-
Content Count
211,244 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wafdiga Ciyaartooyda iyo macalimiinta kooxda kubbadda cagta Som United ayaa ka ama baxday caasimada Muqdisho,iyagoo ku laabtay Magaalada Stockhom ee dalka Sweden waxayna caasimada u yimaadeyn ciyaaro saaxiibtinimo iyo is dhaxgal bulsho. Macalinka kooxda Som United Maxamed Cabdiqaadir ayaa u mahad celiyay dowlada iyo shacabka Gobolka Banaadir sida wanaagsan ay dalka ugu soo dhaweeyeen imaatinkooda aysan iloobindoonin safarkoodii Muqdisho sanadaha soo aadan ay booqasho iyo is dhaxgal bulsho ka maridoonaan dhamaan gobolada wadanka. Gudoomiyaha ciyaaraha Gobalka Banaadir Xasan Aadan Xaaji Yabarow Wiish oo wafdiga kooxda Som United ka amba baxiyay garoonka aadan cadde ayaa inoo sheegay in sanadka soo aadan ay sugidoonaan ilaa tobon koox oo qurbajoog ah si xirfadlayaasha gudaha Imaanaya loogu biiriyo xulka qaranka. Qaar ka tirsan ciyaartooyda kooxda Som United ayaa inoo waramay inta aysan ka duulaan garoonka aadan cadde ee caasimada,iyagoo tibaaxay ka hor inta aysan imaanin wadanka iyo iminka ay jirto farqi weyn saaxiibadii ay ugu soo tageyn Sweden ay ugu shaykeendoonaan sawirka dhabta ee ka jira dalka. Daari Cabdi Casiis Iskow oo ah Tababare ku xigeenka kooxda Som United ayaa bahda ciyaaraha gudaha iyo qurbajoogta kula dar daarmay in ay iska kaa shadaan horomarinta isboortiga Soomaaliya si mustaqbal loo ah xirfadlayaal tayo wanaagsan oo guulaha kasoo hooya tartamada caalamka. Sanadkan dhamaaday 2018 waxaa dalka booqasha iyo ciyaaro saaxiibtinimo u yimid saddex oo ka kala yimid jaaliyadaha UK,Austrlia iyo Sweden waxaan sanadkan soo aadan maamulka gobolka Banaadir wasaarada ciyaaraha iyo dhalinyarada dowlada iyo xiriirka kubbadda cagta ay wadaan in caasimada lagu qabto tartanka Som Week oo ay inta badan ciyaaraan kooxaha qurbajoogta. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Bixitaanka Kooxda Som United Source: goobjoog.com
-
More details are coming from a series of operations over the last few hours by the Jubaland state forces in Afmadow district in Middle Juba region. The planned operation was conducted in several neighborhoods located in the outskirts of the district. The purpose of this operation was the flush out the militants from small pockets around Afmadow town, which lies near Somalia’s porous border with Kenya. There is no comment yet from Jubbaland officials on the operation. Notably, the new offensive comes days after Jubbaland president Ahmed Madobe announced a plan to remove Al Shabaab from the region. The post Jubbaland forces carry out anti-al shabab operation in Afmadow appeared first on Shabelle. View the full article
-
ILA MEERAYSO ( SHEEKO XIKMAD AH) Qalinkii Cabdi Cawiye Waqti waqtiyada ka mid ayaa dhulkan somalidu degyo gaar ayaan Somaliland ayaa waxa Ku noolaa waraabe aad u gaboobay oo talax gabbay godkiina iyo baradii hoygiisiina ka ruqaansan kari waayey. Maalin maalaha ka mida ayaa uu isugu yeedhay tafiirtiisii oo aad u faro badan, Kuwo uu dhalay, kuwo ay sii dhaleen oo uu awoowo u yahay, meesha waxa joogay waraabayaal badan oo tafiirtiisii ah wuxuuna Ku tidhi “aabbo, awoowo waad I arkaysaan sidaan noqday waan talax iyo talaababa gabbay mana ugaadhsan karo mar dambe, gacanba maalinbaa la barkadaayo qajeel ayaan awr goola idiin dilay ,dhaxaan laxo tebisa isu kiin dul saaray maanta waa maalintiinii aan idiin baahna, marka hore meeshan iga qaada oo i geeya meel ka calaf badan waad arkaysaan waxaan lafo dhex jiiyo ugaadhiina way ka yaacday halkan. Caruurtiisii waxay yidhaahdeen “hawraarsan aabbo waad naga helaysaa midhaa ee halkee ayaanu Ku gaynaa”. Wuxuu yidhi duqii ” meesha aad jeceshihiin igeeya lkn marka aad i qaadaysaan waa inay ahaato goor habeena oo aan iftiin jirin haddii kale waa la isku keen dul dili doonaa oo waxaa dadka la yidhaa ina deyn maayaan.” Caruurtii waxay ugu jawaab celiyeen ” hawraarsan iyo gudoon aabbo”. Waqti habeenkii kala badh tegey ayey aabahood godkii kasoo saareen oo ay la yaaceen habeenkii odhan waxa ay wadaanba waxa ay geeyeen meel ay amaankeeda iyo calafkeedaba Ku kalsoonaayeen. Waagii markii uu beryey ayuu duqii soo kacay oo uu yidhi aabbo,awoowo halkeed I dejiseen meeshan udgoon ee dhogorta geelu godka kuugu soo gelaysaa maxay ahayd. Waxay ugu jawaabeen caruurtiisii ” aabbo meeshi waa hawd iyo idhankii AXAN-WEYNE” Odeygii oo an fariirsan ayaa Ku dhaqaaqay ” Axan-weyne aa!!! Waar maanta uunbaad wadkeygii ila soo doonateen meeshani 6 sanno ka hor waa meeshii aan is dul dhigay labada qaalmood ee dhalaya ninkii lahaa ee faaraxna koley wuu I deydayayaa mana uu samirin oo geelba labadaasuu ka lahaaye bi’waayee meesha iga qaaday”. Caruurtii ayaa tidhi “Oo aabbo halkeen Ku gaynaa hadda”. Wuu yidhi duqii “meeshii aad bidaan inay ii fiicantahay manfac ahaan iyo amaan ahaanba”. Waa ay qaadeen wayna la guureeyeen , in nabara markii ay socdeen ayaa ay dhigeen meel ay is bideen inay Ku haboobtahay aaabbahood. Odeygii ayaa weydiiyey “aabbo halkee weeye meeshan dhogorta cad ee riyuhu ka soo duuleyso ee udgooni”. Waxay ugu jawaabeen ” aabbo waa dhaymoole iyo xeeb”. Odeygii ayaa xoog u qayliyey oo yidhi ” waar qoodhiin iyo xeradiin ma maanta ayaad aabbihiin gacantiina wadkiisii ugu keentakeen, meeshani anniga awoowyadiin ayaa habeen usoo dhacnay reer barwaaqo heesaya waxa aanu galnay xero ay riyo Ku jiraan 21 riyaad oo 8 ay dhawaantaa dhalayeen, qaar waanu bakhtiisanay si aanu maalmaha dambe raqdooda la noogu soo tuuro. Badankoodiina waanu cunay. Ninkii reerka lahaa wuxuu balan Ku qaaday inuu marka uu ina qabto intii ina toogto haduu naf inagu soo gaadho uu nolosha inagu gubo ee meesha iga qaada”. Sidii hore oo kale carruurtii aabbahoodii gaboobay waa ay qaadeen oo mar sadexaad ayey yidhaahdeen “halkanaa aabbaheen Ku haboon” oo ay dhigeen. Cabaar ka dib ayuu odeygii su’aalay “aabbo halkan ay dhogorta lo’da ee udgooni ka uraysaa waa halkee aabbo”. Carruurtii ayaa tidhi ” waa bankii caadda iyo galbeed”. Odeygii ayaa intuu soo fadhiisatay yidhi “aabbo waxaan la soo fadhiistay naxdin iyo baqe aad u weyn meeshan aad I keenteen 5 sanno ka hore intii aanan waqooyi u dhaadhicin waxaan Ku leynay afar 7 sac oo dhalay iyo weylahoodii oo aanan midh ka bixinin meesha hawl yari ma taalee iga kaxeeya aabbo ducoqabayaal”. Caruurtiisii oo yaaban oo daalan dhinacna aabbahood aad u jecel ayaa yidhi “aabbo adigu sheego halka aanu Ku geyno ileen meel walba waadigan godobta iyo uur-ku-taalada dhigtee meeshii aanu Ku geynaba waa lagugu sugayaaye”. Odeygii oo u ilmaynaaya ayaa yidhi “aabbo meelba