Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,174
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dawlada Somalia oo cadeysay Mawqifkeeda ku aadan lahaanshaha Buuraleyda Golan heights Dowladda Federaalka Somalia, ayaa war kasoo saartay xiisadda ka taagan buuraha Golen ee dhawaan Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku dhawaaqay in Yahuudda ay leedahay, Soomaaliyana ay ka mid noqotay dalalkii ka aamusay kulankii lagu cambaareeyay Arrintan ee ka dhacay Magaalada Geneva ee dalka Switzerland. Qoraalka DF ayaa u qornaa sidan: Xukuumadda Federaalka Somalia waxay caddaynaysaa mowqifkeeda sugan oo ah in dhulka buuralayda Golan uu yahay dhul Suuriya ay leedahay oo Israa’iil ay xoog iyo sharci darro ku heysato iyadoo la raacayo dhammaan go’aannada sharciyeed ee caalamiga ah ee arrinkaasi laga soo saarray, waxa ayna si waafi ah u sheegaysaa laga maarmaanshaha in loo hoggaansamo labada go’aan ee Golaha Ammaanka ka soo baxay oo tirsigoodu kala yahay 242 oo soo baxay sanadkii 1967 iyo 497 oo soo baxay sanadkii 1981, oo ku gacanseyray go’aankii Israa’iil ee ku darsashada dhulka Golan ee la heysto, si la mid ahna la diiday in shuruucdeeda iyo maamulkeeda ay ka hirgeliso dhulkaasi buurralayda ah. Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay u aragtaa go’aan waliba oo loogu aqoonsanayo madaxbanaanida Israa’iil ee buurralayda Golan uu yahay go’aan laalan oo baadhil ah oo ku tumanaya Qaanuunka Caalamiga, oo uu ku jiro Cahdiga Qaramada Midoobey, xiisadana ku sii kordhinaya dhibaatada Bariga Dhexe, dhantaalayana geeddi-socodka nabadda, ammaanka iyo xasiloonida. Dowladda Somalia waxay ugu baaqaysaa Beesha Caalamka inay si mideysan ugu istaagto si loo xushmeeyo go’aannada sharciyada caalamiga ee diidaya in xoog lagu qabsado dhul. Ugu dambeyn, Dowladda Somalia ayaa waxaa looga bartay inay mowqif ka istaagto murannada soo dhex-gala dowladaha caalamka, taasoo sababtay in dalal badan oo caalamka ay ka caroodeen mowqifyada Dowladdu ay qaadato marka ay muranno soo if-baxaan Qaran News
  2. Hargeysa (Caasimada Online) ― Siyaasiyiin reer Somaliland ah oo ka tirsan xisbiga talada haya ee Kulmiye, ayaa ku sugan magaalada Muqdsiho ee caasimada Soomaaliya, sida ay ogaatay Caasimada Online. Siyaasiyiintan ayaa hore waxay uga soo shaqeeyeen Dowladdii Madaxweyne Daahir Rayaale, oo ay ka qabteen xilal sar-sare, kadibna waxay ku biireen xisbiga hadda talada haye ee Kulmiye, oo xilal wasiir ku-xigeeno ka qabtay xukuumadii Siilaanyo. Siyaasiyiinta Xamar ka degay ayaa kala ah: Xasan Daahir Dhimbil oo ahaa wasiir ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Caafimaadka, Axmed Keyse Guray oo ahaa Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda arrimaha dibadda iyo weliba Khadar Axmed Diire oo isagna ahaa Wasiiru dowlihii hore ee wasaaradda Caddaaladda Somaliland. Xogt aan helnay, ayaa waxay sheegaysa in Siyaasiyiinta ay Xamar uga dageen inay usoo sahmiyaan Kulmiye iyo Xukuumada Biixi, ayada oo aan la ogeyn xaqiiqda waxa ay sahminayaan. Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa warbaahinta u sheegay inay yihiin siyaasiyiin shaqo doontay, oo aan xisbiga ka mid ahayn. Si kastaba, weli ma jirto meel ay ka sheegen in Xisbiga Kulmiye kaga baxeen, mana jirto meel kulmiye ku sheegay in uu xisbiga ka caydhiyey masuuliyiintas. Xisbiga Kulmiye ayaa markii ololaha uu ugu jiray doorashada madaxtinimada Somaliland ku eedeyn jiray Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI in uu yahay Soomaaliweyn oo siyaasiyiintodu tagaan Xamar, maantase waxa soo if-baxeysa in Xisbul Xaakimka Kulmiye uu isagu laftigiisa siyaasiyiintiisa u dirsado Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  3. Shacabka Turkiga ayaa u dareeraya doorashada dawlahada hoose 31 bishaan Maarso ee aan ku jirno, doorashooyinkaan ayaa waxaa la qabtaa shantii sano mar. doorashadan waa tii ugu horeeyay tan iyo markii dastuurka waddanka afti laqaaday lagu baddaly, is baddaladaas oo madaxwaynaha siiyay awoodo fara badan, sidoo kale waxay imaanayaan sagaal bilood kadib markii madaxwayne Receb Tayyip Erdogan uu ku guulaystay doorashadii madaxtinimo bishii June 2018 isagoo noqday madaxwayne awoodo fulineed leh “Excutive Presdent”. Waxaa lafilayaa in in 57 million oo cod bixiye yaal ah ay kala doortaan 22,000 oo musharrax kuwaas oo ku tartamaya mayarnimada 30 magaalo oo waawayn “Metropolitan” iyo 1,351 dagmo “Districts”. Guddiga sare ee doorashooyinka ayaa shaaciyay in 13 xibsi ay ku tartami doonaan doorashada. Wadanka turkiga oo dawladniamdu daadagsantahay “decenteralized” ayaa dawladaha hoose leeyihiin awoodo ay shaqooyin badan ku qaban karaan iyaga oo aan dowladda dhexe waxba uga baahan, waxay qabtaan shaqooyinka hormarineed, sida hormarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo tayaynta adeegyada bulsho sida biyaha,korontada, nadaafadda, waddooyinka iyo goobaha lagu nasto. Adeegayadan iyo kuwa kale oo badan oo dagmooyinku qabataan ayaa ka kadhigaya hogaanka dagmada mid isku xira shacabka iyo xisbiga uu matalayo. Waana meesha ay ka bilaabanayso kasbashada taageerada dadwaynaha. Doorashadaan waxaa ku loolamaya labo is bahaysi oo waawayn oo midwalba culaysyadiisa iyo caqabadihiisa gaarka ah haystaan. Waxaa muuqanaya tartan aad u adag oo aan waxba la iskula harin sida caadada u ah turkida marka doorasho timaaddo. Isbahaysiga loogu magac daray Isbahaysiga Shacabka “People’s Alliance” oo ay ku midooben xisbiga talada haya ee Caddaalada iyo Hormarka AK PARTI iyo Xisbiga mucaaradka ah ee midigta u janjeera MHP. Labada xisbi ayaa aad isugu dhawaa tan iyo inqilaabkii dhicisoobay ee dhacay bartamihii sanadkii 2016 kadib. Waxaa la fılayaa in ay codad kahelaan dadka muxafidiinta “Conservativist” iyo Qawmiyiinta “Nationalist” oo udhigma illaa 60% dadka codbixiyeyaasha ah. Dhanka kale waxaa jira Isbahaysi ay ku midoobeen tiro axsaab ah oo affar gaaraysa uuna horkacayo xisbiga midigi dhexe CHP,xisbigaan oo ah kan ugu wayn mucaaradka. isbahaysigan ayaa waxaa haysata caqabaddo kala duwnaasho,fikir iyo shaqo. Waxaa lagu eedeeyaa kaliya in ay u midoobeen in ay kahor yimaadaan xisbiga AK PARTI.Isbahaysigaan wuxuu ukala qaybsan yahay, axsaab muxaafid ah ama İslaami, kuwa lagu tilmaamo Kemalists, iyo xisbiga Kurdida HDP oo lagu eedeeyo in uu gacan saar laleeyhay PKK oo dawladda turkiga iyo waddamo kale oo caalamka ahi u aqoon sadeen in uu yahay argagixiso. Labo arrimood ayaa sabaab u noqonaysa sida la saadaalinayo in isbahaysiga madaxwayne Erdogan ay doorashadaan guul ka gaaraan; tan koobaad waa Kala duwanaanshaha, iyo tabardarrida axsaabta mucaaradka oo niyad jab iyo quus ku keentay dad badan oo aan la dhacsanayn siyaasadda xisbiga AK PARTI ee uu Erdogan hogaamiyo iyo in mucaaradka oo soo saari waayay hogaan kartileh oo kasban kara shacabka , tan labaadna waa hormarka muuqda ee baaxaddaleh ee uu horseeday AK PARTI tan iyo markii ay xukunka la wareegeen sanaddii 2002. Labadaas arrimood oo is biirsaday waxay horseedayaan in is bahaysiga madaxwayne Erdogan ay doorashadaan ay guul kasoo