-
Content Count
212,105 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa looga digay inay ansixiyaan sharciga Hanti Dhowrka Qaranka oo horyaala, kaasi oo maanta la filayo inay ansixiyaan. Ku xigeenka Koowaad ee Hanti dhowrka Qaranka Cali Abuukar Axmed ayaa isaga oo warbaahinta la hadlayay wuxuu sheegay inuu ka digayo in baarlamaanka ansixiyaan sharciga Hanti dhowrka Qaranka. Wuxuu sheegay in sharcigaasi uu yahay mid awood uusan laheyn siinayo Hanti dhowrka Qaranka, isaga oo sheegay in Hanti Dhowrka Qaranka uu noqon doono ruux awood leh sida madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha. Wuxuu sheegay inuu ka madax banaaneynayo sharcigaasi xafiisyada golaha Fulinta, islamarkaana uu xasaanad gaar ahaaneed uu yeelan doono hanti dhowraha, taasi oo ka dhigeyso inuu ka bixi doono Shanta Kaabayaasha dhaqaalaha la isku yiraahdo. Wuxuu sidoo kale sheegay in Hanti dhowraha Qaranka uu shaqo la’aan ka dhigay shaqaalo ka tirsanaa xafiiska, kuwaasi oo muddo ka shaqeynayay Handhowrka, taasi badalkeedana uu la yimid halinyaro badan oo ay isku reer yihiin. Cali Abuukar, ku xigeenka koowaad ee xafiiska Hanti dhowrka, ayaa dhinaca kale ka hadlay shaqaalo ka tirsan Xafiiska oo looga yeeray xarunta hay’adda Dambi baarista ee CID, kuwaasi oo uu sheegay inay ka amar qaadanayeen Hanti dhowrka. Wuxuu sheegay in shaqaalaha la wareystay ee ka tirsan Xafiiska Hanti dhowrka, inay yihiin kuwii uu shaqo la’aanta ka dhigay, islamarkaana uu doonayo in dambiyo aysan laheyn lagu eedeeyo. Ugu dambeyn wuxuu madaxda ugu sareyso dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay soo fara geliyaan xiisadda ka taagan xafiiska Hanti dhowrka Qaranka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Waa kuma Siciid Cabdullahi Deni? Siciid Cabdullahi Deni waa ganacsasde isu rogay siyaasi. Wuxuu ku dhashay, kana dhigtay waxbarashadiisa illaa heerka koowaad ee jaamacadda magaalada Muqdisho. Ka dib wuxuu galay jaamacad ku taal Malaysia oo uu ka qaatay shahaadada heerka labaad ee jaamacadda. Ganacsiga ka sokow wuxuu ahaa qofkii ug horreeyay ee Boosaaso ka aasaasa dugsiga Imaam Nawawi. Wuxuu dawladdii Xasan Shiikh noqday wasiirka qorshaynta qaranka. 8-dii Janaayo 2019-ka wuxuu ku guulaystay in loo doorto madaxwaynihii 5aad ee Puntland. Sababihii keenay guusha Deni Guushiisa ka hor, Deni wuxuu dhextaal u ahaa kooxo iyo shakhsiyaad dhowr ah oo mid waliba dan gaar ah ka lahaa inuu ku guulaysto madaxwaynanimada Puntland. Shakhsiyaadka gacanta ugu wayn ka gaystay guushiisa waxaa ka mid ahaa madaxwaynihii hore ee Puntland Cabdiraxman Faroole, murashax madaxwayne Farax Cali Shire, iyo Cabdiwali Gaas. Kooxaha taageerada xoogga leh siiyayna waxaa hormuud u ahaa Aaran Jaan, Towfiiq, Saracen, Dam Jadiid, Al-Islaax, Dahabshiil, iyo Somaliland. Dhamaan kooxahaan aan kor ku xusnay waxay Deni siiyeen taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeedba. Waxaa la sheegay in Lacag gaaraysa 2 milyanoo doolar uu Deni uga soo qaaday Dahabshiil nin la yiraahdo Maxamuud Shiddo oo ah madaxa Aaran Jaan, isla markaana ka mid ah boardka Towfiiq, iyo kan Saracen. Waxaa kaloo la baahiyay in Somaliland ay iyana u soo dirtay hal milyan oo dollar oo kale. Sidoo kale, waxaa warbaahinta Puntland sheegtay, in dhaqaalih uu Deni ka helay kooxahaas uu u adeegsaday inuu ku gato codka xildhibaanada, iyadoo xildhibaakiiba uu siinayay 50 kun oo doolar si ay ugu codeeyo. Xildhibaankii lacag ka qaatana wuxuu marinayay dhaar adag oo isugu jirta xilo dalaaq iyo habaar. Dhallinyaradii (xildhibaanadii) loo han waynaa oo lagu hungoobay codkoodiina iibiyay Sanandka 2019-ka boqolkiiba 74 (74%) ama 49 ka mid ahh 66-ka xildhibaan ee Puntland laga soo doortay waxay ahaayeen dhallinyaro wax ku bartay jaamacado dalka gudihiisa ku yaal oo lagu tuhmayay waddaniyad, dhaqan wanaag, xalaal quudasho, iyo diin wanaag, una badanaa kuwo taabacsan kooxda Islaamiga ah ee Al-Islaax. Aad baa loogu han waynaa dhallinyaradaas oo waxaa la filayay inay Puntland ka saaraan musuqa, dhaqaale xumada, ammaan darrada, iyo horumar la’aanta. Laakiin sidii la moodayay ma noqon oo iyagii ayaaba ka darnaaday kuwii ka horreeyay oo lagu eedaynayay laaluush cunka, damiir la’anta iyo waddaniyad xumida. Haddana dadka reer Puntland waxay aad uga walaacsan yihiin mustaqbal xumo ku dhacda Puntland sababta oo ah xildhibaanadii sanadkan waxay noqdeen kuwo aan sarriig lahayn oo cid kastoo lacag u keenta ka qaadanaya. Sida lagu sheegay warbaahinta Puntland, lacagta lagu kala gadanayay codka xildhibaanda waxay u dhexaysay 30 ilaa 70 kun oo doolar. Xildhibaanaduna kuma ekaanayn hal murashax ee waxay isu marayeen 4 ilaa 5 murashax. Sidaas baana xildhibaanada qaarkood ku heleen lacag gaaraysa dhowr boqol oo kun oo dollar. Waxaase taas ka sii darnayd markii siyaadadii dib la isga soo matajiyay oo murashixiintii aan guulaysan ay ka dalbadeen xildhibaanadii aan u codayn ay u soo celiyaan lacagtoodii. xildhibaanada qaarkood suuqa dhexdiisa iyagoo maraya ayaa xabad dhafoorka laga saaray oo lagu khasbay inay lacagtii soo celiyeen. Haddba waxaa is waydiin leh, xildhibaanada noocaas ah oo iyagoo aan wali shaqo bilaabin oo indhuhu u furmin codkooda siistay lacag laaluush ah, maxaa laga filayaa inay samayn doonaan markii ay muddo sii joogaan oo shaqo bartaan? Sow ma qaadan doonaan lacagaha laaluushka ah oo la hubo in laga keeni doono waddamo shisheeye, shirkado calooshood u shaqaystayaal ah, iyo shakhsiyaad shisheeya iyo Soomaliba leh. Ma laga filayaa inay lacagaha noocaas ah diidi donaan oo ay u danayn doonaan dadka iyo dalka ay dhaarta ugu mareen inay ilaanin doonaan danihiisa si daacad ahna ugu shaqayn doonaan? Sida xaal gadaal ka noqon doono Allaa og laakiin hadda reer Puntland waxay isku raaceen in xildhibaanadaan kuwa ka liita aysan hore u soo marin Puntland Ceeb aan hore loo arag – 41 Xildhibaan oo ka maqnaa khudbadihii murashixiinta Waxaa yaab iyo amakaag noqotay in 41 xildhibaan ay ka maqnaayeen khudbadihii ay jeedinayeen 21-kii murashax ee u tartamayay madaxwaynanimada. Waxa dabadeed la soo ogaaday in xildhibaanadii maqnaa ay saf ugu jireen Dahabshiil si ay u soo qaataan lacagihii ay ku iibsadeen codkooda. Ceebta saddexaad – Sool clan oo qaddiyadoodii siistay lacag Markii tar-tanka doorashada uu soo galay Dr. Cali Ciise, Soomaali oo dhan waxaa gashay rajo ah inuu ku guulaysto doorashada maadaama uu ahaa ninka ugu bisilaa, uguna aqoon iyo khibrad badnaa raggii tartamayay. Aqoonta iyo waayo aragnimada Dr. Cali Ciise u lahaa dib u dhiska, maaraynta, iyo kocinta dhaqaalaha waxay ahayd wax si gaar ah Puntland xilligaan ugu baahnayd maadaama ay labaatankii sanoo ay dhisnayd ay ka bixi wayday musuq-maasuq, bur-bur dhaqaale, iyo takri fal hantida guud. Laakiin, in la doorto Dr. Cali Ciise iska daaye, reerkii uu ka dhashay oo lahaa 17 cod, ayaan xataa siin hal cod. Haddii uu heli lahaa codkooda, waxaa suurogal noqon lahayd inuu u soo gudbo wareegga labaad, dabadeedna uu helo jaanis uu ku guulaysto jagada madaxwaynanimada (Akhri Ma tuurnaa qabiil oo dooranaa Dr cali Ciise Cabdi). Ayaan darro, ma dhicin inuu helo codkii xildhibaanada reerkiisa. Hal cod oo ka yimid beel kale ayuu helay. Sidaas buuna Dr. Cali Ciise ku haray wareeggii kowaad, Puntlandna sidaas bay gacanta ugu gashay Aaran Jaan, seeddiyaasha