garanmaayo meel walba aanno iyo dhib ayaan dhigay”. Caruurtiisii ayaa Ku tidhi “aabbo bal xasuuso meel aanad waxba Ku cunin oo aynu Ku nabad galo”. Odeygii oo wajiga hoos u rogaaya aadna u tiiraanyeysan ayaa yidhi aabbo dhulka aynu lug Ku gaadhi karno meel aan seegay ma jirtee I SIDA OO ILA MEERAYSTA UUN”. Dulucda sheekadu waa hadii aad dadka wanaag gashato oo aad dhaqan fiicantahay oo aad dadka u naxariisato waxaad la kulmi hadhow wax wanaagsan. Haddii ay dadku farta kugu fiiqaan oo ay yidhaahdaan kaasi waa mid xun. Calaamadaha inaad xuntahay kow lagu gartaana waxaa ka mida dadka aan isku fiilka ama shaqada tihiin waji nooceeya ayey kuula yimadaan. Si fiican makuu salaamaan si kalgacayleh, maku qadariyaan. Haddii jawbahaasi haa noqdaan waxaatay qof wanaagsan ee halkaa kasii wad. Haddi ay Maya yihiina waxaad yahay qof aan fiicnayn aduunyaduna maalin qudha maaha dadka aad dhibka Ku haysaa beriba waxa laba dhici doonta in adigoo hooseeya aad hoostimaado. Haddi aad xitaa Ku adadagtahay u baahan maysid adigu ogow caruurtaadana waxaad dadka u gelisay uunbay hadhow ka helayaan. QALINKII CABDI CAWIYE CONTACT +0634115877 Qaran News
-
Waxa aan daawaday Guddoomiye ku-xigeenka Kowaad Ee Xisbiga UCID Cabdinaasir Muxumed Xasan (Buuni) oo shalay (30kii Disember 2018ka) u warramaya Suxufi Faysal Maxamed Aadan (Fiifa) oo ka tirsan Somalicable, waxaanu kaga halceliyay weedho ay yidhaahdeen wasiirro ka tirsan xukuumadda Somaliland. Masuulkani waxa uu hormood u yahay dadkii sababay in Xisbiga UCID uu 4% ka helo doorashadii 2017ka, waxaana lagu magacaabay shir 7-8 Nofember 2016ka uu UCID ku qabsaday Hargeysa. Si ku-meelgaadh ah waxa uu u buuxinayaa jagadii Marxuun Aadan Jaamac Hoori oo aanu 5tii Jeneweri 2012ka u doorannay xilka uu ninkani dirashada ku hayo ee aan loo dooran. 7dii Disember 2015ka ayuu ku geeriyooday dalka Imaaraadka Carabta Eebbe godka ha u nuuro. Dhanka kale waxa aan ogaa Cabdinaasir Muxumed Xasan-Buuni oo 2015kii lagu eedeeyay in uu dhaqaale u ururiyo jabhado qas ka wada Bariga Afrika, madaxiisana lacag ayaa la dul dhigay. Ma jecli inaan boogtaas hoos u qodo. Malaha si uu shaambaddaas isaga tiro ayuu gabbood uga dhiganayaa UCID. Mawduucyada uu ka hadlay waxa ka mid ahaa in Wasiirka Wasaaradda Shaqo-gelinta iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Marwo Hinda Jaamac Xirsi, isaga oo ku eedeeyay “Inay ku orod badan tahay xisbiyada mucaaridka iyo saxaafadda”. Cabdinaasir-yare waxa aan u sheegi in Wasiirku ay hayso mansab siyaasi ah oo ka tirsan xukuumadda oo ka dhalatay Xisbiga KULMIYE, sidaas awgeed waxa ay xaq u leedahay in ay ka falceliso eedaha loo jeediyo xukuumadda iyo xisbiga ay ka tirsan tahay. Marar badan waxa uu Guddoomiye-ku-xigeenku adeegsaday “wasiiradda”, halkaas waxa aan ka dareemay in Guddoomiye-ku-xigeenku uu u baahan yahay casharro dheeraad ah oo la xidhiidha dhismaha afka (Naxwe) Haddii aan halkaasna saxo, waxa jira magacyo lab ah oo aan dheddigoobin. Waana xeer ay afafka dunidu isku waafaqsan yihiin. Waxaana ka mid ah magacyadaas: Chairman: Guddoomiye Minster: Wasiir Spokesman: Af-hayeen Mankind: Aadame Waan ka xumahay in uu kufsado naxwihii hadalka. Haddiiba uu warcelin lahaa isaga oo wasiir leh, wax waa aan ka garan lahaa. Isaga oo weecinaya mansabka, ayuu haddana la gole yimi weerar, faan iyo duridda qof dumar ah. Guddoomiye ku-xigeenku wuu ku soo habaabay weedhaha uu jeediyay dhaqan ahaan mar kale. Lama arki jirin xitaa fagaaraha siyaasadda nin haweenay wax ka sheegaya. Waxa aan xaal siinayaa Marwo Xaliimo Cismaan Raage Guddoomiyaha Garabka Haweenka UCID oo jawaab-celintaas xaq u lahayd. Madasha ay Wasiir Hinda Jaamac Gaanni ka hadashay waxa ay ahayd Shirweyinihii Saxaafadda Qaranka, waxaanay jeedisay hadal toosin ah oo ku saabsan wararka la geliyo warbaahinta. Ma ay sheegin in suxuyiintu xumo ay ka shaqeeyaan, laakiin gudbinta hadallada dadka qaarkood sida kuwa qarannimada wax u dhimaya ayay soo-jeedisay. Mar haddii shirku ku saabsanaa saxaafadda, waxa ay tebisay dardaarankeedii ay warbaahinta fari lahayd. Guud ahaanna saxaafaddu waa tiirka afraad ee qaranka. Sharciga iyo xeerkuna ma dhigi karo in la caayo ama lagu xadgudbo. Haddiiba ay saxaafaddu wax ka tirsato wasiirka, waxa hadli lahaa Ururka SOLJA. Mar kale waan ka xumay in Guddoomiye ku-xigeenka jujuubka ah ee UCID kugu filnaan waayo oo aad iska dhigto Af-hayeenka SOLJA. Weedhaha Cabdinaasir Buuni waxa ka mid ahaa “Waxa aan u aragnaa ayaan darro inaad cimri-dherer kursiga kaga dhigato cayda saxaafadda iyo axsaabta qaranka”. Ma filayo in uu jiro qof dooni kara in uu xil ku hayo naxli iyo nashuushad. Wasiirka waxa lagu xushay kartideeda, waxaanay xilka ku hayn doontaa waxqabadkeeda inta Eebbe qaddaro. Indhahaagu ma arkayaan in Wasiir Hinda Jaamac ay ka mid tahay foolaadka golaha xukuumadda. Waxa kale oo Cabdinaasir Buuni yidhi “Golihii wakiillada ee ku ansixiyay, waxa aanu u keenaynnaa mooshin in adiga maamuuska lagaaga xayuubinayo”. Halkaasna waxa uu ku gefay Golaha Wakiillada. Golaha Wakiilladu waxa ay xil-ka-qaadis ku sameeyaan Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa, uma codeeyaan in Wasiir xilka laga qaado. Wasiirka waxa la xisaabtama madaxweynaha magacaabay. Waxa aan leeyahay sidee ayaad mooshin u geyn kartaa gole aanu fadhiyin hal Xildhibaan oo UCID ahi?. Waad la ambatay dacwadda aad sheegtay inaad Wasiirka Shaqo-gelinta ka geyn doontaan Golaha Wakiillada. Haddii aan in uun u garaabi lahaa Cabdinaasir Muxumed Xasan (Buuni), marka aad siyaasadda ka soo gasho daaqad, waxa macquul ah inaad faamallaydhka ka baxdo. Siciid Maxamuud Gahayr Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Magaalada Muqdisho ayaa noqotay magaalada qaraxyada ugu badan ay ka dhaceen magaalooyinka Soomaaliya sanadkaan sii dhamaanaya ee 2018 ay ka dhaceen, waxaana ka dhacay 13 qarax oo ah kuwa Gaadiidka laga buuxiyay. Warbixin ay baahisay Idaacadda Goobjoog ayaa lagu sheegay in qaraxyadaasi ay geysteen dhimashada dad badan oo rayid ah, waxaana ku dhaawacantay dhiro ka badan dhimashada qaraxyada ay sababeen. 