hooyaan. Loolanka ugu xooggan ayaa kadhici doona magaalooyinka waawayn sida Isatanbul,Ankara iyo Izmiir, iyada oo xisbiga talada hayya uu magaalooyinkan u sharraxay dad waddanka aad looga yaqaanay sida Bin Ali Yildirim oo loo sharraxay in uu u tartamo mayarka magaalada Istanbul. Yildirim ayaa muddo dheer soo ahaa wasiir, kadibnna raysal wasaare markii ugu damabaysyna ahaa gudoomiyaha baarlamaanka. Sidoo kale dad wasiiro soo noqday ayaa loo sharraxay magaalooyin kale. Arintaan ayaa muujinaysa cabsida ay Isbahaysiga Shacabka iyo gaar ahaan xisbiga AK PARTI ka qabaan in magaalooyinka waawayn ee dalka looga guulaysto. Guul darradaas oo hadday dhacdo muujinaysa hoos udhac shacbiyadda madaxwaynahay isla markaasna xoojinaysa axsaabta mucaaradka. Guul uu gaaro isbahaysiga madaxwayne Recep Dayyip Erdogan waxay u fududayn doonta in uu fuliyo ballan qaadyo iyo qorshayaal dhidibada loogu aasayo nidaamka madaxwayne ee wadanku qaatay. Waxay u ogolaanaysaa in wax laga qabto dhibaatooyinka nololeed iyo sicirbararka. Sidoo kale waxay yeelan doontaa saamayn dhaqaale oo wanaagsan iyada oo dhiirigalin doonta maalgashadayaasha ajaanibta ah. Dhanka arimaha dibadda Erdogan waxaa u fududaan doonta latacaalidda xiriirka sii xumaanaya ee Turkiga iyo reer galbeedka gaar ahaan Maraykanka, iyo dagaalka suuriya ee dabada dheeraaday. W/Q: Abdiwali Sayid Saxafi Madax Bannaan İstanbul-Turkey Email: abdiwalisayid@gmail.com
  4. Xukuumadda Somaliland ayaa xabsiga dhexe ee Hargeysa kasii daysay Mr. Yaasir Saleebaan oo muddo saddex tobodaad ah u xidhnaa eedo la xidhiidha inuu ku kacay khiyaamo qaran, kaddib markii lagu eedeeyey inuu siraha amniga ee xasaasiga ah u gudbin jiray xukuumada soomaaliya ee Farmaajo. Yaasir ayaa isagoo gacmaha ka katiinadaysan oo askar hubaysani wadaan dhowr goor la hor keenay maxkamadda degmada Hargeysa oo kiiskiisa oo xukuumadu dhibane ka ahayd dhageysatay. Yaasir Saleban oo ahaa lataliyaha wasiirka arrimaha gudaha ee dhanka amniga iyo xidhiidhiyaha amniga ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo Hay’adaha sirdoonka reer galbeedka ee la shaqeeya Somaliland (Internal Security Coordinator & Senior Adviser to Minister) ayaa imika xoriyadiisii dib u helay kaddib markii sida la sheegay xukuumaddu culays badan kala kulantay jifada uu kasoo jeedo ee Aadan Madoobe/East Burco Clan oo uu sidoo kale kasoo jeeday madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamuud Siilaanyo. Sida ay sheegeen ilo lagu kalsoon yahay Yaasir wuxu Horjooge iyo Xidhiidhiyaba u yahay Shebekad Dhalinyaro isku xidhan oo dalka Gudihiisa ku sugan oo wadashaqeyn joogto ah la leh Xafiisyada Madaxda Muqdisho ee Farmaajo iyo Kheyre. Waxa wax lala yaabo noqotay sida dhibta yar ee xukuumaddu xoriyadiisa ugu celisay qof ku eedaysnaa khiyaamo qaran iyo bixinta siraha amniga qaranka iyadoo xabsiyada ay buux dhaafiyeen dad ku eedaysan dambiyo aad u fudud oo qaarkood xukuumaddu dambi uga dhigtay inay ka tirsan yihiin xisbiyada mucaaradka ah. Hase ahaatee Yaasir lagu saamaxay maadaama beeshiisu xulafo siyaasi ah la tahay beesha madaxweyne Muuse Biixi. iskusoo wada duuboo arrintani waxay marag u tahay cadaalad darrada xukuumadda Muuse Biixi ku kala qaybisay bulshada reer Somaliland iyadoo aan loo sinayn sharciga gaar ahaan beelaha taageera xisbiyada mucaaridka ah oo lagula kaco xadhig iyo tacadiyo baalmarsan sharciga. Qaran News
  5. Go’aanki 18 May, 1991 lagaga dhawaaqey magalada Burco goni isu taaga Somaliland mu aheyn mid si hawl yari ku yimid ama cid gaar ah ku dhawaaqdey ee qeybaha kala duwan ee mujtamaca Somaliland wey u wada dhamaa’een sida madax dhaqmeedka, hormoodka siyaasiyinta, wax garadka, culimaa’u diinka Somaliland. Waxa ku xigtey aftidi dastuurka Somaliland ee shacabka laga qaadey, 2001 oo 97% u codeyeen goni isu taaga Somaliland. Somaliland waxey soo martey marxalado badan oo kala du duwan, sida dib u heshisiinta beelaaha walaalaha ‘ah ee reer Somaliland (Reconciliation of the conflicted tribes of Somaliland), hub ka dhigista (Disarmament) waxey sameeysatey dawlad ku dhisan seddexda dhadhaar ee golaha fulinta, golaha sharci dejinta iyo golaha cadaaladda, hanaanka xisbiyada badan, xoriyat al qawlka iyo doorashooyin hal qof hal cod oo si nabad gelyo iyo hufnaan u dhaca, beesha caalamkuna goob joog ka ahaayeen, mandaqadda geeska afrikana ku cusub (Kenya oo qudha aya nidaamka hal qof hal cod ku wahelisa Somaliland). Waxay xukuumadihi kala dambeyey (Shan madaxwene aya si nabad gelya’ ah isu bedeley) ka hawl galeen Ictiraaf raadinta Somaliland, iyago ku guuleystey iney ka furaan xafiisyo metala danaha Somaliland caasimadaha dawladaha qaar, sida Djibouti, Ethopia, Kenya, UAE, Ingiriiska, Mareykanka, iwm. Ictiraaf raadintu wa qodobka labaad ee ahamiyadda weyn u leh Somaliland ee ku xiga AMNIGA IYO NABAD GALYADA Somaliland. Haddaba markaan ku soo noqdo dulucda maqaalkegan, marka cilmiga siyaasadda la baranaayo, dariska kowaad waxu othanaya, siyaasaddu waxey le dahey dano joogta ah ee ma leh saaxib joogta’ah (Xigasho, PM Churchill). Ethiopia waxa innaga dhexeeya dano badan, sida tu amni, dhaqaale, shacab (dadka Somaliland ka soo jeeda labada dawladood wey degaan), shaqo abuur, daaqsimo, waraab iwm. Haddaba caqliga saliimka ee sida wax u arkaya mar walba innu xoojiyo arrimaha mooye kama suurtoodo innu wax yeleeyo. Madaxdi EPRDF ee ka horeysey prime minister Abiy Ahmed ee May, 1991 talada dalka Ethiopia la wareegey sida cadceedda ayey u arkayeen danaha labada dal ka dhexeeya ee Somaliland iyo Ethiopia laakiin mudane Prime minister Abiy Ahmed waxaad mooda innu la yimid han siyaasadeed oo dulucdeedu tahey midnimada geeska Afrika, gaar ahaan Somalia, Ethiopia iyo Eritrea. Siyasadaaso’ aanu soo bandhigin qorshe cad oo tafaatiran qaab ka loo fulinaayo, balse laga ogaadey hadalo iyo wareysiyo uu saxaafadda siiyo marku la kulmaayo madaxda kale ee labada dal ee Somalia iyo Eritrea oo iyagu marnaba laga maqal midnimada uu sheegayo mudane Abiy Ahmed. Siyaasadda cusub ee mudane Abiy Ahmed waxey keentey faa’iido iyo khasaare labadaba. Faa’iidooyinku waxa weyaan: In colaadihi ka dhexeeyey dawladaha geeska Afrika sida Ethiopia iyo Eritrea oo dagaal boqolaal kun ku dhinteen qaar na ku naf waayeen innu soo afjaro, dhulki Badme ee muranku ka taagnana uu Eritrea u celiyo.Ganacsiga ka dhexeeyey labada dal oo dib u bilaabmey in Somalia iyo Eritrea dib u heeshisiyo. In colaaddi ka dhexeeysey Djibouti iyo Eritrea ee muranka dhulka (Ras Dumeira) ee Eritrea ka qabsatey Djibouti u wada hadal u socdo laakiin ilaa hadda wax xal midha dhal ah lama gaadhin. Khasaaraha waxa ka mid ah: In siyaasadan cusub ee midnimada geeska Afrika aanu mudane Ahmed Abiy si cad oo qayaxan u soo bandhigin taaso geeska Afrika ka abuurtey shaki iyo jaha wareer siyaasadeed, dhaqaale. bulsho, amini, iyado marar qaarkood ka soo baxayaan mudane Ahmed Abiy iyo Generalada ciidamadisa hadalo nuxuurkisu iftiminaya baahida ay ciidankooda badda u qabaan xeebaha balaadhan ee Somalia ee cidna ka manaafacaadsan. Diblumaasiga caanka ‘ah ee Ethiopia