-
Content Count
212,105 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (PP) ─ Ciidanka Kumaandoosta Somalia oo taageero ka helaya ciidamada Mareykan ayaa Hawl-galo qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan Gobolka Shabellaha Hoose, gaar ahaan deegaanno hoos-yimaada Janaale. Deegaannada hawl-galka laga fuliyay ayaa waxay kala yihiin; Baladul-amiin iyo Hanti-wadaag, waxaana saraakiisha ciidamadu ay sheegeen inay halkaas ku burburiyeen saldhigyo ay Al-shabaab lahayd, ayna dileen saraakiil ajnabi ah oo ka tisranaa kooxda iyo kuwo Soomaali ah. “Saldhigyadan waxaan ku dilnay ku dhawaad 85 xubnood oo Al-shabaab ka tirsan, kuwasoo ay ku jireen saraakiil isugu jiray Somali iyo ajaabin ka bar-bar dagaalami jiray Al-shabaab,” ayay saraakiisha kumaandoosta Somalia u sheegeen warbaahinta. Xubnaha Ajaanibta ah ee Al-shabaab ka tirsanaa ee hawlgalkan lagu dilay ayay saraakiisha kumaandoosta Somalia ku sheegeen magacyadooda; Abuu Xamsa Bin Shaam oo u dhashay Masar, kaasoo u qaabilsanaa tababbarrada, Aweys Abu Xamza Almifsali oo u dahshay dalka Tanzania, Abu Bilaal Zubeyr oo haysta dhalashada Mauritania, horay u soo noqday ku xigeenka Ibraahim Afgan, Aadan Abuu Musiyaan oo u dashay Suuriya iyo Feysal Bin hayaan oo u dhashay dalka Yaman. Dhanka kale, Saraakiisha ciidamada gaarka ah ee Somalia ayaa sheegay in saldhigyada ay weerarka la beegsadeen ay ahaayeen xarumo lagu tababaro xoogagga Al-shabaab, isla markaana weerarada laga soo abaabuli jiray. Ururka Al-shabaab ayaan weli ka hadlin hadalka kasoo baxay kumaandoosta Somalia ee ah in la dilay tiro ka tirsanaa xoogaggooda oo ajaanib iyo Somali isugu jiray. Ugu dambeyn, Al-shabaab oo ka tirsan deegaanno ballaaran oo ku yaalla Koonfurta Somalia ayaa dhawr jeer oo hore weerarro noocan oo kale ah lagula beegsaday deegaannadooda, inkastoo sannadkii hore ay dileen laba ka mid ah ciidamada Mareykanka ooh awl-gallo noocan oo kale ah fulinayay. PUNTLAND POST The post Dowladda Somalia oo Shaacisay in ay Dileen Xubno Ajaanib ah oo ka tirsanaa Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
-
Wararka ka imaanaya deegaanka Kalabayr ee gobolka Bari, ayaa sheegaya, in ciidamada Puntland ee halkaasi ku sugan ay gacanta ku dhigeen, koox hubaysan oo caawo gaari rakaab ku rasaaseeyay buundada Goxosh oo u dhexaysa tuulooyinka Laag iyo Kalabayr ee gobolka Bari. Hal qof ayaa ku dhintay, mid kalena waa ku dhaawacmay, rasaasta ay kooxda hubaysan ku weerartay gaariga oo dad shacab ah saarnaayeen,sida uu Puntland Post u xaqiijiyay sarkaal ka tirsan ciidamada ku sugan deegaanka Kalabayr. Kooxda hubaysan oo ka koobnaa 4 nin, ayaa mid kamid ah ku dhintay hawlgalka. Saddexdii kale ayaa ciidamadu nolosha ku qabteen,waxana haatan ku socda baaritaan. PUNTLAND POST The post Ciidamada Puntland oo soo qabtay koox weerar ka geystay gobolka Bari appeared first on Puntland Post.
