-
Content Count
211,244 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2019, kaddib markii ay ansixiyeen Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Madaxwenaha ayaa ku bogaadiyey Xildhibaannada Golaha Shacabka sida xilkasnimada leh ee ay u guteen waajibaadka dastuuriga ah ee kaga aaddanaa qiimeynta iyo gorfeynta miisaaniyadda sannadlaha ah ee Dowladda oo ay ku ansixiyeen cod aqlabiyad leh. Madaxweyne Farmaajo oo dul-istaagay kororka miisaaniyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faray Xukuumadda in ay xoogga saarto dardargelinta adeegyada bulshada, kobcinta fursadaha shaqo ee dhallinyarada iyo xaqiijinta amniga muwaadiniinta Soomaaliyeed. “Kobaca dakhliga dalka waxa uu markhaati ka yahay miro-dhalka qorsheyaasha ku qotoma ladagaallanka musuqmaasuqa, sidaas darteed waa in isbeddel muuqda aan ka sameyno dhinacyada adeegga bulshada, amniga iyo hirgelinta kaabeyaasha dhaqaalaha, si dadkeennu ay u helaan nolol wanaagsan.” Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa tilmaamay in miisaaniyaddani ay ka markhaanti kacayso dadaalka wadajirka ah ee shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay ugu jiraan dib-u-dhiska dalkooda. “Miisaaniyaddan qaybta ugu badan waxa ay ku suntan tahay dakhligeenna gudaha, taas oo muujinaysa kartideenna iyo sida ay nooga go’an tahay in dalkeennu uu la jaanqaado dalalka kale ee caalamka, isla markaana uu gaaro maqaamka iyo maamuuska uu mudan yahay.” Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhaqaalyahannada Soomaaliyeed diyaarinta iyo jaangoynta miisaaniyad waxtar u leh dadka iyo dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Madaxda Puntland, gaar ahaan maamulka Cabdiwali Gaas ee hadda xukunka haya waxay caan ku noqdeen wax qabad xumo, musuq-maasuq, qof iyo qabiil jeclaysi, isla xisaabtan la’aan, iyo maamul xumo,. Intaas oo dhibaato markay is biirsadeen waxay keeneen bur-bur dhaqaale, sicir barar, qiimo jab ku yimid shilling Soomaaliga, ammaan xumo, waxbarasho aan tayo fiican lahayn, colaad ka dhex aloosanta beelaha wada dega , iyo in khayraadkii waddanka si sharci darro ah shisheeye gacanta loogu galiyay. Waxaase gaar u ah Madaxwayne Cabdiwali Gaas inuu oofin waayay ballamihii uu galay dhammaadkii 2013-ka markii uu tartamayay. Tusaale ahaan, wuxuu ku fashilmay inuu hirgaliyo nidaamka qof-iyo-cod, inuu xorayn waayay goballada Sool, Sanaag, iyo Cay oo Somaliland xoogga ku qabsatay, iyo ballantii ahayd inuusan dib isu soo sharrixin doonin marka shantiisa sano dhamaato. Warshadda samaysa lacagta Cabdiwali Gaas wuxuu Puntland iyo Soomaaliyaba ka galay hal dambi oo aad u wayn, kaas oo curyaamiyay dhaqaalihii Puntland, sababayna in ganacsatadii reer Puntland ay isaga cararto Puntland maadaama aysan la tartami karin ganacsatada isticmaasha dekedaha Berbera iyo Muqdisho. Since Mr. Gaas is a Somali native and a naturalized U.S. citizen, he is subject to criminal justice laws in both countries. Printing fake money is a serious crime anywhere in the world. Therefore, both the U.S. government and the Somali government are under legal obligation to bring Mr. Gaas to a court of law for printing counterfeit Somali Shilling notes and thus destroying the Somali economy. Yaa badbaadin kara Puntland Alle ka sokow, Puntland waxa badbaadin kara qof: Aqoon iyo khibrad dheeri ah u leh kobcinta iyo maaraynta dhaqaalaha Ah waddani ay ku wayntahay midnimada iyo horumarka Soomaaliya Aan lahayn dan gaar ah, lehna han iyo himilo sare aan rabin inuu lunsado hantida guud leh amaano isla markaana aan rabin inuu qaato laaluush khibrad u leh maamul wanaag iskala sarreeya ku dhaqanka qabyaaladda dadku u siman yihiin, xidid iyo xigaalana aan si sharci darro ah ku naas nuujin leh shakhsiyad iyo dhaqan wanaagsan Waa kuma Dr. Cali Ciise Cabdi? Ugu horrayn, Dr. Cali Ciise Cabdi wuxuu leeyahay sifooyinka kor ku xusanb oo dhan iyo kuwa kale oo iyaguna sidoo kara bed-baadin kara dhaqaalaha, iyo dawladnimada Puntland. Inkasa oo uusan wali ku dhawaaqin, haddana waxaa cad in Dr. Cali Cisse Cabdi uu isu soo sharrixi doono tartanka madaxwaynenimada Puntland. Dr. Cali Ciise Cabdi wuxuu dugsiga hoose/dhexe/sare ka dhigtay waqooyiga Soomaaliya, ka dibna wuxuu magaca dawladda Soomaaliya ku helay deeq waxbarasho oo ay bixisay dawladda Maraykanka. Wuxuu galay Jaamacadda Washington Universty ee ku taal St. Louise, Missouri halkaas oo uu ka bartay cilmiga dhaqaalaha, kana qaatay shahaadooyinka Bachelor/Master/PHD isla jaamacaddaas. Meelihii uu ka soo shaqeeyay waxaa ka mid ahaa Bankigii waynaa ee la oran jiray CitiBank, Bankigii dhexe ee Soomaaliya, Bankiga adduunka, iyo IMF-ta. Wuxuu la taliye xagga dib u dhiska dhaqaalaha u noqday in ka badan 30 waddan oo ay ka mid yihiin Uganda, Tanzania, Ethiopia, Jamaica, iyo Soomaaliya. Haddana wuxuu madax u yahay gudii khubaro ah oo dawladda Soomaaliya ka la taliya arrimaha dhaqaalaha. Waddamadii uu la shaqeeyay badankoodu waxay ku guulaysteen inay ballaariyaan, sarana u qaadaan dhaqaalahooda. Dr Cali Ciise Cabdi, ma aha nin doonaya lacag ama jago, si raaxo leh buu addunka meeshuu rabo ugu noolaan karaa noloshiisa inta ka dhimman, laakiin wuxuu rabaa inuu bad-baadiyo dalkiisa hooyo ee siiyay fursadda deeqda waxbarasho. Wuxuu rabaa inuu dalkiisa uga faa’ideeyo aqoonta sare ee uu u leeyahay cilmiga dhaqaalaha, gaar ahaan dib u dhiska, kobcinta, iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha. Soomaaliya iyada ayaa u baahan Dr. Cali Ciise Cabdi iyo dadka la midka ah. Maxa caqabad ku noqon kara in Dr. Cali Ciise guulaysto Inkasta ay u egtahay in dadka reer Puntland ay ka bislaadeen qabiil indho la’aan lagu taageero, haddana qaar ka mid ah dadka wax fallaanqeeya ayaa waxay aammin san yihiin in caqabadda ugu wayn ee soo wajihi karta ay tahay in beelaha qaarkood mideeyaan codkooda si xukunku uusan uga bixin gacantooda. Waxaan anigu u malaynayaa in xildhibaanada wax dooranaya ay garan karaan qofka danta u ah Puntland, codkoodana aysan ku salayn doonin qabiil. Caqabad kale waxay noqon kartaa eedayn lagu eedeeyo inuu ka mid ahaa asaasayaashii Khaatumo. Aragtida ah in asaasidda Khaatumo ay dhib ama lid ku tahay Puntland waa aragti meel dhow wax ka eegaysa. Sida bandanna dadka Soomaalidu meel dhow bay wax ka fiiriyaan oo had iyo jeer qabiil iyo dan gaar ah bay ka hormariyaan danta guud iyo mustaqbalka carruurtooda. Maamul loo sameeyo Khaatumo wuxuu fure iyo horseed u noqon karaa midnimada iyo wadajirka Soomaaliya. Wax kasta oo keenaya inay Soomaaliya midaysnaato oo sharafteedii qaranimo soo ceshatana waa wax loo baahan yahay in juhdi lagu bixiyo. Dadka reer Khaatumo waa dad ay aad ugu wayn tahay midnimada Soomaaliya. Dr. Cali Ciise Cabdi wuxuu ka soo jeedaa degaanka Sool, wuxuuna qayb libaax ka qaadan kara nabadaynta iyo horumarinta dhaqaalha Soomaaliya oo dhan, gaar ahaana Puntland. Gaba-gabo Gaba-gabadii waxaan xildhibaanada ka codsanaynaa inaysan nagu soo celin Cabdiwali Gaas iyadoo ay jiraan murashixiin kale oo aad uga aqoon wanaagsan, uga waddanisan, uga daacadsan, uga turid badan Soomaaliya, ugana ammaano wanaagsan. Haddii Cabdiwali Gaas dib loo soo doorto sii jiritaanka Puntland shaki wayn baa ku jira waayo dhinac dhulkeedii waxaa ku soo fiday oo xoog ku qabsaday Somaliland, dhinaca kalena bur-bur dhaqaale, isku dhac beeleed, iyo musq-maasuq baa ku habsaday Puntland. Waxaan xildhibaanada ka codsanaynaa inay u hiiliya carruurta Soomaaliyeed ee dhalan doona qarniyada soo socda. Allaha wayna waxaan