Birhanemeskel Abebe wuxu yidhi’’ waxaanu midnimada geeska Afrika’ u dooneyna inaanu u helno ciidanka badda saldhig military’’ (xigasho BBC News 14 June. 2018). Waxa xawaarahoodu hoos u dhacey xawligi’ iyo dar darti ay hore ugu socdeen qaar ka mid aha heeshisyadi mashaaricdi ay saxeexeen madaxdi EPRDF ee ka horeysey mudane prime minister Abiy Ahmed sida saamigi 19% ee ay Ethiopia ku la heyd dekedda Berbera, waxa kalo ka maqna labada xafladood ee dhegax dhigga balaadhinta dekedda Berbera iyo waddada Berbera Corridor mas’uulinta heer federal oo mas’uuliyadoodu tahey mashaaricda noocan ihi. Mashruuci balaadhna ee $ 24 bilion (Lamu South Sudan Ethiopia Transport ‘’ lapsset’’) ee Ethiopia la gashey Kenya 2012 oo sidi u xaniban dagaalada qawmiyadaha Ethiopia dhexdeeda ka socda iyo cabsi laga qabo innu saameeyo nabad gelyada dawladaha jaarka ah. Eng. Bashe Cabdi Gaboobe Email : gaboobe_3@hotmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  6. Dad badan ka ma war hayaan in ay jiraan gabdho rag badan ay baadigoobaan oo wakhti iyo lacag ba ay u huraan sidii ay ku heli lahaayeen xogtooda oo dhammaystiran, habka loo la xiriiri karo iyo hannaanka ugu fudud ee lagu hanan karo. YAA WEEYE GABDHAHAASI? Gabdhahaasi waa kuwa qaraabada dhaw la ah hadba madaxweynaha markaasi haya talada qaranka. Waa kuwa ay madaxweynaha walaalaha yihiin, kuwa ilma adeerrada yihiin, kuwa uu adeerrada u yahay iyo kuwa uu abtiyada u yahay. YAA RAADIYA IYO MAXAY SE TAHAY SABABTU? Gabdhahaasi waxaa raadiya ragga magaca iyo mansab doonka ah. Waa rag doonaya in ay ka dhigtaan jaranjaro ay ku gaaraan aqalka waddanka looga arrimiyo oo ay ku helaan xurmo iyo xaq. Waa run oo, gobannimada Soomaalida ayey ka mid ah tahay xurmaynta iyo xaqdhawrka xididka. MA JIRTAA SHURUUD LAGU XUSHO? Gabadhaasi hal shardi bas baa lagu xushaa, kaas oo ah in ay madaxweynaha ehelo hoose la tahay, oo ay madaxtooyada geli karto. Dhib ma lahan haddii ay qal dheer tahay, weji koobma ah leedahay, dhalo yar tahay, gooman dhaadheer iyo indhayar leedahay, coon tahay, hogfo iyo xaglo kala jeeda lee dahay. Xita waa soconaysaa haddii ay ka dhammaatay. MA JIRTAA CID AY U SHAQEYSAY? Haah. Waxa ay u shaqaysay saddex nin oo midi noqday safiir, midina noqday xildhibaan, kuna uu noqday agaasime ilaa iyo haddadan shaqeeya. Saddexdaas nin waxa ay kala heleen saddex gabdhood oo ehelo hoose la kala ahaa saddex madaxweyne. Waxaa igu maqaalo ah, nin isna qandaraas ku helay, mase hubo. NIN XASAN KU HUNGOOBAY OO WAX KA RAADIYA FARMAAJO Waxaa jiray nin dhallinyaro ah oo ka mid ahaa ragga raadiya gabdhaha qaraabada la ah madaxweynayaasha, ayaa waxaa uu muddo dheer ka dib helay gabar ay odayga isku dhawaayeen oo madaxtooyada awood u lahayd in ay galgasho. Sannad ayey ku qaadatay in uu inta xiriir la sameeyo uu jacayl ku abuuro. Waxa uu heshiiskoodii kama dambaysta ahaa ku soo aaday xilligii doorashada, kolkaas buu waxa uu gabadhii ka dhaadhiciyey in ay dib u dhigaan guurka ilaa doorashada ka dhacayso. Nasiibdarro se, waa soo bixi waayey Xasan Sheekh. Markaas buu waxa uu bilaabay in uu dabciyo xiriirkii gabadha, halkaasina ku joogsaday guurkoodii. Waxaa iigu wardambaysay isaga oo raadiya tu` qaraabo la ah Farmaajo, in uu helay iyo in kale ma aqaane. GABDHAHA HEERKA LABAAD EE QAALIGA AH Sida aan war ku hayo, xarfaanta jago doonka ah meel kasta waa joogtaa. Waxaan maqlay in gabdhaha labaad ee qaaliga ah ay yihiin gabadhaha qaraabada la ah madaxda dawlad-gobaleedyada. Rag baa raadiya oo ku gala madaxtooyooyinkaasi, laakiin weli ma helin tirada ragga ku helay jagooyin sare. FG: Adduun xog baa is dhaafisey e, xogtan haddii ay ku anfacday, asii aad tahay nin u oomman in uu madaxtooyada galo, fursad kalana waayey, tan waad ku dayi kartaa. DIGNIIN Haddii aad go`aansato in aad hawshaan gasho, waxa aad arkaysaa gabdho ku dhahaya maxadweynaha ayaan qaraabo nahay oo haddii la rabo ku faanayaba. Qaraabada ayaanan isku si loo aqoon, waxaa laga yaabaa in ay u jeeddo, saddex oday baan kala tirsanna amma isku jifo baan nahay, adna aad u fahanto in ay tahay tii aad doonaysay, oo halkaasi wakhti kaaga lumo. Marka waxaa lagaa rabaa in aad si fiican u barato jifada iyo ina ayaha madaxweyna oo afaran, ina ayaha hooyadiis, dadka la dhashay iyo kuwa ay ilma adeerrada iyo ilma abtiga yihiin. Midda kale, dhawaanshaha ka sokow, waa in ay gabadhu karti leedahay, madaxtooyada taqaannaa, oo cadkeeda dhacsan kartaa, ninkeedana meel marin kartaa. Haddii ay tahay baarid buulkeed-ku-dumo ah, iska dhaaf, Caynabaa ka biyo dhaw e. Waxaa qoray: Suldaan Nayruus Kala xiriir: nayruus@gmail.com https://suldan-nayrus.blogspot.com/ Fb: facebook.com/snayruus Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  7. Halka maamullada dalka ka jira ay u muuqan karaan kuwa wajahaya cadaadis dibadda oo kaga imaanaya dowladda dhexe, haddana dhammaan maamul-goboleed kastaa ma ahan mid leh hal furan siyaasadeed oo uu dhufeyska uga jiro. Galmudug ilaa iyo hadda waa maamulka kaliya ee dowlad-goboleedyada dalka ka jira aan la wadaagi Karin wax walba. Waxay gaarkeeda u wajahaysa mushkiladda gudaheeda ka taagan taas oo maamulka u kala qeybisay laba garab oo mid kastaahi uu gaarkiisa isku boqrayo. Dowladda dhexe waxaa taniyo muddaba lagu eegayaa il tuhun oo la xiriirta inaysan daacad ka aheyn isku keenista dhinacyada isku haya Galmudug taas oo liifadda usii gaabisay jiritaanka heykalnimada dowladeed ee maamulkaas. Hadda dowladdu waxay ergo uu hoggaaminayo Wasiirka arrimaha Gudaha u dirtay Dhuusamareeb si uu ula kulmo garabka ugu sharciyadda dhow jiritaannmada Galmudug. Balse su’aalo ayaa laga keenayaa sababta safarkiisa? Qaar badan ayaa rumeysan in dowladdu hadda ay fiirada ugu danbeysay u yeelatay wax-ka-qabashada Galmudug oo muddo badanba aanay siineyn deymadii looga baahnaa. Waxaana jiray sababo xoojin karo in dowladdu aysan si fiican ula jaanqaadin siyaasadda sida gadowga iskugu maran ee Galmudug ka taagan. Ol’olayaashii doorashooyinka ee ka qabsoomay maamul-goboleedyada kale iyo ajendayaal kale oo dowladda culeys ku saarayay inay halhaleel kaga jawaabto ayaa labadan dhinac u suura-gelin inay mar wada fadhiistaan. Xittaa booqashada Sabriye ayaa imaanaysa xilli laba garab ay isku khilaafeen xilliga ay dhacayso doorashada soo aadan ee Galmudug. Dowladda ayaa sheegtay in doorashada aan laga dib dhigi doonin waqtigii ay ahayd inay ku qabsoonto. Waana sabab kale oo hadda muujinaysa in dhinacyadu aysan kaliya iskugu imaaneynin is-maandhaafkii hore ee soo kala dhex galay, balse ay jirayso qaddiyad kale oo u baahnaan doonta in waqti badan la geliyo sidii la iskaga mid noqon lahaa xaggeeda. Muranka daba-dheeraaday ee Galmudug gudaheeda iyo dowladda kala dhaxeeya, wuxuu xaqiiqdii sida muuqata aad ula degay geeddi-socodka howlaha maamulka kaas oo dhinac walba oo laamaha dowlad-goboleedka ka dhigay mid hakad ku jira. Farriinta uu Sabriye ka sido madaxda dowladda dhexe laftigeeda ayaan laga fileyn mid ku dhisnaan karta u tanaasulidda masiirka Galmudug kaas oo taniyo markii uu MD Xaaf xilka ku fariistay ay la