-
Content Count
211,244 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
The President of Somalia, Mohamed Abdullahi Farmajo has assented the budget of 2019 barely a day after the federal parliament approved 340 million. The President has thanked the members of parliament for fulfilling their constitutional obligations of approving the national budget during their session on Sunday 30th December 2018. He attributed the growth of the economy that spearheaded to an increase of this year’s budget to his government’s policies towards fighting corruption. “ The growth of the economy in the country is a piece of evidence towards the policies put in place to fight graft, ” the President said. “A combined effort by the government and the citizens on rebuilding the country is bearing fruits.” The President called for more focus on social services, employment for young population and stability. “Most of our budget originated from our revenue collections that clearly shows how we are committed to competing with other countries around the globe, ” he said. The members of the House of the People of Somali parliament endorsed 340 million 2019 budget on Sunday following two days of debate. The figure, which was approved by the cabinet in October last year, is about 24 percent rise from last year’s $275 million budget. Security and development allocations take the lion’s share in this New Year’s budget. The post Somali president signs the $340 million budget for 2019 appeared first on Shabelle. View the full article
-
Garowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Garowe ee caasimada maamulka Puntland ayaa sheegaya in baarlamaanka maamulkaasi ay doorteen guddoomiye KMG ah. Guddoomiyaha kumeel gaarka ah ee baarlamaanka Puntland ayaa xilka heyn doono muddo kooban, waxaana uu ku wareejinayaa guddoomiyaha cusub ee loo doorto baarlamaanka Puntland. Xildhibaan Xuseen Xaaji Yaasiin ayaa loo doortay guddoomiyaha KMG ah kadib markii maanta la dhaariyay xildhibaanada, waxaana xilkaasi loogu dhiibay maadaama uu noqday shaqsiga ugu weyn xildhibaanada. Xildhibaanada baarlamaanka Puntland ayaa la dhaariyay saacado uun kadib markii shalay gelinkii dambe lagu dhawaaqay. Guddoomiyaha cusub ayaa laga doonayaa inuu ka shaqeeyo soo xulista guddiga doorashada guddoomiyaha baarlamaanka, waxaana kadib xigi doono doorashada madaxweynaha. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
-
Qaran News
-
Maalmahan oo kale, gaar ahaan 07/01/ 2014-kii, Cabdiweli Gaas oo murashax ahaa ayaa hortagay baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland, isaga oo codsaday in lagu aamino talada maamulkiisi si uu wax uga qabto: midnimada Puntland, xoojinta amniga iyo dib u dhiska ciidamada, kaabayaasha dhaqaalaha iyo hormarinya bulshada, cadaalada, sharciga oo shaqeeya iyo geedi u socodka dimoqoraadiyadda, simoqoraadiyadda iyo dhulka maqan! Haddaba, 5 sano kadib, Goobjoog News, waxaa ay akhristayaasheeda dib u xusuusineysaa khudbaddii uu ka hor-jeediyey baarlamaanka si loo qiimeeyo waxa ka fulay ballamihii uu qaaday. Akhriso: Khudbadda Murashax Cabdiwali Maxamed Gaas ee 07/01/ 2014-kii. Bisinka. “Mudane Gudoomiye, Gudoomiye ku xigeennada, xildhibaanada iyo marti sharafta kale Assalmu calekum, mudanayaal iyo marwooyin kadib markii aan si mug weyn ugu dhabo galay xaaladda siyaasadeed iyo midda deegaan ee Puntland, weliba dib u milicsaday marxaladihii ay Puntland soo martay tan iyo markii dhidibbada loo taagay iyo meesha ay maanta taagan tahay hadda, waxaan is waydiiyay su’aasha ah: Maxaa Puntland hiigsan kartaa ama ay tahay himiladeeda duruqsan iyo midda dhow, maxaase ka qaldamay?! “Walaalayaal sida aad wada ogsoon tihiin, Puntland kama jirto dowladnimo taabo-qaaday, Puntland kama jirto dowlad u damqata dadkeeda, Puntland kama jirto dowlad u adeegta dadkeeda, kama jirto dowlad u nugul dadkeeda, kama jirto dowlad daboosha baahida dadkeeda, Puntland kama jirto dowlad ku shaqeysa rabitaanka dadkeeda, Puntland kama jirto dowlad dhista maamul baahsan oo wada gaara dhulkeeda, sidaa daraadeed Puntland uma baahna labo arrimood midna: Meesha ay Puntland taal ciddii dhigtay uma baahna inaan doorano, waddadii aan soo marnay inaan dib u raacno uma baahna Puntland, waayo taasi waxba ma badaleyso. Haddii aad rabtaan in shanta sano ee soo socotaahi ay u ekaato shantii sano ee lasoo dhaafay dabcan waa garanaysaan cidda aad dooraneysaan, lakin anigoo ku kalsoon caqligiina, aaminsan garashadiina, ku kalsoon cadaaladiina, waxaan rajeynayaa in shanta sano ee soo socotaahi ay ka fiicnaan doonto, uga reyn doonto Puntland shantii sano ee qaxarka aheyd ee lasoo dhaafay” “Sidoo kale Puntland uma baahna cid ku far barata oo ku feegaarto Puntland, Puntland uma baahna cidaan laheyn khibrad maamul iyo mid siyaasadeed toona” “Walaalayaal baaxadda dhibeed ee ka jirta Puntland iyo mashaqadda taagan saamixi maayaan in Puntlnad lagu aamino cid ku