Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,155
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargaysa) Iyadoo muddo sannad iyo dheeraad ah uu xilka hayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi . Hoos ka DAAWO halka Xaal ka waddanku maraayo. Source
  2. Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ayaa dood dheer kadib waxaa ay aqlabiyad ku ansixiyeen wax ka bedelka Xeerka bangiga dhexe, gaar ahaan xulidda guddiga agaasinka bankiga. Inta aan la ansixin sharciga, waxaa meesha ka dhacday dood culus, oo ay xildhibaannada ka dhaheen ansixinta. Xildhibaan Cabdullaahi Godax oo ka mid ha kuwa taageersan ayaa yiri “Xeerkan waxaa laga fidiyay barabogaanto aan ku qiyaasay aniga qaran dumis oo ah in bankiga la doonayo in loo magacaabo qof ajnabi ah waana been”. Xildhibaan C/laahi Maxamed Nuur ayaa sheegay in sharciga uu baarlamaanka 9aad ansixiyey, madaxweynuhu saxiixay, lagu soo saray dekereeyo in xeer lagu badalayo, ujeedkana ay tahay shuruudaha lagu xulayo maamul banigiga dhexe, arrintaasina ay tahay sharaf dhac. Xildhibaan Sakariye Xaaji ayaa sheegay in uu rumeysan la’yahay in wasiirrada isku raacaan in dastuurka halkaas ha la isla dhigo ajnabi dartiisa”Warqadaas waa khiyaano qaran, baarlamaanow ogaada, wax badan ayaa u samirnay dowlad jeceyl, maalin walba in lagu xad-gudbo hanta, maamul iyo dastuur oo shacabka sidii la rabo loo maamuusho”. Xilidhibaan Jangali waxaa uu sheegay in aaney wanaagsaneyn in sharci loo badalo qof ajnabi ah dartiis”Nasiib daro ka wayn ma jirto in nin ajnabi ah loo dhiibo Bangiga Dhexe iyadoo ay joogaan aqoon yahano Soomaaliyeed”. Daahir Amiin Jeesow ayaa dhankiisa sheegay “bangigeenna waxaa maamulo 4.5, maanta xalkeenna waxaa uu jiraa gaalka ugu madow in loo dhiibo”. Xildhibannada sharciga ka soo horjeeday waxaa ka mid ahaa Maxamud Cabdiraxmaan Beenebeene isaga oo xukuumadda ku eedeeyey in qeylo wadaan, waxaana su’aalay sababta iyaga oo labadiisa sano ee la soo dhaafay aan qoran shaqaale cusub oo rayid ah ay qof ajnabi ah shaqo u siinayaan. Illaa 158 Xildhibaan ayaa ansixiyay, halka 17 ay diiday, taasoo ka dhigay in xeerkii ay Xukuumadda u ololeyneysay la ansixiyay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. (SLT-Hargaysa) Wariye Xasan Galaydh oo ka tirsan Telefeeshinka HCTV ayaa waraysi gaara oo uu la yeeshay Guddoomiyaha Kooxda Dayax Baan Wuxuu kaga hadlay Abwaanku halkay Xukuumadda Iska seegeen. Hoos ka DAAWO Source
  4. (SLT-Caynaba) Shaqaalaha hay’ada Barakacayaasha Gobolka Saraar ayaa ka cawday Guddoomiyaha hay’adaas Cabdikariin Xinif. Hoos ka DAAWO Source
  5. SL-T Burco Fu’aad Furre |Gudoomiye ku Xigeenka Xisbiga Ucid Ee Gobolka ,Togdheer Ayaa Ydhi, “Buuni wuxuu ahaa basaas ukala dab qaadi jiray xisbiyada” Source
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Zakariye Xaaji Maxamuud oo ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka, ayaa si weyn uga soo horjeestay xeerka agaasinka Bankiga Dhexe oo baarlamaanka uu meel-mariyey. Zakariye ayaa sheegay in ayada oo la heli karo boqolaal Soomaali ah oo aqoon leh, oo xilkan qaban kara, ay tahay wax aan la aqbali karin tahay in qof ajnabi ah xilka loo dhiibo. Waxa uu sidoo kale su’aal ka keenay in sida loo dhaarin doono guddoomiyaha cusub bankiga dhexe, ee