Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,214
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Garbahaareey (Sh.M.Network) – Shacab careysan oo ay horkacayaan masuuliyiinta dagmada Garbahaareey ee gobolka Gedo ayaa la wareegay hoy uu dagmadaasi ka daganaa madaxweyne ku xigeenka l1aad ee maamulka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan oo shalay halkaasi gaaray isaga iyo wafdi uu hogaaminayo. Dibad-baxyada oo shalay bilawday ayaa looga soo horjeeda maamulka Jubaland, sida wararka aan ku helnay. Lama ogga hadii uu jiro khasaaro naf iyo maal oo mudaahraadyaddaan ka dhashay. Dhanka kale, hoyga dibadbaxayaasha ay la wareegeen ayaa la sheegay in la boobay, lagana qaatay agabyadii yaalay sidoo kalana ay dab qabadsiiyeen. Madaxweyne ku xigeenka iyo wafdiga la socda ayaa sidoo kale wararku waxa ay intaasi raacinayaan in loola cararay saldhig ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin duleedka dagmada Garbahaarey ee gobolka Gedo. Gudoomiye ku xigeenka 1aad amniga iyo siyaasada dagmada, Ismaan Nuux Xaaji oo la hadlay idaacadda Shabeelle oo faafaahin ka bixiyay rabshadihii maanta ilaa iyo shalay ka socday Garbahaareey ayaa tibaaxay in xaaladdu haatan degan tahay. The post Guriga madaxwayne ku xigeenka Jubbaland oo “la boobay” appeared first on Shabelle. View the full article
  2. Guddoomiyaha Aqalka sare ee Dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane, Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa u hambalyeeyay C/kariin Maxamed Axmed (Dhoobo-daareed) oo loo doortay Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland. Mudane, Cabdi Xaashi, ayaa Guddoomiyaha cusub u rajeeyay guul, wuxuuna Alle uga baryay inuu xilkiisa ku dhammaysto wanaag, isagoo ugu baaqay inuu ka shaqeeyo sidii uu isugu dumi lahaa Dadka uu matalo. C/kariin Maxamed Axmed (Dhoobo-daareed) ayaa helay codad gaaraya 43, halka murashixii la tartamayay ee Cabdi Jamaal Cusmaan Maxamed uu helay 23 Cod, waxaana imminka socda doorashada ku xigeennadiisa. Waxaa isna guddoomiye ku-xigeenka 1aad loo doortay Cabdi Casis Cabdullahi Cusmaan, oo kaas wareegga 2aad helay 38 cod halka Cabdixakim oo la tartamayey uu helay 14, ninka dambe waxaa uu ka tanaasulay inuu tartamo wareegga 3aad. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. New York (Caasimada Online) – Afhayeen u hadlay QM oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay Nicholas Haysom uu weli yahay ergeygooda Soomaaliya, isaga oo sidaasi ahna uu ka hadlay golaha ammaanka, wuxuu intaas raaciyey in aaney warqad ka helin dowladda Soomaaliya, ayna raadinayaan faah-faahin. Arrintan ayaa timid saacado kadib markii uu Nicholas Haysom ka hor hadlay golaha ammaanka, isaga oo aan soo hadal-qaadin go’aanka wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ee ku aadan inuu dalka ka baxo. Haysom waxaa khudbadiisa golaha ammaanka ku jirtay in faragelinta ay dowladda federaalka ah ku heyso dowlad