waydiisanaynaa inuu waafajiyo xildhibaanada inay soo doortaan qof ka wanaagsan madaxdii hore ee dibu dhaca u keenay Puntland. Qof ka damqanaya dhibaatada iyo dhaqaala xumada haysata dadka reer Puntland. Qof aan dadka ku kala soocin kuna kala soka marsan qabiil iyo qof jeclaysi. Eebbow guusha sii kan danta dadka iyo dalka ka shaqayn doona. W/Q: Axmed Bashir; Email: bashir1631@gmail.com ; Twitter: @bashir1631 Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Sannadkii dhammaaday ee 2018, Soomaaliya waxaa ka dhacay dhacdooyin saameyn reebay, kuwaasoo isugu jira, kuwo siyaasadeed, amni, bulsho iyo arrimo kale oo saameyn leh. Puntland, 2018 7 January, 2018: Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ku yimid booqashadiisii ugu horeeysay intii uu kusoo biirey siyaasadda magaalada Garowe xarunta Puntland waxaana kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Garowe oo markaa cusbaa Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ,goloyaasha kala duwan ee Puntland, masuuliyiin ka tirsan federaalka iyo dadweyne aad u fara-badan. Soo dhaweynta Madaxweyne Farmaajo ayaa kusoo beegantay diyaar garow loogu jiray furitaanka garoonka diyaaradaha magaalada Garowe iyo xuska sanad guuradii 4aad 8 January 2018 oo ku beegnayd maalintii la doortey Madaxweyne Cabdiweli Gaas. 8 January, 2018: Magaalada Tukaraq ee gobolka Sool oo Kastam iyo fariisin ciidan u ahayd Puntland muddo, waxaa xilli arooryo hore ahayd gacanta ku dhigay ciidamo ka tirsan maamulka Somaliland, kadib dagaal kooban oo halkaas ka dhacay, Tukaraq waxay xarunta Puntland ee Garowe u jirtay wax ka yar 70KM. 8 January, 2018: Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa si wada jir ah u faah-furay garoonka diyaaradaha Garowe oo maalintaas loogu magacdaray Janaraal Maxamed Abshir Muuse. 27 February, 2018: Dowladda Maraykanka ayaa liiska argagixisada ku dartay hoggamiye sare oo ka tirsan kooxda Daacish ee ku sugan buuraleeyda gobolka Bari ee Puntland oo lagu magacaabi jiray Mahad Macallin, sidoo kale Maraykankan iyo sirdoonka Puntland ayaa bishii October 2018 sheegay in Mahad lagu dilay magaalada Muqdsho. 15 May, 2018: Dagaal culus oo soconayay in ka badan 10 saac oo xiriir ah ayaa deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ku dhexmaray ciidamada Puntland iyo Somaliland, waxaana ka dhashay khasaase baaxad weyn oo isugu jira dhimasho, dhaawac, maxaabiis iyo gaadiid dagaal oo la kala qabsaday. 23 May, 2018: Xildhibaan Cabdixakiim Daahir Macalin oo kamid ahaa mudanayaasha Baarlamaanka Puntland iyo mid kamid ah ilaaladiisii ayaa xilli habeen ah kooxo hubeysan ku dileen magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug. 24 May, 2018: Mar kale deegaanka Tukaraq waxaa ka dhacay dagaal dhexmaray ciidamada Puntland iyo Somaliland, waxaana ka dhashay khasaare tira badan oo labada dhinac kala gaarey, sidoo kale marar badan oo xiligaas ka dambeysay waxaa deegaankaas ka dhacay weeraro gaadmo ah oo khasaare ka dhashay, waxay laba ciidan wali isku hor-fadhiyaan deegaankaas oo ay ka jirto nabad aan cago ku taagnayn. 29 July, 2018: Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Khayre iyo wafdi uu hogaaminyo ayaa soo gaaray magaalada Garowe ee xarunta Puntland, waxaana loogu sameeyay soo dhaweyn weyn, Khayre ayaa maalmo ku sugnaa Puntland, waxaana ka dhacay intii uu joogay shirka Golaha Wasiiradda Soomaaliya, sidoo kale wuxuu booqday Qardho. 25 October, 2018: Shir muddo afar beri ahayd uga socday magaalada Garowe madaxda afarta dowlad goboleed ee Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayay ku sameysteen xisbi siyaaasadeed loogu magacdaray Horusocod Qaran (National Progressive Party), waxaana Guddoomiye ku meel gaara loogu doortay Cabdiwali Maxamed Cali Gaas. 24 November, 2018: Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cbadi ayaa socdaal ku yimi deegaanka Tukaarq ee gobolka Sool oo ay isku hor-fadhiyaan ciidamada Puntland iyo kuwa Somaliland, isagoo booqday taliska guud ee ciidamada Somaliland ay halkaasi ku leeyihiin. 3 December 2018: Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa magacaabay Guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta Golaha Wakiilada oo ahaa siddeed xubnood, saacado kadib magacaabistii Madaxweyne Gaas, waxaa isna Guddi kale magacaabay Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Camey, wuxuuna ku eedeeyay Gaas in uu baalmaray hab-raaca magacaabidda Guddigaas, khilaafka noocaan ah oo ugub ku ahaa Puntland ayaa markii dambe xal laga gaaray . 16 December 2018: Qoraal ka soo baxay kooxda Daacish oo lagu faafiyay wakaaladda taabacsan ee Amaq News, ayaa lagu sheegay in malayshiyaadkoodu weerar ku dileen 14 xubnood oo Al-shabaaba oo isku’ uruursanayey deegaanka Miiraale oo koonfur galbeed kaga beegan magaalada Qandala ee gobolka Bari. Daacish iyo Al-shabaab oo 2018 ku xoogeystay gobolka Bari ee Puntland ayaa dilal u geystay ganacsato, arday iyo askar magaalada Boosaaso, waxayna sidoo kale ganacsiga Boosaaso ku soo rogeen lacago ay ku sheegeen canshuur. 31 December, 2018: Ugu dambeyna Guddigii xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka ee Puntland ayaa ku dhawaaqay lixdan iyo lixda xubnood ee Golaha wakiilada cusub, waxaana golahaas kuwii hore ka soo noqday toban iyo todoba nubnood, halka hal xubin oo kaliya ay dumar tahay. Koonfurta Soomaaliya 3 January, 2018: Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Khayre ayaa xilalkii ka qaaday saddex Wasiir oo kala ahaa, Wasiirkii Arrimaha Gudaha, Yuusuf Garaad. Waxaana lagu bedelay Axmed Ciise Cawad, Wasirkii Arrimaha Gudaha, Cabdi Faarax Siciid (Juxa) oo lagu bedelay, Cabdi Maxamed Sabriye iyo Wasiiraddii Ganacsiga Khadro Axmed Ducaale oo lagu bedelay Maxamed Cabdi Xayir [Maareeye]. 21 January, 2018: Madaxweynaha Soomaaliya ayaa guddoomiyaha Gobolka Banaadir u magacaabay C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow iyo guddoomiye ku xigeenadiisa, kaddib markii xilka laga qaaday guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, Taabid Cabdi Maxamed. 6 February 2018: Maxkamadda darajada Koowaad ee ciidamada Xoogga dalka ayaa xukunno ku ridday eedeysanayaal loo haystay Qaraxii ay dadka badan ku naf-waayeen 14-kii Oktoobar 2017-kii ka dhacay Isgoyska Zope ee Muqdisho. Waxaana lagu kala xukumay dil toogasho, xabsi-daa’in iyo xabsiyo dhawr sannadood ah. 23 February 2018: Xoogag ka tirsan Al-shabaab ayaa weeraray bar-koontarool oo ku taalla Isgoyska Sayidka iyo Hotel Dorbin oo ku yaalla KM-0, iyadoo Al-shabaab ay sheegtay in weerarkooda uu ku wajahnaa Madaxtooyada Soomaaliya, inkastoo la dilay xoogaggii weerarkaas qaaday. 7 marcho, 2018: Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellada Hoose ayaa waxaa lagu dilay Wasiir u dowlihii Wasaaradda Amniga ee maamulka Koonfur-galbeed, C/qaadir C/raxmaan, waxaana la geeriyooday xildhibaan ka tirsan Barlamaanka Hirshabelle, Axmed Cabdi Faarax oo gaariga la saarnaa. 14 marcho, 2018: Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka u gudbiyay mooshin ka dhan ahaa guddoomiyhihii hore Baarlamaanka Maxamed Sh. Cismaan Jawaari, kaddib markii ay ku eedeeyeen inuu hareer maray dastuurka dalka u yaalla iyo xeerarka baarlamaanka. 8 April, 2018: Diyaarad lacag u siday safaaradda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho ayaa lagu qabtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, lacagtaas oo tiradeeda lagu sheegay ku dhawaad 10-milyan oo doollar. Inkastoo lasii daayay lacagtaas haddana waxay xumeysay xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, iyadoo ugu dambeynna ay Imaaraadku ka guureen Muqdisho. 