Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,415
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. MADAXWAYNE ADUUNKA WASAARADAHA MUHIIMKA AH EE WADAMADA ADUUNKA WAXA LOO MAGACAABAA QOF KHIBRADLEH . MAXAA SOMALILAND KA HOR TAAGAN IN AY SIDAA YEESHO? . Ayaanle maxamed ibraahin Wadamada aduuka waxa lagu xisaabtamaa wasaaradaha ugu muhiimsan wadan kastaaba waxa uu lee yahay wasaarado wadan kaasi mu hiimad gaar ah u leh inaga wasaaradaha muhiimada gaarka ah inoo leh waxa ka mid ah wasaarada beeraha. Wasaarada xanaanada xoolaha wasaarada maaliyada , inaga wasaaradihii nuucaas ahaa waxa loo gacangaliyay dad aan gabi ahaanba wax khib rad ah lahayn aqoona war keedaba reeb waxad arkaysaa wasaaradii ugu muhiimsanayd ee wasaarada beerha waxa loo maga caabay qof aan haba yaraatee wax aqoon ah lahayn haday tahay midmaadi ah iyo haday tahay mid diini ah labadaba mar kaa miyaanay ahayn wadan kii dib ayaa loo socdaa halkii hore looga socon lahaa waa cajiib. Madax wayne ma adiga ayaa khaldan oo dib wadanka u wada mise umada somaliland ayaa kaa horaysa oo u baahan in aad soo gaadho aaway 30% kii wax soo saarka beerha ee wadan waan gaadh siinayaa aad lahayd markii ol olaha aad ku jirtay mise waxa ayad uun waan ku awra kacsananay sidii is laantaa awrku u kici waa yay ee tidhi jiilaani awrak ii kici markii awrkii u kacayna uu inankeedii yidhi hooyo maxaad is ku tihin jiilaani waxba hooyo waan ku awra kacsanayay. Waxa kale oo kasii daran aaway wixii mashaariico ahaa ee maalinkasta miidhiyaha laga sheegi jiray halkay ku dan beeyeen in aad wasiirkan kula xisaab tanto miyaanay ahayn hadii aadan beentaa iyo boro bagaadkaa aadan la ogayn madaxwayne waa in aad wax ka qabataa. Hadii kale maxaad umada la hor iman barito marka hadhaw hadan loo baahdo umada . Mudane madax wayne wax yaabaha aad ka ay uleedahay wasaaradani beeruhu waxa weeyi waa in markasta wasaaradani ka war hayso xaaladaha cuntada iyo wax soo saarka beeraha ee somaliland wasiiradii ka horeeyay wasiirkan hada joogaa waxa ay ahaayeen niman aqoon leh waxa jirtay in wasiirkastaa xili beereedku marka uu dhamaado uu shaacin jiray cuntada sanadkaa usoo go,day wadanka iyo qiyaasta ay gaadhsiisantahay hada lkn warkaaba cidi ma hayso. Waxa waxaa keenayna waa aqoon darada jirta. Hadii aan tusaale usoo qaato wakhtigii prof. Faarax geedoole waxa la wada xasuusan yahay halkii ay gaadhay wasaarada beeruhu wadanka waxa uu gaadhay in Bariis la beero iyo Timir wax soo saarka kalena war kiisaba reeb .horumarkii la gaadhay waan wada og nahay. Maantana waan aragnaa halka xaal marayo. Madax wayne sida aad wasaaradii maaliayadaba u bad baadisay ayay kaaga fadhidaa bul shada somaliland in aad iyadana bad baadiso wasaarada beeraha. Hadii aad sii daawato waxa aad sii luminasaa kalsoonidii shacabka somaliland. Ayaanle Maxamed Ibrahim cabdile3@gmail.com Qaran News
  2. Kampala (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dalka Uganda Yuweri Museveni ayaa mar kale u gafay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo dadka Soomaaliya, sheegay in Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka Caalamka ee aan lahayn dowlad shaqeysa. Mr Museveni oo maanta furyay kulanka Sanadlaha ah ee Garsoorka Dalkiisa ayaa tusaale u soo qaatay sida ay dowlad ku shaqeyn karto. Waxaa uu dal ku sharraxay dad isu tagay oo isku meel ka soo jeeda,halka dowladdu tahay midda fulisa awoodda iyo xeerka. Waxaa uu sheegay in Dowladdu tahay mid maamusha dalka, fulinna karta sharciga, waxaa uu sheegay in ay jiraan dalal badan oo aan lahayn dowlad, waxaa uu tusaale u soo qaatay Soomaaliya. Waxa uu yiri “Waxaa jira dalal badan oo aan lahayn dowlad,tusaale Soomaaliya, iyo kuwa kale oo aysan diblomaasiyadda ii oggoleyn in aan sheego” Mr Museveni ayaa dhowr jeer ku xadgudbay Soomaaliya isaga oo tusaalooyin badan oo xun xun fagaaroyaal badan uga sifeeyay Soomaaliya. Xaqiiqda ah inuu magacaabay Soomaaliya, balse yiri inaysan diblomaasiyadda u ogolaaneyn inuu dalalka kale sheego, ayaa caddeyn u ah sida uu u yasayo Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Kampala caasimada@live.com
