Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,415
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Waxgaradka ku dhaqan deegaannada maamulka Hirshabelle ayaa ugu baaqay beello isku haya deegaannada maamulkaasi in ay nabadda qaataan oo ay joojiyaan dagaalladan. Suldaan Mahdi C/risaaq oo ka mid ah waxgaradkan ayaa u sheegay Goobjoog in ay ka waxgarad ahaan aad uga xun yihiin colaadahan soo noq-noqday. Waxa uu Suldaanka si gaar ah ula hadlay maamulka Hirshabelle oo uu sheegay in laga doonayo kaalin mug leh iney ka qaataan dagaalladan. “Annaga waan ka xunnahay colaadahan ka jira deegaannada Hirshabelle, waxaan leenahay idinka ayaa walaalo ah, ha is dilina, eegga danaha maatada, maamulka Hirshabelle waxaan leenahay kaalintiina ma muuqatee wax u qabta bulshada” ayuu yiri Suldaan Mahdi. Deegaanno ka mid ah gobollada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe waxaa ka taagan dagaallo u dhaxeeya beello ku dhaqan halkaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Maxay dadka reer Suudaan lacagta ugu keydsadaan barkinta hoosteeda? Dad badan oo reer Suudaan ah ayaa hadda doorbidaya in ay lacagahooda gashadaan barkinta hoosteeda halkii ay ka dhigan lahaayeen bangiyada dalkaasi. Haddii dadku ay lacagta dhigaan bangiyada, waxa ay ka baqayaan in ay adkaato in ay dib u helaan maadaama ay maran yihiin makiinadaha ATM-ka loo yaqaan ee bangiyada yaal ee lagacta lagala baxo. Bangiyada yar ee lacagta laga heli karo ee gudaha magaalada Khartuum ayaa waxaa caadi ka noqday safaf dhaadheer oo ay dadka ugu jiraan bangiyada. Waxaa sidoo kale safaf dhaadheer loo galaa helitaanka rootiga. Waxaa mararka qaar dhacaya in xitaa haddii xilli dambe aad shaqada ka timaadid ay tahay in aad saacado sugtid in aad gaartid daaqadda foornada rootiga lagu sameeyo, ka dibna lagu yirahdo waa uu dhammaaday. Qiimaha cunnooyinka kale ayaa sidoo kale sii qaaliyoobaya, gaar ahaanna gudaha magaalada caasimadda ah ee Khartuum. Digirta dalkaasi laga yirahdo fuulka ayaa loo arkaa mid ay tahay in meel kastaa laga helo basle dukaamada caadiga ah qaarkood ayaa hadda joojiyay iibinta digirtaasi. Sababta ayaa ah dadka intooda badan ma awoodaan in ay iibsadaan. Kaalmadii dowladda oo la jaray Dhibaatada ayaa ka dhalatay dowladda oo isku dayday in ay ka hortagto in dalka uu ka dhaco burbur dhaqaale, waxaana markiiba ay la timid tallaabooyin gunti giijis ah. Sidoo kale waxaa aad u qiimo dhacay lacagta dalkaasi Suudaan. Bishii Diseembar ee sanadkii hore, halkii doolar waxaa suuqa madow lagu sarifayay 76 pound oo ah lacagta dalkaasi Suudaan. Lix bilood ka hor, halkii doolar waxaa lagu sarifayay wax ka yar 40 pound oo ah lacagta Suudaan. Sicir bararka dalkaasi ka jira ayaa bishii Nofeembar ee sanadkii hore gaaray 68% halka sanad ka hor uu ka ahaa 25%. Dowladda ayaa dhintay lacagihii ay ku kabi jirtay shidaalka iyo rootiga, waxaana arrintaasi ka dhashay sara kac ku yimid qiimaha cunnooyinka daruuriga ahi. Sare kaca ku yimid qiimaha rootiga ayaa bishii la soo dhaafay waxaa ka dhashay dibadbaxyo waaweyn, kuwaasi oo wali ka soconaya qeybo badan oo ka tirsan dalkaasi Suudaan. Dibadbaxyadu waxay ka billowdeen magaalada Cadbara 19-kii Diseembar, xilligaasi oo la gubay xarunta xisbiga haya talada dalkaasi ee Al-Mu’tamar Al-Wadhani. Sansaanta kacdoonkii gugii carabta Dibadbaxyada ayaa isu badalay kuwo ka dhan ah dowladda dalkaasi, waxaana dadka dibadbaxyada dhigaya ay dalbanayaan in las oo afjaro xukunka madaxweyne Xasan Cumar Al-Bashiir ee dalkaasi ka jiray ku dhawaad 30 sano. Dibadbaxayaashu oo adeegsanaya halkudhigyo laga dhaxlay kacdoonkii gugii carabta ayaa lagu arkayay dariiqyada magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi, waxa ayna oranayeen “Dadku waxa ay doonayaan in xukuumaddu ay dhacdo.” Dibadbaxyada ka dhacayay magaalada Khartuum ayaa ah kuwii ugu waaweynaa ee ka dhan ah madaxweyne Cumar Al-Bashiir tan iyo markii uu xukunka dalka kula wareegay inqilaab milatari sanadkii 1989. Xaaladda ayaa dhimasho isu badashay. Saraakiisha ayaa sheegaya in 19 qof ay dhinteen ka dib markii laamaha ammaanka ay isku dayeen in ay xoog ku kala eryaan dadka dibadbaxyada dhigaya balse kooxda xaquuqul insaanka ee Amnesty International ayaa sheegtay in ay heshay warar xaqiiqa ah oo muujinaya in 37 qof lagu dilay rabshadahaasi. Maxay Suudaan uga dhigantahay cunaqabteynta laga qaaday Taageerayaal badan oo kuwa mucaaradka ahi ayaa xabsiga la dhigay, waxaana laamaha ammaanku ay waxyeello u geysteen weriyeyaasha wararka ka soo tebinayay dibadbaxyada ka dhanka ah dowladda. Arrimahani oo dhan ayaa