-
“Waxaa jira dagaal xoog leh oo dibadda innagaga socda oo loogu talogalay in bulshada Somaliland lagu majaro-habaabiyo, oo dawladeedda lagaga horkeenno” (SLT-Hargeysa)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, Md. C/raxmaan C/laahi Faarax (Guri-barwaaqo), ayaa sheegay in uu jiro dagaal xoog leh oo Somaliland dhinaca dibadda kaga socda, kaasoo ay soo abaabulayso dawladda Itaalka daran ee Muqdisho. Waxaanu tilmaamay in barnaamijka loo yaqaano is-dhexgalka bulshaddu uu yahay mid la doonayo in lagu majaro-habaabiyo ummadda reer Somaliland, isla markaana la iskaga horkeenayo dawladda Somaliland iyo shacabkeedda. Wasiir Guri-barwaaqo, waxa uu sheegay in xukuumadda Somaliland ay il gaar kula socoto cid kastoo arrintaasi ka danbeysa ama ku lug leh, waxaanu xusay in aan loo dul qaadan doonin in shaqsiyaad Somaliland ku dhex nooli ay Somaliland uga dhex ololeeyaan Soomaaliya. Wasiirka Warfaafinta oo shalay shir jaraa’id ku qabtay xafiiska isgaadhsiinta ee Wasaaradda, waxa kaloo uu ka hadlay safar uu dhawaan ku tegay dalka Ingiriiska, waxaanu sheegay in warkii la xidhiidhay kulankii uu la yeeshay ergayga ay dawladda Ingiriisku u soo magacawday Somaliland la majaro-habaabiyey. Waxaanu wasiir Guri-barwaaqo tilmaamay in warbaahinta madax banaan ay si qaldan u turjumeen hadalkiisii uu ka sheegay TV-ga qaranka ee kulankii uuLondon kula yeeshay ergayga UK u soo magacowday Somaliland. “Waxaa jira dagaal xoog leh oo dibadda innagaga socda arrinta loo yaqaano is-dhexgalka bulshada, waa arrin loogu talogalay in bulshada Somaliland lagu majaro-habaabiyo, oo dawladeedda lagaga horkeenno. Haddaba, haddii ay taasi jirtay, dawladdu indho Qudhaanjo ayey leedahay, waanay og tahay hadduu TV yahay, hadduu Wargeys yahay, hadduu yahay nin madax ah, haddii uu yahay nin ganacsade, cid alla cidda ku xidhan Xamar dawladdu way og tahay. Sannadkan cusub, waxaa loo kala baxayaa Somalilander iyo Somaliland diid. Markaa ninkii aan Somaliland Hunguri ka qabin ama aan ku kalsoonaynoow, Xamar way kuu bannaan tahay. Hase yeeshee lagaa yeeli maayo in aad isku dirto bulshada reer Somaliland, kana shaqeysato, isla markaana aad naxli kala dhex dhigto bulshada reer Somaliland,”ayuu yidhi Wasiirka Warfaafintu. Sidoo kale C/raxmaan Guri-barwaaqo, ayaa farriin adag u diray qaybaha kala duwan ee Warbaahinta madaxa bannaan ee Somaliland, waxaanu yidhi; “Waxaan TV-yada iyo Wargeysyadda dhammaantood, waxaan ku boorinayaa in ay aqoontooda Af-Soomaaliga iyo ka shisheeyaha ah ee ay wax ka soo hal tebinayaanba ay bartaan. Hal-tebintu waa aqoon jaamacado loo galo. Maaha aqoon inta lagu riyaaqo dabadeedna la iska qoro. Eray kasta eraygiisa iyo aragti kasta aragtideedda siday afkaa ugu dhigan tahay haddii aanad aqoonin, fadlan waxba ha hal-tebinin.” Geesta kale, Wasiirku waxa uu faahfaahin ka bixiyay safarkii uu dhawaan ku tegay dalka Ingiriiska iyo kulankii uu la yeeshay ergayga ay dawladda Britain u soo magacowday Somaliland. “Socdaalkaygii aan toddobaadkii hore ugu maqnaa dalka Ingiriiska, wixii soo qabsoomay iyo wixii aan la kulmay intaba waxa laga sii daayay warbaahinta qaranka, hase yeeshee markii ay arrintaasi warbaahinta madaxa bannaan qaadatay siyaabo kale ayaa loo dhigay. Waxaa la yidhi ‘wuxuu la kulmay safiirkii loo soo magacaabay Somaliland iyo eray bixin qaldan oo la adeegsaday oo aheyd ‘ergaygii’. Waxaan dadweynaha u sheegayaa labadaa eray in aanay aniga afkayga ka soo bixin. Erayga safiir waa Carabi, af-Soomaaliga-na waa danjire. Markaa anigu ma odhan danjire ayaan la kulmay. Qofkii haya in aan eraygaa idhi bannaanka ha soo dhigo. Erayga ‘ergay’, Af-Ingiriisiga waa ‘envoy’. Kaasna maan adeegsan. Ninkii igu beeninayaa ha yimaado hortayda. Erayga aan adeegsaday waa u qaybsane, ama u qaabilsane, waxaanu la mid yahay erayga af- Ingiriisiga ah ee Representative.” “Maalintii aan London ka soo baxay kadib, ninkii aan la kulmay wuxuu la shiray bulshada reer Somaliland ee degan magaalada London, waxaana la yidhi ‘waxba lama magacaabin’ haddaba; haddii aan ninkaasi la magacaabin muxuu bulshada Somaliland ee UK ula kulmay? Markaa waxaa halkaa ka muuqata in dhawr arrimood ay ka soo baxeen, oo kala ah in hab-maamuuskii dawladnimo lagu tuntay, oo ay tahay in aan laga been sheegin wasiirrada ama masuuliyiinta dawladda. Warkuna waa in siduu yahay loo sheego. Qoddobka labaad wuxuu yahay in aan erayadda anshaxa ka baxsan warbaahintu adeegsan. Halkaana waxaa ka muuqata aqoon darro xagga xulshada erayada ah in ay meesha ka maqan yihiin. Nin madax ah been buu sheegay waa laga wanaagsan yahay. Haddaba haddii ninkii aan la kulmay uu bulshadii reer Somaliland la kulmay, waxa la buriyey ama la beeniyey muxuu yahay? Waxaa iyana layaab leh, TV-ga Horn Cable oo ka mid ahaa TV-yada aan ugu hanka weynaa in ay labadaas eray ee isku midka ah war ka sameeyeen. Qoraalkii waxaa ku qoran representative, anigana codkaygu wuxuu ku soo baxay u-qaysane, waana isla midkii. Waxa markaa meesha laga saaray ee la beeniyey maxay tahay? Ma laga yabaa hawshan iyo sidan hadalka loo dhigay in ay u jeeddo ka danbayso la doonayo in la iska hor keeno dawladda iyo dadweynaha,”ayuu yidhi Wasiir C/raxmaan Guri-barwaaqo. Waxa kaloo, Wasiirka Warfaafintu ka hadlay xeerka Saxaafadda oo uu sheegay in uu hadda dhammaad ku dhaw yahay, isla markaana marka xeerkaasi la dhammaystiro aanay jiri doonin wax khilaaf ah oo dhex mara warbaahinta iyo Xukuumadda, waxaanu yidhi; “Waxaa meel wanaagsan noo maraya, dhammaad na ku dhaw xeerkii Warbaahinta. Xeerkaasi oo noqon doona mid dhan walba raali geliya, haddii ay tahay warbaahinta madax baNnaan iyo warbaahinta dawladaba. Waa mid noqon doona in aan dib danbe la isku qab-qabsan, ee uu jiro xeer haddii qolo qolo ku gefto lagu kala saarayo. Shaqo ayaa innaga dhexaysa ee nacab kale innagama dhexeeyo dawladda iyo warbaahinta madax bannaan. cid la xidhayaa ma jirto. Hase ahaatee, waxaa jirta maxkamad iyo xeer ina kala saaraya.” Dhinaca kale Wasiir C/raxmaan C/laahi Faarax, oo Weriyeyaashii shirka jaraa’id joogay waydiiyeen su’aal la xidhiidhay in shaqaale ka tirsan wasaaradda warfaafinta ay u shaqo tegeen ama ka hawl galaan warbaahinta madax bannaan gaar ahaana TV-yadda, waxa uga qorshaysan ka wasaarad ahaan, waxaanu ku jawaabay “Wasaaradda warfaafinta lagama yaacayee, waa la Doog dhabanayaa ama waa la cosob sanayaa. Waxaa la rabaa in wasaaradana laga shaqeeyo, meelaha kalena laga shaqeeyo. Waan soo dhaweynayaa ninkii wasaaradda warfaafinta ka tirsan ee