Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,146
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Qaraxyo ayaa goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Qaraxyada ayaa waxa ay ka dhaceen agaarka isgooyska Taleex ee Muqdisho. Qaraxyada ayaa sidoo kale waxaa daba socday rasaas. Wixii ku soo kordha dib kalla soco insha allah. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Qaraxyo ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  2. Nairobi ( Sh. M. Network )-Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Kenya Moses Wetangula ayaa ugu baaqaday dowladda dalkaasi in Ciidamdeeda ay kala soo baxdo Soomaaliya. Mr Wetangula oo haatan ah Senator ka tirsan Baarlamaanka dalkaasi ayaa sheegay in Ciidanka Kenya ay kaalin weyn ka qaateen howlgalka lagu nabadeynayo Soomaaliya. Waxaana uu intasi ku daray in Soomaaliya ay u aragto Kenya mid dhul qabsasho u socota, loona baayahan yahay in la miisaamo qaabka loo wajahayo nabdeynta gobolka. Sidoo kale Sanator-ka ayaa eedeyn dusha kaga tuuray hay’adaha Garsoonka ee Kenya , waxaana uu tilmaamay in ay daahiyaan xukunada ka dhanka ah dadka ku eedeysan falalka la xariira Argagixisanimada ee ay gacanta u galiyaan laamaha ammaanka dalkaasi. Ciidamad Kenya ayaa Soomaaliya soo galay sanadkii 2011- kii, iyaga oo tan iyo xilligaasi ka qeyb galayay dagaalka ka dhanka ah Xarakada Al Shabaab. The post Kenya Oo loogu baaqay in Somalia ay kala baxdo y Ciidankeeda appeared first on Shabelle. View the full article
  3. Guddoomiyaha Hay,ada maaraynta iyo masiibooyinka Puntland ee HADMA C/laahi C/raxmaan Ceyrow oo waraysi gaar ah siiyay Puntlandi.com ayaa sheegay in qaybo kamid ah deegaanada Puntland [...] Source
  4. Jigjiga (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Muxumad Cumar ayaa xilka ka qaaday Mas’uuliyiin dhowr oo la sheegay in ay kasoo horjeedeen maalmihii lasoo dhaafay. Kulankii golaha wasiiradda ee DDS waxaa xilkii looga qaaday koox lagarab ah axmed shide kuwaas oo kala ah. 1. Cabdi Xakiin Cigaal _ Madixii xarunta dhexe Ee Xisbigga. 2. Guleed Aw-cali wasiirkii warfaafinta DDS. 3. Cabdi Xukun Cali Dubad oo ahaa madixii Machadka farsamada ee DDS. 4. Cabdi Bile madaxii shirkada yar yar ee DDS. Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cagjar ayaa Wasiirka Warfaafinta u magacaabey Cabdillaahi Maxamed Mowliid. Madaxweynaha Dowlad degaanka ayaa tan iyo intii uu xilka qabtay waxaa soo food saaray caqabado badan oo ay ka mid yihiin arrinta isku dhaca qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada, oo uu meel adag ka istaagay, isagoo na horay u sheegay in isabdel uu ka dhacay deegaanka Soomaalida, balse xagga Oromada uusan wax isbadel ah ka dhicin. Awoodda Xisbiga ayaa u muuqata inay sababtay loollan adag oo u dhexeeya madaxweynaha deegaanka, Mustafa Cagjar, iyo Gudoomiha Xisbiga, Axmed Shide. Shide waxaa uu ku xiran yahay dowladda federaalka Itoobiya, wuxuuna horay u soo noqday wasiirkii warfaafinta, haatanna waa wasiiraka maaliyadda ee dalka Itoobiya. Waxaa muuqata inuu saameyn badan ku leeyahay siyaasadda deegaanka. Wararka ayaa sheegaya in Mustafa Cagjar uu kabaxay shir ka dhacay magaalada Addis Ababa kaasi oo u dhaxeeyay Axmed Shide oo ah wasiirka maaliyadda Ethiopia iyo isaga, kadib markii qodobo kala