- 
				
Content Count
213,415 - 
				
Joined
 - 
				
Last visited
 - 
				
Days Won
13 
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
- 
	Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta waxaa u bilowday 14 cisho oo Baarlamanku ugu kordhiyay in uu ku soo magacaabo xukuumaddisa. Madaxweyne Deni ayaa Dastuuriyan haystay mudda 21 maalmood ah in uu ku soo dhiso golaha xukuumadda cusub, hase yeeshee mudane Deni ayaa awoodi waayay in uu wakhtigaasi ku magacaabo golaha. Madaxweynaha ayaa hadda haysta mudda 2 todobaad oo keliya taasi oo ah wakhtiga Baarlamanku u kordhiyay waxaana laga war-sugayaa xukuumadda uu soo dhisayo. PUNTLAND POST The post Deni wuxu haystaa 2 todobaad oo keliyah in uu soo dhiso xukuumadda appeared first on Puntland Post.
 - 
	(SLT-Hargeysa)-Guddida Fulinta ee xidhiidhka ciyaaraha dalalka aan la aqoonsan ee CONIFA ayaa shalay isku raacay in sanadka 2020 Somaliland lagu qabto koobka caalamiga ah ee dalalka aan la aqoonsan. Dalalka oo cod u qaaday arrintan ayaa intooda badan taageertay in Somaliland lagu qabto. CONIFA waa xidhiidh ay ku midaysan yihiin waddamada aan ku jirin xidhiidhka caalamiga ah ee FIFA waxaanay Somaliland marti gelin doonta xulal ka socda dalalka aan ka qayb galin koobka Adduunka kuwaas oo ay ka midaysan yihiin qaddiyadda aqoonsi raadinta. Qoraal ka soo baxay CONIFA ayaa lagu sheegay in xidhiidhka Somaliland ee ciyaaraha oo la aasaasay 2011 metelayay Somaliland iyo dadka reer Somaliland ee daafaha dunida ku kala nool. Koobkan ayaa noqonaya kii afraad ee dalalkani qabsadaan waxaana wareegyadii hore lagu qabtay dalalka Sapmi (2014); Abkhazia (2016); iyo Barawa (2018). Somaliland ayaa hadda la hadal haya in ay samaynayso xulka Qaranka maaddaama aanu hore u jirin. Source
 - 
	Ra’iisl wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa goordhow u ambabaxay magaalada Nairobi ee caasimada wadanka Kenya. Xasan Cali Kheyre ayaa casuumaad ka helay madaxweyne Kenya Uhuru Kenyatta, waxayna labada masuul kawada hadli doonaan aririmo la xariira xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya Arrimaha ugu weyn ee socdaalkan ayaa waxa uu yahay in ay ka wada hadlaan labada masuul eedeyn dhawaan ka soo yeertay dowlada Kenya oo ku aadaneyd in hubka dowlada Soomaaliya lagu weeraray Hoteel Kenya ku yaalo. Sidoo kale waxa ay isla soo hadal qaadi doonaan la dagaalanka Al-Shabaab. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare kheyre oo u ambabaxay Nairobi appeared first on Puntland Post.