waraaq ii soo qora, ee yidhaahda shaqadii waan ka tegay, waayo? Magaalada intaas oo nin oo saxafiyiin ah oo u baahan shaqo ayaa jira. Hase yeeshee, maanta (shalay) laga bilaabo qof keliya oo u shaqeeya Wasaaradda Warfaafinta, oo ka shaqayn kara warbaahin kale oo madax bannaan ma jiri doono. Waxaan halkan u farayaa nin kasta oo Wasaaradda Warfaafinta ka tirsan oo meel kale ka shaqeeya, haddii aanu doonaynin Wasaaradda Warfaafinta, annagu waanu soo dhaweynaynaa, weliba waanu sii sagootiyaynaa, warqadiisana ha noo soo qoro uu kaga tegayay shaqada.Haddii kale ma dhacayso in uu xirfadii iyo aqoontii la geliyay ee dawladu gelisay uu meel kale ugu shaqeeyo. Waa in uu caddaystaa mowqifkiisa.” Wasiirku waxa kaloo uu ka warbixiyay waxyaabihii u qabsoomay Wasaaradiisa kal-hore iyo waxyaabaha u qorshaysan sannadkan cusub ee 2019-ka.Waxaanu sheegay in ay sannadkii hore tayeeyeen qaybaha kala duwan ee Wasaaradda, sida TV-ga, Wakaallada Wararka ee SOLNA oo uu sheegay in ay ku soo kordhiyeen in warside kooban oo la geeyo xafiisyada dawladda. Wasiirku kaloo uu tilmaamay in sanadkan cusub ee 2019-ka ay u qorshaysan tahay sidii loo tayayn lahaa qaybaha kala duwan ee Warbaahinta dawladda gaar ahana TV-ga iyo idaacadda Radio Hargeysa. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Waxa maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Xaashi Cabdi Shiil oo ka mid ahaa aasaasayaashii Golaha Guurtidda Somaliland. OLYMPUS DIGITAL CAMERA Marxuumku waxa uu ka mid ahaa xildhibaannadii Golaha Guurtida ee kaalinta weyn ka qaatay halgankii dib u xoraynta dalka, nabadayntii iyo dawlad dhiskii Somaliland, isaga oo sidoo kalena kaalin weyn ka ciyaaray dedaaladii loogu jiray horumarinta dalka. Xoghayaha Guud ee Golaha Guurtida Somaliland Garyaqaan C/naasir Aaden Beegsi ayaa Wakaalada Wararka ee SOLNA, u sheegay in marxuunku uu ahaa tiir weyn oo ka baxay Golaha Guurtida, isla markaana uu ka mid ahaa xubihii faro ku tiriska ahaa ee lagu aasaasay Golaha Guurtida xilligii halgankii dib u xoraynta dalku uu socday dabayaaqadii Siddeetamaadkii. Geesta kalena, Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Mudane Saleebaan Maxamuud Aaden ayaa qoyska, qaraabada iyo shacbiga Somaliland ka tacsiyadeeyey geerida Marxuun Xildhibaan Xaashi Cabdi Shiil, waxaanu ilaahay uga baryey in uun jannooyinkiisa ku casuumo. Source
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Habeen-13012019.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa Shir Jaraaid oo uu ku qabtay Magaalada Muqdisho wuxuu kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab. Shirkan jaraa’id ayuu Indha-Qarshe ku saxay hadal uu sheegay in si qaldan looga baahiyey. Indha Cadde ayaa horey u amray in bartii lagu qabto lagu toogto xubnaha Shabaabka ah, hase yeeshee wuxuu hadda u muuqdaa inuu hadalkaas dib ula laabtay. General Daahir Aadan Cilmi Indha-Qarshe ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed uu marnaba ku xad gudbi doonin Sharciga u dagsan dalka. Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa tilmaamay in dagaalyahanada ka tirsan Al-Shabaab ee lagu qabto dagaal ama howlgal ay horgeyn doonaan Sharciga. S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indha-Qarshe ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin inuu sheegay in la dili doono raga ka tirsan Al-Shabaab ee lagu qabto Howlgalada Ugu Dambeynti, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa wuxuu xusay in ujeedada Ciidanka Xoogga Dalka uu yahay in ay si adag ula dagalamaan Al-Shabaab, Balse aysan ka tagi doonin sharciga iyo kala dambeynta u dagsan dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Baydhabo)-Maamulka Koofur Galbeed ayaa joojiyay kulan aqoon kororsi ahaa oo lagu waday inuu ka dhaco magaalada Baydhabo, kaasoo uu soo qaban qaabiyay Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud. Guddoomiye kuxigeenka Xisbiga UPD ahna Senator ka tirsan Aqalka Sare Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeedin lahaa kulanka aqoon kororsiga ah ee maanta lagu waday inuu ka dhaco Baydhabo. “Dhamaan Bulshada Koonfur Galbeed ee Baydhabo waxaan ka raalli gelinaynaa inuu baaqdey Kulankii Aqoon kororsiga ahaa ee galabta ka dhici lahaa Hoteelka Horyaal. Kulanka waxaa sababta baajintiisa lahaa Maamulka Koonfur Galbeed”sidaa waxaa yiri Senator Xuseen Sheekh Maxamuud oo bartiisa Facebook soo dhigay qoraal kooban. Tallaabadan lagu baajiyay kulanka uu qaban qaabinayay Xisbiga ayaa noqoneysa tii u horeysay oo Baydhabo ka dhacdo, tan iyo markii xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed loo doortay Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen). Dowladda Federaalka ayaa horay sidan oo kale u joojisay kulamo iyo siminaar uu Muqdisho ku qaban lahaa Xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Source
-
(SLT-Hargeysa)-War-saxaafadeed ay xurunta xuquuqal iinsaanka soo saartay ayaa lagu cambaareeyay xadhiga Abwaan Cabdiraxmaan Abees, oo shalay ciidamada boolisku xidheen. Sidoo kale waxa war-saxafeedkan ay xarunta xuquuqal iinsaanku walaac kaga muujisay dacwad ciqaab ah oo lagu soo oogay suxufiyiinta wargeyska Foore. War-saxaafadeedkan oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Somalilandtoday.com ayaa u dhignaa sidan; “Maalintii sabtida ahayd ee 12 January 2019 waxa dawladda Somaliland ay xidhay abwaan Cabdiraxmaan Abees oo ah muwaadin dhalashada Somaliland iyo Ingiriiska haysta. Xadhiga abwaanku waxa uu la xidhiidhaa gabayo uu ka tiriyay 11 January maagalada Hargeysa, sida ay Xarunta Xuququqal Insaanka u xaqiijiyeen saraakiil dawladda ah iyo ehelka abwaanku. Abwaanku wuxuu madal lagu qabtay Hargeysa ka akhriyay laba gabay oo ka hadlay “hab-dhaqan qalafsan oo booliiska ah, “xadhiga aan sharci ahayn” iyo “hogaan xumo.” Wuxuu hada ku xidhan yahay Xarunta Dembi Baadhista ee Hargeysa, unugga la dagaalanka argagixisada. Abwaan Abees waxa laga xidhay maqaaxi ku taal Hargeysa iyada oo aan la tusin amar maxkamadeed oo xadhigiisa amraya, dad goob joog ah iyo ilo kale ayaa sidaas u xaqiijiyay Xarunta. Qodobka 25(2) ee Dastuurka Somaliland wuxuu sheegayaa inaan qofna la xidhi karin hadii aanu markaas dembi faraha kula jirin ama amar garsoore oo sababaysan loo haysan xadhigiisa. Qodobka 32(1) ee dastuurku wuxuu u damaanad qaaday qof walba xorriyada inuu aragtidiisa dhiibto. Xadhiga abwaanku waxay xad gudub ku tahay dastuurka Somaliland, waana cabudhin. Qoyskiisa iyo qareenadiisa waa loo diiday inay la kulmaan abwaanka, sida