Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,105
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Puntland state parliament is expected to elect a new president on Tuesday barely a week after its assembly was formed. According to the polls agency, 21 candidates will participate today’s election which will be held at the state’s administrative capital, Garowe. The 66 newly sworn in Lawmakers will be electing a new president who will lead Somalia’s oldest regional state for the next five years. Among potential candidates in this election is the incumbent leader of the state, Abdiweli Gaas who has been ruling the state for the last five years. Gaas, a former Prime minister of the federal government will face stiff competition from several former federal and regional leaders and other potential candidates. The main rivals of Gaas in the contest include Abdi Farah Saed Juha, former regional Education and Federal Interior Minister, Said Abdullahi Deni, a former federal minister for planning. Others are General Said Mohamed Hersi, a former head of Puntland’s army who has commanded the offensive against Islamist militants, and Ali Isse Abdi, an economist with a background in accounting and finance. The security of Garowe town was beefed up and venue the election secured by hundreds of security forces. The post Puntland to elect new president in an election ongoing in Garowe appeared first on Shabelle. View the full article
  2. Xildhibaannada baarlamaanka Puntland ayaa bilaabay codeynta doorashada madaxweynaha ee maamulkaasi, waxaana ku tartamaya 21 musharrax. 66 xildhibaan ayaa dooranaya madaxweynaha cusub ee Puntland, waxaana wareegga Koowaad ku guuleysan kara oo kaliya musharraxii hela codadka Saddex meel Labo meel. Ammaanka magaalada Garoowe ayaa aad loo adkeeyey iyadoo la wada eegayo hannaanka ay doorashadan u socoto. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Garoowe ( Sh. M. Network )-Waxaa goor dhow magaalada Garoowe ee xarunta Puntland si rasmi ah uga bilaabatay doorashada guud ee hoggaanka maamulkaasi. Doorashada oo isugu jirta mida Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ayaa waxaa ku loolamaya 21 Musharrax oo u taagan Madaxweynaha iyo 11 u taagan ku xigeenkiisa. Golaha wakiilada Puntland oo gaaraya illaa 66 Mudane ayaa u codeynaya xubnahaasi isku soo taagay hoggaanka maamulkaasi. Madaxweynaha cusub ee la dooran doono oo noqonaya kii shanaad ee Puntland ayaa waxaa uu hoggaamin doonaa maamulkaasi 5 sano ee soo socota. Radioshabelle.com kala soco wixii soo kordha. The post Doorashada Puntland Oo ka bilaabatay Garoowe appeared first on Shabelle. View the full article
  4. Afgooye ( Sh. M. Network )-War ka soo baxay taliska AFRICOM ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in illaa iyo 6 xubnood ka tirsanaa Al Shabaab ay ku dileen duqeymo cirka ah oo ay diyaaradahoodu kaf uliyeen deegaanka Dheerow Sanle ee gobolka Sh/ Hoose. Qoraalka ka soo baxay AFRICOM ayaa sidoo kale lagu sheegay in duqeyntaasi oo dhacday Axaddii la soo dhaafay ay ku burburiyeen Gaari ay lahaayeen Al Shabaab,. Sidoo kale warbixintani ka soo baxday Mareykanka ayaa lagu xusay in aysan jirin wax khasaaro ah oo dadka shacabka ah ka soo gaaray duqeymahaasi. Mareykanaka ayaa sare u qaaday duqeymaha ka dhanka ah Al Shabaab, tan iyo markii Trump uu noqday Madaxweynaha dalkaasi The post Mareykanka Oo ka hadlay duqeyn ka dhacday Sh/ Hoose appeared first on Shabelle. View the full article