degtay khilaafaadka gudaha. Haddii dowladdu ay aqbasho in Galmudug lagu sii wado sida ay hadda ku dhisan tahay, lagana war sugo gaarista waqti cayiman oo la isla og yahay in lagu qabto doorashada, saadaasha muuqata waxay rajo fiican u aburaysaa dadyowga Galmudug kuwaas oo dowladda u arka inaysan daacad ka aheyn danaha bulshada ku midaysan maamulka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  8. Dimuqraadiyadii dawladnimada JSL way saqiirtay oo way liinbaxady mar hadii 3-dii gole ee kala ahaa Golaha Baarlamaanka, Golaha Guurtida iyo Golaha Degaanku ay sadexdooduba waqtigii la doortay iyo maandheytkoodiiba uu dhamaaday oo ay mudo kordhin kuraasta ku fadhiyaan. Marxaladan aynu ku jirnaa waa marxalad aad xasaasi u ah taa soo uu maraayo geeddigeennii dimuqraadiyadeed ee ummadeed ee aynu naf-hurka la yaabka leh u soo samaynay. Boowe ! Hadii goleyaasha xeerdejintu ay noqdaan Goleyaal ku fadhiya mudo kordhin go’aanada masiiriga ah ee ay gaadhaan muxuu noqonayaa ? Xeerarka iyo Xeegaanada ay curiyaan side loo aaminayaa ? Golihii Guurtidu iyana waxay noqdeen dhaxaltooyo, markaa bal kuraas dhaxaltooyo ah iyo Dimuqraadiyada aynu sheeganaynaa sidey isu qabanayaan ?? Cajiib !! Talow goorma ayaa la dejinayaa reerkan daalay ee raranka saaran ee raadkiisii dib u sii raacaya ee Somalilaan? Jihadee ay Somaalilaan maanta u socotaa ? Jawaabtu waxay noqonaysaa JUG -JUG oo meeshaada joog. Bal ka warama – Golaha Baarlamaanka Somalilaan waxaa la doortay 28/9/2005 si ay 5 sanadood oo keliya kuraasta ugu fadhiyaan waxaana ay mudo dhaafeen 8 sanadood iyo badh.Golaha Guurtida Soomalilaan waxaa la doortay 1997 si ay kuraasta ugu fadhiyaan 6 sandood oo keliya waxaana ay mudo dhaafeen 21 sanadood oo dhaxaltooyo ayey kuraastoodu iska noqotay. Golaha Degaanka Somalilaan waxaa la doortay Nofember 2012 in ay kuraasta ku fadhiyaan 5 sanadood oo keliya waxaana ay mudo dhaafeen 2 sandood oo wax yar dhiman. Somalilaan waxay soo jirtay 28 sanadood. Mudadaana waxaa ku qabsoomay in ka badan saddex doorasho madaxweyne, laba gole deegaan iyo mid baarlamaan oo dhamaantood ku qabsoomay si dimuqraadi udhaw marka la barbar dhigo dalalka jaarka aynu nahay sida Kenya. doorashooyinkaasi waxay Somalilaan u soo jiideen sumcad iyo maamuus uu caalamku ku majeertay inay Somalilaan tahay dal dimuqraadi ah oo soo koraaya. Sideedaba Doorashooyinku ama doorashadu waa xuquuq aasaasi ah, caalamka oo dhana doorashooyinka mudooyinka loo cayimay ayaa lagu qabtaa, si xuquuqda dastuuriga ah ee muwaadinka loo ilaaliyo, waayo muwaadin kastaa wuxuu xaq u leeyahay in la doorto isna wax doorto markaa waa in la ilaaliyaa xuquuqda dastuuriga ah ee muwaadinka wax dooranaaya ama la dooranaayo. Saadaasha tabani waxay u muuqataa maanta in doorashooyinku mar kale dib u dhacayaan oo Goleyaasha mudo kale loo sii kordhinaayo taas oo dhiig bax ku noqonaysa Dimuqraadiyada curdinka ee Somalilaan higsanayso. Hadii Doorashooyinka Somalilaan ay sanadkan 13/12/ 2019 dib uga dhacaan Sumacadii Somalilaan god madow ayey ku shalwan doontaa caalamkuma dhaqaalihii uu doorashooyinka iyo Diiwaan gelinta ku bixin jiray wuu la noqon doonaa. Maadaama Sababta ugu weyn ee Doorashooyinku dib ugu dhaceen ay tahay Xeerarka cakiran ee Saami qeybsiga kuraasta Baarlamaanka oo mudo dheer ay curin waayeen golaha baarlamaanku, waa in madaxweynuhu arintaa soo fara geliyaa oo geesinimo iyo go’aan adag ka qaataa si doorashadu ugu qabsoonto mudadii loo cayimay oo ah dhamaadka sanadkan 2019. Guntii iyo Gebagebo – Waxaa Caqliga Saliimka ahi ku siinayaa in aanay marna Doorasho ku dhacayn 13-ka maalmood ee u dhaxeeya muddada Komishinka Doorashooyinka xilkoodu ku dhamaanayo oo ah 29/11/2019 iyo mudada loo asteeyey in Doorashadu qabsoonto oo ah 13/12/2019 Sidaa daraadeed waxaa Xukuumada laga rabaa in ay iswaafajiso Siyaasada casriga ah iyo dhaqanka Somalilaan oo doorashada waqtigeeda ku qabato. Waa in xukuumadu xalisaa xurgufta siyaasadeed ee maanta taagan, taana waxaa u fududeynaaya iyada oo Dastuurka furta si wixii xeerar iyo xeegaano qabyo ah kaabis iyo wax ka bedel loogu sameeyo oo loo kobciyo loona koolkooliyo qaangaadhnimada Dimuqraadiyada curdinka ah ee Somalilaan. Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs) Qalinkii : A/rahman Fidhinle Qoraa Madax banaan Intensive ED BD PA United Kingdom London Qaran News
  9. Nairobi (AFP) – Kenya plans to shut a refugee camp that is home to nearly a quarter of a million people, mostly Somalis, in the next few months, according to an internal UN document seen by AFP Tuesday, The three-decade-old Dadaab camp in eastern Kenya would be closed by the end of August under the Kenyan plan, it said. A United Nations refugee agency (UNHCR) document dated February 28 said the Kenyan government had sent a note verbale informing it of “plans to close the Dadaab camps within a six-month period”. The note, which was dated February 19, asked UNHCR “to expedite relocation of the refugees and asylum-seekers residing therein.” In the document, the UNHCR said it was committed to working with the government on voluntary repatriation to countries of origin, relocating refugees to other parts of Kenya and resettlement to third countries. An aid worker in Dadaab, speaking on condition of anonymity, confirmed to AFP that all international organisations were aware of a plan to close the camp, but the “government is keeping it low profile”. Dadaab was considered the world’s largest refugee camp, with at its peak some 580,000 refugees. The largest camp is now Cox’s Bazaar in Bangladesh, home to some 600,000 Rohingya refugees who have fled neighbouring Myanmar. Dadaab now shelters some 230,000 people, the vast majority of them Somalis who fled across the border following the outbreak of civil war in 1991. Many have lived there ever since. In May 2016 the government unilaterally decided to close the camp, saying it was a terrorist training ground for Shabaab Islamist militants based in Somalia. Tens of thousands of refugees returned to Somalia under a repatriation package. However, many encountered drought, hunger and dire conditions in a country where five million lack enough food and where African and Somali forces are still fighting Al-Qaeda-aligned Shabaab militants. Amnesty International said it had documented government officials threatening refugees and telling them they had to leave, “raising serious questions about whether returns were voluntary”. Then in February 2017 Kenya’s High Court ruled the plan to close the camp was unconstitutional, violated Kenya’s international obligations and amounted to the persecution of refugees. The court also said the forced repatriation violated the 1951 United Nations Convention on refugees. Since sending troops into neighboring Somalia in 2011, Kenya has come under repeated attack from Al-Qaeda-linked Shabaab militants. The government has presented Dadaab as a security risk, saying Somali Islamists inside the camp planned the Shabaab attacks at Nairobi’s Westgate shopping mall in 2013 and the Garissa university attack in 2015, though it has not provided evidence. The latest effort to shut it comes shortly after the January 15 attack on the Dusit hotel and office complex in Nairobi that left 21 dead. At least 12 suspects were arrested in Dadaab in connection with the attack. Source: AFP
