Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,146
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Nairobi) Waa mid ka mid ah siyaasiyiinta ugu magaca dheer dalka Kenya, waxaana soo doortay dad gaaraya illaa 7 milyan oo qof oo ku nool caasimadda Nairobi, balse ma ahan nin ka baqaya in uu ka sheekeeyo wixii uu soo maray. Mike Sonko waa barasaabka ismaamulka Nairobi, idaacadda la’iska arko ee Citizen inta uu soo fariistay ayuu ka sheekeeyay taariikhdii uu soo maray. Sonko oo marti ku ahaa barnaamijka JKL ayaa barnaamijka la yimid waraaqo badan oo muujinaya musuqmaasuq ka socda maamulka Nairobi, iyo saraakiil badan oo uu shaqada ka eryay ayaa dhanka kale ka sheekeeyay taariikh nololeedkiisa. “Waxaa habboon in aad bulshada runta u sheegto, runtana waxa ay tahay aniga waxaan soo ahaan jiray tuug, dambiile, turuufaale, balse hadda dadka Nairobi oo dhan 7 milyan oo qof ayaa igu aaminay mas’uuliyad, markii aan xildhibaanka noqday (hadda ka hor) ayaan iska dhaafay tuugonimada” ayuu yiri Soko. Waxa uu tiriyay dhammaan xabsiyadii uu soo galay oo ay ka midyihiin xabsiyada ugu caansan dalka sida Shimo La Tewa iyo Kamithi oo lagu xiro dambiilayaasha waaweyn. “Taas darteed ayaan aniga u ahay dawada kaliya ee kooxaha tuugada, warqad kasta oo been abuur ah oo la ii keeno waan garan” ayuu yiri Sonko oo kooxaha tuugada iyo dadka musuqa ku shaqaystay uga digay in ay ula tagaan qorshayaal wax lagu xadayo. Barnaamijka lagu waraysanayay oo socday muddo hal saac ah, ayuu Sonko mid mid uga sheekeeyay dacwadaha musuqa ee uu xaliyay, guryo sharci daro ah oo uu dumiyay, saraakiil uu shaqada ka eryay, dacwado hadda maxkamadda uga socda oo uu isaga furtay. Waxa uu tusaale usoo qaatay nin ganacsade ah oo uu ka dumiyay dhisme 7 dabaq ah oo kasoo horjeeda xarunta Qaramada Midoobay iyo safaaradda Maraykanka, kaas oo uu sheegay in uu jabiyay xeer hoosaadkii Nairobi ee ahaa in xaafadda dublamaasiyadda ee Nairobi aanan laga dhisi karin guri ka dheer 5 dabaq, sababo la xiriira amniga. Si kastaba ha ahaatee, Mike Sonko ayaa guddoomiyaha Nairobi loo doortay sannadkii 2017-kii, tan iyo intii yimidna waxa uu soo kordhiyay waxyaabo iyo adeegyo aanan horey loogu aqoonin dadkii ka horeeyay. Baraha bulshada ee uu gaarka u leeyahay ayuu marar badan ku faafiyaa waxqabadkiisa, gaar ahaan hawlaha la dagaalanka musuqa, isaga oo xitaa mar Facebook soo galain tabin toos ah xilli uu kormeerayay isbitaal ku yaala xaafadda Islii oo ay ka jirtay dhibaato Source
  2. (SLT-Garoowe) Wasiirka Warfaafinta dowladda Puntland Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) oo ka mid ah guddiga qaban-qaabada caleemo saarka Madaxweynaha Puntand ayaa sheegay inaan la ogolaan doonin in arrimo siyaasaddeed iyo ujeedooyin gaar ah looga faa’iidaysto xaflada caleemo saarka Madaxweynaha Puntland ee beri ka dhaceysa Garoowe. Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) ayaa sheegay guddiga qabanqaabadu ay kala hadli doonaan martida khudbadaha ka jeedinaysa xaflada inay iska ilaaliyaan wixii arrimo siyaasadeed ah oo keeni kara iyo ereyada xanafta leh. “Puntland ujeedo siyaasadeed oo gaar ah kama lahan inay Garowe isugu keento wufuud cadowtinimo siyaasadeed ay ka dhexeyso, balse muhiimadu waxay tahay in dowladdu muujiso inay qadarin u hayso mucaarad iyo muxaafid” ayuu yiri wasiirka. Hadalka wasiirka ayaa ku soo beegmaya xili dad badan ay walaac ka muujiyeen in arrimo siyaasadeed looga faa’ideysto xaflada caleemo saarka ee Puntland ay ku casuuntay madaxda federaalka iyo mucaaradka. Source
