Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,174
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN) – Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaareysay qaraxii ka dhacay wadada Maka Al Mukarama ee Muqdisho. Madaxda Qaranka ayaa tacsi u diray ehelada dadkii ku dhintay dhacdaasi oo lagu beegsaday makhaayado ka cunteynayay. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Aadan Isaaq Cali ayaa sheegay in dowladdu dadaal ugu jirto sugidda amniga. Mr Cali ayaa bulshadda ku boorriyay in ay u midoobaan la dagaallanka yeeray argagixisada maalin kasta daadinaya dhiigga shacabka, sida uu hadalka u dhigay. Inta la xaqiijiyay 15 ruux ayaa ku dhimatay, xili ay ku dhaawacmeen tiro kale oo ka badan 20 qof weerarkaasi oo ay sheegatay Al-Shabaab. View the full article
  2. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Habeen-28032019.mp3 View the full article
  3. Muqdisho (Caasimadda Online) – Al-Shabaab ayaa war kasoo saartay qarax xooggan oo maanta duhurkii ka dhacay goob Maqaayad ah oo ay dad shacab ah ka cunteenayeen oo ku taal wadada Makka Al Mukarrama ee magaalada Muqdisho. Warka kasoo baxay Al-Shabaab ayey ku sheegtay in qarax xooggan ay ku beegsatay goob isku imaatin ah oo ay ku sugnaayeen saraakiil iyo howlwadeenno ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, sida ay hadalka u dhigtay. “Al-Shabaab ayaa qarax ku beegsaday goob isku imaatin ah oo ay ku sugnaayeen saraakiil iyo howlwadeenno ka tirsan dowladda, ugu yaraan 10 ka tirsan ayaana goobta ku dhintay” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab. Al -Shabaab waxay sheegtay in goobta weerarku ka dhacay ay ku sugnaayeen agaasimayaal wasaaradeed, xildhibaanno hore, saraakiil ka tirsan sirdoonka iyo shaqaalaha wasaadaradaha dowladda, kuwaas oo dhammaantood bartilmaameed ahaa, sida ay sheegatay Al-Shabaab. Marka laga soo tago sheegashada Al-Shabaab, dadka qaraxaas ku dhintay ayaa ahaa dhammaantood dad shacab ah oo maqaayadda raashin ka cunayey iyo kuwa kale oo isticmaalayey jidka. Ma jirto ilaa hadda inta la xaqiijiyey wax mas’uul ka tirsan dowladda oo ay waxyeelo kasoo gaartay qaraxii Makka Al-Mukarama ka dhacay. Inta la xaqiijiyey 11 qof ayaa ku dhimatay halka 16 kale ay ku dhaawacmeen qaraxaas oo ahaa mid xooggan oo laga maqlay guud ahaan Magaalada Muqdisho. Dowladda Soomaaliya ayaa sida dhowaanahan lagu bartayba, aan wax war ah kasoo saarin qaraxa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  4. (SLT-Hargeysa)-Somaliland Oo Si Jees-Jees Ah Uga Jawaabtay Hadal Ka Soo Yeedhay Madaxweynaha Soomaaliya, Halkan hoose ka DAAWO Source
  5. (SLT-Hargeysa)-Agaasimaha Madaxtooyada Gobolka Hawd Oo Xilkii La Wareegay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  6. (SLT-Belgium)-Xoghayaha arrimaha Dibadda ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Marwo Faadumo Siciid Ibraahim oo socdaalo diplomasiyadeed ku gala bixineysa Magaalo madaxdda Midowga Europe ee dalka Belgium caasimadda Brusels. Socdaalkan ayaa Waxu u daran yahey xoojinta iyo dardar-galinta arrimaha dimuqradiyadda iyo doorashoyinka mustaqbalka iyo Sidii dowlaha Somaliland tageera ey u xoojin lahayeen. Si kastaba ha ahaate Marwo Faadumo Siciid Ibraahim ayaa casumaad ka heshey Baarlamanka Europe Iyadoo heysa xilka xooghaya Arrimaha dibadda ee xisbiga WADDANI. Casumaad ay ka heshey baarlamanka midowga Europe ayey maanta ku tagtey Safar-qaatey sacado kooban, Waxeyna aad uga wadda hadleen qadiyadda Somaliland iyo geedi-SOCODKA dowladd wanaaga iyo dimuqradiyadda sidii loo xoojin lahaa, Safarkan baa waxu ku soo dhamaadey guul. Source
