Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,105
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan ayaa maanta 09 Jan, 2019 waxay kulan Deg-Deg ah la [...] Source
  2. Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan deg deg ah la qaatay laamaha amaanka ee deegaanada maamulka Puntland, kaasi oo looga hadlayay amaanka Puntland. Kulanka waxaa ka qeyb galay saraakiisha iyo taliyaasha ciidamada kala duwan ee Puntland, waxaana looga hadlay inta howlaha kala wareega xilka ay socdaan sidii loo adkeyn lahaa amaanka Puntland. Madaxweyne Deni ayaa saraakiisha ciidamada ku wargeliyay in isbadal weyn aan hadda lagu sameyn doonin laamaha amaanka Puntland, waxaana uu kula dardaarmay inay amaanka adkeeyaan. Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi deni ayaa la filayaa in dhawaan ay Magalada Garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal ka dhacdo munaasabad lagu Caleemo saarayo. Shalay ayaa waxaa uu Garoowe kula kulmay wafdi ka socday Dowlad Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibada Soomalaiya Axmed Ciise Cawad,kuwaas oo maalma kahor loo diiday inay Garoowe tagaan. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  3. The post IGAD Congratulates Said Deni on his Election as Puntland President appeared first on Shabelle. View the full article
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Wargeyska wordandway.org ayaa shaaca ka qaaday arin halis ah oo muddo shan ah magaalada Muqdisho uu ka waday Baadari u dhashay dalka Kenya. Baadari u dhashay Dalka Kenya oo diiday magaciisa ayaa la sheegay in muddo shan sano ah uu ka waday magaalada Muqdisho faafinta diinta Karishtaanka, waxaana sidaasi shaaciyay wargeyska wordandway. Wargeyska ayaa sheegay in baadariga oo magaciisa ay u qaateen JOHN inuu ku joogo magaalada Muqdisho qandaraasyo la xiriira dhismaha, sida warbixinta wargeyska lagu sheegay. Warbixinta ayaa ugu horeyn looga sheekeeyay halista ay wajahi karaan dadka aan heysan diinta Islaamka marka ay isa shaac bixiyaan inta ay ku sugan yihiin magaalada Muqdisho. Waxaa sidoo kale la sheegay in ruuxa Baadiriga ah uu ku nool yahay Guri kooban oo uu dadka Soomaaliyeed ku baro Diinta Masiixiga, iyadoo aan wali laga warhelin, sida warbixinta lagu sheegay. “Si qarsoodi ah ayaan u heesnaa,una cibaadeysanaa marka aan fursad helna dad badan ayaan gaarsiinaa, inkastoo ay adag tahay in aad tiraahdo waxaan faafinaya Kiristaanimada” ayuu yiri John. Dalka Soomaaliya waa ka mamnuuc in lagu faafiyo diin aan aheyn diinta Islaamka sidda uu qabo dastuurka Soomaaliya, waxaana muuqata inaan laga warheynta halista dadka ajaaniibta ay ka wadaan Soomaaliya. Caasimada Online Xafiisa Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa horey uga soo horjeestay ceyrintii dowladda Soomaaliya ay ku sameysay wakiilkii xoghayaha Qaramada Midoobay ee Somalia Nicholas Haysom. Todobaad kadib Somaliland ayaa sheegtay inay warqad codsi ah u dirtay Qaramada Midoobay, taasi oo ah in wakiil gaar ah loo Soo magacaabo deegaanada maamulka Somaliland. Tan iyo sanadkii 1991 Somaliland ayaa ku dhawaaqday inay ka go’een Soomaaliya inteeda kale, waxaana ay shaaciyeen inay yihiin dal madaxbanaan, walow aysan helin aqoonsiga caalamka. Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud ayaa sheegay inay codsi u direen Qaramada Midoobay kaasi oo ah in loosoo magacaabo wakiil u gaar ah deegaanada Somaliland. Qoraalka ayaa sidoo kale lagu cadeeyay sida ay kaga xun yihiin go’aankii dowladda Soomaaliya ay ka qaadatay Nicholas Haysom, taasi oo shaki badan dhalisay, maadaama ay sheegan jireen inay yihiin dal ka go’ay Somalia. Dadka taxliiliya siyaasadda Soomaaliya ayaa sheegaya inay adag tahay in Qaramada Midoobay ay wakiil u magacowdo Somaliland, iyadoo aysan helin aqoonsi caalami ah. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  6. Urur goboleedka IGAD oo goob joog ka ahaa doorashadii shalay ka dhacday magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal ayaa qoraal kasoo saaray sida ay wax u dhaceen. Maxamed Cali, wakiilka IGAD ee Soomaaliya ayaa sheegay in doorashadaasi ay soo dhoweynayaan qaabka ay u dhacday una hambalyeenayaan madaxweyne Dani. Waxa uu sheegay in ay arkeen doorasho si xalaal ah uga dhacday magaalada Garoowe, walibana si buuq la’aan ah. Dhanka kale, IGAD ayaa ka dalbatay madaxweynaha cusub ee Puntland in wadashaqeyn uu la yeesho dowladda federaalka Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Qalinkii Cabdinaasir Axmed Abraham Chamber of Commerce, waxa markii ugu horreysay lagu dhawaaqay 1599 dalka France tan iyo markaa rugaha ganacsiyadu kaalin muuqata ayay ciyaaraan horumarka dhaqaalaha. Hasa yeeeshee, waxa ii muuqatay in guud ahaan shacabka reer Somaliland aanay si wanaagsan u fahansanayn shaqada iyo ahmiyadda RUGTA GANACSIGA EE SOMALILAND sidaa dartee, ayaan muhiim ugu arkay in marka hore aan