  5. The U.S. military killed six Islamist militants in an air strike in Somalia on Sunday in the vicinity of Dheerow Sanle, in the Lower Shabelle region, it said. “At this time we assess no civilians were injured or killed in this air strike,” the U.S. military’s Africa Command said in a statement late on Monday. “This air strike was conducted to diminish al-Shabaab’s freedom of movement and to increase pressure on the terrorist network in the area.” The U.S. and Somali militaries have stepped up air strikes against al Shabaab Islamist fighters recently. Last month, the U.S. military said it had killed 62 militants in six air attacks. The post US military says it kills six militants in an air strike in Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
  6. Garowe (Caasimada Online)-Waxaa hoolka ay ku shiraan xildhibaanada baarlamaanka Puntland ka bilaabatay doorashada madaxweynaha maamulka Puntland oo musharixiin badan ay u taagan yihiin. 66 Xildhibaan ayaa ku sugan goobta doorashada waxaana dib kaga soo biiray goobta labo xildhibaan oo markii hore ka maqanaa madasha. 21 Mudane ayaa u taagan xilka madaxweynaha Puntland, waxaana ku jira madaxweyne Gaas oo shan sano maamulayay Puntland. Sheikh Daahir Aw Cabdulle oo kamid ah culamada Puntland oo hadal laga siiyay madasha doorashada ayaa kula dardaarmay xildhibaanada baarlamaanka inay doortaan ruux hogaamin kara Puntland. Wareega Koowaad waxaa ku wada tartamaya musharixiinta oo idil, waxaana wareega labaad u gudbaya musharixiinta ugu codadka badan. Khudbadaha dardaaranka ee culumada ayaa wali ka socda goobta doorashada, waxaana kadib xigi doono doorashada madaxweynaha. Dhamaan musharixiinta tartameysa ayaa waxay baarlamaanka hortiisa ku saxiixayaan warqad ay ku cadeynayaan inay aqbali doonaan natiijada kasoo baxda doorashada madaxweynaha maamulka Puntland. Toos ula soco doorashada Puntland. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  7. Garowe (Caasimada Online)-Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya magaalada Garowe ayaa sheegaya inay socoto qaban qaabadii ugu dambeysay ee doorashada madaxweynaha maamulka Puntland oo inka badan 20 musharax ay ku tartamayaan. Waxaa soo baxaya in xalay aysan hurdo helin musharixiinta iyo xildhibaanada baarlamaanka Puntland, waxaana socotay kala xodxodashada codadka xildhibaanada baarlamaanka. Waxaa durba soo shaacbaxay shaqsiyaad loo malaynayo inay noqon karaan madaxweynaha shanta sano ee soo socota, waxaana dadka la hadal hayo lagu qiimeeyay awooda ay ku dhexleeyihiin baarlamaanka. Musharixiinta qaar ayaa lagu eedeynayaa inay taageero dhaqaalo ay ka heleen dowladda Soomaaliya, islamarkaana xalay ay heleen taageerada ugu badan ee xildhibaanada baarlamaanka Puntland. Musharixiinta ugu hadal heynta badan ayaa kala ah Eng Maxamuud Khaliif Xasan Jabiye oo ah ruuxa loogu saadaasha badan yahay, maadaama lagu tiirinayo inuu dhaqaalo badan ka helay dowladda Soomaaliya. Waxaa kusoo xiga Dr Saciid Deni oo ah shaqsi awood badan ku dhex baarlamaanka, waxaana u tanaasulay musharixiin badan. Sidoo kale ruux sedexaad ee loogu hadal heynta badan yahay doorashada Puntland ayaa ah Faarax Cali Shire. La soco doorashada Puntland. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  8. Garowe (Caasimada Online)-Ma aha doorasho dadweyne, xildhibaanno ayaa codeynaya! Labaatan cisho kadib, markii doorasho aan aad loogu baratamin ay ka dhacday magaalada Baydhaba, halkaasoo maamulka Koonfur Galbeed uu ku yeeshay madaxwyenihii labaad tan iyo intii la dhisay ayey Garowe ka dhaceysaa doorasho laga yaabo inay loollan adag yeelato. Shantii sanaba mar ayaa la qabtaa doorashada Puntland. 21 Tartame, oo uu ku jiro madaxweynaha waqtiga ka dhamaaday ayaa u hanqal taagaya inay ku fariistaan kursiga ugu sarreeya maamulkaasi qaangaarka ah ee Puntland. 11 kalena, midkiiba waxa uu doonayaa inuu noqdo madaxweyne ku xigeen. Kuna darso 32 ka tartame midna dumar ma aha! Doorashada madaxtooyada waxaa ka horreyay tan wakiillada, 66 xildhibaan oo todobaadkii hore la dhaariyay ayaa doortay guddoon. Waxa ayna isu diyaarinayaan inay kala xushaan mas’uuliyiintaas oo dhamaan Isniintii hadal-jeedin sameeyay si ay u bandhigaan qorshahooda waxqabad, laakin shaki kuma jiro in aan lagu kala dooraneyn kaliya sida ay u khudbeeyeen. Waa qasab in olole la sii sameyay, lala shiray cod-bixiyeyaasha, loona gudbiyay dalab faro dufaneysan uu wehliyo. Awood-qeybsiga aan Dastuuriga ahayn Puntland oo 20 jir ah, taarikhiyan waxa ay soo yeelatay Afar madaxweyne oo ka soo kala jeeda Bari, Nugaal iyo Mudug-(2 madaxweyne?). Taasi macnaheeda waxa weeye in haatanna ay waajib tahay inuu soo baxo murashax u nasab-sheegta saddexdaasi gobol, maxaa yeelay guddoonka baarlamaanka ee la doortay Jumcadii waxa uu ka soo jeedaa deegaan ka baxsan saddexda gobol, waxa ay taasi yareysay rajadii ay qabeen murashixiinta ay isku heybta yihiin. Inkastoo ay saadaal tahay, hadana waxaa laga yaabaa in Asad Diyaana, Cali Xaaji Warsame, Cabdi-wali Gaas, Cabdi Faarax {JUXA}, Saciid Dani iyo Injineer Maxamuud Khaliif {JABIYE} ay yihiin kuwa hadal-heynta u badan tahay. Saciid Dani iyo Maxamuud Khaliif ayaa suuragal loo arkaa inay galaan loollaka ugu dambeeya, sababtuna waxa ay tahay labaduba waxa ay ka yimaadaan magaalada Qardho. Maxaa yeelay labadii xilli doorasho ee u dambeysay kuma soo bixin murashax ay isku heyb yihiin. Dhinacyada kala taageeraya ayaa sidoo kale ka dhigeysa inay isu soo haraan, balse wax walba ayaa la filan karaa. Eedaha Faragelinta Dowladda federaalka Maadaama aysan dowladda federaalka ah isku wanaagsaneyn madaxweynaha waqtiga ka dhamaaday oo gudoomiye u noqday gole iskaashi oo ay leeyihiin dowlad-goboleedyada, kaasoo xiriirka u jaray maamulayaasha Muqdisho, ayey taasi sare u qaadday cabsida uu ka qabay in la farageliyo. Dowladda federaalka ah laftrikeeda waxaa la aaminsan yahay inay hoos u dhigeyso awoodda maamullada aan adeecsaneyn. Tusaale ahaan doorashadii 19-kii, bishii Disembar ka dhacday Baydhaba, oo sabab u noqotay in uu shaqadiisa ku waayay wakiilkii QM ee Soomaliya, waxaa ku soo baxay murashaxii ay dooneysay. Si looga fogaado in madaxda federaalka ay galaangal u yeeshaan, ayey shir ay isugu yimaadeen guddiga Amniga dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxa ay soo saareen 7 qodob oo ku saabsan Amniga xilliga doorashada Madaxweynaha. War-Saxaafadeed ay Guddiga soo saareen ayaa inta badan looga hadlay dhinaca Amniga,waxana qodobada ku jira ka mid ahaa in Madaxda iyo Shaqaalaha Dowladda Federaalka aysan deegaanada Puntland tegi karin inta lagu guda jiro doorashooyinka. Waxaase sharci-yaqaannada sheegeen inaysan xaq u lahayn maamulayaasha Puntland tallabaadaasi oo dhaqangal noqotay. Si