-
Content Count
212,105 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wax walba maxsuulka la eega, waxa gabyey abwaan, xukuumaduna waxay kaga jawaabtay xadhig. Talaabada ay xukuumadu qaaday iyo Abwaanka gabyey keeba hada faa’iiddo jooga, dee faa’iidada waxa helay Abwaanka, sababtuna waa sidan:. Hadii aan ku horeeyo faa’iidada uu abwaanka: 1.Abwaanka haddii in yari taqaanay hadda soomaali oo dhan way baratay xadhigana sababay. markii la xidhay waxa kor u kacday dhagaysiga ama daawashada sugaantiisii hore iyo kuwii xalay, qof waliba wuxuu xiisaynayey inuu ogaado wixii lagu xidhay ee uu abwaanku yidhi. sida ay SNM ugu faanto SNM-nimada ayuu isna ugu faani doona inuu damiirkiisu diiday inuu wax khaldan oo uu arkay ka aamuso, taasina waxay u noqonaysa CV fiican oo taariikhda u gasha, waxaanu hadda la masaal yahay Hadraawi iyo Cabdiqays oo ahaa labadii abwaan ee ugu xadhiga badnaa nidaamki Siyaad Bare, hadii uu maanta isa soo sharaxana dadku ugu codeyn lahaayeen. 4.xadhigaasi wuxu horseedi doonaa dhalinyaro badan oo hal abuur leh oo iyaguna si ay caan u noqdaan oo jidkan oo kale u mari doonna inay ku soo baxaan, dadkeenu waxayba ka helaan hebel waxaas buu neceb yahay ama waxaas waa laga xanaaqaa. Dhinaca xukuumadda ee ceebta ay u keenayso xadhigaasi. Dawladnimada iyo dimuqraadiyadaba ceebay ku tahay qof baa hadlay oo la xidhay,taasina waxay fool xumo u keenaysa aragtidii caalamku inaga qabay inay hoos u dhacdo ayey sababaysaa. Wixii aynu ku faani jirnay ee xoriyatul qawlka iyo inuu qof kasta dareenkiisa cabiro karo ee dastuurku damaanad qaadayna calaamatul su’aal bay galinaysaa oo dastuurkii waxay ka dhigaysa waraaqo la iska qortay oo aan shaqaynayn. Dalalkii ina taageeri jirey iyo beeshii caalamka ee dimuqraadiyadeena dhaqaalaha ku bixin jirtay ee caalamka kale ka dhaadhicin jirey dal yar oo aan la aqoonsan baa jira Afrika ka jira oo dimuqraadi ah waji gabax bay ku noqonaysaa. Warka xun ayaa ka dheereeya warka fiican, boqolkii fiicnaa ee aynu qabsanay waxa laf jab ku noqonaysa xadhigaasi abwaanka. Hay’adaha xuquuqda aadanaha u doodda waxay xadhigaasi gaadhsiinayaan meel kasta oo ay sheegayaan in Somaliland xoriyatul qawlkii iska daysay kuna sii socoto nidaamkii digtaytarka oo kale., waxaas oo fadeexadana gacanteeda waxa ku abuuranaysa waa xukuumadda. Hadaba, labadaasi dhinac iyama faa’iido taagan, Abwaanka waa la iska sii deyn, laakiin qarankii dhamaa ceebtii soo gaadhay iyama door bideen. Maanta hadii aan la xidhi lahayn cid badan may ogaateen, balse waxa xiiso u yeellay suugaantiisii waa xadhigaasi, marka faa’iidada ugu badan waxa helay waa Abwaan Cabdiraxmaan Abees. Barkhad-ladiif Mohamed Omar Source
-
Waxa fiican qof ku marka uu dood soo dhigayo waa inuu raaciyaa qodobada sharci ee taageeraya dooddiisa Si doodu ay u noqoto(Validity) dood shaqaynaysa,madaxweynaha Cusub ee Puntland wuxu xariiqday xuduud qabiil oo reernimo.isaga oo iska indho tiray ama lagaba yaabaa inaanu aqoonba u lahayn xuduudaha caalamiga ah iyo shuruucda ka taallaa. Haddii aan Tusaale u soo qaatto Somaliland waxay ku doodaysaa Xuduudka Somalia iyo Somaliland waxa la kala madaystay 1894 waxana la kala calaamadsaday 1929 waxa kala calaamadsady guddi ka kala socotta Britain iyo Talyani(ANGLO-ITALIAN COMMISION) dhamaan dhigaha iyo loolka ay dhacdo waa la wada yaqaan. Haddaba qaraarka tirsigiisu yahay (AG/Res 16(1) ) ee soo baxay 1964 shirkii waddamada Africa ku qabsaden Qaahira Masar wuxuu si cad u bayaamiyay Doctrine (UTI posidetas) sharcigan oo dhigaya