Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,357
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Gaashaanle Dhexe Jaamac Caasi oo cusbitaalka hargeysa u dhex jiifa xaalad caafimaad oo lasoo daristay ayaa farriin u diray taliyaha ciidanka booliska, waxaana uu sheegay inuu waayay waajibaadkii uu ku lahaa taliskiisii ciidanka ee waa sida uu sheegaye mudada afartanka sano ka badan ka tirsanaa. Gaashaanle Dhexe Jaamac Caasi ayaa farriintiisa uu ku socodsiinayo taliskii uu ka tirsanaa, waxa uu ku bilaabay sidan; “Waxaan ciidanka booliska ku soo biiray 1977-kii, intaa waxaan ahaa xubin boliiska ah, waxaan lahaa talis, waxaan lahaa xudun, waxaan lahaa meel aan ku arooro, waxaan lahaa meel I xanaanaysa. Boliiska waxa ku yimaada dhibaatooyin aad iyo aad u culus, kuwa aniga iyo yimid waxa ka mid ah Rasaas, budh, dhabarkoo la iga jabiyay baa kamida. Dhibaatada maanta I haysataa waxay noqotay, waxaan waayay meeshaydii, taliskaygii baan waayay, waxa la I dhexdhigay oo aan muddo bil ah dhex aalaa dad odayaala oo gaboobay, marba meel baa la ii jiidayaa oo la ii rarayaa, markaa dhibkaygu wuxuu yahay, waan waayay meeshii aan afartanka sanadood ku aroorayay ee hilowga badani ii hayay ee aan islahaa waa meesha ku aasi doonta, waan waayay. Aakhiro wax laysuma ahee, waxaan idin leeyahay, haddaan dhinto ha I aasina.” Ayuu yidhi Gaashaanle dhexe jaamac caasi Gaashaanle dhexe Jaamac caafi , Farriintana waxa uu diray madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi “Madaxweynaha waxaan leeyahay, waxaanu u baahan nahay inaad dhakhtar noo dhisto, oo dhakhtar na daweeyo, dhakhtar boliis ahi na dhayo, oo aannu helno dhakhtar ciidanku leeyahay oo aannu leenahay. Ninkaygaa sarkaalka ah ayaa waxa I muday inan, markuu irbadii iga saaray buu igu yidhi; adeerow ma I garanaysaa’? markaasaan idhi adeer ku garan maayee kumaad ahayd? Markaasu I yidhi; barigii la gubay ceelashii Boorame, inamadii aad eryatay eed buurta kala baxday ayaan ka mid ahaa, dabadeedna irbadii baa I damaqday!!!. Way I damaqdayoo waxaan odhan lahaa boolisku wuxuu leeyahay cadow badan, intaa waxbuu eryanayaa, xidhayaa, qabqabanyaa, haddii kuu eryanaayay meel loo dhigo, waa nasiib-darro. Markaa madaxweyne, waxaan ku leeyahay, booliska dhakhtar ha loo dhiso, nin boolis ahi dhakhtar ha u noqdo booliska.” Halkan hoose ka DAAWO Source
  2. Mombasa(SMN)- Saraakiisha amaanka ee magaalooyinka Mombasa iyo Kwale ee woqooyi bari dalka Kenya ayaa sheegay in ay howgalin doonaan dagaalyahano horay uga soo goostay Al-shabaab si ay uga hortagaan weerarada magaalooyinkaasi ka dhaca. Taliyaha booliiska magaalad Mombasa Evans Achoki ayaa tilmaamay in ciidamada ay tababareen ay hogaamin doonaan howlgalada ka dhanka ah la Al-shabaab ee ka bilaaban doona magaalooyinka Kwale iyo Mombasa. Todobaadkii la soo dhaafay maamulka magaala xeebeedka Mombasa ayaa sheegay in ciidamadaasi ay si hoose ula shaqeyn doonaan laamaha amaanka ,si ay uga caawiyaan ka hortaga weerarada ay soo maleegaan Al-shabaab. Mr Achoki ayaa sheegay in ololahaasi lagu xaqiijinayo amaaanka magaalooyinka Mombasa iyo Kwale ay bilaaban doono 26-ka bishan. Si kastaba ha’ahaatee howlgalkan ka bilaaban doona magaala xeebeedka Mumbasa iyo magaalada Kwle ayaa waxaa maal galinaya ururka Midowga Yurub,si loo yareeyo qatarta Al-shabaab oo weeraro ka geysta dalalka Soomaaliya iyo Kenya. Dhawaan ayey aheyd markii madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata uu shirkii Midowga Africa ee lagu qabtay magaalada Addis Abbaba ka sheegay in awooda Al-shabaab ay ku sii fideyso dalal badan oo dhaca geeska Africa,sidaas darteedna ay muhiim tahay in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah. The post Maamulka Magaalada Mombasa Oo Adkeynaya Amaanka Magaaladaasi appeared first on Shabelle. View the full article