  7. At least 15 people have killed in a car bomb explosion near a hotel and restaurants in Somalia’s capital, Mogadishu, according to rescue services. The blast on Thursday afternoon in the busy Maka Al-Mukarama road sent a huge cloud of smoke into the sky, causing destruction in nearby buildings and parked cars. “So far 15 people died including five women. Seventeen others were injured in the blast,” Abdikadir Abdirahman, the director of Amin Ambulance service, told the Reuters news agency. A witness at the scene said she had seen 18 bodies. “As a mother, it is shocking for me and I request those behind the explosions to stop. We are crying every day over dead bodies, and it is very hard for us to talk about,” the resident, who did not wish to be named, told Reuters. There was no immediate claim of responsibility. Mogadishu is regularly targeted by al-Shabab, an al-Qaeda-affiliated group that has has been fighting to topple the country’s government. In 2011, al-Shabab fighters fled fixed positions they once held in Mogadishu, and have since lost many of their strongholds. But they retain control of large rural swaths of the country, and continue to wage a guerrilla war against the authorities. On Saturday, 15 people were killed in two explosions and a gun battle between al-Shabab fighters and security personnel in central Mogadishu. SOURCE: NEWS AGENCIES
  8. (SLT-Muqdisho)-Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa waxa ka hadlay qarax maanta ka dhacay magaalada Muqdisho oo dad badan ku dhinteen, waxaanu dawladda Farmaajo ku dhaliilay qaraxyadda ku soo badan maalmihii u dambeeyay. Qoraal uu arrintan kaga hadlay Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa u dhigan sidan:- Allaha u naxariisto dhowr iyo tobankii qof ee qaraxii maanta lagu dilay, inta dhaawaca ahna Allaha caafiyo. Laga soo bilaabo Sabtigii inna dhaafay ilaa iyo maanta 13 Qarax ayaa dhacay. Qaraxyadu iyo weerarada kama dhacaan Jidka Warshadaha, Sodonka iyo Wadnaha. Waxay ka dhacaan xarumaha dawlada iyo wadada Makka Al Mukaramah oo ay dawladu gacanta ku hayso, iyadoo ay meel waliba xiran tahay. Shabaab in ay cadow yihiin la iskuma hayo, mana laha hawl aan ahayn gumaadka shacabka iyo burburinta hantidiisa. Su’aashuse waxay tahay hadii la yiraahdo halala diriro, yaa dagaalka hogaaminaya, hadii la yiraahdo dagaalkooda ha loo midoobo, yaa dadka midaynaya. Hadii la yiraahdo dadka ha is difaacaan, deegaanadii iskood isku xilqaamay ayaa garab ka waayey dawlada oo dadkii ay halkaa ku laayeen. Hadii Hay’adii Nabadsugida aysan bilo badan taliye lahayn, ninka xilka ku magacaabana uusan khibrad u lahayn hawlaha amniga ee nin jeclaysi loogu dhiibay, uuna loolan iyo xasarad kicin siyaasadeed ku hawlan yahay. Hadii taliyahii Booliska uu magac yahay lagana awood badnaysiiyey nin dhalinyaro ah oo la sheegay in uu taliye ka yahay booliska Gobolka Banadir, kaasoo weligiis Boolis noqon, kuna hawlan dil qorshaysan iyo duulaan siyaasi. Mushaar la’aan iyo ku takrifal awoodeed darteed, hadii moraalka ciidanka iyo saraakiisha hay’adaha nabadgelyada uu aad u hoseeyo. Hadii shacabkii aysan kalsooni ku qabin soo gudbinta xogta la xariirta argagexisada, iyagoo ka baqaya in la ogaado, lagana aarguto, maadaama ay argagaxesidu dad ku dhex leedahay ciidanka. Hadii uu lumay xiriirkii wada shaqayn ee hay’adaha amniga dalkeena iyo kuwii ajnabiga ahaa ee gacanta siin jiray, ka dib markii shaki iyo xiriir xumi wada shaqayn ah timid. Su’aasha waxay tahay maxay is dooroyaan argagexisada iyo kuwa shacabka u hoosaasinaya. Waxaan ugu baaqayaa Madaxweynaha in uu masuuliyadiisa qaato, xaqiiqada iyo waaqaca horyaala uu run iyo go’aan geesinimo leh ku wajaho. Is moogaysiis, dafiraada, kooxaysi iyo nin jeclaysiga meel iska dhigo. Hadii kale intii aad cadawga u hoosaasin lahayd, ummada xilka iyo amaanada u soo celi. Source