2018-ka waxaa magaalada Muqdisho keliya ka dhacay ilaa 13 qarax oo ismiidaamin ah oo ay ku dhinteen 123 qof iyo 140 dhaawac ah , qaraxyada gawaarida dhejiska ah ee Muqdisho ka dhacay waxaa ay gaarayaan ilaa 36 gaari, waxaa ku dhimatay 37 iyo dhaawac oo 50 qof ah. Dhinaca kale waxaa sidoo kale jiray Mareykanka oo geystay 39 duqeyn, sheegtayna inuu dilay 676-qof, halka Al-shabaab sheegatay in AMISOM iyo ciidamada kale ka dileen 285, waxaa kale oo badnaa dadka ku dhintay miinooyinka iyo dilalka tooska ah oo shaqaale dowladeed, ergo iyo dad caadi ah ku jireen….guud ahaan waxaa la diiwaan-geliyey sanadkan 2018-ka dhimashada 1,643 iyo dhaawaca 570 qof, sida lagu sheegay warbixinta ay diiwaan gelisay Goobjoog. Qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho ayaa sababa dhimashada iyo dhaawaca ugu badan oo soo gaara dadka shacabka ah ee u dhow goobaha qaraxyada waaweyn ay ka dhacaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Siyaasi Cabdillaahi Geeljire Oo Dorraad Casuumad Qado Ah U Sameeyay Siyaasiyiin Kulmiye Ka Tirsan Iyo Abaabul Xoogan Oo Xisbiga Kulmiye Dhexdiisa Ka Socda + Layaabka Ducaddii Shalay Kediska Ahayd Ee Lagaga Cuudiyey Xarunta Guud Ee KULMIYE, Maxaa Lagu Qalay Maxaase Loola Jeeday?!! (SLT-Hargeysa)-Iyadoo aad loogu dhegtaagayo halka uu ku dambayn doono Guux xoogan oo ka dhex socda Xisbiga Kulmiye dhexdiisa kaasi oo sugi kari la’ Shir weynaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo lasheegay in loo qoondeeyay inuu qabsoomo bilawga sanadkan Cusub ee maalinta bari ah bilanaya ee 2019-ka, ayaa waxa durba la dareemayaa abaabulo iska soo horjeeda oo si gooni gooni ah ay u qabsanayaan dadyaw iyo siyaasiyiin kala afkaar ah oo ku kala jira Xisbiga Kulmiye iyo kuwo iyaga dhawaan laga caydhiyay Xubinimadii Xisbiga Kulmiye. Siyaasi Cabdilaahi Jaamac Cismaan(Geeljire) oo hore xilal kala duwan oo Wasiirnimo uga soo qabtay Xukuumaddii hore ee Kulmiye, kana mid ahaa Siyaasiyiin dhawaan laga caydhiyay Xisbiga Kulmiye ayaa Doraad Kulan Qado ah Huteel Guuleed ugu sameeyay siyaasiyiin Miisaan Culus oo Xisbiga Kulmiye ka tirsan iyo Siyaasiyiin kale. Kulankaasi oo si weyn ugu faafay Xisbiga Kulmiye dhexdiisa islamarkaana sas qaadsiiyay hogaanka sare ee Xisbiga Kulmiye ayaa sida ay Wargeyska Foore ay u xaqiijiyeen dad aad ugu dhuun daloolay Kulankaasi ay noo sheegeen inuu ka mid ahaa Kulamada siyaasadeed ee uu dabada ka wado Cabdilaahi Geeljire oo ay isku urursanayaan islamarkaana isku xog waraysanayaan siyaasiiyiin damacsan inay duufaano Mucaarididad ah ku istaadhaan Xukuumadda iyo Shir weynaha Kulmiye oo qabsoomidiisa la hadal hayo, kaasi oo la sheegay in korodhsiimo uun loogu samaynayo Hogaanka hadda joogga. Sida Warbixintan aanu u helnay waxa Kulankan Qadada ah ee uu Cabdilaahi Geeljire Doraad Huteel Guuleed ku sameeyay ka soo qayb galay oo joogay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud ee Xukuumaddii hore ee Kulmiye Cali Maxamed Xasan (Cali Mareexaan), Xildhibaan Waabeeye oo isagu Xisbiga Kulmiye hore uga diga rogtay iyo Masuuliyiin kale. Majiro war rasmi ah oo kasoo baxay Kulankaasi oo sheegaya inay Masuuliyiintani Kulankani afkaar siyaasadeed oo ay ka siman yihiin ay iskugu yimaadeen balse waxa ay wararkan naga soo gaadhay ay sheegayaan inuu Kulankaasi shaki Culus ku dhaliyay Hogaanka Xisbiga Kulmiye islamarkaana loo qaatay mid ujeedo siyaasadeed oo gaar ah hagoogan islamarkaana ka mid noqon kara isdiidooyinka Siyaasadeed ee Xisbiga Kulmiye dhex wareegaya. Dhinaca kale Waxa Shalay Xarunta Guud ee Kulmiye ee Magaalada Hargeysa ka dhacday Casuumad Duco lagu sheegay oo xoolo badan lagu sadqeeyay, kaasi oo illaa Galabnimadii lagu wishiiriyayay. Waxa Ducadaasi ka qayb galay Dad u badan Garabada Haweennka Kulmiye, Marwada laabad ee Madaxweynaha, Dhalinyaradda Xisbigaasi, Qaar ka mid Goleyaasha Xisbiga iyo Xubno Hogaanka Sare ee Xisbiga ka tirsan oo uu ka mid yahay Gudoomiye Ku xigeenka labaad ee Kulmiye Axmed Cabdi Dheere iyo Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Ahna Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed. Lama garanayo ujeedada dhabta ah ee Ducadaasi loo qabtay balse Xubno Xisbiga Kulmiye ka tirsan oo aanu la xidhiidhnay waxa ay noo sheegeen inay ujeedada Ducaasi ay ahayd “Balaayo Xijaaban”, islamarkaana waxa ay noo sheegeen in Xarunta lafteeda oo basaastay loogu ducaynayay. Xogo kale ayaa noo sheegay inay ducadaasi ahayd mid dhoolo tus ah oo hor dhac u ah dhaq dhaqaaqyo uu Xisbigu iskugu diyaarinayo Shir weynihii Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo la rajanayo inuu qabsoomo bilawga sanadkan 2019, gaar ahaan illa bisha labaad ee sanadkan Bari oo Salaaso ah bilanaya. Xisbiga Kulmiye ayaa ku jira xaalad Culus oo Guux badan, taasi oo ay samaynayaan Siyaasiyiin u hanqal taagaya booska Gudoomiyenimada Kulmiye Madaxweyne Muuse Biixi Dabadii iyo rag hankii ay lahaayeen ee ay ugu soo ololeeyeen Wakhtigii Doorashada ka waayay Xukuumadda jirta, waxaana isha lagu hayaa qabsoomida Shirweynaha Golaha dhexe oo siyaabo kala duwan rag ugu muuqda. Source
-
Sanadkan dhammaadka ah ee 2018-ka, waxaa dadweyanaha Soomaaliyeed ku dul hogtay qalalaase siyaasadeed oo u dhaxeeya hoggaanka dowladda dhexe, dowladda federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah, qalalaasahaas waxaa uu xasillooni-darro siyaasadeed ka abuuray hey’adaha dowliga ah ee federaalka ah iyo kuwa maamul goboleedyada, waxaana hakad galay shaqooyin la qaban lahaa, sida ay qirteen hey’ado uu ku jiro golaha shacabka, guddoomiye Mursal iyo xildhibaannada ayaa sidaasi ku sheegay kulankoodii sabtidii!! Haddaba, Goobjoog News waxaa ay akhristayaasheeda dib u xusuusineysaa dhacdooyinka siyaasadeed, xasaradihii iyo amni darradii dhacday sanadkan 2018-ka:-. 1. Amni-darrada: 2018-ka waxaa magaalada Muqdisho keliya ka dhacay ilaa 13 qarax oo ismiidaamin ah oo ay ku dhinteen 123 qof iyo 140 dhaawac ah , qaraxyada gawaarida dhejiska ah ee Muqdisho ka dhacay waxaa ay gaarayaan ilaa 36 gaari, waxaa ku dhimatay 37 iyo dhaawac oo 50 qof ah. Dhinaca kale waxaa sidoo kale jiray Mareykanka oo geystay 39 duqeyn, sheegtayna inuu dilay 676-qof, halka Al-shabaab sheegatay in AMISOM iyo ciidamada kale ka dileen 285, waxaa kale oo badnaa dadka ku dhintay miinooyinka iyo dilalka tooska ah oo shaqaale dowladeed, ergo iyo dad caadi ah ku jireen….guud ahaan waxaa la diiwaan-geliyey sanadkan 2018-ka dhimashada 1,643 iyo dhaawaca 570 qof!! 2. Isbeddalka Laamaha Amniga: Dowladda madaxweyne Maxamad Cabdullaahi Farmaajo waxa ay sannadkan gudihiisa isbeddal ku sameeysay dhammaan hoggaanka ciidanka qalabka Sida; Nabadsugida (NISA), Asluubta, Booliiska, taliyaha xoogga iyo abaanduulaha ciidamada xoogga dalka. Xoogga dalka August 16, 2018 waxaa loo magacaabay Sareeye Gaas Daahir Indha Qarshe, Abaanduulaha S/Guuto Odowaa Yusuf ayaa la magacaabay isla August 2018, Booliiska February 19, 2018 ayey aheyd markii taliye loo magacaabahay Bashiir Cabdi Maxamed, Asluubtana loo dhiibay February Bashiir Goobe halka NISA taliyaheedii Xuseen Cusmaan oo la magacaabay February sanadkan uu tagay October 