-
Content Count
211,244 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Somaliland: Xeerarka Soomaaliya Sameystaan Waa Bilaa Micne.
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Somaliland: Xeerarka Soomaaliya Sameystaan Waa Bilaa Micne. Waxaan dhawaan ku arkay shabakadaha Somaliland qoraalo qaylo dhaan ah “Hayaay, ka kacaay” iwm oo ka cabaadaya xeerar asxaabta taag daran ee Xamar yururaa ay sameysteen. Waxaan leeyahay xeerka kowaad waxa weeye: SOMALILAND IYO SOOMALIYA WAXAY AHAAYEEN LABA DAL OO MADAXBANAAN OO 1960 ISU TAG SAMEEYAY, ABUURAY DALKII LA ODHAN JIRAY JAMHUURIYADDA SOOMAALIYA OO BUR-BURAY 1991. KA DIBNA SOMALILAND XORREYADEEDI LA SOO NOQOTAY. Waa kaa xeerka kowaad, wixii ka dambeeyo waa sheeko baralay. Weligaaba xeer iyo sharci sameyso, hadii aanad lahayn awood ama ogolaansho ka yimid ummada, sidee baad ku fulin kartaa? Yaana kuu fulin? Asxaabta Soomaaliya uu Farmaajo iyo colkiisu hoggaan u yihiin, waa “technocrats” aad moodid in ay weli Buffalo ku sharabayaan, “shooting the breeze”. Mala’awaal ku jira, mirqaansan. Xeerka iyo sharciga laga sameeyo, ka soo mid qaad, Mareykanka iyo ka Geeska Afrika, waxaa u dhaxeeyea faraq weyn. Mareykanka, xumaan iyo samaan, dad la soo doortay baa xeerarka dhisa, sharci sameeya, heshiisyo gala. Madaxweyne Muuse Biixi oo qaar yidhaahdaan “wuu qalafsanyahay, oo handraab iyo jeegaan buu la ordayaa” ayaa si xor iyo xalaal leh , Hal qof, Hal cod lagu doortay. Hadaba kuwan magaca Soomaaliya ku dawarsanaya, yaa doortay? Asxaabta Xamar isku maa’weelinasa waxay ku wanaagsan yihiin ” iska dhaadhicin iyo af-macaanka ajnabi”.. “Danta dadka iyo dalka, we will do our best”. Nasiib daro, shaqsiga ajnabigu odhan maayo ” Waa ayo dadka adiga ku doortay”. Somaliland iyo Soomaaliya waa laba dal oo leh dhaqan siyaasadeed oo kala duwan. Somaliland, bari Ilaa galbeed, miyi Ilaa magaalo, “beenta iyo hadalka raqiiska” aad iyo aad baynu u necebnahay. ” Waar runtu maxay tahay, ami ha I gubto ama aan ku farxee, runta ee sheeg” Midhkaas waa dabeecad ka mid ah shaqsiga Somalilnaderka ah. Asxaabta Xamar lakiin waxaad moodaa in ay dhaqanka siyaasadeed ka racaan Talyaaniga. Talyaaniga yaa ka xarago badan, oo ka “system” jecel. Wuxuu ku odhanayaa “tutto apposto”‘ musuqmaasuq iyo riwaayadna wuu ku nool yahay. Asxaabta Xamar waa asxaab isku duubta shaadhka “Soomaalinimmo”, hadhowna calooshood u shaqaystayaal diyaaradaha ku rusheeya rayidka keena. Soomaali si wanaagsan isu baratay. Oo bur-bur, halaag, bara’kac iyo xasuuq baa is baray. Ismaciil Cali Abokor baa laga hayaa, markii xabsigii Labaatan Jirow laga soo daayey ” Kacaan aan la ordayey baa la igu kufiyey” Waa kuwii uun, oo aan biyo is marin, iyo dhowr dabo-dhilif oo Somaliland ku saaqiday. Weligaaba xeer sameyso, oo magaca Somaliland ku dawarso. La is baray, yaan mar labaad la isku soo lug go’in Allaa Mahad Leh Qaran News -