  3. (SLT-Hargeysa)-Wafti uu hogaaminayo Wasiirka gaashaandhiga JSL Eng Ciise Axmed Yuusuf(Xawar) oo uu ku weheliyo wasiirka qorshaynta qaranka Cawaale Ibraahin Shirwac oo maalmihii u danbeeyey ku sugnaa dalka jamuuriyada Jabuuti ayaa maanta la kulmay raysal wasaaraha Jamuuriyada Jabuuti Abdiqaadir Kaamil Maxamed oo ay ku weheliyaan wasiirada khayraadka Biyaha iyo waliba ciyaaraha ee dawlada Jabuuti. Kulankani oo nuxur kiisu daaranaa sidii labada dal waa Jamuuriyada Somaliland Iyo Jamuuriyada Jabuutiye ay iskala wada shaqayn lahayeen dhanka Iskaashiga geeska, amniga iyo waliba xoojinta xidhiidhka labada dal ayaa ahaa mid ay masuuliyiintu kulan saacado qaatay ay ku wada shireen xafiiska Raysal wasaaraha Jamuuriyadda Jabuuti Abdiqaadir Kaamil Maxamed. Wasiirka Gaashaandhiga JSL Eng Ciise Axmed Yuusuf (Xawar) oo waftiga hogaaminayey ayaa sheegay in ay labada dal ay yihiin laba dal oo walaalo ah taasina ay keentay in ay kulamadan ay la yeelanayaan madaxda sar sare ee Jamuuriyada Jabuuti ay bud-dhig u tahay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga iyo xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal. Source
  4. (SLT-Hargeysa)-Madax-dhaqameedka iyo waxgaradka gobolka Salel ayaa waxa ay si adag uga hadleen xaalad colaadeed oo ka taagan gobolka Sool iyo dad loo xidh-xidhay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  5. (SLT-London)-Waxaa qalliin lagu guuleystay oo lafdhabarta ah lagu sameeyay ilma yar oo aanan wali dhalan. Bethan Simpson, waa haweeney 26 jir ah, waxaa loo sheegay in gabadheeda caloosha ku jirta baadhitaan lagu sameeyay lagu ogaaday toddobaadkii 20-aad in lafdhabartu kala baxsan tahay. Hooyo Simpson ayaa noqotay mid ka mid ah haweenkii ugu horreeyay dalka UK ee lagu sameeyo qaliinkii ugu horreeyay ” ee toosinta uurjiifka” Qaliin ilmagaleenka ah oo soconayay afar saacadood ayaa uur-jiifka banaanka loo soo saaray, iyada oo dhaqaatiirta qaliinka wadayna ay ku toosiyeen qalooc ku jiray qeybta hoose ee lafdhabarta. Mrs Simpson ayaa sidan tan sheegtay “Ma dooneyn inaa iska soo tuuro ilmahayga oo aan dareemayay dhaqdhqaasiisa”. Qaliinka lagu sameeyay ilmaha caloosha ku jiray ayaa la rumeysan yahay inuu guuleystay waxa uuna dhalan doona bishi April ee soo socota. Hooyada ilmahan yar Mrs Simpson ayaa sheegtay in iyada iyo seygeeda Keiron loosoo jeediyay in ilmaha caloosha ku jira ay iska soo tuurto, kaddib markii la ogaaday xaaladeeda, balse go’aanka lagu toosiyay lafhabarta uur-jiifka ayaa garaadkooda ka weyn”. ” Waxaa la ii sheegay inay naafo tahay oo lafdhabarta ka qaloocan tahay, balse ma aysan ahayn, ” ayay tiri Mrs Simpson. Waxaa hooyadan loo ogolaaday in lagu qalo isbitaalka Jaamacada London bishii Disember, kaddib markii lagu sameeyay dhowr baaritaan oo uur-jiifka ah. Qaliinka lagu sameeyay toddobaadkii 24-aad ee uur ku jirta ayaa waxaa qeyb ka ahaa furitaanka ilmagaleenka iyo in dhinac kale loo dhigo uur-jiifka si loo toosiyo qalooca, iyo sidoo kale dib u habeynta lafdhabarta. ” Waxaan kasoo baxay qaliinka hal saac waxaana isla habeenkii dareemayay dhaqdhaqaaqa ilmaha yar,” ayay tiri Mrs Simpson Mrs Simpson ayaa la rumeysan yahay inay tahay bukaankii afaraad ee gudaha UK loogu sameeyo qaliinkan, iyada oo inta badan qaliinada noocaan ah lagu sameeyo dalka Belgium-ka iyo Mareykanka. Laga bilaabo bisha April, qaliinkan ayaa laga heli doona isbitaalada qaran ee UK. Ku dhawaad 200 oo caruur ah ayaa ku dhasha UK sanad walba iyaga oo lafdhabartu ka qaloocan. Dominic Thompson, oo ah dhaqtar neerfaha qaabilsan horseedna u ahaa dhaqaatiirti sameysay qaliinkan ayaa ku tilmaamay qaliinka ilmaha yar lagu sameeyay mid “aan la rumeysan karin”. Sikasataba ha ahaatee, Mrs Simpson ayaa ku boorisay waalidiinta dhigeeda ah inay ka fakaraan qaliin lagu sameeyo caruurta” waxkasta oo suuragal ahna ay ku dhaqaaqaan”. Xigasho : BBCSomalia Source
  6. Baardheere (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad adag oo cabsi gelisay shacabka ku dhaqan degmadaasi. Ciidamo meletari ah ayaa lagu waramayaa inay la wareegeen xarunta maamulka degmada Baardheere ee gobolka Gedo, waxaana arintaasi ay keentay xiisadda ka taagan degmada Baardheere. Waxyaabaha keenay xiisadda ka taagan degmada ayaa warar kala duwan ay kasoo baxayaan, waxaana ciidamada la wareegay degmada ay amar qaataan gudoomiye ku xigeenka degmada Ismaaciil Sheeikh Axmed oo ka gadoodsan sida la sheegay isbedel lagu sameeyay maamulka. Warar kale oo soo baxa ayaa sheegaya in ciidamo kale oo xaqiijin