kastase waxa ay bidhaamisay in madaxda talada heysa iyo kuwa aan bahda la ahayn dowladda federaalka ay baqdin ka qabeen in la wiiqo, si aysan u soo bixin. Waxaa kale oo jira warar sheegay inay dowladda riixeyso murashax Maxamud Khaliif {JABIYE} walow wasiirka arrimaha dibadda oo hadlay uu ku gacan seyray inay taageero maaliyadeed murashax gaar ah siinayaan, balse uu carrabka ku dhuftay inay dabiici tahay in qofka uu qof kale taageero. Kaalinta Baraha Bulshada {SOCIAL MEDIA} Ka sokow, warbaahinta oo toos isha ugu heysa una soo tabineysa dhacdooyinka ku xeeran doorashada, hadana waxaa door muuqda leh baraha bulshada. Waxa ay u egtahay in lacag badan laga macaashayo marka ay timaado olalaha loo sameynayo murashaxiinta. Waxa kale oo aragtiyo ku wadaagaya dadka daneynaya doorashada, iyadoo mararka qaar la isku weeraryo fikradaha la kala aaminsan yahay. Dagaalka baraha bulshada loo adeegsado oo Soomaaliya ku soo xoogeystay 23-kii bilood ee u dambeysay ayaa sidoo kale xamaasad u yeelaya, iyadoo dhaqdhaqaaqyadooda iyo aragtidooda ay murashaxiinta ku soo gidnbinayaan ama la wadaagayaan taageerayashooda si ay xayeysiin ugu sii sameeyaan. Balse waxaas oo dhan waxaa asal u ah sida loo xod-xoto xildhibaannada. Khilaafka dowladda federaalka ah iyo DG Dowladda federaalka ah oo billowgeediba wajahday dagaal siyaasadeed oo ay la gashay dowlad-goboleedyada oo ay u arkeysay inay daacad u ahaayeen madaxdii ka horreysay ayaa ku guuleysatay inay dhufaanto. Waxa ay ku guuleysatay inay meesha ka baxaan saddex madaxweyne oo ka kala arriminayay Galmudug, Hirshabelle iyo Koofur Galbeed oo madaxweyneheedi ku qasabanaaday inuusan tartamin, walow aysan wali rabbaayada ka dhigan maamulka Galmudug hadana waxaa lagu eedeeyaa kal qeybsanaanta heysata iyo inay ka qaadiyaan taageeradooda. Puntland oo ka fac weyn dowladda dhisan ayaa dhegaha ka fureysata dhambaallada ka yimaada Muqdisho. Taasina waxa ay keenta in haba yaraatee aysan wax xiriir ah la lahayn dowladda federaalka ah, taasina waxa ay keeneysa xiisaha ku saabsan haddii cidda lala xiriirinayl ay ku soo bixi kartay doorashada iyo hadii kale, waxaana la leeyahay waa tijaabo kale, oo ay wajahayaan maamulayaasha Muqdisho. Maxaa dhacaya Natiijada Kadib? Bacdamaa uu maamulka Puntland 20 kii sano ee la soo dhaafay ku soo caano maalay kala dambeyn iyo wax isu ogolaasho gudahooda ah lama filanayo qalalaase ka dhasho doorashada. Murashaxii laga adkaado waxa ay u badan tahay inuu aqbalo natiijada. Waxaase jawaab u baahan waxa uu ku dambeynayo xiriirka xun ee ka dhaxeeya dowladda federaalka ah iyo dowlad-goboleedka Puntland. Puntland Doorasho lagu diirsado iyo madaxweyne daacad ah ayaan u rajeyay. Abubakar Mohamed Ali, Dhaliil ama toosin igula soo wadaag abakarmah@gmail.com FG:Qoraalkaan waa aragtida ruux ku saxiixan kama Tarjumeyso aragtida Caasimada Online Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  9. Waxaa haatan hoolka doorashada soo wada gaadhay dhammaan murashaxiinta Puntland uu ku jiro madaxweyne Cabdiweli Gaas, waxaana la filayaa inay doorashada bilaabato wax yar kadib. Dhanka kale, ciidamada ammaanka Puntland ayaa bilaabey inay adkeeyaan ammaanka magaalada Garoowe, ciidamada howsha loo xilsaaray ayaa kala ah: PSF-ta , Booliiska , Daraawiishta iyo PMPF-ta. Goobta doorashada waxaa ku sugan xubno ka socda IGAD iyo dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya. Korjoogayaasha