Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,244
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho ( Sh.M.Network) –Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Duhur-30122018.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  2. Kismaayo (PP) ─ Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoob], ayaa Maanta kormeer ku tagay qaar ka mid ah xarumaha ciidamada Jubbaland, halkaasoo uu kula hadlay ciidammo gaar ah oo loo diyaariyay dagaal ka dhan ah Al-shabaab. Axmed Madoobe, ayaa ciidamada iyo sarakiisha uu xarumahaas kula kulmay ku booriyay inay laba-laaban dadaalkooda iyo u diyaar-garowgood ku aadan hawl-gallada socda ee la isugu furayo magaalooyinka xorta ah kuwa maqana dib loogu xoraynayo. Sidoo kale, Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in Al-shabaab ay awood ahaan aad u liidato oo aysan hor-istaagi karin ciidanka hawl-gallada bilaabay loona baahan yahay in la sii xoojiyo oo si dar-dar leh loo wado. Dhanka kale, Wuxuu hoosta ka xariiqay in shacabka wali ku jira gacanta Al-shabaab ay hiil uga baahan yihiin lana joogo wakhtigii xorriyada looso celin lahaa, ayna ku noolan lahayeen nolol aan cabsi lahayn. Ciidamadan isugu jira ciidamada Jubbaland iyo kuwa Dowladda Somalia ayaa loo diyaariyay inay dagaal la galaan xoogagga Al-shabaab ee gacanta ku haya gobolka Jubbada Dhexe oo ka mid ah deegaannada ay Jubbaland ka taliso. Ugu dambeyn, Ma ahan markii ugu horreysay oo Maamulka Jubbaland ay ku dhawaaqaan inay dagaal la galayaan xoogagga Al-shabaab ee weli gacanta ku haya gobolka Jubbada Dhexe, iyagoo haatan sheegay inay beegsanayaan magaalada Bu’aale ee xarunta gobolka Jubbada Dhexe. PUNTLAND POST The post Axmed Madoobe oo la dardaarmay ciidan loo diyaariyay inay la Dagaallamaan Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
  3. Murashixiinta madaxtinimada Puntland ayaa goor dhowayd oo ay shir ku yeesheen Garowe, waxay soo saareen 4 qodob oo taabanaya masiirka doorashada Puntland. Murashixiintu waxay si [...] Source
  4. Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xarunta golaha shacabka ayaa meel mariyay miisaaniyada dowlada Soomaaliya ee sanadka 2019-ka. Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa cod wado ogol ah ku ansixiyay miisaaniyada dowlada mana jirin cid diiday ama ka aamustay. 174 Xildhibaan ayaa u codeeyay in la ansixiyo miisaaniyada dowlada. Gudoonka Baarlamaanka ayaa ku dhawaaqay in ansax ay tahay miisaaniyada dowlada ee sanadka 2019-ka. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Xildhibaanada Baarlamaanka oo meel mariyay miisaaniyada Dowlada appeared first on Puntland Post.
  5. Xuutiyiinta ka dagaalamaysa dalka Yman ayaa lagu soo waramayaa in ay dekeda magaalada Xudayda ay ku wareejiyeen dowladda Yaman,sida uu warbaahinta dalkaasi u sheegay sarkaal [...] Source
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa qoraal jawaab ah soo dhigay Bartiisa Facebook kadib markii muuqaal laga sameeyay Ganacsato ay isku heyb yihiin, kuwaasi oo lagu weeraray muuqaalka. Walow aanan la ogeyn halka lagu diyaariyay muuqaalka haddana Villa Somalia ayuu ku eedeeyay inay ka dambeeyaan muuqaalo maalmihii ugu dambeeyay laga sameynayay xildhibaanada ka aragti duwan xukuumadda. Qoraalkiisa ayaa u qornaa sidan:- Af-xumo nabadna kaa kaxaysay, colaadna waxba kama tarto. “Kuwa Soo sameeyey iyo kuwa maalgaliyey video-yadaan akhlaaq xumadu ka muuqato ee lagu jaa’ifaynayo isla markaana lagu bartimaameedsanayo xildhibaannada kooxda Villa Somalia ka aragtida duwan iyo kuwa ganacsatada waaweyn ee dalka qaarkood lagu magac-dilayo waxey reebi doonaan dhaqan-xumo siyaasadda dalka muddo ku sii jiri doonta” “Dadku waa ay dareemi karaan mashruucaan gurracan