saddarro sharrax kooban kaga bixiyo hawl-qabadka Rug Ganacsi ama Chamber of commerce; Waa hay’ad dawli ah ama ba aan dawli ahayn oo ay ku bahoobeen koox isku shaqo ah si ay wada-jir ugu baadidoonaan horumar dhaqaale dadka iyo dalka markaa ay ka jirto hay’addu. Shaqooyinka Rugta Ganacsiga waxa ka mid ah; • Sameynta Deegaan wanaagsan oo ganacsigu ku hano-qaadi karo si sharciga u siman. • Waxa ay sare u qaadaa fahanka ganacsatada ee ganacsiga si ganacsigu ula jaan-qaado suuqyada baayac-mushtar ee dunida. • Dhiiri-gelinta ganacsiga warshadaha iyo beeraha. • Daryeelka iyo barbaarinta ganacsiyada yaryar. • Waxa ay kaalin ka qaadataa xallinta khilaafaadka Ganacsi. IWL. Intaa haddaan sharrax kooban ee guud marka ah ku dhaafno hadda ba aan u imaaddo Rugta Ganacsiga Somaliland oo la aas aasay hilaaddii kontomaadkii ahmiyad mug leh na u leh guud ahaan ganacsiga iyo ganacsata reer Somaliland ba ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay hoggaanku ka xumaaday, taasina waxa ay keentay in Rugtu ay saaxiibadii hore ee ay wada shaqaynta wanaagsani uga dhaxaysay lumiso, kuwaas oo haatan aan ka soo qaadan karno; • Midowga Yurub. • Ingiriiska. • Iyo Maraykanka. Arrinta ugu weyn ee aan filayo in ay xumaysay xidhiidhkii Rugtu dunida kale la lahayd waa in ay tahay sharciyada Rugta Ganacsiga Somaliland oo burbursan calaamadda ugu horreysa uguna weyn ee burburka sharciyadda rugta farta ku fiiqaysaa waa in aan tan iyo sagaashamaadkii aan wax doorasho ah lugu soo xulin hoggaanka rugta. Sida sharcigu dhigayana waxa ay ahayd in shirweyne xubnaha ganacsatada oo dhan la iskugu yeedho shanti sanno ba hal mar, halkaana lagu soo doorto shan iyo labaatan xubnood, kuwaasina waxa ay iska sii dhex doortanayaan sideed xubnood. Hadda ba muddo dheer oo hoggaanka Rugtu qori isku dhiib iska ahaa oo aan wax doorasho la yidhaa suurto-galin ayaa sababtay in xidhiidhadii rugtu dunida la lahayd ay wada go’aan. Sida oo kale hoggaan xumada iyo habacsanaanta maamul ee Rugta Ganacsiga Somaliland waxa ay meesha ka saartay doorkii muhiimka ahaa ee Rugta Ganacsiga Somaliland ay ku lahaan lahayd suuqa ganacsiga. Guddoomiyihii sideeddii sanno ee ugu dambaysay talinayay ayaa toban maalmood ka hor sheegay in uu sababo u gaar ah isku casilay. Hadda ba guddoomiye Maxamed “Shugri” isna u wanaagsanaa rugtana u wanaagsanayd in uu guddoomiye sharci ah oo xubnuhu soo doorteen oo rabitaanka xubnaha ku yimidday uu xilka ku wareejiyo. Gabogabadi haddii aan Rugta lagu soo dabbaalin xayn-daabka sharciga oo aanu hoggaankeedu ku iman doorasho iyo rabitaanka xubnaha waxa gud ku dhacaysa rajada laga qabo Rugta. Dhammaad Abdinaasir Ibraahim somaliland_author@yahoo.com Qaran News
  8. UMAYNAAN BAAHNEYN MADAXWEYNE ARDAAYO IYO OOD-OOD INOO KALA SHIRIYA AMA INOOGU MAHADNAQA EE WAXA AYNU U BAAHNEYN MADAXWEYNE INA MIDEEYA !!! Madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland Muuse Biixi ayaa waxa uu casuumay oday dhaqameed beel ka mid ah beelaha reer Somaliland isaga oo ujeedada ku sababeeyay in ay si wanaagsan u soo dhaweeyeen safarkiisii uu gobolada bariga Somaliland ku tagey. Haddaba waxa isweydiin leh Madaxweynaha Somaliland miyaanu isku arag in uu Madaxweynaha qaranka isagu yahay oo in la soo dhaweeyo oo dadkiisu maamuusaan uu mudan yahay? Madaxweynaha waxa soo dhaweeyay dadkii reer Somaliland ee gobolada bariga oo aan u kala hadhin in uu si guud ugu wada mahadnaqo miyaanay ka haboonayn in uu beel u mahad naqo ka mid ah uun beelaha dalka dagan. Mise waxa uu ugu talogalay beelaha gobolada Somaliland ee bariga dagan oo dhan in uu marba beel odayadeeda iyo cuqaasheeda martiqaado oo madaxtooyada ku casuumo, bal aynu eegno waa yaabe !!! Waxa ii muuqata in Madaxwayne Biixi uu dareen ka qabay in lagu soo dhaweyn doono deegaanada beeshan milgaha iyo maamuuskaba qaranka ku lehi dagan tahay oo aanu fileyn , taasina waxa ay ayaan daro ku tahay isaga iyo beeshaasi oo uu meel kaga dhacay, oo aan lagu aqoon dareenka uu ka qabay. Madaxtooyada umadaa leh oo ceeb uma arko in dadka reer Somaliland lagu martiqaado , laakiin in ood-ood iyo ardaa-ardaa loo galaa waxa ay wiiqaysaa uun dawladnimada iyo qaranimada sida aan shaqsiyan u arko anigu. Abaalgudka ugu wanaagsan ee aynu u baahanahay waa cadaalad iyo in baahiyaha aasaasiga ah ee dadka reer Somaliland si siman wax loogu qabto, garashadayda intaa wax ka mudan iguma soo dhicin shaqsiyan. Hase yeeshee Madaxweynaha Somaliland ee maanta taliya taagtiisu way soo muuqatay durba , waliba isaga oo aan la mucaaridin mudadaa uu kursiga joogay oo fursad la siiyey, laakiin waxa ka sii daran talo xumo ayuu u jabayaa, halka xukuumadiisana tayo yari lagu dhaliilayey. Aragtideyda Muhamed Dhimbiil Image Qaran News
