Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,105
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in dawladda Soomaaliya UK u gudbisay dacwad ka dhan ah socdaalkii uu toddobaadkii hore Hargeysa ku yimid xoghayaha gaashaandhiga UK, Gavin Williamson. Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon, ayaa yidhi “Way jirtaa Dacwadani, aakiin maaha Dacwad ay cid wax ku yeelayso Soomaaliya, waa iska hadal uun” Faratoon ayaa intaas ku daray “Dawladda Soomaaliyana waxa dhaqan iyo caado ay ka dhigatay inay Somaliland daba socoto, laakiin waxba Somaliland ku yeeli mayso, waxbana inagaga qaadi mayso.” Dhinac kale,Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon, ayaa sidoo kale wuxuu beeniyay inay dawladda Ingiriisku Somaliland weydiisatay saldhig milatari. Wasiir Faratoon oo ugu horayn ka jawaabaya waxa ka jira wararka sheegaya in Ingiriisku doonayo inuu saldhig milatari ka samaysto Somaliland, wuxuu yidhi “Saldhig Milatari oo uu Ingiriisku inaga doonayo si uu dalkeena uga samayso ma jirto, ma garanayo wararkaasi halkay ka yimaadeen.” “Inaga iyo Ingiriiska xidhiidh wanaagsan oo soo jireena ayaa inaga dhexeeya, si fiicana way inoo la shaqeeyaan, awalna si fiican buu Ingiriisku inoola shaqeeynayey, waxaana ku rajo weynahay inuu xidhiidhkeena iyo wada shaqaynteenu inay sii socoto, oo ay intaas ka sii balaadhato” ayuu yiri Faratoon. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
  2. U diryaargarowga doorashayooyinka mustaqbalka (Xog yaab leh) Maalin dhaweyd baa waxa aan helay nin aan muddo goobayey, oo hadba ballan inta wada dhiganno aan is heleeli weyno. Markaas aan is helaynnay, dad buu qaabilayey. Markii ay qaabilaaddii u dhammaatay, ayuu inta ii yeeray, waxa uu igu yiri, “Walaal, siyaasi baa ii yeerayey, ee kaalay horay ii sii raac, inta aan sii soconnana aan sheekaysanno, marka aan ka soo dhammaadana, aannu si fiican wakhti is kugu helnee. “Haye,” baan iri. Is raacnay. Waxa aan aragnay siyaasigii oo rag badan la kulansan. Siyaasigii markii uu indhaha naga qaaday, buu yiri, “Kaala soo fariista.” Ninka aan la socdo iyo siyaasigu waa isku reero. Ragga siyaasiga la fadhiyey oo dhanna waa isku qolo. Siyaasigu marka uu noo yeerayey, waxa uu anna ii malaaynayey in aan ahay dhallinyarada beesha. Kan aan la socdo, wuu i reebi lahaa, haddii uu ogaan lahaa in ragga la fadhiya siyaasiga ay tolka wada yihiin, ama uu garan lahaa mawduuca laga hadlayo. Sidii aan u soconnay baan la fariisannannay. Maxaa laga hadlayey? Siyaasigu waxa uu ka hadlayey doorashada mustaqbalka ee ʻqof iyo coki ah, sidii la yeeli lahaa iyo qaabkii beesha cido kale loogu soo biirin lahaa. Siyaasiga iyo laba nin oo kale, ayaa soo hadal qaaday hawlo ay waayadan ku mashquulsanaayeen oo ahayd, beelo ay soo heleen oo beeralay u badnayd oo aan tiro yarayn. Odayaasheedii beelahaasi waxa ay isla garteen, in qabiilkan lagu daro. Waxaa kale oo ay sheegeen, in beel kale ay ku raad joogaan, oo wax u dhawdhaw yihiin. Midda ugu yaabka badnayd ayaa ahayd, nin ka mid ah raggii ayaa yiri, “Ilma adeerrayaalow, jifadayda ayaa laangaab ah, waan idin baryayaaye, beelahaas jilibkayga ha lagu kaabo!” Gebagebadii waxaa la isku afgartay, in la sameeyo abtir iyo halka beelaha soo socda laga gelin lahaa beelweynta iyo sidii loo qeybsan lahaa dhaqaalihii dadkaas wax loogu qaban lahaa iyo wakhtiga shirarka la bilaabayo. Ninkii aan la socday, intaas hoos buu ka gubanayey, waana dhididayey, waxa uuna ka xumaa in aan hawshaas wax ka ogaado. Markii la dhammeeyey, isaga iyo siyaasigiina ballameen, ayaan, markii aan soo baxnay, waxa aan ku iri, “Saaxiib, ha u bixin, Maryoolay oo dhan baa sidan wada ahe, anina afkayga warkaas oo mutaxan laga maqli maayo e.” Siyaasi dhexgalay qabiillada cadcadka ee Muqdisho Siyaasi ka mid ahaa siyaasyiintii aad iyo aadka ugu soo caanbaxay dawladdii Xasan Sheekh, ayaa waxaa uu dhexgalay beelaha cadcadka ee Xamar deggan. Siyaasigan oo ka soo jeeda qabiil tiro yar (laakiin siyaasad ahaan saameyn leh), ayaa shaqo dheer ka dib, soo helay qolo cadcadka Xamar ka mid ah oo aysanba u ekeyn Faradheerta uu ka soo jeedo, kolkaas baa – wadaxajood ayaad qaatay ka dib – waxaa la isla gartay in ay soo kala lumeen waa hore, oo odayga AXMED ah ee ay ku abtirsadaan uu ka soo lumay, oo cadcadka inta dhexgalay ka guursaday oo sidaas ku farcamay. Arrintan laba faaʻiidaba waa yeelatay: Siyaasigiina beel dhan ayuu helay uu qoladiisii ku biiriyo, qoladiina waxa ay heshey abti dhaafsiisan “Reer Axmed”. Madaxweyne naclad iyo habaar la isugu daray Hadda ka hor baa aniga oo fadhiya hoteel, waxaa gadaashayda fariistay, niman odayaal ah oo isku reer ahaa. Sidii ay u sheekeysanayeen, ayaa sheekadoodii soo gashay Awoodqeybsiga Siyaasadda Soomaaliya. Waxa ay uga xumaayeen awoodqeysigaas, waxa ayna aaminsanaayeen in ay xaaraan tahay oo ay ku dulman yihiin, oo beelo badan oo hadda kuraas haysta aysan mudnayn. Laba nin oo odayashaas ka mid ahayd, ayaa waxa ay ka warrameen, in hadda ka hor ay la kulmeen madaxweyne ay isku hayb ahaayeen oo ka mid ahaa kuwii hore (Aadan Cadde, C/rashiid iyo Siyaad Barre). Waxa ay u sheegeen in ay hayaan shan beelood oo aan abtir dheer lahayn, diyaarna u ah in ay qabiilka ku soo biiraan. Marka ay macluumaadkii siiyeen, baa isla markiiba war degdeg ah u yimid madaxweynihii, kolkaas buu, isaga oo aan u jawaabin, waxa uu ku yiri, “Maalin kale ii kaalaya.” Nimankani, waxa ay u qaateen in uu madaxweynuhu arrintaasi raalli ka yahay, markaas bay isla markiiba bilaabeen in ay beelihii abaabulaan, una sameeyeen abtirro iyo meelo ay kaga arooraan qabiilka, iyaga oo ballanqaadyo hormarineed iyo mid dhaqaalena u samaynayey. Maalin kale ayey madaxweynihii la kulmeen, markaas bay u tebiyeen, in ay qabiilladii soo diyaariyeen. Madaxweynihii nimankii waa la yaabay, dood dheer baana dhex martay. Aakhirkii, madaxweynihii arrintaasi waa ka diiday, isaga oo sheegey sababo ay aad uga xumaadeen nimankii. Markaas bay, iyagiina, inta niyadjabeen, ka dhuundhuunteen qolyihii oo maalin walba la soo xriirayey; maadaama aysan u samayn karin ballamihii ay ka qaadeen. Odayaashii