ujeedada ka danbeysa balse waxaa nasiib wanaag ah in la fahmi karo dulucdiisa waxa uu xambaarsan yahay oo u badan naceyb iyo cuqdad oo ah laba cudur oo qofkii ay ku dhacaan ay adag tahay In laga daweeyo” “Waxaa intaas ka sii daran haddii lacagta lagu maalgalinayo akhlaaq xumadaas ay noqoto tii dadka ka dhaxeysay ama magaca umadda lagu Soo qaaday” “Waxaan raalli-gelin u diraynaa Xildhibaanada iyo ganacsatada sharafta ee sharaftooda iyo karaamadooda meesha looga dhacay, kuwaasoo waxa ay Soo qabteen dadka yaqaana ay qirsan yihiin” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa goordhow cod wada ogol ah ku ansixiyay miisaaniyadda dowladda 2019. 174 Xildhibaan ayaa ogolaaday, ma jiro Xildhibaan ka aamusay ama diiday ansixinta miisaaniyadda dowladda 2019. Wararkan oo faah-faahsan kala soco Goobjoog News Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. In kabadan 25 qof ayaa ku dhimatay duufaantii ku dhifatay dalka Filibiin , waxaana ilaa iyo haatan la la,yahay dad farabadan oo ku hoos jira [...] Source
  9. Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta ansixiyay sharciga howlgabnimada, xaqsiinta iyo hibooyinka xubnaha ciidamada qalabka sida oo ay soo diyaariyeen guddiga difaaca ee Golaha Shacabka. Codeyn golaha ka dhacday, 171 Xildhibaan ayaa ogolaatay, waxaa diiday 2 Xildhibaan, Xildhibaan ka aamusay ma jiro. Guddoomiyaha guddiga difaaca ee Golaha Shacabka Xildhibaan Xuseen Carab Ciise ayaa u mahad celiyay Xildhibaanada Golaha Shacabka sida wanaagsan oo ay u ansixiyeen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Imaam Cumar Abshir oo ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan dadaallada looga hortagayo colaad Beeleedyada ka taagan qaar ka mid ah gobollada dalka. Sidoo kale Imaamka ayaa u digay dadka wararka qaldan ku baahinaya baraha bulshada ee Internet-ka, kuwaas oo uu tilmaamay in ay sii hurinayaan colaadaasi. Sidoo kale waxa uu ka dalbaday dowladda federaalka ah ee Soomaaliya in ay wax ka qabato, kana hortagto xiisadahaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/cod-ismaaciil.mp3 The post Imaam Cumar Macalin Oo baaq u diray bulshada Soomaaliyeed appeared first on Shabelle. View the full article
  11. Wararka uu warsidaha Puntlandi.com uu ka helayo degmada Jilib ee gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya in halkaasi howlgal wada jir ah ay ka fuliyayciidamada dowladda [...] Source
  12. Somali commandos backed by American special forces carried out a joint operation against Al-Shabaab in the main the militant-held town of Jilib in Middle Jubba region. According to the reports, the covert raid was targeted a training camp belonging to Al-Shabaab in the downtown Jilib. There was no immediate confirmation of the casualty. The commander of the 43rd division of the Somali army, General Ali Mohamed Mohamud [Bogmadow] told local media that Danab and US forces inflicted losses on the militants. Mohamud added that at least 30 Al-Shabaab members, including 4 middle-level commanders were killed during the operation in Jilib district, south of Somalia. In addition, the commander stated that Foreign jihadists identified as Aweys Abu Hamza from Syria, Hassan Al Qayadi [Abu Yahya] from Libya are among the dead. Al Shabaab has been using the camp to train potential bombers and orchestrate the suicide attacks in the country. Al Shabaab, however has not yet commented on the Somali military claims. The post US-backed Somali troops raid Al Shabaab camp in southern Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
