Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,105
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Gudoomiyaha gobolka Banaadir Injineer Yariisow ayaa sheegay in shacabka magaalada Muqdisho ay xaq uleeyihiin in ay helaan maqaamka Muqdisho , oo ay la xuquuq noqdaan [...] Source
  2. Maamulka la magac baxay Soomaaliland ayaa sheegay in dowladda Ingirisa ay safiir cusub u soo magacawday magaalada Hargaisa , kaas oo saldhigiisu noqon doona magaalada [...] Source
  3. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Yariisow ayaa markii ugu horeysay sanad kadib magacaabistiisa waxaa uu ka hadlay maqaamka Muqdisho. Lama oga sababta xilliga ku soo beegay, laakin waxaa uu dadweynaha u sheegay in sanadkan uu yahay midkii maqaamka Muqdisho. Cabdiraxmaan Yariisow oo arrintaasi ka hadalaya waxaa uu yiri “Sanadkan waa sanadkii u diyaar garowga doorashooyinka, waa sanadkii dhameystirka dib u eegista, sanadkii maqaamka Muqdisho iyo sidii Muqdisho bulshadeeda aayahooda uga tashan lahaayeen, ulana mid noqon lahaayeen gobollada dalka aan u istaagno, isla markaana aan ka dhabeyno in shacabka Muqdisho ay ku helaan matalaad ha noqoto aqalka sare, ha noqoto golaha shacabka, isla markaana ay noqon doonaan gobol la mid ah gobollada kale, xuquuqda gobollada kale ay heleenna ay heli-doonaan, taasina waxaa ay ku iman doontaa wadajirkeenna, midnimadeenna iyo in aan umadda Soomaaliyeed tusno in aan hormuud u nahay”. Arrinta uu Yariisow ka hadlay waxaa laga hadlayey 7-badii sano ee ugu dambeysay, waxaana xilka ku waayey duqii isaga ka horeeyey ee isaga lagu badalay. Thaabit Cabdi waxaa uu Janaayo sanadkii hore magaalada Muqdhiso uga dhawaaqay inuu qabanayo shir loogu magac daray “nabadeynta iyo horumarinta gobolka Banaadir”, arrintaas oo aaney raalli ka aheyn dowladda federaalka ah. Xil Ka Qaadistii gudoomiyihii hore gobolka Banaadair Thaabit Cabdi: xil ka qaadista Thabit waxay dhacday January 21, 2018, waxaa ay ka dambeysay arrimo la xiriira awoodda iyo maqaamka Muqdisho, xilkiisa waxaa lagu badalay oo noqday gudoomiyaha gobolka wasiirkii warfaafinta xakuumadda Xasan Cali Kheyre Eng Cabdiraxmaan Cumar Yariisow. Thabit Cabdi oo ka jawaabay ceyrintiisa waxaa uu sababta ku sheegay labo arrin: Xasiloonida iyo nabad-galyada gobolka Banaadir iyo shirkii nabadeynta iyo horumarinta gobolka Banaadir. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. (SLT-Hargeysa)-Xukuumadda kulmiye iyo Gudoomiyayaasha Goleyaasha Guurtida iyo Wakiiladda ayaa dadaal dheer ugu wada jira sidii ay Xisbiyadda Mucaaridka u kala jabin lahaayeen ee ay u ogolaysiin lahaayeen inay ka soo tanaasulaan Mawqifkii ay kala taagnaayeen Komishan Doorashooyinka, waxaanay si gooni gooni ah ula faqayaan inay marsiiyaan Korodhsiimo la sheegay inay Xukuumaddu rabto inay wakhti dheer dib ugu dhigto qabsoomida Doorashooyinka Wakiiladda Iyo Goleyaasha Deegaanka, iyo sidii komishankan Sidaa uu yahay loogu dayn lahaa inta Doorashadan Soo socota la qabanayo. Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Baashe Maxamed Faarax ayaa shalay Galinkii hore kulan gaar ah oo qarsoodi ah la yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha guud ee Xisbiga UCID Cabdinaasir Yuusuf Qodax, kulankaasi oo la sheegay inuu qayb ka yahay dadaal ay Labadan Gudoomiye ugu jiraan sidii ay marka hore Xisbiga UCID oo isagu meel dhexe jooga ay uga dhaadhicin lahaayeen sidii ay uga soo tanaasuli lahaayeen mawqifkii ay ka qaateen Xubnaha Komishanka Doorashooyinka Fadhigii u dambeeyay ee ay Saddex Xisbi ka yeesheen kaasi oo uu Xisbiga UCID dalbaday in Komishankan sidaasi lagu daayo doorashadan soo socota islamarkaana laba Xubnood uun loogu daro Xisbiyadda Mucaaridka ah, qorshahaasi oo uu mid ka duwan uu la yimid Xisbiga kale ee Mucaaridka ah ee WADDANI, Islamarkaana ay iyagu ku adkaysteen in Gabi ahaanba lakala diro Komishanka hadda jooga oo kuwo kale oo Cusub lasoo magacaabo, Arintaasi oo khilaaf abuurtay, islamarkaana sababtay in fadhigaasi lagu kala kaco, oo uu wada hadalkii burburo. Gudoomiye Baashe Maxamed Faarax iyo Gudoomiye Saleebaan ayaa kulankan sida gaarka ah ay Shalay ula yeesheen Sarkaalkan ka tirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID ayaa sida aanu xogtan ku helnay,waxay ay kala hadleen sidii ay Xisbiga UCID uga wada shaqayn lahaayeen sidii aragti midaysan iyo mawqif isku mid ah looga wada yeelan lahaa Qabsoomidda Doorashooyinka Wakiilada Iyo Deegaanka iyo sidii meesha looga saari lahaa ku kala aragti duwanaan shiyaha Arimaha Doorashooyinka iyo sidoo kale sidii looga heshiin lahaa Khilaaf taagan, waxaanay u muuqataa inay Sarkaalkan oo aad uga agdhaw Gudoomiyaha Xisbiga UCID ay ka doonayaan inuu Gudoomiyahiisa kula noqday islamarkaana uu kasoo dhaadhiciyo in khilaafka iyo muranka Jooga geed la iskaga tiiriyo, islamarkaana danta caamka ah laga wada shaqeeyo, iyo sidii wakhti ku haboon loogu cayimi lahaa Qabsoomida Doorashada Goleyaasha Muddo dhaafay. Dhinaca kale Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa isagu mawqifkiisa ku adag, islamarkaana xal u arka in Komishanka hadda jira lakala diro oo kuwa kale lasoo magacaabo. Source
  5. Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe ayaa heegankii ugu dam beeyay galiyay ciidamadiisa si duulaan adag loogu qaado Argagixisada Al-shabaab ee ku sugan degmooyinka Afmadow iyo [...] Source
  6. (SLT-Hargeysa)-Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Oo Hadda Muddo sannad ah dalka xukumayay ayaan Wali ku guulaysan Innuu fadhiisiyo Dhaqaalaha Dalka, Sicir bararka iyo Guud ahaan hannaankii siyaasadeed ee gudo iyo Dibadba waxaana uu u muuqdaa inuu ku haftay hogaamintii islamarkaana uu ku mashquulay nidaamka Qabiilooyinka Dalka ka jira oo uu illaa hadda isku dayayo inuu qof walba halkiisa ku qanciyo iyadoo uu dalku ku sii socdo Musalaf, dadkiina ay la dalaalaa dhacayaan duruufo qalafsan oo nololeed kuwii ugu adkaa, iyo hagar daamooyin siyaasadeed iyo Caafimaad. Madaxweynaha mudada dheer ka ariminayay Dalka aynu jaarka nahay ee Jabuuti Ismaaciil Cumar Geellle oo lagu tilmaami kelitalis Xukun jecel oo Dalkiisa cayriyay inay xiitaa ku noolaadaan Dadka siyaasadiisa dhaliilsan ee Mucaaridka ku ah ayaa markii uu Xukunka Dalkaasi qabtay ee uu kala wareegay sanadkii 1999-kii madaxweynihii hore ee dalkaasi Al-Xaaji Xasan Guuleed Abtidoon,oo uu sanadkii hore la sheego inuu bilawgii Xukunkiisa ku haftay ayaa uu Markii dambe guntiga dhiilasha iskaga dhigay inuu Fahmo xaalada jirta iyo inuu marka hore dhiso oo uu xil iska saaro waxyaabaha aasaasiga u ah nolosha dadkiisa, oo wakhtigaasi aad u hooseeyay, Waxa uu Ka baxay dhamaan hawlihii ganacsi ee gacanta ugu jiray, isagoo sidoo kalena Golihiisa Xukuumadda iyo qoysaskoodaba ka mamnuucay inay Wax ganacsi ah galaan si ay ugu ban-baxaan bad baadinta Qaranka islamarkaana ay ugu ekedaan oo qudha Hawlaha Qaranka ee loo igmaday, waxa muddo yar dabadeed kor ukacay Dhaqaalihii dalka iyo Noloshii caadiga ahayd ee dadka, waxa uu ku guulaystay inuu fadhiisiyo Noloshii Caadiga ahayd ee Reer Jabouti iyadoo la sheego inuu markii dambe dib ugu noqday, islamarkaana uu qoyskiisa u fasaxay Ganacsigii, go’aankaasi uu naftiisa,qoyskiisa iyo Golihiisa Xukuumaddaba uu kaga mamnuucay ayaa lagu tilmaamaa arimihii ugu waa weynaa ee Guusha u horseeday. Ismaaciil Cumar Geelle waxa uu hadda ka mid yahay sida warbaahinta caalamka dhawr jeer wax ka qortay Hogaamiyayaasha ugu hantida badan Africa balse waxa uu dejiyay Nolosha,Dhaqaalaha iyo Siyaasada dalkiisa ayaa lagu yidhi Warkan oo lagu baahiyay Caroog.net Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi inkasta oo aanu wali Bulshada u bayaamin Hantida dhabta ah ee uu haysto iyo inta ay leeg tahay, haddana waxa lagu tiriyaa siyaasiga ugu hantida Buuran Siyaasiyiinta Somaliland, waxa si gaar ah carabka loogu adkeeyay ama loogu badiyaa inay hantidiisu u badan tahay Guryo badan oo uu dhistay intii dalka dib loogu soo noqday iyo dhul bannaan oo uu leeyahay oo aad u badan.Waa maalqabeen siyaasi ah oo hanti badan haysta sida ay dad badani qabaan, waxaana sidoo kale lagu xantaa inuu saamiyo ku leeyahay shirkado ganacsi oo gaar ah oo si weyn dalka uga shaqeeya. Qoyskiisa ayaa sidoo kale la sheegaa inay hawlo ganacsi oo gaar ah ku jiraan qaarkood, inkasta oo aan lagu arag Madaxtooyadda islamarkaana oo uu aad iskaga illaaliyo inay soo dhex galaan arimaha siyaasada iyo