 - 
	Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynihii dowladdii KMG aheyd Shariif Sheikh Axmed ayaa la hadlay dhalinyaro badan oo wax ka barta jaamacadaha magaalada Garowe, kuwaasi oo uu siinayay dardaaran u badnaa inay bartaan nidaamka xisbiyada iyo dowladnimada. Shariif Sheikh Axmed, ayaa ka sheekeeyay dowladnimada Soomaaliya iyo caqabaha heysta inta badan siyaasiyiinta Soomaaliyeed marka ay timaado inay arrimo siyaasadeed isku qabtaan. Wuxuu sheegay in siyaasiyiinta uu ku yar yahay isu tanaasulka marka siyaasad la isku qabto, waxaana uu ardaydii uu la hadlayay usoo qaatay tusaalooyin uu kaga hadlay caqabadii uu la kulmay mudadii uu xilka hayay. Caqabadii ugu adkeyd ee uu isaga ka tanaasulay ayuu ku sheegay isaga iyo Ahlu sunna Waljamaaca oo wax badan isku qabtay, wuxuuna sheegay in muddo badan oo is jiidjiid uu socday kadib in isaga uu tanaasulaad sameeyay. Arinta Labaad wuxuu ku sheegay inay is qabteen ruux uusan magaciisa sheegin, balse waqti dheer kadib isaga uu sameeyay tanaasulaad haddana ay yihiin saaxiibada iskuugu dhow, sida uu sheegay. “Ahlu sunna Wal Jameeca Dhuunta ayay ii fariisteen, wadahadal dheer kadib waxay ii noqdaan dadka iigu dhow saaxiibada oo anigaa tanaasulaad sameeyay, qofka labaad wuxuu ahaa ruux aan hadda gurigiisa degenahay, intii xilka aan hayay ayaan is qabanay, laakiin wada tashi kadib anigaa tanaasulay, hadda waa saaxiibka iigo dhow”ayuu yiri Shariif Sheikh Axmed. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
 - 
	Baydhabo ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar rag hubeysan xalay ay ka fuliyeen duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta G/Baay. Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu ekeeyay fariisin Ciidamada dowladdu ay ku leeyihiin deegaanka Goofgaduud ee gobolkaasi. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay weerarkaasi, mana jirto cid sheegatay masuuliyaddiisa. Xaaladda ayaa saaka dagan, iyadoona Ciidamada dowladdu ay howlgallo ka bilaabeen deegaano hootsga magaalada Baydhabo ee xarunta KMG K/ Galbeed. Al Shabaab ayaa had iyo jeer weeraro xoogan ka fuliya gobollada Baay iyo Bakool ee koonfurta Soomaaliya. The post Weerar xoogan Oo xalay ka dhacay duleedka Baydhabo appeared first on Shabelle. View the full article
 - 
	Dunidan inta ay jirto da’ ahaan lama sheegi karo, laakin waxaa la sheegi karaa inta ku nool iyo meelaha ay kala joogaan. 200 oo sano ka hor waxaa joogtay keliya 1 billion oo dad ah, laakin wixii intaasi ka dambeysay waxaa ku korortay 6.7 billion. Arrinta kororta tirada dadka waa welwel caalami ah, sanad walba waxaa walaac ka keena hey’adda UNDP iyo hey’ado kale. Halkan Ka Akhriso: 1800: 1 billion 1930: 2 billion 1959: 3 billion 1974: 4 billion 1984: 5 billion 2015: 7.3 billion 2019: 7.7 billion Dalalka ugu dad badan waa Shiinaha oo ay ku noolyihiin: 1,417,968,074, India: 1,362,588,641, Mareykanka: 328,119,462, Indonesia: 268,378,528, Brazil: 211,751,101, Pakistaan: 203,008,083, Naigeria: 198,817,143, Bangladesh: 167,345,603, Rusia: 143,922,298 iyo Mexico: 131,668,592 Goobjoog News Source: goobjoog.com
 - 
	(SLT-Hargeysa)-Wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa sheegay Somaliland in ay tahay qaran dad ahaan iyo dal ahaanba isku mid ah oo meel keliya u wada jeeda wax qudhana wadaaga. Waxa kale oo uu intaa raaciyay in deegaanada Puntland ee Soomaaliya ay yihiin dhul qabiil iyo reero wax lagu qaybsaday oo ay yihiin reero wax wada yeeshay. Waxaa kale oo uu waxba kama jiraan ka dhigay dadka ka soo jeeda deegaankiisa ee ku andacooda in Somaliland aanay ka haysan saamigii ay ku lahaayeen. Waxaanu taxay xilalka qaran ee deegaankiisa madaxda ka soo jeeddda ay ka hayaan xukuumadda Somaliland, waxaanu sidaa ku sheegay barnaamijka wicitaanka