Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,174
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-New Zealand)-Booliiska dalka New Zealand ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen nin la tuhunsanaa inuu xidhiidh la leeyahay weerarkii lagu qaaday masaajidada dalkaasi 15kii bishan March. Booliiska ayaa xalay hawlgal ay sameeyeen ku galay guriga uu leeyahay nin la tuhunsan yahay halkaasi oo ay ka heleen hub aad u badan, hawlgalkan ayaa bilowday kadib markii hay’adaha amniga xog ka heleen shacabka. Ninkan ayey booliiska ku qabteen saaka oo Arbaca ah isagoo wata gaadhigiisa duleedka magaalada Christchurch oo ah halkii uu ka dhacay weerarkii lagu qaaday laba masjid 15kii bishan oo lagu dilay 50 qof oo Muslim ah. Saraakiisha booliiska ayaa sheegay in ninkan diiday inuu is dhiibo isla markaana isku dilay toorey u saarneyd gaariga, wuxuuna u dhintay dhaawaca uu gacantiisa isugu geystay. Hay’adaha amniga ayaa sheegay inay wadaan baaritaan balaaran oo ay ku eegayaan in ninkan uu xidhiidh lalahaa weerarkii 15kii March. Laamaha amniga ee dalka New Zealand ayaa sare u qaaday heeganka ay ku jiraan isla markaana bilaabay inay baadhitaano ku sameeyaan kooxaha xagjirka ah ee dalkaasi ku sugan ee cunsuriyiinta ah, waxaana horey loogu eedeeyey sirdoonka dalkaasi inay ku mashquuleen oo kaliya kooxaha xagjirka ah ee muslimiinta taasna u fududeysay cunsuriyiinta dalkaasi inay geystaan weerarkii lagu qaaday muslimiinta. Source
  2. Muqdisho (SMN) – Waxaa maanta lagu wadaa in uu furmo kalfadhiga shanaad ee mudanayaasha Golaha Shacabka ee BFS,si ay u dardargeliyaan howlaha horyaala. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo ayaa lafilayaa in uu u furo kalfadhiga 5-aad ee Golaha Shacabka,kadib markii ay ka soo laabteen xildhibaanadu fasax ay ku jiree, kaasi oo dhamaaday. Qaban qaabo ku aadan qabsoomidda munaasabadda furitaanka ayaa haartan ka socota xarunta dugsiga tababarka booliska ee Janaraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho,sida uu ku soo waramayo wariyaha warbaahinta Qaranka ee Golaha Shacabk Ibraahim Guudle Isxaaq oo goobtaasi ku sugan. Ammaanka ayaa si aad ah loo adkeeyey,waxaana ammaanka siweyn u sugaya ciidamada nabadgelyada. Golaha Shacabka ayaa waxaa horyaala ajandayaal dhowr ah,kuwaasi oo muhiim u ah dalka,waxaana la filayaa in ay dardargeliyaan meel marinta shuruucda hortaala. View the full article
  3. (SLT-Qasa)-Diyaraadaha Dagaalka Israa’iil waxay xalay duqeeyeen Xarumo Milliteri oo ay Dhaqdhaqaaqa Islaamiga ee XAMAAS ku leeyihiin Koonfurta Marinka Qasa. Idaacadda Radio of Al-aqsa ee magaalada Qasa ayaa sheegtay inay Diyaaradaha Dagaalka iyo kuwa Darooniska ee Isreal ay xalay duqeeyeen 3 Fadhiisin oo ku yaalla Deegaanka Khaan Yoonis ee Koonfurta Marinka Qasa, iyada oo uu burbur xooggan soo gaadhay goobaha la duqeeyey. Ilo dhinaca Caafimaadka ayaa sheegay in aanay cidna wax ku noqonin duqeymahaasi, balse uu dab ka kacay xarumaha la duqeeyey. Dhinaca kale, Dagaalamayaasha XAMAAS waxay xalay Hoobiye ku duqeeyeen Koonfurta Israel, iyadoo Maamulka Golaha Gobalka Eshkol ee Isrel ay yeeriyeen Dayaaanka Digniinta, si ay dadka rayidka u galaan goobo ay kaga badbaadi karaan duqeymaha XAMAAS. Duqeymaha ay Israel iyo XAMAAS isweydaarsadeen ayaa waxa uu imaanaya iyadoo ay Dowladda Masar heshiis xabbad-joojin ah kala dhex dhigtay labada dhinac. Hoggaamiye Sare oo ka tirsan Ururka Islaamik Jihaad, Khadiir Xabiib waxa uu ku eedeeyey in dhinaca Israel doonaynin inay ku dhawaaqaan Xabbad-joojin, iyagoo ka baqanaya carro dadweyne, ka hor Doorashadda Barlamaanka ee Israel ka dhici doonta bisha soo socota ee April 9-da. Source