  3. Shirarkii wadatashiga ahaa ee ka socday magaalada Garoowe kuwaas oo u dhexeeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada dalka ayaa ku soo idlaaday isfaham iyo in laga wada shaqeeyo danta guud. Kulamadan ayaa lagu lafa-guray hagaajinta xiriirka Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah, iyada oo diirrada lagu saaray sidii looga gudbi lahaa kala aragti duwanaanshaha u dhexeeyay labada dhinac, waxaana la isku raacay in laga shaqeeyo midnimada iyo wadajirka ummadda. “Waxaan bogaadinayaa kulamadii miradhalka ahaa ee maalmahan nooga socday Garoowe, waxaana uga mahadcelinayaa dhammaan madaxdii ka qayb qaadatay biseylka ay muujiyeen iyo sida ay diyaarka ugu yihiin inaan hore u dhaqaajinno geeddi-socodka dowladnimada Soomaaliya oo u baahan midnimo, wadatashi, isu-tanaasul iyo wax wada qabsi.” Ayuu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa uu intii kulanku socday soo jeediyay in shirka kan xiga ay martigeliso magaalada Garoowe bisha Maarso ee sanadkan si loo dardargeliyo hawlaha hortabinta u leh dowlad dhisidda Soomaaliya, isaga oo uga mahadceliyay Madaxweynaha Puntland sida wanaagsan ee uu uga qayb qaatay qabsoomidda iyo marti-gelinta shirarkan wax ku oolka ah. Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa maanta kulamo gooni gooni ah la yeeshay Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo kamid ah isimada dhaqanka Puntland isaga oo ku ammaanay kaalinta duubabka dhaqanka ee Puntland ay ka qaateen dib u heshiisiinta iyo xoojinta dowladnimada Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa inta uu Garoowe ku sugan yahay waxa uu kulammo la yeelanayaa qaybaha kala duwan ee bulshada Puntland si uu u dhegaysto aragtiyahooda iyo talooyinkooda ku aaddan dib u dhiska dalka iyo dib u heshisiinta shacabka Soomaaliyeed. DHAMMAAD PPuntland Post The post Shirkii DFS iyo Maamul goboleedyada oo Garoowe lagu soo xiray appeared first on Puntland Post.
  4. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Habeen-28012019.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  5. (SLT-Hargeysa)-Maayar ku Xigeenka Golaha Deegaanka Magaalada Hargeysa Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Cagaweyne) ayaa ka hadlay arin maalmihii u dambeeyay aad loo hadal hayay oo ku saabsan waxa laga yeelayo Golaha Deegaanka Hargeysa oo wakhtigiisii sharciga ahaa uu kaga egtahay Bilahan soo socda ee sannadkan, isagoo sidoo kalena beeniyay wararka ku saabsan Maayarkii Golaha Deegaanka Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) inuu ka baxsaday Baadhista Hanti dhawrku ku hayo Xafiisyadda Lacagta Dawladda Hoose. Maayar Ku xigeenka Golaha Deegaanka Hargeysa Cabdicasiis Cagaweyne ayaa sidan ka sheegay Maruu Doraad warbaahinta kula hadlay Xarunta Degmadda Macalin Haruun ee Bariga Magaalada HARGEYSA, isagoo ku goodiyay inaanay jirin cid awood sharci u haysata oo kala diri karta Golaha Deegaanka Hargeysa isagoo sidoo kalena sheegay inay keli ah Kuraasta u banayn karaan oo qudha Golaha uu ka tirsan yahay Gole lasoo doortay oo sifo sharci ah ama cod umadeed ku yimaada, isagoo ganafka ku dhuftay hadal haynta maalmahan ee la sheegayo in Goleyaasha Deegaanka la kala dirayo, maadaama oo Golihii Wakiiladda oo iyaganna wakhtigoodu dhamaaday loo kordhiyay. Maayar ku Xigeen Cagaweyne ayaa sidoo kalena ka hadlay warar maalmihii u dambeeyay la isla dhex marayay oo sheegaya inuu Maayarkii Golaha Deegaanka Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco uu safar Qarsoodi ah oo ku galay Wadan ka mid ah dalalka Qaaradda Yurub kuyaala, kaasi oo la sheegay inuu kaga baxsaday Baadhis ay Xafiisyada Xisaabaadka Dawladda Hoose ku wadaan Hanti Dhawrka Qaranka Somaliland, waxa uu Cabdicasiis beeniyay Warkaasi Maayarka waxaana u sheegay inuu safaro shaqo ugu baxay Dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya, shalay ahaanna uu dalka dib ugu soo noqonayo. Maayar ku xigeen Cabdicasiis Cagaweyne ayaa markii ay Warbaahintu Muuqaalkaasi ka duubtay Qol hoosta uga soo xidhay kana codsaday inay warka ka reebaan hadalka uu kaga hadlay inaan Golaha Deegaanka la kala diri Karin iyadoo fajiciso ku noqotay Warbaahinta arintaasi islamarkaana ay khasab ku noqotay inay qaarkood kameraddaha hortiisa ku masaxaan islamarkaana ay dib uga duubaan muuqaal kale oo uu keli ah kaga hadlay arinta Maayarka kaasi oo laga sii daayay Muuq baahiyayaasha Qaarkood. Source
  6. (SLT-Jigjiga)-Khilaaf u dhexeeyey guddoomiyaha xisbiga dowlad deegaanka Soomaalida iyo Madaxweynaha ismamaulka Soomaalida Itoobiya ayaa la soo afjarey. Wasiirka warfafainta dowlad deegaanka Soomaalida Cabdullahi Maxamed Mooge ayaa waxa uu ka warramay qaabkii loo xaliyey khilaafkaas iyo arrimaha ay ku heshiiyeen, Halkan hoose ka DAAWO Source