Qararka Maxkamadda G/Maroodi-Jeex eey Dugsiyada Nuraddin kaga mamnuucay inay Daabacaan Kutubta Manhajka waynu ixtraamaynaa Sida muuqatta, Dugsiyada Nuuradin waxa lagu haystaa waxaydin ku xad-gudubteen Xuquuqda Baahinta (copy Right) ee cidda kutubta daabacadaa gaarka u leedahay. Suaal: Maxay maxkamaddu u sheegi wayday cidda lagu xadgudbay. Ta labaaad, Maxkamaddu may sheegin cidda mudiciga ku ah Nuuradddin ee kiiska xaraysay . Ma Wasaaradda waxbarashadaa mise waa qoloda qandraaska ku haysatta daabacaadda Kutubtta manhajka, mise waa cid kale oo sadexaad. Haddi aanay sharikadda qandraaska ku haysata daabacaadda Kutubta manhajku iyadu ahayn Mudiciga kiiskan, wasaaradda waxbarashadu ma noqon karto muduci. Sababtuna waa cadaan: Nuuraddinn markay daabaceen kutubta wax dhibaato ah (damage) imma khasaare ah ( loss) umay gaysan wasaaradda waxbarashada. Xaq wasaaradda ka maqan oy ku dacwidaa Meesha ma yaallo. Maxkamadda Maroodi-jeex inoomay sheegin cidda loo ogolyahay inay daabacaan kutubta manhajka Somaliland (mar hadii Nuudadiin laga mamcuucay yaa kale loo ogolyahay). Ma wasaaraddaa daabacaysa, ma dibaddaa laga keenayaa mise cid loo qoondayay ( loo la magac *****) ayaa xaq u leh daabacadda kutubta. Maxkammadda Maroodi-Jeex waxa kale oo ay il-duuftay inay caddayso in daabadaadda kutubta manhajku cid aan wasaaradda ogolaanso ka haysan ay ka mamnuuc tahay . · Qoraalka Maxkamaddu uu ka baxsanyahay habkii lagu yiqiin qaraarka maxkamadaha. waxaad moodaa inay makamaddu wareegto (memorandum) qaybiyinayso. Xasasn Cabi Yuusuf Riyadh Saudi Arabia hassan_ayousuf@hotmail.com Source
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Alle u naxriistee waxaa magaalada Muqdisho ku dhintay Xildhibaan ka tirsan Gollaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya. Mudanaha oo lagu magacaabayey Axmed Mayow Cabdalle [Korneyl Ruush] ayaa ugeeryooday xanuun dhinaca wadnaha ah. Maruum Axmed ayaa lagu wadaa in maalinta Berri oo Isniin ah lagu aaso magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Aaska ayaa la filayaa inay ka qaybgalaan mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda Federaalka ah ee Soomaaliyeed. The post Xildhibaan ka tirsan BFS oo ku geeryooday Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
-
Hiiraan (Sh.M.Network) – Fahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar dhabagal ah oo ka dhacay inta udhaxeysa magaalooyinka Beled-wayne iyo Maxaas, ee gobolka Hiiraan. Weerarka oo ay fuliyeen dabley hubeysan ayaa lagu dilay Gudoomiye ku xigeenka degmada Matabaan, Faarax Dheere, iyo saddex kamid ah ilaaladiisa, sidda ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta gobolka. Ma jirto illaa iyo haatan koox dhabarka saatay mas’uuliyadda weerarkaan, inkasta oo falalka noocaan ah ee laga soo wariyo bartamaha iyo koonfurta dalka Soomaaliya, looga bartay kooxda Al-Shabaab. The post Weerar jidgal ah oo ka dhacay G/Hiiraan appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Habeen-30122018.