cadaadiska ku sii kordhinaya madaxweyne Al-Bashiir oo 75 sano jir ah, kaa oo sheegay in dadku ay u muuqdaan kuwo daallan isla markaana jahawareersan. Hadalkaasi ayuu jeediyay usbuucii la soo dhaafay mar uu la hadlayay saraakiisha ugu sarreysa booliska. Waxa uu ugu baaqay in aysan xoog u adeegsan dadka dibadbaxyada dhigaya balse isla markiiba hadalkiisa ayaa is khilaafay oo waxa uu sheegay in dilku yahay mid ay amnigu ku sugayaan. Hadalkaasi ayaa dadka qaar waxa ay ku micneeyeen in uu yahay ruqsad ciidamadu ay ku cabburin karaan shacabka. Maalintii xigtay, kumannaan qof ayaa isugu soo baxay bartamaha magaalada Khartuum, waxaana halkaasi lagu toogtay saddex qof oo dhammaantood madaxa laga toogtay. Hawlwadeennada xaquuqul insaanka ayaa sheegaya in sidoo kale shiishyahanno ka tirsan ciidamada dalkaasi ay toogteen nin dhakhtar ah. Dowladda ayaa dhankeeda dad ka soo jeeda gobolka galbeedka ku yaal ee Daarfuur ku eedeyneysa in ay soo abaabulayaan dibadbaxyadani isla markaana ay curyaaminayaan dowladda. Koox dhallinyaro ah oo ah ardayda reer Daarfuur ee aan Carabta ahayn ayaa xabsiyada la dhigay waxaana lagu eedeeyay in sirdoonka Israa’iil uu siinayay tababar lagu xagal daacinayo dowladda. Saaxibbadooda ayaa arrintaasi beeniyay, waxa ayna dowladdu ku eedeeyeen in ay arrintaasi qiil uga dhiganeyso xarigga ardaydaasi. Si taageero loogu muujiyo ardaydaasi ay dowladdu xirtay, ayaa dadka dibadbaxyada dhigaya waxa ay halkudhig ka dhigteen”adigan cunsuriga cawaanka ahow, dhammaantayadu waxaan nahay reer Daarfuur.” Madaxweyne Al-Bashiir waxa uu ballan qaday in uu mushaaraadka u kordhiyo shaqaalaha dowladda si culeyska loo yareeyo balse arrintaasi ayay suurtagal tahay in aysan xal u noqon doonin xaaladda jirta. Arbacadii las oo dhaafay waxa uu tusaale ahaan u soo qaatay dalka Suuriya, waxa uuna taageerayaashiisa u sheegay in xasillooni darradu ay u horseedi doonto in ay qaxooti noqdaan. Balse dalakasi Suudaan ayaa muddo sanado ah la daalaa dhacayay dhibaato dhaqaale, waxaana xaaladda uga sii daray go’itaankii Suudaanta Koonfureed ee sanadkii 2011. Arrintaasi ayaa sababtay in kala bar dhulkii qaniga ku ahaa kheyraadka uu maro dhinaca Suudaanta Koonfureed. Cabsi joogta ah Suudaan ayaa sidoo kale laga go’doomiyay caalamka intiisa kale. Inkastoo sanadkii 2017 la qaaday xayiraadihii loogu soo rogay arrimo la xiriira taageeridda argagixisada iyo tacaddiyada ka dhanka ah xaquuql insaanka, haddana xaaladdu wax weyn iskama bedelin. Dedaalladii uu madaxweyne Al-Bashiir ugu jiray helitaanka xulufo cusub, sida in uu booqdo madaxweynaha Suuriya iyo in uu ciidamo taageero ah u diro Sucuudiga ayaa u muuqda in aysan caawineyn oo uusan waxbo ka faa’iideyn. Dhanka kale, inkastoo wali safaf dhaadheer loogu jiro rootiga iyo bangiyada, haddana xaaladda ka jirta Khartuum ayaa aad isu badashay tan iyo markii ay billowdeen dibadbaxyada. Waxaa jirta cabsi weyn. Dumarka qaarkood ayaa sheegaya in aysan bannaanka u bixin sababtoo ah ma doonayaan in carruurtoodu ay dibadda u baxaan oo ay ku biiraan dibadbaxyada sida dhacday xilli ay dhacayeen dibadbaxyo ka dhan ah dowladda muddo haatan laga joogo shan sano. Balse sidoo kale waxaa jirta in dadku ay geesinimo muujinayaan. Waxaa la arkayay dadka oo saaran guryaha korkooda oo ku qeylinaya ciidamo hubeysan oo waddooyinka maraya. Qaran News
  3. Maamulka gobolka Gedo ayaa ka dalbaday dowladda Kenya in ay ka wada shaqeeyaan amniga, gaar ahaan deegaannada xiga dhanka xuduudda. Maxamed Xuseen Al-qaadi oo ah guddoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Gedo ayaa sheegay in aanu jirin wadashaqeyn ka dhaxeysa Labada dhinac, sidaasi darteedna loo baahan yahay in la wada shaqeeyo. Dowladda Kenya ayuu sheegay in dowladda Soomaaliya guud ahaan aanay kala shaqeyn arrimaha ammaanka, balse loo baahan yahay in iskaashi amni la sameysto. “Kenya waxaa looga baahan yahay in la wadashaqeeyo, waxaan ognahay in illaa iyo hadda aanay wadashaqeyn nala lahayn ciidankooda, waa in cadowga aan iska wada celinno” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka. Ugu dambeyn, Al-qaadi ayaa sheegay in maamulkooda uu waajib ka saaran yahay sugidda amniga guud ee gobolka Gedo, ayana la shaqeyn doonaan dadka shacabka ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Brussels (Caasimada Online) – Guddiga Midowga Yurub ayaa Sacuudi Carabiya ku daray liis qabyo, oo ah dalalka halista ku ah ururkaas, sababtoo ah, xakameyn la’aanta maal-gelinta argagixisada iyo been xalaalaynta lacagaha. Sida ay daabacday Reuters, tallaabadan ayaa timid ayada oo uu sii kordhayo