ajnabiga ah, maadaama uu yahay qof aan muslim ahayn sida muuqata. “Waxaan ka rabaa dowladda inoo noo sheegto kitaabkii lagu dhaarin lahaa ninka ajnabiga ahee aan muslimka ahayn ee ay noo soo waddo, ileen waa in la dhaariyaa si uu xilkan u qabtee, kumana dhaaran karo qur’aanka” ayuu yiri. Zakariye ayaa sheegay in arrinta maanta dhacday ay tahay wax aan la aqbali karin, loona baahan yahay in shacabka diidaan. Hoos ka daawo xildhibaanka Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  7. Baladweyne ( Sh. M. Network )-Guddoomiyaha G/ Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa beeniyay in uu qeyb ka yahay hurinta dagaal Beeleedyo dhawaan ka dhacay degmada Maxaas ee gobolkaasi. Yuusuf Dabageed ayaa hoosta ka xariiqay in eedeymahaasi ay maamulkiisa u jeediyeen dad dano gaar ah ka leh colaada ka taagan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Dhinaca kale guddoomiyaha ayaa ka hadlay meesha ay marayaan dadaallada nabadeed ee lagu doonayo in lagu soo afjaro xiisadahaasi. Waxaana uu ugu baaqay Odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta matala Beelaha dagaalamaya in ay ka run sheegaan dadaallada nabadeed ee haatan socda. Xaaladda deegaanada dhawaan lagu dagaalamay ayaa ah mid dagan, inkastoo weli xal dhab ah laga gaarin colaadaasi. The post Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Oo Beeniyay eedeyn loo jeediyay appeared first on Shabelle. View the full article
  8. (SLT-Muqdisho)Xildhibaan Sakariye Xaaji Maxamuud oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka Dalkaasi Soomaliya ,isla markaana hadal ka jeedinayay kulanka Maanta ee Golaha ayaa siweyn uga soo horjeestay Xeerka Xeerka Agaasinka Bankiga Dhexe oo baarlamaanka horyaalla. Waxa uu guddoomiyaha Golaha Shacabka ka dalbaday cadeynta in warqada Xeerka ku qoran yahay lasoo marsiiyay dhamaan Golaha Wasiirada,waxana uu walaac xoogan ka muujiyay in Xildhibaanada ansixiyaan xeerkaas. “Waxaan walaac ka qabaa in xildhibaanadu xeerkaas ansixiyaan,waxaa na daawanaya dad Aqoonyahano ah iyo kuwo aan matalno,hadii xildhibaanadu ansixiyaan waa qiyaano qaran ayuu yidhi Xildhibaan Sakariye Xaaji Maxamuud. Waxa uu Xildhibaanada Golaha Shacabka uga digay inay ansixiyaan Xeerka Agaasinka Bankiga Dhexe oo hadda doodiisu ay ka socoto Xarunta Golaha Shacabka ee Magalada Muqdisho. Source
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uu mUqdisho keenay Sheekh Keenyaawi, balse waxa uu madaxweyne weydiiyey lix su’aal. Hoos ka aqriso qoraalka Mahad Salaad. Duqa, Diin jacayl miyuu Sheekh Kenyaawi u keenay mise dano siyaasadeed ayaa wadaadka soo galay?! Mar hadii duqiyow labadii sano ee la soo dhaafay muxaadaro loo qabto iska dhaafe maalin gelinkeed aadan arag Culimada magaalada kula jooga ee culuumta diinta akhrisa sida: – Sheekh Axmed Iimaan, Sheekh Nuur Cali Jaamac, Sheekh Yuusuf Tuurxume Jimcaale, Sheekh Maxamuud Sheekh Ibraahim Suuleey, Sheekh Axmed Sheekh Xasan Qudhubi, Dr. Ibraahim Dasuuqi, Sheekh Cabdulahi Cusmaan Macalin (Minhaaj), Sheekh Maxamed Aw Cabdulle Cariif iyo Sheekh Maxamed Cabdisalaan (Guud). Mar hadii duqiyow kuwii aad mowlacyada kasoo saarteen meel aadnan ku sheegin ee hoteelada Xamar ay ku xiranyihiin sida: – Sheekh Bashiir Axmed Salaad, Sheekh Nuur Baarud Gurxan iyo Sheekh Cali Wajiis. Mar