Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,105
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Habeen-10012019.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  2. (SLT-Hargeysa)-Madaxwaynaha dalka Ismaaciil Cumar Geellee ayaa waxa uu La Kulmay Wasiirka Difaaca Dalka Itoobiya, Halkan hoose ka DAAWO Source
  3. (SLT-Hargaysa) Ayaan Maxamuud Cashuur, oo ah wakiilka Somaliland u jooga waddanka Ingiriiska ayaa beenisay in UK Ergay ama safiir u soo magacawday Somaliland. “UK waxaa u jooga Somaliland representative u qaabilsan xidhiidhka UK and Somaliland. Please joojiya warka aad faafinaysiin; safiir iyo envoy midna maaha. Ilaahey maalintaas ha inna gaadhsiiyo. Insha allah dhawaan” ayay tidhi Ayaan. Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Guribarwaaqo ayaa isaguna Sheegay warka ah In Ingiriisku Safiir gaara u magacaabay Somaliland . wasiirka warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Guri-Barwaaqo, oo ku sugan UK ayaa sheegay in uu la kulmay Ergaygaasi oo dhawaan xilka qaban doona. waxa uu sheegay in uu hoos iman doono wasaarada arrimaha Dibadda UK. Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo todobaadkan Xoghayaha Gaashaandhigga Ingiriisku socdaal ku yimi magaalada Hargeysa. Source
  4. Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Somalia, Xasan Cali Khayre, ayaa magacaabay Guddiga Badbaadinta iyo soo celinta Hantida Qaranka Soomaaliyeed. Guddigaan ayaa ka kooban 11-xubnood oo sideed ka mid ah ay ka mid yihiin Golaha Wasiirada Somalia, waxaana sidoo kale ka mid ah Duqa Muqdisho, Hanti-dhowraha Qaranka iyo Xeer-ilaaliyaha Qaranka. Guddigaan ayaa waxay ka shaqeyn doonaan soo celinta Hantida Qaranka iyo meelaha loo baahan yahay in laga billaabo. Dhanka kale, Guddigaan ayaa la faray inay joojiyaan ibinta iyo bixinta dhulalka dowladda, soo tirakoobida Hantida Wasaaradaha, Hay’adaha hoos yimaada iyo Xafiisyada Madaxa-banaan ee Dastuuriga ah ay leeyihiin. Haddaba, AKHRISO; Wareegtada RW Somalia uu ku magacaabay Guddigan; PUNTLAND POST The post Guddi Sare oo ka shaqeyn doona soo celinta Hantida Qaranka oo Maanta la Magacaabay appeared first on Puntland Post.
  5. (SLT-Muqdisho)Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu Gaadhi ku qarxay agagaarka Isbitaal Digfeer ee degmada Hodon, Magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa qabsaday Gaadhi la sheegay in lagu xidhay waxyaabaha qarxa oo halkaasi marayey, waxaana dhawaaqiisa laga maqlaayay degaano badan oo ka tirsan magaalada Muqdisho, iyadoo wararkii ugu danbeeyay sheegayaan inuu jiro khasaare ka dhashay Qaraxaas.. Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegay in Qaraxa Gaadhigan lagu xidhay uu watay Nabadoon Muxuyadiin Bagaase oo ka badbaaday, kaasoo la rabay in la khaarijiyo. Ciidamada amniga ayaa gaadhay goobta Gaadhigu ku qarxay, waxaana la xidhay goobtaasi, iyadoo loo diiday dadka iyo gaadiidka. Source