Somaliland, iyo xildhibaano aan lahayn bisayl siyaasadeed, mid shaqo, mid aqoon, mid diin, mid waddaninimo, mid xishood, mid xalaal quudasho, mid aragti dheeri, iyo mid u hiilin jiilasha dambe. Xildhibaanadii dhulbahantana waxay halkaa kala hoydeen astaan ku dhegtay oo ah qaddiyad la’aan, hiil la’aan iyo laaluush qaadasho. Mudaharaadyo looga soo horjeedo Deni iyo Baqdin la qabo mustaqbal xumo ku dhacda Puntland Taariikhda Soomaaliya hore ugama dhicin in madaxwayne la soo doortay ay ku mudaharaadaan reerkii uu ka dhashay. Laakiin markii ugu horraysay waxaa dhacay 8-dii Janaayo 2019-ka oo ahayd maalintii madaxwaynaha maamulka Puntland loo doortay Siciid Cabdullahi Deni, mudaharaadyo reerkiisu uga soo horjeedaan doorashadiisa. Mudahaardyadu waxay salka ku hayeen diidmo la diiddan yahay cidda Deni siyaasad ahaan ku xiran yahay, waxa uu aamminsan yahay, cidda maal galisay doorashadiisa, iyo baqdin laga qabo siyaasaddiisa ku dhisan danta saaxiibada iyo kooxaha gaarka ah ee ay isku xiran yihiin ee ka caawiyay guusha doorashadiisa. Guusha madaxwayne Deni waxay dadka reer Puntland ku abuurtay wel-wel, walaac, iyo baqdin laga qabo colaado iyo cawaaqib xumo dhaqaale oo soo fool saarta Puntland. Waxaa la saadaalinayaa in bur-bur dhaqaale yimaado, shilling Soomaaligu sii qiimo beelo, warshaddii lacagta ee Gaas sii shaqayso, dawladda Denina gacan saar dhow la yeelato maamul goboleedyada si loo wiiqo awoodda dawaldda dhexe. Xiriirka shirkadda Towfiiq iyo Deni – Yaa leh shirkadda Towfiiq? Shirkadda Towfiiq waxaa iska leh ganacsato badankoodu ka tirsan yihiin ururka Isaamiga ah ee Al-Islaax oo uu Deni laftiisu ka mid yahay. Towfiiq waa shirkaddii Deni u dirtay Malaysia oo ka bixisay waxbarashadii heerka labaad ee jaamacadda (Master degree). Waana halkii uu ka shaqo bilaabay markii uu waxbarashadii soo dhamaystay oo dib ugu soo laabtay Puntland. Deni wuxuu Towfiiq ka noqday maamulaha shirkadda, halkaas oo uu khidmad (commission) wanaagsan ka qaadan jiray, sidaasna uu lacag badan ku sameeyay. Sidaa awgeed, waxaa aad loo saadaalinayaa in shirkadda Towfiiq ay aad uga faa’idi doonto maalgalintii murashaxnimadii Deni. Xiriirka ka dhexeeya Aaran Jaan, Saracen international, iyo Deni Aaran Jaan waa ganacsato lagu tilmaamo inay yihiin kuwo aan waxna u aaba yeelin (corrupt and immoral). Ragg ku jira boardka Aaran Jaan baa sidoo kale qaar ka mid ah ay ku jiraan boardka Saracen (why is Saracen in Puntland), iyo kan Towfiiq. Ragga ugu magac dheer kooxdaan waxaa ka mid ah madaxwaynihii hore ee Puntland Cabdiraxaman Faroole, wasiirkii Faroole ee maaliyadda, Farax Cali Shire oo 2019-ka u tartamayay madaxwaynanimada, iyo Deni oo ah madaxwaynaha la doortay 2019-ka TV-yada baynu ka wada daawanaynay markii Farax Calis Shire ku haray wareeggii labaad in isaga iyo Faroole ay ku heshiiyeen in xildhibaanadii u codeeyay Farax Cali Shire lagu wareejiyo Deni. Hadafka koowaad ee kooxda Aaran Jaan waxa weeye sidii ay lacag u samayn lahaayeen, iyadoo aan loo aabo yeelayn qaabka loo samaynayo, iyo cidda laga samaynayo, iyo sida ay sharciga u waafaqsan tahay samaynta lacagtaas. Kooxdaan waa isla kooxdii haraysay oo gacanta ku haysay dawladdii Faroole. Haddaba maadaama Deni lagu tilmaamo inuu yahay nin jilicsan oo hadba dhankii la rabo loo jeedin karo, waxaa la saadaalinayaa in kooxdaani saamayn wayn ku yeelato maamulkiisa, danahoodana si buuxda uga fushan doonaan. Yay faa’ida u tahay doorashada Deni Shaki la’aan, doorashada Deni waxaa ka faa’idi doona Aaran Jaan, Towfiiq, Saracen, iyo kooxaha kale ee gacan saarka ay isla leeyihiin. Waxaa la filayaa in kooxahaan heli doonaan qandaraasyada dawladda Puntland ay bixin doonto, isla markaana ay gebi ahaanba gacanta ku dhigi doonaan ilaha dhaqaalaha Puntland, la talinta iyo u dhowaanshaha maamulka Deni. Waxaa kaloo faa’ido ku qabi doona doorashada Deni, Imaaraatka, Dam Jadiid, Dahabshiil, Somaliland, iyo maamul goboleedyada oo kulligood taageero hiil iyo hooba leh siiyay doorashadiisii. Doorashada Deni waxay dhabar jab ku noqon kartaa dadaadallada dawladda dhexe waddo, dadka jecel midnimada iyo horumarka Soomaaliya, iyo dadka reer Puntland ee filayay in la doorto madaxwayne ka wanaagsan Cabdiwali Gaas. Sidee loo jebiyay murashax Engineer Jebiye Engineer Jebiye waxaa qabsaday dhowr arrimood oo sababay inuu guulaysan waayo: Kala daadsanaan iyo maamul xumo ka jirtay campaign-kiisa Kalsooni uu ku qabay inuu isagu guulaysan doono. Xildhibaannadii lacagta ka qaatay oo ballantii uga baxay maadaama uusan dhaar adag marsiin Sidee looga adkaaday Cali Xaaji iyo Dr. Cali Ciise Inkasta oo labo Cali aysan laaluush bixin haddana xildhibaano badan bay ka haysteen kalsooni ah inay u codayn doonaan. Hase yeeshee isla xildhibaanadii ballanta la galay ayaa lacag ka soo qaatay murashixiin kale oo laaluush bixinaysay, dabadeena waxaa khasab noqtay inay ballantii uga baxaan labo Cali oo u codeeyaan kuwii ay lacagta ka soo qaateen. Sidee looga adkaaday Gen. Asad General Asad guushu isha baalkeeda aayy u soo martay. Mar haddii labo qof aysan halkii jago ee loo tar-tamayay ku wada guulaysan karin, nasiibkii wuxuu noqday inuu isagu haro, Denina guulaysto. Waxaase jirta hal wax oo la hub. Xildhibaankii Generalka lacagta ka cunay laakin aan u codayn ma joogi doono Garowe haddii aysan iska soo celin lacagtiisii. Dhanka kale, Generalk Asad waxba kama hallaabin waayo tijaabadii kowaadna meel fiican buu soo gaaray, toban sano ka dibna haddii uu sii noolaado, caafimaadna qabo, wuxuu isa sharrixi kari doonaa isagoo shuruudii da’da saxda ah soo buuxiyay. Xiriir noocee ah baa dhex mari kara Deni iyo Dawladda dhexe Haddii Madaxwayne Deni uu sii wado abaabulkii Cabdiwali Gaas ee ahaa in maamul goboleedyadu isu kaashadaan si ka dhan ah dawladda dhexe, waxaa sii socon doona carqaladda hadda dhex taal dawladda dhexe iyo maamul goboleedyada. Taasina waxay keeni doontaa inuu dibu dhac ku yimaado ama la gaari waayo horumar badan oo la hiigsanayay iyo rajo badanoo wanaagsan oo laga qabay in Soomaaliya u dhisanto dawlad ka shaqaysa danta dadka iyo dalka. Maxaa xal u noqon kara oday dhaqameedyada iyo xildhibaanada laaluuska qaata Sida keliya ee looga bixi karo dhibaatada oday dhaqameedyada iyo xildhibaanada laaluuska qaata waxa weeye. in bulshada lagu wacyi galiyo in laga guuro nidaamka oday dhaqamdeedyada. in la hirgaliyo nidaamka qof-iyo-cod oo dadku toos u doortan madaxdooda. in la sameeyo sharciyo xaddidaya fara gelinta shirkadaha xawaaladaha iyo isgaarsiinta. Tusaale ahaan, Shirkadda Dahabshiil waxaa caado u ah inay 500 oo kun ilaa 1 milyan oo doolar ay sooryo ahaan ugu keento hadba ninkii ku guulaysta Puntland. Oday dhaqameedyada hadda jira way lumiyeen dhaqankii, xeerkii, iyo anshixii wanaagsanaa ee lagu yiqiin raggii hore. Haddii aan laga gudbin nidaamka ah inay umadda u taliyaan odayaal aan aqoon diineed iyo mid maaddi ah midna lahayn, xalaal iyo xaaraan aan kala jeclayn, cadaalad samaynayn, Alle ka baqayn, waddaniyad lahayn, waxaan halis loogu jiraa inaan halaag ku dhacno. Dhibaatada oday dhaqameedyada oo biirsatay tan xildhibaana dhallinta yar oo labadiiba ay dadkoodii iyo dalkoodii siisanayaan lacag yar oo maalmo ama bilo gudahood ku dhamaanaysa, waa labo musiibo oo aan laga kici karin haddii aan si deg deg ah wax looga qaban. Gaba-gabo