Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    192,580
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Implementation of Belt and Road Initiative will allow Somalia to accelerate economic growth and realise its full potential in development. Source: Hiiraan Online
  2. Kismaayo (Caasimada Online) – Waxaa maanta ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta Maamulka Jubbaland shirka golaha iskaashiga maamul goboleeyada dalka oo ay ka soo qeybgaleen Madaxweynayaasha Maamullada. Haddaba halkan Ka Akhriso nuxurka Khudbadaha Madaxweynayaasha Maamul goboleeyada dalka: Khudbadda C/weli Maxamed Cali Gaas “Sharaf bay nootahay in Marlabaad iskugu nimaadno shirka golaha iskaashiga maamul goboleedyada dalka oo looga tashanayo Mustaqbalka iyo aayaha Soomaaliya gaar ahaan arrimaha aan u aragno in ay muhiim yihiin ee dhanka Siyaasadda,Amniga,Dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo barashada is dhexgalka dowlad goboleedyada . Waxaa uu shirkan ku soo beegmay Wakhti xasaasi ah Soomaaliya gaar ahaan dhanka Siyaasadda iyo amniga labaduba,Soomaaliya waxaa ay mareysaa xaalad Khatar ah xaaladaha nucaasi ah eek ala guurka ah waxaa loobaahanyahay runtii sid adag in indhaha loogu hayo si dhowna looga warqabo taas ayaa keentay Shirkan . Shirka waxaa uu diiradda saari doonaa arrimo muhiim ah arrimahaasi waa labo qeybood qeyb waxaa weeye waxaa ka dhaxeeya dowlad goboleedyada Waxa ay wadaagaan danahooda khaaska ah, midna waxaa weeye midda dowlad goboleedka ay la wadaagto dowladda dhexe iyo ajandaha Soomaaliya labadubaDabcan waxaa jira dano gaar ah oo ka dhaxeeya dowlad goboleedyada taasina waxaa ay hoos imaaneysaa midda guud ee Soomaaliya . Dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah xidid maahan xigaalo maahan Saaxiibo maahan qaraabo maahan waxaa ka dhaxeeyo waa shaqo umaddaa loo shaqeynayaa marka waxaan leenahay mas’uuliyaddaasi halgu wada shaqeeyo hana la isku ixtiraamo” . Khudbadda Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare “Afartan sano kadib anagoo intii ka tabar yar oo taladeennada ay weli kala baahsantahay oo dagaallo qabiil ay weli jiraan oo dib u heshiisiin dhab ah aan la sameynin ayaa mar labaad hadana gobolka waxaa ka kacay duufaan kale waxaan halis ugu jirnaa in aan ilduuf labaad galno oo la mid ah kii dhacday sagaashamaadkii oo aan ku wareerno duufaantaan marka labaad kacday oo awoodo Milatari iyo kuwo dhaqaale ay ku tartamayaan kheyraadka iyo Istiraatiijiyadda Soomaaliya halka ay ku taallo waxaa arrintaasi ku jira wadamo deris ah kuwo gobol ah iyo kuwo caalami ah sababtuna wax kale ma ahane meesha aan ku naal ayaa qasbeysa in cid walba danaheeda nagu waardiyeysato. Si aan duufaantaas mar labaad aanu ugu il duufin waxaa muhiim ah in aan taariikhda wax ka baranno oo aan tashanno waa arrin ka weyn koox yar in ay isbiddo in dadka ay ka caqli badantahay, kawa daniyadsantahay ka toosantahay kana cilmi badantahay . Waa arrin ka weyn Mucaarad iyo Muxaafad waa arrin ka weyn dowlad fedaraal iyo maamul goboleed waa arrin u baahan Soomaali oo dhan shacab iyo dowlad in laga tashado, sababtoo ah anagoo sidaan ah tabarteenna iyo taladeenna haddii aan galno khaladkii oo kale markaan waxaan halis ugu jirnaa in annagoo fiirineyna waddankeenna iyo Kheyraadkeenna ayadoo nala ka talo gelin la qaato. Waxaan halis ugu jirnaa dowladnimada iyo calanka aan ku hoos jirno inaan weyno waxaan halis ugu jirnaa qoomiyadda Soomaalinimada in la waayo sidaas daraateed Khatarta na hoos taal ma ahan khatar sahlan waa arrin u baahan in aan isweydiinno su’aalo Muhiim ah . Waa maxay danta Soomaalida annaga qaranka Soomaaliya haddaan nahay horta danteenna maxay tahay maxaan deriska ka leenahay maxaan gobolka ka leenahay maxaa caalamka ka leenahay oo aan qeexno danteenna aduunka Saaxiibtinnimo, qaraabo iyo xidid laguma joogo waxaa lagu joogaa dan Waa inaan isweydiinaa yaa saaxiib nala ah illeen kaligeen ma noolaan karno yaa saaxiib nala ah yaa xulufo nala ah yaa danwadaagnaa” . Khudbadda Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan “Waxaa la isku hagranayaa Shabaabka arrimihiisa sababtoo ah dowladda Federaalka mar aysan wax heyn waa ay jirtaa lkin hadda oo cid walba ay ogtahay rasaasta ay heso in ilmihii soo dhinta diyaar u ahaa oo Shabaab la dagaalamayay in rasaas ay siin weydo horoyana ay raashin u siin weyday daawo u siin weyday maxay na tuseysaa arrintaas. Waxaa ay na tuseysaa in aan isku aragti laga aheyn sida Alshabaab loola dagaalamayo, dowladda Federaalka oo ah isha annaga wax noo qabata shirar badan ayaa la yeelanay shirarkii iyaga ahaa wixii lagu hehsiiyay maxaa ka hirgalay maxaase ka hirgalin wixii hirgalay sidey u hirgaleen wixii gali waayay maxay ku maqanyihiin maamulladaa ma dowladda Fedaraalkaa ma beesha caalamkaa waa in la si warasado haddii intaasi oo dhan la isku keeno waxaan aaminsanahy in wax badan ay soo bixi doonaan”. Khudbadda Madaxweyne Axmed Ducaale Geele Xaaf “Dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo aan u qabtay wax badan oo aan Dhuusomareeb geeyay waxaa ay iigu xijiyeen Xaaf waa inuu baxaa hal heyska Madaxda dowladda Federaalka waa Xaaf inuu baxo intee aadaa odayga waa kii dad soo dhoweeyay . Wakhti dambe uu u tartamo uma harin intii la I dhihi lahaa wakhtiga yarka sii dhameyso aad iyo aad ayey nasiib darro u tahay, Soomaaliya waxaa ay u baahantahay dib u heshiisiin mana dhamaato dib u heshiisiinta labada qod oo la heshiisiinayo haddii uu qof samro waxbaa ka hagaago haddii uu midna samri waayo waxba kama hagaagaan. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ay ku jirtaa kanna saar kanna siib ayay maamul goboleedyada ku heysaa ma oga waxa dalka ka socda wasiirradii waa la mid taliyaashii ciidamada waa la mid haatanna intoodii kooxda ahaa ayaaba iskaga daray”.