  6. Muqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, C/raxmaan Cumar Cusmaan (Inj. Yarisow) ayaa la kulmay Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xamza Siciid Xamza, iyadoo ay ka wada hadleen sidii xal-waara loogu heli lahaa Barakacayaasha ku nool gudaha iyo daafaha Caasimadda. Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in Maamulka Gobolka Banaadir uu ahmiyad gaar ah siiyey xal-u-helidda dadka barakacayaasha oo in ka badan shan boqol oo kun ay ku sugan yihiin Caasimadda, iyadoo aragtida fog ee maamulka ay tahay in muddo afar sano gudahood ah dhammaan xeryaha barakacayaasha la xiro oo shaqsi walba loo helo xal uu ku dhexgalo bulshada ama uu deegaankiisa dib ugu laabto. Inj. Yarisow oo warbixin siinayey Wasiirka Gargaarka ayaa sheegay in Maamulkiisu uu ka shaqaynayo sidii ay wadajir ugu wajihi lahaayeen xal-u-helidda Barakacayaasha, isla markaana loo baahan yahay wada-shaqayn dhow in laga yeesho. Wasiirka Gargaarka iyo Musiibooyinka Mudane Xamza Maxamed Xamza ayaa uga mahadceliyey Duqa Muqdisho wada-shaqaynta iyo iskaashiga ay la leeyihiin, isagoo tilmaamay in wadajir looga shaqayn doono sidii xal-waaa loogu sameyn lahaa dadka Soomaaliyeed ee Barakacayaasha ah. Ugu dambeyn, Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir Cumar Cabdirisaaq Xuseen iyo masuuliyiin ka socday Wasaaradda Gargaarka iyo Musiibooyinka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Duqa Muqdisho iyo Wasiirka Gargaarka oo ka wada-hadlay xal-u-helidda Barakacayaasha appeared first on Puntland Post.
  7. (SLT-Roddickton-bide Arm)Tiro Libaax badeed ah ayaa ku baxsaday magaalo ku taalla dalka Canada, wuxuu xidhay waddooyinka magaalada, Waxaa lagu arkay afaafka hore ee goobaha ganacsiga iyo guryaha. Qaar kamid ah Libaax badeedka ayaa dhintay markii uu jiidhay baabuur, waxaa jiraa walaaca ah in dhimashada Libaax badeedka ay sare u kacdo. Dadku waxay sheegayaan in meesha aad cagta dhigto aad ku arkeyso Libaax-Badeedka . Magaalada Roddickton-Bide Arm waxaa ku dhintay labo kamid ah Libaax-badeedka. Libaax-Badeedka ayaa kasoo cararay qabowga darran ee ka jira badda tan iyo toddobaadkii lasoo dhaafay. Khuburada waxay sheegayaan in barafka iyo qabowga ka jiro badda ay ku khasabtay Libaax-badeedka in uu usoo micin bido barriga si uu halkaasi ugu badbaado. Sawirro lasoo geliyay baraha bulshada ayaa muujinaya Libaax-badeedka oo dhooban waddooyinka iyo baraf daadsaan halkaasi oo uu ku xayirmay. “Waxaan dareemeynaa in daraasiin Libaax-badeedkan ay nagu soo qaxeen” sidaas waxaa yidhi duqa magaalada Roddickton-Bide Arm, Sheila Fitzgerald xilli uu la hadlayay warbaahinta CBC. Wuxuu intaasi ku daray ‘In waddooyinka, guryaha, goobaha baabuurta la dhigto, iyo goobaha ganacsiga lagu arkayo Libaax-badeedka’ Waxaa isa soo taraya walaaca ah in tiro badan oo kamid ah xayawaanka ay dhintaan, waxaana laga codsaday saraakiisha duur joogta inay dib ugu celiyaan badda. Libaax Badeedka oo kasoo qaxaya qabowga ka jira ayaa kusoo qulqulay dhul ka baxsan xeebaha si uu helo hawo kulul. Dowladda hoose waxay sheegtay in dowladda dhexe ay kala kaashaneyso sidii loo badbaadin lahaa Libaax-badeedka. Booliska Canada ayaa sheegay in qaar kamid ah Libaax Badeedka ay dib ugu celiyeen badda, waxaa ay ugu baaqeen shacabka in aysan ku dhawaanin Libaax badeedka, maadama uu waxyeello uu gaysan karo. Source
  8. Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta qado sharf u sameeyey musharixiintii u tartantay xilka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland. Munaasabada qado [...] Source
