Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,105
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Sh.M.Network) – Shirka oo looga hadlayo qorshaha kala guurka ee ciidamada nabad ilaalinta ururka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Muqdisho Madaxa xafiiska taageerada howlgalka AMISOM ee Soomaaliya, Gen Fidza Dludla oo ka qayb kulankaasi ayaa ujeedka shirkaasi ku sheegay xoojinta howlagalkooda dalka. Mr Fidza ayaa xusay in kulankaasi looga hadlay qorshaha ku meel gaarka ah ee ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay kula wareegayaan mas’uuliyiinta ammaanka dalka. Shirka oo ay soo qaban qaabisay dowladda Ingiriiska ayaa sidoo kale diirada lagu saaray sidii loo xoojin lahaa difaaca ciidamada AMISOM. Col. Olugbemi Adeboye Obasanjo oo ka tirsan saraakiisha ciidamada AMISOM ayaa xusay in amniga ciidamada ka jooga Soomaaliya uu yahay mid muhiim ah isla markaana uu qayb ka yahay hindisa AU-da. Midowga Afrika ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga 20,000 oo askar, iyadoo lagu wado in ciidamadaasi ay ka baxaan dalka sannadka 2021, taasoo qayb ka ah qaraar ka soo baxay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay. The post Shir ku saabsan bixitaanka AMISOM oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa Maano Maxamed Caamir oo ah Muwaadin Soomaaliyeed oo si sharci darro ah looga haystay gurigeeda ku Wareejiyey oo ku yaalla degmada Shibis. Guddoomiyaha Gobolka ayaa markii uu eegay dhammaan sharciyadii la soo bandhigay oo soo maray heerarka kala duwan, isla markaana u caddaatay in Maano Maxamed Caamir ay leedahay gurigan, waxuu si rasmi ah ugu wareejiyey furayaasha gurigeeda. Duqa Muqdisho ayaa xaqiijiyey in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay ilaalinta sharciga iyo caddaladda bulshada, lagana hortagayo cid walba oo doonaysa in ay ku xad-gudubto hantida muwaadiniinta. Sidoo kale, waxuu digniin u jeediyey dadka ku dacwoonaya sharciyada been abuurka ah ee ku baneysanaya hantida dadka masaakiinta ah in tallaabo adag ay mudan doonaan, gacanta sharciguna gaari doonto. “Marna ma aqbalayno in Muwaadiiniinta Soomaaliyeed ay guryahooda xoog uga haystaan dad ku dacwoonayo sharciyo been abuur ah, Maamuulka Gobolka Banaadir waxuu mar walba u taagan yahay yahay ilaalinta nafta iyo maalka shacabka ku nool Caasimadda”. Maano Maxamed Caamir ayaa uga mahadcelisay Madaxda Qaranka iyo Guddoomiye Eng. Yarisow soo celinta gurigeeda oo muddo badan ka maqnaa.