  3. Waxaa maanta ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta Maamulka Jubbaland shirka golaha iskaashiga maamul goboleeyada dalka oo ay ka soo qeybgaleen Madaxweynayaasha Maamullada. Haddaba halkan Ka Akhriso nuxurka Khudbadaha Madaxweynayaasha Maamul goboleeyada dalka: Khudbadda C/weli Maxamed Cali Gaas “Sharaf bay nootahay in Marlabaad iskugu nimaadno shirka golaha iskaashiga maamul goboleedyada dalka oo looga tashanayo Mustaqbalka iyo aayaha Soomaaliya gaar ahaan arrimaha aan u aragno in ay muhiim yihiin ee dhanka Siyaasadda,Amniga,Dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo barashada is dhexgalka dowlad goboleedyada . Waxaa uu shirkan ku soo beegmay Wakhti xasaasi ah Soomaaliya gaar ahaan dhanka Siyaasadda iyo amniga labaduba,Soomaaliya waxaa ay mareysaa xaalad Khatar ah xaaladaha nucaasi ah eek ala guurka ah waxaa loobaahanyahay runtii sid adag in indhaha loogu hayo si dhowna looga warqabo taas ayaa keentay Shirkan . Shirka waxaa uu diiradda saari doonaa arrimo muhiim ah arrimahaasi waa labo qeybood qeyb waxaa weeye waxaa ka dhaxeeya dowlad goboleedyada Waxa ay wadaagaan danahooda khaaska ah, midna waxaa weeye midda dowlad goboleedka ay la wadaagto dowladda dhexe iyo ajandaha Soomaaliya labadubaDabcan waxaa jira dano gaar ah oo ka dhaxeeya dowlad goboleedyada taasina waxaa ay hoos imaaneysaa midda guud ee Soomaaliya . Dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah xidid maahan xigaalo maahan Saaxiibo maahan qaraabo maahan waxaa ka dhaxeeyo waa shaqo umaddaa loo shaqeynayaa marka waxaan leenahay mas’uuliyaddaasi halgu wada shaqeeyo hana la isku ixtiraamo” . Khudbadda Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare “Afartan sano kadib anagoo intii ka tabar yar oo taladeennada ay weli kala baahsantahay oo dagaallo qabiil ay weli jiraan oo dib u heshiisiin dhab ah aan la sameynin ayaa mar labaad hadana gobolka waxaa ka kacay duufaan kale waxaan halis ugu jirnaa in aan ilduuf labaad galno oo la mid ah kii dhacday sagaashamaadkii oo aan ku wareerno duufaantaan marka labaad kacday oo awoodo Milatari iyo kuwo dhaqaale ay ku tartamayaan kheyraadka iyo Istiraatiijiyadda Soomaaliya halka ay ku taallo waxaa arrintaasi ku jira wadamo deris ah kuwo gobol ah iyo kuwo caalami ah sababtuna wax kale ma ahane meesha aan ku naal ayaa qasbeysa in cid walba danaheeda nagu waardiyeysato. Si aan duufaantaas mar labaad aanu ugu il duufin waxaa muhiim ah in aan taariikhda wax ka baranno oo aan tashanno waa arrin ka weyn koox yar in ay isbiddo in dadka ay ka caqli badantahay, kawa daniyadsantahay ka toosantahay kana cilmi badantahay . Waa arrin ka weyn Mucaarad iyo Muxaafad waa arrin ka weyn dowlad fedaraal iyo maamul goboleed waa arrin u baahan Soomaali oo dhan shacab iyo dowlad in laga tashado, sababtoo ah anagoo sidaan ah tabarteenna iyo taladeenna haddii aan galno khaladkii oo kale markaan waxaan halis ugu jirnaa in annagoo fiirineyna waddankeenna iyo Kheyraadkeenna ayadoo nala ka talo gelin la qaato. Waxaan halis ugu jirnaa dowladnimada iyo calanka aan ku hoos jirno inaan weyno waxaan halis ugu jirnaa qoomiyadda Soomaalinimada in la waayo sidaas daraateed Khatarta na hoos taal ma ahan khatar sahlan waa arrin u baahan in aan isweydiinno su’aalo Muhiim ah . Waa maxay danta Soomaalida annaga qaranka Soomaaliya haddaan nahay horta danteenna maxay tahay maxaan deriska ka leenahay maxaan gobolka ka leenahay maxaa caalamka ka leenahay oo aan qeexno danteenna aduunka Saaxiibtinnimo, qaraabo iyo xidid laguma joogo waxaa lagu joogaa dan Waa inaan isweydiinaa yaa saaxiib nala ah illeen kaligeen ma noolaan karno yaa saaxiib nala ah yaa xulufo nala ah yaa danwadaagnaa” . Khudbadda Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan “Waxaa la isku hagranayaa Shabaabka arrimihiisa sababtoo ah dowladda Federaalka mar aysan wax heyn waa ay jirtaa lkin hadda oo cid walba ay ogtahay rasaasta ay heso in ilmihii soo dhinta diyaar u ahaa oo Shabaab la dagaalamayay in rasaas ay siin weydo horoyana ay raashin u siin weyday daawo u siin weyday maxay na tuseysaa arrintaas. Waxaa ay na tuseysaa in aan isku aragti laga aheyn sida Alshabaab loola dagaalamayo, dowladda Federaalka oo ah isha annaga wax noo qabata shirar badan ayaa la yeelanay shirarkii iyaga ahaa wixii lagu hehsiiyay maxaa ka hirgalay maxaase ka hirgalin wixii hirgalay sidey u hirgaleen wixii gali waayay maxay ku maqanyihiin maamulladaa ma dowladda Fedaraalkaa ma beesha caalamkaa waa in la si warasado haddii intaasi oo dhan la isku keeno waxaan aaminsanahy in wax badan ay soo bixi doonaan”. Khudbadda Madaxweyne Axmed Ducaale Geele Xaaf “Dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo aan u qabtay wax badan oo aan Dhuusomareeb geeyay waxaa ay iigu xijiyeen Xaaf waa inuu baxaa hal heyska Madaxda dowladda Federaalka waa Xaaf inuu baxo intee aadaa odayga waa kii dad soo dhoweeyay . Wakhti dambe uu u tartamo uma harin intii la I dhihi lahaa wakhtiga yarka sii dhameyso aad iyo aad ayey nasiib darro u tahay, Soomaaliya waxaa ay u baahantahay dib u heshiisiin mana dhamaato dib u heshiisiinta labada qod oo la heshiisiinayo haddii uu qof samro waxbaa ka hagaago haddii uu midna samri waayo waxba kama hagaagaan. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ay ku jirtaa kanna saar kanna siib ayay maamul goboleedyada ku heysaa ma oga waxa dalka ka socda wasiirradii waa la mid taliyaashii ciidamada waa la mid haatanna intoodii kooxda ahaa ayaaba iskaga daray”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. MOGADISHU (Caasimada Online)- Somalia-based Al Qaeda-affiliated jihadist group, Al Shabab has released the identity bomber, who carried out suicide attack on local government office in Mogadishu The 22-year-old man, Abdulkadir Abdullahi Haji Layali from Leisan clan detonated car bomb near Howlwadag district headquarters in the capital, leaving seven people dead. Layali was member of Al Shabaab’s WI fighters in Mudug region before joing in the group’s fighters in charge of bombers, according to Radio Andulus, Al Shabaab mouthpeice. Sunday’s attack killed 7 people, including Koran school chilreen, while 14 others sustained injuries. Neighboring school and mosque buildings were also destroyed in the explosion claimed by Al Shabaab. The Al-Shabab has been waging an insurgency in Somalia for more than 10 years. A 22,000-strong African Union force is in the country to help the government in fighting against the al-Qaeda-linked militants. The group has been driven out of many urban areas since 2011, however, it still controls territory in rural areas and carries out gun attacks and bombings on military and civilian targets. Caasimada Online Muqdisho News Desk Caasimada@live.com
