Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,176
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargaysa) Proff Cabdi Cali Jaamac oo jawaab qoraal ah ka soo saaray hadalka gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Kulmiye Axmed Cabdi Dheere ayaa sheegay inaanay jirin wax digniin ah oo la soo gaadhsiiyey ka hor Intii aan la shaacin in laga saaray xisbiga Kulmiye, waxaanu qoraalkiisa ku yidhi :- Marka aad sharci darro aad samaysay, aad raaciso been indho-adayg ah, oo aad ka xishoon waydo ummaddaada waxay noqonaysaa in Ilaahay garabkaaga ka baxo oo kar-kaarka ku waydaariyo!!! Ku lahaa nimanka xisbiga laga saaray waa la mariyey dariiqii sharciga; waa loo yeedhay; digniin waa la siiyay; waxa kaliya ee u hadhsanaa waa ganaax; taasi ayuun baan la marin eriga ka hor!!! Waxa ka daran sharciyada aan jirin ee uu daliishanayo; ku lahaa qofku xisbiga haddii uu dibadda ka dhaliilo, waa eri; waa jeebkiisa; xagguu ka keenay!!!; aragtiyada kala duwan ee xubnaha xisbigu warbaahinta waa laga sii deyn karaa; ma aha sir; bal, waa ba xaq ay leeyihiin muwaadiniinta la matalayaa si ay u ogaadaan in dantooda la isku hayo iyo in kale; in loo maqan yahay iyo in kale; cidda gardaran; cidda laga gardaran yahay; dukaankaaga ama gruigaaga ayaa hoosta laga soo xidhaa; xisbi dhan oo ummadi leedahay ma handaraabi kartid!!! Yaa miskiin!!! Wallahi, maanta kuwani iigama baahna in aan caayo ama ceebeeyo, maxaa yeelay waxa ceeb ugu filan beenta intan le’eg ee ay halkan ku duubeen; bal dhegayso Link-gan; tolow maxaa ku kallifay been abuurka iyo masabidka intan le’eg; miyay kala quusteen Ilaahay iyo dadkiisa. Source
  2. (SLT-Tokyo)Maanta waxaa dunida isaga tagay oo geeriyooday mid kamid ah ragii ugu cimriga dheeraa adduunka inta la ogyahay. 259 cisho oo kaliya ayaa laga jogaa markii la gudoonsiiyay shahaadada ninka dunida ugu da’da weyn, diiwanka lagu qoro waxyaabaha dhif iyo naadirka ah ayuu sidaasi ku galay (Guinness World Records). Waxaa lagu magacaabi jiray Masazo Nonaka waxaa uuna u dhashay dalka Japan oo uu iminkaba ku geeriyooday, waxuu dhashay July 25, 1905. waaberigii saakay ayuu ku geeriyooday gurigiisa xili uu hurdaaye sida ay Daily Mail u xaqiijiyeen ehelkiisa, waxa uuna jiray 113 sano. Source
  3. Dadweynaha ku dhaqan magaalada ganacsiga ah ee Puntland ee Bosaaso ayaa soo dhaweeyay go,aankii ay dowladda Puntland ugu kordhisay canshuurtii laga qaadi jiray qaadka ka [...] Source
  4. Gudoomiyaha degmada Banderbeyla ee gobolka Kar kaar Sicid Cali Aadan Siciid Anteeno oo maanta waraysi gaar ah siiyay warsidaha Puntlandi.com ayaa waxa uu sheegay in [...] Source
  5. Garowe (Sh.M.Network) – Afhayeenka Gollaha Wakiilada Puntland, Cabdixakiin Maxamed Axmed [Dhoobo] ayaa maanta magacaabay Guddiga doorashada ee Guddiyada joogta ah ee Baarlamaanka maamulkaasi. Xubnaha Guddiga uu magacaabay Gudoomiyaha ayaa ka kooban saddex xubnood oo ah Xildhibaano oo ka tirsan Gollaha Sharcidejinta. Mudanayaasha xubinta ka ah Guddiga ayaa kala ah; Cabdiraxmaan Diiriye Carab, Muuse Xasan iyo Cali Axmed Saalax. Xubnaha Guddiyada joogatada ah ee Baarlamaanka Puntland ayaa la filayaa inay ka koobnaadaan min 10 xubnood, oo leh saddex Gudoomiye, oo lagu xulayo hanaan awood qaybsiga gobolada dowlad goboleedkaan. The post Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo Guddi magacaabay appeared first on Shabelle. View the full article