goboleedyada ay wiiqi karto doorashooyinka dowlad goboleedyada iyo midda guud ee 2020-ka. “Eedeynta la xiriirta faragelinta dowladda federaalka ah iyo qalalaasihii dhashay soo xiristii hal murashax, ku-xigeenkii hore ee Al-shabaab waxaa ay haleysay hannaankii, taasina kama bixineyso saadaalin fiican natiijada doorashada dowlad goboleedyada iyo midda 2020-ka”, waxaa sidaa yiri Haysom. Dhinaca kale, Safiirka Soomaaliya ee UN-ka Abuukar Cusmaan oo ka hor hadlay golaha ammaanka ayaa sheegay in UN-ka iyo cidda wakiilka ka ah ay waajib ka saaran tahay inay ixtiraamaan shaqadooda, oo aaney faro-gelin arrimaha gudaha, isla markaana Soomaalida loo daayo inay aayahooda ka tashtaan. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis caasimada@live.com
  4. Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamanka federaalka Soomaaliya,Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa u hambalyeeyay guddoomiyaha cusub ee Golaha wakiilada Puntland,Cabdikariin Maxamed Axmed (Dhoobo-dareed). Mudane Xaashi ayaa guul u rajeeyay guddoomiyaha cusub, waxaana uu Alle uga durraantay inuu xilka u fududeeyo,isagoo ugu baaqay inuu ka shaqeeyo midnimada iyo wadajirka uu matelo. Si lamid ah, guddoomiyaha Golaha shacabka Federaalka,Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan ayaa hambalyo u diray mudane Cabdixakiin Dhoobo,guddoomiyaha Golaha wakiilada Puntland. Cabdixakiin Dhoob oo loo doortay guddoomiyaha Baarlamanka Puntland ayaa wareegii labaad helay 43-cod,halka Cabdi Jamaal Cismaan oo la tartamayna helay 23 cod. PUNTLAND POST The post Guddoonka labada Aqalka ee DFS oo hambalyo u diray guddoomiye Dhoobo appeared first on Puntland Post.
  5. Waxaa kulan isku yieedhay qaybo kamid ah Warbaahinta Wasiir Hinda Gaandi kulankaasi oo aanu cadayn ujeedadiisu ayaa lagu sheegay in uu ahaa kulan ay wasiirku ku lab xaadhanayay warbaahinta oo ay hore uh jeedisay dhaleecayn iyo hadalo qadafa. Hadaba Wasiir Hinda Gaandi oo Maalmahanba Fadhi Iyo Joogba Xamililahayd ayaa Saaka Waxay Xafiiskeeda iskugu Yeedhay Kulan Hanaankii Abaabul ahaa mid Khiyaamo oo Suxufiyiintii Ka Qayb Galay intooda Badan markii loo yeedhaayay Loogu Dhigay Waji kale balse Markii Wariyeyaashu yimaadeen Xafiiska Noqday Kulan Wasiiradu ugu Magac Dartay Islaab Xaadhasho iyo Raali Galin ay Saxafada Madaxabanaan ka Raali Galinayso Hadalkii ay Warbaahinta Milgaheeda ku Weerartay . Geesta kale Suxufiyiinta Goobta Xafiiska loogu Yeedhay ayaa badankoodu ahaa kuwo aan Xog Buuxda ka haynin Kulanka Wasiirka Maadaama markii loo yeedhaayay aan loo sii sheegin xogta loogu Yeedhay . Isku Soo wada duuboo Wasiir Hinda Gaandi wasiirka arimaha Bulshada Somaliland ayaa u muuqata Mid xaaladeedu Hada marayso Odhaahdii ahayd FALAADHI GILGILASHO KAAGAMA GOdo, Kulankana wuxuu Noqonayaa mid markale Sii Iftiiminaaya Halkay Wasiirka arimaha Bulshada Somaliland Hinda Gaandi ka taagan tahay Warbaahinta Dalka Somaliland iyo inay Sii wado Weerarkeedii Qaawanaa . Source