War iyo dhamaanti, qofba si buu u arkaa guusha iyo cidda heshay. Indhow garadka qabiiliga ah wuxuu u arkaa in shanta sano ee soo socota guul u soo hoyatay Deni, Cisman Maxamud, Maxamud Saleeban, Aaran Jaan, Faroole, iyo Faarax Cali Shire, iwm. Anna waxay ila tahay wax badan baa nin la fududaysanay raad reebya oo ka tagay taariikh wanaagsan oo dhaxal gal ah ee yaan lagu deg-degin in baal madow la geliyo Deni. Allaha ka dhigo kii bed-baadiya dadka iyo dalka Soomaaliya W/Q: Axmed Bashir bashir1631@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Golaha Shacabka u gudbiyay Xeerka Maamul ee Xulida Guddiga Agaasinka Bankiga Dhexe oo Golaha Wasiirada wadar ogol ku ansixiyeen. Xeerkan ayaa wax ka bedelaya sharciga Bangiga Dhexe, gaar ahaana qodobka 130 aad, Waxaana la doonaaa in dib u eegis lagu sameynayo qodobkaasi. Golaha wasiirada ayaa si KMG ah wadar ogol ku ansixiyay sharcigaan, waxaana la doonayaa in golaha shacabka ay meel mariyaan, haddii baarlamaanka ay wax kabadalaan kadibna ansixiyaan ayaa waxay ka dhignaan doontaa in ruux ajnabi ah uu qaban karo xilka guddoonka Bangiga Dhexe.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar aan heleyno ayaa sheegaya in dhawaan la filayo in magaalada Muqdisho ay soo gaaraan Xildhibaan Maxamed Yuusuf Xaaji oo ka tirsan baarlamaanka Kenya iyo guddoomiyaha Gaarisa Cali Bunow. Caasimada Online ayaa ogaatay in xubnahan ay imaan doonaan magaalada Muqdisho, iyaga oo madaxda dowladda Soomaaliya la filayo inay kulamo kala duwan la qaataan. Sida wararka aan ku heleyno xubnahaan ayaa ujeedadooda tahay inay madaxda dowladda Soomaaliya ay kala hadlaan arimo la xiriira madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam. Waxaa qorshaha uu yahay inay madaxda dalka kala hadlaan ama ku qanciyaan in waqti kordhin loo sameeyo Axmed Madoobe, oo bilooyin kooban ay kaga harsan yihiin doorashada Jubbaland. Masuuliyiinta Kenya ayaa doonaya in heshiis iyo isfaham ay dhex dhigaan madaxweyne Axmed Madoobe iyo madaxda dowladda Soomaaliya, Maadaama Axmed Madobe uu yahay madaxweynaha kaliya ee kasoo haray golihii iskaashiga dowlad goboleedyada. Nuuradiin Haji oo ah Agaasime Kuxigeenka Sirdoonka Kenya islamarkaana uu dhalay Yuusuf Haji Wasiirkii Hore Difaaca Kenya ayaa Wargayska The star u sheegey in Jubbaland Kenya u samaysay sidii ay ugu ilaalsan lahayd Xaduudkeeda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Xubin sare oo katirsan qoyska xukuma Sacuudiga ayaa kasoo horjeestay in ciidamada Maraykanku ay ka baxaan Suuriya. Amiir Turki al-Faisal ayaa ka hadlay dilkii Jamaal Khashoggi iyo xiriirka Sacuudiga iyo Maraykanka. Xubin sare oo katirsan qoyska xukuma Sacuudiga ayaa kasoo horjeestay in ciidamada Maraykanku ay ka baxaan Suuriya. Amiir Turki al-Faisal ayaa BBC-da u sheegay in tallaabadani ay yeelan doonto saamayn taban, taas oo uu sheegay in ay fursad siin doonto Iran, Ruushka iyo xukunka Madaxweyne Bashar al-Assad. Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay bishii December in la gaaray xilligii ciidamada Maraykanka ee ku sugan Suuriya ay dalkooda kusoo laaban lahaayeen. Amiir Faisal ayaa hadalkan jeediyey in yar uun kahor markii Xoghayaha Arrimaha dibadda Maraykanka Mike Pompeo uu socdaal ku tagay Riyadh. Mr Pompeo oo wadahadallo u jooga Riyadh. Mr Pompeo ayaa socdaal kumaraya Bariga Dhexe, wuxuuna goor horeba booqday dalalka Ciraaq, Urdun, Masar iyo Bahrain. Waxa uu sheegay in bulshada caalamka ay ceeb kutahay in ay dhabarka u jeediyaan shacab Suuriya iyo in ka bixitaanka ciidamada Maraykanka ay xaaladda uga sii darayso. Amiirka ayaa intaas ku daray in iscasilaaddii wasiirkii difaaca Maraykanka James Mattis ee bishii December ay ayduna tahay mid xaaladda uga sii daraysa. Amiirku ma ahan xubin katirsan xukuumadda Sacuudiga, hase ahaatee wuxuu ku dhex leeyahay waayo aragnimo gaaraysa tobonaan sano. Madaxweyne Trump ayaa bishii hore ku dhawaaqay in ciidamadiisa uu kala bixi doona Suuriya Warbaahinta Maraykanka ayaa ku warramaysa in la filayo in wasiirku uu dalalkaas kala xaajoon doono arrinta Iran, loollanka ka taagan Yemen iyo Suuriya, iyo in uu sidoo kale doonayo in uu wax ka ogaado halka uu marayo baadhitaanka la xiriira dilkii Wariye Jamal Khashoggi. Qaran News
-
Duq magaalo oo isagoo masrax saaran oo khudbeeyay mindi la galiyay+Sawirro Duqa magaalada Gdansk ee dalkaasi Poland ayaa xalay mindi la galiyay kadib markii uu soo weeraray nin ku hubeysan toorey xilli uu khudbad ka jeediyay isu-soobax magaaladaasi ka dhacay. Adamowicz oo duqan lagu magacaabo ayaa laga arkayaa muuqaalo laga duubay isago oo masrax taagan oo mindida dhowr jeer la galinayo, dabadeedna uu ruuxa falkaasi geystay oo ahaa nin uu mindida masraxa la wareegaya dabadeedna xoog kula hadlaya dadweynaha. Madaxweynaha dalkaasi Poland Andrzej Duda, ayaa warbaahinta u sheegay in duqa magaalada Gdansk uu wali nool yahay islamarkaana ay takhaatiirtu la tacaaleyso dhaawiciisa culus. Adamowicz oo 53-jir ah ayaa magaalada Gdansk ka ahaa duq magaalo mudo 20 sano ah, waxaana uu ahaa nin aad looga yaqaano magaaladaasi iyo dalka intiisa kaleba. Nin 27 jir ah ayaa loo qabtay oo ka dambeeyay falkaasi, waxaana uu sheegay xilli uu xoog kula hadlayay dadweynaha in si khaldan xabsi ay u dhigeen xukuumaddii hore ee uu qeybta ka ahaa Adamowics. Halkan ka daawo Muqaalka sidii Mindida loo geliyey:- A man holding a knife shouts on the stage just after Gdansk’s Mayor Pawel Adamowicz was stabbed during an open-air 27th Grand Finale of the Great Orchestra of Christmas Charity in Gdansk, Poland January 13, 2019. KFP/Anna Rezulak via REUTERS ATTENTION EDITORS – THIS IMAGE WAS PROVIDED BY A THIRD PARTY. POLAND OUT. Qaran News
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook wuxuu taageero ugu muujiyay madaxweynaha maamulka Jubbaland iyo dadaalka uu wado ee ka dhanka ah Al Shabaab. Axmed Madoobe ayaa maalmihii ugu dambeeyay waday abaabulka ciidamada loo diyaariyay dagaal ka dhan ah Al Shabaab, kuwaasi oo la filayo in dhawaan ay weerar ku qaadaan xarumaha Al Shabaab kaga sugan yihiin Jubbooyinka. “Waxaan bogaadinayaa hawlgalka ay hoggaanka iyo shacabka Dowlad Goboleedka Jubbaland ugu istaageen xoraynta deegaannada ku jira gacanta Al-shabaab. Waxaan ugu baaqayaa Dawladda Federaalka in ay gacan ku siiso maamulka Jubbaland hawlgalada Al-Shabaab looga saarayo deegannadaas”. Dhinaca kale Siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa sheegay inuu ka digayo abaabul madaxtooyada Soomaaliya ay wado oo lagu wiiqayo dagaal dib loogu xoreynayo goobaha ay kaga sugan yihiin Jubbooyinka. “Waxaan kula talinayaa hoggaanka sare ee dawladda, gaar ahaan Madaxtooyada in ay ka waantowdo abaabulka gurracan ee ay ka wado Muqdisho, Gedo iyo Nairobi ee lagu wiiqayo hawlgalka dib u xoraynta. Tillaabooyinkaasi waxay shaki gelinayaan daacadnimada dawlada ee la dagalaanka Shabaab”. AL Shabaab ayaa ku sugan gobolka jubbada Dhexe waxaana hadda socda abaabulka dagaal ka dhan Al Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Waxaa si weyn la’isula dhexmaraa in dowladda Federal-ka ah ay Bangiga dhexe ee dalka u magacaabi doonto shaqsi ajinabi ah. Tallaabadan oo aan wali si rasmi ah u dhaqan galin, ayaa waxaa ka dhashay dood iska soo horeedda oo ay qaar qabaan in dowladda ku qaldan tahay qaarna ay soo dhaweeyeen. Isniinta