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Gelinsoor (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegau inay baaqatay munaasabad uu wasiirka arrimaha gudaha ee Soomaaliya kula wareegi lahaa laba Askari oo Itoobiyaan ah oo lagu qabtay dagaal todobaadkii hore kadhacay deegaanka Kaxandhaale ee gobolka Galgaduud. Dagaalkan oo u dhexeeyey beelaha Habar-gidir iyo Mareexaan ee wada dega gobolka oo daaq iyo dhul isku hayey, ayaa qayb kamid ah ciidanka Itoobiya oo fadhiisinka ku leh meel u dhow Kaxandhaale waxa ay ka qayb galeen dagaalka. Labada Askari ee Itoobiyaanka ah midkood ayaa u sheegay dadkii la kulmay in xog been ah oo loo sheegay awgeed ay uga qaybgaleen dagaalka, waxa ay sheegeen in lagu wargeliyey in Al-Shabaab ay weerarayaan dalkooda oo dagaalka ay dhinac ka yihiin sidaas awgeedna ay u galeen dagaalka. Diyaarad kuwa qummaatiga u kaca ah (Helicopter) oo qaadi lahayd labada Askari ayaa dib u laabatay iyada oo aan qaadin labada Askari ee Maxbuuska ah kaddib buuq iyo ismariwaa kusaabsan wareejinta Askartan. Wasiirk Arrimaha gudaha Injineer Cabdi Maxamed Sebriye iyo Wafdi uu horkacayo ayaa ka baxay Gelinsoor isaga oo kuwajahan Cadaado. Wafdiga ayaa loo diiday in lagu wareejiyo laba askari oo ka mid ah kuwa Itoobiya oo ka qayb galay dagaalka Beelaha u dhexeeye ee ka dhacay Kaxandhaale Wararka aan kahelnay gobolka ayaa sheegaya in madaxweyne goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf uu ka biyo diiday in xukuumadda Federaalka loo dhiibo askartan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Waxa la soo gaadhay xilligii aan u dabaal-degi jiray shaqadii sannadka oo dhan aan qabanayay ee aan rumaysnaa in horumarkaygu ku jiro, gu’ kasta labadiisa caano-maal ee ugu dambeeya ayaan dib u jalleecaa hawshii akhris ee sannadkaas oo dhan ii hirgashay fadliga Alle marka aan warbixintan qorayo waxa aan dareemaa farxad weyn. Sidii caadadu ahayd raali ahaanshaha Rabbi dartii waxa aan dhammaadka gu’ga akhyaarta aan baraha bulshada rafiiqa ka nahay kula wadaagaa qoraal sannad le ah dulucdiisu tahay “Dhiiri-gelinta Akhriska” qoraalkan waxa aan ku baraarujiyaa guud ahaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaanna inta aanu si uun isku gaadhi karno kobta ay doonaan ba carro-edeg ha kaga noolaadeene, kuwaas oo aan samo-helis iyo xog-ogaalnimo la jeclahay. Sida oo kale idil ahaan ba dheefaha kala geddisan ee akhriska haddii ay tayda ahaan lahayd waan u qaraabo-kiili lahaa ummaddayda.Wax lagu baratamo waxa ugu quman akhriska. Hasa yeeshee, waxa Iyana dhaygag leh in geeska jaantuska lagu hal-beegayo heerka akhris-qoraalka ee Soomaalidu weli uu meel aad u hoosaysa farta ku fiiqayo. Dunidan casriga ah ee horumarkeedu xawliga aad ka ah ku socdo badhaadhaha iyo sareedada ummaddeed waxa gadh-wadeen u ah cilmiga. Sidaa darteed, ayuu akhriskuna u yahay jidka ugu toobiyaysan ee lagu gaadho warta biyaha macaanka badan ee cilmiga. Akhriskaygu gu’gii tagay”2017” wuxu u badnaa culuumta Falsafadda wuxuu ahaa mawduuc aan aad ugu raaxaystay oo haddaan farta ku fiiqo dheeftii ugu weynayd ee aan ka helayna waxa aan ku koobi karaa ereygan MAANFUR. Gu’gan”2018” ee hadda jeestay walaw aan