Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    193,774
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Warar goor dhow oo hadda ah ay heshay Goobjoog News ayaa sheegaya in askar ka tirsan ciidanka AMISOM oo maanta ruux shacab ah ku dilay Muqdisho la qabtay. Falkani dilka ah ayaa ka dhacay Isgoyska Seybiyaano ee magaalada Muqdisho waxaana wiilka dhallinyarada ah oo ay dileen uu watay baabuur nuuca raaxada ah. Askarigii falka dilka ee falkaasi geysatay iyo askartii la socotay ayaa markii ay falka dilka ah gesteen kaddib isku dayay in ay baxsadaan waxaana looga daba tagay xarunta Villa Baydhabo. Goobjoog News ayaa loo xaqiijiyay in caawa askartaasi ay ku hoyanayaan xarunta dambi baarista CID-da ee magaalada Muqdisho. Wixii ka soo kordha dib ayaad ka maqli doontaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Ehellada Wiil Dhallinyara ah oo ciidanka shisheeyaha AMISOM ay ku dileen magaalada Muqdisho ayaa dowladda ka dalbaday inay helaan cadaalad. Ciidamo ka tirsan kuwa Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ku sugan, ayaa maanta gudaha magaalada Muqdisho ku toogtay, Wiil dhalinyaro oo watay gaari Nuuc Raaxada xilli uu marayay Laamiga Seybiyaano gaar ahaan suuqa caanaha ee gobolkani Banaadir. Ilwareedyo ayaa Goobjoog News u xaqiijiyay in ciidamada xilligii ay wiilkaasi tooganayeen uu watay gaarigiisa wadaduna ay ahayd mid aad u mashuul badan. Rasaas ayay mar qura huwiyeen, kaddibna waa ay ka soo dhaqaajiyeen, sida dadkii goobta ku sugnaa ay u sheegeen Goobjoog News. Lama oga sababta rasmiga ah ee wiilkani dhallinyarada ah ay ciidanka AMISOM u beegsadeen, waxayna tani qeyb ka tahay tacadiyada howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya oo meelaha ay ku sugan yihiin lagu eedeeyo inay ka geystaan falal liddi ku ah beni’aadanimada sida kufsi iyo dil xataa mararka qaar baabuurta dadka rayidka ah wataan ayay jiiraan bilaa sabab. Isla todobaadkani ayay ahayd markii ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ay rasaas ay fureen ay ku dhimatay gabar aan qaan gaar ahayn oo sagaal sano jir ah islamarkaana uu ku dhaawacmay wiil kale oo arday ah. Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabaa Dayax Iimaan Xasan, waxaa haddaba mareegta Goobjoog News la helay Xasan Iimaan Xasan oo ah walaalka marxuumkaasi. HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/WIILKA-WALAALKIIS-LA-DILAY-21-09-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Despite constantly being labeled as a "problem group" associated with poverty, social exclusion, high unemployment and an unwillingness to integrate, Somalis appeared the most satisfied group of immigrants to Norway. Source: Hiiraan Online
  4. Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa sharciga dalkaas ee baasaboorka iyo kaarka aqoonsigaba kala noqotay wiil uu dhalay agaasime ku xigeenka hay’adda sirdoonka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay. Wiilka sharciga lagala noqday oo lagu magacaabo Camaar Fahad Yaasiin, islamarkaana ah 23 jir ayaa waxaa la sheegay in sharciga uu ku waayey kiiska aabihiis, oo dowladda Kenya ay ku hayso baaritaan la xiriira inuu sharciga ku helay si aan sax ahayn. Fahad ayaa lagu tuhmayaa inuu haysto laba baasaboor oo Kenyan ah oo qaab sharci-darro ah uu ku helay, islamarkaana ay ku qoran yihiin taariikho dhalasho oo is-khilaafsan, islamarkaana khilaafsan kuwiisa Soomaaliya. 21-kii August, wargeyska caanka ah ee Daily Nation ee Nairobi ayaa qoray in Fahad Yaasiin, oo adeegsanaya magaca Ahmed Fahad Daahir uu haysto basaboorka Kenya ee lambarkiisu yahay C024542 iyo kaarka aqoonsiga ama kibaandhaha ee lambarkiisu yahay 22847167, kuwaas oo hadda la baarayo sida uu ku helay. Sida dad arrintan la socda oo codsaday inaan la magacaabin ay sheegeen, Camaar ayaa laba toddobaad ka hor ay dowladda Kenya kasoo masaafurisay Nairobi, waxaana laga soo dejiyey magaalada Muqdisho. Laba maalmood kadib ayaa la sheegay inuu dalka Cumaan ku aaday baasbaoor deg deg loogu sameeyey oo Soomaali ah. Camaar ayaa halkaas ka dhigta Jaamacad. Warar kale ayaa sheegaya in sidoo kale xubno kale oo ka mid ah qoyska Fahad ay dowladda Kenya kala noqotay sharciga, hase yeeshee lama xaqiijin karo. 10-kii bishan, Caasimada Online ayaa qortay in safaaradda Soomaaliya ee magaalada Nairobi ay isku dayayso inay bad-baadiso ku xigeenka agaasimaha hay’adda sirdoonka Soomaaliya ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo waaxda socdaalka Kenya ay baaritaan ku hayso. Halkan ka aqri warbixintaas. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  5. Kismaayo (Caasimada Online)-Maamulka Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday inay dileen Saraakiil iyo maleeshiyaad hubeysnaa oo ka tirsan Al-Shabaab. Maamulka Jubbaland ayaa tilmaamay in weerar ay qaaden ciidamada Darawiishta Jubbaland iyo Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab ay ku dileen maleeshiyaadka. Howlgalka lagu dilay maleeshiyaadka ayaa la xaqiijiyay inuu ka dhacay deegaanka Janaay Cabdalle oo qiyaastii 60km u jirta Magalada Kismaayo. Ciidamada ayaa howlgalkooda ku qaaday Saldhig ay maleeshiyada ku lahaayen aaga deegaanka Janaay Cadalla iyo deegaano kale xili ay hurdayeen. Howlgalka ayaa waxaa maleeshiyada looga dilay Ilaa 17 oo Saraakiil ay ku jiraan,isla markaana laga soo furtay hub kala duwan oo ay heysteen. Ciidamada ayaa soo bandhigay 6 qori AK47 iyo laba BKM ama Dabajeexa iyo hal isgaarsiinta Ciidanka ah. SAWIRRO
  6. Somalia remains “a terrorist safe haven” and Shabaab, al Qaeda’s branch in East Africa, continues to control large areas of the country despite increased military, the US State Department concluded in its newly released Country Reports on Terrorism 2017. Source: Hiiraan Online
  7. NAIROBI (Daily Nation) - Investment opportunities are expected to be seized as foreign relations between Kenya and Somaliland grow. Mr Bashe Awil Omar, Somaliland's envoy to Kenya,.... Source: Hiiraan Online
  8. Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno suuqa Seybiyaano ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaasi lagu toogtay ruux watay gaari nuuca raaxada ah. Dilka ruuxaani ayaa waxaa fuliyay ciidamo ka tirsanaa dowlada kuwaa oo la socday gaari nooca dagaalka, waxaana lasoo sheegayaa in gadaal ay ka toogteen ruuxaani oo magaciisa lagu sheegay Dayax Iimaan Xasan Jiirow. Dayax Iimaan Xasan oo ah marxuumka la dilay ayaa ka Shaqeynayey waaxda farsamada dhulka ee Dowladda hoose ee Xamar. Goobjoogayaal ayaa soo sheegaya in ka hor dilka ay wada murmeen mid ka mid ah askarta saarneyd Gaariga iyo Marxuum Iimaan kadib markii wadada ay noqotay mid mashquul badan,sidaasina uu ku rasaaseeyey. Ciidanka toogashada geystay ayaa socodkooda iska sii watay, waxaana aagga uu dilka ka dhacay soo buux dhaafiyay shacab fara badan oo daawanayay sida ay wax u dhaceen. Ciidamada ammaanka ayaa tagay goobta uu dilka ka dhacay, waxayna halkaasi ka qaadeen meydka ruuxa la dilay. Ciidamada amaanka dowlada ayaa si bareera u toogta dadka shacabka iyo kuwa la shaqeeya dowlada ee isticmaala waddooyinka magaalada Muqdisho. Si kastaba ha ahaatee, dilka ruuxaani ka tirsanaa shaqaalaha maamulka Gobolka Banaadir ayaa kusoo beegmaya xili maanta dilal dhowr ah ay ka dhaceen magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. Kismaayo (Caasimada Online) – Weli waxaa Magalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada Hoose ku sugan wafdigii Aqalka sare ee xal raadinta, kuwaas oo soo geba gabeeyey kulamadii ay la lahaayeen Madaxda iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Jubbaland. Guddiga ayaa waxa ay shaaca ka qaadeen in wahadaladaas loogu soo bandhigay in dowladda federaalka Soomaaliya faragelin ku heyso Jubbaland, isla markaana dhibaato xoogan ay kala kulmayaan dowladda. Senator Axmed Xaashi oo madax u ah Guddiga Aqalka sare ee loo diray Kismaayo, si xal looga gaaro khilaafka dowladda iyo Jubbaland ayaa la saftay maamulka Axmed Madobbe, isaga oo sheegay in dhammaan mas’uuliyiintii iyo bulshadii ay la kulmeen ay sheegeen inay faragelin ku heyso dowladda Federaalka Soomaaliya. Waxa uu sheegay in dowladda ay ku eedeynayeen inaysan aqoon isku-soo dhawaasho, balse ay taqaano sii riixis oo ay kala fogeyneyso Shacabka iyo Maamulka Jubbaland. Waxa uu ugu baaqay dadka ku nool deegaanada Jubbaland inay ka fogaadaan in dhexdooda dhibaatooyin la kala dhex dhigo,i sla markaana ay u sabraan cadaadiska uga imaanaya dowladda Federaalka Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay. Deegaanada Dowlad goboleedyada ayaa waxaa sidoo kale ku sugan Xubno kale oo Aqalka sare