hogaamintiisa, haddana si dadbadan ayaa lagu xantaa inay lug ugu leeyihiin. Mudadaasi Sanadka ah ee uu Xukunka soo hayay ee hadda u idlaaday oo aad loogu xanto inaanu Dalka siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaan, iyo arimihii Bulshadaba aanu waxba ka qaban, ayaa si weyn loo hadal hayaa inuu dhaqaale badan galiyay Beer uu ku leeyahay Woqooyiga Magaaladda Hargeysa gaar ahaan Geed Deeble, taasi oo uu dhawr jeer tagay intii uu Xukunka hayay, waxa uu ku dhaqay geel, waxaanu ka sameeyay dhismayaal sida ay dadka ka agdhaw sheegeen iyadoo uu ka dhigay Goob raaxo. Dhinaca kale waxa masuuliyiin badan oo Xukuumaddiisa ka tirsan loo tiriyaa inay hawlo ganacsi oo shakhsi ah kujiraan taasi oo ay uga faa’iidayaan Ganacsigooda xilka ay hayaan, waxa ay qaarkood leeyihiin Hay’addo ama NGOS, si cad loo wada yaqaan, halka ay qaar saamiyo ku leeyihiin Shirkaddo gaar ah arintaasi oo lafjab ku noqon karta qaranka, ama dabri karta horusocodkii Shaqada Qaranka. Haddaba Su’aasha meesha taalaa waxay tahay,Madaxweyne Biixi ma kaga dayan doonaa talabaasi uu Madaxweyne Geelle Bilawgii Xukunkiisa qaaday kadib markii ku jahawareerar sanadkii hore islamarkaana markii dambe ee uu sidan gartay ay wax wayn ka tartay inuu dalkiisa gaadhsiiyo halka uu maanta taagan tahay, mase ka mamnuuci doonaa Naftiisa iyo Xubnaha Xukuumaddiisa kujira inay wax lug ah ku yeeshaan Ganacsiyadda Gaarka loo leeyahay si ay ugu ekedaan oo keli ah Horumarinta Hawlaha Qaranka, ugan dhawrsoonaadaan inay xilka ay hayaan uga faa’iideeyaan danaha gaar ah ama ganacsiyadooda ayaa lagu yidhi Qoraalkan oo lagu baahiyay Shabakadaasi. Source
  7. (SLT-Hargeysa)-Odayaashii is-xilqaamay ee muddoba dhexdhexaadinta ka dhex waday isu soo jiididda xisbiyada qaranka Somaliland ee UCID, KULMIYE iyo WADDANI si ay qabsoomidda doorashada xal uga gaadhaan ayaa waxa soo food saaray culays weyn oo hakinaya dadaalkooda aan wali midho dhalin, kadib markii ay kulankoodii ugu dambeeyey oo ay la qaateen saraakiil ka socda xisbiga WADDANI wax natiijo ahi ka soo bixin iyada oo Xisbiga WADDANI ku adkaystay mawaaqiftiisii uu hore arrinka doorashada uga qabay. Kulan gaar ah oo ka qabsoomay Guriga Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Md. Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax oo ay isugu yimaadeen xubnaha odayaasha ah oo kala ahaa Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax iyo Axmed Yuusuf Yaasiin oo hore Madaxweyne ku xigeenno uga soo noqday Somaliland iyo Masuuliyiin Xisbiga WADDANI ah ayaa ku dhammaaday in aanay wax natiijo ahi ka soo bixin, kadib markii saraakiisha xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI odayaasha dhexdhexaadinta waday u sheegeen in xisbigu ku taagan yahay go’aankii iyo mawaaqiftii ay hore uga qaateen duruufaha ku gedaaman qabsoomidda doorashooyinka Wakiilada iyo Deegaanka Somaliland oo dib u dhac ku yimid waxaanay sheegeen in aanu xisbigu aqoonsanayn Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo ay hore kalsoonida ugala laabteen kuna adkaysanayaan in la kala diro xubnaha Komishanka haddii bay yidhaahdeen la doonayo in doorasho xor iyo xalaal ahi dalka ka qabsoonto. Xubnaha ka socday dhiaca xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI oo ay ka mid ahaayeen Xoghayaha Guud ee Xisbigaasi Mudane Khadar Xuseen Cabdi, Xoghaye ku xigeenka Xisbiga Mudane Jamaal Jaamac Xaamud, Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid iyo Xoghayaha Gaarka ah ee Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiqaadir Saalax Iidle ayaa waxa ay kulan gaar ah la yeesheen Madaxweyne ku xigeennadii dalka soo maray oo ka mid ah odayaasha sida gaarka ah isugu xil qaamay in ay isku soo jiidaan Xisbiyada qaranka oo ku kala qaybsan qaabkii ay xal uga gaadhi lahaayeen in ay ku qabsoonto doorashooyinkii wakhtigooda dib uga dhacay. Masuuliyiinta xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ee ay kulankan la yeesheen Axmed Yuusuf Yaasiin iyo Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax ayaa waxa ay sheegeen in aanay waxba iska baddalin shuruudihii ay ku xidheen in wax laga qabto haddii la doonayo in ay doorshadu innoo qabsoonto waxaanay si gaar ah u adkeeyeen