dhageystaha ee idaacadda VOA, isaga oo si waafiya uga jawaabay eedo gardarro ah oo uu Somaliland u jeediyay guddoomiyaha baarlamaanka maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya oo ka hadlay isla idaacadaasi. Wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore ugu horreyn isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Qodobka mihiimka ah ee u baahan in la sheega waxaa uu yahay Puntland qoys ayay wax ku qaybsadeen ee Somaliland dad ayaa wax ku qaybsaday, oo aad iyo aad uga dhul badan ugana dad badan, maanta wax noo qalma naguna filan deegaanka aan ka soo jeedo waa ku fadhinaa, gudoomiyaha baarlamaanku waa deegaanka, wasiirka arrimaha dibadu waa deegaanka, wasiirka gaashaandhigu waa deegaanka, wasiirka biyuhu waa deegaanka, wasiirka hawlaha guud waa deegaanka, gudoomiya ku xigeenka koobaad ee golaha guurtiddu waa deegaanka, taliyayaasha ciidamada sidaasi la mida, nin cidla jooga ayaa yidhaaha dad afti ha laga qaado, anagu waxaanu leenahay dadkii iyo dalkii reer Somaliland iyo xuduudihiisi anaga ayaa xukunna umadduna wey na ogoshahay, madaxweynaha iyo xukuumadiisuna diyaar ayay u yihiin wixii dadkaasi tabanayaan in talo lagu dhammeeyo oo umad isku mid ah iyo qaran si u wada dhaqaaqa ayaanu nahay” Sidoo kale wasiir Koore waxaa uu tilmaamay in aanu gudoomiyaha baarlamaanka Puntland aanu aheyn nin xog ogaal u ah taariikhda guunka ah ee qaranka Somaliland waxaanu yidhi “Markii dawladdii dhexe ee Soomaaliya burburtay sidii Somaliland loola soo noqday marka hore dawladda Somalliland waxa ay maamulka Puntland ka horeysay todoba sanno, meeshii lagaga dhawaaqay gooni isu taaga qaranimadda Somaliland waxaa wada joogey dhammaan madax dhaqameedka ka soo jeeda Sool iyo Sanaag, ninka hadlay suldaankiisi guud wuu joogey maalintaasi, oo ina Maxamuud Cali Shire ah, waxaan u maleynayaa inuu yahay qof dibada ka soo noqday oo aan xog badan ka heyn taariikhda Somaliland” “Dadkan iyo dalkan Somaliland maanta cida faraha ku heysa dhulka uu ka hadlayo iyo cida maamusha waa la garanayaa, cida maanta boqolkiiba sagaashan maamulka dadkaasi gacanta ku heysaa waa anaga, dadkuna iyaga oo na ogol ayay maamulka qaateen, Ceerigaabo waa la og yahay, Laascaanood waa la og yahay” ayuu yidhi wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore. Source
 - 
	Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedraalka Soomaaliya, mudane;Xasan Cali Khayre iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa Maanta booqasho rasmi ah ugu ambabaxay Dalka Kenya. Ra’iisul Wasaaraha ayaa casuumaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyata, iyaga oo ka wada hadli doona xiriirka Labada Dowladood iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo siyaasadda ee Labada Dal. Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxa ka dhaxeeya xiriira qoto dheer uu ku saabsan dhinacyada amniga iyo is-kaashiga dhaqaalaha. The post Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Oo u ambabaxay dalka Kenya appeared first on Shabelle. View the full article
 - 
	(SLT-Hargeysa)-Diyaarad rakaab ah oo ka soo kicitintay Magaalo madaxda Dalka Frace ee Paris una socotay Dalka Tunisia, ayaa si degdeg ah u caga dhigatay gegida diyaaradaha ee Magaalada Nice ee dalkaasi France. Sidaana waxa lagu baahiyey Wargeyska Le Monde ee ka soo baxda Dalka France, kaas oo sheegay in mid ka mid ah rakaabkii diyaarada uu ku kacay falal aad u layaab badan oo sababay inay is gacan saaraan qaar ka mid ah rakaabka diyaaradaasi. Ninka Rakaabka ah ee ku dhex dagaalamay diyaaradda oo da’diisa lagu sheegay 30 sanno jir, ayaa u dhashay Dalka Tunisia. Ninkan ayaa waxa uu Salaad ku tukaday Qolka Duuliyaha Hortiisa waxaanu markii uu salaadda ka baxay kadib uu bilaabay inuu la dagaalamo qaar ka mid ah ciidammada Ammaanka isagoo ku dhawaaqay Allaahu Akbar. Arrintaasi ayaa waxay sababtay in diyaaradaasi ay si degdeg ah u caga dhigato waxaana ninkaasi isla markiiba gacanta ku dhigay ciidamada Amaanka waxaana ninkaasi lagu sameeyay baadhitaan. Ninkaasi ayaa waxa ay ciidmada Amaanka ee Dalkaasi ay sheegeen in la dhigay dhakhtar dhimirka halkaasina lagu dawaynayo. Source