cadaadiska caalamiga ah ee Sacuudiga ay kala kulmeen dilka weriye Jamaal Khaashuqji. Liiskan ayaa waxaa hadda ku jira 16 dal oo ay ka mid yihiin, Iran, Iraq, Syria, Afghanistan, Yemen iyo Korea-da Waqooyi. Hase yeeshee liiskan ayaa waxaa la cusbooneysiiyey toddobaadkan, ayada oo la eegayo qodobo uu golaha Midowga Yurub diyaarinayey sanaddii 2017. Sacuudiga ayaa ka mid noqday dalal cusub oo liiska lagu daray, sida ay ogaatay Reuters. Mas’uuliyiinta Sacuudiga weli kama aysan jawaabin tallaabada Midowga Yurub. Tallaabadan ayaa dhaawac xooggan ku ah Riyadh xilli ay isku dayeyso inay dhisto sumcadeeda caalamiga ah, si ay maal-gashtayaasha shisheeyaha ugu dhiiri-geliso inay dalkaas maal-gashtaan, si ay uga madax-banaanaato ku tiirsanaanta shidaalka. Ka sokow dhaawaca caalamiga ah ee gaaraya, ku daristan liiskan waxa ay adkeyn doontaa macaamilka maaliyadeed ee Sacuudiga iyo bankiyada Midowga Yurub, sababtoo ah hay’adaha Sacuudiga ayaa mari doona hubitaan dheeri ah. Go’aankan ayaa waxaa la horgeyn doonaa 28-ka dal ee xubnaha ka ah Midowga Yurub toddobaadka soo socda, si ay u ansixiyaan markaasi oo uu sharci noqon doono. Caasimada Online Xafiiska London caasimada@live.com
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Bayaan rasmi ah oo kasoo baxay hoggaanka kooxda Al-Qaacida, ayaa lagu bogaadiyay weerarkii kooxda Al-Shabaab ee ururkaas hoos-tagta ay ka fulisay magaalada Nairobi. Warka qoraalka ah ee kasoo baxay Al-Qaacida oo lagu baahiyay baraha Internet-ka, ayaa lagu sheegay in weerarkaas iyo weeraro kale oo ka dhacay meelo kale oo dunida ka mid ah, ay jawaab celin u ahaayeen go’aankii uu madaxweynaha Mareykanka uu magaalada Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Yahuudda. “Waxaan taageeraynaa oo aan barakeynaynaa howlgalladii Qudus Lantahawad oo midda ugu daran ay fuliyeen gacmaha mujaahidiinta Geeska Afrika, oo la beegsaday gaalada iyo Mareykanka” ayaa lagu yiri qoraalka. Qoraalka ayaa lagu sheegay in howl-galkaas ay fuliyeen Afar ka mid ah ciidamada loogu magac darar Jeyshul Cusrah, oo ah ardaydii Saalax Cali Alnabhaani. Magaca Jeyshul Cusrah ayaa loo yaqaan maleeshiyada Al-Shabaab, waxaana magacaas bixiyay Abuu Yaxye Al-liibi oo kamid ahaa Hoggaamiyaasha Al Qaacidda mar uu hadal gaar ah usoo diray Soomaaliya sanaddii 2007. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  6. Baydhabo (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koofur Galbeed ayaa sheegaya in maanta magaaladaasi ay ka dhaceyso doorashada kursi ka banaan golaha shacabka. Kursiga ayaa banaanaaday kadib markii uu ka geeriyooday xildhibaan Khaliif Sheekh C/laahi Dheere, waxaana maanta ruuxii badali lahaa lagu dooranayaa magaalada Baydhabo ee gobolka Baay. Xildhibaanka ayaa ku geeriyooday 28/April/ sanadkii 2018 Magaalada Muqdisho, waxaana musharixiinta u taagan kursigaasi ay kala yihiin Isaaq Khaliif Sheekh C/qadir Shekh Maxamed Nuur Xasan Macallim Ibraahim C/laahi Shekh Maxamed Guddiga doorashada ayaa dhawaan odayaasha dhaqanka ay ku eedeeyeen inay faragelin ku hayaan doorashada kursiga uu ka geeriyooday xildhibaanka. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
  7. Hogaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame waxaa laga reebay mas’uuliyiintii lagu qoray hadal jeedinta xafladdii lagu caleemo saaray Madaxweynaha cusub ee Puntland Siciid Cabdullahi Deni, kadib codsi ka yimid dowladda federaalka. Cabdiraxmaan waxa uu ka mid ahaa siyaasiyiintii xiisaha gaarka ah u yeelay dhacdadaas maadama ay si weyn isu hayaan dowladda ay hogaamiyaan Farmaajo iyo Xassan Cali Kheyre. Bulshada waxa ay si weyn isha ugu haysay khudbadaha ay jeedin doonaan siyaasiyiinta iyo madaxda is haya sida Madaxweyne Farmaajo, Madaxweynihii hore Xassan Shikeh, Shikeh Shariif iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Madaxda maamul gobolledyada ayaa sidoo kale la sugayey in ay si lab xaaran uga hadlaan waxa la’isku hayo iyo tabashadooda. Hase ahaatee kadib codsi ka yimid dowladda federaalka ah, qaban qaabiyeyaashii xafladda waxa ay liiska hadal jeedinta ka reebeen siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur taas oo noqotay lama filaan. Maxa lagu macneyn karaa in xalay Siyaasiga ka hadli waayo madashada? Sida ay ku warramayaan xogaha laga helayo qaban qaabiyeyaasha xafladda, waxaa la sheegay in Madaxweyne Deni ka codsaday Cabdiraxmaan Cabdishakuur in uusan goobta ka hadlin. Ujeedka codsiga Deni lama xaqiijin balse waxa ay mar walba noqoneysaa godob siyaasadeed oo ay Puntland xalay ka gashay Cabdiraxmaan. Tusaale, Cabdiraxmaan waa siyaasi, hogaamiyaha