  4. (SLT-Degmada Rockland ee gobolka New York ayaa salaasadii shalay ku dhawaaqday xaalad deg deg ah, kaddib markii uu deegaankaasi ka dillaacay cudurka jadeecada oo ah cudur horay looga ciribtiray Mareykanka. Degmadaan oo 40 km dhanka waqooyi ka xigta magaalada New York, ayaa maamulka waxa uu ka mamnuucay carruurta aanan ka tallaaneyn jadeecada in aysan iamaan xarumaha waaweyn ee ay dadka isugu yimaadaan. Xaaladda deg degga ah ayaa deegaanka Rockland ka dhaqangashay xalay, waxaana ay socon doontaa muddo 30 cisha. Ujeedada ayaa lagu sheegay in la dhiirri-geliyo tallaalka cudurkaan jadeecadda oo tan iyo bishii hore kiisas dhowr ah laga helay gobollo ku yaalla Mareykanka. Degmada Rockland ee gobolka New York oo ay ku noolyihiin ilaa iyo 300,000 oo ruux ayaa sannadki 2000 laga ciribtiray cudurka jadeecada, hase yeeshee waxaa hadda laga helay kiisas dhan 153 oo la xiriira cudurka jadeecada. Source
  5. (SLT-Muqdisho)-War ka soo baxay Dowlada Soomaaliya laguna daabacay Wakaalada Wararka Soomaaliya ee SONNA ayaa lagaga hadlay mowqifka Dowlada Federalka ee ku aadan lahaanshaha Buuraha Golan. Warkan ka soo baxay Dowlada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in mowqifka dowlada ee rasmiga ah uu yahay in dhulka buuralayda Golan uu yahay dhul Suuriya ay leedahay oo Israa’iil ay xoog iyo sharci darro ku heysato iyadoo la raacayo dhammaan go’aannada sharciyeed ee caalamiga ah. “Waxa aan si waafi ah u sheegaynaa laga maarmaanshaha in loo hoggaansamo labada go’aan ee Golaha Ammaanka ka soo baxay oo tirsigoodu kala yahay 242 oo soo baxay sanadkii 1967 iyo 497 oo soo baxay sanadkii 1981, oo ku gacanseyray go’aankii Israa’iil ee ku darsashada dhulka Golan ee la heysto, si la mid ahna la diiday in shuruucdeeda iyo maamulkeeda ay ka hirgeliso dhulkaasi buurralayda ah.”ayaa lagu yiri go’aanka ka soo baxay dowlada federalka Soomaaliya. “Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay u aragtaa go’aan waliba oo loogu aqoonsanayo madaxbanaanida Israa’iil ee buurralayda Golan uu yahay go’aan laalan oo baadil ah oo ku tumanaya Qaanuunka Caalamiga, oo uu ku jiro Cahdiga Qaramada Midoobey, xiisadana ku sii kordhinaya dhibaatada Bariga Dhexe, dhantaalayana geeddi-socodka nabadda, ammaanka iyo xasiloonida.” Ugu dambeyntii Dowlada Federalka ayaa waxa ay ugu baaqay Beesha Caalamka inay si mideysan ugu istaagto si loo xushmeeyo go’aannada sharciyada caalamiga ee diidaya in xoog lagu qabsado dhul. Si kasta ha ahaatee Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa codeyn ay xubnaha xuquuqda aadanaha ee qaramada midoobay u qaadeen go’aanka Trump ka mid noqotay dowladihii ka aamusay cambaareyn uu goluhu ujeediyay dowlada Maraykanka. Hase yeeshee Wasaarada Arrimaha Dibbada ee Soomaaliya ayaa si deg-deg ugu amartay in dalka ay ku soo laabato wakiilkii dowlada Soomaaliya ee Golaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Xuquuqda aadanaha. Source
  6. Ceelwaaq (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in xiisad u dhaxeysa ciidamada dowladda Soomaaliya iyo ciidamada Kenya ay ka taagan tahay degmadaasi. Guddoomiyaha degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo Sahal Macalin Aadan oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in xiisadda ay ka dambeysay kadib markii ciidamada Kenya iyo kuwa Jubbaland oo isku dhinac ay ka hor yimaadeen saldhig ciidamada dowladda dhawaan ka sameysteen Degmadaasi. Guddoomiyaha ayaa sheegay in marka hore ciidamada Kenya iyo kuwa Jubbaland ay ka dalbadeen inay siiyaan saldhig ay degaan ciidamada