-
Content Count
213,415 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Maamulka kooxda dowladda hoose ee Muqdisho City Club ayaa soo gabagabeeyay tartan ay u qabteen ilaa 10-koox kaas ay ugu magac dareen Muqdisho Talent Cup waxaan xeritaanka koobkan ka qeeb galay gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa caasimada Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow iyo guddoomiye ku xigeenka arimaha bulshada maamulka Gobolka Banaadir Basmo Caamir Shakeetti,iyagoo dhiiri geliyay labadii koox ee fiinaalka wada ciyaaray. Guddoomiyaha kooxda Muqdisho City Club Abuukar Maxamed Sheekh ayaa ka warbixiyay mudadii uu tartanka socday iyo yoolkii ugu weynaa ay usoo qaban qaabiyeen. Gudoomiye ku xigeenka arimaha bulshada gobolka Banaadir Basmo Caamir Shakeeti ayaa sheegtay in ay diyaar u yihiin dhiiri gelinta dhalinyaradda iyo garab istaagida ciyaartooyda xirfada leh ee ku dhaqan degmooyinka Gobolka Banaadir. Qaar ka mid ah ciyaartooydii ka qeyb gashay Muqdisho Talent Cup ayaa inoo waramay kulan ka dib,iyagoo u mahad celiyay maamulka kooxda dowladda Hoose oo soo abaabulayay koobkan. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa caasimada Eng Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa sheegay tartamadda nuucaan oo kale laga helayo xirfadlayaal tayo leh kuwaas oo wax badan ku kordhin kara hanaanka kooxaha kubbadda cagta iyo xulka qaranka dalka. Si kastaba maamulka Kooxda Dowladda hoose ee Muqdisho City Club ayaa wada da’daalo ku aadan horomarinta ciyaaraha iyo soo saaridaa xirfadlayaal da’yar ah kuwaas oo mustaqbalka ka ciyaara kara tartamadda gudaha. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Muqdisho Talent Cup W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
The president of the Federal government of Somalia, Mohamed Abdullahi Farmajo has arrived in Garowe for the inauguration ceremony of the newly elected president of Puntland, Said Abdullahi Deni which is to take place in Garowe on Saturday night. President Mohamed Abdullahi Farmajo, former presidents, Hassan Sheikh and Sheikh Sharif Sheikh Ahmed as well as the leaders of regional states across the country and hundreds of high profile guests are reported to be attending the inauguration. Also in attendance will be the representatives of the international community including United nations mission office for Somalia UNSOM, IGAD and members of the diplomatic core. Security has been stepped up in and around the venue in Garowe, the administrative capital of Puntland regional state ahead of the inauguration ceremony. Puntland President, Said Abdullahi Deni was elected on 8th January with 35 votes defeating his adjacent contender, General Asad Osman Diyano who garnered 31 votes. The post Farmaio arrives in Garowe for inauguration of new Puntland president appeared first on Shabelle. View the full article
-
Addis Ababa ( Sh. M. Network )-Xafiiska xeer ilaalinta Itoobiya ayaa shaaciyay tirada dadka loo aqoonsan yahay iney sababta u yihiin dhibaatadii 4-tii bishii Agoosto ka dhacday magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida. Mas’uuliyiinta xeer ilaalinta guud ee dalka auaa Shir Jaraa’id oo ay qabteen waxay ku sheegeen in 46 ruux ay mas’uul ka yihiin tacadiyadii dhacay, waxayna intaas ku dareen in 6 ka mid ah dadkaas horay gacanta loogu dhigay oo ay xiran yihiin. Waxaa socda howlgal loogu raad joogo dhammaan 40-kii