  3. Kismaayo (PP) ─ Ugu yaraan Siddeed Askari oo ka tirsanaa ciidanka Jubbaland ayaa ku geeriyooday Qarax miino oo maanta barqadii ka dhacay inta u dhexeysa degmooyinka Afmadow iyo Dhoobley oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose. Goobjoogayaal la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in gaarigii ay miinadu la qaraxday uu gabi ahaantiis gubtay, sidoo kalena ay dhinteen dhammaan askartii saarnaa oo aysan jirin cid dhaawacantay. Sidoo kale, Gaariga ay miinada la Qaraxaday ayaa ka mid ahaa ka mid ahaa Kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidanka Jubbaland ay leeyihiin, wuxuuna ahaa weerarka midkii ugu khasaare badnaa ee dhawaanahan lala beegsado ciidamada Jubbaland. Ciidamadan ayaa ka mid ahaa kuwa ka qayb-qaadanayay xaqiijinta Amnig degmada Dhoobleey muddadii uu halkaasi ku sugnaa Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe iyo mas’uuliyiiin uu hoggaaminayay oo kulamo ku aadan amniga iyo doorashada Jubbaland la qaadanayay bulshada ku nool Dhoobleey. Dhanka kale, Saraakiisha Ammaanka Jubbaland ee degmada Afmadow oo la hadlay VOA-da ayaa ka goobsaday inay faahfaahin ka bixiyaan qaraxa miino ee maanta lala beegsaday ciidamada Jubbaland. Inta badan dhulka bannaanka ka ah degmooyin ay ka arrimiyaan ciidamada Jubbaland, waxaa ku sugan Al-shabaab kuwaasoo xiliyada qaar ciidammada Jubbaland la beegsada Qaraxyo miino oo khasaare badan dhaliya. Ugu dambeyn, 19-kii bishan ayay ahayd markii ay Kooxda Al-sabaab weerar isugu jiray qaraxyo iyo mid toos ah ay ku qaadeen saldhig ay ciidanka Jubbaland iyo kuwa DF ku leeyihiin deegaanka Baar-Sanguuni ee Gobolka Jubbada Hoose. PUNTLAND POST The post Ciidammo ka tirsan kuwa Dowlad-goboleedka Jubbaland oo Maanta lagu dilay Qarax Miino appeared first on Puntland Post.
  4. Caleema saarka Madaxweynaha Dowlada Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Dani waxay muujisay Meeqaamka uu siyaasada Soomaaliya ka ciyaarayo Hogaamiyaha curdanka ah ee Puntland. Maalmihii la soo [...] Source
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiil ka tirsan sirdoonka dalka Eritrea ayaa si qarsoodi ah ugu sugan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, Caasimada Online ayaa sidaas ogaatay. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in ilaa sideed sarkaal oo ka tirsan sirdoonka Asmara ay ku sugnaayeen Muqdisho maalmihii lasoo dhaafay, inkasta oo aysan caddeyn waqtiga rasmiga ah ee ay magaalada soo galeen. Afar ka mid ah saraakiishan ayaa degan mid ka mid ah hoteellada Muqdisho [Ma shaacin karno magaca hotel-ka, sababo jiro awgood], halka afarta kale ay degan yihiin xarunta hay’adda nabad-sugidda qaranka ee NISA. Wararka ayaa sheegaya in xubnahan ay Muqdisho u joogan inay caawiyaan sirdoonka Soomaaliya, ayaga oo siinaya tababaro lana wadaaga khibradahooda xagga sirdoonka. Ma cadda muddada ay Muqdisho ku sugnaan doonaan. Soomaaliya iyo Eritrea ayaa aad isugu soo dhowaanayey tan iyo markii labada madaxweyne ee Farmaajo iyo Afwerki ay booqashooyin ku kala bixiyeen Asmara iyo Muqdisho. Labada dal ayaa sidoo kale qeyb ka ah heshiiska iskaashiga saddex geesoodka ee Ethiopia, Eritrea, iyo Somalia. Dowladda Eritrea ayaa horey beenisay warbixin ay qortay jariidadda Indian Ocean Newsletter oo lagu sheegay in Eritrea ay ciidamo u direyso dalka Soomaaliya, kuwaas oo tagi doona magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, kadib markii warbixintaas uu daabacay wargeyska Indian Ocean Newsletter. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  6. Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay garoonka Gen. Maxmed Abshir ee Garowe Magaalada Garowe ee xarunta Puntland waxaa maanta soo gaaray wufuud kala duwan oo ka qeyb-galaysa caleema-saarka Madaxweynaha cusub ee Puntland Siciid Cabdulllahi Deni. Waxaa garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Garowe maanta si kala duwan loogu soo dhaweeyay Madaxweynayaasha Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug, kuwaas oo kala hogaaminayay wufuud ay kamid yihiin Xildhibaano iyo Wasiirro ka tirsan maamuladaas. Waare iyo Deni Garoonka diyaaradaha waxaa masuuliyiintaas ku soo dhaweeyay Madaxweyanaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, iyo