  5. Sahacabka Magaalada jowhar ayaa soo dhaweeyay isbadal lagu sameeyay garsoorkii maamulkaas,oo cabashooyin badan kajirtay. Madaxweynaha maamulkaas Maxamed Cabdi Waare ayaa isabdal ku sameeyay garsoorka shabeellaha dhexe, kadib markii uu sheegay in dhaliilo badan ay ka timid Dadka qaarkood oo la hadlay goobjoog News ayaa sheegay in go,aankaas uu ahaa mid u baahnaa in waqti hore la shaaciyo,balse hadda ay raja badan ka qabaan in isbadal dhanka garsoorka ah ay helaan. Garsoorayaashii hore ee maamulkaasi ayaa iyagana waxaa ay sheegeen in laamaha garsoorka uu ahaa mid aad u wanaagsanaa balse wax taageero ah ay ka waayeen Maamulka Hirshabelle. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/Cod-Jowhar.mp3 https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/Cod-Jowhar-1.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Kismaayo (Caasimadda Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf oo Khudbad ka jeedinaayay Shirka Golaha Iskaashiga maamul goboleedyadda ayaa eedeyn u jeediyey dowladda federaalka Soomaaliya. Wuxuu sheegay in Galmudug heshiis ka dhacay, gaar ahaan kii ugu dambeeyay Dhuusamareeb ka dhacay, laakiin Dowladda Federaalka wax walba kula heshiinay iyo mashaariicdii aan saxiixnay inaysan waxba ka fulin, balse ay ka badin waayeen sida uu yiri: “Xaaf ha Baxo”. “Dowladda dhexe wax walba oo aan heshiis wada galnay iyo mashaariic wada saxiixnay waxa ay ka badin waayeen Xaaf ha Baxo” Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay ku mashquulsan tahay sidii Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ay ridi lahaayeen, arrrintooduna noqotay midkee nugul oo aan hor marinaa?!. Wuxuu kaloo ka hadlay in ku dhow 70 Oday oo uu sheegay inay Al-shabaab ka Afduubteen Saaka degaano ka tirsan gobolka Galgaduud, islamarkaana ay la aadeen degmada Ceelbuur oo ay ku sugan yihiin Shabaab. Wuxuu nasiib darro ku tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay ku mashquusho burburinta maamul goboleedyadda, iyadoo Shabaab ay dadka dhibaato ku hayaan. Madaxweyne Xaaf, wuxuu rajo xumo ka muujiyay dhameynta dastuurka Qabyada ah iyo xaaladaha amaanka ee ka jira dala Soomaaliya, wuxuuna ku eedeeyay madaxda dowladda Soomaaliya inay ku mashquulsan yihiin xil ka qaadis iyo dagaal ka dhan ah maamul goboleedyada. Guddiga Adeega Garsoorka ayuu soo hadal qaaday, isagoo ku taliyay in madaxda maamul goboleedyada ay la yimaadaan afar xubnood oo ay si wanaagsan u eegeen tayadooda, afarta kalana ay keento dowladda Soomaaliya. Inta badan Madaxda Dowlad Goboleedyada ee Maanta Khudbada ka jeediyey Shirka ayaa waxa ay aad u dhaliileen Siyaasada ay haatan ku Sahqeeyaan Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. KISMAYO (Caasimada Online) – The Al Qaeda linked Al-Shabaab group has been accused of kidnapping 70 traditional elders earlier on Tuesday in central Somalia. Speaking at Council of Interstate meeting in Kismayo, Galmudug State President, Ahmed Ducalle Gelle accused Al Shabaab of carrying out the abduction. President Gelle said the abductees were taken into rebel held town of Elbur. Meanwhile, he also accused Somali government of trying to destabilize the regional state administrations, instead of eradicating Al Qaeda linked Al Shabaab group. “It is unfortunate that the Somali government is not responsible for the security of the country, while Al Shabaab continue targeting civilians”, he said. It remains unknown why the elders were kidnapped by Al Shabaab. There was no comment from the group over the allegation. The Al-Shabab has been waging an insurgency in Somalia for more than 10 years. A 22,000-strong African Union force is in the country to help the government in fighting against the al-Qaeda-linked militants. The group has been driven out of many urban areas since 2011, however, it still controls territory in rural areas and carries out gun attacks and bombings on military and civilian targets. Caasimada Online Kismaayo News Desk Caasimada@live.com
  8. Muqdisho (Caasimadda Online) – Kooxda Al-shabaab ayaa baahisay magaca iyo beesha uu ka soo jeedo is-miidaamiyihii fuliyey weerarkii qaraxa ee lagu qaaday xarunta degmada Howlwadaag ee magaalada Muqidsho 2-dii bishan September 2018. Ninkan ayaa magaciisa lagu sheegay C/qaadir Cabdullaahi Xaaji Maxamed oo ku magac dheer Malaaq ama Layaali, wuxuuna kasoo jeedaa dhashay Beesha Leysaan ee degta Gobollada Koonfureed, isagoo ahaa wiil dhalinyaro oo 22 sano jir ah, kuna dhashay degamad Saakow ee J/Dhexe. Wareysi ay la yeelatay warbaahinta Alsahbaab ayaa lagu sheegay inuu ka tirsanaa Jabhada WI Mudug ka hor inta uusan ku soo biirin guutada Istish-haadiyiinta Alshabaab ee ku jira liiska is-qarxinta. Is-miidaamiyahaan ayaa waday Gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qaraxa oo Maalintii Axadii lagu weerarray xarunta maamulka ee degmada Howlwadaag, isagoo halkaas ku dilay 7 qof oo kala bar ay caruur ahayd, isla markaana waxaa qaraxa ku burburay xarunta degmada ka sokow masjid iyo dugsi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. Taliska ciidanka Booliiska gobolka Hiiraan ayaa ka dalbaday shacabka B/weyne iney la shaqeeyaan ciidamada ammaanka. Korneel Isaaq Cali Cabdulle, taliyaha ciidanka Booliiska ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in shacabka ay yihiin kuwa kaliya ee amniga kala shaqeyn kara ciidamada Booliiska. Taliyaha ayaa baaq u diray qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan B/weyne ayna ugu horreeyaan odayaasha iyo waxgaradka waxaa uuna ballan