hadii duqiyow labadii sano ee la soo dhaafay masaajidka gurigaaga kasoo horjeeda aadan soo gelin labo Jimce iyo labo jeer oo aad janaaso u tagtay kaliya mooyee! Mar hadii duqiyow muwaadin Soomaaliyeed oo halgamaa ah Abdikariim Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) aad shisheeye u dhiibtay. Urur Soomaaliyeed oo gobonimo udirir ahna Argagixiso waaye aad tiri adigoo Tigree ku raali gelinaya! Mar hadii duqiyow Shacab Soomaaliyeed oo masaakiin ah guryahooda iyo beerahoodana dhex jooga deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelada Hoose GAAL Maraykan ah inta ku dalbatay aad xasuuqday kadibna aad tiri Shabaab ayay ahaayeen adigoo Maraykan ku raali gelinaya! Mar hadii duqiyow habeen saqda dhaxe dad guryahooda jiifa aad u dhacdeen, hadana inta xasuuqdeen kabaha ku aasteen iyadoo ehel iyo asxaabta midna aan la tusin maydkooda! In maanta wadaad inta noo keento aad nooga sheekeyso hala iscafiyo inta caruur 15 – 20 jiro ah oo degmooyinka Gobolka Banaadir laga soo daabulay isku keento aniga waxay ila tahay ADUUN iyo AAKHIRO SEEG ee Ilaahey inta baqdid umadda cafis weydiiso. Ilaaheyna usoo noqo. Mahadsanidiin Hon. Mahad Salad
  10. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa meel mariyay xeerka Maamulka Bangiga Dhexe oo wax ka bedel lagu sameeyay. 158-Xildhibaan ayaa ogolaatay, halka 17-xildhibaana ay diideen,waxaana sidaasi ansax ku noqday xeerka wax ka bedelka Maamulka Bangiga Dhexe. Sidoo kale, Xildhibaanada BFS ayaa kulankooda maanta ku ansixiyay wax ka bedel lagu sameeyay hindise sharciyeedka Hanti Dhowrka guud ee Qaranka. Ugu dambeyn guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta si rasmi ah u xiray kalfadhiga 4-aad ee golaha shacabka. Guddoomiye Mursal ayaa xildhibaanada u jeediyay khudbad uu kaga hadlaayay waxyaabihii golaha u qabsoomay kalfadhigan 4-aad. The post G/ Shacabka Oo meel mariyay xeerka Bangiga Dhexe appeared first on Shabelle. View the full article
  11. Dhuusomareeb ( Sh. M. Network )-Ciidamada maamulka Galmudug ayaa maanta dhaq dhaqaaqyo ka bilaabay qeybo ka mid ah G/Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Dhaq dhaqaaqyada oo ah kuwa milatari ayaa si aad ah looga dareemayaa deegaano dhowr ah oo hoostaga magaalada Dhuusomareeb ee xarunta maamulkaasi. Wasaaradda amniga Galmudug oo ka hadashay howlgalladan ayaa sheegtay u jeedkooda uu yahay sidii Al Shabaab looga saari lahaa gobolka Galgaduud. Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona dadka deegaanku ay cabsi ka muujinayaan in dagaallo ay ka qarxaan halkaasi. The post Galmudug Oo dhaq dhaqaaqyo ka bilowday G/ Galgaduud appeared first on Shabelle. View the full article
  12. Magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal ayaa maanta waxaa lagu qabtay munaasabad uu xilka kula wareegayey madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid C/laahi Dani. Madaxweynihii hore ee maamulkaasi C/wei Gaas ayaa xilkaasi wareejiyey, isaga oo sheegay in wax badan ay qabteen mudadii uu xilkaasi hayey. Gaas ayaa shacabka Puntland iyo ciidanka maamulkaasi ka dalbaday in ay la shaqeeyaan madaxweyne Dani. Sidoo kale, Gaas ayaa ka dalbaday shacabka Puntland iney iska cafiyaan meel walbo oo ay joogaan. Ugu dambeyn, Madaxweyne Dani oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in maamulkii Gaas ay wax badan qabteen, iyaguna halkaasi howsha kasii wadi doonaan. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/CODADKA-GAAS-IYO-DANI-PUNTLAND.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Lusaka ( Sh. M. Network )-Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa raadineyso qorshe maal gelin oo ay ka hesho ururka COMESA, kaas oo ay ku mideysan yihiin qaar ka mid ah dalalka koonfurta iyo bariga Qaaradda Afrika. Axmed C/raxmaan Shiiq Nuur oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda XFS ayaa xusay in Soomaaliya ay heli karto goobo badan oo maal-gashi looga sameyn karo. Waxaana magaalada Lusaka ee xarunta dalka Zambia oo uu kulan kula yeeshay xoghayaha guud ee ururka COMESA Chileshe Kapwepwe uu sheegay in dalkiisa uu heysto fursad loogu abuuri karo maal gelin caalami ah. Sidoo kale Axmed C/raxmaan ayaa xusay in waxyaabaha ugu muhiimsan ee Soomaaliya ay hodan ku tahay ay ka mid yihiin Kalluumeysiga iyo xoolaha isagoo xusay in Soomaaliya ay heysato illaa iyo 50 milyan Lo’ah, loogana faa’iideysan karo dhinaca maqaarka. Chileshe Kapwepwe xoghayaha guud ee ururka COMESA oo dhinaceeda sheegtay soo dhaweynta qorshaha maal gelinta ee Soomaaliya ayaa tilmaamtay in Soomaaliya looga baahan yahay waxyaabo badan oo la xiriira hanaanka suuqa xorta ah. Xoghayaha ayaa sheegtay in haddii la sameeyo qorshaha maalgelinta ee xoolaha Soomaaliya ay fursado shaqo siin doonto dhalinyaro badan oo ku nool Afrika. Soomaaliya ayaa ururka COMESA oo ay ku mideesan qaar ka mid ah dalalka Qaaradda Africa ku biirtay sanadkii hore ee 2018-kii. The post Soomaaliya Oo maal gelin ka dalbatay ururka COMESA appeared first on Shabelle. View the full article
  14. Garoowe ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Cabdullahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Karaash ayaa maanta si rasmi ah xilalka ula wareegay kadib munaasabad ka dhacday magaalada Garoowe ee xarunta maamulkaasi. Munaasabadda xil wareejinta oo lagu qabtay xarunta madaxtooyada Puntland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin, waxgarada iyo qaba kala duwan ee bulshada. Madaxweynihii hore ee Puntland C/weli Gaas oo madasha ka hadlay ayaa xilka wareejiyay, kuna booriyay madaxweynaha cusub in howsha uu ka sii wado halkaasi. Sidoo kale Madaxweyne Saciid Deni oo khudbad kooban ka jeediyay munaasabadda ayaa u mahadceliay madaxdii hore ee Puntland, kuna amaanay waxyaabihii ay qabteen. Sideedii bishan Janaayo ayey aheyd markii Markii Deni iyo ku xigeenkiisa Karaash lagu doortay Garoowe, kadib doorasho ka dhacday gudaha magaaladaasi. The post Madaxda cusub Ee Puntland Oo xilalka la wareegay appeared first on Shabelle. View the full article
  15. The newly elected president of Puntland regional state of Somalia, Said Abdullahi Deni and his deputy, Ahmed Elmi Osman alias Karash have officially taken office on Sunday. A brief handover ceremony that was held at Puntland presidential palace in the state administrative headquarters of Garowe was also attended by former regional state president, Abdiweli Mohamed Gas and his deputy, Abdulhakim Omar Amey. President Deni is expected to unveil his new cabinet in the next coming days. The new regional leader promised to improve security, develop the economy and mend relations with the federal government in Mogadishu. He was elected on 8th January with 35 votes defeating his close contender, General Asad Osman Diyano who garnered The post New Puntland president takes office from his predecessor appeared first on Shabelle. View the full article