  3. “UK waxaa u jooga Somaliland representative u qaabilsan xidhiidhka UK and Somaliland. Fadlan joojiya warka aad faafinaysiin , safiir iyo envoy midna maaha. Ilaahey maalintaas ha inna gaadhsiiyo. Insha allah dhawaan” Sidaa waxaa tidhi Wakiilka Somaliland u joogta UK Ayaan Canshuur Qaran News
  4. Madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Maxamed Deni ayaa maanta markii ugu horeysay waxaa kulan la qaatay golaha wasiirrada ee dowlad goboleedkaasi. Shirka waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Gaas iyo ku-xigeenkiisa Cabdi Xakiin Xaaji Cumar (Cameey). Shirkan oo lagu adkeeyey inay dhammaadeen xiligii ololaha iyo kala qeybsanaanta haddana loo baahanyahay in la wada shaqeeyo ayaa qodobbadii ka soo baxay waxaa ka mid ahaa: 1. In laamaha dowladda ay si degdeg ah shaqadooda ugu noqdaan. 2. In amniga guud ee dalka la ilaaliyo, lagana hortago wax kasta oo hoos u dhac amni keeni kara, lana ilaaliyo qaan-gaarnimada iyo jiritaanka Puntland. 3. guddoomiyeyaasha degmooyinka, agaasimayaasha iyo shaqaalaha ay dib ugu noqdaan shaqadooda. 4. In aan laga faa’ideysan waqtiga kala guurka ah ee ay Puntland ku jirto, oo ah in ay ilaashadaan dowladnimadooda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa magaalada Garowe kula kulmay musharixiintii uu kaga guuleystay xilka madaxweynaha iyo kuwii isaga u tanaasulay. Kulan ka dhacay magaalada Garowe oo Qado Sharaf ahaa ayaa kadib madaxweynaha cusub ee Puntland wuxuu la hadlay musharixiinta kula tartantay doorashadii ka dhacday magaalada Garowe. Madaxweynaha ayaa sheegay in Puntland kaligii uusan waxba ka qaban karin, islamarkaana uu u baahan yahay in musharixiinta ay kala shaqeeyaan sidii loo hormarin lahaa deegaanka. Doorashadii ka dhacday magaalada Garowe ayuu sheegay inay ka dhigan tahay inay dhamaantood wada guuleysteen, waxaana uu ka codsay inay kala shaqeeyaan horumarinta deegaanka. Madaxweynihii hore ee Puntland iyo ku xigeenkiisii ayaa qeyb ka ahaa kulanka maanta ka dhacay magaalada Garowe. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  6. (SLT-Hargeysa)-Guddigii Dhex-dhexaadinta Xisbiyadda Oo Maanta Kulan La Yeeshay KULMIYE Iyo UCID Iyo Arrimaha Laga Wada-hadlay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa maanta magacaabay guddiga badbaadinta iyo soo celinta hantida qaranka. Guddigan ayaa shaqadiisa tahay inuu xaqiijiyo ilaalinta iyo bad-baadinta hantidii qarankii ee ay lahayd dowladii dhexe ee Soomaaliya ka hor 1991-kii. Waxyaabaha guddiga laga doonayo ayaa wxaaa ka mid ah inay si deg deg ah gacanta dowladda ugu soo celiyaan goobaha dowladeed ee loo baahan yahay. Hoos ka aqriso magacyada xubnaha guddiga
  8. The new President of Puntland State of Somalia Saeed Cabdullaahi Deni and have deputy Ahmed Elmi Osman Karash has attended the weekly cabinet meeting which was held at the presidential palace in Garowe. The meeting was also attended by the former President Dr. Abdiweli Mohamed Ali Gaas and his deputy Eng. Abdullahi Omar Amey, and they jointly chaired the cabinet meeting. The new President of Puntland is the second visit of the Presidential House since he was elected president of Puntland. Former Puntland President Abdiweli Gaas called on the people of Puntland and the armed forces to work with the new government. PUNTLAND POST The post New Puntland President meets with cabinet ministers appeared first on Puntland Post.