dowladda Soomaaliya, balse markii la siiyay kadib lagu amray inay isaga guuraan degmada Ceelwaaq. Sidoo kale wuxuu sheegay in ciidamada Kenya aysan dooneyn in ciidamada dowladda ay ku sugnaadaan saldhiga ay ku leeyihiin degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, taasina ay ka dhalatay xiisadda ka taagan degmada. Gudoomiye Sahal ayaa sheegay in Degmada Ceelwaaq ay qarka u saaran tahay in ay ku dagaalamaan Ciidamada Kenya ee la socda kuwa Maamulka Jubbaland oo dhinac ah iyo Ciidanka Dowladda ee Degmada Ku sugan. Masuuliyadda xiisadda ka taagan degmada iyo waxyaabaha ka dhaca ayuu sheegay inay qaadayaan ciidamada dowladda Kenya ee kusugan degmada Ceelwaaq oo la saftay ciidamada Jubbaland. Ciidamada Kenya ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay ka baxay saldhigyo militari oo ay ku lahaayeen qaybo kamid ah Gobolka Gedo, waxa ay sidoo kale dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wadaan degmooyin kale oo katirsan Gobolka Gedo. Caasimada Online Xafiiska Gedo Caasimada@live.com
  7. (SLT-Aljeeriya)-Taliyaha Militariga dalka Aljeeriya Gen.Ahmed Gaid Salah ayaa khudbad uu xalay ka baahiyey telefishinka dalkaasi ugu baaqay Baarlamaanka inay xilka ka qaadaan Madaxweynaha waayeelka ah ee Cabdicasiis Bouteflika oo xiligan xanuunsan. Hogaamiyaha militariga oo awood badan kuleh dalkaasi ayaa sheegay in qodobka 102aad ee Dastuurka dalkaasi u fasaxayo in Baarlamaanka xilka ka qaado Madaxweynaha hadii uu xanuunsan yahay oo uusan shaqadiisa gudan karin. Xildhibaanada ayaa awood u leh go’aankan hadii Sadex meelood ay laba meel ay u codeeyaan in Madaxweynaha xilka laga qaado, hadii xilka laga qaado Madaxweynaha waxaa si kumeel gaar ah xafiiska u qaban doona Guddoomiyaha Aqalka Sare oo xilkaasi heynaya muddo 45 maalmood ah, sida uu dastuurka qorayo. Hadalka kasoo yeeray hogaanka militariga Aljeeriya ayaa imaanaya xili ay wadankaasi ka socdaan banaanbaxyo balaaran oo ay shacabka ku codsanayaan in xilka laga qaado Madaxweynaha. Tan iyo bartamihii bishii Feberaayo ayey shacabka dhigayeen mudaharaadyo looga soo horjeedo in Madaxweyne Bouteflika oo ah 82 sano jir uu markii 5aad xilka u tartamo doorashadii la qorsheeyey inay dhacdo bisha soo socota ee April. Madaxweynaha ayaa ku dhawaaqay in uusan doorashada soo socota isu sharixi doonin balse uu dib u dhigay doorashadii isla markaana uu xilka sii heyn doono kaliya illaa inta laga ansixinayo dastuur cusub, go’aankaasi oo ah mid xilka uu kusii kororsaday, shacabka ayaa diiday go’aankaasi iyagoo weli sii wada banaanbaxa. Militariga iyo xisbi xaakimka dalkaasi ayaa hada u muuqda inay qorshahoodii wax ka bedaleen iyagoo horey u doonayey in Madaxweyne Bouteflika ay xilka kusii hayaan, ayna hada rabaan inay hogaamiye cusub ku bedalaan. Shacabka dalkaasi ee Mudaharaadka wada ayaa sheegay inay kasoo horjeedaan qorshaha Militariga isla markaana doonayaan in isbedal dhameystiran oo dimuquraadi ah uu dalkaasi ka dhaco. Source
  8. Siyaasi C/rashiid Macallin Gaas oo ka mid ah siyaasiyiinta kasoo jeeda Jubbaland ayaa sheegay in aanay rajo wanaagsan ka qabin doorasho xalaal ah oo ka dhacda magaalada Kismaayo. Wuxuu sheegay in Axmed Madoobe uu haatan doonayo inuu dib u noqdo madaxweynaha soo socda ee maamulkaasi. Safarka uu madaxweyne Axmed Madoobe ku joogo ayuu sheegay inuu yahay mid sharci darro ah, dowladana looga baahnaa in aanay wax wadahadal ah la furin waa sida uu hadalka u dhigaye. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/03/SIYAAASI-CABDIRASHIID-MACALLIN-GAAAS-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. (SLT-Yemen)-Ugu yaraan 7 qof oo ay afar ka mid ahi carruur yihiin ayaa la xaqiijiyay inay dhinteen, kaddib marki uu gantaal ku habsaday cisbitaal ay taageerto hey’adda Save the Children dhinaca oo ku yaalla waqooyigalbeed ee dalka Yemen. Save the Children, waxay sheegtay in madfaca ku dhacay cisbitaalka Kita see magaalada Sacda ay ku dhaawacmeen sideed kale oo isugu jiray bukaannada iyo howlwadeennada cisbitaalka. Madaxa hey’adda Save the Children, Carolyn Miles ayaa cambaareysay madfaca lagu dhiftay isbitaalka, waxay ku tilmaantay weerarkaasi mid jibinaya qaanuunka caalamiga ah. Wali ma kala cadda cidda soo gantay madfacaasi, balse isbaheysiga uu hogaamiyo Sacuudiga ee dagaalka kula jira jabhadda Xuutiga, ayaa horay u duqeeyay isbitaalo, iskuullo iyo xaafado ay daganyihiin dad rayid ah. Source
  10. Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay caddaynaysaa mowqifkeeda sugan oo ah in dhulka buuralayda Golan uu yahay dhul Suuriya ay leedahay oo Israa’iil ay xoog iyo sharci darro ku heysato iyadoo la raacayo dhammaan go’aannada sharciyeed ee caalamiga ah ee arrinkaasi laga soo saarray, waxa ayna si waafi ah u sheegaysaa laga maarmaanshaha in loo hoggaansamo labada go’aan ee Golaha Ammaanka ka soo baxay oo tirsigoodu kala yahay 242 oo soo baxay sanadkii 1967 iyo 497 oo soo baxay sanadkii 1981, oo ku gacanseyray go’aankii Israa’iil ee ku darsashada dhulka Golan ee la heysto, si la mid ahna la diiday in shuruucdeeda iyo maamulkeeda ay ka hirgeliso dhulkaasi buurralayda ah. Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay u aragtaa go’aan waliba oo loogu aqoonsanayo madaxbanaanida Israa’iil ee buurralayda Golan uu yahay go’aan laalan oo baadhil ah oo ku tumanaya Qaanuunka Caalamiga, oo uu ku jiro Cahdiga Qaramada Midoobey, xiisadana ku sii kordhinaya dhibaatada Bariga Dhexe, dhantaalayana geeddi-socodka nabadda, ammaanka iyo xasiloonida. Soomaaliya waxa ay ugu baaqaysaa Beesha Caalamka inay si mideysan ugu istaagto si loo xushmeeyo go’aannada sharciyada caalamiga ee diidaya in xoog lagu qabsado dhul. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Dowladda Kenya ayaa sheegtay in gabi ahaanba ay dhowaan xireyso xerada qaxootiga Dhadhaab oo ah midda ugu weyn ee xeryaha qaxooti caalamka, waxaana ku nool kumanaan qof oo u badan Soomaali. Sida ay baahisay wakaaladda wararka ee AFP, dowladda Kenya ayaa dooneysa in bisha August ee sanadkan 2019 dooneyso iney gabi ahaamba albaabada isugu dhufato xeradan. Caddeymaha ay heshay AFP ayaa sidoo kale sheegaya in Kenya ay dooneyso in si hoose usoo gabagabeyso xeradan, maadaama horey u jirtay ballanqaad ahaa in aan dadka lagu qasbin ku laabashada dalkooda. UNHCR ayaa horey waxay u sheegtay in mar walbo diyaar u tahay sidii ay dowladda Kenya uga caawin lahayd dib u celinta dadka deggan xeradan iyadoo aan wax qasab ah lagu dayeen. Waxyaabaha ay UNHCR ballanqaadday waxaa ka mid ahaa in dadkaasi qaarkood dal Saddexaad la geyn doono, halka kuwo kalena dib u dejin loogu sameyn doono gudaha dalka Kenya. Kenya ayaa ku andacooneysa in xerada Dhadhaab ay hoy u noqotay Al-shabaab, islamarkaana si amniga dalkeeda u xaqiijso u xireyso. Sanadkii 2016 ayeey ahayd markii ay Kenya sheegtay in ay xireyso xeryaha Dhadhaab, taasi oo hadalhayn badan dhalisay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Muqdisho (SMN) – Guddoomiyaha baarlamaanka HirShabelle Sheekh Cismaan Barre oo soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xiisadaha ka jira maamulkaasi. Ugu horreyn guddoomiyaha ayaa sheegay in ka maamul ahaa ay wadaan xalinta colaadaha ka taagan deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in haatan ay wadaan dadaalloo oo looga hortagayo dagaallada ka soo cusboonaday duleedka degmada Cadale ee gobolkaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/cod-jaamac.mp3 View the full article