  9. Somalida iyo bahalka la yidhaaho dhurwaaga ( ama waraabaha qof-ba sidda uu u yaqaano), baa jilbaha is daray, kolkii loo caal-waayey, ee la loodin waayey Mr Dhurwaa, ee in tulud kaga cabaadiyo, hadana afka boodhka soo marsado, oo uu yidhaaho dil isma lahayne, ciddii lahayd u qabo baan ku tallo gashanaa, ee way iska dhintaan. Waraabaw runta sheeg baa lagu yidhi, taasi kaa socon-mayso’e, intaa aad xoolihii ka dhamaysey Ummaddii, baad weliba cayn-kaas u hadlaysaa. wuxu yidhi Dr Dhurwaa, anigu ma cuno xoolahiina, ee markaan arko baadi meel maraysa, baan is idhaahaa u soo qabo ciddii lahayd, dabeed gacmo ma lihiye af-kaan ku qabtaa, iyaka baa iska kay dhufta, markaas baa halkii aan hayey ii soo godaa, meel kale baan qabtaa oo aan is idhaahaa ku dheg, halkiina way ii soo ruqdaa, ee anigu marna isma odhan wax dil, sidaas baa ay ku dhintaan xoola-hiinu. Sidaas markuu ku gar akhristay, baa lagu yidhi “Waraabaw in aad saamo jiidiyo sanqadh tirasho kala daaye”, inta aad neef geela kaga cabaadiso hadana aan raad gato, wax kaa maraaya maaha, ee noo waran, runta sheeg oo wax-ba ha qarin, waayo haday sidaasi kaa dhab tahay maad cararteen, ee waad sugi lahayd dadkii lahaa, ogaw-se waxa aad is leedahay ded, waa cadaan, oo xaal-kaagu cidna kama dahsoona, waxan u soo qaatay, ee ay tahay, u jeedka maqaalkan hoos ka akhri. Candho gudhan, oo ku taal hal abeer ah, weligeed-na aan dhalin, qofka hadhuub la hoos gala, ee is yidhaaha lis, Muxuu ka keeni, saw kumuu hungoobin, inta askarigu u yeedhay ee koofiyad-bacla-yaasha ahi, marka la soo koobo xaal-koodda waa hashaa sare ku qoran, oo waxba kama dheefin,isna wax ay cid ka gaadhsii-nayaa haw fadhiyina. Waxa la yidhi ” Kor waayel waa wado indho”, Waxan uga socdaa, qudbadda uu askarigu uga jeediyey, Kuwa uu sidda caruurta derbi jiifka ah ee dooxa hurdda, goboladda uu dego West Burco Clan, iyo amaanta beenta ah ee beer-lawasiga ahayd, midna wax shaqaynaaya maaha, waxay-na ka dhigan tahay, xaalka Mr waraabe ee aan sare ku soo sheegay, intuu hantiddii xoola dhaqatadda gumaaday, hadana la gar yimi anigu dil ismaan lahayn. kuwa hor fadhiyaana, waxay la nooc yihiin kuwaas waraabaha la gar akhrisnaaya duun-yaddii ka cunay. waxa-se ka soo baxay, xoolihii oo caloosha waraabe ku maqan iyo kuwii la dacwi-yaayey, oo Mr waraabe isugu celceliyey. wax ka soo noqonaaya caloosha Mr waraabe-na aanay jiraan. Waxan uga socdaa oo dulucdda maqaal-kani ay ku fadhidaa, Shuqun-shuuqii ( West Burco Clan ku sheeggii) Bariiska askarigu kaga balamiyey Hudheelka shiraacle, waxay ka dareereen isaga oo af-mooyee, gacan wax ugu dhiibin. Hore akhristaw loo yidhi “Macal Cune Muuqan Dooaaye” Kuwa meesha maraayey wax ay West Burco Clan u goyn karaan baaba iska yar, qaar wax loo dirsadana may ahayn, lamana aqoon, ka soo urursa-dayna, waa lax dhukani abaar moog, dhawr ayaamood qadeeye, waxana ay ku sifoobeen, gabadhii la kufsaday, ee tidhi ” wax-bana maan arag, warna i raac”, oo wadanka waxa ii gashay heblaayo waa la kufsday. waxan ku soo af-xidhay maqaalkan, haddii la rabo boog in la dhayo, waxa la raadiyaa dawadda ay ku bogsa-nayso, ee lama sii fadaadeeyo, dhira-dhabato iyo maskax-buq sun ah laguma sii mudo. Ta uu askarigu sameeyey-na waa sidaas, oo waa biyo col dhaanshay, qaar West Burco Clan wax waydiiyo