-
Content Count
212,105 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee golaha aqalka sare Abshir Maxamed Axmed oo maanta shir guddoominayey kulanka aqalka ayaa bogaadiyey warbixinta guddiga dib u eegista dastuurka ee halkaasi laga jeediyey balse waxaa uu guddigaas iyo midka doorashada ku canaantey sida aaney u waqtiyeyn jidka la marayo, jadwaleynta iyo cidda mas’uuliyad qaadaneysa. Mudane Abshir oo arrintaas ka hadlayo waxaa uu yiri “ Guddiyada madaxa bannaan ee la sameeyey ha noqdo guddiga dastuurka ama guddiga doorashooyinka ma sheegaan, ma yiraahdaan haddii caqabadahaas ama arrimahaas aan u baahanahay aanan helin ama caqabada na hortaagan aan nala kala hor wareejin mas’uuliyadda naloo igmaday naluma oga, waxaa dalka dhaqan ka noqotey inuu guddi walbo ama qof kasta yiraahdo waa mas’uuliyad wadareed, dalka mas’uuliyad wadareed ma jirto ee waxaa jirto waxqabad wadareed, waxbaa la isla qabaa, ee mas’uuliyadda cidbey dusha uga dhaceysaa…arrimaha u baahan heshiisyada siyaasadeed hal iyo labo mooyee weli laga hadal, oo aysan ku cadeen jadwal arrimahaas wax looga gaaryo, waxaa nasiib darro in dastuurkeenna uu 6 sano ku jiro dib u eegis”. Guddoomiye Abshir Axmed waxaa uu sidoo kale ka hadlay in aan lagu soo darin caqabada in haddii Somaliland aysan geedi-u-socodka ku soo biiray aanu dhameystirmi karin. “Caqabadaha kama muuqan in haddii Somaliland aysan geedi-u-socodka si toos ah ugu soo biirin dastuurka inuusan noqon doonin dastuur ebyama, oo dastuur gebo-gebo ah, Soomaaliya dastuurkeeda ma dhameystirmi karo haddii aysan kasoo qeyb gelin aftideeda iyo ansixinteeda Somaliland”. Ugu dambeyntii Guddoomiye ku-xigeenka golaha aqalka sare Abshir Axmed waxaa uu faray laanta fulinta iney hormuud ka noqoto doonista Somaliland, si ay u dhameystiranto midnimada Soomaaliya, waxaanu balan-qaadey in ka aqal ahaan ay kaalintooda qaadan-doonaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Laas-geel)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa booqday goobta Aasaarta qadiimiga ahi ku duugan tahay ee Laasgeel, waxana uu soo indho-indheeyey xaaladda ay sugan tahay goobta taariikhiga ah ee dalxiiska loo tagaa. Madaxweynaha oo ay weheliyaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, madax-da dhaqanka, siyaasiyiin, maamulka gobolka Maroodi-jeex iyo ka degmada Laas-geel, ayaa gelinkii dambe ee shalay goob-goob u galay meelaha taariikhiga ah ee ku yaalla Laas-geel, waxanu indhihiisa ku arkay waxyaabaha taariikhiga ah ee halkaas ku sugan, kuwaas oo soo jiita dalxiisayaasha dunida dacalladeeda ka yimaadda. Ugu horrayn xubno kamid ah maamulka degmada Laas-gaal oo iyagu gacanta ku haya goobaha Aasaarta qadiimiga ahi taallo oo uu ugu horeeyo gudoomiyaha degmada Laas-geel Mustafe Ibraahim Cismaan (Jebiye) oo halkaa ka hadlay, ayaa madaxweynaha uga warbixiyey waxyaabaha taariikhiga ah ee deegaankaasi caanka ku yahay iyo weliba godad iyo dhagaxaan baaxad leh oo la filayo inay hoy iyo qasriyo u ahaayeen ummado hore halkaas u degenaa kumannaan sano ka hor. Wasiirka wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo dalxiiska, Mudane Maxamud Xasan Saacid (Saajin), ayaa isaguna dhinaciisa faahfaahiyey muhiimadda ay qaranka u leedahay goobta taariikhiga ah ee Laas-geel, waxana uu tilmaamay inay wasaarad ahaan ilaalinteeda xil weyn iska saareen, kuna wareejiyeen deyr weyn iyo laydhka ku shaqeeya tamarta cadceeda oo qayb ka ah tallaabooyinka ay ku doonayaan inay goobtan ka dhigaan meel lagu soo hirta oo ay u dhammaystiran yihiin wax kasta oo ay dadka dalxiisayaasha ahi u baahan yihiin. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna ugu horrayn waxa uu u mahadnaqay guud ahaanba hay’adaha Dalxiiska iyo cidkasta oo hawshaas ku shaqo leh, gaar ahaan dadka ilaaliya goobaha Laas-geel, waxana uu tilmaamay inay Somaliland caan ku tahay buqcad caan ku ah dalxiiska, islamarkaana loo baahan yahay in laga faa’iidaysto. Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay in dalxiisku yahay Il dhaqaale oo dalka dakhli badani kasoo geli karo, islamarkaana ay Somaliland leedahay goobo badan oo loo dalxiiso, “Waxan qabaa inuu dalxiisku yahay meel aynnu dhaqaale faro badan ka heli karno oo macdanta la daydayayo iyo xoolaha aynnu dhaqanno in badan ka badan karta, haddii aynnu helno farsamadeeda, waayo waxa aynnu leenahay dhul adduunka oo dhammi yaqaanno oo dalxiiska caan ku ah oo haddii aynnu habaysanno, dadkeedii noqonno oo dadka inoo imanayaa ay inaga helaan nabad iyo wax wada-qabsi aynnu lacag badan ka helayno, oo gobollada oo dhan ah,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa wado olole lagu diyaarinayo banaanbax weyn oo lagu taageeri rabo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kadib culeys siyaasadeed oo soo wajahay. Yariisow ayaa isugu yeeray dhammaan Guddoomiyaasha iyo madaxda 17-ka Degmo ee Gobolka Banaadir, wuxuuna la qaatay kulan xasaasi ah oo looga hadlay in 17 Degmo ee Gobolka Banaadir laga soo aruuriyo dad tiro badan oo Madaxweynaha u muujiyo taageero si looga yareeyo culeyska siyaasadeed ee maalmihii dambe saarnaa. Banaanbaxaan oo lagu tilmaamay inuu yahay midkii ugu weynaa ee lagu taageeri doono Madaxweynaha ayaa ka dhici doono Garoonka Kubadda Cagta ee Koonis, wuxuuna qorshaha yahay inuu dhaco Maalinta Berri ah ama Jimcaha inkastoo ay u badan tahay inuu Berri dhaco. Banaanbaxaan ayaa loo diyaariyey inay kasoo qeybgalaan Haweenka u diiwaan gashay Degmooyinka Gobolka Banaadir kuwaas oo la geeyo banaanbaxyada, sidoo kalana waxaa jiro qaar kale oo laga keeni doono xirooyinka Barakacayaasha kuwaas oo la siin doono lacago. Banaanbaxaan ayaa kusoo aadayo Xilli uu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo cadaadis kala kulmayo dhanka sugidda Amniga Muqdishi iyo dilalka loo geysanayo darawlada Bajaajyada. Madaxweyne Farmaajo ayaa dhaliilay fal celintii ka dhalatay dhalinyarada la laayay ee ahaa banaan baxyadii ka dhashay, isagoo xusay in aan la aqbaleyn banaan bax aan sharciyeysneyn. “Wax kastoo dhaca dowlad baad leedihiin, dowlad baad doorateen, annagu ma xoog baan ku nimid, anaga rabitaankiina ku nimid, qofkii wax tabanaaya ma aha inuu cadaalada iyo sharciga gacantiisa ku qaato, ma aha inuu bur buriyo hantida Shacabka Soomaaliyeed, ma aha inuu gacan siiyo Cadawga aan la dagaaleeno ee Argagixisada ah, banaan bax aan sharciyeysneyn ma yeeleyno” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