  9. Muqdisho (Sh.M.Network) – Madaxwaynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam, oo ku sugan degmada Afmadow ayaa sheegay in isbedal lagu sameynyo maamulka degmadaasi ka tirsan gobolka Jubadda Hoose. Mr Axmed Madoobe oo fahfaahinaya ujeedka ay ka leeyihiin arrintaasi, wuxuu ku tilmaamay si shacabka ay uhelaan adeegyadda ay uga baahan yihiin maamulka. Dhanka kale, Madaxwaynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaciyay in dhowaan la qaadi doono guluf ay ku xorreynayaa degaanada ka maqan gacanta dowlad goboleedka Jubbaland. Ugu dambeyntii, shacabka iyo ciidamada ayuu ku tartarsiiyay inay udiyaar-garoobaan dagaal balaaran oo uu shaaciyay in dhowaan la qaadi doono, islamarkaana ka dhan ah Al-Shabaab. The post Isbedal lagu sameynayo maamulka D/Afmadow appeared first on Shabelle. View the full article
  10. (SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa waxa ay ka jawaabtay hadal ka soo yeedhay Madaxweynaha cusub ee loo doortay maamulka gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland Siciid Cabdullaahi Dani oo weerar dhinaca afka ah ku soo qaaday Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  11. Muqdisho (Sh.M.Network) – Xoghayaha joogtada ah wasaraada arrimaha dibada Kenya, Macharia Kamau, ayaa sheegay in ay adag tahay in ciidamadooda xiligani ay kasoo saaraan dalka ilaa iyo inta laga soocelinayo nabadii iyo xasiloodii Soomaaliya Isagoo warbaahinta kula hadlayay magalada Nairobi xarunta dalkaasi ayuu sheegay in ay fududaday in laga qeybgalo nabadeynta Soomaaliya basle ay adag ay tahay in laga soo baxo Somalia, sida uu yiri. Mr Kamau ayaa intaasi ku daray hadlkiisa in uu ku kalsoon yahay in kaalinta haatan Kenya ay ka ciyaarayso nabadeynta Soomaaliya. Hadalka xoghayah ayaa kusoo aadaya iyadda oo Madaxwayne Uhuru Kenyatta uu wajahayo cadaadis ku aadan inuu ciidamadiisa kala soo baxo Soomaaliya. Qorshahaan oo ay hor-boodayaan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Kenya ayaa doonaya in si loo dhigo kaalinta dalkooda ee nabadeynta Soomaaliya, taasi oo ay ku yareynayaa khasaaraha ay Al-Shabaab ka fuliso gudaha wadankaasi. Ciidamada Kenya oo gudaha dalka soo galay sanadkii 2011-kii ayaa qayb ka ah howlgalka AMISOM, iyaga oo ku sugan goboladda Jubooyinka, halkaasi oo ay ku leeyihiin saldhigyo waawayn. The post Kenya: “Ciidamadeenu way sii joogayaan Somalia” appeared first on Shabelle. View the full article
  12. (SLT-Hargeysa)-Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane, Cabdirahman Maxamed Cabdillahi “Cirro”, oo Hawlo Shaqo ku jooga Dalka Kenya, ayaa kulamo is-dabajoog ah la leh; Wakiilada Safaaradaha Caalamka Qaarkood, Madax-sare oo ka tirsan Xafiiska Midowga Yurub; Deeq-bixiyayaasha S/land ka Caawiya dhinacyada Horumarinta; Daneeyayaasha Dimoqraadiyada iyo Geedi-socodka S/land iyo Weliba hayadaha Samafalka ee ka hawl-gala S/land. Gudoomiyuhu wuxuu kaloo kulamo gooni gooni ah la yeeshay Madax sare oo ka tirsan Xafiisyada Midowga Africa iyo Igad. Gudoomiyaha iyo Madaxdan ayaa fhamaantood ka wada-hadlay Sidii loo Xoojin lahaa Xiriirka labada Geesood; Horumarinta iyo Kobaca Dhaqaale ee S/land; Kordhinta Tababarada iyo Xirfadaha Farsamooyinka Gacanta, Shaqo Abuurka Dhalinyada S/land iyo Tayaynta Dimoqraadiyada S/land. Gudoomiyaha iyo Madaxdani waxay kaloo