  6. Garowe (Sh.M.Network) – Xildhibaanada Gollaha Wakiilada maamul goboleedka Puntland ayaa doortay gudoomiye ku xigeenka koowaad. Mudanayasha ayaa ucodeeyay Cabdcasiis Cabdullaahi Cusmaan inuu noqdo ku xigeenka koowaad ee Afhayeenkooda, markii uu helay 38 cod. Cabdicasiis oo guusha ku helay wareega labaad ayaa kaga badiyay Musharaxii kusoo dhowaa, kaasi oo ahaa Cabdixamiid Cabdi Ciise oo uruur-saday 14 cod. Doorashada gudoomiye ku xigeenka labaad ayaa haatan socota. Doorashooyinkaan axay horudhac uyihiin midda Madaxwaynaha oo loo balamay 8-da bishaan Janaayo 2019. The post Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka P/land oo la doortay appeared first on Shabelle. View the full article
  7. Faysal cali_waraabow ama waxadnoqotaa Nin mucaarada Oo xukuumada Muuse iyo Xisbiga kulmiye ku mucaarada Oo ku hamiyaaya inuu maruun Somaliland madaxweyne kanoqdo, Ama waxadnoqotaa Nin mucaarada Oo mucaaradadiisu kujahaysantay Xisbiga Waddani Oo kaliya Oo qorshihiisa iyo yoolkiisu yahay inuumarkasta xisbiga waddani adhaxda kajabiyo Oo Aan ujeedo kale iyo hamikaletoona lahayn. Beesha Garxajisna waxanleeyay waardee ama isqabta ama wakhtiga hanagaluminina. xasankaruur55@gmail.com W/Q: Xasan Karuur. Source
  8. Garoowe (Caasimada Online) – Cabdixakiin Maxamed Axmed oo lagu naanayso (Dhoobo-dareed) wuxuu sannadkii 1968-dii ku dhashay miyiga degmada xiingalool ee gobolka Sanaag,wuxuu dugsiga hoose,dhexe iyo sare ka dhigtay degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag. Wuxuu ka soo shaqeeyay shirkadda Isgaarsiinta Golis ee degaannada Puntland,wuxuuna siyaasadda kaga soo biiray Golaha degaanka magaalada Boosaaso,isagoo sannadkii 2009 ku kamid noqday Golaha wakiilada Puntland. Mudda 10 sano ah ayuu soo fadhiyay Golaha wakiilada,isagoo Laba jeer oo hore u tartamay xilka guddoomiyaha Baarlamanka Puntland,hase yeeshee aan ku guulaysan. Markii saddexaad ayuu maanta u tartamay guddoomiyaha G. Wakiilada Puntland,isagoo wareeggii labaad ee doorashada kaga adkaaday Cabdijamaal Cismaan,kadib markii uu helay 43-cod,halka Cabdijamaal ka helay 23-cod. Khudbad uu Baarlamanka ka horjeediyay doorashadiisa ka hor, ayuu ku sheegay in uu Baarlamanka ku hoggaamin doono ilaalinta sharciga, la-xisaabtanka hay’adaha dowladda iyo ka shaqeynta danaha umadda Puntland iyo kuwa Soomaaliyeedba. Sidoo kale wuxuu ballanqaaday in uu ku shaqeyn doono siyaasad furfuran oo wada-tashi ku dhisan,uuna dhegaysan doono talooyinka kala duwan ee xildhibaannada Golaha wakiilada. Cabdixakiin Dhoobo dadka yaqaan waxay ku tilmaaman nin dabeecad wacan, wadaad ah oo ka agdhow culimada si fiicana wax uga bartay axkaamta iyo Fiqiga Diinta Islaamka oo sida la sheegay uu inta badan ka marsaday masaajidda. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
  9. Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee barlamaanka Puntland ayaa waxaa loo doortay xildhibaan Cabdicasiis Cabdulaahi Cusmaan, kadib markii uu wareegii labaad ka helay codad dhan 38. Xildhibaan [...] Source