waxa ay sheegeen, qolyihii waagaas uu madaxweynuhu ka diidayey, in ay maanta, laba jeer ka xildhibaanno iyo wasiirro badan yihiin qabiilkii ay diyaarka u ahaayeen in ay ku biiraan, haddana, saddex ka mid ah ayba yihiin qabiillo tiro iyo taagba leh. “Maanta haddii ay qabiilka ku jiri lahaayeen, xildhibaannadaas iyo wasiirradaasi qabiilka ayey ahaan lahaayeen, “ ayaa la is yiri. Mid ka mid ah raggii waagaas lahaa taladaas, ayaa inta madaxa luxay, waxa uu yiri, “Madaxweyna hebalow, ilaahay nacladdiisu kugu dhacday, oo godka lagugu cadaab, taladaas haddii aad qaadan lahayd, maanta waxa dhacay ma dhaceen, oo Soomaali badankeed, isku qabiil baan ahaan lahayn.” Kuwii la fadhiyey ayaa iyaguna nacladdii iyo habaarkii la jiibiyey. Hadda ma jiraan fursado? Haddii ay dadku isla qaataan in saamiqeybsiga 4.5 la baabiʻiyo oo dadka la isku tiriyo, dad badan oo hadda xildhibaanno haysta oo uu saaciday awoodqeybsiga 4.5, ma heli doonaan xildhibaano. Sidaas darteed, laangaab oo dhan waa hari doonaa. Laakiin hadda fursado badan ayaa jira, oo lagu heli karo dad badan oo aan qaabiil ku xirnayn, oo beesha lagu dari karo. Dadkaasi – haddii aad ugu kuurgashid – waxa laga heli karaa meelo badan oo dalka ah. Waxa jira dad badan oo beeralay ah oo haddii aad matoorro iyo cagafcagafyo u samaynaysid, laga yaabo in aad hesho. Sidaas oo kale, waxaa jira tuulooyin u badan koofurta, oo haddii aad mashaariic geyso, ku oggolaan kara. Waxaa iyana jira beelo aan ku qanacsanayn qabiilka ay ku jiraan ee la yaso, oo haddii ay helaan qabiillada nasabka lagu sheego oo diyaar ah, ku biiraya. Waxaa saas oo kale jira, beelo qabiillo ku dhex jira oo qabiilkaasi uu ku sheego in aysan asal ahayn, oo reero kale ka yimaadeen, kuwaasina, waa la heli karaa, haddii loo sheego in ay waa hore qabiilkiinna ka soo dhumeen. 2021 ka wixii ka dambeeya, qabiil aan abtiris fog lahayn la heli maayo, ee hadda fursadaha ha la ga faaʻiidaysto. FG: Waxaa jira siyaasiyiin beelahooda ka soo dhex bixi waayey oo la shiiqiyey, kuwaasina, waxa ay haystaan fursad ay ugu biiri karaan beelaha kale ee ay siyaasiyiintu ku yaryihiin. Waxaa qoray: Suldaan Nayruus Kala xiriir: nayruus@gmail.com https://suldan-nayrus.blogspot.com/ Fb: facebook.com/snayruus
  3. Beledxaawo (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dab khasaaro xoogan geystay oo ka kacay Suuq ku yaala degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, kaasi oo saacado kadib la damiyay. Masuuliyiinta maamulka degmada, guddiga Ganacsatada iyo odayaasha degmada ayaa shaaciyay in dabka oo xalay kacay uu khasaaro badan u geystay ganacsatada ku sugan degmada Beledxaawo. Guddoomiyaha guddiga ganacsatada degmada Beledxaawo Bashiir Nuur ayaa sheegay in dukaamo badan ay ku gubteen dabkii xalay ka kacay suuqa, isaga oo sheegay in khasaaro uu geystay. Guddoomiye Bashiir ayaa sheegay in 23 Dukaan, bakiinado Shiida Saliida Macsarada iyo goobo kale oo ganacsi ay ku basbeeleen dabka ka kacay suuqa Degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo. Guddoomiyaha ganacsatada ayaa ugu baaqay maamulka gobolka Gedo iyo kan degmada Beledxaawo inay wax u qabtaan dadka ku hanti beelay dabka kacay Suuqa degmadaasi. Xiliyadan oo kale suuqyada Soomaaliyeed ee ku yaala gudaha dalka ayaa waxaa ka kaca dab, waxaana meelaha ugu badan ee dababka ka kaceen kamid ah Boosaaso, Beledxaawo iyo magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Gedo Caasimada@live.com
  4. Hargeysa (Caasimada Online) – Dawladda Turkiga ayaa sheegtay inay wada hadal midho dhalay ka yeesheen Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, doorka Turkiga ee wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya. Safiirka Turkiga ee Soomaaliya danjire Mehmet Yilmaz, oo dhawaan socdaal ku yimid caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa qoraal uu ku qoray barta ay safaaradda Turkiga ee Muqdisho ku leedahay twitterka, wuxuu ku sheegay inay sidoo kale Madaxweyne Biixi ka wada hadleen sii xoojinta iskaashiga. “Waxa sharaf ii ah inaan kulan booqasho ah ugu tago Mudane Muuse Biixi Cabdi, Madaxweynaha Somaliland oo aanu yeelanay wada hadal midho dhalay oo ah doorka Turkiga ee wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya iyo weliba sidoo kale xoojinta iskaashiga. Wuu ku mahadsanyahay soo dhawayntiisa diiran.” Sidaas ayuu safiirka Turkigu ku yidhi qoraalka uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay twitterka. Turkiga ayaa dhawaan wuxuu ergay cusub u magacaabay wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu u muuqdaa inuu Turkigu doonayo inuu dardar geliyo dib u bilaabista wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya oo hadda ku jira hakad. Laakiin dawladda Somaliland ayaa dhawr goor waxay walaac ka muujisay dhexdhexaadnimada Turkiga ee wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, iyadoo ay madaxda Turkigu dhawr goor sheegeen inay aaminsanyihiin midnimada dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
  5. Wax ka yar 72 saacadood ayuu Madaxweyne cusub ee Puntland Saciid Cabdullahi Deni isaga oo aan xilka hayn waxa uu ka hadlay collaada u dhexeysa maamulkiisa iyo Somaliland. Deni waxa uu sheegay in muran dhuleed u dhexeeya Puntland iyo Somaliland jirin balse Hargeysa soo xadgudubtay, waxa uu ugu baaqay in ay ka laabtaan dhulkaas ama uu waqtiga celin doono (Hanjabaad). Waxaa durbadiiba ka falceliyey wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Ciise Axmed Xawar (East Sanaag Clan, Harti, Daarood) oo sheegay in hadalka Deni ahaa mid aan wax manco ah ku fadhiyin isaga tilmaamay in Puntland ISIR doon tahay ay marka hore beelaha daga Soomaali Galbeed iyo NFD Kenya maamulkooda ku soo daraan kahor inta aysan ka hadlin Sool, Sanaag, qeyo ka mid ah Bari iyo Cayn. Waxaa isna dhiciisa si adag ugu jawaabay Madaxweynaha Puntland, Wasiirka Biyaha ee Somaliland Saleebaan Koore (Nuur Axmed, Sool clan, Harti, Daarood) oo waliba ka soo jeeda degmada Taleex. Saleebaan Cali Koore waxa uu hoosta ka xariiqay in Sool clan inta wax garadka ah u cadaatay doorashadii Dr. Cali Ciise lagu bahdilay