Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,254
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Muqdisho)-Sarkaal ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo lagu magacaabayay Cabdi Maxamed Culusow ayaa saaka lagu dilay xaafad ka tirsan degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho. Kooxo hubeysan ayaa Sarkaalka ku dilay xaafad ku dhow Saldhiga Booliska degmada Waaberi, iyadoo ka baxsaday goobta. Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka oo goobta gaaray ay ku guuldareysteen inay gacanta ku soo dhigaan raggii dilka geystay. Sarkaalkan ayaa horay uga qeyb qaatay howlgaladii ka dhanka ahaa Al-Shabaab ee Muqdisho qeybo ka mid ah looga saaray. Sawirro uu horay lagu daabacay barta Facebook ayaa muujinayay inuu mar ka mid ahaa dad u tartamayay xilka Guddoomiyaha degmada Waaberi, isagoo olole u galay sidii xilkaas loogu magacaabi lahaa. Source
  2. (SLT- Bangladesh)-Ra’iisalwasaaraha dalka Bangladesh Sheekh Hasina ayaa mar saddexaad loo doorto xilkaasi ka dib doorashadii guud ee dalkaasi ka dhacday shalay oo Axad ahayd, sida uu sheegay guddiga doorashooyinka dalkaasi. Xisbiga Sheekh Hasina ayaa helay 281 ka mid ah 350 kursi ee uu ka kooban yahay baarlamaanka dalkaasi, waana kuraas ka badan tii uu helay doorashadii tan ka horreysay. Mucaaradka dalkaasi ayaa cambaareeyay waxa uu ku tilmaamay doorashada “khiyaaliga ah” ee ay hareeyeen rabshado, handadaad iyo eedeymo ah in lagu shubtay doorashadaasi. Mucaaradka ayaa baarlamaanka ka helay toddobo kursi oo kaliya, waxa ayna codsadeen in doorashadu lagu celiyo. “Waxaan ugu baaqeynaa guddiga doorashooyinka in si deg deg ah uu laalo natiijadan khiyaaliga ahi,” ayuu yiri Kamaal Xuseen oo ah hoggaamiyaha mucaaradka. “Waxaan dalbaneynaa in sida ugu dhakhsaha badan loo qabto doorasho cusub oo ay maamuleyso dowlad dhexdhexaad ah.” Guddiga doorashooyinka Bangladesh ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in ay meelo badan oo dalkaasi ah ay ka soo gaareen eedeymo ah in doorashada lagu shubtay, arrintaa oo uu sheegay in baaritaan uu ku sameyn doono. Ugu yaraan 17 qof ayaa ku dhimatay isku dhacyo dhexmaray taageerayaasha xisbiga haya talada dalka iyo kuwa mucaaradka. Maxaa lagu dhaliilay doorashadani? Xisbiga ra’iisalwasaare Sheekh Hasina ee Awami League ayaa dalkaasi Bangladesh soo xukumayay tan iyo sandkii 2009, balse mid ka mid ah xisbiyada ugu waaweyn mucaaradka ayaa ku eedeeyay in goobaha qaar ee codbixinta uu xisbigaasi keensaday sanaadiiq ay ka buuxaan waraaqaha codbixinta oo been abuur ah. Afhayeen u hadlay xisbiga BNP ayaa sheegay in wax isdabamarin weyn ay hareysay 221 ka mid ah kuraasta 300 ah ee lagu tartamayay. Waxyar uun ka hor inta aysan furmin goobaha codbixinta ayaa weriye ka tirsan BBC-da waxa uu goob ka mid ah goobaha codbixinta ee magaalada Chittagon ku arkay sanaadiiq kuwa codbixinta ah oo laga soo buuxiyay waraaqaha codeynta oo horey loo soo saxay. Sarkaalkii mas’uulka uga ahaa goobtaasi guddiga doorashooyinka ayaa ka gaabsaday in uu ka hadlo arrintaasi. Wakiilada xisbiga haya talada dalkaasi oo kaliya ayaa ku sugnaa goobtaasi iyo goobo kale oo badan oo ku yaal magaaladaasi oo ah magaalada labaad ee ugu weyn dalkaasi. Ugu yaraan 47 ka tirsan musharrixiinta xisbiga ugu weyn mucaaradka ayaa isaga baxay tartanka, ka hor inta aysan soo xirmin goobaha codbixinta, waxa ayna sheegeen in doorashadu ay hareeyeen handadaad iyo ku shubasho. Kooxaha kormeerayaasha ahi iyo mucaaradkuba waxa ay isku raaceen in doorashadaasi aysan u dhicin si caddaalad ah, balse xisbiga haya talada dalka ayaa eedeymahaasi ku gacan seyray, waxa uuna ku eedeeyay mucaaradku in ay faafinayaan warar been abuur ah. Sheekh Hasina ayaa jimcihii la soo dhaafay BBC-du u sheegtay: “Dhan waxa ay jeedinayaan eedeymo. Dhanka kalena, waxa ay weerarayaan shaqaalaha iyo madaxda xisbigayaga. Taasi ayaa ah dhibaatada ugu weyn ee ka jirta dalkayaga.” Maxay doorashadani u tahay muhiim? Bangladesh waa dal dadkiisu u badan yihiin Muslimiin, waxaana dalkaasi ku nool dad lagu qiyaasay in ka badan 160 milyan oo qof. Dalkaasi ayaa wajahaya dhibaatooyin ka dhashay isbadalka cimilada, kacdoonka mintidiinta islaamiga ahi, saboolnima baahsan iyo musuqmaasuq. Bangladesh waxaa sidoo kale ku soo qaxay boqolaal kun oo qof oo ka tirsan muslimiinta qowmiyadda laga tirada badan yahay ee Rohingya, ee ka soo qaxay dalka deriska ah ee Myanmar. Rabshado ayaa hareeyay ololihii doorashadan, waxaana marar badan ay isku dhacyo dhex mareen taageerayaasha xisbiga haya talada dalka iyo kuwa mucaaradka. Dowladda ayaa sidoo kale wadday hawlgallo cabburin ah oo ka dhan ah dadka mucaaradka ku ah, waxaana dadka dhaliila siyaasadda dowladda ay sheegayaan in xukuumaddu ay noqotay mid kalitalis ah. Yaa ku tartamayay doorashadani? Khaleda Zia oo muddo dheer loolan adag kula jirtay Sheekh Hasina ayaa billowgii sanadkan xabsi la dhigay, waxaana laga mamnuucay in ay doorashadani u tartanto sababo la xiriira musuqmaasuq balse waxa ay dhankeeda ku adkeysanaysaa in eedeymahaasi ay salka ku hayaan arrimo siyaasadeed. Haatanna waxaa mucaaradka majaraha u haya Kamaal Xuseen oo xulufo la ahaa Sheekh Hasina. Hase yeeshee Kamaal oo 81 jir ah isla markaana ka mid ahaa garyaqaanadii wax ka qoray dastuurka dalkaasi, isuma uusan soo sharixin hoggaanka dalkaasi. Xisbiga BNP ayaa qaadacay doorashadii sanadkii 2014-kii, waxaana doorashadii shalay dalkaasi ka dhacday ay noqoneysaa tii ugu horreysay oo ay ka qeybqaataan dhammaan xisbiyada waaweyn ee mucaaradka ahi tobankii sano ee la soo dhaafay. Source