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qoraal kasoo saaray shirarkii wadatashiga ahaa ee ka socday magaalada Garoowe kuwaas oo u dhexeeyay isaga iyo Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada dalka. Qoraal kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in shirarkaas ay kusoo idlaadeen isfaham iyo in laga wada shaqeeyo danta guud. Kulamadan ayaa lagu lafa-guray hagaajinta xiriirka Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah, iyada oo diirrada lagu saaray sidii looga gudbi lahaa kala aragti duwanaanshaha u dhexeeyay labada dhinac, waxaana la isku raacay in laga shaqeeyo midnimada iyo wadajirka ummadda. “Waxaan bogaadinayaa kulamadii miradhalka ahaa ee maalmahan nooga socday Garoowe, waxaana uga mahadcelinayaa dhammaan madaxdii ka qayb qaadatay biseylka ay muujiyeen iyo sida ay diyaarka ugu yihiin inaan hore u dhaqaajinno geeddi-socodka dowladnimada Soomaaliya oo u baahan midnimo, wadatashi, isu-tanaasul iyo wax wada qabsi.” Ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya . Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa uu intii kulanku socday soo jeediyay in shirka kan xiga ay martigeliso magaalada Garoowe bisha Maarso ee sanadkan si loo dardargeliyo hawlaha hortabinta u leh dowlad dhisidda Soomaaliya, isaga oo uga mahadceliyay Madaxweynaha Puntland sida wanaagsan ee uu uga qayb qaatay qabsoomidda iyo marti-gelinta shirarkan wax ku oolka ah. Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa maanta kulamo gooni gooni ah la yeeshay Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo kamid ah isimada dhaqanka Puntland isaga oo ku ammaanay kaalinta duubabka dhaqanka ee Puntland ay ka qaateen dib u heshiisiinta iyo xoojinta dowladnimada Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa inta uu Garoowe ku sugan yahay waxa uu kulammo la yeelanayaa qaybaha kala duwan ee bulshada Puntland si uu u dhegaysto aragtiyahooda iyo talooyinkooda ku aaddan dib u dhiska dalka iyo dib u heshisiinta shacabka Soomaaliyeed. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
  8. (SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa xabsiga u taxaabtay maanta qaar ka mid ah carruurta derbi-jiifka ah ee magaalada Hargeysa, ka dib markii ay kusoo hor xoomeen wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada. Carruurtan derbi-jiifka ah ayaa cabasho la hortagay wasaaradda iyagoo ku andacoonaya in xaqqoodii ay cuntay wasaaradda arrimaha bulshadu. Hase ahaatee wasaaradda ayaa ku dooddaysa in carruurtu ay arrintan caadeysteen. Source
  9. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee xisbiga WADDANI Saleebaan Ducaale Xaaji Jaamac ayaa waxa uu ka warramay taariikhda Faysal Cali Waraabe iyo xidhiidhka dhexeeya madaxda Soomaaliya ee hadda joogta iyo dawladdii Millatariga ahayd ee Siyaad Barre, Halkan hoose ka DAAWO Source
  10. Madaxweynaha Dawlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo shir jaraaid ku qabtay aqalka madaxtooyada ee magaaladda Garowe ayaa ka warbixiyey kulamo ay qaateen madaxda Dawlada Federalka iyo kuwa maamulada Dalka ee kasoo qayb galay caleema saarkiisii. Madaxweyne Deni ayaa sheegay in kulamadaas xooga lagu saaray mar-xalada adag ee uu Dalku maraayo iyo sidii loosoo afjari lahaa khilaafaadka iyo is-qabqabsiga u dhexeeya Dawlada Federalka iyo Dawlad gobaleedyada Dalka. Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in la isla qaatay in wixii jireyba xalay dhalay laga noqdo, lagana shaqeeyo midnimada iyo wadajirka umadda Somaaliyeed, wuxuuna kulankaas ku tilmaamay mid taariikhiya oo wax tarweyn u lahaa umadda Soomaaliyeed. Dhanka kale Madaxweyne Deni ayaa shirkiisa jaraaid ku sheegay in Madaxweynaha Dawlada Federalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu soo jeediyey in shir la isugu yimaado magaalada Garowe bartamaha bisha sadexaad, shirkaas oo u dhaxayn doona Dawlada Federalka iyo Dawlad gobaleedyada Dalka, wuxuuna intaa raaciyey inuu aqbalay isagoo ku hadlaaya magaca Dawlada iyo dadka Puntland inay gogol nabadeed dhigaan caasimada Puntland. Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inay Puntland kaalin fir-fircoon ka qaadanayso wadajirka iyo isu soocelinta umadda Soomaaliyeed. PUNTLAND POST The post Deni:- Waxaa la isla qaatay “xalay dhalay” appeared first on Puntland Post.