doorashada Puntland waxaa ay ka fiicantahay middii ka dhacday Baydhabo ee lagu doortay Cabdicasis Lafta-gareen, taasi ma joogin beesha caalamka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Mahadaay ( Sh. M. Network )-Ciidamo ka tirsan kuwa Milatariga Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa in saaka howlgallo xoogan ay ka wadaan nawaaxiga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Howlgallada oo ah kuwa ballaaran ayaa waxaa ay saraakiisha hoggaamineysa sheegeen in uu yahay mid lagu baadi goobayo kooxo burcad oo dhawaan Gaari ay la socdeen dad rayid ah ku rasaaseeyay duleedka degmadaasi. Sidoo kale saraakiishu waxa ay tilmaameen in howlgalladani u jeedkooda uu yahay mid lagu xaqiijinayo amniga degmada Mahadaay ee gobolkaasi. Maalin ka hor ayey aheyd markii Rag burcad ah Gaari Rakaab siday ay ku rasaaseeyeen agagaarka degmadaasi, kaas oo ku sii jeeday Afarta Tuulo. The post Howlgallo ballaaran Oo ka socda duleedka Mahadaay appeared first on Shabelle. View the full article
  11. Garoowe ( Sh. M. Network )-Golaha wakiilada Puntland ayaa lagu wadaa in maanta Madaxweyne cusub ay ku doortaan magaalada Garoowe ee xarunta maamulkaasi. Doorashadan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ku loolamaya illaa 21 Musharrax o daneynaya qabashada xilkaasi. Sidoo kale waxaa xilka Madaxweyne ku xigeenka Puntland u taagan 11 Musharrax oo ku tartami doono doorashadaasi. Qaban qaabadii ugu dambeysa ee doorashadan ayaa saaka si weyn looga dareemayaa gudaha magaaladaasi. Ammaanka ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoona gudaha Garoowe lagu arkayo Ciidamo dheeraad ah oo sugaya amniga doorashada iyo guud ahaan magaaladaasi. Xaaladda guud ee Puntland ayaa ah mid dagan, iyadoona si aad ah isha loogu hayo doorashadaasi. The post Doorashada Puntland Oo maanta ka dhaceysa Garoowe appeared first on Shabelle. View the full article
  12. Waxaa maanta lagu wadaa in Garoowe lagu doorto madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ee 5-ta sano ee soo socota. Hoolka doorashada waxaa jooga korjoogayaal isugu jira dowladda federaalka ah, IGAD iyo beesha caalamka. 21 murashax madaxweynaha ah iyo 11 ku-xigeennada ah ayaa laga dooran-doonaa mid hal. Halkan Ka Akhrio, Magacyada Murashaxiinta: Source: goobjoog.com
  13. Balcad ( Sh. M. Network )-Wararka naga soo gaaraya inta u dhexeysa degmooyinka Balcad iyo Afgooye oo ka kala tirsan gobollada Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe ayaa ku warramaya in xalay duqeyn dhinaca cirka ah ay ka dhacday halkaasi. Duqeynta oo aheyd mid xoogan ayaa waxaa la sheegay in ay ka dhacday deegaanka Baqdaad oo isku xira degmadooyinkaasi. Ilo dadka dadka deegaanka ah ayaa Shabelle u xaqiijiyay jiritaanka duqeyntaasi, inkastoo aan weli la ogeyn khasaaraha ka dhashay duqeyntaasi. Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in duqeyntan lala beegsaday saldhig Al Shabaab ay ku leeyihiin deegaankaasi. Illaa iyo hadda lama heybta diyaaradaha dagaal ee fuliyay duqeyntaasi, basle inta badan Mareynka ayaa duqeymo ka fuliya koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. The post Duqeyn diyaaradeed Oo ka dhacday deegaanka Baqdaad appeared first on Shabelle. View the full article