  6. Nadia C/raxmaan oo kamid ah gabdhaha Aqoonyahanada ah ee qurba joogta Puntland ee dalka Switzerland oo lahadshay maanta warsidaha Puntlandi.com ayaa ka hadshay waxa laga [...] Source
  7. Hargeysa (Sh.M.Network) – Maxamed Jaamac Abgaal, oo horey usoo noqday Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta ee maamulka Somaliland, xukuumadii Axmed Siilaanyo, ayaa qirtay inuu lunsaday hanti dadwayne. Mr Abgaal oo wareysi siiyay mid kamid ah TV-yada ku hadla afka Soomaaliga ayaa daboolka ka qaaday in talaabadaasi uu qaaday uu ka dhex-lay cuduro, kuwaasi oo uu xusay inuu haatan la tacalaayo sidii uu uga soo kaban lahaa. Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu si cad u sheegay inaanu dib dambe uqaban doonin xil, wuxuuna sababta ku sheegay in mushaarka uu qaato aanu ku filneyn, taasoo ku qasbeysa inuu gacan-bidaxeeyo hantida Umadda, siduu hadalka udhigay. Waa mas’uulkii ugu horeeyay guud ahaan Soomaaliya kaasi oo xilka Wasiir soo qabtay ee qirtay inuu lunsaday lacago musuq-maasuqay. Dowladda Soomaaliya ee uu hogaamiyo Madaxwayne Farmaajo ayaa ku howlan sidii ay uciribtiri lahayd musuq-maasuqa oo la sheego inuu kamid yahay waxyaabaha hoos udhigay dowladnimada dalka. The post Wasiir hore oo qirtay inuu lacago musuq-maasuqay appeared first on Shabelle. View the full article
  8. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Habeen-20012019.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  9. Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee wasaaradda boostaha iyo isgaadhsiinta Somaliland Maxamed Jaamac Abgaal ayaa sheegay in uu xanuuno ka qaadey lacago xaaraan ah oo uu qaatey muddadii uu wasiirka ka ahaa wasaaraddaasi. Wuxuu sheegay in tiro Saddex jeer ah uu tagay dhaqtar, islamarkaana loo sheegay inay xanuunayaan meelo kala duwan oo halis ah. Waxa uu cafis ka dalbaday Shacabka Somaliland, waxa uuna sidoo kale ka codsaday in ay usoo duceeyaan si xanuunada uu ka qaaday lacagaha uu sheegay in ay xaaranta yihiin. “Markaan sannad shaqeeyay waaban xanuunsaday dhakhtar baan tagoo dhakhtarkii wuxuu i yiri kalliduu dhagax kaaga jiraa yaabay, dabadeedna sannadkii labaad waan xanuunsaday dhakhtar baan tagoo wuxuu igu yiri dhiig-kar baad qabtaa, sannadkii saddexaad baan shaqeeyay waan xanuunsaday dhakhtarkii baan tagay dabadeedna wadnihii ayaaban sidiisii u shaqeynayn” ayuu yiri. Waxa uu intaas ku daray “Macnuhu waxaa weeye wax ka badan mushaharkii laguu qorey ayaa kusoo galay waa xaaraan dee, waar xaaraantii hore illaahay ha iga cafiyo xanuunadii iyo dhibaatadii aan ka qaadey ayaan mashquul ku ahay”.sidaasi waxaa sheegay Maxamed Abgaal. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
  10. Maxamed Jaamac Abgaal oo ahaa wasiirka hore ee boostada iyo isgaarsiinta Somaliland ee xukuumdii Madaxweyne Siilaanyo ayaa sheegay inuu xanuuno uu weli la tacaalaayo ka qaaday lacaggo si aan haboonayn ugu baxsaday mudadii uu ahaa wasiirka, wuxuuna umadda Somaliland iyo Illaahayba weydiistay cafis. ” Anigu waxba ma qarsan karaayee, war xanuuno badan oo aan ka qaaday tii hore ayaan dawadoodii la tacaalayaa, sababtoo ah markii lagu yiraahdo xil wasiir baad haysaa lacagaha ku qoran macal marka lagu daro gunno xileedka waa kun iyo shan boqol oo doolar iyo wax noocaasay noqonaysaa, dabadeed waxaa