in la kala diro Komishanka doorashooyinka. Waxa ay sidoo kale talo ahaan Masuuliyiinta xisbiga WADDANI odayaasha ku siiyeen in Guddidan dhexdhexaadinta isu xilqaamay laga saaro xubno hore u soo maray xisbiyada qaarkood kuwaasi oo aan lahayn wax kalsooni ah oo ay cid isugu soo jiidi karaan. Marar badan ayuu xisbiga WADDANI ku celcelinayay aragtidiisa la xidhiidha qaabka ay dalka doorshooyinku uga qabsoomin karaan isaga oo mar walba sheegayay in aanay wax kalsooni ah ku qabin Koomishanka Doorashooyinka ee wakhtigan jooga, waxaana toddobaaadkii hore burburay wada hadallo muddo u socday saddexda xisbi qaran. Lamana oga sida xaaladdani ku dambayn doonto. Source
  8. Magaalada Garoowe waxaa si aad ah loohga dareemayaa qaban qaabada caleema saarka Madaxweynaha cusub ee dowladda Puntland D.r Siciid C/laahi Deni iyo kuxigeenkiisa . [...] Source
  9. This can only happen if the war-torn country attains peace, Foreign Affairs Permanent Secretary Macharia Kamau has said. Speaking during a four-day workshop in Nairobi, yesterday, Mr Macharia said the contribution of the Kenya Defence Forces (KDF) in the horn of Africa was unavoidable. “It is easy to get into peacebuilding in Somalia. But it is hard to get out. This is because of our peace enforcement capabilities,” said Macharia. KDF has been in Somalia since 2011. Critics have been calling for the withdrawal of the soldiers from the troubled country. President Uhuru Kenyatta has, however, stood steadfast against pressure to recall the troops. He said it would only happen when peace was realized in Somalia. During his keynote speech, Macharia repeatedly expressed confidence that Kenya’s peace-building contribution in Somalia would yield fruit. The post Kenya says its troops will remain in Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
  10. (SLT-Hargeysa)-Caasimadda waddankaasi Soomaaliya ee Muqdisho ayaa la sheegay in uu ka hawl galo wadaad weyn oo diinta Kiristaanka faafiya kaasi oo dhalasho ahaan ka soo jeeda waddanka Kenya, dadka magaalada ku noolina walaac weyn ka muujiyey dadaalka uu dadka diinta kaga saarayo. Wargeyska Diinta Kiristaanka faafiya ee wordandway.org, ayaa warbixin ka qoray Baadarigan Kenyaanka ah oo shantii sano ee la soo dhaafay faafinta Kiristaanimada ka wada Magaalada Muqdisho. Baadarigan oo magaciisa la qariyay hayeeshee la siiyay Magaca John ayaa sheegay in uu Muqdisho ku joogo Qandaraasle dhismaha ah, hayeeshee uu farriinta fidinta Kiristaanimada kawado Muqdisho. Waxaanu sheegay in duruuf adag uu ku hawl galo maadaama amnigiisu halis ku jiro oo daqiiqad kasta la khaarajin karo haddii ay ogaadaan kooxaha Islaamiyiinta ahi. Isaga oo la hadlayay wargeyska ayaa John waxaa uu sheegay in uu u dhashay Kenya, shan sano ka horna uu yimid dalka Soomaaliya balse uu dalkaasi u ku shaqaysto dhinaca qandaraasyada oo aanu is muujin balse uu u hawl galo oo uu diintiisa u fidiyo si qarsoodi ah oo hoose. Ninkan Baadariga ah ayaa Waxaa uu sheegay in Dadka Soomaalida ahi aanay saaxiib la noqon dadka aan Muslimka ahayn, haddii ay kugu ogaadaan in aanad Muslim ahayna ay adagtahay in ay kula saaxiibaan. r John ayaa sheegay in qol yar ay isugu yimaaddaan isaga iyo xertiisa oo sida uu sheegay u badan Soomaali uu gaadhsiiyay Kiristaannimada si qarsoodi ahna ku qaatay, kuwaas oo ka baqaya in ay la wadaagaan qoysaskooda. John ayaa tilmaamay in ay si qarsoodi ah u heesaan, una cibaadaystaan marka ay fursad isu helaan iyaga oo iska qarinaya dadka kale ee Soomaalida ah kuwaasi oo cabsi weyn ka qaba in la khaarajiyo ama dadka laga dhex saaro haddii qorshahan lagu ogaado. Wakiilka Pop-ka Faatikaanka (Vatican) ee Jabuuti iyo Soomaaliya oo ku sugan Dalka Jabuuti ayaa sheegay in nolosha dadka aan Muslimiinta ahayn ee Soomaaliya ay khatar badan ku jirto. Source