in Xuduudihii laga dhaxlay Gumaysiga ay yihiin sharci lama taabtaan ah. Qodobkan wuxu ku aroorayaa oo laga soo dhanbalay Maxkamadda Caalamiga ah ee Adduunka (International Court of Justice ICJ). Qodobkan sharci ma khuseeyo Haddii Somaliland la aqoonsado iyo haddii kale ee waa wax mar kasta sidiisa u shaqaynaya haddii aan la helin sharci cusub oo odhanay ciddii isku reer ah ama is doonaysaa xuduud way jeexan karaan Sidaas darteed Madaxweynaha Cusub ee Loo doortay Puntland waxanu leenahay Dooddaada sharci ku soo lifaaq oo waddo cad qabadsii. Rashiid Odowaa khadarsalaan@gmail.com Source
-
(SLT-Oslo)Maxkamadda Rafcaanka ee Borgarting ee ku taalla caasimadda dalkaasi ee Oslo waxay daaqadda ka tuurtay Rafcaan uu qaatay Mahad Maxamuud, isla markaana Kansal-gareysay Muwaadinimadiisa Norway (The Norwegian citizenship). Wargeyska Aftenposten ayaa qoray in Mahad Maxamud oo dalka Norway tegay sannadkii 2000 uu sheegtay inuu yahay Muwaadin Somali oo 14-jir ah, waxaana la siiyey Deganaansho KMG. Sannadkii 2008-dii waxaa la siiyey Dhalashadda ama Muwaadinimadda Norway, waxa uu bartay Cilmiga Biyoengineer, isagoo shaqo ka helay Isbitaalka Ullevål Hospital. Sannadkii 2013-kii, Guddiga Rafcaanka Muhaajiriinta ee dalkaasi (UNE) waxay heleen Far-muuqis ku aadan inuusan Mahad Maxamuud ahayn khiyaanay Maamulayaasha dalka Norway, Boliska waxay la xiriireen isaga, waxay fureen baaritaanka Kiiskiisa, iyadoo 3 sanno kadib ay Guddiga Rafaanka Muhajairiinta ee dalkaasi u soo baxday inuu Mahad Maxamudu oo 29-jir ah uusan ka imaanin Somalia. Waxa uu lumiyey Dhalashaddii Norway iyo shaqadiisa, isagoo aaday Maxkamad si uu u helo Go’aanka dib loogu eegay Kiiskiisa, balse, Maxkamadda Degmadda Oslo waxay go’aansatay sannadkii 2017-kii in Shahaadada Dhalashadda ee Mahad Maxamuud tahay mid la been abuuray, isla markaana markii uu iska dhiibayey Norway da’diidsu u dhexeysay 18 ilaa 20-jir. Maxkamadda Degmadda Oslo waxay kaloo sheegtay in Mahad Maxamuud isaga iyo Qoyskiisa ka yimaadeen dalka Jabuuti oo aysan ka imaanin Somalia. Si kastaba ha ahaatee, Maxkamadda Rafcaanka ee Borgarting waxay haatan xaqiijisay in ay laaleen Codsigiisa ku aadanaa inuu sii joogo dalka Norway, Source
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa soo gebegebeyay isla-xisaabtanka golaha wasiirrada oo si joogta ah u socday muda shan maalin ah Ra’iisul wasaaraha ayaa wasiirrada kula xisaabtamayay shaqooyinkii ay ka qabteen hal-beegyada qorshohoodu ahaa in lagu guulayso sannadkii tegay ee 2018, waxaa kale oo wasiirradu ay saxiixeen halbeegyooda ay doonayaan in ay fuliyaan sannadka 2019. Wasiiru dawlaha xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdullaahi Xaamud, ayaa sheegay in si guul ah uu kusoo dhamaaday isla xisaabtana oo ra’iisul wasaaruhu ku xaqiijinayay wax-qabadka 26-ka wasaaradood ee xukuumaddu ka koobantahay iyo Bangiga dhexe, laguna jaangoynayay wax-qabadka sannadka bilaawga ah. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa si joogta ah ula xisaabtama wasiirrada si looga guul gaaro qorshayaasha qaran ee horay loogu ballamay in lagu fuliyo waqti leesla ogyahay, looguna gudbo qorshayaasha kale ee muhiimka u ah horumarinta hannaanka dawlanimo iyo himilooyinka ay leeyihiin dadka Soomaaliyeed. The post RW Khayre Oo soo gebagebeeyay la xisaabtanka Golihiisa wasiirada appeared first on Shabelle. View the full article
-