maaha ( wax kaste oo ay yihiin-ba), hadaad salaadiin kus heegto iyo hadaad shaydaamo ku sheegto, mid-na nooma tirsana, waxa ay yihiin waayeelka jaqaf-sadda, cid ay ka wakiil yihiin, ama diratay oo ay ku celina-yaan haba-sheegin. Wixii ay soo cantuugeena hadda calooshoodda kuma jirto, garxajisna intay shir u qabtaan, odhan maayaan war baanu idiin ahaynaa.ee askariyaw adiga iyo kuwa kuu yimiba, waxa weeye xaal-kiinu, doqoni amaan aanay lahayn bay u rixisaaye. horta yey u cad goyna-yeen aan is waydiino’e? maxay-se qaban karaan? Yey-se wax u sheegi karaan? N.B Kor Waayeel Waa Wadda Indo! Qore:- Abdi-shotaly. ashotaly5@gmail.com Source
  10. (SLT-Berbera )- Shaqaalaha Dekedda iyo Bulshada Saaxil oo si Mugleh u Markhaati furay Horumarka Tisqaaday ee u Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng. Siciid Xasan Cabdilahi sanaad ku gaadhsiiyey marsada Berbera. Hoos ka DAAWO . Source
  11. (SLT-Addis-ababa)Hawgalka midowga afrika ee Amisom ayaa wada dib u habeen uu ka sameenayo saldhigyadiisa milatari eek u yaalo gudaha dalka si kor loogu qaado badqabka iyo amaanka ciidamada saldhigyadaas ku sugan. Hawshan diba u habeenta loogu sameenayo saldhigyada ciidamada Amisom ay ku leeyihiin gudaha dalka ayaa qayb ka ah in ciidamada katirsan hawlkalka midowga afrika ay helaan difaac xoogan oo gabaad kaga noqda weerarada iyo qaraxyada kaga imaanayo dhanka dagaalamyaasha al-Shabaab. Madaxa hawlgalada midowga afrika ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id uu ku qabtay caasimada muqdisho isagoona u jeedka ugu wayn ee qorshahan laga leeyahay uu yahay uu yahay sidii lagu adkeen lahaa badqabka ciidamada Amisom. Madaxa taageerida hawlgalada midowga afrika Mr Dludlu ayaa sidookale sheegay in hawshan ay dib u dhiska ugu sameeyaan xeerooyinka ay ciidamada Amisom ka dagan yihiin gudaha dalka uu qayb ka yahay qorshaha xaalada kala guurka ee dalka looga saarayo ciidamada nabad ilaalinta midowga afrika kuwaasi oo sida uu qoshuhu yahay in gabi ahaan dalka laga saaro markii lagaaro sanada 2020. Qorshahan dib u habeenta loogu sameenayo xeryaha amisom ayaa waxaa Amisom ka taageerayo kooxda dowlada UK u qaabilsan taageerida ciidamada nabad ilaalinta midowga afrika. Xeerooyinka milatari ee amisom dalka ku leedahay ayaa haatan waxaa ku sugan kumanaan ciidan oo kakala socda wadamada , Burundi, Djibouti, Kenya and Ethiopia oo ah wadamada qaybta ka ah hawlgalka midowga afrika ka jooga Soomaaliya. Source
  12. (SLT-Hargeysa)-Askari ka tirsan ciidamada somaliland ayaa dhaawac u gaystay Agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka somaliland Maxamed Cabdi Xergeeye. Warar aanu helayno ayaa waxa ay sheegayaan in agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadku uu dhaawac ka soo gaadhay rasaas uu ku furay askari deganaa dhul la doonayey in laga raro. Askarigan rasaasta ku furay agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka ayaa ka mid ahaa dad la sheegay inay dagan yihiin dhul uu leeyahay dugsiga caafimaadka ee dawladu maamusho, kaas oo loogu tala galay inay galaan macalimiinta wax ka dhigta dugsigaas balse burburkii dawlada Soomaaliya ka dib ay daganayeen dad shacab ahi. Agaasimaha guud ayaa la sheegay inuu askarigan oo qoyskiisu daganaa dhulkaas ku amray inuu ka guuro, taas oo keentay in cadho ku dhalatay askariga ay keentay inuu rasaas furo. Wararka ayaa sheegay in agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadku uu ka dhaawacmay bawdada isla markaana ay rasaastu dhex martay hilibka balse aanay jabin, kaas oo haatan ku sugan gurigiisa magaalada Hargeysa ka dib dawayn kooban loo loo sameeyey. Source