10 April, 2018: Guddoomiyihii Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan [Jawaari] ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu hayay, kaddib wadahadallao kala duwan oo uu la yeeshay madaxda dalka. Wuxuuna sheegay inuusan wax dhaqaale ah ku aadan is-casilaaddiisa, balse uu u daneynayo jiritaanka Baarlamaanka DF iyo sii socoshada hawlaha uu u hayo shacabka Soomaaliyeed. 10 April, 2018: Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa loo doortay Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Soomaaliya, Mursal Maxamed Sheekh C/raxmaan, kaddib markii uu ka adkaaday musharraxii dhawr ah oo la loo lamay, isagoo illaa hadda haya xilka guddoomiyaha baarlamaanka. 3 May, 2018: Koox dabley ah ayaa xarunta hay’adda ICRC ka afduubay haweeney samafale ah oo u dhalatay dalka Jarmalka. Iyadoo afduubka haweeneydan uu dhacay xilli habeen ah, ayna si xooggan kaga saareen xarunta iyagoo ku qaatay gaari u taagnaa illinka hore ee xarunta. 9 May, 2018: Al-shabaab fagaare ku yaalla deegaanka Sablaale ee Gobolka Shabeellada Hoose ku dilay haweeney lagu magacaabi jiray Shukri C/llaahi Warsame oo 31-jir ay ahayd ay sheegeen inay isku mar guursatay 11 Rag ah, ayna isku mar qabtay sagaal rag ah ayna dhashay siddeed caruur ah, waxaana dilkeeda loo adeegsaday dhagax. 27 May, 2018: Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa xilkii ka qaaday guddoomiyihii hore ee maxkamadda sare, Ibraahim Iidle Suleymaan, wuxuuna xilkaas u magacaabay Avv. Baashir Yuusuf Axmed, isagoo sheegay in magacaabistan uu sameeyay isagoo tix-gelinaya cabashada shacabka Soomaaliyeed, si loo helo garsoor hufan oo cadaalad ah, uuna go’aansaday in isbedel lagu sameeyo garsoorka, si shacabku ay u helaan garsoor la isku halleyn karo. 5 Jun, 2018: Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Hirshabelle ayaa lagu dilay weerar gaadmo ah oo ka dhacay waddada isku xigta Muqdisho iyo Jowhar, xilli ay ku socdeen xarunta maamulka Hirshabelle. Waxaana labada xildhibaan lagu kala magacaabi jiray; Ismaaciil Muumin Hilowle iyo Sheekh Daahir Mukhtaar, waxaana lala dilay guddoomiye ku xigeen ka tirsan maamulka Hirshabelle. 9 Jun, 2018: Dowladda Maraykanka ayaa qiratay in Askari looga dilay mid kalena looga dhaawacay gudaha Soomaaliya, kaddib markii ay weerareen saldhiga ay Kooxda Al-shabaab ku lahayd degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose, iyagoo gacan siinayay ciidammo Soomaali ah oo weerar qorsheysan ku qaaday saldhig ay Kooxda Al-shabaab ku lahayd dulleedka degmadaas. 16 Jun, 2018: Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa safar ku yimid Muqdisho, iyadoo si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha, waxaana uu heshiis dhawr qodob ka kooban xarunta madaxtooyada kula saxiixday Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, isga oo isla maalintaas ka duulay Muqdisho. 7 July, 2018: Al-shabaab ayaa qaraxyo la beegsaday xarumaha wasaaradaha Amniga iyo Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya, waxaana qaraxyadaas lagu dilay in ka badan 15-qof oo isugu jiray shaqaalaha wasaaradaha iyo askar ka tirsan ciidamada dowladda ee ilaalinayay xaruntas. Iyadoo kooxihii weerarkaas qaadayna la dilay dhammaantood. 29 July, 2018: Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in la baabi’iyay hay’addii nabad-sugidda Qaranka ee gobolka Banaadir, iyadoo ciidamadii ka hawl-galayay Muqdisho ee nabad-sugidda ahaa lagu kala daray millateriga iyo booliiska Soomaaliya, waxaana taliyihii nabad-sugidda gobolka Banaadir Soomaaliya, Saadaq Joon loo magacabaay taliyaha guud ee booliiska gobolka Banaadir. 25 August, 2018: Taliye ku xigeenka waaxda dambi-baarista Dowladda Soomaaliya, Bashiir Nuur Geeddi, ayaa sheegay in la xir-xiray 28-qof oo isugu jiray saraakiil iyo xubno ka tirsan shaqaalaha dowladda Soomaaliya, kuwaasoo lagu eedeeyay inay ku kaceen musuqmaasuq, waxaana ka mid ahaa madaxdii waaxda canshuuraha ee Dekedda Muqdisho iyo shaqaale kale oo qaarkood lagu xukumay xabsiyo aan isku mid ahayn. 30 August, 2018: Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa dalka dib ugu soo laabtay, kaddib markii uu muddo sannad ka badan maqnaa, wuxuuna sheegay in soo laabashdiisa ay xudun u tahay inuu xog-ogaal u noqdo hawlaha ka la duwan ee ka socda Muqdisho iyo qabo ka mid ah dalka. 11 September, 2018: Magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Galmudug, Waxaa ka billowday khilaaf muddo jiitamayay, kaasoo keenay in xilalkii siyaabo kala duwan looga qaado madaxweynaha maamulkaas, guddoomiyaha iyo weliba xubon kale oo ka tirsan maamulka Galmudug, iyadoo aan illaa hadda la xallin khilaafkas. 4 October, 2018: Sheekh Mukhtaar Roobow Cali oo kasoo goostay Al-shabaab ayaa isku sharraxay xilka madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed, wuxuuna ka mid ahaa tiro musharraxiinta oo xilka isku soo taagay, inkastoo Xukuumadda Soomaaliya la sheegay iay ka dalbatay inuu tartanka ka baxo. 14 October, 2018: Maxkamadda Ciidamada qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa xukun dil ah ku fulisay, Xasan Aadan Cali oo 32 jir ahaa oo loo haystay qaraxyadii ka dhacay Isgoyska Zope ee Xamar oo ay ku naf-waayeen in ka badan 500-qof, ayna ku dhaawacmeen dad intaas ka badan, kuwaasoo intooda badan ahaa shacab aan waxba galabsan. 7 November, 2018: Madaxweynihii maamulka Koonfur-galbeed Soomaaliya ayaa iska casilay xilkii madaxweynaha iyo musharraxnimadii doorashada maamulkaas Koonfur-galbeed, kaddib markii uu cadaadis xooggan kaga yimid xukuumadda Soomaaliya oo la sheegay inay wadato musharraxii ku guuleystay doorashada madaxnimo ee Koonfur-galbeed, C/casiis Lafta-gareen. 26 November, 2018: Labo qarax oo waaweyn ayaa ka dhacay xarun uu lahaa wadaad lagu magacaabo Cabdiweli Cali Cilmi Yare oo ku taalay Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee Galmudug, waxaana ku dhintay ku dhawaad 20-ruux oo shacab ah oo ay carruur iyo haween ka mid yihiin. 27 November, 2018: Guddi uu Aqalka sare ee Barlamaanka Soomaaliya uu u xil-saaray soo af-jaridda khilaaf u dhexeeyay dowladda Federaalka iyo maamul-goboleedyada dalka ka jira, kaasoo sababay inuu go’o xiriirkii wada-shaqeyneed ee ka dhexeeyay dowladda dhexe iyo dowladaha qaybta ka ah Federaalka Soomaaliya. 13 December, 2018: Ciidammo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ee ku sugan Baydhabo ayaa xiray Mukhtaar Roobow oo kamid ahaa musharaxiintii u taagnaa xilka madaxweyaha maamulka Koonfur-galbeed Soomaaliya, iyadoo ay dowladda Federaalka ku eedeysay wadaadka inuu buuxin waayay shuruudo ay horay ugu heshiiyeen. 22 December, 2018: Qaraxyo ka dhacay Muqdisho ayaa waxaa ku dhintay dad aad u fara badan oo uu kamid ahaa Wariye Cawil Daahir Salaad, waxaana qaraxyadaas ku dhaawacmay guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir, waxaana weerarkan ku dhintay saddex shaqaale oo ka tirsanaa Telefishinka Universal oo la socday Cawii Daahir. 24 December, 2018: Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa xukun dil ah ku fulisay C/qaadir Abuukar Shaacir oo lagu eedeeyay inuu mas’uul ka ahaa Qaraxyo dhawr ah oo ka dhacay Muqdisho, kuwaasoo ay ku dhinteen mas’uuliyiin ka tirsanaa Dowladda Dhexe iyo Maamul-goboleedyada iyo dadweyne kale. PUNTLAND POST, 2019 The post Dhacdooyinkii ugu waynaa Soomaaliya sanadkii tegay 2018 appeared first on Puntland Post.