A roadside bomb struck a military convoy carrying Kenyan forces in southern Somalia on Wednesday, residents said. The remotely-controlled landmine explosion damaged one of the vehicles in the convoy which was travelling between Ras-Kamboni and Bur-Gabo areas in Lower Jubba region. The bomb attack has inflicted casualties on the Kenyan soldiers, but, the exact number of the fatalities remained unclear. The Al-Qaeda-linked Al-Shabaab militants claimed responsibility for the explosion, saying they killed at least 15 Kenyan defence force members and wounded several others. The militants added that the wounded and dead Kenyan soldiers were airlifted to Nairobi by a military helicopter. The African Union Mission in Somalia has not yet commented on the Al-Shabaab claims of killing 15 soldiers in the latest IED attack in the country. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa xil cusub u magacaabay Nicholas Haysom wakiilkiisii gaarka ahaa u qaabilsanaa Soomaaliya, kaasi oo bilowgii sanadkaan laga ceydhiyay Muqdisho. Nicholas Haysom ayaa loo magacaabay lataliye gaar ah oo Midowga Africa ka taageeraya dadaalada dhexdhexaadinta Sudan, halkaasi oo todobaadkii lasoo dhaafay ciidamada Meletariga xilka kaga tuureen Cumar Xasan Al Bashiir. Afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric ayaa wariyaasha u sheegay in Nicholas Haysom uu ka taageeri doono midowga Africa wax walbaa oo uu awoodo oo lagu badbaadinayo Sudan. Sidoo kale Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa kala hadlay guddoomiyaha guddiga Midowga Afria Muusa Faki Maxamed xilka loo magacaabay Haysom iyo in mar walbaa uu garab taagnaan doono shacabka Sudan. “Xoghayaha guud wuxuu si aad ah u sheegay inuu wanaagsan yahay xiriirka uu la leeyahay Midowga Afrika, wuxuu sameyn doonaa wax kasta oo uu awood u leeyahay inuu ku taageero dadaalkooda,” ayuu yidhi Dujarric. Nicolas Haysom, ayaa ahaa wakiilkii Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, balse waxaa laga eryay Soomaaliya afar bilood ka hor, kadib markii dowladda Soomaaliya ay ku eedeysan inuu faragelin ku sameeyay arimaha gudaha dalka. Haysom waa Qareen Koofur African ah, waxaana uu horey usoo noqday Wakiilkii Qaramada Midoobay ee Sudan iyo Koofurta SUdan, sidoo kale wuxuu madax ka noqday Howlgalka Qaramada Midoobay ee Afgaanistaan. Source
-
Somali security agencies have arrested 16 suspected al-Shabaab operatives in the capital during a security operation on Tuesday. The Deputy Commissioner of the Somali Police Force, Colonel Zakia Hussein confirmed during a press conference in Mogadishu. Colonel Zakia also said the number of other suspects is still at large adding that relevant agencies have launched investigations into the suspects already in custody and will share the outcome once complete. The Deputy Commissioner of the Somali Police Force said security apparatus have successfully disassembled inland explosive device planted along Mogadishu-Afgoye road. Meanwhile, the police arrested a suspected in Warta Nabada district in Mogadishu after he allegedly attacked security agencies with a hand grenade on Tuesday evening. Somali Police Force has intensified security operations to beef up stability in the Somali capital in the past weeks. The heads of security appeared before the House of the People on Monday to answer the security lapse experienced in the country. View the full article
-