  13. (SLT-Hargeysa)-Maamulka Dawladda Hoose Ee Degmadda Burco Oo Ku Fashimay Go’aamo Ay Hore U Soo Saareen, Halkan hoose ka DAAWO Source
  14. The government has expelled the UN special envoy to the country and this directly led to the British defence secretary, Gavin Williamson, cancelling a visit [...] Source
  15. London (Caasimada Online) – Wargeyska The independent ee kasoo baxa London ayaa qoray in xiisad siyaasadeed oo xooggan ay ka dhex oogan tahay dowladaha Soomaaliya iyo UK. Wargeyska ayaa sheegay in go’aankii dowladda Soomaaliya ay ku cayrisay wakiilkii QM ee Soomaaliya Nicholas Haysom uu sababay in UK ay joojiso safar la qorsheeyey in wasiirka difaaca dalkaas Gavin Williamson uu ku tago magaalada Muqdisho. Wargeyska waxa uu sheegay in Williamson uu la kulmi lahaa madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda, hase yeeshee UK ay baajisay safarkaas ayada oo u muujineysa Muqdisho, sida aysan ugu qanacsaneyn go’aanka lagu cayriyey Haysom. Williamson ayaa taas beddelkeeda booqday magaalada Hargeysa, halkaasi oo uu kulmay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi. Britain ayaa golaha ammaanka ee QM hor-dhigtay bayaan sabtidii la isku raacay oo golaha uu ku muujiyey sida uu uga xun yahay go’aanka dowladda Soomaaliya ay ku cayrisay Haysom. Wargeyska waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya aysan wax fal-celin ah ka sameyn bayaanka UK ee golaha ammaanka iyo joojintii safarkii la qorsheeyey inuu Williamson ku tago magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  16. (SLT-Hargeysa)-Fannaanada Nimco Yaasiin Walaasheed Oo Mar Kale Soo Bandhigtay Xog Cusub, Halkan hoose ka DAAWO Source
  17. The Somali National Army (SNA) carried out an operation to clear illegal checkpoints along roads in Afgoye district on Thursday. The operation led by General Odowa Yusuf Raage removed several checkpoints that were used to distort money from road users and arrested five people who were among those operating them. General Rageh who spoke to the media said SNA also confiscated weapons used by the criminals and added that they will defend the public from such harassment. The representative of the loweShabellele region’s administration has commended the SNA for their action. The post Somali arms launches an operation to clear up Illegal Checkpoints appeared first on Shabelle. View the full article
  18. Muqdisho (Sh.M.Network) – Wareegto kasoo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa lagu magacaabay Guddiga Badbaadinta iyo Soo Celinta Hantida Qaranka. Guddigaan oo ka kooban 11 xubnood oo khabiiro ah ayaa waajibaadka laga doonayo wuxuu yahay tirakoobka hantida dawladda iyo soo celinta dhulka iyo gaadiidka sida sharci darrada ah dawladda uga maqan. Hoos ka akhriso magacyadda Guddiga The post Khayre oo magacaabay guddiga Badbaadinta Hantida Qaranka appeared first on Shabelle. View the full article