  9. Dowladda Maraykanka ayaa war waxa ay kasoo saartay duqeyn ay diyaaradahooda ka fuliyeen gudaha Soomaaliya, kuwaasi oo lala eegtay xubno ka mid ah Al-shabaab. Qoraal kasoo baxay dowladdan ayaa lagu sheegay in duqeyntaasi lagu diley 10 ruux oo ka mid ah dagaallamayaasha Al-shabaab. Weerarkii Koowaad ayeey sheegeen inuu ka dhacay gobolka Shabellaha Hoose kuna dileen 6 ka mid ah Al-shabaab kuna gubeen gaadiid badan. Weerarka Labaad ayeey dowladda Maraykanka sheegtay in ay ka fuliyeen deegaanka Baqdaad kuna dileen Afar ka mid ah Al-shabaab. Sidoo kale, qoraalkan kasoo baxay dowladda Maraykanka ayaa lagu sheegay in howlgalladaasi ay kaalin weyn ka qaateen ciidamada Soomaaliyeed ee sida gaarga ah u tababaran. Ugu dambeyn, dowladda Maraykanka ayaa xaqiijiyey in dhammaan weeraradaasi aanay jirin waxyeello kasoo gaartay dadka shacabka ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal ayaa waxay sheegayaan in wafdiga ka socda dowladda federaalka ee isugu jira wasiirada iyo xildhibaannada ay kulamo kula qaadanayaan magaaladaasi madaxda cusub ee dowlad goboleedka Puntland iyo sidoo kale waxgaradka maamulkaasi. Kulamada ayaa ah sidii maamulka Puntland ula shaqeyn lahaa dowladda dhexe, maadaama maamulkii Gaas aanu xiriir wanaagsan la lahayn dowladda federaalka ah. Ammaanka magaalada Garoowe ayaa ah mid aad loo adkeeyey, iyadoo dhanka kale, madaxweynaha cusub ee Puntland uu la kulmayo qeybaha kala duwan ee bulshada. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Garowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa sheegaya in ilaa xalay kulamo gaar gaar ah ka dhacayeen magaalada Garowe. Kulamada ayaa u dhaxeeyay wafdiga dowladda Soomaaliya ay u dirtay magaalada Garowe iyo madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland iyo ku xigeenkiisa, waxaana looga hadlayay sidii loo wanaajin lahaa xiriirka u dhaxeyn kara Puntland iyo dowladda Dhexe. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in sidoo kale kulamada ay qeyb ka ahaayeen masuuliyiintii looga guuleystay doorashadii ka dhacday magaalada Garowe, waxaana madaxweynaha cusub ee Puntland durba uu dareemayaa culeesaad siyaasadeed. Kulamada ayaa waxaa ka qeyb galay madaxweyne Gaas, kaasi oo si gaar ah ula kulmay Saciid Cabdullaahi Deni, isaga oo kala hadlayay sidii uu mar walbaa u adkeyn lahaa horumarka Puntland. Madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland ayaa culeesaadka uu durba dareemayo waxaa kamid ah in dowladda Soomaaliya ay dooneyso in xiriir wanaagsan uu la yeesho, halka qaar kamid ah madaxdii laga guuleystay ay doonayaan in sidii C/Welli Gaas uu ula macaamilo dowladda Soomaaliya. Dadka falanqeeeya siyaasadda Gudaha ayaa sheegaya in Madaxweyne Deni uu ka sii go’aan adkaan karo C/Welli Gaas labo arin darteed, waxaana tan koowaad lagu sheegaa xiriir weyn ee kala dhaxeeyo DAMJADIID iyo inuusan soo dhaweyn ka heysan markii hore dowladda Dhexe. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimad@live.com
  12. Magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal waxaa shalay lagu doortay madaxweynaha cusub ee Puntland, iyadoo xilkaasi loo doortay Saciid C/laahi Dani. Maxamed C/laahi Fadhaye waa xildhibaan hore, horeyna wuxuu uga soo shaqeeyey wasaarado kala duwan oo Puntland, wuxuu Goobjoog u sheegay in wax badan ay horyaallaan madaxweynahan cusub. Wuxuu tilmaamay in waxyaabaha looga baahan yahay ka mid yihiin isku keenista dadka Puntland, wax ka qabashada arrimaha ammaanka iyo sidoo kale dhaqaalaha. Fadhaye ayaa sheegay in Dani uu yahay shaqsi wax badan ka bedali kara xaaladda Puntland islamarkaana yahay shaqsi uu aqoon dheer u leeyahay waxqabadkiisa. Halkaan hoose ka daawo: Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Addis Ababa ( Sh. M. Network )-War-Saxaafadeed ka soo baxay Urur goboleedka IGAD ayaa looga hadlay doorashada hoggaanka Puntland oo shalay ka dhacday magaalada Garoowe ee xarunta maamulkaasi. IGAD ayaa ugu horreyn soo dhaweysay, una hambalyeysay madaxda cusub ee dowlad goboleedka Puntland. Ergayga Urur goboleedka IGAD u qaabilsan Soomaaliya Dr Maxamed Cali (Guuyo) ayaa tilmaamay in doorashadani ay aheyd mid u dhacday qaab xor iyo xalaal ah oo ay dimuquraadiyad ku dheehan tahay. Dr Guuyo ayaa boggaadiyay maamulka Puntland, dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Oday Dhaqameedyada iyo cid kasta oo qeyb ka qaadatay doorashadaasi. Sidoo kale waxa uu ku amaanay madaxweynihii hore ee Puntland C/weli Gaas doorkii uu ka qaatay habsami socodka howlaha doorashooyinka iyo horumarinta maamulkaasi. Ugu dambeyn Ergayga IGAD ee Soomaaliya ayaa ugu baaqay madaxda cusub ee maamulka Puntland in ay wada shaqeyn dhow la yeeshaan dowladda Soomaaliya. The post IGAD Oo soo dhaweysay doorashada maamulka Puntland appeared first on Shabelle. View the full article