barata ee ku socod barata. Walaalayaal maanta Puntland waxay u baahan tahay dowlad og xadkeeda aan faro galin ku sameyn hay’adaha sharci dajinta una gacan baneysa in baarlamaanku guto waajibaadkiisa dastuuriga ah” “Puntland waxay u baahantahay dowlad aan xisaabiyaha guud iyo hanti dhowrka magan uga noqon waajibaadkooda wasiir iyo madaxweyne toona. Puntland waxay u baahan tahay qof dhaqaale uga raadin kara beesha caalamka, xiriir dhaqsaha ah ula sameyn kara, hadaba markii aan ogaaday baahida dowladnimo, dhaqaale , bulsho iyo banii aadam nimo ee ka jirta Puntland ayaa waxaan go’aansaday oo doonayaa inaan ahmiyadda koobaad siiyo arimaha soo socda “Midnimada Puntland, Amniga Puntland, Hor u marinya hay’adaha wax soo saarka iyo kobcinta kaabayaasha dhaqaale, cadaaladda, hirgalinta sharciga iyo geedi u socodka dimoqoraadiyadda, dib usoo celinta dhulka maqan”. Midnimada Puntland: Walalaalayaal ma ahan arin mugdi ku jiro in dadka Puntland ay si wada jir ah oo aan loo kala harin ay ku heshiiyeen inay dhidabada u taagaan Puntland sanadkii 1998-dii tasoo oo ku timid rabitaanka shacbiga ama umadda reer Puntland, sida aad ka war qabtaan lixdii sano ee lasoo dhaafay waxaa dhaawac soo gaaray midnimadii Puntland, waxaa ganacta maamulka ka baxay dhul baaxad weyn leh oo Puntland ka mid ah, waxaa kale oo dhacay in deegaanada Puntland aanay si siman u helin adeega bulshada sida caafimaadka, waxbarashada, sugidda nabad galyada, biyada iyo dhamaan adeega bulshada” “Si aan xal waaro ugu helo dhibaatooyinka iyo caqabada hor-taagan midnimada Puntland waxaa hadii Eebe raali ka noqdo u qaban doonaa shirweyne guud oo lagu maareenayo midnimada Puntland, isla markaana lagu lafa gurayo sidii marlabaad loo dhayi lahaa dhaawicii ku yimid midnimada Puntland, sidoo kale waxaa shir weynahaas ku marti qaadayaa dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada deegaanada Puntland oo ay ugu horeeyaan Isimada, Cuqaasha, Culaa’udiinka, Buslshada rayidka ah iyo qurbo joogta Puntland. Dowladeydu waxay dhaqan galin doontaa qodobada kasoo baxa shirkaas, waxaan balan qaadayaa in si simman loo gaarsiiyo adeega bulshada dhamaan bulsh weynta ku nool guud ahaan Puntland” “Mudanayaal iyo Marwooyin, shantii sano ee lasoo dhaafay, maamulka Puntland waa ka gaabiyay inuu daboolo baahida deegaanada Puntland, waana arrinta keentay in Puntland sarrifanto oo midnameedii ay burburto, waxaan kala shaqeynayaa Baarlamaanka iyo Xukuumadda Puntland isku xirka dowladda iyo dadweynaha, ogaadana waa muhiim in Puntland hesho xukuumad lala xisaabtamo oo tayo wanaagsan leh, waajibaadkeedana gudan karta” Xoojinta Amniga iyo dib u dhiska ciidamada: Walaalayaal sideedaba amnigu waa furaha nolosha, qof kasta oo muwaadin Puntland ah waxaa uu xaq u leeryahay inuu nabad ku noolaado isaguna uu nabad galyo bixiyo, waad og tihiin dilalka loo geysanyo aqoon yahanada, siyaasiyiinta, ganacsatada, culumaa-u-diinka iyo dhamaan qeybaha kale ee bulshada kaas oo aad la socotaan inuu gaaray heer aan loo dul qaadan Karin, waana la joogaa waqtigii la joogin lahaa” “Haddii ay bulshadu cabsi ku nooshahay ma gaari karto wax horumar ah, wayna adkaanaysaa inay maareeyaan waayaha ku xeeran, walaalayaal waxaa intaas dheer isku dhaca qabaa’ilka oo soo noq noqday oo soo jiitamay oo gaaray heer aan waxba laga qaban Karin oo nidaamkii dowliga ahaana iska daawado,Maamulka hada jiraana waxaa uu ku guul dareystay inuu ciidamada mushaar siiyo 10-kii bilood ee lasoo dhaafay, waana arinta keentay in ciidamada ammaanka u gudan waayaan howlihii loo igmaday sidii loogu talo galay ee waajibaadkooda dastuuriga ahi uu ahaa” “Hadaba walaalayaal aniga oo kaashanaya Khibradeyda markaan Ra’isul Wasaare ka ahaa Soomaaliya, waxaan aamisanahay in wax weyn laga qaban karo arrinta ammaanka iyo la dagaalanka argagigixisada, hadii la helo qorshe cad oo amni , ku saleysan xaqiiqo dhab ah, ka tarjumaya rabitaanka iyo dareenka shacabka, waxaa sahlanaan doonto si wada jir ah loo wajaho dhibaatooyinka nabad galyo ee Puntland heysata, sidoo kale waxaa lasoo afjari karaa arrimaha dhibka ku haya amniga Puntland sida burcad badeeda, Tahriibka i.w.m” “Walaalayaal waxaa lagama maar maan ah in la dhiso ciidan amniga gacan bir ah ku qabta, ciidamadaas oo mushaarkooda si joogta ah u helaya fayo iyo tiro ahaanba dhameys tiran si heer sare ah loo siiyo tababaro heer qaran ah, sugida amaanka waa ina la gaar siiyaa dhamaan deegaanada Puntland” Kaabayaasha dhaqaalaha iyo hormarinya bulshada: Puntland oo ilaahay ku maneystay kheyraadka daabiga ayaa waxaa nasiib daro ah in maamuladii hore aysan ku guuleysan siyaasad dhaqaale oo hor-marineed oo qoto dheer, Walalalayaal 15-kii sano ee lasoo dhaafay, waxaa lagu guul dareystay in la xoojiyo dhaqaalaha, dhaqaalaha oo kor loo qaado ayaa horseedi kara in la sugo amniga iyo xasiloonida, waa arinta keentay in Puntland aanay tilaabo u qaadin dhimaca hor umarka” Kor u qaadista dakhliga