laguu dhiibayaa miisaaniyad shay walba iyo lacag walba ku qoran tahay taas oo ay tahay in arimo gaara lagu qabto, marka lacagahaa noo qoraa noloshayada makafayn karin sidaa darteed dollarkii dheeriga ahaa ee aan halkaas ka qaadanay waa xaaraan” ayuu yiri wasiir Abgaal. Wasiir Maxamed Jaamac Abgaal ayaa sheegay inuu xanuusaday markii uu muddo yar shaqaynaayey, markii uu baaray arintaasna uu ogaaday in xanuunadan ay sabab u tahay lacaggo xaaraana oo uu ka qaatay wasaaradii uu masuulka ka ahaa. Abgaal ayaa sheegay inuusan diyaar u ahayn inuu qabto masuuliyada danbe, wuxuuna Illaahay waydiistay inuu ka cafiyo xaaraantii uu horay u qaatay. Siyaasigan ayaa tilmaamay in xanuunadan aysan kaligiis ku koobnayn balse ay jiraan siyaasiyiin kale oo xanuuno lagu imtixaamo marka ay xoolaha dadweynaha si aan haboonayn ugu takri falaan, wuxuuna tusaale usoo qaatay inay jiraan kuwo uu midabkoodu isbadelo oo loo malaynaayo inay cadaadeen oo ay qurux badnaadeen hase ahaate ay arimahaas xanuuno sababeen. Masuuliyiinta Soomaalida ayaa la sheegaa inay hantida dadweynaha ee ay gacanta ku hayaan u isticmaalaan si lamida hantidooda gaarka ah, waase adag tahay siyaasi Soomaaliyeed oo sidan oo kale cafis uga dalbada umadda iyo Illaahay. PUNTLAND POST The post Siyaasi sheegay inuu ku xanuusaday lacaggo xaaraana oo uu qaatay mar uu xil Dawladeed hayey appeared first on Puntland Post.
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu qabtay nin ajnabi ah oo la sheegay in laga shakiyey, sida ay ilo-wareedyo ku sugan u sheegeen Caasimada Online. Ninkan oo aan weli magaciisa la shaacin ayaa wararka ay sheegayaan inuu u dhashay dalka Mareykanka, una socda magaalada Addis-Ababa ee dalka Itoobiya, isaga oo raaci lahaa diyaaradda Ethiopian Airlines. Sida ay ilo-wareedyo, lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online, boorso uu watay ninkan ayaa laga helay gasacado ay ku jiraan sunta dadka ka ilmaysiisa, lamana yaqaan waxa uu ka damacsanaa. Ninkan ayaa waxaa hadda loo gudbiyey xarunta dambi-baarista booliiska ee CID-da, halkaasi oo kiiskan baaritaan dheeri ah lagu samaynayo. Dowladda Soomaaliya ayaan illaa iyo hadda wax faah-faahin ka bixin arrintan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  12. Lix wariye oo ka howl-gala warbaahinta ku hadasha afka xukuumadda Somaliland ayaa loo haystaa in ay Like, Comment iyo share ku sameeyeen qoraallo ay xukuumadda Somaliland dhibsatay. Wariyeyaashan ayaa la sheegay in ay u yeedheen guddida anshax marinta wasaaradda warfaafinta Somaliland. Kooxdan weriyeyaasha ayaa magacyadooda lagu sheegay: Cabdicasiis Maxamed Maydhax, Siciid Faarax Cagjar, Nuura Maxamed Nuur, Muna Ibraahim Dhakhtar, Nasiim Maxamed iyo Mubaarik Yuusuf Cabdi. Dhammaan warieyayaashan waxaa ay ka hawl-galaan Radio Hargeysa, Wargeyska Dawan iyo TV-ga Somaliland. Wariyeyaashan ayaa sugaya go’aanka ay ka qaadan doonto wasaaradda warfaafintu, iyadoo horey mushaharka looga jaray wariyeyaal kale oo iyagana lagu qabsaday arrimaha noocan oo kale ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. (SLT-Nairobi)-Wargeyska The Nation ee ka soo baxa Nairobi ayaa qoray inay Koox ka tirsan Hay’addaha Ammaanka ee dalkaasi ee baadhitaanka ku haya Weerarkii Hotelka Dusit D2 ay ballaariyaan Baadhitaankooda, kadib, markii ay Boliska Degmadda Kituya ee W/bari ee dalkaasi sheegeen