2018, oo hadda NISA 3 bil waa hoggaan la’aan! 3. Isku shaandheynta iyo wax ka Bedadelka Xukuumadda 2018: Sanadi 2018 ka Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre waxa uu shaqada ka diray 20 wasiir oo qaarkood ay is-casileen halka kuwo kalena shaqada laga diray. Wasaaradaha isbedelku saameeyey ayaa kala ahaa: Arrimaha dibadda, warshadaha, arrimaha gudaha, warfaafinta, gaashaandhigga, tamarta, wasiir ku-xigeenka Boostada iyo isgaarsiinta, wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha, wasiiru dowlaha warfaafinta, arrimaha dibadda howlaha guud, diinta iyo awqaafta, waxbarashada, xanaanada xoolaha, kaluumesiga, wasiiru dowlaha madaxtooyada, wasiir ku-xigeenka shaqada iyo shaqaalaha, Tamarta iyo wasiirka howlaha guud 4. Xil Ka Qaadistii guddoomiyihii hore gobolka Banaadair Thaabit Cabdi: xil ka qaadista Thabit waxay dhacday January 21, 2018, waxaa ay ka dambeysay arrimo la xiriira awoodda iyo maqaamka Muqdisho, xilkiisa waxaa lagu badalay oo noqday gudoomiyaha gobolka wasiirkii warfaafinta xakuumadda Xasan Cali Kheyre Eng Cabdiraxmaan Cumar Yariisow. Thabit oo ka jawaabay ceyrintiisa waxaa uu sababta ku sheegay labo arrin: Xasiloonida iyo nabad-galyada gobolka Banaadir iyo shirkii nabadeynta iyo horumarinta gobolka Banaadir! 5. Is-casilaadii Guddoomiyaha Golaha Shacabka: 9 Bishii April 2018 waxaa xilka ka tagay guddoomiyihii golaha shacabka kadib markii ay is qabteen laanta fulinta ee dowladda Soomaaliya. Jawaari oo shir jaraa’id la qabtay madaxweyne Farmaajo waxaa uu sheegay inuu u tanaasulay isaga oo intaasi raaciyay“ha lakala roonaado”, shacabkana loo naxo iyo in aaney dhicin faragelin shisheeye!! 6. Isbeddallada Garsoorka: Sanadkii 2018 Farmaajo waxa uu xilka qaaday guddoomiyaha maxkamadda sare iyo dhammaan garsoorayaasha maxkamadaha, waxaa kale ee uu xilka ka qaadis ku sameeyay guddoomiyaha maxkammadaha gobolka Banaadir iyo racfaanka Gobolka Banaadir. Dadka la magacaabay waxaa ka mid ahaa: Baashe Yuusuf, guddoomiyaha maxkamadda sare(May 27, 2018), Muuse Macalin, guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir(July 14, 2018), Abshir Cumar Cabdullahi, guddoomiyaha maxkamadda racfaafnta(July 14, 2018), waxaa kale oo la magacaabay 9 garsoore oo maxkamadda sare iyo guddoomiyeaal maxkamadaha gobolka Banaadir, waxaa arrintaasi ka hor yimid kutladda Badbaado Qaran!! 7. Xiriirka Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnha Ka ah : Sanadkii 2018 ma jirin wax wadashaqeyn ah oo ka dhexeeyay dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah. Shir ka dhacay Kismaayo September 8, 2018, golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa xiriirka u jaray dowladda federaalka ah. Qoraal ay soo saareen September 8, 2018 waxaa ay sabab uga dhigeen inay dowladda federaalka ah ku guul-dareysatay amniga, barnaamijka dhismaha amniga qaranka, dhaqaalihii amniga oo loo leexiyey siyaasadda, wiiqidda hey’adaha dastuuriga ah, dhaqaale lagu bixinayo baarlamaanka dowlad goboleedyada, in deeqa iyo dakhliga lagu bixiyo burburinta hannaanka federaalka ah, in golaha ka quustay in dowladda federaalka ah meel-mariso heshiisyada…haddaba golaha waxaa uu sheegay in ay hakiyeen wada shaqeyntii kala dhaxeysay dowladda federaalka ah! 8. Muranka ka Dhashay Maareynta Deeqaha Somaliland ay Dunidu siiso: wasiirka qorsheynta xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa soo saaray warqad deeq bixiyeyaasha looga codsanayey in aan dib loo cusboonaysiin macaamilka gaarka ah ee beesha caalamku siiso Somaliland sida ku xusan heshiiska “New Deal”. Iyada oo isla markaa ay ka soo baxday xafiiska ra’iisul wasaare ku xigeenka warqad lid ku ah taa oo sheegaysa in Somaliland ay beesha caalanku kula sii macaamisho si gooni ah. Wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland Dr. Saacid Cali Shire ayaa sheegay inay u madaxbannaan yihiin heshiisyada ay la galaan caalamka isaga oo intaasi raaciyey in Soomaaliya aaney go’aan ka gaari karin deeqo ay dalal kale bixiyaan!! 9. Muranka ka dhashay Is-af-garadka Madaxweynayaasha Soomaaliya, Ra’iisal wasaaraha itoobiya iyo madaxweynaha Eratareeya Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaaraha Ethoipia:– 16kii bisha june 2018 waxaa booqasho maalin ah dalka ku yimid Abiy Ahmed ra’iisul wasaaraha Ethoipia waxayna madaxweynaha Soomaaliya isla soo saareen war murtiyeed sheegaya in Ethiopia Ay Soomaaliya ka maal gashato 4 dekad, Taasina waxa ay muran weyn ka dhex dhalisay siyaasiyiinta shaki ballaarana ku beertay Soomaali inteeda badan. Is-dhexgalka Geeska Afrika: Kulankii Asmara ee madaxweyne Farmaajo, ra’iisul wasaare Abiy iyo madaxweyne Afwerki ee September 5-6 waxaa lagu gaaray heshiis 4 qodob oo ii iskaashi ah, waxaa xigay midkii Itoobiya ee Gondar ee November 10, 2018, heshiiskaa ama is-af-garadkaas midna la ma keenin baarlamaanka federaalka madaxweynuhuna warbixin kama siin warbahinta madaxabannaan iyo dadweynaha taasina waxa ay dhalisay su’aallo waaweyn oo la xiriira amniga, gobanimadda iyo madaxbannaanida Jamhuuriyda Soomaaliyeed. 10. Xil ka ridistii Madaxweynaha Koonfur Galbeed: 7-da Nofember 2018 waxay xilka iyo musharaxnimadii si lama huraan ah isaga tegay madaxweynihii Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheikh Aadan kadib markii uu cadaadis iyo culeys kala kulmay dhanka dawlada federaalka sida ay sheegeen xildhibaano iyo mas’uuliyiin maamula Koonfur Galbeed ku metala labada heer Federaalka. 11. Faragelinta Doorashada Koonfur Galbeed: kadib markii uu meesha ka baxay madaxweynihii hore ee koonfur galbeed Shariif Xasan Shiekh Aadan xukuummadda Xasan Cali Kheyre waxay dib u celisay xildhibaanadii koonfur galbeed waxana Baydhabo geysay ciidan aminiga suga oo hor leh taas oo keenay in ay is-casilaan qaar ka mid ah guddiga doorashada. Xildhibaannada federaalka ah ee ka soo jeeda koonfur galbeed waxaa ay dowladda federaalka ah ku eedeeyeen faro-gelin, dhankooda golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa war-murtiyeed ay soo saareen waxaa lagu sheegay in Villa Somalia ay faragelin qaawan ku heyso doorashada koonfur galbeed, cambaareeyana siyaasadda dowladda dhexe ee kala qeybinta shacabka, baarlamaanka iyo xukuumadda koonfur galbeed, iyaga oo ka digay in wax kasta oo ka soo baxa doorashadaas, oo aan loo marin hannaanka saxda ah aaney aqoonsan-doonin dadka reer koonfur galbeed. 