somaliland oo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi war-baahinta shirkiisi jaraaid ee ugu horreeyay uu ku sheegay in saddex casho la siiyo wax ka qabashadiisa sannad ayaa dhammaaday halkii u saraysayna wuu marayaa, ammaradii sherkadaha isgaadhsiinta la duldhigayna aqoon la’aan iyo mad madow badane allaa ku yaqaan ayay ku soo uruurtay. Guud ahaan dhaqaalihii waddanku sannad kadib wuu soo handaraabmay, ma jiro isu socodkii Caasimadda Hargaysa iyo Dalku la wadaagi jiray waddamada Geeska Afrika, Yuhuuntii ganacsi ee Dalka ku wareegi jirtay ayaa gudhay, inta Dawladi hayso amma Dadka ka soo gasha way koobantahaye waxa meesha ka baxay maalgashigii hoose ee bulshada. 5- Ku dhaqankii sharciga iyo ololihii MBC ee aha “Saraynta sharciga” ayaa gabi ahaanba meesha ka baxay sannadka xil hayntiisa u dhammaaday, tariikhda markii kobaad wuxuu Madaxweyne Muuse Biixi saxeexay xeerkii Kufsiga oo sharciga waddanka ugu sareeya ka hor imanaaya, sharciga Dalka ugu sareeya waa Dastuurka, kaas oo dhigaaya “In wax kasta oo Diinta Islaamka ka hor-imanaaya aanay waxba ka jirin “ Madaxweynahu sannadkiisi u horeeyay ayuu sharci jabin galay. Waxa la kordhiyay cashuuro aan Golaha sharci dajintu ansixinin markii kobaad Somaliland intii Xukuumaddo soo maray, xitaa kuwii hore waxay kordhinayaan cashuur Golaha sharci dajinta ayay ka ansaxsan jireen itaalka, Xukuumadda Muuse Biixi way garab martay, cashuuraha sannadka xil haynta Madaxweyne Muuse Biixi la kordhiyay waxa ugu xoogan shidaalka oo wax kasta ku xidhan yihiin nolosha Somaliland. 6- 21-sanno kadib ilaa 1997-kii shacbiga Somaliland sannadka u dhammaaday Xukuumadda Muuse Biixi Cabdi wuxuu u aha miday kala qaybsanaanta ay quluubtoodu kala durugtay gaadhay halkii u saraysay , taas oo wiiqday wadajirkii ummadda waxaanu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi muddo sannad ah oo uu xilka hayay ku guul daraystay inuu shacbiga mideeyo isu dhigo Madaxweynihii mid doortay iyo mid aan dooranba, kala fogaanshaha bulshada waxa dabka ku sii shiday hanaanka wax qaybinta Madaxweynaha oo badhkii Libaaxa uu Beeshiisa siisay bulshada intii kalena uu wixii soo hadhay u korka xaadiyay. Doorashooyinkii ayaa sannadkii koobaad ee Madaxweynaha soo oodmay mana muuqato rajo heshiis ilaa hadda. Lixda qodob ayaynu ku soo koobayna dib u dhaca sannadka ku yimi Somaliland, wixii ay guul sheeganayaan dhanka Xukuumadda Madaxweyne Biixi way u furantahay anigu docdii kale ayaan Iska taagay. Tusan .. Muniir Axmed Cigaal Sweden Source
  15. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa ka hadlay xaaladda dalka, Halkan hoose ka DAAWO Source
  16. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf iyo wetfi uu hoggaaminayay oo safar ugu maqnaa dalka Mosambik ayaa khamiistii dib ugu soo laabtay caasimadda Hargeysa. Xubnaha uu horkacayay Wasiirka caafimaadku ayaa dalka Mosambik kaga qaybgalay shir caalamiya oo lagaga arrinsanayay sidii dalalka Afrika isaga kaashan lahaayeen cudurada faaha. Wasiirka horumarinta caafimaadka Somaliland Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf oo ka hadlaya ujeedada safarkooda ayaa yidhi; “shirka aannu ka qaybgalnay waxa uu ahaa shir sanadkiiba ama labadii sanaba mar la qabto. Waxa lagaga wadahadlay xanuunada faaha ama dilaaca ee isaga gudba