duwan ay isku qabteen. Shirka uu ka baxay Mustafa Cagjar ayaa la sheegay inuu sidoo kale qeyb ka ahaa ra’iisul wasaaraha Ethiopia Dr Abiy Axmed, waxaana Mustafa oo ku laabtay magaalada Jigjiga uu amray in ciidamada amaanka heegan ay galaan. Madaxeyne Mustafe Cagjar ayaa doonaya in xubnaha kamid ah maamulkii Cabdi Maxamuud Cumar gabi ahaanba aysan kasoo muuqan xarumaha kala duwan ee maamulka Soomaalida. Ciidamada badan ee lagu daadiyay magaalada ayaa la doonayaa inay ka hor tagaan qalalaaso ka dhaca magaalada, waxaana maanta kulan gaar ah yeelan doona golaha wasiirada, isaga oo madaxweynaha uu shir guddoomin doono. Caasimada Online Xafiiska Jigjiga Caasimada@live.com
  5. Muqdisho (Sh. M. Network )-Kooxo hubeysan ayaa saaka gudaha M/ Muqdisho ku dilay mid ka mid ahaa howlwadeenada wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya. Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdi Maxamed Cosoble (Cabdi Madoobe), kaas oo lagu dilay xaafadda Al-Baraka ee degmada Hodan. Dalbey ku hubeysan bastoolado ayaa Marxuumka toogtay, kadibna goobta isaga baxsaday, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa goobta ka qaaday Meydka, kadina howlgallo ka sameeyay halkaasi. Dhinaca kale Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda dilkaasi, sida ay ku baahiyeen barahooda Internet-ka. Al Shabaab ayaa warkan ku sheegay in dilkaasi ay fuliyeen xubno ka tirsan Dagaalyahannadooda. Dilkan ayaa qeyb ka noqonaya dilal qorsheysan oo maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay gudaha magaalada Muqdisho. The post Shaqaale ka tirsanaa w/arrimaha gudaha Oo lagu dilay magaalada Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  6. (SLT-Hargeysa)-Hoggaanka Xisbiga KULMIYE Oo Si Adag Ugu Jawaabay Eedaymo Uga Yimid Jaamac Shabeel, Halkan hoose ka DAAWO Source
  7. New York ( Sh. M. Network )-Ciidamada FIB-da Mareykanka ayaa ayaa Muwaadiniin Soomaaliyeed oo laga shakisan yahay in ay xiriir la leeyihin Ururka Daacish ku xiray gudaha dalkaasi. Muwaadininintan oo gaaraya illaa iyo saddex ayaa waxaa la sheegay in mid ka mid ah la qabata, xilli uu isku diraarinayay in uu u soo duulo Soomaaliya. FBI-da Mareykanka ayaa magacyada raggani ku kala sheegtay Muuse C/qaadir Muuse oo 23 jir aH, Maxamuud C/qaadir Muuse oo 20 jir ah iyo Maxamed Salaad Cali oo 26 jir ah, kuwaas oo lagu xiray magaalada Lansing gobolka Michigan ee dalkaasi. Xeer ilaalinta gobolkaasi ayaa ku eedeysay xubnahan in ay xiriir la leeyihiin Kooxda Daacish, gaar ahaan faraceeda Soomaaliya. Sidoo kale xeer ilaalinta ayaa sheegtay hadii raggani lagu helo dambigan ay muteysan doonaan xabsi gaaraya 20 sano oo xarig ah. Kooxda Daacish oo ka dagaalanta dalal dhowr ah oo ay ka mid tahay Soomaaliya ayaa dhalinyaro ka qorata dalalka reer Galbeedka oo uu ka mid yahay Mareykanka. The post FBI-da Mareykanka Oo xirtay Muwaadiniin Soomaaliyeed appeared first on Shabelle. View the full article
  8. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tacsiyadeeyey geerida Alle ha u naxariistee Marxuum Gen. Cabdullaahi Cali Mire (Carays) oo kamid ahaa Saraakiishii [...] Source