-
Qaar kamid ah murashixiinta u tartamaya xilka madaxweynaha Puntland ee doorashada 8-da Jennaayo 2019 ayaa hambalyo iyo bogaadin hawada u mariyay xildhibaannada cusub ee Baarlamanka Puntland. Murashixiin ay kamid yihiin; Faarax Cali Shire,Khaliif Ciise Mudan,Siciid Cabdullaahi Deni, Cali Xaaji Warsame iyo Cali Cabdi Awaare ayaa hambalyo u diray xildhibaannada cusub ee Puntland,waxayna ugu baaqeen in ay si wanaagsan u gutaan waajibaadka loo idmaday. Dhinaca kale madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar(Camey) ayaa isna bogaadiyay xubnaha cusub ee Golaha wakiilada Puntland,isagoo kula dardaarmay in ay si hufan waajibkooda u gutaan. PUNTLAND POST The post Qaar kamid ah murashixiinta oo soo dhoweeyay Baarlamanka cusub ee Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Xarunta Xuquuqul Iinsaanka Madaxa Banaan Ee Somaliland Ee (HRC) Oo Soo Bandhigtay Warbixinteedii Sannadlaha Ahayd Ee Wixii Tacadiyo Iyo Xadgudubyo Somaliland Ka Dhacay + Kiisaska Ay Sannadkan Diwaangelisay Iyo Meelaha Warbixintu Xooga Saartay Guddaha Ka Akhri Warbixinta Oo Soo Bandhigtay Awoodaha Xad Dhaafka Ee Ciidanka Bileysku Isticimaalo Iyo Xogo Kale Oo Tacadiyadii Guddaha Somaliland Sannadkani Ka Dhacay Xarunta Xuquuqul Iinsaanka Madaxa Banaan ee Somaliland loona soo gaabiyo (HRC/Human Rights Centre), ayaa soo bandhigtay warbixinteedii sannadda 2018-ka oo ku saabsan wixii xad gudubyo iyo tacadiyo Xuuqda Aadahama ka dhan ah ee sannadan dhamaatay ka dhacday gudaha deegaanada kala duwan ee Jamhuuriyadda Somaliland ka dhacay. Shirkan ay Xarunta Xuquuqul Iinsaanka Madaxa Banaan ee Somaliland ee (HRC/Human Rights Centre), ay ku soo bandhigtay magaaladda Hargeysa warbixinteeda sannadlaha ahayd ee sannadkani dhamaaday ee 2018-ka ay ka soo diyaarisay wixii tacadiyo iyo falal ka dhan ah Xuquuqda aadamaha ee gudaha dalka ka dhacay, ayaa shirkani wax aka soo qaybgalay Masuuliyiin iyo wakiilo ka kala socday Hay’addaha Caalamiga, kuwa muxaliga ee u dooda una dhaq dhaqaaqa xuquuqda aadamaha ee gudaha Somaliland ka hawlgala, ururadda ka shaqeeya arimaha bulshadda, wakiila kale oo ka kala socday dhinacyada Garsoorka, Xeer Ilaalinta iyo Baarlamaanka ee Somaliland, waxaana warbixinta sannadlaha ee Xarunta (HRC) ay sannadkani 2018-ka ku soo bandhigtay heerka xuquuqda aadamaha iyo gabood falada laga galo ay xooga ku saartay xaruntu Kiisaska tacadiyada ay diwaangelisay oo ay ka mid yihiin xuquuqda xoriyatul hadalka, Kufsiyada oo tiro beelay, habdhaqanka Ciidanka Bilayska ee shacabka oo laga dayriyey iyo Xeerarkii dawladdii Afwayno oo ku dhaqankoodu dhibaato wayn ku hayo bulshadda reer Somaliland. Guddoomiyaha cusub ee Hay’adda Xuquuqul Iisaanka Somaliland Garya. Yaasiim Cumar Maxamuud, ayaa iyadu ugu horeyn furtay shirka warbixinta sanandlaha ah ay hay’adda ay madaxda ka tahay ku soo bandhigtay xad gudbubyadda ay diwaangeliyeen ee sannadkani dhamaaday ee 2018-ka Somaliland ka dhacay waxaanay tidhi “Run ahaantii aad ayaanu idiin soo dhaweynaynaa wakiilada hay’adaha Caalamiga iyo ururadda muxaliga ee u dooda Xuquuqda aadama hadii aad tihiin sida aad nooga la soo qaybgasheen shirkani sannadlaha ah ee aanu ku soo bandhigayno wixii aanu sannadkani dhamaaday ee 2018-ka diwaangelinay tacadiyadii iyo Kiisaskii kale ee xaquuqda aadama ka dhanka ahaa ee gudaha Somaliland ka dhacay, waxa kale oo aanu u mahadnaqaynaa dadkii kale ee hay’adan kala shaqeeyey Xogta ee suurogeliyey inay xogaha aanu maanta soo bandhigay hay’adani soo gaadhan, runtiina waxaynu shirkan maanta iskugu nimid in aanu soo bandhigno sidii caadada ahayd warbixintii sannad walba ay soo saari jirtay , waana warbixintii sannadkani sii gebo gebada ahaa ee sii dhamaanaya ee 2018-ka, runtii warbixintani ujeedadeedu waxay ku saabsan tahay ama ujeedkeedu uu yahay in dawladda iyo dadka reer Somaliland talo laga siiyo sidii loo horumarinlahaa loona loona kobcinlahaa , xaalada xuquuqul Iinsaan ee dalka Somaliland, waxaana warbixintan oo dheer faahfaahin inaga siinaya agaasimaha guud ee xarunta xuquuqul Iinsaanka madaxa banaan ee Somaliland Garya. Guuleed Axmed Jaamac oo aan ku soo dhaweynaayo in uu warbixinta inoo akhriyo. Agaasimaha guud ee Xarunta Xuquuqul Iinsaanka Madaxa Banaan ee Somaliland Guuleed Axmed Jaamac (Daafac) oo si buuxda ugu dheeraaday tacadiyada iyo gabood faladda Sannadkani hay’addoodu ka diwaangelisay inay guddaha Somaliland ka dhaceen waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Sidii Somaliland caadada u ahayd waxa jira dhibaatooyin doora oo dalka ka dhacay kuwaasi oo ay sababtay is waafaqsanaan la’aan ka dhaxaysa dastuurka Somaliland iyo dhaqamada dawladda laamaheedu ay ku shaqaynayaan iyo shuruucda dalka, waxa jira shuruuc badan oo laga dhaxlay dawladdii aynu gooni isu taageena kala soo noqonay ee Somalia, shuruucdaasina waxay khatar iyo waxyeelo ku yihiin inay dadku heli karaan xuquuqdooda aasaasiga ah, sida dastuurkaba ku qoran, waxaanad mooda in mudnaanta 1aada la siiyey ku dhaqanka shuruucda Somalia laga soo qaatay oo dastuurkeenu siiyey, waa dhibta 1aad ee ugu wayn ee aanu ogaanay in qofka Somalilander ka ahi si uu xaqiisa u helo wixii dastuurka ugu qoraa waxa ka hortaagan qawaaniin qaldan, qaloocan oo qaarkood ku abtirsadaan ninkii la odhan jiray Banita Musaliina 1930-kii markii uu dalka Talyaniga haystay sida xeerka ciqaabta guud dhib ayuu ku yahay dadka reer Somaliland , kuwaasi marka waxay dhaleen dhawr wax oo ay tusaale ahaan ka mid tahay isku dhaca dadka dawladda dhaliila ee warbaahintu ugu horayso iyo masuuliyiinta dawladda , dadka shicibka ahi waxay xaq dastuuri ah u leeyihiin inay dhaliilaan masuuliyiinta xilalka qaran haya waxna ka sheegi karaan” Garya. Guuleed Axmed Jaamac (Daafac) oo warbixintooda sannadlaha ah ee tacadiyada dhacay sii wata waxa uu yidhi “Balse waxa mar walba loo adeegsadaa xadhig iyo dacwad ku oogid lagu salaynayo shuruucda hore ee Somalia lahaydee aan waafaqsaneyn dastuurka Somaliland, waxaanu sannadkan diwaangelinay 35 qof oo loo xidhay aragtidooda oo ay dhiibteen 28 ka mid ah dadka la xidhay Suxufiyiin ayey ahaayeen tiradaasi waxa laga yaaba inay ka yar tahay tirada rasmiga ah ee la xidhay, laakiin waa inta aanu anagu diwaangelinay oo qudha 7 qof oo aan suxufiyiin ahayn ayaa ka mida dadka la xidhay sanadkan 2018-ka ee dhamaaday oo lagu xidhay iyaga oo aragtidooda dhiibtay, waxay u badan yihiin dadkaasi dad loo xidhay aragtidooda oo ay ku qoreen Barta Bulshadu ku kulanto ee Facebook, marka walaaca sannadkan soo kordhay wax aka mida ee ugu muhiimsan in Baraha Bulshaddu ku kulanto waxa lagu qoraa ay bartilmaameed u yiniin dawladda, macquula ay tahay qofka baraha bulshadda si wayn ugu dhaliila in hada ta laabo laga qado, sida arimaha xadhigu ka mid yahay dacwad ku soo oogistu ka mid tahay meesha uu ka shaqeeyo oo qofka lagu dabogalo ay ka mid tahay iyo hadii uu dawladda u shaqeeyo shaqada oo laga joojiya ay ka mid tahay iyo Facebook oo isaguna dhib wayn noqday oo dadkii oo aragtidoodii loogu imanayo ayaa soo korodhay, suxufiyiinta iyo dadka kale waxay keentay inay si wayn uga walaacaan inay dadku aragtidooda dhiibtaan oo aanay odhan Karin, wasaaradda warfaafintuna dhawr jeer waxay soo saartay amaro waa wayn oo xayiraad iyo xanibaad cul culus ku ah xoriyadda warbaahinta dalka ha ahaato sida warbaahin laga la noqday Ruqsadii sida Talafeeshinka Som-Newstv ama ha ahaato hay’adda warbaahineed oo wasaaradu ku farogelisay shaqadooda Tifadirenimo ama ay leedahay cida warkeeda ma sii dayn kartaan, cida sii daysa warkaana talaabo ayaanu ka qaadayna oo dabadeedna saxaafadda lagu khasbayo dad aanay waraysan Karin inay waraystaan iyo cago juglayn kale” Agaasime Guuleed (Daafac) waxa uu sharaxay tacadiyada iyo gabood falada ay sanadkani diwaangeliyeen ee cusub inay ka mid ahayd Cabudhinta Saxaafadda oo waji cusub oo cabudhin iyo hadidaad ah ay xukuumadu shaqadooda ku farogelisay waxaanu yidhi “Marka loo eego sannadihii hore ee dhigi jiray ama aanu tacadiyo saxaafadda loo geystay u diwaangelinay, waxyaabaha cusub