  13. Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad leh ugu codeeyay xeer hoosaadka Golaha Shacabka oo dib u eegis lagu sameeyay. 170 xildhibaan ayaa ogolaatay, waxaana diiday 1 xildhibaan, mana jirin wax ka aamusay. Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal oo kulanka shir guddoominaya ayaa sheegay in dhamaan xildhibaanada qaranka ay cod wada ogol ah ku ansixiyeen xeer hoosaadka oo dib u eegis balaaran lagu sameeyay. Dhinaca kale Waxaa xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho ka socda kulanka 32-aad ee golaha shacabka. Ajendaha kulanka ayaa waxaa qeyb ka ah Aqrinta saddexaad sharciga howlgabnimada, xaqsiinta iyo hibooyinka xubnaha ciidamada qalabka sida iyo sidoo kale U codeynta qoondaha miisaaniyadda dowladda 2019. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Gudoomiyaha cusub ee gobolka Mudug C/qaadir Xuseen Nuur Dirir ayaa xilikii kala wareegay gudoomiyihii hore ee gobolka Mudug Xasan Maxamed Khaliif . Gudoomiyaha xilka [...] Source
  15. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Imaam Cumar Abshir oo ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay si wadajir ah uga qeyb qaataan dadaallada nabadeed ee looga hortagayo colaad Beeleedyada ka taagan qaar ka mid ah gobollada dalka. Sidoo kale Imaamka ayaa uga digay bulshada Soomaaliyeed in warar ay ku baahinayaan baraha bulshada ee Internet-ka oo uu tilmaamay in ay sii hurinayaan colaadahaasi. Sidoo kale waxa uu ka dalbaday dowladda federaalka ah ee Soomaaliya in ay wax ka qabato, kana hortago xiisadahaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/cod-ismaaciil.mp3 The post Imaam Cumar Macalin Oo baaq u diray bulshada Soomaaliyeed appeared first on Shabelle. View the full article
  16. Degaanada Puntland waxaa siweyn looga diyaar garoobayaa doorashadda madaxtinimada Puntland oo ay ka harsan mudo asbuuc ah, kumanaan qof oo xiisaynaaya doorashada ayaa soo gaaray caasimada Garowe, dadka kusoo qul-qulaaya magaalada ayaa u badan taageerayaasha musharixiinta oo doonaaya inay taageeradooda ku bari-taaraan musharaxa ay taageersan yihiin. Liiska xildhibaanada cusub Waxaa saacadaha fooda ina kusoo haya la filaayaa inay guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta baarlamaanku soo saaraan liiska 66-da xildhibaan ee kamid noqday baarlamaanka cusub ee Dawlada Puntland 2019-2023. Sida ay xaqiijinayaan wararka ay helayso PUNTLAND POST guddiga ayaa ku jira diyaar-garowgoodii ugu dambeeyey ee shaacin xubnaha baarlamaanka cusub. Mashquulka magaaladda Mashquulka caasimada Magaalada waxaa siweyn looga darreemayaa mashquul aad u sareeya, waxaana saxmad iyo ciriiri laga dareemayaa guud ahaan wadooyinka caasimada Puntland, maadama aad moodid in gaadiidkii ka tiro batay wadooyinka magaalada, sidoo kale meheradaha, hotelada iyo goobaha lagu qaxweeyo marka aad booqatid waa adag tahay inaad meel banaan ka heshid. Amniga Garowe Waxaa siweyn loo adkeeyey amaanka caasimada Puntland, waxaana wadooyinka la soo dhigay ciidamo aad u qalabaysan oo isugu jira ciidamada PSF, Boolis iyo ciidamada PMPF, iyadoo baraha kantaroolada ee laga soo gallo magaalada la geeyey ciidamo dheeriya si loo xaqiijiyo dadka tirada badan ee magaalada kusoo qul-qulaaya. Ololaha doorashada. Musharixiinta ayaa wadada olole xoogan oo doorashada ah, waxaana magaalada lagu arkaayaa gaadiid lagu xiray cod-baahiye iyo muuqaal-baahiye kuwaas oo ay musharixiintu ku gudbinayaan fariintooda doorashadda, waxaa magaalada laga taagay tabeelayaal waaweyn oo ay ku dheggan yihiin sawiradda musharixiintu. Isku soo wadda duubo doorashadan ayaa u muuqata mid xiiso gooniya leh, waana waxa ugu weyn ee laga hadal hayo guud ahaan degaanada Puntland iyo degaanada kale ee Soomaalida. PUNTLAND POST The post Garowe oo la ciir-ciiraysa dadkii ugu badnaa iyo wararkii ugu dambeeyey ee doorashada appeared first on Puntland Post.