xisbi, aad uga aragti duwan dowladda, haddii intaas lagu ixtiraami waayey, goormaa la ixtiraami doonaa kala aragti duwanaanshaha? Cabdiraxmaan waxa ay dowladda ka tirsanaan gabood fal iyada lagu weeraray hoygiisa, laga laayey askar, ma loo quuri waayey hambalyo ku soo koob hadal jeedintaada? Waxaa meesha ku jirta in lagu doodi karo siyaasiyiin kale oo madasha joogay oo aan sidiisa oo kale hadlin, laakiin xisaabta halagu darso, dhammaantood ma lahayn miisaankiisa marka la eego sida gaarka ah ee ay isaga dowladda isu hayaan. Puntland waxaa xalay oo dhan lagu amaanayey ilbaxnimo siyaasadeed, xukun isu dhiib, siyaasad dagan oo intaba run ah, hase yeeshee waxaa ka hoos baxday in siyaasi Soomaaliyeed oo u soo duulay maamuuskooda looga hiiliyo rag ay is hayaann. TALO – waxaan ku boorinaya dowladda, haddii ay xalay ku guuleysatay maareynta iyo xakameynta xafladdii caleemo saarka, yeysan u qaadan guul balse ha sameyso madallo kaftan oo ay si fur cadi leh ugu doodaan iyaga iyo kuwa ka aragtida duwan – taas ma noqon doonto guuldarro balse waxa ay ka hortagi doontaa godobta siyaasadeed ee cimrigeedu gaaban yahay. Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  8. Jilib (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa magaalada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe kusoo bandhigtay gaadiid dagaal iyo hub ay sheegtay inay kusoo qabsatay weerarkii baar Sanguuni. Shir Jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Jilib ee Jubbada Dhexe ayuu Sheekh Max’med Abuu Cabdalla oo ah guddoomiyaha Shabaab ee Jubbooyinka wuxuu warbaahinta ugusoo bandhigay saanado hub ah. Waxyaabaha lasoo bandhigay waxaa kamid ahaa gaari Cabdi Bile ah, qoryo gacmeedyo, Baasuukayaal iyo agabyo kale oo meiliteri. Al-Shabaab ayaa horey u sheegtay in ay si buuxda ula wareegeen xerada, ayna halkaas ku dileen ugu yaraan 41 askari ka hor inta aysan kasoo tagin.
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay dhiseyso waddo isku xirta saldhigyada ay ku leeyihiin bariga Africa gaar ahaan Shabeelaha Hoose iyo dalka Jabuuti. Wasaaradda Gaashaandhiga Mareykanka ayaa shaacisay mashruuca dhismaha wadada isku xireysa garoonka ay ku leeyihiin dalka Jabuuti iyo garoonka ciidamada cirka Soomaaliya ee Bali doogle. Wadadaan ayaa la shaaciyay inay mari doonto dhulka ismaamulka Soomaalida Ethiopia, waxaana wasaaradda Difaaca Mareykanka ay shaacisay in loogu talo galay inay adeegsadaan ciidamada ku sugan saldhigyada Mareykanka ee Jabuuti iyo Soomaaliya. Mashruuca dhismaha wadadaasi ayaa la sheegay inay qaadatay shirkad laga leeyahay dalka Mareykanka gaar ahaan shirkad fadhigeedu yahay gobolka Virginia ee dalka Mareykanka. Wadada ayaa sida lagu soo bandhigay qoraalka waxay dhexmareysaa meelo badan oo halis ah oo Al shabaab ay maamulaan, goobo ay maleeshiyaad hubeysan ku xoogan yihiin iyo dhul soohdin ahaan ugu murunsan yihiin Ethiopia iyo Soomaaliya. Wadadaasi ayaa sida qorshaha uu yahay in Soomaaliya dhexdeeda lagu bixiyo dhaqaalo gaaraya 75 Milyan oo doolar, waxaana Mareykanka doonayaa inuu kaga maarmo sahayda ciidamada ka jooga garoonka oo diyaarado loogu geeyo. Wargeyska Foreing Policy oo warbixintaan qoray wuxuu sheegayaan in Mareykanka uu doonayo in wadadaasi ka leeyahay ujeedo ah inuu ku dhimo awooda ciidamada China ee bariga Africa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Qoraalkani waa dhaliil, Baraarujin & Talo ku socota: Ku sime Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar, Dowlad Deegaanka Soomalida Itoobiya. Gabi ahaan Soomaalidu gaar ahaan Shacabka Deegaanku iyagoon u kala hadhin waxay si buuxda oon sakati iyo laalaabasho toona lahayn gacmo furan ku soo dhaweeyeen magacaabistii Ku Sime Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar. Waxaa la yidhi : Dad iyo Duurba wax aadan ka fileynin baa kaaga soo baxa. Aad bey ugu hanweynaayeen, waxaaney naawilayeen in KSM Mustafe uu yahay shakhsi waayo aragnimo ku filan u leh in uu hogaamiyo Deegaanka waqtigan kala guurka ah ee isbadalka cusubi ku yimid Taliska sare ee Dalkan Itoobiya oo uu Maamul ahaan hoos tago. Aniguna sidaas oo kale waxaan aaminsanaa in Deegaanka Soomaalidu aad u nasiib badanyahay oo mar hadii iktiyaarka iyo xulashada Cidda Hogaamineysaa aaney gacanta Soomaalida ku jirin, loo dooray Shakhsi u qalma kuna haboon Xilka loo magacaabay. Waxaan aaminsanaa in Mustafe oy u dhantahay Qiyamkii, Akhlaaqdii, Aqoontii iyo Khibradday u baahneyd Hogaaminta Caafimaadka qabta oo lagu daray Duruufihii qalafsanaa, Tiiraaanyadii iyo Xanuunkii la soo darsay isaga iyo Qoyskiisaba uu yahay