  19. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa magacaabay guddiga Badbaadinta iyo Soo Celinta Hantida Qaranka Guddiga Badbaadinta iyo Soo Celinta Hantida Qaranka ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka kooban 11 xubnood oo ay kujiraan 8 wasiir, guddoomiyaha gobolka Banaadir, hanti-dhowraha iyo xeer ilaaliyaha. Akhriso: Source: goobjoog.com
  20. Odayaashii is-xilqaamay ee muddoba dhexdhexaadinta ka dhex waday isu soo jiididda xisbiyada qaranka Somaliland ee UCID, KULMIYE iyo WADDANI si ay qabsoomidda doorashada xal uga gaadhaan ayaa waxa soo food saaray culays weyn oo hakinaya dadaalkooda aan wali midho dhalin, kadib markii ay kulankoodii ugu dambeeyey oo ay la qaateen saraakiil ka socda xisbiga WADDANI wax natiijo ahi ka soo bixin iyada oo Xisbiga WADDANI ku adkaystay mawaaqiftiisii uu hore arrinka doorashada uga qabay. Kulan gaar ah oo ka qabsoomay Guriga Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Md. Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax oo ay isugu yimaadeen xubnaha odayaasha ah oo kala ahaa Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax iyo Axmed Yuusuf Yaasiin oo hore Madaxweyne ku xigeenno uga soo noqday Somaliland iyo Masuuliyiin Xisbiga WADDANI ah ayaa ku dhammaaday in aanay wax natiijo ahi ka soo bixin, kadib markii saraakiisha xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI odayaasha dhexdhexaadinta waday u sheegeen in xisbigu ku taagan yahay go’aankii iyo mawaaqiftii ay hore uga qaateen duruufaha ku gedaaman qabsoomidda doorashooyinka Wakiilada iyo Deegaanka Somaliland oo dib u dhac ku yimid waxaanay sheegeen in aanu xisbigu aqoonsanayn Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo ay hore kalsoonida ugala laabteen kuna adkaysanayaan in la kala diro xubnaha Komishanka haddii bay yidhaahdeen la doonayo in doorasho xor iyo xalaal ahi dalka ka qabsoonto. Xubnaha ka socday dhiaca xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI oo ay ka mid ahaayeen Xoghayaha Guud ee Xisbigaasi Mudane Khadar Xuseen Cabdi, Xoghaye ku xigeenka Xisbiga Mudane Jamaal Jaamac Xaamud, Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid iyo Xoghayaha Gaarka ah ee Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiqaadir Saalax Iidle ayaa waxa ay kulan gaar ah la yeesheen Madaxweyne ku xigeennadii dalka soo maray oo ka mid ah odayaasha sida gaarka ah isugu xil qaamay in ay isku soo jiidaan Xisbiyada qaranka oo ku kala qaybsan qaabkii ay xal uga gaadhi lahaayeen in ay ku qabsoonto doorashooyinkii wakhtigooda dib uga dhacay. Masuuliyiinta xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ee ay kulankan la yeesheen Axmed Yuusuf Yaasiin iyo Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax ayaa waxa ay sheegeen in aanay waxba iska baddalin shuruudihii ay ku xidheen in wax laga qabto haddii la doonayo in ay doorshadu innoo qabsoonto waxaanay si gaar ah u adkeeyeen in la kala diro Komishanka doorashooyinka. Waxa ay sidoo kale talo ahaan Masuuliyiinta xisbiga WADDANI odayaasha ku siiyeen in Guddidan dhexdhexaadinta isu xilqaamay laga saaro xubno hore u soo maray xisbiyada qaarkood kuwaasi oo aan lahayn wax kalsooni ah oo ay cid isugu soo jiidi karaan. Marar badan ayuu xisbiga WADDANI ku celcelinayay aragtidiisa la xidhiidha qaabka ay dalka doorshooyinku uga qabsoomin karaan isaga oo mar walba sheegayay in aanay wax kalsooni ah ku qabin Koomishanka Doorashooyinka ee wakhtigan jooga, waxaana toddobaaadkii hore burburay wada hadallo muddo u socday saddexda xisbi qaran. Lamana oga sida xaaladdani ku dambayn doonto. Qaran News