waddamada iyo sidii looga hortagi lahaa ama hadday dhacaanba wax looga qaban lahaa si degega.” Ayuu yidhi wasiirku Wasiir Xasan Ismaaciil Yuusuf waxa uu sheegay in Somaliland si rasmiya loogu soo casuumay shirkaasi, isla markaana loogu soo dhaweeyay isaga iyo weftigiisaba sida uu sheegay meqaam sare oo xataa ay jireen waxyaabo uu kaga duwanaa wufuudii kale ee dalalka kale ka soctay, oo uu gaar u xusay, wasiirku isagoo ka hadlayana waxa uu yidhi; “Innaga ka Somaliland ahaan, si rasmiya ayaa la innoogu soo casuumay, in ka badan Afartan waddan baa yimid, hay’addo badan oo caalamiya baa yimid, wasiirradana waxa joogay ilaa soddon wasiir oo wasiirradii caafimaadka ah. Weftigaygan aan hoggaaminayay anigoo wasiirkii caafimaadka ah, si heer sare ah baa la noo soo dhaweeyay. Waxa jirtay in goobtii aan shirka ka fadhiyay la sudhay calanka Somaliland iyo magacaba, halka wasiirrada kale ama madaxda dalalka kale uu horyaalay magaca dalalkooda, oo aannu calan lahayn.” Waxa uu wasiirku sheegay in ka wasaarad caafimaad ahaan ay Somaliland dhinaceeda u soo saxeexeen heshiis ku aadan iskaashiga qaarada Afrika ee cudurada dilaaca, waxaana isagoo ka hadlaya uu yidhi; “dhinaca caafimaadka waxa aannu soo saxeexnay heshiis ah in Afrika iska kaashato xanuunada dilaaca.” Waxyaabaha aannu la kulnay intii aannu joognay waxa ka mid ahaa, waddan yar oo Lezota la yidhaahdo oo South Afrika ku dhex jira oo wasiirka caafimaadka oo gabadh yar ahi ay ka socotay iyo gabadh iyaduna ah wasiirka caafimaadka dalka Muzambik, dhammaantoodna waannu casuunay waanay naga aqbaleen, iyagoo leh ma sugi karayno intaanu Somaliland tagayno, waxa aannu sidanay dastuurka Somaliland luuqada Ingiriisiga ku qoran, oo aannu tusnay una qaybinay madaxda, annagoo in badana wada sheekaysanay, ugana warannay dalka Somaliland.” Geesta kale Wasiirka wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf waxa uu ka hadlay sida loogu socdaalo, isla markaana meel kasta loogu tagi karo baassaboorka Somaliland iyo sida qaarada Afrika u xiisanayso la macaamilka jamhuuriyadda Somaliland. “Waxa aan ku tegay baassaboorka Somaliland ee dublamaasiga ahaa, fiisihii Muzambik ayaa madaarka la iigaga dhuftay. Waxaan ku boorin lahaa dhammaan wasiirrada saaxiibbaday ah, si baasaboorkeenna loo barto inay qaataan, oo kolay baassaboorro kale ayaa hoosta lagu wada haystaa oo aniguba mid Ingiriis ah baan haystaa, laakiin bari hore ayaa iigu dambaysay, keygaa Somaliland-ta ayaan ku baxaa meelksatana ku tagaa.” Ayuu yidhi Wasiirka horumarinta caafimaadka Somaliland Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf Source
  17. Baydhabo (Caasimadda Online) – Kullan ay Magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ku yeesheen Xildhibaanada maamulkaasi ayey cod gacan taag ah ku ansixyeen xubnaha lagu dhameystiraayey Gudiga Doorashada Madaxweynaha maamulkaasi. Fadhiga Xildhibaanada ayaa waxaa xaadir ku ahaa Xildhibaano gaaraya 138, Xildhibaan, waxaana u codeeyay 134 Xildhibaan oo cod gacan taag ah ugu codeeyay, waxaa diiday laba Xildhibaan, halka laba kalena ay ka aamuseen. Gudiga Doorashada Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed oo ay maanta ansixiyeen Xildhibaanada maamulkaasi xunbaha lagu soo kordhiyay ayaa laga dhursugayaa darder gelinta doorashadaasi xiligeeda ka dib martay ka dib markii xubno dhowr ah oo guydigaasi ka mid ahaa ay is casileen. Doorashada Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa isha ku haaya Badi Soomaalida meel kasto oo ay joogaan iyo beesha caalamka. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