  10. (SLT-Hargaysa) Xisbiyada la furimaayo! Oo kuwa jira noqon mayaan xisbiyo la wada leeyahay! oo dhexdooda dimuqraadiyadi ka jirimayso! Oo ku heshiin mayno in dalkan doorasho ka dhacdo! oo siyaasadu wey noo kootaysnaanaysaa intaan noolahay! Tani waa damac rag halkii ugu danbaysay lakiin waxa ka cajiibsan cid ka hadlaysaaba ma jirto! Waa in aan su’aalo iska weydiinaa dimuqraadiyada dalkeena Somaliland, waayo xisbiyadeeni waxay noqdeen qaar aan dhexdooda dimuqraadiyadi ka jirin oo kolba ninka gudoomiyaha xisbigaasi ka ahi iska yeesho oo wad mooyaane aanay suuro gal ahayn in laga qaado! Somaliland runta haysu sheegto! Oo ama axdi qarameedkeedi hayskaga noqoto ama waa in la helaa xisbiyo ka turjumaaya sababtii looga guuray nidaamkii beelaha ku dhisnaa, xisbiyo ka turjumayaa macnaha iyo waxay u taagan tahay dimuqraadiyadu, xisbiyo aan ku suntanayn reero/beelo ama koox gaara sida uu qabo xeer#14 aan xisbiyada qaban ee lagu tuntay! Cabdirkariin Axmed Mooge Source
  11. Cadaado ( Sh. M. Network )-Cali Gacal Casir guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa hambalyo u diray guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiilada Puntland C/xakiin Maxamed Axmed ( Dhoobo-Daareed) oo maanta lagu doortay magaalada Garoowe ee xarunta maamulkaasi. Guddoomiye Casir ayaa ugu horreyn soo dhaweeyay qaabka ay u dhacday doorashadan, kuna bogaadiyay Xildhibaanada Baarlamaanka maamulkaasi. Sidoo kale waxa uu ballan qaaday in uu la shaqeyn doono, islamarkaana uu garab taagnaan doono guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Puntland. Ugu dameyn Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa ugu baaqay guddoomiyaha cusub ee la doortay in uu ka shaqeeyo horumarka Baarlamaanka Puntland iyo doorashada Madaxweyne ee la filayo in dhawaan ay ka dhacdo deegaanada maamulkaasi Cabidxakiin Maxamed Axmed ( Dhoobo-Daareed) oo saddex jeer isku soo sharaxay xilkan ayaa ugu dambeyn maanta ku guuleysay, waxaana Golaha Wakiilada Puntland uu hoogaamin doonat 5 sano ee soco socota. The post Guddoomiye Casir Oo hambalyo u diray guddoomiyaha cusub Ee Baarlamaanka Puntland appeared first on Shabelle. View the full article
  12. Wasiirka Arrimaha debadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee xukuumadda Soomaaliya, Dr Axmed Ciise Cawad ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wefdi ka socda dalka Finland. Wefdiga ayaa waxaa hoggaaminayey Mr. Pekka Havisto oo ka tirsan guddiga Arimaha debadda Baarlamanka Finland. Sidoo kale waxa ku jiray diblomaasiyiin iyo wakiilo ka socday mac-hadka Nabadda ee Midowga Yurub. Kulanka wefdiga iyo wasiirka ayaa looga hadlay,xiriirka laba-geesoodka ah iyo iskaashiga dalalka Soomaaliya iyo Finland iyo qodoba kale. PUNTLAND POST The post Wasiir Axmed Ciise Cawad oo qaabilay wefdi ka socda Finland appeared first on Puntland Post.