maanta ah ayey baarlamaanka u codeyn doonaan sidii meesha looga saari lahaa sharci diidaya in qof aan Soomaali ahayn loo dhiibi karo Bangiga si loogu gogol xaaro shaqsiga ay dowladda jagadaas la dooneyso. Walow aysan wali caddeyn qofka ay dowladda xilkaas u magacaabi doonto iyo dalka uu u dhashay, hadana waxa ay u muuqataa in dowadda 3-dan qodob faa’iido ahaan uga dhex arki karto tallaabadaas. Qodobka Kowaad DEYN CAFINTA – Soomaaliya waxa ay ku jirta habraaca loo marayo sidii ay fursad ugu heli lahayd in laga cafiyo deynta. Arrintaas, waxaa si weyn isha ugu hayya Sanduuqa Dhaqaalaha Aduunka (IMF) ,Bangiga Aduunka (World Bank) iyo deeq bixiyeyaasha caalamkiga ah (International Donors). Ilaa iyo hadda, dowladda guulo waa weyn ayey ka soo howsay xaqiijinta wejiyada hore ee habraacaas, balse si loo aamino ama ugu yaraan loo dhiso kalsoonida hay’adaha ay quseyso in Soomaaliya laga cafiyo deynta, madaxda dowladda waxa ay is tusi karaan in shaqsigan ajinabiga ah u noqon karo horseed. Qodobka Labaad MUSUQA – Maamulka hadda jira ee caanka ku ah “Nabad iyo Nolol’ waxa ay caan ku yihiin ama uga duwan yihiin maamuladii ka horreeyey hufnaanta iyo musuq yarida. Hase ahaatee, bil kahor waxaa si weyn loogu eedeeyey in Wasaaradda Maaliyadda aysan meel ku sheegin halka ay martay 42m oo Dollar-ka Mareykanka ah kaddib warbixin dheer oo ay soo saareen gudiga maaliyadda ee Golaha Shacabka. Taas, waxa ay dhalisay in gudiga kala jabo, qaar go’aanka hore ku adkeystaan, kuwo kale su’aal ka keenaan dhab ahaanshaha arrintaas iyaga oo ku dooday in la siyaasadeeyey. Arrintaas, ugu dambeyn waxa ay ku biyo shubatay in gudoonka Golaha Shacabka ku kala jabo xilli laba digreeto oo mid lagu kala diray midna go’aankaas lagu buriyey ay soo kala saareen Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Shacabka Mudeey iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Mursal sida ay u kala horreeyaan. Hadda, dowladda waxaa meesha ku jirta in doorashada shaqsigan ajinabiga ah ay doonayaan in ay ku kasbadaan kalsoonida shacabka ee laga yaabo in su’aalihii ka dhashay eeddii gudiga maaliyadda lumen karto aaminkii ay ku qabeen nidaamka. Waxaa la hubaa in shaqsiga ajinabiga ah aad u yartahay heerka musuq ee lagu tuhmi karo maadama uu la imaanayo/imaaneyso maskaxiyadda wadamada horumaray ee aan laga aqoon musuqa. Qodobka Saddexaad Saami Qeybsiga – Soomaaliya waxa lagu qeybsadaa jagooyinka nidaam qabali ah (4.5). taas waxa ay saameyn togan ku leedahay habraaca loo maro xulista shaqsiyaadka aqoon iyo farsamo (Technocrats) ahaan ku habboon jagooyinka iyo meelaha dowladda u muhiimka ah sida Bangiga dhexe. Si dowladda uga badbaado in ay ku weyso shaqsiga Soomaaliga ah ee buuxiyey/buuxisay shuruudaha booskaas in uu saameeyo saami qeybsiga ay Soomaalida wax ku qeybsato waxaa dhici karta in ay ajinabiga uga baxsaneyso xeyn-daabkaas. Weydiin kama taagnaa in haddii ajinabi xilkaas loo magacaabo aan dowladda lagu dhaliili doonin in xilkaas ay ugu dartay beel jagooyin hore haysay, kuwo xaqoodii duudsiiyey iwm. W/Q: Mohamed Musa Aden (Moh’ed Kaafi) Email: Muhamedkaafi@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka qeyliyey qorshe uu sheegay inayn ka dambeyso Villa Somalia, oo magaciisa looga been abuurtay, kaasi oo ka socda facebook. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku sheegay in Villa Somalia ay abuurtay cinwaan facebook oo kiisa shabaha, kaasi oo uu sheegay in lagu faafiyo fikrado isaga loo tirinayo oo lagu sumcad dilayo. Hoos ka aqriso qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur ee facebook uu soo dhigay. Waxaa baraha bulshada si wayn loo wareejiyey bog been abuur ah oo qoraalka ku qoran la ii tiirinayo. Bogaygu waa hubsan yahay (verified) oo waxaa saaran calaamada buluuga ah ee bogaga rasmiga ah lagu garto. Tan kale, maadaama ay adagtahay in magacayga oo sax ah bog kale lagu sameeyo, waxaa si isdaba maris ah lagu sameeyey magaca bogga been abuurka ah. Waxaase wax lala yaabo ah in baaritaan ay sameeyeen hawl wadeenka dhinaca warbaahinta ee xafiiskayga ay ku soo ogaadeen in boga been abuurka ah laga sameeyey Vila Somalia, dadka wareejinaya iyo muuqaalo hadalo ah kasoo sameeyeyba ay badankood yihiin taageerayaasha madaxweynaha. Waxaa ayaan dari ah in Vila Somalia aysan ka daalaynin in ciidanka, hantida iyo warbaahinta qaranka u adeegsato sidii naftayda iyo sumcadayda loo dili lahaa. Waxaan maqli jiray “Islaanta Odayga la saar” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka Shaqada iyo arimaha Bulshada Somaliland Hindia Jaamac Gaani ayaa shaacisay in dhalinyaro ku sugan magaalada Hargeysa ay ku xiran yihiin xafiiska madaxweyne Farmaajo. Hinda Jaamac oo dhalinyaro badan la hadlaysay ayaa sheegtay in dhalinyaro badan ay ku xiran yihiin xafiiska madaxweyne Farmaajo, islamarkaana ay dhaqaalo badan qaataan. Waxay sheegtay in dhalinyaradaasi ay dhaqaalaha ku qaataan sidii ay u kala qeybin lahaayeen shacabka Somaliland, iyaga oo cadeysay inay xog badan ka hayaan dhalinyarada ku xeran xafiiska madaxweyne Farmaao. “Runtii Socail media dagaal ad u fara badan ayaa ka socdo, waxaana ognahay in dhalinyarada dagaalka sameynaya waa dad la adeegsado oo laga maamulo xafiiska Farmaajo, waxay inoo kala sameeyaan reero iyo magacyo”ayay tiri Wasiirka shaqada ee Somaliland. Hinda Jaamac, ayaa sheegtay in dhalinyaraadi ay qeyb ka qaadanayaan duminta Somaliland, balse loo baahan yahay in dhalinyarada kale ee Somaliland ka fakaraan mustaqbalkooda. “Dhalinyarada iyo dadka halkaan jooga ee ku xiran xafiiska madaxweyne Farmaajo yaaneyn dalka naga burburin, waa in dhalinyarada kale ay u istaagaan sidii la isaga qaban lahaa”ayay hadalkiisa saacisay Hinda Jaamac. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Khubaro ka socotay waddanka Faransiiska ayaa 9 sano ka hor, mar waxa ay u baahdeen in ay la kulmaan indheergaradka Soomaaliyeed (Intellectuals) ee Yurub ku sugan oo ay doonayeen in ay arrimaha Soomaaliya wax ka weydiiyaan. Niman Soomaali ah ayey inta la kulmeen, waxa ay ka codsadeen in ay indheergaradkaasi u raadiyaan inta Yurub lag heli karo, wakhtiga iyo goobtana waa la iska jaangooyey. Maalintii ballanta, ayaa nimankii waxa ay keeneen 156 qof oo Soomaali ah. Khubaradii Faransiiska oo aan tiradan iyo wax u dhaw ku xisaabtamin – oo shaw dhawr qof filaysey – ayaa nimankii weydiiyey waxa ay dadkan faraha badan yihiin. Nimankii waxa ay ugu jawaabeen: “Waa dadkii Indheergaradka ahaa ee aad noo dirteen. Weliba wakhtiga ayaa nagu yaraaday oo waan ka gaari weynay in aan keenno intaan in ka badan.” Khubaradii talaa ku caddaatay, waxa ayna noqotay in ay haal u kireeyaan, meelo ay dagaan saddex maalinna u raadiyaan! Shir ayaa maalin ka dib furmay, markaas baa khabiirkii ugu horreeyey ee Faransiiska ahaa ee hadlay, waxa uu ku bilaabay warkiisii su`aashan: “Intiinnaan ma indheergarad baad tihiin?” Hal mar baa dhawaq xoog badan waxa loogu jawaabay: “Haah” Inta qoslay ayuu ku yiri, “Waddanka Faransiiska ah ee aad maanta timaaddeen, 20 qof ma dhamma dadka uu waddankan u aqoonsan yahay indheergarad, waana dadka marjaca u ah oo masiirka dalkaan u fekera. Haddii, marka intiinnaani aad indheergarad tihiin, intaas oo kalana aad ka soo tagteen, sidee ku dhacday in uu waddankiinnu noqdo sida uu hadda yahay? Mise wixiinaan fahansanayn waxa ay tahay indheergaradnimadu?” Khubaradii markii ay arkeen in ay yihiin dadkani kuwo ariyullaahi-baraar ah oo dabka ka leexan kara, bay laba maalmood inta shaah iyo shilimaad siiyeen, tareenno ku dareen. Waxaa qoray: Suldaan Nayruus Kala xiriir: nayruus@gmail.com Fb: www.facebook.com/snayruus