  16. The Charge d’Affaires at the Embassy of Somalia in Lusaka, Mr Ahmed Abdirahman Sheikh Nur has revealed that his country is looking for areas to invest in within the COMESA region. Ahmed said this in Lusaka when he paid a courtesy call on Secretary General Ms Chileshe Kapwepwe at the COMESA Secretariat. The two-discussed regional integration and possible areas of investments that Somalia can venture into within the region. Some of the areas of interest mentioned by Ahmed are Livestock, Fisheries and Infrastructure development. He indicated that Somalia has over 50 million heads of cattle and therefore stands to contribute greatly to the leather sector in the region and beyond. “As we get readmitted to the Common Market, we wish to invest in various sectors such as fisheries, Infrastructure and Livestock. With over 50 million animals in our country, we are sure we can help boost the livestock sector and help the leather sector,” he said. While welcoming the diplomat, Secretary General Kapwepwe said she looked forward to Somalia fully completing the re-admission process to the Comesa. She said Comesa is read to provide a platform for Somalia to look for potential investment areas in the various sectors. The Secretary General indicated that supporting Somalia’s investment portfolios in the region will help spur job creation among the youths and women in the region especially that Comesa is supporting investments which are aligned to value addition to the raw materials. The Somalia Government will soon appoint a new ambassador to Zambia who will also be the Permanent Representative to Comesa. The post Somalia seeks to invest in Comesa region appeared first on Shabelle. View the full article
  17. Madaxweynaha cusub ee dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa maanta xilka kala wareegay madaxweynihii hore,Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) iyo ku xigeenkiisi Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar(Camey). Munaasabad kooban oo saaka lagu qabtay xarunta madaxtooyada ayaa madaxda cusub kula wareegtay hoggaanka dowladda Puntland ee 5-ta sano ee soo socota,waxaana si wadajir ah halkaasi hadal uga jeediyay madaxweynihii hore ee Puntland, Cabdiweli Gaas iyo madaxweynaha cusub Siciid Deni. Mudane Cabdiweli Gaas oo hadalka ku hormaray ayaa mas’uuliyiinta dowladda iyo shacabka ka dalbaday in ay si buuxda u la shaqeeyaan madaxda cusub,isagoo sidoo kale cafis weydiistay cid kasta oo wax ka tabanaysay mudadii uu xilka hayay. Dhinaca kale madaxweynaha cusub Siciid Deni ayaa isna munaasabada ka ballan qaaday in uu hawlihii dalka halkaa ka sii wadi doono,islamarkaana uu wax ka qaban doono shaqada dowladda ee hortaalla. Wuxuu intaasi raaciyay in uu mudnaanta kowaad siin doono bixinta mushaharaadka shaqaalaha iyo ciidamada dowladda. PUNTLAND POST The post Madaxda cusub ee Puntland oo xilka la wareegtay appeared first on Puntland Post.