  3. (SLT-Afghanistan)-Kooxda Taliban ee dalka Afqanistan ayaa sheegtay in aysan wadahadalo toos ah la yeelan doonin dowladda Afqanistan marka wareega labaad ee wadahadalada nabada ay ka billaabmaan dalka Sacuudiga. Hasa yeeshee sargaal sare oo ka tirsan wakiilada Taliban ayaa sheegay in saraakiisha mareykanka ay kula kulmi doonaan magaalada Jiddah ee boqortooyada Sacuudiga. Kooxda Taliban ayaa mar walba diida in ay la kumaan dowladda Afqanistaan oo ay ku tilmaamaan mid daba dhilif u ah reer Galbeedka. Diidmada Taliban ay diideen in ay la kumaan dowladda Afqanistaan ayaa ah mid waji gabax ku ah xukuumadda madaxwayne Ashraf Ghani, oo horey u sheegay in ergo uu u diri doona kulanka Taliban. Wareegii hore ee wadahadalada ayaa ka dhacay dalka Imaaraadka markaasi oo ay sidoo kale Taliban diideen ina y la kulmaan dowladda Afqanistan. Madaxwayne Khani ayaa horey ugu baaqay kooxda Taliban in ay xabbadda joojiyaan oo ay wadaxaajood la galaan dowladda Afqanistan. Dagaalyahanada Taliban ayaa gacanta ku haya qaybo ka mid ah gobolada dalka Afqanistaan. Waxa ay goobaha ay dowladda ka taliso ka gaystaan weeraro ay dad badan ku dhintaan. Source
  4. (SLT-Qaahira)-Booliiska dalka Masar ayaa dilay tiro mintidiin ah ka dib weerar ay ciidamada ammaanka ku qaadeen goob ay gabaad ka dhiganayeen,waxaa sidaasi sheegtay wasaarada arrimaha gudaha ee Masar. Weerarka ayaa waxaa lagu dilay “40 argagixiso ah ” oo ku sugnaa goobta lagu magacaabo Giza oo ku taalla waqooyiga lama dagaanka Sinai,sida lagu sheegay bayaan ay wasaarada soo saartay. Booliiska dalka Masar ayaa waxay sidoo kale sheegeen in ay gacanta ku soo dhigeen aalado laga sameeyo bambaanooyiinka. Wasaaradda arrimaha gudaha ee Masar ayaa sheegtay in kooxdan mintidka ah ay qorshaynayeen in weeraro xiriir ah ka gaystaan goobaha loo dalxiis tago,kaniisdaha iyo ciidamada ammaanka. Weerarka ciidamada ammaanka ee masar ayaa yimid ka dib markii gaari Bas ah oo siday dad dalxiisayaal ah jimcihii bam waddada loo dhigay uu ku qarxay magaalada Giza. Ma jiro ilaa imika koox sheegtay masuuliyadda weerarkaasi oo ay ku dhinteen 3 qof oo u dhalatay dalka Vietnam. Balse kooxaha mintidiinta ah ayaa horey u bartilmaameedsaday dad dalxiisayaal ah. Dalxiiska ayaa ka mid ah ila dhaqaalaha ballaaran uu ka soo galo dalka Masar. Sanadkii 2010 ayaa waxaa dalkaasi booqasho ku tagay in ka badan 14 milyan oo qof,balse tiradaasi ayaa hoos u dhacday ka dib kacdoonkii dalalka carabta. Sanadkii 2017 waxaa masar booqatay 8.3 milyan oo qof, sida uu qoray wargayska the Financial Times. Source
  5. Puntland hatan waxa ay ku jirtaa xili doorasho Madaxtooyo loona tartamayo kursiga Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa taas oo dhicitaankeeda loo madal sanyahay 8 Janaayo 2019 ,waxan [...] Source
  6. (SLT-Pyongyang)-Wargeyska JOSUN ILBO ee ka soo baxa dalka Koonfurta Kuurya waxa uu saakayto oo Isniin ah qoray inuu Kim Jong Un qoraal u diray Madaxweyne Trump, kana codsaday Kulankaasi. Warqadda Kim Jong u diray Trump ayaa la sheegay in la sii marsiiyey gacan kale oo aan la shaacinin, sida uu Wargeyskaasi ka soo xigtay ilo Diplomaasiyadeed oo aan la carabaabin. Dhinaca kale, Waaxda Arrimaha Dibedda ee Mraaykanka iyo Safaaradda Maraykanka ku leeyihiin caasimadda dalka Koonfurta Kuurta ee Siyool midnaba kama hadlin wararka sheegaya inuu Hoggaamiyaha Waqooyiga qoraal u diray Donald Trump. Labada Hoggaamiye waxay Kulankoodii ugu horreeyey ku yeesheen dalka Singabuur bishii June ee sannadkan, iyagoo ku heshiiyey in laga shaqeeyo sidii ay Waqooyiga Kuurya u burburin lahaayeen Hubkooda Nukliyeerka. Source
  7. Guddiga Ansixinta Xildhibaanada Baarlamaanka dowladda Puntland ayaa saacadaha soo socda ku dhawaaqi doona liiska Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland 2019. Liiska Xildhibaanada ayaa ka [...] Source
  8. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Gudoomiyaha gudiga dib u eegista Dastuurka ee labada Aqal BFS Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ayaa Tacsi ka diray Geeridii ku timid Allaha unaxariistee Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle oo ku magac dheeraa (Korneyl Ruush) Senator Qeybdiid ayaa sheegay in Marxuumka uu howlo badan u soo qabtay dalka, islamarkaana uu ka mid ahaa Guddiga Dastuurka ee Golaha Shacabka. Sidoo kale Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) gudoomiyaha gudiga dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in maanta Marxuumka Aas Qaran loogu sameyn doono gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Allaha u naxriistee Xildhibaan Korneyl Ruush ayaa haatan ka mid ahaa Baarlamaanka 10-aad iyo sidoo kale Baarlamaankii 9-aad ee dowladda federaalka Soomaaliya. The post Qeybdiid Oo ka Tacsiyadeeyay Geeridii Korneyl Ruush appeared first on Shabelle. View the full article
  9. Garoowe ( Sh. M. Network )-Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, haatana ah Senator ka tirsan Golaha Aqalka Sare C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa eedeyn kulul u jeediyay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas. Senator Faroole oo Warbaahinta kula hadlay Garoowe ayaa dhawaajiyay in Madaxweyne Gaas 5-tii Sano oo uu xilka hayay uu dib u dhigay horumarka Puntland. Sidoo kalena maamulka uu hoggaamiyo uu ku kacay Musuq-maasuq xoogan, sida uu hadalka u dhigay. Waxaana uu intaasi ku daray in Madaxweynuhu uu jaray xiriirkii Puntland kala dhexeeyay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Halkan hoos eka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Jaamac-1-.mp3 The post Senator Faroole Oo eedeyn u jeediyay Madaxweyne Gaas appeared first on Shabelle. View the full article
  10. Guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka ee Puntland ayaa isu’ diyaarinaya in ay saacadaha soo socda ku dhawaaqan lix iyo lixdanka xubnood ee Baarlamanka cusub. Guddiga oo in mudda ah ku hawllanaa xallinta kuraasta la isku’ haysto ee xubnaha doonaya Golaha wakiilada ayaa sida wararku sheegayaan soo geba-gabeeyay hawshaasi,waxaana xilligan u harsan oo keliyah in ay shaaciyaan liiska xildhibaannada cusub. Mudda todobaad ah ayaa ka harsan doorashada madaxtinimada Puntland ee ku muddaysan 8-da Jennaayo 2019,waxaana isha lagu wada-hayaa ku dhawaaqista xildhibaannada cusub ee wax dooranaya. PUNTLAND POST The post Puntland: Liiska Golaha wakiilada cusub oo lagu dhawaaqayo appeared first on Puntland Post.