  11. (SLT-Hargeysa)-Xubin cusub, ayaa shalay loo dhaariyay ka mid noqoshada xubnaha golaha deegaanka caasimadda Hargeysa ee Somaliland. Maxamed Jaamac Dubbad, ayaa shalay si rasmi ah uga mid noqday xildhibaanada golaha deegaanka caasimadda Hargeysa ka dib markii uu dhaariyay guddoomiyaha maxkamadda gobolka Maroodijeex Axmed Dalmar Ismaaciil. Xildhibaanka cusub ee shalay loo dhaariyay xubinnimada golaha deegaanka caasimadda Hargeysa, ayaa bedelay Marxuum Siciid Xaaji Axmed Cali Faarax oo dhawaan ku geeriyooday dalka Ingiriiska. Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Maroodijeex oo faah faahinayay dhaarinta xildhibaanka cusub, ayaa yidhi. “Waxaynu halkan isugu nimi (Maxkamada Gobolka Maroodijeex) in lagu dhaariyo oo aan u dhaarino xubin ka bannaanaatay golaha deegaanka caasimadda Hargeysa oo uu banneeyay ALLE ha u naxariistee Marxuum Siciid Xaaji Axmed Cali Faarax oo dhawaan ku geeriyooday dalka Ingiriiska. Marka hore marxuumka waan u ducaynaynaa ALLE ha u naxariisto, shaqada dawladda ayaa ah marka qofku meel banneeyo in la buuxiyo illayn shaqada qaranku taagnaan maysee, markaa waxaan u dhaarinaynaa maanta (shalay) xildhibaankii ku xigay xaga derajada codadka oo ah mudane Maxamed Jaamac Dubbed Ducaale oo imika marka la dhaariyo ka dib noqonaya xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka caasimadda jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa. Dhaartuna waa dhaar dastuuri ah oo ku xusan qodobka 136 ee dastuurka jamhuuriyadda Somaliland.” Dhaarinta ka dib waxaa isna halkaa hadalo kooban ka yidhi Guddoomiyaha golaha deegaanka caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco. Waxaanu sheegay in xildhibaanka cusub ee loo dhaariyay xubinnimada golaha deegaanka caasimadda Hargeysa in ay soo gudbiyeen gudida doorashooyinka Somaliland, isla markaana dhaarta ka dib uu kamid noqday xubnaha xildhibaanada golaha deegaanka caasimadda Hargeysa, waxaanu xildhibaanka cusub ku soo dhaweeyay golaha deegaanka, waxaanu u duceeyay Marxuum Siciid Xaaji Axmed Cali (Siciid Xaaji Af-qalooc) oo ka geeriyooday golaha deegaanka caasimadda Hargeysa. Source
  12. (SLT-Khartoum)-Booliska dalka Suudaan ayaa sheegay in ugu yaraan saddex qof ay ku dhinteen dibadbaxyo dowladda looga soo horjeedo oo shalay ka dhacay magaalada Omdurman oo u dhaw magaalada caasimadda ee Khartuum. Dadka dibadbaxa dhigayay ayaa ku dhawaaqayay ereyo ay ku codsanayaan inay helaaan ‘caddaalad iyo xoriyad’. Booliska ayaa suntan dadka ka ilimeeysiisa ku kala eryay dadka bannaanbaxayay. Dhaqaatirta ku sugan Suudaan waxay sheegeen in ugu yaraan 6 qof ay qabaan dhawaacyo rasaas isla markaasna hadda ay daweynayaan. Waxaa jiraa warar kale oo sheegayo in toogasho ay ka dhacday isbitaalka ugu weyn ee aaggaasi. Khasaaraha ka dhashay dibadbaxyada ayaa imaanaya xilli madaxweyne Cumar Al Bashiir uu ka qeyb galay shalay isu soo bax siyaasadeed oo lagu tageerayo dowladdiisa, wuxuu sheegay in uusan xilka ka dageynin. Dalka Suudaan waxaa hareeyay dibadbaxyo looga soo horjeedo qiimaha maciishadda oo sare u kacday. Waa dhibaatadii ugu weyneyd uu wajahaya Al Bashiir tan iyomarkii xukunka uu kula wareegay awood militari 30 sanno ka hor. Source
  13. Puntland’s new president has formally accused Somaliland of violating Puntland territories. In an interview with the BBC Somali Service on Wednesday, Saeed Abdullahi Deni said that there was no dispute between Puntland and Somaliland, but Hargeisa administration violated Puntland regions. “We have no land dispute with Somaliland administration, but it has violated the Puntland territories, the regions of Sool and Sanaag were part of Puntland for the period of formation in 1998,” he said. When asked how to resolve the dispute between the two sides over those regions, Deni said their aim is not a war, but they hope that Somaliland will leave there peacefully and return to their area. Deni, who previously served as a planning minister in Somalia, was elected Puntland President on Tuesday. The dispute over Sool and Sanaag is one of the major challenges facing the new president of Puntland. Last year, Puntland and Somaliland engaged in fierce fighting over Tukaraq village, where military standoff remains. The post Puntland’s new president calls on Somaliland to pull out its troops from Sool appeared first on Shabelle. View the full article