  14. Garowe (Caasimada online)-Warar aan ka heleyno doorashadii shalay ka dhacday magaalada Garowe ayaa sheegaya in Somaliland saameyn ay ku laheyd doorashada madaxweyne ku xigeenka Puntland. Ilo xog ogaal ah ayaa xaqiijinaya in Somaliland ay taageero u muujiyeen madaxweyne ku xigeenka Puntland intii uu ku gudo jiray olalihiisa doorashada iyo xiliga ay socotay doroshadii shalay ka dhacday magaalada Garowe. Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa garab istaag weyn ka helay madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi, kaasi oo uu isfaham siyaasadeed uu ka dhaxeeyay. Muuse Biixi, isaga oo ka duulaya in dad saameyn weyn ku leh gobolka Sool ay kusoo baxaan doorashada Puntland ayaa waxaa la sheegay inuu dhaqaalo ku taageeray madaxweyne ku xigeenka Puntland. “Axmed Karaash waa shakhsi is bad badal badan waana mid aanan muhiimad gaar ah siin doonin deegaanada uu kasoo jeedo xoreyn iska daaye waayo shan sano ayuu wasiiro ka ahaa xukuumaddii Gaas mana booqan hal deegaan oo kamid ah goboladda uu kasoo jeedo”sidaasi waxaa laga soo xigtay mid kamid ah xubnaha sida dhow u yaqaana Axmed Karaash. Xubnaha la tartamayey Axmed Karaash ayaa la rumaysan yahay in xukuumadda Hargeysa ay kula jirtay dagaal xoogan halka madaxweyne Denni iyo ku xigeenkiisa Axmed Karaash marnaba aysan u arkayn in saamayn ay ku yeelan karaan isbadal ka dhaca gobolka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. UK ayaa ku soo biirtay dalalka isku garbinaya inay saldhig militari ka sameystaan Somaliland, waxaa uga horeeyey dalalka Russia iyo Imaaraadka Carabta. Arrintan waxaa lagu soo qaaday kulankii Hargeisa todobaadkan ku dhex maray wasiirka gashaandhiga ee UK Gavin Williamson iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi. Todobaadkii hore, Mr Williamson, oo dalka Kenya kula hadlay ciidamo halkaasi dalkiisa u jooga ayaa sheegay in Brexit-ka kadib ay UK badali-doonto siyaasadeedii 1960-kii ee aheyd inay ka baxdo dalalka dhaca ‘Bariga Suez.’. Russia ayaa ku dhawaaqay April-tii hore inuu doonayo inuu saldhig badda ah ka sameyso magaalada Saylac, wada hadal dhex maray Moscow iyo Hargeisa waxaa lagu heshiiyey in saldhiggaasi ay fariistaan ilaa 1,500 askari, si ay gacan u siiyaan maraakiibta dagaalka iyo kuwa quusa ee Ruushka, kuwaas oo isticmaala deegaanka bariga iyo geeska Afrika. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Maxamed Cali ayaa Xafiiskiisa kulan kula qaatay Wafdi ka socday Wasaaradda Difaaca dawladda Turkey. Wasiirka, ayaa wafdigaasi ka socday Turkiga waxa uu kala hadlay Kordhinta Tababarka la siiyo Saraakiisha iyo Saraakiil Xiggeenada Ciidanka Soomaaliya, Kordhinta Taageerada Milatari iyo arrimo kale. “Waxaan Maanta kula kulmay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Xubno ka Tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga Dalka Turkiga Waxaan ka wada hadalnay Kordhinta Saraakiisha ,Saraakiil Xigeenada iyo Ciidamada Dowladda Turkiga Tababarka Siiyaa” Ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga XFS. Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Maxamed Cali ayaa sheegay in Wafdiga ka socda Wasaaradda Difaaca Turkiga uu ka dhageystay Warbixin ku aadan Xaaladda Ciidanka Soomaaliya ka socda ee tababarka ku qaadanaya dalkaasi. “Sidoo kale waxaan ka dhageestay warbixin ku aadan xaalada ay ku suganyihiin Ciidamada Tababarka u jooga dalka Turkiga Waxay ii sheegeen in Dhalinyaro firfircoon ay yihiin oo waxbartay iyo in uu muuqdo dib-u-kabasho dhanka ciidanka ah” ayuu yiri Wasiir Xasan Maxamed. The post Wasiirka Gaashaandhigga Oo la kulmay Wafdi ka socda Turkiga appeared first on Shabelle. View the full article
  17. Qoryooley ( Sh. M. Network )-Guddoomiyaha degmada Qoryooley ee gobolka Sh/Hoose Seyd-Cali Ibraahim Xasan ayaa baaq u diray madaxda sare ee dowladda Soomaaliya. Seyd-Cali Ibraahim Xasan ayaa ka codsaday dowladda dhexe in ay ku garab siiso saarida Miinooyin uu sheegay in ay ku aasan yihiin hareeraha degmadaasi. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in ka maamul ahaan ay wadaan qorshayaal looga hortagayo arrintaasi, laguna loo badbaadinayo dadka rayidka ah. Shalay ayey aheyd markii 5 caruur ah ay ku Geeriyoodayeen qarax ka dhacay degmada Qoryooley oo la sheegay in ay kyu ciyaarayeen caruurtaasi. The post Maamulka Qoryooley Oo baaq u diray dowladda Soomaaliya appeared first on Shabelle. View the full article
  18. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha maamulka Galmudug ee garabka Cadaado Axmed Maxamuud Xasan “Axmed Baasto’ oo la hadlay Shabelle ayaa ugu horreyn soo dhaweeyay qaabka ay u dhacday doorashada Puntland, laguna doortay hoggaan cusub. Axmed Baasto ayaa shaaca ka qaaday is bedalka ku yimid maamulkaasi iyo guud ahaan dowlad goboleedyada kale uu yahay mid loo baahnaa,xilligani. Waxaana uu intaasi ku daray in uu dhamaaday waqtigii khilaafka, islamarkaana looga baahan yahay madaxda cusub in ay wada shaqeyn dhab ah la yeeshaan DFS. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/cod-c-qani.mp3 The post Baasto “Waa mid loo baahnaa is bedalka ku yimid Puntland” appeared first on Shabelle. View the full article