-
Qeybta 2-aad Madaxwayne Xasan Shiiq wuxuu lahaa door oga banaanaa geedi-socodka dib-u-yagleelidda Dawladnimadda waxaana ugu muhiimsanaa oo laga sugayay in uu dhamaystiro hanaankii Federaalka e Dalka loo gartay, waxaa looga fadhiyay in uu dhamaan Dalka huwiyo hanaanka federaalka oo, fayoobi badan aan laga qabin lagana kayg sannaa. Nuuca federaal e Soomaaliya wuxuu ahaa ‘isku haye lugu gaarayo isku imaatin (holding together federal for coming together federal) goboladda dalku way sii kala tegtegayeen waanay kala didsanaayeen. Naffaa laga dayay federaalka. Madaxwaynayaashii Dalka soo maray midba door ayuu lahaa, Cabdiqaasin Salaad Xasan wuxuu nagaliyay kuna xusuusanay han Dawladnimo Cabdulaahi Yuusuf Axmed wuxuu ku soo furay Dalka iyo Caasumadda Muqdisho Dawladnimadii lugu huwaayayn jiray Dalka dibadiisa. Sh. Shariif Sh. Axmed wuxuu nagaarsiiyay in aan kumeel-gaarka kabaxno Dalka gudihiisana laysku doorto. sidaas si lamid ah Xasan Shiiq waxaa laga sugayay doorka ah federaalaynta iyo dhamaystirkiisa, runtiina wuxuu abuuray intii tabar ah federal nuuc un. Wuxuu suurta geliyay Dawlad goboleedyo sanadkii Xamar u soo aadda shir sanad le ah, kama hadlayo waddadda uu u maray. Waxaa la tilmaama in uu adeeg saday qaaciddaddii menas justifies the end (guusha gaar wadaad u martaba). Xasan Shiiq wuxuu kala ilaaliyay goboladda oo ay u dhexaysay kala shaki ka dhashay dagaalddii sokeeye ee dalku soo maray, wuxuu u biif biifay wixii beesha caalamka laga heli jiray, wuxuu door muhima ka ciyaaray hormarinta Soomalilaan oo runtii arintoodu ay aheed mid xasaasi ah markii loo fiirsho qadiyaddooda gooni issu taaga iyo qarannimadda Jamhuuriyadda Soomaaliya. Xasan Shiiq wuxuu unkay nuuc silsilad maamul dawladnimo (brecuericy) hay’adaha Dawladda dhamaan waxay ahaayeen barkumataal, sida kaamkii ayay isu yaacsanaayeen shaqaala rayidkaa iyo nidaamiyayaasha dawladnimadd, diiwaan Dawladeed majirin, daaraha danaha Dawladda lugu duraamiyo waxay ahaayeen dam, taasi kama dhigna in madaxwaynayaashii ka horeeyay ay qaribeen e duruuftaa sidda ka dhigtay, madaxdii ka horaysayna uma ay san soo jeesan dhiigjoojin kale ayay waddeen. Madaxwayne Xasan Shiiq wuxuu si xaalad degan ah ku dhaqay siyaasadda goboladda waqooyi e walaalaha Soomaali-laan. Arinta qoboladda waqooyi waxay aheed, (tahayna kala tagimayno, wadda tashan mayno, ii talinmaysid) waxay u baahneed dulqaad badan iyo kudhac geesinimo gaamurtay ku sargo’an. Xiligu wuxuu ahaa xili aan afka lugu balaarin karin nugu soo biira waayo wax la hayayba majirin. Xasan Shiiq walaalaha waqooyi wuxuu umuujiyay jileec iyo rabitaan, wuxuu gacan libaax ka gaystay arimaha hormarinta, binu’aadamnimadda iyo fududayntooda wixii beesho caalamku ugu tala gashay Soomaalilaan. H.E. Xasan Shiiq wuxuu beesha caalamka la jilay shirar hormarineed iyo heshiisyo caalamiya ku waa soo abuuray rajooyin dhicisoobay oon miradhalin. Wuxuu wax naga baray yabooha aan afka dhaafsiisnayn sidda badan ee beesha caalamka, arintaas wuxuu ka hayaa xogbadan oo aanay shacabka Soomaaliyeed ogaal badan u lahayn. xasan wuxuu soo waddaa buug ama dukumunteri waxa loo yaqaanno waxaan rajaynayaa in uu waxbadan ku fashilidoono buugaas sidda shacabku wax la yihiinna wax iska bedelidoonaan, siddoo kale na eedaymaha iyo tuhunka asaga la tirsanayo uu wax un oga bayaanin doonno qaab is difaac aan ahayn e ah hogatusaalayn iyo xurguf bixin. Mudaddii uu xilka hayay Xasan shiiq shaki malahan khaladaad way dhaceen waan na hoobteen siddii roobkii sugi mayn anigu in aanu wax qaladda galayn. Hadaan wax ka soo qaatto waxaa ugu waynaa arintii Maaliyadda oo aniga laftaydu aanan ku jeclaysan walow gadaal wax iska kay bedeleen oo aanan hadda wax ee ah ugu hayn arinkaas, micnahayguna uu san ahayn sifiicannaa wax loo maareeyay ee waxaa jirra waxyaabo kale oo arintaas la xiriira ay na ku fiican tahay in aad ka maqashaan jahadda ku haboon inaadka maqashaan si xogtu micne idiinkugu yeelato. Sidoo kale ayadana waxaan indhaha laga qarsan Karin arintii Jigjiga iyo booqashaddii taariikhiga ageed ee Xasan halkaas ku tagay. Arintaas waxay u baahan tahay fatash iyo faahfaahin inta aan aragnay ka dheeri ah oo Xasan bixiyo si iimaanku noo galo. Waxaa kaloo ayaduna meesha taalla booqashadaas waxay ahaan la heeba kooxdii TPLF-ta ee layiraa lana aaminay in ay arintaas ka danbaysay rabtayna in ay u isticmaasho qiil ahaan fagaarayaasha caalamiggaa meesha ayay ka baxeen. Ciribta danbe ee booqashadaan waxay tahay Jigjiga wax hal qof go’aanka gaari karo maahan, go’aanka gaarista halka Jigjiga tahay waxaa leh Dadka reer Jigjiga iyo Soomaaliwayn inteedda kale. Haddii qof dhiibi karro Jigjiga waxaa micne samayn lahaa heshiiskii Maxamed Siyaad Barre iyo Mingest. Xasanna waxaa looga fadhiyaa in uu carabkiisa u celiyo arintaan e aanu sidaas noogu hagoogin, sidda wax u jiraanna uu na dhacsiiyo. DABARKII DAWLADDII XASAN SHIIQ Dawladdii Xasan Shiiq waxaa talaf ka dhigay dabarna ku noqoday is qabqabsi iyo xasraddo siyaasadeed arinkaas wuxuu ahaa mid ay abuurtay xaaladda dalka iyo hanaanka awood qaybsiga dalka iyo Dastuurkoo badaw laga ahaa, lakabyo badan oo aad isu sursuranna lahaa, ansixinna aan soo marin waxa ku heshiiyayna aanay jirin. Shacabku xasradahaas waxay u tiirin jireen Xasan Shiiq, shacabku waxay u haysteen mid Xasan Shiiq abuuray. Markii loo hadlo si alle kacabsi leh lagana tago waaqica is riixriixa iyo taatikadda guraas iska kacsiga siyaasiyiinta, Waxaan wadda ognahay in awood qaybisga dalka lugu saleeyo 4.5 iyo isqancin. Sidda xeerka aan qornayn yahay markii madaxwaynaha Mogadishu Clan noqdo Daarood ayaa Rayzulwazaaraha fisha yeeshana si miisaanka siyaasadda loo dheelistiro, markaas madaxwaynaha la doortaa wuxuu isku diraa cidda leh kursiga kale, yiraahdaana iska keena nin aan is fahmi karno, sidaasay ku keensadaan ama qof beesha kursiga leh ka soo jeedda oo madaxwaynaha udhaw ayaa aadda oo yiraahada beeleey halla isiiyo kalsoonidda anigaa ninkaan fahmi karaya, haduusan haysan kalsoonidda beesha mehelayo waxa uu rabbo [(ufiirso haddii beeshu siiso kalsoonidda ayakaa magacaawaday gaystayna meesha maahan nin madaxwayne keenay)] halkaas ayaa sartu ka quruntaa. Madaxwaynaha iyo rayzulwasaaraha midkastaa wuxuu xambaarsan yahay fariin himilo ugaara, kudlad, iyo aragti-barbaarin-goboleed. Is faham ma dhex marikaro wuxuu san ku dhex marikarin labadooda midkastaa wuxuu ku daaban yahay kudlad sidda xaqiiqadda ah, aragtida hogaanka iyo Dal dhisidda loo marayana midba qaab ayuu udhigayaa, taasoo waa faqsan danta kudladdiisa iyo siyaasaddiisa. Isku xagal wax kama arkaan waa lays qabanayaa waayo raysul wasaaruhu ma aamin saran in madaxwayne keenay, Madaxwaynuhu wuxuu aamin sanyahay inuu asagu keenay raysul wasaaraha. Labadda masuul midna waa la doortaa, midna waa la magacaabaa qaab aanka sokayn doorasho markii hamiga beesha ogolaan shiya soo siisay laga eego. Madaxwaynuhu wuxuu aamin sanyahay in asaga la doortay loona codeeyay tahayna in siyaasaddiisa lala hirgeliyo lagalana