Shakhsi dareemi kara dhabaatada xog ogaalna u ah baahida loo qabey in Deegaanku helo Hogaamiye Daacad ah, gurmad deg-deg ah iyo badbaado uu kaga gudbo waqtiga adag ee uu ku jiray. Waxaan aaminsanaa in waayo aragnimadiisa maamul iyo maareynta howlaha Bani aadanimada ee uu in badan ku soo shaqeeyey sida (Save the Children, WFP & OCHA) ay ka caawin doonto in uu noqdo Shakhsi leh Sifooyin Hogaamiye bisil oo ka sarreya heer Deegaan iyo heer Dal labadaba oo gaadhsiisan heer caalami sidaa daraadeed uu Deegaanka u horseedi karo horumar dhankastaba isagoo mudnaanta kowaad siinaya si deg-deg ahna wax uga qabanaya arrimaha ay ka midka yihiin: Isu soo dhaweynta Dowladda iyo Shacabkeeda (Taageerayaal & Mucaaradba) Sugidda amniga Nafta iyo Hantida Muwaadinka Hanashada iyo dhaadhicinta Dowladnimo si buuxda oo waafaqsan Dastuurka Soo celinta adeeg bixinta Dowladda Sugidda sareynta sharciga, Cadaaladda iyo Sinaanta Ka dibna ay toos (Automatic) u soo raacaan dib u soo celinta: Adeega Bulshada (Dhamaantii). Dib u heshiisiinta. Daryeelka Dhalaanka, Waayeelka, Agoonta iyo Naafada. Jaangownta Dhaqaalaha. Dib u dhiska iwm. Iyadoo Ballan oofinta iyo Go’aan adag qaadashadu ay ka mid yihiin sifooyinka ama calaamadaha ugu muhiimsan ee uu leedahay Hogaamiyaha wanaagsani, ayaan filayey in uu Mustafe ka dhabeeyo Ballamihiisii quruxda badnaa iyo Hadaladiisii macaanaa, noqdana #Kagaamiga Soomaali Galbeed Samatabixin kara. Ma fileynin in uu noqdo #Kala_Gure, #Guruub_gaar_leh Deegaanka ka lumiya waqti kale oo qaali ah. Ma fileynin in uu Shacabka qayb ka mid ah raarta gashado isagoon ku xulan Caqli, Aqoon, Waayo aragnimo, Karti iyo Xirfadkale toona oo uu #Masaasado Dhaqaale, Qandraasyo & Hantidii qaranka ah afka u galiyo, inta kalena uu dibadda kaga dhaqaaqo isagoo Horboodayaashooda aan bisleyn ku maaweelinaya oo afka u galinaya #Kaddaabado (Masaasadaha Carruurta lagu aamusiiyo ee beenta ah) iyo Ballamo aan jirin. Waxaa la yidhi : Aakhiro seeg mooyee, Aar walaal ma noqdo. Cafisku Diinteena Islaamku waxay ina bareysaa in uu yahay furaha aad ku gaadhi karto Guul aduunyo iyo mid aakhiro labadaba. Aargoosigana waxay Culimada Cilmaanigu ku macneeyeen sida Dhamac kuluul ood gacantaada ku qaadeyso si aad ugu tuurtid ama ugu dhufatid Cidda aad ka aargoosaneysid. Taana weynu garan karnaa dhibka Naftaada aad gaadhsiineysid inta aanad Dhamacda gaadhsiin halkaad ku waddey. Saxaabi Maalqabeen ahaa aadna u awood badnaa Ilaahey baa awood lehe oola odhan jirey #Qays ibnu Caasim (Ilaahey ha ka raali noqdee) ayaa isagoo Saaxiibadii iyo Tolkii dhex fadhiya loo keenay Meydka Wiil uu dhalay oo uu aad u jeclaa iyo Ninkii dilay oo la soo qabtay oo xidh-xidhan. Wuxuu yidhi Ninkan wiilkeyga dilay waad ka nixiseene xadhiga ka fura, iskana sii daaya waan cafiyey eh. Meydkana Janaasad lagu tukado iyo Aas u diyaariya. Hooyadiina Magtii wiilkeeda xoolahayga ka siiya. Anigana ii duceeya. Waxaan aaminsanaa in Mustafe mudnaanta Koowaad siin doono is Cafinta guud ee Shacabka Deegaanka isaguna uu sidii Hogaamiyaha Ruwaandha #Paul_Kagame noqn doono ka u horeeya ee Cid walba cafiya, Bulshadiisana ugu baaqa kuna dhiiri galiya in ay ku daydaan ooy is wada cafiyaan. Anigoo shakhsiyan aad uga xun Dilkii loo geystay Walaalkeen (AHUN) Marxuum Faysal M. Cumar hadana waxaan aad ugu hanweynaa in Mudane Mustafe uu walaalkii ka samri doono una samri doono Aakhiradiisa, danta guud ee Deegaanka iyo Dadkiisa una cafiyi doono Cid kasta oo uu aaminsanaa in ay ka dambeysay Falkaa Argagixisnimo ee walaakii iyo #Boqolaal kaleba lagu dilay, ama Dowladi (Mid Deegaan & Mid Federaal) ha disho ama ONLF ha disho ama cid kaleba ha dishee. Taariikhda waxaynu ka baranay in Hogaamiye kasta oo guul gaadhey uu ku gaadhey Lataliyeyaal Wanaagsan. Mid kasta oo guuldareystayna ay ugu wacnaayeen Lataliteyaashiisa oo karkaarka weydaariyey. KSM Mustafe wey u dhamaayeen (Sida aan filayo) sifooyinkii Hogaamiyaha Wanaagsan ee u suurogalin karey in uu qaato go’aan adag oo uu ku cafiyo Cid walba. Waxaanse eeda saarayaa oo Fursadaa Mustafe dhaafiyey isagoo u nuglaaday Talo Xumayaal aanuu marka horeba ku xulan Caqli, Aqoon, Waayo aragnimo iyo Karti toona oo hab kaloo guracan badankoodu ugu soo xoomeen isaguna uu iska garan waayey kana ilduufay. Waxay dhegta hoosteeda kaga turqeen Irbad Maskaxda qaybta Afkaarta wacan, Wadaninimada iyo Cadaaladda kabuubyeysa oo Jiffeysan ama Seediyeysan. Waxaan qabaa hadii Mustafe ku soo xulan lahaa Lataliyeyaashiisa #Soomaalinimo iyo sifooyinkii kale ee uu ku xulan jirey Shaqaalihiisii OCHA in aanuu ka gaabiyeen heerka ay Dadkiisu