  10. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasha ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Bar___-Qubanaha-Wararka-Shabelle-26032019.mp3 View the full article
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada Villa Somaliya, waxaa maanta la dhaawacay Taliyahii Ciidamada Gaarka ah ee ilaaliya Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Taliyaha oo Magaciisa lagu sheegay Cabdifitaax Dabagaale, isla markaasna ahaa Taliyaha horinta Ciidaanka ilaalada gaarka ah ee Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu dhaawacay afaafka hore ee Madaxtooyada . Dhaawaca ayaa yimid kadib markii ay Taliyaha murmeen askari ka tirsan Ciidanka ilaalada gaarka ee Madaxweynaha Soomaaliya, kaasoo Taliyaha ku eedeeyey inuu lunsaday Mushaarkiisa. Sida la xaqiijiyey, murankaan ayaa yimid kadib markii askarigu taliyaha uu ku eedeeyay in uu lunsaday lacag uu lahaa askarigu, hayeeshee muranka oo sii dheeraaday ayaa sababay in la dhaawaco Taliyaha. Askarigii dhaawaca geysatay ayaa goobta isaga baxsaday, waxaana Taliyaha loo qaaday mid ka mid ah goobaha caafimaadka ee ku yaalla Magaalada Muqdisho, waxaana weli la xaqiijin karin xaaladda Caafimaad ee Taliyaha iyo sida uu yahay dhaawiciisa. Ciidanka gaar ah ee ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya ayaan wax mushaar ah qaadan labadii bil ee ugu dambeysay. Sidoo kale, shaqaalaha Madaxtooyada ayaan iyagana mushaar aan qaadan ku dhawaad 4 bil, waxayna arrintaan ka dhalan karta halis amni oo intan kasii badan Arrintaan Maanta ka dhacday Madaxtooyada ayaa kusoo aadeyso xilli ay gadoodsan yihiin Ciidamada Militari Soomaaliya oo isaga soo baxay fariisihimii ay ku lahaayeen qeybo kamid ah Shabeelada Dhexe markii ay sheegeyn inaysan mushaar helin 4 bil. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. Warbaahinta Puntland Post ayaa maalmo ka hor daabacday, warbixin muuqaal wadata oo haweeney lagu magacaabo, Xaawo Cabdullaahi Ciise ay kaga cabanaysay, xukun ay ridday maxkamadda darajada kowaad ee gobolka Nugaal. Xukunka ayaa ku saabsanaa kiis la xiriira lahaansho-dhul oo haweeneydan kala dhexeeya qof aysan markii magacaabin, waxayse sheegtay in dhul ay leedahay maxkamaddu u xukuntay qofkaasi , halka iyadana markay dacwootay xabsiga loo taxaabay sida ay hadalka u dhigtay. (Halkaan ka daawo) Haweeneydan ayaa eedayn kulul u jeedisay maxkamadda darajada kowaad ee gobolka Nugaal, waxaana ay ku eedaysay caddaalad-darro iyo in ay hantideedii qof kale u xukuntay, inkastoo aysan soo bandhigin wax caddayn ah oo muujinaya eedaymahaasi. Haddaba Faarax Maxille Jaamac oo galabta warbaahinta kula hadlay Garoowe, ayaa isna ka dacwooday haweeneydaasi oo uu sheegay, in ay ku haysato dhul uu leeyahay, waxaana uu soo bandhigay waraaqo caddaymo ah oo muujinaya lahaanshaha dhulkaasi. Faarax ayaa soo bandhigay dukumintiyo lahaansha-dhul oo muujinaya mulkiyaddiisa iyo waraaqo xilliya kala duwan ka soo baxay maamulka gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe, guddiga xallinta khilaafaadka dhulka ee Garoowe, maxkamadda darajada kowaad ee gobolka Nugaal, maxkamadda rafcaanka iyo maxkamadda sare ee Puntland, kuwaasoo dhammaantood isaga u saxiixay dhulka. Sidoo kale wuxuu tix-raacay qoraal uu sheegay, in haweeneyda lafteedu saxiixday, kaasoo ay ku caddaynayso in aysan mar dambe dhulkiisa ku qabsan doonin. Halkaan ka daawo PUNTLAND POST The post Faarax Maxille oo ka dacwoonaya haweeney dhul ku haysata appeared first on Puntland Post.
  13. Riyadh (Caasimadda Online) – Dowladda Sacuudiga ayaa qaadatay go’aankii ugu adkaa oo ay kaga hor imaaneyso Dowladda Mareykanka tan iyo markii uu Madaxweyne dalkaas ka noqday Donald Trump. Dowladda Sacuudiga ayaa go’aan xasaasi ah kasoo saartay tallaabada uu Donald Trump dhulka Golan Heights ugu aqoonsaday inay leedahay Israa’iil . Boqortooyada Sacuudiga ayaa go’aankaas ku tilmaamtay inuu yahay mid xad gudub ku ah xeerarka ay ku heshiiyeen Caalamka. Wakaaladda Wararka ee Dalka Sacuuciga ee loo yaqaan SPA ayaa soo daabacday war saxaafadeed kasoo baxay Maamulka Sacuudiga oo lagu yiri “Sacuudi Carabiya waxa muujineysaa diidmadeeda qayaxan iyo cambaareynta ku aadan go’aanka maamulka Trump uu dhulka Golan Heights ugu aqoonsaday dhul Israel”. Dowladda Sacuudiga ayaa dhulkaas ku sheegtay inuu yahay mid Carbeed oo ay leedahay Siiriya isla markaasna xoog lagu heysto marka la raaco go’aanadii arrintaan ku saabsaneyd ee horey loo gaaray. Boqortooyada ayaa si cad u sheegtay in go’aanka Trump uu yahay mid aan waxba soo kordhineyn isla markaasna uu dhulkaas waligiis ahaan doono mid Carbeed oo aan xoog lagu sii heysan doonin. Sacuudiga ayaa go’aankii Trump ku sheegtay inuu yahay mid khilaafsan heshiiskii Qaramada Midoobay iyo go’aanadii Caalamiga ahaa oo ay kamid tahay go’aankii Golaha Amaanka ee Nambarkiisu yahay 242 kaasoo soo baxay sanadkii 1967 iyo 497 ee soo baxay Sanadkii 1981. Dowladda Sacuudiga ayaa go’aankaas ku sheegtay inuu saameyn ku yeelan doono hanaanka nabadda Bariga Dhexe iyo xasiloonida gobolka. Ugu dambeyntii Sacuudiga ayaa dhinacyada dhan ugu baaqday inay ixtiraamaan Sharciga iyo go’aanadii ay dunida horey u gaartay. Adduunyada dhan ayaa ka war sugeysay go’aanka kasoo bixi doono Sacuudiga, maadaama sanadihii dambe looga bartay inay garab istaagto go’aanada uu soo saaro Madaxweynaha Mareykanka. Golaha Ammaanka QM iyo maamulladii hore ee Mareykanka ayaa mar walba u arkay Golan dhul la haysto, oo dib usoo celintiisa ay qeyb ka noqon lahayd wada-xaajood buuxa oo heshiis nabadeed ay ku gaaraan Israel iyo Syria. Israel ayaa dhulka Golan Heights ku qabsatay Dagaalkii 1967-kii ee Carabta iyo Israel, waxayna dhulkeeda ku darsatay 1981-kii. Caasimada Online Xafiiska Riyadh Caasimada@live.com
  14. Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa maalinta berri ah ku wajahan magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar sida ay warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyeen saraakiil ku sugan madaxtooyada Garoowe. Socdaalkan oo ah kii ugu horreeyay ee madaxweynuhu Garoowe uga baxo tan iyo markii la doortay ayaa soo dhoweyntiisa caawo laga dareemaya gudaha degmada Qardho iyadoo sawirkiisa iyo calanka Puntland laga taagay qarar kamid ah waddooyinka Qardho. Maadxweynaha oo u kuur-gelaya xaaladda gobolada Karkaar iyo Bari ayaa ku sii hakan doona degmooyin badan oo ka tirsan labadaasi gobol isagoo ugu dambeyn sida qorshuhu yahay tegi doona magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo) ayaa hore u sheegay in xukuumadda cusub laga mucaaradsanyahay magaalada Qardho inkastoo uusan cidna magacaabin. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo ku wajahan magaalo la sheegay in laga mucaaradsanyahay appeared first on Puntland Post.