  19. Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Subax-090119.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  20. Nairobi (Caasimada Online)-Safarii maalmo ka hor uu ku tagay magaalada Hargeysa wasiirka gaashaandhiga dowladda UK ayaa banaanka keenay loolanka adag ee loogu jiro Somaliland. Wakiilka Somaliland ee dalka Kenya Baashe Moorgan ayaa shaaca ka qaaday in safarka xoghayaha gaashaandhiga Ingiriiska ee Hargeysa uu banaanka keenay qorshaha dowladda UK ka leedahay Somaliland. Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa shaaciyay in UK ay damacsan tahay inay saldhig ciidan ka sameysato agagaarka magaalada Berbera ee Somaliland, halkaasi oo dowlado badan ay daneynayaan. Loolanka Imaaraatka Carabta, Ruushka iyo UK ayaa hadda u muuqda mid laga dareemayo deegaanada Somaliland, waxaana dhamaan dowladahaasi ay doonayaan inay saldhigyo ku yeeshaan Somaliland. Imaaraatka Carabta ayaa heysta ogolaanshaha uu saldhig meletari kaga sameysanayo Berbera, waxaana saldhigaasi la sheegaa inuu yahay mid Imaaraatka uu ka damacsan yahay inuu kala dagaalamo xuutiyiinta Yemen iyo kooxda Daacish. Safarkii wasiirka gaashaandhiga UK ee Hargeysa ayaa shaaca ka qaaday qorshaha UK ee ay dhawaan shaaciyeen, kaasi oo ahaa inay saldhigyo ka sameysanayaan Africa, waxaana Somaliland ay noqotay meesha ugu horeysa ee xooga ay saareen. Sidoo kale dowladda Ruushka ayaa dooneysa inay saldhig ciidan ka sameysato agagaarka magaalada Saylac, waxaana halkaasi ka muuqda in loolan adag loogu jiro saldhig ciidan oo laga sameysto gobolka. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimada@live.com
  21. Muqdisho (Caasimada Online)-Xoghayihii hore ee joogtada wasaaradda Arrimaha gudaha Yaxye Cali Hareeri ayaa isaga oo ka hadlayay doorashadii ka dhacday magaalada Garowe wuxuu ka keenay su’aal cajiib ah. Yaxye Cali Hareeri oo shaqo joojin uu ku sameeyay Wasiir Juxa xiligii uu ahaa wasiirka arrimaha gudaha ayaa weydiiyay golaha iskaashiga dowlad goboleedyada iyo waxii ay ka yiraahdeen doorashadii ka dhacday magaalada Garowe. Yaxye, ayaa su’aashiisa ay u muuqatay mid muujinaysa inaanay jirin golaha iskaashiga dowlad goboleedyada, maadaama uu meesha ka baxay hogaamiyihii golahaasi C/Welli Maxamed Cali Gaas. Mr Gaas, ayaa ahaa ruux si weyn uga soo horjeeday dowladda Soomaaliya, waxaana uu guddoommiye u ahaa gole ay ku mideysan yihiin dowlad goboleedyada, oo ka careysnaa hab dhaqanka dowladda Soomaaliya. Waxaa hadda muuqata in madaxweynaha Galmudug oo buuq siyaasadeed badan ku furan yahay iyo madaxweyne Axmed Madobe ay kusoo hareen golaha iskaashiga, haddii aysan helin taageerada Madaxweynaha cusub ee Puntland. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. Tiro ma laheyn musharraxiinta Puntland. Wixii qof xil moodo ayaa qof kale xarrago moodaa. Nin guuleyso is lahaa, mid gurmad ahaan gaashaanka u watay, CV-iiga hakuu gasho mid ay ka aheyd, intaba doorshadi Puntland ayey kasoo muuqdeen. Prafossorada PHD-ga wata, waxaa lagu yiri ”Adeer mar i dage Allah dago, mar labaad i dagase anigas dagay”.Horaan ugu sirranay madax PHD sita, la mood noqons weyday. Muslimkuna god qura laba jeer laguma wada qaniinee, waa laga diga rogtay. Wadaadku, waa ahlu-diin musharaxii la lahaa , waxaa lagu yiri ” Doorasho madaxtinimo, diin waxba kama joogtee, dano kale manoo heysaa?” isagiina halkaa loogu tag. Generaal baan ahay, taatikada dagaalkana waayo badan kusoo dhexjiray, dhulka maqanna waan soo dhicinayaa, ninkii lahaa, isagana waxaa lagu yiri ” Adeer dagaal kasoo daalnaye, dunidana hadday bilow noo tahee halkaa naga joog”. Midkii beesada badnaa, soo jeed iyo jiifba dadka ku asqeysiiyay, waxaa loogu sarbeebay ” lacagtu waa qaadasho, codkana cidda aan aniga rabo unbaa calfan”. Dhalinyaradana, waxaa loogu maahmaahay ” Nin dhalinyaro ah intuu geed ka boodo ayuu talo ka boodaaye. Tartanka waa meeshiise, bal tu kale isu kaaye keena. Is jiijjiid dheer kadib, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa loo taagay taajka hooyada federaalka Soomaaliya ee Puntland. Ma waxaad i weydiin aqriste sababta saciid loo doortay. Haa,Xaq baad u leedahay, anigana jawaab baa igu garowday. Seddex waxyaabood oo Saciid u sahlay in taajka loo suro. 1) – Khibraddiisa siyaasadeed Sida dadka yaqaanna ay ku warrameen, Saciid ayaa siyaasadda toos ugu soo biiray sanadki 2012, isagoo ka mid ahaa baarlamaanki 9-laad. Saciid waxaa lagu xaglinayay inuu ka mid ahaa xisbigii Dam-jadiid ee xukunka qabsaday. Wuxuu soo noqday Wasiirka qorsheynta. Sidoo kale Saciid wuxuu ka mid ahaa musharraxiinti doorshada madaxtinimada 2016, isagoo helay codod dhowr iyo labaatan, taasoo ka dhigtay shaqsi saameyn leh. Saciid oo xiiseynayay inuu xil ka qabto dowladda Farmaajo ayaa ku hungoobay. Ma fadhin,Hankiisa siyaasaddana halkaas kuma hakan. Hamuun gorgor buu lahaaye, Wuxuu bilaabay olole uu ugu diyaar garaabayo doorashada madaxtinimo ee Punland. Geed dheer iyo mid gaabanba waa u fuulay. Maantana muraadkiisa waa helay. 