ee sannadkani dhacay ayey ka mid tahay arimaha aan kor ku sheegay waayo sannadihii hore waa la arki jiray warbaahin la xayiro , waa la arkeyey warbaahin la qabsado, laakiin warbaahin loo yeedhiyo ciday waraysanayaan ama warka ay qorayaan ama cida aanay waraysan Karin hore umaanaan diwaangelinin , si la mida waxay ka dhacday gobolka Sool oo badhasaabka gobolka Sool uu warbaahinta gobolka ka shaqaysa ku amray in aanay soo hadal qaadi Karin wax war ah oo khuseeya maamul kale oo aan filaayo in uu u jeedo Putland, laakiin ay taasi muujisay inay ku adag tahay warbaahinta inay dhinac qudha warkeeda baahiyaan marka ay dhinacyo isku dilayaan dhibaatooyinka gobolka ka dhacaysa, waxa dhibaatooyin kale oo wayn oo isaguna gobolkan ka dhacay oo aanu diwaangelinay inay dadka ka soo food saartay dhibaato xaq weyn oo ay u leeyihiin sida inay mudaharaadi karaan ama ay shirar iskugu iman karaan waxa gobolka Sool uu maamulku soo saaray in dadka gobolka ku dhaqani aanay shir aanay iskugu iman Karin hadii aanay ogolaasho ka haysan dalka Somaliland amarada noocaasi oo kale ah ayaa soo baxay taasina waxay noqotay caqab wayn oo haysata dadka doonaya inay dawladda dhaliilaan oo shirar iskugu yimaadaan dadka gobolka degani inay isku yimaadaan” Guuleed Axmed Jaamac (Daafac) oo hadalkiisa sii wata waxa warbixintooda ku soo bandhigay inay diwaangeliyeen sido kale dhibaatooyin ka dhacay gobolada bariga ee Somaliland sida Sool iyo Sanaag waxaanu yidhi “Somaliland oo dhana sida aad og tihiin mudaharaadadu hadii aanay dawladu ogolaanin waa ka mamnuuc in kasta oo taasi sida dastuurku qoraayo ka duwan tahay, waxyaalaha kale ee sannadkani aanu diwaangelinay wax aka mida dhibaatada soo jiitantay ee aan cusbayn ee ku timada abaaruhu ha barakiciyaan ama colaadaha Sool iyo Sanaag ka jira ha barakiciyaane , dadkaasi adeegyadii aasaasiga ahaa ee ay xaqa u lahaayeen ma helaan , dhibaatooyinkaasi qaarkood dawladdu ma awoodo inay wax ka qabato, laakiin dhibaatooyinka qaar badan oo ka mid ahi waa siyaasad xumo ka timid dhinaca dawladda , waayo dhibka ugu wayni waxaanu ogaanay inay ka imanayso dhulka oo dadkii dhulkan ay leeyihiin maaha dhulay leeyihiin ee waa dhul ay leeyihiin ashkhaas gaar ahi, dawladduna siyaasad cad iyo shuruuc kama laha ay dadkaasi dhul ku heli karaan ama ay dhul ku degi karaan dadkii mudo dheer oo sannado badana waxay ku jiraan barakacnimo joogto ah oo dabadeetana noloshoodii faqri iyo gaajo badan ay sii sameysay goobaha dhulkaasna laga ma sameeyo goobo waxbarasho iyo goobo caafimaad iyo saldhigyo boolis iyo deegyo kale oo muhiima nolosha dadku u baahan yahay, taasina waxay keentay tacadiyada iyaga ku dhaca in uu ka bato kuwa ku dhaca dadka kale ee reer Somaliland, waxyaalaha kale ee sannadkani aanu warbixintayada kaga hadlay wax aka mida oo waxyaalaha sanad kasta soo noq noqda ee aanu warbixinahayaga kaga hadalo waa arinka la xidhiidha xoriyada qofka ee ah in aan layska xidhin , hadii qofka la xidhana qofka loo xidho sifo sharci ah , hadii sifo sharci ah loo xidhana ay tahay in loo la dhaqmo si wanaagsan , kuwa si joogto ah ayaa dadka loogu tacadiya oo dadka waxa loo xidha sifo sharci daro ah iyada oo aan maxkamad la haysan dambina aan lagu haynin” Agaasimaha Xarunta Xuquuqul Iinsaanka Madaxa Banaan ee (HRC) Garya. Guuleed Axmed Jaamac (Daafac) waxa uu warbixinta ku soo qaatay tacadiyada ay Ciidanka Bileysku kula kaceen shacabka iyo dadka Qaabab sharciga baalmarsan oo dadka layskaga xidho “Qofka eedaysanaha ah ee dawladu iska xidhayna maxkamadda marka la geeyana mudada dacwadiisu way dheeraata oo qofku bileysku mudo dheer ayey dambi baadhista iskaga haystaan, iyada oo qofkii aan damaanad la siinin dacwadiina mudo ayey soconaysa marka qofkii iyada oo aan la lahayn dambigii waa lagugu helay ama waa lagugu waayey ayuu dhawr bilood iska xidhnaanayaa, taasina xoriyaadkii aasaasiga ahaa ayey ka mid tahay intaana waxa dastuurka ku qoran qofka loo ma ogolaado xata qofka dawladu xidho qareenkiisa loo ma ogolaado in uu Saldhiga BIleyska ku booqdo oo looyarkiisii in uu helo qofkii ilaa uu maxkamada yimado loo ma ogolaanayo halka dad badan oo aanu waraysanay ay ka cabanayaan hab dhaqan xun oo bilaysku u la dhaqmo, ta waxa dhibato ku sii noqday xeerkii Bileyska ee dhawaan la ansixiyey ee abuurayey habka bilayska looga cawdo oo dawladu is hortaagtay in uu shaqeeyo , marka waxay dhibaato ku timid Bileyskii iyagiina waa laga cabanayaa meel dadkii uga cawdana ma jirto iyada oo qofkii muwaadinka ahaa wixii dastuurkiisa Somaliland ugu qorna intiisa badana aanu helaynin marka uu qofku gacanta bileyska soo galo ama dawladu xidho qofka, Saldhigyada bileysku waa buux dhaaf, nadaafadooduna way liidata , cuntana maxaabiista dawladdu ma siiso , waayo saldhigyada sharciyan loogu ma telogelin inay dawladu ku hayso wax 24 saacadood ka badan, waa in qofka xidhan maxkamada la horgeeyo, cuntana uma taalo, qofku marka hadii aanu ehel lahayn isagiina cunto ma helayo Hargeysa oo ah magaalo caasimadii dalka noqotay dadka imanayaana ay yihiin dad Tuulooyinka ka imanaya dadka la xidh xidhaana ay u badan yihiin dadka danyarta ah, gaar ahaan dadka ma shaqaysatada ah, ayaa saldhigyada dalka ku jira, qaar badan ayaan marka helaynin waxay maalintii cunaan waxa xata ku adkaanaysa dadka dawlada u xidh xidhan inay helaan noloshii iyo caafimaadkii inay helaan, marka dhibaato aad iyo aad u xun ayaa halka ka jirta oo u baahan inay dawladu wax ka qabato oo hoos ugu fiirsato” Garya. Guuleed Axmed Jaamac (Daafac) ugu dambeyntii waxa uu inta ku daray isaga oo si xoogan u dhaliilay ciidanka bileyska ee Somaliland oo warbixintu inay awoodo qayrul caadi ah isticimaalaan ku dhaliishay “Booliska marka aad warbixin sanaddeedkiisii eegto uu sannadkii dhawayd (sanadka 2018) soo saaray waxa ay sheegeen 28% kaliya dadka uu soo xidh xidho in uu maxkamad geeyo oo dadka eedaysanaha ahi inay 28% kaliya maxkamad aadaan, waxa kale oo uu Bileysku warbixintiisa ku sheegay 44% in Kiisaska dacwadaha saldhigyada bileyska soo gala lagu xaliyo Saldhiga dhexdiisa , marka ciidankii booliska ayaa wuxu yeeshay awood qayrul caadi ah oo kiisaska dalka ka dhaca 50% in ka badan oo isagu farsameynaayo oo kii uu doonana bileysku sii daynaayo ku doonana haynaayo, hada 28% kaliya ayaa maxkamadu go’aano ka gaadhaan, ta macnaheedu marka aad indho sharci ku eegtid waxa weeye dadka inta kale oo dhan ee la xidho 72% sifo aan sharci ahayn ayaa lagu xidhaa , qofku hadii uu dambi leeyahay maxkamada ayaa la gaynlahaa dalka dhan 28% ayaa Kiisaska dacwadaha ka dhaca ka taga maxkamaddaha, marka waxyaalaha muhiimka ah wax aka mida oo markii hore layslahaa xeerka Bileyska ayaa wax ka qabanaya marka la dhaqan geliyo waxa lalahaa hadii Xeerka bileyska la dhaqangeliyo waxa la heli doona sharci lagu la xisaabtamo ciidanka bileyska oo waxa sahlanaanaya mudada dadka la xidha saldhigyada ku jiraan oo waxa la heli in deg deg maxkamaddaha iyo sharciga loo horgeeyo eedaysanayaasha, waxyaalaha kale ee warbixin sannadeedkani kormeertay wax aka mida inaga oo si faahfaahsan u geli doona xeerkii Kufsiga oo loogu talo galay in uu Kufsiga la dagaalamo oo hawl waynina ay Somaliland ka soo gashay oo sannadooyin ansixintiisa dawladu way joojisay oo may dhaqangelinin , taasina waxay dhib wayn ku tahay dadkii dhibanayaasha ahaa oo maalin walba dhibaatada kufsigu ku dhacayso iyada oo bilaysku uu diwaangeliyey in 101 Kufsi ay sannadkan 2018-ka Kiisaskoodu ciidanka bileyska soo gaadhay, wasaaraddii shaqada iyo arimaha bulshaduna waxay warbixin ku sheegtay inay 520 Kiis oo Kufsi ay wasaaradda soo gaadhay, waxaana weeye marka horeba dacwadaha kufsiga ee maxkamaddaha gaadha aad ayey u yar yihiin , marka xeerkii la tuurana tiradii hoos ayey u sii dhacaysa , xeerkii Kufsigana xeer kale lagu ma bedelin oo wali lama keenin qayrul dastuurina weeye in xeer baarlamaanku ansixiyey oo madaxweynuhu saxiixay meel layska dhigo xeerkan uun maaha ee Xeerkii Bileyska ahaa isaguna sida Xeerkan Kufsiga oo kale noqday oo waa layska tuuray xeerarkani” Qaran News