  9. Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cagjar ayaa xilka ka qaadey wasiirkiisii warfaafinta Guuleed Aw Cali Kaahin isaga oo isla jagadaasi u magacaabey Cabdillaahi Maxamed Mowliid. Arrintan ayaa qeyb ka ah khilaafka u dhaxeeya wasiirka maaliyadda dawladda federaalka Itoobiya Axmed Shide iyo madaxweynaha kumeel-gaadhka ah ee deegaanka Soomaalida Mustafe Cagjar. Cabdillaahi Maxamed Mowliid oo hadlayey magacaabistiisa kadib ayaa yiri”Qof kasta oo ummadda dhibaato u gaystay sharciga ayaa la hor keeni doonaa, cidna gorgortan lagalama gali doono” . Waa wasiirka maaliyadda Itoobiya Axmed Shide, waxaa uu garab ka heystaa Abiy Axmed ra’isul wasaaraha Itoobiya, waa siyaasi horay uga soo shaqeeyey xukuumaddii Hailemariam Desalegn. Khilaafka laba nin ayaa gaaray in la shaki geliyo isbadalka ka dhacay Itoobiya iyo siyaasadda dowladda federaalka ah ee gobolka Soomaalida. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Grand Rapids (Caasimada Online) – Dacwad oogayaal federal ayaa sheegay in saddex nin oo degan gobolka Michigan lagu soo oogay dacwad ku saabsan inay shirqoolayeen inay qalab ku taageeraan kooxda Daacish. Waxa ay sheegeen in FBI-da ay Isniintii xirtay Muse Abdikadir Muse, Mohamud Abdikadir Muse iyo Mohamed Salat Haji, waxaana dadkan oo degan magaalada Lansing kiis dacwaeedkooda la diiwaan geliyey talaadadii. Dacwad oogayaasha waxay ay sheegeen in dhammaan saddexda eedeysane ay yihiin muwaadiniin qaatay dhalashada Mareykanka oo ku dhashay dalka Kenya. Weli ma cadda in Muse Abdikadir Muse iyo Mohamud Abdikadir Muse ay walaalo yihiin iyo in kale. Waraaqaha lagu qoray dacwadooda ayaa muujinaya Muse Abdikadir Muse uu horaantii bishan goostay tikit diyaarad oo uu ku aadi lahaa magaalada Muqdisho, isaga oo ka baxaya magaalada Grand Rapids. Mohamed Salat Haji iyo Mohamud Abdikadir Muse ayaa la sheegay in ayagana ay ku gacan siiyeen Muse Abdikadir soo iibsashada tikit-ka una kaxeeyeen garoonka diyaaradaha Gerald R. Ford International Airport ee magaalada Grand Rapids. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis caasimada@live.com
  11. (SLT-Hargeysa)-Siyaasi Jaamac Shabeel ayaa kasoo horjeestay shirweynaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE oo la sheegay in lagu qabanayo magaalada Boorama. Shabeel wuxuu yidhi khilaaf ayaa ka jira xisbiga dhexdiisa, waxaana uu dacwad u gudbiyay guddida diiwaangalinta ururrada siyaasadda Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  12. (SL-T Burco) Wariye Maxamed Jokar Oo Kamida Bahda Eryal Tv, Ayaa Warbixin Ka Diyaariyey Nolosha Qoysas Darn-yar Ah Oo Ku Nool Xaalado Adag, Daawo Muuqaalka, Murugada Leh Ee Warbixinta. Source
  13. (SLT-Jigjiga)-Madaxweynaha dawlad degaanka soomaalida Mustafe Muxumed Cagjar ayaa xilkii ka qaadey wasiirkiisii warfaafinta Guuleed Aw Cali Kaahin. Xilka qaadistan ayaa lala xidhiidhinayaa khilaafka u dhaxeeya wasiirka maaliyadda dawladda federaalka Itoobiya Axmed Shide iyo madaxweynaha kumeel-gaadhka ah ee degaanka Mustafe Cagjar. Cabdillaahi Maxamed Mowliid ayaa loo magacaabey wasiirka cusub ee warfaafinta degaanka soomaalida dalka Itoobiya. “Qof kasta oo ummadda dhibaato u gaystay sharciga ayaa la hor keeni doonaa cidna gorgortan lagalama gali doono” Sidaas waxa yidhi wasiirka cusub ee warfaafinta degaanka Soomaalida Cabdillaahi Maxamed Mowliid. Madaxweyne Mustafe Cagjar oo xilka loo doortay bishii August ee sanadkii 2018 ayaa waxaa soo food saaray caqabado badan oo ku aadan sidii cadaalad loogu heli lahaa dadka tacadiyada kala kulmay Maamulkii hore ee deegaanka. Dad badan ayaa walaac ka muujiyay khilaafka siyaasadeed ee soo kala dhex galay dowlad deegaanka Soomaalida iyo dowladda Federaalka Itoobiya. Source