ku xigeenkiisa, Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland, Wasiiro, Xildhibaano, Sarkiisha ciidamada kala duwan ee Puntland iyo Ururrada bulshada rayidka ee magaalada Garowe. Madaxweynaha Koonfur galbeed-Garowe Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxmed Islaam, Madaxweynaha Hishabeelle Maxamed Cabdi Waare, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Maxamed Lafta-gareen iyo Madaxweynaha Galmudg Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo mid walba markii uu yimi warbaahinta la hadlay ayaa dowladda Puntland iyo shacabkeeda uga mahadceliyay soo dhaweynta wanaagsan ee loo sameeyay. Deni iyo Xaaf Sidoo kale waxaa maanta Garowe yimid wafdi isigu jira Wasiirro iyo Xildhaabo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana kamid ahaa Wasiirka arrimaha dibada Axmed Ciise Cawad, waxayna hor-dhac u ahaayeen Madaxweyne Farmaajo oo berri ku soo wajahan Garowe Dhanka kale waxaa Garowe yimid Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmuud oo hadana ah Guddoomiyaha xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka iyo wafdi la socday oo isugu jiray golaha fulinta ee xisbiga iyo Xildhibaano labada Aqal ee Baarlamaanka ka tirsan. Deni iyo Xasan Sheekh, garoonka diyaaradaha Gen. M. Abshir Waxaana garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Garowe ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, ku xigeenkiisa, Guddoomiyaha Baarlamaanka, xildhibaano ka tirsan Puntland iyo dad kale. Xasan Sheekh iyo fanaanada Himilo Gobaad oo wada socday Sidoo kale waxaa isna maanta Garowe lagu soo dhaweeyayay Guddoomiayaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah shakhsiga xiisaha gaar ah u yeelay xafladda caleema-saarka madaxweynaha cusub ee Puntland Siciid Cabdullaahi Deni. CC Shakuur, garoonka diyaaradha Gen. M. Abshir, Garowe. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si lamid ah masuuliyiintii kale waxaa u soo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, ku xigeenkiisa, Guddoomiyaha Baarlamaanka, siyaasiyiin iyo dad kale. Maalinta berri oo sabti ah ayaa la filayaa in ay yimadaan Garowe wafdi uu hogaaamniyo Madaxweyne Farmaajo iyo wufuud kale oo ka kala socota dalalka deriska iyo beesha caalamka. Dhacdooyin ugub ah oo dhacay. Maanta intii lagu guda jiray soo dhaweyntii loo sameynayay wufuudii ka soo dageysay garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Garowe, waxaa dhacay dhowr dhacdo oo ku cusub Puntland. Tii ugu horeysay ayaa ahayd marii Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxmed Islaam (Axmed Madoobe) uu la soo dagey ciidamo fara badan oo aad u qalabaysan, kuwaas oo tira ahaan dhanaa soddon (30) askari, waxaana markiiba lagu wareejiyay labo kamid ah gaadiidka dagaalka Puntland. Ciidamo uu watay Madaxweynaha Jubbaland, Garowe Horey Puntland ugama dhecin in madaxda dowladd goboleedyadu ay la yimaadaan ciidamo gaara, lama yaqaan sababta ku kaliftay in Axmed Madoobe uu ciidamo farbadan u soo kaxaysto Garowe oo ku caan baxday amni badi. Dhacdadii labaad ayaa ahayd markii, Taliyaha ciidamada Booliska Puntland Gen. Muxiyadiin Axmed Muuse uu warbaahinta u sheegay in aan la baahin karin wararka Cabbdiraxmaan Cabdishakuur iyo cid walba oo mucaarad ku ah Dowlada Soomaaliya, walow amarkaasi uusan shaqeyn markii dambe. Sidoo kale gudaha garoonka diyaaradaha ayaa laga saaray dad watay astaamo iyo calamo halku dheg u ahaa xisbiga uu hogaamiyo Cabbdiraxmaan Cabdishakuur ee Wadajir. Cabbdirahmaan Cabdishakuur ayaa markii uu soo gaaray Garowe loo ogolaan in uu hadal jeediyo, lamana yaqaano sababta loogu diiday, maadaama la casumay. Shalay ayay ahayd markii Garowe lagu soo dhaweeyay labo haween ah oo mid walba sheegatay in ay tahay Guddoomiyaha ururka haweenka qaranka Soomaaliyeed. PUNTLAND POST The post Wufuud timi Garowe iyo dhacdooyin ugub ah oo dhacay appeared first on Puntland Post.