dowladda iyo siyaasad ee cashuur bixinta iyo hanta dhowrka..waa waxa ugu muhiimsan oo wax weyn ka qaban doono inshaa-alaah” “Hadii aan qofka cashuurta bixiyaa uu san dareesaneen in cashuurtaad dib ugu soo laabanayso, way adagtahay in lagu qanciyo cashuur bixin, Cashuurtu waa inay ku saleysan tahay qaab cilmiyeysan, hadii cashuurta la kordhiyo iyadoo aan la daraaseen awooda dhaqaale ee dadka, waxaa imaanaya in dadkii cashuurtu la dhuuntaan ama ay u wareegaan meelo kale oo ka baxsan xuduuda Puntland taasina waxay keenaysaa dhaqaale burbur iyo isku dhex yaac dhaqaale oo baahsan” “Waxaa lagama maar maan ah in la helo tilaabooyinka soo socda, cashuur cadaalad ku saleysan iyo kor u qaadista heerka nolosha bulshada, dhiiri-galinta iyo wacyi galinta ganacsatada si ay uga qeyb qaataan bixinta cashuuraha lagu hor marinayo Puntland, kor u qaadista dareenka Mas’uuliyadda iyo la xisaabtanka, la dagaalanka musuq-maasuqa iyo cirib tirka musuqa, miisaaniyad buuxda oo cadeynaysa dhamaan dakhliga soo gala Puntland ee meesha lagu jihaynayo” Cadaalada, Sharciga oo shaqeeya iyo geedi u socodka dimoqoraadiyadda: Walalalayaal cadaalad loo siman yahay in sharciga oo la dhaqan galiyo waa arimaha aan si dhaqsa ah wax uga qaban doono hadii aan hogaanka dalka qabto inshaalaahu, waxaan u baahanhay cadaalad shakhsi oo wiilka Bari Joogo, wiilka Buuhoodle jooga, wiilka Baargaal jooga iyo wiilka Madaxweynuhu dhalay ay u simanyihiin xuquuqda iyo waajibaadka dalka, waxaa sidoo kale lagama maarmaan ah I dhayo boogaha ay dam qeyso cadaalad darada soo jireenka ah oo ku dhacday dad gaar ah iyo beelo gaarah” “Waxaan sugidoonaa xuquuqda haweenka, caruurta iyo dadka la heyb sooco iyo dadka laga tirada badan yahay, waxaa loo baahanyahay in la helo cadaalad deegaan oo deegaanada Puntland ay u siman yihiin hor u marka iyo adeega bulshada” “Hadaba waxaa arimahan oo dhan sahli kara iyada oo lasoo afjaro musuq maasuqa iyo in kor loo qaado tayada maxkamadaha si loo adkeeyo sharciga iyo kala dambeynta, si markaas aan u qaadano dhabaha saxda ah ee aan hiig saneyno inaan Puntland ku toosino, waxaa lagama maarmaan ah dhisid qaab cadaaladeed oo dhameys tiran iyo in la taabo galiyo in sharciga loo siman yahay. In la baahiyo adeega iyo ilaha dhaqaalaha qofka u helo xuquuqdiisa si uu u guto, adeegana waa inuu gaaraa qof kasta oo reer Puntland ah iyo taako kasta oo Puntland ah” Dimoqoraadiyadda: Puntland waxay soo gaartay xiligii la gudbi lahaa qaabka qabaa’ilka oo loo tilaabsab lahaa waqtigii qofka kasta codkiisa dhiiban lahaa, waa waqtigii hoos laga soo bilaab ilahaa doorashooyinka oo lasoo dhiraan dhirin lahaa nimaadka diqmoraadiyeyta, waxaan dhaqaale iyo waqtiba galin doonaa sidii loosoo afjari lahaa qaabka qaa’ilka ku saleysan ee Puntland ka jira maanta, waxaan dardar galin doonaan geedi u socodka dimoqoraadiyadda, mudada aan Madaxweynaha ahana waxay dhamaanaysaa iyadoo la gaaray in qofka kasta uu doorto qofkii isaga matali lahaa” Dhulka maqan: Walaalayaal, dhulka maqan waa boog ku taal Puntland, waa dhaawac ku yaal qof kasta oo Puntland ku nool, beel beel kama qabsan ee maamulbaa maamul ka qabsaday, dhulku beel gaar ah kama maqna, faataxa laguma qabsan, Faataxana ku soo laaban mayo, wixii siyaasad ku saleysan siyaasad baan ku maareynaynaa, wixii xoog lagama maarmi waayana waxaa lagama maar maan ah in Puntland fuliso waajibkii loo igmaday ee dastuuriga ahaa”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur ayaa soo dhaweeyay qoraal kasoo baxay beesha caalamka, kaasi oo looga hadlayay xariga Mukhtaar Roobow iyo rabshadihii ka dhacay magaalada Baydhabo. Qoraal dhinacyo badan ka koobnaa oo uu soo dhigay bartiisa Facebook ayaa u qornaa sidan:- Waxaan soo dhowaynaynaa qoraalka ka soo baxay Xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Haysom, oo ay taageerayaan dawlada Ingiriiska, Jarmalka iyo Midowga Yurub. Fariinta Beesha caalamka u direen Dawlada Federaalka ah ee ku aadan dilkii iyo xarigii ay Ciidanka Booliska kula kaceen shacabka Koonfur Galbeed, waxay tilmaam u tahay in Beesha Caalamka bilwaday ka falcelinta gaboodfalka iyo ku takrifalka awoodeed ee madaxda Dawlada Federaalka ah. Waxaan kaloo soo dhoweynaynaa hakinta deeqdii dhaqaale ee ay siin jireen Booliska Koonfur Galbeed inta xukuumada Federaalka ah ay ka jawaabayso su’aalaha sharciga ah ee la hordhigay ee ku aadan habdhaqanka Booliska Federaalka ah guud ahaan iyo Booliska Koonfur Galbeed gaar ahaan. Cidii garasho leh waxay dareemi kartaa miisaanka siyaasadeed ee uu leeyahay qoraalka ka soo baxay xafiiska Ergeyga Qaramada Midoobay iyo raadayn taban ee dhinaca sharciga iyo xadgudubka xuquuql insaanka ee uu ku yeelan karo madaxda dawlada iyo saraakiisha ciidanka ee ku lug leh gaboodfalkii dhacay. Waxaan xoojinayaa kulamada ay deeqbixiyayaashu ku dalbadeen in la xisaabtanka lagu daro gaboodfalka joogtada ah ee uu taliska Boolisku Gobolka Banaadir, gaar ahaan ciidanka Hay’adda