  13. (SLT-Garoowe) Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daarood) ayaa loo doortay Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Maamul Goboleedka Dalkaasi Soomaliya ee Puntland, Wuxuu kamid ahaa xildhibaanadii uu waqtigoodu dhammaaday, horayna waxa uu ugu soo shaqeeyey Sharikadda isgaadhsiinta ee Golis. Waxa uu kamid ahaa ururkii Al Itaxaad oo 1992-dii iskudayay in ay gacanta ku dhigaan gobollada Waqooyi Bari Soomaaliya. Dadka yaqaan waxa ay sheegaan in uu yahay nin dabeecad wanaagsan, waxa uuna ka agdhow yahay urur diimeedka Al ictisaam. Sidoo kale Waxaa uu ka soo jeeda Gobalka Sanaag waana xildhibaanada Isbedel Doonka ah ee ka soo hor jeeda madaxweyne Gaas Source
  14. (SLT-Ankara) Heerka sicir-bararka dalka Turkiga ayaa bishii labaad oo xidhiidh ah hoos u dhacay bishii December, iyada oo ay caawisay canshuur dhimis iyo qiimaha badeecadaha oo hoos loo dhigay. Machadka tirakoobka Turkiga ayaa maanta sheegay in heerka kororka qiimaha badeecadaha uu bishii December ahaa 20.3%, taasi oo 0.40% ka yar bishii November. Sicir-bararka Turkiga ayaa bishii October gaaray 25.2%, taasi oo ahayd heerkii ugu badnaa muddo 15 sano ah, ka hor inta aysan hoos ugu dhicin 21.5% bishii November. Dhaqaalaha Turkiga ayaa dhaawac uu gaaray wixii ka dambeeyey xagaagii 2018, ayada oo lacagta Lira ee dalkaas ay heerkii ugu xumaa hoos ugu dhacday, sababo la xiriira siyaasadaha dhaqaale ee madaxweyne Erdogan iyo muran siyaasadeed oo dhex-maray Ankara iyo Washington. Xiriirka Turkiga iyo Mareykanka oo soo wanaagsanaaday iyo dowladda oo sare u qaadday heerka dul-saarka ayaa bilihii dhowaa caawiyey in qiimaha lacagta Lira ay sare u kacdo, marka loo eego dollar-ka Source
  15. Muqdisho (Sh.M.Network) – Wararka laga helayo duleedka degmada Kaaraan ayaa ku warramaya in weli halkaasi ay ka taagan tahay xiisad ka dhalatay Sarkaal lagu dhex dilay gudaha Isbitaalka Keysaney ee magalada Muqdisho. Dilka Sarkaalkan oo lagu magacaabi jiray Abishir Xasan Colow ayaa yimid, kadib markii ku dhaawacmay shaqaaqo ka dhcday agagaarka Suuqa Xirga-Dheere ee duleedka degmadaasi, kaas oo dhaawac ahaan loo geeyay Isbitaalka Keysaney, balse Rag hubeysan oo ka daba tagay ay ku dileen Saalada Isbitaalkaasi, taas oo dad badan walaac ay ka muujiyeen dhacdadaasi. Mid ka mid ah saraakiisha Milatariga Soomaaliya oo lagu magacaabo Maxamed Xasan oo ku magac dheer Ganey, kuna sugan duleedka degmada Kaaraan ayaa sheegay in baaritaan kadib ay ogaadeen in si bareer ah loo dilay Sarkaalkaasi. Sidoo kale, waxa uu been abuur ku tilmaamay in uu ka dambeeyay is rasaaseyn ka dhacday Suuqa Xirga-Dheere oo uu ku dhintay hal Qof. Dhinaca kale, Ganey ayaa ugu baaqay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya in gacanta lagu soo dhigo dadkii ka dambeeyay falkaasi naxdinta leh. Sidoo kalena, dowladda ayuu ka dalbaday in ay ka hortagto xiisada xoogan ee haatan ka tagan halkaasi. Waa dhacdo dhif iyo naadir ah in Isbitaal lagu dhex dilo qof dhaawac ah ama xanuunsan, taas oo la yaab ku noqotay dad badan oo Soomaaliyeed ee ku dhaqan degmooyinka gobolka Banaadir. The post Xiisad xooggan oo ka taagan duleedka degmada Kaaran appeared first on Shabelle. View the full article