2) – Khibradiisa deegaanka iyo dadka reer Puntland Saciid wuxuu ahaa nin 30-kii sanoo ee ugu danbeeyay ku noolaa deegaanada Puntland. Waa ganacsade macruuf ah, degsiimada Puntland aad u taqaan. Goobo ganacsi iyo kuwo waxbarasho ayuu ka yagleelay Puntland. Waxaa taas loogu daraa, Waa nin aad u kala garanaya dadka iyo deegaanka. Waxay aqoon fiican kala dhaxeysaa isamada Puntland. Sido kale xildhibaanada lasoo doortay ayaa ahaa badankood kuwa Saciid garasho fiican u lahaa. Qaar uu wax soo baray iyo kuwo uu soo gacan qabtayba way ka mid ahaayeen. Marka loo eego musharraxiinta dhigiisa ahaa, wuxuu ahaa nin kaga aqoon fiicnaa xagga dadka iyo deegaanada. 3) – Taageerada Musharraxiinta Kale Walow Saciid saadaashu daba socotay, hadana Asad baa aayad ku noqday labadi wareeg ee hore. Si kastaba ha ahaatee, waxa foodda la iskula jiraba, Farax cali shire oo wareegga 2-aad ku haray ayaa codadkiisa u wareejiyay Deni, taasoo taajka Puntland u surtay Saciid Cabdullaahi. Asadna afkaa subag loo mariyay. Dhanka kale, sheekadi aheyd doorashada Punland waa Barakaat u dhiib oo Barkaat ka qaado ama waa Hegbad/Ayuuto oo hadba cidda kaltanka iska leh ayaa loo tuuraa hakaa joogto. Buuqaas waxaa biyo ku shubay musharax Dr. Cali Ciise Cabdi, oo isu soo taagay doorashada madaxtimada Puntland, iyadoo la filayey in 17-ka cod oo xildhibaanada Sool iyo Sanaag xagiis ahan doonto, maadaama isagana kasoo jeedo deeganadaas. Hayeeshee, fiijaan shaah kama cabin, oo mid keliyaa loogu riday. Ma gabadhay aheyd midaas? Ma ogi! Wax ka sheegeedu yaanu afka igu daaline, Dr. Cali Ciise Cabdi wuxuu xujo ku oogay xildhibaanadii laga soo doortay goboladaas. W/Q: Abdinasir Safaana Email: Safaanahaji@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  23. Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa ammaanay warqaddii shalay kasoo baxday madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Deni ee uu ku joojiyey in wax kharash ah ay ka baxsaan qasnadda dowladda Puntland. Yuusuf Garaad ayaa sheegay in tallaabadaas ay muujineyso in Deni yahay nin qorshe lahaa ka hor inta aanu xilka ku guuleysan, oo uusan kaliya ka fakarin inuu guuleysto. Yuusuf Garaad ayaa yiri “Marka doorasho lagu dhawaaqo, murashixiinta qaar waxa ay ka fekeraan sidii ay doorashada ugu guuleysan lahaayeen oo keliya. Kharash iyo dadaal aad u fara badan ayay geliyaan. Marka la doorto ka dib ayay is weydiiyaan wixii ay qaban lahaayeen!” “Warqadda maanta ku asteysan ee Kharash – Joojinta Puntland haddii ay sax tahay, waxaa cad in Siciid Dani aanuu keliya ku mashquulin ololaha doorashada ee uu hore uga fekeray waxa uu qaban doono doorashada ka dib iyo halka uu ka billaabayo.” Go’aankan ayaa u muuqda mid uu Deni kaga hortagayo in wax is-daba marin ay dhacdo ama lacag laga lunsado qasnadda dowladda, inta lagu guda jiro xilliga kala wareegga labada maamul.
  24. Nairobi (Caasimada Online) – Wargayska Daily Nation ee dalka Kenya ayaa qoray in United Kingdom ay ku biirayso Ruushka iyo Imaaraatka Carabta oo sida uu yiri u kala dheeraynaya inay saldhig ciidan ka samaystaan Somaliland. Wasiirka Gaashaandhigga Britan, Gavin Williamson, ayaa todobaad dhamaadkii la kulmay madaxwaynaha maamulkaa oo isu arka jamhuuriyad ka go’day Somalia, Md Muuse Biixi, waxayna ka wada hadleen arrimo kala duwan. Somaliland, oo horay u ahayd Maxmiyad Ingiriis ayuusan jirin dal si rasmi ah u aqoonsaday mudadii ay jirtey, wuxuuna wargaysku leeyahay in booqashada Mr Williamson ay muujinayso muhiimadda Somaliland. Booqashada Mr Williamson ayaa timid todobaad uun kaddib markii uu sheegay in UK ay raadinayso inay saldhigyo ciidan dunida ku yeelato kaddib Brexit. Wuxuuna warqaadkan Kenyan-ka ihi ku doodayaa in booqashadiisa Somaliland la rumaysan yahay inuu ku raadinayay fursad uu Somaliland ugala xaajoodo inuu meeshaa istaraatijiga ah ka sameeysto saldhig millateri. Britain ayaa ku biiraya Ruushka oo horay loo sheegay bishii Abriil inuu doonayo saldhig millateri oo uu ku yeesho magaalada Saylac, Somaliland. Daily Nation, waa wargays marar badan qora warar ka dhan ah qarannimada Somalia, isagoo xilligii ay Itoobiya Somalia ku duushey dabayaaqadii 2006-dii qoray qoraal soo jeedinaya in Somalia ay liqaan oo guud ahaanba kala qaybsadaan Kenya iyo Itoobiya. HadalSame Media