ruux ee kale, sida lagu qeexay macluumaadka uu shaaciyay xafiiska xeer ilaalinta guud ee dalka Itoobiya. Waxay sheegeen in 6-da ruux ee xiran uu ku jiro madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Cabdi Maxamuud Cumar. Xeer ilaalinta ayaa shirkooda jaraa’id ku qeexay in eedeysaneyaasha lagu raad joogo ay ku kala sugan yihiin dadlka gudihiisa iyo dibaddiisaba. Waxay sidoo kale intaas ku dareen in ay la xiriireen dowladaha ay dadka baxsaday ku sugan yihiin ayna ka codsadeen in meelaha ay joogaan laga soo xiro, loona soo gacan galiyo dowladda Itoobiya. Qaar ka mid ah dadka lagu raad joogo ayey sheegeen iney ku sugan yihiin dalal ku yaalla qaaradda Afrika, inkastoo aysan carrabaabin. Waxaan sidoo kale ilaa iyo hadda si rasmi ah loo shaacinin magacyada dadka la doon doonayo. 4-tii Bishii Agoosto ee sannadkii la soo dhaafay ayaa mudaharaadyo ka dhacay magaalada Jigjiga lagu geystay tacaddi iyo boob hanti oo waxyeello badan geystay. Xigasho:-BBC The post Itoobiya Oo shaacisay dadkii ka dambeeyay Tacadiyadii Jigjiga appeared first on Shabelle. View the full article
-
Maxaas ( Sh. M. Network )-Wararka naga soo gaaraya Hiiraan ayaa ku warramaya in saaka xaalad kacsanaan ah laga dareemayo duleedka degmada Maxaas ee gobolkaasi. Xiisada oo ah mid xoogan ayaa waxaa la sheegay in u dhexeyso labo maleeshiyo Beeleed oo wada daga deegaanka Ceel Cirro oo 25 KM u jira degmadaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in xiisadan ay salka ku heyso dilal la xariira aanooyin Qabiil oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay halkaasi. Dilalkan ayaa la sheegay in loo geystay ku dhawaad 5 Qof oo ay mid ka mid aheyd Haweeney, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona laga casbi qabo in dagaallo ay ka qarxaan halkaasi. The post Xiisad xoogan Oo ka taagan duleedka degmada Maxaas appeared first on Shabelle. View the full article
-
Slået op af SBC Somali TV i Fredag den 25. januar 2019 Source
-
(SLT-Hargeysa)-Dawladda Turkiga, ayaa sheegtay inay dardar gelinayso wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanay balan qaaday inay ciyaarayso door ah dhexdhexaadin iyo fududaynta miiska wada hadalka. Safiirka Turkiga u fadhiya magaalada Muqdisho danjire Mehmet Yilmaz, oo waraysi siiyay idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho, wuxuu sheegay in Turkigu sameeyay dedaalo la doonayo in dib loogu bilaabo wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, isagoo xusay in Turkigu ergay cusub u magacaabay wada hadalada labada dhinac. “Dawladda Turkigu, waxay ku dedaalaysaa inay door ka ciyaarto wada hadalada labada dhinac ee Somaliland iyo Soomaaliya, ilaa haddana waxaan samaynay dedaalo, hadda ka dibna waan sii wadaynaa dedaaladaas.” Ayuu yidhi Danjire Mehmet, waxaanu intaas raaciyay “Safiirkayaygii hore ee Soomaaliya danjire Olgan Bekar hadda waxa loo magacaabay wakiilka gaarka ah ee Turkiga u qaabilsan wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanan rajaynaynaa inuu booqasho ku iman doono halkan,.” Isagoo sii sharaxaya safiirku dedaalka dawladda Turkiga ee isu soo dhawaynta Somaliland iyo Soomaaliya, wuxuu yidhi “Dawladda Turkiga way ka go’antahay dedaalada ku aadan suurtogelinta wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, ka dal walaalo ahaan dawladda Turkigu waxay samayn doontaa wax kasta oo karaankeeda ah, sii socoshada wada hadaladu waxay ku xidhantahay labada dhinac, go’aankoodana iyagaa u madaxbanaan, annagu waxaanu ciyaaraynaa door walaaltinimo ah oo keliya iyo fududayn. Dhaqankayagu wuxuu yahay in labadii walaalo ee ah wax kala tabanaya inaan dhexdhexaadino oo la kala dhex galo.” Source