inay gacanta ku dhigeen dhowr qof oo isugu jiray somali iyo Kenyan oo ku sugnaa 2 Hotel oo ku yaalla Degmadaasi. Wargeysku waxa uu qoray in mid ka mid ah dadka la qabtay uu ka mid yahay Muwaadin Somali haysta Baasaboorka dalka Britain, waxaana Ninkaasi magaciisa lagu sheegay Muxiyadiin Xasan oo 47-jir ah. Taliyaha Boliska Degmadda Kituya, Antooni Kamiyu waxa u u sheegay inay Ninkaasi ku soo qabteen Hawlgal ay shalay subax ka fuliyeen Hotellka lagu magacaabo Parkside Villa Hotel oo ku yaalla Degmadaasi, waa sida uu hadalka u dhigay. Taliyahaasi waxa uu magacyadda saddex kale ee ay hawlgalkaasi ku qabteen ku kala sheegay Muuse C/qaadir oo 25-jir ah, Axmed Idris Maxamed oo 24-jir ah iyo Maxamed Cabdi Cali oo 25-jir ah. Wuxuuna intaasi ku daray inuu Muuse C/qaadir haystay dhalashadda Kenya, halka labada kale aysan wax aqoonsi wadanin. Source
  14. (SLT-Hargeysa)-Cirbixiyeenada ayaa soo uruurinaya macluumaadka dayax madoobaad la sheegay in uu dhacayo, kaas oo ay dadka qaar sheegayaan in uu la mid yahay kii bishii July dhacay oo loo bixiyay “Bil-dhiig”. Dayax madoobaadku waxaa si fiican looga arki karaa waqooyiga iyo koonfurta Ameerika, qeeybo ka mid ah galbeedka Yurub oo ay ka mid tahay UK iyo waqooyiga Afrika. Dayax madoobaadku wuxuu dhacaa marka qorraxda, dhulka iyo dayaxu ay isku beegmaan, taa micnaheedu waa in dhulku uu soo kala dhex galayo qorraxda iyo dayaxa, oo uu ka xannibayo iftiinka qorraxda inuu gaaro dayaxa. Dayax Madoobaanshuhu wuxuu dhacaa marka uu dayaxu galo hooska dhulka. Habeenka uu dhacayo dayax madoobaadka, waxaa kaloo la socda wax la yiraahdo “Bil dhiig”, sababta loogu bixiyeyna waa midabka guduudan ee uu yeelanayo dayaxa. Tani waxaa loo aanaynayaa iftiinka ka dhasha marka dahaarrada dhulka ka sarreeya (atmosphere) uu sii dhex maro iftiinka qorraxda oo uu yeesho midab u eg kan burtuqaalka (oranjada) ama casaan, kaasoo ku dhaca dayaxa. Waxaa intaa dheer in dayax madoobaadkan uu dhici doono, ayadoo dayaxu uu marayo halka ugu shishaysa ee dhabbaha wareegga ah ee uu ku socdo. Dayax madoobaadku waxa uu billaabanayaa Isniinta oo ay taarikhdu ku beegantahay 21 Janaayo, iyadoo marka hore qeeyb ka mid ah dayaxa madoobaan doono. Dayax madoobaadkan ayaa waxaa sidoo kale laga arki doonaa Waqooyi Galbeeed ee Faransiiska, Waqooyi Galbeed ee Spain, Portugal iyo qeeybo ka mid ah Galbeedka Afrika. Waxaa sidoo kale laga arki doonaa dhammaan Waqooyiga iyo Koonfurta Ameerika, bariga Pacific iyo Waqooyi-bari Ruushka. Eegidda dax madoobaadka adigoon qalab ku eegeeynin waxba dhib ah malahan balse waxaa aad u khatar badan in la eego qorax madoobaadka. Dhacdadaan ayaa ah fursaddii ugu dambeeysay ee ay cirbxiyeenada UK arkayaan dayax madoobaad tan iyo inta laga gaaro sanadka 2029-ka. Xigasho;BBC Source
  15. (SLT-Hargeysa)-Shacabka ayaa si weyn u sugaya nooca ay noqon doonto muddo kordhinta ay golaha guurtidu u samayn doonaan golaha wakiilada iyo wakhtiga ay ku salayn doonaan. Guddigii ay golaha guurtidu u saareen inay ka soo tallo bixiyaan muddo kordhinta loo samayn karo golaha wakiilada iyo weliba wakhtiga ugu haboon ee ay doorashada golaha wakiiladu dhici karto, ayaa la filayaa inay maanta soo gunaanadaan tallo ururintooda. Guddiga ayaa sida ay Geeska Afrika u sheegeen ilo xogogaal ahi, waxa ay ku dhex jiraan dood iyo tallo urursi dhexdooda ah, ka dib markii