qaaday guddoomiyaha dhankiisa in cid walba lala xisaabtami doono si amniga B/weyne uusan faraha uga bixin. “Shacabka reer Hiiraan waa dad nabadda jecel , waxaan leenahay haddii aad nabadda aaynaan nagala shaqeyn waxba ma qaban karo waa inaad ciidamada amniga aad ku gacan siisaan kala shaqeynta xaqiijinta amniga, ciidamada qalabaka sida waxaa ay u amranyihiin in ay ka hortagaan wax walba oo nabadgelyada ka hor imaanaya “. Magaalada B/weyne ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxaa ka jiray shaqaaqooyin sababay gacan ka hadal, sidoo kale ciidamada amniga ayaa waxaa ay wadeen howlgallo lagu qaadayay jidgooyooyin ay dhigteen kooxo burcad ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Kismaayo (PP) ─ Waxaa Xarunta Jubbaland ee Kismaayo ka furmay maanta shirkii madaxda maamul-goboleedyada dalka, kaasoo socon doona muddo saddex maalmood ah, waxaana xubnaha ka qayb-galaya ay kaga hadli doonaan xaadalaha siyaasadeed ee dalka iyo xiriirka kala dhexeeya Dowladda dhexe ee Soomaaliya. Shirkan ayaa waxaa ka qayb-galaya madaxda shanta maamul-goboleed ee dalka ka jira, iyadoo sidoo kale uu shirkan goobjoog ka yahay ergayga QM u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Michael Keating oo xilliigii shaqo ee Somalia uu gabo-gabo ku dhaw yahay. Madaxweynah Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] oo si rasmi ah u furay shirka ayaa sheegay in shirkan uu ka duwan yahay kuwii ay horay u yeelan jireen madaxda maamul-goboleedyada dalka, ayna kasoo bixi doonan qodobbo dan u ah ummadda Soomaaliyeed. “Hoggaanka Dowladda dhexe waxay ku mashquulsan yihiin sidii xukunka ay ugu soo laaban lahaayeen, mana jiraan hawlo aan kuwaas ahayn oo xilligaan ay dalka ka wadaan,” ayuu yiri Axmed Madoobe oo si carol eh u hadlayay. Isagoo sii hadlaya ayuu wuxuu intaas raaciyay in Jubbaland aysan dhaqaale ka helin Dowladda Federaalka muddooyinkii ugu dambeeyay, haddana loogu daray dhibaatooyin curyaamin uu ku tilmaamay oo lagu hayo madaxda dowlad goboleedyada. “Ammaanka dalka wuxuu marayaa meeshii ugu xumayd abid, waxaana taas sabab u ah Dowladda Federaalka oo fulin waday ballan-qaadyadii amniga ee ay ku heshiiyeen iyada iyo dowlad-goboleedyada,” ayuu hadalkiisa ku daray. Guddoomiyaha Golaha iskaashiga Maaul-gobleedyada, C/weli Maxamed Cali Gaas oo isagana hadal ka jeediyay furitaankii shirka ayaa sheegay in ay iska wareysanayaan waxyaabaha ka dhaqan galay heshiisyadii u dhaxeeyay Dowladda dhexe, dowlad-goboleedyada iyo beesha caalamka. C/weli Gaas ayaa soo hadal-qaaday mushaar la’aanta, daryeel la’aanta iyo ka warqab la’aanta ciidamada Dowlad-goboleedyada oo aan loo daryeelin sida loo daryeelo ciidamada ku sugan Muqdisho. Sidoo kale, Gaas wuxuu rajo-wanaagsan ka muujiyay Doorashooyinka 2020-ka ka dhacaya Somalia, isagoo xusay in loo baahan yahay inay la socdaan doorashada dhaceyso oo qolo gaar ahaaneed aysan soo diyaarin. Madaxweynaha Hirshabeelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in loo baahan yahay inay xoogga la saaro sidii ammaanka dalka loo xoojin lahaa, isla markaana qof walba uu nabad ugu noolaan lahaa. Waxaa kaloo goobta ka hadlay Madaxewynaha Koonfur-galbeed Sooamaliya, Shariif Xasan Sh. Aadan ayaa isna ku baaqay in lagu dadaalo sidii dib u eegis loogu sameyn lahaa waxyaabihii lagu heshiiyay ee aan qabsoomin. Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaale Geele Xaaf oo isagana goobta ka hadlay ayaa soo hadal qaaday muhiimadda ay leedahay Dib-u-heshiisiinta, wuxuuna sheegay in dib u heshiisiintii ugu dambeysay ee uu ka qayb-galay ay aheyd tii dhexmartay Galmudug iyo Ahlu sunna. Ugu dambeyn, Madaxda ayaa waxay u muuqdeen kuwo doonaya in shirka u furmay maanta ay kasoo baxaan qodobbo ay isku waafaqsan yihiin, iyadoo aysan shirkan ku sugnayn wakiillo ka socda Dowladda dhexe ee Somalia. PUNTLAND POST The post Shirka Dowlad-goboleedyada Soomaaliya oo ka furmay Kismaayo appeared first on Puntland Post.
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Soomaaliya ee midowga Yurub Dr Cali Saciid Fiqi ayaa ugu baaqay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya inay ka hortagto “dhaawac soo gaara sumcaddeeda”, tilaabadan ayaa ka dambeysay kadib markii Soomaaliya ay soo dacweysay shirkad ay 2013-kii heshiis kula gashay sameynta 6 markab oo kuwa roonada ah. “Waxaan rabaa in dowladda Soomaaliya ay ka hadasho sharci ahaanshiyaha heshiiska, waayo kiiska maxkamadda laga furayo haddii laga aamuso waxaa uu dhaawacayaa sumadda dalka” sidaasi waxaa yiriDr. Cali Saciid Fiqi Hadalka Fiqi waxaa uu ku soo aadey iyaga oo shalay isniintii ay shirkadda qandaraaska kula jirtay dowladda federaalka ah arrimaha maraakiibta ee AMOSC ay ogaysiis la xiriira inay gal-dacwadeed ka furanayaan ah u gudbiyeen Rotterdam, Holland. TAMARA oo ah hey’adda kala saarta murannada la xiriira badaha ayaa kala saari-doonta dowladda Soomaaliya iyo Shirkadda AMOSC , shirkaddan waxaa ay ku doodeysaa in heshiiska ay la gashay Soomaaliya uu labo dhinac ahaa, sidaasi darteedna aaney ka bixi Karin dowladda federaalka ah. Shirkadda AMOSC, waxaa ay dooneysaa inay hesho qiimaha lixda markab oo ah € 132 million oo lagu daray dul-saar dhan € 24.6 million, lacagtaas oo aheyd in la bixiyo intii u dhaxeysay July 29, 2013 ilaa March 2018, lacagta dollar ahaan waa $183 Milyan. Heshiikan 6da markab ah, waxaa dowladda federaalka ah u saxiixay 2013-kii wasiirkii gashaandhigga Cabdixakim Xaaji Fiqi, waxaana goobjoog ka ahaa Admiral Faarax Axmed Cumar (Faarax Qare), shirkadda waxaa ay dhameysay shaqada 2 weji oo midkiiba ku kacayo €33m, xiriir badan oo dowladda la soo sameysayna waxaa ay sheegeysaa in aan laga jawaabin, oo ballantii looga baxay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. Kismaayo (Caasimadda Online) – Shirkan oo ah kii 3-aad oo ay isugu yimaadaan golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Kismaayo, ayadoo ay goob-joog ka ahaayeen Madaxda dowlad goboleedyada, Wakiilka gaarka ah ee Qaramada MIdoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo mudnayaal ka tirsan labada aqal ee Baarlamanka dalka. Daahfurkii shirka waxaa ugu horeyn ka hadlay Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Max’ed Islaam ayaa soo dhaweynta madaxda kadib ka sheekeeyay ahdaafta loo aasaasay golahan, isagoo xusay in goluhu u taaganyahay iskaashi iyo wax wada qabsiga dowlad goboleedyada. Waxa uu aad ugu dheeraaday arimaha dastuurka oo uu xusay in kulamada wadatashiga ee dib u eegista dastuurka aan loo marin wadadii la rabay, waxa uu sheegay in haddii dastuurku noqon waayo mid loo dhanyahay in ay ka dhalan karto dhibaato. Dhinaca kale, dowladda ayuu ku eedeeyay in ay ka gaabisay fulinta go’aamadii kazoo baxay shirarkii kala duwanaa ee ay wada qaateen dowladda iyo madaxda dowlad goboleedyada. Guddoomiyaha madaxda ay ku mideysan yihiin maamulada ahna madaxweynaha Puntland C/Welli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in ay iska wareysanayaan waxyaabaha ka dhaqan galay heshiisyadii u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya, dowlad goboleedyada iyo beesha caalamka. Wuxuu soo hadal qaaday mushaar la’aanta, daryeel la’aanta iyo ka warqab la’aanta ciidamada dowlad goboleedyada oo aan loo daryeelin sida loo daryeelo ciidamada ku sugan Muqdisho, sida u hadalka u dhigay. Gaas ayaa sidoo kale hadlay arrimaha doorashooyinka soo socdo ee dhacaya 2020, wuxuuna rajo ka muujiyay in doorasho ka dhacdo Somalia, balse loo baahan yahay inay la socdaan doorashada dhaceyso oo qolo gaar ahaaneed aysan soo diyaarin. Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle ahna guddoomiye ku xigeenka Golaha iskaashiga Maamul Goboleedyada Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa ka sheekeeyay taariikhdii Soomaaliya iyo weliba horumarkii uu dalku ku talaabsaday, taasoo uu xusay in laf dhabar ay u ahayd midnimadii iyo dowladnimadii Soomaaliya, waxa uu sidoo kale ka sheekeeyay burburkii dowladdii Soomamaliya, iyo faragelintii shisheeye saameynta ay dalka ku reebtay. Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya uu ka jiro isbadal muuqda, balse waxa uu walaac ka muujiyay xaaladaha dhanka siyaasadda ee dalka, isagoo sheegay in ay maanta mareeyso meel Qatar badan oo dib dalka ugu celin karta dhibaatooyinkii lasoo maray. Shariif Xasan Sheikh Aadan madaxweynaha Koofur Galbeed wuxuu hadalkiisa u muuqday mid siyaasadeysan, umana hadlin sidii ay u hadleen Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Maxamed Cabdi Waare. Dhibaatada ugu badan ee dalka ka jirto ayuu ku sheegay dhanka amaanka, wuxuuna ku baaqay in laga fekero dib u eegista waxyaabaha u qabsoomay madashooda iyo waxyaabaha ka qaldamay. Wuxuu si cad u sheegay in madaxda maamul goboleedyada aysan isku aragti ka aheyn sida loola dagaalami karo Al Shabaab, loona baahan yahay in marka ugu horeysa madaxda maamul goboleedyad ay isku aragti ka noqdaan sida Al Shabaab looga saari karo dalka. Wuxuu sidoo kale sheegay in la isku hagrado la dagaalanka Al Shabaab, wuxuuna dowladda ku eedeeyay inay xitaa ugu yaraan ka taageerin rasaasta, cunnada iyo daawada ay u baahan yihiin ciidamada la dagaalamaya Al Shabaab. Maamul goboleedyada ayuu ku eedeeyay inaysan sax u aheyn in nidaamka federaalka ay ku hayaan kaliya caasimadaha oo looga baahan yahay inay gaarsiiyaan deegaanada kala duwan ee dalka. Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf oo isna goobta ka hadlay ayaa soo hadal qaaday muhiimadda ay leedahay dib u heshiisiinta, wuxuuna sheegay in dib u heshiisiintii ugu dambeysay ee uu ka qeyb galay ay aheyd tii dhexmartay Galmudug iyo Ahlu sunna. Wuxuu sheegay inuusan helin qof kaga mahadceliso dadaalkii uu sameeyay laakiin badalkeeda madaxda dowladda ay ku abaal mariyeen sidii isaga xilka looga qaadi lahaa oo aanan suuro galin, sida uu sheegay. Madaxweyne Xaaf, wuxuu rajo xumo ka muujiyay dhameynta dastuurka Qabyada ah iyo xaaladaha amaanka ee ka jira dala Soomaaliya, wuxuuna ku eedeeyay madaxda dowladda Soomaaliya inay ku mashquulsan yihiin xil ka qaadis iyo dagaal ka dhan ah maamul goboleedyada. Xaaf, ayaa sidoo kale sheegay in lagu mashquulay oo kaliya xil ka qaadista dadka aysan dooneyn madaxda maamul goboleedyada taasi oo caqabad ku ah horumarka Soomaaliya. Guddiga Adeega Garsoorka ayuu soo hadal qaaday, isagoo ku taliyay in madaxda maamul goboleedyada ay la yimaadaan afar xubnood oo ay si wanaagsan u eegeen tayadooda, afarta kalana ay keento dowladda Soomaaliya. Ugu danbeyntii waxaa shirka lagu soo dhaweeyay oo khudbad ka jeediyay wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Michael Keating oo dhawaan xafiiska baneyn doono, isagoo ka sheekeeyey isbadallada muuqda ee dalka ka jira, waxa uu kula dardaarmay madaxda Soomaalida in ay wax walba ka tashadaan, kana shaqeeyaan sidii loo adkeyn lahaa nabadda iyo midnimada. Mudaneyaal ka tirsan labada aqal ee baarlamanka dalka ayaa goobjoog ahaa kulanka, mana jirin cid dowladda dhexe ku mataleeysay. Shirkan ayaa socon doona mudo afar Maalmood ah, waxaa la filayaa in gabagabada laga soo saaro go’aano ay ku mideysan yihiin madaxda dowlad goboleedyada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Safiirka Soomaaliya ee midowga Yurub Dr Cali Saciid Fiqi ayaa ugu baaqay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya inay ka hortagto “dhaawac soo gaara sumcaddeeda”, tilaabadan ayaa ka dambeysay kadib markii Soomaaliya ay soo dacweysay shirkad ay 2013-kii heshiis kula gashay sameynta 6 markab oo kuwa roondada ah. “Waxaan rabaa in dowladda Soomaaliya ay ka hadasho sharci ahaanshiyaha heshiiska, waayo kiiska maxkamadda laga furayo haddii laga aamuso waxaa uu dhaawacayaa sumadda dalka” sidaasi waxaa Goobjoog News u sheegay Dr. Cali Saciid Fiqi Hadalka Fiqi waxaa uu ku soo aadey iyaga oo shalay isniintii ay shirkadda qandaraaska kula jirtay dowladda federaalka ah arrimaha maraakiibta ee AMOSC ay ogaysiis la xiriira inay gal-dacwadeed ka furanayaan ah u gudbiyeen Rotterdam, Holland. TAMARA oo ah hey’adda kala saarta murannada la xiriira badaha ayaa kala saari-doonta dowladda Soomaaliya iyo Shirkadda AMOSC , shirkaddan waxaa ay ku doodeysaa in heshiiska ay la gashay Soomaaliya uu labo dhinac ahaa, sidaasi darteedna aaney ka bixi Karin dowladda federaalka ah. Shirkadda AMOSC, waxaa ay