  11. Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxay maanta howlgal ballaaran ka wadaan guud ahaan degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose. Wariyaheena Muuse Cabaas ayaa soo sheegaya in ciidamada ay baarayaan guryaha ku yaalla xaafadaha degmadaasi, sidoo kalena lagu soo qabtay dhallinyaro badan. Ciidamadan ayaa saakay mar qura kusoo faafay xaafadaha Afgooye, waxaana saraakiisha hoggaamineysa howlgalkan ay sheegeen iney raadinayaan dad looga shakisan yahay iney ka tirsan yihiin Al-shabaab. Ma jirto faah faahin kale oo saraakiisha ammaanka ka bixiyeen tirada dadka ay kusoo qabteen howlgalkaan. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Garowe (Caasimada Online)-Waxaa maanta la filayaa in la shaaciyo xildhibaanada baarlamaanka Puntland oo maalmihii ugu dambeeyay lagu soo dooranayay deegaanada maamulkaasi. Xildhibaanada ayaa waxaa soo xulayay odayaasha deegaanka ay matalayaan, waxaana walaac laga muujiyay hanaanka lagu soo xulay kuraasta xildhibaano badan oo golaha wakiilada kamid ah. Xildhibaanada baarlamaanka Puntland ayaa ka kooban 66 xildhibaan, waxaana maanta marka la shaaciyo xildhibaanada kadib ay gali doonaan isku diyaarinta doorashada guddoomiyaha baarlamaanka Puntland. Doorashada Guddoomiyaha kadib waxaa la filayaa inay isku diyaariyaan soo xulista guddiga doorashada madaxweynaha, iyadoo kama dambeys 8 Janaayo doorashada madaxweynaha ay ka dhici doonto magaalada Garowe. Inka badan 25 Musharax ayaa u taagan xilka madaxweynaha Puntland, waxaana dhamaantood ay doonayaan in midkood uu qabtaa xilka madaxweynaha, waxaa musharixiinta kamid ah C/Welli Gaas oo horey u shaaciyay inuusan isa sharaxi doonin. Caasimada online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  13. Afmadow ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgal ballaaran oo saacadihii la soo dhaafay Ciidamada Jubbaland ay ka sameeyeen agagaarka degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Dhexe. Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa laga fuliyay deegaano dhowr ah oo hoos yimaada degmadaasi. Ujeedka howlgalkan ayaa lagu sheegay mid ka dhan ah Xarakada Al Shabaab oo ku xoogan gobolka Jubbada Dhexe ee K/ Soomaaliya. Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal oo ka soo baxay dhanka Saraakiisha maamulka Jubbaland oo ku aadan howlgalkaasi. Shalay ayey aheyd markii howlgal cusub uu ku dhawaaqay Madaxweynaha maamulkaasi Axmed Madoobe oo wacad ku maray in Al Shabaab laga saarayo gobolkaasi. The post Howlgal ka dhan ah Al Shabaab Oo laga sameeyay Afmadow appeared first on Shabelle. View the full article
  14. Maamulka gobolka Hiiraan ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey dil shalay loo geystay guddoomiye ku xigeenkii maamulka degmada Matabaan ee gobolkaasi. Gudoomiye ku xigeenka amniga gobalka Hiiraan C/raxiin Taakooy ayaa Goobjoog u sheegay in sidoo kale weerarkaas lagu dilay Labo ka mid ah ilaaladiisa, iyadoo raggii dilka geystay ay halkaa isaga baxsadeen. Waxa uu tilmaamay in dilkaasi ay ka dambeeyeen maleeshiyaad hubeysan, waxaana gaari ay ku saarnaayeen Afar qof, iyadoo uu badbaaday oo kaliya Hal qof. Taakooy ayaa sheegay in guddoomiye ku xigeenka uu ahaa nin shaqo, islamarkaana ay ka xun yihiin waxa dhacay, isaga oo tilmaamay inuu ku wajahnaa magaalada B/weyne. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/GUDOOMIYE-XIGEEN-AMAANKA-GOBALKA-HIIRAAN-CABDRAXIN-TAAKKOOY-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Muqdisho ( sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Subax-311218.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  16. Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) oo axaddii yeeshay kulankoodii ugu dambeeyay sannadka 2018, ayaa ansixiyay hindise sharciyeedka maamulka dakhliga oo ay golaha usoo gudbisay wasaaradda maaliyadda dalka. Kulanka golaha oo uu guddoomiyay ra’iisul wasaarha Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa intiisa badan diiradda lagu saaray isla xisaabtanka iyo qiimaaynta waxyabahii sannadka dhammaadka ah u qabsoomay afarta tubood ee ay ku salaysan tahay shaqo maalmeedka Dowladda Soomaaliya. “Waxa aan maanta fursad u helaynaa in aan is qiimayno xukuumad ahaan ka wasaarad ahaan iyo ka xafiis ahaan. Isla xisaabtankaan waxa uu naga caawi doonaa in wixii naga hallaabay aan hagaajinno sannadka soo socda”, ayuu yiri ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.. Barnaamijka xukuumadda ee horraantii 2017 ay ansixiyeen golaha shacabka ayaa loo qaybiyay afar tubood oo kala ah siyaasadda loo dhanyahay, arrimaha bulshada, horumarinta dhaqalaha iyo amniga iyo cadaalladda kuwaas oo yeesha shirar joogta ah oo ku salaysan isla xisaabtan ku dhisan hufnaan iyo daah-furnaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Muqdisho (Caasimada Online)- Al Shabaab ayaa muddo todobaad ah kadib shaaciyay magaca ruuxii isku qarxiyay afaafka hore ee tiyaatarka qaranka, halkaasi oo dad badan ay ku dhinteen. Al Shabaab ayaa sidoo kale baahiyay qabiilka uu kasoo jeedo ruuxii isku qarxiyay qaraxii dadka badan ay ku dhinteen, waxaana magaciisa ay ku sheegeen Jamaal Jeylaani Nuur Cadow, kaasi oo muddo badan kamid ahaa Al Shabaab. Baraha Al Shabaab ee lagu faafiyo wararkooda ayaa lagu sheegay in Jamaal Jeylaani uu kasoo jeeda Beesha Murusade uuna kasii yahay jufada Habar Ceyne, waxaana da’diisa lagu sheegay 23 sano jir. 22-dii Bishaan sii dhamaaneyso ee December ayuu qaraxaasi ka dhacay Tiyaatarka qaranka, waxaana ku dhintay inka badan 20 ruux oo uu ku jiray wariye Cawil Daahir Salaad iyo shaqaale kale oo ka tirsan TV-Universal. Jaylaani ayaa 2008 ku biiray Al Shabaab, waxaana la sheegay inuu ka qeyb qaatay dagaalo badan oo Al Shabaab ay ka fuliyeen gobolada dalka. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay wadaan baaritaano dheeri ah oo la xiriira halka gaariga uu ka yimid iyo sida ay ugu suurogashay inuu yimaado halka uu ku qarxay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Waxaa si weyn isha loogu hayaa doorashada ka dhaceysa Puntland, 8-da bisha Janaayo 2019. Waxaa ku loollamaya musharixiin gaaraya 30, haddii aysan ka badneyd, balse wali ma cadda murashaxa ugu cad cad xilka belidda Cabdiweli Cali Gaas. Hase ahaatee, 48-dii saacadood ee la soo dhaafay waxaa gebi’ahaanba la wareegay ol’olaha ka socda Puntland murashax Dr. Cali Ciise Cabdi. Maxaa sabab u ah? Waa su’aal is weydiin mudan waxa 72 saacaood oo uu joogo Garoowe oo ay uga soo horreeyeen musharixiin ku sugnaa xarunta Puntland dhawr bilood in uu sidaas oo dhan u qariyo ama uga saameyn bato. Waa sax, waxaa jiri kara in dadka qaar ay ku xaman karaan ama ay jirto in Nabad iyo Nolol kaalin ku leedahay, laakiin taas ma aha MARMARSIIYO, waayo, waxaa la ogyahay oo jira kuwo kale oo ay dowladda dhexe wadato sida lagu tuhmayo, waxaana ka mid ah; Cali Xaaji Warsame, Jabiye, Faarax Cali Shire, Moorgan iyo Saadaq Eenow! Hadaba, maxaa ku gaar ah Dr. Cali Ciise Cabdi? Waa jawaab sahlan! Dr. Cali Ciise Cabdi waa Sool clan, kaas oo noqon doonaya siyaasigii ugu tunka weynaa ama ugu saameynta badnaa oo Sool clan ah oo isu soo sharaxaya xilka Madaxweyne. Ma aha in uu yahay musharixii ugu horreeyey oo reer Sool ah oo xilkaa u hanqal taaga, waayo? Hadda waxaa barbar socda laba musharax oo kale oo sidiisa oo kale doonaya xilkaas, laakiin maxay tahay baaruudda uu dheer yahay? Dr. Cali Ciise Cabdi waxaa ku gaar ah in uu yahay siyaasiga qura ee haysta kalsoonida beesha uu ka soo jeedo oo uu ku kasbaday dhisiddii Khaatumo State iyo waliba go’aankii dambe ee uu Cali Khaliif Galaydh ugu khilaafay in lagu biro Somaliland oo uu ugu dambayn Galaydh ka dhabeeyey! Sidoo kale, Dr. Cali Ciise Cabdi waxa uu halgan dheer u galay sidii uu gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ugu sameyn lahaa maamul ka madax bannaan Somaliland iyo Puntland, walow uu mar walba Garoowe u arkayey meel ay Sool clan wax ka dhisteen oo haddii xorreynta Sool la xaqiijiyo laga wada hadli karo masiirka Khaatumo iyo Puntland. Taas oo ay jirto, is sharaxaadiisa kaddib, Sool clan oo dhan si weyn ayey isu garab taageen oo waxaa ka go’an in uu xilkaas qabto. Sool clan oo xoqonaya kaarkii ugu dambeeyey ee Hartism? Ma dhicin inta taariikhda la xusuusto Sool clan isku raacay hal siyaasi, is sharaxaadda Cali Ciise Cabdi waxa ay si xooggan u mideysay Sool clan oo doonaya ugu dambeyn in ay Laascaanood dib ugu soo celiyaan gacantooda iyo Puntland. Hore waxa ay tabasho ka qabeyn beesha Maxamuud Saleebaan ama Majeerteen oo ay ka dareemeen in aysan daacad ka ahayn xorreynta gobolka Sool. Taas oo jirta, Sool clan waxaa la hubaa in hadda 90% ay la socdaan ama ugu yaraan ay garowsiyo u hayaan Somaliland, haddii ay Puntland dooran weyso siyaasigoodii ugu weynaa oo ku soo dhiiraday in ay 10% hartayna si rasmi ah uga siiban doonaan Puntland. Waxaa xaqiiqo ah, in Dr. Cali Ciise Cabdi yahay kaarkii ugu dambeeyey ee Sool clan ay Puntland ka xoqdaan! W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad Muqdisho, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  19. Garoowe (Caasimada Online) – Shir Jaraa’id oo uu shalay Garoowe ku qabtay ayuu Madaxweynihii hore ee Puntland Dr. Cabdiraxmaan Shikeh Maxamed Maxamuud Faroole uga hadlay qodobo muhiim ah. Waxyaabaha uu Faroole ka hadlay waxaa ka mid ahaa doorshada Puntland ka dhaceysa 8-da Janaayo 2019, oo ku beegan labada toddobaad ee soo socda, xulista xubnaha baarlamaanka iyo xallinta khilaafaadka. Hase ahaatee, Faroole qeybaha dhexe ee shirkiisii jaraa’id waxa uu ku tuntay Cabdiweli Cali Gaas oo uu qiimeyn qodobeysan ku sameeyey waxyaabihii uu qabtay shanti sano ee uu talada Puntland hayey. Faroole waxa uu warbaahinta u soo bandhigay lana wadaagay maashiircdii uu ku wareejiyey Gaas markii uu kaga adkaaday doorashadii 2014. Mashaariicdaas oo dhammaatood heshiisyadooda la saxiixay waxaa ka mid ahaa madaarka Boosaaso, Garowe iyo Jaamacadda Maakhir ee Badhan. Sida uu Faroole xaqiijiyey ma jirto mashruuc kale oo weyn oo uu Gaas intii uu talada hayey meelmariyey, waxaa intaa u dheer in uu ku eedeeyey inuu musuq maasuqay dhaqaalaha kuwii hore loo saxiixay sida garoonka diyaaradaha ee Garowe. Muxuu Gaas qabtay oo uu Faroole u qiray? Faroole oo qoslaya ayaa sheegay in uu Idaacadaha ka maqlo Gaas oo ku faanaya in uu hirgaliyey barnaamijka goleyaasha deegaanka (City councils) ee lagu dhisayo kaabeyaasha dhaqaalaha ee loo yaqaan GPLG, hase ahaatee, Faroole waxa uu caddeeyey in iska daa Gaas uu mashruucaas jiray markii uu isagu Cadde Muuse (UAN) uu xilka kala wareegay. Waxaa qosol badnaa markii uu Faroole sheegay in uu Gaas fuliyey ama qabtay oo loo qirsan yahay dhisidda Suuliyo/musquliyo tuulooyinka laga dhisay! Faroole oo dhoolla caddeeynaya ayaa sheegay in shaqadaas ay islaamaha xataa ku filan yihiin! Hoos ka daawo Faroole Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