uu Xarunta u sheegay abwaanka aabihii iyo qareenkiisa, qareen Sacad Yaasiin Maxamuud. Isku day ay doontay Xaruntu inay kula kulanto abwaanka waa loo diiday. Qodobka 27(1) ee Dastuurku wuxuu sheegayaa in qofka la xidho sida ugu dhaqsaha badan uu ula kulmi karo qaraabadiisa, qareenkiisa iyo cidii kale ee uu codsado. Dhinaca kale, waxa maanta Maxkamadda Gobolka Hargeysa ay yeedhmo u qortay suxufiyiinta wargeyska Foore, Maxamed Maxamuud Yuusuf iyo Cabdirashiid Cabdiwahaab Ibraahim oo lagu eedeeyey inay qoreen “war been abuur ah” iyo “cay,” sida ku qoran yeedhmada. Lama faah-faahin waxa ay dacwadoodu tahay. Xaruntu si aad ah ayay uga walaacsan tahay xadhigga Abwaan Abees iyo dacwadda ciqaabta ah ee lagu soo oogay suxufiyiinta wargeyska Foore. Waxaay ka codsanaysaa dawladda Somaliland inay sii dayso Abwaan Cabdiraxmaan Abees, ayna la noqoto eedaha ka dhanka ah suxufiyiinta Foore. Guleid Ahmed Jama Agaasimaha Ku-meel gaadhka ah ee Xarunta Xuquuqal Insaanka Email: hrcsomaliland@gmail.com Source
-
Taliyaha ciidamada xooga dalka Soomaaliya General Daahir Aadan Cilmi Indha Qarshe oo wariyaasha kula hadlay Muqdisho ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab. Indha Qarshe ayaa sheegay in dhawaan ay bilaabayaan howlgal culus oo ay Al-Shabaab kaga saarayaan deegaanada ay ku suganyihiin ee Gobolada dalka Soomaaliya. Taliyaha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay ku gacan siiyaan dowlada la dagaalanka Al-Shabaab iyo in laga saaro goobaha ay ku suganyihiin. Dhinaca kale taliyaha ayaa ka hadlay war uu hore u sheegay oo ahaa in la dili doono ragii laga soo qabtay Al-Shabaab isaga oo sheegay in warkaasi si qaldan loo fasirtay. Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa isku diyaarinaya hadda in ay qaadaan dagaal culus oo Al-shabaab uga saarayaan goobaha ay ku suganihiin ee dalka Soomaaliya. Hoos ka Daawo Muuqaalka Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Taliyaha ciidamada Xooga oo ku dhawaaqy dagaal ka dhan ah Al-Shabaab appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa dhalleeceeyey go’aankii maamulka Koonfur Galbeed uu maanta ku hor-istaagay barnaamij uu xisbiga UPD ee Xasan Sheekh uu hoggaamiyo uu ku qaban lahaa magaalada Baydhaba. Mahad Salaad ayaa qoraal uu soo dhigay facebook soo dhigay ku sheegay in “Caburinta Xisbiyada Siyaasadeed iyo siyaasiinta ka aragtida duwan Villa Soomaaliya ee labadii sano ee lasoo dhaafay si xowli ah uga socotay magaalada Mogadishu in loo dhoofiyey Koonfur Galbeed” Hoos ka aqriso qoraalka Mahad Salaad. Maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta is hortaag ku sameeyay kulan (Siminaar) Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD) uu ku lahaa magaalada Baydbabo ee xarunta Gobolka Baay. Kulankaas aqoon kororsiga ah ee maanta lagu waday inuu ka dhaco Baydhabo ayaa xubnaha khudbadaha ka jeedin lahaa waxaa kamid ahaa Senator Xuseen Sheekh Maxamuud oo ka tirsan Aqalka Sare islamarkaana ah Guddoomiye Ku-xigeenka Xisbiga UPD. Caburinta Xisbiyada Siyaasadeed iyo siyaasiinta ka aragtida duwan Villa Soomaaliya ayaa labadii sano ee lasoo dhaafay si xowli ah uga socotay magaalada Mogadishu, hadana sida muuqatada loo dhoof geeyay maamulka Koonfur Galbeed oo isaga ruuxiisa lagu dhisay qaab jajuub ah oo bulshada reer Koonfur Galbeed aysan raali ka wada ahayn. Dhacdadaan maanta ka dhacday magaalada Baydhabo iyo kuwo kasii horeeyay oo Mogadishu horay uga dhacay ayaa dhamaantood xad gudub ku ah xorriyada hadalka iyo xaqa muwaadiniinta Soomaaliyeed u leeyihiin in ay fikirkooda u cabiraan si nabadgelyo ah sida ku cad dastuurka qaranka iyo shuruucda kale ee dalka u yaalla. Mahadsanidiin Hon. Mahad Salad