12. Xariga Mukhtar Roobow: December 13, 2018 dowladda Soomaaliya oo gacan ka heleysan ciidanka Ethoipia ee ku sugan Baydhabo ayaa xidhay musharax madaxweyne Mukhtar Roobow Cali oo horay hogaamiye ku xigeen uga soo noqday xarakadda Al-Shabaab kadibana waxaa loo soo qaaday Muqdisho, xadhiga Rooboow waxa uu sababay in Baydhabo ay kadhacaan banaabaxyo khalalaase wata oo keenay dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyadeed, dadka dhintay waxaa ku jiray xildhibaano koonfur galbeed ah. Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka federaalka ah oo qoraal soo saaray waxaa ay ku sheegeen “In ladaayo dadka sida sharcidarada ah loogu xiray iyagoo gudanaya Xuquuqdooda Dastuiriga ee u fasaxaayo Dastuurka JFS, waxaa kale oo inuu tartamo qoraal ku codsaday guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal. 13. Kala Diristii Guddiga Miisaaniyadda Golaha Shacabka: 28 ka nofember 2018 guudoomiye ku xigeenka golaha shacabka ayaa warqad uu soo saaray ku kala diray Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorshaynta iyo La-Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee golaha shacabka ka dib markii ay xukuummadu qoonsatay warbixin maaliyadeed ay u soo gudbiyeen guddoonka golaha shacabka, unna ku kala jabay guddiga dhexdiisa markii fadhiga golaha la horkeenay warbixinta si aan waafaqsaneyn xeer hoosaadka golaha shacabka. Muudeey waxaa uu u sababeeyey kala dirista ku xad-gudub xeer hoosaadka, khilaaf ka dhex jira guddiga, uuna kala tashtay guddoonka 14. Go’aankii Dowladda Soomaaliya ee Khilaafka Sacuudiga iyo Turkiga: Dowladda federaalka ah ayaa xaalad walbo taageero u muujisa dowladda Sacuudiga, August 7, 2018 waxaa la soo saaray qoraal Sacuudiga lagu taageeray kadib markii ay is qabteen Canada iyo boqortooyadu arrima la xadhiidha xaquuqul insaanka iyo xoriyad hadalka, Khilaafkii u dhexeeyay Boqortooyada sacuudiga iyo Dowladda Turkey ee ka dhashay dilkii wariyaha caanka ahaa Jamaal Khashoggi, October 15, 2018 dowladda Soomaaliya waxay la safatay dalka Sacuudiga. Mid ka mid ah qoraalka ay dowladdu soo saartay waxaa uu u qornaa ““Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay markale ku celinaysaa mowqifkeeda sugan ee taageeraya degganaanshaha iyo qarannimada dalalka Carabta, waxayna ku dhawaaqeysaa garab istaaggeeda dhammeystiran ee dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee aanu walaalaha nahay, kana soo horjeedno cid kasta oo isku dayeysa inay dhib gaarsiiso ama wax u dhinto kaalinteeda iyo danaheeda dhaqaale” . 15. Soojeedinta Xil ka Qaadista Madaxweyne Maxamad Cabdullaahi Farmaajo: 9-kii December 2018 Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa qabtay mooshin dalabkiisu yahay xilka ka qaadista madaxweynaha Soomaaliya. Ka dib waxaa ka dhashay Khilaafka Guddoonka Golaha Shacabka iyo Laanta Fulinta: Kadib markii uu guddoomiyaha golaha shacabka sheegay inuu qabtay hindisaha xil ka qaadista madaxweynaha waxaa ka soo horjeestay labadiisa ku xigeen, waxaana ka dhashay in guddoomiyuhu ka guuro hooygii uu ka daganaa madaxtooyada Soomaaliya kadib markii uu cadaadis kala kulmay laanta fullinta dowladda Soomaaliya. 16. Xuriyaadda cabirka Ra’yiga: shir jaraa’id ee uu qabtay xoghayaha golaha saxaafadda Soomaaliya Macalimow November 16, waxa uu ku eedeeyay dowladda federaalka ah la dagaalanka xoriyatul qowlka, taasi oo ka hor imaaneysa dastuurka KMG ah iyo dhammaan shuruucda dalka, isaga oo yiri “Xukuumadda Kheyre Waxaa ay Weriyeyaashii Ka Dhigtay Mid Loo Hanjabo Iyo Mid La Laaluusho. Ugu dambeyntii, arrimaha kale sanadkan la xusi karo waxaa ka mid ahaa dagaal beeleeyo dad badan ku dhinteen oo ka dhacay meelo badan oo dalka ah, Galmudug oo kala jabtay, majirto hay’ad dowli ah oo iska xil saartay diiwaan gelinta dadka naftooda kuwaaya qaraxyada, colaadaha iyo musiibooyinka kale, qofkana waxaa xasuusta oo kaliya ehelkii uu ka baxay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Janaraal Maxamed Siciid Xirsi Moorgan oo ka mid ah ragga u taagan Musharaxnimada Madaxweyne ee Maamul Goboleedka dalkaasi Soomaaliya ee Puntland ayaa mar kale hanjabaad hawada u soo mariyey Somaliland iyo gaar ahaan ciidamada qaranka Somalilan doo uu sheegay in uu qaadi doono tallaabo uu ku sheegay mid uu ku xoraynayo Gobolka Sool. Janaraal Maxamed Siciid Xirsi Moorgan oo shalay si ballaadhan loogu soo dhaweeyey Magaalada Garoowe ee Caasimadda u ah maamulkaasi oo ay dhawaan ka dhici doonaan doorashooyinka Madaxweynaha maamulkaasi ayaa waxa uu Moorgan si adag uga hadlay wax sida uu u wajihi doono Gobolo SOOL ka mid tahay oo uu sheegay in ay ka mid tahay Puntand oo xoog lagu qabsaday isaga oo sheegay in uu yaqaano dagaalka iyo sida loo xoreeyo deegaamo. Moorgan oo kooxo dhallinyaro u badani u sacabo tumayeen ayaa mar uu warbaahinta kula hadlay huteelka uu ka degay Magaalada Garoowe waxa uu aad u dhaliilay siyaasadda Madaxweynaha wakhtigan horjoogaha u ah maamulkaasi Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo guud ahaanba siyaasadda iyo itijaaha maamul Goboleedkaasi u socdo oo uu ku tilmaamay mid aan qaan gaadhin oo aanay is lahayn da’da uu jiro iyo sida uu u laciifsan yahay. Gacan Ku Dhiigle Janaraal Maxamed Siciid Xirsi Moorgan oo si gaar ah u soo qaaday waxa uga meel yaalla Gobolada Sool iyo Sanaag Bari oo maamulka Puntland hayb ahaan isaga sheegto ayaa waxa uu yidhi: “Kolay waa qorshe qarsoon oo aan u baahnayn in aan halkan ka sheego. Waxba waa wax ii qorshaysan waxna waan idiin sheegi karaa waxa iiga meel yaalla. Arrinta Magaalada Laascaanood waa dayac ku yimid. Waxa dayacay maamuladii hadda ka hor joogay. Dastuurka Puntland waxa uu dhigayaa in 9-ka Gobo lee Puntland xuduudeeda ilaalinteedu ay tahay waajib saaran hadba dawladdii markaa joogta. Gobolka Sool xoog baa lagu haystaa waxaanan ku soo celin doonaa xoog. Haddi aan talada Puntland ku guulaysto wax badan oo qorshe ah ayaa jeebka iigu jira. Wax badan baa iiga yaalla Laascaanood. Waa magaalo weyn oo dalkeena ka mid ah. Yeeli mayno in xoog lagu haysto. Ballan waxaa iga ah in an soo celiyo. Waan naqaanaa sida arrimahaasi oo kale loo maareeyo balse maaha wax aan imika halkan idiinka sheegayo. Waa qorshe dagaal oo qarsoodi ah. Puntland iyo deegaamadeeda maqani waxa ay u baahan yihiin in waddo cad lagu rido anna waxaan ballan qaadayaa in aan waddo cad ku soo celiyo”. “Aniga oo 21-jir ah ayaan qaatay Billad ciidan oo Milatari, maanta oo Puntland jirto labaatan sano wali hal billad may qaadan waa halkii uunbay taagan tahay. Dadkani waxa ay u baahan yihiin in ay ugu horrayn nabad helaan. Haddii ay nabad helaan ayay dhaqaale dhisan karaan, oo aqoon dhisan karaan oo ganacsi dhisan karaan oo wax qabsan karaan, haddiise aanay nabad haysan oo ay ku jiraan cabsi iyo dagaal waxba meel gaadhi maayaan. Waan aqaanaa sida nabad loo helo ee marka hore wax la isaga dhiciyo. Waxa wax dooranayaa waa 66 xildhibaan oo idin matala. Kuwaasi ayaa loo baahan yahay in aad awoodda saartaan oo aad ku khasabtaan in ay codkooda na siiyaan. Haddii ay taasi dhacdo oo aan guulaysto waxa aad arki doontaan waxa aan doonayo in aan qabto oo jeebka iigu jira”. Source