  13. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay iney gacanta ku dhigtay sarkaal ka tirsanaa xarakada Al-shabaab, kadib howlgal ay ciidamada ammaanka ka sameeyeen gobolka Shabellaha Hoose. Warbaahinta dowladda ayaa shaacisay in sarkaalkan laga soo qabtay deegaanka Jambaluul ee gobolka Shabellaha Hoose, 26-kii bishan kadib markii ay ciidanka isku gadaameen goob uu ku sugnaa. Lama sheegin magaca sarkaalkan Al-shabaabka ah ee ay ciidanka dowladda gacanta ku dhigeen iyo sidoo kale waxa uu Al-shabaab u qaabilsanaa. Maalmahan dambe, ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa howlgallo qorsheysan waxa ay ka wadeen deegaanno ka mid ah gobolka Shabellaha Hoose. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Dhoobley (SMN) – Saraakiil ka tirsan howgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa gaaray degmada Dhoobley gobolka Jubadda Hoose ee koonfurta Soomaaliya. Xubnahan gaaray Dhoobleey oo ka kooban illaa 9 sarkaal oo Boooliis ah ayaa maamulka Jubbaland kala shaqeyn doona dhinaca tababarka ciidamada,baarista xad gudubka ka dhanka ah aadanaha. Rex Dundun oo hoggaaminayay saraakiishaasi ayaa sheegay in u jeedka socdaalkooda uu yahay,sidii ay dhinaca tababarada uga caawin lahaayeen ciidamada Booliiska dowlad goboleedka Jubbaland. Si kastaba ha’ahaatee saraakiishani ayaa joogi doona halkaasi ku dhawaad sanad,waxaana muddadaasi ay howlo kala duwan ka qaban doonaan gobolka Jubada Hoose. Ugu damgbeyn Haybe Axmed Cabdullahi oo ah taliyaha Booliska degmada Dhoobleey ayaa ugu baaqay Ciidanka Jubbaland in ay ka faa’ideystaan xirfadaha iyo qibradda saraakiisha ka socota AMISOM ee gaaray halkaasi. View the full article
  15. Maanta oo Arbaco ah ayaa lagu wadaa in uu furmo Kalfadhiga Shanaad ee golaha shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya, kadib fasax ay xildhibaannadu ku maqnaayeen. Waxaa la filayaa in furitaanka Kalfadhigan ay ka qeybgalaan mas’uuliyiin dhowr ah, iyadoo munaasabadda furitaanka Kalfadhigan la filayo in lagu qabto Dugsiga Jeneraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho. Amaanka guud ee magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyey, iyadoo la xiray qaar ka mid ah waddooyinka magaalada Muqdisho. Xildhibaannada golaha shacabka ayaa waxaa horyaalla shaqooyin aad u badan, soo laabashadooda kadib. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Maamulka degmada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa dhammaan gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaanno (PL) ka mamnuucay in ay rakaabka ka dejiyaan daaqadda laamiga xigta si looga fogaado shilalka. Amar ka soo baxay duqa caasimadda Garoowe Axmed Siciid Muuse oo lagu socod-siiyay taliska ciidanka ilaalada waddooyinka gobolka Nugaal iyo saldhiga dhexe Garoowe islamarkaana la ogaysiiyay dhinacyada ay khusayso ayaa gaadiidka PL-ka looga mamnuucay in ay rakaabka ka dejiyaan daaqadda laamiga xigta si looga fogaado shil khasaare naf iyo maal geysa. Duqa ayaa sidoo kale gawaarida aan dhanka bidix daaqadda ku lahayn u qabtay mudda saddex bilood ah oo ay ku samaystaan daaqadda dhanka bidix isagoo ku hanjabay in wixii wakhtigaa ka dambeeya aan loo ogolaan doonin. Halkaan ka akhriso PUNTLAND POST The post Garoowe: Gaadiidka dadweynaha oo laga mamnuucay in ay rakaabka ka dejiyaan daaqadda laamiga xigta appeared first on Puntland Post.