 - 
	(SLT-Nairobi)-Kenya ayaa ku boorrisay Qaramada Midoobay in ay maal-galiso howlgalka la-dagaallanka Al-Shabaab ee Soomaaliya, taasoo xoojineysa ciidammada Soomaalida iyo kuwa Kenya ay helaan awood dheeraad ah oo ay kaga adkaan karaan kooxda AL-shabaab. Xog-hayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya Ababu Namwamba ayaa sheegay in loo baahan yahay in la xakameeyo khidmooyinka maaliyadeed ee soo gala Kooxaha Argixisadda ah, taasoo badalkeena Qaramada Midoobey looga baahana yahay in ay taageero dhaqaallo ay siiso ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed. “Waxaan u baahan in aan ogaano in ay muhiim tahay Xaaladda Soomaliya maanta ay ku sugan iyo awoodeeda dhanka Ciidanka ah, Markaan Qaramada Midoobey waa in ay taageero ay siisaan Soomaaliya si loo helo dadaallo lagu dagallamaayo Argagixisadda” ayuu yidhi Ababu Namwamba Waxaa uu aad u dhaliilay howlgalka AMISOM oo uu sheegay in uu ka gaabiyay shaqooyinkii loogu tala galay, islamarkaana ay ka fiirsanayaan ciidamada AMISOM dhaqaallaha ay helaan taas badalkeed ay gabeen dagaalka Al-Shabaab. Source
 - 
	Garoowe ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane, Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa Xalay ka qeyb galay Casha sharaf uu Madaxweynaha Puntland ugu sameeyay Garoowe. Casha sharafta ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galay Madaxda maamul Goboleedyada Dalka, Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore ee DFS Cali Maxamed Geeddi, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale. Munaasabadda Casho sharafta ayaa ahayd mid lagu maamuusayay Madaxda iyo siyaasiyiintii Soomaaliyeed ee kasoo qayb gashay xafladdii Caleema saarka Madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa. The post MD Farmaajo Oo Casha sharaf loogu sameeyay Garoowe appeared first on Shabelle. View the full article
 - 
	
	
				Taliska Asluubta Oo beeniyay in la dhaawacay Anthony Thomas
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Taliyaha xabsiga dhexe ee Xamar Maxamed Sheekh Cumar oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee M/ Muqdisho ayaa beeniyay in dhaawac loo geystay Anthony Thomas oo ah muwaadin Ingiriis ah oo ku xiran gudaha xabsigaasi. Maxamed Sheekh Cumar ayaa been abuur ku tilmaamay wararka sheegaya in Sakiin lagu dhaawacay ninkaasi Ajnabiga ah. Waxaana uu tilmaamay in xaaladda Anthony Thomas ay tahay mid wanaagsan, islamarkaana uu caafimaad qabo. Ninkani oo labo dhalasho ka kala heystay Faransiiska iyo Ingiriiska ayaa dhawaan laga qabtay Garoonka Muqdisho, kadib markii looga shakiyay in uu sido walxaha qarxa. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/COD-SOOFA-1.mp3 The post Taliska Asluubta Oo beeniyay in la dhaawacay Anthony Thomas appeared first on Shabelle. View the full article - 
	Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa maanta waxaa lagu qabanayaa doorashada kursi ka banaan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Kursigan ayaa waxaa April 2018 ka dhintay Xildhibaan Khaliif Sheekh C/laahi Dheere oo ku geeriyoodey magaalada Muqdisho. Guddiga doorashada ayaa araajida ka qabtay Afar musharrax oo doonayey iney u tartamaan kursigan kuwaasi oo kala ah:- Isaaq Khaliif Sheekh C/qadir Shekh Maxamed Nuur Xasan Macallim Ibraahim C/laahi Shekh Maxamed Hase ahaatee wariyaheenna C/qaadir War Cadde ayaa soo sheegaya in tartanka ay ku hareen Isaaq Khaliif Sheekh oo uu dhalay xildhibaanka dhintay iyo C/laahi Sheekh Maxamed, waxayna doorashada dhici doontaa goor dhow. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