  7. Shiikh Shariif waxa uu ka mid yahay hooggamiyayaasha yar ee intii ay xil dawladeed ka hayeen Soomaaliya ay muuqatay shaqadii ay qabteen intii ka dambaysay burburka, kuwaas oo dhammaystay wakhtigii u astaysnaa. Siyaasadda Shiikh Shariif illaa haddana waa mid aan dhihi karo waxay ka hagoogan tahay ceebaha iyo canjarafaynta hoggaamiyayaasha xillalka soo qabtay iyo kuwa hadda hayaba. Illaa manta oo Shiikh Shariif bannaanka ka joogo hoggaanka siyaasadda, kamu aynaan arag dabeecadaha masuuliyiintii hore, ee ah xag-xagashada siyaasadeed. Qayb ka mid ah hadal uu bixiyay dhowaan waxa uu ku yiri “Awood la’aanta dawladda hadda ka jirta Soomaaliya awgeed ayaa igu dhalisay in aan mar kale siyaasadda ku soo laabto.” Hadalkan ayuu u sheegay wargeyska The Standard Digital ee ka soo baxa Kenya. Hadalkan waxa kale ee uu sheegay waxyaabo uu qabtay hore in ay dib u soo laabteen markii uu banneeyeen xilka, taas oo qiyaasteedu noqonaysa markii uu banneeyay jagada madaxtinimada, isla markaasna uu hoggaanka waddanka uu qabtay Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud. Shiikh Shariif in uu jagada madaxtinimada isu soo sharaxo waa mid ka horraysay, xukuumadda hoggaanka hadda haysa. Baahida hoggaankiisa loo qabo ee uu sheegayna waa mid ku beegnayd ilaa iyo maalintii uu banneeyay xilka. Waayo Shiikh Shariif ma aha mid isa soo sharaxaya wakhtigan uun. Aniga oo eegaya soo yaalka wacyiga siyaasadda Shiikh Shariif iyo hadalkan, waa mid aan weerar ku ahayn xukuumadda hadda jirta uun, balse waa jug ku dhacday cid kasta oo waddada haysa ilaa maalintii u ka tegay xilka. W/Q: Cumar Rodol Cumarrodol@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  8. Muqdisho (Sh.M.Network) – Wararka laga helayo degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya inuu halkaasi ka dhacay fal dil ah. Toogashada oo la sheegay inay ka dambeeyeen dabley ku hubeysan Bastooladu ayaa lagu beegsaday askar ka tirsan dowlada oo ku sugnaa suuq ku yaala bartamaha degmadaasi. Goobjoogayaal la hadlay idaacada Shabelle ayaa sheegay inay arkeen labo labo askari iyo labo ruux kale oo shacab ah, kuwaasi oo ay dileen ragga hubeysan. Kooxihii falka khaarijinta ah ka dambeeyay ayaa lasoo wariyay inay durbadiiba meesha ay wax dhaceen isaga carareen. Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilkaan, balse, dhacdooyinka noocaan ah ee ka dhaca guud ahaan wadanka waxaa sheegatay kooxda Al-Shabaab. Maamulka degmada Afgooye ee hoostaga dowlad goboleedka Koonfur Galbeed wali ma uusan ka hadlin arrintaan. The post Dabley hubeysan oo 4 qof ku toogatay Afgooye appeared first on Shabelle. View the full article
  9. Muqdisho (Sh.M.Ntwork) – Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya iyo xubno ka socday howlgalka AMISOM ayaa kulan ku yeeshay Muqdisho. Dhanka dowlada waxaa metalayay Lataliyaha amaanka ee Madaxwaynaha, Cabdi Saciid iyo Taliyaha ciidamada xooga, Jenaraal Indhaqarsh. AMISOM waxaa shirka ku metalayay madaxa howlgalka ahna wakiilka midowga Afrika, Francisco Madeira iyo taliyaha ciidamada nabad-illaalinta ah ee Christine Alalo. Ujeedada kulanka ayaa wuxuu ahaa dar-dargelinta howlgalada ay wada fuliyaan ciidamada AMISOM iyo kuwa xooga wadanka. Madaxa howlgalka AMISOM, Madiera oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa xusay in lagu jiro qorshaha ciidamada AMISOM ay ku wa dowladda ugu wareejin lahayd qaar mid ah saldhigyada ay ku leeyihiin Muqdisho oo qayb ka tahay xerada Jaale Siyaad Mr Madiera ayaa intaasi ku daray in Somalia ay bishan soo socota ka baxayaan 1000 askari oo ka tirsan ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda dalka Burundi. Ugu dambeyntii, Wakiil ayaa xusay in loo baahanyahay in howlgalo wadajir ah ay qaadaan ciidamada AU-da iyo kuwa dowladda si kooxda Al-Shabaab looga saaro deegaano badan oo ay gacanta ku hayaan. The post DFS iyo AMISOM oo kawada hadlay xoojinta howlgalada appeared first on Shabelle. View the full article