  15. Muqdisho (PP) ─ Dowladda Federaalka Somalia, ayaa war kasoo saartay xiisadda ka taagan buuraha Golen ee dhawaan Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku dhawaaqay in Yahuudda ay leedahay, Soomaaliyana ay ka mid noqotay dalalkii ka aamusay kulankii lagu cambaareeyay Arrintan ee ka dhacay Magaalada Geneva ee dalka Switzerland. Qoraalka DF ayaa u qornaa sidan: Xukuumadda Federaalka Somalia waxay caddaynaysaa mowqifkeeda sugan oo ah in dhulka buuralayda Golan uu yahay dhul Suuriya ay leedahay oo Israa’iil ay xoog iyo sharci darro ku heysato iyadoo la raacayo dhammaan go’aannada sharciyeed ee caalamiga ah ee arrinkaasi laga soo saarray, waxa ayna si waafi ah u sheegaysaa laga maarmaanshaha in loo hoggaansamo labada go’aan ee Golaha Ammaanka ka soo baxay oo tirsigoodu kala yahay 242 oo soo baxay sanadkii 1967 iyo 497 oo soo baxay sanadkii 1981, oo ku gacanseyray go’aankii Israa’iil ee ku darsashada dhulka Golan ee la heysto, si la mid ahna la diiday in shuruucdeeda iyo maamulkeeda ay ka hirgeliso dhulkaasi buurralayda ah. Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay u aragtaa go’aan waliba oo loogu aqoonsanayo madaxbanaanida Israa’iil ee buurralayda Golan uu yahay go’aan laalan oo baadhil ah oo ku tumanaya Qaanuunka Caalamiga, oo uu ku jiro Cahdiga Qaramada Midoobey, xiisadana ku sii kordhinaya dhibaatada Bariga Dhexe, dhantaalayana geeddi-socodka nabadda, ammaanka iyo xasiloonida. Dowladda Somalia waxay ugu baaqaysaa Beesha Caalamka inay si mideysan ugu istaagto si loo xushmeeyo go’aannada sharciyada caalamiga ee diidaya in xoog lagu qabsado dhul. Ugu dambeyn, Dowladda Somalia ayaa waxaa looga bartay inay mowqif ka istaagto murannada soo dhex-gala dowladaha caalamka, taasoo sababtay in dalal badan oo caalamka ay ka caroodeen mowqifyada Dowladdu ay qaadato marka ay muranno soo if-baxaan. PUNTLAND POST The post Dowladda FS oo Caddeysay Mowqifkeeda ku Aaddan Lahaanshaha Golan Heights appeared first on Puntland Post.
  16. Muqdisho (PP) ─ Kulan lagu soo bandhigayay islamarkaana lagu faafinayay nuqulka carabiga ee dastuurka ku meel gaarka ah ee soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay xarunta wasaaradda dastuurka ee magaalada Muqdisho. Kulanka waxaa ka soo qayb galay safiiirka Jaamacadda carabta ee soomaaliya Xamuud binSamraan, Siihayaha wasiirka Dastuurka ahna wasiir ku xigeenka wasaaradda Arrimaha Dastuurka Dr Xuseen Cabdi Celmi, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Maxamed Abuukar Zubeyr , Shaqaalkah iyo Lataliyaasha wasaaradda iyo marti sharaf kale. Safiirka Jaamcadda Carabta ee Soomaaliya Xaamud Bin- Samraan oo kulanka kalmad ka jeediyay ayaa ugu horrayn usoo gudbiyaya wasaaradda salaam uu ka siday xoghaya jaamacadda carabta Ahmed Abu- Gayd, kadib waxa uu sharraxaad guud ka bixiyay muhiimadda dastuurku uleeyahay bulshada iyo sida ay muhiim u tahay in luuqadda carabiga loo tarjumo dastuurka KMG ee soomaaliya, isagoo xusay in carabigu yahay luuqad ay ku hadlaan wadamo badan oo carab ah, Soomaaliyana ay ka mid tahay wadamada Jaamacadda Carabta. Safiirka ayaa sidoo kale ballan qaaday in ay mar walba garab taaganyihiin walaalahooda soomaaliyeed. Dhanka kale, siihayaha wasiirka dastuurka ahna wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Mudane Xuseen Cabdi Celmi oo kulanka ka hadlay ayaa ugu horrayn uga mahadceliyay Jaamacadda Carabta garab istaagga iyo taagerada ay ku bixiyeen in dastuuka loo tarjumo luuqadda carabiga, maadaama dastuurka qodobkiisa shanaad uu sheegayo in luuqadda labaad ay tahay luuqadda carabiga. Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in luuqadda carabiga loo tarjumo dastuurka ay tahay mid muhiim ah maadaama soomaaliya ay ka mid tahay jaamacadda carabta islamarkaana ummadda soomaaliyeed ay tahay 100% dad muslim ah, sidoo kale waxa uu xusay in ay jiraan wadamo badan oo carab ah iyo dad soomaaliyeed oo ku hadla afka carabiga ay muhiimad siinayso si ay u fahmaan dastuurka. “Waa markii ugu horraysay ee dastuurka soomaaliyeed loo tarjumo luuqadda carabiga , laga soo bilaabo dastuurkii lixdankii” ayuu yiri Wasiir Xuseen Celmi. “Marka dib-u-eegista dhammaato ayaan la bedelaynaa wixii wax ka bedel lagu sameeyo, lkn haddda tarjumaadda waxaa lagu sam,eeyay dastuurka qabyada ah, balse markii dib-u-eegista la dhameeyo way noo sahlanaanaysaa in aan u bedelno carabi qodobada dib loo eegay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiir ku xigeenka dastuurka ahna sii hayaha wasiirka Dr. Xuseen Cabdi Celmi. Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa sheegay in tarjmaada ay sameeyeen khuburo Soomaaliyeed, wuxuuna cadeeyay in dib-u-eegista dastuurka ay marayso meel gabagabo ah islamarkaana dhowaan la bilaabi doono ololaha latashiga iyo wacyigalinta dadwaynaha ee Cutubyada Dastuurka ee dib-u-eegista lagu sameeyay. PUNTLAND POST The post Wasaaradda Dastuurka DF oo soo Ban-digtay Dastuurka oo ku Qoran Carabi appeared first on Puntland Post.
  17. Roobabkii gu’ga ayaa galabta ka curtay, degaanno hoosyimaada gobolada Sool, Cayn iyo Nugaal oo dhammaantood ka tirsan dhulka dowladda Puntland. Gobolka Cayn: degaannada uu roobku maasheeyay(buuxiyay) waxaa kamid ah; magaalada Buuhoodle iyo tuulooyin hoosyimada oo ay ku jiraan Dhilaalo iyo Qurac-dhallaan halkaasoo ay dadka deggan soo sheegayaan in hogol mahiiggaan ah xareedda wartay. Gobolka Sool: Xoola-dhaqato ku sugan nawaaxiga tuulada Qoriley, ayaa warbaahinta Puntland Post u sheegay in roob teel-teel ah uu ka da’ay toolooyinka Qoriley iyo Kalabaydh, balse dhulka miyiga ah ee u dhexeeya meelaha qaar aysan roobsan. Gobolka Nugaal: Ilaa iyo hadda waxa la soo sheegay in roob aan sidaas u badneyni oo ka da’ay tuulada Jalam iyo dhulka miyiga ah ee u ogog leh(ku dhow), sida balliyada Gowracane iyo Sangurmo oo daruur yar ku hoortay. Wixii ka soo kordha roobabka kala soco Puntland Post The post Roobabkii gu’ga oo ka curtay degaanno ka tirsan Puntland appeared first on Puntland Post.