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Mudane Yaasiin Maxamuuf Faratoon, ayaa ka jawaabay eeddo ay marwo Faadumo Siciid oo ka tirsan xisbiga Waddani u jeedisay xukuumadda oo ah in hoos u dhac ku yimid siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland islamarkaana ay xaalad dhaqaale xumo ah ku suganyihiin xafiisyada ay Somaliland ku leedahay dalalka dibadda. Wasiir Faratoon, oo uu Geeska Afrika weydiiyay jawaabta uu ka bixinayo eedahaas xisbiga Waddani, wuxuu yidhi “Safaarado aynu leenahay oo xidhmay iyo kuwa xidhmayaa, midna ma jiro, Xafiisyo ama Safaarado Shacabka reer Somaliland kala jecelaysanaya ma jiro, dadkeena Somaliland ee qurba jooga ah marka ay dalka dibadiisa joogaan, waa dad isku mid ah, marka ay dalka gudihiisa joogaana waa dad isku mid ah oo isku xuquuq ah, marka dalka ay joogaan ayeyba kala Xisbi noqdaan, balse marka ay qurbaha joogaan, isku si ayaa loo qabilaa, waa isku xuquuq, lama soo kala dhawaysto, Safaradaheenuna si kala duwan uguma adeegaan, ee si cadaalad ah ayey ugu adeegaan, waxaana dhab ah in dadkeena qurbaha jooga ay yihiin dad kaalin weyn ku leh horumarka uu dalku gaadhay, ta kale Shirkado ama waxyaabo si gaar ah loo samaystay, oo akoono gaar ah loo sameeystay oo la musuqay ma jiraan, ee Xukuumaddu ha noqoto Arrimaha Dibadda iyo Arrimaha Guddaha iyo guud ahaan Shacabkeeda cadaalad iyo sinaan ayey ugu adeegtaa, Marwadaas hadashayna, ee magaca Xisbiga Waddani ku hadlaysay waxaan leehahay oo aan kula talinayaa inay aad ugu fiirsato waxay ku hadlayso, waana laga wanaagsan yahay inuu qofku ka fiirsado wuxuu ku hadlayo, mana haboona in la sheego hadalo xaqiiqada ka fog”. Wasiir Faratoon mar aanu wax ka weydiinay waxaa ka jira in dib u dhac ku yimid Siyaasadii Arrimaha Dibadda ayaa yidhi “Wax alaale wax ka jiraa inuu dib u dhac ku yimid Siyaasadeenii Arrimaha Dibadda haba yaraate ma jirto, waxaanu wadnaa dadaalo, waxaanu rabnaa in qadiyada Somaliland iyo jirtaankeena aynu Wadan walba gaadhsiino,Xukuumad ahaan iyo Wasaarad ahaanba waxaanu doonaynaa in aanu albaab walba aynu garaacno, oo aynu qarankeena iyo jiritaanka dalkeena aanu cid walba ku qancino, iyo waliba horumarka la taaban karo ee aynu gaadhnay, haddii ay noqoto Dimuqraadiyada, nidaamka Axsaabta badan, hanaanka aynu Doorashooyinka u qabsano, iyo xasiloonida wacan ee dalkeena ka jirta, waxaana tusaale inoogu filan cid kasta oo dalkeena timaado ha noqdaan Safiiro, Wasiiro, Dublamaasiyiin iyo Xildhibaano ka socda qaybaha kala duwan ee Caalamka wey ka garaabaan horumarka aynu gaadhnay, Wasaarad ahaana in aanu sii hagaajino oo aanu hore u socod iyo horumar sii sameeyno mooye, wax dib u dhaca ah oo Siyaasadeena Arrimaha Dibadda ku yimid ma jirto”. Wasiir Faratoon mar uu ka hadlaayey Somaliland iyo Xidhiidhka Beesha Caalamka waxaa iska bedelay ayaa yidhi “Wadamada aynu jaarka nahay, iyo Wadamo badan oo kala duwan oo ku yaala Caalamka xidhiidh fiican baa inaga dhexeeya, waxaana ku dadaalaynaa oo aynu dadaal ugu jirnaa oo aynu waliba ka codsanaynaa inay Aqoonsi buuxa ina siiyaan madaama aynu Somaliya kala nahay laba dal oo kala madax banaan”. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Xuseen Yuusuf Ismaaciil , oo ka mid ah Xildihbaanada Golaha Wakiilada, kana tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa Madaxweynaha ugu baaqay inuu kala diro Komishanka, waxaanu xusay in Komishankan aan lagu kalsoonaan karin. Xildhibaan Xuseen Yuusuf Ismaaciil, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Xisbiga Waddani, oo runtii markii hore loo sadaalinayey inuu Doorashada ku guulaysanayo, dhab ahaana ahna Xisbi balaadhan, oo Taageerayaal badan leh, qadar baa dhacay, oo Xisbigii Kulmiye ayaa Doorashadii ku guulaystay, Doorashada kadibna Xisbiga Waddani wuxuu soo bandhigay caddaymo badan oo muujinayo in Doorashada khaladaad badani ka soo baxay, oo ka yimid Komishanka, waxaana ay Madaxweynaha ugu baaqeen inuu Guddi u saaro arintan, kadibna in la sameeyo baadhitaano, balse Madaxweynuhu codsigii iyo dalabkii Xisbiga Waddani iyo Caddaymihii ay soo bandhigeenba uu iska indho tiray, waxaanu ku adkaystay inay Doorashadaasi si fiican u dhacday, waxaanu iska indho tiray khaladaadka laga sheeganayo Komishanka, taasina mid laga filaayey may ahayn”. Xildhibaan Xuseen oo Madaxweynaha fariin u diraaya ayaa yidhi “Golihii Guurtidu muddo kordhin kooban bay noo sameeysay, laakiin Komishankani maaha mid sii joogi kara, madaama cadaalad daro laga tirsanayo, suurgalna maaha in laba Xisbi ay Doorasho galaan, marar badan oo talooyin umadda, dalka iyo maslaxada guud wax ka tarayna waan soo jeeiyey, ee Madaxweyne cadaalad ayaa lagaga baahan yahay ee lagaagama baahna inaad Komishankan la diidan yahay sii jeclaysto, khilaafka Xisbiyadana waxa sabab u ah Komishankan, ee Madaxweyne kala dir”. Source
-
Addis Ababa ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumad Cumar (Cagjar) ayaa maanta mar kale looga yeeray xafiiska Ra’iisul wasaare Abiy Axmed magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalkaasi. Madaxweyne Cagjar ayaa la filayaa in saacadaha soo socdo uu u ambaxbaxo magaalada Addis Ababa, si uu ula kulmo madaxda sare ee Itoobiya. Kulankan ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa xaaladda siyaasadeed ee haatan ka jirta magaalada Jigjiga ee xarunta ismaamulka Soomaalida Itoobiya. Xiisadan ayaan salka ku heyso arrimo la xariira maamulka, taas oo u dhexeysa madaxweyne Mustafe Cagjar iyo wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shide. Dhowr jeer oo hore ayaa madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itobiya looga yeeray Addis Ababa, si su’aalo looga weydiiyo xiisadaasi. The post Madaxweyne Cagjar Oo looga yeeray magaalada Addis Ababa appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Shirkadda Facebook ayaa damacsan qorshe ay ku dooneyso iney mid uga wada dhigto adeegyadeeda farriimaha la isugu diro ee kala ah Instagram, WhatsApp iyo Messenger-ka, sida uu shaaciyay wargeyska New York Times. Inkastoo ay saddexda adeeg wada ahaan doonaan kuwo mid walba uu gaarkiisa u taagan yahay, haddana farriimaha la isugu diro mid ka mid ah ayaa u sii gudbi doona dhammaan kuwa kale. Mas’uuliyiinta Facebook ayaa BBC-da u sheegay iney howshan ahayd billowga safar horumarineed oo aad u dheer. Wargeyska New York Times ayaa sheegay in qorshahan uu yahay mashruuc uu si shaqsi ah u soo hindisay aasaasaha shirkadda facebook Mark Zuckerberg. Markii la dhameystiro howshan, qofka facebook kaliya isticmaala wuxuu awood u yeelan doonaan inuu farriimo u diro qofka isticmaala WhatsApp