aad u lafa-gureen isbedelka Gobolka ka socda; Amniga Gobolka iyo Hanaanka Dimoqraadiyada ee Somaliland. Madaxdan iyo Gudoomiyuhuba waxay aad uga doodeen werwer weyna ka Muujiyeen Dibu-dhaca Doorashooyinka Soomaaliland markasta ku yimaada iyo sidii looga gudbi lahaa. Dhamaan madaxdan uu Gudoomiye Ciro la kulmay ayaa ku amaanay kaalintii iyo Go’aankii Quruxda badnaa ee uu ka Qaatay Xisbi ahaan iyo Musharax-ahaanba Doorashadii Madaxweynaha ee Dalka ka Qabsoontay November 2017. Madaxdan ayaa Xukuumada iyo Xisbiyada Soomaaliland ugu baaqay inay Xaliyaan is-mari waaga Qaabka Doorashooyinka Goloyaasha ku saabsan; Waxayna Madaxdani ugu Baaqeen Xukuumada S/land in iyada Xil gooni ahi ka saaran yahay sidii doorashooyinku Xiligooda ugu dhici lahaayeen. Gudoomiyaha oo Weli ku sugan Dalka Kenya ayaa la filayaa inuu Halkaas ku yeelan doono kulamo kale oo Muhiim ah mudada uu joogo. Source
  13. Madaxweynaha cusub ee Dawlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Ku-xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ka qayb gallay shirka todobaadlaha ee gollaha wasiirada Puntland oo maanta oo khamiisa ka qabsoomay aqalka madaxtooyada ee magaaladda Garowe. Shirkan waxaa isaguna ku sugnaa Madaxweynaha xilka ka degaaya Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo ku-xigeenkiisa Eng Cabdullaahi Cumar Camey, waxayna labbada madaxweyne si wadajira u guddoomiyeen shirka gollaha wasiirada. Madaxweyne Deni inkastoo uusan xilka weli la wareegin hadana waa markii labbaad oo uu booqdo qasriga madaxtooyada. Madaxweyne Gaas ayaa umadda Puntland, Ciidamada qalabka iyo shaqaalaha Dawlada ugu baaqay inay garab istaagaan Dawlada cusub ee xukunka Dalka la wareegtey. PUNTLAND POST The post Gaas iyo Deni oo si wadajira u gudoomiyey shirka todobaadlaha ee gollaha wasiirada appeared first on Puntland Post.
  14. Qoys cabanaya Cajiib: Qoys sheegay in ninkii ay gurigooda ka kireeyeen mulkiyad u samaystay iyagiina xidhxidhay!! Slået op af Sayruuq News i Tirsdag den 8. [...] Source
  15. Garowe (Sh.M.Network) – Madaxwaynaha cusub ee Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta wuxuu shir gudoomiyay kulankii ugu horeeyay wasiirada dowlad goboleedkaan. Kulankan oo uu qayb ka ahaa Madaxwaynihii hore ee maamulkaan, Cabdiwali Maxamed Cali [Gaas] ayaa looga hadlay arrimo badan oo khuseeya amniga degaanada Puntland. Madaxwayne ku xigeenka cusub, Axmed Karaash, iyo ku xigeenkii hore, Cabdixakiin Camey, ayaa kamid ah madaxdii Shirka Todobaadlaha ah ee Wasiirada Puntland kasoo muuqatay. Gaas oo kulanka ka hadlaya ayaa ka dalbaday wasiiradda inay la shaqeeyaan Madaxwaynaha cusub inta laga soo magacaabayo Golle iyaga bedalaya. Sikastaba ha ahaatee, marka la calaamo-saaro kadib, ayaa la filayaa in Madaxwaynaha cusub ee Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, uu ka fekero soo magacaabista Wasiiro la rajeynayo inay xubno cusub ubadnaadaan. The post MD Dani oo gudoomiyay shirka wasiirada PL appeared first on Shabelle. View the full article