Sirdoonka (NISA) laga soo wareejiyey ku hayaan Shacabka Muqdisho, gaar ahaan siyaasiyiinta iyo Xisbiyada siyaasadeed. Hadii dawladu Dastuurka dalka ilaalin wayso, sharciga iyo qaanuunkana dhowri wayso, natiijadu waxay noqonaysaa laba midkood 1- In shacabku sharciga gacantooda ku qaataan, gabood falkana iska caabiyaan, waana cawaaqib xumidii dawladii hore dumisay 2- iyo in aduunka soo dhexgalo oo uu masuuliyada nagula xisaabtamo. Waxaa lagama maarmaan ah in Hoggaanka sare ee dawlada ay ogaadaan in aysan jirin cid sharciga ka saraysa ama sida ay doonto ka yeeli karta. Hadii xil iyo awood laguugu aaminay macnaheeda maaha in aad sidii aad doonto ugu takri fasho. Xisaabtanka oo soo daaha macnaheeda maaha in aad cadaalada ka fakan karto, cadaalada maalin uun baa lagaa gudan. Waxaan u digaynaa saraakiisha ciidanka qaybihiisa kala duwan, Milateriga, Booliska iyo Nabadsugida in ay takrifal iyo xadgudub kula kacaan shacabkooda iyagoo fulinaya amaro sharciga iyo dastuurka dalka khilaafsan. . Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Barlamaanka cusub ee dowladda Puntland ayaa maanta guddoomiye kumeel gaar ah udoortay xildhibaan Xuseen Xaaji Yaasiin Diiriye, kaasoo loo xushay inuu yahay ninka ugu da’ada [...] Source
-
Xildhibaannada cusub ee Golaha wakiilada dowladda Puntland oo shalay lagu dhawaaqay ayaa saaka la dhaariyay. Xubnahan ayaa guddoomiye ku meel-gaadh ah u doortay Xuseen Yaasiin Xaaji Diiriye oo ah ninka ugu da’da weyn inta laga dooranayo guddoonka rasmiga ah. Golaha ayaa ka kooban 65 nin iyo hal gabadh,waxaana ku jira 49 weji oo cusub,halka 17 xubnood oo kale ay ka soo laabteen Baarlamankii hore. Mas’uuliyiin kala duwan oo saaka khudbado u jeediyay Baarlamanka ayaa kuldardaarmay in aysan ka been-sheegin Kitaabkii ay ku dhaarteen,islamarkaana ay adkeeyan ammaanada loo dhiibtay. Golaha ayaa si adag looga digay in ay laaluush ku shaqeeyaan iyo in ay shilimaad ku iibsadan masiirka umadda ee lagu aaminay. PUNTLAND POST The post Xildhibaannada cusub ee Puntland oo la dhaariyay appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa markale ka hadlay hadalada hanjabaada ah ee kasoo yeeray inta badan musharixiinta u tartameysa xilka madaxweynaha maamulka Puntland. Suleymaan Cali koore, wasiirka horumarinta Somaliland ayaa ka hadlay doorashooyinka dhawaanka dhacaya magaalada Garowe, waxaana uu u jawaabay musharixiin qaar oo sheegay inay qabsan doonaan deegaanada Somaliland ka joogaan Sool iyo Sanaag. Suleymaan ayaa si toos ah ugu jawaabay Musharax Moorgan, isaga oo sheegay inuu ahaa shaqsi ciidanka ugu badan taliyaha u ahaa xiligii dowladii dhexe, balse uu noqday ruuxii ay reer Somaliland kasoo ceyriyeen deegaanada maamulkaasi, sida uu hadalka u dhigay. “Moorgan wuxuu ahaa nin hogaaminayay ciidamadii ugu badnaa oo hub walbaa heystay xiligii dowladdii dhexe, wuxuuna noqday ruxii halkaan laga ceyriyay, haddaan dadku TAANGI noqoneyn, wuxuu hadda hayaa oo gacantiisa ku jiraa ma jirto”ayuu yiri Suleymaan Koore. Somaliland ayuu sheegay inay hadda leedahay awood ciidan oo ay ku difaacdo deegaanada xuduuda ku yaala, balse wuxuu sheegay inay doonayaan in nabad lagu wada noolaado, sida uu hadalka u dhigay. Musharixiin Badan ayaa balan qaaday inay soo celin doonaan deegaano ay aaminsan yihiin inay ka maqan yihiin shacabka Puntland. Caasimada Online Xafiiska Somaliland Caasimada@live.com
-
Kismaayo ( Sh. M. Network):-Dhaq dhaqaaqyo Ciidan ayaa waxa ay ka socdaan deegaanno ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose kaas oo ay wadaan Ciidamo taabacsan maamulka Jubbaland. Saraakiisha Ciidamada maamulka Jubbaland ayaa ku sheegay dhaq dhaqaaqyadooda in ay yihiin fulinta awaamiirta Hoggaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ee ku aadanaa in Al Shabaab laga saaro gebi ahaan Gobolka Jubbada dhexe. Hayeeshee dadka ka faalooda xaaladaha Jubbaland ayaa ku sheegay go’aanada ka soo baxay Axmed Madoobe kuwa soo daahay maadaama uu ku soo beegay xilli fooda nagu soo heyso doorashada Madaxweyne ee maamulkaas. Howlgallada ka dhanka ah Al Shababa ee Jubbaland haatan bilowday ayaa la sheegay in aysan qeyb ka ahayn Ciidamada AMISOM. The post Dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo ka socda Deegaanno hoostaga Jubbada Hoose. appeared first on Shabelle. View the full article
-