  10. Kampala (Sh. M. Network) – Dowlada Uganda ayaa 13 kamid ah saraakiisha Booliska dalkaas waxay usoo direysaa Soomaaliya si ay qayb uga noqdaan howlgalka AMISOM. Agaasimaha guud ee dhanka howlgalada Booliska Yugandha, Mr Grace oo la hadlay saraakiisha kahor soo bixitaankooda ayaa kula dar-daarmay hufnaan shaqo. Mr Grace ayaa ku tartarsiiyay saraakiisha inay ku koobnaadaan waajibaadkooda oo ah nabad illaalin, ayna ku dhex-milmin siyaasda. Uganda oo kamid ah dowladaha howlgalka AMISOM ku leh ciidamada ugu badan ayaa ayaa bilowday inay Boolis usoo dirto wadanka sanadkii 2012-kii. The post Uganda oo la dardaarantay ciidamo ay u soo direyso Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
  11. Garowe (Puntlandi) Madaxweynihii Hore ee dowladda Fedraalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Garowe, isaga iyo wafdigiisa oo ka qeybgali [...] Source
  12. Garoowe (Caasimada Online) – Mamaulka Puntland ayaa ku dhowaaqay go’aan la xiriira siyaasiyiinta ka qeyb-galaya caleema saarka madaxweyne Deni, xilli laga cabsi qabo in goobta laga dhigo meel ay isku weeraraan dowladda iyo muaacaradka. Wasiirka warfaanta Dowladda Puntland, Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) oo ka mid ah guddiga qaban qaabada caleemo saarka Madaxweynaha Puntand, ayaa sheegay in aan la ogolaan doonin in arrimo siyaasaddeed iyo ujeedooyin gaar ah looga faa’iidaysto xafladda caleemo saarka. Wasiirka warfaanta Puntland oo war baahinta kula hadlay Garoowe ayaa sheegay in guddiga qabanqaabadu in ay kala hadli doonaan martida qudbadaha ay jeedinayaan Xaflada Caleema saarka Madaxweyne Deni. Cabdi Xirsi Cali ayaa sidoo kale sheegay in aysan Puntland wax ujeedo siyaasadeed oo u gaar ahka lahayn in ay Garowe isugu keento wafuud cadowtinimo siyaasadeed ay ka dhexayso, balse muhiimadu tahay in Puntland muujiso inay qadarin uhayso muxaafid iyo mucaarad. Hadalka wasiirka warfaanta ayaa kusoo beegmaya, iyadoo ay tahay markii ugu horeysa oo ay madal isugu imaandoonaan Madaxda Dowlada Soomaaliya iyo siyaasiyiinta mucaaradka, iyada oo la sugayo qudbadahooda. Caasimada online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
  13. Waxaa Hadal haynta Beryahanba ay Bulshadu aadka u hadalhayaan ee ah Mudo Kordhinta Baarlamanka iyo Golayaasha Deegaanada Dalka ee Mudo Xiloodkoodu Dhamaaday Sida aad lawada Socotaanba Wuxuu Madax Waynaha JSL Wuxuu Golaha Guurtida u gudbiyey; Warqada Mudo Kordhinta Golaha wakiilada oo qudha halka laga reebay Golayaashii Deegaanka oo Labada Goleba Wakhtigoodu kaga ee kaa Bisha March 2019 0px; font-family: sans-serif; font-size: 11pt; color: black; text-align: justify;”> Hadaba Waa Maxay Sababta Golayaashii deeganka Looga Reebay Mudo Kordhinta? Sidookale Madax waynuhu Awood Sharci Ma u leeyahay Inuu kala Diro Golayaasha Deegaanada Dalka Hadii Mudado Xiloodkoodu Dhamaado? Ugu Horayn Markaan eegno Dastuurka JSL iyo Xeerka Doorashooyinka iyo Xeerarka kale ee Wadanku leeyahay Sida Xeerka Ismaamulka Gobolada iyo Degmooyinka ee Xeer Lanbar 23 Majirto Meel ay kagataalo in Madax waynuhu hal mar Kala dirikaro Golayaasha Deegaanada oodhan Marka Mudo Xileedkoodu Dhamaado. Lkn Xiliga kaliya ee la Kala Dirikaro Gole Deedaan Waa Hadii hadii ay Dhacdo in Degmo Gaar ah oo ay Golaheedaasi ku kaceen Waxyaabaha Sharciyan ka reeban. TusaaleIsle. 1) Hadii Lagu soo eedooyo Gole Deegaan inay Gudan waayeen Xilkii iyo Waajibaadkii loo igmaday (2) Hadii ay Bulshadii Soodooratay ee Deganayd Degmadaasi ay ugu yaraan (5,000) Shan kun oo qof iska dii wan galiyaan Maxkamada Gobolka kuna Hor Saxeexaan iyagoo Codsanaaya in la kala diro Golahaasi (3) Marka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudduhu ku qanco, hubiyana, Xaqiijinta ama ay jabiyeen Shuruudaha ku xusan Qoddobkan ee Sababta kala diridda Golaha Deegaanka, Waxaa uu Wasiirku Awood u leeyahay in uu soo jeediyo kala dirrida Golaha, una gudbiyo Madaxweyanaha oo isaguna udiri doona gudi Xaqiiqo raadin ah leh Intaa karib Madax waynuhu Marka uu ku Qanco Xaqiiqada ka Soo baxda Wuxuu Awood u leeyahay inuu kala diro golahaasi. Hadaba Marka la kala diro Golaha Deeganka waxaa soo buuxinaya Kuraasta Banaanaatay Kaydkii Axsaabta Siyaasiga ah oo ku salaysan mid waliba saamigi uu ku