oo qura. Tallaabo noocaas ah ayaan hadda macquul ahayn, maadaama adeegyadu aysan meelna ka xiriirsaneyn. Howsha ku saabsan in la isku wada xiriiriyo saddexdan adeeg ayaa durba la sii billaabay, sida uu ku warramay wargeyska, waxaana la filayaa in ay soo idlaato daba yaaqada sannadkan 2019-ka ama billowga sannadka xiga ee 2020-ka. Macluumaadka oo la isla wadaago Mr Zuckerberg ayaa lagu soo warramay inuu si weyn ugu ol’oleynayo qorshahan mideynta ah, si ay adeegyada hoos taga shirkaddiisa facebook u noqdaan kuwo horumar baaxad leh sameeyay. Waxa uu sidoo kale aaminsan yahay in tallaabadan lagu kasban karo macaamiil fara badan oo dheeraad ah iyo in dadku ay macluumaadka si sahlan iskula wadaagaan. Bayaan ay soo saareen mas’uuliyiinta Facebook ayaa lagu yiri: “Waxaan dooneynaa inaan abuurno khibradda ugu wanaagsan ee la iskula wadaago farriimaha iyo macluumaadka, dadkuna waxay rabaan in habka la isugu diro farriimaha uu noqdo mid dhakhso ah, aad u sahlan isla markaana la isku halleyn karo”. Facebook ayaa u muuqata iney tartan baaxad leh kula jiro hannaanka farriimaha la isugu diro ee shirkadaha Google iyo Apple. Source
-
(SLT-Washington)-Madaxweynaha maraykanka Donald Trump ayaa saxiixay habeenimadii xalay heshiis ogolaanaya in dib loo furo hawlihii shaqo ee dawladda maraykanka oo hakad ku jiray. Madaxweynaha ayaa ogolaaday in si ku meel-gaar ah, muddo saddex todobaad ah dib loo furo shaqadii dowladda. Talaabadan ayaa fursad u siinaysa shaqaalaha dowladda ee uu hakadku saameeyay inay dib u helaan mushaharkoodii. Labada aqal ee golaha congresska Maraykanka ayaa sharcigan ansxiyay iyada oo uu madaxweynuhuna qalinka ku duugay. Talaabadan ayaa si ku meel gaar ah u soo afjaraysa hakadkii ugu dheeraa taariikhada ee ku yimaada shaqada dowladda Maraykanka. Sharcigan cusub ayaa ogolaanaya in ilaa iyo 15ka bisha dambe la fasaxo shaqada dowladda isla markaana la ansixiyo miisaaniyad ku filan, laakin sharcigan ayaa waxaa ka maqan miisaaniyadii uu madaxweynuhu codsaday ee lagu dhisi lahaa darbiga laga dhisayo xadka maraykanka iyo mexico, qodobkaasi oo ahaa mid uu madaxweyne Trump si aad ah ugu dheganaa. Source
-
(SLT-Addis Ababa)-Dacwad-oogayaasha Federalka Itoobiya waxay dacwado ku soo oogi doonaan Madaxaweynihii hore ee Is-maamulka Soomaalida Ethiopia, Cabdi Maxamuud Cumar iyo Tobanaayeo Saraakiil la shaqeyn jirtey, kuwaasi oo lagu eedeynayo inay kicin lahaayeen dagaal sokeeye, isla markaana ay amreen Tacadiyo ay ku jiraan Qoor-goyn, waa sida hadalka loo dhigay. Cabdi Maxamuud Cumar waxaa la xidhay, kadib, dagaal 3 maalmood ka dhacay caasimadda Ismaamulka Soomaalida Ethiopia ee Jigjiga bishii August ee sannadkii hore. Xafiiska Xeer-ilaalinta Guud ee Ethiopia ayaa soo saaray War ku aadan in Baadhitaan socday 5 bilood kadib ay go’aamiyeen in Cabdi Mxaamuud Cumar iyo 45 Saraakiil la shaqeyn jirtey oo 40 ka mid ah weli baaxsad yihiin la soo taago Maxkamad. Agaasimaha Isgaarsiinta ee Xafiiska Xeer ilaalinta Ethiopia, Zinabdu Tunu ayaa u sheegayWeriyayaasha in Maamulkii Cabdi Maxamuud Cumar geysteen Tacadiyo, iyadoo dad badan nolosha lagu gubay, kuwo surka laga jaray iyo kuwo kale oo la jir-dilay, waa sida uu hadalka u dhigay. Afhayeenka waxa uu sheegay in 48 qof la dilay, 266 kalena lagu dhaawacay intii ay socdeen iska horimaadyadii Qomiyadda Soomaalida iyo Oramada dhex maray sannadkii hore. Source
-