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid Alle ha u naxariistee Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle (Col Ruush) iyo Xildhibaan Kheyre Maxamed Xasan oo ka tirsanaa Baarlamaanka Koonfur galbeed oo shalay ku geeriyooday Magaaladda Muqdisho. Madaxweyne Farmaajo oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebooka ayaa sidan ku yiri” INNAA LILAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN,Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo kan qarankaba waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iyo gaar ahaan qoysaska ay ka baxeen Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle (Kornayl Ruush) oo ka tirsanaa Golaha Shacabka iyo Xildhibaan Khayre Maxamed Axmed oo ka tirsanaa Barlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho,” Dhanka kale,Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa tacsi u diray Ehalada iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle (Col Ruush),wuxuuna Alle uga baryay inuu janadiisa ka waraabiyo,ehaladii iyo qaraabadii uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan Alle haka siiyo. Mudane Xasan Cali Kheyre,ayaa ku tilmaamay inuu marxuum Axmed Mayow Abdulle uu ahaa Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka,islamarkaana shaqo badan u soo qabtay dalka. Allaha ha u naxriistee Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle ayaa wuxuu ka mid ahaa Baarlamaanka 10-aad gaar ahaan Golaha Shacabka ,sidoo kale waxa ka mid ahaa Baarlamaankii 9-aad ee Soomaaliya. The post Madaxda Qaranka Oo ka tacsiyeeyay geeridii ku timid Korneyl Ruush appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Ciraaq)-Wasiiraddii Tacliinta ee Dowladda Iraq, Shayma Khaliil Al-hayali ayaa is-casishay, maalmo kadib markii ay Mudanayaasha Barlamaanka ansixiyeen magacaabisteeda.. Is-casilaadeeda ayaa timid, kadib, markii warar dhinaca Sirdoonka sheegeen inuu Walaalkeeda oo lagu magacaabo Layth Khaliil Al-hayali ahaa Hoggaamiyihii Kooxda Daacish ee magaalladda Mosul muddadii u dhexeysay 2014-kii ilaa 2016-kii. Sirdoonka waxay kaloo sheegeen in 2 wiil oo uu dhalay Layth Khaliil Al-hayali lagu dilay dagaalkii Kooxda Daacish looga saaray magaalladda Mosul sannadkii 2016-kii. Dhinaca kale, Wasiiraddii Tacliinta ee Dowladda Iraq ee is-casishay, Shayma Khaliil Al-hayali ayaa la sheegay inay Ra’isul-wasaare Caadil Cabdul Mahdi u gudbisay qoraalkii ay isku casishay. Wasiiradda oo ka tirsan Isbahaysiga Al-Binna ee taageersan Dowladda Iiraan waxay sheegtay in Walaalkeeda lagu khasbay inuu la shaqeeyo Kooxda Daacish, looguna hanjabay in la dili doono. Source
-
(SLT-Addis Ababa)-Markii ay Eritrea xornimada qaadatay sanadkii 1993-kii, Itoobiya waxay noqotay dal aanan lahayn xeeb iyo bad toona, waxayna qaadday tallaabadii la filan karay oo ahayd in la kala diro ciidammadii badda. Balse hadda dib ayay uga fiirsanaysaa go’aankaas, waxaana muuqata saansaan ah in ay raadinayso saldhig badeed oo laga doonayo dalalka dariska la ah. Ra’isulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa dhawaan taleefishinka dalkaasi ka yiri “Waxaan dhisaynaa ciidammo xoog badan oo badeed, kuwaas oo ugu xoog badan Afrika”. Maxaa kalifay tallaabadan? Wakaaladda wararka ee Fana ayaa Ra’isulwasaare Abiy kasoo xigatay in uu yiri in ciidammada ay la jaanqaadayaan waxyaabaha kasoo kordhay adduunka, islamarkaasna sameeyaan isbadalada loo baahanyahay. Markii Itoobiya iyo Eritrea ay dagaalameen, waxaa dhacday in Itoobiya aysan isticmaali karin dekada Eritrea si la mid ah sidii horey loo samayn jiray, sidaasi awgeed, Itoobiya waxa ay raadsatay wax ay ku badalato. Dhawaan waxa ay Itoobiya heshiis la saxiixatay Jabuuti, kaas oo ay ku heshay saami ka mid ah dekad halkaas ku taala. Dekadaha Jabuuti waxaa hadda kasoo dega 95% waxa ay Itoobiya soo degsato ama dhoofiso. Waxaa jira qad tareen oo isku xira labada dal kaas oo dhan 759 km, kaas oo sahlay in badeecooyinka iskaga kala gooshaan labada dhinac. Balse Itoobiya kuma qanacsana sida ay Jabuuti wax uga jiraan, tusaale Roba Megerssa Akawak oo ah madaxa wakaaladda Xamuulka iyo adeegyada daabulaadda Itoobiya ee ESLSE ayaa wargeyska Blooomberg u sheegay in Itoobiya ay ka walwalsantahay saldhigyada ciidammada shisheeye ee Jabuuti ku yaala. Wabiga adduunka ugu dheer oo soo cimri gaabanaya Seddax arrimood oo ku saabsan go’aankii baarlamaanka ee Qalbi Dhagax Midawga Afrika oo ergo xaqiiqo raadis ah u diraya xadka Jabuuti iyo Eritrea “Waxaan ka cabsanaynaa in Jabuuti xitaa ay go’aan ku yeelan weyso waxa ka dhacaya gudaha dalkeeda, oo lagala wareego awoodda, tanina waa halis soo foodsaartay Itoobiya” ayuu yiri Roba. Mar uu ka hadlay ciidammada badda ee la samaynayo, ayuu sheegay in ay difaaci doonaan 11-ka markab ee ganacsiga ah ee Itoobiya leedahay, kuwaas oo ka shaqeeya badda cas. Waxa uu sheegay in ay jiraan dano siyaasadeed oo is diidan. Maraakiibtaan ayaa waxa ay baroorsinka dhigtaan Jabuuti, iyaga oo u kala goosha qaaradaha adduunka. Itoobiya waxa ay sidoo kale leedahay mac-had lagu tabobar xirfadlayaasha badda, waxaana sanad kasta kasoo baxa 500 qof oo leh xirfado kala duwan, waxaana la qorsheynayaa in tiradaas la gaarsiiyo 1,000. In ciidammo meel eber ah laga soo dhiso, gaar ahaan kuwa bad waa shaqo aad u culus, una baahan dhaqaale baddan. Itoobiya waxa ay heshiisyo la saxiixatay Suudaan iyo waliba maamulka jamhuuriyada iskeed gooni isu taagga ugu dhawaaqday ee Somaliland, halkaas oo dekada Berbera ay Itoobiya ku leedahay 19% saamiga. Dib uga fiirsashada Eritrea Mr Abiy waxa uu sidoo kale ka shanqariyay in uu wadahadal la furayo dowladda Eritrea oo ay muddo dheer dagaashanaayeen, isaga oo sheegay in xitaa uu xiriir dhiig ka dhaxeeyo. Balse si kasta oo uu u hagaago xiriirka labada dal, ma muuqato saansaan ah in ay soo dhowdahay in Itoobiya ay dekada Casmara ugu ugu tiirsanaan karto sidii hore oo kale. Diblumaasi hore oo Itoobiyaan ah Birhanesmeskel Abebe ayaa sheegay in Itoobiya ay xaq u leedahay in ay isticmaasho biyaha caalamiga ah, taasna ay keeneyso in ay yeelato meel u noqota saldhig ciidammada badda. Waxa uu intaas ku daray in Jabuuti, Kenya ama Somaliland ay ka midyihiin meelaha suurtagalka ah ee saldhigaas laga samayn karo. Mr Birhanemeskel ayaa yiri “Waa in dalalka geeska Afrika loo mideeyaa qaab dhaqaale, ciidammo badna mashruucaas ayuu qeyb ka yahay”. Mr Abiy ayaa isbadello badan keenay tan iyo markii uu xilka qaaday, abuuridda dib u heshiisiinta qowmiyadaha dago gudaha dalka. Dowladdiisa waxa ay soo afjartay xaaladdii degdega ee ka jirta dalka. Suurtagal ma tahay in la hirgaliyo qorshahan? Timothy Walker oo ka tirsan mac-hadla ISS ayaa qaba in Itoobiya ay tobonaan sano ku qaadan karto in ay dhisato ciidammo badeed, balse wuxuu qirey in ay samayn karaan laamo yaryar oo xagga badda ah.. Waxa uu xusay in dalalka Afrika badankood aysan lahayn saldhigyo ciidan bad oo ku filan, kuwa lehna ay yihiin dalalka shisheeye ee xoogga baddan soo dul dhigay gobolk Sidaas oo ay tahay, Itoobiya waxa ay u muuqataa in ay ka go’antahay in ay dhisato ciidamo badan. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil ka dhacay degmada Waaberi ee gobolka Banaadir, kaasi oo loo geystay sarkaal ka tirsanaa ciidamada Meletariga Soomaaliya. Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Gaashaanle Dhexe Cabdi Maxamed Culosow “Cabdi Madoobe” waxaana lagu dilay xaafad ku taala degmada Waaberi ee gobolka Banaadir. Kooxaha dilka geystay ayaa ka baxsaday halka uu dilka ka dhacay, waxaana wararka ay sheegayaan in labo kamid ah ilaaladiisa ay ka maqnayeen Cabdi Madoobe markii la dilayay. Cabdi Madoobe, ayaa mar isku soo sharaxay guddoomiyaha degmada Waaberi, waxaana uu caan ka ahaa xaafadda Horseed ee degmada Waaberi, iyadoo dadkii dilka geystay aanan la ogaan ilaa iyo hadda. Maamulka degmada Waaberi ayaa sheegay in ciidamo ka baxay saldhiga degmada ay wadaan baaritaanka la xiriira sida dilka uu u dhacay. Caasimada Online Xafiisa Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Muqdisho)-Sarkaal ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo lagu magacaabayay Cabdi Maxamed Culusow ayaa saaka lagu dilay xaafad ka tirsan degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho. Kooxo hubeysan ayaa Sarkaalka ku dilay xaafad ku dhow Saldhiga Booliska degmada Waaberi, iyadoo ka baxsaday goobta. Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka oo goobta gaaray ay ku guuldareysteen inay gacanta ku soo dhigaan raggii dilka geystay. Sarkaalkan ayaa horay uga qeyb qaatay howlgaladii ka dhanka ahaa Al-Shabaab ee Muqdisho qeybo ka mid ah looga saaray. Sawirro uu horay lagu daabacay barta Facebook ayaa muujinayay inuu mar ka mid ahaa dad u tartamayay xilka Guddoomiyaha degmada Waaberi, isagoo olole u galay sidii xilkaas loogu magacaabi lahaa. Source
-
(SLT- Bangladesh)-Ra’iisalwasaaraha dalka Bangladesh Sheekh Hasina ayaa mar saddexaad loo doorto xilkaasi ka dib doorashadii guud ee dalkaasi ka dhacday shalay oo Axad ahayd, sida uu sheegay guddiga doorashooyinka dalkaasi. Xisbiga Sheekh Hasina ayaa helay 281 ka mid ah 350 kursi ee uu ka kooban yahay baarlamaanka dalkaasi, waana kuraas ka badan tii uu helay doorashadii tan ka horreysay. Mucaaradka dalkaasi ayaa cambaareeyay waxa uu ku tilmaamay doorashada “khiyaaliga ah” ee ay hareeyeen rabshado, handadaad iyo eedeymo ah in lagu shubtay doorashadaasi. Mucaaradka ayaa baarlamaanka ka helay toddobo kursi oo kaliya, waxa ayna codsadeen in doorashadu lagu celiyo. “Waxaan ugu baaqeynaa guddiga doorashooyinka in si deg deg ah uu laalo natiijadan khiyaaliga ahi,” ayuu yiri Kamaal Xuseen oo ah hoggaamiyaha mucaaradka. “Waxaan dalbaneynaa in sida ugu dhakhsaha badan loo qabto doorasho cusub oo ay maamuleyso dowlad dhexdhexaad ah.” Guddiga doorashooyinka Bangladesh ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in ay meelo badan oo dalkaasi ah ay ka soo gaareen eedeymo ah in doorashada lagu shubtay, arrintaa oo uu sheegay in baaritaan uu ku sameyn doono. Ugu yaraan 17 qof ayaa ku dhimatay isku dhacyo dhexmaray taageerayaasha xisbiga haya talada dalka iyo kuwa mucaaradka. Maxaa lagu dhaliilay doorashadani? Xisbiga ra’iisalwasaare Sheekh Hasina ee Awami League ayaa dalkaasi Bangladesh soo xukumayay tan iyo sandkii 2009, balse mid ka mid ah xisbiyada ugu waaweyn mucaaradka ayaa ku eedeeyay in goobaha qaar ee codbixinta uu xisbigaasi keensaday sanaadiiq ay ka buuxaan waraaqaha codbixinta oo been abuur ah. Afhayeen u hadlay xisbiga BNP ayaa sheegay in wax isdabamarin weyn ay hareysay 221 ka mid ah kuraasta 300 ah ee lagu tartamayay. Waxyar uun ka hor inta aysan furmin goobaha codbixinta ayaa weriye ka tirsan BBC-da waxa uu goob ka mid ah goobaha codbixinta ee magaalada Chittagon ku arkay sanaadiiq kuwa codbixinta ah oo laga soo buuxiyay waraaqaha codeynta oo horey loo soo saxay. Sarkaalkii mas’uulka uga ahaa goobtaasi guddiga doorashooyinka ayaa ka gaabsaday in uu ka hadlo arrintaasi. Wakiilada xisbiga haya talada dalkaasi oo kaliya ayaa ku sugnaa goobtaasi iyo goobo kale oo badan oo ku yaal magaaladaasi oo ah magaalada labaad ee ugu weyn dalkaasi. Ugu yaraan 47 ka tirsan musharrixiinta xisbiga ugu weyn mucaaradka ayaa isaga baxay tartanka, ka hor inta aysan soo xirmin goobaha codbixinta, waxa ayna sheegeen in doorashadu ay hareeyeen handadaad iyo ku shubasho. Kooxaha kormeerayaasha ahi iyo mucaaradkuba waxa ay isku raaceen in doorashadaasi aysan u dhicin si caddaalad ah, balse xisbiga haya talada dalka ayaa eedeymahaasi ku gacan seyray, waxa uuna ku eedeeyay mucaaradku in ay faafinayaan warar been abuur ah. Sheekh Hasina ayaa jimcihii la soo dhaafay BBC-du u sheegtay: “Dhan waxa ay jeedinayaan eedeymo. Dhanka kalena, waxa ay weerarayaan shaqaalaha iyo madaxda xisbigayaga. Taasi ayaa ah dhibaatada ugu weyn ee ka jirta dalkayaga.” Maxay doorashadani u tahay muhiim? Bangladesh waa dal dadkiisu u badan yihiin Muslimiin, waxaana dalkaasi ku nool dad lagu qiyaasay in ka badan 160 milyan oo qof. Dalkaasi ayaa wajahaya dhibaatooyin ka dhashay isbadalka cimilada, kacdoonka mintidiinta islaamiga ahi, saboolnima baahsan iyo musuqmaasuq. Bangladesh waxaa sidoo kale ku soo qaxay boqolaal kun oo qof oo ka tirsan muslimiinta qowmiyadda laga tirada badan yahay ee Rohingya, ee ka soo qaxay dalka deriska ah ee Myanmar. Rabshado ayaa hareeyay ololihii doorashadan, waxaana marar badan ay isku dhacyo dhex mareen taageerayaasha xisbiga haya talada dalka iyo kuwa mucaaradka. Dowladda ayaa sidoo kale wadday hawlgallo cabburin ah oo ka dhan ah dadka mucaaradka ku ah, waxaana dadka dhaliila siyaasadda dowladda ay sheegayaan in xukuumaddu ay noqotay mid kalitalis ah. Yaa ku tartamayay doorashadani? Khaleda Zia oo muddo dheer loolan adag kula jirtay Sheekh Hasina ayaa billowgii sanadkan xabsi la dhigay, waxaana laga mamnuucay in ay doorashadani u tartanto sababo la xiriira musuqmaasuq balse waxa ay dhankeeda ku adkeysanaysaa in eedeymahaasi ay salka ku hayaan arrimo siyaasadeed. Haatanna waxaa mucaaradka majaraha u haya Kamaal Xuseen oo xulufo la ahaa Sheekh Hasina. Hase yeeshee Kamaal oo 81 jir ah isla markaana ka mid ahaa garyaqaanadii wax ka qoray dastuurka dalkaasi, isuma uusan soo sharixin hoggaanka dalkaasi. Xisbiga BNP ayaa qaadacay doorashadii sanadkii 2014-kii, waxaana doorashadii shalay dalkaasi ka dhacday ay noqoneysaa tii ugu horreysay oo ay ka qeybqaataan dhammaan xisbiyada waaweyn ee mucaaradka ahi tobankii sano ee la soo dhaafay. Source