ay dhagaysteen dhinacyadii ay doorashadu khusaysay ee saddexda xisbi iyo guddiga doorashooyinka qaranka. KULMIYE iyo UCID ayaa iyagu guddiga golaha guurtida ah waxay u bandhigeen inay muddo kordhintooda waafajiyaan is afgaradka ay labada xisbi ka gaadheen qabsoomida doorashada oo ah in doorashadu qabsoonto dabayaaqadda sannadkan 2019. Labada xisbi ayaa ku doodaya inay danta Somaliland ku jirto inaanay doorashada wakiiladu dhaafin sannadkan 2019. Xisbiga Waddani, ayaa isna la sheegay inuu aaminsanyahay inay doorasho qabsoomi karto marka la kala diro guddiga doorashooyinka. Guddiga doorashooyinka oo aan iyagu wax xidhiidh iyo wada shaqayn ah la lahayn xisbiga Waddani, ayuu wakhtigoodu ku eegyahay dabayaaqadda sannadka 2019. Muddo kordhintn la filayo in loo sameeyo golaha wakiilada Somaliland, ayaa waxay ku soo beegmaysaa iyadoo uu lumay xidhiidhka iyo wada shaqaynta xisbiyada dhexdooda iyo weliba xidhiidhka iyo wada shaqaynta guddiga doorashooyinka iyo xisbiga ugu balaadhan mucaaradka ee Waddani. Si kastaba ha ahaate muddo kordhinta golaha guurtida oo loo wada dheg taagayo ayaa waxa la isweydiinayaa inay ku salayn doonaan heshiiska labada xisbi ee UCID iyo KULMIYE ee ah in doorashadu qabsoonto dabayaaqadda 2019 iyo inay sameeyaan muddo kordhin ka baxsan heshiiska UCID iyo KULMIYE oo ay sameeyaan muddo kordhin ka baxsan sannadka 2019. Source
  16. Beryahan waxaynu maqlaynay in shirkad dahab qodaysa oo sharcigi wasaarada macdanta haysata buuq laku abuuray degaanka ceeldibir . DADKA buuqa ku abuuraya ay yihiin Qurba joog oo doonaya in ay nabada gelyada khalkhal galiyan Kuna isticmaalaya lacago ay soo d irayaan OO Lee yihiin shacabka ku dirira shirkadana gacan hadal ku sameeya ayey Qurba joogu samaynayaan , Bahasha baqayada la yidhi ma dhasho wixii dhalana way ka xanaaqta ,Hada Qurba jooga degaanka C eeldibir waxana degaanki u soo kordhinmayan CIDII WAX soo kordhisana rabshado ayey ku abuurayan, Waar Ama wax la yimaada Ama dadka wax soo kordhiyey xaasidnimada ka daaya .cheif caqillada iyo suldaanka iyo xildhibaanada iyo waxgaradkuba arrinka iyo shirkadaba way soo dhaweeyen heshiish degaanka ahna way la galeen inta degaanka ka talisaana waa cuqaasha suldaanka xildhibaanada ,wasaaradu inta ayey degaanka wax ka waydiinaysa LAKIIN niman debeda casiirka ku cabaya OO qaxootiya, hadaba waraaqay so qoraan lama dhagaysanayo xukuumaduna yaanay dheg jalaq usiin , Raga sidaa samaynaya ee Qurba jooga ahi waa ragii markii jabhadu buurta soo gashay in jabhadu joogto buurta Tageerayey, waxayna ka shaqeeyan xumaanta iyo nabad gelyo xumada Wanaagana kama shaqeeyan Wasaaradu ha tixgaliso cuqaasha iyo suldaanka iyo xildhibaanada ogolaashahoda , waraaq Qurba joog qaxootiya hadalkoda ayaan dheg jalaq loo siin . Qurba jooga waxan Lee yahay WAAR meelaha qoxootiga ku joogtan wax ka noqda oo horimarka indhaha u fura iyo x idhiidhka bushada . Halgan intii joogta ayaa go,aankeda iyo aayaheeda wax laga waydiinayaa ee shaqo idiin Taal maaha ,by mire cali xasan. mohamedhassan3867@gmail.com Source