Cadaado ( Sh. M. Network )-Ciidamada ammaanka ee maamulka Galmudug ayaa maanta howlgallo ballaaran ka sameeyay gudaha magaalada Cadaado ee G/Galgaduud. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxa ay Ciidamadu ku soo qabteen illaa 3 Qof oo dhalinyaro ah, kuwaas oo lacago sharci darro ah ka qaadi jiray dadka deegaanka. Guddoomiyaha degmada Cadadaado C/laahi Cabdiraxmaan Xuseen (Tootoole) oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka warbixiyay howlgalladaasi. Waxaana uu tilmaamay in dhalinyarada la qabtay ay dadka deegaanka isaga dhigi jireen kuwo hay’ado ka socda, islamarkaana ay ka qaadi jireen Lacago diiwaangelin ah. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Tootoole.mp3 The post Galmudug Oo howlgallo ka sameysay M/ Cadaado appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Liverpool)Kooxda Liverpool ayaa guul kasoo gaartay dhigeeda Brighton and Hove Albion kaddib ciyaar adag oo ay labada dhinac soo bandhigeen, Brighton ayaa diyaar u ahayd inay dhibaatayso Reds laakiin Mohamed Salah ayaa kulankan saddexda dhibcood usoo qaaday kooxdiisa. Goolka ay Liverpool guusha ku gaartay ayaa ahaa mid gool kulaad ah oo yimid bilawga qaybtii dambe waxaana xiddiga qaladka lagu galay ahaa Mohamed Salah oo marka dambe gool u bedeli doona. Shaxaha Labada Kooxood Ee Kulankan: BRIGHTON (4-5-1): David Button; Martin Montoya, Shane Duffy, Lewis Dunk, Gaetan Bong; Solly March, Pascal Gross, Dale Stephens, Davy Propper, Jurgen Locadia; Glenn Murray. LIVERPOOL (4-2-3-1): Alisson; Trent Alexander-Arnold, Fabinho, Virgil van Dijk, Andrew Robertson; Jordan Henderson, Georginio Wijnaldum; Xherdan Shaqiri, Roberto Firmino, Sadio Mane; Mohamed Salah. Falanqaynta Guud Ee Kulanka: Liverpool ayaa daqiiqadii 9-aad e ciyaarta abuurtay fursad halis badan, Andrew Robertson ayaa kubadda goolka soo hor mariyay, Kubadda ayaa daba martay Sadio Mane oo xawaare ku socday balse waxa lugta la helay Roberto Firmino kaas oo gees ka mariyay goolka. Brighton ayaa markeeda fursad heshay, Glen Murray ayaa boos ka dhex helay Fabinho iyo Arnold kaddib darbad madax ah oo uu galay xiddiga ayaa kubadda halka sarre ka mariyay goolka. Intaa kaddib Liverpool ayaa weeraro is xigay qaaday, Xiddigaha kala ah Fabinho iyo Xherdan Shaqiri ayaa labaduba ku dhawaaday inay hoggaanka u dhiibaan kooxdooda, Fursadahooda oo labaduba ahaa kuwo madax ay ku dhalin rabeen ayaan suurogalin. Ciyaarta ayaa noqotay mid ay gabi ahaanba fursada halista badani ku yaraadeen, Reds ayaa qaadayay weerar joogto ah iyaga oo ahaa kooxda kubadda haysta laakiin Brighton qudheeda ayaa si adag u wajahaysay xiddigaha Klopp. Qaybta hore ee ciyaarta ayaa kusoo dhammaatay bar-bardhac goolal la’aan ah, Qaybtan ayaa ahayd mid ay labada kooxoodba ku fashilmeen inay bar-tilmaameed goolka ah sameeyaan. Liverpool ayaa fursad weeraro rogaal celis ah ay ku heshay ku wajahay goolka Brighton, Mohamed Salah ayaa kubadda ku tuuray goolka Seugulls laakiin waxa ka badbadiyay goolhaye Button. Rigoore: Reds ayaa gool kulaad helay daqiiqadii 49-aad ee ciyaarta, Xiddiga ree Germany ee Pascal Gross ayaa qalad ku galay Mohamed Salah isaga oo ku dhex jiitay diilinta ganaaxa. GOOAL: Mohamed Salah oo ahaa xiddiga qaladka lagu galay ayaa gool u sarifay gool kulaadka kooxdiisa lagu abaalmariyay isaga oo darbad xoogan dhex dhigay goolka uu masuulka ka ahaa Button. Brighton ayaa daqiiqadii 68-aad ee ciyaarta samaysay fursad gool noqon kartay, Jurgen Locadia ayaa meel 25 yard u jirta goolka Liverpool ka darbeeyay kubad joog hoose ku socota oo ugu dambayn hareer martay goolka. Khadka dhexe ee Liverpool ee Wijnaldum ayaa kubad ka helay Salah markii