jiray amaanka degmada inay yihiin kuwa amaanka la wareegay, waxaana is horfadhiya ciidamada kala duwan ee qaarkood ka gadoodsan mushaaradkooda oo ka maqan. Ilaa iyo haatan ma jirto cid ka hadashay ciidamadaan gadoodsan ee la wareegay xarunta maamulka degmada Baardheere ee gobalka,waxaana warqad ka soobaxday maamulka Jubbaland xilkii looga qaaday masuuliyiintii hore u maamuleysay degmada kadib khilaaf muddoyinkii dambe jiray. Dadka ku dhaqan agagaarka xarunta degmada iyo saldhiga degmada aya alagu waramayaa inay soo wajahday cabsi xoogan, iyaga oo ka baqaya in lagu dul dagaalamo. Caasimada Online Xafiiska Jubbaland Caasimada@live.com
  7. (SLT-Washington)-Ilhaan Cumar oo ka mid ah Aqalka Congress-ka Mareykanka ayaa si kulul ugu jawaabtay Donald Trump, kaasoo hadalo iyada ka dhan ah sheegay, ugana baaqay inay is casisho. Qoraal kooban oo ay ku soo qortay Twitterkeda ayey ku sheegtay Xildhibaan Ilhaan Cumar in haddiiba qof ay tahay in uu isu casilo hadal naceyb ah oo uu sheegay uu qofkaasi yahay Donald Trump, iyadoo tilmaamtay in noloshiisa oo dhan ay nacayb ku saleysan tahay. Donald Trump ayaa isagoo saaran diyaaradda “Air Force One” Talaadadii la hadlay wariyeyaasha, waxaana uu sheegay in qoraalka Ilhaan Cumar uu ka tarjumayo naceybka ay u qabto Yuhuudda, taasoo lidi ku ah mabaadi’da Mareykanka iyo taageeradiisa Israel. Guddoomiyaha Golaha wakiillada Aqalka Hoose ee Mareykanka Nancy Pelosi oo ka soo jeeda xisbiga Dimuqraadiga ayaa madaxweyne Trump iyo xisbigiisa ka difaacday hadallada Ilhaan Cumar ka dhanka ah ee ka soo baxay Trump iyo Xildhibaannada Jamhuuriga ah. Nancy Pelosi ayaa sidoo kale Trump iyo Xildhibaannada Jamhuuriga ah uga digtay in ay wax ka sheegaan Aqalka hoose oo uu aqlabiyaddiisu hoggaaminayo Xisbiga Dimuqraadiga ah Ilhaan Cumar, ayaa maalmihii danbe eedo kala duwan la kulmeysay, wixii ka danbeeyay markii ay sheegtay in ururka Aipac oo ah guddi u qaabilsan arrimaha Yuhuuda Maraykanka uu lacag ku bixiyo taageerada Israa’iil. Ilhan Omar oo xisbi ahaa katirsan Dimuqraadiga, ayaa laga soo doortay degmada 5aad ee gobolka ay Soomaalidu ku badan tahay ee Minnesota, iyadoo noqotay qofkii ugu horeeyay oo Soomaali ah oo Congress­ka Mareykanka xubin ka noqday. Source
  8. Mudisho(SMN)- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe ayaa hambalyo u diray ciidamada Cirka ee xoogga dalka Soomaaliya oo maanta u dabaal degaya sanad guuradii 59-aad ee kasoo wareegtay illigii la aasaasay. “Anigoo ku hadlayo Magaceyga iyo kan Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya waxaa hambalyo u dirayaa Sarreeyayaasha, Saraakiisha, saraakiil xiggeenada, alifleyda iyo Dableyda ciidanka cirka oo u dabaal degaya sanadguurada 59-aad ee aasaaskooda” ayuu yiri Gen. Indha-Qarshe S/gaas Daahir Aadan Cilmi indha-qarshe ayaa Xusay in lagu hoolan yahay siddii horumar loo gaarsiin lahaa taliska ciidanka cirka, isaggoo xusay in ciidankaasi muddooyinkii dambe ay kusoo biireen saraakiil dhalinyaro ah oo aqoon leh. Ciidanka cirka ee xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa waxaa la Aas-aasay 14 Febraayo Sanadkii 1960, Waxaana sanadkaan ay u dabaal degayaan sanad guuradii 59-aad ee kasoo wareegtay xilligii la aasaasay. The post Ciidanka Cirka Soomaaliya Oo U Dabaaal Degaya Sanad Guuradii 59-aad Ee Aasaaskoda appeared first on Shabelle. View the full article
  9. (SLT-Muqdisho)-Magaalada Muqdisho ayaa la filayaa inay manta ku laabtaan maxaabiis Soomaali ah kuwaas oo ku xidhnaa xabsiyo ku yaalla dalka Iiraan kadib wadahadal dhex maray dowladda Soomaaliya iyo dowladda Iiraan sida ay sheegeen masuuliyiin u hadlay Soomaaliya. Maxaabiistaan ayaa lagu wadaa in ay maanta kasoo degaan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana dhibaato ay ku heysatay xabsiyadaas ku yaalla dalka Iiraan waxaana la sheegay inay u badanyihiin dhalinyaro. Dowladda Soomaaliya ayaa sidaan oo kale dib ugu soo celisay maxaabiis Soomaali ahaa kuwaas oo ku kala xidhnaa Xabsiyo kala duwan oo ku yaalla dalal kala duwan oo caalamka ah sida Itoobiya, Siishalis, Hindiya iyo Liibiya meelo kale, iyada oo ay balan qaadeen in dalka lagu soo celinayo dhamaan Soomaalida ku xidhan dalalka kala duwan ee caalamka. Source