ee Puntland caddeysay in reer leeyahay maamulkaas ee uu Deni iska hadlay. Hadaba, hadaladaas ka soo yeeray siyaasiyiinta xilalka waa weyn ka haya Somaliland ee Harti iyo Madaxweynaha xilka ku cusub yahay ee Puntland maxay noqon kartaa natiijada ka dhalan karta? Marka hore aan eego sooyaalka loolanka gobolada Somailand ee ay ku muranto Puntland sida uu ahaa laga soo bilaabo markii uu Cabdullahi Yusuf (AHN) dhisay maamulkaas. Puntland waxaa markii hore lagu dhisay nidaam qabali ah oo la’isugu keenay beelaha dega Waqooyiga Mudug, Nugaal, Sool, Sanaag Bari iyo Bari. Hase ahaatee, beelaha daga Sool, Sanaag iyo Cayn waxa ay wax ka dhisteen markii hore Somaliland kahor inta aysan ku kala tagin aragtida gooni u goosadka iyo saami qeybsiga oo ay tabasho badan ka jirto, taas oo wali taagan. Taas waxa ay kuu cadeyneysaa in labada dhinacba wada joogeen deegaankaas wallow ay mar walba ku awood badneyd Somaliland. Kahor inta uusan Cabdullaahi Yuusuf soo aadin Nairobi iyo shirkii lagu dhisay dowladdii KGM ahayd ee uu madaxda ka noqday, Daahir Rayaale Kaahin ayaa soo booqday Laascaanood balse dagaal arrintaas ka dhashay ayey Puntland kula wareegtay gacan ku haynta Laascaanood oo ay u suurtagaliyeen maleeshiyo beeleed deegaanka ah maadama xilligaas ciidan dhisan maamulka Garowe uusan lahayn. Yeelkeede, muddo kaddib ciidankii Somaliland waxa ay qabsadeen Adhicadeeye oo dulleedka Waqooyi Laascaanood uga began halka ay muddo kaddib, 2007 toos Cadde Muuse ugala wareegeen Laascaanood. Waxaa ol’olihiisa doorashada ku soo galay 2009 Faroole oo bedelay Cadde Muuse (2009) balse isa waxaa laga qabsaday Kambadha oo dhinaca Koonfureed Laascaano uga began ahaydna Kastam-ka ugu weyn ee Puntland. Sidaas oo kale, Cabdiweli Cali Gaas ayaa ku ol’oleeyey Laascaanood “Faatixo laguma qabsan, Faatixo laguma soo celinayo!” balse isna waxaa laga qabsaday Tukaraq ilaa iyo God-qaboobe oo Garowe meel dhawaqu gaaro u jirta. Madaxweynaha hadda xilka ku cusub wallow uusan si weyn ugu ol’oleyn soo celinta Laascaanood!! Hadana waresigii BBC-da waxa uu dhaliyey xiisad collaadeed maadama labada ciidan isku horfadhiyaan meel aan Garowe, caasimadda wax badan ka fogeyn. MAXAA XIGA? Walow aysan muuqan saan saan colaadeed hadana hadalkii Deni waxa uu ka carreysiiyey Somaliland taas oo keeneysa in hubanti la’aan dhacdo. Sida ilo xog ogaal ah ay ii sheegeen waxaa dhici karta in Somaliland oo manta haysata taageerada shacabka Sool, Sanaag iyo Cayn ku dhiiran karto in ay yimaadaan YOOCADA oo ah halka kala qeybisa British Somaliland Protectorate iyo Italian Somaliland. Haddii ay taas dhaco oo ay soo ruqaansadaan ciidaamada Somaliland waxaa qabsab noqon doonta in caasimadda Puntland laga raro Garowe oo la geeyo Qardho maadama furin colaadeed noqon doonto Garowe. Waxaa sidoo kale suurtagal ah in Somaliland kahor takto collaad ka dhacda degmada Taleex, taas oo la hubo in ay dhici doonto haddii uu booqdo Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash. Puntland hore xasuuq ayey uga geysatay Taleex taas oo iska horkeentay laba beelood oo wada daga kana wada tirsan Nuur Axmed kaddib booqasho uu ka tagay Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland Cabdisamad Cali Shire. Collaadaas waxaa dhawaan laga gaaray heshiis balse haddii aan laga feejignaan waxaa suuratgal ah in ay soo laabato, waa haddii uu booqdo Axmed Karaash. W/Q: Guuleed Baashe Axmed Hargeysa, Somaliland Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  6. While the situation of the country was at bad shape due to insecurities, insurgencies, warlords and lawlessness at a conference held in Washington DC on January 17, 2007 an opening remark to the conference, Senator Russell Feingold (D-Wis.), chair of the Senate Foreign Relations Africa Subcommittee, summarized the challenge. “We cannot allow our past to overshadow the pressing security concerns we face in the [Horn of Africa] today. We have an opportunity to help the Somalia people dig themselves out of almost two decades of chaos and to strengthen U.S. national security at the same time. But if our government does not move quickly and aggressively on all fronts, we can be sure Somalia will continue to be a haven for terrorist networks and a source of instability that poses a direct threat to the United States.” It will need to forge a clear vision backed by a functioning interagency process that bridges the United States’ “hard” counterterrorism equities with its “soft” power interests in promoting a negotiated, broadened compact for governing Somalia, meeting dire humanitarian needs, and beginning reconstruction efforts” Also, according to state department, “The United States has provided more than $3 billion in humanitarian assistance for Somalia since fiscal year 2006 to address the problems of drought, famine, and refugees. Since 2011, the United States has provided an additional $253 million in development assistance to support economic, political, and social sectors to achieve greater stability, establish a formal economy, obtain access to basic services, and attain representation through legitimate, credible governance”. Plus, billions of supports from the Somali Diaspora community, UN, and other international donners. 