  17. Baladweyne (SMN) – Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay duqeyn dhinaca cirka ah laga fuliyay deegaano hoostaga gobolkaasi. Duqeynta oo aheyd mid xoogan ayaa waxaa la sheegay in ay ka dhacday deegaanada Luuq Jeelow iyo Orante oo dhaca duleedka degmada Baladweyne ee xarunta G/ Hiiraan. Goobaha la duqeeyay ayaa waxaa lagu soo warramayaa in ay ku sugnaayeen dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab. Lama oga illaa iyo haatan khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeyntay iyo cida fulisay intaba. Sidoo kale ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka HirShabelle iyo dhanka Xarakada Al Shabaab oo ku aadan duqeyntaasi. Inta badan diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa weeraro ka dhan ah Al Shabaab ka fuliya gudaha Soomaaliya. View the full article
  18. Afgooye (SMN) – war qoraal ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya, islamarkaana lagu baahiyay wakaaladda wararka ee SONNA ayaa lagu sheegay in weerar qorsheysan oo ay ciidamada amnigu ka fuliyeen gobolka Shabeelaha Hoosee lagu soo qabtay hoggaamiye sare oo ka tirsan Xarakada Al Shabaab. Howlgalka oo dhacay 26-kii march ee Bishan ayaa waxaa laga fuliyay deegaanka Jambaluul, kadib markii Ciidamadu hareereeyeen goobtii uu joogay sarkalkaasi. Ma jirto wax khasaare ah oo ka soo gaaray shacabka iyo Ciidamada Qaranka howlgalka lagu qabtay ninkaasi, ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay dowladda. Ciidamada ammaanka ayaa muddooyinkii dambe sare u qaaday howlgallada ay wadaan, iyagoona gacanta ku soo dhigay xubno ka tirsan Al Shabaab. View the full article
  19. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Subax-27032019.mp3 View the full article
  20. Lama filaan ayuu igu noqday markii aan maqlay xalay in taliyaha ciidamada ilaalada gaarka ah ee madaxweyne Farmaajo uu dhaawacay mid ka mid ah askartiisa sababo la xiriira muran ka dhashay mushahar ka maqan askariga. Taliyaha oo magaciisa lagu sheegay Cabdifitaax Dabagaale, isla markaasna ahaa taliyaha horinta Ciidaanka ilaalada gaarka ah ee Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu dhaawacay afaafka hore ee Madaxtooyada. Sida aan warka ku helay, murankaan ayaa yimid kadib markii askarigu taliyaha uu ku eedeeyay in uu lunsaday lacag uu lahaa askarigu, hayeeshee muranka oo sii dheeraaday ayaa sababay in la dhaawaco taliyaha. Xaqiiqdii markii aan maqlay warkan, waxa ugu horreeyey ee maskaxdeeda kusoo dhacay ayaa ahayd “ka waran haddii askarigan fallaagada noqday uu waxyeeleyn lahaa madaxweynaha?” Arrintan waa mid aan la sahlan karin, oo baahan tallaabo deg deg ah oo madaxtooyada ay qaaddo, si aysan marnaba dib ugu soo noqon. Waxaan codsan lahaa in dowladda ay baaritaan deg deg ah ku sameyso arrintan, kuna dhaqaaqdo tallaabooyinkan: 1 – Waa in la hubiyaa waxa ka run ah sheegashada askariga ee ah in mushahar ka maqan yahay, oo taliyuhu uu qaatay. Haddii madaxtooyada ay bixisay mushaharka askariga, balse taliyuhu qaatay, waa in taliyahaas shaqada laga ceyriyaa, la maxkamadeeyaa kadibna xabsiga la dhigaa, waayo ficilka noocan oo kale ah wuxuu halis ku yahay amniga madaxweynaha. Lama aqbali karo taliya lagu aaminay amniga madaxweynaha oo sameynaya wax halis gelin kara. 2 – Haddii aysan jirin in mushaharka aysan dowladda bixin, waa qalad aad u weyn oo madaxtooyada ay gashay, sababtoo ah wax kasta oo dhacaa iyo lacag kasta oo la waayaa ma ahan in ilaalada madaxtooyada mushahar loo waayaa. Tani waxay halis ku tahay madaxweynaha. Askariga baahan ee mushaharka aan haysan waxa uu u baylahan yahay in la laaluusho, oo xitaa kooxaha nabad diidka ah ay lacag siiyaan, sidaasna ku horseedo dhibaato. Waxaan xusuustaa in xilligii Xasan Sheekh ee madaxtooyada ay galeen Shabaab, in mar ay soo mareen askari ay laaluusheen. 