-
SAADAASHA HORUMARKA SOMALILAND IYO SANADKA CUSUB 2019 LA SOCO OO HA MOOGAAN Waxa hubaal ah in ay SOMALILAND ku talaabsan doonto horumar dhaqaale iyo kor u kac ku iman doona bulshada Sommaliland.DAWLAD AHAAN IYO DADWEYNE AHAANBA. Bal an u daadegno ilaha dhaqaale ee burqan doona sanadka cusub ee 2019ka. WAX SHISHEEYA KAA SOO GALAA GAAJO BIXINWAAYE GADHOODHKA IYO SUBAGAYGU FILAN OO GUBAA DAYE GARWAAQSADAAY WAANNO WAA LAGAMA GUURAANE. Wasiirada iyo teamkoodu ku ekaan maayaan mishahar saxeex qayil oo qaybi bal se sanadka dhig cusub fisha DAAWANAAYOW WAA DALKAAGII CEELA UMA QODNA CIDNA UMA MAQNA. Afar wasaaradood oo Somaliland ah baa baahi shisheeye lagaga maarmi doonaa iyo gacan hoorsi ajanebi. WASAARADA KALUUMAYSIGA IYO KHAYRAADKA BADA. Waxa dib dardar loo gelin doona wershadii kaluuunka ee LAASGORAY taas oo china u quus goyen doonta iyo damaca badeena cas.taas oo suuqa maxaliga iyo ta jaarka door wax ku ool ah ka ciyaari doonta. WASAARADA XANAANADA XOOLAHA Waxa dib u soo laba kaclayen doona suuqii xoolaha ee BURCO kaas oo camiri doona xirooyina lagu xanaaneeyo ee BURCO iyo BERBERA .taas oo dhaqaale frabadan soo hoyen doonta.saylladihii galbaday ee SACUUDIGA iyo EMAARAATKA qabsan doona. WASAARADA BEERAHA. wax soo saarka dalaga waa laf dhabarka nolosha aadamaha sidaa awgeed awoodsaarkeenu wuxu noqon doonaa falida beeraheena sida qamadinka, heeda, galeyda, hadhuudhka cilmi jaamac iyo khudaartoo noocwalba le dhulkeenu waa dhul wax soo saarka ku fiican. WSAARADA MACDANTA. Waa hubaal in uu buuraleyda golis rangka ee min LAWYACADO ilaa DAALLO dheemanta iyo macdantu jiifto markaa waxa la soo qaadan doonaa shirkad china ah oo Somaliland leedahay oo qodi doonta dhamaan goobaha macdanta hodanka ku tahay sida SIIMOODI, ILAA DAALLO . DEKEDAHA KU SOO KORDHI DOONA BERBERA OO AGOON AH WAA, LUGHAYA PORT, SAYLAC PORT, XIIS IYO MAYEDH. WAA LA DOOGIYE YAAN LA DACAROON. WAXAN JIIFTO IDIINKA TEGAYAA IS TAAGEERID BAY LABA GACMOOD TAHAR KU YEESHAANE TISKA WAXA LA QAADAA MARKAY TIIRISAA BIDIXE HADAY MIDIGTU KELI TAAGANTAHAY TAHAR MA GOYSEENE IS TAAGEERIDAASAY KU DHALI DAWLAD TAMAR WEYENE ICTIRAAFNA WAA TIIRKA XIGA TAB IYO XEESHEEN DHEH. ISKU TIIRSADAAY YEY MARKALE TOOBADSEEG NOQONE. TALO WAA MAR AAD GARNWEYDAY IYO MAR AAD GAADHIWEYDAY. ALLAW TALLADA IYO TUBTA TOOSAN NA WAAFAJ NAGA DAWEE CAMBAARAYEN MUCAARID IYO CABUDHIN MAAMUL. GUUL YO GOBANIMO SOMALILLAND. BARWAAQO IYO BASH BASH 2019. MUSA AW HASSAN LODOON AWDALI DUBAI. Qaran News
-
CLICK HERE TO READ MORE Qaran News
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Bar__Qubanaha-311218.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Caawa reer awoowgay bah xabuusho ayaan la kaftamayaaye , Ilmaadeerayàloow waataa o dhan jirteen baqaha barri karow ,doorkii dhawayse waxaa u badasheen baqaha bogox karow ,sidii ciyaarta bidixda uga rogteen ee midigta uga baydheen ayaanad modaa in wax waliba jirjircadka isaga rogeen ,markaa hadii ay sida kale u dhigi lahaydeen ,caawa placa iyo kaafi baynu wada shidi lahayn , ceergaabo ayaynu ceergaabadii Ka wada Tumi lahayn , sidii heestii halwad ayaynu gawlaalaale iyo gaashaamo wada mushaaxi lahayn ,yeelkeede waataa goolka inagu dhaliseen hadeer maxaa joogtaan ? Mase. Idinla tahay in aynu heestii awrta logu heesi jirey sanadka cusub kusoo wada dhawayno , Ana caynku igoo Adna caato Ku gaadhaye Cadaawoow labadeena Iyamaa cabanaaya . Source
-
General Maxamed Siciid Morgan waxaa la gudboon inuu is qariyo oo uu ka dhuunto wajiga siyaasadeed ee umada Somaliyeed balse is muujintiisu waxay muujineysaaa in weli dambiilayaashii dagaalkii 1988 ilaa 1999 ay weli firfircoon yihiin oo qaarkood weli hamuum u qabaan sii daadinta dhiiga dadka Somaliyeed,Sida ay yidhaahdeen waxgarad Somaliyeed “hadii aad is qarin waydey ex general morganow filo maxkamad caalamiya!”. Weli caalamka kama dhicin General ku eedeysan debiyo dagaal,xasuuq iyo tacadiyo ka dhan ah xuquuqda adamaha oo hadana si nabad ah oo caadi ah u dhex mushaaxaya wadankii uu ka geystey gabool falka. Gobolada Waqooyi ama Somaliland oo qudha ma aha meelaha loo hayo cadeymaha xasuuqa balse waxaa uu xasuuq ka geystey dhanka koonfurta oo ahaa wasiirkii gaashandhiga ee ugu dambeyey dawladii Siyaad bare,waxaa kale oo uu qayb ka ahaa qabqablayaashii dagaaladii Sokeeye ee Somaliya wixii ka dambeyey Burburkii dawladii Somaliya.Waxaa uu hada ku hanjabayaa in uu hayo qorshe qarsoon oo uu dagaal kaga abuurayo Somaliland gudaheeda sida gobolada Sool iyo Sanaag.Waxaa kale oo jirta in hadaba Jabhad hubeysan oo ku lid ah Jiritaanka Somaliland saldhig laga siiyey Puntland,arimahaasi oo dhami waxay muujinayaan in cadawnimo qorsheysan siyaasiinta koonfurtu qaab abaabulan u wadaan mijo xaabinta Somaliland iyo meelo kale oo ka mida Somaliya gudaheeda. Arimahani waa kuwo u baahan in si cilmi ah oo qorsheysan loo darso loogana hortago dawlada Somalilandna waa in ay dacwad ka dhan ah Morgan iyo Saldhiga Somaliya ka siisay koox ku kacsan Somaliland dawlad goboleedka Puntland u gudbisaa golaha amaanka ee umadaha midowbay.Sidoo kale Dadka somaliyeed iyo hayahah madaxa banaan ee caalimiga ah iyo kuwa muxaliga ahna waxaa la gudboon iney soo bandhigaan dacwad ka dhan ah ex-Gen. Morgan oo xog badan laga qorey inuu geestey xasuuq iyo dimbiyo dagaal oo loo bahan yahay in uu wajaho cadaalada, Morgan imika wuxuu rajeynayaa in uu isku soo sharaxo jagada madaxweyne ee gobolka Puntland ee Somaliya. Mahadsanidin dhamaantiin M J Farah rashiid64@outlook.com Source
-
Waxaa ugu Horeyntii Loo Balansanaa Arbacadii Toddobaadkii hore Taas, oo loo balamay in Si Dhab ah la isugu Yimaado Fadhi lagaga Arinsanayo Arimihii Doorashooyinka Dib-udhicii ku Yimid iyo Murankii Arintii Xiisada abuurtey ee Komishanka Doorashooyinka oo Xisbiyadda Mucaaridka ahi Dalbadeen, in Guud ahaanba La baddelo Komishankan halka Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Xukuumadiisuna u arkeen in taasi Xisbiyadda Mucaaridka ahi ujeedo kale ka leeyihiin, laakiin Waxa uu la galey Sawir Dhawaan Markii uu Kasoo Noqdey Socdaalkiisii Gobolada Barri. Inkastoo, ay Xisbiga Wadani ee Mucaaridka ahi Run Moodayeen, gogoshii uu Madaxweyne Biixi u Fidiyey Si Xal looga gaadho Muranka Doorashada haseyeeshee, aaney Fahmin ujeeddada Sawirada lagaga galo Siyaasiyiinta iyo Khiyaanooyinka ay ujeedo ahaan Madaxtooyaddu ka Dhigatey Siyaasadda, kuwaas oo Bulshada lagu majara habaabiyo islamarlaana, Madaxweynuhu ka Dhigtey Mawduuc uu Ku Khiyaamaynayo Cid kasta oo uu U arko in ay khatar ku hayso Geedi socodkiisa Siyaasadeed Mana aha Xisbiyada oo Kaliya Sawirkani ee Waxaa kujira Siyaasiyiinta Xataa Xisbiga Kulmiye iyo Kuwa kaleba,Sida Kii u Dambeeyay ee uu Lagaley Maxamuud Xaashi. Waxaana Sawirka Kulanka had iyo Jeer lagu baahiyaa Barta Facebook iyagoon Faafaahin in La Kulmey ah Mooyee aan Wax kale Ku Lamaanayn Inta la ogyahey Kulankan Loo Balansanaa Waxa Dib Loo Dhigay Tiraba Laba Jeer iyaddoo loo balansanaa Arbacadii Toddobaadkii hore Su,aasha isweydiinta lihi,Waxa weeyi Maxaa Dib-loogu dhigay Kulankaasi? Waxaa Dib Loogu Dhigay Dad badan ayaa garanaya Waayo Waxa ay Madaxweyne Biixi iyo Xukuumadiisu ka Shaqeyneysay in Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe oo Isagu Xisbigaasi u haysta Danihiisa gaarka ah loogu Qancin lahaa in uu Qaato Kharashkiisa kadibna Ogolaado oo Kulmiye ku Taageero in aan la badelin Komishankan Madaxweyne Biixi ku Dhagan yahey Sidaasayna u Dhacdey Xaqiiqdii ama ay U dhaceysaa Maadaama Sida Muuqata Kulankii Dhawaan lagu Khiyaamaynayay Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani oo isagu meel adag ka taagnaa Komishanka Doorashooyinka ee hadda jooga. Sikastaba ha ahaatee haddii Madaxweyne Muuse Biixi iyo Xukuumadiisu kujiraan Mudo Xileedkooda oo dhan Khiyaamooyinka noocan ah Miyaan la odhan karin Waxa ay Somaliland iyo Jiritaankeeda ku Yihiin Khatar Sabab u Noqon doonta Qarax kalifa in Dalku ku Noqdo Marxalado Laga Soo Gudbey oo dhaawac ku Keena Sumcad ahaan iyo Talaabo ahaanba Sidoo kalena, Aamin darro weyn oo Beesha Caalamka ah albaabka usii Fureysa taas oo ay kaga lib heli Doonto Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyadeeda aan Habayaraatee Soo marin Geedi Socodka Dimuqraadiyadda iyo Doorashooyinka ay kaga Duwaneyd dalalka Geeska Afrika intooda Badan iyo Soomaalidaba. Waxa ay Arintai Dhaawac ku tahey Boqolaalkii Qof ee Muwaadiniinta ahaa ee Sugayay Doorashooyinka Golaha Wakiilada iyo Doorashada Deegaanka ayaa Rajadoodii Halkaa ku burburtey, Waxaanay Sabab u tahey Mustaqbal Madaw oo Somaliland Xukuumadani dhabaha ugu jeexday Najiib Ismaaciil Maxamed Gabiley Somaliland Tell:0634466339 Source