11 years after Senator Russell’s statement, Somalia is coming back to normal despite challenges. a lot has been done and Somalia is improving both politically, financially and stability. for the first time since the closure of the U.S. Embassy in Mogadishu on January 5, 1991, the United States reestablished a permanent diplomatic presence in Somalia On December 2, 2018. In testimony to the Senate Committee on Foreign Relations last summer, US ambassador to Somalia Yamamoto said, “he would, as ambassador, strengthen institutions and governance; shift security responsibilities from AMISOM, the African Union’s peacekeeping mission in Somalia to Somali forces; build economic opportunities, particularly for Somalia’s young labor force; and address humanitarian food and health crises”. Recently, US also mentioned giving more funds “To create a better tomorrow for the people of Somalia, the United States is committed to providing more than $900 million in critical investment”. The ambassador’s agendas are great, As the United States wants to see al-Shabab and ISIS destroyed but to achieve this requires the United States to relook its support and strategy on how to combat the group. by use of less expensive, effective and wise approach that yields a guarantee results which I think if the united states focus on, can be productive. With US continuous support, strengthening institutions and governance are the most important aspects needed in Somalia today particularly security, political and legal sectors. Security sector With US support, Somali national army and NISA team are to be strengthened. For security, Somalia lies the longest coat of the Indian ocean, northern coast borders the Gulf of Aden, which leads to Bab el-Mandeb, a narrow chokepoint which all maritime traffic from the Mediterranean Sea to the Indian Ocean. all goods from the Persian Gulf including oil and other goods around the entire African continent to or from European and American markets pass. For these passages to be secure, Somalia’s mainland must be secured first. Somalia’s national intelligence security admiration also known as NISA are to carry out counter terrorism efforts to prevent, deter, preempt and respond to terrorism but al-Shabaab still pose great danger to the government personnel and the critical infrastructure. For the last 10 years, many directors are positioned to lead this agency, and each served in a short period of time. There is a weakness in the Somali intelligence agency in prevention and preparation capabilities. There are less trained personnel with technology and knowledge to deter the threats. NISA has less knowledge on identifying the threat, exploring the vulnerabilities, and construction of the Prevention, Preparation, Response, and Recovery plan (PPRR). With the use of vulnerability and risk analysis a lot can be done. I think this sector needs to be strengthened as Al-Shabaab change their tactics continuously, not visible and look for vulnerability. Recently, Al-Shabaab and ISIS fight on who collects more taxes. AFRICOM continuously support the government of Somalia through air strikes of the enemy’s bases and personnel. This became the only tool the terror group fears now as the AMISOM remain in the defense/reserve role. The only way to deal with al-Shabaab and ISIS will be rebuilding the Somali National Army, strengthening the NISA team; otherwise that threat will still be there. Political and legal sector Political sector can also be strengthened, both past and present governments has been facing political challenges within and outside bodies. Every administration faces hard political decisions that might sometimes throw into turmoil, for example with in the last 11 years, Somalia federal government had 15 foreign ministers. The country currently has 7 presidents, thousand parliamentarians, hundreds of ministers. Each claim status and power. this has caused political confusion, insecurity and misunderstanding of the federal system. the question of federalism, unionism, centralism remains at large in the country. Most of the heads of federal member states claim that both former and present executive branch of the federal government didn’t want federalism, that they lean to be more central form of governance. There are widespread diverse opinions on whether Somalia should be federal or central as no referendum has been taken yet. This reminds me of the federalist and anti-federalist papers and debates US had before. Somalia’s definition falls under this one written by John Jay in 1787 stated as “With equal pleasure I have as often taken notice that Providence has been pleased to give this one connected country to one united people–a people descended from the same ancestors, speaking the same language, professing the same religion, attached to the same principles of government, very similar in their manners and customs, and who, by their joint counsels, arms, and efforts, fighting side by side throughout a long and bloody war, have nobly established general liberty and independence. This country and this people seem to have been made for each other, and it appears as if it was the design of Providence, that an inheritance so proper and convenient for a band of brethren, united to each other by the strongest ties, should never be split into a number of unsocial, jealous, and alien sovereignties”. After two hundred-and-thirty-one years of that federalist papers, Somalia is facing the same issues of whether to take federalism, what type and whether to be under one central government. Somalia with people of the same backgrounds and beliefs share many characteristics with what Jay wrote almost two and half centuries ago. The public might want one nation, under one federal government with one army, currency, and foreign policy. US support in strengthening governance will be very beneficial to reaching that goal. Assisting Somalia to complete the constitution, constitutional court, high court and Helding accountable to those cross the line might end all political and legal obstacles the country has been in for long time. rampant corruption, lack of social trust, persistent insecurity, obstructions of justice, scape of checks and balances and all other challenges can be overcome. If the Somali elites put aside their differences, believe that they are one people under one God and take advantage of the new US diplomatic presence and agenda’s, all legal, political and security challenges can be overcome in a short period of time. United States support by strengthening institutions and governance especially Security, political and legal sectors can help a lot. Mahad Wayax Mahadhassan045@gmail.com DISCLAIMER! The views and opinions expressed here are those of the authors and do not necessarily reflect the editorial position of Caasimada Online.