  10. (SLT-Paris)-Labo nin oo ka shaqeeya in ay lacagaha kala gudbiyaan oo dalka Faransiiska kusugan ayaa amakaagay ka dib markii ay waayeen baskii ay wateen oo lacag ka buuxday iyo qofkii saddexaad ee la shaqaynayay. Gaarigii ayaa laga helay meel aan sidaa uga fogayn meeshii ay ku sugnaayeen, balse waxaa la waayay darawalkii 28 jirka ahaa iyo lacagtii saarnayd oo kor u dhaafaysay saddex milyan oo doolarka Maraykanka ah. Gurigii uu aaday ayaa lagu bartilmaameedsaday waxaana la helay qaar ka mid ah lacagtii. Qofka laga shakisan yahay ayaa magaciisa lagu sheegay Adrien Derbez waxaana lagu xiray caasimadda fiidnimadii Talaadada. Wakaaladda wararka ee AFP ayaa ku warrantay in wali la la’yahay lacag lagu qiyaasay in kabadan 1.5 milyan oo doolaar. Lacagtan ayaa lala baxsaday subaxnimadii hore ee Isniinta 06:00 subaxnimo, saddexdan shaqaale ayaana lacagta gaynayay goob kale sidii ay shaqadoodu ahayd iyaga oo saaran bas ay shirkad dhanka ammaanka ka shaqaysa leedahay, lacagta waxaa iska lahaa waax ka tirsan xawaaladda Western Union oo ku taalla duleedka magaalada Paris. Labo ka mid ah shaqaalaha ayaa bixiyay lacag laga dalbaday, darawalkii ayaana laga codsaday in uu lacagta kale sii ilaaliyo. Balse markii ay soo laabteen ayay waayeen darawalkii iyo gaarigii ay lacagtu ku jirtay, sida ay ilo ka tirsan booliisku u sheegeen wakalaadda wararka ee AFP. Meel aan sidaas ooga sii fogaynna baskii ay lacagtu saarnayd ayaa la arkay isaga oo albaabadu u balaqan yihiin oo maran. Talaadadii ayay booliisku dalbadeen dadkii goobjoogga ahaa waxayna baahiyeen sawirka Derbez. Booliiska oo la soo tilmaamay ayaana galay guri ku yaalla Amiens fiidnimadii, sida ay ku warrantay warbaahinta Faransiiska. Waxaa la sheegay in booliisku ay qabteen Derbez oo isku dayaya in uu daaqadda ka baxo isaga oo boorsooyin dhawr ah wata. Source
  11. Garoowe(SMN)- Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa lagu wadaa in golihiisa wasiirada horgeyn doona baarlamaanka maamulkaasi,si ay u meel mariyaan. Xubnaha wasiirada uu soo magacaabay madaxweyne Deni oo ka koobnaa 48 xubnood ayaa maanta hortagi doona baarlamaanka maamulka Puntland,si ay u weydiistaan codka kalsoonida. Madaxweynaha Puntland ayaa xalay kulamo gaargaar ah kula gargaar ah kula yeeshay xubno ka tirsan baarlamaanka maamulka Puntland oo uu kala hadlay arimo ku saabsan xukuumada uu soo dhisay. Dhawaan ayey aheyd markii madaxweyne Deni uu ku dhawaaqay golihiisa wasiirada oo mudo fara badan ay u dheg taagayeen dadka ku nool deegaanada maamulka Puntland. The post Golaha Wasiirada Puntland Oo La Horgeyn Doono Baarlamaanka Maamulkaasi appeared first on Shabelle. View the full article
  12. (SLT-Washington)-Sarkaal hore oo ka tirsaneyd ciidanka cirka ee Maraykanka, qeybtiisa sirdoonka, taas oo u carartay dalka Iran 6 sano ka hor ayaa lagu soo eedeeyey inay dawladda Iran siisay macluumad dhinaca militariga la xiriira oo aan la ogoleyn in la ogaado. Wasaaradda Caddaaladda Maraykanka ayaa Arbacadii shalay shaaca ka qaadday in Monica Elfriede Witt oo 39 jir ahi ay dawladda Iran ka caawisay sidii ay u bartilmaamesan lahaayeen. Xeerbeegti arrinta Monica Witt eegaysay ayaa ku helay in, sidoo kale, ay Iran ka taageertay bartilmaameedsiga ugu yaraan siddeed xubnood oo ka tirsna sirdoonka Maraykanka oo ama ay la shaqeysay ama ay kulmeen. Haweenayday ayaa loo jaray in la soo qabto in kasta oo la aamisan yahay in dalka Iran ay ku sugan tahay. Source
  13. Ciidamada cirka Soomaaliya ayaa maanta u dabaaldagaya sanadguuradii 59-aad oo ah xiligii la aas aaaay. Munaasabada dabaaldaga ciidamada cirka ayaa lagu wadaa in ay ka dhacdo Muqdisho. Masuuliyiinta dowlada ayaa lagu wadaa in ay ka qeeybgalaan munaasabadaasi. 14 Feb ee sanadkii 1960 ayaa la aas aasay ciidamada cirka oo qeyb ka ah ciidamada xooga dalka soomaaliya. Dayac badan ayaa laga dareemayaa ciidamada cirka ee soomaaliya tan iyo markii ay bur burtay dowladii dhexe ee soomaaliya. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Ciidamada cirka Soomaaliya oo u dabaaldagaya sanadguuradii 59-ee aas aaskooda appeared first on Puntland Post.