shaqeeyo, halka razulwasaaraha kuyimid kalsoonisiinta beeshiisana uu aaminsanyahay in beeli keensatay gursigeedna uu ku fadhiyo, tahayna in uu u qayb qaaddo, halkaas ayaa qalalaasuhu ka bilaawdaa, intaas waxaa basiinka kusii shubaya oo sii hurinayaa waa Dastuurka qabyo wayne ah, ee lugu udub dhigay deeqaha caalimagaa iyo caliga shisheeye, kaasoo aan kala qaadayn awoodaha labadaan xaafiis. Inta badan xasradaha siyaasadeed ee u dhexeeya madaxwaynaha iyo razulwasaaraha waxay ka abuurmi jireen labadaan arin ‘Dastuurka iyo rayzulwasaaraha oo isu arkayay ninku fadhiya kursi awood qaybsi beeleed’ . arintaan waxaa laga bartay cashar fiican oo dawladdii asaga kadanbaysay e H.E Maxamed Cabdulaahi Faramaajo ka faaiidaysatay. Faramaajo rayzulwasaaraha cidna keensadda muu oran, sidoo kale halkii lafilayay in uu ka imaandoono si un buu xoogaa oga leexday, runtiina iska dhega tiray fariimo badan oo ka imaanayay 4.5 oo kaa shanaya fadhi kudirir. wuxuu sidoo kale hareer maray balan qaadyo uu codku helay ku waa soo caqabad ku noqon karay. Wuu ku caana maalay arintaas wuxuuna furay waddo cusub. XIRIIRKII XASAN IYO INTUU XUKUMAY Madaxwayne Xasan Shiiq iyo madaxda dalka dhamaan bulshaddu waxay u tahay sedex heer, hadaan sikale u dhigo bulshaddu madaxda sedex hab ayay ula xiriiraan uguna xiran yihiin. Heerka koowaad oo ah kuwa madaxwayna gacan yarayaasha iyo wakiiladda u ah toos na ugu xiran. (kaaliyayaasha madaxwaynaha, Xildhibaanadda saaxiibka la ah madaxwayna kudlad wadaagtana ay yihiin, iyo waziiradda madaxwaynaha gacansaarak la leh) Heerka labaad waa Kuwo kusii xiran gacan yarayaashaas aan sheeganay, (waa nabadoonadda, salaadiinta, Qiiq-joogta, iyo dulaaleeyda dalaasha siyaasadda) Heerka sedexaad oo ah kuwo kusii xiran kuwaans heerka labaad ah, waana shacabka loo dawladaynayo. Qofkasta ee shacab ah waxa uu ka aamin sanyahay Xasan wadadaas ayay soo mareen saasayna ku soo gaareen, majiro qof u tagay oo ana ahayn qiiq-joog iyo wakiillo. Waxaa muuqata shacabka iyo madaxdu war wayn iskamahayn. Dadka shacabka caadigaa ma arki jirin idmanayaashii faraxsanaa e M. Xasan Shiiq la joogay, sidoo kale idmanayaashuna way yareed in ay shacabka is arkaan waxaa u dhexeeyay dulaaleey siyaasadeed iyo Qiiq-joog isku yaqaanna (stackeholders). dulaaleeyda iyo danleeydu xiriirinta iyo dhexdhex xaadinta shacabka ay sheegtaan in ay wakiiladda ka yihiin iyo idmanayaasha Xasan waxay u wadda xiriirin jireen si dan u ah dantooda iyo malaal nimadooda, idmanayaasha Xasan laftooddu dalaalayaasha shacabka iyo Xasan si dantooda waafaqsan ayay u sii xiriirn jireen marka halkaas waxaa ka abuurmay dhibaato iyo sumcad dil waxayna canbaarku aheed maamulkii Xasan horboodayay. intaas aan soo sheegay waxaa ka dhex adeegayay, dhibna aan loo arag, koox wartebiyaal ah oo danta dalka ka jecel dantooda booqashadda mareegtooda ayakoo danaynaya (click) kaliya. M. Xasan Shiiq iyo Shacabkii uu maamulayay isma arag, wuxuu arki jiray kaliya xoogaa loo carbiyay sacabtunka iyo guul-wadaynta, wuxu se wax badan ogaaday maalinkii layska diray. Waxbadannaa nugu seegan xilhayntii Xasan iyo xaaladdii ku gadaanneed, waxaan u baahanahay in uu noo xaal waramo hadduu xildanbe naga rabo, sidda muuqata waxa ku jirra hami hogaamineed, asaga iyo dadk uu rabo in uu hogaamiyanna waxaa ka dhexjira madmadoow aan la qarin Karin. Lasoco qaybta kale ee qormo-faaleedkaan XIL-SIDASHADDII IYO XIL-SUGASHADDII XASAN SHIIQ IYO XANJAFINTII FEBAARYO. Waxaa noo haray sedex cinwaan. Xil-sugashaddii Xasan, xajafintii Febraayo iyo siiyaalka siyaasi nimadda Xasan shiiq. W/Q: Cabdifataax Cali Cabdalla “Imaam” www.facebook.com/cccimaam Blogg: calicabdalla.blogspot.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Xukuumadan uu hogaaminayo hogaamiyaha inta badan soo ahaa mucaaradka qalafsan oo lagu xasuusto ad adayg iyo ku jiqsii siyaasadeed ayaa maanta oo uu Madaxwayne yahay sanad iyo bil aan habayaraatee wax muuqda dalka ku soo kordhin. Mudadaa uu Madaxweynaha ahaa waxa lagu xasuustaa mar uu xisbiga WADDANI durayo iyo mar uu Farmaajo iyo somalia fagaarayaasha kaga hadlayo mooyaane aanay muuqan wax umadan wax u ah oo uu soo kordhiyey oo bulshada uu hogaanka u yahay ay dareemi karaan wakhtigan aynu ku jirno. Muuse Biixi Waxa uu u muuqdaa shaqsi ku jira kaambaynkii doorashada iyo wax iska celin , oo hayinimadii dulqaadkii iyo tanaasulaadkii Madaxwaynenimo kama muuqato , hadii sidan lagu sii socdo waa mid Somaliland looga warwari karo hogaamintiisan . Waxa kale oo aan aheyn wax la eegan karo dalkan nidaamkiisii doorashoiyinku noqday la joojiyaana banaan la jiifiyaana banaan iyo korodhsiimooyin aad moodo in sharci noqdeen oo aan cid isku xilqaameysaa muuqan, dadkiina maalinba maalinta ka dambaysa ka sii rajo dhigayaan in ay heli karaan hogaamin wanaagsan markuu hab-dhaqankani daashaday. Somaliland halkan waxa ay ku soo gaadhay isu tanaasul iyo waxwada qabsi waxaaba aad moodaa in dalku u sii xuub siibanayo nidaam kalitalis ah oo qabta iyo xidha iyo tayda ha la raaco iyo la isku joojin maayo ah , taasina wax umadan anfacaysa maaha lagumana dhaqi karo dadka reer Somaliland. Doorashooyinku waa mustaqbalka iyo masiirka umadani leedahay in iyada oo la isaga raali yahay la qabto oo lagu wada qanacsan yahay qaabka loo qabanayo iyo cida qabanaysa mooyaane ilama aha wax suuragalaya waxyaabaha la wadwado ee dhinaca ka rarani. Dadka reer Somaliland waxa ay u baahan yihiin hogaamin caqli iyo horumar ku dhisan oo halkaa dalku maanta joogo hore uga sii wada , ee uma baahna hogaamin aad moodo xoog iyo ciidan lagu maamulo oo umadan tacabka dheer soo gashay midhahooga la tacab khasaariyo. Muhamed Dhimbiil Qaran News
-
The vision of the International Crises Group (ICG) is working to prevent wars and shape policies that will build a more peaceful world. Robert Malley, the ICG president believes his organization supports for good governance that enable society to flourish. After reading this article you are free to judge if the recent commentary on Southwest election prevents war and enable societies in the Southwest State flourish and prosper. Let me begin with my comment on the ICG article “Somalis Southwest State: a new president installed, a crises inflamed” by Rashid Abdi, the Horn of Africa director. It seems as biased and inflammatory; in addition, the piece is full of speculations and vague arguments. First, ICG consciously panegyrizes a former high ranking official of Al-Shabaab, Mukhtar Robow, who explicitly took part the mayhem of living conditions of hundreds of innocent people including school children, since then he has neither categorically apologized nor distanced himself from the terrorist group and repudiated Alshabaab (Washington Post: January, 2019) publically who are still audacious vampires in this country. It is fact that Robow has defected from Al-Shabab but the Somali Government has never officially screened him or completed reintegration programme. In the first place on 4 October in the past year the Ministry for Internal Security of Somalia issued a press release clearly indicating that Mukhtar Robow was not allowed to compete as Southwest presidential candidate; because he did not meet all requirement for lifting all imposed sanctions on him. Prior to this, the Federal Government has