  7. Hordhac: Ahun: Cabdulqaadir Maxamed Aadan Soobe ayaa 1944-kii waxa uu xubin ka noqday xisbigii SYL, balse waxa uu kabaxay kaddib markii isaga iyo madaxdii SYL ay isku qabteen habka iyo xeerka lagu dhisayo jamhuuriyadda Soomaaliyeed oo lahadal hayey markaas in ay dhalan doonto 10 sano kaddib, Soobe waxa uu aaminsanaa in hab federal ah lagu dhiso dowladda dhalan doontaa, balse madaxdii SYL ayaa kaddidsanayd in nidaamka Federalka la qaato iyada oo dalka iyo dadka Soomaaliyeed ka baxayo kala qaybsanaan iyo gumeysi, waxa kale oo ay madaxdii SYL ku tuhmayeen madaxda xisbiga Hazbiya Digil Mirifle (HDM) oo kazoo dhambalmay Jimciya AlKheyriye wadaniya in ay xagjirnimo iyo cunsiriyad dhiirrigelinayaan sida guddoomiyihii HDM Sheekh Cabdullaahi Maxamed Bogedi oo loogu yeeri jiray Amiirka Hazbiya Digil Mirifle oo aad ugu ololeyn jiray in KG laga dhiso dowlad uu amiir u yahay oo kamid nqota nidaam federal ah oo Soomaaliya yeelato, Sheekh Bogedi waxa halhays u ahayd kulubay dhowaa, kirishtaan dhowaa, kulubay waxa uu ula jeeday SYL. Ahun Cabdulqaadir Soobe 3sano kaddib markii uu kabaxay SYL waxa uu kamid noqday siyaasiyiin aaminsanayad qaadashada iyo kudhaqanka Federaalka, waxa ayna Muqdiho uga dhawaaqeen 1947 Hazbiya Digil Mirifle (HDM) oo markii dambana isu rogay Xisbiga Dastuur Mustaqil Soomaaliya (HDMS). 50 sano kaddib Gaashaanle sare Ahun Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo kufakarayey in qaabdhismeedka dowladda Soomaaliyeed kaddib xukunka kacaanka uu noqodo Federal ayaa aasaasay 1978 Jabhadda Diimuqraadiga Badbaadinta Soomaaliyeed oo loo yiqiin SSDF isaga oo kaashanaya Mengistu Haile Mariam oo markaas katalinayey Itoobiya. 20 sano kaddib asaaskii SSDF gobolada Waqooyi bari (Puntland) ayuu gaashaanle sare Cabdullaah Yuusuf Axmed waxa uu kadhisay maamulka Puntland oo maanta ah dowladgoboleedka Soomaaliyeed ee Puntland. Maxaa kala duway labada doorasho? Ahun Cabdulqaadir Soobe aragtida federaalka waa uga horreeyey Cabdullaahi Yuusuf balse xilliga iyo duruufaha ayay kukala duwanaayeen, Soobe waxa uu kuhaminayey nidaam federal ah oo Koofurgalbeed iyo dalka intiisa kale ah isaga oo u arkayey in lagu saleeyo lahjadda iyada oo aan xorriyad iyo madaxbannaani jirin, balse Cabdullaahi Yuusuf oo uu ka fashilmay Inqilaab ciidan oo uu qorshihiisa qayb ka ahaa 1978 waxa uu ku hamminayey in dagaalka kudhufo oo ka dhaqaaq (Guerrilla War) lagu qaado xukunkii kacaanka si uu u taagdarreeyo kaddibna xilka looga tuuro. Maadaama aanay wax u dhicin sidii uu ku hamminayey waxa uu qaatay in SSDF isu rogto maamul uu madax u yahay oo uu wax kula qaybsado xukuumadaha xiga, taasina waxa ay hirgashay kaddib 6 sano oo uu ahaa madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland 2004 markii uu noqday madaxweynaha dowladda kmg ah ee Soomaaliya. Kaladuwanaanta labada doorasho ee KGS iyo Puntland waxa sal u ah laba arrimood oo kala ah: Sooyaalka siyaasadda Isbeddelka Bulshada Sooyaalka siyaasadda November-2014 magaalada Baydhaba waxaa kadhacday doorasho iyada oo uusan jirin Baarlamaan goboleedka KGS, waxaana ergo kaqaybgashay shirkaas oo kakoobnayd 396 ay madaxweyne u doorteen Shariif Xasan Sheekh Aadan 373 ergay ayaa u codeysay Shariif Xasan oo xilkaas iska casilay November-2018, shariif Xasan waxa uu ahaa madaxweyne- goboleedkii ugu horreeyey oo KG oo kamid ah nidaam Federaal ah ee qabta xilkaas, taas oo Cabdulqaadir Soobe ku hamminayey 67 sano kahor. Doorashadaas kadhacday Baydhaba 2014 ee ergadu ku doorteen Shariif Xasan Sh. Aadan waxa ay ayahd tii ugu horreysay, sidaas awgeed ma jirin waaya-aragnimo hore oo lagu dhiso iyo axdi hore oo fududeyn karay hirgelinta doorasho ka heer fiican sida ay u dhacday doorashadaasi. May-15-1998 waxaa ay egro kasocotay Beelaha dega gobolada Waqooyi Bari ayaa Garoowe ku ansxiyey Axdiga dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, axadigaas oo ay saxiixeen ergo meteleysay beelaha gobolada Nugaal, Bari iyo qayb ahaan gobolada Sanaag, Sool iyo Mudug waxa uu dhigayey in 69 Wakiil kuwaas 61 ay beeluhu soo xulanayaan , 5 ay haweenku gaar u leeyihiin iyo 3 wakiil oo lagu maamuusay guddoomiyeyaasha Jabhadaha SSDF, USP iyo SNDU. Augusto-1998 ayaa 69 wakiil oo ay iska soo xuleen beelihii ku heshiiyey dhismaha dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland waxa ay madaxweyne u doorteen Gaashaanle sare Cabdullaahi Yuusuf Axmed, Dhismihii Puntland waxaa loo sameeyey Axdi kumeelgaar ah, waxaana qorshuhu ahaa in axdigaas looga gudbo muddo saddex sano ah, ka gudbitaanka axdiga kumeelgaarka ah waxaa loo xilsaarey Madaxweynaha ku guuleysta tartanka iyo xukuumadiisa, balse 3 sano kaddib waxa uu maamulkii Ahun GS Cabdullaahi Yuusuf ku guuldareystay in uu fuliyo howshii laga sugayey, sidaas awgeed waxa ay golayaashii xukuumadda iyo wakiiladu codsadeen in muddada loo kordhiyo, mana sugin jawaabta beelaha ee waxa ay sameysteen hannaan u fududeynaya howshaas, waxa ayna kororsadeen muddo 3 sano ah. Guddoomiyihii Maxkmadda Sare ee DG Puntland Dr.Yusuf Xaaji Nuur ayaa soosaaray qoraal sharci-darro