wakhtiga rasmiga ah ee kulanka ay ka hadheen 9 daqiiqo, Xiddiga ree Holland ayaa isku dayay inuu kubada ka fogeeyo goolhaye Button laakiin fogaanshihiisa ayaa sababay in isku daygiisu goolka dhinac maro. Wakhtigii dheeriga ahaa ee ciyaarta lagu daray Brighton ayaa samaysay fursad halis badan, Andone ayaa kubad halis ah goolka soo hor mariyay balse waxa kubadda oo ku socotay Locadia ka fogeeyay da’yarka Arnold, Fursadan ayaa halis weyn ku noqon kartay Reds. Ugu dambayn, Ciyaarta ayaa kusoo dhammaatay 0-1 ay guushu ku raacday kooxda martida ahayd ee Liverpool isla markaana uu Mohamed Salah ahaa shaqsiga kulanka go’aamiyay. Source
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska dowladda Soomaaliya ee ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa maanta joojiyay Siminaar uu soo qaban qaabiyay Xisbiga uu hogaamiyaha ka yahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Senator Xuseen Sheekh oo ka tirsan Xisbigaas islamarkaana hadda ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa sheegay in la hakiyay Siminaarka ka dib Amar kasoo baxay maamulka Koonfur Galbeed. “Dhamaan Bulshada Koonfur Galbeed ee Baydhabo waxaan ka raali gelinaynaa inuu baaqdey Kulankii Aqoon kororsiga ahaa ee galabta ka dhici lahaa Hoteelka Horyaal. Kulanka waxaa sababta baajintiisa lahaa Maamulka Koonfur Galbeed” ayuu yiri Sanetarka. Waxaa uu Senatar Xuseen Sheekh Maxamuud in Maamulka Konofur Galbeed isaga oo qiimeynaya xaalado jira uu ka dalbaday in la baajiyo sidaasna lagu joojiyay kulankii ay galabta lahaayeen Xisbiga UPD ee ka dhici lahaa Baydhaba. Sidaan oo kale todobaadkii hore waxaa laga joojiyay Xisbiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame xilli uu siminaar ka waday Hoteel ku yaalla Magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Baydhaba caasimada@live.com
-
New York ( Sh. M. Network )-Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa dowladda Libya ugu baaqabay in ay wax ka qabato dhibaatooyin ka lagu hayo muhaajiriinta ku xiran qaar ka mid ah xabsiyada dalkaasi Mr Guterres oo warbixin siiyay golaha ammaanka ee QM ayaa xusay in ay sare u sii kacayso xadgudub ka dhan ah aadanaha oo ku sii fidiya goobaha dadka lagu qabto ee ku yaalla dalkaasi Xoghayaha guud ayaa sheegay in kumanaan ruux oo qaxooti ah lagu qabsado deegaano ay gacanta ku hayso dowladda, halkaas oo lagu kaco jirdil,cagajugleyn iyo handadaad. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dadka lagu dhibaateeyo dalka Libya ay isugu jiraan caruur,haween iyo rag, kuwaas oo dhamaantood doonayay in ay u safraan qaar ka mid dalalka Yurub. Warbixinta uu sii xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay golaha ammaanka ayaa waxaa uu dowladda Libya ugu baaqay in ay ka hortagto jirdilka iyo tacdiyada lagula kaco muhaajiriinta ku sugan gudaha dalkaasi Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in nus malyuun ruux oo muhaajiriin ah ay ku sugan yihiin gudaha dalka Libya, kuwaas oo u badan caruur iyo haween. The post QM Oo ka hadashay xaaladaha muhaajiriinta ku sugan Libya appeared first on Shabelle. View the full article
-