  14. (SLT-Washington)-Paul Manafort oo horay u soo noqday madaxii ol’olaha doorashada ee madaxweyne Trump ayaa dacwad oogeyaasha been u sheegay markii uu dambiga u qiranayay Robert Mueller oo ah dambi baare khaas ah, sida ay sheegtay xaakim Maraykan ah. Xaakim Amy Berman Jackson ayaa go’aamisay in Manafort uu been u sheegay FBI-da, xafiiska Muller iyo xeer beegti. Mueller ayaa hoggaaminaya baaritaan ku saabsan in Ruushku ay farogaliyeen doorashadii Maraykanka ee 2016kii. Arrintan ayaa la xiriirta shaqadiisii Ukraine ee ahayd lataliye dhanka siyaasadda ah. Manafort oo 69 jir ah ayaa markaas ka dib ogolaaday in uu heshiis la galo baareyaasha oo la shaqeeyo Mueller isna loo naxariisto. Xaakim Judge Berman oo xukunkan ridday Arbacadii ayaa sheegtay in ay jiraan caddaymo ku saabsan in Manafort uu been ka sheegay arrimo ay ka mid yihiin in uu xiriir la lahaa Konstantin Kilimnik oo ah lataliye dhanka siyaasadda Ruushka. Dacwad oogaha ayaa sheegtay Kilimnik uu xiriir la leeyahay sirdoonka Ruushka. Xukunkan ayaaa ka dhigan in Manafort oo ku jiray xarun dadka lagu hayo oo Virginia ku taalla tan iyo bishii Juunyo uu hadda wajihi karo xukun adag ama kiiskiisa dib loo furo. Muller ayaa sannadkii hore sheegay in Manafort uu arrimo badan ka been sheegay. Source
  15. Baardheere(SMN)- Wararka laga helayo Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Xaalad Kacsanaan ah ay ka jirto Degmadaasi. Ciidamo ka amar qaata Ismaaciil sheikh Qorax gudoomiye ku xigeenkii hore ee Baardheere ayaa si xoog ah kula wareegeen xarunta uu ku shaqeenayay Maamulka Degmada. Arintan ayaa sabab u ah Khilaaf siyaasadeed oo mudo dhawr Bilood ah ka dhex jiray Cabdulaahi Nuur xassan Cadoow iyo Ismaaciil Shiekh Qorax oo ku murunsan maamulka degmada Baardheer. Ismaaciil sheikh qorax oo gudoomiye ku xigeen u ahaa Cabdulahi Cadoow ayaa loo magacaabay gudoomiyaha degmada Baardheere,laakiin mudo kadib ayaa loo mar kale loo magacaabay gudoomiye ku xigeen. Jahwareerkan Maamul ayaa sababay in degmada Baardheere xalay laga dareemay xaalad kacsanaan ah,waxaana la sheegay in rasaas xoogan laga maqlayey xaafado kamid ah Baardheere iyadoo uu ku sugan yahay halkaasi Madaxweyne Ku xigeenka Jubalanad Maxamuud Sayid Aadan. Xaalada ka taagan degmada Baardheere ayaa waxaa ay sababtay in dhawaan ay degmadaasi ay la wareegaan ciidamo gadoodsan oo diiday in ay soogalan gudaha degmadda baabuurta waaweyn ee sida adeegyada Ganacsiga. The post Xiisad Dagaal Oo ka Taagaan Baardheere appeared first on Shabelle. View the full article
  16. Muqdisho (Caasimada Online)-Taliyaha ciidamada booliska Soomaaliyeed Bashiir Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay tababarka ciidamada booliska ay helayeen maalmihii ugu dambeeyay. Taliyaha oo ka hadlayay amaanka magaalada Muqdisho ayaa sheegay in taliska ciidamada booliska aysan awoodin inay guri kastaa oo ku yaala magaalada Muqdisho inay dhigaan askari ilaaliya. Balse wuxuu sheegay in taliska ciidamada booliska Soomaaliyeed inuu awoodo inay tababar siiyaan ciidamada kala duwan ee booliska ka mid noqonaya, kuwaasi oo xaqiijinaya amaanka magaalada Muqdisho. Muqdisho waxaa marar qaar ka dhaca dilal qorsheysan oo ay geystaan Al Shabaab, waxaana yar kiisaska laga daba tago marka falka uu dhaco kadib. Tababar casri ah ayuu sheegay inay siinayaan ciidamada amaanka gaar ahaan kuwa booliska Soomaaliyeed, islamarkaana kuwaasi ay ka shaqeyn doonaan xaqiijinta amaanka caasimadda. Ku dhawaad 2000 askari ayaa shalay tababar loogu soo gabo gabeeyay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo loo diyaariyay inay sugaan amaanka magaalada Muqdisho oo ay ka dhacaan dilal iyo qaraxyo qorsheysan. Sidoo taliyaha ciidamada booliska ayaa sheegay inay tababar siiyeen ciidamo badan oo boolis ah kuwaasi oo ku sugan gobolada Gedo, Baay, Hiiraan iyo SHabeelaha Dhexe. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/02/Taliyaha-BoliskaSuuragal-maaha-in-Guri-kasta-oo-ku-yaala-Muqdisho-in-aan-As.mp4 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Subax. Hoos riix si aad u dhageysato The post Dhageyso: Warka Subax Ee Idaacada Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  18. Boosaaso(SMN)- Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee maamulka Puntland ayaa sheegaya in taliska Booliska magaaladaasi ay gacanta ku dhigeen gawaari siday dad tahriibayaal ah. Taliyaha Booliiska magaalada Boosaaso General Muxidiin Axmed Muuse ayaa sheegay in ay ku guuleysteen in ay gacanta ku dhigaan ilaa todobo gaadiid oo ay saarnaayeen dad la doonayay in laga tahriibiyo magaalada Boosaaso. Sidoo kale taliyaha Booliiska Boosaaso ayaa tilmaamay in ay la wareegi doonaan gaadiidkaasi isla markaana ay maxkamad soo taagi doonaan ragii wax tahriibinayay. Dhawaan ayey aheyd markii maamulka Puntland uu soo saaray amaro diidaya in laga tahriibo magaalada Boosaaso,cidii ay falkaasi ku soo qabtaana sharciga la horgeyn doonaan. The post Tahriibayaal Lagu Qabtay Boosaaso appeared first on Shabelle. View the full article