  18. Baarlamaanka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa hadda ansixiyey 15 xubin oo ka tirsan guddiga doorashada maamulkaas. 136 mudane ayaa la sheegayaa in kulanka soo xaadirtay, codeyntii la qaaday 132 ayaa ogolaatay, 2 xubin ayaa diiday halka 2 kale ay ka aamuseen. Dhinaca kale, habraaca doorashada iyo araajidii la qabtay waxba iskama badalin, waxaa loo balammay doorashada 28-ka bishan. Gooboog News Source: goobjoog.com
  19. Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa goordhow Baydhabo ku ansixiyay Guddiga doorashooyinka maamulkaas. Guddiga la ansixiyay ayaa tiradooda waxa ay ay gaareeysaa 15 xubnood oo ah guddiga doorashooyinka maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya oo dhowaan doorashadeeda ay qabsoomeyso. 138 Mudane Oo soo xaadirtey fadhigii maanta ee Baarlamaanka 134 Wey ogalaadeen in Gudiga Uu shaqeyo 2 mudane ayaa diiday halka 2 kalena ay ka aamuseen. Doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta dib u dhacday oo lagu balansanaa in ay dhacdo. Hoos Ka aqriso Magacyada Guddiga Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Guddiga Doorashooyinka Koonfur Galbeed oo la ansixiyay appeared first on Puntland Post.
  20. JAMHUURYADDA SOMALILAND WAA LAMA HURAAN INAY TALLAABO ADAG KA QAADDO CADAAWDDA AAN KALA GO’A LAHAYN EE MAAMULKOLAYGA FARMAAJO IYO CAADAQAATAYAASHA U ADEEGA KU HAYAAN QARANIMADA SOMALILAND. Waxaynu ognahay in aan maamul kolayga Farmaajo ee Xamar ka dhisani ka waantoobin mijaxaabinta iyo hagardaamada Jamhuuriyadda Somaliland. Waxay geed dheer iyo geed gaabanba u fuulaan sidii ay u waxyeelayn lahaayeen jiritaanka iyo Qaranimada Somaliland. Waxaa meesha ka maqan ficil qaadasho ka timaadda Somaliland. Waxay ka gaabisay inay ka hortagto dhibaatadaa iyo colaaddaa hadhbeeshay ee aan kala go’a lahayn, ee maamulkaa Xamar ee awood u waayay inuu amaankiisa sugo. Halka ay ilaaliyaan ciidamo calooshooda ushaqaystayaal, oo Afrika looga soo yaboohay. Somaliland waxaa la gudboon inay tallaabooyin lama huraan ka qaaddo cadaawaddaa joogsan la’ , xadna u yeesho siday ula dhaqmi lahayd maamulkaa itaalka daran ee xaafad Xamar ah awood u waayay inuu sugo amaankeeda. Xeer ilaalinta iyo laanta amaanku waxay ka gaabiyeen inay daba galaan hagardaamada ay gaystaan dadka sheegta inay Somaliland ka soo jeedaan ee ka qaybqaata waxyeelada maamulka Xamar u maleego jiritaanka Qaranimada Somaliland. Dadkaasi waa caadaqaatayaasha ku jira maamulka Xamar, ee ah wasiirrada, Golaha Sare ee Odayaasha, iyo Golaha Baarlamaanka Federaalka. Dhammaantood waa dambiilayaal Qaran, oo Farmaajo maamulkiisa kala qaybqaata la dagaalanka jiritaanka Somaliland. Dadka noocaasa waa waajib in lagusoo oogo Dembiyada ah Khiyaamo Qaran inay ka galeen Dalka Somaliland ee ay sheegteen inay kasoo jeedaan. Waxaa la yaab ah in dadkaasi si baxan adduunka ugu doodaan inaanay Somaliland xaq u lahayn inay aayaheeda ka tashato, iyaguna ay yihiin dad ka soo jeeda Somaliland. Arrintaasi waxay laanta ammaanka iyo xeerilaalinta