  17. (SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay heshiiska ay Dawladda Somaliya la gashay Shirkadaha Shiinaha laga leeyahay ee ku bahoobay COFA, kaas oo ay Soomaaliya ugu saxeexday inay ka kalluumaystaan badda Somaliland iyo Soomaaliya. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Md. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika, isagoo dalka dibadiisa ku sugan, ayaa sidoo kale ka hadlay ujeedada socdaalo uu ku marayo dalal ka mid ah Yurub, waxaanu ugu yidhi isagoo ka hadlay heshiiska dhexmaray Shirkada COFA iyo Dawladda Somaliya “Waanu ka war haynaa, oo waanu maqalnay inay Dawladda Somaliya heshiis la gashay Shirkado kaalluumaysi, laakiin heshiisyadaasi inaga inama khuseeyaan, Dawladda Somaliyana waa u nacasnimo inay Shirkado heshiis kula gasho Bad iyo Xeebo aanay ka talin, Baddeena iyo Xeebaheena inaga ayaa ALLE sokadii ka taliya, oo maamulna, dal iyo cid kale oo ku soo xad gudubtana raali kama nihin, mana yeelayno, waxaana xaqiiqo ah inaynu nahay dal jira oo ilaashanaya xadka baddiisa, waxaana inoo jooga Ciidankeena Badda, oo cadaw kasta iyo cid kasta oo xad gudub inagu soo sameeysa ka difaacaya”. Wasiirka Arrimaha Dibadda mar aanu wax ka weydiinay halka uu ku dambeeyey maamulkii Hawada Somaliland ee Somaliya la wareegtay iyo Xukuumad ahaan waxaa uga qorsheysan ayaa yidhi “Horta ALLE sukadii inaga ayaa iska leh Hawadeena, Baddeena, iyo Dhulkeena, inaga ayaa ilaashanayna, maamulka Hawadeena in Somaliya laga maamulana waxaynu raali ka nahay, oo aynu ogol nahay maaha, maxaa yeelay Somaliya inooma taliso, isku dalna ma nihin, ee laba dal oo jaara ayeynu nahay, laakiin caqabadaha caalamiga ah ee dalkeena Somaliland haysta ayaa keenay in maamulka hawadeena Somaliya lagu wareejiyo, laakiin waxaynu raali ka nahay maaha, dibna weynu u soo ceshan doonaa, waxaana jira heshiiskii ahaa in laba dalba wada maamulan hawada, laakiin heshiiskaasi si cad bay Somaliya u jabisay, Xukuumad ahaan iyo Dawlad ahaanba waxaynu ku dadaalaynaa inaynu dib u soo ceshano maamulkii hawadeena, Dawladda Somaliya xaasidnimo iyo xiqdi kasta oo ay inala daba socoto waxba inagu yeeli mayso”. Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa mar aanu wax ka weydiinay safarkiisa iyo socdaalka uu ku joogo Yurub ayaa yidhi “Safarkayagu waa mid ka mid ah waajibaadkayga shaqo iyo xilka aan umadda u hayo, waxaana rabnaa in wadan kasta iyo cid kastaba aynu ka dhaadhicino qadiyadeena iyo waxaynu qabsanay, qof kasta oo reer Somaliland ahna meel kasta oo uu joogo waxaa laga rabaa inuu soo bandhigo qadiyada dalkiisa iyo qarankiisaba, Caalamkana waxaanu leenahay Somaliya iyo Somaliland waa laba dal oo kala gaar ah, mana haboona inaad isku kaaya khaladaan, anagu Somaliland ahaana waxaanu nahay dal dhinac walba ka dhisan, oo horumar gaadhay, waxaa qudha ee naga dhimana waa aqoonsigaas, dhan walbana waanu kaga fiican nahay Somaliya, heerka aanu marayna wali may soo gaadhin, laba dal ayaanu lixdankii ka hor kala ahaan jirnay, imikana aanu kala nahay, haddii aanu mar isku biirnay, haddana waanu kala baxnay,wadan kasta iyo cid kastaba weynu u soo bandhiayna qadiyadeena iyo qaranimadeena”. Source