Xildhibaan C/raxmaan Jaabiri Samatar oo ka mid ah mudanayaasha cusub ee baarlamaanka Puntland ayaa ka hadlay cidda ay madaxweynaha maamulkaasi u dooran doonaan. Xildhibaanka oo la hadlay Goobjoog ayaa sheegay iney soo dooran doonaan cid walbo oo ay u arkaan iney samatabixin karto xilliga dadka iyo deegaannada Puntland. Wuxuu sheegay in aysan dadku ku kala xulan doonin qabiil iyo sidoo kale lacag, balse ay waxqabad ku dooran doonaan. Dhanka kale, xildhibaankan ayaa sheegay iney diyaar u yihiin sidii lagu xallin lahaa khilaafka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada gaar ahaan maamulka Puntland. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/XILDHIBAAN-Cabdiraxmaan-Jaabiri-Samatar-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Baardheere ( Sh.M.Network):-Col Guhaad Maxamuud Macalin Cumar ( Tima Jilac) oo ka mid ah Saraakiisha degmada Baardheere Ee Gobalka Gedo ayaa ka hadlay Arrimo La Xariira Amniga Degmadaas. Taliska Militariga Soomaliya ayaa xusay in ay ku howlan yihiin ka hortaga Falalka Liddiga ku ah Amniga Gobolka Gedo Ee Koofurta Soomaliya. Taliye Guhaad Ayaa tilmaamay in tallaabadaan wax Badan ay ka Bedeli Doonto Amniga Degmada Baardheere taas oo ku aadan Rag ka tirsan Al-Shabaab oo uu Sheegay in Maxkamad ku taalla degmada Baardheere ay ku xukuntay dil Toogasho ah, Isla Markaana Shalay laguna fuliyay Al Shabaab oo weli ku xoogan gobolka Gedo ee Koofurta Soomaaliya ayaa inta badan weeraro iyo dilal qorsheysan ka geysta deegaanada iyo degmooyinka Gobolkaas. The post Saraakiisha DF Somalia ee Gobobolka Gedo oo ka warbixiyay xubno Al Shabaab ka tirsanaa oo lagu toogtay Baardheere. appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ku toogtay degmada Baardheere ee gobolka Gedo 7 ruux oo la sheegay inay ka tirsanaayeen Al Shabaab. Todobada ruux ee la toogtay ayaa kamid ahaa sagaal ruux oo ku xirnaa saldhiga degmada Baardheere ee gobolka Gedo, waxaana saraakiisha ciidamada dowladda ay sheegeen inay fulinayeen amarkii kasoo baxay wasaaradda gaashaandhiga iyo taliska ciidamada ee ahaa in la toogto dadka Al Shabaab ah ee la qabto. Magacyada dadka latoogtay ayaa lagu kala sheegay Suleymaan Maxamed Sheikh, Maxamuud Maxamed Buule, Maxamed Cabdi Cali, Maxamed Yuusuf Isaaq, Aadan Carabeey Xalane iyo Maadeey Xaaji Macalin. Dhamaan dadkaan ayaa la toogtay iyadoo aysan maxkamad xukumin, waxaana saraakiisha ciidamada ee ku sugan degmada Baardheere ay sheegeen inay fulinayeen amarkii ahaa Al Shabaabka la qabto in lagu toogto halka ay joogaan. Faarax Maxamed Turbac oo ah taliyaha ururka 49 ee ciidamada meletariga ayaa sheegay in ragga la toogtay seddex arin ay u toogteen, waxaana uu ku kala sheegay inay qirteen inay Al Shabaab ka tirsan, amarkii madaxda ka sareysay ay soo saareen iyo inay 14 ruux ku dileen degmada Baardheere. Waa ragii ugu horeeyay oo amarka taliska ciidamada kadib ay toogtaan ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmada Baardheere ee gobolka Gedo. Caasimada Online Xafiiska Gedo Caasimada@live.com
-
Garoowe ( Sh.M.Network):-Muran xoogan ayaa waxa uu ka taagan yahay deegaanada maamulka Puntland kadib markii xalay lagu dhawaaqay xubanaha Cusub ee Baarlamaanka maamulkaasi. Garaad Saleebaan Garaad Buraale oo ka mid ah Isimada dhaqanka ayaa sheegay in la musuqmaasuqay xubnaha beeshiisa u matalaya Baarlamaanka Cusub islamarkaana lagu bedelay shaqsiyaad gacan ku rimis ah sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale Garaad Saleebaan ayaa ku eedeeyay Guddiga xallinta Khilaafaadka iyo Ansixinta ee Golaha Wakiilada Puntland in ay sameeyeen wax isdaba marin taasina ay sababi karto Khilaaf soo kala dhex gala bulshada Puntland. Dhanka kale waxa uu xusay Garaad Saleebaan in ay ka fiirsan doonaan ka sii mid ahaanshaha Puntland haddii aan wax laga qaban tabashadooda. Ugu dambeyn waxaa jira walaac ku aadan Liiska Baarlamaanka Cusub ee maamulkaasi Puntland iyadoo ay jirto shaki laga qabo in Madaxweynaha maamulkaasi oo Musharrax ah doonayo in uu ku shubto doorashada dhawaan la filayo in ay ka dhacdo Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland. The post Muran ka dhashay soo xulista Golaha Wakiilada maamulka Puntland. appeared first on Shabelle. View the full article
-
Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom ayaa wuxuu dowladda federaalka Soomaaliya ka dalbaday in sida degdeg ah ay sharaxaad buuxdo uga bixiso xarigii loo geystay Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur iyo sidoo kale wixii ka dhacay magaalada Baydhabo. Haysom ayaa la sheegay in uu warqad u qoray wasaaradda amniga ee xukuumadda federaalka Soomaaliy, iyadoo mas’uulkan uu sheegay in xarigga Roobow ay ku lug lahaayeen ciidamo Soomaali ah oo ay taageerto Qaramada Midoobay, islamarkaana dhinteen 15 qof oo rayid ah. Sidoo kale, qoraalkan ayaa lagu sheegay in arrimahaasi ka dhacay Baydhabo darteed loo xir-xirey 300 qof, kuwaasi oo ka carooday xarigga Abuu Mansuur. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in sababaha Roobow uga soo xireen magaalada Baydhabo ay tahay kadib markii uusan fulin qaar ka mid ah qodobo horey ugula heshiiyeen markii uu kasoo baxayey Al-shabaab. Goobjoog News Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Haysom, ayaa dowladda federaalka ka dalbaday in ay sharraxaad ka bixiso wixii ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed laga soo billaabo 13-kii ilaa 15-kii bishii Diseembar ee aynu ka soo gudubnay. Nicholas Haysom oo warqad u qoray wasiirka amniga ee dawladda federaalka ee Soomaaliya, Maxamed Abuukar Islow, ayaa ka hadlay saamaynta ka dhalan karta wararka sheegaya in ciidamo Soomaali ah oo ay taageerto Qaramada Midoobay ay ku lug lahaayeen xarigga Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, 13-kii bishii Diseembar, iyo dhimashada 15 qof oo rayid ah iyo sidoo kale dhaawaca laba qof oo kale. Arrinta kale ee lagu xusay warqaddaasi ayaa ah xarigga 300 oo qof oo kale oo la sheegay in ay ku lug lahaayeen dibadbaxyo ka dhashay xarigga Sheekh Mukhtaar Roobow oo qaarkood la sheegay in xabsiga lagu hayay wax ka badan 48 saac balse markii dambe la sii daayay intii u dhaxaysay Diseembar 18 ilaa 22 Source: goobjoog.com