  11. (SLT-Riyadh)-Dowladda Sacuudiga ayaa xabsiga kasii daysay Sheikh Mohammed Hussein al-Amoudi oo ah bilyaneer u dhashay dalka Itoobiya, kaasi oo bishii November ee 2017 loo xidhay olole ka dhan ah musuq-maasuqa. Warkan ayaa waxaa xaqiijiyey xafiiska Raysal wasaraaha Itoobiya. Wakaaladda wararka Reuters oo soo xiganeysa taleefishinka dowladda Ethiopia iyo laba ilo-wareed oo Sacuudiyaan, ayaa sidoo kale sheegtay in Al-Amoudi lasii daayyey. Ololihii la-dagaalanka musuq maasuqa ee Sacuudiga ay sameeyeen 2017, ayaa waxaa lagu xidhay boqolaal bilyaneero iyo ganacsato, taasi oo ahayd tallaabo uu xukunka ku xajisanayey dhaxal-suge Maxamed Bin Salman. Dadaallo lagu sii daynayo al-Amoudi ayaa billowday bishii May ee 2018, markii ra’iisul wasaaraha cusub ee Itoobiya Abiy Ahmed uu Bin Salman kula kulmay magaalada Riyadh, ayaga oo ka wada hadlay xoojinta xidhiidhka labada dal iyo maxaabiista u xidhan boqortooyada. Source
  12. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud iyo guryenta Somaliland Md Cabdirashiid Qanbi ayaa waxa muddo ka badan Toddobaad ku xanuusanaayey magaalada Hargeysa isla markaana u kala dhaxeeyey oo yaallay Marna Cisbitalka International Iyo Gurigiisa. Wasiirka oo xalay dib loogu soo celiyey Guriiga ayaa maanta dib loogu celiyey Cisbitalka International oo uu markii hore yaallay , kadib markii xaaladiisa caafimaad ka soo reyn weyday, Alle ha caafiyee. Madaxweynaha Somaliland oo shalay Cisbital Haldoor ee magaalada Hargeysa ku booqdey Wasiirka Caafimaadka oo isna xaalad caafimaad u yaalla, halka aanu madaxweynuhu wali booqanin wasiirka Hawlaha Guud oo isna Markaas xanuun u jiifay. Lama Garan Karo Sababta uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ii wasiiradiisa Xalaadda Caafimaad u kala yaalla cisbitaalada Hargeysa uu mid ka mid ah u booqdey , halka mid kale-na uu u booqan waayey Sidoo kale warar na soo gaadhaya ayaa waxaa ay sheegayaan in isla saaka cisbitalka Haldoor uu wasiirka caafimadka ku booqdey madaxweyne ku xigeeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici. Wasiirka hawlaha guud ayaa waxa uu deegaan ahaan ka soo jeedaa gobol Buuhoodle. Source
  13. Somali security officials have said an attempt by some prisoners to harm foreign inmate inside Mogadishu jail was foiled by prison officials on Sunday. The deputy commissioner of Somali custodial guards, Abdulkarim Ali Afrah said his officers have aborted the plan to harm Anthony Thomas after learning the plot by fellow inmates. “Some prisoners tried to harm him but we succeeded to abort the plan.” He said. He ruled out earlier reports by some section of media in the country about possible injury inflicted on the prisoner during an attempted attack on those he described as Alshabaab and Islamic state suspects in the same prison facility. “He was not in the same room with the other criminals in the first place,” Somali deputy commissioner for custodial guards, Abdulkarim Ali Afrah has confirmed, “Embassy officials and staff from Bancraft company have visited him,” he added The British citizen, Anthony Thomas was detained at Aden Abdulle International airport last week after airport security officials found several tear gas canisters inside his suitcase during a security check. He is expected to be arraigned in court in forthcoming days to answer the charges. The post Somali official denies reports of foreign inmate injured in jail appeared first on Shabelle. View the full article
  14. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Garoowe warbaahinta ugu sheegay in ay marti gelin doonaan shir lagu doonayo in la iskugu soo dhaweeyo dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya. Madaxweyne Deni ayaa sheegay in kullanka ay wada qaateen madaxda maamul goboleedyada iyo madaxweyne Farmaajo ay isla garteen in ay kullan kale ay wada yeeshaan. Waxa uu tibaaxay in shirkaasi uu yahay mid Puntland ay madaxda maamul goboleedyada iyo madaxweyne Farmaajo ay ka codsadeen in ay marti geliyaan, waxa uuna xusay in ay kaga mahadceliyeen in madaxdaasi meel qura Puntland isugu keentay. Shirkaani ayuu sheegay in loo madalsanyahay bisha Seddexaad ee ina soo aadan, waxaana uu ku nuux nuuxsaday in Puntland ay sharaf u tahay in khilaafkii soo jiitamayay ee dowladda dhexe iyo dolwad goboleedyada xal looga gaaro Garoowe. Hoos ka daawo Saciid Deni Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