lahaa Golihii hore. Sidaadarteed Hadii Golaha Deegaanka uu Ka dhamaado Mudo Xiloodkoodii Wuxuunbaa Bedalikara Gole Deegaan oo kale oo Sifo sharci ah lagu soodoortay Sidookale Meelna kuma Cada in Degreeto lagusoo magacaabikaro Mayiro iyo Ku xigeeno Cusub, iyo Gole Deegaan oo kale. Ugudanbayn Waxaan Lasoconaa in Goleyaashii Deegaanka ay Mudo Xiloodkoodii uga jadhay wax kayar 2 bilood oo kaliya Sidookale waxaan wali La shaacin Xiligii laqaban lahaa Doorashadii G.Deegaanada iyo Mudo kordhin loosameeyey toona. Iyadoo uu wali qabyo yahay oo uu Barlamaanka horyaalo wax ka bedelkii Xeerkii Maamulka Gobilada iyo Degmooyinka ee Xeer 23. By: Indheer Garad Bashiir Cabdi Xasan bashiir_cabdi01@hotmail.com Source
  14. Sheekaba sheeko ayay keentaye, waxa la yidhi beribaa nin reer miyi ah ayaa adhi keenay meel saylad ah , ka dibna markii adhigii laga iibsaday ayaa ninkii dhawr nin lacag waydiiyeen iyadoo mid waliba magac sheegtay , mid yidhi dilaal baan ahay oo anaa adhiga iibiyey , mid yidhi macal qabad baan ahay oo waan idin caawiyey , mid yidhi dul-joog baan ahaayoo waan idinla la socday iyo mid yidhi gees garaac baan ahayoo dilaalka ayaan iibka ka caawiyey , ka dibna ninki isagoo yaaban ayuu dhawr nin wax u dhiib dhiibay . Door danbe ayuu hadana ninki soo safrey , dabeeto markii adhigii uu baabuurka kasoo rogay ayuu neef ka cararay , ka dibna neefkii ayuu ka daba cararay , isagoo neefkii eryayana ayaa nin u waabiyey , dabeeto isagoo ka baqday in uu mar dhaw lacag waydiiyo ayuu yidhi ha ii waabin , adeer ha ii waabin. Imika waa halka ninkaase , saaka nin aanu saaxiib nahay baa igu yidhi , anagoo maqaaxi wayn fadhina , maqaaladaada hadii aan like saaro waa la igu qabsanayaa , markaa waxaan leeyahay saaxiibkay iyo cid kasta oo qoraalkayga is tidhaahda dhib ayaa idinka soo gaadhaysa ,adeerayaal waa halkii ninkii reer miyiga ahaaye , ha ii waabin ,calashaan like ha ii saarina Source
  15. (SLT-Muqdisho)Shirka Golaha Wasiirada Dalkaasi Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay dhibaatada ciidanka Kenya ay ku hayaan Xarumaha shirkadda Isgaarsiinta Hormuud, hawlaha muhiimka ah ee sannadkaan la doonayo in la qabto iyo hab-raaca heshiisyada Caalamiga ah. Wasiirka boostada, isgaarsiinta iyo teknoologiyadda XFS, Eng. Cabdi Canshuur Xasan, ayaa intaa kadib goloha wasiirrada war bixin ka siiyay xaruma ay leedahay shirkadda Isgaaarsiinta Hormuud oo ay burburiyeen ciidanka Kenya. Golaha ayaa isku raacay in dhibaatada xarumaha la gaarsiiyay looga hadlo kulan ay dawladaha Soomaaliya iyo Kenya ku yeelanayaan magaalada Mandheera ee dalka Kenya. Maamlmihii ugu dambeeyay ayaa ciidamada Kenya waxaa ay bur burin ku sameeyeen mid ka mid ah shirkadaha isgaaarsiineed ee ku yaala deegaanada gobalada Jubooyinka. Source
  16. Garowe (Sh.M.Network) – Dowlad goboleedka Puntland ayaa ka digay in arrimo siyaasadeed looga faa’ideysto xaflada caleema saarka Madaxwaynaha maamulkaan, Saciid Cabdullaahi Deni, oo qabsoomeysa maalinta berri ah. Wasiirka warfaafinta Puntland, Cabdi Xirsi Qarjab, oo warbaahinta la hadlay ayaa shaaciyay in marti sharafta looga baahan yahay inay marka ay khudbadaha jeedinayaa ku koobnaa xaflada iyo arrimaha Puntland. Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu wasiir Qarjab daboolka ka qaaday inay madaxda iyo siyaasiyiinta ka qaybgaleysa munaasabada ay kala hadli doonan arrintaan, maadaama ay si wayn ukala aragti duwan yihiin. Xaflada caleema saarka Madaxwaynaha Puntland oo qaban-qaabadeeda ay socoto ayaa si wayn isha loogu hayaa, iyadda oo ay tahay madal kulmi doonta siyaasiyiin si wayn ugu kala aragti duwan siyaasada dalka. The post Puntland oo ka digtay in la siyaasadeeyo caleema saarka Deni appeared first on Shabelle. View the full article