ka socda kuwaas oo wada xal raadinta khilaafka dowladda iyo Dowlad Goboleedyada,balse guddiga Jubbaland loo diray ay qireen in dowladda faragelin ku heyso Maamulkaas. Dhageyso Codka Senator Axmed Xaashi https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/09/Senator-Axmed-Xaashi.mp3 Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  10. Baraha ay bulshada ku wada xiriirto ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa si weyn la isula dhexmarayay dood kulul oo ka dhalatay hadal uu jeediyay madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Cabdiweli Cali Gaas. Madaxweyne Cabdiweli Gaas oo shalay oo Khamiis aheyd ka hadlayay magaalada Badhan ayaa waxa uu jeediyay hadalkaasi doodda badan uu ka dhashay. Waxa uu Cabdiweli Cali Gaas yiri “Wiil ka yimid Xudur, Diinsoor iyo Buurhakaba, oo kaba dacas ah qaba inuu inta idiin yimaado nagu xukumo dalkayagii, suurtagal ma ahan, caqlina ma ahan, lamana yeeli karo.” Madaxweynaha Puntland oo u muuqanayay inuu ka hadlayay dagaalyahannada Shabaab ee ku jira buuraleyda Galgala ayaa inta uusan hadalkaas oran waxa uu yiri “Intaas oo ciidan ahna waa ay nala joogaan xoogaa Shabaab ahna waa naga haystaan Galgala caqli ma ahan.” “Waxaan rabnaa inaan ku dareerno dhammaanteen annagoo wadasoconna, been idiin sheegi mayee dumarka Badhan joogaa haddii ay berito ku dareeraan Galgala ayagaa Shabaab ku filan oo ka saaraya.” ayuu yiri Cabdiweli Cali Gaas. Hadalkaa hore ee Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Cali Gaas, ayaa waxaa si kulul uga jawaabay Xildhibaan Idiris Cabdi Axmed Takhtar oo ka tirsan baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya kana soo jeeda deegaannada Bay iyo Bakool ee hoos taga maamulka Koonfur Galbeed. Xildhibaan Idiris Takhtar oo fariin uu soo duubay soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa waxa uu sheegay in arrintaas laga haboonaa isagoo yiri “Waxaan u sheegayaa in nin mas’uul ah uu hadalkaas ka soo yeero ma ahan, in deegaan gaar ah dad ka soo jeeda uu wax ka sheego ma ahan, oo haddana uu dhaho dadkaas oo dacas wato, hadalladaas kuma haboona inuu ku hadlo nin mas’uul ah marka waxaan rabaa inaan ninkaas u sheego waa khaladaadkii saddexaad, afraad ee uu galaayo waaye.” “Intii uu xilka Puntland hayay ninkaas waxa uu xiray dad aan waxba galabsan oo ganacsato ah oo uu ku shaabadeeyo inay Shabaab yihiin, oo khaladaad badan uu dadkaas ka soo galay, aniga hadda waxaanba u malaynayaa inuu xalaalaysan rabo hantidooda. Dadka ka soo jeeda Koonfur Galbeed waa dadka ganacsiga ugu badan ku leh deegaankaas Puntland.” ayuu yiri Idiris Takhtar Waxa uu Xildhibaan Idiris intaasi ku daray “Ma haboonayn in ninkaas oo mas’uul ah oo hadda ka horna ra’iisul wasaare soo noqday inuu marwalbaba afkiisa uu ku aflagaadeeyo qowmiyad dhan oo jirta.” Intaas kuma uusan hakan Xildhibaan Idiris Takhtar ee waxa uu Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Cali Gaas ka dalbaday inuu raali gelin ka bixiyo “hadalada qadafka ee ka soo yeeray, waayo waa markii saddexaad ee uu ku dhawaaqo hadal cunsiriyad iyo inuu baneeysto hantida dadka ladeggan ee ka soo jeeda Koonfur Galbeed.” ayuu ku qoray bartiisa Facebook-ga. Doodda iyo erayada kulul ee la is dhaafsanayo intaa kuma aanay ekaan ee waxaa ka qeyb galay dad badan oo magac leh, oo uu ka mid yahay wasiir ku xigeenka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Xildhibaan Aaden Isaaq, oo bartiisa Facebook-ga soo dhigay: Waxaa arrintaas dhankiisa durbadiiba si kulal uga jawaabay wasiir ku xigeenka warfaafinta ee Puntland, Cabdirisaaq Cumar Ismaaciil, oo isna bartiisa Facebook-ga soo dhigay: Dhanka kale isla baraha bulshada ay ku wada xiriirto waxaa ka bilowday dadaalo lagu qaboojinayo xiisadda ka dhalatay hadalka Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas ee sababay in hadallada kulkul ay hawada isu mariyaan qaar ka mid ah mas’uuliyiinta deegaannada Puntland iyo Koonfur Galbeed. Waxaa ka mid ah dadka arrintaas waday weriye Cabdiweli Ibraahim Garyare oo si gaar ah ula hadlayay labada wasiir ku xigeen ee warfaafineed ee Federaalka iyo Puntland, waxa uu bartiisa ku soo qoray farriintan: Isha: BBC Somali