  20. Sirdoonka UK oo war kasoo saaray Carmaladda Cad oo lagu ogaa Sirdoonka Dalka UK ee loo yaqaan M16 ayaa sheegay in Haweeneyda u dhalatay dalkaas hase yeeshee ku biirtay Al Qaacidda ee Samantha Lewthwaite, ama Carmaladda Cad, ay hadda ku nooshahay dalka Yemen. Qof ka mid ah Sirdoonka UK oo fadhigiisu yahay Nairobi ayaa shaqaaleysiistay qof ay isu dhawyihiin Samantha Lewthwaite¸waxaana uu xaqiijiyay in Haweeneydaas ka baxsatay Soomaaliya kuna sugantahay dhulka Koofurta Yemen ee ay caasimadda u tahay Magaalasa Cadan. Sirdoonka UK ayaa sheegay in koofurta Yemen ay Samantha Lewthwaite, ku ilaalinayaan koox ka tirsan Al-shabaab oo halkaas ku sugan. Dowladda Ingiriiska ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in AL-shabaab ay dhallinyaro badan ka qorteen Dalka Yemen,kuwaas oo ay suuragal tahay in ay gudaha Soomaaliya u soo gudbaan. Samantha Lewthwaite¸ayey Sirdoonka Ingiriiska ee M16 sheegeen in ay mar booqatay Magaalada Dubai ee Dalka Imaaraadka Carabta. Waxaa ay walaac ka muujiyeen in Haweeneydan oo lafteeda Haween is qarxiya ka qoratay Yemen ay weerarro ka geysato meelo ay ka midyihiin Bariga dhexeama Yurub. Sirdoonka Ingiriiska ayaa sheegaya in Haweenka Yemen ee is qarxinaya ay ku shaqaaleysiiso lacag dhan €300 Euro oo lacagta Yurub ah, sidoo kalena ay horay u shaqaaleysiisay Dhallinyaro rag ah oo qaarkood is qarxiyay kuwaas oo da’dooda lagu sheegay 15 jirro. Xubinta ka tirsan Sirdoonka UK ee fadhigiisu yahay Nairobi ayaa sheegay in soo qabashada Haweeneyda lagu naaneyso Carmaladda Cad ay wax yar u jiraan kaddib markii ay ogaadeen halka ay ku nooshahay iyo sida ay u shaqeyso. Laakiin MI6 waxaa ay sheegtay in ilaalo xoog leh oo ka tirsan AL-shabaab ku hayaan meelo ka mid ah Koofurta Yemen iyaga oo fursad fiican u heysta in ay isaga kala gudbaan Yemen iyo Soomaaliya iyaga oo adeegsanaya Dekadda Mukallah. Haweeneydan ayaa ku eedeysan weerarro ay ku dhinteen 400 Qof oo ka dhaca gudaha Soomaaliya oo ay geysteen Al-shabab, weerarkii Jaamacadda Gaarisa ee 2015kii oo ay ku dhinteen 149 Qof. Odaygeeda ayaa ka dambeeyay weerarro 7dii July 2007dii ka dhacay UK kuwaas oo lala beegsaday Tareennada dhulka hoostiisa mara ee Magaalada London. Sirdoonka Ingiriiska ee MI6 ayaa tan iyo 2013kii ku daba jira Haweeneydan,waxaana ay nambarka 1aad uga jirtaa dadka u dhashay Dalka Uk ee ay dowladda Ingiriiska baadi goobeyso. Qaran News
  21. Hargeysa (Caasimada Online) – Dawladda Turkiga ayaa ergey gaar ah u magacowday wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, oo hadda ku jira hakad. Sidaas waxaa Caasimada Online u xaqiijiyay ilo diblomaasiyadeed oo xogogaal ah. Danjire Dr. Olgan Bekar, oo ahaa safiirkii hore ee Turkiga u qaabilsanaa Soomaaliya oo ay bishan ka dhammaatay mudadiisii xil hayneed, ayaa markii uu ku noqday dalka Turkiga waxa loo magacaabay ergayga cusub ee wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya. Safiirka Soomaaliya u qaabilsan Turkiga Danjire Jaamac A. Maxamed, ayaa danjire Dr. Olgan Bekar ku bogaadiyay xilka loo magacaabay, waxaana farriin uu diblomaasigan Soomaaliga ahi ku qoray bartiisa twitterka ku sheegay in dawladda Soomaaliya ay danjire Dr. Olgan Bekar ka taageeri doonto hawsha cusub ee wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya ee loo magacaabay. “Farxad ayay ii ahayd inaan danjire Olgan Bekar ku qaabilo Ankara.” Ayuu yidhi, isagoo raaciyay intaas, “Wuxuu qiimo u lahaa xidhiidhka Soomaaliya iyo Turkiga, waxaanan u balan qaaday taageeradayada xilkiisa ah ergayga cusub ee Turkiga ee wada hadalada Dawladda Soomaaliya iyo Somaliland.” Xukuumadda Somaliland, ayaan weli ka hadal magaacaabista ergaygan Turkiga. Waxase la isweydiinayaa doorka Turkigu wakhtigan ku leeyahay wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya oo istaagay, iyadoo ay Somaliland hore u sheegtay inaanay la dhacsanayn dhexnimada Turkiga ee wada hadalada labada dhinac. Madaxweyne Biixi iyo Madaxweyne Farmaajo, ayaa horaantii sannadkan intii aanay wada hadaladu burburin waxay isla garteen inay Djibouti ku yeeshaan kulan daah-furis loogu samaynayo dib u bilaabista wada hadalada Hargeysa iyo Muqdisho. Biixi iyo Farmaajo, ayaa sidoo kale iyadoo ay diblomaasiyiin shisheeye u kala dab qaadayeen waxay isla garteen in Switzerland martigeliso wada hadalada oo laga soo wareejiyo Turkiga. Turkiga, ayaa la sheegay inaanu jeclaysan talaabadaas lagaga wareejiyay wada hadalada, waxaanu xidhiidho la sameeyay Somaliland iyo Soomaaliya. Lamase oga in Turkigu hadda go’aansaday inuu soo ceshado doorkii uu ku lahaa wada hadaladaas iyo inuu doorkiisii fududaynta madasha wada hadalada u bedelayo door dhexdhexaadiye. Caasimada Online Xafiiska Istanbul caasimada@live.com