  18. Xudur ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha cusub ee maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa xalay kulan la qaaday mas’uuliyiinta, waxgaradka iyo qeybaha bulshada ee ku dhaqan degmada Xudur ee xarunta G/Bakool. Kulankan ayaa waxaa intiisa badan diirada lagu saaray baahiyaha kala duwan ee ay qabaan shacabka gobolkaasi. Madaxweyne Lafta Gareen oo kulanka kadib la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in maamukiisu uu wax badan ka qaban dono dhibaatooyinka ka jira gobolka Bakool. Shalay ayey aheyd markii uu wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha cusub ee K/ Galbeed ay gaareen magaalada Xudur oo si weyn loogu soo dhaweeyay halkaasi. The post Madaxweyne Lafta Gareen Oo la kulmay Waxgaradka Xudur appeared first on Shabelle. View the full article
  19. (SLT-Hargeysa)-Ciidammada booliska Simaliland ayaa saaka xabsiga u taxaabay nin u dhashay dalka Itoobiya gaar ahaan qawmiyadda Oromada. Nin Oromada ah ayaa waxa lagu eedeeyay in uu aflagaadeeyay oo uu caayay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi. Ninkan ayaa waxa magaciisa lagu sheegay Aadan Ismaaciil, waxa aanu ka xoogsan jiray Xamaam ku yaalla badhtamaha magaalada Hargeysa sida ay dad goobjoog ahi u xaqiijiyeen shabakadda Somalilandtoday. Aadan Ismaaciil ayaa waxa lagu xidhay saldhigga dhexe ee magaalada Hargeysa iyada oo lagu eedaynayo in uu aflagaadeeyay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Source
  20. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa goor hore oo saaka ah kormeer ku tagay qaar kamid ah Xarumaha Ciidamada Nabadsugida [...] Source
  21. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wasiirka wasaaradda Cadaaladda Soomaaliya Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa hay’adaha Garsoorka dalka ugu baaqay in ay dib u eegis ku sameeyaan xaaladda Maxaabiista ku xiran xabsiga dhexe ee Xamar, gaar ahaan kuwa loo heysto deymaha Lacagaha ah. Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa xusay in ay muhiim tahay in la garab istaago dadkaasi, maadaama ay u xiran yihiin Lacago yar oo laga bixin karo. Maxaasbiista Soomaaliyeed ee ku xiran xabsiyada dalka ayaa inta badan dhibaatooyin xoogan la kulmo, kuwaas oo mararka qaar loo geysto tacadiyo ka dhan aadanaha. Wasaaradda Cadaaladda ayaa haatan wada dadaallo arrintaasi wax looga qabanayo iyo xaaladda Maxaabiista Soomaaliyeed. The post Wasiirka cadaaladda Oo baaq u diray hay’adaha Garsoorka appeared first on Shabelle. View the full article
  22. (SLT- Galmudug)-Axmed Geelle Xaaf, madaxweynaha maamulka Galmudug oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay inuu ka xunyahay dagaalka ka socda agagaarka Maxaas, isaga oo soo-jeediyey in xabad $1 joogta aanu dhimman wiil 20 jir ah, lana joojiyo dirirta ay ku dhimmanayaan dadka walaalaha ah. Dhinaca kale, Xaaf waxaa uu ku eedeeyey dowladda federaalka ah faro-gelin“Waxaan rabaa in aan intaas ku daro, Galmudug 19-kii bilood ee ay jirtay waxaa la dagaalamayey dowladda federaalka ah, wixii aan qabanana feer iyo haraati baan ku qabaneynay, xoog iyo innaga oo lugaha iyo gacmaha nala heysto, innaga canshuurtii waa nalaka joojiyey, tii adduunka waa nalaka joojiyey, waxaa nooga sii daran maalin walba waxaa la soo diraa guddi fitno wado”. Madaxweyne Xaaf waxaa uu wax laga xumaado ku tilmaamay wyfuud ay dowladda u direyso maamulkiisa iyada oo aan lagala tashan, wuxuuna xusay in aanay waxbo soo kordhin karin. Source