sent a high-level delegation to Baidoa to persuade him that to run for the highest office in the state at this point of time is very much premature given his personal status in the society; but instead, the government provided him lots of other opportunities that he can contribute on based on his wealthy experience in Somali politics generally and more specifically to the regions he belongs to. Unfortunately he reportedly declined all possible negotiations and therefore opted to run for a presidential seat. Rolling over to the right-wing side of the politics from far-off the other corner right after you are out from the bush was something many spectators questioned much and consequently influenced government’s ultimate decision. In fact, the Federal Government was keen on Mukhtar Robow and didn’t want him to alienate in the politics, instead genuinely wanted him to remain in the political process, as he is indispensable in peace making process as well as combatting terrorism. Because he is regarded as a man of war can be a man of peace as once Winston Churchil said too. For this cause, President Mohamed Abdullahi Farmajo himself made a phone call to Robow, justified his government’s stance on his candidacy and cordially invited him to negotiation. However, all these efforts were in vein as Mukhtar rejected them and refused to change his mind. Perhaps Robow’s decision was influenced by people who were unrealistic and unfamiliar to the facts on the ground and their decisions were solely guided by obsessions of acquiring power, which prevented them to consider government’s suggestions and concerns pertaining the matter. In consequence, their stubbornness culminated the arrest of Mukhtar Robow, unfortunately. It’s worth mentioning that Rashid Abdi, despite of his knowledge of these facts, he deliberately omitted from his biased article. On the other hand, Rashid’s article somehow advocates for Mukhtar Robow and labels him as a simple Salafi technocrat who deserves to rule millions of people some of whom their beloved ones are massacred by a regime he helped establish its foundation ideologically and pragmatically. He also argues many individuals from Salafi religious sect are part of the Federal government. Salafi is a reform revivalist movement within Sunni Islam that advocate a return to the traditions of the Salaf, the first three generations of Muslims, which include the generations of the Islamic Prophet Muhammad and his companions. Every religious sect, be Salafi, Sufi, and even Shia can have moderate and fundamentalist ideologies. Therefore the author has either low opinion about Somali Islamists or he deliberately conceals genuine facts about individuals like Mukhtar Robow. We are again differ from the author that the arrest of Robow would mean sky will fall. No matter the mishaps that Robow and his group caused, Somali leadership has never stopped offering amnesty to Al-Shabaab militants. Many of them accepted amnesty and received training, employment and education, and I hope this will continue. Finally, Rashid seems encouraging Robow like minders to take up arms, go on fugitively and gather arms rebellion against the resilient, peace loving society of Southwesters. One may be doubtful enough then, if in fact ICG is in tact in its principal for protecting crisis on horizon but this one actually seems creating a crisis just to perpetuate the cause ICG stands for. I am sure, ICG leadership may not share the contents of this ill fating article of Rashid but they just approved it go since Rashid personally invented its content and then published it by signing off under his name. Mohamed I. Nur somalia.swss@gmail.com DISCLAIMER! The views and opinions expressed here are those of the authors and do not necessarily reflect the editorial position of Caasimada Online.
-
Waa maxay ujeedada uu Muuse Biixi ka lahaa Casuumadii Odayada West Burco Clan uu ugu qabtay Madaxtooyada. Sida aynu kala soconay Warbaahinta Somaliland waxaa Todobaadkan dhammaadka ah ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Casuumad uu Madaxweyne Muuse Biixi u fidiyay Madax dhaqameed iyo Odayaal kasoo jeeda Beelaha West Burco Clan oo in muddo ahba laga ururinayay Gobolada Dalka, aakhirkiina Hargaysa la isugu soo ururiyay. Casuumadan ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi uga mahad celinayay Beelaha West Burco Clan sidii Milgaha iyo Sharafta lahayd ee ay u soo dhaweeyeen markii uu dhawaan Safarka ku tegay Gobolada Bariga Dalka. Hawshan ayaa sida Muuse Biixi Goobtii Casuumada khudbadii uu ka jeediyay ka sheegay uu door Shariif ah ku lahaa Suldaan Maxammed Xirsi Qani, sida uu Muuse Biixi sheegayna ilaa in muddo ah uu ku hawlanaa. Waxaa sidoo kale door wayn ku lahaa Ashkhaasta Beelaha West Burco Clan kaga jira Xukuumada oo uu Budh Tuur u ahaa Gudoomiyaha Bangiga Dhexe Cali Baqdaadi. Haddaba waxaa Reer Somaliland guud ahaan, gaar ahaana Dadka ku abtirsada Beelaha West Burco Clan iswaydiiyeen markii ujeedada Casuumadu soo shaac baxday sababta Madaxweynuhu Beeshan sida gaarka ah ugu beegsaday maadaamaa Deegaanada uu socdaalka ku marayay ay degan yihiin Beelo kaleba oo dhammaantood si Mug iyo Miisaan leh u soo dhaweeyay. Waxa kale oo iyana shacabka Beelaha West Burco Clan ku abtirsadaa iswaydiiyeen haddii uu Madaxweynuhu gartay inuu Beeshan, siday doontaba ha ka ahaatee, uu Casuumo uu u baalmaray Gudida ay ku doorteen Buurta Gacan Libaax islamarkaasna uu wax uga qaban waayay Qodobadii Gudidu hore ugu gudbisay. Somalidu waxay tidhaahdaa “maxaa Sacabka habeenkii loo tumaa haddii aan Xeeladi ku jirin” Haddaba sida xoggo isa soo tarayaa tibaaxayaan, Dad badana islamarkiiba fahmeen , waxay Casuumadani ahayd mid ujeedooyin badan ay Xukuumadu ka leedahay ha uguba horayso,doonitaanka Xukuumada ee ah inay abaabulaan Shir dambe oo West Burco Clan oo Xukuumada Muuse Biixi ay Daaha dabadiisa ka riixayso iyadoo ay u fulinayaan Shakhsiyaadka u dhegaha nugul ee haddaba Hormoodka ka ahaa inay Casuumadani qabsoonto iyadoon Gudidii West Burco Clan lasoo marin. Waxaa Muuse Biixi iyo inta uu Talada ka qaato ka go’an inaanu waxba ka qaban Tabashooyinkii Gudida Beelaha West Burco Clan hore ugu soo gudbiyeen ee ku salaysnayd Masaalixda guud ee Qarankan aan weli 30 jirsan u Danta ah. Waxaana Xukuumadu ku foogan tahay faragelin ay doonayso in Gudi cusub lagu sameeyo, haddii ay u suurtogashana Dano kale oo siyaasadeed lagu fushado islamarkaasna talaabada 2aad ee qorshaysani ay tahay sidii dagaal loogu qaadi lahaa Xisbiyada Mucaaridka, gaar ahaan Xisbiga Waddani. Waxaa muhiim ah in Beelaha West Burco Clan, gaar ahaan Dhalinyaradu aad uga feejignaadaan Haydaarooyinka iyo Dabinada lagu kala furfurayo Beelaha West Burco Clan ee la rabo in iyagu la isku mashquuliyo. Madaxweyne Muuse Biixi iyo Xukuumadiisu runtii Dalkan iyo Dadkan duruufaha adagi ku gedaaman yihiin uma hayaan Xal aan ahayn inay iyaga isku mashquuliyaan, kadibna ka xoogsadaan.n Xisbiga Waddani. Waxaa muhiim ah in Beelaha West Burco Clan, gaar ahaan Dhalinyaradu aad uga feejignaadaan Haydaarooyinka iyo Dabinada lagu kala furfurayo Beelaha West Burco Clan ee la rabo in iyagu la isku mashquuliyo. Madaxweyne Muuse Biixi iyo Xukuumadiisu runtii Dalkan iyo Dadkan duruufaha adagi ku gedaaman yihiin uma hayaan Xal aan ahayn inay iyaga isku mashquuliyaan, kadibna ka xoogsadaan. Qaran News