-
Taariikhda Koowaad: Aasaaskii golaha guurtidu waxa uu ahaa 1983, qaybta galbeedka SNM waxa ay lahaayeen odayaal SNM ka tirsanaa oo ka soo talaabay dawladii Maxamed Siyaad oo ay ka mid ahaayeen Suldaan Saxardiid, Gabax, Maxamed Iimaan iyo Xaaji Yaaxeen. Odayaashaa waxa wakhtigaasi loo bixiyay tiknikada Sacad Muuse. Dhinaca bariga waxa joogay odayaal kala duwan oo kale, balse aan soo tallaabin oo joogay deegaanadii Xuduuda ka baxsanaa guurti ahaan SNM ugu adeegi jiray, hasayeeshe golaha guurtida waxa uu shirkii koowaad ka bilaabmay magaalada Xarshin isla sannadkii 1983, shirkan waxa uu Kornayl Maxamed Cilmi Galaan oo ka tirsanaa saraakiishii sare sare ee ciidankii SNM wuxuu ka xasuustaa odayaaashii ka qayb qaatay Suldaan Faarax, Suldaan Saxardiid, iyo Sheekh Khaliifa, markaa tiradooda waxa uu ku qaiyaasay 13-15 Xubnood, Maxamed Cilmi Galaan oo shirkaasi fadhiyey wuxuu sheegay in Maxamed Siyaad wakhtigaasi hubeeyay beelaha Daarood ee ku dhaqnaa deegaanada ay SNM deganayd. Shirkaasi wuxuu Maxamed Cilmi ka sheegay khatarta ay arrintaasi leedahay iyo in uu doonayo in uu rasaas siiyo qaar ka tirsan beesha Daarood oo toos u diiday in ay hubka u qaataan SNM, hasayeeshe guurtidii way ka diiday oo waxa ay kula doodeen inuu arrinkaasi joojiyo, waanu joojiyay, halkaasi ayay golaha guurtida ka soo unkatay, shirkii kale ee ugu weynaa ee ay ku kulmeen guurtidu wuxuu ka dhacay Rabaso sannadkii 1985, shirkaasi waxa gudoominayay Prof Ibraahin Maygaag Samatar AHN. shirkaasi waxa lagu sameeyay xeer Isaaq markii ugu horeysay, kaasi oo lagu xakamaynayo beelaha Isaaq ee halganka ugu jira sidii ay dalkooda u xorayn lahaayeen kibirka Maxamed Siyaad, qoddobada shirkaasi ka soo baxay way badnaayeen oo intooduba waxa ay salka ku hayeen inuu Isaaq halganka meel uga soo wada jeesto, waxa ugu cuslaa qoddobadaasi in ninka Isaaq ee nin kale oo ka tirsan beesha Isaaq ee u dhiiba Maxamed Siyaad ay magtiisu noqoto libin laab (200 halaad), markii shirka xeerarkaasi lagu dejiyay waxa meesha ka baxay in aan qof Isaaq ah loo dhiibin askartii Maxamed Siyaad arrintaasna way soo afjarantay. Kornayl Maxamed Cilmi Galaan wuu nool yahay dhawaana waxa soo bixi doonaa buug isaga laga diyaariyey. Taariikhda Labaad: Bishii sebtember ee sannadkii 1984-kiiayey SNMku guulaysatay in ay dhidibbada u taagto Golihii Guurtida ee ugu horreeyey. Sida ku qoran Buugga dhaxal-Reeb Horaad (2007) Bogga 152ee uu qoray Boobe Yuusuf Ducaale. Qoraa Boobe waxa uu soo xiganayaa waraaq uu qoray Prof. Ibraahim Maygaag Samater oo ciwaankeeda la yidhaa “light at the end of the tunnel”oo uu diyaariyey sannadkii 1993-kii laguna daabacay Buugga la yidhaa” Mending Rips in the Sky”, wuxuu kaga warramayey fikir la tijaabinaayey oo ahaa in kaalin weyn la siiyo madaxdhaqameedyada, culumada iyo odayaasha in ay noqdaan Go’aan-qaatayaal madax-bannaan oo la siman isla markaana la fal-gala heerarka kala duwan ee rasmiga ah ee dhismaha SNM. Waxaana wakhtigaa lagu go’aamiyey in la sameeyo golaha guurtida oo la siman golaha dhexe ee SNM oo ahaa golaha sharci dajinta ee SNM ,qaababkaasi ayaa lagu aasaasay golaha guurtida ,isla goobtaasina waxa lagu unkay seeskii guurtida ,madaxdhaqameedkii iyo salaadiintii ka qaybgalay unkiddii golaha guurtida waxa ka mid ah Suldaan Saxardiid, Suldaan Maxamed Suldaan Faarax, Xasan Faarax Ducaale (Xasan-Badmaax) Axmed Liibaan (Gabax) , Cabdi-Laangadhe, Jaamac Gaabane , AxmedMuuse Haaruun ,Dhugad, Sheekh Khaliifa Iyo Qaar Kale Oo Badan), shirkaasi waxa lagu go’aamiyey in sannadkii hal mar la qabto hogaankana lagu wareejiyo isla markaana shirweynaha 2aad lagu qabto qabto Rabaso oo ay beesha halkaasi deggeni mart-geliso. Taariikhda Saddexaad:sida ku xusan Buugga Dhacdo iyo DhaqanBogga 206 ee uu qoray Cali Dool Axmed “Qoryooley” , Markii ay shacabkii Soomaalilaan ka qaxeen dalka horaantii sannadkii 1988-kii, ee xuduudaha ay ka gudbeen, una talaabeen gudaha Itoobiya ayey madax-dhaqameedkii, culumadii iyo odayaashii reer Sheekh Isaxaaq (ISAAQ)talo ku caddaatay oo dhinac kastaa ku soo xidhantay, dabadeed waxa talo isugu yimid odayaal badan oo uu hormood u yahay Sheekh Ibraahim Sheekh Yuusuf ayna ka mid ahaayeen Sheekh Axmed Sheekh Nuux Furre iyo qaar kale. Odayaasha uu hoggaaminayo Sheekh Ibraahim waxa ay socdaalkooda ka bilaabeen tuulada Dibiile, waxaanay soo mareen dhamaan goobihii ay u kala qaxeen dadweynihii magaalooyinka Soomaalilaan gaar ahaan Hargaysa, Burco, Berbera, Ceerigaabo, Gabiley, Oodwayne, Sheekh iyo qaar ka mid ah kuwii ka soo qaxay tuulooyinka. weftiga Sheekh Ibraahim waxa ay tageen xeryihii qaxootiga mid galbeed ilaa bari sida Dulcad, Balayaley ,Janeefa ,Kaam Abokor, Daroor, Raaboso Iyo Gaashaamo. Odayadan Sheekh Ibraahim horkacayo xero kasta oo qaxoonti ku jiro way tagayeen waxa ayna kula kulmayeen, Wax Garadka ,Culumada Iyo OdayaashiiJoogay Xeradaasi waxa aanay kala hadlayeen in la isugu yimaado talo oo shirwayne la qabto cid kastana way la qaadanaysay markii ay gaadheen kaam abokor iyodaroor waxa weftigaasi ka soo raacay Caaqil Cabdi-waraabeiyo odayaal badan. Odayaashii weftiga ahaa sidii nin kastaa uga soo raacayey tuulooyinkii iyo xeryihii qaxootiga ee uu caruurtiisaa geeyey ayey noqdeen xubno fara badan. Taariikhda Afraad:sida ka muuqatay taariikhda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi wakhtigii ololaha, wuxuu ahaa fikirkii iyo bud-dhigihii aasaasihii golaha Guuritda bishii Diisambar ee sannadkii 1988. Cali Cabdi Coomay Suxufi, qoraa ah. Hargaysa, Soomaalilaan Calicoomay@hotmail.com Source
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa maanta guddoomiye Cusub u Magacaabay Degmada Cabdicasiis. Guddoomiye Yariisow ayaa Wareegto kasoo baxday Xafiiskiisa ayuu Guddoomiyaha degmada Cabdicasiis ka dhigay Ismaaciil Muqtaar Cumaar [Oronjo]. Guddoomiyaha cusub Ismaaciil Mutkhtaar Oronjo ayaa kamid ahaa Shaqaalaha Wasaaradda warfaafinta,isagoo xilal kala duwan uu ka soo qabtay. The post D/Cabdicasiis oo gudoomiye cusub loo magacaabay appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka xoghayaha guud ee QM ee Soomaaliya Nicholas Haysom ayaa qoraal xasaasi oo ka dhan ah habkii loo fuliyey xariga Mukhtaar Roobow iyo dadkii lagu dilay Baydhaba u diray dowladda Soomaaliya, isaga oo ka wkaiil ah beesha caalamka. Qoraalka oo ku socda wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale, ayaa lagu sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay gaysteen xadgudubyo ka dhan xeerarka xuquuqda aadanaha QM, islamarkaana maadaama QM ay bixiso mushaarka ciidamada qeyb ka mid ah, ay qasab tahay inay arrintan jawaab u raadiso. Waxaa qoraalka lagu sheegay in xadgudubyada ay ciidama gaysteen ay ka mid tahay dilka 15 qof oo shacab ah kuwaas oo ayaga oo dibadbaxaya lagu dilay magaalada Baydhaba 13-kii iyo 14-kii December, ayna jiraan caddeymo muujinaya xadgudubyadan. Haysom ayaa qoraalka ku sheegay in dastuurka Soomaaliya uu dhigayo in ciidamada Soomaaliya ay xushmeeyaan xeerarka dalka iyo xuquuqda aas-aasiga ah ee bani’aadamka. Waxa uu sidoo kale sheegay in qaraarka QM ee lagu aas-aasay xafiiska QM ee Soomaaliya UNSOM iyo ciidamada AMISOM uu dhigayo in si loo helo taageerada maaliyadeed ee QM ay qasab tahay in loo hogaansamo xeerarka xuquuqda aadanaha ee QM. Waxa uu sidoo kale qoraalkiisa ku lifaaqay qoraal kale oo ay usoo direen Midowga Yurub, iyo dalalka Jarmalka iyo UK, oo taagerada kala laabtay