  16. Muqdisho (Sh.M.Network) – Warar dheeraad ah aya ka soo baxaya dilkan oo ay koox hybeysan u geyseen Taliyihii saldhigga Booliska degmada Wardhiigley ee gobolka Banaadir. Taliyaha la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Macalin Daahir, kaas oo lagu toogtay agagaarka Saldhigga degmadaasi. Rag ku hubeysan Bastoolado ayaa toogtay Marxuumka, xilli uu saarnaa mid ka mid Takaasida ka howlgasha gudaha magaalada Muqdisho. Sidoo kale, Ragga ka dambeeyay dilkaasi oo laba gaaraya ayaa la sheegay in wateen Mooto Fekon ah, islamarkaana ay goobta isaga baxsadeen. Dilka kadib waxaa goobta soo gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa ammmaanka Soomaaliya, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyay halkaasi. Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada Wardhiigley oo ku aadan dilka taliyahaasi. Dhinaca kale, Al Shabaab ayaa dhabarka saaratay masuuliyadda dilkan, sida ay ku baahiyeen barahooda Internetka. Al Shabaab ayaa qoraalka ku sheegay in Toogashadaasi ay fuliyeen Dagaalayahanno ka tirsan “oo aad u tabaran”. Maalmihii lasoo dhaafay magaalada Muqdisho waxaa kusii kordhayay beegsiga Saraakiisha iyo Askarta dowladda ee ku sugan gudaha caasimada dalka. The post Kooxo hubeysan oo dilay taliyihii Booliska D/Wartanabada appeared first on Shabelle. View the full article
  17. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Warka Duhur. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Duhur-04012019.mp3 The post Dhageyso: Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  18. (SLT-New York) Safiirka Soomaaliya Qaramada Midoobay ayaa golaha ammaanka warbixin ka siiyey sababta dowladda Soomaaliya ay u xirtay ugana hor-istaagtay Mukhtaar Roobow inuu xil ka ka qabto Soomaaliya. Danjire Abuukar Baale ayaa sheegay in xubnaha golaha ammaanka ay ku raacsan yihiin in argagixisada iyo xubnaha Al-Shabaab, oo golaha ammaanka naftiisa uu cuna-qabateyn horey u saaray, inaysan xil qaban karin ayaga oo aan marin barnaamijka dhaqan-celinta adag ee la sameeyey. “Labadii doorasho heer federal ee Soomaaliya ka dhacay, wakiilada QM ee Soomaaliya ayaa ku cel-celiyey in musharaxnimada iyo doorashada qof kasta oo leh taariikh xagjirnimo ay tahay dib u dhac ballaaran” ayuu yidhi Abuukar Baale. “Sidaas darteed, inta aan dib uga soo celineyno amarka iyo kala dambeynta dalka, oo aan ka dhameeneyno dhaqanka ku dhisan dadka aysan caddaaladda qabin, ma ogolaan doono cambaareyn iyo isku day kasta, oo dad argagixiso ah oo la yaqaan na looga dhigayo kuwa jalaatada iibiya” Hadalkiisa ayaa si toos ah uga soo horjeeday kan wakiilka QM ee Soomaaliya ee la eryey Nicholas Haysom oo sheegay in xiritaanka Roobow ay hor-istaagi doonto xubno kale oo sare oo Al-Shabaab ah oo laga yaabay inay dowladda isku soo dhibaan kuna soo biiraan hanaanka siyaasadda dalka. Hadalka danjiraha ayaa u muuqday mid ku dhisan mas’uuliyad iyo muujinta awoodda Soomaaliya ay u leedahay inay ayada un go’aan ka gaartao aayaha dalka. Source