  11. MOGADISHU (Caasimada Online) — Somalia’s Intelligence have resolved to strengthen collaboration on information gathering and sharing to counter threats posed by terrorist group, Al-Shabaab. The resolution was made at the end of a three-day intelligence information sharing conference organized by the African Union Mission in Somalia (AMISOM) and the UK Mission Support Team (UK MST). The conference, attended by senior intelligence officers from AMISOM and Somali national security agencies, sought to forge closer working ties among security agencies in the country. Intelligence officers gather critical information that informs security decisions taken by AMISOM and the Somali government. Speaking at the end of the workshop, Col. Naboth Mwesigwa, the AMISOM Chief Military Intelligence Officer (CMIO), urged intelligence agencies in the country to work together by sharing critical information. “Let us aim at working together in terms of sharing information, collaborating, and coordination so that we help our commanders to carry out operations,” Col. Mwesigwa stated. The participants were told that though Somalia faces numerous challenges, the collective effort by security agencies can help to transform the country and restore lasting peace and security. Col. Mwesigwa cited terrorism as one of the threats to global security, which intelligence officers must fight against. Participants were told that the lethality of the Improvised Explosive Devices (IEDs) has been on a decline due better intelligence gathering and training on bomb handling. Other topics discussed included the provision of regular security updates in AMISOMs area of responsibility and how to overcome challenges faced in intelligence gathering. Also present at the conference was the Director of Military Intelligence in the Somali National Army (SNA), Brig. General Abdullwahab Omar.
  12. Five years after al-Shabab fighters burst into a luxury shopping mall in Kenya's capital, hurling grenades and starting a days-long siege that left 67 people dead, analysts say the Somalia-based extremist group has been pushed down Africa's east coast as far as Mozambique as its regional threat expands. Source: Hiiraan Online
  13. The death toll in a ferry capsize in Lake Victoria climbed to more than 100 on Friday, as Tanzanian rescue workers pressed on with searches to find scores of more people feared drowned. Source: Hiiraan Online
  14. Nairobi (PP) ─ Warbixin ay soo saartay Hay’adda Caalamiga ah ee ka faalloota xasaradaha iyo khilaafyada, ayaa lagu sheegay in Al-shabaab ay weli halis weyn ku tahay Amniga Dalka Kenya, Shan sano kadib weerarkii Westgate Mall. Warbixinta ayaa waxaa cinwaan looga dhigay ‘Al-shabaab shan sano kaddib Weerarkii Westgate, weli waa halis ka taagan Geeska Afrika’, waxaaa lagu sheegay warbixinta in Al-shabaab beddeshay Xeeladihii ay horay u adeegsan jirtay weerarrada ay ka geystaan Gudaha dalka Kenya. Tan iyo sannadkii 2015-kii, Al-shabaab waxay xoogga saartay sidii ay uga qoran lahayd dhallinyaro badan dalka Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi-bari iyo gobolka xeebta ah ee Lamu sida ay tilmameyso warbixinta. Sidoo kale, Al-shabaab ayaa isku dayay in ay dad taabacsan ku yeelato gobollada Waqooyiga iyo Bartamaha dalka Kenya, iyadoo diiradda saareysa dhallinyaro horay u ahaa masiixiyiin, laakiinse qaatay diinta Islaamka. Warbixinta waxaa lagu xusay in Al-shabaab weerarradeeda xooggooda ay ka geystaan Soohdinta u dhexeysa Kenya iyo Soomaaliya, siiba Qaraxyada lala eegto gawaarida ay leeyihiin dadka u dhashay Kenya, gaar ahaan ciidamada iyo shaqaalaha, iyadoo dhinaca kale lagu sheegay warbixinta in Al-shabaab ay xulafaysi la samaysay koox ka dagaallanta gobolka Pwani ee Tanzania oo xad la leh waddanka Kenya. Dhanka kale, Weerarkii ay Al-shabaab ku qaaddday Westgate Mall oo ah suuq laga adeegto oo ku yaalla Magaalada Nairobi oo dhacay 21-kii bishii September ee sannadkii 2013-kii, waxaana ku dhintay 71-qof oo 62 ka mid ah ay ahaayeen rayid, shan kalena ay ahaayeen ciidanka Kenya halka afarta hartay ay ahaayeen raggii weerarka qaaday. Ugu dambeyn, Ku dhawaad 200-ruux ayaa lasoo wariyay inay dhaawacyo kasoo gaareen toogasho iyo dagaal dhex-maray ciidamda Kenya iyo raggii hubeysnaa ee xaruntaas weeraray. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo la shaaciyay inuu Weli halis weyn ku yahay ammaanka Kenya appeared first on Puntland Post.