ka filayeen. Waxaan qabaa in aanuu marnaba si caam ah (Public) uga hadleen Bulshadana ula wadaageen Xuska Sanad Guurada Dilkii Walaakii ee uu badalkeeda Shacabka u horseedi lahaa is Cafis guud oo uu Hormuud ka yahay. Waxaa la yidhi : Dhidar Xabaalo qodaa qudhun buu uga dhaadhacaa. Waxaan aaminsanaa in KSM Mustafe uu la iman doono Dulqaad, Barnaamij Siyaasadeed oo hufan iyo Hadaf qorsheysan oo uu Shacabka isugu soo dhaweeyo, Xurguftii iyo Mad-madowgii soo kala dhex galayna uu meesha ka saari doono. Ma fileynin in aan arko Mustafe iyo Dowladiisii oo dhan, Qurbo joogtii Deegaanka timid iyo Maxaabiistii Jeel Ogaadeen ka soo baxday oo dhamaantood ku mashquulsan Siyaasadeynta, soo Faqidda lafaha, Daawashada, Dalxiiska iyo isku sawirka Qubuuro dad Muslim ahi ku aasanyihiin. Arrintaasi in ay boogo bogsanayey damaqdo oo qudhun looga dhaadhaco mooyee wax #Kigaameyn ah ama wanaag ah oo marka la eego halka aynu taaganahay iyo halka aynu hiigsaneyno laga faa’iidayo garan waayey anigu, waqti iyo dhaqaale lumis mooyee. Waxaanse ogahay in Talo xumada iyo waqtiga qaaliga ah ee lagu lumiyey Xabaalo Qodidda iyo Ceebo uruurintu uu yahay ka manta kaalintiisii uu Mustafe tabayo ee aadka u wiiqay Hogaan wanaagii aan ka filayey iyo Diirad weyn oon jeclaa in uu goor hore si deg-deg ah ugu eego Xubnihii uu ugu yimid Talada Xisbiga iyo Dowladda uu dhaxlay. Waxaa kaloo la yidhi : Gees Lo’aad kuleylkaa lagu gooyaa. Waxaan aaminsanaa in Mudane Mustafe uu ahmiyad weyn siin doono hirgalinta qodobada kor ku xusan kuwooda ugu muhiimsan sida in uu si buuxda u hanto Dowladnimada loo Xil saarey isagoo taageero buuxda ka haystay Dowladda dhexe laamaheeda kala duwan. Waxaan aaminsanaa (Inta Geesku kuluulyahay) isagoo aan Cidna waxba yeelin in uu deg-deg Cafis Guud (Oyna ku jirin Hantida la kala dhacay ee cadeymaha leh) u fidin doono Xubnihii Dowladii uu dhaxlay (Iyaguna aan hubo in ay sidaa Abaal ku qabeen) hadaanba wax loo raacayn sidaana uu ku unko Dowlad Badbaado Qaran ah oo ka kooban Soomaali Galbeed dhamaantood oy ka dhaxeyso wada shaqayn hadafkeedu yahay in si Daacad ah Dalka iyo Dadkiisa loogu adeego iyadoon Qalad – Qalad ku sixin. Waxaan aaminsanaa in uu la iman doono Qorshe iyo Siyaasad Dastuurka waafaqsan oo uu si deg-deg ah ugu wiiqi karo awooda Ninka ay maanta is qabteen iyo Xulufadiisa. Ma fileynin in uu arrinta maanta soo gaadhsiiyo oo uu halkiisa ku sugo Fursadna siiyo intay Xubnihii hore ee Xisbiga iyo Gudoomiyahoodu Koomada ka baxayaan dibna isu abaabulayaan. Waxaa la yidhi : Balaayo Daan la qabto ayey leedahay ee Dabo la qabto malaha. Ma fileynin in uu Mustafe waqtigiisa inta badan ku lumiyo waxyaabihii uu ku eedeynayey Nidaamkii ka horeeyey sida Dacaayadaha, Faanka iyo soo uruurinta iyo baahinta Ceebihii iyo Dhibaatooyinkii Deegaanku soo maray. Ma fileynin in Dhalinyaradii taageertay ee Ku faraxdey Magacaabistiisii sida diiranna u soo dhaweysay uu Meydkooda wadhi doono isagoon 3 biloodba dhameysan Magaaladda dhexdeeda isagoo adeegsanaya Xubnihii Dowladii hore iyo isla Ciidankii uu ku eedeynayey in ay ka dambeeyeen Dilka Walaalkii iyo inta badan Lafaha Walaalada kale ee uu ka soo qufay Qubuuraha. Ma fileynin in Gacan ku dhiiglayaashii intuu Hogaanka Deegaanka hayey Maatada xasuuqay ay si xorriyad leh u difaacaan isaga iyo kuwuu ku soo uruursaday Madaxtooyadu, Dhibanayaashiina laga dhigo wax la xidho, wax la jidhdilo iyo wax Xilalkay hayeen si awood sheegasho ah looga qaado. Ma fileynin Dhibkii uu lahaa waa nalagu hayaa in uu isna markiisa Dadka ku hayn doono. Ma fileynin in Ehelada iyo Qaraabada Madaxdii Nidaamkii hore uu si gaar ah u beegsado, Xidh-xidho ama Jidhdilo iyagoo wax dambi ah oy galabsadeen aaney jirin. Ma filaynin in xubnihii Dowladii hore uu qaarkood iyagana si gaar ah u beegsado, Guryahooda iyo Maatadoodana gaba-gabeeyo, qaarkood kalena uu indhaha ka qarsado. Ma fileynin indhaha haba ka qarsadee in uu sii dalacsiin doono jagooyin Cusbna u magacaabi doono oo ah waxyaabaha maanta aadka u wiiqay Cumcaddiisa iyo awoodiisa, marka la tago tayo xumada Lataliyeyaashiisa. Ma filaynin haba sii dalacsiiyee in uu goor ay Xeedho iyo Fandhaal kala dhaceen soo baraarugi doono oo uu xidh-xidhi doono iyagoo aan maanta lagu tilmaami Karin in ay yihiin Wasiirro ka tirsanaa Xukuumaddii hore, waayo waxay ku dambeeyeen oy haatan ahaayeen Xubnaha ugu fir-fircoon ee uu Xukuumadiisa Mustafe u xushey Xilalkii u muhiimsanaana ku aaminey. Waxaa la yidhi : Nabsi bil ha jiro boqolse ha jiro, isha baalkeeda ka dhow. KSM Mustafe, waan ka xumahay in aadan helin Lataliyeyaal wanaagsan