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee Danab oo taageero ka helayo Ciidamo Mareykan ah ayaa Howlgalo qorsheysan ka Fuliyay degaano ka tirsan Gobolka Shabellada Hoose, waxaana lagu dilay saraakiil ajaaniib ah oo kasoo jeeda Al-Shabaab Ciidamada Danab iyo Ciidamada Mareykanka ayaa Howlgalka ka fuliyay degaanada Baladul Amiin iyo Hanti wadaag oo ka mid ah degaanada hoostaga degmada Janaale ee G/Shabellada Hoose. Saraakiil ka tirsan Kumaandooska Soomaaliya oo la hadlay Idaacada Ciidamada qalabka Sida ayaa sheegay in Howlgalada si wadajir ah looga fuliyay Saldhigyo Nabadiidka Al-shabaab ay ku lahayeen degaanada Baladul Amiin iyo Hanti wadaag oo ka wada tirsan G/Shabellada Hoose. Saraakiisha Danab ayaa tilmaamay in Saldhigyada laga fuliyay Howlgalka lagu bartilmaameysaday Xubno sare oo ka tirsan Nabadiidka Al-shabaab. Ku dhawaad 85 Maleyshiyaad iyo horjogayaal isugu jira Soomaali iyo Ajaanib ayaa lagu dilay howlgaladii ugu dambeeyey oo ay ciidamadu ka fuliyeen deegaano kaladuwan oo maleeshiayada Alshabaab saldhigyo ku lahaayeen. Saraakiisha Kumaandooska Soomaaliya waxa ay Idaacadda Ciidamada qalabka Sida u sheegeen Magacyada Horjogayaasha lagu dilay weerarka iyo Dalalka ay u dhasheen. Horjogayaasha lagu dilay weerarka Howlgalka ayaa Magacyadooda lagu kala sheegay Abuu Xamsa Bin Shaam kasoo jeeda dalka Masar kaasi oo Nabadiidka u qaabilsanaa Tababarada Maleyshiyada, Aweys Abu Xamza Almifsali oo heesta dhalashada dalka Tanzania , Abuu Bilaal Zubeyr ayaa heesta Dhalashada Mauritania ayaa Hore u ahaa ku xigeenka Ibraahim Afgaan, Aadan Abuu Musiyaan kasoo jeeda dalka Suuriya iyo Feysal Bin hayaan kasoo jeeda dalka Yaman. Saraakiisha Danab ayaa ugu dambeynti sheegay in goobta weerarka laga fuliyay ay eheed Saldhigyo lagu tababaro Maleyshiyaad ka mid noqonaya Kooxda Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee Danab oo taageero ka helayo Ciidamo Mareykan ah ayaa Howlgalo qorsheysan ka fuliyay degaano ka tirsan Gobolka Shabellada Hoose. Ciidamada Danab iyo Ciidamada Mareykanka ayaa Howlgalka ka fuliyay halka loo yaqaano Baladul Amiin iyo Hanti wadaag oo hoostaga degaanka Janaale ee Gobolka Sh/ Hoose. Saraakiil ka tirsan Kumaandooska Soomaaliya oo la hadlay Idaacada Ciidamada qalabka Sida ayaa sheegay in Howlgalada si wadajir ah looga fuliyay Saldhigyo Al Shabaab ay ku lahaayeen degaanada Baladul Amiin iyo Hanti wadaag oo ka wada tirsan G/Shabellada Hoose. Saraakiisha Danab ayaa tilmaamay in Saldhigyada laga fuliyay Howlgalka lagu bartilmaameysaday Xubno sare oo ka tirsan Xarakada Al Shabaab. Ku dhawaad 85 dagaalame iyo saraakiil isugu jira Soomaali iyo Ajaanib ayaa lagu dilay howlgaladii ugu dambeeyey oo ay ciidamadu ka fuliyeen deegaano kala duwan oo Al Shabaab saldhigyo ku lahaayeen. Saraakiisha Kumaandooska