  9. Muqdisho (SMN) – Fahfaahino dheeraad ah ayaa waxay ay kasoo baxayaan qarax khasaaro geystay oo maanta ka dhacay Muqdisho. Qaraxa oo ka dhacay inta u dhaxeysay jidadka Sayidka iyo isgoyska Dabka ayaa sababay dhimashada 15 ruux iyo dhaawac tiro kale. Ma jirto koox illaa iyo haatan sheegatay mas’uuliyadda weerarkaan, oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa lagu soo rakibay. Tadaaladii ayay ahayd markii qarax gaari oo ka dhacay isgoyska KM 4 ay ku dhintay hal qof, labo kalena ay ku dhaawacmeen. View the full article
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Qaraxyada ka dhacaya magaalada Muqdisho ayaa tododbaadyadii ugu dambeeyey noqday maalinle, hase yeeshee haddii aad sugeysay in dowladda qorshe ay ku maqan tahay, taas ma muuqato. Waxyar kadib qaraxii maanta ka dhacay waddada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, ayaa xiriir aan la sameynay sarkaal sare oo ka tirsan madaxtooyada Soomaaliya, waxaan wax ugu weydiinay, sida wax u socdaan iyo qorshaha dowladda. Sarkaalkan oo sababo amni dartiis codsaday inaan magacaabin ayaa noogu jawaabay “waxba lagama qaban karo.” Sida sarkaalkan noo sheegay, ma jiro wax dhaq-dhaqaaq ah oo ay wadaan saraakiisha dowladda, ma jiro xiriiro socda, ama xitaa cid isku dayeysa inay ogaato sababta qaraxyada u kordheen iyo waxa laga qaban karo. “Dowladdu ma dhaheyso waxba qaban meyno, laakiin waxaa muuqata in arrintan ay faraheeda ka baxday, oo ay quusatay” ayuu yiri sarkaalka. Ka hor xukuumadda Nabad iyo Nolol, dowladihii dalka soo maray ayaa marka xaalado culus ay dhacaan, sameyn jiray isbeddelo amni, oo ay qeyb ka yihiin wasiiro ama taliyayaal xilka laga qaado, hase yeeshee dowladda hadda jirta ayaa istaraatiijiyaddeeda ugu weyn ay u muuqataa inay ka aamusto amni-darrada. Qaraxyadii ugu dambeeyey ayaa imanaya ayaga oo inta badan horey loo sii ogaa inay dhacayaan oo ay jiraan digniino laga bixiyey, hase yeeshee waxaan muuqan awood lagu hor-istaagi karo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Warbixntani hoos ku xusan waxa baahisay mid ka mid ah warbaahinta ka soo baxda ama hago magaalada Muqidisho ee Somaliya, waxana ay warbixintani biidhiiminaysaa in qaramada midoobay ay hada waxii ka danbeeya si toos ah ula macaamili doonto Somaliland iyada oo ay warbixintaasi xushay in ay arintani dabada ka riixayaan dawlado dunida awood ku leh Qaramada Midoobey ayaa qorsheyneysa in deeqaha loogu talo-galay Somaliland toos u siiso Hargeysa, iyadoo la beddelayo dhaqankii hore ee ahaa in deeqaha Somaliland la marsiiyo waxa loo yaqaanay “Qoondada Gaarka” ama “Special Arrangement” ee lagu go’aamiyey shirkii London ee 2013kii, kaasoo qeyb ka ahaa taageerada caalamka ee Soomaaliya. “Special Arrangement” wuxuu dhigayey in deeqaha horumarinta guud ee loogu talo-galay Soomaalida, qeybta ay Somaliland ku leedahay lagu siiyo hab ka geddisan maamullada kale ee dalka, oo iyagu loo aqoonsan yahay inay hoos tagaan Federaalka balse Somaliland aysan ka mid ahayn. 