  19. (SLT-Washington)Ilhaan Cumar oo asal ahaan ka soo jeedda Soomaaliya ayaa si rasmi ah loogu dhaariyay in ay ka mid noqoto Kongareeska Dalka Maraykanka, markii ay November 2018-kii ku guuleysatay Korsiga Degmada 5-aad ee Minnesota. Gabadhan ayaa ah Haweeneydii ugu horreysay ee Xijaaban oo ka mid noqota Aqalka Congresska Dalka Maraykanka, markii ay taageeya badan ka heshay Dadka Muslimka ah oo ay u horreeyaan Soomaalida ku badan Minnesota. Ilhaan Cumar oo ah Soomaali Maraykan iyo Rashida Tlaib oo asalkeedu yahay Falastiin, ayaa noqonaya Gabdhihii ugu horreeyay ee Muslim ah oo xubin ka noqda Kongareeska Maraykanka, taasoo iyana kasoo gashay Michigan. Soomaalida ku dhaqan Dalka Maraykanka gaar ahaan shacabka reer Minnesota ayaa aad usoo dhoweeyay dhaarinta Ilhaan Cumar, waxanay sheegeen in ay wax badan u qaban doonto Dadkeeda taas oo ay iyaduba ay horay u ballan qaadday. Source
  20. Garowe (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka Puntland oo ka kooban 66 Mudane ayaa 43 kamid ah waxay codka kalsoonida guddoomiyaha baarlamaanka ay siiyeen guddoomiye C/Xakiin Maxamed Axmed (Dhoobodaareed). Doorashada guddoomiyaha baarlamaanka kadib waxaa soo ifbaxday warbixin la xiriirta in isbadal weyn uu ku yimid shaqsiyaadkii loo saadaalinaayay doorashada madaxweynaha maamulka Puntland. Doorashada guddoomiye Dhoobodaareed, ayaa muujisay in xubnaha sida weyn ula dagaalsanaa madaxweyne Gaas ay ku guuleysteen doorashada guddoomiyaha baarlamaaka Puntland. Dhowr musharax oo kamid ah musharixiinta madaxweynaha Puntland ayaa u midoobay madaxweyne Gaas, waxaana hadda ay heleen kursiga guddoomiyaha baarlamaanka, maadaama musharax ay taageersanaayeen uu helay kursiga guddoonka. Waxaanan la saadaalin karin sida xiisaha doorashada madaxweynaha isku badali karto, laakiin Musharixiin badan ayaa doonaya in markale uusan talada Puntland kusoo laaban madaxweyne Gaas. Dr. Cali Ciise Cabdi, Saciid Maxamed Deni, Gen. Khaliif Ciise Mudan, Gen. Asad Cabdullaahi Cismaan (Diyaano) ayaa kamid ah musharixiinta sida hoose ugu heshiiyay inay codadka isa siiyaan haddii wareega ugu dambeeya midkood uu soo baxo. Doorashada Guddoomiye ku xigeenka labaad ayaa sii xaqiijin doonto loolanka adag ee doorashada madaxweynaha Puntland. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimad@live.com
  21. Afhayeen u hadlay UN-ka oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay Nicholas Haysom uu weli yahay ergeygooda Soomaaliya, isaga oo sidaasi ahna uu ka hadlay golaha ammaanka, wuxuu intaas raaciyey in aaney warqad ka helin dowladda Soomaaliya, ayna raadinayaan faah-faahin. Arrintan ayaa timid saacado kadib markii uu Nicholas Haysom ka hor hadlay golaha ammaanka, isaga oo aan soo hadal-qaadin go’aanka wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ee ku aadan inuu dalka ka baxo. Haysom waxaa khudbadiisa golaha ammaanka ku jirtay in faragelinta ay dowladda federaalka ah ku heyso dowlad goboleedyada ay wiiqi karto doorashooyinka dowlad goboleedyada iyo midda guud ee 2020-ka. “Eedeynta la xiriirta faragelinta dowladda federaalka ah iyo qalalaasihii dhashay soo xiristii hal murashax, ku-xigeenkii hore ee Al-shabaab waxaa ay haleysay hannaankii, taasina kama bixineyso saadaalin fiican natiijada doorashada dowlad goboleedyada iyo midda 2020-ka”, waxaa sidaa yiri Haysom. Dhinaca kale, Safiirka Soomaaliya ee UN-ka Abuukar Cusmaan oo ka hor hadlay golaha ammaanka ayaa sheegay in UN-ka iyo cidda wakiilka ka ah ay waajib ka saaran tahay inay ixtiraamaan shaqadooda, oo aaney faro-gelin arrimaha gudaha, isla markaana Soomaalida loo daayo inay aayahooda ka tashtaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystaasha idaacadda Shabelle ee ku xiran Barnaamij-keena waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka maxaa ka run wixii la sheegay? Halkaan hoos riix si aad uga dhageyso http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Bar___-Maxaa-Ka-Run-Ah-Wixii-La-Shegay-04012019.