  25. Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa shalay Puntland lagu doortay Saciid Cabdullahi Deni, si uu hoggaamiyo dowlad goboleedkaasi 5-ta sano ee soo socota. Haddaba waxaan idnla wadaageynaa baarnaamijka siyaasadeed, ee uu ka hor akhriyey golaha wakiillada Puntland, si loogula xisaabtamo inta uu maamulka Puntland madax ka yahay. Akhriso: Barnaamijka Siyaasadeed Ee Saciid Cabdullahi Deni: 20 sano ka hor ayay ahayd markii la aasaasay Puntland. Hammigii iyo hankii lagu aasaasay waxay ahayd dhisidda nidaam dawladnimo oo u gaar ah deegaanada Puntland iyo baadigoobka dawladnimo soomaaliyeed si loosoo celiyo qaranimadii iyo karaamadii dadka Soomaaliyeed. Marka aan dib u milicsano guulaha laga gaaray hammigaas 20 sano ka dib, waxaa xaqiiq ah in wax badan ay qabsoomeen, dib-u-dhac badana uu jiro. Waxaa mahaddaas oo dhan iska leh, ALLE ka sokow, dadkii aasaaska Puntland maskax iyo muruq ba ku bixiyay, intii dhimatay ALLE ha u naxariisto inta noolna cimri dheer, caafimaad iyo cibaado suuban ayaan u rajaynayaa. Suaasha iswaydiinta mudan waxay tahay Puntland 20 sano ka dib ma joogtaa heerkii ay mudnayd? Hay’adaheeda dawliga ahi ma u tayaysan yihiin sidii loo baahnaa? Bulshadu ma u heshaa adeegyada ay u baahnaayeen sidii la rabay? Waxaa xaqiiq ah inay jiraan caqabo badan oo raggaadiyay hay’adihii dawliga ahaa iyo bixintii adeegga bulshada. Caqabadahaas waxaa ka mid ah: Tayada hay’adaha dawliga ah oo liidata, iyada oo ay aad u hoosaysayso nidaamka islaxisaabtanka iyo isudheelitirka awoodaha hay’adaha dawliga ah, awoodiina ay iskugusoo uruurtay madaxtooyada. Ma jiro horumar wayn oo laga sameeyay nidaamka Siyaasiga ah ee Puntland, 20 sano ka dib waxaa wali la iskudooranayaa sidii la isku doortay doorashadii u horaysay (Doorasho dadban) ee dhacday 1998. Waxaa laamihii dawladda raggaadiayay musuqmaasuq baahsan oo astaan u noqday dhaqanka dawladnimo, taasoo ay ugu wacan tahay islaxisaabtan la’aan iyo iskumilanka hay’adihii dawliga ahayd ee is-ilaalin lahaa. Kaalintii Puntland ay ku laheyd dib u-dhiska dawladnimada Soomaaliya iyo hirgalinta nidaamka federaalka oo hoos u dhacday, taas oo ay sabab u tahay in aysan jirin aragti dheer oo hagaysa. Midnimada dad iyo dhuleed ee Puntland sida ku xusan dastuurkeeda oo dhaawacantey, kaddib markii lagu fashilmay soo celinta dhulka maqan gaar ahaan qeybo kamid ah gobolka Sool, Sanaag iyo Cayn. Argagixisada oo aan laga sifayn deegaanada Puntland; taasoo abuurtay khalkhal amni iyo falal amni-darro ah oo ka dhaca meelo fara-badan oo Puntland ka mid ah. Sicirbarar baahsan oo saameeyay nolosha bulshada, sannadkii 2013kii bishii January $1 waxaa lagu sarrifi jirey 22,000 So. Sh, haddana 2018 wuxuu kusoo dhaw yahay in $1 lagu sarrifo 35,000 So. Sh celcelis. Dhinaca garsoorka, ma jiro garsoor madax bannaan oo taabbagal ah laguna kalsoonaan karo sababo la xiriira faragelin, qoondada miisaaniyadda oo hoosaysa, musuqmaasuq, tayo xumo dhanka hawlwadeenada iyo agabka. Caqabadahaasi waxay iftiiminayaan in dadka reer Puntland ay dareemayaan inaan la gaarin filashadii shacabka dhanka maamul-wanaaga 20 sano kadib. Haddaba, doorashada 2019 waxay kusoo beegmaysaa marxalad xasaasi ah oo kala guur ah, loona baahan yahay in la xaqiijiyo helitaanka hoggaan siyaasadeed oo leh aragti, waayo-aragnimo, hufnaan iyo waddaniyad, si loo gaaro maamul-wanaag dhamaystiran. Haddaba barnaamijkayga siyaasadeed waxaa saldhig u ah 2 arrimood oo ah (1) Tayeynta iyo dib u habeynta hay’adaha dawladda si ay u noqdaan kuwo taabbo-gal ah oo ka jawaabi kara baahiyaha bulshada Puntland. (2) Tiigsi oo ka turjumaya hiraalka iyo hiigsiga siyaasadeed waqtiga dhaw iyo waqtiga fog. Si loo xaqiijiyo loogana gun gaaro hammigaas, barnaamijkayga siyaasadeed waxa uu xoogga saarayaa gaarista 8 yool oo waawayn oo aan aaminsanahay inay isbedel horumarineed oo taabagal ah gaarsiin karaan Puntland. Yoolka 1aad: Hirgalinta isbedel siyaasadeed oo dhaxal-gal ah: Waxaan mudnaan gaar ah siindoonaa taabba-galinta Sharciga iyo Qaanuunka si loo helo Hay’ado dawli ah oo is kor joogteeya isuna dheeli tiran (Checks and Balance). Waxaan Dib-u-qaabeynayaa Hay’adaha Dawliga ah ee Puntland, iyadoo dib-u-eegis aan ku samaynayndoono tirada, tayada iyo xeerarka lagu asaasay Hay’adahaas si loo kala caddeeyo waajibaadkooda shaqo, sarena loogu qaado tayadooda, ayna ula jaanqaadaan isbeddelka cusub ee aan doonayo in laga sameeyo dhinaca siyaasadda iyo dhismaha dawladnimada, qorshahaan waxaa lagu dhamaystirayaa sannadka ugu horreeya ee Xukuumadda cusub. Haddii Alle idmo Waxaan hirgelindoonaa nidaamka Dimuqraadiga ee Xisbiyada Badan sannadka ugu horreeya ee xukuumadda cusub. Haddii Alle idmo Waxaan xoojinayaa kaalinta Puntland ay ku leedahay Soomaaliya iyo hirgelinta nidaamka Federaalka ah, iyadoo la ilaalinayo maqaamka Puntland iyo Dawladnimadeeda ku dhisan hannaan dawladnimo oo ay sal u tahay in waxna la wada leeyahay waxna lakala leeyahay. Waxaan xoojinayaa awoodda Puntland u leedahay gelidda heshiisyo horumarineed iyo kuwo maalgashi si waafaqsan shuruucda dalka, iyada oo la xaqiijinayo in heshiisyadu noqdaan kuwo daahfuran oo laga ansixiyo dhammaan golayaasha dawladda si furanna loogu soo bandhigo shacabka. Sidoo kale in dib u eegis lagu sameeyo dhammaan heshiisyada horumarineed ama maalgashi ee horay loo galay oo ay