  17. The U.S. military on Saturday said it had carried out its deadliest airstrike in Somalia in months, killing 52 al-Shabab extremists after a “large group” mounted an attack on Somali forces. The U.S. Africa Command said the airstrike occurred near Jilib in Middle Juba region. There were no reports of Americans killed or wounded. The U.S. statement did not say whether any Somali forces were killed or wounded by the al-Qaida-linked extremists. Al-Shabab via its Shahada news agency asserted that its attack on two Somali army bases killed at least 41 soldiers. It described the location as the Bar Sanjuni area near the port city of Kismayo. There was no immediate comment from Somalia’s government. In neighboring Ethiopia, state television cited the defense ministry as saying more than 60 al-Shabab fighters had been killed and that four vehicles loaded with explosives had been “destroyed.” Ethiopia contributes troops to a multinational African Union peacekeeping mission in Somalia and has troops there independently under Ethiopian army command. A Somali intelligence officer said al-Shabab had been amassing fighters for more than a week to launch a major attack against Somali and Kenyan forces in order to disrupt a planned offensive against the extremists. The officer said some 400 extremists, including foreign ones, had been prepared, including two suicide car bombers. The officer spoke on condition of anonymity because they were not authorized to speak to reporters. Al-Shabab controls large parts of rural southern and central Somalia and continues to carry out high-profile suicide bombings and other attacks in the capital, Mogadishu, and elsewhere. The Islamic extremist group claimed responsibility for the deadly attack on a luxury hotel complex in the capital of neighboring Kenya on Tuesday, the latest high-toll assault inside that county in retaliation for Kenya sending troops to Somalia to fight al-Shabab. The extremist group finds itself under pressure at home on a number of fronts, including from a small presence of rival fighters linked to the Islamic State organization, which has begun challenging al-Shabab in recent months. The United States has dramatically stepped up airstrikes against al-Shabab in Somalia since President Donald Trump took office, carrying out at least 47 such strikes last year. Some have targeted top al-Shabab leaders or key financial officials; the extremist group funds its attacks with an extensive network of “taxation” and extortion. In October, the U.S. said an airstrike killed about 60 fighters near the al-Shabab-controlled community of Harardere in Mudug province in the central part of the country. The airstrikes hamper the extremist group but have not “seriously degraded al-Shabab’s capability to mount strikes either inside or outside Somalia,” Matt Bryden of Sahan Research, an expert on the extremists, told The Associated Press after the Nairobi hotel attack. Airstrikes alone cannot defeat the extremists, Bryden said and must be combined with more ground-based attacks as well as a non-military campaign to win over residents of extremist-held areas. The U.S. on Saturday said it is committed to “preventing al-Shabab from taking advantage of safe havens from which they can build capacity and attack the people of Somalia.” The post US airstrike in Somalia kills 52 al-Shabab militants appeared first on Shabelle. View the full article
  18. (SLT-Hargeysa)-Wasiir hore ee wasaaradda boosaha iyo isgaadhsiinta Maxamed Jaamac Abgaal ayaa waxa uu jawaab adag ka bixiyay hadal dhawaan ka soo yeedhay Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow, Halkan hoose ka DAAWO Source