  14. Waxaa maanta lagu wadaa in Garoowe lagu doorto madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ee 5-ta sano ee soo socota. Hoolka doorashada waxaa jooga korjoogayaal isugu jira dowladda federaalka ah, IGAD iyo beesha caalamka. 21 murashax madaxweynaha ah iyo 11 ku-xigeennada ah ayaa laga dooran-doonaa mid hal. Weriyeyaasha Goobjoog News ee hoolka ku sugan waxaa ay sheegayaan in ammaanka la adkeeyey, murashaxiinta ay soo galayaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Garowe (Caasimada Online)-Doorashada madaxweynaha maamulka Puntland ayaa ka bilaabaysa daqiiqado kadib magaalada Garowe, waxaana doorashada madaxweynaha isku soo sharaxay 21 musharax. Xildhibaanada Puntland oo gaaraya 66 xildhibaan ayaa dooranaya mid kamid ah musharixiinta xilkaasi isku soo taagay, waxaana madaxweynaha la doorta uu hogaamin doonaa Puntland shanta sano ee socoto. Wakiilo ka socdo beesha caalamka iyo wafdi ka socdo dowladda Soomaaliya ayaa ku sugan magaalada Garowe ee xarunta Puntland, kuwaasi oo korjoogto ka ah doorashada maanta ka dhaceyso magaalada Garowe. Doorashada madaxweynaha kadib waxaa ku xigo doonta doorashada madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland, waxaana saacado kadib Puntland ay yeelan doontaa madaxweyne iyo ku xigeenka. Madaxweyne Gaas iyo ku xigeenkiisa Cameey oo markale musharixiin ah ayaa ku sugan hoolka doorashada, sidoo kale musharixiinta la tartameysa ayaa ku sugan goobta maanta doorashada ay ka dhaceyso. Caasimada Online ayaa daqiiqad walbaa idiin soo gudbin doonta doorashada maanta Insha allah. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  16. Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Subax-080119.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  17. Doorashada madaxtinimada Puntland ayaa saaka oo Talaado ah ka socota xarunta Baarlamanka Puntland ee magaalada Garoowe. Doorashada ayaa waxaa ku loollamaya 21 murashax madaxweyn iyo 11 murashax madaxweyne ku xigeen,waxaana codaynayaa 66-da mudane ee uu ka koobanyahay Baarlamanka Puntland. Amniga caasimadda ayaa si weyn loo adkeeyay,iyadoo ciidamada kala duwan ee Puntland ay ku sugan yihiin dhammaan waddooyinka magaalada,waxaana la xannibay isu’ socodka gaadiidka soo galaya am aka baxaya magaalada ilaa laga gaarayo 4:00pm ee Galabta. PUNTLAND POST The post Toos u daawo: Doorashada madaxtinimada Puntland oo ka socota Garoowe appeared first on Puntland Post.
  18. Kismaayo (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa bixiyay xog dheeri ah oo ku saabsan sababta ay u tageen magaalada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa shaaciyay in maalmihii ugu dambeeyay ay wadeen abaabulka dagaalka Al Shabaab looga saari lahaa degmada Bu’aale oo caasimad u ah maamulkiisa. Isaga oo warbaahinta la hadlayay ayuu sheegay in la dhameystiray dhamaan ciidamadii iyo qorshihii AL Shabaab looga saari lahaa deegaanada maamulka Jubbaland oo hadda ay ku sugan yihiin. Ujeedada ugu weyn ee ay ciidamada ugu badan u geeyeen degmada Afmadow ayuu ku sheegay inay tahay inay dhabarka ka weeraraan Al Shabaabka ku sugan degmada Bu’aale. “Waan ku hamineynay inaan nimaado Afmadow, ujeedada aan halkaan u nimid waxay tahay inaan dhabarka ka weerarno Degmada Bu’aale oo cadowga ay heystaan, dhawaan ayaan rajeynaynaa inaan ka saarno”ayuu yiri madaxweyne Axmed Madoobe. Maamulka Jubbaland ayaa maalmihii ugu dambeeyay waday abaabulka ciidamada maamulkaasi si ay Al Shabaab kaga saaraan deegaanada ay kaga sugan yihiin Jubbooyinka. Caasimada Online Xafiiska Jubbaland Caasimada@live.com