  22. Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay heshiiska ay Dawladda federaalka Soomaaliya la gashay Shirkadaha Shiinaha laga leeyahay ee ku bahoobay COFA, kaas oo ay Soomaaliya ugu saxeexday inay ka kalluumaystaan badda Soomaaliya. Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon, ayaa yidhi “Waanu ka war haynaa, oo waanu maqalnay inay Dawladda Soomaaliya heshiis la gashay Shirkado kaalluumaysi, laakiin heshiisyadaasi inaga inama khuseeyaan, Dawladda Soomaaliyana waa u nacasnimo inay Shirkado heshiis kula gasho Bad iyo Xeebo aanay ka talin” Waxa uu hadalkiisa ku dara “Baddeena iyo Xeebaheena inaga ayaa ALLE sokadii ka taliya, oo maamulna, dal iyo cid kale oo ku soo xad gudubtana raali kama nihin, mana yeelayno, waxaana xaqiiqo ah inaynu nahay dal jira oo ilaashanaya xadka baddiisa, waxaana inoo jooga Ciidankeena Badda, oo cadaw kasta iyo cid kasta oo xad gudub inagu soo sameeysa ka difaacaya”. Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa sidoo kale ka hadlay halka uu ku dambeeyey maamulkii Hawada Soomaaliya oo ay si buuxda ula wareegtay dowladda iyo Xukuumad ahaan waxaa uga qorsheysan. Faratoon ayaa yidhi “Horta ALLE sukadii inaga ayaa iska leh Hawadeena, Baddeena, iyo Dhulkeena, inaga ayaa ilaashanayna, maamulka Hawadeena in Soomaaliya laga maamulana waxaynu raali ka nahay, oo aynu ogol nahay maaha, maxaa yeelay Soomaaliya inooma taliso, isku dalna ma nihin, ee laba dal oo jaara ayeynu nahay, laakiin caqabadaha caalamiga ah ee dalkeena Somaliland haysta ayaa keenay in maamulka hawadeena Soomaaliya lagu wareejiyo, laakiin waxaynu raali ka nahay maaha, dibna weynu u soo ceshan doonaa’ “Waxaa jira heshiiskii ahaa in laba dalba wada maamulan hawada, laakiin heshiiskaasi si cad bay Somaliya u jabisay, Xukuumad ahaan iyo Dawlad ahaanba waxaynu ku dadaalaynaa inaynu dib u soo ceshano maamulkii hawadeena, Dawladda Somaliya xaasidnimo iyo xiqdi kasta oo ay inala daba socoto waxba inagu yeeli mayso”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
  23. London (Caasimada Online) – Sirdoonka Dalka UK ee loo yaqaan M16 ayaa sheegay in Haweeneyda u dhalatay dalkaas hase yeeshee ku biirtay Al Qaacidda ee Samantha Lewthwaite, ama Carmaladda Cad, ay hadda ku nooshahay dalka Yemen. Qof ka mid ah Sirdoonka UK oo fadhigiisu yahay Nairobi ayaa shaqaaleysiistay qof ay isu dhawyihiin Samantha Lewthwaite¸waxaana uu xaqiijiyay in Haweeneydaas ka baxsatay Soomaaliya kuna sugantahay dhulka Koofurta Yemen ee ay caasimadda u tahay Magaalasa Cadan. Sirdoonka UK ayaa sheegay in koofurta Yemen ay Samantha Lewthwaite, ku ilaalinayaan koox ka tirsan Al-shabaab oo halkaas ku sugan. Dowladda Ingiriiska ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in AL-shabaab ay dhallinyaro badan ka qorteen Dalka Yemen,kuwaas oo ay suuragal tahay in ay gudaha Soomaaliya u soo gudbaan. Samantha Lewthwaite¸ayey Sirdoonka Ingiriiska ee M16 sheegeen in ay mar booqatay Magaalada Dubai ee Dalka Imaaraadka Carabta. Waxaa ay walaac ka muujiyeen in Haweeneydan oo lafteeda Haween is qarxiya ka qoratay Yemen ay weerarro ka geysato meelo ay ka midyihiin Bariga dhexeama Yurub. Sirdoonka Ingiriiska ayaa sheegaya in Haweenka Yemen ee is qarxinaya ay ku shaqaaleysiiso lacag dhan €300 Euro oo lacagta Yurub ah, sidoo kalena ay horay u shaqaaleysiisay Dhallinyaro rag ah oo qaarkood is qarxiyay kuwaas oo da’dooda lagu sheegay 15 jirro. Xubinta ka tirsan Sirdoonka UK ee fadhigiisu yahay Nairobi ayaa sheegay in soo qabashada Haweeneyda lagu naaneyso Carmaladda Cad ay wax yar u jiraan kaddib markii ay ogaadeen halka ay ku nooshahay iyo sida ay u shaqeyso. Laakiin MI6 waxaa ay sheegtay in ilaalo xoog leh oo ka tirsan AL-shabaab ku hayaan meelo ka mid ah Koofurta Yemen iyaga oo fursad fiican u heysta in ay isaga kala gudbaan Yemen iyo Soomaaliya iyaga oo adeegsanaya Dekadda Mukallah. Haweeneydan ayaa ku eedeysan weerarro ay ku dhinteen 400 Qof oo ka dhaca gudaha Soomaaliya oo ay geysteen Al-shabab, weerarkii Jaamacadda Gaarisa ee 2015kii oo ay ku dhinteen 149 Qof. Odaygeeda ayaa ka dambeeyay weerarro 7dii July 2007dii ka dhacay UK kuwaas oo lala beegsaday Tareennada dhulka hoostiisa mara ee Magaalada London. Sirdoonka Ingiriiska ee MI6 ayaa tan iyo 2013kii ku daba jira Haweeneydan,waxaana ay nambarka 1aad uga jirtaa dadka u dhashay Dalka Uk ee ay dowladda Ingiriiska baadi goobeyso. Source: Belfastlive.co.uk
  24. Hoos ayaan ku falanqayn doonaa doorashada Puntland ee 2019-ka iyo qofka ku habboon in la doorto laakiin marka hore sheeko yar. Buur baa waa’ foolatay Waxa la yiri Buur baa waa’ foolatay. Saa waxay dhashay Jiir ama Doolli, qofba siduu u yaqaan. Dadkii way yaabeen waxayna dhaheen suuragal ma aha in adiga oo sidaa u wayn oo uurka wayn lahaa muddada shanta sano ah, annaguna aan hanka wayn kuu qabnay, aad dhasho jiir yar. Sheekadaan waa sheeko dheer oo xiiso badan, insha Allah mar kale ayaan dhamaystiri doona, laakiin sida buurtu hanka uga jabisay dadkii degaankeeda ayaa hadda dadka reer Puntland waxay aad uga wel-welsan yihiin in doorashadaanina sidii tii 2014-ka ay hanka uga jabin doonto. Xaalka Puntland hadda ku sugan tahay Waxaan ognahay sida loogu khasaaray wixii ka dhashay doorashadii 2014-ka. Puntland maanta waxay fadhidaa gebi cidla’ ah. Dhaqaalaheedii waa bur-buray, ammaankii faruhuu ka baxay, waxbarashadeedu tayo fiican ma leh, qabiil walba maduxuu iskula jiraa oo waxay isku haystaan xildhibaanadii beeshooda u fariisan lahaa baarlamanka Puntland, degaannada qaarkoodna waxa ka jira colaad ka dhex taagan qabaa’ilka wada dega. Dhanka kale, waxaa maamulka Cabdiwali Gaas hareeyay musuq-maasuq xad dhaaf ah, naas nuujis xigaalo, maamul xumo, isla xisaabtan la’aan, iyo khayraadkii badda iyo dhulka Puntland oo uu si sharci darro ah gacanta ugu galiyay dawlado shisheeye iyo shirkado calooshood u shaqaysta yaal ah oo Madaxwayne Cabdiwali Gaas uu isagu dullaal ka yahay, laakiin dadka deer Puntland aysan waxba ka intifaacsan. Halkan ka akhri faah-faahin ku saabsan musuq-maasuqa hareeyay xukuumadda Cabdiwali Gaas (runaway corruption, nepotism, and inefficiency) by Dr. Abdullahi Y. Muse, (Abdiwali Gaas a shameless incorrigible betrayer