  15. Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni oo maanta ka hadlayey shir ku saabsanaa garsoorka dalkiisa ayaa sheegay inay jiraan dalal aan dowladnimo ka jirin, isla markaana aan maamul laheyn, Soomaaliya ayuu tusaale u soo qaatay. ‘Dalal badan oo waxaa jira aaney ka jirin dowladnimo, waa iska jiraan ee ma laha maamul dhulka ka wada taliya, Soomaaliya ayaan tusaale ahaan u soo qaadan karnaa. Kuwoo badan ayaa jira laakin ma sheegayo sababo diblomaasiyadda awgeed”. Dalka Uganda waa dalkii ugu horeeyey ee ciidamo nabad ilaalin u soo diro Soomaaliya March 2007, waa ciidamada ugu badan ee AMISOM ilaa 6,223 oo ciidan. Uganda ciidamadeeda ka jooga Soomaaliya waxaa ay ka howl-galaan Sector 1 oo ka kooban Gobolkan Banadir (Mogadishu), iyo labada shabeelle midda dhexe iyo midda hoose. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Dagaal culus oo ku dhex-maray Puntland Dagaal-yahanada Al-Shabaab iyo Daacish Dagaal uu dhexeeya kooxaha Al-Shhaab iyo Daacish ayaa saaka waabarigii ka billoowday deegaanka Ceelka Miraale oo qiyaastii 70KM u jira magaalada Boosaaso. Dadka deegaanka ayaa VOA u sheegay in ay maqlayeen dhawaaqa rasaas socotay muddo saacdo ah, oo labada dhinac ay is-waydaarsanayeen, inkastoo ayasan dhaawac iyo dhimasho midna aan ishoodu qaban. Dadka deegaanka ayaa sidoo kale sheegay in ay Al-Shabaab ku amreen in ay ka guuraan dhulka wadooyinka ah, markii ay tageen agagaarka Ceelka Miraale. Ma jiraan wax faah-faahinno ah oo intaas dheer oo laga helay dagaalka iyo khasaarihiisa. 18-kii bishii December ee sanadkii 2018, ayey ahayd markii Al-Shabaab iyo Daacish uu dagaal ku dhex-maray meel aan ka fogayn dhulkan buralayda gobolka Bari ah ee maanta uu daagalku ka dhacay, kadib markii maleeshiyo Al-Shabaab ka mid ah ay ka tageen dhinaca buuraha Galgala oo ay fariisimo ku leeyihiin, iyagoo duulaan ku ah fariisimaha Daacish ay ku leeyihiin buuraha gobolka Bari. Maamulka Puntland ayaan weli ka hadlin dagaaladan la sheegay in ay u dhexeeya Al-Shabaab iyo Daacish. Sidoo kale, Daacish iyo Al-Shabaab ayaan ka hadlin dagaalka, lamana oga sababta dhabta ah ee daalka ka danbaysa. Qaran News
  17. Garowe ( SH. M. Newtork )-Saciid C/laahi Deni madaxweynaha cusub ee Puntland ayaa ka warbixiyay kulamo u dhexeeyay madaxweynaha DFS Maxamed C/laahi Farmaajo iyo madaxda M/goboleedyada oo ka dhacay magaalada Garowe ee xarunta maamulkaasi. Madaxweyne Deni ayaa shaaciyay in natiijooyin wanaagsan ay ka soo baxeen kulamadaasi, islamarkaana xal laga gaaray qaar ka mid ah tabashooyinka jira. Sidoo kale Saciid C/laahi Deni Madaxweynaha Puntland ayaa hoosta ka xariiqay in madaxweyne Farmaajo uu dalbaday in shir nabadeed la qabto bisha saddexaad ee sanadkan 2019-ka, si loo dhameeyo guud ahaan khilaafka u dhexeeya labada dhinac. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Den.mp3 The post Madaxweyne Deni Oo ka warbixiyay kulamo ka dhacay Garowe appeared first on Shabelle. View the full article
  18. 4 Arin oo hal-beeg dhexe iyo miisaan dheeli tiran Saami-qaybsiga Wakiilada u ah iyo 2 Sababood Awdal gaar u ah !! Dr.Khadar-Libaaxley. 1.Horaantii 1960 markii ay ka soo go’day Boqortooyada ingiriiska in ay siiso Somaliland xornimo calan dawladeed leh , ingiriisku waxa uu jaan-gooyey ( xubnaha tirada qaadeysa calanka xornimada oo uu uga dan la haa miisaan iyo halbeeg afarley ah oo dawladaa uu bixinaayo ku xisaab iyo saami-qaybsada; afartaasi nin ee uu horkacayey rabi naxariistii jano dhamaantood haka waraabiyee Maxamed X.Ibrahim Cigaal ; 4 toodu waxa ay u xisaab taagnaayeen 50/50 oo ah 50% beesha dhexe ah iyo 50% beelaha kale ah ; hadaba iyadoo laga duulayo hal-beegaa ingiriiska ee saami-qaybsiga uu isagu sameeyey waxa arini ku go’daa oo dawladnimo ku taabo iyo tamar-gashaa waa hal-beegan oo la dhaqan galiyo ; hadii kale waxa Somaliland hiyigeedu yahay la gaadhimaayo waligeed. 2. Guud ahaan tirakood ummadeed oo dhameystiran, mid qoomiyadeed iyo mid gobol intaba oo dhamaantood la hubiyey in ay ka madhanyihiin dano guracan oo cidi maleegayso; isla 3 dan tirakoob ayaa gadaal ka noqonaaya Saami-qaybsi ku Saleysan tirooyinka Qoomiyadaha dalka yaala , kaasi oo noqon kara mid shaafiya 90% in ka badan. Tirakoobkii ingiriiska 1945 kadib ee ku saleysnayd inta qof ee ceelasha biya u soo aroorta ama Xoolaha ka waraabisa halbeegii ka rabtimay waa habkan maanta ay u jiraan golaha wakiilada iyo guurtida tani ma’aha hab sii wadi kara ummada Somaliland. 