  14. Garowe (Caasimada Online)-Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland C/Welli Maxamed Cali Gaas oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Garowe ayaa sheegay in shacabka Puntland ka filayaan inay la shaqeeyaan madaxweynaha cusub. Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in Puntland ay u baahan tahay in si midnimo iyo Wadajir ah ay kaga shaqeeyaan horumarinta deegaanka iyo kor u qaadida xaalada amaanka ee Puntland. Wuxuu sheegay in madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uu ku qabo kalsooni buuxda oo la xiriirta inuu wax ka qaban karo amaanka iyo horumarinta deegaanada maamulka Puntland. Shacabka Puntland ayuu sheegay in xiligan looga baahan yahay inay muujiyaan Midnimo iyo Wadajir oo ay si dhab ah ula shaqeeyaan madaxweynaha Cusub ee Puntland. “Puntland waa mid, waxaan u baahannahay midnimo iyo Wadajir, madaxweynaha cusub waan ku kalsoonahay, waana nin shaqadiisa kasoo bixi kara, shacabkana waxaa ugu baaqayaa iney la shaqeeyaan” ayuu yiri Gaas. Dhanka kale, C/weli Gaas ayaa ballanqaaday in haddii madaxweynaha cusub uu uga baahdo talo iyo la shaqeyn uu xilli walbo diyaar u yahay inuu waayo-aragnimadiisa ku biiriyo. Caasimada online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  15. Shacabka ku dhaqan magaalada Bosaaso ayaa soo dhaweeyay mowqifkii uu ka qaatay madaxweyne Deni jiritaanka Madasha maamul goboleedyada oo ay gundhig u tahay Puntland . [...] Source
  16. Saciid Cabdullaahi Deni oo ah ganacsade u xuubsiibtay siyaasi ayaa loo doortay Madaxweynaha Puntland ee shanta sano ee soosocota, Madaxweyne Deni oo lagu tilmaamay musharixii ugu loolanka adkaa mudadii doorashadu socotay ayaa siweyn loogu saadalinaayey asbuucyadii u danbeeyey inuu yahay mid kamida musharixiinta ku guulaysan kara kursiga madaxweynaha. Maxay yihiin Caqabadaha horyaala Madaxweynaha Cusub? Madaxweynaha waxaa horyaala caqabado fara badan oo ka gudbidoodu ku xiraan doonto hadba sida ay noqdaan tayadda xubnaha uu u xusho gollihiisa xukuumada iyo hawl-wadeenada kale ee Dawlada, waxaana kamida caqabadahaas:- Wajihidda xaaladaha ka taagan gobalka Sool, gaar’ahaan degaanka Tukaraq oo ay isku hor fadhiyaan ciidamadda Puntland iyo Somaliland, waana caqabad saamayn ku yeelan doonto Dawlada curdinka ee Madaxweyne Deni, la tacaalideeduna waxay u baahnaan doontaa juhdi iyo dadaal maadama ay halkaas isku hor fadhiyaan labba ciidan oo xili walba dagaal ka dhex qarxi karo. Wajihidda Kooxaha xag-jirka ee kujira buuraha Calmadow iyo buuraha Cal-Miskaat oo ah Daacish iyo Al-shabaab, kuwaas oo khatar badan ku ah amniga magaaladda ugu muhiimsan Puntland ee Bosaaso, waxaana Madaxweynaha cusub laga sugaaya inuu si dhaqso ah uga hawlgalo xakmaynta iyo suulinta kooxahan khatarta ku ah Puntland. Wax ka qabashadda dhaqaalaha Puntland oo u muuqda mid si aada hoos ugu dhacaayey sanadihii u danbeeyey sida sicirka sarifka shillinka Soomaaliga iyo lacagaha qalaad oo sicir barar baahay laga dareemaayo. Heshiisyada ay ka tagtay xukuumaddii horre sida heshiiska dekadda Bosaaso ee ay mudada 30-ka sano ah ku wareejisay maamulkeeda shirkadda laga leeyahay Imaaraadka ee DP World, taas oo uu Madaxweynuhu horay u ballan qaaday inuu dib ugu noqon doono heshiiskaas hadii madaxweyne loo doorto, Dadka Puntland intooda badan heshiiskaas waxay u arkaan mid aan sax ahayn. Khilaafka ka dhex alloosan Dawlad gobaleedyada iyo Dawlada Federalka oo ay Puntlandna hormuud u ahayd madasha ay ku midaysan yihiin Dawlad gobaleedyadu, waxayna dadka falanqeeya arimaha siyaasadu sheegayaan in khilaafka Dawlada dhexe iyo Dawlad gobaleedyadu noqon doono hadba sida uu u wajaho madaxweynaha cusub ee Puntland. Fursadaha horyaala Madaxweynaha cusub? Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni waxaa horyaala fursado muhiima oo ay tahay inay si wanaagsan u wajahdo xukuumadda uu hogaanka u hayoo, waxaan kamida Fursadahaas:- Kasbashada umadda Puntland mucaarad iyo muxaafidba oo ah arin aad u muhiima kuna xiran hadba sida ay noqoto tayada iyo wax qabadka xukuumada uu majaraha u hayo. Dhismaha Ciidamo dhab ah oo ay Puntland yeelato, maadama ciidamada ay ka jiraan dayacyo iyo kala yaacsanaan badan, waxaana muhiima in la qarameeyo oo la isku dhafo ciidamada tirada badan ee ku sugan deggaanka Tukaraq oo ay kamid yihiin ciidamada ay beeluhu soo ururiyeen. Ku dhaqanka Miisaaniyada Dalka, taasi waxay rumayn