  17. Afmadow (Caasimada Online) – Ugu yaraan sideed askari ayaa geeriyootay kadib markii maanta barqadii miino dhulka lagu aasay ay la qaraxaday gaari ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan maamulka Jubaland. Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyay in gabi ahaanba ay gubteen gaarigii ay miinada la qaraxday, askartii saarnaa oo 8-askari lagu qiyaasay iyo hubkoodii. Gaariga ay miinada la qaraxaday ayaa ka mid ahaa kolonyo baabuur ahaa oo ciidamada Jubaland ay leeyihiin, kuwaas oo marayay inta dhaxaysa magaalooyinka Afmadow iyo Dhoobleey ee gobbolka Jubada Hoose. Ciidamadan ayaa ka mid ahaa kuwa ka qeyb qaadanayay xaqiijinta amaanka Dhoobleey mudadii uu halkaasi ku sugnaa Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe iyo xubno uu hoggaaminayay oo maalmahaan kulamo ku aadan arrimaha ammaanka iyo doorashada Jubaland la qaadanayay bulshada ku nool Dhoobleey. Dhinaca kale Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda qaraxan ayaa ku dooday inay ku dishay 19 askari. Warbaahinta Al-Shabaab ayaa sheegtay in qaraxu uu haleelay gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen 20 Askari, kuwaas oo 19 askari oo ka mid ah ay ku dhinteen. 19-kii bishaan ayay ahayd markii ay kooxda Al-Sabaab weerar isugu jiray Qaraxyo ismidaamina ah iyo weerar toos ah ay ku qaadeen saldhig ay ciidamada Jubaland iyo kuwa SNA ay ku lahaayeen deegaanka Baar Sanguuni ee Gobbolka Jubada Hoose, kaasi oo askar badan lagu dilay. Weerarkaas kadib ayaa duqeyn dhanka cirka ah oo ay Diyaaradaha Maraykanka ay la beegsadeen Maleeshiyaadkii weerarka gaystay ayaa lagu dilay 52 ka mid ahaa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  18. Afmadow (Sh. M. Network)– Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo barqanimadii maanta Ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland lagula eegtay qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya. Qaraxa oo ahaa nuuca miinada dhulka lagu aaso ayaa waxaa la sheegay in Ciidamadan lala bartilmaameedsaday, xilli ay marayeen inta u dhexeysa deegaanka Dhoobley iyo degmada Afmadow ee gobolkaasi. Ciidamada qaraxa lala eegtay ayaa la sheegay in ay ka soo ambabaxeen deegaanka Dhoobley, kuna soo jeedeen degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay qaraxan, iyadoona xiriiro aan la sameynay saraakiisha Jubbaland ay ka gaabsadeen in ay ka hadlaan qaraxaasi. Dhinaca kale Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qaraxan, sida ay ku baahiyeen barahooda Internet-ka. Al Shabaab ayaa warkan ku sheegay in qaraxaasi ay ku dileen 19 Askari oo ka tirsanaa Ciidanka maamulka Jubbalanbd, sidoo kalena ay ku dhawaaceen hal Askari, kuwaas oo la socday Gaari Cabdi Bile ah oo uu qaraxu haleelay, sida ay hadalka u dhigeen. Xaaladda ayaa haatan dagan, iyadoona meesha ay wax ka dhaceen ay gaareen Ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland oo gaaray halkaasi. The post Ciidamada Jubbaland oo qarax lagula eegtay J/Hoose appeared first on Shabelle. View the full article
  19. Gogaldhig. Haddii aynu nahay soomaali, waxa aynu dhaqan u leenahay in aynu la ashqaraarno madaxada xilliga ay cusubyihiin. Kolka uu xilkoodu dhamaanayana aynu hiif iyo haaraan u gunudno. Waxaa kale oo aynu caan ku nahay isticmaalka kafadaha daloola iyo miisaanka janjeera, kolka aynu cabirayno cid aynu nacebnahay. Madaxwayne Gaas waxba ugama duwana madaxda soomaamiyeed ee dhibanaha u ah labadaan fal-celis iyo cabirka hal-beega foorara. Haddii aynu rabno in aynu cid miisaan saarno waa in aynu marka hore ka xorownaa caadifadda jacaylka iyo nacaybaka iyo hal-beega miisaanka dalabta leh. Marka aynu ka xorowna caadifaddeena, waxaa lagama maarmaana in aynu tusaale ka dhigano qaacidada; A JARXU WA TACDIIL ( dhaawicidda iyo u caddaalad falka) oo ah cilmi ragga lagu miisaamo, oo ay culimada xadiisku dajiyeen kun sano ka hor. DOORKII DALDHISIDDA IYO HALKUDHAGGII ISKU TASHI Madaxwayne gaas waxa uu xilka la wareegey kolkii uu ku guulaystey doorosho ay xasarado badani ku xeernaayeen bilowgeedii, dhiigna ku daatay aakhirkeedii. Si kastaba ha ahaatee, sanadkii koobaad waxa uu qorsheeyey afar reform oo lagu samatabixinayey hay’adaha dawladda, uuna ugu muhiimsanaa kii shaqaalahu, oo noqday in markii ugu horaysey merit lagu xulo shaqaalaha dawladda. Waxa uu madaxwaynuhu hindisay halkudhagga isku-tashi oo lagu dhisay mashaariic badan oo ay ka mid yihiin: dhismihii buundadii