3. Reer Awdal waxa ay wax ku rabaan in lagu tixgaliyo waxa ay horey u soo ahaan jireen darteed !! maxaase ay daliishanayaan??? Faafinta erayada ( Saami-qaybsi iyo Tabasho ) waxay aad u biqil-dilaaceen dhamaan gayiga soomaalida meel ay tahayba lagaga hadaaqayaa hadh iyo habeen kadib qoraal xikmadeysnaa oo ku saabsanaa tabasho iyo saami-qaybsiga dawlada badhtamihii 2014 madax-dhaqameedka Awdal u soo gudbiyeen madaxweyne siilaanyo balse arimahaasi oo wax yar mooyee u eeg kuwo halkoodii taagan illaa maanta , ha u weynaato arimaha doorashada wakiilada oo ay reer Awdal badi ka taaganyihiin mawqif fog !!. Maxay tahay Sabaha Reer Awdal u Qawadayaan tirooyinka Xildhibanada iyo qaybaha dawlada ee ay cid walba horteed u istaadheen eray bixinta saami-qaybsi??? Waa Qoomiyad soo ahaan jirtay Boqortooyadii islamka ku faafisay geeska afrika ee ADAL iyo Dawlad 1230-1884, ka asal qaba curadkii soomaalida iyo dirka Cali Cumar Wali-shamsi; Aasaasihii Boqortooyadii Ifat, sida uu tibaaxayo qoraagii Boqortooyada ingiriisku IM.LEWIS buugiisa layidhaa ( A pastoral Democracy : A study of pastoralist & politics Among the Northern Somali in the horn of Africa ) waxa uu sheegayaa in qoomiyada gadabuursigu la haayeen ( 100 parliament = Xeerka Boqorka iyo Boqolka Nin ) ( the Law of the King and the 100 men ) oo ka kooban 99 guurti iyo xeer-beegti ah iyo Ugaaska oo boqol ku ah tan iyo xiliyadii kala duwanaa ee boqortooyadu soo mareysay, kuwaasi oo u kala asteysnaa 4 urur oo kala ahaa 1) Gudiga difaaca iyo nabad-galyada 2) Gudiga dhaqaalaha 3) Gudiga daryeelka arimaha bulshada iyo 4) Gudiga Cadaalada iyo garsoorka. Gocashada xasuusaha iyo milicsiga waayaha gedmay waa waxa ugu wacan dhuxulaha istaadhaya tiraabta ay ka mid tahay ( Tabasho iyo Saami-qaybsi ). Hayeeshee meelaha dhaw 2 ayaa gartay oo garwaaqsaday in ay ugu cad gooyaan masiirkooda waxa ay horey u soo ahaan jireen , 2 daasi oo kala ah diinta islaamka iyo dawlada ethoipia : 1) Suratul Kahf : Qisada dhex mareysa Nabi Muse iyo Nabi Khadar marka ay soo gaadhaan 2da wiil ee gidaarka kharaabka noqday hoos jooga, Nabi khadar waaka labada wiil u dhisaya gidaarka ee ku sababeynaya taariikhda aabbahood oo wanaagsaneyd darteed !!. 2) Magaalada Harar: Dawlada itoobiya ayaa qabsatay sabankii gumeystaha kadib markii ay garatay ee ay garwaaqsatay horey waxa ay u soo ahaan jirtay Magaalada Harar itoobiya waxa ay go’aansatay in magaaladaasi kaligeed ka dhigto dawlad goboleed la mid ah 8 da dawlad goboleed ee kale ee dawlada fadaraalka itoobiya; sidaa daraadeed reer awdal waxa ay u baahanyihiin indho caafimaad qaba oo arka qiimeyntan mid la mid ah , garta oo garwaaqsada waxa ay mudanyihiin reer awdal. 4. Waxa ay wax ku doonayaan juquraafiyada dhuleed barta ay kaga yaalaan Somaliland oo ah gees damacyo badan dul-hoganayaan si aan dhamaad la hayn muhiimna ay tahay in kalsoonida reer awdal la jadiidiyo si hagrasho la’aan ah iyadoo laga jawaabayo baaqyadooda dawanka digniinta garaacaya ah . Dr.khadar -Libaaxley dr.khadar05@gmail.com gargorey4@gmail.com Regional political analysts 1/28/2019 Qaran News
  19. Somaliland Was Mother Country of Ex-Somali Republic Despite UN’s Legal Errors On 1st July 1960 the independent State of Somaliland united with Somalia which was under UN-Trusteeship. The two countries formed “Somali Republic” within the territory of State of Somaliland and Somalia. The United Nation (UN) registered the birth of the new nation under the name of “Somali Republic”, and citizens named “Somali Citizen”. Both names of Somaliland and Somalia were exempted, as pre-independence terms. Somali Republic endured for thirty one years despite the displeasure of the people of former State of Somaliland (1876 – 1960) over the power-sharing and misuse of government against latter. On 18th May 1991, the people of Former State of Somaliland declared the restoration of their state, and Republic of Somaliland was announced within territory and population of former State of Somaliland. In last 28 years, Somaliland has no business with Mogadishu regime and does not have official representation. The UN recognizes the existence of “Somali Republic” regardless of reinstated status of Republic of Somaliland. The Mogadishu regime renamed the “Somali Republic” to its