Wasiirka Maaliyadda Xassan Shire Cabdi Wasiirka Maaliyadda dowladda Puntland, Xassan Shire Cabdi, ayaa maanta shaaciyay in markii u horraysay maxkamad lagu soo oogay, shaqaale ka tirsan wasaaraddiisa oo musuq maasuq ku eedaysan. Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, ayuu ku sheegay in la qabtay ,dabadeedna dacwad maxkmadeed lagu oogay, shaqaaale ka tirsanaa wasaaradda Maaliyadda oo lacago dhunsaday. Sida wasiirku sheegay, shaqaalaha dacwadda lagu oogay waxaa kamid ah; madaxii cabshuuraha wasaaradda Maaliyadda ee degmada Qandala oo ku eedaysan in uu dhunsaday lacag dhan $52,000 oo Dollar. Dacwad lamid ah waxaa isna lagu oogay, madaxii canshuuraha berriga ee degmada Carmo oo ku eedaysan, in uu samaystay dukumintiyo been-abaara, si uu lacago ugu qaato. Shaqaala dacwadda laga gudbiyay oo aan magacyadooda la xusin, ayaa sida wasiirku sheegay maxkamadu xannibtay hantidoodii shakhsiga ahayd, waxaana dacwadda lagu oogay hor taalla maxkamadda oo go’aan ka gaari doonta. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Shaqaale ka tirsan wasaaradda Maaliyadda Puntland oo dacwad lagu soo oogay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Kulanka Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa saacado kadib ka furmay xarunta golaha shacabka, waxaana kulanka maanta looga hadlayaa warbixin laga dhageysanayo guddiga doorashada madaxda banaan. Xildhibaanada ayaa inta badan kulankooda wuxuu furmayay 10:00 am, balse maanta dib u dhac labo saacadood ah ayaa ku yimid, walow markii dambe uu furmay. Shaki badan ayaa laga qabay in kulanka maanta uu furmo, maadaama xildhibaano badan la waayay, balse ugu dambeyn 141 xildhibaan ayaa xaadirtay kulanka maanta xildhibaanada ku yeelanayaan magaalada Muqdisho. Xildhibaanada baarlamaanka ayaa dhageysanaya warbixin la sugayo guddiga doorashada madaxa banaan, waxaana guddiga laga sugayaa inay soo bandhigaan warbixin la xiriirta doorashada ka dhaceysa dalka 2020/2021. Xildhibaanada baarlamaanka ayaa sidoo kale waxay dhageysan doonaan warbixinta koowaad ee wax ka badalka sharciga Furdada. Kulamadii ugu horeeyay ee kalfadhiga Shanaad ee baarlamaanka ayaa buuq ku bilowday, waxaana xildhibaanada horyaalo sharciyo badan oo muhiim u ah doorashooyinka dalka ka dhacaya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Burco:(SL-T)Bari iyo Galbeedkaba Maayiraan ku Dacal dhigo Muraad Doorkan maan arag Gabay Lagu Amaanay Waxqabadka Maayir Muraad Markuu Roobku noo do’o Dooxiina soo dhaco Ee Tuugtu Halistahay Dumarkiyo Caruurtuna Ka Daahaan Schoolada Maayirkii Dareemee Biriijyada utaagoow Bari iyo Galbeedkaba Maayiraan ku dacal dhigo Muraad Doorkan maan arag Dariiqyada magaalada maayirkii Daryeelee tacab badan galiyee Daldalool Ka Dhoowroow Bari iyo Galbeedkaba Maayiraan ku dacal dhigo Muraad Doorkan maan arag Masuulkii la Doortee Dun xariira yeeshee laaluush ka Doodoow Bari iyo Galbeedkaba Maayiraan ku dacal dhigo Muraad Doorkan maan arag Gobolkii la Duudsiyo Saamigiisa Doorkaa Codkarkii udoodee Dadku Wada amaanoow Bari iyo Galbeedkaba Maayiraan ku Dacal dhigo Muraad Doorkan maan arag By Mahad Soomane Source
-
“Madaxweynaheenu Wuxuu Yidhi Cigaal Ayaa Dekedda Berbera Qarameeyay 1975-kii, Sacad Cali Shirena DP World Isagaa Inuu Keenay Oo U Dhabar Adaygay” Muniir Axmed Cigaal “Madaxweynaheenu Wuxuu Yidhi Cigaal Ayaa Dekedda Berbera Qarameeyay 1975-kii, Sacad Cali Shirena DP World Isagaa Inuu Keenay Oo U Dhabar Adaygay” Muniir Axmed Cigaal Muniir Axmed Cigaal ayaa qoraal faalo badan bulshadu ka bixisay oo uu kaga hadlay Nuxurka khudbadii Madaxweyne Muuse Biixi ka jeediyay Magaaladda Berbera wuxuu ku baahiyay bartiisa Facebook-ga, qoraalkas ayaa u dhignaa sidan … Cajiib: Horta Walal maanigaa moodayay mise Madaxweynaheena Mud. Muuse Biixi Shalay wuu halmaamay mise tollow wuu is moodsiiyay, mise sikale oo aan ahayn sidaynu wax u aragno ayay wax jiraan?: Khudbadiisi Berbera wuxuu yidhi “Madaxweyne Maxamed Xaji Ibraahim Cigaal ayaa Dekeda Berbera Qarameeyay 1975-kii” Ogaalkay Cigaal 1975-kii iyo 1974-kii waabu xidhnaa.. Yeelkadeedi Madaxweynuhu wuxuu hadana yidhi “Keenista Dp World waxaaba ammaanteeda leh shar iyo Khayr Wasiir Sacad Cali Shire. “ Cajiib kale .. Madaxweynaheena Mud. Muuse Biixi wuxuu hadana u cudur daaray Dadkii ka soo horjeeday mashruuca Dekeda ee Maantana saxda u arka wuxuuna yidhi “ Marka dagaaladu dhacaan Dadkaa yara wareera oo wax wayn ma ahayn”… Iyana waa Cajaabaha ay khudbadii tariikhiga ahayd ee Madaxweynaheenu xanbaarsanayd.. Ogaalkay Sacad Cali Shire waabu ka soo horjeeday mashruuca Dekeda oo Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ayuu la dareen aha Youtube ka ayaanu ku jiraa. Xitaa ansixintii Golaha Wakiilada kamuu qayb galin. Waase yeelkadeede kol hadaanu Ninkii Casaa ee Maxamuud Xaashi ku dhici karin waar Siilaanyo ayaa na xukumaayay oo Madaxweyne aha oo keenay Dp World shar iyo Khayr waxay Dalka u soo kordhiso wali khayr keedi ummaddu way sugaysaaye . KULMIYE isagii kala cuqdadaysan oo is aasaaya uun iga dheh… Tusan Muniir Axmed Cigaal Qaran News
-
“Madaxweynaheenu Wuxuu Yidhi Cigaal Ayaa Dekedda Berbera Qarameeyay 1975-kii, Sacad Cali Shirena DP World Isagaa Inuu Keenay Oo U Dhabar Adaygay” Muniir Axmed Cigaal Muniir Axmed Cigaal ayaa qoraal faalo badan bulshadu ka bixisay oo uu kaga hadlay Nuxurka khudbadii Madaxweyne Muuse Biixi ka jeediyay Magaaladda Berbera wuxuu ku baahiyay bartiisa Facebook-ga, qoraalkas ayaa u dhignaa sidan … Cajiib: Horta Walal maanigaa moodayay mise Madaxweynaheena Mud. Muuse Biixi Shalay wuu halmaamay mise tollow wuu is moodsiiyay, mise sikale oo aan ahayn sidaynu wax u aragno ayay wax jiraan?: Khudbadiisi Berbera wuxuu yidhi “Madaxweyne Maxamed Xaji Ibraahim Cigaal ayaa Dekeda Berbera Qarameeyay 1975-kii” Ogaalkay Cigaal 1975-kii iyo 1974-kii waabu xidhnaa.. Yeelkadeedi Madaxweynuhu wuxuu hadana yidhi “Keenista Dp World waxaaba ammaanteeda leh shar iyo Khayr Wasiir Sacad Cali Shire. “ Cajiib kale .. Madaxweynaheena Mud. Muuse Biixi wuxuu hadana u cudur daaray Dadkii ka soo horjeeday mashruuca Dekeda ee Maantana saxda u arka wuxuuna yidhi “ Marka dagaaladu dhacaan Dadkaa yara wareera oo wax wayn ma ahayn”… Iyana waa Cajaabaha ay khudbadii tariikhiga ahayd ee Madaxweynaheenu xanbaarsanayd.. Ogaalkay Sacad Cali Shire waabu ka soo horjeeday mashruuca Dekeda oo Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ayuu la dareen aha Youtube ka ayaanu ku jiraa. Xitaa ansixintii Golaha Wakiilada kamuu qayb galin. Waase yeelkadeede kol hadaanu Ninkii Casaa ee Maxamuud Xaashi ku dhici karin waar Siilaanyo ayaa na xukumaayay oo Madaxweyne aha oo keenay Dp World shar iyo Khayr waxay Dalka u soo kordhiso wali khayr keedi ummaddu way sugaysaaye . KULMIYE isagii kala cuqdadaysan oo is aasaaya uun iga dheh… Tusan Muniir Axmed Cigaal . Qaran News
-
Madaxweyne Muuse Biixi oo ku dhawaaqay arrin quus geliyay shacabka Hargeysa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa markii u horeysay shaki galiyey in xukuumadiisu ay awoodo inay soo saarto biyo gaadha dhamaan bulshada ku nool magaalada Hargeysa. Muuse Biixi ayaa sheegay inaanay Xukuumadiisu hubin biyaha ku keydsan deegaanka Geed-deeble ee laga waraabiyo caasimada Somaliland, sidaa darteedna loo baahan yahay in reer Hargeysa isku tashadaan. Madaxweyne Biixi ayaa ka dhawaajiyey ineyna macquul aheyn in bulsho-weynta Hargeysa oo xiligan ka badan hal Milyan ay isku haleeyaan biyo soo saarka Geed-deeble, ee ay isku diyaariyaan inay helaan biyo kale. “Macquul maaha, Hargeysa oo Milyan Qof mareysa in Geed-deeble oo aan la ogayn biyaha ku jira, intay soo saartana aynu qasabado waaweyn u samaysanay, inta soconayaan garan mayno, markaa waa inaynu biyo badan qabsanaa oo aynu xoogeena ku tashanaa iyo xoolaheena. Hargeysa biyo way qabsan kartaa iyadoon Cidna u qayshan, markaa hadaanu madaxdii-nahay waxaanu codsanaynaa aynu isugu tagno, tilmaantaa aynu qaadano, weliba mushtamaca Hargeysa deggani ha hoggaamiyo” ayuu yiri Madaxweyne Biixi. Wuxuuna intaas kusii daray Muuse Biixi “Shaki baa laga qabaa Dawladaha oo waxbay halleeyaan baa la is yidhaahdaaye, Hargeysa intay isu tagto oo ay dhaqaalaha ururiso oo ay ta Dawladdana ku darto, Dadkii aqoonta lahaana aynu keeno aynu Caqligeena iyo Muruqqeena aynu biyaha ku joojino. Hay’adahoow na soo gaadha waxba tari mayso, waa Dad inala mid ah oo aynaan isku Diin ahayn, Xoolaha aynu qaadano ee Sadaqada ah waxa laga soo ururiyaa Kaniisado, Ilaahayna Gaalo barya inama odhanin, inaga oo Caqligeena qabna”. Sikastaba, Hadalkan Madaxweyne Biixi ayaa kusoo aadaya xili muddo 7-sanadood oo xidhiidha la waday mashruucan, kaasi oo ay ku baxday lacag ka badan 30-Milyan oo Euro, oo ay ugu deeqay Midowga Yurub, iyada oo ay dheertahay Malaayiin dollar oo loogu deeqay biyo balaadhinta Caasimada. Qaran News
-
(SLT-Hargeysa)-Muniir Axmed Cigaal ayaa qoraal faalo badan bulshadu ka bixisay oo uu kaga hadlay Nuxurka khudbadii Madaxweyne Muuse Biixi ka jeediyay Magaaladda Berbera wuxuu ku baahiyay bartiisa Facebook-ga, qoraalkas ayaa u dhignaa sidan: Cajiib: Horta Walal maanigaa moodayay mise Madaxweynaheena Mud. Muuse Biixi Shalay wuu halmaamay mise tollow wuu is moodsiiyay, mise sikale oo aan ahayn sidaynu wax u aragno ayay wax jiraan?: Khudbadiisi Berbera wuxuu yidhi “Madaxweyne Maxamed Xaji Ibraahim Cigaal ayaa Dekeda Berbera Qarameeyay 1975-kii” Ogaalkay Cigaal 1975-kii iyo 1974-kii waabu xidhnaa.. Yeelkadeedi Madaxweynuhu wuxuu hadana yidhi “Keenista Dp World waxaaba ammaanteeda leh shar iyo Khayr Wasiir Sacad Cali Shire. “ Cajiib kale .. Madaxweynaheena Mud. Muuse Biixi wuxuu hadana u cudur daaray Dadkii ka soo horjeeday mashruuca Dekeda ee Maantana saxda u arka wuxuuna yidhi “ Marka dagaaladu dhacaan Dadkaa yara wareera oo wax wayn ma ahayn”… Iyana waa Cajaabaha ay khudbadii tariikhiga ahayd ee Madaxweynaheenu xanbaarsanayd.. Ogaalkay Sacad Cali Shire waabu ka soo horjeeday mashruuca Dekeda oo Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ayuu la dareen aha Youtube ka ayaanu ku jiraa. Xitaa ansixintii Golaha Wakiilada kamuu qayb galin. Waase yeelkadeede kol hadaanu Ninkii Casaa ee Maxamuud Xaashi ku dhici karin waar Siilaanyo ayaa na xukumaayay oo Madaxweyne aha oo keenay Dp World shar iyo Khayr waxay Dalka u soo kordhiso wali khayr keedi ummaddu way sugaysaaye . KULMIYE isagii kala cuqdadaysan oo is aasaaya uun iga dheh… Tusan Muniir Axmed Cigaal . Source
-
(SLT-Moscow)-Dawladda Ruushka ayaa aqoonsatay xukuumadda talada Sudan kala wareegtay Cumar Al-bashiir sida ay ku warrantay wakaaladda Wararka Ruushka ee RIA oo soo xiganaysa wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Mikhail Bogdanov. Hadalkan Salaasada maanta ka soo baxay dawladda Ruushka ayaa imanaya iyada oo Isniintii kooxda hoggaaminaysa mudaharaadeyaasha talada ka tuuray Cumar Albashiir ay ku taliyeen in golaha Militariga ee talada haya ku wareejiyaan xilka gole xukuumadeed oo shacab ah. https://www.reuters.com/article/us-sudan-politics-russia/russia-recognizes-new-authorities-in-sudan-ria-agency-idUSKCN1RS18D Source
-
Muqdisho (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax goor dhow ka dhacay waddada Makka Al- Makarrama ee magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa mid lagu soo xiray gaari nuuca raaxada ah oo yiillay inta u dhexeysa isgoyska Shaqaalaha iyo Xaaji Baasto ee degmada Hodan. Wararka qaar ayaa sheegay in gaariga uu lahaa taliyaha nabad sugida qeybta Galmudug Cabdi Dheere, kaasi oo qaraxa ka badbaaday. Khasaare u badan mid hantiyadeed ayaa jira, waxaana la sheegay in qaraxa uu saameeyay labo gaari oo kale, sida ay soo warinayaan Wariyeyaal ka tirsan Shabelle. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray goobta, kuwaas oo hakad galiyay dhaq dhaqaaqa meesha uu qaraxu ka dhacay. Radioshabell.com kala soco wixii soo kordha. View the full article
-
A huge blast was heard in the heart of the Somali capital Mogadishu on Wednesday and clouds of smoke could be seen rising from the scene of the blast, according to a witness. It was unclear what caused the explosion. The Somali police force is yet to give more information on the blast. Developing story, more to come soon. View the full article
-
(SLT-Muqdisho)-Qarax gaadhi lagu xidhay, ayaa goor dhawayd waxaa uu ka dhacay nawaaxiga Daarta Xaaji Baasto ee wadada Maka Al-Mukarama. Wararka ayaa sheegaya gaadhiga qarxay inuu hor yaalay Hotelka Mubaarak, waxaana qaraxa uu sababay dab Khasaare gaystay oo ka kacay gaadhiga kaasi oo saameeyay gaadiid kale. Qiiq iyo Uuro ayaa isqabsatay goobta qaraxa uu ka dhacay, waxaana durbadiiba gaadhay Ciidamada Booliska oo halkaasi Baadhis ka wada. Lama oga Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaan gaadhi ee ka dhacay nawaaxiga Daarta Xaaji Baasto, sidoo kalena lama oga qofka iska leh gaadhiga qaraxa lagu xidhay. Source
-
Qarax gaari lagu xiray ayaa goor dhow ka dhacay nawaaxiga albaabka hore ee Hotel Mubaarak ee waddada Maka Al-mukarama, Muqdisho. Dad goobjoog ah oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in uu gaariga ku qarxay albaabka hore, khasaaraha ay jiraan. , waxaana durbadiiba gaaray Ciidamada Booliska oo halkaasi Baaris ka wada. Lama oga Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaan gaari ee ka dhacay nawaaxiga Daarta Xaaji Baasto, sidoo kalena lama oga qofka iska leh gaariga qaraxa lagu xiray. Faah-faahinta Kala soco, Goobjoog News Goobjoog News Source: goobjoog.com