-
(SLT-New Yourk )Maalmo kadib Khilaafkii ay DFS iyo QM ku kala irdhoobeen, waxa uu Khilaaf kale ka dhex dhashay QM iyo Dowladda Burundi, iyadoo la xiray Xafiiskii QM ee Xuquuqda Aadanaha ku lahaa dalkaasi. Wargeyska Inner City Press ee ka soo baxa Maraykanka waxa uu Warbixin ka qoray Khilaafka Burundi iyo QM, wuxuuna Cinwaan kaga dhigay: Burundi oo xirtay Xafiiska QM ee Xuquuqda Aadanaha iyo Fashilka kale ee Guterres, sidii Somalia oo kale. Wargeysku waxa uu qoray inay Dowladda Madaxaweynaha Burundi, Piyeer Nakununsisa doonayeen in dhamaan Hay’addaha Xuquuqda Aadanaha ee haatan joogta dalkiisa ka wada baxaan, iyadoo uu Xoghayaha Guud ee QM, Antonio Guterres sheegay inaysan taasi micno lahayn Sida laga soo xigtay Ilo dhinaca gudaha waxay Dowladda Burundi sheegtay in si KMG ah loo xiro Xafiiskaas, iyadoo ku wargelisay Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Xuquuqda Aadanaha (The United Nations High Commissioner for Human Rights) ee ay Xarunteeda Dhexe ku taallo magaalladda Geneva ee dalka Switzerland. Dowladda Burundi waxay bishii December 31-dii ee sannadkii hore albaabadda u laabtay 4 Xafiis Gobaleed oo ay Hay’adda QM ugu qaabilsan Xuquuqda Aadanaha ku lahayd gudaha dalkaasi. Dhinaca kale, Wargeyska Inner City Press waxa uu qoray in Khilaafka QM iyo Burundi ku soo beegmay, iyadoo Dowladda Burundi ku gacan sayrtay Qorshaha Ururka Miowga Afrika ee AU-da ku doonayaan in lagu dhimo Tirada Ciiddanka Burundi ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM. Afhayeenka Ciiddanka Burundi, Kolonel Floribert Biyereke waxa uu Bishii December 24-dii ee sannadkii hore, gaashaanka ku dhuftay Codsigii AU-da ee ahaa in Kun Askar looga dhimi doono Ciiddanka Burundi marka la gaaro bisha Feberaayo 28-da ee sannadkan. Afhayeenka waxa uu ku baaqay in dhamaan dalalka ay Ciiddamadda ka joogaan Somalia si isku mid ah looga dhimo tirada Ciiddanka laga daad-dureynayo Somalia. Burundi waxaa haatan Somalia ka jooga ciiddan tiradooda dhan tahay 5,400 Askari, waana dalka 2-aad ee ay Ciiddanka ka joogaan Somalia, marka laga reebo Ciiddanka Uganda oo ay 6,200 Askari ka joogaan Somalia. Si kastaba ha ahaatee, Khilaafka Dowladda Burundi kala dhexeeyo QM iyo Ururka Midowga Afrika ayaa weli taagan meel xasaasi ah, mana kala cadda inay Madaxda Ururka AU-da ka qaadan doonaan Go’aanka lagu dhimayo tirada Ciiddanka Burundi ka jooga Somalia iyo in ay labada dhinac gaari doonaan Heshiis xaal-mastuur oo kale ah. Source
-
Doorashada baarlamaanka iyo Deegaanku waxay u muuqdaan in ay kala hadhayaan . Haday kala hadhaan , waxaa muuqata in Doorashada deegaanku qabsoomi dooto xili ka mida sanadka 2019 . Haday dhacdo doorashada deegaanku waxaa suurta gala isbadal aan hada dadka u wada muuqan . hadii isbadalkaasi yimaado , xiise cusub iyo xamaasad cusub ayaa iman doonta . Hadii xiisahaasi yimaado , jeegaan danbe la maqli mayo . Hadii jeegaan la maqli mayo , magacyo kalena lamaqli mayo . Hadii magacyadaa la maqli waayana jilayaal cusub ayaa soo bixi doona . Hadii kuwaasi soo baxaana , ciyaartay cusub ayaa soo bixi doona , haday soo baxaana ciyaaro cusub baa iman doona . ugu danbayn ,caawa faaladu waa buuxso meelaha banan. Source
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Bar___-Qubanaha-Wararka-Shabelle-13012019-d.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Beledweyne (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad ka dhalatay askari loo gacan geliyay Al Shabaab. Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa sheegay inay shaqsiyaad u qabteen askari ka tirsan ciidamada xooga dalka oo loo gacan geliyay Al Shabaab. Guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga ee maamulka gobolka Hiiraan, C/raxiin Muhumad Taakooy ayaa sheegay in gacanta ku hayaan shaqsiyaad ku eedeysay in askari ka tirsan ciidamada dalka ay gacan geliyeen Al Shabaab. Dhacdadaan ayaa ka dhacday habeen ka hor magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, waxaana xiisadda ay salka ku heysaa dhaawac uu askariga u geystay Gabar ku sugneyd magaalada Beledweyne. Askariga kadib waxaa lagu dhaawacay aaladda Tooreyda, waxaana dhaawaca u geystay labo wiil oo gabadha ay isku reer yihiin iyaga oo kadib u dhiibay Al Shabaab, sida wararka ay sheegayaan. Guddoomiye ku xigeenka dhanka amaanka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in dadka askariga u gacan geliyay Al shabaab aysan ku laaban karin degmada Beledweyne, wuxuuna sheegay inay qabteen dhalinyaro falkaasi ku lug lahaa. Guddoomiyaha ayaa sheegay dhalinyarada la qabtay ay maxkamad usoo taagi doonaan eeda loo heysto, waxaana arintan ay xiisad ka dhex abuurtay dadka ku dhaqan magaalada Beledweyne. Caasimada Online Xafiiska Hiiraan Caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Maalmo kadib Khilaafkii ay Dowladda Federaalka Somalia iyo Qaramad Midoobay uu muran badan dhaliyay, ayaa waxaa soo baxay Khilaaf kale oo ka dhex dhashay QM iyo Dowladda Burundi, iyadoo la xiray xafiiskii QM ee Xuquuqda Aadanaha ee ku yaallay dalka Burundi. Wargeys kasoo baxay Mareykanka oo lagu magacaabo Inner City Press ayaa warbixin uu ka qoray khilaafka Burundi iyo QM, wuxuu cinwaan uga dhigay: Burundi oo xirtay Xafiiska QM ee Xuquuqda Aadanaha iyo Fashilka kale ee Guterres, sidii Somalia oo kale. Madaxweynaha dalka Burundi, Pierre Nakurunziza ayuu wargeysku qoray in uu doonayo in hay’adaha Xuquuqda Aadanaha ee haatan joogta dalkiisa ay ka baxaan, iyadoo xoghayaha guud ee Ummadaha Midoobay, Antonio Guterres uu sheegay inaysan taasi wax minco ah lahayn. Sidoo kale, Warar laga soo xigay Xukuumadda Burundi ayaa sheegtaya in si KMG ah loo xirayo xafiiskaas, iyadoo ku wargelisay hay’ada QM ee arrimaha Xuquuqda Aadanaha (The United Nations High Commissioner for Human Rights) ee ay xarunteeda magaalada Geneva ee dalka Switzerland inay ka baxaan dalka. Dowladda Burundi waxay bishii December 31-dii ee sannadkii hore albaabadda u laabtay 4 Xafiis Gobaleed oo ay Hay’adda QM ugu qaabilsan Xuquuqda Aadanaha ku lahayd gudaha dalkaasi. Dhinaca kale, Wargeyska ayaa qoray in khilaafka QM iyo Dowladda Burundi uu imaanayo iyadoo dhaawan Dowladda Burundi ay didday Qorshaha Ururka Miowga Afrika uu ku doonayaan in lagu dhimo tirada Ciidamada Burundi ee ka hawl-gala Somalia, qaybtana ka ah AMISOM. Afhayeenka Ciidamada Burundi, Col. Floribert Biyereke ayaa Bishii December ee sannadkii hore gaashaanka ku dhuftay codsigii Midowga Afrika ee ahaa in 1,000 askari laga dhimi doono Ciidanka Burundi ee Somalia ku sugan. Balse afhayeenka ayaa ku baaqay in dhammaan dalalka ay ciidamadu ka joogaan Somalia laga wada dhimo tiro isku mid ah. Xukuumadda Burundi, waxaa haatan Soomaaliya ka jooga ciidan tiradooda tahay 5,400 askari, waana dalka labaad ee ay ciidanka ka joogaan Somalia, marka laga reebo dalka Uganda oo ay 6,200 askari ka joogaan Somalia. Ugu dambeyn, Khilaafka soo dhex-galay dowladda Burundi, QM iyo Ururka Midowga Afrika ayaa weli taagan meel xasaasi ah, mana kala cadda inay Madaxda QM iyo AU-da ka qaadan doonaan go’aanno adag iyo in kale. PUNTLAND POST The post Khilaaf soo dhex-galay Dal ka mid ah kuwa ay Ciidammadu ka joogaan Soomaaliya iyo QM appeared first on Puntland Post.