middigar ee ay biyuhu jareen, dhismaha waddada Ceeldaahir, dhismaha wasaaradihii ugu badnaa abid, dhismaha jiddadka magaalooyinka Galkacyo, Qardho iyo inta badan Garoowe. Naqshadaynta dhulka ay magaalooyinka waawayni ku fido doonaan labaatanka sano ee soosocota iyo ceelashii ugu tirada badnaa ee la qodo. Gaas waxa uu bilaabay dhamaysna tiray labadii mashruuc ee ugu waynaa ee dalka laga fushey oo ahaa labada airpoti ee Bosaso iyo Garowe. Qodobka ugu mudan ee hoggaamiye dal fakhriya lagu qiimeeyo waa hirgalinta xasilooni siyaasadeed, si aan ammaanku faraha uga bixin. Intii uu Gaas xilka hayey, cid na lama faquuqin lamana caburin cid na, xarig iyo dil na haba sheegin. Dadku xor ayay u ahaayeen cabirista fikirkooda, dulqaad dartiis na uma aanu jawaabi jirin kuwa isaga jaa’ifeeya. Wuxuu qabtay doorashadii ugu qurxda badnayd uguna xasarada yarayd. Ma uusan faragelin hab-socod keedii, mana uusan diidin go’aan keedii. Ma aynaan dambaabin haddii aynu niraahno wuxuu ahaa daldhis dulqaad badan. GOLDOLOOLA DII HOGGAAMINEED EE DR. GAAS Runtii, cid walba oo dad xukuntaayi wax na way saxdaa wax na way khaladaa. Haddii aad si dhow ugu fiirsato hoos u dhicii hoggaamineed ee madaxwayne Gaas waxaa markiiba kuu soo baxaya in ay ahaayeen kuwo ku dul wareegaya falsafadda iyo shaqsiyadda hoggaanka. Qiyamka iyo tilmaamaha uu hoggaamiye yeesho waxa aynu u kala qaadi karnaa labo qaybood. Qayb la xiriirta quwadda hogaamiyaha sida: burjiga (charisma), go’aan qaadasha, kartida iyo kalsoonida. Iyo qayb kale oo la xiriirta hufnaanta hoggaamiya sida: Run sheegga, balan oofinta iyo ammaanada. Nasiib daro, goldolooladii hoggaamineed ee madaxwaynuhu waxa ay inta badan ku noqnoqonayeen saldhigna u ahaa labadaan qaybood. Waana taas midda keentay in aad loo hiifo, isaga oo ahaa madaxwaynihii ugu wax qabadka badnaa. Tusaale ahaan, goldoloolada qiyamka quwadda qaybta go’aan qaadashada, waxaa si rasmiya loo ogaaday kolkii uu dhacay dagaalkii koobaad ee Gaalkacyo iyo kii labaad. Waxa ayna si cad u soo shaac baxeen dagaalkii Tukaraq, oo ay adkaatay fahamka go’aanka rasmigaa ee madaxwaynaha oo ah taliyaha guud ee ciidanka. Qiyamka hufnaanta qaybta run sheegga, waxaa mar walba ku suntanaa madaxwaynaha arintii 4.5 iyo Ban K-Moon, iyo ku celcelintii uu ku celcelin jirey in uusan mar labaad isa soo sharixi doonin. Waxaa kale oo jirey balanqaad wayn oo uu madaxwaynuhu sameeyey oo uusan fulin, kolkii dambana isu badalay boog ay mar walba ka damqaan cadowgiisu. “haddii aan dalka gaarsiin waayo doorasho cod iyo qofa ogaada dawladdaydu waa fashishaye” Arinta kale ee tummaatida ku noqotay madaxwayne Gaas ayaa ahayd fashilkii ku yimid maashruucii ugu waynaa ee ay Puntland abid hesho,. Waa mashruucii dhismaha waddada Garowe iyo Gaalkacyo. Maashruucaan ayaa lagu eedeeyey in la siiyey dad ka ag dhawaa madaxtooyada oo aan lahayn awood ay waddo intaaa le’eg ku dhisaan. Si kastaba ha ahaatee hoos u dhacii hoggaamineed ee madaxwaynuhu asal uma ahayn hawl uu qabashadeeda ka gaabiyey, ee waxaa saldhig u ahaa sidii aynu soo sheeganay ba, maqnaanshaha ay maqnayd qiyamkii hoggaamiyaha wayn looga sooci jirey hoggaamada kale. John Maxwell, ruug caddaaga wayn ee cilmiga hoggaaminta ku xeeldheer, waxa uu taxaa 21 sifo oo uu ku sheego qiyamka hoggaamiyaha. Wuxuu yiri wali ma arag hoggaamiye magac ka tagey oo aan lahayn sifooyinkaas. Wuxuuna ku bilaabaa sifooyinka hufnaanta iyo kartida oo uu ku sheego meesha ugu wayn ee uu hoggaamiye u dhinto. Waana kobtaas halka madaxwayne Gaas laga raacay, garashadayda. FIIRO GAARA: haddaad iga filaysey dhaleecayn iyo gaboodfal aan loo meel dayin inaan u gunti doono hoggaamiyahaan, waad mala khasaartay. Sidoo kalana, haddaad iga filaysey ammaan iyo buunbuunin indho la’aana, iyana waad marin habowday. Qalinkii: Mohamed Ahmed Elmi The post GAAS DIL GARTIISANA SII appeared first on Puntland Post.
  20. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Warka Duhur. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Duhur-25012019.mp3 The post Dhageyso: Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article