  19. Inta uu labada jilib dhulka dhigay ayuu haddana kambadhuudhsi iyo kuududsi waxaan loo kale garaynayn u fadhiistay. Labada dhafoorna wuu qabsaday isaga oo niyad jabsan ayuu hoos eegay. Waxa uu isku qabtay labada indhood qalbigiisiina waxa uu ilbidhiqsiyo gudahood ka fekeray oo uu muuqaalkooda isu keenay waxaanu sannado arkeen. Samada waxa kaga soo degay humaag sida heeryada fuulay uu qalbigiisa u diiday in uu kor u ruqaansado. Waxaa is tusay in uu meel madhan taaganyahay. Waxa uu arkay fooqyo dhaadheer oo hareerihiisa ka yagleelan. Waxa soo hormaray dad nolosha heer ka gaadhay oo maalin walba uga sheekeeya sida ay ku gaadheen. Waxa sida shilinka hor wareegay hayntiisa yar ee uu maanta haysto. Waxa uu is barbardhigu ka sameeyey boqolaal hayntoodu fiicantahay oo sida libaaxa u nool iyo isaga oo qaadaa-ma-dherge ah, laakiin waxbartay. Waxa ka soo mudhtidhi ilmo waaweyn oo sida mudaca isha gubaysa. Waxay qoysay labadiisa indhood. Waxay ka gashay afka. Waxa ku abuurmay xanuun aanu garaynayn oo layidhaahdo “Alle waadka quusatay, balse, ma ogsoonid adigu”. Shaydaankuna waxa uu dhegta ugu tuuray, “Adduunyadan nasiib kuma lihide tolow Alle muxuu kuu keenay arladan?. Kama danbaystii waa uu tahriibay. Waxaanu ku dhintay badweyntii. Haseyeeshee, waxa uu garanwaayey bar cidla ah u bax oo tusbaxaagana qaado. Muuqaalkan Alle-keen-ka ahna daalaco. Deegaan dabiiciya oo cagaaran. Dhulkuna uu mugdiyahay. Xiddigaha samada ku xardhanina si’ toosa u muuqanayaan. Bar kasta oo cirka ahna kaaha ka soo baxayaa kale geddisanyahay. Si’ kale jaadana uu u kale weynyahay xiddigaha kaahoodu. Mid baa sii dhacaysa. Qaar baa kaaya oo kolba naaqusmaaya. Qaar baa dhaw. Qaarkale ayaad dirqi ku arkaysaa. Dhammaan cirka iyo xiddigu waxay kuu bixinayaan deegaan qurxoon oo bilaa xasarada. Intaad tusbaxaagii la soo baxday ma ka fekertay booqashada sagaalka meere ee la sheego!. Ugu horrayn, intaad indhaha isku qabatay ma gaadhay meeraha Saateen(Saxal). Markiiba ma aragtay sawir sida kubbada oo kale ah. Laakiinse, leh giraamo si’ xarrago ah u wareegaya. Ma ku soo dhowaatay oo ma dhugatay deegaankiisa ka kooban qabawga, barafka, iyo hawdiisa teenne ka geddisan. Judhiiba ma la tacajubtay giraamaha ku wareegsan ee qurxinaaya sida gabadh maxajabada oo faraatiyo isku qurxisay. Giraanka kamid ma dul fadhiisatay adoo faraxsan. Ma kula wareegtay oo ma xasuusatay awoodda Allahii sidan quruxsan u abuuray. Hareerta bari ma ka istaagtay oo ma daawatahay dayaxyada duldawaafaya ee sida bilaa dhibta ah ku wareegaya. Adoo heehaabaya ma ragtay wax dhagax u eeg oo geeska sare kaa xiga. Intaad duushay ma is-tidhi bal waxan eeg oo ma isu beddelay muuqaal aanad weliga arag. Ma dul is-taagtay. Isla bartii ma sii dhugatay. Wardigii intaanad dhammayn cadceeda kaaheedu geeskaas ma ka soo muuqday oo ma aragtay. Deegaan qurxoon, arlo aanad weliga ku fekerin in ay jirto. Allaha intaas oo deegana lihi in uu qalbigaaga daalacanaayo ma ogaatay. Haa!. Ma xasishay oo qalbigaagu Alle si’ toosa ma ugu xidhmay. Ugu danbayn, nolosha haka quusan Allahii intaas oo duniya iyo inta aynaan malaysan karin abuuray ayaa inoo noole. Isaga ayaa ku nooleeyey adiga oo aan wax la sheego ahayn. Sadam Osman kaabash Hargeisa, Somaliland. Biomedical Scientist. sadamkabash99@gmail.com Source