of his nation), (Gaas-and-the-floundered-presidency) sida ay ku qoreen website-ka Wardheernews, Osman Hassan, iyo Faisal Rooble. Ballanqaadyadii uu Madaxwayne Gaas fulin waayay Madaxwayne Cabdiwali Gaas wuxuu buriyay ballamihii uu galay dhammaadkii 2013-ka markii uu u tartamayay madaxwaynanimada. Tusaale ahaan wuxuu ballan qaaday inuu xorayn doono goballada (Sool, Sanaag, iyo Cayn) oo Somaliland ka haysato Puntland, inuu mashaariic horumarineed oo dhaqaalaha gobolka kor u qaada hirgalin doono, inuu tayada waxbarashada kor u qaadi doono, inuu ammaanka sugi doono. Laakiin ballanqaadka ugu wayn ee uu ku fashilmay Madaxwayne Gaas waxuu ahaa kan uu yiri dib isuma soo sharrixi doono doorashada 2019-ka. Waraysiyo laga qaaday Madaxwaynaha sanadihii 2014 ilaa 2017-kii wuxuu isagoo kalsooni muujinaya si cad u sheegi jiray inuusan dib dambe isu so sharrixi doonin marka waqtigiisu dhamaado. Wuxuu dhihi jiray aniga ujeeddadaydu ma aha jago, ama lacag ee waxa keliya ee aan rabaa waxa weeye inaan hormariyo dhaqaalaha, waxbarashada, iyo amaanka Puntland, iyo inaan dhallin yarada shaqo u abuuro, musuqana la diriro, horumariyo nidaamka dawlad wanaagga, iyo sarraynta iyo ka dambaynta sharciga. Madxwaynuhu wuxu yiri, wax kaleba yeelkoode haddii aan fulin waayo ballanta ah hal-qof-hal-cod, inaan noqon doono qof xukunkiisu fashilmay. Halkan ka dhagayso Ballamihii uu galay Madaxwayne Gaas 2014-kii laakiin uu ku fashilmay. Markii la gaaray 2018-kii ayuu bilaabay inu dhaho markii la gaaro xilliga doorasada ayaan sheegi doonaa inaan mar kale tartami doono iyo in kale. Hadda oo la gaaray xilligii doorashada, wuxuuna Madaxwayne Gaas ku dhawaaqay 18-kii December 2018 inuu dib isu soo sharraxay (Gaas oo ku dhawaaqay inuu mar kale isa sharraxayo ) iyadoo aysan jirin wax mashaariic ah oo uu sameeyay oo sababi kara in dib loo soo doorto, isla markaana aan u aaba yeelin ballamihii uu hore u qaaday oo uu fulin waayay. Waxaa is waydiin leh ma la rumaysan doonaa wax dambe oo uu sheego Madaxwayne Gaas iyo ballan dambe ee uu qaado maadaama uu ka baxay ballamihii hore oo dhan, kuwaasoo uu isagu afkiisa isku xukumay inu noqonanyo qof fashilmay haddii uu fulin waayo!!! Dambiyo waa-wayn oo Madaxwayne Gaas ka galay Puntland/Soomaaliya Boobka Khayraadka Puntland Puntland waxaa ka buuxa khayraad tiro badan oo aan wali la soo saarin kuwaasoo ay ka mid yihiin kalluun, shidaal, iyo macaadin kala duwan oo kulligood ah gancsi gal. Sidaasoo ay tahay dhaqaalaha Puntland aad ayuu u hooseeyaa, dhallinyaradii waxaa haysta shaqo la’aan baahsan, tayada nolosha dadkuna aad bay u liidataa. Sababtuna waxay tahay khayraadka Puntland waxaa si sharci darri ah u qaata dawlado shisheeye iyo shirkado calooshood u shaqaysta yaal ah. Wa ayaan darro in masuuliyiinta ay ku qanacdo inay qaataan lacag yar oo markay ugu badato gaaraysa dhowr malyan oo dollar halka waddamada iyo shirkadaha shisheeyuhu ay ka la baxaan Puntland khayraad gaaraya balaayiin dollar. Maxaa laga qabtay dekaddii Boosaaso? Waxaa kale oo is waydiin leh maxaa laga faa’iday dekeddii Boosaaso ee uu ku wareejiyay Imaaraatka. Waxay ahayd in shaqada lagu bilaabo sannad gudihiis. Labo sano ku dhowaad ka dib, wax horumarin ama dhisma ah lagama qaban dekadda Boosaaso. Halka ganacsatada lagu kordhiyay canshuurihii laga qaadi jiray badeecooyinka ka soo dega dekedda. Waxaa la dhihi karaa cidda keliya oo ka faa’idday waa shirkadda la wareegtay maamulka dekadda. Lunsasho hanti guud Cabdiwali Gaas aad baa loogu han waynaa markii la doortay 2014-kii waxaaana la filayay inuu noqdo hoggaamiye horumariya Puntland isagoo adeegsanaya qoonta iyo khibradda uu sheegtay inuu u leeyahay maamul wanaagga (good governance), kobcinta dhaqaalaha, uruurinta canshuuraha, iwm. Hase yeeshee, shantii sano ee uu xukunka hayay waxaa lagu eedeeyay inuu si gaar ah u lunsaday hanti badan oo dalal dibadda ah (sida Kenya, Zambia, Ethiopia, iyo UAE) uu gaystay. Gaas wuxuu soo gatay warshad lagu sameeyo lacagta Shilling Soomaaliga. Cabdiwali Gaas wuxuu Puntland iyo Soomaaliyaba ka galay hal dambi oo aad u wayn, kaas oo curyaamiyay dhaqaalihii Puntland, sababayna in ganacsatadii reer Puntland ay isaga cararto Puntland maadaama ayasan la tartami karin ganacsatada isticmaasha dekadaha Berbera iyo Muqdisho. Samaynta lacag sharci darro ah waxay keentay in sicir barar xad dhaaf ah ku yimaado badeecooyinkii yaallay suuqa, isla markaana uu qiimo jabo wayn ku yimaado Shilling Soomaaligii. Waxaa is waydiin leh sidee u dhici kartaa inuu lacag sharci darro ah daabacdo nin ku faanaya inuu ku takhasusay cilmiga dhaqaalaha. Dawladda ugu awood ciidan iyo dhaqaale wayn dunida maanta aan ku nool nahay wa tan Maraykanka iyadana Madaxwaynaheedu awood uma leh inuu soo gato warshad lacagta lagu sameeyo oo markii uu rabo ku daabacdo wixii lacagoo uu u baahdo. Cabdiwali Gaas wuxuu mudan yahay in maxkamad sharci la hor keeno oo uu xabsi u galo lacagta uu sida sharci darrada u samaystay iyo bur-burka dhaqaale eeka dhashay arrintaas. Since Mr. Gaas is a Somali native and a naturalized U.S. citizen, he is subject to criminal justice laws in both countries. Printing fake money is a serious crime anywhere in the world. Therefore, both the U.S. government and the Somali government are under legal obligation to bring Mr. Gaas to a court of law for printing counterfeit Somali Shilling notes. Ma aha in Cabdiwali Gaas lagu abaal mariyo in mar kale la soo doorto