Somaliland u banaynaysaa inay Dembigooda soo habayso, oo horkeento maxamadda Qaran. Haddii aan tallaabo adag laga qaadin caadaqaatayaashaa dhuuniga dhaafsanaya dalkooda, iyo sharafta ummaddooda waxay dhalaysaa, in cid waliba dhayalsato Dastuurka Qaranimada Somaliland. Waa in dunida loo muujiyaa in dambiilayaasha qaran, ay la kulmi doonaan ciqaab adag oo aanay mahadin. Waynu aragnaa iyaga oo idaacadaha ka doodaya,, oo weliba duraya in Somaliland aan ahayn Dal madaxbanaan. Ayna ka qaybqaataan cid kasta oo colaadda iyo cadaawadda Somaliland ka shaqaysa. Waxaa iyaduna lama huraan ah in Somaliland sugto xuduudda jamhuuriyadda, maadaama ay keenayso in lagu soo dhiirrado, in la carqaladeeyo dagganaasha Somaliland. Wax kasta oo kubaxaya cidna laga yeeli maayo. In dawladaha Afrika ee xuduuddii gulmaysigu jeexay sheegta, isla markaana Somaliland oo xornimada ka horqaadatay ay ku boorriyaan inay xuduuddeeda goggortan geliso. Maamulada Afrikaanka ah ee mid walba sheegto xuduuddii gumaysigu jeexay, xaq uma laha inay Somaliland kala hadlaan inay ka gaabsato inay xuduuddeeda amaankiisa sugto. Waa inay ka waantoobaan kuwa sidaa ula yimaadda Somaliland. Somaliland waa inay ka dalbataa dawladda Imaaraadka iinay Aqoonsato, maadaama ay u oggolaatay inay Saldhig Milatari ka dhisato Somaliland. Suuragal ma noqonayso in dawladda Imaaraadku Saldhig Milatari ku yeelato Somaliland, oo amaankeeda, iyo dhibaatooyin kaleba ay u keenayso, iyo cadaawad kaga timaadda aano dawladda Imaaraadku gaysatay. Xukuumadda Somaliland waa inay tallaabada ku habboon ka qaaddaa. Mar haddii ay arrimahaasi oo dhammi Qaranimadeeda dhaawacayaan. Golayaasha Baarlamanka iyo Guurtidu waajibkooda ha maraan, inta ay xukuumadda ku hallaynayaan, halka ay iska dhigayaan qaar aan danbiga qayb ku lahayn. Waa in lala xisaabtamaa caadaqaatayaasha xamar iyo Farmaajo adeegsado, ee wasiirada iyo baarlamanka xamar ku jira. Waa in hal hal dembigooda loo iclaamiyaa, ciqaabtoodana maxkamad la geeyaa, xataa hadday dalka ka maqan yihiin. Dembiile qaran waa dembiile qaran meel kasta oo uu ku sugan yahay. Waa inay ogaadaan inaan Qaranku ka hadhaynin ciqaabtooduna sugayso, maalinta gacanta lagusoo dhigo. Rabbi ayaa Mahad leh. Eng. Youssuf Ahmed jicsin@hotmail.com London U. K. Qaran News
  21. Ururka u Dooda Xuquuqda Beelaha la Hayb-sooco oo Ku Eedeeyey Masuuliyiinta Barnaamijka Shaqo Qaran Inay ka Takooreen Saamigoodii iyo Madaxweyne Muuse Biixi oo ay Baaq Qaylo dhaan ah u Direen War-saxaafadeed Ururka Vosomwo ee u Dooda Xuquuqda Bulshada la Takooro ee Gabooye, waxa uu Cod dheer ku Cambaaraynaya Barnaamijka shaqo qaran, ee Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi ku dhawaaqday, kaasoo ay sheegeen inay 1500 Qof oo Loo Samaynayo Shaqo Qaran. Masuuliyiinta uu Barnaamijkan Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi u wakiishay, waxay dhowaan qudh iyo Maan u qaybiyeen 1500, ee Muwaadin, kuwasoo ku saleeyey hab-saamiyeed Gobolaysan, isla markaana waxay usii Kala qaybiyeen oo ay gaar u qoondeeyeen xuquuqda dadka Naafada ah iyo sidoo kale tan Haweenka oo ay gobol-gobol isu dul-taageen tirada ay ku yeelanayaan. Tallaabada kootada Haweenka iyo naafada ee looga qoondeeyey Barnaamijka shaqo qaran, ugu horeyn wuu soo dhoweynayaa Ururka Vosomwo ee u dooda xuquuqda Beelaha la duudsiyey. Hase-yeeshee Wuxuu Ururku Cod-dheer ku Cambaareynaya halkay ku ilaaween kooxdan masuuliyiinta looga dhigay Barnaamijkani la mareen xuquuqdii Beelaha Gabooye, iyagoo masuuliyiinta Barnaamijkani bulshada Gabooye kula kaceen Gabood-fal ka baxsan Bini-aadanimada iyo xuquuqal insaanka, waxanu ururku ugu baaqayaa Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi iyo masuuliyiinta hawlahani khuseeyan inay degdeg Bulshada gabooye saamigoodii gobol-gobol usoo siiyaan, isla markaana si cad u ummadda ugu sheegan. Sidoo kale, Ururka Vosomwo, waxa uu Xukuumada Madaxweyne Muuse ugu baaqayaa inay ka badho jidkii cunsuyadda ee Xukuumadihii ka horeeyey ku hayeen bulshada gabooye, oo laga Takooray Xuquuqahoodii aas-aasiga ahaa ee ay Kala sinnaayeen muwaadiniinta kale ee Somalilanderka ah. Kuwasoo ku takooray qalinka Madaxweynenimo in Xukuumada laga siiyo saamiyadoodii iyo in golayaasha qaranka ka madhnaadan, sidoo kale waxa iyanna cajaa’ibba ah in xataa shaqaale hoosaadka dawlada laga takooray Bulshada Gabooye. Iyadoo ay jiraan dad aqoonyahano ah oo kasoo jeeda bulshadan la isir Takooray, ayaa haddana waxa marar badan dhacday in iyagoo kusoo baxay Imtixaanaad laga saaro dadka helay shaqooyinka dawlada ama waxbarashada deeqaha dibada. Sidaas daraadeed mudane Madaxweyne waxanu kugu baaqaynayaa inaad hormuud tusaale ah ka noqoto, sidii Bulshadan Gabooye ee sidii loo Takooraayey nuglaatay aad ka saarto, isla markaana meel cad iska dhigto xuquuqdooda shaqo qaran, Masuuliyiinta dawlada, shaqaalaha kale Xukuumada iyo mashruuc kastoo muddo xileedkaaga aad fuliso, waxanu kaa Codsanaynaa inaad Kooto Tiro go’an ugu xidho Bulshada Gabooye. Waxa kaloo mudane Madaxweyne Ururku kaa Codsanayaa inaad daba-gasho oo aad sii xoojiso Kootadii hore aad u saxeexday ee qoondada golaha Wakiilada, walow tiradu yarayd, hadana urur ahaan waanu kugu ayidsanayn. Mudane Madaxweyne Addaamuhuu ka meel kastoo uu dunida kaga sugan yihiin, waxa laga baxay gumaysigii, jinsi iyo midooda midab takoor noocu doono ha noqdee, marka laga reebo dadka soomaliyeed oo iyaggu leh caado xun oo ay ku faquuqan bulshada kamid ah, kuwasoo ah umaddaha Gabooye, ayaa haddana waxa la filaayey in laga koro dhaqanka noocaas ah oo casrigan aynu joogno lala talaabsado, oo xukuumadduhuu gadh-wadeen ka noqdaan adiguna ay haboon tahay inaad tusaalaha Taarikhda gala noqoto, taasoo Ilahayna kugu gargaari doono hadaad dumiso darbi umadd lagu Dulmiyey xuquuqdoodii. Ugu Dambayn, waxanu Mudane Madaxweyne adiga iyo masuuliyiintaada Barnaamijka shaqo qaran gacanta ku haysa, waxanu idinka Codsanaynaa inaad tiro go’an gobol walba ka siisan Bulshada Beelaha Gabooye. Filasho wacan baanay idinka eegayaan Beelaha Gabooye iyo jawaab Deg-deg ah. Halkan hoose waxa uu Ururku bulshada Diinta, cadaalada iyo xuquuqda Bini-aadanimada taqaan kula wadaagaysa shaxda aanu ka cabanayno ee Takoorka ah, ee Barnaamijka Shaqo qaran, annagoo filayna inaydun ka garaabi-doontan Insha Alla. 1. Saamiga Gobalka Maroodi-jeex 253 wiil, 117 gabdhod, 20 nafo ah = 390 2. Saamiga Gobolka Togdheer 136 wiil, 63 gabdhood, 11 naafo ah = 210 3. Saamiga Gobolka saaxil 71 wiil, 33 gabdhood, 6 nafo ah = 110 4. Saamiga Gobolka Sanaag 214 wiil, 99 gabdhood, 17 nafo ah = 330 5. Saamiga Gobolka Sool 156 wiil, 72 gabdhood, 12 nafo ah = 240 6. Saamiga Gobolka Awdal 154 wiil, 50 gabdhood, 14 naafo ah= 220 Email: vosomwo@hotmail.com, vosomwomonitors@gmail.com, VOSOMWO’s Head Office, located 1st Floor Dalwanaaje Building, Hargeisa Somalilan Qaran News
  22. The two nations hope to achieve this by encouraging cross border investments. At a meeting in Nairobi on Thursday, Trade and Industrialisation Cabinet Secretary Peter Munya and Somaliland envoy to Kenya Bashe Awil Omar discussed the investment opportunities that can be explored for the benefit of the two nations. The two said that plans are underway to have direct flights from Nairobi to Hargeisa, Somaliland. They said that there are plans to link the port of Mombasa and that of Barbera in Somaliland. Mr Munya is expected to meet Somaliland Trade minister to work on how the two countries can work together. “There is so much Kenya and Somaliland can gain from each other,” Mr Munya said after his meeting Mr Bashe on Thursday. MIRAA TRADE “Kenya is a big economy in the region, but we cannot live and operate in isolation. We need our neighbours and Somaliland offers more opportunities for Kenyan investors,” said Mr Munya. Trade between Kenya and Somaliland is low due to lack of direct flights between the two countries. Mr Munya said Kenya stands to gain from miraa trade. Somaliland spends over Sh54 billion annually on Ethiopian miraa. The sector is a key source of employment in Somaliland. In 2016, while sitting as Meru Governor, Mr Munya visited Somaliland capital Hargeisa to look for miraa market. Mr Munya said Kenyan miraa is charged 300 per cent duty while the Ethiopian khat is charged 100 per cent duty, making it impossible to compete. “The miraa market in Somaliland is worth about Sh40 billion which Meru farmers should have a share,” Munya said. Mr Munya said he will persuade the government of Somaliland to remove the obstacles that have hindered the export of miraa to Hargeisa. “If we strengthen stronger economic and trade ties, we will be able to export khat without problems,” said the minister. Somaliland also imports dairy products from Kenya. Somaliland broke away from the Federal Republic of Somalia in 1991. The country, which has claimed autonomy from the main Somalia government, is on a mission to initiate relationships with regional states as it prepares to campaign for recognition by the African Union and United Nations. LIVESTOCK TRADE Mr Bashe said Kenya and his country stand to gain from the expansion of the Berbera Port which, he said, would work in collaboration with the port of Mombasa. “We (Somaliland) have offered to share areas we are strong in especially in livestock trade and we invite traders at the Mombasa port too to explore their areas of strength and work with Berbera port,” said Mr Bashe. “During our meeting with Mr Munya, we discussed how to promote trade between Kenya and Somaliland and foster relationship that is mutually beneficial to both countries, “said Mr Bashe. He added: “We want to work closely with businessmen from Kenya. There are so many investment opportunities in Somaliland. We already have business and trade links with the United Arab Emirates and Ethiopia and we want to open doors for Kenyan business community.” Source