pre-independence name “Somalia” without getting proper approval from the other partners including Somaliland. The unfortunate is that UN uses the name “Somalia” in all official communications without considering the legal implications that could result. The UN appoints envoy to “Somalia” who operates within the territory of former “Somali Republic”. The UN did not discuss the matter with Republic of Somaliland, instead sleepwalked into the illegal term that Mogadishu regime introduced while overlooking the partnership in-which “Somali Republic” was created. The delegations from Mogadishu regime “Former UN Trusteeship of Somalia” who claim to be representing the former “Somali Republic” use the slogan of “Somalia” at UN Head Quarter. Today, there are representative for “Somalia” in the UN Head Office at New York. The question lingering is, does the representative embodies Somaliland and “Somalia”? If the answer is YES than does the representative/Mogadishu regime protect the interest of the people of Somaliland?! The answer is NO. The UN and International Community genuinely understand the political difference between Republic of Somaliland and “Somalia”, and that people of Somaliland reverted their nationhood prior to the unity of 1st July 1960, in a free&fair referendum. The people of Somaliland never been part of “Somalia” historically as the name was archived as colonial term, however, and for the first time, the name reappeared after collapse of Siyad Barre regime, and at a time Somaliland restored its status of before 26th June 1960. It is legal error to rename a country in state of war, and its people have huge difference over their future political relationship. UN is neglecting Somaliland’s demands of restoring their status prior to 1st July 1960. 97% Somalilanders voted for independence from “Somali Republic” in a free and fair referendum, while “Somalia” is dooming into endless civil war. The UN must listen the desire of the 90% citizens of the Republic of Somaliland, and stop supporting the shaky government in Mogadishu at the expense of the Somaliland. If the UN allows the regime in Mogadishu to use the name “Somalia” at the official level, than this means the share of the Somaliland in 1960 unity is nullified. Despite the all legal errors by UN, the current Mogadishu regime led by Farmajo is spending millions of aid money to destabilize the Republic of Somaliland. He sponsors troublemakers in Somaliland including armed groups and corrupted politicians, because Farmajo ill-fatedly believe destabilizing Somaliland will restore former “Somali Republic”. “If Somaliland development and democratization succeeds while “Somalia” in chaos, than Somaliland will never turn back to the 1960 unity with Somalia” Farmajo said during a secret meeting with his tribesmen in Garowe Town. During his presence in Garowe town, Farmajo engineered attacks of Puntland militia on the bases of Somaliland Army at the border between Somaliland and “Somalia”. Unlike his successor, Farmajo expressed unwillingness to restart the negotiation with Somaliland over the restoration of the status before 1st July 1960. In a televised interview, Somalia MPs announced of having evidence linking Farmajo to illegal activities in Somaliland. The lawmakers underscored that Farmajo paid million dollars to destabilize Somaliland via his sleeper agents. The MPs are also member of Somalia’s parliamentary budget committee. The Minister of Information of Somaliland Mr. Guri-Barwaaqo expressed concerns over the illegal activities of Farmajo regime in Somaliland. UN must support Somaliland to avoid the violence in “Somalia” . UN must appoint special envoy to Somaliland who can focus on the UN interest in Somaliland. The UN Envoy to Somaliland will engage with the elected officials of Somaliland who represent the people. The interest of Somaliland is not in Mogadishu, because there are no legal presentation of Somalilanders in Mogadishu. It is unrealistic for the United Nation to discuss the issues of Somaliland with the regime in Mogadishu, who don’t represent them. The UN should stop erroneous approaches and start engaging with Somaliland authorities with new envoy to Hargiesa. By\ Abdulaziz Al-Mutairi Email: az.almutairi@yahoo.com Qaran News