ugu horrayso heshiiskii Dekedda Boosaaso. Waxaan mudnaan gaar ah siindoonaa ilaalinta midnimada Puntland (Dad iyo Dhulba) iyada oo mudnaan gaar ah lasiinayo soo celinta dhulka maqan ee Dastuurku uu qeexayo, iyada oo dawladdu ka yeelanayso siyaasad horumarineed loona astaynayo qoondo miisaaniyadeed oo gaar u ah horumarinta iyo difaaca Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn. Yoolka 2aad: Xoojinta Amniga: Waxaan dib-u-habayn mug leh ku samaynaynaa hay’adaha amniga ee kala duwan, dhinacyada shuruucda, istiraatiijiyadda, tirada ciidanka, tayadooda iyo xuquuqdooda. Miisaaniyadda haatan lagu hafro Amniga waxay ku filan tahay maareynta Amniga hadii si amaano iyo aqoon ku dheehantahay loo maamulo. Waxaan mudnaan gaar ah siindoonaa ciribtirka canaasiirta argagixisada ee ku dhuumaalaysanaya buuralayda Cal-madaw iyo Cal-miskaad. Waxaan adkayndoonaa xuduudaha Puntland ee Bad iyo Berriba, iyadoo iskaashi dhow lagala sameynayo dowladda federaalka iyo dawlad-goboleedyada ay xuduudaha wadaagaan dawaladda Puntland ee Soomaaliyeed. 4. Xaq-siinta ciidanka ayaan mudnaan gaar ah siindoonaa, iyadoo qof kasta oo ciidan ah uu helidoono mushahaar joogto ah, gunno-hawleed, duug, bixinta diyada/magta qofka si kama’ ah ugu dhinta gacanta ciidanka, daaweynta ciidanka xanuunsada, bixinta hawl-gabka iyo kafaala-qaadka agoonta ciidanka. Yoolka 3aad: Dib u habaynta Nidaamka Maaliyadda iyo Kobcinta Dhaqaalaha: Waxaan dib-u-habayn ballaaran ku samaynaynaa nidaamka dakhli uruurinta, annaga oo xaqiijinayaa dhaqangelinta iyo ku dhaqanka miisaaniyadda Dawladda ee ay ansixiyaan Golayaasha Dawladdu. Waxaan la dagaalamaynaa aafada musuqmaasuqa ragaadiyey nidaamka dawladnimo, iyadoo la xoojinayo isla-xisaabtanka iyo daahfurnaanta, lana adkaynayo maamul-wanaagga iyo sarraynta sharciga, madaxbannaani buuxdana la siinayo Hay’adaha Dawladda u qaabilsan islaxisaabtanka gaar ahaan xafiiska Hantidhowrka Guud. Waxaan mudnaan-siinaynaa suuq-geynta iyo maalgashiga khayraadka dalka Alle ku galladay sida: Kalluunka, Xoolaha, Maydiga, Beeraha, Macdanta iyo batroolka. Waxaan horumarinaynaa kaabayaasha dhaqaale sida: Dekadaha, Garoomada Diyaaradaha iyo Waddooyinka, iyadoo la dhammeystirayo waddada isku xirta Ceel-daahir iyo Ceerigaabo, dibna loo soo nooleynayo dhismaha waddada laamiga ah ee Garoowe-Gaalkacyo, loona hawlgalayo soo daynta mashruuca Shiinaha ee dhismaha Waddada Eyl iyo Garoowe, dib-u-eegista mashruuca ballaarinta dekadda Bosaaso, ka qeyb qaadashada dhismaha dekadda Garacad. Sidoo kale waxaa loo hawlgali doonaa dhismaha waddada laamiga ah ee isku xirta Kalabayr iyo Caluula, Taleex iyo Garoowe, Sheerbi iyo Dhahar, Qardho iyo Baylo, Bosaaso iyo Qandalo, Galdogob iyo Garacad, iyo dhamaystirka iyo taabagalinta kastamka Tuur-dibi. Yoolka 4aad: Tayaynta Adeegyada Bulshada: Waxaan mudnaan siindoonaa baahinta iyo tayeynta adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka iyada oo loo marayo joogtaynta iyo kordhinta qoondada lacageed ee ay ku leeyihiin miisanayadda Dawladda. Tayeynta, baahinta iyo kabista adeegyada Biyaha iyo korontada ayaan mudnaan gaar ah siindoonaa, si loo helo adeeg tayo leh oo jaban daboolina kara baahida bulshada. Waxaa si gaara dib u eegis loogu samayn doonaa hannaanka wax isku darsiga dawladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay (Public Private Patnership). Yoolka 5aad: Taabba galinta Garsoor Xaqiijin kara Sarraynta Sharciga: Waxaan dib-uhabeyn ku samayndoonaa garsoorka gaar ahaan hannaanka soo xulista hawl-wadeennada garsoorka, abuuridda hannaanka kormeerka iyo isla-xisaabtanka ee garsoorka dhexdiisa iyo dib-u-habeynta xeerarka iyo habraacyada Hay’adda Garsoorka. Waxaan kordhindoonaa qoondada miisaaniyadda Garsoorka, iyadoo la sameynayo Sanduuqa Garsoorka (Judiciary Fund), si loo tayeeyo loona xoojiyo madax banaanidooda Yoolka 6aad: Daryeelka Deegaanka iyo Xakameynta saameynta Isbeddelka Cimilada: Waxaan mudnaan gaar ah siindoonaa la-dagaallanka jarista dhirta iyo xaalufinta Deegaanka, iyadoo aan dhisidoono haamaha lagu kaydiyo gaaska wax lagu shito si qiimo jaban loogu helo haamaha gaaska la shito, taasina ay gebi ahaanba meesha ka saarayso isticmaalka dhuxusha. Sidoo kale waxaa xoogga la saari doonaa ka faa’iidaysiga tamarta cadceedda (Sollar) iyo dabaysha. Yoolka 7aad: Horumarinta Dhalinyarada: Waxaan mudnaan gooni ah siinaynaa horumarinta dhalinyarada dhinacyada shaqo abuurka, sare u qaadista xirfadaha, u sinnaanta fursadaha shaqo si eex la’aan ah iyo ka ballaarinta qaybgalka siyaasadda iyo maamulka. Yoolka 8aad: Horumarinta Haweenka Haweenka Puntland waxay laf dhabar u yihiin horumarka bulshada dhinac walba, sidaas darted waxaan xaqiijindoonaa xoojinta helitaanka xuquuqda haweenka si waafaqsan shareecada islaamka, iyadoo si gaar ah xooga loo saarayo inay helaan xuquuqdooda bulsho, siyaasadeed iyo dhaqaale oo dhammaystiran.