wax badan oo kala geddisan akhriyay haddana mawduuca aan xoogga saaray wuxuu ahaa ammaanka iyo qoraallada mukhaabaraadku qoraan. Dhab ahaantii mawduucani waa mid aad u xiiso badan waxa aanu ku dhex geynayaa “DUNIDA INDHEER GARADKA” The world of Intelligence. Akhriskii qoraallada ma-hadhooyinkii mukhaabaraadka Iyana isku-geyn BARAARUG baan ka faa’iiday. Halkii aan ”2017” ka akhriyay 84 buug iyo 18 warbixinood “2018” wax sannadkan igu dhacay hoos-u-dhac waxa aanan soo akhriyay 52 buug, 10 Warqad cilmi-baadhiseed iyo 6 warbixinood. Sannadkan waxa aan tijaabiyay labadan hababka akhris ee kala ah; SCANNING: Oo ah in aad meelo gaar ah qoraalka ama xogo gaar ah bartilmaameedsato oo aanad qoraalka si tartiib ah u wada akhrin isla markaa si degdeg ah aad Isha u mariso oo aanad wakhti badan siin oo aad kaga bogato, si kale haddii aan u dhigno waa akhriska kor-ka-xaadiska ah. CLOSE READING: Oo ah in aad si tartiib ah u akhrido isla markaa dhuuxdo xogta aad akhriyayso adiga oo ka baaraan-degaya oo kala shaandhaynaya runnimada iyo aragtiyaha qorahu mararka ay isku milmaan. Duuduub ahaan saacadahii aan wax akhriyay sannadkii 2018 waxa ay ahaayeen 1095 saacadood, wax la qabatimo waxa ugu hagaagsan akhriska oo inta ogaalkayga ah laga helo faa’iidooyin door ah aan se ugu horreysiin karo kuwan; I. Wuxuu keenaa xasilooni qalbi iyo degganaansho maskaxeed iyo warwar la’aan. II. Wuxuu dhisaa hanka iyo qofnimada dhawrsan. III. Wuxuu kobciyaa hab fekerka qofka. IV. Wuxuu soo dadejiyaa baaluqnimada maskaxeed. V. Wuxuu laf-dhabar u yahay koboca garaadka iyo garashada. VI. Wuxuu sare u qaadaa heerka xog-ogaalnimo ee qofka. VII. Wuxuu laylyaa awoodda dulqaad ee qofka. VIII. Wuxuu soofeeyaa garashada. IX. Wuxuu yareeyaa yaabka kala feker duwanaanshaha. X. Wuxuu ku baraa hilinnada dood wadaagga iyo qancinta dadka. XI. Wuxuu ku tusaa in cilmigu deeq Rabbaani ah yahay, wax kasta na akhris u baahan yahay maaha keliya wixii qorane in dhacdooyinka maalinle ee nololeed laga dhex akhriyo awoodaha Alle wax na laga barto iyo u kuur-gelista guud ahaan abuurriinka” Nature-ka” Waxba yaanan ku dheeraane aan sannadkan akhriskaygu sidii kal hore uma badnayn sababtuna waa in aan safarro badan galay, sida oo kale waxa I xagal-daaciyay Tab (4800) oo buug igaga gubteen buugtaas oo iskugu jiray kuwa aan hore u akhriyay iyo qaar sannadkan aan qorsheeyay in aan akhriyo, hadda ba halkan hoose ayaan idil kula wadaagi ciwaanadii buugtii, warqadihii cilmi-baadhiseed iyo warbixinihii aan soo akhriyay qaar ka mid ah si intiina xiisaynaysa ay u raadin karaan. Waa kuwan; 1. THE METAPHYSICS OF PHYSICS 2. PSYCHOLOGY OF INTELLEGENCE ANALAYSIS. 3. THE ROAD TO ZERO. 4. IAM THAT. 5. ORIENTALISM. 6. THE BODY OF SECTRET. 7. TERRORISM: ITS PAST, PRESENT AND FUTURE PROSPECTS 8. COUNTRY REPORTS ON TERRORISM 2017. 9. TRANSNATIONAL ORGANIZED CRIME. RERRORISM AND CRIMINALIZED STATES IN LATIN AMERICA: AN EMERGING TIER-ONE NATIONAL SECURITY PRIORITY. 10. THE CONCEPT OF SECURITY. 