doonta in Dawladu beekhaamiso kharashaadka ku baxa, ayna si joogta ah u bixiso xaquuqda shaqaalaha iyo ciidamada Dawlada oo ah hada kuwo aan u bixin sidii ay ahayd, kana mida caqabadaha u waaweyn ee Dawlada Puntland haysta. Waxaana xusid mudan hadii Dawlada Madaxweyne Deni kaga *****so joogteynta xaquuqaha shaqaalaha rayidka iyo ciidamada Dawlada inay guul weyn gaari doonto. Isku soo dhawaynta Dawlada Federalka iyo Puntland oo ay wax badan iskaga xiran yihiin iyo ka odayeynta iyo heshiisiinta Dawlada dhexe iyo Dawlad gobaleedyada oo ah fursad muhiima oo u banaan Madaxweynaha cusub ee Puntland, taas oo hadii uu sameeyo u noqon doonta fursad baal-dahaba ugu qoranta. Dhamaystirka mashaariicda ay ka tagtay xukuumadii horre iyo raadinta mashaariic cusub. Dadka reer Puntland ayaa u muuqda inay si taxadar ku jirro ay usoo dhaweeyeen Madaxweynaha cusub ee Puntland iyo ku-xigeenkiisa, waxaana laga fillaayaa inay ka dhabbeeyeen isbadelkii ay balan qaadeen. PUNTLAND POST The post Shan caqabadood iyo Shan fursadood oo hor-yaala Madaxweynaha dooran ee Puntland appeared first on Puntland Post.
  17. Madaxweyne kuxigeenkii hore ee dowladda Puntland Injineer C/xakiin Xaaji Cumar Camey oo Garoowe kula hadlay warbaahinta ayaa shacabka ugu baaqay in la ilaa liyo kala [...] Source
  18. (SLT-Hargaysa) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Golaha Guurtida u gudbiyay codsiga muddo kordhinta Golaha Wakiilada Oo 13-sanno Oo hore fadhiyay . Hoos ka akhrisyo codsiga muddo kordhinta Wakiilada Source
  19. (SLT-Hargaysa) Waxaa shalay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland soo gaadhay qunsulka cusub ee ay dawladda Itoobiya u soo magacowday Somaliland danjire Shamsudiin Axmed Rooble. Ma jiro wax war ah oo ay Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland iyo Qunsuliyada Itoobiya ka soo saareen imaanshaha danjirahan cusub, laakiin warar uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in danjire Shamsudiin uu shalay ka soo degay madaarka Cigaal ee Hargeysa. Ma jirin cid ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland oo qunsulkan cusub ku soo dhawaysay madaarka Cigaal. Danjire Shamsudiin ayaa bedeli doona qunsulkii hore ee Itoobiya Berhe Tesfaye oo muddo toban sannadood ah ahaa qunsulka Itoobiya u jooga Hargeysa. Imaanshaha diblomaasigan cusub ee ay Itoobiya u soo dirtay Somaliland, ayaa wuxuu meesha ka saarayaa warar ay warbaahinta Soomaaliya muddooyinkii u dambeeyay baahin jirtay oo ahaa inay Itoobiya doonayso inay hoos u dhigto xidhiidhka ay Somaliland la leedahay, ka did markii ay u yeedhay qunsulkii hore Berhe Tesfaye. Qunsulkan cusub ayaa ah diblomaasi sare oo Itoobiya safiir uga noqday dalalka Kenya iyo Djibouti, waxaanu ka mid yahay diblomaasiyiin tiro badan oo ay Itoobiya u magacowday safaaradaheeda iyo qunsuliyadeedaha dunida ku kala yaala. Source
  20. (SLT-Muqdisho) Iska hor imaad u dhaxeeyay ciidamada Dawladda Dalkaasi Soomaaliya iyo Al-Shabaab ayaa xalay ka dhacay magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku soo qaaday fadhiisimo ciidamada dowladdu ku lahaayeen gudaha Marka, waxaana la sheegay iska hor imaad saacad socday uu dhex maray. Guddoomiyihii hore degmada Marka Maxamed Cismaan yariisow ayaa sheegay in Al-Shabaab ay soo weerareen xaafado ka tirsan Marka, isla markaana la iska caabiyay, waxaana uu intaa ku daray in aanay jirin wax khasaare ah oo ka dhashay iska hor imaadkaas. Waxaa uu sheegay in qoriga Baasuukaha oo ay soo tuureen uu ku dhacay warshad barafka oo dabka siisa xaafadaha Marka, waxaa uu tilmaamay in ciidamada ay damiyeen dab ka dhashay baasuukaha. Saraakiisha Booliska magaalada Marka ayaa sheegay in Shabaabkii soo weeraray ay ka dileen labo dagaalame, ayna iska caabiyeen, una carareen dhanka deegaanka Jilib Marka sida uu yiri. Ciidamada Milateriga Soomaaliya ayaa sanadkii hore si buuxda ula wareegay ammaanka magaalada Marka oo muddo sanado aheyd mid kala qeybsan oo ay isku hayeen maleeshiyo beeleed, ayna magaalada afaafkeeda hore kaga sugnaayeen Source