kutilmaamay tallaabada xukuumadda iyo Wakiilada, waxa uu 1-July-2001 ku dhawaaqay in uu yahay madaxweynaha kmg ah ee DG Puntland, waxaana ayiday madaxweynenimada Dr Yuusuf Isimadii Puntland intooda badan, sidaas oo kale waxa soo dhoweeyey maamulkii gobolka Bari, balse GS Cabdullaahi Yuusuf ayaa qaatay go’aan ah in uu dagaal galo, 6 dagaal oo kadhashay khilaafkii madaxtinimada iyo doorashada DG Puntland ayaa kadhacay Boosaaso, Garowe, Muqlataagtaag, Alxmadulilaah, Kaladhacda iyo Dhuudo, waxaana dagaaladaas ku dhintay 200 oo qof, dhaawucuna waxa uu gaaray tiro instaas la eg, sababaha dagaaladaas iyo sidii ay Puntland uga badbaadday in maamulku ku burburo waxa ay uga tagtay gobolkaas waaya-aragnimo kudhisan in awooddu u kala qaybsanaato beelaha ay ku dhisan tahay Puntland iyada oo gobolada Bari, Nugaal iyo Mudug ay ku kaltamayaan hoggaanka. 4 doorasho oo kadambeysay doorashadii uu dhiigga badan ku daatay 2001 ee kadhacday Puntland waxa ay u dheceen si nabad ah waxa ayna Ahun Cadde Muuse, Dr Cabdiraxmaan Faroole, Dr Cabdiweli Gaas iyo Saciid Dani xilka isugu wareejiyeen si nabad ah. December-2018 KGS waxa kadhacay doorashadii labaad, waxa ay doorshadaasi sababtay dagaal iyo deganaansho la’aan socotay muddo todobaadyo ah, waxa kamid ahaa musharixiintii isu taagay Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur guddoomiye kuxigeenkii iyo afhayeenkii hore ee Alshabaab, balse xukuumadda dhexe ayaa kahor istaagtay Roobow in uu u tartamo xilkaas, dadkii kudhintay qalalaasihii kadhashay doorashada waxaa kamid ahaa guddoomiyihii guddiga amniga ee Baarlamaan-goboleedka KG Ahun Cabdishakuur Yacquub Ibraahim, waxa ayna dhowrjeer doorashadu dib uga dhacday xilligii loogu talagalay, taas oo kadhigan in KGS ay 2018 mareysay halkii ay Puntland mareysay 2001 Isbeddelka Bulshada KGS & Puntland dhinaca bulshada waxaa u dhexeeya kaladuwanaansho ku saleysan isxukunka, Nabadgelyada, Dhaqaalaha iyo tacliinta, taasna waxa sii dheer dhismaha labada gobol oo ay u dhexeyso muddo 16 sano ah, taas oo kadhigan in Puntland oo bulsho ahaan soo kabaneysay muddo 16 sano ah uu dhismay gobolka KGS, taasina waxa ay saameyn kuleedahay sida ay u kala horreeyaan maamulada kadhismay Soomaaliya kaddib xukunkii ciidanka. Dhammaan maamulada kaladuwan ee kadhismay Jamhuuriyadda Soomaaliya kuwo ogol kamid ahaanshaha qaran Soomaaliyeed oo mid ah iyo kuwo diiddanba waxa ay kamideysan yihiin in dhismaha iyo salka jiritaankoodu yahay Qabiilka iyo sida wax loo qaybsado, sidaas oo kale Puntalan & KGS waxa ay kamideysan yihiin hannaanka Qabiilka. Buugta iyo Raadraaca SBBC Somali, Somalitalk The history of Southern Somalia-Saalax Maxamed Cali Horseed Media Xusuusqorkeyga gaarka ah WQ: Axmed C. Guutaale Dersa Sharciga iyo Qaanuunka
  8. Waxaan ka xumahay xadhiga xaqdarradda ah, ee xoriyadda looga qaado waddaniyiinta sharafta iyo karaamadda baddan ee Somaliland, Waa Xadhig khaldan, xukun xaq darro ah, iyo arrin ayaan daradeeda leh, si cadna uga turjumeysa cadaalad xumadda iyo habka, baal marsan garsoorka Somalilland,, Xukuumadda Kulmiye waxay caado ka dhigatey cabudhinta saxaafadda Somaliland, Waxaa xidhan 13 weriye oo ku Xidhan sifo sharci darro ah, Waxaa La xidhey Dad birmageydo ah Sidda Madax Dhaqameed Abwaan Macalin IWM. Tusaale ABWAAN ABEES C/XAKIIM GAAXNUUG CILMI SICIID MAXAMUUD GAHEYR SULDAANKA BEESHA AYUUB Waxa kale oo dhamaan shacabka Somaliland ogyihiin xadhiga dulmigga ah ee loogu gefo ,Dad shacab ah, oo aan magac lahayn, DHIBANAHA QARSOON . ..Mid DHUL uu lahaa Laga qaado, sifo sharci darro ah, lagu xidho. Waxa yaab iyo amakaag ah Dadkii KULMIYE Xillalka ka hayey dulmi loogo geysto ,xisbigii ay qeybta ka ahaayeen , EE Naf iyo maalba u hureen Tusaale JAAMAC SHABEEL CABDI CALI ABWAAN KUJARE GEELJIRE Waxaan Xasuusinayaa Xukuumadda Somaliland, KU DHAQANKA DASTUURKA IYO SHURUUCDA WADDANKA ILAALINTA XORIYADDA HADALKA ILAALINTA XORRIYADDA SAXAAFADDA ILAALINTA XORRIYADDA IYO HANTIDDA SHACABKA Somaliland iyo shacabkeeda cadaalad ayaa deeqda,Fadlan sharcigu ha sareeyo. Xil ha la iska saaro ilaalinta xuquuqda, distoorigga ah ee WADDANIGA, WADDANIGA DHABTA AH, ALLOW DHAWR Abaadir Alberta Canada Qaran News
  9. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Bar___-Qubanaha-Wararka-Shabelle-12012019.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Degmada Howlwadaag ee Gobolkan Banaadir waxaa caawa bambo gacmeed lagu weeraray hoyga Muqdisho uu ka degan yahay Gudoomiyaha Degmada Dayniile Maxamed Abuukar Jacfar. Guriga uu degan yahay Jacfar ayaa waxa uu ku yaallaa wadada kasoo dagata Isgoyska Dabka ee dhanka Isgoyska Bakaaraha aada, halkaasi oo ah goobta bambada lagu tuuray. Ciidamada illaalada guriga Gudoomiye Jacfar ayaa qaraxaasi bambada ah markii lagu weeraray kadib waxa ay fureen rasaas xooggan oo dhaawacyo ay ka dhasheen. Illaa saddex ruux oo shacab ah ayaa waxyeelo kala duwan ka soo gaartay rasaasta Ciidanka ay fureen, waxaa kaloo jirta in Ciidanka fadhiyay banaanka guriga Gudoomiyaha dhaawacyo ay soo gaareen. Gaadiidka ambalaasta ayaa goobta ka qaaday dadkii dhaawacyada ay soo gaareen, kuwaasi oo loo qaaday goobaha caafimaadka. Dhawr habeen ayaa sidaan oo kale qarax bam gacmeed loogu weeraray guriga uu degan yahay Gudoomiyaha Degmada Dayniile Maxamed Abuukar Jacfar. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  11. Madaxweynaha cusub ee Puntland Siciid C/laahi Deni ayaa la filayaa in maalmaha soo socda uu xilka kala wareego Madaxweynihii hore ee Puntland C/wali Cali Gaas,iyadoo [...] Source