11. BETTER OFF STATELESS: SOMALIA BEFORE AND AFTER GOVERNMENT COLLAPSE. 12. POLITICAL ECONOMICS OF WAR AND PEACE IN SOMALIA. 13. CONFLICT IN SOMALIA: DRIVERS AND DYNAMICS. 14. DJIBOUTI INTRODUCTORY NOTE. 15. SOMALIA A GOVERNMENT AT WAR WITH ITS OWN PEOPLE. 16. THE DEFINITIVE BOOK OF BODY LANGUAGE. 17. INTERNAL AND EXTERNAL ASPECTS OF SECURITY. 18. THE SEARCH FOR PEACE. 19. REFLECTIONS ON THE SOMALI PEACE PROCESS. 20. FUNDAMENTALS OF CRPTOLOGY . 21. ENDLESS WAR. 22. TURKEY’S ASSISTANCE MODEL IN SOMALIA. 23. CLAN AND STATE POLITICS. 24. WARLORDS OF SOMALI CIVIL WAR (1988-1995) 25. REPORT OF SOMALILAND PROTECTORATE CONSTITIONAL CONFERENCE. 26. YOUTH MIGRATION IN SOMALIA. 27. TWENTY YEARS CRISIS 1919-1939. 28. THINKING CRITICAL. 29. THE SECRET WORLD GOVERNMENT Or the Hidden Hand 30. HOW TO CONTROL YOUR MIND? 31. BUDHISM AND DEEP ECOLOGY 32. IN THE EARLY HOURS. 33. ISLAMIC SPIRTUALITY 34. CULTURE OF POLITCS THE SOMALI EXPERIENCE 35. IN THE LINE OF THE FIRE 36. WAAR TOLOOW COLKA JOOJA: 37. HILIMADA MAANSADA SOOMAALIDA 1AAD: 38. HILIMADA MAANSADA SOOMAALIDA 2AAD: 39. MIYI ILAA MADAXTOONYO. 40. AF-DHAAB Gunaanadkii Mahad idilkeed Rabbi baa leh, anna waxa aan ahay addoonkiisii dhacdhaca badnaa ee caajiska badnaa. Cabdinaasir Axmed Abraham. Qaran News
-
9 Qodob Oo Ka Soo Baxay Shirweynihii Warbaahinta Somaliland
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
(SLT-Hargeysa)-Shirweynaha Qaran ee Warbaahinta Somaliland oo lagu lafo-gurayo horumarinta Saxafadda dalka iyo sidii daneeyayaasha Warbaahintu ay iskaga xog waraysan lahaayeen duruufaha jira, ayaa maanta ka lagu soo gabagabeeyay Huteelka Maansoor ee caasimada Hargeysa, Halkan hoose ka DAAWO Source -
(SLT-Hargeysa)-Prof. Cabdi Cali Jaamac ayaa waxa uu sheegay in uu dacwad ka gudbiyay xisbi xaakimka KULMIYE oo dhawaan la sheegay in laga saaray saddex masuul oo uu ku jiro. Prof. Cabdi Cali Jaamac ayaa waxa uu sheegay in qareenadiisa u gudbiyay dacwadaasi, waxaanu sheegay in iyaguna ay u gudbin doonaan guddiga diiwaangelinta ururada siyaasadda iyo ansixinta xisbiyada Somaliland. Dhawaan ayay ahayd markii warqad ka soo baxday xafiiska guddoomiye ku-xigeenka xisbiga KULMIYE Axmed Cabdi Dheere lagu sheegay in xisbigaasi laga saaray mas’uuliyiin saddex ah oo ku jiro Prof. Cabdi Cali Jaamac. Prof. Cabdi Cali Jaamac ayaa waxa uu sheegay in uu rajo weyn ka qabo in uu ku guulaysan doono dacwadaasi. Source
-
Murashixiinta u tartamaya doorashada madaxtinimada puntland ee 2019 oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Garoowe, ayaa soo saaray war-saxaafadeed ka kooban 4 qodob oo ku saabsan arrimaha doorashada. War-saxaafadeedka oo uu warbaahinta u akhriyay, Aadan Maxamed Ciise(Gaadaale) ayey murashixiintu ku sheegeen in lagu heshiiyay, amniga doorashada in looga dambeeyo taliyaha u xil-saaran,islamarkaana wixii soo kordha lagala xiriiro, guddiga joogtada ah ee isimada Puntland. Sidoo kale murashixiintu waxay sheegeen, in dadka Puntland iyo siyaasiyiintooduba xaq u leeyihiin shirarka siyaasadeed ee aan wax loogu