  19. Washington (Caasimada Online)-Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ah haweeney Muslim ah tii ugu horeeyay ee kamid noqotay Congress-ka Mareykanka ayaa ka jawaabtay hadal kasoo yeeray madaxweynaha Mareykanka Donald Trump. Madaxweyne Trump oo ka jawaabayay hadal horey ay u daabacday Ilhaan Cumar ayaa ka dalbaday inay iscasisho kadib markii uu difaacay Yahuuda oo wax badan ay dhaliilsaneyd Ilhaan. Xildhibaan Ilhaan oo u jawaabeysay Trump ayaa sheegtay in haddii qof ay mudan tahay inuu isku casilo hadal la necbeystay inuu yahay Madaxweyne Trump inuu iska casilo xilka uu hayo, maadaama ay sheegtay in tan iyo noloshiisii inuu ku dhawaaqi jiray hadalo Naceyb ah. Dhinaca kale Xildhibaannada Xisbiga Dimuqraadiga ah ee Mareykanka ayaa Ilhaan Cumar ka difaacay hadalada iyada ka dhanka ah ee ka soo baxay Trump iyo Xildhibaannada Jamhuuriga ah, waxaana ay u muujiyeen taageero. Guddoomiyaha Golaha wakiillada aqalka hoose ee Mareykanka Nancy Pelosi, ayaa Trump iyo xisbigiisa uga digtay in ay wax ka sheegaan Aqalka hoose oo uu aqlabiyaddiisu hoggaaminayo Xisbiga Dimuqraadiga ah. Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa sheegtay inaysan marnaba iska casili doono xilka loo doortay, waxaana ay cadeysay in madaxweyne Trump isaga ay haboonaan laheyn inuu is casilo, sababtoo ah waxay sheegtay inuu ku jiro Islaam Naceyb badan. Caasimada Online Xafiiska USA Caasimada@live.com
  20. Baydhabo (PP) ─ Mid ka mid ah wasiirradii uu magacaabay madaxweynaha Koonfur-galbeed C/casiis Lafta-gareen ayaa ku dhawaaqay inuu xilkii iska casilay, kaddib markii uu sheegay in xilkaas uu ku qanci waayay. C/salaan C/llaahi Yalaxoow (Catoosh) oo loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaarada gaadiidka cirka iyo dhulka, isla markaana ah xildibaan ka tirsan baarlamaanka Koonfur-galbeed ayaa noqday mas’uulkii ugu horreeyay ee iska casilay golaha wasiirrada Koonfur-galbeed. Wasiir ku-xigeenkii is-casilay ayaa sheegay inuu mudnaa xil ka weyn midka uu madaxweynaha Koonfur-galbeed u magacabay shalay, waxaa tani ay ka mid noqonaysaa caqabadaha lasoo darsa wasiirrada la magacaabo. Sidoo kale, Yalaxoow ayaa sheegay in beesha uu ka soo jeeday ay filesyay wasiir buuxa inay ka helaan golaha wasiiradda cusub ee uu soo magacaabay Madaxweyne C/casiis Lafta-gareen. Dhanka kale, C/salaan Catoosh, ayaa ka mid ahaa Wasiir ku-xigeennadii uu Madaxweynaha Koonfur-galbeed magacaabay, ayaa wasiirrada hambayo u diray, isagoo ku boorriyay inay kasoo baxaan xilalka loo magacabay. Ugu dambeyn, Madaxweynaha Koonfur-galbeed oo horay u magacaabay xilal wasiir, ayaa haddana wuxuu shalay wuxuu dhameystiray xubnihii ka dhinnaa golaha wasiirrada. PUNTLAND POST The post Mid ka mid ah Xubnihii Wasiirrada ahaa ee uu magacaabay Lafta-gareen oo is-casilay appeared first on Puntland Post.
  21. Waxaa xalay kullan gaar ah ku wada qaatey xarunta Madaxtooyadda Garowe Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Denni iyo Masuuliyiin ka tirsan bahda hay’addaha warfidiyeenka saldhigoodu yahay [...] Source
  22. UMMAD DHACAN Bismillaah……waxaan marka hore salaamayaa akhristayaasha kadibna waxaan rabaa inaan maanta halkan kaga hadlo arrinta ay hadal haynteedu ku badnayd beryahan warbaahinta Somaliland oo ah heshiisyadii lala galay Imaaraatka. Marka hore waxaa saluug laga muujiyay sidii loo maamulayay heshiisyadaas oo runtii u muuqday wax tuurta lagu sitay oo lala cararayay, wixii lala cararayayna waa kuwaa soo baxay markaa aan kala qaadno dekadda iyo Saldhiga. Dekadda heshiiskii u horeeyay waxa la saxeexay May 2016 waxana ballanku ahaa in dekadda la balaadhiyo ilaa iminkana wax ka hirgalay ma jiraan aan ahayn kala hadal ay masuuliyiintu dadka ku maaweelinayaan. Saldhigu waa ka u daran waxayna ahayd hadii qolyihii Kulmiye ee hawsha waday ay si cilmiyaysan oo lixjeclo ku jirto u dhaqmi lahaayeen in ay horta hubiyaan bal sida heshiiska dekaddu u hirgalo lkn taa beddalkeeda waxay u dhaqmeen sidii dilaaliin waan ka xumahay. Madaarkan la siiyay Imaaraatka wuxuu ahaa madaar uu dhisay Soofiyeedkii wuxuuna ku yaalaa buqcad aad u muhiim ah, waxana la sheegay in markii Ruushka la eryay ee Maraykanku yimi sideetanaadkii inuu siin jiray xukuumadii Siyaad Barre waqtigaa AFARTAN milyan oo doolar iyo LIXDAN milyan oo ah agab ciidan. Taa macnaheedu waqtigaas baa waxa ka soo xeroon jiray xisaab dhan oo ah BOQOL milyan