  12. Guddoomiye kuxigeenkii guddiga doorashada ee dowaldda fadaraalka Soomaaliya Sayid Cali ayaa sharci daro ku tilmaamay war qad la sheegay in xilka looga qaaday , taas [...] Source
  13. Guddiga amniga magaalada Bosaaso ayaa maanta waxa ay isgu yimaadeen shir looga hadlaayay amniga magaalada Bosaaso , waxaana ka soo qayb galay saraakiisha laamaha amniga [...] Source
  14. (SLT-Hargeysa)-Xisbiga WADDANI OO ka warbixiyay go’aankooda ku aadan heshiis ay wada gaadheen xisbiyada KULMIYE iyo UCID, Halkan hoose ka DAAWO Source
  15. Muqdisho (Sh.M.Network) – Wasiirka Shaqaalaha ee xukuumadda Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta la kulmay Gudoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan [Eng Yariisow]. Mas’uuliyiinta ayaa waxay kawada hadleen diiwaan-gelinta shaqaalaha oo uu bilaabay gobolka iyo sidii loo waafujin lahaa hanaanka xukuumada ee shaqaalaha dowladda oo ku dhisan inay helaan xuquuqdooda. Wasiir Saalax oo kulanka kadib la hadlay warbaahinta wuxuu ka dhawaajiyay in maamulka gobolka Banaadir uu umadax banaan shaqaalaysiinta, isaga oo kaga mahad-celiyay wadashaynta dhow oo ay leeyihiin. Gudoomiye Eng Yariisow ayaa dhinaciisa shaaciyay in hadafka ay ka leeyihiin diiwaan-gelinta shaqaalaha ay qayb ka tahay isla-xisaabtanka iyo sidii ay ku go’aan lahaayeen in howladeeda ay shacabka ufidiyaan adeegyadii ay uga baahnaayeen. The post Wasiirka Shaqaalaha XFS oo la kulmay Gudoomiyaha G/Banaadir appeared first on Shabelle. View the full article
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaanada golaha Shacabka Soomaaliya ayaa waxa ay gebi ahaanba ka hor imaadeyn in nin ajnebi ah gudoomiye looga dhigo Bankiga dhexe ee Soomaaliya. Warka ah in nin ajnebi ah uu jagadaasi qabanayo ayaa ah hadal heynta ugu badan ee xildhibaanada ay aadka u hadal hayaan, waxaana sidoo kale uu si aad ah ugu baahay baraha bulshada. Xildhibaanada golaha shacabka ayaa waxa ay walaac ka muujinayaan in ninkaan loo dhiibo Bankiga dhexe ee Soomaaliya, waxa ayna khaarkood baraha bulshada soo dhigeen qoraalo ay ku dhaliilayaan go’aanka ninkaan loogu dhiibayo Bankiga dhexe ee Soomaaliya. Xildhibaan Cabdirisaaq Axmed Maxamed Jindi oo ka mida Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sharcidaro ku tilmaamay in nin Ajinabi ah loo magacaabo Gudoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya. Xildhibaanka ayaa sheegey in ay wararka sheegaya in Bankiga Dhexe ee Soomaaliya loo Magacaabayo Nin Ajinabi ah ay ku arkeen Baraha Bulshada hadii uu jirana uu yahey Sharci daro. Waxa uu sheegey in ay ka doodi doonaan Xildhibaanada Faderaalka Soomaaliya hadii la isku raacana uu sharci noqonayo,balse uu rajeynayo in Xildhibaanadu ka soo horjeesa doonaan Go’aankaan Godoomiyaha Bankiga dhexe looga dhigaayo Nin Ajinabi ah. Sharcigaan Gudoomiyaha Bankiga dhexe looga dhigaayo nin Ajinabi waxaa horey u ansixiyey Golaha Wasiirada Soomaaliya waxaana lagu wadaa in Maalinta Isniintaa ee socota in horgeeyo Baarlamaanka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  17. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-habeen-12012019.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  18. (SLT-Paris)-Labo ka mid ah shaqaalaha dabdamiska iyo haweeney u dhalatay dalka Spain ayaa ku geeriyootay afartameeyo kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib markii uu qarax xoog leh uu ka dhacay foorno ku taal magaalada Paris caasimada dalka Faransiiska. Shaqaale deg-degga ah ayaa howl ka waday foornadan qaraxa uu ka dhacay iyadoo qaraxa uu ka dhashay sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha dalka Faransiiska Christophe Castaner. Banaanbaxyo cusub oo loogaga soo horjeedo dowlada Faransiiska ayaa ka socday magaalada Paris iyo magaalooyin kale. Qaraxaani oo laga maqlay qeybo badan oo kamid ah magaalada Paris ee dalka Fransiiska ayaa waxa uu ka dhacay Foorno ku taalla xaafada Rue de Trevise oo dhacda Waqooyiga Magaaladaasi. Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in qaraxani ay maleynayaan in uusan aheyn mid la xiriira argagixisada balse uu ka dhashay Gaas dab qabsaday maadaama meesha uu ka dhacay qaraxa ay Foorno aheyd ayna shaqaalaha degdegga ah ay howl dayactir ah ka wadeen. Source