  15. MOGADISHU (Caasimada Online) – Plans to relocate the 450 Burundian soldiers currently stationed at the Mogadishu Military Academy are already underway. The relocation is part of the condition-based transition plan agreed between the peacekeeping force, the Federal Government of Somalia, United Nations and development partners. The Special Representative of the Chairperson of the African Union Commission (SRCC) for Somalia, Ambassador Francisco Madeira, toured three locations within the Mission area to identify a suitable site to construct a transit camp for the soldiers before they vacate the Academy next month. “We are identifying land to put up facilities for our transiting personnel before they go to their respective headquarters in the Sectors. The facilities will serve the Burundians when they arrive or rotate out and other contingents on transit that might need a place near the Mission or Force headquarters,” said Ambassador Madeira, who was accompanied by AMISOM civil engineer, Andrew Alele. He noted that the AU Mission will move its properties currently at the Military Academy to the Mission area before handing over the institution. Engineer Alele said the transit camp will be ready by the end of October 2018 to ensure a smooth handover. “We should have the transit camp ready before the next rotation of the Burundian troops. We will start building this camp as soon as possible. We are going to have discussions with UNSOS (United Nations Support Office in Somalia) once AMISOM Mission decides the way forward,” the AMISOM Mission Civil Engineer added. Engineer Alele said the transit camp will have basic amenities including accommodation and ablution blocks, adequate for the 450 Burundi soldiers. AMISOM has already moved soldiers and police officers who were located at the national stadium to Jazeera II camp next to the Mission area. PRESS RELEASE
  16. Dil noociisa oo kale uusan waayadan soo marin Soomaaliya ayaa laga soo sheegay magaalada Muqdisho, kaasoo loo gaystay allah u naxariistee marxuum ka soo jeeda beesha Jareer weyne oo la yiraahdo Axmed Mukhtaar Saalax. Nuur Maki Muunye oo ka mid ah ehelada marxuumka ayaa BBC u sheegay in arrintu ay ka dhalatay guur dhex maray wiil ka soo jeeda reerahooda oo ay ilmo adeer ahaayeen marxuumka, iyo gabar u dhalatay beel ka mid ah beelaha hubaysan ee Muqdisho dega. “Odayaal ayaa isaga yimid arrinta oo ka wada xaalay, sidaa darteedna waxay go’aan isla gaareen reerka ay gabadhu ka dhalatay, hase yeeshee gabadha hooyadeed iyo abtiyaasheed ayaa ka biyo diiday, kuwaasoo bam gacmeed adeegsaday” ayuu yiri Nuur. Wuxuu intaa ku daray in la xiray dadkii falka lagu tuhmay inay gaysteen oo ay ku jirto gabadha hooyadeed, laakinse “odayaashii dhinaca abtiyaasha” ay wacad ku mareen in “talaabo ficil ah ay ka qaadi doonaan xarigaas”. Talaabadaas ayuu sheegay in ay noqotay in weerar lagu qaado Axmed Mukhtaar Saalax oo ay weeraraan “dad gaaraya 15 qof, kuwaasoo ku hubaysnaa middiyo baangado iyo eebooyin” ayuu yiri. Wuxuu intaa raaciyey in “baasiin lagu shubay, ka dibna la gubay”. Laakinse ma cadda in markii uu dhintay meydkiisa la gubay, ama isagoo nool dab la qabadsiiyey. Arrintan ayaa tan iyo shalay aad looga hadal hayey baraha bulshada, gaar ahaan Facebook, ayadoo la soo dhigay sawirro aad looga naxo oo muujinaya jirka marxuumka oo gubtay. Nuur wuxuu BBC u sheegay in meydka Axmed Mukhtaar Saalax aan ilaa hadda la duugin, “ilaa iyo inta sharciga laga hor keenayo dadkii dilkiisa ka dambeeyey”. Waa markii ugu horraysay inta la ogyahay taariikhda ee dhacdo noocan oo kale ah ay ka dhacdo magaalada Muqdisho. Hore ayaa waxaa u dhacay in dad loo dilay sababo la xiriira guur ay is guursadeen qabaa’il aan hore isu guursan jirin, laakin in meyd ama qof nool la gubo ayaa ah arrin ugub ah oo aan meelna ka soo galin diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed. Inkastoo uu Nuur Maki Muunye sheegay in dad loo xirxiray, haddana nooma suurto galin in aan Booliska helno, si aan uga xaqiijinno in ay jiraan dad loo qabtay kiiskan.