  18. Nairobi ( Sh. M. Network )-Maxkamad ku taalla magaalada Nairobi ee xarunta Kenya ayaa maanta sii deysay muwaadin Soomaaliyeed oo loo heystay ku lug lahaanshaha weerarkii Wastegate Mall oo Al Shabaab sanadkii 2013-kii AY ku qaadeen xaruntaasi. Guddoomiyaha maxkamadda Nairobi Francis Andayi ayaa amray in la la fasaxo mid ka mid ah 4 eedeysane oo u xiran weerarkaasi, kaas magaciisa lagu sheegay Aadan Dheeg. Eedeysanayaasha kale ayaa lagu kala magacaabaa Axmed Cabdi, Liibaan Cumar iyo Xuseen Mustafa, waxaana Xeer ilaalintu ay xustay in dacwadooda ay markale dhageysan doonto 21 bishani Janaayo. Sidoo kale xeer ilaalinta Kenya ayaa ku eedeysay raggani in ay xiriir toos ah ay la leeyahay Xarakada Al Shabaab oo ka dagaalanta gudaha Soomaaliya. Ugu dambeyn eedeysanayaashani ayaa la sheegay in ay qabteen Kaamirooyinka wax basaasa , xilli ay gudaha ugalayeen Mall-kaasi intii uu socday weerarkaasi. Weerarkii Westigate Mall oo dhacay 21 bishii September ee 2013-kii ayaa waxaa ku geeriyooday 67 qof , halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan. The post Kenya Oo sii deysay Muwaadin Soomaaliyeed appeared first on Shabelle. View the full article
  19. Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ka hadlay go’aankii dhowaan ka soo baxay Aqalka sare oo ay xiriirka uga jareen golahooda aqalka hoose. Mursal ayaa sheegay in ay aad uga xunyihiin go’aankaasi isaga oo sheegay in aan hadda loo baahneeyn khilaafaad cusub. Waxaa uu sheegay in ay dhankooda diyaar la yihiin wada shaqeeyn ay la yeeshaan aqalka sare. Dhowaan aqalka sare ayaa sheegay in xiriirkii wada shaqeeyneeyd oo ay la l haayeen xubnaha aqalka hoose ay guud ahaan joojiyeen. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Gudoomiye Mural oo ka hadlay go’aankii xiriirka ay ugu jareen Aqalka sare appeared first on Puntland Post.
  20. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay wax ka bedel lagu sameeyay hindise sharciyeedka Hanti Dhowrka guud ee Qaranka. 163-xildhibaan ayaa ogolaaday, waxaa diiday 13 xildhibaan, wax ka aamusay malahan. Guddoomiyaha golaha shacabka mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa sheegay inuu ansax yahay wax ka bedelka lagu sameeyay Hindise Sharciyeedka Hanti Dhowrka guud ee Qaranka. The post BFS Oo ansixiyay wax ka bedel lagu sameeyay Hindise Sharciyeedka Hanti Dhowrka Qaranka appeared first on Shabelle. View the full article
  21. Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Duhur-14012019.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  22. Waxaa goordhow soo dhamaaday kulankii xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya. Xildhibaanada ayaa meel mariyay ama Ogolaadey Xeer maamulka Xulida Guddiga Agaasinka Bank dhexe Soomaaliya. Waxa Ogolaatay 158 Xildhibaan ooa kamid ahaa xildhibaanadii goobta ku sugnaa. Waxaa diiday 27 Xildhibaan oo katirsan Baarlamaanka Soomaaliya mana jirin cid ka aamustay. Sharcigaan ayaa u ogolaanayo in shaqsi ajnabi ah uu maamuli karo Bankiga dhexe ee Soomaaliya. Xukuumada ayaa u muuqaneeysay in Baarlamaanka ay ku cadaadineeysay ansixinta xeerkaan. Waxaa soo baxaya warar sheegaya in shaqsi u dhashay Ingiriiska loo magacaabayo Agaasimaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya oo bishii qaadanaya 60,0000(Lixdan -kun dollar). Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Xildhibaanada Baarlamaanka oo meel mariyay wax ka badalka Agaasinka Bankiga Dhexe appeared first on Puntland Post.