  19. (SLT-Hargeysa)-Ruushka Oo Saldhig Millatari Ka Samaysanaya Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  20. (SLT-Hargeysa)-Koigi Wamwere oo ah Qoraa iyo Xildhibaan hore oo u dhashay dalka Kenya, oo dhowaan socdaal ku yimid Somaliland ayaa falanqeeyey qorshaha aqoonsi raadinta Somaliland iyo siday ugu qalanto dawlad madax-bannaan. Qormadaas oo Wakaallada Wararka Somaliland soo xigatay waxay u qornayd sidan:- “Somaliland waa dal dalbanaya aqoonsi iyo madax-bannaani, waxaanay kaalin muhiim ah ugu jirtaa Kenya, Afrika iyo caalamkaba. Dhab ahaantii, Qaranimada Somaliland weli waa mid aan la aqoonsan, inkastoo ay u qalanto isla markaana leedahay astaamihii dal madax-bannaan sida nabadda, xasiloonida iyo kobaca dhaqaalaha, kuwaas oo dalal badan oo madax-bannaani aanay haysan. Somaliland waxay haystaa nabad iyo horumar, laakiin waxa loo diiday aqoonsiga caalamiga ah, xoriyada ganacsiga caalamiga ah. taasi oo ku keentay cunaqabatayn dhaqaale iyo mid diblomaasiyadeed, taasina keeneyso horumar la’aan iyo saboolnimo. Guddoomiyaha wakhtigan ee Midowga Afrika Madaxwayne Paul Kagame, waa inuu booqdaa Somaliland sii uu u xukumo Madax bannaanida Somaliland.Muxuu u eegayaa hab kale,marka uu arko dal Afrika ah loo dafiray aqoonsi la’aan diblomaasiyadeed iyo xuquuqda badbaadada bulshada. Dalalka reer galbeedku aqoonsan maayaan Somaliland sababtoo ah dalal Afrika ahi may aqoonsan? Dawladaha Afrikaanka ahi waa in ay marka hore aqoonsadaan Somaliland si ay dalalka reer Yurub u ictiraafaan. Somaliland waa dal gabi ahaanba nabad ah, halka Soomaaliya wali ay ka taagan tahay colaado aan dhammaad lahayn iyo qaxooti ka cararaya goobtaas holcaysa. Ma aha beesha caalamka iyo dalalka Afrikaanku inay ku ciyaaraan qaddiyadda Somaliland, sida dalalka reer galbeedka iyo waddamada Afrika ay ugu ciyaarayeen qaddiyadda Liibiya. Hadday Afrika ka qaadato go’aan xooggan oo ka soo horjeeda burburinta Liibiya ee Maraykanka iyo Ingiriiska,Liibiya waxa ay ahaan lahayd dal dhisan. Sida waddamada reer galbeedka iyo waddamada Afrika ugu ciyaarayeen qaddiyadda Liibiya waa habka ay ugu ciyaarayaan qaddiyadda Somaliland, iyagoo diidaya aqoonsigeeda. Marka ay dalalku dalbanayaan aqoonsi madaxbannaan, waxay la wadaagaan sharaftooda xudduud dhuleed. Waxa kaloo uu isweydiiyey suxufigani sababta Somaliland loo aqoonsan waayey maadaama oo aanay sida Soomaaliya sheeganaynin soohdimo dal kale leeyahay. In ka badan 10,000 oo Kenyaan ah ayaa ka shaqaysta, kuna nool Somaliland si nabdoon,way ku faraxsan yihiin haddii Kenya aqoonsato Somaliland oo xafiis diblomaasiyadeed ka furato si ay u daryeesho danahooda. Waxa soo Turjumay Khadar Nuux Yoonis Source
  21. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac Xuuto ayaa waxa uu ka hadlay xadhiga Abwaan Cabdiraxmaan Abees, waxaanu ka soo bandhigay sheeko la xidhiidha xadhigiisa. Xadhiga Abwaan Cabdiraxmaan Abees waxa uu i xusuusiyey sheeko “Aabihii Abees kaga sheekaynayey xadhigiisii uu xalay ka gabyey iyo waliba suugaantiisa oo aannu jeclayn balse Madaxeyne Muuse Biixi ku qanciyey in uu u daayo isagoo Madaxweyne Muuse la dhacsanaa Suugaanta Inna Abees. Ibraahim Abees oo ah Mujaahid ay walaalo yihiin wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Somaliland sida aan taariikhda ku hayana ah qoys Suugaantoodu Hido-raac tahay balse aan wakhtigan jeclayn inankiisu inuu ku shaqaysto Hal abuurnimaddiisa ayaa yidhi ” Habeen uun baan daawaday Telefishanka mise Gabadh heesaysa oo wariyihii leeyahay waxa sameeyey C/raxmaan Abees dabadeedna waa isaga kacay qolkii Telefishanku yaallay. ninkii aan isagoo Ingiriiska jooga aan ka xanaaqsanaa uun baa Hargeysa iigu yimi dabadeed na guriga ii dhaaf baan ku idhi ma anigaad Heeso iila timid halkaan kaa filayey inaad wax-soo-taransato.” Aabo Abees waxa uu intaa raaciyey “Maalmo markii uu iga madax gadayey ayaa ba waxa maalintii danbe ila soo hadlay Muuse Biixi oo u dacwiyaya oo leh waar inanka isaga tag maxaad Fanka ugu haysataa miyaadan ogayn dunida in uu ka leeyahay Qiime wayn kuwan Somalida ah uun baa ku dhibaataysane.” Aabo Abees sheeko dheer oo maslaxaadii Madaxweyne Muuse ah buu halkaa mariyey waxaanu ku soo gabagabeeyey in uu Muuse ku qanciyey in uu inanka u daayo Fankiisa. Hadaba, Aniga xalay baa iigu horaysay muuqaalka Abwaan Abees, gabayga hore ee uu xadhigiisa ka tiriyey oo aan dhagaystayna Aabihii Ibraahim Abees baa maalintaa ka sheekaynayey Abwaankunna xalay hordhiciisa waxa uu ku sheegay inuu maalintaas la xidhay tiriyey balse laga codsaday inaanu baahin. Inkasta oo uu daahay xadhigiisu dad badan oo xalay madashii Maansoor joogay waxay filayeen waxa maanta dhacay oo dad badan baaba aan gabaygiisii danbe u joogin cabsidaa darteed. Goor dhawayd markii la ii soo sheegay xadhiga Abwaan Abees waxaan is weydiiyey maxaa loo xidhay Abwaanka maadaama Madaxweyne Muuse Biixi ku dirqiyey Aabihii in uu daayo Fankiisa, isla markaana la dhacsannaa Fankiisa oo waliba aan ogahay Madaxweynaha laftiisu in uu yahay Reero Suugaaneed. Sidaas daraadeed; waxaan ku baaqayaa in xorriyaddiisa loo celiyo Aragtidiisana la tixgaliyo oo wixii la awoodo wax laga qabto dhaliilaha uga muuqaday. Allaa Mahad leh” Guddoomiye Xuuto Source
  22. (SLT-Hargeysa)-Ciidamada Booliska Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay Hal-Abuur Cabdiraxmaan Abees, oo xalay magaalada Hargeysa ku soo bandhiggay Suugaan Xukuumaddu dhibsatay, Halkan hoose ka DAAWO gabaygii lagu xidhay Source