iyo Taageerayaal ku dhaliili kara, Sawiradaada oy kala badalaan iyo Viva Halyey Mustafe oy meelahaa ku xar-xariiqaan mooyee. Waan ka xumahay kuwii aad umadda ka soo dhaweysatey in ay noqdaan kuwo Sacabka kuu garaaca oo waqtigaagii qaaliga ahaa kaaga lumiyey Ammaan, Xabaalo Qod iyo Nidaamkii hore oo la caayo. Waan ka xumahay in kuwaad Raarta gashatay eed Malqaacadda dahabiga ah ku quudineysay dhiggoodii ka qiimo badnaana Cidlada kaga dhaqaaqday ay adigii maanta dib kuu raamsanayaan Dibindaabyadaaduna laabtooda ku dawaarsantahey. Waxaanse aad ugu faraxsanahay in aan arko kuwaad shalay si walba u gacan bidixeysay ee V8 kii aad qaybisay la dul marinayey, oo maanta Cadowgaaga kala duwan kaa difaacaya. Waxaan ku faraxsanahay in ay yihiin kuwa maanta Af iyo Adinba kula garab taagan ee kaa caabiyaya Cadowgaaga ka soo kallahaya ama usoo kallahaya Xafiiskaaga iyo Hoygaaga Madaxtooyada. Waxaan ku faraxsanahay in kuwaad kafankooda toleysay ay maanta kabtaada tolayaan, Hiil iyo Hoona aaney waxba kaala hadhin, ilaahay ka sokowna ay sabab u noqdeen in aad kaga badbaado Hogga Aakhiro wax yar ka sokeeya ee laguu qoolay. Waxaa kale oo la yidhi: Walaalkaa u hiili marka laga gardaranyahey, Marka uu gardaranyaheyna u hiili oo Qaladkiisa u sheeg kana qabo. KSM Mustafe, Waxaan aaminsanahay in aad faa’idey aqoon iyo waayo aragnimo kugu filan oy Suntii iyo Fikraddii dalabta lahayd ee qadaadka lagaaga turqey hadda dhiigaaga iyo maskaxdaada ka meydhantay oon War-xumo Tashiil dambe iyo Nin Yurub iyo Mareykan deyn kaga soo dhoofay ku fooftan habaabin doonin. Ha la tashan Nin aad Jiffo uun wadaagtaan aseydaan aqoon, mabda’ iyo waayo aragnimo kale toona aydaan wadaagin isku Darajona (Level) aydaan ahayn. Waxaan rajeynayaa in qoraalkeygan aad u qaadandoonto siduu yahay iyo baraarujin iyo dhanka wanaagsan oo aanuu ku baalmari doonin. Waxaa la yidhi : Talada wanaagsan adigaa ku nool ee iyadu kuguma noola Horaad u talo xumeysatee, intaad hogaan Deegaanka hayso (Ilaahay ha kugu asturee) Xasuusnow Rag Gogoshii waa Cadaalad iyo Sinnaan eegaba la kaalay oo Soomaali Galbeed oon kala gurneyn meel isugu keen. It is never too late for a new beginning. Mindida daabkeedii gacantaadey ku jirtaa, waarina meyside War wanaagsani ha kaa hadho. KSM Mustafe, Guul & Horumar dhankastaba ah ood Deegaanka gaadhsiiso ayaan kuu rajeynayaa. W/Q: Ahmed Qadhabo ahmedqadhabo@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  11. Waxaa tacsi loo dirayaa dhamaan Ilma Maxamed Ahmed Bayir geerida ku timid Aabahood Alla ha u naxariistee Maxamed Axmed Baayir oo maanta ku geeriyooday Minnesota [...] Source
  12. Muqdisho (Sh.M.Network) – Akhristayaasha xiran website-keena waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Bar___-Qubanaha-Wararka-Shabelle-27012019.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  13. Muqdisho (Sh.M.Network) – Ra’iisul Wasaaraha dalka, Xasan Cali Khayre, ayaa kulan gaar ah la yeeshay qaar kamid ah howlwadeena xafiiskiisa. Wasiirka koowaad ee xukuumada Federaalka oo khudbad uu kaga hadlay arrimo ujeediyay shaqaalaha ayaa kula dardaarmay hufnaan shaqo. Mr Khayre ayaa carabka ku adkeeyay in dowlada ay ka go’an tahay in shaqaalaha dowlada ay mushaarkooda u helaan si joogto ah. Ugu dambeyntii, Ra’iisul wasaaraha ayaa ku booriyay xubnaha ka howlgala xafiiskiisa inay si dhow u wada shaqeeyaan, ayna tusaale u noqdaan shaqaalaha kale ee dowlada. The post RW Khayre oo la kulmay howlwadeenada xafiiskiisa appeared first on Shabelle. View the full article
  14. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo 9 bishii December ee 2018-kii kormeer ku tagay cisbitaal guud ee magaalada Hargeysa ayaa waxa uu wacad ku maray in wasiiradda xukuumaddiisu marka ay xannuustaan la dhigi doono cisbitaal, waxaanu dadka reer Somaliland ugu baaqay inay aaminaan cisbitaalka dawladda. Madaxweyne Muuse Biixi oo maalintaas ay hadalkiisa ka muuqatay qiiro badan ayaa waxa uu sheegay in aanay dadka reer Somaliland aaminsanay dhakhtarka weyn ee Hargeysa in lagu daweeyo iyo in caafimaadkooda lagu baadho. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu sheegay in wasiirrradiisa oo ugu horreeyo wasiirka caafimaadku uu ku amrayo in la dhigo cisbitaalka weyn ee Hargeysa waxaanu yidhi “wasiirrada baasaabooradda sita, oo uu ugu horreeyo wasiirka caafimaadka oo reer Ingiriis ah waxaan ku amrayaa marka ay xanuustaan (bukoodaan) dhakhtarkaa weyn ayaa la dhigayaa, madaxweynuhu marka uu bukoodo waa lala cararayaa waa in aynu inagu iska bilownaa haddii kale dadku ma aaminayaan…” ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi Madaxweyne Muuse Biixi ayaa bookhasho ugu tagay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland, Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf oo xaalad caafimaad loo dhigay Cusbitaalka Hal-door ee Caasimada Hargeysa. Dadka baraha bulshada wax ku qora ayaa si weyn u qaadaa dhigayay hadalkii uu bil ka hor jeediyay Madaxweyne Muuse Biixi iyo booqashadiisa maanta ee wasiirka caafimaadka oo la dhigay cisbitaal gaar loo leeyahay ee hore u dhaleeceeyay Madaxweynuhu. Source