  19. Waddamada Itoobiya iyo Eriteriya oo maanta si rasmi ah isugu furay xudduudohooda+Sawirro Hoggaamiyeyaasha dalalka Itoobiya iyo Eriteriya ayaa maanta si rasmi ah waxa ay u wada fureen xuduuda labadaasi dal ka wadaagaan ee daagaanada Oumajir iyo Humera ee waqooyiga dalkaasi. Labada hoggaamiye ee Abiy Ahmed iyo Isaias Afwerki ayaa waxaa munaasabadooda xad-furidda ku weliyay saraakiil sar-sare oo labada dowladood ka socda. Arrintan ayaa timid kadib dadaallo wadahadal oo si xowli ah u dhexmarayay labadan dal kaas oo uu hoggaaminteeda lahaa ra`iisal wasaaraha cusub ee dalka Itoobiya Abiy Ahmed. Qaran News
  20. London (Caasimada Online) – Wasiirka gaashaandhigga UK, Gavin Williamson, ayaa tiray qoraal uu soo dhigay twitter-ka oo uu Somaliland ugu yeeray dal, wuxuuna soo dhigay qoraal kale. Wasiirka oo axaddii booqday magaalada Hargeysa ayaa maanta bartiisa twitter-ka soo dhigay Isniintii qoraal uu ku yiri “Waxaan nasiib u yeeshay inaan la kulmo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, si aan ugala hadlo xoojinta xiriirka labadeena waddan. Waxaan sidoo kale fursad u yeeshay inaan arko shaqada qaar ka mid ah ciidamadeena ay ka wadaan Somaliland” Si kastaba saddex saac kadib wasiirka ayaa qoraalkiisa ku sameeyey is-beddel wuxuuna ka saaray meeshii uu ku yiri labadeena waddan. Qoraalka cusub ee wasiirka ayaa u dhignaa sidan “Waxaan nasiib u yeeshay inaan la kulmo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Waxaan sidoo kale fursad u yeeshay inaan arko shaqada qaar ka mid ah ciidamadeena ay ka wadaan Somaliland”, waxaana uu ka rebay intan “si aan ugala hadlo xoojinta xiriirka labadeena waddan” Qoraalka markii hore abuuray tuhun ku saabsan in UK ay Somaliland dal ahaan u aqoonsatay, ayaa waxaa hadda muuqata inuu ahaa qalad xagga faham la’aanta xaaladda taagan ah. Caasimada Online Xafiiska London caasimada@live.com
  21. War-weyn:Qiimihii ugu sareeyay ee codadka xildhibaanada Puntland+ Murashaxa ugu lacagta badan Wararkii ugu danbeeyay ee doorashada madaxtinimada maamulka Puntland ay warbaahintu ka heleyso magaalada Garowe ayaa sheegaya in loolankii ugu adkaa uu caawa ka dhacay hoteelada ay degan yihiin xildhibaanada dooran doona subaxnimadaan madaxweynaha shanta sano ee soo socota maamuli doona Puntland. Loolanka murashaxiinta ayaa loo adeegsanayaa dhaqaale iyo sumcad, waxaana suuqa kala xod-xodashada uu gaadhay heerkii ugu sareeyay, waxaana halkaan idiin kugu soo gudbinaynaa heerka suuqa muraxashiinta iyo xildhibaanada kala gaadheen. Murashaxa Maxamud Khaliif Jabiye ayaa suuqa xildhibaanada la wareegay caawa, wuxuuna beecii ugu sareeyay halkii cod uu gaadhsiiyay 100,000 oo dollar, taasoo keentay in xildhibaano badan ay u jabaan dhankiisa. Waxaa rikoodh cusub dhigay oo haddii sumcad lagu dooranayo madaxweynaha Puntland waxaa kusoo bixi doona Cali Ciise Cabdi oo soo xidhay albaabada masuqmaasuqa iyo laaluush wax ku doorashada, isagoo xildhibaanadii ugu danbeeyay u sheegay in isagoo 70 sano jir ah mudo 30 sano ah uu la dagaalamayay faqriga, iyo masuq maasuqa, isagoona yidhi “Maanta ma horseedayo mustaqbalkeyga iyo aakhiradeyda inaan laaluush bixiyo, si aan ummad dhan hoggaamiye ugu noqdo”. Marka laga soo tago murashaxa ugu lacagta badan waxaa isna soo labeeya murashax Faarax Cali Shire oo suuqa soo geliyay lacag dhan 50 ilaa 80 inta u dhaxaysa murashaxii. Murashax Asad Cismaan