dooneysaa inay hesho qiimaha lixda markab oo ah € 132 million oo lagu daray dul-saar dhan € 24.6 million, lacagtaas oo aheyd in la bixiyo intii u dhaxeysay July 29, 2013 ilaa March 2018, lacagta dollar ahaan waa $183 Milyan. Heshiikan 6da markab ah, waxaa dowladda federaalka ah u saxiixay 2013-kii wasiirkii gashaandhigga Cabdixakim Xaaji Fiqi, waxaana goobjoog ka ahaa Admiral Faarax Axmed Cumar (Faarax Qare), shirkadda waxaa ay dhameysay shaqada 2 weji oo midkiiba ku kacayo €33m, xiriir badan oo dowladda la soo sameysayna waxaa ay sheegeysaa in aan laga jawaabin, oo ballantii looga baxay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Jubbaland ayaa dil toogasho ah ku xukuntay askari lagu eedeeyey inuu dilay qof shacab ah. Xukunkan ayaa ka dhacay degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada hoose waxaana ku dhowaaqay guddoomiyaha maxkamaddaasi Bashiir Maxamuud Xareed. Askarigan ayaa dilka waxaa uu geystay bil ka hor waxaan uuna amray guddoomiyaha Maxkamadda in lagu fuliyo dil toogasho ah. “Askariga waxaa uu labo uu ku riday marxuumka isaga oo horkacaya ciidankiisii kuna amray in ay rasaasta ku furan sidaas daraadeed waxaa Maxkamadda u cadaatay in uu galay dambiga lagu soo eedeeyay”, sidaasi waxaa yiri guddoomiyaha Maxkamadda Bashiir Maxamuud. Goobjoog News https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/Codka-Maxkamadda.mp3 Source: goobjoog.com
  15. Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf oo Khudbad ka jeedinaayay Shirka Golaha Iskaashiga maamul goboleedyadda ee ka socda Magaalada Kismaayo ayaa ka hadlay arimo badan oo ku saabsan dagaalka Al-Shabaab. Madaxweynaha waxaa uu sheegay in ku dhawaad 70 Oday Shabaab ay ka Afduubteen Saakay degaano ka tirsan gobolka Galgaduud, islamarkaana ay la aadeen degmada Ceelbuur oo ay ku sugan yihiin Shabaab. Xaaf waxaa uu tilmaamay in ay tahay nasiib daro weyn ee dowladda Soomaaliya ay ku mashquusho burburinta maamul goboleedyadda,iyadoo Shabaab ay dadka dhibaato ku hayaan. Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in ay tahay wax laga xumaado in dowladda Soomaaliya aysan Amniga dalka aysan Masuuliyad iska saarin. Hadalka kasoo baxay Madaxweyne Xaaf waxaa uu kusoo beegmaya xilli maalmihii lasoo dhaafay Al-Shabaab ay dad Odayaal ah ay ka Afduubteen gobolka Galgaduud, islamarkaana ay la aadeen degaanada ay maamulaan. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  16. MOGADISHU (Caasimada Online) – Turkey has strongly condemned the suicide attack in Somali capital Mogadishu, killing six people. In a statement by Foreign Ministry said: “We strongly condemn treacherous attack in Mogadishu that aims to undermine the stability of Somalia”. The explosion went off after a suicide bomber detonated an explosives-laden vehicle outside Howlwadag district headquarters in Somalia’s capital, leaving six people dead. “We wish God’s mercy upon those who lost their lives, a speedy recovery to the wounded and convey our condolences to the government and the people of Somalia,” it added. Hussein Mohamed, a policeman said six people were killed and 14 others injured in Sunday’s explosion The attack was immediately claimed by Al Shabaab group. The Somalia-based al-Shabab often targets the capital with bombings, including a truck bombing in October that left at least 512 people dead. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  17. Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa la sheegay inuu amar ku siiyey Bankiga Dhexe ee Soomaaliya inuusan bixin karin lacag caddaan ah (Kaash). Arrintan ayaa ka danbeysay shirkii Golaha Wasiirada ay yeesheen 2-dii Bishan September oo lagu ansixiyey Xeerka Xayiraadda Lacagaha oo Wasaaradda maaliyadda ay Golaha hor keentay, taasoo saamaxaya inay xukuumaddu joojiso lacagaha laga shakiyo ee laga bixiyo Bankiga Dhexe. Shirka ayaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre wuxuu sheegay muhiimadda ah in dowaddu xayirto lacagaha aan saxda ahayn, si loo xaqiijiyo in lacagaha aysan wado khaldan ama hab sharci darro ah ku bixin. Dhawaan ayey aheyd markii uu Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre amar duldhigay Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Abuukar Islow Ducaale. Ra’isul wasaare Kheyre oo xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Amnig Ducaale ayaa faray in si dhaqsi ah uu kusoo wareejiyo Saraakiisha Hay’adaha amaanka ee looga shakisan yahay musuqa. Ra’isul wasaare Kheyre waxa uu Wasiirka u faramuuqay dhowr Sarkaal oo ka kala tirsan Hay’adaha Booliska iyo Nabadsugida, kuwaa oo horay dacwadooda musuq loogu gudbiyay Kheyre. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Guddiga loo xilsaaray dhisida Golaha deegaanka degmada Boosaaso ayaa maanta soo saaray liiska xildhibaanada cusub oo ka kooban 31 xubnood. Liiska la sooray waxaa ka soo muuqday duqii ku meel gaarka ahaa ee degmada Boosaaso ahna Wasiir ku xigeenkii Wasaarada Maaliyadda Puntland Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan oo ah musharax u taagan duqa iyo musharaxa kale ee Maxamed Faarax Xaaji Mire. Liiska waxaa soo dugbiyay Guddiga ansixinta Golaha deegaanka Degmada Boosaaso, waxaana ku saxiixnaa Guddoomiyaha wecyigelinta iyo dhismaha golayaasha deegaanada ahna Wasiirka arimaha gudaha Puntland Cabdulaahi Cali Xirsi (Timacade). Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxmed Cali Gaas ayaa 1-dii bshii Maarso ee sanadkan kala diray Golihii deegaanka degmada Boosaaso, oo lagu eedeeyay inay hanan waayeen shaqadii loo igmaday kana bixi waayeen is-qabqabsi. Waxaana isla maalintaas uu Madaxweyne Gaas magacaabay maamul ku meel gaar ah oo Guddoomiye looga dhigay Wasiir ku xigeenkii Wasaarada Maaliyadda Puntland Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan, tan iyo xiligaas ma lahayn Boosaaso Gole deegaan. Dhawaan ayay ahayd markii sidaan oo kale la dhisay Golihii deegaanka degmada Garowe loona doortay duq cusub oo xilkii maanta la wareegay. Hoos ka akhriso Xildhibaanada cusub ee degmada Boosaaso PUNTLAND POST The post Akhriso: Liiska Golaha deegaanka degmada Bosaso appeared first on Puntland Post.
  19. Kismaayo (Caasimada Online) – Axmed Madoobe, madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland oo ka hadlayey shirka madaxda maamul goboleedyada ayaa sheegay in ay tahay in dowladda federaalka ah lala xisaabtamo, taasina ay dastuuri tahay, isaga oo intaas raaciyey haddii ay dhib sanayaan in la xisaabtano, uu dhibka ku dhacayo dowlad goboleedyada. Waxaa uu sidoo kale Axmed Madoobe ka hadlay arrimaha amniga, dastuurka, garsoorka iyo sida dalka loo bad-baadin karo. Aminga: Mar uu ka hadlayey amniga waxaa uu sheegay in amniga faraha ka baxay, oo meel xun marayo, uuna ka daranyahay halkii uu joogay 2016-kii, waxaa uu yiri “Amniga 2016 meel ka xun ayuu marayaa, shirarkii amniga ee dhacay wax laga fuliyey ma jirto, waa ka sii dareysaa, waxaa ay heystaan Al-shabaab fursad ay meel kale ku qabsadaan, shir micno ma leh ee fulinta iyo miro-dhalka ayaa muhiim ah”. Dastuurka: Axmed Madoobe waxuu sheegay inuu yahay midka dalka kala socod-siin kara, saldhig iyo gunna u ah wax walbo, waxaa uu dowladda federaalka ah ku eedeeyey ku takrifal awood, oo si qaldan loogu dhaqmayo, isaga oo soo-jeediyey in la ilaaliyo wada shaqeynta dowladda federaalka ah iyo golayaasha dowlad goboleedyada, waayo waxuu uu yiri “dastuurka ma amid cid gooni ah leedahay”, waxuuna adkeeyay in dhamerstirkiisa uu muqadas yahay. Mushaaraadka: Axmed Madoobe mar uu ka hadlayey inuu ra’isul wasaaraha dhaho dowladda waa bixisaa mushaaraadka, waxaa uu sheegay in ay jiraan baarlamaannada maamul goboleedyada markalaga reebo Puntlad aaney 5 bil ugu yaraan mushaar qaadan isaga oo is-weydiiyey “ Kuwa State-yada jooga, kuma jiraa miyaa kuwa ay dowladda mas’uulka ka tahay”? Garsoorka: Waxaa uu Axmed Madoobe dhaliilay qaabka ay dowladda federaalka ah u maareyso garsoorka, iyo in dhaqankaas uu keeni karo dhibaato iyo culeys, waxuuna ka digay wada shaqeyn la’aan dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyada oo horseedi kara burbur dhaqan dhaqaale. Waxaa uu adkeeyey in nidaamka qisaasta la qaato si loo nabad galo, oo aan la fiirin shakhsi Baasaboorka dalka uu wato aan qisaasta iyo dilka laga ogoleyn, isaga oo sheegay in Al-shabaab ay jecelyihiin in Xamar lagu maxkamadeeyo, waayo waa nolaanayaan halka Jubbalad la dilo qofkii qof dilo, lana fiirin baaqa beesha caalamka. Badbaado: Ugu dambeyntii, Axmed Madoobe waxaa uu soo jeediyay in dalka aan lagu maamuli karin rabitaan qof, oo aan is-weydiin cabirka la saarayo waa ceynkee? dhaqankiisa muxuu yahay? sidee loo ilaalin karaa, waxaa uu eedeeyay mas’uuliyiinta ay u muuqato rabitaankoodka, isaga oo raaciyey “Soomaaliya waa ka dunwatahay in 3 qof siday rabaan ka yeelaan, waxaa in la dhaho sidee walalalow wax u qabanaa? Waxaa uu dowladda federaalka ah dusha ka saaray burburka hey’adaha dalka, xisaabtan la’aan iyo shaqii baarlamaanka oo meesha ka baxday.
  20. Cabdullaahi Gafoow Maxamuud Taliyihii hore ee NISA ahaana Taliyihii laanta socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa ku guuleystay doorashada kursi kamid ah Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu qabtay Dhuusamareeb. Kursigaan waxaa horay isaga casilay walaalkii Cabdiqaadir Gaafoow Maxamuud 19-kii Bishii hore ee sanadkaan. General Gaafoow ayaa helay 43-cod halka Musharax Muxudiin oo la tartamayayna uu helay 7 cod oo kale ah. Gudoomiyaha Guddiga doorashooyinka Qaranka Soomaaliya Xaliimo Yarey ayaa ku dhawaaqday Natiijada doorashadii maanta. Madasha doorashada maanta ka dhacday waxaa ku sugnaa xubno isu jira siyaasiyiin, Xildhibaano iyo masuuliyiin Galmudug Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Gafoow oo ku guuleystay Xildhibaan Federaalka ah appeared first on Puntland Post.
  21. Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Magalada dhuusamareeb waxaa Goordhow lagu soo gaba gabeeyey doorashada Kursi ka banaanaa Golaha Shacabka Soomaaliya oo ay ku tartameen laba musharax oo kala ahaa Agaasimihii hore ee NISA Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud iyo Guddoomiyihii hore ee degmada Deyniile Xiireey Muxudiin Cumar. Goobta Doorashada ayaa waxaa ku sugnaa Madax ka tirsan Maamulka Galmudug oo uu ugu horeeyey Madaxa Xukuumadda,Siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ku nool Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud. Inta aysan bilaaban codeynta doorashada ayaa waxaa jirtay in uu tanaasulay musharixii la tartami lahaa Cabdullaahi Maxamuud Gaafoow ee Xiireey Muxudiin Cumar,isaga oo sheegay in uu ka tanaasulay u yartamida kursigaas. Guddoomiyaha Guddiga doorashada Xaliimo Yareey ayaa sheegtay inay doorashada dhaceyso,isla markaana cod lagu kala baxayo,iyada oo la raacayo habraaca doorashada. Intaasi kadib waxaa la guda galay codeynta doorashada,iyada oo ay codkooda dhiibanayeen 51 ergo, waxaana ugu dambeyn Guddoomiyaha Gudiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka Xaliimo Yareey ay ku dhawaaqday Natiijada,waxana ay kala heleen Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud 43 Cod, iyo Xiireey Muxudiin Cumar oo helay 7 Cod, waxaa halaabay hal Cod.
  22. Kismaayo (Caasimadda Online) – Waxaa goor dhow magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ka furmay shirka madaxda maamul goboleedyada dalka Soomaaliya oo ay ka qeyb galayaan madaxweynayaasha maamulada. Axmed Maxamed Islaam, madaxweynaha Jubbaland ayaa ka sheegay xarunta shirka in madasha ay ku mideysan yihiin in loo sameeyay danaha maamulada dalka iyo dowlada federaalka Soomaaliya. Axmed Madoobe oo shirka furay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan ka shaqeyn danaha dowlad goboleedyada, isagoo sheegay in madaxda dalka ay ku mashquulsan yihiin sidii ay iyaga kusoo laaban lahaayeen. Wuxuu sidoo kale sheegay in shirkaasi uu yahay mid diirada lagu saarayo madaxda maamul goboleedyada tabashooyinka ay qabaan. Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Micheal Keating ayaa goobjoog ka ah shirka maanta ka furmay magaalada Kismaayo, waana markii ugu horeysay oo qof ka baxsan madaxda maamul goboleedyada uu shirkaasi ka qeyb galo. C/Welli Maxamed Cali Gaas, madaxweynaha Puntland ayaa ka sheegay magaalada Kismaayo ka furmay inay kaga tashanayaan arrimaha dhaqaalaha, amaanka iyo horumarinta deegaanada Maamulada dalka. Wuxuu cadeeyay in shirka uu kusoo beegmay waqti xasaasi ah marka loo eego amaanka dalka iyo siyaasadda dalka, wuxuuna ku baaqay in loo baahan yahay in laga warhayo xaaladaha dalka. Ujeedada ugu muhiimsan ee ay diirada ku saarayaan shirkaan ayuu sheegay inay yihiin labo arin oo ay ugu horeyso danaha qaaska ah ee dowlad goboleedyada iyo xiriirka kala dhaxeeya dowladda Soomaaliya. Waxaa kale u sheegay C/Welli Gaas in shirka ay ku lafo guri doonaan waxyaabaha ka qabsoomay heshiisyadii u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya, maamul goboleedyada iyo beesha caalamka. Cabdiweli Gaas ayaa si weyn u amaanay Micheal Keating isagoo ku sifeeyey inuu yahay nin fiican oo dabeecad leh isla markaasna mudadii ay lasoo shaqeeyeen ay ku arkeyn biseyl siyaasadeed iyo inuu rabo in Soomaaliya heerkaan laga gudbiyo. Sidoo kale Waare ayaa sheegay inay muhiim tahay in laga tashto aayaha umadda Soomaaliyeed isagoo ka digay in dalka dib loogu celiyo taariikhda uu soo maray. Waare ayaa sheegay in dowladdii Siyaad Barre ay u dhacdaan wadatashi la’aan iyo dadkii hoggaanka u hayey oo is mooday inay dadka dhan ka fiican yihiin. Madaxweyne Xaaf iyo Shariif Xasan ayaa la filayaa inaya iyagana daqiiqadaha soo socdo hadlaan, wixii kusoo kordhana waan idinla soo socodsiin doonaa inshaa Allah Caasaimada Online Xafiiska Muqdisho Caasaimada@live.com
  23. Axmed Madoobe, madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland oo ka hadlayey shirka madaxda maamul goboleedyada ayaa sheegay in ay tahay in dowladda federaalka ah lala xisaabtamo, taasina ay dastuuri tahay, isaga oo intaas raaciyey haddii ay dhib sanayaan in la xisaabtano, uu dhibka ku dhacayo dowlad goboleedyada. Waxaa uu sidoo kale Axmed Madoobe ka hadlay arrimaha amniga, dastuurka, garsoorka iyo sida dalka loo bad-baadin karo. Amniga: Mar uu ka hadlayey amniga waxaa uu sheegay in amniga faraha ka baxay, oo meel xun marayo, uuna ka daranyahay halkii uu joogay 2016-kii, waxaa uu yiri “Amniga 2016 meel ka xun ayuu marayaa, shirarkii amniga ee dhacay wax laga fuliyey ma jirto, waa ka sii dareysaa, waxaa ay heystaan Al-shabaab fursad ay meel kale ku qabsadaan, shir micno ma leh ee fulinta iyo miro-dhalka ayaa muhiim ah”. Dastuurka: Axmed Madoobe waxuu sheegay inuu yahay midka dalka kala socod-siin kara, saldhig iyo gunna u ah wax walbo, waxaa uu dowladda federaalka ah ku eedeeyey ku takrifal awood, oo si qaldan loogu dhaqmayo, isaga oo soo-jeediyey in la ilaaliyo wada shaqeynta dowladda federaalka ah iyo golayaasha dowlad goboleedyada, waayo waxuu uu yiri “dastuurka ma amid cid gooni ah leedahay”, waxuuna adkeeyay in dhamerstirkiisa uu muqadas yahay. Mushaaraadka: Axmed Madoobe mar uu ka hadlayey inuu ra’isul wasaaraha dhaho dowladda waa bixisaa mushaaraadka, waxaa uu sheegay in ay jiraan baarlamaannada maamul goboleedyada markalaga reebo Puntlad aaney 5 bil ugu yaraan mushaar qaadan isaga oo is-weydiiyey “ Kuwa State-yada jooga, kuma jiraa miyaa kuwa ay dowladda mas’uulka ka tahay”? Garsoorka: Waxaa uu Axmed Madoobe dhaliilay qaabka ay dowladda federaalka ah u maareyso garsoorka, iyo in dhaqankaas uu keeni karo dhibaato iyo culeys, waxuuna ka digay wada shaqeyn la’aan dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyada oo horseedi kara burbur dhaqan dhaqaale. Waxaa uu adkeeyey in nidaamka qisaasta la qaato si loo nabad galo, oo aan la fiirin shakhsi Baasaboorka dalka uu wato aan qisaasta iyo dilka laga ogoleyn, isaga oo sheegay in Al-shabaab ay jecelyihiin in Xamar lagu maxkamadeeyo, waayo waa nolaanayaan halka Jubbalad la dilo qofkii qof dilo, lana fiirin baaqa beesha caalamka. Badbaado: Ugu dambeyntii, Axmed Madoobe waxaa uu soo jeediyay in dalka aan lagu maamuli karin rabitaan qof, oo aan is-weydiin cabirka la saarayo waa ceynkee? dhaqankiisa muxuu yahay? sidee loo ilaalin karaa, waxaa uu eedeeyay mas’uuliyiinta ay u muuqato rabitaankoodka, isaga oo raaciyey “Soomaaliya waa ka dunwatahay in 3 qof siday rabaan ka yeelaan, waxaa in la dhaho sidee walalalow wax u qabanaa? Waxaa uu dowladda federaalka ah dusha ka saaray burburka hey’adaha dalka, xisaabtan la’aan iyo shaqii baarlamaanka oo meesha ka baxday. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. Magaalada Dhuusomareeb waxaa Maanta ka dhacay qabashada doorasho kursi ka banaanaa golaha Shacabka ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya. Kursigan ayaa waxaa u tartamay labo musharrax oo kala ah Gen. C/laahi Gaafoow Maxamed iyo Xiireey Muxidiin. Guddiga doorashooyinka qaranka oo doorashadan qabtay ayaa natiijadii ka soo baxday ay noqotay in Gen. Gaafoow uu ku guuleysto codad gaaraya 43 cod, halka Xiireey oo la tartamayay uu helay 7 cod oo kaliya. Kursigaan ayaa ka banaanaa golaha Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya waxaana horay is kaga casilay C/qaadir Gaafow Maxamed oo ah nin la dhashay Gen. Gaafoow. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  25. Waxa goor dhoweyd Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ee maamulka Jubbaland ka furmay shirkii Golaha Iskaashiga dowlad-goboleedyada oo ay ka qeyb galayaan madaxda maamul Goboleedyada dalka. Shirka ayaa waxaa guddoominaya madaxweynaha Puntland C/weli Gaas, iyadoo shirkan uu yahay mid xasaasi ah oo laga filayo in lagu gaaro go’aano quseeya dowlada federaalka iyo hoggaanka Golaha Maamul Goboleedyada. Waxaa shalay magaalada Kismaayo tegay wakiilka Q/Midoobay ee Soomaaliya Micheal Keating oo kulan guud iyo kuwo kala gaara la yeeshay madaxda maamul goboleedyada iyadoo uu hal maalin dib u dhacay shirka. HOOS KA DAAWO