  15. Garoowe (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo u waramay Radio Daljir ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku saabsan loolanka isaga iyo dowladda dhexe. Waxa uu sheegay in khudbaddii uu ka jeedin lahaa caleemo-saarka madaxweynaha Puntland ay ahayd dood taagan laba maalmood, oo u dhaxeysa dowladda dhexe iyo Puntland, kadibna isaga uu go’aansaday inuu ka tanaasulo khudbaddiisa. Waxa uu sheegay in ka sokow khudbaddiisa xitaa casuumaddiisa ay noqotay arrin ay dowladda dhexe dagaal xooggan uga gashay inay joojiso balse ay guul-darreysatay. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa dhinaca kale sheegay in sababta mar walba ay dowladdu u beegsato, doorkii uu ku lahaa in la rido Farmaajo sannadkii 2011 markii uu ahaa Raysal Wasaaraha dalka, ciilqabkii Farmaajo ee ‘Kampala Accord’ iyo qodobo kale oo xaasaasi ah. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa beeniyey in uu wax xiriir hoose ah la leeyahay dowlado shisheeye, waxa uuna ku tilmaamay in ay yihiin eedaymo lagu bannaysanayo xadgudubkiisa iyo dhaawaca karaamadiisa. Hoos ka daawo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
  16. Muqdisho (Sh.M.Network) – Fahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya muwaadin udhashay dalka Ingiriiska oo lagu dhaawacay xabsiga dhexe ee Muqdisho. Illo wareedyo ayaa tilmaamaya in ninkaan ajnabiga ah oo lagu magacaabo Antony Thomas ay dhaawaceen rag ku eedaysan inay ka tirsan yihiin Daacish. Wararka ayaa tibaaxaya in xubnaha ku eedaysan Daacishnimada ay dhibaateynta Thomas u adeegsadeen Sakiin ay waxyeelo uga geysteen qoorta. Xaalada caafimaadka ee maxbuuska ayaa lasoo sheegayaa inay tahay mid haatan kasoo fiicnaaneyso sidii hore, ayna la tacaalayaa dhaqaatiirta. Antony Thomas oo xabsiga dhexe ee Muqdisho la digay todobaadkii hore ayaa ku eedaysan inuu khal-khal geliyay amniga qaranka kadib markii lagu qabtay garoonka diyaaradaha caasimaada isaga oo sitay walxo laga shakiyay. Kadib baaritaan ay ku sameeyeen laamaha amaanka ee dowlada, waxaa lagu ogaaday in waxa la tuhmay ay ahaayeen qalabka loo adeegsado Sunta dadka ka ilmeysiisa. Illaa iyo haatan ma jiro wax war ah oo ku saabsan dhaawaca muwaadinkaan reer Britain, islamarkaana ah eedaysane, oo kasoo baxay dowlada Federaalka ah ama maamulka xabsiga dhexe ee magaala madaxda dalka. The post Muwaadin British ah oo lagu dhaawacay xabsiga dhexe ee Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  17. (SLT-Hargeysa)-Siyaasi Cabdillaahi Jawaan Oo Naqdiyay Guddi Uu Madaxweyne Muuse Biixi U Magacaabay Saami-qaybsiga, Halkan hoose ka DAAWO Source
  18. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle eek u taxan website-keena waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Habeen-27012019-Sax.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacada Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  19. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Wakiillada Oo Sheegay In Xidhiidh Ganacsi Uu Ka Dhexeeyo Mas’uuliyiin Ka Tirsan Xisbiga KULMIYE Iyo Madaxweynaha Maamulka Puntland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  20. (SLT-Hargeysa)-Sarkaal sare oo ka tirsan millatariga dalka Venezuela ayaa ku dhawaaqay inuu ka baxsaday dowladda madaxweyne Nicolas Maduro, isla markaana uu hogaamiyaha mucaaradka Juan Guaido u aqoonsaday madaxweyne. Colonel Jose Luis Silva ayaa ahaa u qeybsanaha dhinaca millatariga ee safaaradda Venezuella ay ku leedahay magaaladan Washington. Muuqaal Video ah oo Sabtidi shalay uu baahiyay ayuu Colonel Silva ugu baaqay ciidanka qalabka in madaxweynaha Venezuella ay u aqoonsadaan Juan Guaido . Arrintaan ayaa sii kordhineysa cadaadiska siyaasadeed ee dalalka reer galbeedka ku hayaan madaxweyne Nicolas Maduro ee ay qaarkood uga dalbanayaan in uu sameeyo doorasho waqtigeedi kasoo hormartay. Halka qaar kale oo uu Mareykanka ugu horreeyo ay aqoonsadeen hogaamiyaha mucaaradka inuu yahay madaxweynaha waddanka. Ruushka, Shiinaha iyo Turkey ayaa iyaguna garab istaagay madaxweyne Nicolas Maduro. Source