-
Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Subax-010119.mp3 The post Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. appeared first on Shabelle. View the full article
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2019, kaddib markii ay ansixiyeen xildhibaannada Golaha Shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Madaxwenaha ayaa ku bogaadiyey Xildhibaannada Golaha Shacabka sida ay u meelmariyeen miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2019. Farmaajo oo dul-istaagay kororka miisaaniyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faray Xukuumadda in ay xoogga saarto dardargelinta adeegyada bulshada, kobcinta fursadaha shaqo ee dhallinyarada iyo xaqiijinta amniga muwaadiniinta Soomaaliyeed. “Kobaca dakhliga dalka waxa uu markhaati ka yahay miro-dhalka qorsheyaasha ku qotoma ladagaallanka musuqmaasuqa, sidaas darteed waa in isbeddel muuqda aan ka sameyno dhinacyada adeegga bulshada, amniga iyo hirgelinta kaabeyaasha dhaqaalaha, si dadkeennu ay u helaan nolol wanaagsan.” Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa tilmaamay in miisaaniyaddani ay ka markhaanti kacayso dadaalka wadajirka ah ee shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay ugu jiraan dib-u-dhiska dalkooda. “Miisaaniyaddan qaybta ugu badan waxa ay ku suntan tahay dakhligeenna gudaha, taas oo muujinaysa kartideenna iyo sida ay nooga go’an tahay in dalkeennu uu la jaanqaado dalalka kale ee caalamka, isla markaana uu gaaro maqaamka iyo maamuuska uu mudan yahay.” Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2019, kaddib markii ay ansixiyeen Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Madaxwenaha ayaa ku bogaadiyey Xildhibaannada Golaha Shacabka sida xilkasnimada leh ee ay u guteen waajibaadka dastuuriga ah ee kaga aaddanaa qiimeynta iyo gorfeynta miisaaniyadda sannadlaha ah ee Dowladda oo ay ku ansixiyeen cod aqlabiyad leh. Madaxweyne Farmaajo oo dul-istaagay kororka miisaaniyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faray Xukuumadda in ay xoogga saarto dardargelinta adeegyada bulshada, kobcinta fursadaha shaqo ee dhallinyarada iyo xaqiijinta amniga muwaadiniinta Soomaaliyeed. “Kobaca dakhliga dalka waxa uu markhaati ka yahay miro-dhalka qorsheyaasha ku qotoma ladagaallanka musuqmaasuqa, sidaas darteed waa in isbeddel muuqda aan ka sameyno dhinacyada adeegga bulshada, amniga iyo hirgelinta kaabeyaasha dhaqaalaha, si dadkeennu ay u helaan nolol wanaagsan.” Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa tilmaamay in miisaaniyaddani ay ka markhaanti kacayso dadaalka wadajirka ah ee shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay ugu jiraan dib-u-dhiska dalkooda. “Miisaaniyaddan qaybta ugu badan waxa ay ku suntan tahay dakhligeenna gudaha, taas oo muujinaysa kartideenna iyo sida ay nooga go’an tahay in dalkeennu uu la jaanqaado dalalka kale ee caalamka, isla markaana uu gaaro maqaamka iyo maamuuska uu mudan yahay.” Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhaqaalyahannada Soomaaliyeed diyaarinta iyo jaangoynta miisaaniyad waxtar u leh dadka iyo dalka. The post Madaxweyne Farmaajo oo meelmariyey Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2019. appeared first on Shabelle. View the full article
-
Garowe (Caasimada Online)-Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad Maxamuud oo kamid ah odayaasha dhaqanka ee Sool, Sanaag iyo Ceyn ayaa sheegay in la musuq maasuqay xildhibaanadii uu isaga gacantiisa ku qoray. Garaadka ayaa sheegay in xildhibaanadii uu saxiixay kuwo aan aheyn lagu badalay xildhibaanada kasoo jeeda deegaanada Sool, Saaag iyo Ceyn, waxaaa uu sheegay in taasi ay tahay musuq maasuq cad. Garaadka ayaa dalbaday inaan la dhaarin xildhibaanada lagu badalay kuwii uu isaga soo xulay, maadaama uu sheegay in hadda murun ka taagan yahay. Xildhibaanada Garaadka uu dalbaday inaan la dhaarin ayaa kala ah:- 1. Saadiq Abshir Garaad. 2. Keyse Cawil Cali Boobe. 3. Axmed Yaasiin Cabdi. 4. Cabdi Siciid Kafad. 