-
(SLT-Afghanistan)-Kooxda Taliban ee dalka Afqanistan ayaa sheegtay in aysan wadahadalo toos ah la yeelan doonin dowladda Afqanistan marka wareega labaad ee wadahadalada nabada ay ka billaabmaan dalka Sacuudiga. Hasa yeeshee sargaal sare oo ka tirsan wakiilada Taliban ayaa sheegay in saraakiisha mareykanka ay kula kulmi doonaan magaalada Jiddah ee boqortooyada Sacuudiga. Kooxda Taliban ayaa mar walba diida in ay la kumaan dowladda Afqanistaan oo ay ku tilmaamaan mid daba dhilif u ah reer Galbeedka. Diidmada Taliban ay diideen in ay la kumaan dowladda Afqanistaan ayaa ah mid waji gabax ku ah xukuumadda madaxwayne Ashraf Ghani, oo horey u sheegay in ergo uu u diri doona kulanka Taliban. Wareegii hore ee wadahadalada ayaa ka dhacay dalka Imaaraadka markaasi oo ay sidoo kale Taliban diideen ina y la kulmaan dowladda Afqanistan. Madaxwayne Khani ayaa horey ugu baaqay kooxda Taliban in ay xabbadda joojiyaan oo ay wadaxaajood la galaan dowladda Afqanistan. Dagaalyahanada Taliban ayaa gacanta ku haya qaybo ka mid ah gobolada dalka Afqanistaan. Waxa ay goobaha ay dowladda ka taliso ka gaystaan weeraro ay dad badan ku dhintaan. Source
-
(SLT-Qaahira)-Booliiska dalka Masar ayaa dilay tiro mintidiin ah ka dib weerar ay ciidamada ammaanka ku qaadeen goob ay gabaad ka dhiganayeen,waxaa sidaasi sheegtay wasaarada arrimaha gudaha ee Masar. Weerarka ayaa waxaa lagu dilay “40 argagixiso ah ” oo ku sugnaa goobta lagu magacaabo Giza oo ku taalla waqooyiga lama dagaanka Sinai,sida lagu sheegay bayaan ay wasaarada soo saartay. Booliiska dalka Masar ayaa waxay sidoo kale sheegeen in ay gacanta ku soo dhigeen aalado laga sameeyo bambaanooyiinka. Wasaaradda arrimaha gudaha ee Masar ayaa sheegtay in kooxdan mintidka ah ay qorshaynayeen in weeraro xiriir ah ka gaystaan goobaha loo dalxiis tago,kaniisdaha iyo ciidamada ammaanka. Weerarka ciidamada ammaanka ee masar ayaa yimid ka dib markii gaari Bas ah oo siday dad dalxiisayaal ah jimcihii bam waddada loo dhigay uu ku qarxay magaalada Giza. Ma jiro ilaa imika koox sheegtay masuuliyadda weerarkaasi oo ay ku dhinteen 3 qof oo u dhalatay dalka Vietnam. Balse kooxaha mintidiinta ah ayaa horey u bartilmaameedsaday dad dalxiisayaal ah. Dalxiiska ayaa ka mid ah ila dhaqaalaha ballaaran uu ka soo galo dalka Masar. Sanadkii 2010 ayaa waxaa dalkaasi booqasho ku tagay in ka badan 14 milyan oo qof,balse tiradaasi ayaa hoos u dhacday ka dib kacdoonkii dalalka carabta. Sanadkii 2017 waxaa masar booqatay 8.3 milyan oo qof, sida uu qoray wargayska the Financial Times. Source
-
(SLT-Pyongyang)-Wargeyska JOSUN ILBO ee ka soo baxa dalka Koonfurta Kuurya waxa uu saakayto oo Isniin ah qoray inuu Kim Jong Un qoraal u diray Madaxweyne Trump, kana codsaday Kulankaasi. Warqadda Kim Jong u diray Trump ayaa la sheegay in la sii marsiiyey gacan kale oo aan la shaacinin, sida uu Wargeyskaasi ka soo xigtay ilo Diplomaasiyadeed oo aan la carabaabin. Dhinaca kale, Waaxda Arrimaha Dibedda ee Mraaykanka iyo Safaaradda Maraykanka ku leeyihiin caasimadda dalka Koonfurta Kuurta ee Siyool midnaba kama hadlin wararka sheegaya inuu Hoggaamiyaha Waqooyiga qoraal u diray Donald Trump. Labada Hoggaamiye waxay Kulankoodii ugu horreeyey ku yeesheen dalka Singabuur bishii June ee sannadkan, iyagoo ku heshiiyey in laga shaqeeyo sidii ay Waqooyiga Kuurya u burburin lahaayeen Hubkooda Nukliyeerka. Source
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Gudoomiyaha gudiga dib u eegista Dastuurka ee labada Aqal BFS Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ayaa Tacsi ka diray Geeridii ku timid Allaha unaxariistee Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle oo ku magac dheeraa (Korneyl Ruush) Senator Qeybdiid ayaa sheegay in Marxuumka uu howlo badan u soo qabtay dalka, islamarkaana uu ka mid ahaa Guddiga Dastuurka ee Golaha Shacabka. Sidoo kale Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) gudoomiyaha gudiga dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in maanta Marxuumka Aas Qaran loogu sameyn doono gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Allaha u naxriistee Xildhibaan Korneyl Ruush ayaa haatan ka mid ahaa Baarlamaanka 10-aad iyo sidoo kale Baarlamaankii 9-aad ee dowladda federaalka Soomaaliya. The post Qeybdiid Oo ka Tacsiyadeeyay Geeridii Korneyl Ruush appeared first on Shabelle. View the full article
-
Garoowe ( Sh. M. Network )-Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, haatana ah Senator ka tirsan Golaha Aqalka Sare C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa eedeyn kulul u jeediyay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas. Senator Faroole oo Warbaahinta kula hadlay Garoowe ayaa dhawaajiyay in Madaxweyne Gaas 5-tii Sano oo uu xilka hayay uu dib u dhigay horumarka Puntland. Sidoo kalena maamulka uu hoggaamiyo uu ku kacay Musuq-maasuq xoogan, sida uu hadalka u dhigay. Waxaana uu intaasi ku daray in Madaxweynuhu uu jaray xiriirkii Puntland kala dhexeeyay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Halkan hoos eka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Jaamac-1-.mp3 The post Senator Faroole Oo eedeyn u jeediyay Madaxweyne Gaas appeared first on Shabelle. View the full article
-
Guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka ee Puntland ayaa isu’ diyaarinaya in ay saacadaha soo socda ku dhawaaqan lix iyo lixdanka xubnood ee Baarlamanka cusub. Guddiga oo in mudda ah ku hawllanaa xallinta kuraasta la isku’ haysto ee xubnaha doonaya Golaha wakiilada ayaa sida wararku sheegayaan soo geba-gabeeyay hawshaasi,waxaana xilligan u harsan oo keliyah in ay shaaciyaan liiska xildhibaannada cusub. Mudda todobaad ah ayaa ka harsan doorashada madaxtinimada Puntland ee ku muddaysan 8-da Jennaayo 2019,waxaana isha lagu wada-hayaa ku dhawaaqista xildhibaannada cusub ee wax dooranaya. PUNTLAND POST The post Puntland: Liiska Golaha wakiilada cusub oo lagu dhawaaqayo appeared first on Puntland Post.