  23. Garoowe (Caasimada Online)- Madaxweynaha Puntland, Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa dareemaya culees badan oo kaga imaanaya musharaxiinta isbadal doonka ah ee ka qeyb galaya doorashada madaxtinimada Puntland. Madaxweyne Gaas oo dhowaan kusoo laabtay Garoowe ayaa la kulmay qaar ka mid isimada Puntland, kuwaa oo ay ka wada hadleen sidii ay u qabsoomi laheyd doorashada, looguna wada qancin lahaa natiijada. Gaas waxaa uu sheegay iney muhiim tahay iney Puntland horey usii socoto, wuxuu muujiyay inuu u baahan yahay in markale la doorto si uu uga guul gaaro arrimo badan oo meel dhexe u maraya. Arrinta uga xiisaha badan ayaa aheyd inuu Gaas u sheegay odayaasha in aan isbadal-doonku dhinac qaldan uleexin Puntland, wuxuu ku yiri odayaasha “Anigu waxaan doonaya in aan dib u shaqeeyo, laakiin hadii ay dhici weyso waxaan aaminsanahay inuusan jirin qof Cabdi Faarax Siciid Juxa ka mudan inuu hogaamiyo Puntand. Wuxuu sheegay inuu yahay Juxa nin mabda’a leh, oo aad u yaqaana qiimaha Puntland ,meesha ay maanta joogtana wax weyn ku kordhin kara. Hadalkaan ayaa odayaasha qaar ku fasireen in Cabdiweli yahay muwaadin wali laxaw badan kaga jiro deegaanka, sidoo kale waxey fariintaan isimada ku qasbi kartaa iney aad u eegaan musharaxa ay garab istaagi karaan, oo xiligaan adag samata bixin kara Puntland. Puntland ayaa doorasho aadi doonta 8da bisha soo aadan ee Janaayo, waxaana adag in lagu fududaado natiijada marka laga cabir qaato tirada iyo tayada musharaxiinta u taagan kursigaas. Caasimada Online Xafiiska-Garoowe Caasimada@live.com
  24. Musharax madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland, Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo ololihiisa doorashada ku’guda jira, ayaa booqasho salaan ah ugu tagay qaar kamid ah Isimada [...] Source
  25. Dhuusomareeb (Caasimada Online)-Maamulka Galmudug ayaa faahfaahin dheeri ah ka bixiyay askarta u dhalatay Ethiopia oo lagu qabtay dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay deegaanka Kaxandhaale. Wasiirka arimaha gudaha Galmudug Duraan Maxamed Samatar ayaa sheegay in dagaaladii ka dhacay deegaanka Kaxandhaale lagu qabtay askar Ethiopian ah kuwo kalana lagu dilay dagaalada. Wuxii sheegay inay Xiriiro ay la sameeyeen taliska ciidanka Ethiopia ee ku sugan Hiiraan iyo mamulka Kililka, isaga oo sheegay inay kala hadleen ciidamada lagu qabtay dagaalka iyo kuwa lagu dilay. “Maleeshiyada gacantooda ayay ku jireen ragga ajaaniibta ah, waan kasoo wareejinay, Meydna wuu jiraa oo Ethiopia ah, Waxaan la xiriirnay safaaradaha Ethiopia, waxaan la xiriirnay Sector 4 oo ah ciidamada Ethiopia ee Hiiraan Jooga, waxaan la xiriirnay maamulka Jigjiga, waana ku wargelinay inaan heyno xitaa meydadkooda”ayuu yiri wasiirka arimaha gudaha. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay inay diyaar u yihiin inay dowladda Ethiopia ku wareejiyaan askarta nolosha lagu qabtay iyo hubka, isaga oo sheegay in hadda askartaasi ay ku jiraan gacanta Galmudug. “Wey Nool yihiin askarta, weyna caafimad qabaan, waan kasoo wareejinay maleeshiyaadka oo ciidamada ayaa hadda gacanta ku haya, way nala soo xiriireen waxay naga dalbadeen meydadka, waxaana u sheegnay in xitaa qalabkooda aan heyno”ayuu yiri wasiirka. Caasimada Online Xafiiska Galmudug Caasimada@live.com