Garoowe ( Sh. M. Network )-Saciid C/laahi Deni madaxweynaha cusub ee maamulka goboleedka Puntland ayaa soo saaray wareegto si toos ah ugu socota wasaaradda Maaliyadda ee maamulkaasi. Madaxweyne Deni ayaa amray madaxda wasaaraddaasi in la joojiyay canshuur dhaafkii loo sameynayay hay’daha dowladda iyo kuwa caalamiga ah ee ka howlgala Puntland. Digreetadan oo ku taariikheysneyd 12 bishan oo shalay ku beegneyd ayaa lagu wargaliyay mas’uuliyiinta wasaaradda Maaliyadda maamukaasi in ay fuliyaan amarkani. Halkan hoose ka Akhriso:- The post Akhriso:-Madaxweynaha P/land Oo saaray amaro culus appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa waxa uu sheegay in uu xilkii ka qaadey guddoomiye ku xigeenkaasi Cabdinaasir Muxumed Buuni. Guddoomiye ku xigeenka mucaaridka ah ee Xisbiga UCID Cabdinaasir Muxumed Buuni oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu isaguna sheegay in uu xilkaasi iska casilay. Goordhaw la soco warkan oo faah-faahsan Source
-
Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Duhur-13012019.mp3 The post Dhageyso:-Warka DuhurEe Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Ciidamada booliska Soomaaliya ee ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa maanta joojiyay siminaar uu soo qaban qaabiyay Midowga Nabadda iyo Dimoqraadiyadda UPD. Senator Xuseen Sheekh Maxamud oo arrinta wax ka qoray aya yiri “Raali Gelin: Dhamaan Bulshada Koonfur Galbeed ee Baydhabo waxaan ka raali gelinaynaa inuu baaqdey Kulankii Aqoon kororsiga ahaa ee galabta ka dhici lahaa Hoteelka Horyaal. Kulanka waxaa sababta baajintiisa lahaa Maamulka Koonfur Galbeed”. Lama oga sababta, laakin arrintan ayaa caado ka noqotay meelo badan oo dalka ah, waxaa ay horay uga dhacday caasimadda Muqdisho. Dastuurka KMG ah, Qodobka 20aad: Xorriyadda Kulanka, Bannaanbaxa, Cabashada iyo Codsi-wadareedka (1) Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu abaabulo, kana qaybgalo kulammo ama bannaabax oo si xasilooni ah cabasho loogu muujinayo, iyada oo aan oggolaansho loo baahnayn. (2) Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu cabasho qoraal ah u gudbiyo hay’adaha Dawladda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Hoggaamiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan oo maanta warbaahinta kula Hadley xarunta dhexe ee xisbigaasi ayaa waxaa uu si adag uga hadley muranka ka taagan doorashooyinka iyo Kominshanka doorashooyinka qaranka. Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa waxa uu sheegay in xisbiga Waddani aanu marnaba aqbali doonin in Kominshankan doorashooyinku uu doorasho danbe u qabto isla markaana aanay jirin cid ku qasbi karta xisbigooda aragti kale. Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa waxa uu caddeeyey in aaney suurto-gal aheyn in dalka ay ka dhacdo doorasho laba xisbi oo kali ah, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
The mayor of Mogadishu, Eng Abdirahman Omar Osman Yarisow has launched a campaign to curb the ghost employees in his administration’s payroll. He announced the process and stated that his administration would speed the audit of the workers to come up with excellent service delivery to the public. “The procedure is meant to connect the registration systems of the civil servants and Benadir administration to curb ghost workers,” he said. In collaboration with the ministries of labour and finance, Benadir regional admin is closely working together to ensure the success of the process by building the quality of the staff. The process will ensure the audit, registers and update information on all the employees that are on the payroll. Salah Ahmed Jama, Somalia’s minister for labour, assured Mogadishu mayor, Abdulrahman Omar Osman that the ministry will cooperate with the municipality to improve the welfare. The post Mogadishu mayor curbs ghost employees in the system appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Isticmaalka Miisaaniyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee sanadka 2019 ayaa maanta si rasmi ah u furmay ka dib munaasabada ballaaran oo ka dhacday M/ Muqdisho,taasi oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin kaladuwan. Waxaa munaasabadda ka qeybgalay Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle oo maanta si rasmi ah u Daah-furay isticmaalka Miisaaniyadda Dalka ee Sanadkan 2019,madaxda wasaaradaha iyo hay’adaha kaladuwan ee dowladda Soomaaliya iyo Hanti dhowraha guud ee Qaranka. Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya iyo Hanti Dhowraha guud ee Qaranka ayaa sheegay in miisaaniyaddii dalka ee 2018 si wanaagsna loo isticmaalay,iyagoona raja wanaagsan ka muujiyay in midda 2019 si lamid ah iyo si ka sii hagaagsan loo isticmaalo. Dadaalka ay wadda wasaaradda Maaliyaddda Dalka marka laga soot ago horumarinta dhaqaalaha dalka waxaa sidoo kale kamid ah,qorshe Soomaaliya deymaha looga cafinayo,iyo sidii dalka lacago cusub loogu soo daabici lahaa. Dhawaan ayay ahayd markii Baarlamaanka Soomaaliya uu ansixiyay miisaaniyadda dalka ee sanadka 2019,iyadoo maanta wixii ka dambeeyey si toos ah loo isticmaali doono The post Wasiirka Maaliyadda XFS Oo daah-furay isticmaalka Miisaaniyadda 2019-ka appeared first on Shabelle. View the full article
-
At least one person was killed and five others were wounded in a bomb attack in Somalia’s capital, Mogadishu on Saturday night, police and witnesses said. A witness said the attack came after assailants hurled a hand grenade at the residence of Deynile district commissioner, Mohamed Abukar Ja’far, who escaped the incident unhurt. The deceased was a woman walking on the street, while the other five were two of the commissioner’s security guards and the other civilians. The wounded have been admitted to a local hospital for treatment, according to the police. No comment has been released yet by security forces for the attack. No group claimed responsibility for the attack, but, al Shabaab often claims responsibility for the bombings in Mogadishu, targeting Somali government officials. The post One dead, five wounded in bomb attack in Mogadishu appeared first on Shabelle. View the full article
-
Madaxweynaha cusub ee Dawlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa joojiyey dhamaan casnhuur dhaafyadii iyo canshuur dhimistii ay samayn jirtay Wasaaradda Maaliyadu, wuxuuna amray inaan la samayn karin wax casnhuur dhaafa. Sida ay ogaatay warbaahinta PUNTLAND POST arintan ayaa saamayn weyn ku yeelan doonta ganacsatada qaadka iibisa oo horay loogu samayn jirey casnhuur dhamis dhan 50%, waxaana muuqata wixii maanta ka danbeeya in qaadka la canshuuri doono 100%, waxaana la filayaa inay arintani saamayn weyn ku yeelan doonto ganacsatada qaadka iibisa. Maanta dumarka qaadka ka ganacsada ayaa magaalada Garowe ka sameeyey mudaharaad ay kaga cabanayaan wareegtadan uu madaxweynuhu ku joojiyey canshuur dhimistii loo samayn jirey qaadka, waxaana la filayaa inuu si aada qaadku kor ugu kaco degaanada Puntland. Xukuumadii horre ee madaxweyne Gaas ayaa canshuur dhimis u samaysay ganacsi gaara oo qaadku kamid yahay, sidoo kale waxaa canshuur dhaaf loo samayn jirey wax kasta oo ay la yimaadaan hay’adaha Dawlada, NGO-yada maxaliga iyo kuwa caalamiga, taas oo sababi jirtey dakhli fara badan oo khasnadaha Dawlada ka baaqda. PUNTLAND POST The post Canshuur dhaafka uu joojiyey Madaxweyne Deni oo saamayn ku yeelan doonta ganacsatada Jaadka appeared first on Puntland Post.