3 – Askariga gaystay dhaawaca, waa in la siiyaa xuquuqdiisa, haddiiba ay ka maqan tahay, kadibna shaqada laga ceyriyaa. Tallaabada uu qaaday ma ahan mid la sixi karo, waa askari aad u fudud, una qalmin inuu kasoo ag dhowaado madaxweyne Soomaaliyeed. Si kasta oo mushahar uga maqan yahay ma ahayn inuu qaado tallaabo halis gelin karta nolosha qof, amniga madaxtooyada, islamarkaana dhaawici karta sumcadda madaxtooyada iyo tan guud ee dowladda. Askariga dhaawacay taliyaha wuxuu sigay madaxweynaha. W/Q: Cabdiraxmaan Saciid Jaamac Nairobi, Kenya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  21. Dhuusomareeb (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in wasiirka arimaha gudaha dowladda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye uu dib kaga soo laabtay magaaladaasi. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in safarka wasiirka oo loo qorsheeyay inuu qaato muddo labo maalin ah uu kasoo hormaray waqtigii loo qorsheeyay wuxuuna dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho. Kulan saacado qaatay ayaa xalay ka dhacay magaalada Dhuusomareeb, kaasi oo u dhaxeeyay madaxda Galmudug ugu sareyso iyo wasiirka arrimaha gudaha xukuumada Soomaaliya, kaasi oo aan la ogeyn ilaa iyo hadda waxyaabaha la isku fahmay. Qodobka dooda ugu adag ka dhalatay ayaa ahaa qorshaha dowladda damacsan tahay oo ah in doorashada Galmudug ay dhacdo bisha Todobaad ee sanadkaan, waxaana ka biyo diidan madaxda Galmudug. Waxyaa la filayay in Kohor bixitaanka Wasiirka, dhinacyadu wada hadlayay inay qabtaan Shir Jaraaid oo looga Hadlayo Waxyaabaha ka soo Baxay kulamadoodii, Maadaama uusan Jirin Ilaa shalay Hadal saxaafada Lala wadaagey oo ku saabsan isku dayga dowlada ee Xal u helida Arinta Galmudug iyo Natiijada rasmiga ah ee kulamada Dhinacyada, Dad xog ogaal ah ayaa Inoo Xaqiijiyey in ay Jiraan Shuruudo Madaxda Kala duwan ee Galmudug ay ku xirtay Heshiiska taasoo Keentay in wasiirku uu kula laabto Madaxda dowlada Faderaalka ah ee Soomaaliya. Wasiirka arrimaha Gudaha ayaa dhawaan sheegay in muddo kororsiga madaxda Galmudug doonayaan inaan la aqbali doonin, waxaana dowladda ay dadaal dheeri ah u gashay sidii arimahaasi xal looga gaari lahaa. Caasimada Online Xafiiska Galmudug Caasimada@live.com
  22. Muqdisho (Caasimadda Online) – Hadal heynta ugu badan ee Soomaaliya ayaa ah hadalkii uu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka sheegay khudbadii uu ka jeediyey dugsiga Janaraal Goordon iyo taliska guud. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa iska fogeeyey guul-darradiisa amniga, isaga oo ciidamada xoogga dalka dusha ka saaray ama madax furasho ka dhigtay guul-darrooyinka amniga gaar ahaan ka soo bixid la’aantiisa balantii aheyd inuu Al-shabaab dalka uga saaryo 2 sano gudahood. “Waan xusuustaa, qaarkiinna waxaa laga yaabaa in aad xusuusataan, waxa aan ku wada hadalnay, oo waxaad ii sheegteen dhibaatooyinka iyo duruufaha jira, duruufahaas haddii la xalinaya muddo 2 sano ah in dalka Shababaab looga xureynayo, anna waxbaad i farteen in aan ka soo baxo, anna wax ayaan idiin faray, meeshaas waxaan ku kala