dhimayn amniga guud,sida waafaqsan Dastuurka Puntland. Taliyaha amniga doorashada Sarreeye Gaas,Cabdirisaaq Siciid Diiriye ayaa dhinaca kale war-saxaafadeedka looga codsaday, in uu si joogto ah xiriir ula yeesho,ciidamada murashixiinta ilaaliya,si loo hagaajiyo amniga doorashada. Ugu dambeyntii, murashixiinta ayaa si adag uga digay, in fara-gelin lagu sameeyo doorashada madaxtinimada Puntland,waxaana ay ku baaqeen in laga feejignaado fara-gelinta ka imaanaysa dalka gudihiisa iyo debaddiisa labadaba. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Puntland: Murashixiinta oo si adag uga digay fara-gelinta gudaha dalka iyo debadda ee doorashada appeared first on Puntland Post.
-
Xildhibaan katirsan Baarlamaanka oo Muqdisho ku Geeriyooday
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Waxaa Goordhow magaalada Muqdisho ku geeriyooday Allaha u naxariistee Xildhibaan Axmed Mayoow Cabdulle uu ku magac dheeraa Korneel Ruush oo kamid ahaa xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya. Xildhibaan Ruush ayaa geeriyooday kadib markii uu wadnaha istaagay sida ay sheegeen qaar kamid ah ehelkiisa. Xildhibaanka ayaa kamid ahaa xildhibaanada Baarlamaanka ee deegaan ahaan ka soo jeedo Deegaanada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya. Gudoonka Baarlamaanka ayaa ka tacsiyeeyay geeridaasi ku timid xildhibaanka eebana uga baryay in uu geeyo janadiisa. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Xildhibaan katirsan Baarlamaanka oo Muqdisho ku Geeriyooday appeared first on Puntland Post. -
(SLT-Muqdisho)-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ku geeriyooday labo xildhibaan oo mid ka tirsan yahay baarlamaanka Soomaaliya, halka mid kale uu ka tirsanaa dowlad goboleedka koonfur galbeed. Xildhibaannada geeriyoodaya ayaa kala ahaa: Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle (Col. Ruush) iyo Xildhibaan Kheyre Maxamed Axmed. Source
-
Waxaa maanta magaalada Muqdisho ku geeriyooday labo xildhibaan oo mid ka tirsan yahay golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah halka mid kale uu ka tirsanaa dowlad goboleedka koonfur galbeed. Xildhibaannada geeriyoodaya ayaa kala ahaa: Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle (Col. Ruush) iyo Xildhibaan Kheyre Maxamed Axmed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan ka mid ahaa baarlamaanka Soomaaliya ayaa la xaqiijiyay inuu ku geeriyooday magaalada Muqdisho. Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle, oo ku magac dheeraa Korneyl Ruush ayaa la xaqiijiyay inuu ku geeriyooday magaalada Muqdisho kadib markii wadnaha uu istaagay, sida xildhibaanada baarlamaanka ay xaqiijiyeen. Xildhibaan Ruush ayaa ka mid ahaa guddiga dastuurka ee baarlamaanka Soomaaliya, waxaana xanuunka uu kusoo booday maanta, sida ehelkiisa ay xaqiijiyeen. Axmed Mayoow Cabdulle ayaa waxaa laga soo doortay deegaanada Koonfur Galbeed, waxaana uu kamid ahaa Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Ilaa 15 musharax oo u taagan qabashada xilka