si uu u sii lunsado hanti kale, dhaqaalaha Puntland u baabi’iyo. Yaa faa’iida ku qaba in Cabdiwali Gaas dib loo soo doorto? Dadka keliya ee faa’idada ku qabi kara in dib loo soo doorto Cabdiwali Gaas waa dadka hadda u shaqeeya xukuumaddiisa. Waxayse san ogayn in haddii Cabdiwali Gaas dib loo soo doorto aan wax badan iska baddali doonin dhismaha dawladdiisa. Isla waziirada, ku xigeenada, agaasimayaasha, shaqaalaha madaxtooyada, iyo madaxda ciidamada ee hadda la shaqeeya xukuumaddiisa ayay u badan tahay inay soo noqdaan. Waxa laga yaaba inuu dhowr waziir midba mid kale ku baddalo, umana badna inuu wajiyo badan oo cusub ku soo kordhin doono dhismaha dawladdiisa. Sidaa awgeed dadka u hanqal taagaya inay jago ka helaan dawladdiisa haddii dib loo soo doorto way ku hungoobi doonaan. Dhanka kale, haddii Madaxwayne cusub la soo doorto, wuxuu soo dhisi doonaa dawlad hor leh oo ay hoggaaminayaan wajiyo cusub oo ka kala imaanaya qaybaha kala duwan ee bulshada Puntland. Sidaa awgeed, qofkii rajo ka qaba inuu ka mid noqdo maamulka shanta sano ee soo socota waxaa u fursad wanaagsan inuu tageero murashax cusub. Yaa badbaadin kara Puntland Puntland waxa badbaadin kara qof ay ku wayntahay: Waddani aamninsan midnimada iyo horumarka Soomaaliya ka han iyo himilo wayn dan gaar ah aan rabin inuu boobo hantida guud , laaluushna qaadan khibrad u leh maamul wanaag , lehna ammaano iyo hufnaan iskala sarreeya ku dhaqanka qabyaaladda aan xigaalo iyo xidid si sharci darro ah u naas nuujin leh shakhsiyad wanaagsan, dhaqan wanaagsan, aqoon sare, iyo cadaalad. Markii aan aad u daraaseeyay murashixiinta hadda tar-tamaya oo dhan waxaan si kalsooni buuxda ku jirto u oran karaa, qofka keliya ee leh sifooyinkaas kor xusan oo dhan iyo kuwa kale oo badan oo iyaguna wanaagsan, inuu Cali Xaaji Warsame yahay nin si buuxda ugu qalma inuu hoggaamiyo Puntland iyo waliba Soomaaliyaba. Maxay u tar-tamayaan murashixiin badan oo og inaysan guulaysanayn? Qaar badan oo murashixiinta ka mid ah way og yihiin inaysan soo baxayn laakiin waxay rabaan inay qalqaalsadaan oo ay ka helaan dawaladda cusub jagooyin: sida waziir, ku xigeen waziir, agaasime, ama wax la mid ah. Qaar kalena waxaa tar-tanka soo geliyay Cabdiwali Gaas si uu ugu kala jabiyo awoodda qaar ka mid ah murashixiinta leh furasad fiican inay guulaystaan. Taageero ku salaysan mabda’ Badanaa taageerada dadkeenu waxay ku salaysan tahay saaxiibtinimo, qabiil, ama dan gaar ah. Laakiin anigoon la qabiil ahayn, dan gaar ahna ka lahayn taageeriddiisa, ayaan haddana waxaan ku taageerayaa murashax Cali Xaaji Warsame, fikir, ama qadiyad aan aamminsahay inaan wadaagno darteed. Qaddiyaddaas oo ah ilaalinta midnimada iyo wada jirka dalka iyo dadka Soomaaliya, dhisidda xukuumad loo dhan yahay oo aan ku salaysnayn qabiil iyo qof jeclaysi, iyo danta guud oo laga hormariyo tan gaarka ah. waxaan aamminsanahay in murashaxiinta hadda tar-tamaya uusan ku jirin mid ka daacadsan, ka waddanisan, ka ethics wanaagsan, ka khibrad shaqo wanaagsan, ka aqoon maamul wanaagsan, kana ammaano wanaagsan murashax Cali Xaaji Warsame. Cali Xaaji Warsame wuxuu waxbarashadiisa ilaa heerka kowaad ee jaamacadda (Bachelor) ka dhigtay machadkii SIDAM, ka dibna MBA ayuu ka qaatay American University in London, UK. Wuxuu maamule ka noqday dekadda Boosaaso, ka dibna wuxuu CEO ka noqday shirkadda is gaarsiinta ee Golis. Ka dib wuxuu wasiirka waxbarashada ka noqday Puntland. Dadkii la shaqeeyay waxay isku raceen inuu yahay nin leh ammaano, karti, aqoon, iyo dhaqan wanaagsan. Xiriirka Puntland iyo dawladda dhexe Dadka reer Puntland waxay rabnaa in Puntland uu madaxwayne ka noqdo qof xiriir wanaagsan la yeelan kara dawladda dhexe ee Soomaaliya waayo haddii Soomaaliya bur-burto, Puntland ma dhisnaan karto. Waxaa dadka Soomaaliyeed dhibay madaxwayne maamul goboleed oo hadba ku hanjabaya inuu xiriirk u jarayo dawladda dhexe. Asal ahaan yaa masuul ka ah doorashada madaxada xun Eedda doorashada madaxda xun waxa marka koowaad leh xildhibaanada laaluushka ku soo baxa dabadeedna doorta murashaxii lacagta ugu badan siiya, waxaa kale oo eedda qayb lixaad leh ka ah oday dhaqameedyada soo ansixiya xildhibaanadaas. Haddii xildhibaanadu ahaan lahaayeen waddaniyiin ka damqanaya bur-bur iyo dib u dhaca soo gaara Soomaaliya, codkooda laaluush kuma gateen. Waxay marag ma doonta ah in inta badan xildhibaanada Puntland ah jeebkooda waxa gala uga muhiimsan tahay horumarka waddankooda, diintooda, iyo dadkooda. Taasina waa ayaan darro ku habsatay Soomaaliya oo dhan gaar ahaan Puntland. Xalku waa in la gaaro qof-iyo-cod si laaluush ku soo bixiddu meesha uga baxdo. Gaba-gabo Gaba-gabadi waxaan xildhibaanada ka codsanaynaa inaysan nagu soo celin Cabdiwali Gaas iyadoo ay jiraan murashixiin kale oo aad uga waddanisan, uga daacadsan, uga turid badan Soomaaliya, kanana ammaano wanaagsan is ilaalin wanaagsan. Haddii Cabdiwali Gaas dib loo soo doorto sii jiritaanka Puntland shaki wayn baa ku jira waayo dhinac dhulkeedii waxaa ku soo fiday oo xoog ku qabsaday Somaliland, dhanka kalena bur-bur dhaqaale, isku dhac beeleed, iyo musq-maasuq baa ku habsaday Puntland. Waxaan leenahay u hiiliya carruurtiina iyo carruuraha ay dhali doonaan. Allaha wayn waxaan waydiisanaynaa inuu Puntland madaxwayne uga dhigo kii danta dalka iyo dadka ku jirto. W/Q: Axmed Bashir Email: bashir1631@gmail.com Twitter: @bashir1631 Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid