Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    191,858
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Cadaado (Caasimada Online)-Maamulka Galmudug ayaa shaaca ka qaaday inay dib u celiyeen gaadiid lagala soo baxsaday dowlad degaanka ismaamulka Soomaalida Ethiopia. Maamulka Galmudug ayaa sheegay in gaadiidkaasi ay gacanta ku dhigeen xiligii ay rabshadaha ka dhacayeen deeganada maamulka oo ay lasoo baxsadeen dhalinyaro boob waday. Mahad Maxamed Xasan, oo ah Wasiir ku-xigeenka wasaarada amniga Galmudug, ayaa sheegay in ciidamada Galmudug ay ku guuleysteen in ay gacanta ku dhigaan gaarigani oo lala soo galay degmooyin ku yaalla waqooyiga gobolka Galgaduud oo xiga dhanka ismaamulka Itoobiya. Nuqul kamid ah haddalka Wasiirka ayaa ahaa “Hal gaari baa wareejinay hadda oo laga la soo goostay dowlad degaanka ayaa lagu qabtay degmada Balanbal waana celinay, sababtu waxaa weeye waxaa naga dhaxeeysa wada shaqeyn amni DDSI waxaana ku raad joognaa gaadiid kale” “Waxaa jira gaadiid kale oo ku dhex jira deeganadena waxaanu ku howlanahay gacan kusoo dhigistooda” Sidoo kale, Wasiir xigeenka wasaaradda amniga Galmudug ayaa sheegay in deegaanada maamulkooda ay kusoo dhuunteen dad dhibaatooyin kasoo geestay dhulka Soomaalida, kuwaa oo qaarkood lasoo galay hanta uu lahaa maamulka, hase yeeshee ay ku raad joogan si hantidaasi loogu wareejiyo maamulka. Arrintaan ayaa kusoo beegmeysa iyadoo Somaliland ay sidoo kale gacanta ku dhigtay gaadiid la gala soo goostay maamulka Soomaalida. Caasimada Online Xafiiska Cadaado Caasimada@live.com
  2. As the ruling coalition (EPRDF) 36-member executive committee (it is the highest government body of the party) continues its meeting for a second day, reports emerged today that an arrest warrant has been issued on Getachew Assefa. Source: Hiiraan Online
  3. Muqdisho (Caasimada Online): Boqolaal ruux oo dadka reer Muqdisho ah ayaa shalay iyo maanta buux dhaafiyay xaafada Daarusalaam ee magaalada Muqdisho, oo ah goobta ugu haboon ee loo dalxiiso xilliyada munaasabadaha. Dadka oo 17ka degmo ee gobalka Banaadir ka yimmid ayaa u badnaa caruur iyo haween, halka ragu ay sidoo kale qeyb ka ahaayeen fantasyaha iyo damaashaadka xaafada Daarusalaam. Boqolaal ruux ayaa sidoo kale ku tukaday salaadii ciida. Goobtan oo ah mid amaan ah, waxaa xiliyada ciidaha ka muuqda isbadal ballaaran, waxaana lagu soo kordhiyaa adeegyo qaas ah oo loogu tallo galay dadka usoo damaashaad taga Daarusalaam. Bulshadii tagtay shalay iyo maanta ayaa uga mahad celiyay maamulka Daarusalaam sida ay isugu xilqaameen in dadka reer Muqdisho ay helaan goob qurux badan, nadiif ah, oo amaankeeduna sugan yahay oo ay ku damaashaadan. Maamulka Xaafada Daarusalaam oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in adeegyo aan horey u jirin ay soo kordhiyeen ciidan, si ay u qanciyaan kumanaanka ruux ee usoo dalxiis taga xaafada. Daarusalam waa goobta ugu ballaaran oo lagu dalxiiso oo ku taalla Muqdisho, waxaana dhisay ganacsato Soomaaliyeed oo reer Muqdisho ah. Caasimada Online Muqdisho-office caasimada@live.com
  4. Garoowe (Caasimada Online)-Hogaamiyah Maamulka Puntland Cabdi weli Gaas ayaa sheegay in maamulka Somaliland ay dhaqaale xoogan ku bixiso dagaalka ay qaado Al-Shabaab. Cabdi weli Gaas, waxa uu sheegay in Somaliland ay garab u tahay Al-Shabaab iyo Daacish, isagoo tilmaamay inay jiraan cadeymo badan oo muujinaaya taageerada. Cabdi weli Gaas, waxa uu sheegay in cadowga qalqalka amni ku haya Puntland ay ka kooban yihiin Seddex qeyb, waxa uuna qeybta koowad iyo labaad ku kala sheegay Al-Shabaab iyo Daacish, halka qeybta seddexaad uu ku sheegay Somaliland, sida uu hadalka u dhigay. Waxa uu sheegay in Al-Shabaab,Daacish ay taageero ka helayaan cadawga deriskooda ah,oo uu ku sheegay Somaliland sida uu hadalka u dhigay Cabdi weli Gaas. “Somaliland waan la socnaa in si hagar la’aan ah ay u taageerto Al-Shabaab iyo Daacish, marka uu arrinku sidaa yahay Puntland waxaa ku waajibtay inay is difaacdo” “Puntland waxa ay cadeyn buuxda u heysaa qaabka ay Somaliland u taageerto Al-Shabaab iyo Daacish waxaanu xaqiijineynaa in dhaqaale xoogan ay ku bixiyaan silo qalqal galiyo amniga Somalia inteeda kale” Sidoo kale waxa uu sheegay in Puntland iyo Shacabkeeda ay diyaar u yihiin inay iska difaacaan cidkasta oo ku soo duusahay, waxa uuna cod dheer ku sheegay in Somaliland ay caqabad ku tahay xasiloonida deegaanada Puntland. Haddalka Cabdi weli Gaas, ayaa imaanaya xili Hogaamiyaha Somaliland Muuse Biixi uu isna ku dhawaaqay in maamulkiisa iyo shacabkuba ay iska difaacayaan Puntland. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  5. Kismaayo (Caasimada Online)-Jubbaland waxa ay markii labaad dhinac isaga riixday magacaabis ka timmid Muqdisho, halkaas oo fadhi u ah Dowlada dhexe ee Somalia. Waxaa labbada jeerba saraakiisha laga soo celiyay garoonka diyaaradaha ee Kismaayo. Dad badan ayaa arrintaan ku tilmaamay qalad ay ku kacday Jubbaland. Caasimadda Online waxa ay la xiriirtay xubno sare oo ka tirsan maamulka Jubbaland si ay u weydiyaan sababta ku qasabtay iney ka hor yimadaan amarrada dowlada dhexe madaama uu dalka federaal yahay, waxaana ay xubnahan sheegeen in Xamar laga abaabulaayo qorshe lagu duminaayo Jubbaland, ayna qallad tahay in qof ugaarsi lagu hayo loo soo diro xubno dadka lagu marin habaabinaayo si loo muujiyo in labbada dhinac ay wada shaqeyn ka dhaxeyso. Jubbaland waxaa ay sheegtay in aaney wax taageero ah ka helin Villa Somalia mudooyinkii lasoo dhaafay, sidaa aawgeed ay go’aan uga gaaren xiriirka kala dhexeeya dowlada. Waa dood culus sidee maamul aadan waxba ka taageerin ugu qasabto inuu qaato amaradaada, waxaana meesha ka maqan is garabsiin, si taa lamid ah waxaa meesha ka baxeysa qaadashada amarada dowlada. Hadii aad maqasho Federaal waa in dowlada dhexe hormarisaa gobolada laakiin ma`ahan dumin ayuu yiri sargaal sare oo ka tirsan Jubbaland. Docda kale, Dhowr jeer ayuu madaxweynaha Jubbaland ku yiri dowlada dhexe aan wada shaqeyno oo dhaqanka wax ka badala hase yeeshee way diiday. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  6. Dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada militariga Soomaaliya oo kaashanaya AMISOM iyo Al-shabaab oo dhinac ah ayaa xalay iyo saaka ka dhacay gudaha iyo hareeraha degmada Marka ee gobolka Shabeellaha hoose,sida laga soo xigtay dadka magaaladaasi. Malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab ayaa sida wararku sheegayaan degmada Marka xalay ka soo weeraray dhanka degaanka lagu magacaabo Jilib-marka,waxaana markii dambe dagaalkaasi ku fiday xaafado ka tirsan magaalada,sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal. Sidoo kale duqeymo culus oo ay is-weydaarsanayan dhinacyada dagaallamay ayaa laga maqlay qeybo kamid ah xaafadaha Marka,inkastoo aan weli faahfaahin laga hayn khasaaraha ka dhashay. Saraakiil ka tirsan militariga Soomaaliya oo ku sugan halka lagu dagaallamay ayaa warbaahinta u sheegay in Al-shabaab dib looga riixay magaalada Marka,islamarkaana dagaal-yahanno looga dilay halka kuwa kalena nolosha looga qabtay,sida ay hadalka u dhigeen. Waxa kale oo saraakiishu sheegeen in weli ciidamadu ku sii siqayaaan degaanno horleh oo Al-shabaab gacanta ku hayso,laakiin waxay ka gaabsadeen in ay faahfaahiyaan khasaaraha dhankooda gaaray. Wixii ka soo kordha kala soco:PUNTLAND POST The post Dagaallo culus oo ka dhacay degmada Marka appeared first on Puntland Post.
  7. Muqdisho (Caasimada Online)-Maalmahii lasoo dhaafay waxaa xoogeystay dadka lagu eedeynaayo Musuq-maasuqa ee ay soo xirayaana ciidamada ammaanka, ilaa iyo hadda dadka musuq-maasuqaa lagu eedeeyay waxaa ka mid ah Wasiirro, Agaasimayaaal, Taliyaal ciidan iyo garsoorayaal maxkamadeed, arrintaan waxey taagneed boqolkii cisho ee ugu dambeysay, dad badan waxey is weydiinayaan waxa bilahii ugu dambeeyay xoojiyay arrintaan. Shabakadda caasimadda waxay la xiriirtay aqoonyahan Khaliif Nuur oo aad u darsa siyaasadda soomaaliya, waxaana weydiinay sida uu u arko qorshaha musuq-maasuq la dirirka ee dowladda, wuxuuse aaminsan yahay iney isaga leexinayaan culeys siyaasadeed oo heysta. Dowladda madaxweyne Farmaajo wax badan kama qaban amniga, garsoorka, shaqo abuurka, siyaasadda arrimaha dibadda, dub u heshiisiinta iyo dhameystirka Dastuurka (sideed iyo tobankii bilood) oo uu xilka hayay, waxaana muuqata iney bilaaban doonaan doodo ku saabsan waxqabadkooda. Si ay ra’yul caamka u qaldaan waxey hadda bilaabeen iney dad musuq-maasuq u xiraan, aqoonyahan Khaliif wuxuu sheegay in mudada uu farmaajo xilka hayay ay dhaceen musuq-maasuqyo waaweyn oo la yaqaano dadka ku lugta leh, hadana aan waxba laga qaban, wuxuu laba kacleynta musuq-maasuq la dirirka xilligaan ku tilmaamay jahawareerin siyaasadeed. “Ma jiraan wax ka run ah iney la dagaalamayaan musuq-maasuq, waayo waxaa heysta culeys siyaasadeed oo ay rabaan iney arrintaan ku damiyaan, bulshada soomaalidu waa ka dharagsan tahay waxa hadda socda, waxaana loo baahan yahay wax ka weyn agaasimayaal musuq-maasuq lagu eedeeyo, mudada u hartay Farmaajo iyo waxa horyaalla aad bey isku diidayaan” ayuu yiri aqoonyahan Khaliif Nuur. Wuxuu sidoo sheegay inaan beesha caalamka lagu marinhabaabin Karin musuq-maasuq la dirir been ah, wuxuu qabaa iney dadka musuq-maasuqqa lagu tuhmaayo iyo dadka la beegsaday ilaa hadda iney tahay arrin is diideysa, wuxuuna kula taliyay Farmaajo iyo Kheyre iney runta abaaraan oo ay dowladnimada ka run sheegaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. Afgooye (Caasimada Online)-Al-Shaba ayaa weerar xoogan ku qaaday Magaalada Marka oo dhawaan ay qabsadeen ciidamo ka tirsan Militeriga dowlada oo uu hogaaminaayo Abaanduulihii hore ee CX Jeneraal Caanood. Weerarka ayaa isugu jiray Madaafiic iyo mid toosa oo lagu qaaday xarumo ay ku sugnaayen ciidamada dowlada waxaana lasoo sheegayaa in weerarka uu ka dhashay khasaaro kala duwan. Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Degmada Marka ayaa sheegay in weerarka uu ahaa mid socday muddo waxa ayna xaqiijiyeen inuu jiro khasaaro kala duwan oo labada dhinac ah. Wararku waxa ay sheegayaan in weerarka uu markiisa hore ka bilowday deegaanka Jilib-marka oo ah wadada laga soo galo Magaalada waxa ayna markii danbe Shabaabka usii gudbeen bartamaha Magaalada Marka oo saacado ay ka dagaalamayeen. Dagaalka ayaa waxaa bar bar socday duqeymo xooggan oo madaafiic ah oo Shabaab ay ridayeen, kuwaa oo inta badan dadka deegaanka qalqal galshay. Meelaha sida wayn dagaalka xoogiisa uu kaga dhacay ayaa ah Kawaanka Malaayga iyo Saldhiga Booliska ee Magaalada Marka iyo meelo isku muuqda oo fariisimo ay ka sameysteen ciidanka Militariga dowladda Somaliya. Khasaaraha ka dhashay weerarka ayaa la soo warinayaa inuu kor u dhaafay dhaawacyada Todobo, halka dhimashaduna ay gaareyso ilaa Seddex, sida ay noo xaqiijiyeen dadka deegaanka. Dhinaca kale, weerarka ayaa kusoo beegmaaya xili inta badan magaalada Marka ay ku jirto gacanta ciidamada Xoogga oo iyagu dhawaan gudaha u galay magaalada. Caasimada Online Xafiiska Afgooye Caasimada@live.com
  9. Malayshiyaadka Al-shabaab ee ku sugan qeybo kamid ah Koonfurta Soomaaliya ayaa shalay carruurta ku ciidsiiyay caagagga qoryaha loo ekaysiiyay ee lagu ciyaaro,kaasoo hore dalka looga mamnuucay. Sawirro lagu baahiyay baraha bulshada ee Al-shabaab isticmaalan ayaa waxaa ka soo muuqday carruur aad u da’yar oo ku ciyaaraya caagag sida qoryaha iyo bistooladaha u samaysan,islamarkaana mid-mid isugu shiishaya. Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya ayaa 13 bishii June ee sanandkaan dalka ka mamnuucday in la soo geliyo caagagga carruurtu ku ciiddo ee u samaysan,sida qoryaha,bistooladaha iyo bombooyinka,waxaana wasaaraddu agabkaasi ku tilmaantay astaan colaadeed. Sidoo kale wasaaraddu waxay ganacsatada ugu baaqday in ay dalka soo geliyaan agab wax dhiiri-gelinaya nabadda,is-jecaylka iyo hal-abuurka,iyadoo hay’adaha amniga dalka la faray in ay fuliyaan amarkaas. Lama oga halka ay Al-shabaab ka soo degsatay caaggan qoryaha u samaysan ee ay shalay carruurta ku ciidsiiyeen iyo cidda u fududaysay in ay helaan. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo carruurta ku ciidsiisay caagag qoryo u samaysan appeared first on Puntland Post.
  10. Mogadishu (HOL) - Sources within the Mogadishu Airport have confirmed the arrival of the regional director of a Chinese state-owned aerospace and defence conglomerate on Wednesday. Source: Hiiraan Online
  11. Hargeysa (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in amniga iyo kala danbeynta Somaliland ay dhibeyso mas’uuliyiin dhowra oo ku sugan magaalada Muqdisho. Muuse Biixi, waxa uu sheegay in mas’uuliyiin iminka ku sugan magaalada Muqdisho iyo Garoowe ay ku goodinayaan weerar ay ku qaadan deegaanada maamulka Somaliland. “Waxaan la socnaa in mas’uuliyiin ku sugan Muqdisho iyo Garoowe ay maanta ku dhaaranayaan in weerar ay ku qaadayaan deegaanada Somaliland, taasi waxa ay na tuseysaa inuu badan yahay cadowgeena” Muuse Biixi, wuxuu sheegay in nasiib daro iyo wax laga xumaado ay tahay in xilligan dagaalo hor leh laga soo abaabulo magaalooyinka Muqdisho iyo Garoowe, isaga oo intaas raaciyay in dagaal aanan loo baahneyn waqtigan. Muuse Biixi, ayaa sheegay ciidanka Somaliland in waqti walba ay heegan ugu jiraan sidii ay isaga difaaci lahaayeen cid kasta oo ku soo hungawda dhulka Somaliland, midaasina aysan gacmaha ka laaban doonin, sida uu hadalka u dhigay. “Dagaal, khasaare iyo colaad intii hore ayaa Somali ugu filan, masuuliyiin Muqdisho iyo Garowe jooga ayaa ku dhaaranaya inay weerar ku soo qaadaan Somaliland, Soomaali in maanta ay isku dhimato Diin ahaan iyo dadnimo ahaan sax ma ahan, hadii weerar nalagu soo qaado waan iska difaaceynaa”. Sidoo kale, Biixi waxa uu sheegay in Somaliland ay weli ku baaqeyso nabad, balse aanu dhinacyada kale u muuqan nabadda. Hadalka Muuse Biixi, ayaa kusoo aadaya xili wasiirka amniga Puntland ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Somaliland, wuxuuna tilmaamay Puntland in aysan joogsan doonin ilaa ay ka soo celiso degaanada gacanteeda ka maqan. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  12. Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa laga soo sheegaya xiisad ka dhalatay laba dhalinyaro ah oo habeen ka hor halkaasi lagu dilay. Labada dhalinyarada ah oo la sheegay in ay saarnaayeen mooto Bajaaj ayaa u dhintay rasaas ay ku rideen ilaalada guddoomiyaha gobolka Sool ee Somaliland,Gargaar Xuseen Carab,sida ay xaqiijiyeen eheladooda. Is-faham waa ayaa la sheegayaa in uu ka dhex qarxay ehelada labada qof ee dhintay iyo guddoomiyaha gobolka Sool ee Somaliland,kadib markii eheladu diideen in la aaso dadka dhintay ilaa sharciga la marinayo askartii falka geysatay. Laakiin guddoomiye Gargaar ayaa codsaday in la aaso labada qof,isagoo sheegay in baaritaan lagu samaynayo falkaas, ciddii lagu helana sharciga la marinayo,sida ay wararku sheegayaan. Dhinaca kale guddoomiyaha gobolka Sool ee Puntland,Abukar Cabdi Geelle oo la hadlay warbaahinta maxalliga ah ee Puntland ayaa ku hanjabay in lala xisaabtamayo guddoomiyaha Sool ee Somaliland oo uu ku eedeeyay in uu si bareer ah u amray dilka labadaasi qof. Hase yeeshee wasiirka Biyaha Somaliland Saleebaan Cali Koorre oo arrintaasi ka jawaabaya ayaa dhankiisa sheegay in xiisadda lagu xallinayo wada-hadal,islamarkaana Somaliland ay diyaar u tahay in ay la fariisato ehelada dadka dhintay,sida uu hadalka u dhigay. PUNTLAND POST The post Is-faham waa ka dhex qarxay Somaliland iyo ehelada dad Laascaanood lagu dilay appeared first on Puntland Post.
  13. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa is rasaaseyn xalay ka dhex dhacday show ka dhacaayay magaalada Muqdisho oo ay ka qeybgalyeen ku dhawaad 1000 qof. Showga oo ay dhigayeen Fannaaniinta Suldaan Seeraar iyo Xariir, kaa oo ka dhacaayay Hotelka Royal Plza oo ku dhow xarunta Sirdoonka Somalia. Rasaasta iyo is qabqabsiga ayaa u dhexeysay qolada nabadgelyada iyo dhalinyaro usoo daawasho tagay showga. Xabado aya dhacay wararka waxeey sheegayaan in dhalinyaro loo diiday iney ku ciyaaran tiyaatarka ay xaalada ka bilaabatay kadibna ay rasaasta sidaas ku dhacday Rasaast ayaa waxaa ku dhaawacmay qof kamid ahaa daawadayaasha, waxaana jira warar kaasi khilaafsan oo sheegaya in dhaawaca uu gaarayo ilaa laba qof. Rasaasta iyo buuqa kadib waxaa joogsaday showgii socday, waxaana xusid mudan in Fanaaninta ay ka yimaaden dalka Ethiopia kuwaa oo u yimid bandhig Faneedka. Si kastaba ha ahaatee, qalalaasaha ka dhex dhacay showga Hoteelka ayaa noqonaaya kii ugu horeeyay oo halkaa ka dhacay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. Representatives of the Taliban will take part in talks in Moscow next month on the future of Afghanistan, Russian Foreign Minister Sergey Lavrov said Tuesday. Source: Hiiraan Online
  15. It is always exciting to find laudable causes that are geared toward connecting Africa to the diaspora. Source: Hiiraan Online
  16. Since 2006, the Africa House has spent a lot of time helping immigrants from African countries as they settle in Portland. A division of the Immigrant and Refugee Community Organization (IRCO), the group primarily focuses on increasing the visibility of Portland’s African community in a variety of different ways. Now the Somali community of Oregon, by which some estimates is more than 12,000, has its own core representative cultural group, the Somali American Council of Oregon (SACOO). This past June 23, the group opened their new headquarters at 1505 S.E. 122nd Ave. with a party featuring speeches by Executive Director Musse Olol and Portland City Commissioner Chloe Eudaly, among others. Source: Hiiraan Online
  17. CHARLESTON, W.Va. — There hasn't been a darker moment for a president — or for the presidency — since Richard Nixon resigned on the verge of impeachment in 1974. Source: Hiiraan Online