  17. Muqdisho (PP) ─ Kooxo dalbey ah ayaa ku dhex-dilay fasal ay wax ku baranaysay gabar dhalliyaro ah oo lagu magaaabi jiray Aamino Xasan Xuseen, iyadoo aan la ogeyn sababta dhabta ah eek a dambeysa dilka gabadhan. Dilkan ayaa wuxuu ka dhacay gudaha Jaamacadda Soomaaliya ee UNISO loo yaqaan, gaar ahaan xarunteeda xaafadda Baar-ubax ee degmada Hawl-wadaag, waxaana dilkan uu dhacay duhurnimadii maanta. Goobjoogayaal ku suganaa Jaamacadda UNISO ayaa warbaahinta u sheegay in kooxda dilka geystay ay si toos ah u abbaareen fasalka ay gabadhani wax ku baranaysay ayna iyada oo keliya toogteen, waxaana ay u muuqataa inay ahaayeen rag watay macluumaad dhameystiran. “Dilku wuxuu dhacay markii laga soo laabtay nasasho ay ardaydu ku qaateen dibadda fasalladooda, kooxaha hubeysanna waxay si toos ah u toogteen Aamino, iyagoo dhawr xabbadood ku dhuftay illaa ay goobta ku naf-baxaysay,” ayay yiraahdeen qaar ka mid ah ardaydii ay isku fasalka ahaayeen oo aragagaxsan. Qaar ka mid ah maamulka Jaamacadda ayaa sheegay in gabadhan la dilay ay baranaysay kuliyadda Shareecada iyo Qaanuunka, isla markaana aysan garanayn sababta loo dilay. Sidoo kale Maamulka iyo Ardayda ayaa sheegay in gabadhu ay ku jirtay sannadkii ugu dambeeyay ee waxbarashadeeda, isla markaana aysan weligood ku arag wax dihbaato ah ama dad ay is-haystaan. Ciidammo ka tirsan kwua Amniga Dowladda Federaalka Somalia ayaa tagay Jaamacadda uu dilku ka dhex-dhacay, waxayna sameeyeen baaritaanno ku aaddan sida ay wax u dhaceen, lama soo sheegin falkan dilka ah ciidamada dad ay u soo qabteen. Dhanka kale, Falkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo 18-kii bishan aan ku jirno uu askari ilaalo u ahaa Jen. Sheegow uu Muqdisho ku toogtay gabar 9-jir ahayd oo dhiganeysay Dugsiga Hoose ee Iskuulka Hoyga Xamar, iyadoo saaran gaariga iskuulka. Ugu dambeyn, Dowladda Somalia ayaa sheegtay inay afar ruux u xirtay dilka gabadha yar ee sagaal jirka ahayd, balse waxaa laga doonayaa inay sidoo kale tallaabo sharciga waafaqsan ka qaaddo kooxihii maanta geystay dilka loo geystay gabadha ardayadda ahayd. PUNTLAND POST The post Kooxo hubeysan oo Gabar Ardayad ahayd ku dhex dilay Jaamacad ay wax ka baranaysay appeared first on Puntland Post.