  21. London (Caasimada Online)-Maamulka Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Ingiriiska ay usoo magacowday ergay gaar ah oo Arrimaha Somaliland lagala xaajoon doono. Wasiirka Warfaafinta Somaliland C/raxmaan Guri Barwaaqo ayaa shaaciyay in dowladda Ingiriiska ay usoo magacowday ergay cusub, kaasi oo ka dhigan in loo aqoonsaday dowlad madax banaan. Wasiirka warfaafinta Somaliland ayaa intaasi ku daray in safirka UK ee Somaliland uu fadhigiisu ahaan doono magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, taasi oo shaki badan dhalin karta. Wasiirka wuxuu sheegay in ergaygaasi uu Somaliland wakiil kaga noqon doonaa wasaarada arrimaha dibadda Somaliland, sida uu sheegay Wasiirka. “Runtii waxaan la kulmay uqaabilsanaha Wasaaradda arrimaha dibada UK ee Somaliland, oo fadhigiisu noqon doono Addis Ababa, dhawaanna la wareegi doono xafiiska, wax badan ayaan kala hadalnay, baahida ay dadka Somaliland qabaan”ayuu yiri wasiirka Warfaafinta Somaliland. Marka laga yimaado hadalka wasiirka Warfaafinta Somaliland Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Dowladda Ingiriiska oo ay kaga hadleyso warka kasoo yeeray maamulka Somaliland. Arrintaani ayaa kusoo aadaysa iyadoo dhawaan xoghayaha difaaca Britain uu booqasho aan hori loo sii shaacin ku tagay Somaliland, balse isagu qudhiisa kama uusan hadal arrintaani. Dowladda Ingiriiska ayaa kamid noqotay dowladaha daneynaya inay saldhig ciidan ka sameystaan dalalka Bariga Africa, gaar ahaan gobolka Awdal ee maamulka Somaliland. Caasimada Online Xafiiska London Caasimada@live.com
  22. Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow ayaa markii ugu horeeysay ka hadlay arimaha maqaamka caasimaha Soomaaliya ee Muqdisho. Eng Yariisoow ayaa sheegay in ay tahay wax muqadas ah in Muqdisho ay hesho maqaamkeeda iyo xuquudeedi si la siman sida gobolada kale ee dalka Soomaaliya. “Sanadkan waa sanadkii u diyaar garowga doorashooyinka, waa sanadkii dhameystirka dib u eegista, sanadkii maqaamka Muqdisho iyo sidii Muqdisho bulshadeeda uga tashan lahaayeen aayaheeda, ula mid noqon lahaayeen gobolada dalka, waxaan u istaagi doonaa in aan ka dhabeyno in shacabka Muqdisho ay ku helaan matalaad ha noqoto Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka”ayuu yiri Yariisow. Gudoomiyihii ka horeeyay Eng Yariisoow ee Thaabid Cabdi Maxamed ayaa xilka looga qaaday arimo la xariira ka hadlida maqaamka Muqdisho oo dowlada Soomaaliya ay u aragto in aan hadda la joogin waqtigeedii. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Eng. Yariisow “Maqaamka caasimada waa Muqadas” appeared first on Puntland Post.
  23. Garoowe ( Sh.M.Network):-Madaxweynaha Cusub ee maamulka Puntland Saciid Dani ayaa ugu baaqay maamulka Soomaaliland in ay dib uga baxaan deegaanada maamulkiisa ka tirsan ee ay ku sugan yihiin Ciidamadooda. Mr Dani ayaa xusay in dhulkaasi uusan muran ka taagneen sidaas daraadeed loo baahan yahay in Somaliland ay Ciidamadeeda kala baxdo. “ Haddii ayagu Ingiriis yihiin annagu Talyaani ma nihiin” ayuu yiri Madaxweynaha Cusub ee Puntland Saciid Dani. Dhawaan ayey ahayd markii Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ay Saciid Dani u doorteen Hoggaanka maamulkaas. The post Madaxweynaha Cusub Puntland oo Somaliland ugu baaqay in Ciidamadooda ay kala baxaan , Sool iyo Sanaag. appeared first on Shabelle. View the full article
  24. Maamulka gobolka Shabellaha Hoose ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey ciidamo badan oo dhowaan dowladda federaalka ay geysay degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose. Guddoomiyaha gobolkaasi, Maxamed Ibraahim Barre oo la hadlay Goobjoog ayaa sheegay in ulajeedka ciidamadan loo geeyay ay yihiin sidii ay u xaqiijin lahaayeen amniga degmadaasi. Waxa uu tilmaamay in maamulkooda uu gacan weyn siinayo ciidamada sugaya amniga degmada Afgooye. “Ciidamadan xilligii la rabo ayaa la geyn karaa Afgooye, mana ahan in munaasabad gaar ah loo geeyo waxay sugayaan ammaanka degmada Afgooye, waana soo dhoweynay ka maamul ahaan waana la shaqeyneynaa” ayuu yiri guddoomiyaha. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhowaan waxa ay ciidamo badan geysay degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose, kuwaasi oo weli wada howlgallo ballaaran oo amniga lagu xaqiijinayo. Goobjoog News Source: goobjoog.com