Garowe (Caasimada Online)-Madaxweynihii ku xigeenkii Puntland C/xakiin Xaaji Cameey ayaa ka hadlay munaasabadda caleemo saarka madaxweynaha cusub ee Puntland oo maanta ka dhaceyso magaalada Garowe. C/xakiin Cameey ayaa ugu horeyn sheegay in madaxweynaha Puntland uu sameeyay dadaal dheeri ah si ay magaalada Garowe ugu kulmaan dhamaan xubnaha Soomaaliya matali lahaa. Wuxuu sheegay in dhinacyada ku shiraya magaalada Garowe looga baahan yahay inay ka fakaraan aayaha Soomaaliya iyo halka ay haboon tahay in loo wado, maadaama hadda meel wanaagsan ay wax marayaan. Madaxweyne ku xigeenkii Puntland ayaa ugu baaqay dhinacyada mucaaradka inaysan ka shaqeyn mucaaradnimo wax dumineysa oo ay ka fakaraan mucaaradnimo dalka Soomaaliya horey usoo wadi karta. “Waxaa mudan in loo mahad celiyo madaxweynaha Puntland oo muddo kooban kaga shaqeeyay sidii ay isku arki lahaayeen dadka ay ka go’do talada Soomaaliya, waxaan ugu baaqayaa dhinacyada kulmaya, inay ka shaqeeyaan sidii dalkaan loosii hormarin lahaa” “Lama joogo meel dib u dhac iyo dib looga laaban karo, waxaan leeyahay ka shaqeeya sidii horumar loo gaari lahaa, ka shaqeeya sidii la isku fahmi lahaa”ayuu yiri C/xakiin Xaaji Cumar Cameey. Magaalada Garowe oo ay ka dhaceyso munaasabadda caleemo saarka madaxweynaha Puntland waxaa isku arkaya dhamaan dhinacyada isku haya siyaasadda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Roger Stone, oo la-taliye u ahaa ololaha doorasho ee madaxweyne Trump ayaa waxaa shalay xidhay hay’adda dambi baadhista Mareykanka ee FBI-da. Stone ayaa waxaa loo xidhay dhowr eedeymo oo la xidhiidha baadhitaanka uu dacwad oogaha gaarka ah ee Mareykanka Robert Mueller ku hayo faro-gelinta Ruushka ay ku sameeyeen doorashadii madaxtinimo ee Mareykanka ka dhacday sanadii 2016. Wakiilada FBI-da ayaa Stone waxay ay subaxnimadii shalay ku xidheen gobolka ku yaalla Koonfurta Bari ee Mareykanka ee Florida, kadib markii xeer-beegti federal ah ay ku eedeeyeen shan kiis oo la xidhiidha inuu been sheegay iyo laba kiis oo mid uu yahay inuu hor-istaagay cadaalladda iyo midka kale oo ah inuu faro-geliyey marqaati furayaal. Source
-
Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ka soo saartay shir lagu qabanayo London-U.K oo lagu iibin-doono Blocs ka tirsan shidaalka Soomaaliya. Halkan Hoose ka Akhriso War-saxaafadeedka: Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dawlada Federaalka Soomaaliya oo gudanayasa waajibaadkeeda shaqo ee loo igmaday waxay ku hawlan tahay hergalinta iyo dhamaystirka hal beegyo iyo hawlo muhiim u ah ka faa’idaysiga kheyraadka Batroolka Iyo Macdanta Soomaaliyeed. Sidaas darteed waxay Wasaaraddu u xaqiijineysaa ummadda Soomaaliyeed inay u taagan tahay ilaalinta ammaanadaas weyn ee loo xil saaray iyo dhowrista dhammaan shuruucda lagu maamulayo. Waxay kaloo wasaaraddu u xil saaran tahay in ay ku soo xirto Soomaaliya maalgashadayaal caalami ah oo u maalgashta kheyraatkeenna Batroolka sida ummadda Soomaaliyeed danta ugu jirto, waafaqsanna xeerarka dalka iyo heshiiskii ay wada gaareen dawladda Federaaka iyo dawlad goboleedyada xubnaha ka ah oo lagu caddeeyey lahaanshaha, maamulka iyo wadaagga kheyraadka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliyeed. Sidaas darteed, iyadoo taas laga duulayo, ayay wasaaraddu qaban qaabisay shir lagu qabanayo London-U.K oo ay ka soo qayb galayaan wasaaradda,xubnaha dawlad goboleedyada ,ganacasatada Soomaaliyeed iyo shirkadaha caalamiga