  18. Mogadishu (HOL) - The Somaliland administration has responded to recent remarks by the Puntland administration on the Tukaraq conflict. Source: Hiiraan Online
  19. Structure, term times, text books and even the language of teaching have all been changed to bring about a "Somali-owned system". Source: Hiiraan Online
  20. Italy's transport minister has suggested the group of migrants stranded in the Sicilian port of Catania will learn their fate on Wednesday. Source: Hiiraan Online
  21. The government of Somalia is paying a US lobbying firm Sh40 million ($400,000) through the end of this year to help it gain renewed funding for the country's army and to lift the Trump administration's ban on Somalis' travel to the US. Source: Hiiraan Online
  22. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta farxadda munaasabadda ciidda la qaatay Guutada 14-ka Oktoobar ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa salaadda ciidda Guutada kula tukaday Dugisga Tababarka ee Janaraal Goordan, ee magaalada Muqdisho. Salaaddii ciidda keddib, Madaxweynuhu waxa uu u kuurgalay xaaladda dugsiga, isaga oo kormeeray hawlaha tabobarka ciidamada ee ka socda, halkaas oo uu warbixinno kaga dhagaystay saraakiisha tabobarka iyo maamulka dugsiga. Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu ku sugnaa Janaraal Goordan waxa uu sidoo kale ka qayb galay xaflad lagu dhiirrigelinayo Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan halkaas. Waxaa xafladda ka soo qayb galay cutubyo ka tirsan Guutada 14-ka Oktoobar, Taliyeyaal, Taliye Xigeenno iyo saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Munaasabaddu intii ay socotay waxa goobta lagu soo bandhigay suugaan iyo ruwaayado lagu dhiirrigelinayo Ciidanka Xoogga Dalka oo ay soo bandhigtay kooxda Horseed ee CXDS. Geba gabadii waxaa goobta ka hadlay Taliyahii Ciidanka Xoogga Dalka Janaraal Cabduwali Jaamac Gorod ee xilka laga qaaday oo Madaxweynaha uga warxbiyey dadaallada lagu horumarinayo dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Madaxweynuhu waxa uu ciidanka ugu hambalyeeyey munaasabadda Ciidul Adxaa, isaga oo si faah faahsan uga hadlay muhiimadda uu ciidanku u leeyahay dib u soo noolaynta dawladnimada Soomaaliya. Madaxweynuhu waxa uu xusay in kooxaha argagaxisada ahi ay yihiin shisheeye ku soo duulay Soomaaliya oo u taagan gumeynta iyo gumaysiga shacabka Soomaaliyeed, iyaga oo ugu soo gabbanaya diinta Islaamka. Dhanka kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qayb galay salaadda janaasada ee askari ka tirsanaa Guutada 14ka Oktoobar oo ku shahiiday hawlgalladii ay Ciidamada Xoogga Dalka ay Al Shabaab kaga saareen deegaano hoos yimaada Degmada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
  23. MOGADISHU (Caasimada Online) – Somali President Mohamed Abudullahi Mohamed has attended a funeral of a soldier, who left dead in military operation against Al-Shabaab President Mohamed, for the first time in 2 years, joined in burial of a soldier, whose name has been released as Abdullahi Mohamed Ibrahim in Somali capital Mogadishu. Ibrahim and other soldiers reportedly lost thier lives to Al-Shabaab during military operation which the country’s army forces captured Marka town, some 91km southwest of Mogadishu. President Mohamed offered his condolence to the family of the victim and wished him to rest in peace. “Ibrahim and his friends were killed, while defending their people and Somalia from the enemy”, Mohamed said. Mohamed expressed his solidary with the the family and the country’s army