9-kii June 2018, ayaa Wasiirka Qorsheynta Federaalka Jamaal Xasan wuxuu warqad uu u qoray wadamada deeqaha bixiya ku sheegay in Dowladda Federaalka aysan cusbooneysiin doonin heshiiska Qoondada Gaarka ee Somaliland oo dhacay 2016, taasi beddelkeedana Dowladda Federaalka ay masuul ka tahay qeybinta deeqaha caalamiga ee Soomaaliya loogu talo-galay, isla markaana ay u aragto heshiiska Qoondada Gaarka mid naasnuujinaya maamul gaar ah (Somaliland). Arrintan waxaa dood ka keenay Somaliland, oo ku dooday inaaney ku kalsooneyn Soomaaliya. Waxaana muddooyinkanba socday dood arrimahaasi ku saabsan, sida inay saameyn karto dedaallada naf badbaadinta sida gargaarka musiibooyinka (abaaraha) ee looga baahi qabo Somaliland. Wararka hadda soo baxaya ayaa sheegaya in USD150 milyan oo loo qoondeeyay Somaliland lagu hagaajin doono sanduuq loo bixiyay ‘Sanduuqa Taageerada Somaliland’ oo Qaramada Midoobey soo jeedisay in la abuuro. Waxaa sidoo kale jira in Somaliland iyo Qaramada Midoobey wada diyaariyeen dukuminti la yiraahdo “Qoondada Gaarka Qaramada Midoobey ee Somaliland” oo lagu beddelayo heshiiskii 2013 ee ay Dowladda Soomaaliya hadda diidan tahay. Dabcan waxaa jira warar tilmaamaya in Dowladda Ingiriiska ay aad ugu ol’oleysay arrintan iyadoo laga eegay dhanka bani’aadanimmada. Caasimada Qaran News
  12. Xoghayaha arimaha Dibadda ee xisbiga Waddani Marwo Fatima Siciid Ibrahim oo socdaalo diplomasiyadeed ku gala bixineysa Magaalo madaxdda Midowga Europe ee dalka Belgium caasimadda Brusels. Socdaalkan baa Waxu u daran yahey xoojinta iyo dardar-galinta arimaha dimuqradiyadda iyo doorashoyinka mustaqbalka. Sidii dowlaha Somaliland tageera ey u xoojin lahayeen. In waxii dorashoyinkii hore khaldamey aaney mar labaad khaldamin. Si kastaba ha ahaate Marwo Fatima ayaa casumaad ka heshey Baarlamanka Europe madaama ey tahey GABADH Ugu derejadda sareysa Haweenka Somaliland. Iyadoo heysa xilka xooghaya Arimaha dibadda ee xisbiga Waddani oo dhigma wasiirka arimaha dibadda. Sidaas daradeed dowladdaha Midowga Europe ayaa u arka iney Mrs Fatima tahey qof ku haboon xilkaas aqoonteedda leh. Iyadoo Markii horena aheydd xooghaya arimaha haweenka iyo xaquuqal insaanka. Sidaas darteed casumaad ey ka heshey baarlamanka midowga Europe ayey maanta ku tagtey Safar-qaatey sacado KOOBAN. Waxeyna aad uga wadda hadleen qadiyadda Somaliland iyo geedi-SOCODKA dowladd wanaaga iyo dimuqradiyadda sidii loo xoojin lahaa. Safarkan baa waxu ku soo dhamaadey guul. Ergeyga gaarka ee xisbiga waddani u qaabilsan wadamadda midowga Europe iyo Hay’addaha qaramadda midoobey. Qaran News
  13. (SLT-Hargeysa)- Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale jawaab ka bixiyay hadal ka soo yeedhay Madaxweynaha Sooomaaliya, Halkan hoose ka DAAWO Source
  14. Magaacbis Maareeye-xigeenka Kaydka Haamaha Shidaalka Berbera Wareegto Madaxweyne Magacaabid Markaan Sameeyey: ​La-tashi; Waxaan Go’aansaday; In Mudane, Carfaan Xaamud Cabdoo, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeye Ku Xigeenka Haamaha Kaydka Shidaalka Jamhuuriyadda Somaliland. Allaa Mahad Leh Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland. Qaran News
  15. Dhuusa- Mareeb (Caasimadda Online) – Maamulka Galmudug ayaa si rasmi ah uga hadlay waxyaabihii looga wada hadlay kulamadii dhawaan ka dhacay Magaalada Dhuusa Mareeb ee Caasimadda Galmudug kadib socdaalkii Wasiirka Arrimaha Gudaha, Di u heshiisiinta iyo Federaalka Sabriye. “Galmudug waxay muujisay in miiska wada-Hadalka la isugu imaan karo hadii Dowlada Fadraalku ay tixgaliso Dastuurka Galmudug islamarkaana ay gacmaha ka laabato faragalinta qaawan oo ay ku heyso jiritaanka Hay’adaha dastuuriga ah ee Dowlad Goboleedka Galmudug sida; muddo xileedka Madaxda sare iyo Golaha Baarlamaanka” ayaa lagu yiri War Saxaafadeedka kasoo baxay. Sidoo kale, Dowlad Goboleedka Galmudug waxay dalbatay in ka hor wada-hadalada ay DFS ay xiyiraada ka qaado kaalmadii miisaaniyadeed ee Galmudug ay ku laheyd qoondada miisaaniyada qaranka iyo mashaariicda horumarineed ee hakadka ku jira