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka maxaa ka run wixii la sheegay? appeared first on Shabelle. View the full article
  23. Magaaladda Garoowe ee caasimadda maamulka Putnland waxaa maanta ka dhacay doorashada guddoomiyaha golaha wakiilada ee Putnland. Doorashada guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland ayaa waxaa ku tartamayay afar musharax, waxaana wareega labaad isugu soo haray labo Musharax oo kala ahaa C/xakiin Maxamed Axmed (Dhoobo-dareed) iyo Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed. Cabdi Xakiin Dhoobo ayaa wareegga 1aad helay 37 cod halka Xildhibaan Cabdi Jamaal Cismaan uu helay 15 cod, iyaga oo halkaas ku hareen Xildhibaan Cabdi raxmaan Cali oo helay 9 cod iyo Xildhibaan Cabdirashiid Yuusuf oo helay 5 cod. Waxaa wareegii 2aad ku tartamay labada xildhibaan Cabdixakiin Maxamed Axmed iyo Xildhibaan Cabdi Jamaal , iyaga oo uu ku guuleystay Xildhibaan Cabdixakiin Maxamed Dhoobo oo helay 43 cod halka Xildhibaan Cabdijaamaal uu helay 23 cod, sidaasui ayuu Dhoobo guddoomiyaha wakiilada ku sii ahaan-doonaa 5ta sano ee soo socota. Waxaa hadda la sugayaa, doorashada ku-xigeennadiisa, halka kala soco Natiijada Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. Cabdixakiin Maxamed Axmed oo lagu naanayso(Dhoobo-dareed) wuxuu sannadkii 1968-dii ku dhashay miyiga degmada xiingalool ee gobolka Sanaag,wuxuu dugsiga hoose,dhexe iyo sare ka dhigtay degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag. Wuxuu ka soo shaqeeyay shirkadda Isgaarsiinta Golis ee degaannada Puntland,wuxuuna siyaasadda kaga soo biiray Golaha degaanka magaalada Boosaaso,isagoo sannadkii 2009 ku kamid noqday Golaha wakiilada Puntland. Mudda 10 sano ah ayuu soo fadhiyay Golaha wakiilada,isagoo Laba jeer oo hore u tartamay xilka guddoomiyaha Baarlamanka Puntland,hase yeeshee aan ku guulaysan. Markii saddexaad ayuu maanta u tartamay guddoomiyaha G. Wakiilada Puntland,isagoo wareeggii labaad ee doorashada kaga adkaaday Cabdijamaal Cismaan,kadib markii uu helay 43-cod,halka Cabdijamaal ka helay 23-cod. Khudbad uu Baarlamanka ka horjeediyay doorashadiisa ka hor, ayuu ku sheegay in uu Baarlamanka ku hoggaamin doono ilaalinta sharciga, la-xisaabtanka hay’adaha dowladda iyo ka shaqeynta danaha umadda Puntland iyo kuwa Soomaaliyeedba. Sidoo kale wuxuu ballanqaaday in uu ku shaqeyn doono siyaasad furfuran oo wada-tashi ku dhisan,uuna dhegaysan doono talooyinka kala duwan ee xildhibaannada Golaha wakiilada. Cabdixakiin Dhoobo dadka yaqaan waxay ku tilmaaman nin dabeecad wacan, wadaad ah oo ka agdhow culimada si fiicana wax uga bartay axkaamta iyo Fiqiga Diinta Islaamka oo sida la sheegay uu inta badan ka marsaday masaajidda. PUNTLAND POST The post Waa kuma Cabdixakiin Dhoobo-dareed? appeared first on Puntland Post.