  16. Muqdisho (Sh.M.Network) – Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa maanta howlgal ka dhan ah Isbaarooyinka ka sameeyay gobolka Shabeellaha Hoose. Jenaraal Odowaa Yuusuf Bare, Abaanduulaha ciidamada milatariga dalka, ayaa hogaaminayay howlgalkaasi. Maxamed Ibraahim Barre, gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose, oo la hadlay idaacada Shabelle ayaa fahfaahin ka bixiyay. Gudoomiye Bare ayaa carabka ku dhuftay in ciidamadda ay ku qabteen Shan ruux iyo hubkooda, kuwaasi oo Jid-gooyo ay utaalay nawaaxiga degmada Afgooye. Hoos ka dhageyso codka http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/WR.mp3 The post Ciidamada DFS oo rag burcad ah ku qabtay Sh/Hoose appeared first on Shabelle. View the full article
  17. Madaxweynaha cusub ee dowladda Puntland, Dr, Siciid Cadulaahi Deni, ayaa maanta qado sharaf u sameynaya murashixiintii madaxtinimada Puntland, iyadoo sidoo kale ay ka qeyb galayaan [...] Source
  18. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Warka Duhur. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Duhur-10012019.mp3 The post Dhageyso: Warka Duhur ee idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  19. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay khilaafka kala dhaxeeya Somaliland iyo sida ay u arkaan khilaafkaasi. Deni oo la hadlay BBC ayaa sheegay in aanay u arag khilaaf inuu kala dhaxeeyo Somaliland, balse ay taasi u arkaan iney tahay duulaan lagu soo qaaday dhulkooda. “Annaga iyo maamulka Somaliland muran dhuleed nagama dhaxeeyo, laakiin waxay kusoo xadgudubtay dhulka Puntland, waad ogtihiin 1991 dalku markuu dhacay, dalka waxaa ka jiray 18 gobol oo la yaqaanay, wixii intaa ka dambeeyey dadku waxay isugu guureen nidaamka federaalka ah, intii rabtay baa wada heshiisay, Somaliland waxaa lagu aas-aasay markii ugu dambeysay Boorame marka Burco laga tago, qabaa’ilkii ku bahoobay waa la yaqaanaa, Garoowe markii la’aas aasayna qabaa’ilka ku bahoobayna waa la yaqaanaa, qabaa’ilka u bahoobay Puntland dhisiddeeda waa gobollada Bari, Nugaal, Waqooyoga Gaalkacyo, Sool, Sanaag Bari iyo Buuhoodle” Madaxweyne Deni oo hadalkiisa sii wata ayaa dhanka kale sheegay in Somaliland ay Ingiriis is moodday, balse Puntland aanay noqoneyn Talyaani. “Haddii ay iyagu ingiriis noqdeen annagu Talyaani ma nihin, dhul 60-kii kahor Talyaani iyo ingiriis baa gumeysan jiray halkan ma yaallo, dal Soomaaliyeed oo calan qaatay, umadda Soomaaliyeed oo xor ah taas baa adduunka aqoonsan yahay…marka cidda qaldan iyana wey is yaqaanaan annagane waan ognahay” ayuu yiri Madaxweynaha cusub ee Puntland. Waxaa jira muran dhanka dhulka ah oo u dhaxeeya Somaliland iyo Puntland iyadoo ciidamo Labada dhinac ah weli isku horfadhiyaan aagga deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
  20. Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdulaahi Deni iyo ku-xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan ( Karaash ) ayaa maanta shir gudoomiyey shirkii khamiis’laha ahaa ee golaha wasiirada [...] Source
  21. GUDOOMIYE CIRO OO KULAN KULA YEESHAY DALKA KENYA MASUULIYIIN SARE-SARE OO WADDAMADA CAALAMKA KA TIRSAN: Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Mudane, Abdirahman Mohamed Abdullahi “Ciro”, oo Hawlo Shaqo ku jooga Dalka Kenya, ayaa kulamo is-dabajoog ah la leh; Wakiilada Safaaradaha Caalamka Qaarkood, Madax-sare oo ka tirsan Xafiiska Midowga Yurub; Deeq-bixiyayaasha S/land ka Caawiya dhinacyada Horumarinta; Daneeyayaasha Dimoqraadiyada iyo Geedi-socodka S/land iyo Weliba hayadaha Samafalka ee ka hawl-gala S/land. Gudoomiyuhu wuxuu kaloo kulamo gooni gooni ah la yeeshay Madax sare oo ka tirsan Xafiisyada Midowga Africa iyo Igad. Gudoomiyaha