  18. Dhuusa- Mareeb (Caasimadda Online) – Cabdi Maxamed Sabriye, wasiirka arrimaha gudaha ee Dowlada Federaalka ah ay ayaa maanta barqadii gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Gal-Mudug, halkaas oo ay si weyn ugu soo dhoweeyeen madaxda maamulka Gal-Mudug, odayaasha dhaqanka ,culimada iyo ururada haweenka ee Gal-Mudug. Safarka wasiir Sabriye oo ay ku wehlinayeen xubno wasaaradiisa ka tirsan ayaa ujeedkiisu yahay in la xaliyo tabashada madaxda Gal-Mudug, in la dhameeyo khilaafaadka jira iyo in go’aan la gaaro qabsoomida doorashada maamulka Gal-Mudug ee bartamaha sanadkaan. Wasiirka ayaa markii uu Dhuusamareeb tagay durba bilaabay kulamo, waxaana uu ka bilaabay golaha wasiirada ee maamulka Gal-Mudug, kuwaas oo uu ka dhageystay waxyaabaha ay ka tabanayaan Dowladda dhexe, arrimo la xiriira shaqada maamulka iyo arrimaha horyaala oo ay doorashadu ugu horeyso. Sabriye ayaa kadib kulan wadajir ah iyo mid gaar ah la qaatay madaxweynaha Gal-Mudug Axmed Ducaale Xaaf iyo madaxda xukuumada Sheekh Maxamed Shaakir kuwaas oo diirada lagu saaray sida loo xalin karo muranka Gal-Mudug iyo Dowlada dhexe, iyo sidii doorashada Gal-Mudug loogu qaban lahaa xiligeeda. Wasiirka ayaa lagu soo waramaya inuu kulankii ugu saacadaha dheeraa galabta la qaatay hogaamiyaha Ahlu Sunna Macalin Maxamuud, kaas oo loo arko nin awood badan kuleh maamulka deegaanka, sidoo kale caawa ayaa la filaya inuu Sabriye la kulmo Sheekh Al Ashcari oo isna ka mid ah hogaanka Ahlu Sunna. Sida aan xogta ku helnay, madaxda Gal-Mudug iyo dhamaan xubnihii uu la kulmay wasiirka arrimaha gudaha ayaa aqbalay in wax walba wada hadal lagu xaliyo, in loo tanaasulo danta Gal-Mudug iyo in la xoojiyo dooda doorashada. Sidoo kale wasiir Sabriye ayaa madaxda Gal-Mudug iyo xubnihii uu la kulmay la wadaagay in Dowlad Federaalka ah ay usoo jeesatay xalinta tabashada Gal-Mudug si maamulku u shaqeeyo. Waxaa la filaya in ugu dambeyn labada dhinac ay soo saaraan faahfaahin ku saabsan kulamadii ay yeesheen iyo wixii la isku afgartay. Booqashada wasiirka arrimaha gudaha ayaa la filaya iney labo cisho qaadato. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. Somaliland: Muddo Kordhis Cidna Dan Uma Aha Waxaa Hargaysa ku kulmiyey madaxda seddex xisbi ee dalka Somaliland. Madaxdaas oo uu ugu sarreeye, Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, waxay ka wada xaajoodeen sababaha carqalad ku noqday qabitaanka doorashooyinka golayaasha barlaamanka iyo dawladdaha hoose. Wax natiijo ahi kama soo bixin shirkan, inkastoo la sheegayo in haddana markale la balamay Axadda soo socata, haddii Eebe raali ka noqdo. Si kastaba ha noqotee, muddo kordhis dambe cidna dan uma aha. Somaliland dan uma aha, axsaabteena dibedda dan uma aha, mustaqbalka dadka dan uma aha, habka dimuqraadiga ee Somaliland dan uma aha. Cid alaale cid ay dan u tahay ma jirto, oo aan ahayn cadowga Somaliland. Haddaba waxaa loo baahanyahay hoggaamin. Waa loo baahanyahay ragganimmo, adkaysi, ixtiraam, iyo isu dulqaadasho. Dalku waa dalkeenii, dadkuna waa dadkeena, waa in sidan loo dhaamo. Guddiga Doorashooyinka waxay leeyihiin wax nala shaqeeyo ma hayno. Waa hadal diciif ah. Haddii aad awoodi kari waydey in golayaashu, xukuumaddu, iyo xisbiyadubba kula shaqeeyaan, dee arrintu dhinac kaliya kama kharibna. Guddiga naftirkiisa ayaa khariban. Markaas oo kale, si sharaf leh, baa la isu casilaa. Ceeb ma aha. Guddiga kalsoonidii waa lagala noqday, wax la shaqeeyo ma hayaan, maxay kolba meel isugu qaadayaan. Sharafta iyo karaamadda ha ku seegina meesha, iska socda. Golaha Guurtiddu ma aha golahii aynu naqaanay. Raggii ragga ahaa berri hore ayey xaggii loo badnaa tegeen, Alla Ha U Naxariisto, dhamaantood. Saleeban Maxamuud Aadan, “Saleeban Gaal”, oo halaag ah, oo weligii halaag ahaa, oo aan lagu aqoon talo wanaag, talo wadaag, ayaa maanta meesha fadhiya iyo dad aynaan garanayn waxay meesha ka qabtaan. Waa arrin u baahan in si wanaagsan looga shaqeeyo. Golaha Barlamaanka, warkiisa iska daa. Sagaal sannadood ka hor buu dhamaaday wakhtigiisii, welina way soo yururaan. Xisbiyadda ay ka tirsan yihiin lama yaqaan. Kuwee Kulmiye ah?, yaa UCID ah?, yaa UDUB ahaa?, yaa Waddani ah?, yaa soo xaadira?, yaa soo shaqo taga? Maxay qabtaan? Meeyey sharcigii doorashooyinku? yaa iskaga maqan?, yaa iska yimaada oo meesha iska soo fadhiista? Waxaad modaa, in meesha loo sheeko tago oo mashuhar lagu qaato! Somaliland sidan way dhaantaa, wayna dhaami jirtay. Waan odhan lahaa, aynu iska deyno fartan la isku fiiqayo. Cidna dan uma aha. Arrimahani waxay u baahanyaan fikrado cusub, aragti cusub, karti cusub, talo cusub, dad cusub. Intii la soo wadi karay la soo wad, maanta waxaa loo baahanyahay tamar cusub oo wakhtigan la joogo, la jaan qaadi karta. Somaliland wuxuu Eebbe ku barakeeyey ummad karti, xirfad iyo dadaal leh. Maanta intooda badani dibedda ayey ka fadhiyaan arrimahan, oo waxaa meeshii ka buuxa asxaab wakhtigoodi socday, tallodooduna noqotay baarixi. Haddii aad garanweyday inaad iska sii socotid, dee, waa lagu garansiin. 1. Muddo kordhis dambe yeelli mayno. 2. Guddigan doorashooyinku ha iska socdo. 3. Golayaal Guurti iyo Barlamaan oo cusub oo falanqeeya dastuurka waa in la keeno. 4. Xisbiggii diida in ay doorashooyinka ka qayb qaataan, dibedda ha iska joogaan, Somaliland cidna geed looguma xidhayo. 5. Wixii tamarteena ah in aynu isticmaali sidii doorashooyinka loo qaban lahaa. Dadku waa diyaar. 6. Intaa haddii la waayo, wixii ka dambeeya, cidna dan uma aha. Wa Bilaahi Towfiiq Axmed Kheyre Qaran News