forces. AU forces and government troops drove al Shabaab rebels out of the coastal town of Marka earleir this week, but militants have kept up guerrilla-style attacks from rural bases. The overthrow of a dictator in 1991 plunged Somalia into two decades of violent turmoil, first at the hands of clan warlords and then Islamist militants, who have steadily lost ground since 2011 under pressure from the AU military offensive Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  24. Muqdisho[Puntland Post]-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta farxadda munaasabadda ciidda la qaatay Guutada 14ka Oktoobar ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isaga oo salaadda ciidda kula tukaday Dugisga Tabobarka ee Janaraal Goordan. Salaaddii ciidda keddib, Madaxweynuhu waxa uu u kuurgalay xaaladda dugsiga, isaga oo kormeeray hawlaha tabobarka ciidamada ee ka socda, halkaas oo uu warbixinno kaga dhagaystay saraakiisha tabobarka iyo maamulka dugsiga. Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu ku sugnaa Janaraal Goordan waxa uu sidoo kale ka qayb galay xaflad lagu dhiirrigelinayo Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan halkaas. Xafladda waxa ka soo qayb galay cutubyo ka tirsan Guutada 14-ka Oktoobar, Taliyeyaal, Taliye Xigeenno iyo saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Munaasabaddu intii ay socotay waxa goobta lagu soo bandhigay suugaan iyo ruwaayado lagu dhiirrigelinayo Ciidanka Xoogga Dalka oo ay soo bandhigtay kooxda Horseed ee CXDS. Gebogabadii waxaa goobta ka hadlay siihayaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Janaraal Cabduwali Jaamac Gorod oo Madaxweynaha uga warxbiyey dadaallada lagu horumarinayo dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Madaxweynuhu waxa uu ciidanka ugu hambalyeeyey munaasabadda Ciidul Adxaa, isaga oo si faahfaahsan uga hadlay muhiimadda uu ciidanku u leeyahay dib u soo noolaynta dawladnimada Soomaaliya. Madaxweynuhu waxa uu xusay in kooxaha argagaxisada ahi ay yihiin shisheeye ku soo duulay Soomaaliya oo u taagan gumeynta iyo gumaysiga shacabka Soomaaliyeed, iyaga oo ugu soo gabbanaya diinta Islaamka. DHAMAAD Cabdiqani Boos Puntland Post The post Farmaajo”Cadaw Shisheeye Ah Ayaa Ku Soo Duulay Soomaliya appeared first on Puntland Post.
  25. Qardho[Puntland Post]-Magaalada Qardho ee xarunta gobalka Karkaar ayaa si weyn looga oogay munaasabada ciidul Adxaa, oo ah maalin ku weyn Umadda muslimiinta aha . Goobaha salaada lagu tukadaya ayaa waxa ka mid ahaa jaamacada bariga afrika hoolka beenyada iyo garoonka boobe stadium ee magaalada Qardho. waxana shacabka qardho tukashada salaada kala qeyb galaya Maamulka gobalka Karkaar ,kan Degmada Qardho Boqor Burhaan Boqor Muuse iyo Masuuliyiin kale waxana dhamaantood ay ku dheeraden ah miyada ay lee yihiin malamahan barakaysan iyo sida looga faa,idaysan karo. Gudoomiyaha Gobolka Karkaar iyo Duqa Degmada Qardho waxay dhankooda bulshada Qardho uga mahadceliyeen sida ay ula shaqeeyaan dawlada, sidoo kale waxay bulshada kula dardaarmeen in dawlada lagala shaqeeyo amniga iyo horumarinta gobalka gaar ahan degmada Qardho. Boqor Burhaan Boqor Muuse waxa uu shacabka Islaamka gaar ahaan kuwa soomaaliyeed ugu hambalayeey munaasabada Ciida, sidoo kale waxa uu rabi uga baryay in uu ku amaansado meel kasta oo ay ka joogaan dunida islamka. Cabdiqani Boos Puntland Post The post Magaalada Qardho ee Xarunta Gobalka Karkaar oo si weyn looga ciiday maanta appeared first on Puntland Post.