5. Ismaaciil Cabdi Abtiile. Durba Waxaa muuqata in Qeylo dhaan ay ka timid soo xulista xildhibaanada baarlamaanka ee Puntland, waxaana sababta loo badalay xildhibaanada lagu sheegayaa in la doonayo in codadka laga helo. Ma jiro wax jawaab ah oo ay bixiyeen xubnaha guddiga xalinta Khilaafaadka ee Puntland. Caasimada Onlne Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa qoraaal uu soo dhigay bartiisa facebook uga fal-celiyey qoraalkii wakiilka QM ee Soomaaliya Nicholas Haysom uu u diray Amisom iyo Itoobiya kadib markii ay ciidamadooda ku yeesheen dad lagu dilay Baydhabo markii lasoo xiray Roobow kadib. Mahad Salaad ayaa ku baaqay inaan la siyaasadeyn waajibaadka shaqo ee Ciidamada Qalabka Sida iyo sharciyada Ciidamada AMISOM ay ku joogaan dalka Soomaaliya. Lana dhowro xorriyada hadalka iyo xaqa muwaadinka Soomaaliyeed. Hoos ka aqri qoraalka Mahad Salaad uu soo dhigay facebook. Midowga Yurub, Dowladaha Jarmalka iyo Ingiriiska ayaa joojiyay lacagtii ay siin jireen Ciidamada Booliska Koonfur Galbeed kadib markii lagu eedeeyay: – Xarigii Mukhtaar Roobow. – Dad shacab ah oo lagu laayay mudaharaadyadii Baydhabo ka dhacay 13 ilaa 15 December. – Xirida ku dhawaad 300 Shacab ah oo intooda badan caruur ahaayeen sida warbixinta lagu sheegay. Sidoo kale Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Nicholas Haysom ayaa waraaq u qoray AMISOM iyo Safaarada Itoobiya ku leedahay magaalada Mogadishu uu ku weydiinayo ku lug lahaanshaha Ciidamada Itoobiya gaboodfalladii ka dhacay magaalada Baydhabo 13 – 15 December. Waxaan rajaynaynaa in aan la siyaasadeyn waajibaadka shaqo ee Ciidamada Qalabka Sida iyo sharciyada Ciidamada AMISOM ay ku joogaan dalka Soomaaliya. Lana dhowro xorriyada hadalka iyo xaqa muwaadinka Soomaaliyeed u leeyahay in uu fikirkiisa u cabiro si nabadgelyo ah sida ku cad dastuurka qaranka iyo shuruucda kale ee dalka u yaalla. Mahadsanidiin Hon. Mahad Salad
-
Istanbul (Caasimada Online)- Cadeymo badan oo Turkey uu ururiyay ayaa muujinaya in meydka wariye Jamaal Khaashuqji ee wali maqan uu ku dhex jiro ceelka beerta ku taala guriga Qunsulka Sacuudiga ee dalka Turkey. Kadib markii si taxadar leh halkaasi ay u dhigeen kooxda Shabeelka ee dhaxal sugaha Sacuudiga Mohamed Bin Salmaan, sida uu sheegay qoraa buug cusub ka diyaariyay dilkii wariyaha. Jamaal Khaashuqji, ayaa la waayay kadib markii uu galay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul bishii October ee sanadkii dhamaaday 2018, waxaana uu si weyn kaga soo horjeeday Bin Salmaan iyo boqortooyada Sacuudiga Kadib todobaadyo oo ay beeninayeen dilka Wariyaha, ayaa cadaadis caalamka kaga yimid kadib, Sacuudiga wuxuu ugu dambeyn 18 ruux u xiray dilka, laakiin su’aasha wali taagan ayaa ah halka la geeyay meydkiisa maadaama wali aysan ka hadlin Sacuudiga. Buug laga qoray dilka Wariye Jamaal oo todobaadkaan lagu soo bandhigay dalka Turkey ayaa lagu wareystay saraakiil sar sare oo Turkish ah, kuwaasi oo tooshka kusii daaray dambiga la xiriira dalka Jamaal. Qorayaasha Buuga C/raxmaan Simsek, Nasif Kahraman iyo Ferhat Unlu, ayaa sheegay in dhamaan cadeymaha la helay ay muujinayaan in ceelka guriga uu degen yahay qunsulka lagu qariyay meydka, waxaana saraakiisha Turkida ay aamisan yihiin in ceelka uu ku jiro meydka, walow laga yaabo in meelo kale lagu qarin karo meydka. Sacuudiga ayaa masuuliyiinta Turkey u ogolaaday inay biyo yar ka qaataan ceelka si ay baaritaan ugu sameeyaan, laakiin wax natiijo ah lagama helin, hase ahaatee xukuumadda Sacuudiga ayaa diiday dalab kaga yimid Turkey oo ahaa inay biyaha ceelka eber ka dhigaan si ay baaritaan kale gunta ceelka uga sameeyaan. “Meydka waxaa la dhigay gunta ceelka kadib marii biyaha laga wada saaray, Tusaale ahaan waxay ku dhigi karaan gudaha ceelka iyaga oo Waxyaabo balaastiig ah dhexgeliya, waxaana jira tuhun aad u weyn oo ah in meydka la dhigay gudaha ceelka”sidaasi waxaa yiri mid kamid ah qorayaasha Buuga. Qorayaasha ayaa ugu dambeyn sheegay inaysan dhageysan codka la duubay ee dilka wariyaha, balse ay heleen xoogaa xaqiiqooyin ah oo ay ka heleen masuuliyiinta Turkey. Caasimada Online Xafiiska Istanbul Caasimada@live.com
-
Garowe (Caasimada Online) – Musharax Madaxweyne Cali Ciise Cabdi ayaa si cajiib ah kaga jawaabay Su’aalo la wada sugayay jawaabahooda, kadib wareysi uu bixiyay musharaxa. Ugu horeyn Musharaxa ayaa la weydiiyay su’aal aheyd, Dowladda Federaalka miyaa ku wadata? Jawaab: Dowladda Federaalka waxan la soo shaqaynayey illaa xiligii Cabdillahi Yusuf, xiligii Sh Shariif, xilligii Xassan Sheekh illaa hadda, laakiin wax gaar ah oo naga dhexeeyaa ma jiraan, dowladduna nin hadda socda musharax kamay dhigateen bay ila tahay ee kuwii Sanadka sharraxnaa bay diran lahayd. Suaal: Dr Cabdiweli Cali Gaas wuxu kugu eedeeyey in aanad ahayn Putlander rasmi ah oo Puntland lagu aamini karo, arrinkaas maxaad ka leedahay? Jawaab: Horta u malayn maayo Dr Abdiweli oo aanu 30 sano isnaqaanay in uu sidaa odhanayo, haddiise uu yidhi dee waxaanan garanayn meesha Abdiweli oo Dhuusamareeb ku dhashayna Puntlanderka ku noqday Aniga oo Cali Ciise ah oo meel 30KM ama 50 kiiloomitir halkan aan hadda fadhino u jirta ku dhashay oo dooxyadan Garoowe u dhow Geela ku raaci