ah ee shidaalka. Shirkan waxa lagu soo bandhigi doonaa kheyraadkeenna shidaalka, waxna kama jiraan in shirka lagu xaraashaayo xirmooyin (Blocks). Hadaba Ummadda Soomaaliyeed waxaan u xaqiijineynaa in si loo bixiyo shati ama rukhsad shidaal qodis (Licence) ay qaadaneyso wadahadal dheer oo soconaya ku dhowaad sannad, si daahfuranna ay ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto ula socon doonto. Sidoo kale markii rukhsadda la bixiyo si hawl gallada qodista iyo horumarintiisaba looga miro dhaliyo ay qaadaneyso wax ka badan 5 sano. Ugu dambeyntii waxaan ummadda Soomaaliyeed u xaqiijineynaa in uusan jirin shidaal Soomaaliyeed oo la xaraashayo wasaaraddana ay gudaneyso waajibaadkeeda si ay ummadda Soomaaliyeed ugu faa’ideyso si sax ah kheyraadka Ilaahay ku manbeystay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ciidanka daraawiishta ee maamulka Hirshabelle ayaa gacanta ku dhigay nin la sheegay inuu diley Haweeney, iskuna dayey inuu baxsado. Mukhtaar Cabdulle oo ah taliye ku xigeenka ciidanka Daraawiishta Hirshabelle ayaa u sheegay Goobjoog in ninkaasi ay gacanta kusoo dhigeen islamarkaana hadda baaritaan lagu hayo. Waxa uu sheegay taliye ku xigeenka in dadka deegaanka dilka uu ka dhacay ay gacan weyn ka geysteen sidii loo sooqaban lahaa ninkaasi. Dilka ayaa ka dhacay Tuulada Gaal-leef oo kamid ah tuulooyinka hoostaga degmada Jowhar ee gobolka Shabellaha Dhexe. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/TALIYAHA-DARAWISHTA-HIRSHABEELLE-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Afgooye ( Sh. M. Network )-Ciidamada ammaanka ayaa xalay howlgallo ballaaran ka sameeyay gudaha degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. Howlgallada oo ahaa kuwa qorseheysan ayaa waxa ay Ciidamadu ka fuliyeen xaafado dhowr ah oo ka tirsan degmadaasi. Ujeedka howlgalladan ayaa lagu sheegay mid lagu xaqiijinayay amniga, sidoo kalena looga hortagayay falalka ammaan dari ee mararka ka dhaca degmadaasi Afgooye. Ma jirto illaa iyo hadda wax faah faahin oo ay saraakiisha laamaha amnigu ka bixiyeen howlgalladaasi. Shalay ayey aheyd markii dabley hubeysan ay 4 Qof ku Toogteen suuqa ku yaalla bartamaha magaaladaasi. The post Howlgallo ballaaran Oo xalay laga sameeyay Afgooye appeared first on Shabelle. View the full article
-
Waxaa laga deyrinayaa Xaalada Nololeed ee ay ku sugan yahiin Naafada ku dhaqan degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo. Dhibaatada ugu daran ee naafada ay qabaan xilligan ayaa waxaa ugu weyn nolol xumo, Daryeel la’aan iyo shaqo la’aan, iyadoo dadka naafada ee ku dhaqan Garbahaarey iyo nawaaxigeeda lagu qiyaaso in ka badan ilaa 130 ruux, oo isugu jira rag iyo Dumar. Aadan Maxamed Ereg oo ah Guddoomiyaha Naafada Garbahaarey oo lahadkay Goobjoog ayaa sheegay in aysan jirin xilligan wax daryeel ah oo ah helaan. Waxa uu sheegay Aadan iney u baahan yihiin gurmad dhan walbo ah, islamarkaana cid walbo ay taageero xooggan ka rabaan. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/Naafada-Garbahaarey-oo-ka-cabanaysa-noolol-xumo-iyo-daryeel-la’aan-ok.