iyo Madaxdan ayaa fhamaantood ka wada-hadlay Sidii loo Xoojin lahaa Xiriirka labada Geesood; Horumarinta iyo Kobaca Dhaqaale ee S/land; Kordhinta Tababarada iyo Xirfadaha Farsamooyinka Gacanta, Shaqo Abuurka Dhalinyada S/land iyo Tayaynta Dimoqraadiyada S/land. Gudoomiyaha iyo Madaxdani waxay kaloo aad u lafa-gureen isbedelka Gobolka ka socda; Amniga Gobolka iyo Hanaanka Dimoqraadiyada ee Somaliland. Madaxdan iyo Gudoomiyuhuba waxay aad uga doodeen werwer weyna ka Muujiyeen Dibu-dhaca Doorashooyinka Soomaaliland markasta ku yimaada iyo sidii looga gudbi lahaa. Dhamaan madaxdan uu Gudoomiye Ciro la kulmay ayaa ku amaanay kaalintii iyo Go’aankii Quruxda badnaa ee uu ka Qaatay Xisbi ahaan iyo Musharax-ahaanba Doorashadii Madaxweynaha ee Dalka ka Qabsoontay November 2017. Madaxdan ayaa Xukuumada iyo Xisbiyada Soomaaliland ugu baaqay inay Xaliyaan is-mari waaga Qaabka Doorashooyinka Goloyaasha ku saabsan; Waxayna Madaxdani ugu Baaqeen Xukuumada S/land in iyada Xil gooni ahi ka saaran yahay sidii doorashooyinku Xiligooda ugu dhici lahaayeen. Gudoomiyaha oo Weli ku sugan Dalka Kenya ayaa la filayaa inuu Halkaas ku yeelan doono kulamo kale oo Muhiim ah mudada uu joogo. Qaran News
  22. Muqdisho (Sh.M.Network) – Madaxwaynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed [Laftagareen] ayaa maanta oo Khamiis ah waxa uu gaarey magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose. Laftagareen oo socdaalkiisa ay ku wehliyaan Afhayeenka Gollaha Wakiilada maamul goboleedkaan, Cabdiqaadir Shariif Sheekhunaa Maye, ayaa waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha mas’uuliyiin. Kulamo kala duwan ayaa lagu wadaa inuu la yeesho Odayaasha dhaqanka, mas’uuliyiinta degmada iyo saraakiisha ciidamada midowga Afrika ee AMISOM, oo uu kala hadlayo amniga iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Waa safarkii ugu horeeyay oo uu Madaxwayne Laftagareen ku yimaad Shabellaha Hoose. Guud ahaan, waa safarkii labaad oo uu galo tan iyo markii la doortay, maadaama booqashadii 1aad uu ku tegay gobolka Bakool. The post Madaxwaynaha KGS oo lagu soo dhaweeyay Baraawe appeared first on Shabelle. View the full article
  23. Madaxweynaha cusub ee dowladda Puntland Siciid C/laahi Deni ayaa wacad ku maray in shabaabka iyo Daacishka ku sugan Galbeedka iyo Bariga Bosaaso ay Puntland ka [...] Source
  24. Hadii aad tahay dhakhtar doonaaya in uu ku takhasuso oo qaato shahaadada labaad ee Caafimaadka (MD) adiga oo kala dooranaaya Maadooyinkan hoose waxaanu kaa caawin doonaa in aanu kuu fududeyno shuruudaha aad ku helayso visaha waxbarasho oo Master ah oo aad dalka Jarmalka 18 bilood ku soo dhameyn doonto. Maadooyinka aad kala dooran karto waxaa ka mid ah kuwan hoose: – Anesthesiology; – Anatomy; – Industrial Medicine/Occupational Medicine; – Ophthalmology; – Biochemistry; – Surgery; – Gynecology & Obstetrics; – Ear-Nose-Throat Medicine; – Dermatological, Venereal Diseases; – Human Genetics; – Hygiene and Environmental Medicine; – Internal & General Medicine; – Pediatrics; – Pediatrics Psychiatry and Psychotherapy; – Laboratory Medicine; – Microbiology, Virology & Infection Epidemiology; – Oral & Maxillofacial Surgery; – Neurosurgery; – Neurology; – Nuclear Medicine; – Public Health; – Pathology; – Pharmacology; – Physical medicine & Rehabilitation; – Physiology; – Psychiatry & Psychotherapy; – Psychosomatic Medicine and Psychotherapy – Forensic Pathology; – Radiation Therapy; – Transfusion Medicine; – Urology . Waxaa arday kasta ama tartame kasta lagu xidhi doonaa shuruudahan hoose: 1- In uu haysto shahaadada kowaad ee Caafimaadka ( Bachelor Degree in Medical Surgery ) 2- In uu ka registergareysan yahay Wasaarada Caafimaadka ee dalkiisa. 