  18. MOGADISHU (Caasimada Online)–Roadside bomb explosion targeting an armored personnel carrier, has killed at least two Kenyan military soldiers on board in south of Somalia. The explosion ripped through Kenyan military convoy while travelling near Gariley area in Gedo region, leaving two soldiers dead, a witness said. He says four other soldiers were also injured in the blast. “It is an IED blast targeted an armored vehicle carrying Kenyan military soldiers. Two of them were killed and 4 others injured”, he said. The bomb attack was claimed by Al-Qaeda linked Al Shabaab group in Somalia. The group says it has been responsible for landmine explosion targeted Kenyan military convoy, killing several soldiers in the attack. There was no immediate comment from Kenyan military over the claims. In 2011, Nairobi sent its troops into Somalia to thwart deadly border cross attacks and kidnappings allegedly carried out by Al Qaeda inspired group Al Shabaab. Kenya has soldiers serving under African Union peacekeeping mission in Somalia to help the weak-western backed government battling against Al Shabaab. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  19. MOGADISHU (Caasimada Online) – Unknown gunmen have shot and killed a female student at University headquarters in Somali capital Mogadishu. The victim, whose name has been released as Amina Hussein Hassan, was gunned down by men armed with pistols inside her classroom at University of Somalia. Hassan reportedly died on the scene, according to a classmate, who asked to be anonymous. He says the killers fled from the crime scene uncaught. The motive for the murder remains unclear. Somali security soldiers arrived at the area and launched an operation over the killing. No arrests have been made so far. There was no immediate claim of responsibility for the assassination. Friday’s incident comes days after a 9-years-old school girl was shot and killed on board in gun fire opened by a government soldier in Somali capital Mogadishu. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Hoggaanka Waaxda Canshuuraha ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janeraal Cabdullaahi Xasan Bariise, ayaa maanta si ukul uga hadlay dhibaatooyinka amni-darro ee ka dhacay magaalada Muqdisho. Jeneraal Bariise, waxa uu sheegay in mararka qarkood falalka amni-darro ay dad u qabtaan Ciidamada Booliska balse ay jiraan mas’uuliyiin dadkaasi dambiilayaasha ah difaacaya, oo ka tirsan booliska, kadibna sii daynaya. “Runtii waxaad arkeysaa markii ciidamada booliska gacanta ku soo dhigaan rag falal amni-darro ka gaysta Muqdisho, inay dadkaas ka daba imaanayaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, ha ahaadaan saaraakiil ciidan, iyo kuwo kale, iyaga oo qofkaas difaacaya” ayuu yiri Taliye Bariise. Hadalka Taliyaha Hoggaanka Waaxda Canshuuraha ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ku soo aadaya xilli dilalka loo geysanayo ciidamada dowladda iyo dad shacab ah ay maalmahan ku soo bateen magaalada Muqdisho. Koox hubeysan ayaa manta gudaha u galay Jaamacadda Soomaaliya (UNISO), kadibna waxay tageen mid ka mid ah fasallada, halkaasna waxay ku toogteen gabar ka mid ahayd ardayda oo lagu magacaabay Aamina Xuseen Xasan. Sidoo kale waxaa shalay magaalada lagu dilay kadibna lagu gubay nin kasoo jeeday beesha Jareerweyne, kadib markii wiil uu adeer u ahaa uu guursaday gabar kasoo jeedda beelaha isku arkay inay dadka ka sareeyaan. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/09/Taliye-Bariise.mp3 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumada Somalia ayaa markii ugu horeysay ka hadashay faragalin la sheegay inay ka cabanayaan Madaxda maamulka Goboleedyada dalka. Xukuumada ayaa sheegtay in cabashada kasoo yeereysa maamulada ay tahay mid ku timid sixitaan lagu hayo khaladaad is biirsaday. Ra’isul wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), oo ka hadlaayay faragalinta ay ka cabanayaan maamulada ayaa sheegay in tabashooyinkaasi lagu xalin doono dadaalo ay wadaan. Khadar waxa uu sheegay in dalaalada ay wadaan uu yahay mid ay ku doonayan sidii looga gudbi lahaa khilaafka labada dhinac. Madaxda maamulada ayuu sheegay in laga doonayo inay kala saaran tabashooyinkooda iyo ka qeybgalka shirarka looga arrinsanaayo masiirka dalka. Khadar waxa uu madaxda maamulada u diray fariin ah iney yimaadaan Muqdisho, si ay u ajiibaan baaqii Madaxweyne Farmaajo. Ra’isul wasaare ku-xigeenka Dalka, ayaa meesha ka saaray wararka la xiriira iney faragelin ku hayaan Maamul goboleedyada, taasoo qeyb ka eheyd war saxaafadeedka ay soo saareen golaha Iskaashiga maamul goboleedyada ee ku shiray Kismaayo. Nuqul kamid ah haddalkiisa ayaa ahaa “Wixii tuhun ah iyo turxaan bixin ah diyaar beynu u nahay, dhaqanka Somaliyeedna bey qeyb ka tahay, weynu sameyn doonaana, wax faragelin ah oo dowladda federaalka ay ku heyso ma jiro Maamul gooleedyada”. Si Kastaba, 17-kii Bishan, waxaa baaqday shirkii golaha amniga Qaranka ee uu ku baaqay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo), kadib markii ay iska diideen ka qeybgalkiisa Hogaanka Maamul Goboleedyada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. Marxuum Suldaan Xasan Cali Jibriil Deegaanka Hadaaftimo ee gobolka Sanaag, waxaa maanta lagu dilay Suldaan Xasan Cali Jibriil oo caan ka ahaa deegaankaas. AUN Marxuum Suldaan Xasan Cali Jibriil ayaa sida aan xog ku helnay u socday magaalada Badhan, waxaana dilkiisu ka dhacay bar kantarool oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan Puntland Dilka Suldaan Xasan Cali Jibriil ayaa ku soo aadaya, iyadoo Badhan uu maalintii saddexaad ku sugan yahay Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo dhamaan ku xukuumadiisa. Dilka Marxuum Suldaan Xasan Cali Jirbriil waxaa ka tacsiyeeyay Madaxweyne Gaas iyo Suldaanka guud ee Sanaag Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan. PUNTLAND POST The post Hadaaftimo oo lagu dilay Suldaan caan ah appeared first on Puntland Post.