madaxweyne ee Puntland ayaa shir ay ku yeesheen magaalada Garoowe waxa ay uga hadleen arimo la xiriira amaanka doorashada, go’aamadii kasoo baxay gudiga amniga. Musharaxiintan ayaa ka digay in la isku dayo in la hor-istaago shirarka iyo kulamada musharaxiinta iyo xuquuqda ay u leeyihiin in ay dadka la hadlaan. Waxa ay sheegeen in loo baahan yahay in layska kaashado amaanka inta ay socoto doorashada iyagoona gudiga amniga faray in ay xiriir la yeeshaan ilaalada musharixiinta xilka madaxweyne ee Puntland. Shirkooda jiraa’id ayay sidoo kale ku baaqeen in laga fogaado waxkasta oo carqaladeyn kara habsami u socodka doorashada iyagoona si gaar ah farta ugu goday faragelin ay ka digeen in lagu sameeyo doorashada Puntland. 8 january ayaa loo balansan yahay in Puntland ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha waxaana marba marka ka dambeysa sii kordhaya loolanka ay musharixiintu ugu jiraan ku guuleysiga kursiga madaxweyne ee Puntland. Hoos ka daawo go’aanada lasoo saaray Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
-
Qaran News
-
Murashax Cali Ciise Cabdi 30.12.2018 Dr Cali Ciise Cabdi oo kamid ah siyaasiyiinta gobolka Sool, ayaa Axadda maanta ah Garoowe kaga dhawaaqay, in uu u sharraxanyahay xilka madaxweynaha dowladda Puntland ee doorashada 8-da Jennaayo 2019 oo haatan maalmo kooban ka harsan yihiin. Siyaasigan oo ka yimid magaalada Muqdisho ayaa maalin ka hor soo gaaray caasumadda Puntland ee Garoowe,waxaana uu kulamo la qaatay qaar kamid ah murashixiinta u taagan xilka madaxweyne ku xigeenka iyo madax-dhaqameed ka soo jeeda gobolada Sool iyo Cayn. Mas’uulkan ku dhawaaqay murashaxnimada madaxweynaha Puntland, ayaa hore uga tirsanaa madaxdii as’aastay maamulkii Khaatumo ee lagu dhisay degmada taariikhiga ah ee Taleex,waxaana uu dhaliilsana siyaasadda Puntland iyo Somaliland ee ku wajahan gobolka Sool oo ay ku muransan yihiin labada maamul. Dhinaca kale Dr Cali Ciise wuxuu ka tirsanyahay guddiga dhaqaalaha Qaranka ee uu magacaabay madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo 12-kii July ee sannadkan 2018. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Dr Cali Ciise oo ku dhawaaqay murashax madaxweynaha Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Degmada Yaaqshiid ee Gobolkaani Banaadir ayaa loo magacaabay Gudoomiye cusub kadib markii gudoomiyihii hore degmadaasi lagu sameeyay shaqo joojin. War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska gudoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Yariisoow ayaa lagu magacaabay gudoomiyaha cusub ee Yaaqshiid yeelanayso. Gudoomiyaha cusuab ee Degmada Yaaqshiid maanta loo magacaabay ayaa ah Cabdiweli Cabdullaahi Maxamed, waxaana xusid mudan in gudoomiye Cabdiweli uu horaan u ahaa Gudoomiyaha degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir. Gudoomiyihii hore ee Yaaqshiid Geedoow ayaa la sheegay in shaqo joojin loogu sameeyay sababa la xiriira musuq maasuq lagu soo eedayay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com