  14. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo taariikhdu tahay 23 January 2019 xafiiskiisa kulan kula qaatay Madax ka Socotey Hay’adda Interpeace. kulanka [...] Source
  15. Wasiirkii hore ee arimaha dibada dalka Kenya Moses Wetangula ayaa waxa uu walaac ka muujiyay howlgalka ciidamada Kenya ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya . [...] Source
  16. Baardheere ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa ku warramaya in maanta xiisad xoogan laga dareemayo gudaha degmada Baardheere ee gobolkaasi. Xiisadan ayaa waxa ay ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay guddoomiyihii degmadaasi iyo ku xigeenkiisa. Ciidamo ka tirsan kuwa Milatariga Soomaaliya oo ka Gadoodsan arrintaasi ayaa lagu soo warramayaa in ay hakad dhaq dhaqaaqiiGanacsi magaalada Baardheer ee G/ Gedo. Sidoo kale Ciidamada ayaa boobay xoogan u geystay diyaarado qaad siday oo ka dagay Garoonka diyaaradaha magaaladaasi. Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay cabsi xoogan ka qabaan xiisadahaasi. Dhawaan ayey aheyd markii Jubbaland ay shaqo joojin ku sameysay maamulkii M/Baardheere, taas oo ay ka dhasheen qalalaase illaa iyo haatan ka taagan halkaasi. The post Xiisad xoogan Oo ka taagan degmada Baardheere appeared first on Shabelle. View the full article
  17. Waxaa maanta magaalada Garowe ku geeriyooday allaha unaxariistee, General Cabdullaahi Cali Mire (Careys) oo horey usoo noqday taliyihii ciidamada Difaaca Puntland, kana mid ahaa saraakiisha [...] Source
  18. (SLT-Hargeysa)-Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa waxa uu warsaxaafadeed ka soo saaray muddo kordhinta golaha guurtidu u sameeyeen golaha wakiillada, halkan hoose ka akhriso: Source
  19. Gudoomiyaha gobolka Garad Fuu ee Puntland Maxamuud Axmed Caynab oo maanta waraysi dhinacyo badan taabanayay siiyay warsidaha Puntlandi.com xafiiskiisa Bosaaso ,ayaa waxa uu uga hadlay [...] Source
  20. Muqdisho ( Sh. M. Network)-Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa saaka Askari ka tirsanaa Ciidamada dowladda ku dilay gudaha Suuqa Bakaaraha ee M/Muqdisho. Raggani oo gaarayay illaa labo ayaa waxaa la sheegay in dilka kadib ay goobta isaga baxsadeen. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaiya ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, kuwaas oo baaritaano ka bilaabay halkaasi. Howlgalka intii uu socday ayaa waxaa la sheegay in Ciidamadu ay Toogteen mid ka mid ahaa Raggii ka dambeeyay dilka Askarigaasi, kadib markii uu diiday in uu hubka dhigo. Sidoo kale Ciidamada ayaa gacanta ku dhigay wiil kale oo dhalinyaro ah, kuna hubeysnaa Bastoolad, kaas oo la rumeysan yahay in uu wax ka geystay dilkaasi. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan dhacdadaasi. Xaaladda ayaa hadda dagan, iyadoona howlgalkan uu saameyn ku yeeshay dhaq dhaqaaqii Ganacsiga Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho. The post Kooxo hubeysan Oo Askari ku dilay Suuqa Bakaaraha appeared first on Shabelle. View the full article