  21. Guddoomiyayaasha Guurtida Iyo Wakiilada Oo Ku Mashquulsan Qorshe Ay Xisbiyada Mucaaridka Ku Furfu- rayaan + Shir Qarsoodi Ah Oo Ay La Galeen Sarkaal Xisbiga UCID Ka Tirsan Xukuumadda iyo Gudoomiyayaasha Goleyaasha Guurtida iyo Wakiiladda ayaa dadaal dheer ugu wada jira sidii ay Xisbiyadda Mucaaridka u kala jabin lahaayeen ee ay u ogolaysiin lahaayeen inay ka soo tanaasulaan Mawqifkii ay kala taagnaayeen Komishan Doorashooyinka, waxaanay si gooni gooni ah ula faqayaan inay marsiiyaan Korodhsiimo la sheegay inay Xukuumaddu rabto inay wakhti dheer dib ugu dhigto qabsoomida Doorashooyinka Wakiiladda Iyo Goleyaasha Deegaanka, iyo sidii komishankan Sidaa uu yahay loogu dayn lahaa inta Doorashadan Soo socota la qabanayo. Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Baashe Maxamed Faarax ayaa shalay Galinkii hore kulan gaar ah oo qarsoodi ah la yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha guud ee Xisbiga UCID Cabdinaasir Yuusuf Qodax, kulankaasi oo la sheegay inuu qayb ka yahay dadaal ay Labadan Gudoomiye ugu jiraan sidii ay marka hore Xisbiga UCID oo isagu meel dhexe jooga ay uga dhaadhicin lahaayeen sidii ay uga soo tanaasuli lahaayeen mawqifkii ay ka qaateen Xubnaha Komishanka Doorashooyinka Fadhigii u dambeeyay ee ay Saddex Xisbi ka yeesheen kaasi oo uu Xisbiga UCID dalbaday in Komishankan sidaasi lagu daayo doorashadan soo socota islamarkaana laba Xubnood uun loogu daro Xisbiyadda Mucaaridka ah, qorshahaasi oo uu mid ka duwan uu la yimid Xisbiga kale ee Mucaaridka ah ee WADDANI, Islamarkaana ay iyagu ku adkaysteen in Gabi ahaanba lakala diro Komishanka hadda jooga oo kuwo kale oo Cusub lasoo magacaabo, Arintaasi oo khilaaf abuurtay, islamarkaana sababtay in fadhigaasi lagu kala kaco, oo uu wada hadalkii burburo. Gudoomiye Baashe Maxamed Faarax iyo Gudoomiye Saleebaan ayaa kulankan sida gaarka ah ay Shalay ula yeesheen Sarkaalkan ka tirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID ayaa sida aanu xogtan ku helnay,waxay ay kala hadleen sidii ay Xisbiga UCID uga wada shaqayn lahaayeen sidii aragti midaysan iyo mawqif isku mid ah looga wada yeelan lahaa Qabsoomidda Doorashooyinka Wakiilada Iyo Deegaanka iyo sidii meesha looga saari lahaa ku kala aragti duwanaan shiyaha Arimaha Doorashooyinka iyo sidoo kale sidii looga heshiin lahaa Khilaaf taagan, waxaanay u muuqataa inay Sarkaalkan oo aad uga agdhaw Gudoomiyaha Xisbiga UCID ay ka doonayaan inuu Gudoomiyahiisa kula noqday islamarkaana uu kasoo dhaadhiciyo in khilaafka iyo muranka Jooga geed la iskaga tiiriyo, islamarkaana danta caamka ah laga wada shaqeeyo, iyo sidii wakhti ku haboon loogu cayimi lahaa Qabsoomida Doorashada Goleyaasha Muddo dhaafay. Dhinaca kale Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa isagu mawqifkiisa ku adag, islamarkaana xal u arka in Komishanka hadda jira lakala diro oo kuwa kale lasoo magacaabo. Qaran News