3- In uu ka soo shaqeeyey dhakhtar oo uu haysto waayo aragnimo dheeraad ah 4- In uu Fiiga iyo lacagta uu ku noolaanayo iska bixin karo sanadka koowaad waayo sanadka labaad waa bilaash waxbarashadu 5- In uu dalkiisa ka haysto warqada denbi la’aanta ah iyo warqad caafimaad oo cadeynaysa in uu ka reeban yahay cudurka dilaaga ah ee HIV Aids. 6- In uu soo qorto warqad uu ku soo bandhigaayo kartidiisa iyo sida ay uga go’an tahay in uu waxbarshada ku dhameyndoono mudadeeda. Ardeyga buuxiya shuruudahaas kor ku xusan waxaanu ka caawin doonaa sida uga dhakhsaha badan ee uu ku helaayo Vise waxbarasho oo dalka Jarmalka ah. Fadlan wixii Faa-faahin dheeraad ah kala soo xidhiidh magaca iyo emailkan ama numbarkan hoose: Abdi Yusuf mohamoud Student career advisor email: inafidhinle@gmail.com Mob: 44+ 07950 341 347 WhatApp = 44+07950 341 347 Qaran News
  25. WAXII AAD DALKAAGA U QABAN KARTO CIDNA HA LA SUGIN AMA HA KU EEGIN EE ADIGU QABO. =================================== ( Madax iyo Shicib qofwalowba waxii aad u qaban karto dalkaaga qof kale ha ku halaynin ) Wax weyn baynu qabsan karnaa hadii uu qofwaliba isku xilqaamo inta uu qaban karo , waxa ugu yar ee aad qaban kartaa waa in aad dariiqa ka weeciso waxii aan ku habooneyn ama dadka waxyeelaya ama aanad adiguba ku tuurin wax ee aad raadiso meel ku haboon qashinka. Waa hubaal in hadii aynu isku wacyi galino in qofkastaaba toosiyo halka nolosha kaga beegan inta uu awoodo in aynu wax weyn qabsan karno oo qiimaheena dadnimo iyo nolosheenaba qurxiya. Bal kawaran hadii aynu bishiiba hal maalin isku xilqaano in qofwaliba soo kordhiyo wax dalka iyo deegaankaba anfacaya, tusaale in uu beero dhir ama in uu iska nadiifiyo deegaanka uu dagan yahay ama ku ganacsado ama ka shaqeeyo saw wax weyn nolosheena iska badeli maayaan hal sano gudihii. Waxa aan kula talin lahaa in aynu dadkeena barno oo ku barbaarino in qofwaliba wax u qaban karo dalkiisa oo aynu ubadka guryaha iyo goobaha waxbarashadaba loogu sheego in ay masuuliyadi ka saaran tahay naftiisa, deegaanka ku xeeran iyo dalkiisaba oo aynu noqono dad seeska ka soo dhisma. Marka aan leeyahay dalkaaga wax u qabo , u fahan in aad adigu wax wanaagsan qabsaneyso oo dalka u qabaneynso oo aanad u arag wax ay cid kale leedahay ama aad tarayso ee ay tahay waajibaad adigu aad iska guday oo if iyo aakhiroba ku anfici doona. Sidaas oo kale in aynu inagu waxii aynu qaban karo aynu qabano oo aynaan cid kale ku eegini, wax ay kugu beeraysaa lexojeclo iyo masuuliyad , markaasi ayeynu ka adkaan karnaa inta aynu masuuliyadaha waweyna iyo u adeegida umada u dhiibanay, waxii aynu uga baahanahayna aynu ku daba taagnaan in ay inoo qabtaan. Waxa aan u soo jeedinayaa madaxda qaranka dhamaantood in ay dadka ku baraarujiyaan wax wadaqabsiga iyo iskaa wax u qabsoba in loo shaqeeyo oo ay iyagu horseed ka noqdaan si dadku wanaaga uga daydo oo ay inoogu noqoto wado mustaqbalka dadkeena dhista. Soo jeedintii iyo taladii Muhamed Dhimbiil hormood@hotmail.com Qaran News