Soomaaliya waxa ay Idaacadda Ciidamada qalabka Sida u sheegeen Magacyada saraakiisha lagu dilay weerarka iyo Dalalka ay u dhasheen. Magacyada xubnaha la dilay ayaa lagu kala sheegay Abuu Xamsa Bin Shaam oo kasoo jeeda dalka Masar, una qaabilsanaa Al Shabaab Tababarada, Aweys Abu Xamza Almifsali oo heesta dhalashada dalka Tanzania , Abuu Bilaal Zubeyr oo heesta Dhalashada Mauritania ayaa Hore u ahaa ku xigeenka Ibraahim Afgaan, Aadan Abuu Musiyaan oo kasoo jeeda dalka Suuriya iyo Feysal Bin Hayaan oo kasoo jeeda dalka Yaman. Ugu dambeyn saraakiisha Danab ayaa sheegay in goobta weerarka laga fuliyay ay aheyd Saldhigyo lagu tababaro Dagaalyahannada ka mid noqonaya Al Shabaab. The post DFS Oo shaacisay magacyada saraakiil lagu dilay Sh/ Hoose appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa soo gebegebeyay isla-xisaabtanka golaha wasiirrada oo si joogta ah u socday muddo shan maalin ah. Ra’iisul wasaaraha ayaa wasiirrada kula xisaabtamayay shaqooyinkii ay ka qabteen hal-beegyada qorshohoodu ahaa in lagu guulayso sannadkii tegay ee 2018, waxaa kale oo wasiirradu ay saxiixeen halbeegyooda ay doonayaan in ay fuliyaan sannadka 2019. Wasiiru dawlaha xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdullaahi Xaamud, ayaa sheegay in si guul ah uu kusoo dhamaaday isla xisaabtana oo ra’iisul wasaaruhu ku xaqiijinayay wax-qabadka 26-ka wasaaradood ee xukuumaddu ka koobantahay iyo Bangiga dhexe, laguna jaangoynayay wax-qabadka sannadka bilaawga ah. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa si joogta ah ula xisaabtama wasiirrada si looga guul gaaro qorshayaasha qaran ee horay loogu ballamay in lagu fuliyo waqti leesla ogyahay, looguna gudbo qorshayaasha kale ee muhiimka u ah horumarinta hannaanka dawlanimo iyo himilooyinka ay leeyihiin dadka Soomaaliyeed. Hoos ka daawo Xaamud oo arrintan ka hadlaya Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Puntland president, Said Abdullahi Dani has directed his finance minister to lift tax exemptions for a government department and non-governmental organizations. In a statement, President Dani ordered the termination of tax reduction and exemption that had been implemented by the former administration of Puntland led by Abdiweli Ali Gaas. According to the statement the order took effect on 12th January 2019. “I want to inform the government institutions, non-governmental organizations as well as the private business entities through the ministry of finance that no tax exemptions or reductions will be applicable from 12th January 2019,” President Dani said in the new directive. This is the second decree issued by the new president of Puntland within a week since his election as president on 8th January. The new president has issued executive order to freeze the state’s account to avert embezzlement during the transition period of power one day after his election. The directive issued shortly after his swearing ordered all private and public banks to immediately halt withdrawals from the state accounts to curb misappropriation during transitional power period. The post Puntland President terminates tax exemptions on public and private organizations appeared first on Shabelle. View the full article