qaadannay ballamo” ayuu yiri Farmaajo. Haddaba waxaa arrintaas ka hadlay Agaasimaha xarunta Hiraal, Xuseen Sheekh Macallin Maxamuud oo wareysii siiyey Idaacadda Goobjoog ee Magaalada Muqdisho. Xuseen ayaa hadalka Madaxweynaha ku tilmaamay inay tahay Mas’uuliyad ka carar ama waxa uu ugu yeeray ‘waa lagu kaarto baxay”. “ Arrinta uu madaxweyne Farmaajo sameeyey waa mas’uuliyad ka carar ama waxa ay Banaadirigu dhahaan ‘waa lagu kaarto baxay” ayuu yiri. Wuxuu intaas sii raaciyey “ciidanku arrintaas ma qabato, In Shabaab laga adkaado ma aha wax u gaar ah ciidanka xoogga dalka, ee waa mid u taalo xukuumad, goleyaal iyo inay raali isaga yihiin dadka ay khuseyso. Waxaa la gudbooneyn isaga oo aan cidna eedin ama ku riixin inuu sheego gaabiska jira, mas’uuliyadda guul-darrada amniguna uu qaado, kadibna uu xal raadiyo” Sida ku qoran qodobka 90aad ee dastuurka KMG ah, Madaxweynaha waa taliyaha guud ee ciidammada qalabka sida, Wuxuu ku dhawaaqaa Xaaladda Degdegga ah iyo Xaaladda dagaal, waana wax aan la fahmi karin sida hadda uu isaga fogeynayo balantii uu ka baxay ee aheyd inuu Al-shabaab dalka uga saaryo 2 sano. Dowladda Soomaaliya ayaan wax weerar ah ku qaadin Fariisimaha Ciidamada Al-Shabaab labadii sano ee dalka maamuleyso marka laga reebo duqeymo ay Dowladda Mareykanka ka fulisay dhawr goob oo saldhig u ahaa Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. Muqdisho (Caasimada Online)-Amaanka magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay iyadoo ciidamadii ugu badnaa la geeyay waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho, waxaana la joojiyay adeegsiga gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay. Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galaya furitaanka kalfadhiga Shanaad ee baarlamaanka, waxaana la xiray waddooyin dhowr ah oo muhiim u ah isku socodka gaadiidka dadweynaha. Kalfadhiga Shanaad ayaa maanta ka furmayo xarunta Iskuul Buluuziya, waxaana gabi ahaanba la xiray waddooyinka gala xarunta maanta kulanka baarlamaanka uu ka furmayo. Xildhibaanada baarlamaanka ayaa kasoo laabanaya fasaxii ay galeen kadib xeritaankii kalfadhigii Afaraad, waxaana lagu wargeliyay dhamaan inay ka qeyb galaan furitaanka kalfadhiga Shanaad ee baarlamaanka. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sida uu qabo dastuurka dalka furi doono kalfadhiga, waxaana laga filayaa inuu u jeediyo khudbad uu kaga hadlayo howlaha horyaala baarlamaanka iyo waxyaabaha u qabsoomay. Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa xilligaan waxaa horyaalla Ajendayaal dhowr ah oo u baahan inay ka doodaan, kadibna ay ansixiyaan ama ay diidaan, waxaana inta badan dalka kusoo laabtay Xildhibaano safar ugu maqnaa dalka dibadiisa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. Wasiiradda Xukuumadda Kaga Jira Sool Iyo Sanaag Oo Hayb Ahaan Ula Shiray Maanta Gudoomiyaha Wakiiladda, Wakhti Hanti Dhawr Galay Xafiisyadood, Qaarkoodna Dacwad Musuq Maasuq Xeer Illaalintu Ka Hayso. “Maanta Reer ayaanu ahayn Danahooda ka shiraya, Arin Dawladeed maanta maanu hayn, Mid Qabiil ayay Ahayd, Maalmaha Qaarna Waanu Shirnaa, qaar waanu cibaadaysanaa, Qaarna Dawladda ayaanu u shaqaynaa, Maanta waxay ahayd maalintii Reerku Kulmi jiray, Danahayaga ayaanu ka shiraynaa, shirkani illaa Bari ayuu soconayaa”. Xildh Cabdiqaadir Indho Indho oo shirkaasi ku jiray, iskuna deegaan yihiin Masuuliyiintaasi ayaa sidaasi Warbaahinta u sheegay. Halkan ka daawo Warkaas oo faahfaahsan:- Qaran News