 - 
	(SLT-Yemen)-Qaramada Midoobey ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada Yemen inay ku dhaqaaqaan tallaabo kasta oo lagu difaacayo nolosha dad rayidka ah xilliay jirto cabsi ah in dagaallo hor leh ay horseedaan in macluul dalkaasi ka dilaacdo. Isku duwaha arrimaha xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobey, Lise Grande ayaa sheegtay in aysan jirin sabab horseeday duqeyntii Sabtidii lala beegsaday xero ay ku sugnaayeen dad barakacayaal ah. Siddeed qof ayaa ku dhimatay deegaan ay maamusho dowladda oo dhaca gobolka Xajjah ee waqooyiga magaalada dekedda leh ee Xuddeydah. In ka badan muddo bil ah ayaa laga joogaa markii dowladda Yemen iyo maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ay gaareen heshiis xabad joojin ah, Afahayeen u hadlay barnaamijka cunnada ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay in maciishad xun ay ka jirta guud ahaan dalkaasi. Weriyaha BBC ee ku sugan dalka Yemen ayaa kusoo warramaya in khasaarihii badnaa ee shacabka soo gaari jirtay aysan jirin isla markaasna ay jiraan cadaadis ah dhaqan gelinta xabad joojinta. Source
 - 
	Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ciidamada ammaanka ayaa gacanta ku soo dhigay Askari ka tirsan Ciidanka DFS oo xalay dil ka geystay degmada Waabari ee G/ Banaadir. Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray C/naasir Aadan Cabdi, waxaana uu ahaa Wade Mooto Bajaajle ah, sida ay xaqiijiyeen dad Goobjoogayaal ah. Askariga dilka geystay ayaa haatan ku xiran Sadlhigga degmada Waabari,sida ay Shabelle u sheegeen qaar ka mid ah ehelllada Marxuumka. Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa siyaabo kala duwan dilal loo geysanayay wadayaasha Mootooyinka Bajaajka ee ka howlgala M/Muqdisho. The post Ciidanka Amniga Oo qabtay Askari dil ka geystay Waabari appeared first on Shabelle. View the full article
 - 
	Shacabka ku dhaqan magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal oo la hadlay Goobjoog ayaa ka hadlay waxyaabaha xilligan looga fadhiyo inuu sameeyo madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland, Saciid C/laahi Dani. Waxa ay dadkan qaarkood sheegeen in madaxweynaha ay ka doonayaan inuu degdeg ku fuliyo dhammaan ballanqaadyadiisa. Dadkan ayaa sheegay in Dani laga doonayo inuu amniga, dhaqaalaha iyo sidoo kale mushaar bixinta ka dhigo waxa ugu horreeya. Qaar ka mid ah dadkan ayaa ku taliyey in si loo xoojiyo ganacsiga uu Dani keeno warashado Kalluunka sameeya si looga faa’ideysto kheyraadka dalka. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/VOX-POP-GAROOWE.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
 - 
	(SLT-Beeru)-15 qof ayaa la sheegay inay geeriyoodeen, 34 kalena dhaawacmeen, kadib, markii uu ku soo dumay Derbi ka mid ah Hoteelkii ay Xafladaasi ka socotay. Madaxa Machadka Difaaca Madaniga ee dalkaasi, Jorge Jaafees ayaa sheegay inay dadkaasi geeriyoodeen, kadib, markii uu roob xooggan oo ka da’ay Degmadda ANDEAN oo ku taalla Koonfurta dalkaasi sababtay inuu qeyb ahaan soo dumo Derbiga Hotelka lagu magacaabo Alhambara hotel. Source
 - 
	Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Subax-280119.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
 - 