  20. Boosaaso (Caasimada Online) – Dagaal uu dhexeeya kooxaha Al-Shhaab iyo Daacish ayaa saaka waabarigii ka billoowday deegaanka Ceelka Miraale oo qiyaastii 70KM u jira magaalada Boosaaso. Dadka deegaanka ayaa VOA u sheegay in ay maqlayeen dhawaaqa rasaas socotay muddo saacdo ah, oo labada dhinac ay is-waydaarsanayeen, inkastoo ayasan dhaawac iyo dhimasho midna aan ishoodu qaban. Dadka deegaanka ayaa sidoo kale sheegay in ay Al-Shabaab ku amreen in ay ka guuraan dhulka wadooyinka ah, markii ay tageen agagaarka Ceelka Miraale. Ma jiraan wax faah-faahinno ah oo intaas dheer oo laga helay dagaalka iyo khasaarihiisa. 18-kii bishii December ee sanadkii 2018, ayey ahayd markii Al-Shabaab iyo Daacish uu dagaal ku dhex-maray meel aan ka fogayn dhulkan buralayda gobolka Bari ah ee maanta uu daagalku ka dhacay, kadib markii maleeshiyo Al-Shabaab ka mid ah ay ka tageen dhinaca buuraha Galgala oo ay fariisimo ku leeyihiin, iyagoo duulaan ku ah fariisimaha Daacish ay ku leeyihiin buuraha gobolka Bari. Maamulka Puntland ayaan weli ka hadlin dagaaladan la sheegay in ay u dhexeeya Al-Shabaab iyo Daacish. Sidoo kale, Daacish iyo Al-Shabaab ayaan ka hadlin dagaalka, lamana oga sababta dhabta ah ee daalka ka danbaysa. Isha: VOA
  21. (Markaan tabar hayey talo ma hayn, hadoon talo hayana tabar ma hayo)…..26/01/2019, waxaa Garoowe ka dhacday xaflad uu marti galin teeda lahaa Madaxwaynaha cusub ee Puntland Saciid Dani. Xaflada oo si heer sare loo so agaasimayey waxaa lagu casuumay siyasiyiin aad u kala afkaar duwan colaad siyaasdeed oo gaadhay heer uu dhiig ku daato ayaa goobta isugu yimid. Xalfadu way ka duwanayd sida lagu yaqaanay xafladaha noocan oo kale ah sababtoo ah dadku xor u ma ahayn in ay cabiraan labadii sano wixii dhacay dhaliilaha iyo toosin ninba wixii u muuqan lahaa in uu goobta ka sheego waxana goobta ka cadeeyey madaxdii meesha ka hadashay qaar ka mid ah iyagoo sheegay in uu ka codsaday Madaxwayne Said Dani. Waxaynu la wada soconaa in Madaxwayne Farmajo jeclaa in xafladu u dhacdo sidii tii Baydhabo oo kale laakiin wuxuu ilawsan yahay Garowe in ay ka dhacday Doorasho Xor iyo Xalaal ah oo tartan umada somaliyeed iyo aduun waynuhu arkayey oo aan faraglin jirin nocay doontaba. iyadoo siyasidiinta qaarkood laga hor istaagay in ay hadlaan codsiga madaxwayne Farmaajo awgii in madaxwayne farmaajo si laab la kac ah u raaco hadaladii Islaanka ee ahaa in la is cafiyo goobtiina ka yidhi anigu waan idin cafiyey ee idinkuna i cafiya. Hadaba maxaa ka horeeya in la is cafiyo? waa in marka hore cid kasta oo wax dhex mareen wada hadlaan, doodan, is qanciyaan kadibna is leeb xaadhaan lakiin waan idin cafiyey kadibna aad hadalo kale oo deel qaaf ah daba dhigto wax ka soconaya ma ahan e waxaa lagaga fadhiyaa AF IYO UUR WADA SOCDA. 10 cisho kadib laba sano ayaa u buuxsami doonta madaxwaynaha wixii dhacay ma jecli in aan halkan taxo umadu way ka dheregtsan tahay adna waad og yahay. Md madaxwayne 2020 xaalkaagu wuxuu u muuqadaa odhadan Somaliyeed ee tidhaahda (MARKAAN TABAR HAYEY TALO MA HAYN HADOON TALO HAYANA TABAR MA HAYO). Waxa kaliya ee Madaxwaynaha laga sugayaa is cafin ka hor waa in uu qabtaa qodobanadan soo socda 2019. 1- In qaabka dorashadu u dhaxayso iyo xeerarka dorashooyinka 2021 ka in ay noqdaan mid qaybaha kala duwan ee siyadada mamul goboleeda iyo labada gole ay ka wada tashayadaan si wada jir ahna loo ansaxiyo. 2- In Doorashooyinka dambe ee ka dhici doona mamul goboledada aanay noqonin sida kuwii shacaba lagu laayey ee afduubka loona adeegsaday ciidanka Itoobiya ee waxaa lagaga fadhiyaa doorasho sida tii Garowe ka dhacday oo kale. 3- In la dedejiyo wixii wax laga qaban karona laga qabto dib u eegista arrimaha dastuurka. 4- In la tix galiyo dastuurka iyo xeerarka wadanka u yaala ee aad ku dhaartay in badana ku cel celisay in aad noqon doonto Oday Somaliyeed. 5 In fara galinta laga daayo labada gole si ay u gutaan shaqooyinka hor yaala si ay u dhacdo doorashooyin qurux badan. Md Madaxwayne Labada sano ee ku hadhay ka fiirso oo ka fiirso oo ka fiirso hadii kale waxa ka qoomamayn doonta fursadihii ku soo maray iyo sidii aad wax u maraysay mar aad kaligaa tahay. Xil. Axmed Moxamud Maxamed Source: goobjoog.com
  22. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdulaahi Deni, ayaa maanta ku dhawaaqay inay dowladda Puntland qabanayso shir weyne dib uheshiineed oo lagu dhameynayo khilaafaadka siyaasadeed ee hareeyay [...] Source