marka laysku daro kaashka iyo agabka. Waxaan daawaday maalin dhexdaas ah madaxweynaha Djibouti oo ka hadlayay saldhigyada qaar uu waddankiisa ka siiyay dawlado shisheeye iyo midwalba inta lacag KIRO ah ee ka soo gasha waxayna ahayd siyaasiinteenu inay waxka bartaan, hadaba maxaa ina helay bal aan idiin iftiimiyo waxa dhacay:- MAJAROHABAABIN waxay wasiiradii waqtigaasi si badheedh ah oo aan gabasho lahayn ugu sheegeen dadka waxaan jirin waxana ka mid ahaa arrimahan. In ictiraafkii ay horseed u noqonayaan hesiisyadani caalamkiina inoo soo jeedo,cajiib, hadaba maxaa dhacay waxa dhacay in wasiiru dawlihii Imaaraatka ee arrimaha debaddu QARQAASH uu si badheedha u yidhaahdo annagu Somaliland xidhiidh lama lihin waxaanuna ka shaqaynaynaa midnimada Soomaaliya. Waxaa halkaa ka cad in siyaasiinteena RAADAARkoodu aanu dhaafsiisnayn DPW. Turkiga ayaa xero ciidan ku leh Muqdisho inagana Imaaraatka ayaa ina caawinaya, waxa dadka looga dhigay in Imaaraatku uu Somaliland qudha rabo inuu la saaxiibo waana waxyaabaha ay dadka ku khawaysiiyeen. Waxa la inoo fulinayaa mashaariic farabadan oo kiro kasta ka fiican, yacni khiyaali mashaariic aan cabbir wadan waxaan u jeedaa hadday odhan lahaayeen inta sanadood ee heshiisku socdo sanad walba waxaa laynoo fulinayaa mashaariic qiimahoodu ku kacayaan intaas waa wax la fahmi karo lkn nasiib darro dadka garaadkoodii baa lagu ciyaaray HUUHAA. Waxaan ka codsanayaa warbaahinta Somaliland inay bal dib u milicsadaan waxyaabihii dadka loo sheegay oo ay barnaamij ka diyaariyaan. Waxaan ognahay in sidii loo ansixiyayna ay ahayd JUJUUB iyo FARSAMO anigu waddanka waan joogay intaas oo dhan ayaamihii lalahaa Saldhigaa la ansixinayaa waxaan qoray maqaal la yidhaahdo SALDHIGA BERBERA MAYA hadaad google garayso waa kuu soo baxayaa website-yo badana waa soo qoreen waqtigaas. Haatan iyo dan heshiiskan saldhigu waa dhac iyo boob cad waana in laga daba tagaa, wayna dhacdaa ilduufku dawladuhuna dibay u saxaan, tusaale Masar baa Yuhuuda heshiis la gashay waqtigii Mubaarak in ay siiso GAAS muddo 20 sano ah kuna siiso qiime ka jaban ama kayar ka suuqa heshiiskaasina wuxuu bilaabmay 2005 waxana la joojay 2012kii, markii isbeddalku ka dhacay Masar,waayo waxa la ogaaday in heshiiskaasi dhac ahaa waana laga noqday. Haddaba hadaan eegno SALDHIGAN waxay ka yidhaahdeen wax garadka reer Somaliland , tusaale prof. Axmed Ismaacil Samatar oo kulmiye ahi wuxuu yidhi waqtigaas anigu mabdda ahaan waan ka soo horjeedaa saldhig ciidan lkn hadii laga fursan waayo waa in 100 MILYAN lagu kireeyaa. Waxa runtii la rabay in qolyihii hormoodka ka ahaa ay eegaan baahida dadkooda iyo dhalintan bilaa camalka ah ee gidaarada tuban una baahan in loo jeediyo dhinaca wax soo saarka sida beeraha, kaluumaysiga iyo dhaqashada xoolaha. Haddaan soo gunaanado waxay ila tahay khalad weyn baa dhacay shacabkan baahana ma aqbalayaan hantidiinii baa 25 sano ku bedelanay dariiq iyo madaar, waxaadna moodaa qolyahaa heshiiska fool eryayay inay ka faaiidaysteen DURUUFO jiray oo xaga hogaaminta ahaa. Dhamaan waxay dadka u sheegeena waxay noqdeen sidii balli yar oo xareedi ku dhacday oo maalinba maalinta ka danbaysa sii gudhaya imankana huubadii maraya oo ah dariiq baa laynoo samaynayaa iyo madaar. Xalku wuxuu ahaa in ay ugu yaraan 60 MILYAN ku kireeyaan dariiqana shirkad awood leh loo diro oo soo qiyaasta waxa ku baxaya dabadeedna ay Imaaraatka waydiistaan qaddimaad inta dariiqa ku baxaysa sanadkiina yidhaahdaan waxaan idiin celinaynaa 20 MILYAN afartanka soo hadhayna umadda wax ugu qabtaan lkn nasiib darro ma dhicin. Hadaba Imaaraatku waa waddan lacag leh waxay Ethiopia ku maal geliyeen 3 BILYAN (sadex kun oo milyan) mid afraadna waa la sheegayay innagana hantideenii yarayd bay bilaassh ku qaateen,mush macquul, waa halkii Saadaat madaxwynihii hore ee Masar baa laga sheegay markii la toogtay ma gacantii ciidankaygaan ku go’ay MUSH MACQUUL. Iminka ma xukuumaddii la rabay inay umadda u horseedo horumar iyo barwaaqo baa hantidii yarayd ee ay haysteen bilaash kaga bixisay MUSH MACQUUL. Waxaan halkan BAAQ uga dirayaa Xisbiga Waddani oo isagu ka biyo diidanaa sida wax loo waday lkn aan loo joojin inay BAYAAN cad ka soo saaraan arrintan una cadeeyaan umadda reer SOMALILAND iyo IMAARAATKABA in heshiisyadaasi aanay caddayn dhacna yihiin shacabkuna aanu aqbalayn. Aad baan u hanbalyeenayaa dib u habaynta Xisbiga dhexdiisa ah. Xisbiga UCID isaga nasiib darro gudoomiyahoodu wuxuu ka mid ahaa qolyahaa marna Dubai u sii yaacaye marna ka soo socday. C/razaaq Xiis Fadlan lasoco qoraalka kan ku xiga oo ah muxuu dhib inagu keeni karaa Saldhigani……… Qaran News