  20. Muqdisho (SMN) – Kulan lagu soo bandhigayay islamarkaana lagu faafinayay nuqulka carabiga ee dastuurka ku meel gaarka ah ee soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay xarunta wasaaradda dastuurka ee magaalada Muqdisho. Kulanka waxaa ka soo qayb galay safiiirka Jaamacadda carabta ee soomaaliya Xamuud bin Samraan, Siihayaha wasiirka Dastuurka ahna wasiir ku xigeenka wasaaradda Arrimaha Dastuurka Dr Xuseen Cabdi Celmi, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Maxamed Abuukar Zubeyr , Shaqaalahaiyo La-taliyeyaasha wasaaradda iyo marti sharaf kale. Safiirka Jaamcadda Carabta ee Soomaaliya Xaamud Bin- Samraan oo kulanka kalmad ka jeediyay ayaa ugu horrayn usoo gudbiyey wasaaradda salaan uu ka siday xoghayaha jaamacadda carabta Ahmed Abu- Gayd, kadib waxa uu sharraxaad guud ka bixiyay muhiimadda dastuurku uleeyahay bulshada iyo sida ay muhiim u tahay in luuqadda carabiga loo tarjumo dastuurka KMG ee soomaaliya, isagoo xusay in carabigu yahay luuqad ay ku hadlaan wadamo badan oo carab ah, Soomaaliyana ay ka mid tahay wadamada Jaamacadda Carabta, Safiirka ayaa sidoo kale ballan qaaday in ay mar walba garab taagan yihiin walaalahooda Soomaaliyeed. Dhanka kale, siihayaha wasiirka dastuurka ahna wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Mudane Xuseen Cabdi Celmi oo kulanka ka hadlay ayaa ugu horrayn uga mahad celiyay Jaamacadda Carabta garab istaagga iyo taagerada ay ku bixiyeen in dastuuka loo tarjumo luuqadda carabiga, maadaama dastuurka qodobkiisa shanaad uu sheegayo in luuqadda labaad ay tahay luuqadda carabiga. Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in luuqadda carabiga loo tarjumo dastuurka ay tahay mid muhiim ah maadaama soomaaliya ay ka mid tahay jaamacadda carabta islamarkaana ummadda soomaaliyeed ay tahay 100% dad muslim ah, sidoo kale waxa uu xusay in ay jiraan wadamo badan oo carab ah iyo dad soomaaliyeed oo ku hadla afka carabiga ay muhiimad siinayso si ay u fahmaan dastuurka. “Waa markii ugu horraysay ee dastuurka Soomaaliyeed loo tarjumo luuqadda carabiga , laga soo bilaabo dastuurkii lixdankii” ayuu yiri Wasiir Xuseen Celmi. “Marka dib-u-eegista dhammaato ayaan la bedelaynaa wixii wax ka bedel lagu sameeyo, laakiin haddda tarjumaadda waxaa lagu sameeyay dastuurka qabyada ah, balse markii dib-u-eegista la dhameeyo way noo sahlanaanaysaa in aan u bedelno carabi qodobada dib loo eegay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiir ku xigeenka dastuurka ahna sii hayaha wasiirka Dr, Xuseen Cabdi Celmi. Gabagabadii, Wasiirka ayaa sheegay in tarjmaada ay sameeyeen khuburo Soomaaliyeed, wuxuuna cadeeyay in dib-u-eegista dastuurka ay marayso meel gabagabo ah islamarkaana dhowaan la bilaabi doono ololaha latashiga iyo wacyigalinta dadwaynaha ee Cutubyada Dastuurka ee dib-u-eegista lagu sameeyay. View the full article
  21. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Habeen-26032019.mp3 View the full article
  22. (SLT-Jabuuti)-Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geele ayaa ka codsaday madaxweynaha Faransiiska oo dhawaan booqasho ku yimid gobalka Geeska Afrika inuu Raysalwasaaraha Itoobiya Abiye Axmed u soo jeediyo inuu dhexdhexaadiyo Djibouti iyo Ereteriya oo uu khilaaf xuduudeed u dhexeeyo. Barta wararka ee Eritrean press, ayaa shalay baahisay xog ay soo xigatay oo ah in Madaxweyne Geele uu Madaxweyne Emmanuel Macron uu weydiistay inuu galo hawshaas dhexdhexaadinta Ereteriya iyo Djibouti, islamarkaana ciidamada badda ee uu Faransiisku ka caawinayo dhismahooda Itoobiya; saldhig looga dhigo Djibouti, oo aan Ereteriya laga dhigin, “Djibouti ayaa weydiisatay Madaxweynaha Faransiiska inuu Rayslwasaaraha Itoobiya u bandhigo inuu dhexdhexaadiyo Djibouti iyo Ereteriya.” Ayay tidhi warbixintu,waxaanay intaas raaciyay, “Iyo in ciidanka badda ee Itoobiya ee mustaqbalka ee uu Faransiisku ka cawinayo horumarkiisa saldhig looga dhigo Djibouti, oo aan laga dhigin saldhiga Ereteriya.” Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geele iyo Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, ayaa dhawaan dalka Djibouti ku yeeshay kulan, sidoo kalena Madaxweynaha Faransiiska ayaa kulan kale la yeeshay Raysalwasaaraha Itoobiya iyagoo kala saxeexday heshiisyo uu ka mid yahay in Faransiisku ka caawiyo Itoobiya dhismaha iyo horumarinta ciidanka badda Itoobiya, iyadoo aanay Itoobiya lahayn wax bad ah. Source
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Debadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay war saxaafadeed ay kaga hadleyso tallaabada uu Donald Trump dhulka Golan Heights ugu aqoonsaday inay leedahay Israa’iil . War saxaafadeedka kasoo baxay Wasaaradda oo ku qornaa Afka Carabiga ayaa lagu sheegay inay dowladda Soomaaliya ku taagan tahay go’aankeedii ahaa in dhulka Golan Heights uu yahay mid ay leedahay Siiriya isla markaasna ay Israa’iil ku qaadatay si aan sharci aheyn. Dowladda Soomaaliya ayaa ku adkesatay inay lagama- maarmaan tahay in loo hoggaansamo go’aankii Golaha Amaanka ee Nambarkiisu ahaa 242 kaasoo soo baxay sanadkii 1967 iyo 497 ee soo baxay Sanadkii 1981 laguna diiday inuu dhulkaas noqdo dhul ay Israa’iil leedahay. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay u aqoonsan doonto go’aan kasta oo Israa’iil lagu siinayo dhulkaas inuu yahay mid Sharci darro ah iyadoo loo hoggaansamayo heshiiskii Qaramada Midoobay. Wasaaradda Arrimaha Debadda Soomaaliya ayaa sheegtay in go’aanka dhulkaas loogu aqoonsanayo mid ay Israa’iil leedahay uu keeni doono xasilooni darro ka dhalatao Bariga Dhexe iyo dhammaan Gobolka. Dowladda Soomaaliya ayaa ugu dambeyntii Beesha Caalamka ugu baaqday in loo midoobo sidii loo ilaalin lahaa go’aanadii sharciga ahaa ee diidayo in si xoog ah lagu qabsado dhul ay dowlad leedahay. Haddaba halkaan hoose ka akhriso qoraalka kasoo baxay Wasaaradda oo Af Soomaali ah War saxaafadeed (faafin degdeg ah) Muqdisho, Soomaaliya 26 Maarso , 2019 Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay caddaynaysaa mowqifkeeda sugan oo ah in dhulka buuralayda Golan uu yahay dhul Suuriya ay leedahay oo Israa’iil ay xoog iyo sharci darro ku heysato iyadoo la raacayo dhammaan go’aannada sharciyeed ee caalamiga ah ee arrinkaasi laga soo saarray, waxa ayna si waafi ah u sheegaysaa laga maarmaanshaha in loo hoggaansamo labada go’aan ee Golaha Ammaanka ka soo baxay oo tirsigoodu kala yahay 242 oo soo baxay sanadkii 1967 iyo 497 oo soo baxay sanadkii 1981, oo ku gacanseyray go’aankii Israa’iil ee ku darsashada dhulka Golan ee la heysto, si la mid ahna diiday in shuruucdeeda iyo maamulkeeda ay ka hirgeliso dhulkaasi buurralayda ah. Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay u aragtaa go’aan waliba oo loogu aqoonsanayo madaxbanaanida Israa’iil ee buurralayda Golan uu yahay go’aan laalan oo baadhil ah oo ku tumanaya Qaanuunka Caalamiga, oo uu ku jiro Cahdiga Qaramada Midoobey, xiisadana ku sii kordhinaya dhibaatada Bariga Dhexe, dhantaalayana geeddi-socodka nabadda, ammaanka iyo xasiloonida. Soomaaliya waxa ay ugu baaqaysaa Beesha Caalamka inay si mideysan ugu istaagto si loo xushmeeyo go’aannada sharciyada caalamiga ee diidaya in xoog lagu qabsado dhul. Haddaba halkaan hoose ka akhriso qoraalka kasoo baxay Wasaaradda oo Af Carabi ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com