muddo sanad ku dhaw si loogu adeego shacabka la dalaa-dhacaya duruufaha adag sida colaada iyo abaaraha soo noq-noqday” Gamudug ayaa sheegtay in wasiirku in ay u gudbiyeen dhankooda cabashada ay qabaan ”Wasiirka arimaha gudaha wuxuu dhageysatay dhammaan tabashooyinka madaxda kale duwan ee Galmudug. Wuxuuna dib ugu noqday Caasimada si uu la tashi ula yeesho madaxda ka sareysa”. “Wasiirka arimaha gudaha wuxuu dhageysatay dhammaan tabashooyinka madaxda kale duwan ee Galmudug, wuxuuna dib ugu noqday Caasimada si uu la tashi ula yeesho madaxda ka sareysa” ayaa lagu xiri war saxaafadeedka. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye oo dib ugu soo laabtay Muqdisho ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in heshiis laga gaaro khilaaf ka dhexeeya Dowlada Federalka iyo Maamulka Galmudug ee la xiriira qabashada doorashada Madaxweynaha Galmudug. Waxa uu sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha in kulamadaas ay kasoo baxeen isku-soo dhawaansho iyo in xal loo helo khilaafka Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad goboleedka Galmudug,isla markaana jawi wanaagsan ay kusoo dhamaadeen. “Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan la wadaaagi doonaa waxyaabihii aan ka soo wada hadalnay Madaxda Galmudug,”ayuu yiri Wasiirka arrimaha gudaha. Halkaan hoose ka akhriso war saxaafadeedka kasoo baxay Galmudug Caasimada Online Xafiiska Dhuusa Mareeb Caasimada@live.com
  16. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-278/032019​, ku magacaabay​ Maareeye ku xigeenka Haamaha Keydka Shidaalka Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaanay u dhignayd wareegtada madaxweynuhu sidan:- Wareegto Madaxweyne Magacaabid Markaan Arkay:​Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad; Markaan Tixgeliyey:​Ahmiyadda ay Haamaha Kaydka Shidaalku u leeyihiin Dhismaha Qaranka; Markaan Arkay:​Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waaya-aragnimadiisa; Markaan ku Qancay:​In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan; Markaan Sameeyey: ​La-tashi; Waxaan Go’aansaday; In Mudane, Carfaan Xaamud Cabdoo, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeye Ku Xigeenka Haamaha Kaydka Shidaalka Jamhuuriyadda Somaliland. Allaa Mahad Leh Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Source
  17. Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeeyso qasaaraha ka dhashay qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho. Qaraxaan ayaa waxaa uu ka dhacay goob maqaaxi ah oo ku taala wadada mashquulka badan ee Makka Al-Mukarama ee Muqdisho. In ka badab 15 ruux ayaa ku geeriyootay tiro intaasi ka badana waa ay ku dhawacmeen qaraxaasi. Dadka dhintay ayaa waxa ay ahaayeen dadkii ku sugnaa goobta maqaaxida ah iyo dad wadada bajaaj ku marayay iyo dad lugeeynayay. Ciidamada amaanka ayaa xeray halkii qaraxa uu ka dhacay. Puntland Post The post Faah Faahin: Qasaarihii ka dhashay qaraxii ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  18. (SLT-Hargeysa)-Dadweyne Mudaharaad Iyo Cabasho Ka Dhan Maayirka Hargeysa Ka Hor Sameeyay Afaafka Hore Madaxtooyadda Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  19. Muqdisho (Caasimadda Online) – Inta la xaqiijiey 11 qof ayaa ku dhimatay halka 16 kale ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay agagaarka Hotel Weheliye, waddada Maka Al-mukarama ee bartamaha Muqdisho. Warar soo baxaya ayaa waxaa ay sheegayaan in qaraxa Maanta uu ku dhaawacmay Shiikh Yuusuf Cali Caynte oo ka mid ah guddoomiyaha ururka islaamiga ah ee Majmaca Islaamka. Sheekha ayaa la sheegay in xilliga qaraxa uu dhacayay uu goobta ku