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ka soo saartay shir lagu qabanayo London-U.K oo ay ka soo qayb galayaan wasaaradda,xubnaha dawlad goboleedyada ,ganacasatada Soomaaliyeed iyo shirkadaha caalamiga ah ee shidaalka, kaas oo lagu soo bandhigi doonaa kheyraadkeenna shidaalka. Halkan Hoose ka Akhriso War-saxaafadeedka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dawlada Federaalka Soomaaliya oo gudanayasa waajibaadkeeda shaqo ee loo igmaday waxay ku hawlan tahay hergalinta iyo dhamaystirka hal beegyo iyo hawlo muhiim u ah ka faa’idaysiga kheyraadka Batroolka Iyo Macdanta Soomaaliyeed. Sidaas darteed waxay Wasaaraddu u xaqiijineysaa ummadda Soomaaliyeed inay u taagan tahay ilaalinta ammaanadaas weyn ee loo xil saaray iyo dhowrista dhammaan shuruucda lagu maamulayo. Waxay kaloo wasaaraddu u xil saaran tahay in ay ku soo xirto Soomaaliya maalgashadayaal caalami ah oo u maalgashta kheyraatkeenna Batroolka sida ummadda Soomaaliyeed danta ugu jirto, waafaqsanna xeerarka dalka iyo heshiiskii ay wada gaareen dawladda Federaaka iyo dawlad goboleedyada xubnaha ka ah oo lagu caddeeyey lahaanshaha, maamulka iyo wadaagga kheyraadka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliyeed. Sidaas darteed, iyadoo taas laga duulayo, ayay wasaaraddu qaban qaabisay shir lagu qabanayo London-U.K oo ay ka soo qayb galayaan wasaaradda,xubnaha dawlad goboleedyada ,ganacasatada Soomaaliyeed iyo shirkadaha caalamiga ah ee shidaalka. Shirkan waxa lagu soo bandhigi doonaa kheyraadkeenna shidaalka, waxna kama jiraan in shirka lagu xaraashaayo xirmooyin (Blocks). Hadaba Ummadda Soomaaliyeed waxaan u xaqiijineynaa in si loo bixiyo shati ama rukhsad shidaal qodis (Licence) ay qaadaneyso wadahadal dheer oo soconaya ku dhowaad sannad, si daahfuranna ay ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto ula socon doonto. Sidoo kale markii rukhsadda la bixiyo si hawl gallada qodista iyo horumarintiisaba looga miro dhaliyo ay qaadaneyso wax ka badan 5 sano. Ugu dambeyntii waxaan ummadda Soomaaliyeed u xaqiijineynaa in uusan jirin shidaal Soomaaliyeed oo la xaraashayo wasaaraddana ay gudaneyso waajibaadkeeda si ay ummadda Soomaaliyeed ugu faa’ideyso si sax ah kheyraadka Ilaahay ku manbeystay. The post XF Oo beenisay in la xaraashayo Shidaalka dalka appeared first on Shabelle. View the full article
-
Garoowe ( Sh. M. Network )-Wafdi hoggaaminayo madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa saaka ku sii jeeda magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland. Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa oo la filayo in goor dhow ay ka ambabaxaan magaalada Muqdisho ayaa halkaasi uga qeyb gali doono munaasabadda caleema saarka madaxweynaha cusub ee maamulkaasi Saciid Cabdullahi Deni. Qaban qaabada soo dhaweynta wafdigan ayaa si aad ah haatan looga dareemayaa gudaha magaalada Garoowe ee xarunta G/ Nugaal. Ammaanka ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoona Ciidamo dheeraad ah lagu arkayo waddooyinka muhiimka ah ee magaaladaasi. Mas’uuliyiin kala duwan oo isugu jira madax hore, kuwa haatan , siyaasiyiin, madaxda maamul goboleedyada iyo marti sharaf kale ayaa qeyb galaya xafladdan oo saacadaha soo socda ka dhici doonto madaxtooyada dowlad goboleedka Punntland. Sideedii bishan ayey aheyd markii Deni lagu doortay Garoowe, kadib doorasho ka dhacday gudaha magaaladaasi. The post Madaxweynaha JFS Oo saaka ku wajahan M/ Garoowe appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Subax-260119.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Magaalada Garoowe ee caasimada Puntland oo ay ka dhacayso caawa caleemo saarka madaxda cusub ee Puntland Siciid C/laahi Deni ayaa waxaa ku soo wajahan wafdigii [...] Source