  23. Marka Aad Xiqiiqada Ku Dhawaatidba Ileen Lama wada Ogaan Karee Waxaa Kugu Dhacaaya Murugo Iyo Niyad Jab Badan, Waa Halka Qofka Iyo Bulshadu Ku Kala Fogaadaan Garasho Ahaan …. Sheeko-faneedkii Ugu Badnayd Ee Qaarada Yurub Ka Soo Bixi Jiray Qarniyadii 17aad Ilaa Laga Soo Gaadhayay Qarnigii 20aad Bilawgiisii Waxay Si Xeerdheer Uga Sheekayn Jirtay CUDURADA BULSHADA Ka Dhasha Qoraayada Waaweyn Ee Jeclaa Waxa Ka Mid Ah Destyvosky, Victor Hugo, Dickens, Moliere, Henrick Ibsen, Leo Tolosty,Goethe.. Bulshada Soomaalidu Waxay Ka Timid Miyi Ilaa Magaalo Waa Booditaan Weyn Iyadoon Lahayn Dhaqan Isdhexgal, Wada Noolaansho, Naxariis Bulshada Dhexdeeda Ah, Dan Guud oo Laga Shaqeeyo, Wadaag Dawladnimo, Ileen Qiyamka “Values” Qofku Sito Ayaa Lagu Meel Maraa !!! Sheekadan Waxay Ku Dhacday Muwaadin Hantiile Ah Oo Dalka Degan Wuxuu Ilaahay Qadaray In Gabadh Oo Dhalay Ay Shil Baabuur Gashay Dabadeed La Xidho Wuxuu Soo Arkay Nolosha Maxaabiistu Ku Noolyihiin Iyo Sida Loola Dhaqmo Iyo Daryeel La,aanta Haysata Bilayska Iyo Maxbuuska Muu Seexan 5 Habeen Oo Cuqaashu Heshiinaysay Gabadhiisuna Xidhnayd “Dhaqan Ayaa Ka Heshiiyay” Ninkii Wuxuu Damcay Inuu Ku Tabaruco Makhsino Badan In Loo Dhiso Dumarka Iyo Qalabaytoodii Dabadeed Nin Indheer Garad Ah Oo Aanu Saaxiib Nahay Ayaa Ku Yidhi Dawladu Uma Baahna In Wax Loo Dhiso Waxay Kaaga Baahan Tahay Inaad CASHUURAHA KUGU WAAJIBAY SI FIICAN U BIXISID Si Loogu Helo Daryeel Askariga Iyo Maxbuuska iyo Jeelashaba Adna Ubadkaagu Helaan Hadii Ay Dhacdo Jeel Ixtiraama Xaquuqdooda Qofnimo Muwaadin Dhibta Iyo Dulmiga Is Huursan Ee Dhexyaal Bulshada Casriga Ah Lama Koobi Karo , Qofku Wuxuu Dareemaa Dhibta Keligii Soo Gaadha Balse Ma Leh Shucuur Ku Garan Karo Ta Haysata Dadka Oo Dhan Waxaa Iigu Yaab Badan Marka Qof Laamaha Bilaysku Xidhatay La Yidhaa Xukuumada Ayaa Xidhay Jahli Ayaa Halkaa Ka Muuqda !!! Bulshadu Ilaa Ay Iibsato Cilmiga Lagu Baran Lahaa Dawlanimada Sida Heesahaba Loo Iibsado Oo Kale Weligeed Ilbixi Mayso Sharcina Sarayn Maayo. Maxamed Xoosh mxoosh09@gmail.com Source
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ayaa ansixiyey is-beddel lagu sameeyey xeerka bankiga dhexe ee Soomaaliya. Is-beddelkan ayaa waxaa ogolaaday 158 ka mid ah xildhibaanada, ayada oo ay diideen kaliya 17, mana jirin cid ka aamustay. Xeerka Bankiga Dhexe, ayaa dhigayey in shuruudda koowaad ee laga doonayo qofka xilka guddoomiyaha bankiga dhexe qabanaya uu yahay muwaadin Soomaaliyeed. Waxaa hadda albaabka ay tani u furaysaa in qof ajnabi ah xilkan loo dhiibi karo. Wax ka bedelka xeerka Bangiga Dhexe gaar ahaan lambarkiisa 130aad ayaa ka dhigan in Bangiga Dhexe uu madax ka noqon karo shaqsi ajnabi ah, kuna imaan doona xeer loo cuskanayo xulida Guddiga Agaasinka Bangiga Dhexe, kaasoo ay in qof kasta oo ugu dhibco sareeya, karti ahaan, aqoon ahaan iyo hufnaan uu noqonayo Guddoomiyaha Bangiga Dhexe. Xeerkaan ayaa waxaa ka dhashay buuq badan, waxaana qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ay sheegeen in dalka la doonaayo in maamulkiisa loo dhiibo Ajnabi xilli ay jooggaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com