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Koox hubeysan ayaa Jaamacadda Soomaaliya (UNISO) qeybta Baar Ubax waxa ay ku dhex dileen gabar dhalinyaro aheyd oo ka tirsaneyd ardayda Jaamacaddaasi, sida ay inoo xaqiijiyeen maamulka Jaamacadda. Dabley hubeysan ayaa gudaha Jaamacadda gashay waxayna si toos ah u tageen fasalka ay dhiganeysay gabadha, halkaasi ayayna ku toogteen, fasalka waxaa gabar ka ahaa marxuumada la toogtay iyo gabar kale, halka inta kale ay ahaayeen wiilal. Masuuliyiin ka tirsan Jaamacadda Soomaaliya ayaa waxa ay inoo sheegeen gabadhan in Jaamacadda ay ka baraneysay kuliyadda Shareecada, islamarkaana ilaa hadda aanay garaneyn sababta loo beegsaday. Gabadha la beegsaday oo lagu magacaabi jiray Aamina Xuseen Xasan lama oga waxa ay aheyd marka laga reebo inay dhiganeysay Jaamacadda. Si dhab ah looma oga sababta ka dambeysa rag hubeysan inay gudaha u galaan Jaamacadda oo aan la ogoleyn inuu galo qof aanan wadan aqoonsi, kadibna ay geystaan toogasho, sidoo kalena baxsadaan. Ciidanka ammaanka ayaa tagay Jaamacadda, waxayna halkaasi ka wadaan baaritaan ku aadan sida ay wax u dhaceen, ardayda xiisadaha u doontay Jaamacadda ayaa la soo fasaxay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. Waxaa Goordhow lagu dhex dilay jaamacadda Soomaaliya ee magaalada Muqdisho gabar ardey aheyd oo ku jirtay fasalka, taas oo ah arrin cusub. Aamina Xuseen Xasan, ayaa lagu dhex toogtay Jaamacadda Soomaaliya faraceeda xaafadda Baar-ubax halkaas oo ay dhigan jirtay kuliyadda shareecada. Dabley bistoolado ku hubeysan ayaa u gudaha u gashay Jaamacadda kadib waxaa ay toogteen gabdhan. Inkasta oo ciidamada dowladda ay goobta gaareen, hadana waxaa la sheegayaa in dableyda ay baxsadeen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  25. “Waxaan soo miyir saday iyadoo laga arrinsanyo meeshii la igu aasi lahaa” ayuu yiri Xasan Axmed oo dib u milic sannado badan oo uu xoriyaddiisa ku waayay in looga shakiyay in uu ONLF taageero. Xasan Axmed isaga oo u waramaayay Idaacada BBC-da ayuu ka warbixiyay waxa uu kala kulmay toban sano oo uu Xabsi ku jiray ayuu sheegay in uu 21 jir ahaa marka la xiray haddana sida carruurta gacmaha la qabto marka uu soconayo. Maamuulkii dhawaan xilka laga qaaday ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa uga shakiyay Xasan in uu ka tirsanaa jabhaddaha hubeysan ee ONLF, inkastoo uu sheegay in uusan shuqul ku lahayn oo uu ku hawlanaa barashada culuunta caafimaadka oo uu koleej Jigjiga ku yaalla ka baranayay. Xasan wuxuu ka mid ahaa boqolaal dhallinyaro ah oo muddo sannado ah lagu hayay xabsiyo kala duwan oo ku yaalla dalka Itoobiya. Hay’addaha xuquuqda aadanaha u dooda ayaa sheegay in xabsiga dhexe ee Jigjiga oo ku magac dheer jeel Ogaadeen ay ka dhaceen tacaddiyo aadanaha ka dhan ah. HOOS KA DHAGEYSO WAREYSIGA XASAN AXMED OO DHAMEYSTIRAN