-
The Qatar Finance and Business Academy (QFBA) recently hosted a high-level diplomatic delegation from Somalia. Organized in coordination with the Ministry of Foreign Affairs, the 12-member delegation visited Qatar to learn more about the Qatar Financial Centre (QFC) and its subsidiaries. Received by Dr. Mohammed Al Emadi, QBA Head of Sales and Marketing, the delegation was taken on a tour and briefed on the courses and products available at Qatar Finance and Business Academy. Briefing the delegation, Dr. Mohammed Abdulla Al Emadi, Head of Sales & Marketing, Qatar Finance and Business Academy, said: “QFBA offers training for the entire professional segment of the financing sector, including staff from the most junior to the most executive level. We identify the needs within the economy in general and the specific needs of the relevant organizations to design a product that they deem fit for their organizational growth.” He said, “QFBA has a wide range of courses, including short courses and those that prepare students for international professional tests, as well as four-year university programs. These undergraduates come under Northumbria University, though we issue our own certificates for our training programs. We also have various custom-designed courses for on-job training as well as experiential training.” Making a presentation to the visiting delegation, Leila Al Jufairi, Product Development Manager from Qatar Financial Centre said: “Qatar boasts one of the strongest and fastest growing economies in the MENA region, and the Qatar Financial Centre’s (QFC) unique platform continues to facilitate ease in a business set-up for entities wishing to expand to Qatar and beyond. The QFC operates in line with international best practice and standards offering word class regulation, a fair and transparent tax regime, and an English common law framework. The value of our unbeatable framework is recognized by regulated financial services institutions worldwide. The post Qatar hosts diplomatic delegation from Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
-
Waxaa si aada hoos ugu dhacay lacagta dollarka marka loo badelaayo shillinka Soomaaliga, horay suuqyadda Puntland waxaa halka dollaar lagu sarafi jirey 35,000 oo Shillinka Soomaaliga ah, halka uu maanta maraayo 30,000 oo Shillin isaga oo u muuqda inuu hoos uga sii socdo. Arintan ayey si aada u hadal hayaan dadweynaha reer Puntland iyagoo u yeelaayaa sababo kala duwan, waxaase sababta ugu weyn ay tahay lacag dollar ah oo aad u fara badan oo maalmihii u danbeeyey si xoogan usoo gashay suuqyada Puntland taas oo ka timi musharixiintii ku loolamaayey doorashadii madaxtinimada. Waxaa la qiyaasayaa inay suuqyadda Puntland soo galleen in ka badan shan iyo toban milyan oo dollar maalmihii u danbeeyey. Dadka muruq maalka ayaa soo dhaweeyey hoos u dhaca dollarka, waxayna sheegeen inay sicir bararka sarifku uu dhibaatooyin badan ku hayey. Sanadihii u danbeeyey degaanada Puntland waxaa si aada hoos ugu dhacaayey qiimaha lacagta shillinka Soomaaliga, taas oo sababtay sicir barar baahsan oo laga dareemay Puntland. PUNTLAND POST The post Maxaa sabab u ah hoos u dhaca ku yimi sarifka dollarka ee suuqyadda Puntland? appeared first on Puntland Post.