sugnaa,waxaana qaraxa sidoo kale uu geystay khasaaro dhimasho mid dhaawac iyo burbur hantiyadeed. Shiikh Yuusuf Cali Caynte ayaa ah Aabaha Wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Qaraxa oo loo adeegsaday gaari ayaa ka dhacay goob maqaahi ah, waxaana halkaasi waxyeello ka soo gaartay dadkii goobta joogay iyo qaar kale oo la kulmay. Dadkii goob joogayaasha ahaa ayaa sheegay in gaari nuuca raaxada ah oo ka yimid dhinaca Isgoyska Debka uu ku qarxay maqaayado iska soo horjeeda kuna dhaggan hotel Wehliye ee magaalada Muqdisho. Sidoo kale gaadiid badan ayaa halkaasi ku bur buray. Khasaaraha ayaa waxaa badiyay goobta oo aheyd maqaayad iyo sidoo kale wado ay aad u isticmaalaan gaaiidka Bajaajta iyo kuwa kale ee raaxada ah. Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay DF-ka Soomaaliya oo qaraxaan ku aadan. Qaraxa ayaa ku soo aaday iyadoo shalay iyo xalay baraha bulshada ee Internet-ka lagu soo qorayay digniino amni oo la sheegay in ay ka soo baxday hey’adaha ajnabiga ah ee dalka ku sugan. Magaalada Muqdisho ayaa maalmahaan marti u noqotay qaraxyada Al-Shabaab iyo weerada Qorsheysan, waxaana muuqato inaysan jirin Istaraatiijiyad Amniga wax looga qabanayo. Muddo todobaad ah ku-dhowaad 10 qarax ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho kuwaas oo ay ku dhintayn dad badan oo shacab ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Jowhar (SMN)- Wasiir ku xigeenka wasaarada aminga maamulka Hirshabelle Geele Isaaq Warsame oo ka hadlayay arimo laxariira amniga deegaanada maamulkaasi ayaa ka dalbaday shacabka ku dhaqan gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe in ay gacan ka geystaan Sugida Nabadgalyada deegaanada Maamulkaasi. Geele Isaaq ayaa waxa uu sheegay in shacabka looga baahan yahay sida uu hadalka u dhigay in aysan dhexdhexaad ka noqonin dagaalka ka dhanka ah Al-shabab ee ka socda deegaanada Maamulka hirshabelle. Alshabab ayaa wali ku xoogan Deegaano dhaca gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe ee uu ka arimiyo Maamulka hirshabelle,waxaana inta badan weeraro ay ku qaadaan fariisimaha AMISOM iyo ciidanka dowladda ay ku leeyihiin degaanada Hirshabelle. Dhawaan ayey aheyd markii kun askari oo ka tirsanaa howgalka nabad ilaalinta AMISOM ee Soomaaliya laga saaray degmada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe,taas oo madaxweynaha Hirshabelle uu sheegay in ay saameyn ku yeelan karto howlaha maamulkiisa. View the full article
  21. New York (SMN)- Golaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa mudo kordhin dheeraad ah u sameeyay howl galka qaramada midoobay ee Somaliya ee UNSOM sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay golahaasi. Mudo kordhintaasi ayaa waxaa xubnaha golaha ay isku raaceen in ay noqot mudo hal sanno ah kadib kulan ay ku yeesheen magaalada New York ee xarunta qaramada midoobay. Golaha ammaanka ayaa howlgalka UNSOM ugu baaqay inuu sii wado taageerada uu siiyo Soomaaliya si loogu gudbo caqabado badan oo ka taagan dalka. Sidoo kale ayaa waxa goluhu uu dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka ka dalbaday in ay si wadajir ah ula shaqeeyaan xafiiska UNSOM iyo ururada kale. War qoraal ah oo ka soo baxay kadib kulanka golaha ammaanka ee qaramada midoobay dowladda federaalka ah looga dalbaday in mas’uuliyad weyn iska saarto hanaanka doorashooyinka Soomaaliya oo lagu wado in ay bilawdaan sannadka 2020. Qaramada midoobay ayaa dhinaca kale howl galka nabad ilaalinta midowga Afrika iyo dowladda Soomaliya ugu baaqay in xoojiyaan ammaanka dalka si doorashada dalka ay ugu dhacdo si xasilooni ah. View the full article