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Wargeyska Offshore Magazine ee wax ka qora arrimaha shidaalka ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Soomaaliya ay qabaneyso yaboohyada 15 ceel-shidaal, taasi oo qeyb ka ah bixinta shatiyada la bixinayo sanada 2019 ee goobaha shidaalka ee badda ku dhex-yaalla. Warbixinta wargeyska oo soo xiganaya mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda, ayaa ka duwan warkii ay mas’uuliyiinta dowladda u sheegeen warbaahinta Soomaalida ee ah inaysan iibineyn ama gorgorton gelineyn xirmooyinka shidaalka Soomaaliya. Wargeyska ayaa qoray in shirkii London, ee ay abaabushay shirkadda Spectrum lagu dejiyey heshiisyada arrinta. Shirkaas ayaa dowladda waxay sheegtay inuu ahaa kaliya mid lagu soo bandhigayey xogta shidaalka Soomaaliya, ee aan wax suuq geyn ah shaqo ku lahayn, balse waxaa muuqata inuu sidaas ka duwanaa. Wasiirka batroolka Soomaaliya, Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa u sheegay Offshore Magazine in wareegii koowaad ee bixinta shatiyada shidaal qodista Soomaaliya looga dhawaaqay magaalada Cape Town, bishii November ee 2018. “Sanadihii dhowaa wasaaradda iyo dowladaba waxay ka shaqeynayeen sidii qorshahan loo dejin lahaa” ayuu yiri. Shirkadda Spectrum ayaa sida uu wargeyska sheegay iibsatay xogta shidaalka ee goobaha badda, waxaana sida uu sheegay agaasimaha wasaaradda batroolka, Karar Shukri Doomay, kheyraadka shidaalka ee xeebta Soomaaliya uu noqon karaa kan ugu ballaaran Bariga Afrika ama qaaradda oo dhan. Doomay ayaa sheegay in 11-ka July 2019 ay tahay taariikhda loo gooyey in shirkadaha daneynaya in iibsadaan xirmooyinka ay soo bandhigaan inay buuxin karaan shuruudaha, halka 29-ka August loo qabtay shirkadaha qodaya ceelasha laga rabo inay soo bandhigaan khibradooda ceel-qodis. Gorgortanka shirkadaha ayaa ayagana loo qabtay inay ugu dambeysa soo bandhigaan 7-da November ee 2019, waxaana bil kadib la saxiixi doonaa heshiiska wadaagista wax soo saarka ee shirkadaha iyo dowladda Soomaaliya. Heshiiska ayaa dhaqan geli doona 1-da Janaayo, 2020, markaasi oo la billaabayo qodista shidaalka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. MBS oo kacbada ku sameeyey Qadiyad aan lagu sameyn ku dhawaad 14 Qarni Waxaa baraha bulshada si weyn loogu hadal hayey dood ka dhalatay Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan oo shalay ku tukaday Kacbada Sharafta leh dusheeda, markii uu halkaasi la tegay ciidamada faro badan. Dhaxal-sugaha ayaa booqday Kacbada, iyadoo ay la socdaan mas’uuliyiin iyo ciidamadii amniga ee ugu badnaa, waxaana kacbada laga saaray dhammaan dadkii ku sugnaa xilligaasi si uu isaga keligiis ugu noqdo. Waxaa la arkayey Maxamed Bin Salmaan oo dusha sare ee Kacbada ku tukanaya iyo isagoo dhunkanaya Dhagaxa Madow ee la barakeysto, waxayna taasi dhalisay iyo sawirrada iyo muuqaalladiisa lagu baahiyo baraha bulshada oo si weyn looga hadlay. Dadka qaarkood ayaa arrintaas ku sheegay inuu isaga dhaqayo dhiigii saxafiga uu dilkiisa ka danbeeyay ee Jamal Kashoqgi, halka qaar kale ay ku amaaneen inuu booqdo Kacbada. Maxamed Bin Salman ayaa noqday qofkii ugu horeeyey oo fuulay kacbada korkeeda marka laga reebo Bilaal Ibnu Rabaax oo uu Rasuulka amray inuu fuulo kacbada markii Gaalada laga furtay Magaalada Makka Al-Mukarama. Bilaal ayaa kacbada korkeeda ku fuulay amarka Rasuulkeena CSW, waxayna dadka qaar ku tilmaameyn falka uu sameeyey Maxamed Bin Salmaan arrin kibir iyo isla weynin ah. Qaran News
  25. Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa ka jawaabay hadal dhawaan kasoo baxay dowladda UK kaasi oo ahaa in muwaadiniinta Ingiriiska aysan u safri karin deegaanada Soomaaliya oo Somaliland ay ku jirto. Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye, ayaa sheegay in digniinta kasoo yeertay dowladda Ingiriiska inay tahay mid ku kooban dowladda UK, islamarkaana aysan ku saabsaneyn deegaanada Somaliland. Wuxuu sheegay in sidoo kale digniintaasi ay ku wajahan tahay deegaanada koofurta Somalia, balse uu la yaabay markii u arkay inay ku jiraan deegaanada Somaliland, meelaha looga digayo muwaadiniinta Ingiriiska inay u safraan. Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in magaalada Muqdisho oo todobaadkiiba mar ay qaraxyo ka dhacaan inaan lala barbar dhigi karin deegaanada Somaliland, gaar ahaan magaalada Hargeysa. Sidoo kale wuxuu sheegay in deegaanada Somaliland ay yihiin amaan la isku haleyn karo, balse digniinta UK ayaa waxaa ku jirtay in muwaadiniinta aysan u safri meelaha dadweynaha ku kulmaan oo Hargeysa iyo Berbera ay ku jirtay. Wadamada caalamka ayaa muwaadiniintooda kaga sii diga halista amaan ee dalalka caalamka marka ay helaan xogo dhanka amaanka ah. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com