	(SLT-Khartoum)-Madaxweynaha Suudaan Cumar Al Bashiir ayaa sheegay inay jiraan dadaallo la doonayo in dalkiisa rabshado iyo qalalaase looga abuuro isla markaasna ay jiraan isku dayayo ah in lagu tallaabsado dhaqdhaqaaqyo lamid ah kuwi gu’gii carabta. Madaxweynaha ayaa hadalka ka sheegay xilli uu ku sugnaa magaalada caasimadda ah ee Al Qaahira halkaas oo uu kula kulmay madaxweyanaha Masar Cabdifitaax Al-Sisi. Waa booqashadii labaad uu Al Bashiir ku tego dalal shisheeye tan iyo markii dibadbaxyada ay dalkiisa ka bilaawdeen bishii Disembar ee sannadkii lasoo dhaafay. Dibadbaxyada ayaa looga soo horjeeday qiimaha maciishadda oo sare u kacday balse xaaladda ayaa markii dambe isku baddashay kacdoon looga soo horjeedo siyaasadda Al Bashiir. Dadka dibadbaxyada dhigayay waxay ku dhawaaqayeen hadallo ah ‘iscasil madaxweyne’. Dibadbaxyadii ballaarnaa ee loogu magac daray gu’gii carabta ayaa bilaawday sannadkii 2010-kii,waxaa uu ku baahay dalalka Bariga Dhexe iyo waqooyiga Afrika kaas oo markii dambe horseeday dagaallo sokeeye. Muddo 18 maalmood oo ay bannaanbaxyo ka jireen dalka Masar waxay ku khasabtay madaxweynihii Masar Xusni Mubarak inuu xilka iska casilo bishii Febraayo ee sannadkii 2011-kii. Khudbad uu jeediyay madaxweyne Al Bashiir ayaa waxaa uu qiray in dalkiisa ay ka jiraan dhibaatooyin balse aysan aheyn qalalaasaha ay tebinayaan warbaahinta. Weriyeyaal u shaqeynayay warbaahin shisheeye ayaa laga hor istaagay inay ka warramaan dibadbaxyada ka taagan Suudaan. Khamistii, saddex qof ayaa ku dhintay dhacdo u muuqatay dibadbaxyadii ugu ballaarnaa ee looga soo horjeedo madaxweyne Al Bashiir. Ururada shaqaalaha Suudaan oo garwadeen ka ah dibadbaxyada aya ku baaqay bannaanbaxyo hor leh. Goob joogayaal ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in booliska ay shalay ka hor istaageen dibadbaxyaasha inay galaan fagaarayaasha Khartuum iyo Omdurman halkaas oo ay tacaddiyo ugu geysteen. Source
 - 
	Axmed C/risaaq Qamsa oo ka mid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa sheegay in madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada looga baahan yahay in ay wadahadlaan si meesha looga saaro madmadowga jira. Waxa uu tilmaamay aqoonyahankan in Caleema saarkii madaxweyne Dani waxyaabaha laga faa’iday ahayd in madaxda halkaasi tagtay ay durba isku soo dhowaadeen. Dowladda federaalka ayuu sheegay in looga baahan yahay dhankeeda iney is dabciso, islamarkaana wadahadallo lagu dhammeeyo wax walbo oo jira. “Haddii wadahadal uu bilowday waxaan rajeeneynaa in heshiis iyo is afgarad la gaaro, sidoo kalena dowladda waxaan ka rajeeneynaa iney dabcin doonto dhanka wadahadallada” Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa sheegay inuu diyaar u yahay xallinta tabashada ay qabaan dowlad goboleedyada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
 - 
	Garowe (Caasimada Online)-Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya magaalada Garowe ayaa sheegaya in madaxda kala duwan ee kusugan magaaladaasi ay yeesheen kulamo gaar gaar ah oo ilaa xalay ka socday magaaladaasi. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in isku soo dhawaansho aan badneyn laga dareemay kulamadii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Garowe, kaasi oo u dhaxeeyay madaxdii hore, madaxda maamul goboleedyada iyo madaxweynaha Soomaaliya. Xogo aan heleyno ayaa sheegaya in kulanka kan xiga uu ka dhici doono magaalada Muqdisho, kaasi oo ay isku arki doonaan madaxda maamul goboleedyada iyo madaxda dowladda Soomaaliya, waana isfahamka koowaad ee shirka laga gaaray. Sidoo kale waxaa soo baxaya in la isku fahmay in si wadajir ah looga shaqeeyo arimaha Soomaaliya, islamarkaana la joojiyo weerarada siyaasiyiinta ay dhanka warbaahinta isku mariyaan. Kulamada ayaa la filayaa in maanta lasoo gabo gabeeyo, waxaana la sheegay inay madaxda ku laaban doonaan deegaanada kala duwan ay ka yimaadeen, sida xogta aan ku heleyno. Ilaa shalay waxaa magaalada Garowe ka dhacayay kulamo gaar gaar ahaa oo u dhaxeeyay madaxda dowladda Soomaaliya iyo masuuliyiintii kala duwanaa ee dalka xilalka kasoo qabtay. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
 