Diyaano, ayaa isna suuqa soo sadaxeeya, waxaanuu xildhibaankiiba uu ku dirqiyayaa lacag u dhaxaysa 40 ilaa 60 kun dollar, isagoo adeegsanaaya siyaasiyiin magac ku leh Puntland.. Murashaxa ugu cad-cadaa ee Saciid Dani oo maalmihii lasoo dhaafay suuqa haystay ayaa xildhibaanada kasoo kala dareereen caawa, kadib markii uu xildhibaanada u balan qaaday midkiiba 40 kun, kana dalbaday inay u dhaartaan, hase ahaatee waxay door dibeen inay ka qulqulaan. C/weli Gaas ayaa isna xildhibaano badan ay u jabeen, markii uu bilaabay inuu 40 xildhibaan shir la qaatay, miiskana uu soo saaray 30 kun dollar, hase ahaatee xildhibaanada ayaa u arka in dhaqaalahaasi ay yihiin hantidii shacabka hadeysan u coddeyna aysan godob laheyn. Cabdi Faarax Juxaa oo wasiirka arrimaha gudaha kasoo noqday dowladda federaalka Somalia ayaa saameyn aad u weyn laheyn, maadaama dhaqaale ahaan uu aad u liito. Dhanka kale, tiro xildhibaano ah oo muran ku jiro tiradooda ayaa lagu soo waramayaa inay guri isku uruursadeen, kuwaasi oo sheegay inaysan wax lacag ah qaadan doonin, codkoodana ay siin doonaan cida ay is yidhaahdaan way ugu haboon tahay wadanka, dhibka jirase waxay tahay tiradooda si rasmi ah looma yaqaan. Si rasmi ah looma saadaalin karo shaqsiga hannan doono xilka madaxweynenimo ee Puntland oo murashaxiinta juhdi kala duwan ay ku bixinayaan, waxaase la ogaan doonaa xaqiiqda 12-duhurnimo ee maanta ama wixii ka danbeeya. Qaran News
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo kamid ah baarlamaanka Soomaaliya ee mucaaradka ku ah xukuumadda ayaa ka hadlay ishor istaagii lagu sameeyay C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame. Xildhibaanka ayaa qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook ku sheegay in xiligan aan la joojin waqtigii awooda ciidan loo adeegsan jiray caburinta siyaasiyiinta. Qoraalka Xildhibaanka ayaa u qornaa Sidan:- Soomaaliya waa soo dhaaftay xiligii lagu maamuli jiray caburin, cagojugleyn iyo cudud ciidan ee dalkaan dib u dhac iyo burbur kale ha u horseedinina! SIMINAAR SIYAASADEED oo waxa ugu badan ee kasoo bixi kara ay yihiin in dadka kasoo qayb galay ay isku sheegaan wax umaddu wada ogtahay oo ah ”marxalada maanta dalkeenu marayo iyo marin habaabinta ku dhacday majaraha siyaasadeed ee Madaxweynaha iyo kooxdiisu higsanayaan” in waxaas oo awood ciidan ah la iskugu geeyo si loo baajiyo waxay daliil cad u tahay MUSTAQBALKA MADOW ee dalkeena kusoo foolka leh. Waxaa kale oo nasiib daro aad u weyn ah in ciidamadii qaranka ee u xilsaarnaa difaacida dalka, ilaalinta shuruucda dalka iyo dhowrista sharafta iyo karaamada muwaadinka Soomaaliyeed loo adeegsado caburin, cagojugleyn iyo dilal siyaasadeed. Arintaani waxay wadada u sii xaaraysaa in aan dalkaan doorasho laga qaban doonin 2020 ee la doonayo in xoog ciidan iyo xukun marooqsigii Baydhabo oo kale lagu haysto! Horay ayaa Soomaali uga dhiidhisay caburin, cagojugleyn iyo cudud ciidan oo wax lagu maamulo. Waxayna na dhaxalsiiyay dhimasho, dhaawac, barakac, burbur hantiyadeed, qabyaalad iyo qabqable ma naxariiste ah, qowlaysato shaar diimeed inta noo soo xirta dadka shacabka ah qarax ku gumaada iyo quwado shisheeye oo masiirkeena ku amar ku taagleeya! Waxaan kula talinayaa Madaxweynaha iyo kooxdiisa sidaan xukun aad ku nagaataan kuma imaanayo ee dalkaan dib u dhac iyo burbur kale ha u horseedinina! Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com