booliska Koonfur Galbeed, sababo al xiriira falalkii ay ku kaceen. Saddexdan dhinac ayaa qeyb ka ah barnaamij lagu taageero booliska Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada oo loogu magac daray JPP (Joint police Program). Midowga Yurub, Germany iyo UK ayaa sidoo kale jawaabo ka dalbanaya dowladda Soomaaliya, kuwaas oo ku saabsan xadgudubyada lagu tuhmayo ciidamadeeda. Haysom ayaa qoraalkiisa ku sheegay in caddaymaha la hayo ay muujinayaan in xariga Roobow ay fuliyeen ciidamada NISA oo taageero ka helaya kuwa Itoobiya. Waxa uu qoraalkiisa ku sheegay in wasaaradda amniga gudaha ay xariga Roobow sabab uga dhigtay inuu hub gaynayey magaalada Baydhaba, sidoo kalena abaabulayey maleeshiyo. Haysom ayaa yiri “Waa eedyemo culus, haddii ay jiraan balse dowladda wax dambi ah weli kuma soo oogin Roobow, ayada oo xeerka dambiyada dalka Soomaaliya uu dhigayo in eedaysanaha dacwad lagu soo oogo mudd 48 saac gudahood ah ama la sii daayo” Waxa uu sioo kale qoraalkiisa ku yiri in inkasta oo dowladda ay ku eedeysay Roobow inuu jebiyey heshiiskii cafiska loogu fidiyey markii uu isa soo dhiibay, haddana Soomaaliya aysan lahayn xeer cafis. Sidoo kalena dowladda, ayuu u sheegay inaysan weli shaacin qoraal saxiixan oo ku aadan waxa Roobow lagula heshiiyey. Waxa uu dowladda ka dalbaday inay deg deg jawaab uga soo bixiso dhowr su’aalood oo ay ka mid yihiin 1 – Maxaa sharci ah oo loo adeegsaday xariga Roobow. 2 – Ciidankee ka tirsan kuwa Soomaaliya oo fuliyey xariga, kaalin intee la eg ayaysan ku lahaayeen ciidamada Itoobiya? 3 – Muxuu yahay sharciga loo adeegsaday in cafis loo fidiyo Roobow, maxayse ahaayeen shuruudaha lagula heshiiyey? 4- Maxaa tallaabo ah oo la qaaday si lo helo amar xabsiga lagu sii hayo Roobow, wax ka baxsan 48-ka saac ee xeerka dambiyada Soomaaliya? Haysom ayaa sidoo kale dhowr su’aal oo kale oo la xiriira dilkii dadka shacabka ahaa ee Bayhdaba hor-dhigay dowladda Soomaaliya, kuwaasi oo iminka jawaabtooda laga sugayo. Haysom ayaa u muuqday mid ku hanjabaya in QM ay taageerada dhaqaale ka goosan doonto ciidamada Soomaaliya, haddii aysan dowladda bixin jawaabaha ku saabsan qaabkii laa maareeyey xariga Roobow, iyo tacadiyadii xuquuqda aadanaha ee ciidamada ay gaysteen oo ay ugu weyn tahay dilka dad shacab ah. Hoos ka aqriso qoraalka oo English ah oo aan soo koobnay muhiimaddiisa.
-
President of the Federal Republic of Somalia, Mohamed Abdulahi Farmajo on Monday signed the law of National Disability Agency. The President has signed the bill into a law during brief meeting held at his office in Villa Somalia attended by the minister of women and human rights and various representatives of the disable community. “I thank both lower and upper houses of the parliament for taking their time to approve this significant bill,” The President said. The President added that his government will ensure the rights of the disabled population will be taken care of according to the new law. “My Government will try to provide quality education, health and jobs to the disabled community as we continue to establish the independent body to protect their interest.” He said. The minister for women and human rights of federal, Deko Yassin whose ministry prepared the bill has thanked the civil society organizations for their input saying the move is step forward for her ministry to improve human rights in the country. “We can’t forget the vital role of the civil society organizations in the process of the disability bill.” The minister said. On his part, the chairman of the Somali disable community, Sayid Ali Abdullahi Salat said the endorsement of the bill by the President will have immediate impact on the lives of the disable population. “The bill is very significant as far as the education, health and employment sectors for our members,” he said. The implementation which is set to start soon will include establishment of the independent disable agency with regional offices and funding from the government to safeguard the rights of the physically challenged population in the country. The post Somali president inks deal to establish national disability agency appeared first on Shabelle. View the full article
-
Over ninety 90 journalists and media workers on-the-job have been killed since the beginning of this ending year. The fourth estate staff died in targeted killings, bomb attacks and cross-fire incidents in 2018. According to the new report by an international trade association, the number of journalists and media workers killed while carrying out their jobs rose again in 2018, reversing a downward trend of the previous three years. 94 journalists and media workers were killed. The figure rose up from 82 killings recorded in 2017, According to the annual report released on Monday. Somalia soared to sixth on the list, with five killings, tied with The United States and Pakistan. The deadliest country for people who work in the news media this year was Afghanistan, where 16 of the killings occurred. Mexico was next, with 11. Yemen had nine media slayings and Syria eight in 2018. On 22nd of this month, a prominent journalist Awil Dahir Salad and two staffers from the London-based Universal TV station were killed in two suicide bomb explosions in Mogadishu. Salad, 45, was a veteran reporter who worked to revive the country’s media before leaving the country in 2005 and returning several years later to work with Universal TV. Beyond the tragedy of lives lost, such killings affect the pursuit of truth and sharing of information in communities and countries where they happen, the president of the International Federation of Journalists said. “Journalists are targeted because they are witnesses,” the group’s president, Philippe Leruth, told The Associated Press. “And the result of this, when a journalist or many journalists are killed in a country, you see an increase of self-censorship.” Highest number of media killings Afghanistan: 16 Mexico: 11 Yemen: 9 Syria: 8 India: 7 Pakistan: 5 Somalia: 5 United States: 5 Philippines: 3 Ecuador: 3 Brazil: 3 Colombia: 2 Palestine: 2 Guatemala: 2 The post Over 90 journalists killed on the job in 2018, IFJ appeared first on Shabelle. View the full article
-
Puntland vetting committee has announced the list of the new parliament on Monday afternoon. More than 40 of the parliament are fresh, mostly young, according to the released list. Only one member in the parliament is female. The members of the new parliament will elect a new speaker and next president in early January, as scheduled. This is the fifth parliament of Puntland selected by clan leaders since its establishment in 1998. The post Puntland picks new 66-member parliament appeared first on Shabelle. View the full article
-
Garowe (Caasimada Online) – Waxaa lagu dhawaaqay gelinkii dambe ee maanta liiska xildhibaanada baarlamaanka Puntland oo muddooyinkii ugu dambeeyay aad loo hadal hayay, lana sugayay shaacinta magacyada xildhibaanada. Liiska Xildhibaanada oo ay ka muuqdaan 66 xildhibaan ayaa waxaa laga soo kala xulay gobolada Puntland, waxaana xildhibaanada ay dhawaan dooran doonaan guddoonka baarlamaanka. Arinta cajiibka leh ee laga dhex arkay liiska xildhibaanada la shaaciyay ayaa ah in kaliya hal ruux ay haween ka tahay, taasi oo ka dhigan in 65 ruux ay rag yihiin hal ruuxna ay dumar ka tahay baarlamaanka cusub ee Puntland. Baarlamaankaan ayaa shaqeyn doona ilaa sanadka 2023, taasi oo ka dhigan inay yihiin xildhibaanada baarlamaanka Puntland shanta sano ee soo socota. Xildhibaanada kaliya ee dumarka ka ah baarlamaanka Puntland ayaa lagu magacaabaa xildhibaan Nimco Cabdi Caarshe, waxaana baarlamaanka ay kasoo gashay deegaanada gobolka Sool. Waa arin aan wali ka dhicin deegaanada maamul goboleedyada in hal ruux kaliya ay dumar ka ahaato baarlamaanada ka dhisan maamulada kale ee dalka, iyadoo meelaha qaar ay ku jiraan guddoonka baarlamaanka. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com