jireyna aan Puntlander u noqon waayey. Samaysankii puntland waaba la’ ogyahay cidda samaysay. Qofka sidaas u hadlaana wuxu rabaa in Puntland lagu kala tago laakiin lagu kala tagi maayo ee isagaa tegaya. Suaal: Waxad wax ka dhistay Khaatumo taas miyaan loo qaadan karin in aanad Puntland aaminsanayn! Jawaab: Dan baan u arkayey in Reer SSC la isu daayo oo ay iyagu aayahooda ka tashadaan, laakiin haddii aan taadaba kuu raaco; haddii aan soo kordhin lahaa maamul goboleed cusub oo bahwadaag la’ ah Puntland sida Galmudug iyo Hirshabeele oo kale miyaan la odhan karin dad badan waaban ka bisayl horreeyey. Suaal: Dhaqaale iyo Aqoon ba waad haysataa maxaad nolosha inta kaaga dhiman isaga raaxaysan weyday ee kugu kelifay in aad buuq iyo qaylo soo doonato? Jawaab: 35 dal baan nidaamkooda dhaqaale wax ka soo dhisay; aqoontaas aan wax ku dhisayeyna hal Dollar oo aan leeyahay wax kuma baran, qaranka Soomaaliyeed baa wax i baray, deynkii in aan soo celiyo baan isu soo sharaxay. Charity begins at home. Samafalka gurigaaga waa in aad ka bilowdo. Hadalkaan ayuu jeediyay kadib Wareysi uu siiyay Somali Cable Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Sida uu warbaahinta u sheegay Xildhibaan Nac Nac oo ka mid ah Golaha Wakiilada Somaliland, waxaa si dirqi ah Cabdiweli Cali Gaas uga badbaaday Dr. Cali Ciise Cabdi oo ah musharax kula loolamaya xilka Madaxweyne ee Puntland. Dr. Cali Ciise ayaa dhawr maalmood kahor ka degay Garowe kahor inta uusan shaacin murashaxnimadiisa xilka madaxweynaha. Maalintii xigtay ee uu Garowe tagay waxa uu Gaas soo saaray digteero Puntland in ay yimaadaan mamnuuceysa xubnaha qof ka tirsan dowladda Federal-ka ah sida Wasiirada, shaqaalaha rayyida ah iyo kuwa Villa Somalia. Isla maalintaas waxa ay warbaahinta qaar ka mid ah soo gaaray war sheegaya in la xannibay dhaqdhaqaaqa musharax Dr. Cali Ciise Cabdi xilli laamaha ammaanka maamulka Puntlland uu Cabdiweli Gaas faray in ay si dhaw ula socdaan. Ma jirto cid beenisay warkaas haddii ay ahaan lahaayeen maamulka Puntland iyo xerada ol’olaha Dr. Cali Ciise Cabdi. Taas oo ay jirto, waxaa saxaafadda la hadlay xildhibaan Nac Nac oo sida muuqaalkan hoose ka muuqata sheegay in Dr. Cali Ciise Cabdi ku sigtay in lagu dilo Garowe oo ayna sababtuna tahay in beesha maamusha Puntland aysan diyaar u ahayn ama rabin in nin reer Sool ah Madaxweyne ka noqdo Puntland. Xildhibaan Nac Nac oo ah mudane ka tirsan Golaha Wakiilada gaar ahaan kuwa ugu caansan ayaa ugu baaqay Dr. Cali Ciise in uu jagadaas Madaxweyne u soo doonto Somaliland taas oo lagu soo dhaweyn doono si ka badalan sida loogula dhaqmay Garoowe. Hoos ka daawo muuqaalka xildhibaan Nac Nac.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Puntland Dr. Cabdiraxmaan Shikeh Maxamed Maxamuud Faroole ayaa cabsi iyo wel wel ku abuuray odeyaasha dhaqanka ee soo xulay xildhibaanada cusub ee Puntland iyo gudiga xulista iyo ansixinta baarlamaanka. Faroole oo ku dhawaad 30 daqiiqo shir jaraa’id oo uu Garoowe ku qabtay warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay in uu ka baqayo in wixii Muqdisho ka dhacayey 2017 ee lagu gummaaday ergooyinkii soo xulay baarlamaanka ka dhacdo Puntland. Walow, uu yara qishay in Al-Shabaab ka dambeyn kareyn toogashooyinkii, qarixii iyo weeraraddii lagu laalay inta badan ergooyinkii soo doortay baarlamaanka Soomaaliya, hadana waxa uu ku nuux nuuxsaday in loo laayey sababo la xiriira wax is dabamarin ay ku soo sameeyeen xulistii baarlamaanka. Faroole oo taas ka duulaya ayaa ku cabsi galiyey gudiga iyo odayaasha dhaqanka ee Puntland kuwaas oo magacaabay 66-da xildhibaan ee maamulkaas in uusan xaalkooda ku dambeyn isla sidaas ka dhacday Koonfurta Soomaaliya. Xalay ayaa si rasmi ah loo shaaciyey magacyada 66-da xildhibaan ee Puntland iyada oo ay doorashada Madaxweyne dhici doonto 8-da Janaayo 2019. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
-
Nairobi (Caasimada Online) – Faarax Macallin, Guddoomiye ku Xigeenkii Hore ee Baarlamaanka Kenya ayaa ammaanay wasiirka cusub ee Howlaha Guud Cabdi Aadan Hoosow. Faarax oo bartiisa Twitter ku soo bandhigayay aqoonta uu u leeyahay wasiirka iyo waxa laga filan karo ayaa yiri, “Cabdi Aadan Hoosow, wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u Dhiska ee Soomaaliya, waa saaxiib igu fog, nin hufnaan dhaliiltiran u saaxiib ah, aqoonyahan leh waxbarasho heer sare ah oo jaamacadeed”. Faarax Macallin wuxuu sheegay in dhismaha kaabayaasja dhaqaalaha uu fure u yahay ia dhex galka gobolka Geeska Afrika iyo horumarkooda dhaqaale, abuurista shaqooyinka iyo nolol siinta dhallinyarada oo asaas u noqon kara si loo ciribtiro xaq jirnimada. Faarax wuxuu qabaa in wasiir Hoosow uu si hufan uga soo soo dhalaali doonno mas’uuliyadaas uu qaranka u dhiibtay asagoo tixraac uga dhigaya aqoonta uu Faarax shaqsiyan u leeyahay wasiirka. Faarax Macallin wuxuu ka mid yahay siyaasiyiin dhowr ah iyo shacabka soo dhoweeyay magacaabistiisa.